-
Content Count
212,806 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)-Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u ogolaatay dal-ku-galka wadankaan Mareykanka hooyo u dhalatay dalka Yemen oo dooneysa in ay soo booqato wiilkeeda oo labo sano jir ah oo ay dhaqaatiirtu sheegeen inuu qarka u saaranyahay inuu u dhinto xanuunka kansarka maskaxda ku dhaca. Muwaadiniinta u dhashay dalalka Yemen, Iran, North Korea, Venezuela, Libya, Somalia iyo Syria ayaanan imaan karin dalkaan Mareykanka. Madaxweyne Trump ayaa amar uu soo saaray ku mamnuucay sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay khatar dhinaca argagixisada ah. Shaima Swileh ayaa lagu wadaa in ay Arbacada maanta ah soo gaarto garoonka magaalada San Francisco halkaas oo uu ku xanuunsanayo wiilkeeda Abdullah Hassan oo ah muwaadin Mareykan ah, balse uu hadda ku jiro mashiinka caawiya bukaanada xaaladooda caafimaad ay u dhaxeyso geeri iyo nolol. Aabaha dhalay Abdalla oo la yiraahdo Ali Hassan oo isna heysta dhalasha Mareykanka ayaa la jooga wiilka. Source
-
(SLT-Dimishiq)-Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa maalintii Axadii ee la soo dhaafay booqasho lama filaan ah ku tagay Caasimadda Dimishiq ee Caasimadda dalka Suuriya, taasoo aheyd mid si aad ah warbaahinta Bariga Dhexe ay u hadal hayeen. Booqashadan ayaa la sheegay inay aheyd tii u horeysay oo Madaxweyne Carbeed uu ku tago Suuriya, tan iyo sanadkii 2011 oo dalkaas ka bilowdeen dagaalada iyo kacdoonada looga soo horjeedo xukunka Bashar Al Asad. Mas’uul ka tirsan dowladda Sudan ayaa sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir uu dib ugu soo laabtay Khartoum, kaddib booqasho muhiim ah uu ku tagay Dimishiq. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga, waxaana booqashada Cumar Xasan Al-Bashiir cambaareeyay Kooxaha Mucaaradka Sudan. Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa markii ugu dambeysay ee uu booqdo Suuriya waxay aheyd sanadkii 2008-dii, xilligaasoo Dimishiq lagu qabtay Shir Madaxeedka Carabta. Jaamacadda Carabta ayaa sanadkii 2011 ka saaray Suuriya xubinimada ururkaas, kaddib markii lagu eedeeyay Bashaar Al-Asad inuu cadaadis saaray dadka ka soo horjeeda nidaamkiisa. Source
-
Waxaa saaka la hardhay hoolka doorashada koonfur galbeed Soomaaliya halkaas oo laga wado inay ka dhaco doorasho muran badan dhalisay. Weriyaha Goobjoog News oo xarunta ku sugan ayaa sheegaya in ammaanka la adkeeyey, isla markaana ay xildhibaannadu bilaabeen inay goobta soo gaaraan. Murashaxiinta u tartamaya madaxtinnimada Koonfur galbeed waa: Aadan Maxamed Nuur(Saransoor), Xuseen Cusmaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow, Cabdi Casis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Sayid Axmed Sheekh Daahir. Doorashada waxaa xoog looga reebay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, kaas oo taageero badan ku leh koonfur galbeed. Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Iyadoo maanta magaalada Baydhabo ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ay magaaladaasi u dirtay wafdi ka kooban labada gole ee dowladda. Wafdigan ayaa kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed. Waxaa hogaaminayo wafdiga tagay magaalada Baydhabo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno kale. Ujeedada wafdiga loogu diray magaalada Baydhabo ayaa ah inay goobjoog ka noqdaan doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay oo Shan musharax ay ku tartamayaan. Xubno ka socdo Caalamka ayaa sidoo kale goobjoog ka noqonaya doorashada maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Waxaa horey magaalada ugu sugnaa masuuliyiin xilal horey dalka kaga soo qabtay kuwaasi oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka qeyb galayay dhageysiga khudbadaha ay jeediyeen musharixiinta Tartameysa. Waxaa aad loo hadal hayaa Musharax C/Casiis Lafta Gareen oo dowlada dhankeeda loo xaglinayo, waxaase la tartamaya musharixiin kale oo aan la dhayalsan karin. Goobta Doorashada ka dhaceyso waxaa hadda ka socota qabanqaabadii ugu dambeysay, waxaana ku sugan goobta dhamaan musharixiinta Tarteysa oo kala ah. 1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. 2-Siid Axmed sheekh Daahir 3-Xuseen Cusmaan Xuseen 4-Adan Maxamed Nuur Saransoor 5-Ibrahim Macalin Nuurow. La soco daqiiqad walbaa Doorashada Koofur Galbeed Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Qaahira ( Sh. M. Network )-Wasiirka Maaliyadda XFS C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka qeyb galaya shirka sanadlaha ah ee Ururka Jaamacadda Carabta uga furmay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha guud ee Ururkaasi Ahmed Aboul-Gheit. Xoghayaha guud ee Jamaacadda Carabta ayaa ballan qaaday in Ururku garab taagan yahay dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay kala shaqeyneyso dhinaca ammaanka. Shirkani uu socon doono muddo labo cisho ah ayaa la sheegay in wax yaabaha diirada lagu saari doono ay kamid tahay sidii Soomaaliya loo garab istaagi laahaa, loona caawin lahaa. Wasiirka Maalyada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa bogaadiyay dadaallada Jamaacadda Carabtu ay la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya. Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka ah Ururka Jamacadda Carabta oo ah Urur ay ku mideysan yihin dalalka Carabta, islamarkana ka shaqeeya danahooda gaarka ah The post Jaamacadda Carabta Oo Soomaaliya ka taageereyso ammaanka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Kooxda Daacish ayaa markii ugu horeysay baahisay muuqaalka iyo sawiro muujinaya dagaal ay Al Shabaab kula galeen duleedka degmada Qandala ee gobolka Bari. Daacish ayaa horaantii Todobaadkaan shaacisay in Dagaal ay la galeen Al Shabaab ay ku dileen 14 kamid ah askarta Al Shabaab, waxaana dagaalka uu ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Bari. Ma jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ay kaga hadlayeen hadalka kooxda Daacish ee ah inay dagaal Al Shabaab kaga dileen dagaalyahano gaaraya 14 askari. Labada Urur ayaa ku kala aragti duwan dhanka maamulka iyo aragtida, waxaana ay dhowr jeer oo hore ku dagaallameen meelo ka mid ah Gobollada Jubooyinka. Ururka Daacish ayaa bil ka hor sheegay in uu dagaal aargudasho ah ku qaadayo Al-shabaab, haddii aysan joojin dilalka ay Al-shabaab u geysato xubnaha ka tirsan Daacish.
-
Jowhar ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Al Shabab ayaa lagu sheegay in sarkaal ka tirsanaa Ciidamada DFS ay ku toogteen deegaanka Galboole ee gobolka Sh/ Dhexe. Magaca sarkaalkaasi ayaa Warbaahinta ku hadasha Afka Al Shabaab waxa ay ku sheegtay Maxamed Cali Maxamed oo ku magac dheeraa Kartoon. Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in sarkaalka ay dileen uu la shaqeynayay Ciidamada ,Midowga Africa ee AMISOM, sida ay hadalka u dhigeen. Al Shabaab ma aysan soo bandhigin cadeymo muujinaya dilka sarkaalkaasi, mana jirto illaa iyo hadda ilo madax banaan oo xaqiijin kara dilkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa xukuno u badan dil toogasho ah ka fuliya deegaanada ay ka arrimiyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo sarkaal ka tirsanaa Ciidanka DFS ku toogtay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ganeva ( Sh. M. Network )-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa magaalada Ganeva kaga qeyb galay shirweynaha caalamiga ah ee Qaxootiga Adduunka. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobey ayaa soconaya muddo labo maalin ah, iyadoona laga arrinsanayo xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolasha dadka qaxootiga ah iyo sidii xal waara loogu sameyn lahaa dadka barakacayaasha ah. Eng.Yarisow ayaa ku soo bandhigay shirka caalamiga ah ee qaxootiga caqabada haysta dadka barakacayaasha ku ah Caasimadda, qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee dib-u-dejinta barakacayaasha iyo sidii xal waara loogu sameyn lahaa. “Soomaaliya waxa ay ka soo kabanaysaa dhibaatooyinkii ka dhashay colaadihii sokeeye kuwaas oo sababay barakacayaasha kumannaan qoys. Haatan waxaan ka wadnaa Muqdisho qorshe aan ku doonayno in aan nolol wanaagsan u abuurno, dib u dejinna aan ugu celino bulshada in ka badan 500,000 oo ku barakacsan gudaha Gobolka Banaadir.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow. Guddoomiyaha ayaa ku adkeeyey Beesha Caalamka muhiimadda ay u leedahay Maamulka Gobolka Banaadir in lagu gacan siiyo qorshayaasha xalka loogu raadinayo dadka barakacayaasha ah,gaar ahaan dhinacyada dib u dejinta, shaqo abuurka iyo adeegyada asaasiga ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa inta uu ku sugan yahay Geneva waxa uu kulammo doceedyo la yeelan doonaan Madaxda Caasimadaha kale ee caalamka, si uu uga shaqeeyo horumarinta xiriirka Muqdisho ay la leedahay Caasimadaha kale, isagoona mudnaanta siinaya sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii ku salaysanaa iskaashi iyo isdhaafsiga khibradaha ee Muqdisho ay la wadaagtay magaalooyinka ugu caansan dunida The post Yariisow Oo shir caalami ah uga qeyb galay Ganeva appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa saacada soo socda si toos ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay uga bilaaban doonto doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Doorashada oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamaya illaa 5 Musharrax oo danaynaya qabashada xilkaasi. Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan si habsami leh uga socota gudaha magaaladaasi. Dhinaca kale waxaa si aad ah loo akeeyay ammaanka Baydhabo, iyadoona saaka Ciidamo fara badan lagu arkayo gudaha magaaladaasi. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ay xireen qaar ka mid ah Waddooyinka waa weyn ee Baydhabo iyo sidoo kale koontaroolada laga soo galo magaaladaasi. Wariye Madax banaan oo ku sugan gudaha magaalada Baydhabo ayaa Shabelle uga warramay arrimaha doorashadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Wareysi-Maxamed-Nuur-.mp3 The post Doorashada K/ Galbeed Oo maanta ka dhacaysa Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli waxa ay howlgallo ballaaran oo isbaarooyin lagu qaadayo ka wadaan deegaanno duleedka ka ah magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan. Ciidamada waxa ay isku dhaceen maleeshiyaad ku sugnaa waddooyin soo gala magaaladaasi kuwaa oo dhibaato ku hayey shacabka ku safra halkaasi. Wararka waxay sheegayaan in ciidamada ay ku wajahan yihiin waddooyin badan oo Isbaarooyin dhigtaan maleeshiyaadkan. Shacabka magaalada B/weyne ayaa soo dhoweeyey arrintaan, gaar ahaan dadka ku safra waddooyinkan, iyadoo dhanka kale saraakiisha ammaanka ay sheegeen in howlgallada ay sii wada doonaan inta amniga wax laga bedalayo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/warka-hiiraan-jidgooyo-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Diyaar Garowgii ugu dambeeyay ayaa ka socdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana la filayaa in saacado kadib halkaasi ay ka bilaabato doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed. Amaanka magaalada waxaa aad u adkeeyay ciidamada booliska Koofur Galbeed iyo ciidamada meletariga Dowladda Ethiopia oo kusugan magaalada Baydhabo, si looga hortago amni daro ka dhacdo magaalada. Ilaa Shan musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed kuwaasi oo horey u jeediyay khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadkooda marka loo doorto xilka madaxweynaha. Goobta Doorashada ay ka dhaceyso ayaa waxaa ku sugan ciidamo si gaar ah u xaqiijinaya amaanka, iyadoo laga baqayo inay dhacaan carqalado saameyn kara doorashada Koofur Galbeed. Ilaa xalay waxaa socday kala xodxodashada xildhibaanada baarlamaanka ee maanta dhiibanaya codadkooda, waxaana la saadaalin karin sida doorashada ay noqon karto. Caasimada Online ayaa daqiiqad walbaa idinla socodsiin doonta natiijada doorashada iyo sida ay wax u socdaan Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-191218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xildhibaan Maxamuud Macallin Yaxye oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda ugu sarreysa dalka aysan cidna kala tashan arrimaha K/galbeed, islamarkaana ay doonayaa in sida ay rabaan wax u dhacaan. Waxa uu sheegay xildhibaanka in aan xildhibaannada kasoo jeeda K/galbeed iyo sidoo kale wasiiradooda aan lagala tashan waxyaabaha haatan ka socda magaalada Baydhabo. Xildhibaanka ayaa sheegay in adduun iyo aakhiro wax laga weydiin doono wixii ka dhacay magaalada Baydhabo madaxda ugu sarreysa DFS. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/XILDHIBAAN-MAXAMUUD-MACALLIN-YAXYE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha ee dowlad goboleedka K/galbeed. Doorashadan waxaa u taagan Shan musharrax, waxaana laga reebay musharrax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda ugu xiran magaalada Muqdisho. Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ay sugayaan amniga magaaladaasi. Waxaa hakad ku jira dhaq-dhaqaaqa dadweynaha iyo kan gaadiidka ee magaalada Baydhabo, iyadoo doorashada ay bilaaban doonto saacado kadib. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
BERBERI MA HIIL BAY U BAAHANTAHAY MISE HAMBALYO.? (Qaybtii 5aad) ——————— Akhristeyaal Qormadannina waa qormo kale oo ka mid ah, qoraalkeenii taxanaha ee Iftiiminta daah ka faydida Hadimooyinka uu Maayar Cidin Berbera gaadhsiyey ka mid ah. Qormadan waxaynu ku soo qaadanaynaa hantida lacageed ee uu lunsaday Maayar Cidin mudadii uu ilka maayarnimada berbera hayey, waa intii u dhaxaysay 2012 kii ilaa 2018 ka ee. Waxayna soo sheegnay in uu Maayar Cidin gaday oo iibiyey dhul gaadhaya, afarta jaho ee magaalada dhinac kasta 20KM2, marka waliba laga reebo dhulka bada ku dhereran ee loo yaqaano xeeliga (seashore) ka. Dhulkaa xeeliga oo uu iyada qiimo gaar ah iyo lacag culus oo aynu qiimaheeda soo sheegi doono ku gaday Balooggiiba. Haddaba waxaynu ognahay oo aan qormadii tan ka horeysay kusoo xusay in qiimaha Halkii 1km2 yahay 71428.5714$. Haddaba si aynu u ogaano cadadka hantida uu Maayar Cidin, Duubka maayarnimada uu qaranka iyo muwaadiniinta reer berbera ba kaga musuqmaasuqay, bal aynu xisaabino oo qalinkeena ku xaqiijino si aynaan daliil kaleba ugu baahan, bal aynu ogaano sababta ujeedka ka dambeeya barnaamijyadan uu SOCIAL MEDIA-YAHA gashanaayo ee aynu “IIDHEHDA” u bixinay. Bal Ila arka oo ila xaqiiqsada siday runtu tahay ee xaalka Magaalada Berberi yahay. Waxaan doonayaa inaan kashifo oo daaha ka faydo suuldaarooyinka maamul ee uu abuuray Maayar Cidin, ee haddana reer berbera uga dhigo inuu wax u taray oo uu waxqadka ku sheegto. Waxaan doonayaa inaad Ila ogaataan Daluunta uu Maayar Cidin, berbera ku riday dhinac walba haday tahay, Dhulkii, Hantidii dawlada, Maamulkii, milgahii iyo Sharaftii ay Berberi caanka ku ahaydba. Haddaba aan usoo noqdo xagii xisaabtee, waxaynu soo saarnay halkii 1km2 qiimahiisa oo ah 71428.5714$. Haddaba bal aynu kolba jiho qiimaheeda soo saarno innagoo gadaal iskaga gayn doona, aan hor mariyo ee bari Waa 20Km2 Taas oo markaynu qiimaheenii isticmaalayno noqonaysa sidan, 20km2* 71428.5714$ = 1428571.43, bari (hal milyan, afar boqol, sideed iyo labaatan kun, shan boqol iyo kow iyo todobaan, iyo sadex iyo afartan filis). Galbeedna intaas in leeg oo ah sidan, 20km2* 71428.5714$ = 1428571.43$, galbeed (hal milyan, afar boqol, sideed iyo labaatan kun, shan boqol iyo kow iyo todobaan, iyo sadex iyo afartan filis oo doolar). Koonfur galbeed ama laamiga Hargeisa taga waa sidan, 71428.5714$*25km2= 1785714.28$ (Hal milyan iyo todoba, shan iyo sideetan kun, todoba boqol iyo afar iyo toban, iyo sideed iyo labaatan filis oo doolar). Koonfur bari ama laamiga Burco taga, waa sidan, 71428.5714$*30km2= 2142857.14$ (labba milyan, boqol iyo labba iyo afartan kun, sideed boqol iyo todoba iyo konton, iyo afar iyo toban filis oo doolar). ISKU GAYNTA GUUD. 1428571.43$ galbeed 1428571.43$ bari 1785714.28$ KG laamiga Hargeisa 2142857.14$ KB laamiga Burco ——- – —————— 6,785,714.42$ waa (lix milyan, todoba boqol, iyo shan iyo sideedan kun, todoba boqol iyo Afar iyo toban doolar, iyo labba iyo afartan filis). FG. Hadda lacagtani maaha cashuurtii manna aha waxaa loo yaqaano CASEYNTA oo marka aad meesha seesanayso la bixiyo, ee lacagtan waxaad bixinaysaa intaan sharciga lagu siin oo aan lagu tusin meesha ay noqonayso jagadaadu. Waana lacag kaash ah. Akhristeyaal qoraalkeena kan xigi doona insha Allah, waxaynu ku eegi doonaa bal meesha ay sartu ka qudhuntay, waa dhulka loo yaqaano (SEASHORE) ama xeeliga bada oo uu Maayar Cidin, kasoo xereeyey miisaaniyad laxaad leh. Waxayse iswaydiintu tahay; lacagtaasi berbera halkeebay ka gashay? Ma Laamiyada yaryar ee JPLG-ga laga dhisay? Mise waxaa jira meelo kale oo lacagtaas Milaayiinka doolar ah lagu maal galiyey? Su’aalahan iyo kuwo kaleba kaga bogo qoraalkeena kan xiga. W/Q, EngAhmed Muse Mohamed Qaran News
-
Xubnaha ka mida Qoyska Boqortooyda Saudi Arabia oo xaalad argagax leh wajahaya Qoyska boqortooyada Sacuudi Carabiya waxa ay ku sugan yihiin xaalad “Argagax”ah oo uu ku hayo dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan, waxaa sidaas warisay Jariiradda Sunday Times ee London. Warbixintan oo uu qoray wariyaha majaladda ee Bariga Dhexe Louise Callahan, ayaa bilaabatay kaddib markii Amiir Salmaan bin Abdul Aziz bin Salmaan uu sheegay in isaga iyo tiro ka mid ah qaraabadiisa looga yeedhay qasriga boqortooyada ee Riyaad. Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa jiray muran dhexmaray iyaga iyo ilaalaada dhaxal sugaha kuwaas oo garaacay Amiir Salmaan kaddibna xidhay oo aan mar dambe warkiisa la maqal. Majaladda waxa ay farta ku godday in Amiirka Aabihii sidoo kale la xidhay laba maalmood dhacdadaas kaddib sida ay BBC-du iyadana xigatay. Laakiin mas’uuliyiinta Sucuudiga waxa ay sheegeen in Amiir Salmaan uu ka mid ahaa 11 Amiir oo ka banaan baxay bixinta lacagta korontada ay isticmaalaan, sida wararka lagu helayo, taas oo ay mas’uuliyiinta reer Galbeedka ee kiiska wax ka og diideen in sababta dhabta ah tahay. Qoraaga warbixinta waxa uu hoosta ka xariiqay in Bin Salmaan ku raaxeysanayo taageerada Aabihii, boqorka iyo Ammirada kale marka laga yimaaddo saameynta xasaraddii ka dhalatay kiiskii dilka Wariye Jamal Khashoggi ku yeeshay sawirkiisa Adduunka. Khashoggi ayaa lagu dilay Qunsuliyaddiisa Istanbul bishii October, arrintan waxaa uga daray warbixintii sirdoonka Mareykanka ay ku xaqiijiyeen in Bin Salmaan ku lug lahaa khaarajinta kaddiba ay xubnaha Congrees-ka ay Trump ka dalbadeen in uu kala xisaabtammo dhaxal sugaha. Qaran News
-
Xog:Safiirka Mareykanka u jooga Somalia & Somaliland oo shaaciyey lacagtii ugu badneyd oo uu ku maal-gelinayo Somalia,Meeluhu ku bixin doono+Shaqooyin uu abuuri Doono Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay siin doonaan adduun gaadhaya $900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya. Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhanka, gargaarka bani’aadanimada, dhismaha hey’adaha dowliga ah, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka shaqo abuurka, horumarinta dhaqaalaha, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya. War saxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yidhi; Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, $420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka Soomaaliyeed. Shaqo abuurka Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600 oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, iyagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah. Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayay Mareykanku sheegeen in la horumarin doono si shaqooyin badan loo u abuuro. Geedi socodka dayn-cafinta Waxaa ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi socodka dayn-cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin dhaqaale. Waxbarashada Kaalmada cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah; taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed iyo 20,000 oo ah carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin. Maamulka iyo Xasilinta dalka $110 million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa dhismaha dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta arrimaha garsoorka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa taageerayaashiisa Mareykanka ku nool ka codsaday inay hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da u gudbiyaan warbixin ku saabsan weerarkii lagu qaaday hoygiisa 17-kii December 2017. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintan uga faa’iideystay jawaab uu ka bixiyey qoraal ay FBI-da soo dhigaty barteeda twitter-ka, 10-kii bishan December. Qoraalka FBI-da ayaa u dhignaa sidan: FBI-da waxay raadineysaa qof kasta oo ku nool Mareykanka oo wax ka og xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo dalka dibeddiisa ka dhacay. Haddii aad hayso wax akhbaar ah oo ku saabsan dad gaystay xasuuq, dambiyo dagaal iyo ama dil-wadareed, fadlan noo soo gudbi adiga oo la xiriiraya xafiiska FBI-da ama safaarad ama qunsuliyad Mareykan ah. Markaas kadib ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu dib qoraalkaas usoo dhigay bartiisa twitter, isaga oo raaciyey codsi u dhignaa sidan: Kuwa jooga Mareykanka, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga Wadajir, fadlan u dhaqaaqi arrintan oo ka warbixiya weerarkii 17-ka December. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma sheegin cid uu doonayo in si gaar ah warbixintooda loogu gudbiyo FBI-da, hase yeeshee xubno badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa haysta dhalashada Mareykanka, waxaana ka mid ah madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay maanta waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi. Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa si aaad ah loo adkeeyay. Ciidamo aad u hubeeysan oo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jiro ayaa saakay lagu soo daadiyay gudaha Baydhabo. Hadalheeynta ugu badan saakay ay dadka hadal hayaan ayaa ah dooraahada saaka ka dhaceeyso Baydhabo. Shan musharax ayaa u tartamaya xilka madaxtinimo ee maamulkaasi. Dad badan ayaa sii saadaalinaya in Musharaxa Lafta Gareen loo dooran doono xilka madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed. Isku socodka gaadiidka iyo dadka ayaa la xanibay maanta magaalada Baydhabo. Wararka Doorashada Puntland Post kala soco Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Wararkii u dambeeyay ee Doorashada Maanta ka dhaceeyso Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Habeenkii Isniinta waxaa uu kulan sulux u muuqday dhexmaray Ra’iiusl Wasaare Xassan Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Shiekh Cabdiraxmaan. Ma xuma in la wada fariisto, la wada hadlo oo laga heshiiyo khilaafka ka jira, balse sidii uu kulanka u dhacay ma ahayn mid dareen qurxoon bixiyey haddii xataa la is afgartay oo la wada qoslay. Waa sax, waxaa la isku afgartay sida warbaahinta loo sheegay iyo bulshada in laamaha kala madaxa bannaan is ixriraamaan oo mid walba loo daayo shaqadeeda, laakiin far baa ii taagan! Kulanka halkee ayuuka dhacay? Labada hoggaamiye waxa ay ku kulmeen xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo mid walba waxa uu u soo galay safar halkaas. Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii uu Gudoomiyaha baarlamaanka oo ka cabanaya in gurigiisa ku yaal Madaxtooyada lagu cuna qabateeyey taas oo dhalisay in uu u digo rogto Hotel Shabeel oo agagaarka Madaarka Aadan Cadde jidkiisa ku yaal. Farriinta uu diray? Waxaa laga fahmi karaa ama ay tahay in labada hoggaamiye ay isku waafaqeen in midna kan kale u tagin oo la’isugu yimaado meel dhex dhexaad ah! Taas, waa qab iyo isla weyni labada dhinac ah maadama labadii mas’uul ee dalka ugu sarreeyey sidaas u ficil tamayaan, ka warrama kuwa kale? Waxaa Iyana is weydiin mudan, dal malagu hoggaain karaa qab, isla weyni iyo caqliyad noocaas ah? Dhinaca kale, wali ma cadda in Gudoomiye Mursal dib ugu laabtay gurigiisii iyo goorta dib hawlihii baarlamaanka dib u bilaaban doonaan. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Riyadh (Caasimada Online) – Qoyska boqortooyada ee Sucuudi Careebiya waxa ay ku sugan yihiin xaalad “Argagax” oo uu ku hayo dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan, waxaa sidaas warisay Jariiradda Sunday Times ee London. Warbixintan oo uu qoray wariyaha majaladda ee Bariga Dhexe Louise Callahan, ayaa bilaabatay kaddib markii Amiir Salmaan bin Abdul Aziz bin Salmaan uu sheegay in isaga iyo tiro ka mid ah qaraabadiisa looga wacay qasriga boqortooyada ee Riyaad. Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa jiray muran dhexmaray iyaga iyo ilaaliyada dhaxal sugaha kuwaas oo garaacay Amii Salmaan kaddiba xiray oo aan mar dambe warkiisa la maqal. Majaladda waxa ay farta ku godday in Amiirka Aabihiis sidoo kale la xiray lama maalin dhacdadaas kaddib sida ay BBC-iyaduna xigatay. Laakiin mas’uuliyiinta Sucuudiga waxa ay sheegeen in Amiir Salmaan uu ka mid ahaa 11 Amiir oo ka banaan baxay bixinta lacagta korontada ay isticmaalaan, sida wararka lagu helayo, taas oo ay mas’uuliyiinta reer Galbeedka ee kiiska wax ka og diideen in sababta dhabta ah tahay. Qoraaga warbixinta waxa uu hoosta ka xariiqay in Bin Salmaan ku raaxeysanayo taageerada Aabihii, boqorka iyo Ammirada kale marka laga yimaaddo saameynta xasaraddii ka dhalatay kiiskii dilka Wariye Jamal Khashoggi ku yeeshay sawikiisa bannaanka. Khashoggi lagu dilay Qunsuliyaddiisa Istanbul bishii October, arrintan waxaa uga daray warbixintii sirdoonka Mareykanka ay ku xaqiijiyeen in Bin Salmaan ku lug lahaa khaarajinta kaddiba ay xubnaha Congrees-ka ay Trump ka dalbadeen in uu kala xisaabtammo dhaxal sugaha. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Shirarkeena Soomaaliyeed ee xal doonka ah waxaa laga fogeeyo doodaha xal ka raadinta Islaamka iyo nadariyaatkiisa waayo waddadaasi waxay dadka u dhoweyneyso raali ahaanshaha Ilaahey oo horseedeysa tawfiiqda Alle. 1. Raadinta Midnimada Soomaaliyeed oo la siyeeseeyey. Midnimada Soomaaliyeed ma ahan dalab shacab oo keliya ee waa dalab Ilaahi oo amar Ilaahey xagiisa ka yimid ah sida ku xusan suuradda Al-cimraan: وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا ۚ وَاذْكُرُوا نِعْمَتَ اللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ كُنتُمْ أَعْدَاءً فَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِكُمْ فَأَصْبَحْتُم بِنِعْمَتِهِ إِخْوَانًا وَكُنتُمْ عَلَىٰ شَفَا حُفْرَةٍ مِّنَ النَّارِ فَأَنقَذَكُم مِّنْهَا ۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمْ آيَاتِهِ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ (103) 2. Reer Galbeed iyo dariskeena ma rabaan inay Soomaali Islaam ku heshiiso oo mabaad’idiisa iyo nadariyaatkiisa la laga dhex raadiyo qaabka dib u heshiisiinta ee keeni karta cadaalad Islaam ee Ilaahey ka raali yahay. Taa bedelkeeda waxaa naloo keenay 4.5 formula (abuurtay dib u dhac iyo khilaaf joogto ah) oo khilaafsan sharaacada Islaamka oo sal dhig u ah dastuurka Soomaaliyeed ee qabyada iyo ku meel gaarka ah. Tusaale ahaan: Taariikh ahaan qabiilada walaalaha ee Aws iyo Khazraj ee carbeed waxay dagaalamayeen 100 sano ka badan haddana Islaamka mabaadi’diisa iyo nadariyaatkiisa ayey ku heshiiyeen. Taasi waxay u horseeday nabad iyo horumar abid ah. Waa maxay tawfiiq la’aan? Qofka markay tawfiiq la’aan heysato waxaa lagu gartaa wuxuu xalka ka raadiyaa hawadiisa wuxuuna ka cararaa diinta Islaamka in xal laga heli karo, wuuna ka leex leexdaa 168 aayadood ee Quraanka oo ka wada hadlayo qaabka dib u heshiisiinta ee shacab Muslim ah inuu raaco ay tahay. Sidaa darteeda Soomaali dulmi, dagaal iyo dib u dhac kama dhamaanayaan ilaa ay xalka ka raadiyaan diinta Islaamka ee dhameystiran. Saydul Fawa’id onlie waxaa lagu qeexay tawfiiq macnaheeda: ” التوفيق معناه: أن يهيئ له أسباب ما يرضيه سبحانه وتعالى، وما يوافق ما أراده من عبده، وهذا التوفيق أن يكون هوى الإنسان تبعاً لما طُلب منه شرعاً، فإذا كان الإنسان لا يرغب فيما حرم الله عليه ويرغب فيما أوجب عليه فهو موفق ” Tawfiiqda micnaheeda waa in insaanka wuxuu rabo la waafajiyo Ilaahey wuxuu rabo ee ku xusan Quraanka iyo Sunnada Nabiga NNK.” 3. Cabsida laga qabo in xalka Islaam laga raadiyo yaa abuuray? A. Aqoon yahanka Soomaaliga oo ku kalsooneyn dhameystirnaanta nidaamka Islaamka ama inaysan aqoon fiican u laheyn diintiisa Islaamka oo ah qaab nololeed dhameystiran. B. Reer Galbeedka iyo dhaqaalaha ay shirarkeena Soomaalida ku bixiyaan ayaan ogoleyn in nidaamka Islaamka xal laga dhex raadiyo. Waayo wax is tusiyeen in xalka nidaamka Islaamka uu badalayo qaab nololeedkooda. C. Islaamiyiinta oo gaabiyey inay si sahlan u soo bandhigaan in Islaamka uu yahay qaab nololeed dhameystiran oo awoodi kara inuu xaliyo mashaakilaadka Soomaali weyn haysta. 4. Shisheeye Raac ama nidaamka Tabciyada loo yaqaan. Isku kalsooni daro ayaa na heysata kuma kalsooni nidaamka dhameystiran ee Ilaahiga ee aan heysano ee ku dhan adduun iyo aakhiro (Al-Islaam). Tusaale ahaa: Abi Ahmed wuxuu rabo ayaan rabnaa iyadoon lays weydiin: 1. Muxuu rabaa? 2. Maxaa naga galay wuxuu rabo? 3. Maxaa faa’iido ah ayaa noogu jirto wuxuu rabo? Faa’ido noocee ah (dhaqaale iyo amni)” 4. Khatarta raacitaanka barnaamijkiisa intuu la’eg yahay? ma u saarnay gudi wax garad ee aqoon durugsan iyo daacadnimo iyo Alle ka cabsi leh ee daraaseeya “waa kuma Abi Ahmed” xaguuse noo wadaa? Ma ku qasbannahay inaan raacno? ma isku tashan karnaa waa haddii ay naga hareyn cid sidaa u fekerta oo dan gaar ama dano shisheeye ka shaqeynaynin? 5. {وَتُوبُوا إِلَى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَا الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ} [النور: 31 Dambiyadii la galay ma laga towbad keenin. Tawbad iyocafis buuxda iyadoo loo (wada dhan yahay) oo Ilaahey la weydiisto iyo annaga dhexdeena oo aan is cafino iyadoo la raacayo sharuudaha is-cafiska ayaa waxay horseedeysaa liibaan adduun iyo mid aakhiro oo midnimo keeneysa. W/Q: Imam/Dr. Hassan Mohamud (Xasan Jaamici), J.D. in American Law & Ph.D. in Sharia Law. Professor of Islamic University of Minnesota Former Adjunct Professor of William Mitchell College of Law Imam of Islamic Dawah Center and Dean of Minnesota Dawah Institute
-
Aas Aaskii Jamhuuriyada Somalilaan : Somalilaan waxaa lagu aas aasay Magaalada Burco Taariikhdii 18 May 1991 Qaabka Dawladnimo ee Somalilaan: Waa Dimuqraadi curdin ah oo leh Laamihii fulinta, Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen la doortay 5 tii sanadoodba mar. Waaxda Xeer Dejininta : Waxay ka kooban tahay Golaha Guurtida oo 82 xubnood ah iyo Golaha Baarlamaanka oo 82 xubnood ah kuwaas oo la soo doorto labada goleba. Labada Gole ee xeer dejintu waa xubno ka wakiila shacabkii soo doortay.Golaha Barlamaanka waxaa la doortaa 5-tii sanadoodba mar, halka Golaha Guurtida la soo doorto 6-dii sanadoodba mar. Waaxda Garsoorka : Waaxda garsoorka ayaa ka kooban Maxkamadaha iyo xeer ilaalinta , Maxkamada Dastuuriga ah ama maxkamada sare ayaa ah Hayada ugu sareysa Garsoorka Somalilaan. Doorashooyinkii Somalilaan u qabsoomay 25 -kii Sanadood ee la soo dhaafay: 1- Doorashadii shirbeeleedka ee Boorama ka dhacday sanadkii 1993 waxaa is soo sharaxay Mahamed haji ibrahim Cigaal, Abdirahman Aw Ali tuur ( AHN), Omar Carte Qaalib iyo Ahmed Mohamed Halac. Waxaana madaxweyne loo doortay oo ku guuleystay marxuun Mohamed haji Ibrahim Cigaal ” AHN”. Madaxweyne Cigaal wuxuu Somalilaan kala dabaashay waqti aad u adag oo ahaa waqtigii ugu adkaa ee abid Somalilaan soo mara xag colaadeed iyo xag dhaqaale xumo labadaba. 2- Doorashadii shirbeeleedka ee Hargeisa ka dhacday 1997 Waxaa is soo sharaxay; Mohamed Haji Ibrahim cigaal, Mohamed hashi cilmi iyo Saleebaan Mohamoud Adan (salebaan gaal) Waxaana goobtaa madaxweyne loogu doortay Mohamed Haji Ibrahim Cigaal.(AHN) halkaas oo Madaxweyne Cigaal uu tiirarka dawladnimo u taagay dawladnimada Somalilaan oo uu waqtigaa u sameeyey Dastuur, Xeerar iyo xeegaano ku saleysan habka xisbiyada badan ee maanta dalka ka jira. -Taariikhdu markau aheyd 31 May 2001 ayaa aftidii Dastuurka ee gooni isu taaga Somalilaan la qaaday, shacabka reer Somalilaan ayaa 97.1% waxay u codeeyeen in Somalilaan gooni isu taagto oo xornimadeedii kala soo noqoto dawladii Somaliya si ay Somalilaan u noqoto dal ka go’ay Somaliya oo aan ka tirsaneyn Dawlada Federaalka noqotay ee Somaaliya. 3- 15 December 2002 – Waxaa dhacday doorashadii ugu horeysay ee golayaasha degaanka oo ka tartamay 6 urur siyaasadeed, waxaana doorashadaa ku soo baxay sadex Xisbi qaran oo kala ahaa : Udub, Ucid iyo Kulmiye. 4- Doorashadii madaxtooyada ee dhacday sanadkii 2003 taas oo aheyd doorashadii JSL ugu horeysa ee ku dhacda hal qof iyo hal cod. Waxaana isa soo sharaxay Dahir Riyale Kaahin, Faysal Ali Waraabe iyo Ahmed Mohamoud Siilaanyo, Waxaana 80 cod ku helay Daahir Riyale Kaahin. kadib markii ay kala heleen 42.90% Dahir Riyaale , 42 .10 % Ahmed Mohamoud Siilaanyo iyo 15 % Faysal Ali Waraabe helay. Doorashadan waxaa taariikhda loogu duugay in Ahmed Siilaanyo oo ay dabada ka wadaan mucaaridkii abid ugu adkaa Somalilaan in uu Daahir Riyaale u tanaasulo oo yidhaahdo kelmeda dhaxalka u gashay ee uu yidhi ” Kursi Dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo ” 5- 29/9/ 20005 : Waxaa dhacday doorashadii Baarlamaanka waxaana u tartamay 246 musharax oo u tartamayey 82 kursi ku waas oo ka kala sharaxnaa 6-da Gobol ee Darajada A ah. Musharaxiintaasi waxay ka kala socdeen 3-da Xisbi qaran waxaana ay kuraasta u kala heleen sidan: Udub = 33 Xildhibaan. Ucid = 21 xildhibaan. Kulmiye = 28 xildhibaan. 6- Doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2010 oo aheyd doorasho hal cod iyo hal qof ah, Waxaa tartamay Daahir Riyale Kahin, Ahmed Siilaanyo iyo Faysal ali Waraabe; Waxaana boqolkiiba 49.50 % ku guuleystay Ahmed mohamoud Siilaanyo. Dahir Riyaale wuxuu helay 33.23 %. Faysal Ali Waraabe wuxuu helay 17.18 % . 7- 15/11/2012 – Waxaa dhacday Doorashadii 2-aad ee Goleyaasha degaanka ee Somalilaan: Waxaa tartamay 7 urur Siyaasadeed oo kala ahaa Rays, Ummada, Xaqsoor, Dalsan, Wadani, Ucid iyo Kulmiye.Waxaa ka qayb galay 2368 musharax oo u tartamay 379 kursi. waxaana ku soo baxay sadexda xisbi qaran ee Wadani, Ucid iyo Kulmiye. 8- Doorashada madaxtooyada ee dhacaday 13/11/17 waxaa tartamay Faysal Ali Waraabe, Abdirahman Mohamed Ciro iyo Muse Biixi Abdi waxaana ay guushu raacday Muse biixi Abdi oo ku helay cod aqbaliyad ah oo 55.1% ah, Abdirahman Ciro wuxuu helay 40.73%, Faysal Ali Waraabe wuxuu helay sidii caadada u aheyd tirada ugu yar codadka oo ah 4.17% , ka dib markii laga dhawaajiyey in doorashadas ay ku gedaamnaayeen mugdi iyo mad-madow fara badani, ayaa Abdirahman Ciro laga guntay odhaahda ah ” umaan tanaasulin Muse biixi Abdi ee dalkeygu damacayga ku burburimaayo dhiigna ugu daadan maayo” Juquraafi ahaan JSL waxay dhacdaa : Geeska Afrika waxaana ay xuduudo la leedahay sadex wadan oo kala ah Itoobiya, Jabuuti, Somaliya iyo Gacanka Cadmeed. Qaab dhismeedka JSL wuxuu ka kooban yahay Gobolo iyo Degmooyin : JSL waxay ka kooban tahay 6 Gobol oo Darjada A ah iyo 8 Gobol oo Darajada B ah oo isku darkoodu noqonayo 14 Gobol. Degmooyinka ay ka kooban yihiin Gobolada Somalilaan waa 100 Degmo oo isgu jira 55 Degmo oo Darajooyinka A ilaa D ah iyo 45 Degmo oo ah Degmooyin ku meel gaadh ah maadaama aanay weli buuxin shuruudihii isku filnaashaha degmanimo ku waas oo Darajadoodu ay weli ka hooseyso Darajada D. Caasimada Somalilaan: Waa Hargeisa waxaana ku nool shacab gaadhaaya ilaa 1.3 Million qof oo dhalinyaro u badan.Shacabka JSL waxaa lagu qiyaasaa 4 Million . Baaxada Dhulka ama bogcada barakeysan ee ay Jamhuuriyadda Somalilaan ku fadhido ayaa cabirkeedu yahay ilaa iyo 167,120 km2. Xeebaha Jamhuuriyada Somalilaan ayaa cabirkoodu gaadhaa 870 Km. Lacagta Somalilaan waa Somalilaan shilling.JSL waxay leedahay Calan iyo astaan u gaar ah. Luqadaha shacabka reer Somalilaan ku hadlaan ayaa kala ah : luqda koowaad Somaali, luqada labaad waa Carabiga iyo luqada sadexaad oo ingiriisi ah . JSL waxay leedahay Dekedo iyo Xarumo Ganacsi : Dekeda ugu weyni Somalilaan waa Dekeda Berbera oo dhacda Gacanka cadmeed , xarunta ganacsiga ugu weyni waa Suuqa Wajaale oo dhaca xadka itoobiya, Badeecadaha dhoofinta ugu badani waa : Xoolaha nool oo isugu jira Adhi, Geel iyo Lo’, macdano kala duwan iyo xabagta oo fooxu ugu badan yahay. Somalilaan waa dawlad isku tashatay oo leh dal, dad iyo dan qudha. Geedi socodka Doorashooyinka Somalilaan ee 25-kii sanadood ee la soo dhaafay soo socday waxaa laysku raacay in 18 – kii biloodba ay Doorasho ama Diiwaan gelini dhacdo. Hadaba sanadka soo cocdana ee 2019 ka ayaa la filyaa in ay dhacaan Doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Baarlamaanka iyo Goleyaasha Degaanka oo mudadoodii dhaafay. Alleh ayaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London . Qaran News
-
Maxaad kala socotaa ujeedada weftigii Madax dhaqameedka Oromada ee Somaliland yimi. Waxaa 15-kii bishan aynu ku jirno ee December ee sanadka 2018 yimi Magaalada Hargeisa ee Caasimada JSL wefti madax dhaqameed ah oo uu hogaaminaayo Suldaan Gumiin Abboota Gadaa oo ka soo jeeda Qoomiyada Oromada ee Wadanka Ethiopia. Weftigan oo ka koobnaa xubno madax dhaqameed ah oo ka soo jeeda Qoomoyada Oromada ee wadanka Ethiopia degan uguna balaadhan qoomiyadaha degan wadanka Ethiopia ayaa ujeeda ay wadanka u yimaadeen waxay ahayd in Xukuumada uu hogaaminaayo Muuse Biixi u dirtay Safiirka Somaliland u jooga wadanka Ethiopia Mudane Axmed Xassan Cigaal Suldaanka Guud ee Qoomiyadaaha Oromada oo la yidhaahdo Abbaan Gadaa Booranaa si Suldaankaasi balan kulan ah uga soo sameeyo Muuse Biixi iyo Raysal wasaare Abbey Ahmed kadib markii Raysal wasaaraha cusub ee Ethiopia diiday inuu la kulmo madaxweyne Biixi. Kulankaas Suldaanka iyo Safiirka Somaliland u fadhiya wadanka Ethiopia ayay ka dhalatay in weftigan oromada ah ee dhawaan wadanka Somaliland yimi yimadaan, taas oo iftiiminaysa in meeqaamkii diblamaasiyadeed ee Somaliland hoos u dhigaysa isla markaasna cadaynaysa in Xukuumada Somaliland ay faro madhan ka taagan tahay arimihii geedi socodka ictiraaf raadinta iyo kasbashada wadama jarka la ah madama oo arinteedii ku soo ururtay inay miciin bido madax dhaqameedka ay hayb ahaan wadaagaan Raysal wasaaraha Ethiopia oo gebi ahaanba diiday inuu wax kulan ah ama qaabilaad siiyo madaxda Somaliland ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Biixi. Waa markii ugu horaysay tan iyo intii la aas-aasay Somaliland uu xidhiidhka Ethiopia iyo Somaliland halkaas gaadho, waana mid ay horseed u tahay hogaaminta Muuse Biixi oo Haatan u muuqata mid laga soo laab-laabay saxiibadii Somaliland lahayd, taas oo imika horaanteedii la arko in arimihii Somaliland ku soo ururtay madax dhaqameed hayb wadaag la ah cidaas xukunka haysa. Qaran News