-
Content Count
212,806 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Statement by Ambassador Yamamoto on U.S. Support to Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The United States re-established a permanent diplomatic presence in Mogadishu, Somalia on December 2, 2018. USAID also re-established presence. To create a better tomorrow for the people of Somalia, the United States is committed to providing more than $900 million in critical investment. The United States is meeting life-saving humanitarian assistance needs; expanding education and healthcare; building institutions, good governance, and justice; creating jobs and advancing economic development; and providing stabilization and security for the people of Somalia. Summary: U.S. Humanitarian Assistance to Somalia $420 million in life-saving humanitarian assistance to Somalia this year. Job Creation Creating more than 1,600 full-time, private sector jobs in the last 3 years. (In the dairy sector alone, our support created nearly 500 full-time and 650 seasonal jobs. We helped stop Irmaan Dairy from closing down; it now produces over 3,500 liters of milk daily.) The United States is looking at airport and port upgrades to create trade and jobs. Debt Relief Consideration of debt relief to attract development to Somalia. Education Supporting secondary education for 160,000 youth in Somalia and 20,000 primary school children (45%) girls. Governance and Stabilization $110 million to help establish good governance, conflict resolution, and judicial reform. The post Statement by Ambassador Yamamoto on U.S. Support to Somalia appeared first on Shabelle. View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Deegaanka Garasbaaley ee Duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa la weeraray Xarunta Degmada. Ibraahim Maxamed Rooble Gudoomiyaha Garasbaaley ayaa sheegay in dhankooda aan jirin Khasaare kasoo gaaray Dagaalka. Ciidamada Xarunta ku sugnaa ayuu tilmaamay in ay iska caabiyeen Kooxdii weerarka ku qaatay, inkasta oo uu sheegay in aan kala garaneyn cidda ay ahayd. Goobaha Ganacsiga ayaa mar qura la wada xiray, kadib markii rasaasta labada dhinac is qabsatay, sida ay sheegeen Dadka Deegaanka. Gaadiidka Xaafadaha isaga kala gooshayay ayaa iyanne istaagay, inkastoo markii dambe ay dib u bilaabawdeen. Ciidamada Ammaanka ayay wararku sheegayaan in ay bilaabeen Howlgal ay ku baadi goobayaan Dadka ay ku tuhmayaan ama ay la xiriirinayaan Weerarka. Ma jirto Cid sheegatay mas’uuliyadda Weerarkaan Caawa lagu qaaday Xarunta Garasbaaley, maamulka ayaa sheegay in aysan aqoonsan cidda ay ahayd dhinaca weeraray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-181218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargaysa)-Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagu ansixiyey odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka. Odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka ee ay maanta ansixiyeen xubnaha golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah miisaaniyadii 27-aad ee qaranku yeesho, ayaa ka kooban miisaaniyadda guud ee dawladda dhexe, hay’adaha madaxa bannaan, Dawladaha hoose iyo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, iyadoo dhan, 2,334,320,463, 251 (Laba tiriliyan, saddex boqol Afar iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo labaatan milyan, Afar boqol iyo saddex iyo lixdan kun, laba boqol iyo kow iyo konton) Somaliland shilling. Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka dawladda dhexe ee 2019-ka, oo dhan 1,823,975,720,000 (Hal tiriliyan, siddeed boqol saddex iyo labaatan Bilyan, sagaal boqol iyo shan iyo Toddobaatan milyan, Toddoba boqol iyo Labaatan kun) oo Somaliland shilling ah, waxana ay miisaaniyad-sannadeedkii hore ee 2018-ka ka badan tahay 8% (Boqolkiiba siddeed). Miisaaniyad sannadeedka 2019-ku waxay diiradda saaraysaa, Amniga, Xoojinta iyo tayeynta garsoorka, Waxbarashada, Biyaha, Caafimaadka, Xoolaha kalluunka, Beeraha, Tamarta iyo Macdanta, Deegaanka, Aqoonsi-raadinta, Doorashooyinka, iyo daryeelka shaqaalaha. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dood iyo falanqayn dheer ay xubnaha golaha wasiirradu ka yeesheen odoroska miisaaniyadda 2019-ka, waxa uu cod geliyey miisaaniyadda, waxana oggolaaday 28-wasiir, halka 2-xubnoodna ka aamuuseen, cid diidayna aanay jirin, waxana sidaas ku meelmaray odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka ee qaranka, taas oo u gudbi doonta golaha wakiillada oo waajibaadkooda distooriga ah ka gudan doona. Source
-
Xalay waxa ka qabsoomay qasriga looga arimiyo qaranka ee madaxtooyada kulan muhiim ahaa bulshaduna ku diirsatay , yididiilo iyo rajana ku abuuray shacabka Somaliland kaas oo dhex maray hogaamiyaasha xusbiyada mucaaradka ah , madaxweynaha iyo xubno kale oo miisaan ku leh qaranka. Tan iyo markii madaxweynhu ka soo laabtay safarkii goballada bariga waxa la moodaa in ay waxbadan u bildhaameen , garawsadayna in uu yahay odeyga mindida daabkeeda haya gudoomiye xusbi aanu ahayn waxa muuqata in madaxweynuha nabar ku taagan ay tahay di-udhac ku yimaada qabsoomida doorashooyinka xilligii loo asteeyey ay dhaafaan. Mudanayaal waad ku mahadsantihiin tanasulka aad abuurteen iyo jawiga degan aad isku af garateen in looga hadlo sidii loo qorshayn lahaa in la gaadho xalka doorashada hor taagan intaa kadib. Garri allay taqaan haddii milil dushiisa la dhayo eelka lama gaadho hore waxa loogu tiraabay “cudurka kaa gala fardaha haddii dameer laga gubo dawada lama gaadhayo ” waxba soo kordhin mayso sawiro la isla galo iyo habeen goob lagu cunteeyo iyada oo aan uurka la iska laab xaadhan , kulanadii hore ee faashilka ku danbeeyey waxba dhaami maayo haddii aan daneeyaasha doorashadu ka go’nasnsho la iman talladaan la rog-rogin waa lagu rafaadaa. Maxaa la gudboon madaxweynaha qaranka.? In uu la yimaado rabbitaanka ka badan ka asxaabta mucaaradka ah , xilna iska saaro in aan maalin dhaafin wakhtiga la isla gartay. In uu u dhug yeesho tabashada asxaabta qaranka jeedinayaan dibna uugu noqon hadaladii xanafta lahaa ee uu hore u jeedin jiray biyo dhacooduna ahaa “Waddani max kamad ha tago iyo wax la mid ah. In uu dib uuga laabto go’aankiisii ku aadanaa koomishanka doorashooyinka xubnihiisa , wax ka beddalna lagu sameeyo. In uu guddi u saaro ka tala bixisa saami qaybsiga gobalada ee kuraasta wakiilada. In uu diyaariyo qarashka ku baxaaya doorashada. In uu dabada ka riixo sidii loo diyaarin lahaa xeerka doorashooyinka qaranka. In uu il gacal ku eego hogaamiyaasha asxasbta albaabadana u furo una arko gacantiisa midig. Maxaa la gudboon asxaabta mucaaridka ah. In ay garwaaqsadaan ijiid aan ku jiido in ay tahay gamco daalis kana tanaasulaan waxyaabaha la isku mari la yahay xalna keenaan. In ay ku dedaalaan xaggooda in arimaha ka fudaydiyaan. In ay u tudhaan shacabkooda dheg xumadana ka daayaan iyo yoo yootanka. In ay la yimaadaan mucaarad wax dhisaysa oo ay ka fogaadaan ku jiq siida Shacab , xukuumad iyo asxaab waxa innagu ceeb iyo laf jab ah in aynu maalin kasta ku jiro is qabsi iyo buuq waxa haboon in aynu gamcaha is qabsano ul iyo diirkeed noqono wada jir aan u dhisno qarankeena curdinka ah. Doorashadu waa isha kaliya ee aan dunnida ka iibno dhaawac bay inagu tahay in aynu tahli weyno in aynu qaban kari weyno doorashada golaha wakiilada oo muddo dhaaf ah. Tusan iyo tub kheyr leh Qalinkii : Maxamed Xuseen Jaamac Source
-
Mudadii sandka ku sinayad ee uu majarah hayay hogaamiye muse biixi waxa uu Qabsoomay iyo Anfaaciga lag fileyay waxay isku noqdeen laba ka fog. Waxynu xusi Doona in muse cugtay xubno wasiiro oo aan khibrad lagu majirto lahaynin taaso suurto gall ka dhigtay in rejadii laga qabay ay hoos uu dhacaday. Tusaale ahaan waxa laga fileyay in muse xakameeyo arrimo dhowr ah . Hawgu horeyso xakameynta sixir bararka xadhagah goostay ee Naafayeey Laf dhabrtii ama Ilahii dhaqan dhaqale ee shucuubta Somaliland hadii aynu dul istaagano waxa ka qabashad arintaas Waxay marar badan muuse iyo kaaliyayaashisu uu xadhko xidheen arinka sicir bararka iyagoo siyaasado cadd ka qaatay hadday tahay baniga dhexe ee Somaliland iyo cida kasta oo ay khuseyso. Balse ilaa hadda halkii la rabay muu gaadhin. Arinta qebyaalda oo iyan koru u kaca laxaad leh ku yimid taaso dhaliisheeda ay leeyihiin hogaanka ummada, sameysanka jabahdo iyo dagaal ogaayaal ka dhashay deegamo Somaliland taaso oo ay udub dhexaad uga dhigeen cadaalad darro ayy ka tirsanayaan hogaanka ummada. Jajab iyo Qeybsan xagg ciidanka Qaranka ah oo loo nisbeynayo in tirsasho iyo tabashoyin xagg hogaanku ay jirto. Siyaasda arimah dibad Somaliland oo fur-fur ku yimid hadab waxa la tilmaami karaa inuu meeqamkii iyo jihadii siyaayda arimah dibad lafteeda debacsani ku timo taaso Farmaajo kaga awood roonaday hogaamiye muse biixi . Iyadoo la odhan karro safaradii itoobiya ay madax weynashii is xigxigay ee Somaliland ku tagi jireen ay iyan hoos uu dhac la taaban karro ku yimid iyadoo loo nisbeyn karro debeysha siyaasdeed ee Geeska Africa ka jirta ee uu hormuudka ka yahay reysal wassarah itoobiya. waxaan ku soo afmeeray Qoraalkaygan tallo ku socta madaxweyne biixi taas oo odhanysa waxa aad haystaa wakhti aad mar labaad ku kasban karto Quluubta shacbiga Somaliland taas oo ku suurto geliysaa inaad wakhti xaadirkan ka tagato mahadhooyin ku gall diwanka Qaranka ee dahabiga ah Dooro garrbo ama Adeegayaal togan oo ay ka reebantahay Qabeyaalad iyo dhalinyarnimo si aad yoolkaga uu gaadho xullo xeel dheeryaal aan farta laguugu fiiqin. Afeef : Qoraalkaygan kooban ee maskxdaydu curisay isla markaan aan jeclaystay inaan bulshoweynta ugu iftiinsho xaiiqoyinka ka dahsoon ee bulshdu tebbayso Qalinkii: Nimcaan cadaani Hussein Candidate of Master of Science in Project Management (M.S.P.M.) Geopolitics analyst free Author Bachelor science of public health Cadaani123@gmail.com Hargiesa Somaliland Source
-
“Maadama oo aan ka mid aheyd dadka wax ka bartey culuumta Dhaqaalaha,waxaan si kooban maqaalkan uga hadli doona jawaabta, weydiinta aan ciwaanka uga dhigey maqaalka . muxuu yahay is dhex-gal Dhaqaale (economic integration)? Maxaa looga dan leeyahay marka la sameyneyo is dhex gal noocan ah? Somaliya, Somaliland iyo Djibouti midkee ku faa’iidi kara wakhtigan? Arragtideyda oo aan sabab uga dhigeyo aqoon iyo xaalada geeskaba ayaan si kooban ugaga faaloon”. Afeef Waxaa suuro gal ah in aanan u macneyn kalmadaha qaar sidii ugu habooneyd. Haddi aan ku horeeyo muxuu yahay is dhexgal dhaqaale (economic integration)? Waa marka wadamo dhowra oo kuwada yaala gobol/ qaarad lama leh xadad ay heshiisyo ka yeeshan sidii ay dhaqaaalahooda isugu furi lahaaye ugana saari lahaayen caqabadaha hortaagan isku socodka dhaqaalaha iyaga oo meesha ka saareya cashuuraha badan iyo wax kasta oo yareyn kara ama hor istaagi kara arrintan. Wuxuuna leeyahay heerar iyo marxalado kala duwan. Inta badan waxaa heearaka uu maro loo qeybiyaa shan heer. Sida wax kasta oo kale ayuu u leeyahay faa’iidooyin iyo khasaareba ka qeyb galeyaasha. Badanaa se sida looga faa’iideysta waxay ku xidhan tahay ka qeyb gale kasta awoodiisa dhaqaale, aqoonta dadkiisa iyo nidaamkiisa dowladnimadiisaba. Shaqsiyan anigu mar walba waxaan aamisanahay isdhex-galka noocan ahi inuu u wanaagsan yahay dayowga addunka qaarad iyo gobolkey doonanba haku nooladane, maxaa yeelay wey is camireyaan dhaqaalaha ummaduhu oo qolaba waxbey haysa waxna wey u baahan tahay taasina waxay sahleysa in nolosha qofka caadiga ah ee addunka jooga uu si fudu u helo baahiyaha aasasiga ah maadam oo uu yaraado heerka faqrigu markasta oo talaabo noocan ah hore dunnidu u qaado. Sido kale wuxu hoos u dhigaa khilaafadka sida fudud uga dhex dhaca dowladaha maadamo ay imaneyso in wax badan la xeeriyo. Inkasta oo taa cakiskeeda uu hoos u dhigo madax banaanida wadamada siyaasiyan oo aanu wadana fursado u banaan si keli ah uga faa’iideysan Karin iyada oo ay daliil cad u tahay sababta UK uga baxayso Yurub inteeda kale. Walow marka ay heerkan gaadha tahay heerarka u dambeeya ee is dhex-galka. Haddi aan intaa kaga imaado qodobkaas maamado si kooban uga hadleyo. Waxaan hadda eegi doona heerarka is dhex-gal dhaqaale uu maro. Iyada oon qodob qodob isku yara dul taagi doono shanti heer een hore usoo sheegay. Free trade.( ganacsi xor ah) Waa hab ama nimdaam dhaqaale oo wadamo dhowr ahi ku heshiiyaan in ay meesha ka saran ama ay hoos u dhigaan caqabad kasta oo cashuureed taaso yareyneysa isku socodka dhaqaalaha iyada oo u jeedadiisu tahay ka faa’iideysiga kheyraadka qolo waliba ay heyso si loo helo waxa loo yaqaan (economics of scale iyo comparative advantage )oo ah in hoos loo dhig kharashaadaka wax soosaarka maamado cashuurihii meesha laga saarey iyo in laga kala faa’iideysto qoloba wax ay hesyso ama ay si fudu usoo saari karto ee kuwa kale ku culus ama aaney haynba. Marxaladani waa halka ay ka bilaabmanto is dhex-gal dhaqaale. Custom union. ( mideynta cashuuraha) Heerkani waa heerka ku xiga kaa hore had iyo jeerna heerarkani midba mid ayuu fure u yahay. Hadaba isaguna waa nidaam ay wadamadii galey heshiiskii koowaad ku mideyneyaan cashuurahooda ay kula dhaqmeyaan wadama aan heshiiska qeyb ka aheyn. Iyaga oo mideyneya cashuuraha ay ku cashuureyaan waxyaabaha uga imaneya wadamada kale si ay meesha uga saran waxa loo yaqaan re-export oo ah in wadan ka mida iyaga wax laga soo dejiyo dabadeedna ku kale oo isla iyaga uuna loo dhoofiyo. Common market. ( suuq guud) Waxaad mooda in si ay iskugu dhowyihiin labadan dambe wuxuu kani kaga duwan yahay shaqaalaha, adeegyada iyo shirkaduhu wey iskaga gudbi karaan wadamada iyada oo wadan kasta si gaar ah u leeyahay nidaamkiisa hagiseed (Regulations) iyo hubinta tayada ama shuruudaha uu dhigtey (standers). Waana heer ka sii yara mug weyn kuwii hore. Economic union or single market. (suuq keliya) Heer kani waa mid ka sii sal balaadhan dhamaan kuwa hore waana heer wax kasta oo caqabad ku ah is dhex-galka dhaqaale meesha laga saareyo, shaqaalaha iyo shirkaduhu si toos ah isugu gudbeyaan lana sameyneyo nidaamyo guud oo lagu hageyo dhaqalaha ilaa heer la sameysanyo lacag qudha iyo siyaasado maaliyaded oo mid ah sida midowga Yurub oo kale. Badanaana waxa laga simaa siyaasadaha dhaqaalaha oo dhan. Waana heerka is dhex-galka dhaqaale u dambeeya waayo heerka ka dambeeya wuxuu isku bedela is dhex-gal siyaasadeed sida aynu arki doono. Political union ( midow siyaasadeed) sida aan kor kuso sheegay heerkan waxa loo guurey dhanka siyaasada maamado dhaqaalihii xoog loo mideyeey, markasta oo dhaqaale ahaan la is dhexgalo na waxaa sahlanata is fahanka bulshada iyo wax wada yeelashada taasina waxay dhiirigelisaa in siyaasadana la mideeyo si loo sii xoojiyo midnmada. Markey dowladuhu isla gartaan iney sameeyan is dhexgal siyaasadeed waxaa sameysma waxa loo yaqaaan federation iyad Source
-
(SLT-Puntland)Diyaarado dagaal ayaa lagu soo warimayaa in ay duqemo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Buurahaha Gobalka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish. Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacay deegaanka Miraalle oo 28km dhanka bari kaga beegan Magaalada Boosaso ee Gobalka Bari waxaana la tilmaamay in howlgal ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada PSF ee maamulka Puntland. Saraakiil ka tirsan Maamulka puntland ayaa sheegay in duqeyn ay ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri, islamarkaana la bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish. Duqeynta ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaan deegaanka Miraalle oo 28vkm dhanka bari kaga beegan Magaalada Boosaso ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana la sheegay inuu khasaaro ka dhashay duqeyntaasi. Inta ogyahay 8 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku geeryooday,kadib duqeyn ka dhacay deegaanka Miraalle, iyadoona halkaasi dhawaan ay dagaal kula galeen daacish, islamarkaana ay shabaab la wareegeen. Source
-
Saxaafadda Adduunka ayaa si weyn u hadal haysa Kiiska Dacawadeed ee ku aaddan muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii ay Dowladda Kenya maanta gudbisay jawaab celintii laga sugayey. Telefeshinka DW ee dalka Jarmalka ayaa warbixin uu daabacay waxa uu ku sheegay muhiimadda uu yeelan doono go’aanka ay gaari doonaan garsooreyaasha caalamiga ah ee Maxkamadda Hague, maadama uu noqonayo mid dhaqan gal ah oo ay tahay in uu hoggaansamo dalka lagaga guuleysto. Warbaahinta si dhaw ula socota gal-dacwadeedka ay maanta gudbisay Dowladda Kenya ayaa xaqiijinaya in Kenya ay ku adkaysanayso in aysan Maxkamadda Hague xaq u lahayn qaadista dacwaddan maadaama labada dal arrinkan ka gaareen heshiis is afgarad sanadkii 2009kii. Heshiiskan oo Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ka soo horjeedaan ayey Kenya ku dacwoonaysaa in uu saxiixay Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Soomaaliya Cabdirixmaan Cabdishukur. Warbaahinta ayaa xaqiijisay in ay hakiyeen baaritaankooda shirkado ay Dowladda Kenya siisay qandraasyo la xiriira baaritaanka shidaalka lagu tuhunsan yahay aag-badeedka uu muranku ka taagan yahay.
-
Garowe (Casimada Online) – Qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa ka hor doorashada Puntland waxay yeelan doonaan Tartan noociisa kii ugu horeeyay ah oo Musharixiin ay ka qeyb galaan. Tartanka ayaa ka dhacaya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana wararka ay sheegayaan inay ka qeyb gali doonaan inta badan musharixiinta deegaanada Puntland. Tartankaasi oo ah Ciyaarta Kubbada Kolayga “Basket Ball” ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaar kamid ah musharixiinta ku tartamaya magaalada Garowe, oo qaarkood si weyn u yaqaana arrimaha ciyaaraha. Waxay musharixiinta u muuqdaan kuwo is tijaabinaya kahor inta aysan ka qeyb galin doorashada Puntland oo sida qorshaha uu yahay dhaceysa 20 maalin kadib sida la filayo haddii uusan isbadal imaan. Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa kulankan ka joojisay in lagu qabto garoonka ciyaaraha Mira Awaare qaybtiisa kubadda Kolayga oo dhowaan madaxweynaha Puntland dhisme cusub uu dhagax dhigay. Musharixiinta Puntland ayaa mid Walbaa wuxuu doonayaa inuu noqdo shaqsiga badalaya madaxweyne Gaas, balse Ciyaartaa ayaa noqoneyso halkii ugu horeysay oo ay isku arkaan maadaama safaro ay ku jireen muddooyinkii ugu dambeeyay. Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
-
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa bari oo Arbaco ah Taariikhduna ku beegantahay 19-ka Decembar ee sanadka 2018-ka ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi. Doorashadaasi oo dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayaa waxa ay ku adkeeysanayaan guddiga doorashooyinka maamulkaasi in bari ay ka dhaceeyso Baydhabo. Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana amaanka sugaya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed. Magaalada Baydhabo waxaa gaaray wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya oo goobjoog ka ahaan doonto doorashada madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed. Doorashada ayaa aad u adag lamana sii saadaalin karo cida ku guuleeysaneeyso doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi Koonfur Galbeed. Waxaa la sii saadaalinayaa in loolanka ugu adag uu dhax mari doono Musharaxa la yiraahdo Xuseen Cismaan Xuseen iyo Lafta Gareen oo labaduba Dowlada Soomaaliya xilal ka soo qabtay. Waxaa wali Muqdisho ku xiran Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo isagu doorashada aan ka qeeybgaleeynin. Dowlada Soomaaliya ayaa galaan gal muuqda ku leh doorashada magaalada Baydhabo bari ka dhaceeysa iyada oo taageero siineeysa mid kamid ah musharixiinta tartamaya. Wararka Doorashada kala soco Puntland Post Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Doorashada Madaxtinimo ee Koonfur Galbeed oo bari ka dhaceeysa Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Nabadoon Maxamed Yacquub Isxaaq ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo ku aaddan xiisadda ka oogan degaanno ka tirsan Hiiraan oo u dhaxeeysa laba beel oo walaalo ah. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Daba Geed ayuu sheegay in ay kala hadleen arrinta soo korortay si uusan dhib uga dhallan. Waxaa uu ku eedeeyay guddoomiyaha in sidii loo baahnaa uusan u marayn maaraynta xiisaddaasi qabaa’ilka suntan. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/NABADOON-HIIRAAN-18-12-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Siyaasi Cismaan Sheekh Muxumed(Qoox) oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay doorashada madaxtinimada oo lagu wado in maalinka berri ay ka qabsoonto magaalada Baydhabo ee caasimad goboleedka gobolka Baay. Wuxuu sheegay in doorashadani aan la oran Karin mid caddaalad ah isagoo ku sababeeyay in doorashada laga reebay mid kamid ah lixdii musharrax ee isu soo taagay waa Mukhtaar Rooboow Mansuur. Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday dibadbaxyadii rabshadaha watay oo dhowaan ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo. Siyaasiga ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in dadkii ka dambeeyay khasaaraha ka dhashay dibadbaxyadaasi in lagu la xisaabtamo. Siyaasi Cismaan Qoox ayaa sheegay in dibadbaxyo ay ku diidan yihiin rabashadihii ay Baydhabo martigalisay iyo soo qabashada Mukhtaar Rooboow ay ka dhigi doonaan dalka UK oo ogalaanshiyo ay dowladdaasi ka heystaan. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WAREYSI-SIYAASIGA-KG-18-12-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – War qoraal ah oo uu soo saarey Safiirka Mareykanka ufadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto, ayaa lagu sheegay Soomaaliya siinayaa Yabooh lacageed oo dhan 900 oo Dollar-ka Mareykanka ah. War saxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri; Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, $420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka Soomaaliyeed. Shaqo abuurka Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600 oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, ayagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah. Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa Mareykanku sheegey in la horumarin doono si shaqooyin badan loo u abuuro. Geedi socodka deen cafinta Waxaa ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi socodka deen cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin dhaqaale. Waxbarashada Kaalmada cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah; taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed iyo 20,000 oo ah carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin. Maamulka iyo Xasilinta dalka $110 million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa dhismaha dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta arrimaha garsoorka. The post Mareykanka oo Yabooh lacageed kii ugu badnaa siinaya DFS appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaalida Cali Maxamed Geedi ayaa ku baaqay in awood lagu maquuniyo xubnaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda xukuumadda hadda haysa talada Soomaaliya. Geedi oo ka hadlay shir maanta ka dhacay Muqdisho ayaa si kulul u dhaliilay dadka mucaaradka ku ah dowladda federaalka ah Soomaaliya. Waxa uu sheegay in si loo helo dowladnimo dhib badan iyo tuugmo loo soo maray, hase yeeshee hadda kadib aan la geli doonin tuugmo oo xoog lagu keeni doono. “Waxaan maalmahan maqlaayay kacdoon hala sameeyo, jidadka hala xiro, xaafadaha qaar hala qabsado, dadka waxaas ku hadaaqaya waxaa la rabaa inay ka waantoobaan hadii kale dowlad iyo shacab laguma aadee guriga ayaa loogu tegayaa” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi. Waxa uu soo hadal qaaday xilligii uu ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in lagu yiri “Buundooyinka Afgooye iyo Balcad hasoo dhaafin ee nala xaajoo” kuwii xilligaas dhahayna ay ahaayeen Soomaali sida uu sheegay. Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi waxa uu ka sheegay kulan looga soo horjeeday Mooshinka Madaxweyne Farmaajo oo ay ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka oo Muqdisho lagu qabtay. Dhageyso codka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cali-Maxamed-Geedi.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-181218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay la wareegeen amaanka magaalada oo maalinta beri ah doorasho ay ka dhaceyso. Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM ayaa la wareegay amaanka waddooyinka waaweyn ee magaalada iyo xarumaha dowladda ee ku yaala magaalada Baydhabo, si ay amaanka u adkeeyaan. Doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed oo dhowr mar horey u baaqatay ayaa maalinta beri ah la filayaa inay ka dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana ku tartamaya shan Musharax. Ciidamada Ethiopia ayaa sidoo kale caawa lagu arkayaa goobaha laga galo magaalada, waxaana sidoo kale wehlinaya ciidamada booliska Koofur Galbeed iyo ciidamadii dhawaan la geeyay magaalada. Adkeynta amaanka Baydhabo ayaa looga gol leeyahay in looga hortago weeraro Al Shabaab ay ku carqaladeyn karaan doorashada Koofur Galbeed, maadaama horey maamulka ay u sheegeen inay ka helen xogo ku saabsan weerarada Al Shabaab. Maalintii shalay waxaa lasoo gabo gabeeyay dhageysiga khudbadaha musharixiinta ay kaga hadlayaan waxqabadkooda marka la doorto ay la imaanayaan. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Arab League chief voices support for development in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Arab League Secretary-General Ahmed Abul Gheit had talks on Tuesday with Somali Finance Minister Abdirahman Duale Beileh on means of drumming up Arab support for Somalia. The two sides discussed the progress realized so far in a two-day plenary meeting on means of supporting Somali development plans. Abul Gheit stressed the AL’s commitment to supporting Somalia in order to establish security and stability, Abdul Gheit’s spokesman Mahmoud Afifi said on Tuesday. The plenary meeting – which the AL hosts – is meant to stand on the Somali government’s needs and priorities in the coming years in order to realize development. The meeting will rally Arab efforts to support the Somali development plans. The Somali minister expressed deep appreciation for the efforts being exerted by the AL to support Somalia, especially Abul-Gheit’s initiative to hold the plenary meeting. The post Arab League chief voices support for development in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article -
Garoowe (Caasimada Online) – Odayaasha iyo Guddiga ku howlan diyaarinta Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in saddex meelood labo meel oo ka mid ah tirada Baarlamaanka Maamulkaas la soo dhameystiray. Guddiga ayaa sheegay in waqtiga ugu dambeeya ee la dhameystiri lahaa diyaarinta Baarlamaanka Puntland ay ku ekeyd 15-ka Bisha December, hase yeeshee beelaha loogu daray muddo 5 cisho ah kama dambeysna ay tahay 20-ka Bishan December. Guddoomiyaha Guddiga xallinta Khilaafaadka ee dhismaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in 44 Xildhibaan oo ka mid ah 66-ka Xildhibaan ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Puntland la soo dhameystiray. 66-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa 8-da Bisha January ee soo socota dooranaya Madaxweynaha iyo ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland. Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxtinimada Puntland oo uu dhowr jeer fagaaro ka sheegay in uusan musharrax noqoneyn marka uu u dhamaado muddo xileedka 1aad. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Ugu yaraan lix ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacday degaanka Miiraale oo dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Qandala ee gobolka Bari. Malayshiyaadka la duqeeyay oo ka soo degay dhanka buuraha Cal-miskaat ayaa laba maalmood ka hor halkaasi kula dagaallamay koox kale oo ka tirsan Daacish,sida laga soo xigtay dadka degaanka,inkastoo aan faahfaahin laga hayn khasaaraha kala gaaray labada dhinac. Wararku waxay sheegayana in duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha Drones-ka Maraykanka lala kaashaday ciidamada Puntland ee PSF,kuwaasoo weerar dhulka ah ku qaaday goobta la duqeeyay,islamarkaana Al-shabaab ka saaray toggaasi oo ay xarun ciidan ka samaysanayeen. Kooxda Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Cal-miskaat ayaa qaar kamid ah malayshiyaadkooda u wareejiyay degaannada dhanka koonfur galbeed kaga beegan degmada Qandala,taasi oo sida la aaminsanyahay abuurtay loollan adag oo ka dhex qarxay Al-shabaabta iyo Daacishta ku wada-sugan gobolka Bari. Bilowgii todobaadkan, Daacish ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay dishay 14 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab,kadib dagaal ku dhexmaray degaanka Miiraale oo kooxda Al-shabaab ay malayshiyaad geysay,si ay weerar ugu qaadan Daacish. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo lagu duqeeyay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.