-
Content Count
212,155 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)Ururka u dooda xuquuqda dadka muslimiinta ah ee ugu weyn dalka Mareykanka iyo gabadha uu dhalay madaxweyne Donald Trump ayaa taageeray isku day ay gabar muslim ah oo ka soo jeedda Soomaaliya ku dooneyso in wax looga baddalo sharci muddo aad u dheer ka jiray aqalka wakiillada Mareykanka, oo ah inaan madaxa lagu daboolan Karin gudaha aqalkaas. Ilhaan Cumar oo ah gabar qaxooti ah oo Soomaaliya ka timid, isla markaana dhawaan loo doortay xubinnimada aqalka wakiillada ee Koongareeska Mareykanka, ayaa ku biirtay olole ay hoggaamiyeyaasha xisbiga dimuqraaddiga ku doonayaan in wax looga beddelo xeer uu aqalkaas ku dhaqmayay muddo 181 sano ah. Arrintan ayey siyaasiyiinta xisbigaasi ku damacsan yihiin in golaha wakiillada loogu fasaxo qodobbada la xiriira diimaha ee daboolidda madaxa, sida xijaabka muslimiinta, koofida Yuhuudda iyo duubka. Isbaddalladan ayaa qeyb ka ah qodobbo ay soo bandhigeen mas’uuliyiinta sare ee xisbiga Dimuqraaddiga, oo ay ka mid tahay hoggaamiyaha laga tirada badan yahay ee aqalka wakiillada, Nancy Pelosi. Bisha Janaayo ee sannadka foodda nagu soo haya ayaa la filayaa in la ansixiyo qodobbadaas marka ay Dimuqraaddigu si rasmi ah ula wareegaan aqlbiyadda aqalka Koongareeska. “Ma jirto cid igu khasbeysa inaan madaxeyga xijaab ku daboolo laakiin aniga ayaa doortay. Waa dookheyga – waana arrinta ugu horreysa ee isbaddalka lagu sameynayo” ayey Ilhaan Cumar ku tiri qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay. Qoraalkeeda ayey sii raacisay “Tanina ma aha wixii ugu dambeeyay ee aan doonayo inaan xayiraadda ka qaado”. Isku daygan ayaa hantay taageerada ururka xiriirka Mareykanka muslimiinta ah. “Waxaan taageereynaa dadaalka lagu doonayo isbaddalka xeerarka aqalka, waxaana soo dhaweyneynaa in golaha wakiillada uu noqdo meel si xornimo ah looga dhaqmo diimaha” ayuu yiri Nihad Awad oo ah agaasimaha guud ee ururkaas. Waxaa sidoo kale u riyaaqday gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee lagu magacaabo Ivanka Trump. Qoraal ay Ivanka soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku tiri “Isbaddal sharci oo muhiim ah ayaa lagu sameyn doonaa aqalka Koongareeska”. Marka 3-da bisha Janaayo uu furmo kalfadhiga aqalka Koongareeska ee 116-aad ayaa waxaa kuraastiisa kasoo muuqan doona tiradii ugu badneyd abid oo haween ah iyo dadka laga tirada badan yahay oo ay ku jiraan dadka ku hadla luuqadda Isbaanishka, Mareykanka madow, dadka Mareykanka ee asalka ah iyo xubno ka tirsan dadka isku jinsiga ah ee isguursada iyo kuwa labeebka ah. Jim McGovern oo ka tirsan xisbiga dimuqraaddiga ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo golaha. Sharciyada ku saabsan daboolista madaxa ayaan waxtar u lahaan doonin xildhibaannada qaar, sida haweeneyda lagu magacaabo Frederica Wilson oo caan ku ah iney xirato koofiyado midabbo kala duwan leh, horayna dadaal dheer ugu jirtay in aqalka laga qaado mamnuucista in madaxa la daboolo. Maadaama koofiyadda aysan diin la xiriirin, Wilson ayey wali mamnuuc ka ahaan doontaa iney koofiyad ku xirato golaha koongareeska dhexdiisa. Source
-
(SLT-Washington)War ka soo baxay ciidamada Maraykanka gaar ahaan qeybta Afrika ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya ciidamada dowlada Soomaaliya ay duqeymo ka fuliyeen deegaanka Dabad Shiil oo ku dhow degmada Xaradheere ee gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in labo duqeyn ay ka fuliyeen deegaanka Dabad Shiil lagu dilay illaa 37 dagaalame. “Duqeynta hore waxaa lagu diley 27 ka mid ah maleeshiyaadka ALshabaab,halka duqeyn labaadna lagu diley toban ka mid ah Al-Shabaab”ayaa lagu yidhi qoraalkan ka soo baxay Africom. “Waxaan qiimeyneynaa in tiro intaa ka badan ay wax ku noqdeen iyo weliba in aan qiimeyno in dad rayid ah aysan wax ku noqon.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ciidamada Maraykanka. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in qorshaha weerarkan uu ahaa mid ay iska kaashadeen ciidamada dowlada federalka ayna sii wadi doonaan duqeymaha ay ciidamada Maraykanka ka wadaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Duqeynta ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Maraykanka ayaa sanadkan sare u kacay iyadoo duqeyntana ay tahay mid gobolo kala duwan ay ka dhaceen. Source
-
Madaxweynaha Somaliland ayaa magaalada Burco uga soo hanjabay dowladda federaalka, isagoo ka hadlayay xaaladda geeska Afrika. Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan safar ugu baxay goballada dhaca Bariga Somaliland ayaa waxa uu maanta gaaray magaalada Burco ee Xarunta gobalka Togdheer. Isagoo dadweyne kula hadlayay magaaladaasi Burco waxa uu soo hadal qaaday xaaladda wadamada gobolka iyo isbahaysiga dowladda federaalka, xukuumadda Itoobiya iyo maamulka Eratariya. Wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka aynaan waxba yeeli karaynin, isagoo tilmaamay in gollaha ammaanka ee Qaramada Madoobe ay geeysay bayaan sheegaya in lala maquuniyo Somaliland sida uu Biixi Cabdi hadalka u dhigay. Waxaa uu sidoo kale Biixi kaga hadlay arrimaha doorashooyinka golayaasha Somaliland oo dhowaan buuq badani uu hareeyay. Madaxweynaha Somaliland Biixi ayaa sheegay in doorashooyinkii Somaliland ka dhici lahaa horaanta sanadkan uu dib u dhac ku yimid balse xisbiyada mucaaridka uu ku rajo weyn yahay inay xal ka gaadhan marka la gaadho sanadka 2019. Sidoo kale colaad beeleedyo ka taagan Somaliland ayuu soo hadal qaaday, isagoo ku baaqay in laga shaqeeyo nabadgalyada. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/CODKA-MW-BIIXI-20-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Baydhabo waxaa si xowli ah uga soconaya diyaargaroowga doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed. Doorashada oo lagu waday in ay dhacdo 17-kii bishaan ayaa dib u dhac uu ku yimid waxaana la muddeeyay dabayaaqada isla bishani in ay qabsoomayso. Fowzi Cabdinuur oo kamid ah ururrada bulshada Baydhabo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inuu jiro gaabis ka muuqda shaqada guddiga doorashada madaxtinimada islamarkaana ay sabab u tahay dib u dhaca doorashada. Aqoonyahanka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in howsha si dardar leh loo wado si looga baaqsado dib u dhac kale oo laga cabsi qabo. Waxaa sidoo kale uu xusay jiritaanka faragalin arrinaas oo waxaa weeye wararkeedu uu in muddo ahba ka soo yeerayay Baydhabo. Waxaa sidoo kale wax ka weydiinnay xaaladda magaalada, diyaargaroowga doorashada iyo aragtida bulshada sida ay tahay. HOOS KA DHAGEYSO: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Baydhabo ee gobolka Baay gaaray guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari. Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoo ay kaga hortageen garoonka diyaaradaha ee magaalada. Guddoomiyihii baarlamaanka ayaa ka sheegay magaalada Baydhabo in masiirka shacabka Koonfur Galbeed uu ku jiro gacanta xildhibaanada baarlamaanka, ayna xor u yihiin inay doortaan cidda ay doonaan. 7 Maalin kadib waxaa magaalada Baydhabo ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo guddiga doorashada aysan wali bilaabin qabashada araajida musharixiinta Koonfur Galbeed. Socdaalka Jawaari ayaa la rumeysan yahay inuu la xiriiro doorashada, waxaana waxana soo baxaya inuu kulamo la qaadan doono xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed. ma cadda musharaxa uu taageersan yahay. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mareykanka oo war kasoo saarey duqayn uu ka filiyay Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa wuxuu sheegtay in duqayn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan xoogaga Al-Shabaab. Weerarka cirka ah oo uu talisku tibaaxay inay ka dhacday nawaaxiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo ahayd labo duqayn ayuu shaaciyay Mareykanka inuu ku khaarijyeen ku dhawaad 30 xubnood. Ma jiro war rasmi ah oo ay kooxda Al-Shabaab kasoo saartay duqayntaan, oo shalay oo Isniin ahayd dhacday. Mareykanka ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay sarre u qaaday weerarada dhinaca cirka ah ee uu ka fulinayo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isaga oo beegsanaya Saldhigyada Al-Shabaab iyo goobaha kale oo ay ku sugan yihiin. The post Mareykanka oo war kasoo saarey duqayn uu ka filiyay Somalia appeared first on Shabelle. View the full article -
Roma (Caasimadda Online) – Isniintii shalay aheyd, dalka Talyaaniga waxaa booqasho rasmi ah ay uga wada bilaabatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Amiirka Qatar Tamiim Bin Xamad. Booqashadan oo ah markii ugu horeysay oo mid weliba uu Talyaaniga tago ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in qorsha iyo barnaamijka labada mas’uul uu ku jiro inay is arkaan. Villa Somalia ayaa isniintii sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu Talyaaniga ku tagayo booqasho 3 maalin ah halka isla isniintii ay Amiir Tamiim Roma uga bilaabatay booqasho 2 maalin ah. Amiir Tamiim oo ka yimid Croatia ayaa ilo halkaasi ku sugan waxaa ay sheegayaan in lagu wado inay is arkaan madaxweyne Farmaajo, taasi oo ah is-arag dadban, oo ka duwan midkii indhaha Soomaalida, gobolka iyo Caalamka arki jireen ee ka dhici jiray caasimadda Doxa. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Qatar u booqday 2 jeer, May 2017 iyo May 2018, isaga oo xiriir fiican la leh Doxa, go’aan dhex-dhexaadnimo ahna ka qaatay xiisaddii Khaliijka. Wixii wararkan, ka soo baxa, Kala soco, Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Roma Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-20112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jabuuti (PP) ─ Xulalka kubbadda cagta 23-jirada Somalia ayaa guul ka gaaray xulka Itoobiya oo kulankii labaad ee is-reeb-reebka ciyaaraha Olombikada Adduunka ay ku yeeshay garoonka AL-Haji Guled ee magaalada Jabuuti. Cayaartoyda Xulka Somalia ayaa ku badiyay cayaartii galabta 1-0, waxaana guusha xulka 23-jirada Somalia looga dabaal-degay Garoonka oo Soomaali badan ay ku sugnaayeen. Kulankii ka horreeyay midkan ayaa xulka Somalia waxaa looga adkaaday 4-0, iyadoo xulka Smalia ay guul-darro weyn kala kulmeen cabaartaas oo ka dhacday magalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya. Goolka xulka Soomaaliya oo ahaa laad toos ah ayaa waxaa u dhaliyay Feysal Xasan Axmed oo ka mida lacibiinta qurbe-joogta ee xulka ka mid noqday, iyadoo guushan ay noaqonayso mid soo celinaysa rajadii Soomaaliya. Dhanka kale, Ma ahan markii ugu horreysay oo xulka Somalia ay sidan oo kale uga adkaadaan xulka Itoobiya, balse dhawr jeer oo hore ayay dhacday, inkastoo xulka Somalia aysan u soo bixin tartankii cayaarihii loo loolamayay. Ugu dambeyn, Cayaartoyda xulka Somalia ayaa waxaa ku socda isbedel aad u weyn, iyadoo la doonayo inuu isbedel ku yimaado heerka cayaaraha dalka, iyadoo xulka Somalia uu guul-darrooyin badan la kulmay tan iyo markii dib boorka looga jafay, sannado ka hor. PUNTLAND POST The post Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Maanta afka ciidda u daray Xulka Waddanka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Washington (PP) ─ Gabadha uu dhalay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee lagu magacaabo Ivanka Trump ayaa taageertay Ilhan Omar oo ka soo jeedda Somalia, dhawaannaha ku biirtay Congaress-ka Mareykanka. Tallaabadan ayaa salka ku haysa isbedel ay doonayso in lagu sameeyo sharci muddo dheer u yallay Aqalka Wakiillada Mareykanka oo ah inaan madaxa lagu daboolan karin gudaha aqalkaas. Ilhan Omar oo dhawaan noqotay Gabadhii u horeysay ee Muslim ah oo ka xijaaban madaxa oo loo doortay xubinnimada Koongareeska Mareyaknka ayaa wadda olole uu wado xisbigeeda Dimuqraaddiga oo ay ku doonayaan in wax looga beddelo xeerkan oo lagu soo dhaqmayay 181 sanadood. Sidoo kale, Arrintaan ayay siyaasiyiinta xisbigaas ku damacsan yihiin in golaha wakiillada loogu fasaxo Qodobbada la xiriira diimaha ee daboolidda madaxa, sida xijaabka muslimiinta, koofida Yuhuudda iyo duubabka kale. Dhanka kale, Sannadka soo socda ayaa la filayaa in la ansixiyo qodobbadaas marka ay Dimuqraaddigu si rasmi ah ula wareegaan Aqlbiyadda Congress-ka Mareykanka, inkastoo aan la ogeyn tallaabada uu qaadi doono Trump marka la ansixiyo qodobbadan. “Ma jirto cid igu qasbaysa inaan madaxeyga xijaab ku daboolo, balse aniga ayaa doortay. Waa dookheyga, waana arrinta u horreysa ee isbedelka lagu sameynayo. Arrintan ma aha wixii ugu dambeeyay ee aan doonayo inaan xayiraadda ka qaado,” ayay tiri Ilhan Omar. Ivanka Trump ayaa taageertay arrinta isbedelka ay dooneyso Ilhan Omar in lagu sameeyo Congress-ka, waxayna qoraal ay soo dhigtay Twitter-keeda ku tiri “Isbadel sharci oo muhiim ah ayaa lagu sameyn doonaa aqalka Koongareska.” Ugu dambeyn, Madaxweynaha Mareykanka ee dhalay Ivanka ayaa waxaa lagu yaqaanaa hadallo muslim nacayb ah, iyadoo aan la ogeyn sida ay iskula jaan-qaadi karaan go’aannadiisa iyo taageerada gabadhiisa ay siinayso Ilhan Omar. PUNTLAND POST The post Gabadh uu dhalay Madaxweyne D. Trump oo Tageertay Ololaha ay Waddo Ilhaan Cumar appeared first on Puntland Post.
-
script async src=”//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js”> Qaab noocee ah ayaa loo sameeyey Gudigii Khilaafaadka Doorashadii tan ka horaysay ee 2014. Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa wuxuu 3 Decembar 2013 uu magacaabey Gudiga khilaafaadka Doorashadii 2014 kaasoo koobnaa 8 xubnood, Waxaa Gudigaas durba ka horyimid Musharixiintii u tartami lahaa Madaxweynanimada, Xubnahaas waxaa kamid ahaa oo hogaaminayay Madaxweynaha Xilka hada haya oo markaas Musharax ahaa Iyo Cali Xaaji Warsame oo isna Musharax ahaa isla markaasna ahaa Afhayeenka Musharixiinta. Muran xoogan ayaa wuxuu xiligaas ka dhashay Gudigii uu Madaxweyne Faroole uu Magacaabay, Madaxweyne Faroole wuxuu ku adkeysanayay inuu isagu sharci u leeyahay inuu Magacaabo Gudiga Khilaafaadka Doorashada halka ay Musharixiintii oo uu hogaaminayay Prof. Cabdiwali Maxamed Caligaas ay iyana ku adkeysteen in iyaga laga talo galiyo magacaabista Gudigaan , Khilaafku wuxuu gaaray in Isimada Puntland iyo Ergaygii gaarka ahaa ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya ay Garowe yimaadaan si ay uga qaybqaataan xalinta khilaafka Madaxweynaha iyo Musharixiintii. Aakhirkii is jiijiid,Muran Siyaasadeed iyo Shirar wada tashi kadib waxay Musharixiintii soo jeediyeen in ay aqbalaan gudiga iyagoo hal sharuud ku xiray Madaxweyne Faroole Sharuudaasoo ahayd in Gudiga Khilaafku ay hoos yimadaan Marjacna ay u noqdaan Isimada Soo jireenka ah ee Puntland, Sidaas ayay ku howl galeen Gudigii uu Magacaabay Madaxweyne Faroole. Gudigaas waxay ku guuleysteen in si muran la’aan ah ay ku xaliyaan ddacwadaha la xiriira Beelaha Xildhibaanada isku haystay. Madaxweyne Gaas oo xiligaas kamid ahaa Musharixiintii 2014, Ma wuxuu mari doonaa wadadii Faroole oo wuxuu iskii usoo magacaabayaa Gudi Khilaafaad mise wuxuu kala tashanayaa Musharixiinta Puntlandi.com Source
-
Iyadoo wali wakhti ka harsan yahay xiliga kama dambeysta ah lagu diyaarinayo 66 Xildhabaana cusub ee Puntland ayaa waxaa hada si dardar ah uga socda Gobolada soo xulista Xildhibaanada. Beelaha qaarkood waxay durba soo diyaariyeen Shaqsiyaadka ay usoo dirsanayaan Garowe, Beelaha qaar ayA iyana waxay ku mashquulsan yihii beesha xiligaan kursiga qaadaneysa halka qaarna uu muran ka jiro. Mana ahan markii u horaysay oo muran noocaan ah uu ka dhaco soo xulida kuraasta xildhibaanada, Doorashadii hore ee 2014 muran noocaan ah ayaa jiray kasoo gaaray in kuraasta qaar ay kala saaraan Gudigii Xalinta Khilaafaadka ee Madaxweynihii xiligaas Mudane Sanatar Cabdiraxmaan Faroole uu xiligaas Magacaabay. Inta u dhaxaysa 25 ilaa 30 December waxaa lagu wadaa sidii caadada ahayd in 66-da kursi ay diyaar yihiin, Sanadka cusubna intaan la gaarin 4 janasyo waxaa dhacaysa Doorashada Gudoomiye iyo ku xigeenadiisa, Kadibna waxaa laguda galayaa Doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Gufiggii Doorashada ayaa la filayaa in uu Madaxweynuhu ku dhawaaqo ugu dambeyn bilowga Diseembar. Puntlandi.com Garowe Source
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa sheegay in 37 ka mid ah dagaalyahannada Al-Shabaab lagu dilay duqeymo ka dhacay gobolka Mudug. Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahan ay dhaceen 19-kii bishan oo ahayd maalintii isniinta. Mid ka mid ah duqeymaha ayaa waxaa lagu dilay 27 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana sida AFRICOM uu sheegay uu ahaa weerar qorsheysan oo sidii la rabay u dhacay. Weerarka labaad ayaa isna lagu dilay 10 ka mid ah Shabaab. Labada weerarba waxay ka dhaceen deegaanno u dhow magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug. Ciidamada Mareykanka waxay sheegeen in weeraradan la fuliyey ayada oo gacan la siinayo dowladda federaalka Soomaaliya, oo wadda dagaal lagu wiiqayo Al-Shabaab. “Duqeymaha waxay yareeyaan awoodda Al-Shabaab ay u lahaan karto mustaqbalka inay qorsheyso weeraro, islamarkaana la burburiyo hoggaanka shabakadan iyo xoriyadda dhaqdhaqaaqooda” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka. AFRICOM ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga hor-istaago inay hesho gabaad ay ku dhisto cudud islamarkaana ku qorsheyso weeraro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Gaashandhiga Somalia, Xasan Cali Maxamed ayaa maanta sheegay in Wasaaradda Gaashaandhiga ay xooga saareyso sidii ay uga hor-tegi lahayd in carruurta la askareeyo. Wasiirka ayaa sheegay in askareynta carruurta ay tahay dambi heer caalami ah, wasaaradiisana aysan aqbali doonin oo ay sharciga la tiigsan doonaan ciddii lagu helo inay askareyso carruur. “Maanta waa maalin muhiim ah, maadama ay tahay maalinta xuska caruurta adduunka waxaan rabaa inaan kaga faa’iideysto inaan sii xoojiyo sharciga Dowladda Somalia iyo sharcig caalamiga ah ee QM uga yaalla in carruur aan la askareyn karin, innaguna waxaan ku baaqaynaa inaan carruurta aan qaan-gaarin loo adkeegsan karin askar ahaan,” ayuu yiri wasiirka Xasan oo la hadlay warbaahinta. Dhanka kale, Dowladda Somalia ayaa lagu eedeeyaa in wax sidaa u sii weyn aysan ka qaban askareynta carruurta, laakiinse hadda waxay u muuqataa in ay xooga saarayaan sidii ay wax kaga qaban lahaayeen arrintan. Kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Somalia ayaa iyaduna dhankeeda lagu eedeeyaa inay askar ka dhigayo carruur aan qaan-gaarin, iyadoo kooxda aysan weli ka hadlin eedeyaha ku aaddan inay carruur aad u da’ yar ay ka dhigtaan askar ay ku dagaalamaan. Ugu dambeyn, Hadalka wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo gaadiidka ay isticmaalaan Ciidanka Dowladda Federaalka, gaar ahaan Millateriga lagu arko mararka qaarkood carruur yar-yar oo ku labisan dharka ciidamada, isla mar ahaantaana haysta qoryaha daran-doorriga u dhaca. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo ka digay in Carruurta laga dhigto Askar appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha xisbiga midowga nabadda iyo horumarka(UPD) Xasan Sheekh Maxamuud oo isniintii gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa maanta kulan la qaatay wasiirrada iyo xildhibaannada dowlad goboleedka Jubbaland. Qodobada ay ka hadleen waxaa ka mid ahaa xaaladda dalka, daadejinta maamulka ilaa heer degmo, howlaha dowlad goboleedka Jubbaland, wasiirrada dhankooda ayaa sheegay in sharciga deegaanka uu diyaar yahay, isla markaana, marka la ansixiyo la bilaabi-doono in la hirgeliyo iyada oo laga bilaabi-doono Gedo. Xasan Sheekh waxuu booqasho ku tagay dekedda magaalada Kismaayo oo ay ka socotay shaqo aad u badan, isaga oo sidoo kale soo kormeernay dhismooyin cusub oo loo diyaarinayo qaar ka mid ah wasaaradaha dowlad goboleedla Jubbaland. Guddoomiyaha UPD waxaa uu galabta la fadhiyaa odoyaasha dhaqanka ee Jubbland isaga oo caawa si toos ay dadweynaha reer Jubbaland su’aalo u weydiin-doonaan, lana yeelan-doono kulan xog isweydaarsi ah. Mudane Xasan Sheekh waxaa socdaalkiisa ku wehliya Xildhibaanno golaha shacabka ah sida Axmed Macalin Fiqi iyo Xasan Yare iyo Senatorro ay ka mid yihiin: Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftin Xasan Baasto. Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay sidii uu guddoomiyaha isbaheysiga UPD ula kulmi lahaa mas’uuliyiinta iyo bulshada ku dhaqan Jubbaland, waxaana laga yaabaa inay qaadato wax ka badan 4 maalin. Xisbiga UDP, waxaa lagu dhawaaqay October 4, 2018, Xisbiga midowga nabadda iyo horumarka, waa xisbi qaran oo ay ku bahoobeen in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xulalka kubbadda cagta 23-jirada Soomaaliya iyo Ethopia ayaa Kulankii labaad ee is reeb reebka ciyaaraha olomikada kuwada dheelay garoonka AL-Haji Guulleed ee magaalada Jabuuti Taageeryaasha xulkeena kuma faraxsaneen ka hor kulanka maadaam ciyaartii kowaad ay wiilasheena guul daro 4-0 kala soo kulmey dhigooda Ethopia ciyaar ka dhacday caasimadooda Addis Abba Kulanka oo ku bilaawday dar daro xoogan ayna soo daawasho tageyn taageerayaal badan oo dhiiri gelinayay xirfadlayaasha qarankeena ayaa gool ku laad toos ama (Free Kick) waxaa u dhaliyay Feysal Xasan Axmed oo ka mid kooxdii kubbadda cagta qurbajoogta ee magaalada Muqdisho soo gaartay 17-October kuna sugneyd ilaa 30-October “Waxa ay inoo tahay sharaf iyo guul in xidiga aan anaga keenay dalka uu maanta qaranka gool u dhaliyo safaradeena kale ee sanadaha soo aadan waxaan rajaynaynaa guul iyo horomar” waxaa sidaas Goobjoog Sports uga waramay Nuur Xaaji Cabdi Wali oo ahaa macalinkii kooxda qurbajoogta Markii laysku soo laabtay qeybta labaad kulanka labada dal waxa ay soo bandhigey ciyaar ku dheehan xirfad,balse natiijada ayaa noqotay 1-0 oo ay guusha ku qaateyn xidigaha dalkeena Soomaaliya “Ma aanan filanaynin in gaarayo heerkan waxaa ku mahadsan cid walbo oo kaalin ka qaadatay in aan qaranka dalkayga gool u dhaliyo anigoo aan ugu imaaday in aan matalo wadanka Norway ma iloobidoono kolkii aan xertay maaliyada xulkayga waana ka sheekeendoonaan waligayga”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Feysal Xasan Axmed oo ahaa dhaliyihii guul ay ku badiyeen xidigaha 23-jirada kana mid ahaa kooxda qurbaha Dhawaan filo warbixino dheeri ah iyo sawiradda ciyaarta Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadda Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay nin iyo xaaskiisa. Falkaan ayaa ka dhacay xaafadda Cali Turcaaye ee dhanka wadada jayga aada. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dadka xaafadda degan, rag hubeysnaa ayaa guri ay dagnaayeen ninka iyo xaaskiisa kala baxay saqdii dhexe ee xalay, waxayna kusoo celiyaan iyagoo meyd ah oo si arxandarro ah loo dilay. Saakay markii ay dadka hurdada kasoo tooseen ayay arkeyn meydka ninka iyo xaaskiisa oo guriga kor loogu xiray. Dhacdadan ayaa maanta si aad ah looga hadal hayaa degmada Heliwaa. “Wuxuu ahaa shirqool abaabulan oo loo soo diyaariyey lamaanaha, balse ma naqaan waxa ay tahay” ayuu yiri qof ka mid ah dadka xaafadda oo codsaday inaan la magacaabin. Ninka iyo naagta la dilay ayaa ifka kaga tagay caruur, sida naloo xaqiijiyay. Ninka la dilay ayaa ka shaqeynayey kala wareejinta dhulalka (Dalaal), balse ma cadda haddii dilkan uu la xiriiro arrimo dhl iyo in kale. Degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshid ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa mudooyinkii dambe kusoo batay dilalka argagaxa leh ee loo geysto dadka shacabka xiliyada habeenkii. Labada degmo ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Shabaab, balse lama oga in falkana ay ka dambeysay Al-Shabaab iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Gedo)Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Fafax-dhuun. Sida lagu qoray baraha Internet-ka ee Al-Shabaab wararka ku faafiso madaafiic ayaa lagu garaacay saldhigga Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka madaafiicda kaddib uu xigay dagaal xooggan oo labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in la iska difaacay weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Fafax-dhuun, isla markaana tiro dagaalamayaal ka dileen. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid socday saacado, isla markaana labada dhinac isku adeegsadeen madaafiic. Deegaanka Fafax Dhuun ayaa hoostagta degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaa gacanta ku haya ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya oo saldhig milateri ku leh. Source
-
Itoobiya oo Wakiilkii u Fadhiyey Hargeisa la baxday+Sababta
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Itoobiya oo Wakiilkii u Fadhiyey Hargeisa la baxday+Sababta Qaar ka mid ah Warbaahinta Geeska Afrika ayaa Saacaddihii lasoo dhaafay qoraayay in Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya Qunsulkii u joogay Somaliland dib ugu yeertay. Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in sababta loogu yeeray Qunsulka in ay tahay Isbadelka ka socda Geeska Afrika,islamarkaana Itoobiya ay guud ahaan joojisay xiriirkii kala dhaxeeyay Somaliland,taas badalkeena Arrimaha Somaliland ay kala tacaamuli doonto Soomaaliya. Qunsulka oo lagu Magacaabo Bereha Tesfay ayaa shalay gelinkii dambey gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii uu diyaarad ka raacay Magaalada Hargeysa. Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa Warbaahinta u sheegay in Bereha Tesfay, uu saraakiisha Somaliland shalay ku wargeliyay in ay u yeertay dowladdiisa isaga oo aan sheegin wax intaas dhaafsiisan. Sababta ugu weyn ayaa lagu sheegay in tahay in dowladda Itoobiya ay kala noqotay Somaliland xiriirkii dublomaasiyadeed ka dib markii Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ,Eritrea iyo Itoobiya ay isku raaceen ilaalinta Midnimadda iyo Madaxbaanida Saddexda dal. Somaliland ayaa 20 kii sano ee lasoo dhaafay xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay dowladda Ityoobiya, waxaana soo maray dhowr Qunsul oo Somaliland si gaar ah ula tacaamuli jiray. Xiriirka Jabuuti iyo maamulka Somaliland ayaan isaguna fiicneyn kaddib markii ay Somaliland heshiis la gashay Sharikadda DPWorld ee lagu wareejiyay Berbera taas oo ay Jabuuti u aragtay tartan dhinaca dekadaha ah,waxaana ay ruqsaddii kala noqotay DPWorl oo maamuleysay Dekadda Dooraale ee Jabuuti. Somaliland ayaa dhawaan xafiis ka shaqeeya horumarinta Xiriirka Ganacsiga ka furatay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa isna dhawaan sheegay in Dowlado badan ay weydiisteen dowladda dhexe in ay qunsuliyado ka furtaan Magaalada Hargeysa kana oggolaadeen. Isbadellada ka socda Geeska Afrika ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u muuqda in uu meesha ka saaray Qulqulkii siyaasadeed ee dowladda Itoobiya ay ku heysay Soomaaliya. Qaran News -
Isniintii shalay aheyd, dalka Talyaaniga waxaa booqasho rasmi ah ay uga wada bilaabatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Amiirka Qatar Tamiim Bin Xamad. Booqashadan oo ah markii ugu horeysay oo mid weliba uu Talyaaniga tago ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in qorsha iyo barnaamijka labada mas’uul uu ku jiro inay is arkaan. Villa Somalia ayaa isniintii sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu Talyaaniga ku tagayo booqasho 3 maalin ah halka isla isniintii ay Amiir Tamiim Roma uga bilaabatay booqasho 2 maalin ah. Amiir Tamiim oo ka yimid Croatia ayaa ilo halkaasi ku sugan waxaa ay sheegayaan in lagu wado inay is arkaan madaxweyne Farmaajo, taasi oo ah is-arag dadban, oo ka duwan midkii indhaha Soomaalida, gobolka iyo Caalamka arki jireen ee ka dhici jiray caasimadda Doxa. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Qatar u booqday 2 jeer, May 2017 iyo May 2018, isaga oo xiriir fiican la leh Doxa, go’aan dhex-dhexaadnimo ahna ka qaatay xiisaddii Khaliijka. Wixii wararkan, ka soo baxa, Kala soco, Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ka bad baaday qarax gaarigiisa loogu xiray ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu qaraxaasi u dhacay. Xildhibaan Jeesoow ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xili uu ka dagay gaariga xili uu galay mid kamid ah Hoteelada Muqdisho. Xildhibaanka ayaa sheegay in qaraxaasi in uu dhaawac culus ka soo gaaray darawalkiisa oo doonayay in uu gudaha u galay gaariga xiliga qaraxa uu dhacayay. Waxa uu sheegay in ha’adaha amaanku ay hadda wadaan baaritaano ku aadan qaabka uu qaraxaasi u dhacay. Hoos ka dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Xildhibaan-Jeesoow-PP-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo faah faahiyay qarax uu ka bad baaday appeared first on Puntland Post.