Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Danjire Tibor Nagy Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in markan ay la dhaqmayso dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqisho. Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Tibor Nagy ayaa sheegay in taageero buuxa ay la garab taagan yihiin dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Danjire Tibor Nagy ayaa sheegay in waqtigaan siyaasadda Maraykanku ay tahay in si toos ah ay ula dhaqanto dawladda Federaalka ee Soomaaliya, isagoo si cad hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wadajirka dhul ahaaneed ee Soomaaliya. “Wada jirka dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika. Markaa Maraykanku wuxuu la dhaqmayaa dawladda Federalka ee Soomaaliya ee xarunteedu tahay Muqdisho, waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojinno dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba, Waqtigaan siyaasadda Maraykanku waa inay si toos ah ula dhaqanto dawladda Federaalka ee Soomaaliya” ayuu yiri Danjire Tibor Nagy. Hadalkaan kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan dowladda Maraykanku ku dhawaaqday inay Soomaaliya ugu deeqday lacag ku dhow hal bilyan oo dollar. Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan safaarad ka furatay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya PUNTLAND POST The post Mareykanka oo sheegay in uu markan la dhaqmayo dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
  2. Garoowe (Caasimada Online)- Doorashada Puntland waxaa ka harsan maalmo qura, waxaana socda gunaanadka isi soo bandhigida musharaxiinta, iyadoo ay jiraan dhowr musharax oo si gaar ah farta loogu fiiqaayo iney doorashada kusoo bixi karaan. Juxa oo ka mid ah musharaxiinta sida gaarka ah loo hadal hayo ayaa ka digay nooca madaxweynaha ay reer Puntland dooran doonaan 8da bisha Janaayo. Isagoo kumanaan shacab ah la hadlaayay ayuu wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya wuxuu kaga digay reer Puntland in ay doortaan hogaamiye aan raad raac laheyn. “Waa inuu yahay hogaamiye raad la raaco leh, waa inuu yahay hogaamiye aan la idinku soo xawilin, hogaamiye aan meel kale ka socon, oo aan boorso madoow wadan ayuu yiri Juxa. Wuxuu Juxa si gaar ah farta ugu fiiqay siyaasiyiinta qandaraaslayaasha ah ee siyaasada ka ganacsada ,tiiyoo ay jirto in musharaxiinta doorashada Puntland ay ku jiraan rag badan oo ay fartu ku godan tahay. “Waa inuusan ku xirneyn koox daneed, koox dulaaleed ,qandaraas wadayaal, faqwadaag iyo dhabar socod ayuu yiri musharax Juxa. Hadalkaan ayaa toosh ku ifinaya qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada madaxtinimada Puntland oo loo arko iney dano kale iyo fikrado kale xambaarsan yihiin. Hoos ka daawo muuqaalka Juxa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/WhatsApp-Video-2018-12-16-at-10.54.40.mp4 Caasimada Online Xafiiska-Garoowe Caasimada@live.com
  3. Beledweyne (Caasimada Online)-Waxaa wali xiisad dagaal ay ka taagan tahay gobolka Hiiraan, taasi oo u dhaxeyso maleeshiyaad ku dagaalamay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Dagaalka maleeshiyaadka oo salka ku haya aargoosi qabiil ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay wuxuu ka dhacayay deegaanada Hoostaga degmada Maxaas, waxaana maanta la sheegayaa inay xaalad cabsi ka taagan tahay goobihii lagu dagaalamay. Maleeshiyaadka dagaalamay oo deegaanka wada daga, ayaa iska dilay dad dhalinyaro ah oo dagaalka aanan ku jirin, sida wararka aan ku heleyno, waxaana wali jirin cid kala dhex gashay maleeshiyaadka dagaalamaya. Maamulka Hirshabeelle ayaa kaliga ku baaqay dagaalka in la joojiyo, kadib qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheikh Cusmaan Barre Maxamed. Warar kale ayaa sheegaya in xiisadda dagaal ee ka taagan degmada Maxaas ay gaartay deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. La soco waxii kasoo kordhaa xiisadaasi ka taagan Maxaas. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
  4. Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa waraysi lala yeeshay siyaasi Cabdillahi Jaamac Geeljire oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ee DAAWASHO wanaagsan Source
  5. (SLT-Muqdisho)-Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu booqday qaar kamid ah Cisbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho. Xasan Cali Khayre ayaa dhaawacyadaasi ku booqday Cisbitaalada Madiina iyo Odgugan Ex-Digfeer oo la dhigay dadka ugu badan,wuxuuna u kuurgalayay xaaladoodi caafimaad iyo in ay helaan adeegyo caafimaad oo kufilan iyo in kale. Wuxuu Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo dhaawacyada,isagoo umadda Soomaaliyeedna uga tacsiyadeeyey dadkii kale oo ku dhintay qaraxyadaasi. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamuud oo kamid ahaa mas’uuliyiintii wehlisay raiisul wasaaraha ayaa ka hadlay kormeerkooda iyo waxyaabihii ay la kulmeen. “Waxaan soo marnay Cisbitaalada Madiina iyo Digfer marka shacabka waxaaan u sheegayna in raiisul wasaaraha uu u taagan yahay in uu u shaqeeyo shacabka,waxaa taasi daliil u ah in xili dambe oo habeen ah uu socdo oo idinka warqabo,yaan la niyad jebin dalka wuu hagaagidoonaa,waan ka adkaan doonaa kooxahaasi,gacmo wadajir bay wax ku gooyaan ha la isku duubnaado,marka Soomaaliya waxaan u rajeynayaa guul iyo gobanimo” ayuu yidhi Wasiirka. Source
  6. (SLT-Washington)-Sargaal sare oo ka tirsan Mareykanka una qaabilsan dagaalka lagula jiro ururka isku magacaabay dowladda islaamiga ee IS ayaa ka gaabsaday go’aanka madaxweyne Trump uu ka qaatay inuu ciidamadiisa uu kala baxo dalka Suuriuya. Brett McGurk, oo ah Ergeyga gaarka ah ee mdaxweynaha dalka Mareykanka u qaabilsan isbahaysiga caalamiga ah ee la dagaallanka IS, ayaa wuxuu ka biya diiday go’aanka Madaxweyne Trump uu ku sheegay iney cidamadiisu ka soo baxayaan Suuriya, McGurk oo ku baaqay inuu Mareykanka uu sii wado dagaalka uu kula jiro IS. Go’aanka Trump uu ka dhawaajiyeyna waxaa daba socotay iscasilaaddi xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka General Mattis. General Mattis ayaa wuxuu sida oo kale uu ka soo horjeestay in ciidamada Mareykanka ay ka soo wada baxaan dalka Suuriya iyo in la dhimo tirada ciidamada Mareykanka ee joogtay Afqaanistaan. Australia oo ka qeyb qaadatay duqeyntii Syria Xal u raadinta Suuriya oo dib uga billaabanaysa Kazakhstan Mr McGurk oo ah diblomaasi waaya arag ah waxaa xilka hadda uu ka hayey Suuriya loo magacaabay 2015-kii xilligii Maamulka Obama. Horraanti bishan December oo uu warbaahinta u warramay ayaa wuxuu sheegay “iney doonayaan iney howlgalkooda sii wadaan ilaa ay xaqiijiyaan xasilooni buuxda iney ka abuurantay Suuriya”. McGurk iscasilaaddiisa muxuu ka yidhi? Warqaddiisa iscasilaadda oo ay shaaca ka qaadday wakaaladda wararka ee AP, ayuu ku sheegay ururka isku magacaabay dowladda islaamiga ee IS inuu carar uu ku jiro balse aan si buuxda looga guuleysan. Wuxuuna intaa ku daray ciidamada Mareykanka oo dhan iney Suuriya ka baxaan ay ka dhalan karto halis ah iney IS ay u hesho fiursad ay dib isugu soo abaabusho. Wargeyska New York Time oo soo xigtay farriin E-mail uu McGurk soo diray ayaa sheegtay inuu farriintiisa uu ku sheegay go’aanka la bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Suuriya “ay argagax ku abuurtay gabi ahaanna ay ka soo horjeedda siyaasadda dalka u yaallo”. Wuxuuna ugu dambeynti McGurk uu sheegay “inuu amarka cusub ee uu bixiyey madaxweyne Trump uu qaadan karin oo uu ka doorbiday inuu sharaftiisa ilaashado sidaana isku casilay.” Madaxweyne Trump Muxuu yidhi? Madaxweyne Trump wuxuu maalinti Arbacada uu ku dhawaaqay inuu 2,000 oo askari oo Ameerikaan ah oo ku sugan Suuriya uu gabi ahaan la soo baxaya isaga oo go’aankiisaasi sabab uga dhigay in IS laga guuleystay. Ilaa iyo hadda madaxweyne Trump kama hadlin iscasilaadda Mr McGurk uu xilka uu isaga casilay. Wuxuuna maalinta Sabtida uu madaxweyne Trump markale uu ku adkeystay go’aankiisa ah iney ciidamadiisa ka soo baxaan Suuriya, isaga oo weliba carrabka ku dhuftay in IS laga guuleystay. Go’aanka madaxweynaha waxaa sida oo kale ka hor yimid xubno sare oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga iyo beesha caalamkaba. Kooxda Isbahaysiga ee ay Kurdiyiintu hoggaaminayaan iyo Xoogagga Dimuqraadiga ee Suuriya (SDF) ayaa sida oo kale ka mid ah dhinacyada go’aanka madaxweynaha ka so horjeestay iyaga oo sheegay haddii ay ciidamada Mareykanka baxaan Suuriya iney dib iisu soo abaabulayaan kooxda IS. Mareykanka waxaa dalka Suuriya ka jooga 2,000 oo askari oo Madaxweyne Obama uu dalkaasi ka howl geliyey waloow ay jiraan warar sheegaya ciidamada Mareykanka ka jooga Suuriya iney intaa ka badan yihiin. Source
  7. Mid kamid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo maamulka Puntland ayaa ku dhaliilay xukuumadda Gaas ee waqtigeeda dhammanaayo in aysan waxba ka qaban dhaqaalaha maamulkaas. Daahir Mire Jabriil oo ka mid ah musharrixiinta sanadkaan u tartamaya doorashada Puntland ayaa sheegay in waqti badan oo dhaqaalo lagu abuuri karay aanan waxba laga qaban, isagoo xusay in looga baahnaa maamulka hada jira ee Puntland in adeegyada aas-aasiga ah aanu wax badan ka qaban. Sidoo kale, Daahir ayaa sheegay in Puntland ay hadda fursado kale haysato, islamarkaana xildhibaannada loo baahan yahay iney doortaan shaqsi waxtar leh. 8-January 2019 ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/DR-DAAHIR-MIRE-JABRIIL-22-12-2018-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Muqdisho)-Qaar ka mid ah dowladdaha iyo Ururadda Caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray Kontoroolka Tiyaatarka dalka Soomaaliya. Dowladdaha Carabta,kuwa Yurub, iyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in Qaraxaasi ay aad uga naxeen,islamarkaana uu kusoo aaday xilli Amniga Caasimadda uu soo hagaagaayay. Dowladda Mareyanka ayaa sheegtay in ay qaadi doono tilaabo looga jawaabaayo Qaraxyaddii Al-Shabaab ee ka dhacay Muqdisho,islamarkaana ay laba jibaari doonto howlgallada dhanka cirka ah ee ay ka waddo Soomaaliya. Sidoo kale dowladda Sacuudi ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho. Al-Shabaab ayaa Laba Qarax ku qaaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadda oo ku taalla Tiyaatarka Qaranka iyo waliba daljirka Dahsoon ee Muqdisho. Ku dhawaad 27 qof oo Isugu jira Askar iyo Dad Shacab ah ayaa ku dhintay Qaraxyadii Shalay ka dhacay Muqdisho. Source
  9. Gudoomiyaaha baarlamanka hirshabeelle ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleed ka taagan xadka goballada hiiraan iyo galgaduud. Sheekh Cismaan Barre Maxamed Gudoomiyaha golahaas ayaa xusay in dagaalkaas wax faaido ah uusan ugu jirin dhinacyada dagaalamaya islamarkaana muhiim ay tahay in si shuruud la,aan ah loo joojiyo. Cismaan oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in waxgaradka ku dhaqan gobolka Hiiraan, gaar ahaan kuwa ku dhow halka lagu dagaallamayo iney kala dhex-galaan beelahan is haya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/GUDOOMIYAHA-HIRSHABELLE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT- Xudeydiyah)-Kooxdan qaramada midoobay ka socota ayaa waxay u kuur galayaan sida uu dekedda Xudeydiyah uga hirgalay heshiiska xabbad joojinta. Kooxdan uu hoggaaminayo General Patrick Cammaert oo uu u dhashay dalka Denmark waxay dekedda gaareen maanta iyaga oo howlahooda u kuurgelidda xabbad joojinta iyo dhinacyada magaalada ku dagaallamayay sida ay ciidamadooda magaaladda uga saareenba si rasmi ah u billaabaya Talaadada horteenna ah. Maalinti shalay ahayd ayuu golaha ammaanka ee qaramada midoobay ansixiyey qaraar lagu meel marinayo koox ka socota qaramada midoobay oo muddo 30 maalmood ah dekedda xudeydiyah ka howl galeysa. Sanado badan kaddib waxaa dalka Yemen laga qabaa rajadi ugu wanaagsaneyd. In ka badan toban kun oo qof ayaa ku dhimatay dagaalka sokeeye ee Yemen Heshiiska dhexmaray dhinacyada ku dagallamaya Xudeydiyah ayaa waxay horraanti bishan ku guuleysteen wadahadallo nabadeed iney yeeshaan. Wadahadallaadaasi oo loo arkay iney mustaqbalka u horseeddo heshiis la taaban karo iney sanadka cusub gaaraan. Xudeydiyah waxay sanadkan ahayd meel aad u halis badan oo ay ka dhacayeen dagaallo. Xudeydiyah oo ah dekad muhiim ah xulafada Sacuudiga uu hoggaaminayo iyo xoogagga daacadda u ah dowladda Yemenba dagaalkooda wuxuu ku saleysnaa sidi ay Fallaagada Xuutiyiinta uga faramaroojin lahaayeen. Sida oo kale Dekedda xudeydiyah ayaa waxay noolashooda ku xiran tahay Malaayiin qof oo dalkaasi Yemen ku nool oo macaluul la ildaran. dhawaqa rasaasta ayaan si buuxda uga istaagin magaalada, iyada oo ay maalmo ka soo wareegtay meel marinta heshiiska xabbad joojinta balse inteeda badan waa ay deggan tahay. Sida uu dhigayo heshiiska xabbad joojinta ee la gaarayna waa iney Xuutiyiinta ciidamadooda kala baxaan dekedda si ay qaramada midoobay ay gacanta ugu dhigto maamulka Dekedda. Kaddibna, ay dhammaan dhinacyada isku hayo halkaasi ay ka baxaan magaalada iyo nawaaxigeedaba. Dalka Yemen dagaalka ka qarxay March 2015-ka waxaa ku dhintay dad ka badan 10,000, iyada oo malaayiin qofna ay qaxeen guriyahooda dad ka badan 14 milyanna ay macaluul ba’an soo food saartay. Source
  11. Midowga suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, waxa uu ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid weriye Cawail Daahir Salaad oo Muqdisho ku geeriyooday maalinti shalay. Dhimashada Cawil Daahir Salaad waxa uu qeyb ka ahaa dad ku dhintay qarax lala eegtay ciidan ku sugan bar koontarool oo u dhow tiyaatarka qaranka . Qoraalka kasoo baxay Nusoj ayaa lagu tacsiyeeyey geerida Cawil iyo darawalka shirkadda Univrsal oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Xasan Carabey iyo Labo ilaalo ayuu xaqiijiyay in qaraxyadaas ay ku geeriyoodeen. Weriye Cawil Allaha u naxariistee waxa uu ka mid ahaa Kuwa ugu caansan uguna fir fircoon dhanka shaqada ,waxa uu qeyb ka ahaa weriyaal ku biiray Radio Muqdisho 1980 kii Burburkii dalka kadib Cawil waxa uu u shaqeeyay meelo kala wudan oo ay kamid aheyd idacaddii Horn Afriik, inta uusan ku biirin Universal Tv ,Cawil Waxa uu ahaa qoraa iyo curiye arimaha bulshada. Sanadihii danbe Cawil Waxa uu ahaa soo jeediyaha barnaamijka Dood Wadaag ee ka baxa Universal waxa uu kamid ahaa weriyaal kooban oo dalkooda dib ugu soo noqday si bulshadooda ay ugu shaqeeyaan Annagoo ku hadleeyna magaca weriyaasha Soomaaliyeed waxaan tacsi tiiraanyo leh u direeynaa dhaamaan ehaladii iyo saaxibadii uu ka baxay weriye cawil daahir salaad,waxaana alle ugu baryeen ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Nosej inuu janadiisa geeyo. Urururka saxafiyiinta qaran soomaaliyeed ee Nosoj waxa uu la wadaagayaa dareenka iyo geeridii ku timid Cawil qoyskiisa . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhay tirada dadkii waxyeelada ay shalay kasoo gaartay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo adeegsaday labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyay. 25 Ruux ayaa la sheegay inay sii mareyso tirada dadka ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo masuuliyadiisa ay sheegteen Al Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya. Dad dhaawacyo halis ah ay gaareen ayaa la sheegay inay dhaawacyada u dhinteen, waxaana xalay dhaawacyada la dhigay xarumaha Caafimaadka kormeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Dadka shalay qaraxyada ku dhintay waxaa ku jiray ruux bartiisa Facebook kusoo qoray inuu qaraxii koowaad ka badbaaday balse ku dhintay qaraxii labaad ee ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon. Xukuumadda Soomaaliya ayaa u balanqaatay dadka dhaawacyada qaba inay baxnaanin doonaan, kadib markii xalay xili dambe uu kormeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Dowladda Mareykanka, dowladaha Yurub, Midowga Africa iyo Sacuudiga ayaa cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen inay taageeri doonaan dowladda Soomaaliya. Qaar kamid ah dadkii shalay qaraxyada ku dhintay oo uu ku jiray Wariye Cawil Daahir Salaad ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. (SLT-Colombia)-Hoggaamiye mucaarad ku ahaa Colombia ayaa la helay isla markaana la dilay, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasi. Walter Arízala, oo caan ku ah magaca Guacho, ayaa lagu raad joogay, isagoo loo haystay dilka weriyeyaal u dhashay dalka Ecuador iyo darawalkooda horraantii sanadkan. Jimcihii la soo dhaafay, madaxweynaha dalka Colombia Ivan Duque ayaa sheegay in ninkaasi lagu dilay howlgal ka dhacay meel u dhow xadka dalkaasi uu la wadaago Ecuador. Duque ayaa ninkaasi ku sheegay inuu yahay mid ka mid ah dambiilayaasha ugu daran ee dalkaasi soo mara. Dilalka dalkaasi ka dhacay marka laga soo tago, Guacho ayaa sidoo kale looga shakisan yahay inuu daroogada ka ganacsan jiray. 29-jirkan ayaa hore uga tirsanaa fallaagada mucaaradka Colombia ee Farc. Wuxuu ka mid yahay kumannaanka qof ee diiday inay hubka dhigaan, kaddib markii kooxda Guerrilla ay heshiis nabadeed la galeen dowladda Colombia sanadkii 2016. Guacho ayaa ka goostay kooxda Farc isagoo aasaasay kooxda Oliver Sinisterra Front – oo ah koox mucaarad ah oo la rumeysan yahay inay haystaan 70 ilaa 80 dagaal yahan oo ka howlgala xadka Colombia iyo Ecuador. Kooxdan ayaa indhaha caalamka soo jiidatay horraantii sanadkan, kaddib markii ay afduubteen labo weriye oo u dhashay dalka Ecuador – 32-sano-jir lagu magacaabo Javier Ortega iyo 45-sano-jir sawir qaade ahaa oo lagu magacaabo Paúl Rivas – iyo darawalkooda oo 60 sano jir ahaa laguna magacaabo Efraín Segarra. Labo toddobaad kaddib markii ay afduubteen saddexdaasi qof, ayay kooxdu sheegeen inay dhinteen markii ay ciidammada u soo dhowaadeen. Dilka ayaa cadho ka abuuray dalka Ecuador Markii raggaasi meydkooda la helay, ayaa sidoo kale waxaa kooxda lagu eedeeyay inay dileen lammaane u dhashay dalka Ecuador. Dilalkaas ayaa horseeday in Guacho ay raadsadaan labada dowladood ee Colombia iyo Ecuador. Colombia ayaa in ka badan 3,000 ka mid ah ciidammo hubeysan ku daad-gureysay xadka si ay u raadiyaan hoggaamiyaha kooxda. Source
  14. Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa sheegtay in ay si aad ah u cambaareyneyso labadii qarax ee ka dhacay magaalada Muqdisho, hadalkaasi waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda. Sacuudiga waxaa uu tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay qaraxyada, iyaga oo caafimaad u rajeeyey inta dhaawaca ah. Ugu dambeyntii, Boqortooyada Sacuudiga waxaa ay sheegtay sida ay u garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isla markaana ay diidan yihiin dhibaato kasta nooca ay rabto ha ahaatee. Qaraxyo sabtidii ka dhacay Muqdisho waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafay 30. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyadii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa markale muujiyay fariinta amni daro ee ka jirta magaalada Muqdisho, iyadoo laamaha amaanka ay wadeen baaritaano joogto ah. Qaraxyadii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 20 ruux iyo dhaawac intaasi ka badan, waxaana dadka ay ahaayeen kuwo shacab ah oo ku sugnaa goobaha la qarxiyay. Qaraxyadii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga bartay dhowr arin oo u baahan in aad looga feejignaado, marka la eego sida qaraxyada ay u dhaceen. Qaraxa Koowaad ayaa geystay qasaaraha ugu badan, maadaama uu ka dhacay goob ad u mashquul badan oo ah isgoys ay ku kulmaan gaadiidka kasoo baxa madaxtooyada, kuwa galaya iyo kuwa doonaya inay u leexdaan dhanka Tiyaatarka. Waxaa laga bartay in sahlashada baaritaanka gaadiidka ay wali halis ku tahay amaanka magaalada Muqdisho, maadaama la og yahay in gaarigaasi uu ugu yaraan soo maray labo ilaa seddex bar ilaalineed “Conrtol” oo ku Muqdisho ku taala. Tusaale haddii uu gaariga ka yimid dhanka Jubba Wuxuu soo mari karaa labo Bar ilaalineed oo ah Jubba iyo Daljirka Dahsoon, haddii uu ka yimid dhanka Xamarweyne wuxuu mari karaa hal meel oo ciidamada gaadiidka ku baari jireen oo ah agagaarka hotelka Naasahablood 2. Waxyaabaha laga bartay ayaa ah inay wali Al Shabaab adeegsadaan qaraxyada labada gaari lagu sii diyaariyo, si marka Qaraxa koowaad uu dhaco midka labaad lala eegto dadka goobta iskuugu yimaada, waxaana muuqata in wali shacabka aysan arintaasi ku baraarugsaneyn. Sidoo kale waxaa wali taagan caqabada ciidanka iyo Shacabka dhexdooda ah, maadaama shacabka ay adag tahay in laga celiyo goobaha qaraxyada ay ka dhaceen oo marlabaad halis kale ay ka imaan karto. Arinta isweydiinta Mudan ayaa ah labadii ruux ee lagu qabtay gaarigii labaad ee ku qarxay Daljirka Dahsoon midkood waxaa la sheegay inuu watay gacanka ciidamada ku wada hadlaan oo uu wax ka hagaayay, waa Su’aale siduu ku helay looguna diyaariyay inuu wax ku hago. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu booqday qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhaawacyadaasi ku booqday Isbitaalada Madiina iyo Digfeer oo la dhigay dadka ugu badan,wuxuuna u kuurgalayay xaaladoodi caafimaad iyo in ay helaan adeegyo caafimaad oo kufilan iyo in kale. Raiisull wasaaraha ayaa bokaanada si toos ah ula wadaagayay dareenkiisa,isagoo mid mid u xog wareysanayay,halka kuwa aan xaaladoodi ka sheekeyn karina uu ka xog wareysanayay eheladooda iyo dhaqaatiirka isbitaaladaasi. Wuxuu Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo dhaawacyada,isagoo umadda Soomaaliyeedna uga tacsiyadeeyey dadkii kale oo ku dhintay qaraxyadaasi. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamuud oo kamid ahaa mas’uuliyiintii wehlisay raiiusl wasaaraha ayaa ka hadlay kormeerkoda iyo waxyaabihii ay la kulmeen. “Waxaan soo marnay isbitaalada Madiina iyo Digfer marka shacabka waxaaan u sheegayna in raiisul wasaaraha uu u taagan yahay in uu u shaqeeyo shacabka,waxaa taasi daliil u ah in xili dambe oo habeen ah uu socdo oo idinka warqabo,yaan la niyad jebin dalka wuu hagaagidoonaa,waan ka adkaan doonaa kooxahaasi,gacmo wdajir bay wax ku gooyaan ha la isku duubnaado,marka Soomaaliya waxaan u rajeynayaa guul iyo gobanimo. The post Khayre Oo isbitaalada ku booqday dadkii shalay dhaawacmay appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saacadihii la soo dhaafay Al Shabaab gobolkaasi ay ku dileen Sarkaal hore uga tirsanaa oo haatan ku biiray Kooxda Daacish. Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/risaaq Maxamed Cumar Dayib, waxaana la sheegay in dhawaan uu ka baxay Al Shabaab, kuna biiray kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya. Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen Sarkaalkani oo ku sugnaa deegaanka Ceel-Cadde ee G/ Gedo, kuna dileen halkaasi. Sidoo kale Al Shabaab ayaa amray in la Toogto C/naasir Yuusuf Cabdulle Shabeel oo horay uga tirsanaa iyaga, balse dhawaan ku biiray Daacish. C/naasir Shabeel ayaa isaga iyo Dagaalyahanno uu wato waxaa la sheegay in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi. Xiisad ka dhalintay arrintan, ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay ka taagan tahay gudaha deegaankaasi. The post Al Shabaab Oo sarkaal ka goostay ku dilay gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Cadaado ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Galmudug garabka Cadaado Axmed Maxamuud Xasan (Axmed Baasto) oo la hadlay Shabelle ayaa tacsi u diray Ehelladii, Qaraabadii iyo dhammaan Ummudda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen dadkii shalay ku Geeriyooday qaraxyadii ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Axmed Baasto ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka kala dhaxeeya dowladda iyo laamaha amniga, si loo xaqiijiyo ammaanka. Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku Geeriyooday qaraxyo is xi xigay oo shalay ka dhacay Agagaarka xarunta Tiyaatarka Qaranka iyoTaaldda Daljirka Daahsoon, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyadan, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen Askar iyo Saraakiil ka tirsanaa dowladda federaalka Soomaaliya. The post Axmed Baasto Oo ka Tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa cambaareeyay weerarradii Qaraxyada ahaa ka dhacay Muqdisho. Labo qarax ayaa midka hore waxaa uu ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho halka midka 2aadna uu ka ag dhowaa. In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay qaraxyada halka dhaawaca uu kor u dhaafay 35 qof, waxaana dadka dhintay ka mid ahaa wariye Cawil Daahir Salaad. “Weerarada maanta Muqdisho ka dhacay ayaa muujinaya weerar kale oo fulaynimo ah oo lala beegsado dadka Soomaaliyeed iyo xuquuqda ay u leeyihiin iney ku noolaadaan nabadgelyo iyo sharaf, “ayuu yiri Mr Haysom. “Waxaan ku boorrineynaa mas’uuliyiinta Soomaalida inay ku dadaalaan in ay la dagaallamaan xag-jirnimada oo masuul ka ah denbiyadani naxdinta leh. Waxaan tacsi tiiraan leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibadii dhintay, waxaana rajeyneynaa in dadka dhaawacmay si dhaqsi ah kaga bogsoodaan. ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Nicholas Haysom. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Ceelwaaq ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in xalay nin hubeysan uu dil ka geystay degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi. Dilka ayaa ka dhacay Maqaaxi ku taalla gudaha degmadaasi, kadib markii uu weerar ku soo qaaday nin ku hubeysan Qoray AK47, kaas oo dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Sharmaake Sahal Khaliif. Marxuumka la dilay ayaa ahaa wade Mooto Bajaajle ah, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ninkii ka dambeeyay dilkaasi uu goobta isaga baxsaday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ninkani hubeysan uuu a tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Ceelwaaq oo ku aadan dilkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka geysta gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. The post Nin hubeysan Oo dil ka geystay degmada Ceelwaaq appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Maxaas ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka xaaladda deagaanaasho ah laga dareemayo deegaanka Ceel Juqow oo hoos yimaada degmada Maxaas ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in haatan jawiga uu yahay mid dagan, islamarkaana xaaladdu ay tahay mid caadi ah. Inta la’og yahay 10 Ruux ayaa Geeriyootay, halka 22 kale dhaawac uu ka soo gaaray, kadib dagaal Beeleed xoogan oo shalay ka dhacay halkaasi. Dagaalkan ayaa Salka ku haya arrimo la xiriira Anooyin Qabiil, kaasi oo ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Maamulka gobolka iyo kan degmada Maxaas ayaa lagu soo warramayaa in ay ku baxee qaboojinta xiisadaasi. Dagaal Beeleedyada ayaa inta badan ku soo noq noqday gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo sababa khasaarooyin kala duwan. The post Xaaladda degmada Maxaas Oo saaka degan appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-231218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Kismaayo (Caasimada Online)-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in laga soo masaafuriyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii xildhibaanada sida ay sheegeen ay ka hor yimaadeen qorshe maamulka Jubbaland ay ka damacsanaayeen Dastuurka maamulkaasi oo wax ka badal la doonayay in lagu sameeyo. Madaxda ugu sareyso maamulka Jubbaland ayay sheegeen inay kasoo masaafuriyeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Afar xildhibaan oo kamid baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in qaarkood hanjabaado ay la kulmeen, taasi oo ku qasabtay inay isaga soo baxsadaan magaalada Kismaayo oo xarun u ah maamulka Jubbaland. Khadiijo Aadan Cabdi waxay kamid tahay xildhibaanada sheegay inay isaga soo tageen magaalada Kismaayo “Kama hadli kartaan ayaa nala yiri arimaha Dastuurka, siyaasado isdiidan ayaa ka jirta Kismaayo, afar xildhibaan ayaan gaareynaa waana kasoo tagnay Kismaayo, aniga Shaqsiyan waan isaga soo masaafuriyay”. “Aniga markii aan arkay in la idilo rabo waan iska soo tarxiilay magaalada Kismaayo, kuwana kalana waa sidaasi oo kale”ayay tiri xildhibaan Khadiijo. Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland ayaa awood badan ku leh magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, Waxaana uu leeyahay ciidamo si gaar ah u tababaran oo isaga ka amar qaata. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay jiraan dad iska horkeena Shababka Soomaaliyeed iyo dowladooda. Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in shaqsiyaad ka hoos shaqeeya madaxda dowladda Soomaaliya ay ka dambeeyaan iska hor keenidda Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dowladda. Walow uusan xildhibaanka sheegin sida ay kaga shaqeeyaan iska horkeenida shacabka iyo dowladda, haddana wuxuu sheegay inay yihiin shaqsiyaad u dhow madaxda oo uu ku tilmaamay inay isla weyn yihiin. Sidoo kale wuxuu sheegay in shaqsiyaadkaasi aysan qadarin shaqsiyaadka kale ee shaqada ay kala dhaxeyso, isaga oo qoraalkaan soo dhigay kadib qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Washington (Caasimada Online) – Dawladda Maraykanka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa cadaysay mawqifka dalkaas ee aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika danjire Tibor Nagy, ayaa shalay ka qayb galay barnaamij su’aalo toos ah lagu weydiinayay oo ku saabsanaa siyaasadda cusub ee Maraykanka ee ku waajahan Afrika, waxaana su’aal weydiiyay Siciid Ismaaciil Ibraahim oo reer Somaliland ah oo madax ka ah shabakadda Somaliland Chronicle. Su’aasha la weydiiyay danjire Tibor Nagy, ayaa ahayd “Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay inuu Soomaaliya siinayo deeq ku dhow hal bilyan inkasta oo uu ka jiro musuq maasuq baahsan iyio nabadgelyo darro sii xumaanaysa. Dhinaca kele Somaliland waxay ahayd dal nabad iyo dimoqraadiyadi ka jirto 27 sanadood ee u dambeeyay. Muxuu Markaaynku si macne leh ugula shaqayn waayay Somailand? Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo ka jawaabaya su’aashan ayaa sheegay in markasta oo uu meel ka hadlo la soo hadal qaado su’aasha ku saabsan qaddiyadda Somaliland, waxaanu danjire Tibor Nagy ku jawaabay “Su’aasha Somaliland mar walba oo aan hadlo way soo baxdaa ama barnaamijkan oo kale aan ka qayb galo. Somaliland waxaay leedahay dood sharci oo ay soo bandhigto. Dabcan taas waa in lagaga go’aan gaadho meesha ku haboon. Nagy oo caddeynaya in Mareykanka uu arrimaha Soomaaliya kala macaamilayo dowladda federaalka ee Soomaaliya oo kaliya ayaa yiri “Maraykanku caadiyan markay noqoto ictiraafka dal Afrikaan ah, wuxuu la tashadaa Midowga Afrika. Is haysashada dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika. Markaa Maraykanku wuxuu la dhaqmaa dawladda federaalka Soomaaliya. Waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojino dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba. Markaa xiligan siyaasadda Maraykanku waa inay la dhaqmaan dawladda Soomaaliya si loola shaqeeyo dawlada Soomaaliya, si loo xoojiyo qaybtaas Geeska Afrika ka tirsan.” Aqoonyahanada Somaliland ayaa fursad kasta oo ay ku helaan inay su’aalo weydiinayaan diblomaasiyiinta caalamiga ah waxay kusoo hadal qaadaan aqoonsi raadinta Somaliland, balse waxay mar kasta kala kulmaan jawaab niyad jab leh, sida middan oo kale. Caasimada Online Xafiisa Hargeysa caasimada@live.com