-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qoraal uu Wasiirkii Hore ee Arimaha Debeda Somalia Yuusuf Garaad toos ugu qoray Al- Shabaab Soomaaliya dhibaato xoog leh ayaa ka jirta. Shacabka Soomaaliyeed waa dhibban yahay. Soomaali kasta waxaan ku leeyahay, haddii xalka aadan qeyb ka noqon karin, dhibaatada qeyb ha ka noqon. Shabaab ma ka tirsan tahay? Soomaali ma tahay? Haddii ay jawaabtu haa tahay, waad og tahay in aad dhibaatada ka mid tahay. Laakiin hadalku intaa kuma eka. Ujeeddadeyduna eedeyn ma aha. Maanta waxaa gacantaada ku jirta qeyb weyn oo xalka ka mid ah. Taas oo ah in aad shacabkan rafaadsan ka deyso dilka, dhaawaca, cabsida iyo arga-gaxa. Waad ogtahay dadka ugu badan oo gacantaada ku dhintaa waa shacabka. Cidda aad dileysaan oo aad jihaadka kula jirtaanna waa muslimiin, waa Soomaali, waa waalid iyo walaal. Waa dadka dad kuu xiga quruumaha balaayiinta ah ee dunida ku nool. Ka Soomaali ahaan, ha eegin meesha aan maanta joogno oo keliya. Arag meesha aan gaari karno waa haddii dhallinyarada aad adigu ka mid tahay ay ka shaqeeyaan horumarinta dalka. Ka feker inta dad waayeel ah oo dhibaateysan aad caawin karto. Ka feker inta aad barakacayaal caawin karto. Ka feker inta carruur kaa yaryar oo qaar badani agoommo yahay aad bari karto akhris iyo qoraal. Ka feker haddii aad xorriyad iyo nabadgelyo haysato, aad iskaashataan dhallinyaro kula mid ah, heerka aad adigu shakhsi ahaan higsan karto. Ha ka fekerin in aad is qarxin karto oo keliya. Ha ka fekerin in aad dagaallami karto ilaa askari dhulka jooga ama mid dayaarad saaran uu ku dilo. Ha ka fekerin oo keliya in aad diyaar u tahay in gantaal meel fog laga soo riday ama kuwa ku rararn dayaaradaha is wadaa ay ku dilaan. Ka feker taa cagisgeed. Ka feker in aad khatarahaas oo dhan aad naftaada ka badbaadin karto. Ka feker in aad naftaada wax tari karto. In aad qoys iyo jacayl abuuri karto. In aad waalidkaa iyo ubadkaaga aad biili karto marwadaadana aad dhaqan karto. Waad og tahay in ay cibaadada ka mid tahay. Ha ka fekerin qof in aad dili karto oo keliya. Is weydii – Qof ma badbaadin kartaa? Nolosha dadka qiimee. Ilaaha dadka uuntayna ka cabso. Waad ogtahay in aan Ilaaheey loogu dhowaaneyn dhallinyaro lagu qalqaaliyo in ay naftooda halligaan isla markaasna ay dilaan dad dariiqaas maraya, dembi aan gelin, Maxkamad dil ku xukuntay aanay jirin, laga yaabo in ay salaad hadda soo tukadeen ama ay u socdaan Masjidka, cid ay duullaan ku yihiinna aanay jirin. Laga yaabo in ay ku jiraan dhakhaatiir bukaanka daaweysa, taajiriin masaakiin masruufa, aabbayaal carruur badan koriya, macallimiin ubadka wax barta, hooyooyin sebi naaska nuujiya, ama sidkoodii dhammaaday bal qiyaas bambaano waddo lagu qarxiyay inta ku go’i karta! Waad ogtahay in dadka aad leyneysaan ee gacantiinnu ay gaarto uu yahay oo keliya dadka Soomaaliyeed ee colaadda, qaxa iyo horumar la’aantu ay dalalka asaaggood ah ka reebtay. Waad ogtahay shacabku in aanuu mas’uul ka ahayn siyaasadda Dowladda iyo siyaasadaha kale ee aad sheegtaan in aad ka gilgilaneysaan. Kaba sii fog ee waad ogtahay in aan shacabku cod ku lahayn dowladaha, ciidammada iyo ururrada shisheeye danaha kala duwan ee mararka qaarkoodna is khilaafsan ee dalkan ay ka leeyihiin in aanuu mas’uul ka ahayn qofka Soomaaliyeed ee iska lugeynaya waddooyinka Muqdisho, jirinaaya muufo ee tiisa u meel la’ haddana aad qarxineysaan. Bal isu miisaan waxa aad ka cabaneysaan iyo dhibta aad ku haysaan shacabka Soomaaliyeed. Waad ogtihiin in qaraxyadiinna ay ku naf waayeen dad baahan oo aan qado haysan. Waan ogahay in meelaha aad ka talisaan aan shacabka aydnaan toos u gumaadin, laakiin haddana waxaan ogahaya Muqdisho iyo magaalooyin kale dhibka aad shacabka ku haysaan. Waxaad ogtahay in si kasta oo aad u qarxisaan aan shacabku magaalada ka dhammaan doonin. Waxaad ogtahay in si kasta oo aad dhallinyarada Soomaaliyeed u qarxisaan in aan Dowladdu garowsan doonin in ay xukunka idiin banneyso inyarba ha ahaatee. Waad ogtahay in ciidanka shisheeye aanuu dalkan uga baxeyn in dad Soomaaliyeed oo masaajid ku tukanaya ama waddo maraya ay dad kale oo Soomaaliyeed ay weeraraan oo ay laayaan. Waad ogtihiin in aan ciidanka shisheeye dalka ka bixi doonin haddii aad cunaqabateysaan shacabka sida ka dhacday Xuddur, Buulo Burte iyo Ceel Buur. Waad ogtahay in aan adduunka lagu faa’ideyn aakhirana aan lagu liibaaneyn in ummaddaada loo xoog weynaado oo la laayo. Ilaaheey isaga ayaa culeys kasta qaadi kara. Dadka Soomaaliyeed ee muslimka ahina wuxuu maanta u baahan yahay in loo turo, loona gargaaro. Qofkii aan karin in uu u gargaaro qofka kale ee Soomaali ah, waxaa la gudboon in uu u turo ugu yaraanna uu ka magan galo. Marka aan taas idin leeyahay khasab ma ahan in macnaheedu yahay in dowladda Soomaaliyeed ay had iyo goor wax wanaagsan u qabato shacabka ama ay baahidiisa dabooshay. Ma ahan in aan idin leeyahay ajnebiga Xalane ka shaqeysta iyo kuwa Gobollada dalka qaarkood jooga ayaa jacayl Soomaaliyeed halkan u wada yimid. Ma ahan in aan idin leeyahay taageera. Xor ayaad u tihiin in aad diiddaan. In aad diidmadiinna ku muujisaan wax kasta oo aan ahayn xabbad iyo qarax. Xor ayaad u tihiin in aad ka shaqeysaan in Soomaaliya ay amnigeeda ku filnaato oo ay ka maaranto ciidan shisheeye. Ogow Qarax kasta oo aad sameysaan waxaa uu qiil u sameynayaa joogitaanka ciidanka iyo dadka aad sheegeysaan in aad dooneysaan in aad dalka ka saartaan. Qarax kasta oo aad sameysaan wuxuu sii fogeynayaa sidii loo gaari lahaa Dal dhisan, soo saara dhaqaale ku filan lehna Madax Qaran, mid gobol iyo mid degmo oo uu shacabku toos u soo doorto lana xisaabtamo, haddii uu ku qanci waayana uu shaqada ka fariisiyo. Qarax kasta wuxuu agoon ka yeelayaa ubad Soomaaliyeed, wuxuuna kordhinayaa baahida daawo iyo midda gargaar kale oo ay Soomaaliya caalamka ka tuugto. Haddii aad Soomaali tahay, haddii aad Islaam tahay, qofka Soomaaliyeed marka hore adiga ha kaa nabad galo. Dhiiggiisa ha xalaaleysan. Adduunyada haddaad nacday isaga ha seejin. Aaakhiradaada ha ku waayin dilka aadane aanad aqoon, gef kaa gelin in aad nafta ka goyso. Marka aad nabadgeliso qofka Soomaaliga ah waxaan shaki ku jirin in wax kasta oo kale laga gaari karo xal. Ugu dambeyn, haddii aad Shabaab tahay, Soomaali tahay, Allah taqaan, ummadda Soomaaliyeed dhiiggeeda ha xalaaleysan oo ha kaa nabad gasho. Ka feker xal aan qori iyo qarax ahayn oo adiga iyo shacabka intiisa kaleba ay u aayaan. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar Qaran News
-
Arintii ugu hadal haynta badnayd Shalay ee aadka loogu falan qaynayay saacadihii lasoo dhaafay baraha Bulshada ayaa waxa ay ahayd Kulankii Magaalo Xuduudeedka Wajaale Shalay Jimcihii ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalidda Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar kaasi oo ay ka dhasheen dareeno kala duwan oo ay ka mid ahayd in wax la iska waydiiyo cidda lahayd Macsuumadda Kulanka iyo meeqaamka Siyaasadeed ee uu Kulankaasi Somaliland u lahaa. Arimaha Dareenada saluugga lihi ka dhasheen ayaa waxa ka mid ahaa kadib markii uu Madaxwyene Biixi Warbaahinta ka sheegay inay casuumadda Kulankaasi isaga xagiisa ka timid “kulankani waxa uu ku saabsanaa, Madaxweyne Mustafe oo intii uu xilka Dalka qabtay aanaan hore isu arag, inaan ku casuuno halkan maanta oo qado ugu samayno, wada Sheekaysano, Isbarano, kana wada hadalno danta laba umadood, Guud ahaan labada dal, iyo Umadda SoomaaLiyeed ee labada dhinacba degan, Nabadgalyada, Ganacsiga,Iskaashiga, wax wada qabsiga, Dhaqanka iyo wax Alla wixii nolosha kusaabsan , inaanu kor uqaadno oo wanaajino ayaanu ka sheekaysanay,labada dhinacna dad mudakar ah oo wanagsan ayaa ka kala yimid oo leh siyaasiyiin, Ganacsato, Madax dhaqameed, dee aad iyo aad, waa la wada qadeeyay aad ayuu u wanaagsanaa, waanan bilaabi doonaan shirar kale iyo isu imaatino Kale”. Falanqeeyayaaasha Siyaasada Somaliland ayaa Ku tilmaamay Kulankaasi mid aan waxba ku soo kordhinayn saaxadda Siyaasaddii Arimaha Dibada Somaliland oo mudooyinkan dhulka taalay islamarkaana aanay Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya siyaasiyan ahayn kuwo isku dhigma meeqaam ahaan, waxa ay dareenkooda ay ku muujiyeen inay Madaxweyne Biixi uga haboonayd inuu kulankaasi u diro Wasiirkiisa Arimaha Gudaha ama Masuuliyiinta la mid ka ah, waxa ay ku tilmaameen kulankaasi mid uu Madaxweyne Biixi kaga galgalanayay Faashilka albaabadii arimaha dibadda ee Xukuumadddiisa ku soo oodmay iyo dagaalka dhinaca Diblomaasiyadda ee lagaga awood roonaaday islamarkaana uu gaadhay heer uu xiitaa wax xidhiidh ah la samayn kari waayo Wadamada Jaarka la ah Somaliland iyadoo awal ay Somaliland duulaano dhaadheer oo siyaasadeed ku qaadi jirtay guud ahaan Wadamada kuyaala Qaaradda Africa iyo Waliba Wadamo Qaaradda Yurub kuyaala. Baraha Bulshada ayaa aad loogu qaadaa dhigay Shalay sawirradda labada Madaxweyne iyagoo shacabka Reer Somaliland intooda badan saluug ka muujiyay hanaanka la iskugu dhereriyay Labada Madaxweyne. Dadka intooda badan ayaa dareen didmo leh ka muujiyay sida uu Madaxweyne Biixi iskugu xayd xayday inuu Gool siyaasadeed ka raadiyo ismaamul aan meeqaam ahaan u dhignayn Somaliland oo ay Madaxweyneyaashii ka horeeyay qaab hoose ula macaamili jireen. Su’aasha kale ee wax la iska waydiiya ee Dareenka dhalisay ayaa ah in maadaama oo uu Madaxweyne Biixi isagu lahaa fidinta Gogoshan Shalay la iskugu yimid, waxa uu ugu macsuumi waayay inuu Madaxweyne Cagjar Hargeysa Yimaado? Una door biday inuu kulan kula qaato Magaalo Xuduudeeda Wajaale. Qaran News
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ciidamadiisa kaga saarayo Syria, waxa uu dhabarjab lama filaan ah ku yahay Israel, waxaa sidaas sheegay falanqeeyayaasha siyaasadeeda ee Yahuudda. Trump ayaa arbacadii – Isaga oo sheegaya inuu guul ka gaaray Daacish – Waxa uu ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka uu kasoo saarayo dalka dagaallada ay halakeeyeen ee Syria. Xeel-dheerayaasha Israel, oo warbaahinta Yahuuda ay soo xigtay, ayaa sheegay in tallaabada Trump ay naxdin ku noqotay xukuumadda Tel Aviv. Wargeyska luuqadda Hebew-ga wax ku qoray Yedioth Ahronoth ayaa qoray warbixin uu cinwaan uga dhigay: Carada bixitaanka Trump: Guul usoo hoyatay Iran, iyo guuldarro ku dhacday Israel. Wargeyska Israel Today oo aad ugu dhow ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa go’aanka Trump ku qeexay “Qalad musiibo ah.” Eran Lerman oo ah madaxweyne ku xigeenka machadka daraasaadka istaraatiijiyadda ee Jerusalem, horeyna u ahaa taliyaha ciidamada Israel ayaa sheegay go’aanka Trump “musiibo kuma noqon doono Israel kaliya, balse wuxuu saameyn doonaa xulufada Mareykanka, oo ay tahay inay kaligood wajahaan Syria, Iran iyo Russia.” Wargeyska Haaretz ayaa isna qoray in go’aanka uu horseedi doono saameyn ballaaran oo Iran iyo Russia ay ku yeeshaan Syria iyo guud ahaan bariga dhexe. Wuxuu wargeyska yiri “Liiska dalalka go’aankan uu walaacin doona waxaa ka mid ah Israel, Kurdish-ka, Jordan iyo Saudi Arabia” Caasimada Online Xafiiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Shirkii Aqoonyahanka Soomaalida Jabuuti Ugu Qabsoomay Oo Lagu Fashiliyey Fadeexad Ay Xukuumaddii Siilanyo Ku Kacday+Waji-Gabaxii Xubnaha Somaliland Ka Socday Iyo Sacabkii Reer Xamarku Madasha Ku Gilgileen!! Haweenay ka mid ah Masuuliyiintii ka socday waddanka Soomaaliya ee ka qayb galayay shirkii Toddobaadkii hore lagu qabtay waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti ee ay soo qaban qaabisay xarunta daraasaadka siyaasadda ee HERITAGE ayaa waxa ay kashiftay fadeexad weyn oo la xidhiidha xukuumaddii xisbiga KULMIYE ee hore, taasi oo ay ku sheegtay in ay maalin walba dawladdii wakhtigaasi Somaliland ka talinaysay kala xidhiidhi jirtay Guddidii xulista xildhibaanada calooshood u shaqaystayaasha ah ee Somaliland ka fallaagoobay ee ku sugan Muqdisho. Haweenaydan oo ka mid ahayd ergooyinka Muqdisho ka socday ee kulankaaasi aqoon is waydaarsiga ahaa ka qayb galayay oo doodda qaadatay mar laga hadlayay qaddiyadda Somaliland ayaa waxa ay ku nuuxnuuxsatay oo ay kashiftay sir culus oo khiyaamo ah oo ay xukuumaddii hore ee KULMIYE dalka ka gashay iyada oo haweenaydani ku doodaysay in aanay waxba ka jirin wax Somaliland la yidhaa ee ay Illaa Madaxtooyada Somaliland la shaqeeyaan hadba dawladda Xamar joogta iyada oo tusaale u soo qaadatay mar ay haweenaydani ka mid ahayd xubnihii xulayay xildhibaanada dalkaasi Soomaaliya in ay madaxtooyada Somaliland kala xidhiidhi jirtay mar walba xulista Xildhibaanada reer Woqooyiga ah oo ay ula jeedday Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland. Haweenaydan Ayaa sheegtay in xukuumaddii hore ee Somaliland ka qayb qaadatay Xulista xubnaha xildhibaanada ah ee reer Somaliland ee ku sugan dalkaasi Soomaaliya. Iyada oo arrintaasi ka hadlaysa waxa ay tidhi: “2012-kii waxaan ahaa Guddidii xulista Xildhibaanada samaynayay. Xildhibaan kasta oo reer Woqooyi ah Madaxtooyada Somaliland ayaan xaashiyo (Waraaqo) ka helaynay oo ay noogu sheegayeen kanaan rabnaa kanaan rabnaa, kan ma rabno, kuwii dambe ee 2016 iyana sidaasi ayay u dhacday baan u malaynayaa. Waxay lahaayeen kan naga reeba kan noogu dara. Waxaanu haynaa dhukumantiyo ayaan haynaa. Kan ma rabno, kaas u diida, kaasi naga daaya ayay lahaayeen mar walba. Kaasi sidaasi ayuu yeelay ee kanaan rabnaa ee halagu baddalo”. Haweenaydan ayaa markii ay hadalladan sheegaysay waxa ay sacab weyn iyo sawaxan taageero ah ka heshay ka qayb galayaashii shirkaasi ka qayb galayay oo u badnaa dalkaasi Soomaaliya kuwaasi oo sacab ku dhago barjeeyey xubnihii aadka u yaraa ee faro ku tiriska ahaa ee Somaliland shirkaasi u matalayay waxaana xusid mudan in kursiga ay fadhiday ee ay haweenaydani ka kacday markii ay hadalka qaadatay aanu qofna u dhaxayn oo uu agteeda fadhiyay Aqoonyahan Maxamed Biixi Yoonis oo wakhtigan ka tirsan xisbiga WADDANI kana mid ahaa Golihii Wasiirrada ee xukuumaddii hore ee KULMIYE. Hadalka haweenaydani waxa uu waji gabax weyn ku noqday xubnihii Somaliland ee shirka joogay oo lagu shimbiro waaqleeyey markii haweenaydani sida tiiqtiiqsiga ah hadalladan u lahayd taasi oo ay xujo ka dhiganayeen in Somaliland qayb ka tahay Soomaaliya oo ay xataa maamulkeeda xukuumadeed wakhtigaasi ku xiiqsanaa kala xulashada xildhibaanada reer Somaliland ee maamulka Muqdisho ka tirsan waana arrin fadeexad weyn ku ah qaranka. Qaran News
-
Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Isimada Puntland, Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka, saraakiisha amniga doorashada iyo inta badan musharaxiinta ayaa kulan ku yeeshay magaalada Garowe, gaar ahaan guriga Islaan Ciise Islaan Maxamed. Kulankan ayaa looga hadlay cabasho ay musharxiinta Puntland ka qabeen Guddiga khilaafaadka Baarlamaanka iyo saraakiisha amniga doorashada oo ay horey ugu gudbiyeen issimada. Musharax Aadan Gaadaale oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in issimada Puntland ay damaanad qaadeen wixii cabashooyin ah ee ka yimaada Guddiga khilaafaadka iyo kan amniga, isla markaana wixii cabasho ah oo ay qabaan musharaxiintu loo soo gudbinayo issimada. Sidoo kale musharax Gaadaale oo ku hadlayay afka musharaxiinta ayaa sheegay in ay ku qanceen arrintaas ayna uga dambeyn doonaan issimada Puntland. Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa maalmaha soo socda laga sugayaa liiska Xildhibaanada, waxaana la soo sheegayaa in ay jiraan xubno badan oo muran ka jira. Doorashooyinka Puntland ayaa muran ka dhashaa Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka iyo amniga doorashada, inkastoo marka dambe xal laga gaaro. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
“Soomaaliya Mar Kale DHiig Baa loogu Wan Qali!!” Farmaajo waa Faraskii Trojan! KHATAR! Yaad isku haleynaysaan?!!… KHatarta Albaabkay taaganatahay! Wallee caqliga ay isku raaceen nimanka talada dalka hoggaankeeda haaya waa talo sheeko reebaysa! Waxaase intaas ka daran nimankii aan dooarnay ee golaha shacabka iyo aqalka sare ahaa waxa afka qabsaday! Arrimaha muuqda oo dad-weynuhu dareemayo, iyo cabsida mustaqbalka dalka soo wajahday maxaa loo aamausay?! Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu dalkii ku gatay inuu madax-weyne noqdo oo ahaado! Waxaana jirta in shacabka Soomaaliyeed been badan loo sheego, beentaas oo la xiriirta heshiisyada Farmaajo iyo madaxda Itoobiya, Isaias Afwerki iyo Abiy Axmed (Awalba hal dal bay isku ahaayeen). Waxaan arrin qarsoon ahayn in dalakii wax guumeysan jiray iyo kuwii dulaalka u ahaa oo muslimiin ay ku jiraan labadaba aad isugu taxluujiyeen in Soomaaliya khariidaddda aduunka laga tirtiro, waxaana laynagu burburiyay magacyo laynagu kala qaybiyay oo laynoo bixiyay; kuwo fiican (kuwo aan gumeysiga diidayn oo ay u horeeyaan Farmaajo iyo KHeyre) iyo kuwo xun-xun (kuwo gumeysi diidka ah). SHacabka Soomaaliyeed, ma garan waayin xilka ka saran dalkiisa, laakiin sida muuqata waxaa khayaanay madaxdii ay hoggaaminta dalka ku aamineen, madaxdii ay ahayd inay shacabka ay hoggaamiyaan u sheegaan hadba arrimaha hor yaala, madax-weynihii haddii uu galay heshiisyo qarsoon golaha shacabka inuu dad-weynaha la hadlo oo u sheego ayeey ahayd inay diginin ka siiyaan khatarta ayeey ahayd, hadii golihii la qabsaday, ama la handdaday ma la waayay shakhsiyaad karti u yeesha inay xogaha khatarta ah dad-weynaha la wadaagaan?! Oo waliba intay deegaannadooda tagaan dadweynaha ku baraarujiyaan shirqoollada qaranka loo mareegayo! Itoobiya mar kasta waa quwad guumeystayaashu u haystaan inuu dadka Soomaaliyeed u adeegsadaan mar kasta oo ay Soomaaliya dano ka yeeshaan, dadka Soomaaliyeedna taas waa ka dheregsanyihiin mana ah mid cabsi ku haysa oo waa colaad joogta ah oo ka mid ah nolosha ay barteen ama ku soo noolaayeen dadka Soomaaliyeed waligood. Itoobiya, wali cadaawadda iyo xummaanta ay dadka Soomaliyeed u qabto ayeey ka door bidaysaa inay Soomaaliya kula noolaato deris wanaag, waxaadna moodaa inay la tahay taariikh kumanaan sano oo ay tirsanayso inay iyadu soo jirtay inaysan Soomaaliya soo jirin sidaas aawgeedna ay run tahay guumeystayaasha warka ay u sheegayaan oo ah inay ka il-baxnimo fogtahay dadka Soomaaliyeed iyo inta badan qaaradda Afrika oo ay xaq u leedahay inay Soomaaliya maamusho! Laakiin waxaa taas diidaya xaqiiqda aqoonta aan isu leennahay iyo raadadka muuqda ee la xiriira wixii ina soo dhex maray innaga iyo iyaga. Dadka Soomaaliyeed way u jeedaan sida xaalku yahay mana garan waayin Farmaajo iyo KHeyre waxa dantoodu tahay, iyo ujeeddooyinka mid kasta leeyahay, hasa yeeshee labada nin waxaysan garan meesha ay ugu badin lahayd ma aha inay dalka u soo horseedaan (waaba horseedeenee) cadow soo jireen ahaa taariikhda aan wadaagnana ay tahay maalin kasta inuu guumeystayaasha inoo soo raaco ama ay inoo soo adeegsadaan. Illaa muddo 600sano oo wax dheer Itoobiya colaaddeeda iyo duulaanka ay Soomaaliya ku hayso mid xiriirsan buu ahaa. Hehiisyada Itoobiya lala galay Waxay sharci noqon karaan waagay Shacabku Soomaaliyeed ay u codeeyaan oo ay iyagu sidaas doortaan, Soomaaliyana Ummad baa leh ee madax-weyne ma laha! Golaha SHacabka ee la handdaday shuruudaha sagaalka ah ee ay soo jeediyeen waxaa ka muhiimsan hal shuruud oo ah in heshiisyada Itoobiya (Awalba laba dal ma jirin ee hal dal bay isku ahaayeen [Eritrea + Itoobiya = Itoobiya]) lala galay ay Mooshin ka keenaan oo laalaan, oo ay marka hore iyaga inoo muujiyaan inay daacad ka yihin dalka inay ugu adeegayaan si waafaqsan dastuurka dalka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Farmaajo iyo KHeyre, heshiisyada ay huurinayaan, maalin kasta Abiy Axmed, Xil-DHibaanada dalkiisa buu hor geeyaa isagoo ugu faanaya una haysta inuu ka guuleystay ama uu si dhib yar u jabiyay cadowgoodii soo jireenka ahaa ee Itoobiya! Bal is weydii oo iiga jawaabi karaysaa haddaad garanayso sababta Abiy Axmed ugu dhiiranayo maalin kastana talada ula qaybsanayo xil-dhibaannada dalkiisa, Farmaajana uga dhuumanayo xil-dhibaannada Soomaaliyeed haddii aysan KHayaano Qaran ahayn?!…Itoobiya way ogtahay waxa ay samaynayso inaysan sarci ahayn, laakiin waxay soo dhex gashay Trojan Horse (Farmaajo) laakiin way is yeel-yeelaysaa casrigaan Faras Loox laga sameeyay laysuguma soo gabban karo! Waxaa hadda muhiim ah in golaha shacabka uu ku dhawaaqo inuusan aqoonsanayn heshiisyada qarsoodiga ah ee madax-weyne Farmaajo uu la soo galay dowladda Itoobiya isla markaasna aysan sharci ahayn haddii aan la hor keenin Aqalka Sare iyo Golaha SHacabka. SHiikh Ibraahim Muudeey iyo Mahdi Cabdalla Cawad ama xataa Gudoomiyaha Xil-DHibaannada midna awood gaar oo tiisa ah kuma kala diro mid ka mid ah guuddi hoosaadyada Golaha SHacabka sida u ii xaqiijiyay xubno kala duwan xil-dhibaannada ka mid ah, waxaana lagu kala diri karaa qaabkii ay markii hore ku yimaadeen oo ahaa in kal-fadhiyad hortooda looga doodo, mana u baahnin golayaasha jira inay dhexdooda isku mashquulaan iyadoo dalkii ay go’aano ka gaarayaan dalal shisheeye ah! Maanta uma baahnin waziir lagu mashquulo, waxaan u baahnnahay xil-dhibaannada inay mowqif cad ka istaagaan heshiisyada tuhunka badan iyo walaaca ku haya dadka Soomaaliyeed ee Farmaajo soo galay, waxaan u baahnnahay inay ummadda u sheegaan heshiisyadaan dekedihii iyo xuddudihii dalka shisheeyuhu duulaanka ku yihiin wixii looga tashan lahaa! Waxaa cajiib ah in Faysal Cali Wraabe, oo ognahay inuusan rabi Soomaaliya ooh al dal ah uu arrintaas dhow jeer ka hadlay, nimankii xilkaas loo doortayna ay waxyaabo kale isku mashquulinayaan! Koonfur-Galbeed (KG) Cabdi-Caziiz Lafta-Gareen, baa la keenay, isagoo waziir ah inta xilka laga qaaday baa madax-weyne looga dhigay maamulka KG, dariiqa loo soo maray inuusan sax ahayn muran kuma jiro, waxaase jira warar soo baxaya oo tilmaamaya in Farmaajo iyo Abiy Axmed ay isku ogaayeen in ninkaas gobolkaas loo dhiibo oo isaga markaas loo isticmaal inuu ku dhawaaqo inuu sal-dhig ciidan Itoobiya ka siiyay xeebta Baraawe sida Somaliland iyo Puntland xeebihii gobolladaas, taasina ay yarayn karayso in dad-weynaha ay ku kacaan Farmaajo (The Trojan Horse!) waxaana intaas dheer, sida ay wararka qaar sheegayaan in Lafta-Gareen uu ku faraxsanyahay arrintaas! Xil-DHibaannada, ha ku kalsoonaadaan shacabkooda hana u sheegaan xaqiiqooyinka ay ogyihiin ama ay hayaan ee khatarta ku ah jiritaanka ummadnimo iyo qaranimo, arrimaha waweyn ee dalka soo wajahay, haddii golihii fulinta oo uu u horeeyo ninkii madax-weynaha dalka ay xil-dhibaannada u soo doorteen uu la dhuumanayo heshiisyo uu la soo galay dalka Itoobiya, haddee dalka dadka Soomaaliyeed baa iska leh iyagaana difaacanaya ee nin madax-weyne ah ma laha!… Xil-DHIbaannada Cusub ee Puntland waxay qaranka Soomaaliyeed ugu hiilin karaan iyagoo doorta ninkii ku malayniyaan, inuu ka naxayo dadka iyo dalka! Doorashada Puntland, waa khatar kale oo soo socota, waxaa ahadda la diyaariyay saraakiil ka tirsan dowladda oo lacago u soo wada Puntland, waxaana lacagahaas sida aan wararka ku hayno ay ku socdaan murashax Engineer Max’ud KHaliif Xasan (Jabiye) oo Farmaajo iyo KHeyre ay u diyaarinayaan inuu ku soo baxo doorashada madax-weynaha Puntland iyo Engineer Cabdul-Xakiim Cameey oo ay rabaan inuu ku soo baxo madax-weyne ku-xigeenka Puntland mar kale, Eng.Cameey, waa siyaasiga keliya ee marka laga reebo dowladda federal-ka ee u hambalyeeyay Lafta-Gareen!…Waa ninkii isagoo inkirayay jiritaanka maamulka uu isaga mada-weyne ku-xigeenka ka ahaa ee Puntland waxaa jirin oo ku magacaabay HARADIGA!! Hadana waa u tartamayaa, umase malayniyo inuu rabo xilkaas ee wuxuu rabaa si uu nimankaas heshiisyada qarsoon soo galay wakil ugu noqodo inuu magaciisa maalmo ka sii dhex muuqda sawirka weyn ee siyaasadda Puntland!… Eng. Jebiye ayaa horay intuusan ka amba bixin dalka Maraykanka rag saaxibadiis ah ayuu si cad ugu sheegay inuu dowladda Federal-ka heshiis la gelayo si ay u maal geliso tartanka u u gelayo doorashada madax-weynenimmada Puntland. Waxaa jira iyagana qaar ka mid ah oday-dhaqameeddada, niman iyo haween isku sheega inay ka mid yihiin dhaqdhaqaaqyo kala duwan inay ka mid yihiin dadka la rabo in loo soo maro doorashada Puntland. Xil-DHibaannada cusub, waxaa la gudboon inay ka digtoonaadaan oo ka fiirsadaan qofka ay dooranayaan, Codkiinna ama wuxuu noqonayaa mid aad ummadda Soomaaliyeed ugu hiilinaysaan oo aad aayaha ilmihiina iyo mustaqbalka faca dambe adinka dhaxlayo aad ugu danaynaysaan ama wuxuu noqonayaa bar madow oo ka daran shanta sano ee hadda dhamaanaysa! Fekera oo fekera, nimanka lacagta loo so dhiibayo ma aha niman aydaan aqoon… waa niman aad ku taqaanaan inay waligood siyaasadda gurracan u ololeeyaan si ay dulaal uga helaan, waa niman wajiga timo ku leh oo aan ceebtu dareemin! Fekera! Guddoomiyaha Baarlamanka federal-ka ah, Xil-DHibaannada mooshinka keenay ha ogaadaan lagama adkaan! Waxaad ku shaqaynaysaan waa waxaad hubtaan, sidaas daraadeed yeeysan idin niyad jebin dadka aan wax ogeyn, maxaa yeelay adinkaan shacabka la hadlain oo aan waxba u sheegin!! La hala dad-weynaha, khataraha idin muuqda la socodsiiya!…Dad-weynihii Soomaaliyeed waa laga wada aamusay, waana khalad!khalad! yaa wax u sheegaya hadaad ka wada aamusteen?!…Ogaadaana, waxa socdaa qiimo aad qaali u ah bay inooga baahanyihiin inaan ku bixino!…Indhaha Kala Fur! W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Soomaaliya dhibaato xoog leh ayaa ka jirta. Shacabka Soomaaliyeed waa dhibban yahay. Soomaali kasta waxaan ku leeyahay, haddii xalka aadan qeyb ka noqon karin, dhibaatada qeyb ha ka noqon. Shabaab ma ka tirsan tahay? Soomaali ma tahay? Haddii ay jawaabtu haa tahay, waad og tahay in aad dhibaatada ka mid tahay. Laakiin hadalku intaa kuma eka. Ujeeddadeyduna eedeyn ma aha. Maanta waxaa gacantaada ku jirta qeyb weyn oo xalka ka mid ah. Taas oo ah in aad shacabkan rafaadsan ka deyso dilka, dhaawaca, cabsida iyo arga-gaxa. Waad ogtahay dadka ugu badan oo gacantaada ku dhintaa waa shacabka. Cidda aad dileysaan oo aad jihaadka kula jirtaanna waa muslimiin, waa Soomaali, waa waalid iyo walaal. Waa dadka dad kuu xiga quruumaha balaayiinta ah ee dunida ku nool. Ka Soomaali ahaan, ha eegin meesha aan maanta joogno oo keliya. Arag meesha aan gaari karno waa haddii dhallinyarada aad adigu ka mid tahay ay ka shaqeeyaan horumarinta dalka. Ka feker inta dad waayeel ah oo dhibaateysan aad caawin karto. Ka feker inta aad barakacayaal caawin karto. Ka feker inta carruur kaa yaryar oo qaar badani agoommo yahay aad bari karto akhris iyo qoraal. Ka feker haddii aad xorriyad iyo nabadgelyo haysato, aad iskaashataan dhallinyaro kula mid ah, heerka aad adigu shakhsi ahaan higsan karto. Ha ka fekerin in aad is qarxin karto oo keliya. Ha ka fekerin in aad dagaallami karto ilaa askari dhulka jooga ama mid dayaarad saaran uu ku dilo. Ha ka fekerin oo keliya in aad diyaar u tahay in gantaal meel fog laga soo riday ama kuwa ku rararn dayaaradaha is wadaa ay ku dilaan. Ka feker taa cagisgeed. Ka feker in aad khatarahaas oo dhan aad naftaada ka badbaadin karto. Ka feker in aad naftaada wax tari karto. In aad qoys iyo jacayl abuuri karto. In aad waalidkaa iyo ubadkaaga aad biili karto marwadaadana aad dhaqan karto. Waad og tahay in ay cibaadada ka mid tahay. Ha ka fekerin qof in aad dili karto oo keliya. Is weydii – Qof ma badbaadin kartaa? Nolosha dadka qiimee. Ilaaha dadka uuntayna ka cabso. Waad ogtahay in aan Ilaaheey loogu dhowaaneyn dhallinyaro lagu qalqaaliyo in ay naftooda halligaan isla markaasna ay dilaan dad dariiqaas maraya, dembi aan gelin, Maxkamad dil ku xukuntay aanay jirin, laga yaabo in ay salaad hadda soo tukadeen ama ay u socdaan Masjidka, cid ay duullaan ku yihiinna aanay jirin. Laga yaabo in ay ku jiraan dhakhaatiir bukaanka daaweysa, taajiriin masaakiin masruufa, aabbayaal carruur badan koriya, macallimiin ubadka wax barta, hooyooyin sebi naaska nuujiya, ama sidkoodii dhammaaday bal qiyaas bambaano waddo lagu qarxiyay inta ku go’i karta! Waad ogtahay in dadka aad leyneysaan ee gacantiinnu ay gaarto uu yahay oo keliya dadka Soomaaliyeed ee colaadda, qaxa iyo horumar la’aantu ay dalalka asaaggood ah ka reebtay. Waad ogtahay shacabku in aanuu mas’uul ka ahayn siyaasadda Dowladda iyo siyaasadaha kale ee aad sheegtaan in aad ka gilgilaneysaan. Kaba sii fog ee waad ogtahay in aan shacabku cod ku lahayn dowladaha, ciidammada iyo ururrada shisheeye danaha kala duwan ee mararka qaarkoodna is khilaafsan ee dalkan ay ka leeyihiin in aanuu mas’uul ka ahayn qofka Soomaaliyeed ee iska lugeynaya waddooyinka Muqdisho, jirinaaya muufo ee tiisa u meel la’ haddana aad qarxineysaan. Bal isu miisaan waxa aad ka cabaneysaan iyo dhibta aad ku haysaan shacabka Soomaaliyeed. Waad ogtihiin in qaraxyadiinna ay ku naf waayeen dad baahan oo aan qado haysan. Waan ogahay in meelaha aad ka talisaan aan shacabka aydnaan toos u gumaadin, laakiin haddana waxaan ogahaya Muqdisho iyo magaalooyin kale dhibka aad shacabka ku haysaan. Waxaad ogtahay in si kasta oo aad u qarxisaan aan shacabku magaalada ka dhammaan doonin. Waxaad ogtahay in si kasta oo aad dhallinyarada Soomaaliyeed u qarxisaan in aan Dowladdu garowsan doonin in ay xukunka idiin banneyso inyarba ha ahaatee. Waad ogtahay in ciidanka shisheeye aanuu dalkan uga baxeyn in dad Soomaaliyeed oo masaajid ku tukanaya ama waddo maraya ay dad kale oo Soomaaliyeed ay weeraraan oo ay laayaan. Waad ogtihiin in aan ciidanka shisheeye dalka ka bixi doonin haddii aad cunaqabateysaan shacabka sida ka dhacday Xuddur, Buulo Burte iyo Ceel Buur. Waad ogtahay in aan adduunka lagu faa’ideyn aakhirana aan lagu liibaaneyn in ummaddaada loo xoog weynaado oo la laayo. Ilaaheey isaga ayaa culeys kasta qaadi kara. Dadka Soomaaliyeed ee muslimka ahina wuxuu maanta u baahan yahay in loo turo, loona gargaaro. Qofkii aan karin in uu u gargaaro qofka kale ee Soomaali ah, waxaa la gudboon in uu u turo ugu yaraanna uu ka magan galo. Marka aan taas idin leeyahay khasab ma ahan in macnaheedu yahay in dowladda Soomaaliyeed ay had iyo goor wax wanaagsan u qabato shacabka ama ay baahidiisa dabooshay. Ma ahan in aan idin leeyahay ajnebiga Xalane ka shaqeysta iyo kuwa Gobollada dalka qaarkood jooga ayaa jacayl Soomaaliyeed halkan u wada yimid. Ma ahan in aan idin leeyahay taageera. Xor ayaad u tihiin in aad diiddaan. In aad diidmadiinna ku muujisaan wax kasta oo aan ahayn xabbad iyo qarax. Xor ayaad u tihiin in aad ka shaqeysaan in Soomaaliya ay amnigeeda ku filnaato oo ay ka maaranto ciidan shisheeye. Ogow Qarax kasta oo aad sameysaan waxaa uu qiil u sameynayaa joogitaanka ciidanka iyo dadka aad sheegeysaan in aad dooneysaan in aad dalka ka saartaan. Qarax kasta oo aad sameysaan wuxuu sii fogeynayaa sidii loo gaari lahaa Dal dhisan, soo saara dhaqaale ku filan lehna Madax Qaran, mid gobol iyo mid degmo oo uu shacabku toos u soo doorto lana xisaabtamo, haddii uu ku qanci waayana uu shaqada ka fariisiyo. Qarax kasta wuxuu agoon ka yeelayaa ubad Soomaaliyeed, wuxuuna kordhinayaa baahida daawo iyo midda gargaar kale oo ay Soomaaliya caalamka ka tuugto. Haddii aad Soomaali tahay, haddii aad Islaam tahay, qofka Soomaaliyeed marka hore adiga ha kaa nabad galo. Dhiiggiisa ha xalaaleysan. Adduunyada haddaad nacday isaga ha seejin. Aaakhiradaada ha ku waayin dilka aadane aanad aqoon, gef kaa gelin in aad nafta ka goyso. Marka aad nabadgeliso qofka Soomaaliga ah waxaan shaki ku jirin in wax kasta oo kale laga gaari karo xal. Ugu dambeyn, haddii aad Shabaab tahay, Soomaali tahay, Allah taqaan, ummadda Soomaaliyeed dhiiggeeda ha xalaaleysan oo ha kaa nabad gasho. Ka feker xal aan qori iyo qarax ahayn oo adiga iyo shacabka intiisa kaleba ay u aayaan. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar
-
Diiwaanka Musharixiinta doorashada Puntland 2019 waxaan horey ugu soo qaadaney Musharixiinta kala ah, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Siciid Cabdulaahi Dani, Faarax Cali Shire, Cabdi Faarax Siciid Juxaa, Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), todobaadkan waxaan ku soo qaadaneynaa siyaasi Cali Xaaji Warsame Waa kuma Cali X. Warsame? Cali Xaaji Warsame waxa uu ku dhashey deegaanka Seemade ee gobolka Mudug qiyaastii 1961 (57 jir). Waxbarashadiisa asaasiga ah waxa u ku kala qaatey magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho. Sanadkii 1990 waxa uu ka qalin jebiyey SIDAM (Somali Institute of Development Administration and Management) oo uu ka qaatey shahaadada kowaad ee B.Sc, waxaana uu bartey Maareynta Xisaabaadka. Kadib burburkii Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre 1991, waxa Cali Xaaji Warsame Axmed kamid noqdey dadkii u soo qaxay goboladii Waqooyi bari ee haatan la isku yiraahdo Puntland. Siyaasi Cali Xaaji Warsame waxa uu kamid ahaa dhalinyaradii ururkii islaamiga ahaa ee al-Itaxaad al-Islaami, kaas oo burburay sanadkii 2002. Odoyaashii gobolka Bari iyo siyaasiyiintii jamhaddii SSDF ayaa isla gartey sanadkii 1991 in wadaadadu ay maamulaan Dekadda Boosaaso, dadka deegaanku waxay u yaqaaneen wadaadadaas IKHWAANKA, wax aqoon ah looma lahayn jiritaanka ururka al-Itixaad al-Islaami, oo soo baxay markii ay saldhigyo ciidan samaysteen. Cali Xaaji Warsame waxa u mar noqdey maamulaha Dekadda Boosaaso sanadkii 1991, waxaana xusid mudan in dhaqaalaha canshuurta ee dekadda ka soo xeroon jirey intiisa badan lagu difaaci jirey goboladii Waqooyi Bari ayna geli jirtey ciidamada difaaca uga jirey gobolka Mudug ee jamhadii SSDF. Sida ay sheegayso xogta aan helnay, wadaadadii Itaxaadku waa isku khilaafsanaayeen in canshuurta ay qaadaan badankeed la geeyo difaaca, Cali Xaaji oo ka soo jeeda gobolka Mudug ayaa kamid ahaa kuwa ku adkaa in dhaqaalaha sida odoyaashu ugu talagaleen loo maamulo, oo an waxba laga beddelin dhaqaalaha lagu bixiyo difaaca, taas oo sababtey in markii danbe laga beddelo maamulka dekadda, waxaana arrimahaasi wax iska bedeleen markii ururkii Itaxaadku isu rogeen garab hubeysan oo doonaya in ay si rasmi ah ulla waregaan talada gobolada Waqooyi Bari, taas oo fashil & dhiig daata ku dhamaatey sanadkii 1992. Kadib dagaaladii dhex-marey ururkii al-Itaxaad al-Islaami iyo jamhaddii SSDF Cali Xaaji Warsame waxa uu kamid noqdey dadkii isaga baxay dalka, waxaana uu u wareegay Jabuuti iyo dalalka Carabaha, waxaana uu muddo kadib kamid noqdey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska. Waxbarashadiisa sare Cali Xaaji Warsame waxa uu ku qaatey dalka Britian, waxaana shahaadada Master-ka ka qaatey American University, London, UK. Bilowgii Siyaasadiisa Cali Xaaji Warsame waxa uu dalka dib ugu soo laabtey si rasmi ah sanadkii 2012, kadib markii shirkadda ugu weyn Puntland ee Golis Telecom ay u dooratey in uu noqdo Maareeyaha guud ee shirkadda, shaqadaas oo isaga tegey 16 bilood kadib sababo aanu shegin darteed, laakiin loo badinayo in ay ahayd damiciisa siyaasadeed, waxaa arintaas si weyn uga xumaadey golaha sare ee shirkadda Golis, waxaa la is weydiinayaa in sababta Cali Xaaji u qaatey shaqada Golis ay ahayd meel dadka reer Puntland ka bartaan shakhsiyadiisa, isla markaana uga tallaabi karo damiciisa siyaasadeed. Dhamaadkii sanadkii 2013 ayuu isu sharaxay xilka Madaxweynaha Puntland, siyaasi Cali Warsame Axmed waxaa uu si weyn ugu soo baxay markii Musharixiinti doorashadi 2014 ay ka dhigteen afhayeen. Doorashadii 2014 ee Madaxweyne loo doortey Cabdiweli Cali Gaas ayuu galay kaalinta saddexaad waxaana uu sheegtaa in uu lahaa guusha Cabdiweli Cali Gaas kadib markii xildhibaanadii u codeeyey isaga oo gaarayey 16 Xildhibaan 15 kamid ah ay wareegii saddexaad codkooda siiyeen Cabdiweli Cali Gaas. Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Kadib guushii Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas waxa uu Cali Xaaji Warsame u magacaabey Wasiirka Waxbarashada taariikhdu markey ahayd 28 janaayo 2014, waxaana uu kamid noqdey kooxdii u horeysey ee Xukuumadda Dr Cabdiweli Cali Gaas. Waxay ahayd maalintii ay u bilaamatey shaqadii u horeysey ee arrimaha siyaasadda Puntland. Cali Xaaji Warsame waxa uu xilka kala wareegay Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo xilkaas hayey 2009-2013. Siyaasi kasta waxa uu ku doodaa in uu wax weyn ka qabtey wasaaraddii loo magacaabey xiligiisi, laakiin waxaa la dhihi karaa ma jirin isbeddel weyn oo muuqdey sida, wax ka beddelka Waxbarashada asaasiga ah ee Xukuumadda hadda jirtaa ballan qaadey in ay lacag la’aan ka dhigeyso, kor u qaadida deeqaha waxbarasho, mideynta manaahijta kala duwan iyo arrimo kale. Siyaasi Cali Xaaji Warsame xilka wasiirnimo kuma daahin waxaana uu hayey muddo 17 bilood ah oo keliya, markii xilka laga qaadayey waxa uu ku maqnaa dalka dibadiisa, sababta looga qaadey xilka ayuu isagu ku sheegay in uu “Kacaanii ka dheereeyey”, laakiin sida ay sheegayaan warar madax-banaan Cali Xaaji waxa uu ahaa qof si furan uga hadla shirarka xukuumadda, soo jeediya dhaliilaha jira ed isla xukuumadda, bishii feberaayo 2015 waxaa jirey shir la doonaayey in lagu qabto tuulada Godad ee koonfurta Gaalkacyo, taas oo Cali Xaaji saameyn weyn ku lahaa, loona arkaayey in uu dhisanayo awood uu ku difaacan karo doorkiisa siyaasadeed, sidoo kale Cabdiweli Cali Gaas iyo Cali Xaaji waxaa u dhexeeyey tartan hoose oo salka ku hayey awooda beeshooda dhexdeeda, taas oo Cali Xaaji doonaayey in aan Cabdiweli Cali Gaas uga awood roonaan, arrimahaas oo soo jiitamaayey tan iyo bilowgii 2015 ayaa sababey in Cali Xaaji xilkiisa waayo. Cali Xaaji Warsame waxa uu mar kale isu sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadii 2016-2017, tartankaas Cali Xaaji guul weyn kama keenin waxaana uu helay codad aad uga yar kuwii uu helay doorashadii Puntland 2014. Dhaliilaha loo jeediyo Cali Xaaji Si lamid ah Musharixiintii hore aan uga hadlalney Cali Warsame Axmed waxaa loo jeediyaa dhaliilo iyo amaanba. Waxyaabaha ugu waaweyn ee dadka ka soo horjeeda siyaasadiisa ay ku dhaliilaan ayaa ah in uu yahay wadaad ka tirsanaan jirey ururo Islaami ah, Cali Xaaji oo doonaya in uu eedahaas iska fogeeyo ayaa ku jawaabey “AA LA TAHAY”, eedahaas ayaa ah kuwo aad u yar marka la eego xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya maanta marayo, ururadii Islaamiga ahaa qaarkood oo burburay iyo in uu u tartamey xafiiska u sareeya Soomaaliya. Dhaliilaha loo jeediyey Cali Xaaji Warsame ayaa sababey bilowgii sooyaalkiisa siyaasadeed in uu iska fogeeyo gondaha iyo xididka uu ku lahaa dacwada iyo wadaadnimadiisa, taas oo uu sanadkan mar kale wax ka bedalay isla markaana u ololeeyey si ka duwan mararkii hore. Shakhsiyadda Cali Xaaji Warsame Cali Xaaji Warsame waa shakhsi aqoon fiican u leh diinta islaamka, waa shakhsi miisaan leh, ixtiraam badan, afmaal ah oo aan hadalka wanaagiisa iyo dhihidiisa loo tilmaamin. Doorashada Puntland 2019 Cali Xaaji Warsame Axmed waxa uu kamid yahay musharixiin ku dhaw 20 Musharax oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland, ma ahan markii u horeysey ee Cali Xaaji isu soo sharaxo Puntland, marka la eego ololihiisi doorashada Puntland ee 2013-2014 waxaa la dhihi karaa aad ayuu uga duwan yahay kan sanadkan, marka hore waxa uu kamid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu cod dheer ee ka soo horjeeda siyaasadda Dr Cabdiweli Cali Gaas, kadib muddo ayey ku qaadatey in uu si bareer ah u sheego damaciisa doorashada 2019, laakiin xawaaraha todobaadyadii u danbeysey uu jarey ayaa muujinaya awooda ololihiisa doorashada, inkasta oo dad badan aaminsan yihiin fursadaha uu lee yahay in ay ka yar yihiin kuwii uu lahaa sanadkii 2014. Qaar kamid ah dadka falanqeeya siyaasadda Puntland ayaa sheegaya in Cali Xaaji Warsame ay ka go’an tahay in siyaasadda Cabdiweli Cali Gaas ay meesha ka baxdo oo aan dib loo dooran, tan labaadna ay tahay in uu qayb ka noqdo haddii aanu ku guuleysan doorashada, isbeddelka soo socda si mar kale siyaasadda dib ugu soo noqdo. HORSEED MEDIA TEAM
-
(SLT-Hargaysa) Hablihii lagu aflagadeeyay buuga uu qoray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay Guurtidu ka soo saartay qadiyada bugaas oo muran xoogani ka dhashay. Hodan Abwaan Muuse Cali Faruur oo kamid ahayd hablihii hormuudka u aha ka dhiidhiga caydii bugaas ku qornayd ayaa qoraal kooban oo ay barteeda shabakada bulshada ee Facebook soo dhigtay ayay kaga hadashay. Qoraalkaas ayaa u dhignaa sidan . “Halkan badan iyo tacab badan dabadi buki lagu dhawaq in laguboGolaha Guurtida somaliland ayaa Hada ku dhawaqay in la Gubo Buugi Wasiirka Wasaarada war Faafinta ee Guri Sadheeye . Golaha Guurtida Somaaliland waan ku bogaadinayaa shaqada Fiican ee ay Qabteen waxaynu sugnaba waa Madaxweyne Muuse Biixi isna siduu ka yeelo” Sidaa waxa tidhi Hodan Muuse Cali Source
-
(SLT-Manchester)Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa jamaahiirta kooxdiisa kaga farxiyay hadalkii uu saxaafada u jeediyay kadib markii ay Red Devils guul wayn oo 5-1 ah ka soo gaadhay kooxda Cardiff City wuxuuna sidoo kale Ole muujiyay in ay hadda la tartami karaan kooxaha ka horeeya ee Chelsea iyo Arsenal. Ole Gunnar Solskjaer ayaa muujiyay sida ugu faraxsan yahay in kooxdiisa Man United ay markiiba dhaqan galisay kubbadii weerarka ahayd ee uu tababarka waqtiga kooban ku soo siiyay. Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya in markasta ay kooxdiisu qaado hal talaabo oo ay kulan walba ula dhaqanto sidii kulankii Cardiff City wuxuuna sidoo kale ka hadlay qaabkii ay kooxdiisu u dhaqan galisay qorshihii uu doonayay. Ugu horayn Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlaya in markiiba hal kulan ka fikiri doonaan si ay farqiga dhibcaha kaalmaha sare ee Chelsea iyo Arsenal u soo yareeyaan ayaa yidhi: “Hadda waxaanu qaadanaynaa markiiba hal kulan. Waxaa hore lanoogu qabtay 8 ama 9 dhibcood , laakiin waxaa waajib nagu ah in aanu waqtigiiba hal talaabo qaadno’. Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlaya qiiradii uu la soo laabtay ayaa yidhi: “Anigu waan u hanwaynaa soo dhawayntii aan ka helnay jamaahiirta, todobaadka oo dhan qiiro ayay ahayd. Laakiin waa bilaw, waananu ka socon doonaa” Waana hadal uu Ole jamaahiirta kooxdiisa kaga farxiyay in ay dadaalka sii wadi doonaan. Intaa kadib Ole Gunnar Solskjaer ayaa farxad ka muujiyay sidii ay kooxdiisu u dhaqan galisay qorshihii uu ciyaarta ka lahaa wuxuuna yidhi: “Shalay waxaanu qaadanay tababar iyo sida ay ciyaartu noqonayso , waxaanu doonaynay in Ashley Young iyo Luke Shaw ay in badan riixaan, si fiican ayay maanta u shaqaysay”. “Heerka shaqadaadu waa wax sahlan in laga shaqeeyo,, waa xoriyad, waa maskaxda iyo in wiilashu ay dhaqan galiyaan.Haddii aanu kulamada oo dhan sidan ku qaabilno, anaga oo doonayna in ay sidan dhamaantood ku wahahaan oo ah ku ciyaaris hami iyo ku ciyaarista weerar, kadib waanu faraxsanaan doonaa: ayuu Ole hadalkiisa sii raaciyay. Source
-
The post AMISOM condemns “heinous” Al-Shabaab attacks in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kulanka looga hadlay doorshada Puntland Issimada Puntland, Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka, saraakiisha amniga doorashada iyo inta badan musharaxiinta ayaa kulan ku yeeshay magaalada Garowe, gaar ahaan guriga Islaan Ciise Islaan Maxamed. Kulankan ayaa looga hadlay cabasho ay musharxiinta Puntland ka qabeen Guddiga khilaafaadka Baarlamaanka iyo saraakiisha amniga doorashada oo ay horey ugu gudbiyeen issimada. Musharax Aadan Gaadaale oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in issimada Puntland ay damaanad qaadeen wixii cabashooyin ah ee ka yimaada Guddiga khilaafaadka iyo kan amniga, isla markaana wixii cabasho ah oo ay qabaan musharaxiintu loo soo gudbinayo issimada. Sidoo kale musharax Gaadaale oo ku hadlayay afka musharaxiinta ayaa sheegay in ay ku qanceen arrintaas ayna uga dambeyn doonaan issimada Puntland. Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa maalmaha soo socda laga sugayaa liiska Xildhibaanada, waxaana la soo sheegayaa in ay jiraan xubno badan oo muran ka jira. Doorashooyinka Puntland ayaa muran ka dhashaa Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka iyo amniga doorashada, inkastoo marka dambe xal laga gaaro. PUNTLAND POST The post Issimada Puntland oo damaanad u sameeyay musharaxiinta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-221218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa lagu cambaareeyay Labadadii qarax ee kooxda Al-Shabaab ay maanta ka geysteen Agagaarka Golaha Murrida iyo Madadaalada Qaranka (National Theater)wuxuu dadkii musiibadaas ku geeriyooday uu Alle uga baryay in Naxriistii jano uu ka waraabiyo eheladoodana uu Samir iyo iiman ka siiyo ,sidoo kalena kuwii ku dhaawacmay uu bogsiimo deg deg ah siiyo. “Anigoo ku hadlaayo Magaceyga,kan guddoonka Golaha iyo sidoo kale kan Xildhibaanada Golaha Shacabka Waxaan cambaareynayaa dhacdooyinkii foosha xumaa ee kooxaha nabad diidka ay maanta ka geysteen Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Theater-Qaranka ,dadkii ku geeriyooday Illaahey naxriistiisa haka waraabiyo kuwii dhaawacmayna Caafimaad deg deg ah Allaha ha siiyo dhamaanteenana samir iyo iimaan Allaha ha naga wada siiyo. Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa uga mahad celiyay hay’adaha amaanka Qaranka dadaalada ay mar walba ugu jiraan ka hortaga dhagaraha kooxaha Argagixisada ah ay la damacsanyihiin shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan u mahad celinayaa qeybaha kala duwan ee Ciidanka Amaanka Qaranka oo u taagan difaaca sharafka iyo karaamada dadka Soomaaliyeed iyo fashilinta dhagaraha kooxaha nabad diidka ah” Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan laamaha Amaanka Qaranka oo mar walba u taagan difaacooda si loo soo afjaro dhibaatooyinka kooxdan ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan oo ay garabkooda istaagaan Ciidanka Amaanka si looga adkaado kooxaha nabad diidka ah ee fikradaha shisheeye ku shaqeeya mar walbana u taagan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed. The post Gudoomiye Mursal oo ka hadlay qaraxyadii Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa cambaareeyay Weerarradii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Nicholas Haysom ayaa lagu sheegay in weerarada ay ku dhinteen ugu yaraan 20-ruux oo isugu jiray ciidammo, shacab iyo xubnihii weerarka fuliyay. Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadan oo laba ahaa midkii ugu horreeyay ayaa ka dhacay bar–koontarool oo ku taalla agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho, waxaana dadka geeriyooday ka mid ahaa wariye ka hawl-galayay Telefishinka Universal oo xaruntiisu tahay London. “Weeraeradii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa muujinaya sida fulaynimada ah ee Al-shabaab ay u beegsanayso kuna xasuuqayso shacabka aan waxba galabsan, kuwaasoo xaq u leh inay ku noolaadaan Nabad-gelyo iyo sharaf,“ ayuu yiri Mr Haysom. Sidoo kale, Ergayga QM oo sii hadlay ayaa yiri. “Waxaan ku boorrinaynaa mas’uuliyiinta Dowladda Somalia inay ku dadaalaan inay la dagaallamaan xag-jirnimada oo mas’uul ka ah dambiyadani naxdinta leh. Waxaan tacsi tiiraan leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibadii kuwii ku dhintay labadii Qarax ee maanta dhacay.” Dhanka kale, Haysom warbixintiisa ku sheegay inuu u rajeynayo dadka ay daawacyadu soo gaareen caafimaad deg-deg ah, wuxuuna ku baaqay in laga hor-tago fal walba oo dhibaato ku ah shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa si wadajir ah u cambaareeyay qaraxyadii maanta ay Xamar ka dhacay, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan labaatan qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen. PUNTLAND POST The post Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia oo si adag uga Hadlay Qaraxyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Maalin kale oo murugo leh ayaa umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Caasimadda ayey maanta goobjoog loo noqday kaddib labadii qarax ee lagu laayey shacabka. Labada qaraxa oo ka dhacay meel aan ka fogeyn Madaxtooyada waxaa ku geeriyooday dad badan balse ilaa iyo hadda ma jirto cid Xukumadda ka tirsan oo mas’uuliyeeddda dhabarka u ritay oo waxa ay u muuqataa in sidii kuwii hore maalin ama laba dambe lagu ilaawi doono. Hadaba weydiinta qof walba doonayo in looga jawaabo ayaa ah, yaa leh mas’uuliyadda oo ay tahay in lagula xisaabtamo? Laba bil gudohood waxaa ku dhacay afar qarax oo laba ay ahaayeen bishii hore oo lala eegtay Hotel Saxafi oo ay dagan yihiin Xildhibaanno iyo kuwii maanta oo gil gilay magaalada. Caadiyan haddii amniga sidaas u xumaado waxa uu dhaqanka dowladnimada wanaagsan farayaa in ciddi qaatado eedda oo ay bulshada ka hor leexdaan. Wasaaradda Amniga? Wasiirka Amniga ee dowladda mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale tan iyo markii uu xilka qabtay waxaa dalka ka dhacay weerarro bahalnimo ahaa oo uu ugu weynaa kii Zoobe, laakiin halkii uu iska casili lahaa wali waa soo taagan yahay. Waa caadi in Wasiirka xil jaceyl hayso oo uu doonayo in uu ku sii dhaganaado xafiiska, hase ahaatee, aaway kaalintii Ra’isul Wasaaraha dalka iyo tallaabadii looga fadhiyey? Waxaa halkaas ka cad in Ducaale aan lagu dhicin iska daa in xilka laga qaadee, xataa waa la quuri la’yahay in Wasaaraddiisa lagu eedeeyo xilkasnimo darrida iyo dayaca Amniga dalka. Waxaaba ugu daran, iskadaa goobaha kale ee la wareeray, haddii uu damiir jiro waxa uu is casili lahaa markii la wareeray xaruntiisa oo dhulka lala simay. Shacabka in ay maalin walba xamaal soo taagnaadaan oo ay ooyin ku sagootihiin kuwii ay jeclaayeen waxa ay Xukumadda Kheyre la doorbidday u damqashadooda nin jacleysi iyo mas’uuliyad darro. Hay’adda NISA Hay’adda sirdoonka waxay hoos tagtaa wasaaradda amniga iyo wasiir Ducaale, hase yeeshee waxaa madax ka ah Fahad Yaasin. Fahad oo ah agaasime ku xigeenka ayaa xilka agaasimaha haya, maadaama aan weli la beddelin agaasimihii is-casilay. Ilaa hadda ma qaan meel Fahad Yaasin kusoo bartay ammaanka iyo sirdoonka, iyo halka uu ka helo khibradda uu ku hoggaamiyo hay’adda ugu muhiimsan qaranka Soomaaliya. Maalin kasta NISA waxay twitter soo dhigtaa qoraalo ay ku sheegto dad lasoo qabtay oo Shabaab ah, haddana weli qaraxyadii sidooda ayay u dhacayaan. Dadka ay sheegto in la qabtay marna lama arko, mana soo bandhigto. Waxaan u fahmay muujin waxqabad aan jirin, ileen qaraxyada kama hortagtee. Haddii uu jiro xisaabtan dhab ah, waa in la beddelaa Fahad Yaasin iyo Ducaale, haddii kale madaxda dalka ha noo sheegeen in xisaabtanka ku kooban yahay dad gaar ah. W/Q: Maxamed Xuseen Mataan Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Alle-ha-unaxriistee, waxaa galabnimaddii Sabti lagu aasay magaalada Muqdisho wariye Cawil Daahir Salaad. Suxufiga ayaa kamid ahaa Tobaneeyo ruux oo ku geeryootay qaraxyadii Barqinimadda maanta ruxay magaalada caasimadda ah. Cabdullaahi Xirsi, agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Tv-ga Universal, oo uu ka tirsanaa Marxuum Cawil ayaa tacsi udiray ehelka iyo asxaabtiisa. Cabdullaahi Carabey, Maxamed Dubud iyo shaqsi kale oo magaciisa lagu soo koobay Ibraahim oo ay Cawil kawada tirsanaa Telafishinka Universal, ayaa kamid ahaa dadkii maanta la aasay oo uu qaraxu galaaftay. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wariyaasha ka howlgasha Muqdisho qaarkood ayaa kamid ahaa dadkii Aaska ka qaybgalay. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka saaratay inay ka dambeysay qaraxyaddani xili hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ay shaacisay inay gacanta ku dhigtay ninkii soo abaabulay. Madaxwayne Farmaajo oo cambaareeyay wuxuu carabka ku dhuftay in marnaba aysan dowladdu udhutin weeraraddaan noocaan ah oo uu ku sifeeyay kuwa “bahalnimo ah”, sida lagu xusay bayaan kasoo baxay xafiiskiisa. The post Mas’uuliyiin ka qaybgashay Aaska wariye Cawil Daahir appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dhageyso: Musharrax Jabriil Oo Ka Hadlay Xaaladaha Puntland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Musharrax Daahir Mire Jabriil ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Garoowe, ee caasimadda Puntland. DR Jabriil oo kamid ah musharrixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Puntland ayaa waxaa Garoowe ku soo dhoweeyay masuuliyiin dowladeed, siyaasiyiin, ururrada bulshada sida waxgaradka haweenka iyo dhallinyarada. Khudbad aad u dheer oo musharraxa uu u jeediyay dadkii soo dhoweeyay ayuu kaga hadlay xaaladaha ay Puntland soo martay iyo midda maanta. Musharrax Daahir Mire soo hadal qaaday dhaqaalaha Puntland, wuxuu xusay in dhaqaaluhu uu meel liidato marayo maanta islamarkaana xukuumadda waqtigeedu dhamaaday ku guuldareysatay kobcinta dhaqaalaha Puntland. Isha dhaqaale ee Puntland ugu weyn waa dekadda Boosaaso, dhowaan madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ballaarinta dekadda ay xukuumaddiisu garwadeen ka ahayd. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/DR-DAAHIR-MIRE-JABRIIL-22-12-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com