Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,327
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, ayaa maanta si rasmi xilkoodii ugala wareegay madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli [...] Source
  2. Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka. Xildhibaannada ayaa u codeeyey sidan: 163 xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan. Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. The lawmakers of the federal parliament debated on the amendment of the central bank and auditor general bills on Monday. The lawmakers are expected to put on a vote for the bills in question after their discussion. The significant session was delayed from Saturday last week following a lack of a quorum because many legislators were absent. Today’s session comes at a time when the recruitment process of the central bank is in the final stage. The post Somali MPs debate amendment of central bank appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka. Xildhibaanada oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan . 163 xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan. Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada BF oo ansixiyay wax ka badal xeerka Hanti dhowrka qaranka appeared first on Puntland Post.
  5. Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland Aadan Ibraahim Aw Xersi ayaa Goobjoog News uga warammay dhacdo ugub ku ah baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka kadib markii wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle uu block saaray ama iska xannibay xiriirka mas’uul ka tirsan mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah. Aadan Aw Xersi ayaa dhacdadaasi kadib waxaa uu bartiisa Twitterka ku soo qoray ” Waa wasiir maaliyadeed noocee ah midka muwaadin u xanibaya faallo yar uu bixiyey?” Haddaba, Goobjoog News waxaa ay Aw Xersi weydiisay sababta uu wasiir Beyle isaga xannibay xiriirkiisa, isaga oo arrintaasi ka jawaabayana waxaa uu yiri ” Aniga su’aal ayaan weydiiyey, ka muwaadin ahaan inuu iiga jawaabo ayey aheyd ee inuu block i saaro, waxaa ay muujineysaa dulqaad la’aantiisa”, isaga oo intaasi raaciyey “Sax ilama ahan in su’aal block loogu jawaabo, muwaadinka in loo jawaabo xaq ayuu u leeyahay”. Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland Aadan Ibraahim Aw Xersi ayaan sidoo kale weydiiney su’aasha uu wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ka carooday, keentana in uu block saaro ama xannibo xiriirkooda barta Twitterka? “Su’aashu waxaa ay aheyd, Laaluush miyaa ku jira qoondooyinka miisaaniyadda dowladda?” Maxaa ula jeeday hadalkaas markii aan dhahnay waxaa uu yiri “Laaluush in la bixiyo oo ay dowladda federalk ah bixiso waa muuqaa, ee su’aasheyda waa: Laaluushku ma wax qoondada miisaaniyadda ugu jiraa dowladda federaalka ah mise meel kale ayaa laga helaa?”. Dhinaca kale, Goobjoog News waxaa ay iskudey xiriir la sameysay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle, laakin nooma suurogelin. Waxaa istaagsan xiriirka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka ah, inkasta oo xilligaasi kadib ay isbadal ka dhaceen labo maamul hadana ma jirto wax isu soo dhowaanshiyo ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Guddooonka Baarlamaanka Puntland Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyay ajandaha ay ku shaqeyn doonaan kalfadhiga 43-aad, kaas oo ka kooban dhowr qodob. Ajandaha ay ansixiyeen Baarlamaanka Puntland waxaa ku jira in Golaha Xukuumadda uu soo dhisi doono Madaxweyne Deni loo ansixin doono mid-mid, iyadoo horey loo ansixin jiray si wadar ah. Xeerkan ayaa laga yaabaa in uu keeno in qaar kamid ah Golaha Xukuumadda ee la soo dhisi doono ay kalsooni ka heli waayaan Baarlamaanka Puntland. Sidoo kale ajandaha ay maanta ansixiyeen Baarlamaanka Puntland waxaa kamid ah ansixinta miisaaniyadda sanadkan 2018, si ku meel gaar ah muddo saddex bilood ah inta laga soo gudbinayo miisaaniyadda 2019, ansixinta barnaamij siyaasadeedka Xukuumadda cusub iyo xaalada amniga. Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan la horkeeni doonaa Xukuumadda uu soo dhisi doono Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo Xukuumadda cusub u ansixin doona mid-mid appeared first on Puntland Post.
  7. 18-December 2018-Waxaa garoonka Aadan Cadde ee caasimada Muqdisho kasoo dagay wafdiga kooxda Som United oo ah koox Soomaaliyeed oo ka diiwaan gashan horyaalka heerka afaarad ee dalka Sweden u jadeeda socdaalkooda waxa uu ahaa is-dhaxgal bulsho iyo ciyaar saaxiibtinimo iyo in ay ogaadaan is badalka ka jira wadankooda hooyo ee Soomaaliya. 22-December 2018-Wiilasha Som United ayaa caasimada ku dheelay kulankoodii kowaad ee ciyaaraha saaxiibtinimo ee loo qorsheeyay waxayna ciyaaro xiiso badan la yeesheyn kooxda Muqdisho United oo ka mid ah kooxaha u diiwaan gashan xiriirka kubbadda cagta labada dhinac ayaa soo bandhigay ciyaar ku dheehan farsamo oo aad usoo jiidatay taageerayaashii kasoo qeyb galay. 24-December 2018-Kooxda Som United ayaa kulankii 2-aad garoonka Banaadir ee degmada Cabdi Casiis kulan xiiso badan kula ciyaaray wiilasha Madbacada Qarankka waxaana kulankaas natiijo 3-1 ku adkaatay xidigaha Som United,qaar ka mid ah ciyaartooyda Madbacada Qaranka ayaa inoo sheegay in kooxda Som United lag helo karo xirfadlayaal tira badan oo kaabi kara mustaqbalka safka xulka qaranka dalka. 26-December 2018-Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan is barasho iyo xog wareesi la yeeshay wafdiga ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda Som United,Khayre ayaa dhageestay fikirka dhalinyarada ku koray qurbaha ee ku aadan horomarinta wadanka wuxuuna si guud mahad celin ugu diray dhamaan kooxihii qurbajoogta ee sanadkii tagay 2018 dalka u yimid ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is dhaxgalka. 27-December 2018-Kooxaha kubbadda cagta L.L.P Jeenyo iyo Som United ayaa wada dheelay kulan ciyaareed tariikha ah oo aysan labada dhinac iloobi doonin sababtoo ah Bashiir Jeenyo oo ahaa madaxdii wafdiga kooxda Som United ayaa waxa uu ka mid ahaa xidigihii ugu caansanaa ee soo maray L.L.P,isagoo door wacan ka ciyaaray sanadii 2012 in dib loo soo celiyo Jeenyo ciyaarta markii ay dhamaatay labada dhinac ayaa wada galay sawirro xasuus oo ay qeyb ka ahaayeen xidigihii kubbadda kolayga iyo kubbadda cagta ee soo maray Jeenyo. Marka laga soo tago ciyaarihii saaxiibtinimo ay caasimada ku dheeleen xidigaha kooxda Som United iyo kulamadii ay la yeesheen qaarka mid ah madaxda dowlada waxa ay booqasho iyo dalxiis ku qaateen xeebta Liido ee degmada C/Casiis waxaa ii suura gashay in aan xeebta labaad waraysiyo kula yeesho macalimiinta iyo ciyaartooyda,iyagoo sharaxaad ka bixiyay farqiga u dhaxeeya xeebta dalkooda iyo wadamada kale ee caalamka. 28-December 2018-Wasiirka amniga Dowladda Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo xilidhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka ayaa kulan is barasho la qaatay kooxda Som United,mas’uuliyeenta dowladda ka socotay ayaa xog wareestay dhalinyarada,iyagoo waydiiyay waxa ka jira wadanka iyo wixii ay ka arkeyn baraha bulshada inta aysan soo caga dhiganin. 29-December 2018-kulankii u danbeeyay ee ciyaaraha saaxiibtinimo kooxda Som United waxa ay la dheeleen xidigaha Muqdisho City Club oo iyagana kolkii kowaad ku ciyaaray magaca caasimada ama dowaladda hoose ee xamar tan iyo markii ay la wareegeen maamulka Gobolka Banaadir 25-November 2018 garoonka waxaa ciyaartaas usoo xaadiray mas’uuliyeen ka socotay maamulka Gobolka Banaadir,iyagoo mahad celiyay wiilasha Som United qaabka wanaagsan ay isku soo abaabuleen iyo wacdarihii ay soo bandhigeen kulamadii ay ciyaareen. 30-December 2018-Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (EngYariisow) ayaa kulan sagootin ah caasimada ugu sameeyay wafdiga Som United waxaana madashaa kasoo qeyb galay mas’uuliyeen ka socotay dowladda,gudoomiyaasha degmiooyinka Gobolka Banaadir dadkii kasoo qeyb galay munaasabada ayaa mastaqbal wanaagsan u rajeeyay xidigaha kooxda Som United,iyagoo kula dardaarmay in sanadaha soo aadan laga sugayo dhamaan gobolada Soomaaliya. 30-December 2018-Wafdiga ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda Som United ayaa ka ama baxay caasimada Muqdisho,iyagoo ku laabtay dalka Sweden inta aysan ka duuulan garoonka aadan cadde ayaa waxaa inoo waramay qaar ka tirsan ciyaartooyda,iyagoo inoo sheegay in dalka ay ka tagayaa iyagoo aad u jecel. Halkan Ka Daawo Booqashada Kooxda Som United Ee Soomaaliya 2018 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
  8. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Awmaxamed Dani ayaa maanta oo isniin ah 14/1,2019 ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay. Madaxweynaha ayaa durba maanta wuxuu [...] Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiib sharci daro ah ay ka kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya. Cabdullaahi Bidhaan Warsame, wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyraadka badda xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta ka kaluumeysto xeebaha Soomaaliya ay qaarkood ka socdaan dalalka deriska la ah Soomaaliya. Wasiir Bidhaan, ayaa sheegay in maraakiibtaasi aysan heysan sharci ay kaga kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in arintaasi ay saameyn weyn ku yeelan doonto kaluumeysatada Soomaalida. Inka badan 300 maraakiib ayuu sheegay inay si sharci daro ah kaga kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in maraakiibtaasi aan loogu dulqaadan doonin howlaha ay ka wadaan xeebaha. Dhinaca kale wuxuu sheegay in hadal heyn badan ay ka dhalatay ruqsad ay siiyaan maraakiib laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaasi oo uu sheegay inay heystaan fursad ay kaga kaluumeysan karaan xeebaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Afmadow ( Sh. M. Network )-Sarreeye Guuto Aadan Maxamuud Ibraahim (Koojaar) Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Jubbaland ayaa maanta taliye cusub u magacabay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Wareegto ka soo baxday taliye Koojaar ayaa waxaa taliyaha amniga ee degmadaasi loogu magacaabay G/ Dhexe Siyaad Macalin Bashiir. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Jubbaland Oo taliye cusub u magacawday Afmadow appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Tuug waa is-qariyaa, Halka uu ka xado tulud, Tahan buu ka guuraa, Toddobaadkan Xaajow, Mid tiriig sitaa yimid, Ibraahim Gadhle Qofku markuu fashilmo waxaa u furan waddo ee aan u tilmaano wadadaasi Wasiir Guribarwaqo Mudane wasiir waxaan kugu Dhiirigelinayaa inaad Xilka Dhiibto oo aad Umadda ka xishoooto kaama sugayno maanta xilgudasho waayo si foolxun ayaad u fashilantay weliba waxaad ku dartay Inaad la goletimaado Sanadka labo ayaa la kala noqonayaa oo qofkii naga horyimaada waa Somaliland Diid Miyaadan ogeyn Wasiir in la gubayo Buugaagii Faca iyo Jiilka soo socda si aanay Dhaqan xumada ku qoran u arag Wasaaradii laguu dhiibay meel ku sheeg Wasaaradii Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Meeday xagay ku danbaysay Tvga Qaranka Qaybtii gudaha ayaa Todobadkii hore fadhiisatay Idaacaddii ayeynu Ognahay Xaalkeeda Dhaqanki adaaba dilay oo isna waad ogtahay Wasiir Wacyigelin Warkeedabada Daa Bi’i Waaye Wasiirkii Hanuuninta ayaad tahaye markaasaada leedahay “Sannadkan cusub, waxaa loo kala baxayaa Somalilander iyo Somaliland diid. Markaa ninkii aan Somaliland Hunguri ka qabin ama aan ku kalsoonaynoow, Xamar way kuu bannaan tahay. ” Saw Guuldaradaada Hadalkaagu inooguma filna Kan danbe soo geli wll Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Shaaciyey Inuu Xisbiga KULMIYE Dooraasho Diid Yahay Iyo Arrimo Kale Oo Xasaasiya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Barnaamijka Baadi-Goob oo ah Barnaaji inta badan lagu fallan-qeeyo xaaladda dalka iyo xukumaddda tallada KULMIYE ayaa qaybtan waxaa lagu eegayaa sida xukumadda Muuse Biixi u maamushay saami-qaybsiga Kuraasta Masuuliyiinta Dalka iyo arrimo kale, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Boosaaso)-Askari ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ku qarxday miino dhuka lagu aasay xili ay hawlgal socod ah ku marayeen Toga Bali-khadar oo cirifka ku haya Buuralayda Galgala. Dhaawaca iyo askariga dhintay maydkiisa ayaa la keenay Cisbitaalka Magaalada Boosaaso. Dhinaca kale, gaari safar ah oo ka tagay magaalada Boosaaso, kuna socday dhulka ka baaxsan laamiga Gobolka Bari ayaa koox hubaysani weerar ku qaaday salaaddi maqrib ka dib, xili uu marayey dalcadaha meerka oo magaalada Boosaso u jirta 55KM,. Dhaawacyo iyo dhimasho ayaa ka dhashay weerkaas dadka shacabka ah loo gaystay sida wararku sheegayaan, inkasta oo aan tirakoob dhab ah laga hayn, waxaase dadka deegaanku ay VOA u xaqiijiyeen in dadka qaar ka mid ah oo baxsad ah ay arkeen. Maamulka Puntland ayaanan weli wax war ah ka soo asaarin dhacdooyinkaan ay saacaduhu u dhexeeyeen. Source
  15. Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani iyo sidoo kale ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta oo isniin ah si rasmi ah xilalkooda ula wareegaya. Xarunta Madaxtooyada ee Garoowe waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo ay mas’uuliyiintan xilalka kula wareegayaan iyadoo aad loo adkeeyey amniga guud ee magaalada Garoowe. Waxaa la filayaa in madaxdii hore ee Puntland ay halkaasi khudbado ka jeediyaan munaasabaddan, islamarkaana ka hadlaan wixii ay qabteen Shantii Sano ee lasoo dhaafay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREYSI-CAWIL-CALI.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Washington)-Madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga waa haddii Turkiga uu weerar ku qaado xoggaga Kurdiyiinta ee ka dagaallama dalka Suuriya kaddib markii Mareykanka uu bilaabay qorshe uu ciidamadiisa kaga soo saarayoo dalka Suuriya. Qoraal uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray wuxuu Trump sheegay uusan dooneynin in kooxda Kurdiyiinta ee xukuumadda Ankara ay u aqoonsan tahay argagixisada aanan la daandaasan. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si caro leh uga jawaabay tageerada Mareykanka ee kooxda Kurdiyiinta, wuxuuna ballan qaaday inuu cagta marin doono maleeshiyaadka Kurdiyiinta. Amiir sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada Sucuudiga, Turki Al Feysal ayaa BBC u sheegay in haddii uu Mareykanka kala soo baxo ciidamadiisa dalkaa Suuriya ay dan ugu jirto dalalka Iran, Ruushka, Suuriya iyo Bashaar Al Asad. Source
  17. (SLT-Tehran)-Diyaarad ay saarnaayeen ugu yaraan 9 qof oo rakaab ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Fatx ee ku yaalla caasimadda Iiran ee Tehran. Warbaahinta Iiran ayaa ku warrantay in ilaa iyo hadda aysan jirin faahfaahin ku saabsan khaasaraha ka dhashay shilka diyaaradda. Madaxa gurmadka deg deg ee dalka Iran Pirhossein Kolivand ayaa sheegay in uusan weli wax war ah ka helin shilka diyaaradda. Warbaahinta Iiraan ayaa ku warrantay in diyaaradda kasoo duushay garoon ku yaalla dalka Kyrgyzstan. Wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan ayaa baahisay sawirro muujinayo diyaaradda oo holceysa. Shaqaalaha gurmadka deg deg ah ayaa loo diray goobta. Source
  18. (SLT-Riyadh)-Xubin sare oo katirsan qoyska xukuma Sacuudiga ayaa kasoo horjeestay in ciidamada Maraykanku ay ka baxaan Suuriya. Amiir Turki al-Faisal ayaa BBC-da u sheegay in tallaabadani ay yeelan doonto saamayn taban, taas oo uu sheegay in ay fursad siin doonto Iran, Ruushka iyo xukunka Madaxweyne Bashar al-Assad. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay bishii December in la gaaray xilligii ciidamada Maraykanka ee ku sugan Suuriya ay dalkooda kusoo laaban lahaayeen. Amiir Faisal ayaa hadalkan jeediyey in yar uun kahor markii Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo uu socdaal ku tagay Riyadh. Mr Pompeo ayaa socdaal kumaraya Bariga Dhexe, wuxuuna goor horeba booqday dalalka Ciraaq, Urdun, Masar iyo Bahrain. Waxa uu sheegay in bulshada caalamka ay ceeb kutahay in ay dhabarka u jeediyaan shacab Suuriya iyo in ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ay xaaladda uga sii darayso. Amiirka ayaa intaas ku daray in iscasilaaddii wasiirkii difaaca Maraykanka James Mattis ee bishii December ay ayduna tahay mid xaaladda uga sii daraysa. Amiirku ma ahan xubin katirsan xukuumadda Sacuudiga, hase ahaatee wuxuu ku dhex leeyahay waayo aragnimo gaaraysa tobonaan sano. Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warramaysa in la filayo in wasiirku uu dalalkaas kala xaajoon doono arrinta Iran, loollanka ka taagan Yemen iyo Suuriya, iyo in uu sidoo kale doonayo in uu wax ka ogaado halka uu marayo baadhitaanka la xiriira dilkii Wariye Jamal Khashoggi. Source
  19. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay kulan ku leeyihiin xaruntooga magaalada Muqdisho. Ajendaha maanta ee kulankan ayaa ah u codeynta wax ka bedalka sharciga hanti dhowraha guud ee qaranka iyo sidoo kale xeerka maamulka Bankiga dhexe ee dalka. Kulankan maanta ayaa dib u dhacay Sabtidii aynu kasoo gudubnay kadib markii aanu buuxsamin kooramkii loo baahnaa. Xildhibaannada golaha shacabka qaarkood ayaa sheegaya in kulanka maanta uu yahay mid aad u xasaasi ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Bu’aale )-Al-Shabaab ayaa Axadii la soo dhaafay ku dilay degmada Bu’aale ee Gobolka Jubadda Dhexe Sarkaal ka tirsan Daacish. Sida ay sheegayaan wararka Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabayay Yaxya Xaaji Fiile oo loo yaqaano Abuu Zakariye, waxaa lagu dilay goob lagu shaaho oo uu fadhiyay. Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo toogtay Sarkaalkan ay markii dambe meydkiisa u qaadeen goob aan la garaneyn. Abuu Zakariye ayaa xubin ka ahaa Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2006-dii, waxaa uu xubin ka noqday Golaha Shuurada, inkastoo markii dambe uu ku biiray Ururka Daacish. Wararka laga helayo Bu’aale ayaa sheegaya inuu dib ugu laabtay Bu’aale, kaddib wada hadal dhex maray isaga iyo Al-Shabaab, waxaana horay loogu eedeeyay inuu ku biiray Al-Shabaab. Abuu Zakariye ayaa waxaa adeer u ahaa Bashiir Abuu Nucmaan oo horay Al-Shabaab u dileen sanadkii 2015, kaddib markii uu ku biiray Ururka Daacish. Waa dilkii u horeeyay ee Al-Shabaab ku fuliso Sarkaal ka tirsan Daacish, tan iyo markii uu dhowaan Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere uu ku baaqay dagaal ka dhan ah Kooxdaas. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa sii kordhayay xiisadda u dhaxeysa Al-Shabaab iyo Daacish, bishii December ayaa labada dhinac waxay ku dagaalameen Buuraleyda Gobolka Bari, waxaana Daacish ay sheegatay inay disheen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kana furatay Hub iyo agab kale. Source
  21. (SLT-Garoowe)-Waxaa maanta lagu wadaa in Aqalka Madaxtooyada maamulka Puntland ee magaalada Garoowe inay ka dhacdo munaasabad uu xilka kula wareegayo madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Siciid Cabdulaahi Deni. Diyaargarowga munaasabadda xilka wareejinta ayaa haatan ka socota magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland,iyadoona la filayo in munsaabada ay ka qeyb galaan madax kala duwan iyo masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay Puntland. Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi u wareejinaya xilka madaxweynaha Puntland kaas oo uu muddo shan sano soo hayay iyadoona madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay iyo madaxweynihii hore ay khudbad kooban ka jeedin doonaan xafladda xil wareejinta. 8 bishan Janaury ayay ahayd markii doorasho ka dhacday magaalada Garoowe uu ku guuleystay Dr Siciid Cabdulaahi Deni kaas oo noqday madaxweynaha 5-t sano ee soo socota hoggaamin doona Puntland. Source
  22. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliaydda Somaaliya oo warbaahinta u qabtay shir jaraa’id bille ah waxaa uu ku faah faahiyay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda Maaliyadda sanadkii tagay 2018 iyo qorshah au degsan wasaaradd asanadka 2019. Wasiir Beyle waxaa uu sheegay in 2-dii sano ee la soo dhaafay daqliga soo gala dowladda uu kordhay 64% boqolkiiba,markii ay wasaaraddu xoojisay nidaamka canshuuraha lagu qaado ee dalka gudihiisa,taasi oo uu ku tilmaamay in wax badan ay ku soo kordhisay daqliga soo xarooda. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dowladda ayuu tilmaamay in labadii sano ee u dambeysay ay ku guuleysatay wasaaraddu bixinta mushaharaadka Ciidanka iyo shaqaalaha dowladda,islamarkaana sanadkaan ay rajaynayso si la mid ah sanadihii hore. Miisaaniyadda sanadkaan oo ka kooban 344 Milyen ayuu sheegay in 200 milyen oo ka mid ah wasaaradda ay ka rajaynayso in uu ka yimaado dakhligu gudaha laga soo aruuriyo. Dhaqaalaha Soomaaliya ee waqtigaan marka lala meel dhigao dalalka kale waa mid aad u yar si loo gaaro isku filnaan iyo kobac dhaqaale,wuxuuna u ku buuriyay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay bixiyaan casnhuuraha si loola baratamo dowladaha kale ee caalamka. Ugu dambeyntii shirkiisa jaraa’id ayuu Wasiirka maaliyadda ka sheegay in in sanadkaan uu raja badan Soomaaliya ka qabto in la soo geba gebeeyo dadaalada loogu jiro in dalka laga cafiyo deymaha lagu leeyahay. The post Beyle”Waxaan rajeynaynaa in deymaha nalaka cafiyo sanadkan” appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Boosaaso ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay G/ Bari ee maamulkaasi. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Ciidamadaasi, xilli ay howlgallo ka wadeen deegaanka Toga Bal-Khadar ee gobolkaasi. Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale. Dhinaca kale Al Shabaab oo ka hadlay qaraxaasi ayaa sheegtay masuuliyaddiisa, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxan ay ku dileen 1 Askari, kuna dhaawaceen 4 kale, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidanka Puntland oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya dhulka Buuraleyda ee gobolka Bari. The post Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay G/ Bari appeared first on Shabelle. View the full article