Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,511
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa waxa uu sheegay in uu dacwad ka gudbiyay xisbi xaakimka KULMIYE oo dhawaan la sheegay in laga saaray saddex masuul oo uu ku jiro. Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa waxa uu sheegay in qareenadiisa u gudbiyay dacwadaasi, waxaanu sheegay in iyaguna ay u gudbin doonaan guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada Somaliland. Dhawaan ayay ahayd markii warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiye ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere lagu sheegay in xisbigaasi laga saaray mas’uuliyiin saddex ah oo ku jiro Prof. Cabdi Cali Jaamac. Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa waxa uu sheegay in uu rajo weyn ka qabo in uu ku guulaysan doono dacwadaasi. Source
  2. Murashixiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada puntland ee 2019 oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ka kooban 4 qodob oo ku saabsan arrimaha doorashada. War-saxaafadeedka oo uu warbaahinta u akhriyay, Aadan Maxamed Ciise(Gaadaale) ayey murashixiintu ku sheegeen in lagu heshiiyay, amniga doorashada in looga dambeeyo taliyaha u xil-saaran,islamarkaana wixii soo kordha lagala xiriiro, guddiga joogtada ah ee isimada Puntland. Sidoo kale murashixiintu waxay sheegeen, in dadka Puntland iyo siyaasiyiintooduba xaq u leeyihiin shirarka siyaasadeed ee aan wax loogu dhimayn amniga guud,sida waafaqsan Dastuurka Puntland. Taliyaha amniga doorashada Sarreeye Gaas,Cabdirisaaq Siciid Diiriye ayaa dhinaca kale war-saxaafadeedka looga codsaday, in uu si joogto ah xiriir ula yeesho,ciidamada murashixiinta ilaaliya,si loo hagaajiyo amniga doorashada. Ugu dambeyntii, murashixiinta ayaa si adag uga digay, in fara-gelin lagu sameeyo doorashada madaxtinimada Puntland,waxaana ay ku baaqeen in laga feejignaado fara-gelinta ka imaanaysa dalka gudihiisa iyo debaddiisa labadaba. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland: Murashixiinta oo si adag uga digay fara-gelinta gudaha dalka iyo debadda ee doorashada appeared first on Puntland Post.
  3. Waxaa Goordhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayoow Cabdulle uu ku magac dheeraa Korneel Ruush oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan Ruush ayaa geeriyooday kadib markii uu wadnaha istaagay sida ay sheegeen qaar kamid ah ehelkiisa. Xildhibaanka ayaa kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka ee deegaan ahaan ka soo jeedo Deegaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Gudoonka Baarlamaanka ayaa ka tacsiyeeyay geeridaasi ku timid xildhibaanka eebana uga baryay in uu geeyo janadiisa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan katirsan Baarlamaanka oo Muqdisho ku Geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Muqdisho)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday labo xildhibaan oo mid ka tirsan yahay baarlamaanka Soomaaliya, halka mid kale uu ka tirsanaa dowlad goboleedka koonfur galbeed. Xildhibaannada geeriyoodaya ayaa kala ahaa: Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush) iyo Xildhibaan Kheyre Maxamed Axmed. Source
  5. Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday labo xildhibaan oo mid ka tirsan yahay golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah halka mid kale uu ka tirsanaa dowlad goboleedka koonfur galbeed. Xildhibaannada geeriyoodaya ayaa kala ahaa: Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush) iyo Xildhibaan Kheyre Maxamed Axmed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan ka mid ahaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle, oo ku magac dheeraa Korneyl Ruush ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday magaalada Muqdisho kadib markii wadnaha uu istaagay, sida xildhibaanada baarlamaanka ay xaqiijiyeen. Xildhibaan Ruush ayaa ka mid ahaa guddiga dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xanuunka uu kusoo booday maanta, sida ehelkiisa ay xaqiijiyeen. Axmed Mayoow Cabdulle ayaa waxaa laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana uu kamid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Somaliland Oo Iska Difaacay Eedaymo Loo Soo Jeediyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Ilaa 15 musharax oo u taagan qabashada xilka madaxweyne ee Puntland ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Garoowe waxa ay uga hadleen arimo la xiriira amaanka doorashada, go’aamadii kasoo baxay gudiga amniga. Musharaxiintan ayaa ka digay in la isku dayo in la hor-istaago shirarka iyo kulamada musharaxiinta iyo xuquuqda ay u leeyihiin in ay dadka la hadlaan. Waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in layska kaashado amaanka inta ay socoto doorashada iyagoona gudiga amniga faray in ay xiriir la yeeshaan ilaalada musharixiinta xilka madaxweyne ee Puntland. Shirkooda jiraa’id ayay sidoo kale ku baaqeen in laga fogaado waxkasta oo carqaladeyn kara habsami u socodka doorashada iyagoona si gaar ah farta ugu goday faragelin ay ka digeen in lagu sameeyo doorashada Puntland. 8 january ayaa loo balansan yahay in Puntland ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya loolanka ay musharixiintu ugu jiraan ku guuleysiga kursiga madaxweyne ee Puntland. Hoos ka daawo go’aanada lasoo saaray Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  9. Murashax Cali Ciise Cabdi 30.12.2018 Dr Cali Ciise Cabdi oo kamid ah siyaasiyiinta gobolka Sool, ayaa Axadda maanta ah Garoowe kaga dhawaaqay, in uu u sharraxanyahay xilka madaxweynaha dowladda Puntland ee doorashada 8-da Jennaayo 2019 oo haatan maalmo kooban ka harsan yihiin. Siyaasigan oo ka yimid magaalada Muqdisho ayaa maalin ka hor soo gaaray caasumadda Puntland ee Garoowe,waxaana uu kulamo la qaatay qaar kamid ah murashixiinta u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda gobolada Sool iyo Cayn. Mas’uulkan ku dhawaaqay murashaxnimada madaxweynaha Puntland, ayaa hore uga tirsanaa madaxdii as’aastay maamulkii Khaatumo ee lagu dhisay degmada taariikhiga ah ee Taleex,waxaana uu dhaliilsana siyaasadda Puntland iyo Somaliland ee ku wajahan gobolka Sool oo ay ku muransan yihiin labada maamul. Dhinaca kale Dr Cali Ciise wuxuu ka tirsanyahay guddiga dhaqaalaha Qaranka ee uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 12-kii July ee sannadkan 2018. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Dr Cali Ciise oo ku dhawaaqay murashax madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Yaaqshiid ee Gobolkaani Banaadir ayaa loo magacaabay Gudoomiye cusub kadib markii gudoomiyihii hore degmadaasi lagu sameeyay shaqo joojin. War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow ayaa lagu magacaabay gudoomiyaha cusub ee Yaaqshiid yeelanayso. Gudoomiyaha cusuab ee Degmada Yaaqshiid maanta loo magacaabay ayaa ah Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed, waxaana xusid mudan in gudoomiye Cabdiweli uu horaan u ahaa Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir. Gudoomiyihii hore ee Yaaqshiid Geedoow ayaa la sheegay in shaqo joojin loogu sameeyay sababa la xiriira musuq maasuq lagu soo eedayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Cabdi Weli Gaas oo farta ku fiiqay musharaxa u qalma inuu ka beddalo Puntland Madaxweynaha Puntland, Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dareemaya culees badan oo kaga imaanaya musharaxiinta isbadal doonka ah ee ka qeyb galaya doorashada madaxtinimada Puntland. Madaxweyne Gaas oo dhowaan kusoo laabtay Garoowe ayaa la kulmay qaar ka mid isimada Puntland, kuwaa oo ay ka wada hadleen sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada, looguna wada qancin lahaa natiijada. Gaas waxaa uu sheegay iney muhiim tahay iney Puntland horey usii socoto, wuxuu muujiyay inuu u baahan yahay in markale la doorto si uu uga guul gaaro arrimo badan oo meel dhexe u maraya. Arrinta uga xiisaha badan ayaa aheyd inuu Gaas u sheegay odayaasha in aan isbadal-doonku dhinac qaldan uleexin Puntland, wuxuu ku yiri odayaasha “Anigu waxaan doonaya in aan dib u shaqeeyo, laakiin hadii ay dhici weyso waxaan aaminsanahay inuusan jirin qof Cabdi Faarax Siciid Juxa ka mudan inuu hogaamiyo Puntand. Wuxuu sheegay inuu yahay Juxa nin mabda’a leh, oo aad u yaqaana qiimaha Puntland ,meesha ay maanta joogtana wax weyn ku kordhin kara. Hadalkaan ayaa odayaasha qaar ku fasireen in Cabdiweli yahay muwaadin wali laxaw badan kaga jiro deegaanka, sidoo kale waxey fariintaan isimada ku qasbi kartaa iney aad u eegaan musharaxa ay garab istaagi karaan, oo xiligaan adag samata bixin kara Puntland. Puntland ayaa doorasho aadi doonta 8da bisha soo aadan ee Janaayo, waxaana adag in lagu fududaado natiijada marka laga cabir qaato tirada iyo tayada musharaxiinta u taagan kursigaas. Qaran News
  12. (SLT-Hargeysa)-Golaha Deegaanka Laasacanood Oo Ka Soo Hor-jeestay Go’aamo Uu Soo Saaray Guddoomiyaha Gobolka Sool, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyihii rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri, ayaa waxa uu shaaciyay in uu iska is-casilay xilkaasi, isaga oo sheegay in uu isku casilat sababo isaga gaar u ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ayaa waxa uu ku dhawaaqay inay golaha wakiillada u gudbin dacwad ka dhan Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaanni, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Maqaaladani waa qurubyo ka mida 91 maqaal oo lagu magcaabo hoyga rooxaanta dhiiga jecel oo si balaadhan u iftiiminaaya dhibaatada haysata dadka Muqdisho iyo in cida Ku haysaa ay tahay hadba cidii u talinaysay 30 kaa sanno. Hurintii Maanafeesto ayaa u isbiday oo dooeatay Madaxweyne KMG ah Cali Mahdi, hase ahaatee waxaa doorashadii Cali Mahdi ka soo horjeestay Gen. Caydiid, isagoo sabab ugu dhigay dhismaha dowlad KMG in marka hore la qabto shirweyne lagana soo qeybgeliyo ururada hubeysan gaar ahaan SNM, SSDF iyo kuwo kale waxaana halkaasi ka dhashay khilaafka iyo qaran jabka maanta aan taaganahay. Qoryihii Qaranka ayaa u gacan galay shacab mudo 21 sano la af hayey, ciidamadii qalabka siday oo la kala diray dhamaan arimahaasi waxaa ka dhashay in la uur falo wixii aan Mogadishu Clan aheyn ee magaalada Muqdisho ku haray iyo dadkii kale ee awooda laheyn, godobtii xiligaasi la galay iyo wixii ka horeeyayba waa hadhacii ay inoo beereen maamulkii Siyaad Bare iyo Jabhadihii hubeysnaa oo shacabka ka filayey in ay keeni doonaan raxmad ka roon tii la riday. Kumuu ahaa Cali Mahdi? wuxuu ku dhashay tuulada Cadowuul oo ka tirsa shabeelada dhexe ee magaala madaxda Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1938. Cali Mahdi wuxuu wax ku bartay iskoolaadkii Xamar ka jiray. Cali Mahdi 1959 ayaa Qaahira u aaday waxbarasho . Cali Mahdi wuxuu fursad u yeeshay in uu xubin ka noqdo baarlamaanka Somaaliya sanadkii 1969, asagoo noqday qofkii ugu dhalinyaraa ee xubin ka noqda baarlamaanka Soomaliyeed. Kadib markii uu dhacay inqilaabkii Dawladda shicibka aheyd ee wadanka la wareegay Xooga Dalka Somaliyeed, Cali Mahdi wuxuu dib ugu laabtay shaqadiisi wasaaradda Caafimaadka, halkaas u ku gaaray jago Agaasime Guud. Sanadku markuu ahaa 1977 Cali Mahdi wuxuu ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi. Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey sanadihii 1977-1990 wuxuu noqday nin lagu tiriyo ganacsatada ugu waaweeyn ee wadanka soomaliyeed. Sanadahii 80’s Cali Mahdi iyo aqoonyahaano Soomaliyeed aya waxaa asaasay urur odoyaal ah “Manifesto” oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii wadanka ee markaas Maxamed Siyaad Barre. Kadib burburkii Dawladda Maxamed Siyaad Barre, sanadka markuu ahaa 1991, ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya. Muddo gaaban kadib waxaa bilowday dagaal sokeeye oo ka dhacay magaalada Muqdishu oo eey isaga hor yimaadeen qeybo raacsan Maxamed Farax Caydiid kaasoo diidanaa Cali Mahdi iyo kuwo difaacay Cali Mahdi. Cali Mahdi wuxuu xilkii madaxweynenimada ku wareejiyey shirkii ka dhacay magaalada Carta ee wadanka Jabuuti sanadka markuu ahaa 2000. Cali Mahdi sanadkii 2007 wuxuu abaabulay shir nabadeed belaha Somaaliyeed la isugu keenaayo . waxaa jiro waxyaabo badan oo wanaagsan oo u qabtay shacabka Lasoco qaybaha dambe Qalinkii Cabdi Cawiye +252634115877 Source
  16. (SLT-Hargaysa) Xisbiga WADDANI, wuxu ka jawaabay dhaliishii uga timi Wasiir Maxamed Kaahin, waxaana uu sheegay in ay imika bilaabi doonaan Mucaaradad adag oo gil-gisha Xukuumadda. Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee WADDANI Mudane Kayse Cali Geedi oo u hadlay Xisbigaas, ayaa ugu horreyn Wasiir Maxamed Kaahin ku tilmaamay belaayo caashaq isaga carabka ku dhuftay in ay dalka ka dhigi doonaan Mudaharaado khal-khal-geliya Xukuumadda. Mudane Kayse, waxa uu Xukuumadda faray in aanay cabanin marka kuleylka Mucaaradnimo soo gaadho, Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Waxa magaalada Hargeysa kulan ku yeeshay madaxda xisbiyadda qaran iyo xukuumadda Somaliland iyada ay kulan ka soo qayb-galeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi ismaaciil Saylici, guddoomiyaha xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Ankara ( Sh. M. Network )-Howlgal ballaaran oo Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah dalkaasi ayey ku soo qabteen 189 Muhaajiriin ah, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliska dalkaasi. Booliska ayaa sheegay in Muhaajiriinta ay soo qabteen oo u badnaa Caruur iyo Haween ay badankood ka yimaadeen Qaaradaha Afrika iyo Aasiya. Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga ayaa sheegay in howlka ay Ciidankooda ka wadaan dalkaasi lagu soo qabanayo Muhaajiriinta sida sharci darrada ah ku soo galay Turkiga. Ciidamada ilaaladda ee xeebaha ee dalkaasi ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay tiro dad ah oo la sheegay in ay doonayeen in ay u gudbaan dhinaca dalka Giriiga. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha ee Turkgia ayaa lagu sheegay in Muhaajiriinta laga soo qabtay gudaha dalkaasi ay ka soo kala jeedaan dalalka Afghanistan, Palestine, Somalia, Kenya, Masar, Eritrea iyo Cameron. Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga ayaa sanadkan qabtay 265,000 oo ah Muhaajiriin doonayay in ay u sii gudbaan qaar ka mid dalalka Qaaradda Yurub. The post Turkiga Oo qabtay Muhaajiriin ay ku jiraan Soomaali appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Oo U Digtay Shaqsiyaadka Magaalada Laascaanood Uga Ololaynaya Murrashaxiinta Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargaysa) Wasarada warfaafinta Somaliland ayaa muddo aan cayinayn mushaharka ka joojisay Cismaan Cabdilaahi Cilmi (Heer-sare), oo hore u jilay hannaan socodka madaxweyne Biixi. Heer-Sare, ayaa ka mid ah shaqaalaha wasaarada Warfaafinta. muuqaalkana waxa uu ku dhex duubay wasaarada. Hoos ka DAAWO Source
  21. Galinsoor ( Sh. M. Network )-Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha XFS Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta gaaray magaalada Galinsoor ee G/Galgaduud. Wasiir Sabriye iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi ayaa ka bilaabay kulamo lagu xalinayo colaada ka taagan deegaanka Kaxandhaale ee gobolkaasi. Kulamadan ayaa waxa ka qeyb galaya Odayaasha labada Beelood ee ku dagaalamaya qeybo ka mid ah G/Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay wafdi ka kooban labada gole u dirtay xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaaday gobolkaasi. The post Wasiirka arrimaha gudaha Oo kulamo ka bilaabay Galinsoor appeared first on Shabelle. View the full article