Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali police say at least 17 people have been killed in attacks near the presidential palace in the capital Mogadishu that have been claimed by the Islamist terrorist group al-Shabaab. At least 25 others were wounded in the bombings on Saturday morning, police officer Ahmed Bashane said. Seven police officers, a prominent Somali journalist, and many civilians were among the dead, he said. An explosives-laden vehicle blew up at a military checkpoint near the palace and the National Theatre around 9:30 am (0630 GMT), damaging nearby buildings and sending thick black smoke billowing into the sky. The suicide attacker detonated his explosives as security forces conducted a search of the vehicle, officer Ali Hassan Kulmiye said. The loud boom could be heard across the city on what is a normal business day in Somalia. The post Death toll in Mogadishu blasts rises to 17 appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee dalka jiray. Markii uu dalka burburka [...] Source
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed C/laahi Salaad Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay M/ Muqdisho ayaa beeniyay eedeymo loo jeediyay oo ku aadanaa Musuq-maasuq iyo in uu sameystay shirkad gaar ah. Wasiir Oomaar ayaa dacayad ka dhan ah isaga ku tilmaamay eedeymahaasi, waxaana uu xusay in wararkaasi ay baaahiyeen dad Mucaarad ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa meesha ka saaray in uu lee yahay shirkad gaar ah, Ganacsi kale. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/oomaar-.mp3 The post Wasiir Oomaar Oo beeniyay eedeymo loo jeediyay appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Kulan lagu taagerayay musharaxa Madaxweyne 2019 Dr: C/Wali Cali Gaas ,Madaxweynaha Puntland ayaa lagu qabtay magalaada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland . kulanka ayaa waxaa [...] Source
  5. Muqdisho (Caaismada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda labadii qarax ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu dilay dad gaaraya ilaa 20 qof. War rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayay ku sheegatay in qaraxyada oo ahaa kuwa is xig-xigay ay la beegsatay koontaroollada laga galo xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia. Qoraalka Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegau in weerarkan lagu dilay saraakiil iyo askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada iyo xubno kale. Ma jirto cid xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab ee ah inay dileen ilaalada madaxtooyada. “Daqiiqado kadib ayaa qarax kale lagu beegsaday goob baabuurta la dhigto, oo isna lala helay ciidamo gurmad ah oo ku soo wajahnaa goobtii uu qaraxii hore ka dhacay, goob joogayaal waxay sheegeen in Meydadka iyo dhaawacyada askar iyo saraakiil katirsan Dowladda Federaalka laga qaaday goobta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab. Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku dhintay qaraxyada maanta, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan, iyadoo dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen rayid ku sugnaa goobaha qaraxyada ay ka dhaceen. Dadka ilaa iyo hadda la aqoonsaday inay ku dhinteen qaraxyada ayaa waxaa kamid ah Wariye Cawil Daahir Salaad, Darawal gaariga u waday iyo shaqaale ka tirsan TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee dalka jiray. Markii uu dalka burburka galay wuxuu weriyaha ka mid ahaa dhalinyaradii isku dayay dib u soo nooleynta warbaahinta. Wuxuu soo saari jiray mid ka mid ah wargeysyadii tirade yaraa ee gacanta lagu daabici jiray. Sanadkii 2000 ayuu Cawil ku biiray idaacaddii iyo telefishinkii Horn Afrik oo ahayd warbaahintii ugu horreysay ee madax bannaan ee dalka ka hirgasha. Wuxuu sidoo kale qori jiray sheekooyinka gaagaaban. Wuxuu weriyuhu caan ku ahaa barnaamijka Dood-wadaag oo looga hadli jiray arrimha bulshada iyo xaaladaha taagan. Xaalada magaalada Muqdisho markii ay xumaatay, bartamihii sanadkii 2005 ayuu weriye Cawil dalka ka cararay isagoo u guuray qurbaha, halkaas oo uu mihnaddiisa ka sii watay. Isagoo kaddibna ku biiray telefishinka Universal oo uu barnaamijkiisii Dood-wadaag ka sii watay. Weriye Cawil dhowrkii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu u soo wareegay, wuxuuna aaminsanaa in xaaladda dalka ay soo hagaageyso. Weriye Cawil Daahir Salaad oo da`diisa lagu qiyaasay 45-sano-jir ayaa ka tegay xaasas iyo carruur, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Garoowe ( Sh. M. Network )-C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyaha G/Mudug Xassan Maxamed Khaliif (Abgaalow). Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa xilka looga qaaday guddoomiyahaasi, iyadoona lagu magacabaay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Cabdulqaadir Xuseen Nuur (Dirir). Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif (Abgaalow) ayaa waxaa xilkaasi loo magacaabay 23 December sanadkii 2015-kii. Maalmihii la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha Puntland waxa uu isbedalo kala duwan ku hayay maamulkaasi. The post Madaxweyne Gaas Oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta Wariye ,Cawil Daahir Salaad iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Universal Tv oo argagixisadu Saaka qarax ku dileen. Wasiir Geelle, ayaa naxariista Janno Alle ugu baryay Wariye, Cawil iyo dadkii kale ee ku naf waayay weerarradii argagixisadu ka geysteen Magaalada Muqdisho. Marxuum, Cawil Daahir Salaad, ayaa ka mid ahaa Wariyeyaasha ugu caansan Soomaaliya, isagoo kasoo shaqeeyay warbaahinno kala duwan , isagoo hadda ka mid ahaa howl wadeennada Taleefishinka Universal. The post XFS Oo oo ka tacsiyadeysay geerida Wariye Cawil Daahir appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Ardayda wax ka barata Jaamacada Bariga Afrika ee magaalada Bosaaso ayaa maanta u fariistay Imtixaankii weynaa ee jaamacada Bariga Afrika oo ahaa simistarkii dhexe ee [...] Source
  10. Wasiirka duulista hawada Soomaaliya oo goordhow la hadlay wariyaasha ayaa been abuur ku tilmaamay warar uu sheegay in laga faafiyay. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in warkaasi ay soo abaabuleen dad dano gaar ah leh oo ay kamid yihiin shirkado dano siyaasadeed ka leh Soomaaliya iyo siyaasiin mucaarad ah. Warkaasi oo ay baahiyeen qaar kamid warbaahinta Soomaalida ayuu wasiir Oomaar ku sheegay in ay tahay mid aan waxba ka jirin. Waxa uu soo hadal qaaday warar la is la dhexmarayay oo ku aadan in Wasiirka lagu heysto arimo musuqmaasuq iyo shirkad uu shaqada ka joojiyay ayuu arimahaasi ku sheegay in ay tahay mid aan waxba ka jirin. Qaar kamid ah Warbaahinta Soomaalida ayaa tabisay warar la xariira in Wasiir Oomaar loo heysto arimo musuq maasuq. Hoos ka dhageyso codka Wasiirka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Wasiir-Oomaar.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiir Oomaar oo beeniyay in musuqmaasuq loo xiray appeared first on Puntland Post.
  11. Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay 14 kalen waxaa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo ka dhacay meel ku dhaw Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay a [...] Source
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay ninkii hoggaaminayay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Ciidamaa amnigu ay soo qabteen wadahii Gaarigii danbe ee ku qarxay Taallada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere. War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in weerradan qorshahoodu uu ahaa in lagu laga beegsado xarunta Murtida iyo madadaalada ee National Terte-ka Qaranka,halkaas oo Maalmahan ay Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda oo iskaashanaya ay dayactir ka wadeen. Qoraalkan ayaa gebagabdii lagu yiri ,” ficilladooda arxandarrada ah nama wiiqo doono, dibna nooma celin doono inta Ciidanka iyo Shacabka iskaashanayaan” Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyadan oo labo ahaa, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen Saraakiil iyo Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya. The post NISA Oo sheegtay in la qabtay ninkii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-221218-SX.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay Hay’adda Nabad Suggida Somaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamada NISA ay ku guuleysteen soo qabashada ruux ay ku sheegeen inuu ahaa hoggaamiyihii ka dambeeyay qaraxyadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho. NISA qoraalka ay soo saartay waxa ay ku sheegtay hawlgal ciidanka ay sameeyeen in lagu soo qabtay ruuxa ka dambeeyay labada qarax ee maanta ka dhacay Muqdisho. Waxa kale oo NISA ay sheegtay in la soo qabtay ruuxii waday gaariga labaad ee ku qarxay Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho oo inta uusan qarxin ka hor la qabtay ninkii waday. Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ma aysan sheegin magaca qofka la soo qabtay ee ay sheegtay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxyada dhacay. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda laba qarax oo gaadiid loo adeegsaday oo mid ka mid ah lagu dhuftay Koontaroolka Ciidanka Koofi gaduuda ay ku leeyihiin Tiyaatarka Qaranka, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.
  15. Weriye Caana & 3 ka mida shaqaalaha Universal TV oo ku geeriyooday qarax +SAWIRRO Waxaa qaraxyadii ka dhacay maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday wariye Cawil Daahir Salaad iyo saddex shaqaale ah oo ka hawlgalaayay Tv-ga Universal, xaruntiisa magaalada Muqdisho. Wariye Cawil Daahir Salaad iyo saddex ka mid ah Shaqaalaha Tv-ga Universal , ayaa gaari maraayay xilliga qaraxa uu dhacaayay nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho halkaas oo gaari qarax laga soo buuxiyay lagu weeraray bar kontrol. Sidoo kale dadka waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxyadaasi waxaa ka mid ah gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax oo dhaawac fudud uu soo gaaray. Ciidamo ilaalo u ahaa gudoomiye Tuulax, ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi kuwaasi oo gaaraya illaa 5 askari, sida wararka ay sheegayaan. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xildhibaan Warsame Joodax dhaawac fudud uu soo gaaray, maadaama uu isna goobta uu maraayay xilliga qaraxa uu dhacaayay. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa soo saaray qoraalo ay kaga hadlayaan bartilmaameydka qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho. Qoraalka Hay’adda ayaa lagu sheegay in bartilmaameydka qaraxa koowaad uu ahaa xarunta Tiyaatarka Qaranka oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen olalaha is xilqaan oo dib loogu dhisayo Tiyaatarka. Waxaa maanta goobta ku sugnaa Shaqaalaha wasaaradda Ganacsiga oo qaarkood la sheegay in dhaawacyo fudud ay soo gaareen. Qoraal kale oo Hay’adda ay soo saartay ayaa lagu sheegay in la qabtay ruuxii hogaaminayay qaraxyada maanta ka dhacay Muqdisho oo sida la sheegay ka dagay gaariga labaad ee ku qarxay Daljirka Dahsoon.
  17. Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow sheegtay in gacanta ay ku hayaan qofkii hogaaminayay weerarkii qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho iyo darawalkii waday gaariga dambe ee ku qarxay Daljirka Daahsoon. War ay soo saartay NISA ayey ku sheegtay in ciidamada amaanku ay gacanta ku hayaan hogaamiyihii soo abaabulay weeraradii qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho. NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitterkeeda ku sheegtay warkaaasi. Ku dhowaad 15 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo is xigay oo is miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa wariyayaal caan ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in la qabtay hogaamiyihii soo abaabulay qaraxyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  18. Innalillaahi wa inaa ileyhu Raajucuun Geeridu waa xaq Masuuliyiinta iyo Guud ahaan Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi waxay tacsi u dirayaan Xaaskii iyo Caruurtii uu ka geeriyoodey [...] Source
  19. Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Labo qarax, kuwaasi oo geystay khasaare isugu jir dhimasho iyo dhaawac. Qaraxii Koowaad ayaa ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, halka midka Labaadna uu ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon. Inta la hubo waxaa qaraxan ku dhintey 10 qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka: Source: goobjoog.com
  20. siciid-dahabshiil.jpg Gudoomiyaha Shirkada TalkRemit Siciid Maxamed Siciid (Dahabshiil) oo ah wiil uu dhalay ganacsadaha weyn ee Dahabshiil ayaa faahfaahin cusub ka bixiyey APP cusub oo aad lacagta meeshii aad adduunka ka doontid ugu dirsan kartid. APP-kan cusub oo lagu magacaabo TalkRemit ayaa waxaa maalgeliyey Gudoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Maxamed Siciid. SIciid Dahabshiil oo u waramayey Telefishanka BBC qaybta afka Soomaaliga ayaa sheegay in APP-kani uu soo kordhin doono adeegyo fududaynaya isu dirka lacagaha iyo horumarka Ganacsiga, iyadoo ay dheertahay inaad APP-kan kala hadli kartid ehelkaaga ama qofkaad lacagta u dirtay, wuxuu leeyahay messenger sida Whatsapp ka oo kale ah, uma baahnid inaad xawaalad tagto, meelkasta oo aad joogto waxaad isticmaali kartaa Guri, Xafiis, Shaqada ama Suuqa . APP-kan waxaad ka heli kartaa Play Store ama Andriod. HOOS KA DAAWO WARAYSIGII GUDOOMIYE SMS: Qaran News
  21. Weriye Cawil Daahir Salaad oo ka tirsanaa Telefishinka Universal ayaa ku dhintay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan shaqaalaha [...] Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo labo ahaa oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo adeegsaday labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyay. Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku dhintay qaraxyada maanta, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan, iyadoo dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen rayid ku sugnaa goobaha qaraxyada ay ka dhaceen. Dadka ilaa iyo hadda la aqoonsaday inay ku dhinteen qaraxyada ayaa waxaa kamid ah Wariye Cawil Daahir Salaad, Darawal gaariga u waday iyo shaqaale ka tirsan TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho. Dadka waxyeelada ay kasoo gaartay weerarkii maanta waxaa kamid ah Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax oo ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxii Labaad. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dhaawac uusoo gaaray xildhibaan Warsame Joodax oo qaar kamid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka. Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa xaqiijiyay in labo ruux oo ka dagay gaariga labaad ee qarxay gacanta lagu dhigay, waxaana mid kamid ah uu watay gacanta ciidamada ay ka wada hadlaan. Sidoo kale waxaa jira dad badan oo rayid ah oo ay waxyeello ka soo gaartay qaraxyada maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com