-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka George Bush Oo Geeriyooday
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Washington)-Madaxweynihii hore ee Mareykanka George HW Bush ayaa geeriyooday, sida uu xaqiijiyay wiilkiisa Goerge W Bush. George Bush Sr oo 94 jir ahaa ayaa soo noqday Madaxweynihii 41aad ee Mareykanka sannadihii 1989-1993, isagoo sidoo kale labo jeer Madaxweyne kuxigeen u ahaa Ronald Reagan. Bishii April ee sanadkan ayaa la dhigay Isbitaal, todobaad kaddib markii ay geeriyootay xaaskiisa Barbara. Intii uu talada hayay waxaa lagu xusuustaa inuu hormuud u ahaa dagaalkii Ciraaq lagu qaaday, markii ay ku duushay Kuwait, taasoo sabab u aheyd in dalka Ciraaq ka soo baxaan Kuwait. Waxaa uu ku guuldareystay in markii labaad dib loo soo doortay, waxaa ka guuleystay sanadkii 1993 doorashadii xilligiisa labaad Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton oo ka socday Xisbiga Dimoqraadiga. Hase ahaatee wiilkiisa George W Bush ayaa ka noqday Mareykanka Madaxweyne, isagoo bedelay Madaxweynihii aabihii xilka kaga guuleystay Bill Clinton oo 8 sano xilka hayay. George Bush Sr waxaa uu siyaasadda ku soo biiray sanadkii 1964, waxaa uu ka mid ahaa dadkii ugu caansanaa ee Xisbiga Rebublican, isagoo 40 jir ah ayuu noqday maalqabeen. Source -
(SLT-Buenos Aires)-Hogaamiyeyaasha dunida ayaa furitaanka kulankooda G 20 ku bilaabay khilaaf iyo is afgaranwaa, taas oo sii kordhinaysa cabsida laga qabo in shirkaan ka dhacayo dalka Argentina uu ku guul dareeysto in uu ka soo baxo heshiis kama dambeeys ah. Madaxda ayaa waxa ay aad ugu kalaa qeeybsameen mowduucyada isbedelka cimilada, ganacsiga iyo dilkiI loo geystay weriye Khashoggi. G-20 waxaa ku bahoobay ilaa 19 dal oo ah kuwa ku hormaraya dhanka warshadaha iyo Midowga Yurub. Shirka wadamadaan ayaa waxaa la bilaabay sanadkii 2008-dii waxa ayna xubnaha ka tirsan fursad u siinaysaa in ay ku xalliyaan arrimaha siyaasadda ee ugu waaweyn oo markaasi tagan. Aminga magaalada Buenos Aires oo uu shirka ka dhacaayo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo maalintii jimacahana laga dhigay maalin fasax ah, waxaana la xiray dhamaan ganacsiyada waaweyn ee magaalada. Dibedbaxayaal ka careeysan lacagta lagu kharash gareeyay shirka ayaa isugu soo baxay banaanka goobta uu ka dhacayo kulanka. Dhanka kalana Mareeykanka iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal ganacsi oo saameeyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida. Madaxweynaha Mareykanaka Donald Trump iyo dhigiisa Shiinaha ayaa markii ugu horeeysay kulmi doona tan iyo markii canshuuraha lagu kordhiyay badeecadaha isaga kala goosha labada dal. Mareykanka ayaa shiinaha ku eedeeyay in ganacsigiisa uusan ahayn mid cadaalad ku saleeysan halka shiinuhuna uu Mareeykanka ku eedeeynayo in uu isku dayo in uu xakameeyo kobaca dhaqaalihiisa ku saleeysan sharciga. Ka hor kulanka cashada ee labada madaxweyne ayuu Mr Trump sheegay, in ay wanaagsanaan lahayd in ay heshiisa ka gaaraan khilaafka ganacsiga ee labada dal. Source
-
(SLT-Hindiya)-Haweeney u dhalatay dalka Hindiya oo bishii la soo dhaafay ku guul darreysatay isku day ay ku dooneysay iney ku gasho mid ka mid ah macbadyada ay barakeystaan dadka heysta diinta Hinduuga ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana lagu soo oogay dacwad, ka dib markii ay Facebook-ga soo dhigtay sawir ay iska qaadday iyadoo ay “bowdadeeda qaawantahay”, xilli ay ku sii socotay macbadka. Rehana Fathima oo 32 sano jir ah ayaa si weyn looga yaqaannaa qeybo ka mid ah Hindiya, waxaa howlaha ay qabato ka mid ah farsamada isgaarsiinta, u doodidda xuquuqda dadka kale iyo xayeysiiska dharka. Ms Fathima ayaa maalintii talaadada ahayd xabsiga loo taxaabay xilli ay ku sugneyd xafiiskeeda oo ku yaalla magaalada Cochin, sida ay BBC-da u sheegtay saaxiibteed oo lagu magacaabo Aarthi SA. Markii la xiray ka dib, garsoore maxkamadeed oo ay ka soo hor muuqatay ayaa amray in 14 maalmood xabsiga lagu sii hayo, ilaa inta laga dhammeystirayo baaritaanka lagu hayo. Gabadhan ayaa lagu eedeeyay iney sawrikeeda xad gudub ugu geysatay diinta Hinduuga. Shirkadda Taleefannada ee dowladda oo ay shaqaale u ahayd ayaa si ku meel gaar ah shaqada uga joojisay, si looga war sugo natiijada baaritaankeeda. Horraantii bishan ayey Fathima maxkamadda ka codsatay in ay soo saarto amar booliska ka mamnuucaya soo xiritaankeeda, hase ahaatee garsoorka ayaa ku gacan seyray codsigeeda, taasoo fududeysay in la xiro. Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionDad mudaharaadeyaal ah ayaa bishii hore Rehana Fathima ka hor istaagay iney gudaha u gasho macbadka Dad mudaharaadeyaal ah ayaa bishii hore Rehana Fathima ka hor istaagay iney gudaha u gasho macbadka Sabarimala shrine oo gabi ahaanba laga mamnuucay haweenka ku jira “da’da ay cadaada ku helaan”. Dadka heysta diinta Hinduuga ayaa aaminsan in haweenka ay caadada ku dhacdo aysan nadiif ahayn, isla markaana aysan u qalmin iney galaan goobaha lagu cibaadeysto. Arrintan ayaa muran xoog leh ka dhalisay dalkaas, waxaana in muddo ahba socday mudaharaadyo lagu kala qeybsamay. Bishii 9aad ayey maxkamadda ugu sarreysa dalka Hindiya ku gacan seyrtay mamnuucitaankaasi, iyadoo amar ku bixisay in macbadkaas loo oggolaado dhammaan haweenka ay da’dooda kala duwantahay. Hase ahaatee dadka daacadda u ah dhaqanka macbadka ayaa diiday amarka maxkamadda, iyagoo isku gedaamay goobtaas, si ay uga hor istaagaan cid walba oo aan loo oggoleyn. Bishii Oktoober, Ms Fathima iyo haweeney kale oo saxafiyad ah ayaa isku dayay iney macbadka galaan, iyagoo gacan ka helayay in ka badan 100 askari oo ka tirsan booliska. Inkastoo ay tageen dusha sare ee buurta uu ku yaallo macbadka, isla markaana dhowr mitir u jirsadeen ablaabkiisa, haddana dib ayey u soo noqdeen maadaama uu qalalaase ka dhashay halkaas, ayna ismari waayeen booliska iyo dadkii diidanaa in loo gudbo macbadka. Hadda oo 2 bilood laga joogo markii uu amarka ka soo baxaya maxkamadda, wali ma jirto haweeney gashay macbadkaasi. Kumannaan qof ayaa loo xiray qalalaasaha ka dhashay arrintan, kuwaasi oo qaarkood la sii daayay, halka kuwo kalena ay wali xidhanyihiin. Source
-
(SLT-Afghanistan)-Duqyn ay Mareykanka ka fuliyeen dalka Afqanistan Talaadadii ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 23 qof oo rayid ah, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay. Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in dadka ku dhintay duqayntani ay badankood yihiin caruur iyo haween. Weerarkani oo lagu qaaday goob ku taalla gobolka Helmand ayaa dhacay xilli ay howlgal si wadajir ah u fulinayeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afqanistaan. Baaryaasha ayaa sheegaya in caaruur gaaraya 10 iyo 8 haween ah laga yaabo in ay ku dhinteen duqayntaasi. Saraakiisha Mareykanka ayaa dhankooda sheegay in ay wali baarayaan dhacdadani. Khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah ee ka dhasha duqaymaha ayaa sare u kacay tan iyo intii ay Mareykanka ku dhawaaqeen istaatijiyada cusub ee Afqanistaan sanaddii aanu soo dhaafnay. Madaxwayne Trump ayaa ciidamo badan u huray Afqanistaan waxa uuna sare u qaaday duqaymaha lala bartilmaameedsanayo Taliban iyo kooxda IS. Howlgalka NATO ee ay horkacayaan Mareykanka ayaa waxay sheegeen in weerarkan Talaadadii dhacay uu ahaa mid ay uga jawaabayeen weerar ciidamada gaarka ah ee Afqanistan uga yimid Taaliban degmada lagu magacaabo Garmser. Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda sheegtay in ay diiwaangaliyeen 649 khasaaro dad rayid ah kuwaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray duqaymaha cirka sagaalkii bilood ee ugu horeysay sanadkan. Waa tiradii ugu badnayd ee khasaaraha rayidka Afqanistan tan iyo intii la bilaabay diiwaangalinta 2009. Source
-
(SL-T Ceerigaabo) kulamadii xasaasiga ahaa ee Madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay Odayaasha, Wax-garadka iyo Aqoonyahanka Degmooyinka Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo mudadii uu ku sugnaa Gobolkaasi safarkiisii Toddobaadkan ayaa waxa noo suurto gashay in aanu xogo rasmi ah ka helno natiijada qodobadii ugu shishlaa ee kulamadaasi lagu soo qaaday ee ay labada dhinac ka wada hadleen. Kulamo gooni gooni ah oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Uu Magaalooyinka Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo kula qaatay Wax-garadka iyo Odayaasha Beelaha deegaamadaasi ayaa inta badan nuxurka qodobadii laga wad hadlay waxa ay ku salaysnaayeen xaaladaha siyaasadeed iyo wadciga dalku wakhtigan marayo iyo gaar ahaan waxa ay sida gaarka ah u tabayeen beelaha uu odayaashooda kulamadaasi kula qaatay ee ay door bidayeen in ay kala hadlaan oo ay sii diyaarsadeen. Markii haddaba Madaxweyne Muuse Biixi ka soo laabtay safarkii uu ku tagay Gobolka Sool iyo gaar ahaan jiidda hore ee ciidamada qaranka waxa uu toos ugu gudbay Gobolka Sanaag isaga oo cagtiisa koowaad ku negaaday Degmada Ceel-Afweyn oo uu u dhaxay, maadaama Degmadaasi oo ahayd Degmo xaaladdeeda siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaaleba muhiimad gaar ah u lahayd safarka Madaxweynaha. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Magaalada Ceel-Afweyn kula kulmay odayaasha iyo wax-garadka Beesha Galbeedka Sanaag oo ay isku wajaheen kulan xasaasi ahaa oo wax badan labada dhinas is dhaafsadeen waxaana ajandayaasha kulankaasi naloo xaqiijiyey in ay ka mid ahaayeen Mustaqbalka Xisbiga KULMIYE, Amar Madaxweynuhu odayaasha ku siiyay in ay degdeg ugu soo qabtaan ninkii gaystay dilkii ugu dambeeyey ee Deegaanka Ceel-Afaweyn ka dhacay kadib heshiiskii la isla gaadhay iyo sidii ay dhinacooda uga dhammays tiri lahaayeen axdigii iyo ballantii lagu galay qodobadii shirkii nabadaynta Beelaha reer Ceel Afweyn. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulankaasi ka gaws qabsaday wareejinta Mustaqbalka xisbiga KULMIYE oo uu ku sheegay in xisbiga KULMIYE yahay mid qaranku wada leeyahay oo ka baxsan mid laba beelood is waydiisan karaan isaga oo ku soo hal qabsaday qaabkii uu ku hantiyey Guddoomiye-nimada xisbiga KULMIYE ee uu ugala wareegay Axmed Siilaanyo isaga oo sheegay in isaga iyo Siilaanyo wakhtigaa shakhsiyan ka siyaasiyiin ahaan isku ogolaayeen balse aanay ahayn wax laba beelood isku waydaarsadeen lahaanshaha xisbiga KULMIYE Arrinkaasina yahay mid siyaasi ah oo xisbiga gudihiisa u yaalla Mustaqbalka sida uu wax u dhiganayo. Dhinaca kale haddaba markii Madaxweynuhu tagay Magaalada Ceerigaabo ayaa Ilo-wareedyo u dhuun daloola kulan uu Madaxweynuhu kula qaatay Degmada Ceerigaabo odayaasha iyo wax-garadka beesha Habar Yoonis ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen in ay labada dhinac ku naaqisheen qodobo dhawr ah oo ay labada dhinac danaynayeen waxaana ugu muhiimsanaa Xaaladda Nabad gelyo ee Gobolkaasi, xoojinta heshiiskii nabadeed ee Gobolkaasi ka dhacay, Fulinta qodobadii heshiiskaasi, Jabhadda Caarre, Saami qaybsiga xukuumaddiisa ee Beeshaasi ku aaddan iyo waliba adeegyada ay xukuumaddu ugu talo gashay deegaamada beeshaasi. Dhinaca kale xogahani waxa ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen in Odayaasha Beeshu ay Madaxweynaha ka dalbadeen in uu degdeg u sii daayo Axmed Cadib ooh ore loo xidhay iyo in ay iyagu ka dhaqan ahaan wax ka qaban doonaan Arrinka Kornayl Caarre. Labada dhinac ayaa la sheegay in ay si weyn kulankaasi iskula fahmeen dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen. Source Wargayska Foore Source
-
Muqdisho ( Sh. M/ Network )-Xukun Xasan Abshir ayaa ka so baxay si dhuumaaleysi ah aagga dhanaane ee gobalka shabeelaha Hoose. Ujeedada qarsoon ee kasoo tagista goobtiisa shaqo ayaa ahayd inuu dhac ka gaysto mid ka mid suuqyada magaalada . Markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho ayay si wada jir ah dhac ugu baraareen isaga, marxuum Saleebaan Cali Maxamed iyo askari kale oo baxsad ah ee uu Saleebaan Yaqiinay. Xukun Xasan Abshir ayay ciidamada amniga ka soo qabteen suuqa weyn Bakaaraha, waxaana xilligaasi uu Ku guda jiray dhac uu ugeysanayay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo shaqa tegay Suuqa Bakaaraha. Shacabka ayaa Ku war geliyay ciidamada Amiga in suuqa uu ka socdo dhac ay geysanayaan rag ku hubaysan qoray Ak47 iyo Bistoolad. Ciidamada Amiga degmada Howlwadaag ayay isaga hor yimaadeen suuqa markii lagu amray in ay isdhiibaan ayuu bilaabay xabad Xukun Xasan Abshir taasi oo sababtay in uu geeriyoodo Saaxiibkiisa saleebaan halka sidoo kale uu baxsaday shaqsi kale oo la socday kaasi oo Ku hubeysnaa Bistoolad. Intaas kadib ayuu is dhiibay Xukun Xasan sidaana ay ciidamada amniga ugu soo wareejiyeen Hey’adaha Baarista. 15-10 ee sanadkan ayaa loo soo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta, isla xilligaas ayay garsoorka weydiisteen in loo dhaa dhiciyo xabsiga inta ay ka soo dhameystirayaan eedda eedeysanaha. Baaristooda kadib ayay 22 – bishii 11 ee sanadkan ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda. Maxkamadda ayaa aqbashay 4 cisha uun kadib in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Axmed oo ah Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa fadhiga hor keenay laba shaqsi oo shaqa joojin Ku sameeyeen intii ay dhacca wadeen xukun iyo saaxibbadiiis, afar kamid ah ciidamada amniga ee soo qabtay eedeysanaha, warqad muujineyso lacagta baadda ah oo ay ka qaateen masuul ka tirsan Shirkadda BaalGore iyo ID Card, ay u isticmaaleen baadda dadka, qoriga dhacca lagu geystay iyo Qiraal laga qoray eedeysane Xukun Xasan Abshir. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Ku dooday in loo naxariisto, loona fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo. Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan Ku gaaray in lagu xukumo Xukun Xasan Abshir 8-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale hadii uusan Ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. The post Maxkamadda CQS Oo xukuntay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa si aan la fileyn kaga hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya shalay ay geysay magaalada Baydhabo. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in madaxweynihii Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan uu ka tagay ciidamo badan oo tayaysan kuwaasi oo xaqiijin kara amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Wuxuu sheegay in arin aan la aqbali karin inay tahay ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo, maadaama horey ay u joogeen ciidamo badan oo ku filan amaanka deegaanada doorashada ay ka dhaceyso. “Deegaanka dowlad ayaa ka jirta, Shariif Xasan markuu meesha ka tagayay wuxuu ka tagay ciidamo badan oo tayeysan kuwaasi oo amaanka xaqiijin kara, ciidamadaasi inay sugaan amniga doorashada wey ku filan yihiin” Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay in dadkii ka dambeeyay amarka ciidamada lagu geeyay magaalada Baydhabo lagula xisaabtami doono, waxii ka yimaada. “Marka wax kaloo dheeri ah ma jirto, ciddii ka dambeysay amarka ciidamada lagu geeyay magaalada Baydhabo iyadaa lagula xisaabtamayaa”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)- Wuxuu ahaa kulan wajigabax ah, mana uusan fileynin in sidaas ay ula dhaqmi doonaan beesha Hariin ,laakiin lama filaan ayuu la kulmay musharax Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in madaxtooyada Soomaaliya ay joojisay taageero maaliyadeed oo ay siineysay musharax Cabdicasiis Lafta Gareen, kadib markii ay hoos u dhacday rajada laga qabo inuu guuleysto. Dood badan ayaa ka timmid sida uu Lafta Gareen ugu guuleysan karo doorashada dhici doonta 5ta bishaan December, waxaana aan xogta ku helnay in Dowlada dhexe ay dib u gurasho sameysay ,madaama ay adkaatay in Digil iyo Mirifle laga gado Cabdicasiis Lafta Gareen , oo gobalka taariikh madoow kuleh. Musharax Lafta Gareen ayaa asbuucan la fariistay ganacsatada iyo waxgaradka beesha uu ka dhashay ee Hariin ee ku sugan Baydhabo waxaana uu weydiistay taageero maaliyadeed, laakiin kama uusan helin jawaabtii uu rabay. Mid ka mid ah ganacsatadii kulanka ka qeyb gashay oo diiday in aan magaciisa xigano ayaa u sheegay Caasimada Online inuu Lafta Gareen dalbaday lacag dhan $300,000 (Saddex boqol oo kun oo dollar). Wuxuu sheegay inuu aad ugu celceliyay “Balan ayaa rag iiga baxeen, dadka qaar isku haleyn ma galaan” iyo ereyo kale oo loo fahmay inuu ula jeedo Dowlada dhexe. Ganacsatada beesha Hariin ayaa sheegay in aaney hada awoodin iney wax dhaqaale ah ku taageeraan Lafta Gareen, iyagoo ku dooday inuusan markii hore isku sharaxin talada beeshiisa. Nin ka mid ah odayaashii meesha ka hadlay ayaa yiri “Qoladii kusoo dirtay ha dhameystirto howsha” Waxaa la sheegay in musharax Cabdicasiis Lafta Gareen ay taasi niyad jab iyo rajo beel kusii riday. Kulankaan lagu hugoobay ayaa kusoo aadaya iyadoo ay maalmo uun ka harsan tahay doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maxamed Axmed Cusmaan Al Xammadi, oo ah safiirka dalka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya iyo ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Imaaraadka iyo UN-ka iyo weliba sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay xarunta safaadadda Imaaraadka ee Muqdisho, waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sida la sheegay dadaallada ay Imaaraadka iyo UN-kaba ka wadaan gudaha Soomaaliya. Safiirka Imaaraadka Al Xammadi, waxaa uu u balanqaaday Nicholas Haysom in Abu Dhabi kala shaqeyn-doonto dadaallada lagu soo celiyo xasiloonida, sugidda amniga iyo horumarinta Soomaaliya. Dhankiisa Haysom, waxaa uu Imaaraadka uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo sida ay qeyb uga yihiin horumarka iyo xasiloonida dalkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray jadwalka soo xulista Golaha Wakiilada iyo Doorashada Madaxweynaha, kaddib qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Kalfadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub ee Puntland uu furmo doono 01/01/2019, iyagoo dooran doona Guddoonka iyo Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Puntland Oo ay ka bilaabanayaan doorashooyinka Golaha Wakiilada maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya saaxiibo Caalami ah in ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen Gobolka Baay, kaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al Shabaab. Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa: Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya saaxiibo Caalami ah ayaa hawlgal Qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay. Hawlgalkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka tirsan Shabaab oo Ku hawlanaa Falal argagixiso. Waxaa lagu dilay hawlgalka Sagaal Ka tirsan Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo maleeshiyaad mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka. Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta wiiqista Alshabaab, si looga hor istaago waxyeelada Shacabka oo ay Ku caanbaxeen. Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee lagu Kala cayriyay Alshababkii joogay nawaaxigaas, taas oo ay Ku diirsadeen Shacabka ay xoogga Ku haysteen. The post Xubno ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay gobolka Baay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baadhabo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa ku warramaya in si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi. Ciidamada K/ Galbeed iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu arkayaa , iyaga oo xaqiijinaya amniga magaaladaasi. Qaban qaabada doorashada maamulkaasi ayaa si habsami leh u socota, taasi oo la filayo in ay dhacdo 5 bishan December ee 2018-ka. Dhinaca kale wasiirka amniga K/Galbeed Xasan Xuseen oo la hadlay VOA-da ayaa ka warbixiyay Ciidamo gaar oo ay dowladda u dirtay maamulkaasi. Wasiirka ayaa sheegay in DFS ay ka dalbadeen Askartaasi, si loo sugo amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed. Waxaana uu uga mahadceliyay dowladda dhexe ee federaalka, sida ay uga jaawabtay codsigooda. Hlakan hoose ka dhageyso Cidka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Jaamac-1.mp3 The post Ammaanka Baydhabo Oo si weyn loo adkeeyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh. M. Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-011218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxgaradka K/galbeed ayaa kasoo horjeeda ciidanka Booliiska ah ee ay dhowaan dowladda federaalka geysay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Waxa ay waxgaradkan u arkaan in dano gaar ah laga leeyahay oo dowladda ay dooneyso iney musharrax gaar ah ku naas nuujiso. Malaaq Cali C/raxmaan Shiino oo ka mid ah waxgaradkan ayaa sheegay in wasaaradda amniga iyo saraakiisha ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baydhabo kala hadli doonaan arrimahan. Waxa u tilmaamay in ay weydiin doonaan wasaaradda amniga K/galbeed sababta ay ciidamadan u yimaadeen magaalada Baydhabo. “Sababta loo keenay maba ogin, laakiinse wasaaradda amniga K/galbeed ayaan la ballansannahay oo aan weydiin doonnaa sababta taasi keentay, waxaan sidoo kale rabnaa in saraakiisha ciidanka Itoobiya ee jooga Baydhabo sidaas oo kale u weydiinno” ayuu yiri Malaaqa. Ciidamada dowladda federaalka ay geysay magaalada Baydhabo ayaa noqday kuwa kaliya ee sida aadka ah looga hadal hayo magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Berbera (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera, socdaalkaasi ayaana qeyb ka ah safar labo todobaad qaatay oo uu ku tagay deegaanada Somaliland. Isaga oo saraakiisha ciidamada kula hadlayay magaalada Berbera ayuu sheegay inuu amar ku bixinayo in ciidamada Somaliland ay heegan adag galaan, waxaana uu fariintaasi u diray ciidamada ku sugan deegaanada dhanka xuduuda. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu ku laaban doono magaalada Hargeysa isaga oo isku shaandheyn ku sameynaya golaha Wasiirada maamulkiisa. Arinta la hadal hayo ayaa ah inuu amar siiyay ciidamada ku sugan deegaanada gobolka Sool, gaar ahaan ciidamada ku jira difaaca aaga Tukaraq. Puntland ayaa walaac ka muujisay amarkaasi la siiyay ciidamada ku sugan aaga Tukaraq, waxaana xubno ka tirsan Puntland ay sheegeen inay arintaasi keeni karto in dhiig kale uu ku daato gobolka Sool. Marar badan ayay labada dhinac ku dagaalameen gobolka Sool, laakiin waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay socday waan waan arimahaasi lagu dhameynayo. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
Todobaadkii tagey, gaar ahaan Khamiistii aynu kasoo gudubnay waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay la geeyey ciidamo Booliis ah oo tiro ahaan gaaraya 100, kuwaasi oo ay halkaasi u dirtey dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa jirtay hadal hayn badan oo arrintan ka timid, iyadoo durbaba ay kahor yimaadeen ciidankaasi siyaasiyiin, xildhibaanno iyo waxgarad ku sugan magaaladaasi. Wasaaradda amniga K/galbeed ayaa sheegtay in ciidanka la geeyey magaalada Baydhabo ay iyaga ka dalbadeen dowladda federaalka Soomaaliya si ay ammaanka magaaladaasi wax uga qabteen. Xasan Xuseen Maxamed, wasiirka wasaaraddan ayaa sheegay in ciidamadan ay sugi doonaan ammaanka halka ay ka dhici doonto doorashada, sidoo kalena ay la socon doonaan dhaq-dhaqaaqa amni ee magaaladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/warka-baydhaba-ciidamada.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay xaalad ahaan deggan yihiin deegaannada Jilib Marka iyo Gendershe ee gobolkaasi, halkaasi oo ay ku dagaallameen ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa Al-shabaab. Maxamed Cumar oo ah guddoomiyaha magaaladaasi ayaa u sheegay Goobjoog, in Al-shabaab dagaal looga saaray deegaannadaasi. Waxa uu tilmaamay in ciidanka xoogga dalka ay Labo jeer ku noqdeen deegaankaasi iyadoo ugu dambeynna ka saaray Al-shabaab. Waxa uu tilmaamay in deegaannadaasi ay gacanta ku hayaan ciidanka xoogga dalka, islamarkaana ay jiraan duqeymo ka dhacay deegannadaasi. “Al-shabaab waa kuwo dhuumaaleysanaya, markii culeys la saaro howtka ayeey ku cararaan, markii laga soo noqdana wey yimaadaan deegaannadaasi” ayuu yiri guddoomiyaha. Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan deegaannada ku dhow magaalada Marka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay iney howlgal qorsheysan ku dishey saraakiil ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka ah ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka oo taageero ka helaya kuwo caalami ah in ay weerar qorsheysan ku qaadeen gobolka Baay halkaasi oo ay ku dileen saraakiil Al-shabaab ah. War-saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa: Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya Caalami ah ayaa hawlgal Qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay. Hawlkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Ka tirsan Al shabab Shabaab Waxaa lagu dilay hawlgalka Sagaal Ka tirsan Al Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka. Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta sida war saxaafadedkan lagu sheegay wiiqista Alshabaab, si looga hor istaago waxyeelada Shacabka oo ay Ku caanbaxeen. Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee lagu Kala cayriyay Alshababkii joogay nawaaxigaas, taas oo ay Ku diirsadeen Shacabka ay xoogga Ku haysteen. Source: goobjoog.com
-
Markii ay wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha ahna xildhibaan, Khadiija Maxamed Diiriye ay sheegtay in guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uusan wax ka bedeli karin go’aanka uu ku xigeenkiisa ku kala diray guddiga maaliyadda, dad baan ayey la-yaab ku noqotay. Hadalkeeda ayaa yimid ayada oo aad loo rumeysan yahay in Mursal ay keensatay xukuumadda, oo uusan qaadi karin go’aan ka dhan ah ra’iisul wasaaraha. Hase yeeshee wareysi uu siiyey VOA ayuu Mursal ku caddeeyey in wax walba oo laga xanto ay sax yihiin. Mursal ayaa diiday inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan kala dirista guddiga, wuxuuna sheegay inuu Muqdisho tegi doono, oo uu eegi doono warqadda lagu kala diray guddiga kadibna ku dhawaaqi doono go’aankiisa. Su’aasha ayaa ah warqadda miyuusan weli arkin Mursal, mase waxa uu shaki ka qabaa sax ahaanshaheeda, haddiise ay sidaas jirto muxuu u bixiyey wareysi, oo uu ugu gaabsan waayey inuu marka uu warqadda arko kaliya uu jawaabi karo. Waxaa muuqata inuu doonayo inuu muujiyo inaan xafiiska Kheyre laga maamulin, haddana uusan ku dhiiran karin inuu sidaas caddeeyo. Mursal ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin in la sameeyo arrin ka baxsan sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamanka, balse mar la weydiiyey waxa uu arrintaas sharciga ka qabo waxa uu diiday inuu caddeeyo. Waxaa la weydiiyey “muxuu xeer hoosaadka ka qabaa in la kala diro guddiga” wuxuuna yiri “waxaan eegi doonaa xeer-hoosaadka” guddoomiyaha ma waxa uu inoo sheegayaa inuusanba aqoon xeeer-hoosaadka golaha uu maamulo oo uu u baahan yahay inuu eego? Kasoo gudub, mar la weydiiyey cidda awoodda leh inay kala dirto guddiga, waxa uu sheegay in guddiga ay kala diri karto ciddii sameysay, uuna ku baxayo sidii uu ku yimid. Waa jawaab wanaagsan, balse markii la weydiiyey cidda guddiga sameysay, wuu ku dhiiran waayey inuu sheego, sababtoo ah waxaa halkaas laga heli lahaa jawaabta dadku is-weydiinayaan. Tii ugu yaabka badneyd ayaa ahayd markii la weydiiyey “Maxaad sameyneysa haddii marka aad Xamar tagto aad ogaato in kala dirista guddiga ay sharci darro tahay oo aysan waafaqesneyn xeer hoosaadka?” waxay ahaan lahayd jawaab wanaagsan inuu yiraahdo “Haddii kala dirista aysan waafaqsaneyn sharciga waan diidi doonaa”, balse Mursal waa uu diiday inuu jawaab bixiyo. Wareysiga uu siiyey VOA, waxa uu Mursal ugu talo-galay inuu ku muujiyo inuusan xukuumadda la-hayste u ahayn, balse waxa uu taa beddelkeeda ku xaqiijiyey in xaqiiqdii laga maamulo xafiiska Kheyre. Khadiijie Diiriye waa ay saxneyd, Mursal waxaa laga maamulaa xafiiska Kheyre. Hoos ka dhageyso wareysiga. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/mursal.mp3W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, United States Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Somalia waxa ay aqbashay in ay qeyb ka noqoto heshiis ay dowladaha Kenya, France, Madagascar, Seychelles and Djibouti ku wadaagayaan mukhaabaraad badda ah si looga hortago kalluumeysiga sharci darada ah iyo wasakhda lagu shubo xeebaha badweynta India. Arbacaddii ayey wadamadaas kor ku xusan wada saxiixeen heshiiskaas, walow Somalia oo qeyb ka ahayd shirkii dhawaan Nairobi ku soo gabagaboobay ee Blue Economy aysan wali heshiiska qallinka ku duugin. Hase ahaatee, waxaa jira su’aalo badan oo ka dhalanaya ogolaanshaha Somalia ee ah in ay qeyb ka noqoto heshiiskaas wadaaga mukhaabaraadka badweynta Hindiya. Maxaa ka mid ah? Yaa ka soo shaqeeyey heshiiskan? Sida la’isku raacsan yahay, wadamada waxa ay siyaasadooda arrimaha dibadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay galayaan ku saleeyaan danihiisa “National Interest”, hadaba, sidee ku yimi hindishan oo ayaa daaha gadaashiisa ka riixaya? Waxaa dhici karta haddii aan la’iska indha tiro arrintaas oo aan la’iska baandheyn in Kenya tahay cidda soo dhoodhoobtay heshiiskan oo halis ku noqon kara dalkeena. Sidee ayuu saxiixa heshiiskan ku sameyn karaa muranka badda ee Somalia iyo Kenya u dhexeeya? Wali maxkamadda cadaaladda ee aduunka (ICJ) waxaa ka socota dacwadda kiiska Badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya, taas oo jirta, waxaa dhici karta in Kenya ka dhex aragtay hindisahan in ay ku indha sarcaadiso kiiskaas oo heshiiskaas uu wiiqo halka ay Somalia ka taagan tahay dacwadda. Somalia ma u baahan tahay in ay sharci yaqaano kala tashato arrintan inta aysan saxiixin heshiiskan? Caadiyan wadamada inta aysan gelin heshiisyo ku keeni kara cawaaqib xumo qaran, waxa ay sameeyaan xuuraansi iyo rog rogid dhinac walba oo ku saabsan faa’idada iyo khasaaraha ka dhalan kara heshiisyada ceynkaas ah. Gunaanad Dowladda Somalia waxaa la gudboon in ay fiiro dheer u yeelato heshiiskan oo aysan ku gelin madax madax. Sidoo kale waxaa la gudboon in ay tashi ka gasho oo iyada oo fiirineysa kiiska Badda ee maxkmadda yaal sida uu u sameyn karo oo aan sidii Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur meel mugdi ah looga saxiixin warqad dhawr sadar ah oo dalka halis ku noqon karta sidii dhacday 2009. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Abyi Ahmed ma ka faa’ideysan doona khaladaadki Gorbachev ku burburiyey Soviet Union Ethiopia iyo Ruusku waxey wadaagaan sifooyin badan : Ethiopia taariikhdeeda marnaba kumey dhaqmin nidaam dimuqraadi ah, waayo waxa xunka heystey boqortooyo guun ah oo ku dhaqanta diinta Christian Orthodox laakiin waxa 1974 xukunka ka tuuray kacdoon military ( Derg ) oo aaminsana mabda’a shuuciga ee lininism-marxism oo dhiig badan ku daatey boqorki Haile Selassie iyo qaar qoyskisana xabsiga lagu diley ( xigasho, maxkamadda Ethiopia 1994 ). Waxa kalo la khaarijey madaxi golaha kacaanka( Derg ) general Aman Andom iyo saraakil badan( xigasho, Nazaret.com ) , madaxtinimadina Ethiopia waxa qabsadey nin adag oo 35 jir ah oo la yidha Mengisto Xaille Maryam ( Gaanshaale ). Madaxweyne Mengisto Xaille Maryam wuxu isu dalacsiyey gaashaanle sare ( Colonel ) wuxuna la wareegey ( Qarameeyey ) hantidi gaar ka loo laha waxaanu xoojeyey xidhiidhka siyaasi, diblumaasi, military ee dawladda Soviet Union waxaanu dhabarka ujeediyey dawladaha reer galbeed ee weligood Ethiopia xidhiidhka qotada dheer la laheyd. Ciddi ku mucaaridana, dhegta dhiig u darey. ,Dagaalki Somalia iyo Ethiopia 1977, Xaille Maryam wuxu ka heley dawladaha Soviet Union, Cuba, South Yemen iyo Isreal ( xigasho, Wikipedia, The Ogaden war ) gargaar military, dhaqaale iyo ciidan oo guusha u horseedey. 1991, markey dawladdi Soviet Union burburtey ayuu Mengesto waayey taageeradi dhaqaale, siyaasi iyo military ee u ka heli jirey, taaso u fudeydisey isbaheysigi jabhadaha EPRDF ( Ethiopia People’s Revolutionary Democratic Front oo hormood u aheyd Tigre People’s Liberation Front ‘’TPLF’ ) iyo EPLF ( Eritrea People’s Liberation Front ) iney EPRDF oo u hoggaaminaayo mudane Meles Zenawi Ethiopia qabsato, halka EPLF oo u hoggaaminaayo Asiasi Afworki. Eritrea qabsato, Mengeste na Zambabwe u baxsado.. Inkasto EPRDF marki halganka ku jirtey aaminsaneyd mabda’a Marxism-Lininism, laakiin marku Soviet Union ki burburey xunkina qabsatey waxey dantu ku kaliftey in mudane Meles Zenawi dhaqaalihi dib u furfuro oo hantidi gaar aheyd dib ugu celiyo dadki laha kuna guuleystey innu soo jiito maal gashi caalaami ah. Taaso ka dhigtey Ethiopia mid ka mid ah, dawladaha dhaqaalaheeda ugu koritaanka weyn adduunka, celcelis ahaan 10% GDP ( Source: Trading Economic. Com ( National Bank of Ethiopia ) ) Mudane Meles wu ka dhabeeyey balanqaadki u kula heeshey Isiase Afworke in afti loo qaado shacabka Eritrea markey waddanka xoreyaan. Waana la qaadey aftidi 1993 oo shacabka 98% waxey u codeeyeen iney ka go’aan Ethopia Mudane Meles wuxu dhisey ciidan xoog badan taaso ka dhigtey Ethiopia mid ka mid ah ciidamada Afrika ugu awoodda badan waxaanu ka guuleystey Eritrea dagaalka muranku ka dhashey mandaqadda Badme 1998-2000 oo boqolaal kun dad ihi ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen iyo maxaakimta Somalia oo ilaa Xamar ciidamada Ethiopian gaadheen Inkasto mudane Meles gaadhsiyey Ethiopia horumar dhaqaale oo weyn laakiin may jirin horumar siyaasadeed sida dimuqraadiyadda iyo xoriyat qawlka oo waxey EPRDF ku guuleysan jirtey doorashada 99% . Haddaba marku dhintey mudane Meles Zenawi, qorshuhu wuxu u dhacey sidu ugu tala galey oo waxa hoggaanki EPRDF la wareegey kuxigeenkisi mudane Hailemariam Desalegn kaaso madax ka aha xisbiga SEPDF ( Southern Ethiopia People’s Democratic Front ) ee ku jira isbaheysiga EPRDF. Waxa muddo dheer isa soo taraayey saluuga labada xisbi OPDO ( Oromo People’s Democratic Front ) iyo ANDM ( Amhara National Democratic Movement ) ay saluugsanayeen qaabka loo qeybiyo kheyraadka iyo shaqooyinka sar sare ee dalka iyago ka mid ah isbaheysiga EPRDF kana soo jeeda labada qawmiyadooda ee ugu tiro badan Ethiopia ( xigasho, Paulos Milkisa, Ethiopia, The TPLF and Roots of 2001 Political Tremor ), dareenkaaso ugu dambeynti hoos u dhaadhacey oo shacabki labada qawmiyadood ka abaabuleen Addisababa iyo degaanadooda kacdoonno iyo bannaan baxyo isdeba joog ah oo dad badan ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen, kumanaan kun na xabsiga loo taxaabey. La soco qeybaha kale Qaran News