Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-151118-1.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle November 14, 20180 appeared first on Shabelle. View the full article
  2. “Waa halkii sheekadii Ba-xawaadle (Ogaadeen) ka dhex dhacdaye, Illaahay Hal diid, Ba-xawaadlena hal diidday, anniguna hal diiday….. Immika WADDANI hal diid, KULMIYE hal diiday; Guddigii Doorashooyinkuna Qaranka hal diid” Bishii February ee sannadkii1986-kii, ayaan xoolo ka saaray doon ka baxday tuulada Ceelaayo oo qiyaas dhan 27 kiilomitir u jirta magaalada weyn ee Boosaaso. Sida la ogyahay meesha la yidhaahdo Qaw oo u dhaw Ceelaayo ayaa ah xadka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, halkaas ayuunna Talyaanigu ka fadhiyi jiray dhinac, halka Ingiriiskuna joogi jiray dhinaca kale, sida xadka Lowyacado oo kale. Carabta ka ganacsata xeebaha Somaliland waxay odhan jirtay; “Ceelaayo walaaya, laakin ahluhaa belaaya.” Waxa kaloo ay odhan jireen; “Law tishti kadib mujamac roox Xiise wa Maydh wa tasamac!” Ceelaayo, Xiis, Maydh, Berbera iyo Saylac waxay ka mid ahaayeen magaalooyin waa hore (taariikh hore) la degay, sida lagu sheegay khariidadda Badda Cas oo lagu magacaabo Khariidadda Greek Periplus ee la qoray qarnigii labaad (200 AD). Sida ku cad ama ku muujisan khariidaddan Badda Cas, meesha ay hadda ku taalo magaalada Berbera waxa ku xusan magaalo la yidhaahdo; “Mallo ama Malbo.” Halka magaalo la odhan jiray “Mudno” ay ku xusan tahay meesha ay hadda ku yaalaan magaalooyinka Maydh iyo Xiis, meeshaas oo ay Soomaalidu u taqaanay magac “Maduuna.” Meesha ay hadda tahay Ceelaayo, waxa iyadana ahaan jiray Musellayn ama Mosylon. Haddaba, aan ku soo noqonnee waqtigii aan xeebta Ceelaayo ka dhoofinayey xoolaha, waxa jirta in tuulada Ceelaayo ay caan ku tahay, kuna wareegsan yihiin dhismayaal taalooyin kala waaweyn, kana dhismo ah, waana meesha ugu taalooyinka badan arladda/dhulka Soomaalidu degto. Taalooyinku waa xabbaalo-wadareedyo, waxaanna loo malaynayaa in meeshu degaan weyn ahayd waqtiyo hore. Magaalooyinka xeebaha ee hadda laga guuray waxa ka dhisan fooqyo iyo daaro hadda dumay, dadka hadda degan xeebahaasi waxay ku nool yihiin cariishyo ama guryo waabab yaryar ka samaysan. Dalxiise reer Yurub ah oo mar tegay degaanka Laas-qoray ayaa dadkii degnaa weydiiyay cidda dhistay fooqyadan dumay, kadibna waxay u sheegeen, in awoowayaashood dhiseen. Dalxiisihii reer Yurub waxa uu ku yidhi; “Oo hadda maxaa idinka waababka iyo buulashan idin dejiyey, dunidu hore ayey u socotaa ee idinku ma dib ayaad u socotaan?!” Tuulada Ceelaayo ee aan markaas joogay waxa qudha ee daaraha ka bed-qabay masaajid weyn oo la dayactiro oo aad u fiican. Haddaba, waddaad aroorta hore dadka salaadda u kicin jiray ayaa ku dhawaaqi jiray tiraabta aan madaxa uga dhigay qoraalkan; “La kala dheeree, orodse maaha.” Khayrkii loo kala dheeree, haseyeeshee oradkii olomibaga ee Mo Farah billadaha ku qaatay maaha. Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa soo bogaadisay dhowaan wax lagu tilmaamay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Baydhabo ee Koonfurta Galbeed Soomaaliya. Cajab! Beenaw tii shan-u-roon ahayd xaggee ayey ku dambeysay Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilladu ee muddo dhaafay. Sheekadu ma awoowayaashayada ayaa qaban jiray doorashooyinka miyaa, oo dib ayey u socotaa? Doorashoooyinku waa balaayo xijaabka Somaliland ama waa (Fire wall) xaafaddan odaya-xunta ah ee lagu mashaqeeyey keli-taliyeyaasha ee IGAD ayey innaga hor joogsataa, haddii la waayo doorasho iyaga oo ciidammadoodu oorinayaan ayey shaqo innaga dhigan doonaan sida Soomaaliya oo kale. Waar ha loo tudho dalka iyo dadkaba oo sagaal xubnood (9) waa laga heshiin karaa oo toddobadan (7) qof ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, haddii aan arrintu ka sii daba dheerayn. Alla maxaa laga digay cidhib-xummaanta ka iman doonta qodobka dastuurka ee xakameeyey axsaabta ee saddex xisbi ku soo koobay. Nuqulkii loo gudbiyey labada Gole ee Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) in wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobkaas xisbiyada oo xakamayntii laga saaray oo xukuumaddu wadatay aniga oo Guddoomiye ka ahaa Guddiga soo-jeedinta wax-ka-beddelka dastuurka intaan aftida la qaban. Waxa si badheedh ugu hor yimi xubno ugu tunweynaa Golayaasha oo ka ololeeyey wax-ka-beddelkaas, taasi waxay oggolaatay in xisbi qudhi uu daadafayn karo qabsoomidda doorashada, haddii aan soo-jeedintiisa la yeelin. Maanta WADDANI, shalay KULMIYE, berri UCID. Waxa ka daran saddexda xisbi ee markaas joogaa midna ma oggola in qodobkaas la taabto. Qoraalo hore ayaan kaga hadlay dhibaatada saddex xisbi ee kootaha loogu xidhay ka-qaybgalka siyaasadda iyo dimuqraadiyadda reer Somaliland ay u keeneen dalka oo ay ragaadiyeen geeddi-socodkii dimuqraadiyadda oo qoorta isaga duubeen isbeddelkii siyaasadda. Haddaba, inta aan wax-ka-beddel loogu samayn qodobkaas dastuurka, oo u baahan 2/3 codka mudanayaasha labada Gole ee Baarlamanku (Guurtida iyo Wakiilladu) inay ansixiyaan, si aanay doorashadu cid ugu deldelnaan ama xeerka doorashada lagu darin in murrashaxyo madaxbannaaani ay ka qaybgeli karaan doorashooyinka, taasoo hawl yar oo hal cod dheeri ah u baahan oo Golaha Wakiilladu keligood ku kooban, iyada oo Qodobka 9-aad ee dastuurka la beddelin, kaas oo sidan u dhigan. Qodobka 9aad: Nidaamka Siyaasadeed Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad iyo talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan. Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badan karaan saddex (3) xisbi. Faqradda labaad muran badan ayaa ku jira. Hadda halkan kuma soo qaadi karno dib-u-habaynta dastuurka iyo xeerka doorashada ee waxa loo baahan yahay xaaladda taagan sidii xal loogu heli lahaa ee doorasho u dhici lahayd oo reerkan daalay loo dejin lahaa. Mindi-mindi ku-taag ayaa xaaladdii maraysaa iyo car iyo wir. Xisbiga WADDANI hal diid; oo wuu diiday inuu doorasho ka qaybgalo haddii aan la kala dareerin Guddigan Doorashooyinka Qaranka ee hadda jira oo mid cusubi aannu iman. Xukuumadda xisbiga KULMIYE ka soo jeedaa hal diiday; in aan la kala dirin Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo aannu xilligoodii dhammaan, isla markaana aan qof walba gooni loo soo eedayn oo habka sharciga la marin. Guddigii Doorashooyinku Qaranka hal diid, inay bisinka iska qabsadaan oo istiqaalad iskood u keenaan oo xilka banneeyaan lagu kari waa oo diid. Waa sheekadii Bah Xawaadle (Ogaadeen) ee qarnigii 19naad ka dhex dacday, Haddii nabadda ceelkaan ku rido ciddi ka soo saarto Abwaan Nuur Ibraahim (Nuur-Jiir) Ilaahay hal diid, inuu walaalkay soo nooleeyo diid. Bah Xawaadle hal diiday inay walaalkay laba maggood iga siiso diiday. Anna hal diiday, inaan walaalkay laba maggood waxaan hayn ka qaato diiday. Waar qarnigii 21aad ayaan joognaa oo kasiweynay, Waxu waa qabaal, waadna kabataan’eh. Abwaan Ismaaciil Mirre Cilmi Haddaba, bal sidiriq sida arrinkani u suurtagal yahay: dhaqanka Soomaalida waxa uu ahaa ka hor inta aannu Khawaajuhu (reer Galbeedku) nashuushadayn in labadii qof ee isku qabta arrin; loo kala gooyo arrinka ay isku hayaan, si cid kastaa u guulaysato oo weji-gabax u dhicin (win-win solution). Soo jeedinta arrintan lagu furdaaminayaa waxay tahay sidan: Guddiga Doorashooyinka qaybtood ha la kala diro oo kuwa cusub ha lagu beddlo ,qaybina ha sii joogto. Xubinta dumarka ah iyo labada xubnood ee beelaha darafyada ka soo jeedaa ha sii joogeen. Afarta xubnood ee kale ee beelaha dhexe ka soo jeedaa ha la beddelo. Hadalka duulay daayoo, Reerka daalay dejaay, dejiyaay dejiyaay Abwaan Maxamed Cumar Xuseen (Huryo) Arrinta kale ee aan doonayo in aan ka hadlo waa dhibaato lale oo haysata dalka iyo dadka Somaliland, taasoo saldhig u ah sicir-bararka, waana arrinta galaafan karta dhaqaalaha dalka, haddii aan laga hortegin, arrintaasina waa labada sarif ee khuseeya lacagta doollarka. Midi waa sarifka dowladda ama sarifka cashuurta doollarka oo ah toddoba kun oo Somaliland shillin ah (7,000 SLSH) Iyo Sarifka labaad oo ah sarifka suuqa ee xukuumadda iyo shicibkaba wax lagaga iibiyo oo halka doollar ah lacag dhan toban kun oo Somaliland shillin ah ($1 la mid yahay 10,000 SLSH) Arrintaasi waxay jaha-wareer ku samaysay sarifka oo waxay keentay hoos-u-dhaca joogtada ah ee shillinka Somaliland, taas macnaheedu waxa weeye waxa la kabaa baddceedda la soo waarido boqolkiiba 40 ama (40%). Badeecaddaas oo uu ku jiro sigaarku, qaadka, cadarka, baabuurta raaxaada oo haddii quutal-darrooriga ay ku koobnaan lahayd cawo ayey noqon lahayd. Arrintaas labada sarif ah qoraalo hore ayaan ku soo qaaday. Ganacsatada qiimaha doolarka goysaa, illeyn Baanka Dhexe lacag adag ma haysto uu ku xakamayn karo qiime-barrarka doolarka, waxay had iyo goor ku dedaalaan faraq weyni u dhexeeyo sarifka ay wax ku cashuurtaan iyo ka ay wax ku iibshaan, si ay macaash badan u helaan, waa arrin caadi ah oo aan lagula yaabi karin. Qofku waa ka faa’iidaystaa daldaloolada sharciga isaga oo aan jebinayn. Hadda dawladda Federalka ah ee la aqoonsaday ee intaas jalaafadda u dhigaysa Somaliland, waxa loo soo daabacayaa lacag cusub Baanka Adduunka ayaa lacag siiyey, waxanna lagala talinayaa lacagta, oo lala dhisaya habka maamulka. Haddaba, waxa iman doonta in lacagtaas ka xoog badato Somaliland shilinka oo sida birta Itoobiya inuu qabsatay ay iyana innagu soo faafto. Haddii inta goori goor tahay aan la adkayn lacagta Somaliland oo xukuumaddu ku qaadan cashuurteed sarifka suuqu hadba inta uu joogo, haddii kale sheekadu waa, “La kala dheeree, orodse maaha.” Bal adba! Source
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Maxamed Ibraahim Barre Gudoomiyaha Gobolka Sh Hoose ee Maamulaka Koonfur Galbeed ee Somaaliya ayaa sheegay in Maamulaka G Sh Hoose uu ku guuleystay qaadista isbaarooyin hor leh oo la soo dhigay inta u dhaxeysa Degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn ee Gobolkaasi. Gudoomiyaha Gobolka Sh Hoose ayaa tilmaamay in isbaarooyinkaasi ay xanibeen isku socodkii gadiidka gobolkaasi isagoona tilmaamay in lagu guuleystay in la sii daayo gadiid ku xayirnaa Dulleedka Degmada Afgooye ee Gobolkaasi. Gudoomiye Maxamed ibraahim ayaa ugu danbeyntii sheegay in xubno ka tiran Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ay la gaashadeen qaadista isbaarooyin la soo dhigay Deegaano aka tirsan Gobolkaasi. The post Isbaarooyin hor leh oo laga soo dhigay sh/hoose oo la qaaday appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo ballaaran ka wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Howlgalladan ayaa ah kuwo ay ciidanka ku raadinayaan rag xalay magaaladaasi ku diley mid ka mid ah nabadoonada sida weyn looga yaqaanay B/weyne. Nabadoonka la diley ayaa lagu magacaabayey Cismaan Yuusuf Ciiley, waxaana diley rag hubeysan oo goobta isaga baxay. Saraakiisha ammaanka B/weyne qaarkood oo aynu xiriir la sameennay si aan wax uga weydiinno howlgalladan ayeey ka gaabsadeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Baladweyne (Sh.M.Network) –Wararaka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay xaafada howwadaag ee Magaaladaasi lagu dilay Nabadoon caan ahaa kaasi oo lagu Magacaabi jiray Marxuum Cusmaan Xuseen Ciileey oo ka mid ahaa odiyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan. Dabley hubeysan ayaa Nabdoonka dishay iyadoona halkaasi ay ka baxsadeen sida ay xaqiijiyeen Dadka Deegaanaka. Ciidamo ka tirsan Maamulaka hir shabelle ayaa goobta gaaray iyadoona halkaasi ka sameeyey baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxdii falkaasi ka danbeysay. Wararkii ugu danbeeyey ee saakay ayaa sheegaya in howgallo ay ka socdaan Magaalada Baladweyne kaasi oo lagu baadi goobayo kooxdii dilka ka geysatay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan. The post Howgallo Saakay Socda Baladweyne Ka Dib Dil xalay ka dhacay Magaaladaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  6. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan ugaga hadlay xidhiidhka cusub ee wadamada Soomaaliya,Ethiopia iyo Eritrea. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay xidhiidhka dalalka Gobolka, Iskaashiga Dhaqaale ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya iyo mustaqbalka waxa uu Soomaaliya uga dhiganyahay heshiiska saddex geesoodka ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in tobanaankii sano ee ugu dambeeyay Soomaaliya lagu hayay faragelin toos ah balse waxaa uu xusay in madaxda dhiggiisa uu kala hadlay in Soomaaliya laga daayo faragelinta, taasi oo keentay in la helo iskaashi balaaran oo dhex mara dalalka Geeska Afrika. “Shirkii ugu horeeyay ee saddex geesoodka ahaa waxa uu ka dhacay Asmara, Eretriya, kii labaad waxa uu ahaa isbuucii la soo dhaafay Bhar Dar Ethiopia, kan saddexaadna waxa uu ka dhici doonaa Soomaaliya, haddii uu Alle yiraahdo”. ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u rajeeyay in iskaashigan ay wax badan ka faa’iideysan doonaan. Warkan ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo beegmay xilli maanta Golaha Ammaanka uu isku raacay in cunoqabataynta laga qaado dalka Eritrea. Source
  7. Meenakshi Valand waxa ay ka mid tahay dadka aadka u yar ee ku nool dunida ee ilmo ku dhala habka tallaalka ama ku abuuridda minka. Aaad ayeyna arrinkan ugu faraxday. “Oohinta ayaan joojin waayey markii ay gabadhayda dhalatay. Waxaa iga dhintay lix ka mid ah carruurtayda sanadihii la soo dhaafay,” Haweeneydan oo 28 sano jir ah ayaa waxa ay ku dhashay dalka Hindiya bishii la soo dhaafay kaddib markii ay hooyadeed min ugu deeqday. Muddadii 9ka sano ahayd ee ay xaaska ahayd, Meenakshi waxa ka dhintay laba ilmood kaddib markii ay waqtikeeda dhamaysatay, afar mar oo kalana ilma ayaa ka dilmay taa oo dhaawac u keentay ilma galeenka. Lahaanshaha sawirkaGALAXY CARE HOSPITALImage captionRadha Waxa ay booqatay dhakhtar lagu magacaaba Dr Shailesh Putambekar, kaasoo madax u ah qaybta samaysa talaalka minka dumarka ee isbitaalka Galaxy Care Hospital oo ku yaala magaalada Pune. Hooyadeed oo lagu magacaabo Sushila Ben ayaa ugu deeqday minkeeda si ay gabadheeda carruur u dhasho. Tallaalka makaanka ayaa waxaa sameeyey koox ka kooban 12 dhakhtar bishii Meey ee sannadkii 2017kii. Dr Putambekar ayaa sheegay in dhiigga uu sare u kacay ayna go’aansadeen inay qaliin ku sameeyaan . Cunuga ayaa ku dhashay dhicisnimo, balse waa ay wanaagsantahay xaaladdooda caafimaad.” Waa markii ugu horreysay ee dhalma noocan ay ka dhacdo dalka Hindiya, waana markii 12 aad ee ay adduunka ka dhacdo. Taariikhda tallaalidda makaanka: Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Dumarka lagu tallaalo makaanka ayaa waxa laga sameeyey 12 dal oo kala ah Sweden, Sucuudiga, Turkey, Mareykanka, Shiinaha, Jamhuuriyadda Czech, Brazil, Jarmalka, Serbia iyo Hindiya. Sida uu qaliinkan u shaqeeyo? Xilligii uu socdo qaliinka, xubnaha ayaanan la talaalin kaddib dumarka ma dareeman xanuun xilliga foosha. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Sidda ay kooxdan ka howlgala isbitaalka Galaxy Care sheegeen , lacagta ku baxaysa habkan ayaa gaaraysa 11 kun oo doolar. Balse qaliinka lagu sameeyay ee loogu tallaalay makaanka Meenakshi Wayanad ayaa ah madkii ugu horreeyay ee lagu sameeyo dalka Hindiya wax lacagna kuma aysan bixin. Sanad kaddib markii tallaalkan la sameeyey, dhakhaatiirta ayaa go’aansaday inay ku talaalan ugxaan. Dalka Hindiya oo kaliya, ku dhawaad 600 oo dumar ah ayaa isu diwaangeliyay in lagu sameeyo. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in nidaamkan uu yahay “mid hormar weyn laga gaaray” balse uu ubaahanyahay in si aad ay u xakameeyaan dhakhaatiirta si taxatar lehna loogu howlgalo. Waxa kaliye ee ay Meenakshi niyada ku hayso ayaa ah rajadii ay ka lahayd tillaabadan: “wax badan ayaan dhibaatooday, balse farxadayda hadda malahan wax lala barbar dhigo. Source
  8. (SLT-London)-Wasiirada dowladda Britain ayaa ansixiyay heshiiska qabya qoraalka ee ay UK kaga baxayso Midowgga Yurub. Wasiirada ayaa ansixintan sameeyay ka dib markii ay yeesheen 5 sacadood oo dood ah oo ay arrintan uga wadaxaajoonayeen. Waxa ay sidoo kale golaha wasiirada Britain ay ansixiyeen qorsha qeexaya xiriirka ay mustaqbalka yeelan doonaan UK iyo midowga Yurub. Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday qorshahan cusub ee ay ansixiyeen golaha wasiirada. Waxa ay Mrs May arrintani ku tilmaamtay tallaabo muhim ah oo ay si adag u rumaysan tahay in ay ku jirto danta qaranka. Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa inta ku dartay in heshiskan uu difaacayo shaqooyiinka,ammaanka iyo sharafta dastuurka UK islamarkana uu dib u soo celinayo in Britain ay kontaroosho sharciyadeed iyo xudduudaheeda. Waxay xustay in go’aankan uu yahay khiyar adag gaar ahaan marka ay timado arrinta xuduuda waqooyiga Ireland. Madaxa gudiga baarlamaanka Yurub u qaabilsan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub Guy Verhofstadt ayaa sheegay in heshiiskan “uu suragal ka dhigayo ka bixitaan UK ee Midowga Yurub. Mrs May ayaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ah ay hadal ka jeediso baarlamaanka dalka Britain. Heshiikan qabyada ah ee ka bixitaanka UK ee midowga Yurub oo ka koobna 585 bog ayaa imika la daabacay. Ra’sul wasaaraha ayaa cadaadis adag oo ku saabsan heshiiska kala kulmaysa mucaaradka. Waxaa sidoo kale jiray dhaliil uga imanaysay xubno xisbigeeda ka tirsan oo iyagu tageera ka bixitaan Britain ee Midowga Yurub. Source
  9. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyay xiriirka dalalka Gobolka, Iskaashiga Dhaqaale ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya iyo mustaqbalka waxa uu Soomaaliya uga dhiganyahay heshiiska saddex geesoodka ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in 30-kii sano ee ugu dambeeyay Soomaaliya lagu hayay fara gelin toos ah, balse waxaa uu xusay in Madaxda dhiggiisa uu kala hadlay in Soomaaliya laga daayo fara gelinta, taasi oo keentay in la helo iskaashi balaaran oo dhex mara dalalka Geeska Afrika. “Shirkii ugu horeeyay ee saddex geesoodka ahaa waxaan ku qabsanay Asmara, Eretria, kii labaad waxa uu ahaa isbuucii la soo dhaafay Bhar Dar Ethiopia, kan saddexaadna waxa uu ka dhici doonaa Soomaaliya, haddii uu Alle yiraahdo”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u rajeeyay in iskaashigan ay wax badan ka faa’iideysan doonaan. The post Shirka Seddexaad ee Wadamada Geeska Afrika oo lagu qabanayo Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya,Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eriteriya. Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee saarneyd Eriteriya looga qaaday dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen,isagoona u mahad celiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. “Waxaan soo dhaweyneynaa hubka iyo bartilmaameedyada kale ee cunaqabateynta ee Eriteriya codsigeena wadajirka ah looga qaaday,Waanu uga mahad celineynaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC),dadaalkooda waxtarka leh,Geeska Afrika ayaa si dhaqso ah u u sameynaya horumar iskaashi iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay xayiraadda hubka ee laga qaaday Ereteeriya appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Washington)-Michael Avenatti oo ah qareenka gabadha caanka ku ah jilitaanka filimada galmada ah ee dacwada ku soo oogtay madaxweyne Donald Trump ayaa la xidhay isaga oo looga shakisan yahay rabshad qoys, sida uu shaaciyay booliiska Los Angeles. Barta TMZ ayaa markii hore ku warrantay in qofka dhibka loo gaystay ay tahay Lisa Storie-Avenatti oo ah xaaska Avenatti oo ka irdhawday. Balse qareenkeeda ayaa sheegay in aysan ku lug lahayn eedayntaas, sida ay ku warrantay barta BuzzFeed News. Barta TMZ ayaa iyaduna markii dambe sheegtay in dhacdadaas ay la xiriirtay haweenay kale. Lamaanahan kala irdhoobay ayaa is guursaday 2011 balse waxaa la sheegay in Avenatti uu xareeyay waraaqihii furitaanka sannadkii 2017. Gar yaqaankan ayaa caan noqday markii uu qareen u noqday Daniels. Daniels oo jilaa ah ayaa sheegtay in xiriir muddo kooban ah ay yeesheen iyada iyo madaxweyne Trump – eedaymahaas oo uu diiday – waxayna go’aansatay in ay isaga baxdo heshiis ay saxiixday doorshadii Maraykanka ee 2016 ka hor, kaas oo ku saabsanaa in arrimahaas aysan ka hadlin. Avenatti oo barnaamijyada telefeshinnada aad uga soo muuqda ayaa noqday mid aad u dhaliila madaxweyne Trump, sida uu sheegayo David Willis oo ah weriye BBC ka tirsan oo ku sugan Los Angeles. Avenatti ayaa mar tilmaamay in uu rabo in uu rabo in uu isu soo sharaxo madaxweynenimo marka la gaaro doorashada 2020, sida uu saxafigaasi sheegay. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidamada Xooga dalka Gen Daahir Aadan Cilmi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxay yihiin ciidamada gaadiidka tirada badan ku xanibay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn. Indha-Qarshe, ayaa eedeyn u jeediyay hogaanka Saadka ee ciidamada xooga dalka, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay bixiyaan dharka ay xiran yihiin ciidamada gaadiidka isbaarada u dhigtay. Taliyaha ciidamada xooga, wuxuu sheegay in ciidamada gaadiidka heysta inaysan ka tirsan ciidamada meletariga Soomaaliya, balse ay heleen dareeska ciidamada meletariga Soomaaliya, sida uu sheegay. Taliska Saadka ayuu ku eedeeyay Indha-Qarshe inay si qalad ah ku bixiyaan Tuutaha ciidamada meletariga, taasina ay sharaf dhac ku tahay ciidamada xooga dalka, sida uu sheegay. Ciidamo wata dareeska ciidanka Meletariga ayaa xaniban inka badan 200 oo gaadiidka Xamuulka qaada, oo ay ka doonayaan dhaqaalo badan sida maamulka Shabeelaha Hoose ay sheegeen. Shan kun doolar ayaa la sheegay inay gaari walbaa ka doonayaan ciidamadan oo ka careysan mushaar xumo heysta, sida maamulka Shabeelaha Hoose uu sheegay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eriteriya. Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee saarneyd Eriteriya looga qaaday dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen,isagoona u mahad celiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. “Waxaan soo dhaweyneynaa hubka iyo bartilmaameedyada kale ee cunaqabateynta ee Eriteriya codsigeena wadajirka ah looga qaaday,Waanu uga mahad celineynaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC),dadaalkooda waxtarka leh,Geeska Afrika ayaa si dhaqso ah u u sameynaya horumar iskaashi iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo oo jeediyey khudbad gaaban ayaa ka hadlay heshiiska 3-geesoodka ah ee Soomaaliya ay la gashay Eriteriya iyo Itoobiya, isaga oo sheegay in uu Itoobiya mar walbo kala hadli jiray sidii fara-gelinta uga deyn lahaayeen Soomaaliya, taasi oo dhabowday isbadalkii kadib iyo doorashadii Abiy Axmed “Ra’isul wasaara cusub oo hadda yimidna uu ka shaqeynayo in wejiga geeska Afrika isbadal ka dhaco, Haddii ay noqoto dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha, annagana aan uga faa’ideysaneyno in Soomaaliya faragelinta laga dhaafo”. Farmaajo waxaa uu sheegay in shirka soo socda ka dhici-doono Muqdisho isaga oo rajeeyey ka soo qeyb galka Djibouti“Shirkii ugu horeeyay ee saddex geesoodka ahaa waxa uu ka dhacay Asmara, Eretriya, kii labaad waxa uu ahaa isbuucii la soo dhaafay Bhar Dar Ethiopia, kan saddexaadna waxa uu ka dhici doonaa Soomaaliya, haddii uu Alle yiraahdo”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u rajeeyay in iskaashigan ay wax badan ka faa’iideysan doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. JJJamaal <nageyeabdifatah@gmail.com Qaran News
  15. “Isagaa Account Gooniya Usamaystay Lacaga IOM, Isla Isagaa Jeebkiisa Ku Soo Dhacdaa…” Khadar Sheekh Cali Jawhar Oo U Jawaabay Cabdikariin Xinif Guddoomiye ku-xigeenkii hay’adda qaxoontiga iyo barakacaayasha Somaliland Khadar Sheekh Cali Jawhar ayaa jawaab adag ka bixiyay eedaymo ugu yimid guddoomiye Cabdikariin Xinif. Khadar Sheekh Cali Jawhar ayaa sidoo kale waxa uu eedaymo musuq-maasuq u soo jeediyay guddoomiye Cabdikariin Xinif. Halkan hoose ka akhriso qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay facebooka oo kaga hadlay arrimahaasi: “Gudoomiye xinif wuxuu saxaafada lasoo waa caadadii lamana yaabayo waayo somalidu waxay tidhaa bahal qaydhin madaayo laba wajiilenimaduna waa dhawankiisa 9 bilood een xilka hayay isku xafiis maanu fadhiisan jirin anigu waxan fadhiisanayay xafiiskii hore ee wasaarada dib udajinta isaguna wuxuu fadhiisanay fooqan imigiration ka agtiisa shaqada aan iman waayay ee sheegayo ma wuxuu doonayay xafiiskiisa inaa iska soo xaadiriyo shaqada uu leehay qaybaan udhiibay ilaahay been usheegay shaqo iska daaye shaanbadii ku xigeenka in la sameeyo daalbuu ka galay. Lacagaha mushaarka midna waa mushaarkii dawlada midana lacagaha UN iyo UK- AID ay nasiiyaan isagaa account gooniya usamaystay lacaga IOM isla isagaa jeebkiisa ku soo dhacdaa. Takale tan uu leeyahay warqada waa lasiiyay ma diidani balse anigu waxan diiday sobobta magacayga loo qariyay Insha allah musuqmaasuqa oo ku kacay xinif iyo qabyaalada uudhaqan ka dhigtay saxaafada ayaan soo bandhigayaa” Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinta Kooxda QM ee la socodka xayiradda hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in musuq-maasuq xooggan lagu sameeyo mushaharka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Warbixinta kooxdan ayaa sheegtay in toddobadii bisha August 2018, ay aragtay dokumentiyo muujinaya in saxiixa ciidamada la been abuuro, si loo muujiyo inay mushaharkooda qaateen, balse xaqiiqda aysan sidaas ahayn. Warbixinta ayaa sheegtay in dadka mushaarka bixiya ama madaxda ciidanka ay inta badan ayaga saxiixaan waraaqo been abuur ah, oo lagu muujinayo in ciidamada mushaarkooda la siiyey. “Dokumentiyada qaar ayaa muujinaya faraha hal qof oo la dhinac dhigay dhammaan magacyada askarta, halka qaarna ay muujinya saxiixa hal qof oo la dhinac dhigaya magacyo badan, si looga dhigo dhowr qof oo kala duwan” ayaa lagu yiri warbixinta kooxda QM. Sida warbixinta ay sheegtay, dukumentiyada ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay musuq-maasuqa mushaharka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Kooxda QM ayaa dhinaca sheegtay inay hayso caddeymo badan oo muujinaya in qaar badan oo ka mid ah ciidamada aysan helin wax mushaar ah, islamarkaana tirada ciidanka laga badiyo inta ay yihiin dhab ahaan, si lacag badan looga soo qaado bankiga mushahar ahaan, kadibna loo xado. Hoos ka arag dokumentiyada
  17. Sheekada maanta Diyaarad ay saaraayeen shan qof oo reer Somaliland ah ayaa hawada ku xumaatay , waxa kaliya diyaarada saarnaa afar baarshuud (Four Parachutes). Waxa markiiba soo kacay xirisi cali xaaji xasan oo yidhi waxaan ahay 40 jir 40 milyan haysta , markaa anigu xiligii la dhiman lahaa ma joogee nabadeey inta xabad baarashuuda qaatay. Waxa ku xigay faysal cali waraabe oo yidhi waxaan ahay ninka kaliya ee 3 jeer dhacay 3 danbana inuu tartamo diyaar u ah markaa hawl culus baa ii taalee labada xabee hadhay ku heshiiya intiina hadhay . waxa ku xigay Madaxwayne Muuse Biixi oo yidhi ku dhawaad 50 sano ayaan jabhaydayn ku jiree , hada ayuun baan yara nastoo aan janadii cagaha galiyee nabad galyo, intii isna midh baarashuuda qaatay . waxa isku soo hadhay C/raxman Cirro iyo iyo inan yar oo 6 jir ah oo uu awaw u yahay Maxamed Xaaji Ibrahin Cigaal iyo hal baarashuud , Cirro ayaa inantii yarayd ku yidhi adeero anaa naftayda kuu huraaye adoo soo korayee iska qaado xabada hadhay . tii yarayd baa tidhi maya maya adeero , laba baarashuud ayaa hadhay , Cirro yaab oo adeer ka kale xaguu ka yimi , Markaasay tidhi Muuse Biixi ayaa Shandaydii Buugaagta Baarashuud mooday oo qaatay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. Qaran News
  18. Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa isku dayeye inuu ka dhaadhiciyo ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Natenyahu inuu dagaal ku qaado magaalada Gaza ee Falastiin, si dareenka caalamaka looga weeciyo dilkii Sacuudiga ee Suxufi Jamaal Khaashuqji. Sida ilo-wareedyo ay u sheegeen warbaahinta Middle East Eye, dagaal laga billaabo Gaza ayaa ka mid ahaa tallaabooyin dhowr ah oo Maxamed Bin Salmaan uu ku fakaray. Bin Salmaan, ayaa sida wabixinta ay sheegtay, waxa uu kadib dilkii Khaashuqji sameeyey guddi la tacaala warbixinadii sirta ahaa ee sida xun u waxyeeleeyey sumcaddiisa, kuwaas oo Turkiga ay sii daynayeen maalmihii xigay dilka Khaashuqji. Guddigan ayaa ka koobnaa saraakiil ka kala socota maxkamadaha, wasaaradaha arrimaha dibedda iyo difaaca iyo sirdoonka, waxayna la kulmayeen Bin Salmaan muddo lix saac ah, maalin kasta. Waxaayibihii ay guddigan soo jeediyaan ayaa waxaa ka mid aha in dagaal lagu qaado Gaza ay dareenka Trump ka weecin lahayd kiiska Khaahuqji una wareejin lahayd kaalinta Sacuudiga ay ka cayaari karto xiriir muhiim ah oo lala yeesho Israel iyo nabadda Beriga Dhexe. Waxa ay sidoo kale soo jeediyeen in Maxamed Bin Salmaan uu si ay ahaataba u xaliyo Turkiga – oo ay ku jirtay in lalauush la siiyo Erdogan sida in hubka Turkiga lasoo iibsado. Sacuudiga iyo Turkiga ayaa dhowaanahan si hosoe xiriir wanaagsan u lahaa, waxaana ay wadaagaan naceybka ay labaduba u qabaan Iran. Bin Salmaan ayaa sidoo kale qeyb ka ah qorshaha “heshiiska qarniga” ee Trump uu wado, kaasi oo magaalada Jerusalem ku wareejinaya Yahuudda. Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
  19. Hordhac Waa tii muddooyinkii ugu danbeeyey isbeddello baaxad weyni ka socdeen gobolka Geeska Afrika. Isbeddelladaasi waxay bilawdeen kolkii xukuumaddii Tigreega (TPLF) ee Itoobiya wakhtigeedii soo idlaaday, ka dib markii ay kala joogsan waayeen dibadbaxyadii ay Oromadu hormuudka ka ahayd. Waa tii Raysalwasaarihii dalkaas ee ay Tigreegu ku adeegan jireen iscasiley, ugu danbayntiina Abiy Axmed loo doortay Raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya. Abiy waxa uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Oromo ah oo xil sidaas u sarreeya ka qabta dalka Itoobiya, waxa uuna isla markiiba bilaabay inuu isbeddelo waaweyn ka sameeyo gudaha dalka Itoobiya, talada sare ee dalkana ka sifeeyo kooxda TPLF ee hagardaamada iyo dibindaabyada ku haysey qowmiyadaha Itoobiya iyo idil ahaan waddamada Geeska Afrika. Ereteriya Ereteriya oo kamid ah dalalka Geeska ku yaalla ee ay cadaawaddu kala dhexaysey xukuumaddii TPLF ee Itoobiya ayaa markiiba waxa saameeyey isbeddelka Itoobiya ka dhacay. Si degdeg ah ayaa Abiy Axmed waxa uu ugu safray Ereteriya isaga oo heshiis nabadeed la saxiixday Madaxweynaha dalkaas, mudane Afwerki. Afwerki ayaa isna booqday Itoobiya iyada oo halkaas si diirran loogu soo dhaweeyey. Xukuumaddii TPLF maaddaama oo ay ka shaqaysay in Ereteriya la cunaqabateeyo, lana go’doomiyo, Abiy waxa uu beesha caalamka ka dalbaday in cunaqabataynta laga qaado Ereteriya. Madaxweyne Farmaajo ayaa isna u duulay dalka Ereteriya, waxana dib u soo laabtay xiriirkii dibloomaasiyadeed ee labada dal. Soomaali Galbeed Dadka ku dhaqan Maamulka Soomaalida ee Itoobiya waxa ay muddo ku dhibbanaayeen xukuumaddii TPFL. Tigreegu waxay ku dadaaleen inay gumeeyaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhulka Soomaali Galbeed. Cabdi Iley oo ahaa dhiig-yacab lagu soo carbiyey gacanta Tigreega ayaa maamulka dhulkaas loo dhiibey. Cabdi Iley, isaga oo adeecaya amarrada madaxdiisa TPFL, waxa uu ku dadaalay inuu gumeeyo dadkiisa, isaga oo geystey gumaad iyo dulmi tiro badan. Ka dib isbeddelkii Itoobiya ka dhacay, waxa talada Soomaali Galbeed la wareegey nin kamid ah dadkii ka cararay dulmiga Cabdi Iley oo lagu magcaabo Mustafe Cagjar. Mustafe waxa uu markiiba bilaabay isbeddello waaweyn, isaga oo soo celiyey magicii rasmiga ahaa ee maamulka “Somali State”, iyo heestii calanka ee Soomaaliyeey Toosoo. Si kale kuma garatid e, Mustafe waxa uu xoreeyey dadkii Soomaaliyeed ee uu gumeeyey dabadhilifkii TPFL ee Cabdi Iley! Soomaaliya Soomaaliya waxay kow ka ahayd dalalkii ka nasan waayey dibindaabyada iyo faragelinta xukuumaddii TPFL ee Itoobiya. Muddadii burburku Soomaaliya ka jirey, Tigreegu waxay ku dadaaleen inay ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya xaaladdaas ugu jiri lahayd, waxayna dhaqan-geliyeen siyaasaddii gumeystaha ee “qaybi oo xukun”. Waxay la tacaamuli jireen maamullada dalka, iyaga oo dhinac maraya xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ka dib isbeddelkii dhacay, Soomaaliya waxay ku guuleysatey inay xukuumadda Abiy ku qanciso in la joojiyo faragelinta Soomaaliya ka dib imaanshihii Abiy Axmed ee Muqdisho. Abiy iyo Farmaajo ayaa sidoo kale ku heshiiyey inay ka shaqeeyaan sidii gobolka isbeddel uga dhici lahaa, waddamada gobolkuna u wada shaqayn lahaayeen. Taas ayaa dabadeed keentay in Madaxweynaha Soomaaliya, Raysalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Ereteriya ay iska kaashadaan isdhexgalka gobolka iyo isu soo dhawaynta shucuubta gobolka, iyaga oo toddobaadkii la soo dhaafay markii labaad ku kulmay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya. Maamul Goboleedyada Madaxda Maamullada Soomaaliya ka jira oo markii hore toos ula tacaamuli jirey xukuumadda Itoobiya, isla markaana had iyo jeer u duuli jirey Addis Ababa ayaa gabbalkoodii dhacay. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Abiy Axmed kala hadlay faragelinta Itoobiya iyo la tacaamulka maamullada oo sharci ahaan khalad ah. Abiy waxa uu Farmaajo u ballan qaaday in xukuumaddiisu arrintaas joojin doonto, ayna ixtiraami doonto midnimada Soomaaliya iyo madaxbannaanideeda. Arrintaas ayaa fajac iyo amakaag ku noqotay madaxdii maamullada ee hoos ordi jirey xukuumaddii TPLF. Akhriste, meel kale haka deyin sababta ka danbaysa khilaafka hadda ka dhex taagan xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada, arrintaas ayaa sal u ah! Somaliland Somaliland oo sida caadiga ah gobol ka tirsan Soomaaliya ase doonaysa inay Soomaaliya ka go’do ayaa sidoo kale isbeddelka gobolku saameeyey. Somaliland waxay soo dhawayn fiican ka heli jirtey xukuumaddii Tigreega oo jeclaa kala qaybinta iyo kala qoqobka Soomaaliya. Waxay ula dhaqmi jireen sidii waddan madaxbannaan, wadashaqayn fiicanna waa la lahaayeen. Hase yeeshee, xukuumadda Muuse Biixi ee talada Somaliland la wareegtey waxay la kowsatey isbeddelka ka dhacay guud ahaan gobolka, gaar ahaanna Itoobiya. Abiy, isaga oo ixtiraamaya midnimada Soomaaliya, waxa uu marar badan diidey inuu la kulmo Muuse Biixi Cabdi, arrintaas oo werwer ku abuurtay Muuse iyo kooxda la shaqaysa. Sidaasi darteed, Somaliland waxa hortaalla inay ka faa’idaysato isbeddelka geeska ka socda. Ereteriya iyo Itoobiyaba heshiiye e, maxaa diidaya in maamulka Somaliland la heshiiso Xukuumadda Federaalka? Jabuuti Dowladda Jabuuti waxay qayb ka tahay dalalka uu saameeyey isbeddelka Geesku. Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa ka shaqeeyey sidii loo heshiisiin lahaa Jabuuti iyo Ereteriya. Wasiirrada arrimaha dibedda Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ayaa ka degey caasimadda Jabuuti, iyaga oo la kulmay dhiggooda dalkaas. Jabuuti iyo Ereteriyana waxay ku guulaysteen inay ka heshiiyaan khilaafkii muddada dhex yaalley, waxayna soo ceshadeen xiriirkii ka dhexeeyey. Hase yeeshee, waxa muuqata in Jabuuti ka maqan tahay kulamada u dhexeeya madaxda dalalka Geeska sida Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya. Sidaas awgeed, Jabuuti waxa la gudboon inay la jaanqaaddo isbeddelka Geeska ka socda oo ay walaalaheeda Soomaaliya miiska la fariisato codna ku biiriso. Jabuuti waxba ka faa’idi mayso inay iska indhatirto isbeddelka ka socda hareereheeda oo dabcan saamayn ku yeellan doona masiirkeeda. Maxaa Soomaalida la gudboon? Ugu danbayntii, Ummadda Soomaaliyeed waxa la gudboon inay fursadda ka faa’idaystaan oo ay si fiican ula jaanqaadaan isbeddelka Geeska ka socda. Soomaalidu maaddaama oo ay ka mid tahay qowmiyadaha ugu ballaaran Geeska, saamayn weyn ayay ku yeellan karaan arrimaha masiiriga ah ee Geeska. Soomaaliya waxay dhacdaa goob istaraatiji ah, waxayna leedahay badda ugu dheer Afrika. Itoobiyana waxa ku nool ku dhawaad 100 milyan oo qof. Itoobiya ma haysato bad ay wax kala soo degto, sidaasi awgeed, Soomaaliya waa inay ka faa’idaysataa baahida Itoobiya oo ay dekedaheeda u furtaa Itoobiya, halkaas oo uu dhaqaale badan ka soo geli doono. Taas micneheeduse maaha, dekedaha Itoobiya ayaa la siinayaa sida dadka qaar u fahmaan! Sidoo kale, suuqa Mallaayga/kalluunka ee Itoobiya waa in laga faa’idaystaa oo mallaay loo dhoofiyaa Itoobiya. Ugu danbayntii, Soomaalidu waa inay ka shaqayso sidii ay isu garabsan lahaayeen qowmiyadda Oromada oo haatan gacanta ku haysa dalka Itoobiya. Oromada iyo Soomaalidu waa isku Kushitik, dhaqan iyo dhulna waa wadaagaan. Sidaasi awgeed, ha laga shaqeeyo sidii labada qowmiyad uga heshiin lahaayeen xurgufta ka dhex taagan. Iskaashiga Oromada iyo Soomaalidu waxa uu noqon doonaa mid saamayn ku yeesha gobolka oo labada dhinacba dan u noqon doona. W/Q: Ilyaas Xaaji Xuseen
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiiru dowlaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koofur Galbeed Abba Awoow Suufi, ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay in xildhibaanada Koofur Galbeed ay dhaqaalo kasoo doonteen magaalada Muqdisho. Abba Awoow, ayaa waxaa xilka ka qaaday Shariif Xasan Sheikh Aadan ka hor inta uusan iscasilin, balse Abba ayaa kasoo horjeestay xil ka qaadista, isaga oo sheegay in madaxweyne waqtigiisa dhamaaday uusan xil ka qaadi karin. Wareysi uu bixiyay Wasiiru dowlaha Dhalinyarada Koofur Galbeed ayuu ku sheegay inay magaalada Muqdisho usoo Qaraab doonteen, sidii maamul goboleedyada ay ugu qaraab doonan jireen dalalka Caalamka. Ma uusan cadeyn cadadka dhaqaalaha la siiyay xildhibaanada Koofur Galbeed oo wali qaarkood ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, balse wuxuu cadeeyay in dhaqaalo ay kasoo doonteen magaalada Muqdisho. Cadaadis uu dareemay Shariif Xasan ayaa sababay in iscasilaad uu ku dhawaaqo, waxaana xildhibaanada ugu badan ay yimaadeen magaalada Muqdisho si ay u sameeyaan olole ka dhan ahaa. Doorashada Koofur Galbeed ayaa dib kaga dhaceysa waqtiga lagu balamay oo ah 17 bishaan, waxaana guddiga doorashada ay ku dari doonaan 10 maalin oo dheeri ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay safarada madaxweynaha Soomaaliya uu ku aado dalalka Deriska oo saaxiibo dhow ay yihiin. Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Xogaha la xiriira socdaalka madaxweyne Farmaajo ee gobolka ay ka helaan ra’iisul wasaaraha Ethiopia, maadaama madaxweynaha uusan faahfaahin kulamada iyo natiijada kasoo baxdo. Wuxuu ka dalbaday madaxweyne Farmaajo uu xogaha Safarada uu aado la wadaago Shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaanada baarlamaanka. “Socdaalada madaxweyne Farmaajo ee Xalaal Itoobiya waxaa lagama maarmaan ah in xogta iyo xaqiiqda ku saabsan safaradaas uu banaanka soo dhigo, jawaab lagu qanci karana uu dadkiisa ka siiyo shakiyada waaweyn ee ku hareeraysan socdaaladiisa muuqda ee shibta ku soo gabagabooba” “Xalaal Itoobiya (sida wadaniyiinta 8-da Febraayo ay noo barayaan) hogaamiyahooda Abiy Ahmed wuxuu kulan walba gadaashiisa dadkiisa la wadaagaa goojooyin hadallo yaryar oo ku saabsan wixii lagu wada hadlayama meesha uu dalkiisa u wado, laakin madaxweynaheena shar iyo khayr wuxuu noo soo qaadayba weli waa la hullaaban yahay, macquulna maahan in Abiy Ahmed uu noqdo halka kulamada madaxweynaheenu uu ka qeybgalo xogtooada aan ka qaadanno”ayuu yiri xildhibaan Fiqi. Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Haddii wadahadal ay wadamo galayaan waxaa xaq loogu leeyahay madaxweynaha in umadda uu madaxda u yahay uu la wadaago xogta iyo xaqiiqda, haddii shakhsiyaad sheekaysanaya oo fadhi ku diriraya ay yihiinna waa wax loo qaateen ah aamusnaantu”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Dhagar Qabaha yaa idhi ? Dhalashaad wadaagaan ? Yaa Masuul ka dhigay Nink shilinka dhaafsaday (Abwaan Laabsaalax) Hordhac Qormadan waxaan ku falanqayn doonaa Caqabadaha hortaagan amniga magaalada muqdisho iyo isku dayada aan qorsheysnaan ee dawlada fadaralka soomaaliya ku rabto iney ku soo celiso amniga iyo xasiloonida magaalada muqdisho . Inta aynu ku gudo jirno falanqaynta waxaan soo qaadan doonaa caqabadaha hortaagan amniga magaalada muqdisho kuwaas oo ah kuwa ugu weyn ee curyaamiyay isku dayadii amniga ee xukuumadihii kala danbeeyay ee soo maray dalka soomaaliya . Caqabadahaas waxaa ka mid ah :- Xarakada Alshabaab Hogaan-xumada iyo siyaasad xumada haysata hay,addaha amniga Wada-shaqeyn la,aan laamaha amniga iyo shacabka magaalada Muqdisho Xarakada Alshabaab Xarakada Alshabaab ayaa ah Caqabada koowaad ee hortaagan amniga magaalad muqdisho waana Urur Diimeed ka dagaalama Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya. Alshabaab waa xooga kaliya ee halista iyo hagar-daamada ku haya guud ahaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacabka magaalada muqdisho, Waxay fuliyeen qaraxyo lagu hoobtoy iyo dilal qorshaysan oo lagu beegsanayo haldoorka iyo hormoodka shacabka soomaaliyeed. Inkasta oo ayna xoog muuqda ku lahayn gudaha gobolka banaadir laakiin waa xoog dahsoon oo ka jira gudaha magaalada. Fulinta qaraxyada iyo dilalku waa kuwo leh qorshe heer sare ah kuwaas oo ka kor maray qorshaha hay,addaha amniga ee dawlada fadaralka soomaliya . Waxay leeyihiin hawl wadeeno amni oo ka xirfad iyo qorshe sareeya kuwa u shaqeeya laamaha amniga ee dawlada fadaralka soomaaliya. Qorshe Xumadi haysata Hay,addaha sirdoonka Caqabada labaad ee hortaagan amniga magaalada muqdisho ayaa ah fahan yari haysata madaxda dawlada ugu sareeya . Madaxweynuhu wuxuu sameeyay wareegtooyin is xigxiga kuwaas oo ku saabsan amniga magaalada muqdisho sidoo kalana qaraxyada Alshabab ee dhacaa waxay galaaftaan saraakiil iyo madaxda amniga laakiin dhamaan isbadaladaasi oo dhami waxba kuma soo kordhin amniga magaalada muqdisho. Sidoo kale hay,addaha amnigu waa kuwo aan u muuqan inay guteen hawlihii loo igmaday Hay,adda Nabad Sugidu (NISA) waa hay,adda u qaabilsan dawlada fadaralka soomaaliya arimaha sirdoonka waana hay,add laga rabo inay raadiso xogaha ku saabsan arimaha amniga sidoo kale waxay tahay inay ka hortagto falalka amni daro ee abaabul ee wax lagu yeelaynayo amniga guud ee dalka laakiin taasi habayaraatee ma muuqato oo muqdisho gudaheeda waxaaba kaga gacan sareeya sirdoonka Alshabaab ( Amniyaad). Qorshe xumada hay,addaha amnigu waxay horseeday maamul daadajin la,aan laamaha amniga iyo isku dhacyada ciidamada qalabka sida . Wada-shaqeyn la,aanta Hay,addaha Amniga iyo Bulshada Caqabada Saddexaad ayaa ah wada-shaqayn la,aanta laamaha amniga iyo bulshada ee magaalada muqdisho . Wada shaqaynta bulshada iyo booliskuna wuxuu meesha ka baxay markii shacabku ay kalsoonida kala laabteen markii uu dhacay burburkii dawladii dhexe Dawladihii is xigay midna kuma guulaysan soo celinta iyo soo nooleynta kalsoonida shacabka laakiin waxay xal moodeen abuurista qorshe amni oo ah kantaroolo lagu baadho wixii laga shikiyo . W/Q: :Abdirahman Yakub Hassam Security Analyzer Jacobhassam@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid