-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-23122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka ee khilaafka uu hareeyey. Guddigan oo soo saaray warbixin musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda Kheyre, ayaa waxaa kala diray guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudey, waxaase dib usoo celiyey Mursal oo markii la kala diray safar ku maqnaa. Khilaafkii ka dhashay arrintan ayaan weli la xalin, hase yeeshee waxaa muuqat in Mursal uu ka guuleystay ku xigeenadiisa. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan. Xubnaha ayaa u kala qeybsan qaar la safan xukuumadda iyo qaar kasoo horjeeda. Guddoomiyaha ayaa sida la sheegay dhageystay talooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen. Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah u qiray in howlo badan ay guddiga u yaallaan. Mursal ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto. “Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Mursal. Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux). Si kastaba kulanka ayaa waxaa ka maqnaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudey iyo ku xigeenka labaad Mahad Cawad. Labadan mas’uul ayaa la rumeysan yahay inaysan weli raali ka ahayn in guddigan lasoo celiyo. Sida aan xogta ku helnay Mursal ayaan ku casuumin kulanka, waxaana sida muuqata weli taagan khilaafkii ka dhashay arrintan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
CLICK HERE TO READ MORE Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu tacsi ugu direy Boqorka Sacuudiga Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, isagoo uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Amiir Talaal Bin C/casiis oo 87-jir ahaa. Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu geeriyooday Amiir Talaal Bin C/casiis oo ahaa Aabaha Maalqabeenka weyn ee Sacuudiga, Al-waliid Bin Talaala, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Sacuudiga sannadihi 1950-aadkii ilaa 60-aadkii, wuxuuna soo noqday Wasiirkii Isgaarsiinta iyo Maaliyadda ee dalkaasi. Sidoo kale, Madaxda ka tacsiyadeeysay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis ayaa waxaa ka mid ah Ku-xigeenka Ra’iisal wasaaraha ahna Wasiirka Difaaca dalka Kuwait Sheikh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah. Sheekh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah ayaa Alle uga baryay amiirka geeriyooday inuu u naxariisto, samir iyo imaanna Alle ka siiyo qoyska boqortooyada iyo shacabka Sucuudiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Cabdillaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland Hay’adda Duulista iyo Madaarada somaliland, waxay u taagan tahay horuumarinta madaarada somaliland, hirgelinta himilooyin lagu soo jiidanayo duulimaadyo caalami ah, {International Carrier}, soo jiidashada in ay madaarada somaliland helaandad gaar ahaana madaar Hargeisa, hirgelinta siyaasad cad oo lagula tartamayo hay’adaha Duulista ee wadamada aan jaarka nahay, soo celinta maamulka hawada, hirgelinta nidaamka ka dhigaya madaarada dalka in ay noqdaan muraayad laga dheexan karo horuumarka dalka, gaar ahaana madaarka ugu wayn ee caasimada. Muddo ahaatan laga joogo sanad ayaa madaxweynaha somaliland Mudane Muuse Bixii Cabdi, uu wareegto madaxweyne ku aas-aasay hay’ada Duulista iyo Madaarada somaliland {Civil Aviation and Airports Authority}, iyada oo aas-aaska hay’adan looga jeeday kor u qaadistay hanaanka maamul ee madaarada dalka iyo in lala dartamo madaarada kale ee ku yaalla geeska afrika. Hadaba tan iyo markii madaxweynaha somaliland, uu sameeyey hay’ada Duulista iyo Madaarada somaliland, lana baa’biiyey wasaaradii Duulista, waxaa muuqatey in aanu jirin wax haruumar ah oo ay sameeyeen dadkii loo xulay in ay maamulaan hay’ada Duulista. Maxaa Keenay Hoos Dhaca Maamul Ee Madaarka Hargeisa? Waxyaabaha sababay hoos u dhaca ku yimid Madaarka Hargeisa, oo ah ka keliya ah ee waqtigan furan ama shaqeeya, waxaa jira arrimo badan oo sabab u ah hoos dhaca madaarka Egal International Airport. Gebi-ahaanba waxaa la joojiyey isu socodkii madaarka Hargeisa lafdhabarka u ahaa ama uu ku xidhnaa oo ahaa madaarka Muqdisho iyo madaarada Putland, waxaana la adkeeyey qaabkii isu socodka waxaana qofkasta lagu xidhay passport, halkii markii hore qofka aan passaborka haysan la siin jirey warqad odhanaysaa iska tag {Go Home}. Taasi waxay keentay in dhaqaalihii badnaa ee ka soo bixi jirey madaarka uu yaraado, dadkii badnaa ee madaarka camiri jireyna ay yaraadaan, ka dibna uu yimaado hoos dhac dhaqaale iyo mid maamul labaduba. Waxaa iyana meesha ka baxday diyaaradihii wadinaga ahaa, oo qayb wayn ka ahaa horuumarka madaarada Somaliland, dhaqaalaha madaarka iyo guud ahaanba sumcada Somaliland kor u qaaday tan iyo intii aan la soo noqonay madax banaanida. Guud ahaan baa diyaaradihii waaweynaa sida Daallo Airlines, Juba Airways, ocean Airlines iyo diyaaradihii qaadi jirey alaabta {Cargo flights}, waxay u wareegeen magaaloyinka Muqdisho, Garoowe, Boosaaso iyo Nayroobi, kenya, waxaana sababay in ay guuraan markii waxyaabo badan lagu adkeeyey oo ay ka mid tahay duulimaadyadii ay isaga gooshi jireen Somaliya iyo Somaliland, Kenya, Somaliland iyo Somaliya. Waxaa keenay hoos dhaca madaarka markii shaqada laga eryey dad badan oo aqoon lahaa, kana mid ahaa baalashii ay hay’addu ku duulaysey, taasoo keentay in aanay waqtigan hay’ada Duulista joogin dad aqoon leh oo keeni kara waxyaabo cusub, halka shaqaalihii reer somaliland ee ka shaqaysanayey Nayroobi, Kenya, loo raray ama laga hawl geliyey Muqdisho, taasoo hay’ada ICAO ay halkaa geysey. Waxaa kale oo sababay hoos dhaca madaarka Hargeisa, markii madaarkii Garoowe uu jaanis badan helay cambirnayna, tusaale ahaan dhamaan dadka tegaya soomaliya, sida Muqdisho, ee somaliland ka tegayaa waxay raacaan baabuur, waxayna diyaarada ka raacaan Garoowe, halka markay somaliland imanayaana ay Garoowe ka soo degaan. Sidoo kale waxaa saamayn ku yeeshay madaarka Hargeisa, ka dib markii hay’adda ICAO ay wax yaabo badan u fududaysay wasaarada Duulista Soomaliya iyo madaarka Muqdisho oo waqtigan ah mid aad u camiran, maalin kastana diyaarado caalami ah oo cusubi ay duulimaadyo ka bilaabaan, halka madaarka Hargeisa uu sidaa ahaan jirey hada ka hor. Tallo Ku Socota Madaxweynaha Mudane, madaxweyne waa in aad ogsoonaataa in Madaarada dalku ay yihiin waxaa ugu muhiimsan ee laga dheehan karo qaranimada Somaliland, sidaa darted waa in aad dib u eegtaa hay’ada Duulista, aadna soo celisaa sumcadii uu lahaa madaarka Hargeisa iyo guud ahaanba hay’ada Duulista. Madaxweyne waxaa lagu tartamaa maanta waa dad {Population}, waa in aad soo celisaa isu socodkii wadamada jaarka adiga oo amaankaana ilaashanaya, waa in la dhiiri geliyo diyaaradaha wadaniga ah, waa in la tayeeyaa shaqaalaha Duulista, waana in loo sameeyaa hay’ada Duulista maamul adag oo dhisa hay’ad Duuliseed oo awood badan, kuna xidhan wadamada jaarkeena. Madaxweyne waa in la soo celiyo xidhiidhkii iyo taageeradii ay dowlada Ingiriisku siin jirtey hay’ada Duulista, iyaga oo dhinacyo badan ka taageeri jirey waqtigii xukuumaddii hore. Madaxweyne waa in dib loo dhiso madaarada kale ee dalka oo laga shaqaysiiyo, halka maanta madaar keli ahi uu inoo shaqaynayo, halka wadanka soomaliya ee tartanku ina ka dhexeeyo gobolkasta uu madaarkiisu shaqaynayo. Madaxweyne waa in la helo qaabkii aan u soo jiidan lahayn diyaarado kale oo caalami ah, sida Kenyan Airways iyo Qadar airways oo waqtigan duulimaadyo ka bilaabaya Muqdisho. Madaxweyne waa in la helo qaabkii lagu dhisi lahaaTerminal Casri oo aynu kula tartaano wadamada jaarka ah, waayo maanta ma haysona Terminal, keliya waxaa inoo dhisan dhismayaal aan ka duwanayn qaab guryaha loo dhiso, ta keli ah ee madaarka Hargeisa uu kala dartami karo madaarada kale waa Terminal casri ah, si madaarkeenu u noqdo mid caalami ah. Cabdillaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland Source
-
Taageerid Go’aanka Madaxweyne Biixi!..W/Q Cabdirisaaq Terra
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaan arkay Somaliland oo Tvyadii kusoo rogtay lacago fooqal-caqli ah, oo waxaan daawaday Madaxdii Tvyada oo la ilmaynaya lacagaha lagu soo rogay. Waxaan leeyahay Bixiya lacagaha, saw ma tihidin kuwii Madaxtooyada Somaliland iyo tan Jabuuti’ba ka yeelay inaydaan Barnaamijka Baadi-goob baahin Karin, saw ma tihidin kuwii xuriyada hadalka lacagta siistay, saaxiibayaal saw ma tihidin kuwii shaqaysan jiray ee aan Bulshadooda u shaqayn jirin, waryaadheheen saw ma tihidin kuwii masaakiinta weriyeyaasha ahi bilaa mushaharka ku khasbi jiray inay ugu shaqeeyaan ee dhihi jiray caan inaad noqotaan iyo inaad lacag heshaan iskuma helaysaan. Bixiya lacagtii aad shacabka siisateen Muuse Biixi waa u baahan yahay, dalkuna xaalad dhaqaalo daro ayuu galayaa riwaayada inaga daaya oo bixiya lacagta. Hal Xaysiis ayaad $5000 ku qaadataan, dawladuna sannadkii ayay guno yar oo dollar ah adinka rabtaa, bixiya oo bixiya. Maxaad kaga duwan tihiin Baayac-mushtarka kale ee la cashuurayo? Waan hambalyeynayaa go’aankan Source -
Soomaaliya dhibaato xoog leh ayaa ka jirta. Shacabka Soomaaliyeed waa dhibban yahay. Soomaali kasta waxaan ku leeyahay, haddii xalka aadan qeyb ka noqon karin, dhibaatada qeyb ha ka noqon. Shabaab ma ka tirsan tahay? Soomaali ma tahay? Haddii ay jawaabtu haa tahay, waad og tahay in aad dhibaatada ka mid tahay. Laakiin hadalku intaa kuma eka. Ujeeddadeyduna eedeyn ma aha. Maanta waxaa gacantaada ku jirta qeyb weyn oo xalka ka mid ah. Taas oo ah in aad shacabkan rafaadsan ka deyso dilka, dhaawaca, cabsida iyo arga-gaxa. Waad ogtahay dadka ugu badan oo gacantaada ku dhintaa waa shacabka. Cidda aad dileysaan oo aad jihaadka kula jirtaanna waa muslimiin, waa Soomaali, waa waalid iyo walaal. Waa dadka dad kuu xiga quruumaha balaayiinta ah ee dunida ku nool. Ka Soomaali ahaan, ha eegin meesha aan maanta joogno oo keliya. Arag meesha aan gaari karno waa haddii dhallinyarada aad adigu ka mid tahay ay ka shaqeeyaan horumarinta dalka. Ka feker inta dad waayeel ah oo dhibaateysan aad caawin karto. Ka feker inta aad barakacayaal caawin karto. Ka feker inta carruur kaa yaryar oo qaar badani agoommo yahay aad bari karto akhris iyo qoraal. Ka feker haddii aad xorriyad iyo nabadgelyo haysato, aad iskaashataan dhallinyaro kula mid ah, heerka aad adigu shakhsi ahaan higsan karto. Ha ka fekerin in aad is qarxin karto oo keliya. Ha ka fekerin in aad dagaallami karto ilaa askari dhulka jooga ama mid dayaarad saaran uu ku dilo. Ha ka fekerin oo keliya in aad diyaar u tahay in gantaal meel fog laga soo riday ama kuwa ku rararn dayaaradaha is wadaa ay ku dilaan. Ka feker taa cagisgeed. Ka feker in aad khatarahaas oo dhan aad naftaada ka badbaadin karto. Ka feker in aad naftaada wax tari karto. In aad qoys iyo jacayl abuuri karto. In aad waalidkaa iyo ubadkaaga aad biili karto marwadaadana aad dhaqan karto. Waad og tahay in ay cibaadada ka mid tahay. Ha ka fekerin qof in aad dili karto oo keliya. Is weydii – Qof ma badbaadin kartaa? Nolosha dadka qiimee. Ilaaha dadka uuntayna ka cabso. Waad ogtahay in aan Ilaaheey loogu dhowaaneyn dhallinyaro lagu qalqaaliyo in ay naftooda halligaan isla markaasna ay dilaan dad dariiqaas maraya, dembi aan gelin, Maxkamad dil ku xukuntay aanay jirin, laga yaabo in ay salaad hadda soo tukadeen ama ay u socdaan Masjidka, cid ay duullaan ku yihiinna aanay jirin. Laga yaabo in ay ku jiraan dhakhaatiir bukaanka daaweysa, taajiriin masaakiin masruufa, aabbayaal carruur badan koriya, macallimiin ubadka wax barta, hooyooyin sebi naaska nuujiya, ama sidkoodii dhammaaday bal qiyaas bambaano waddo lagu qarxiyay inta ku go’i karta! Waad ogtahay in dadka aad leyneysaan ee gacantiinnu ay gaarto uu yahay oo keliya dadka Soomaaliyeed ee colaadda, qaxa iyo horumar la’aantu ay dalalka asaaggood ah ka reebtay. Waad ogtahay shacabku in aanuu mas’uul ka ahayn siyaasadda Dowladda iyo siyaasadaha kale ee aad sheegtaan in aad ka gilgilaneysaan. Kaba sii fog ee waad ogtahay in aan shacabku cod ku lahayn dowladaha, ciidammada iyo ururrada shisheeye danaha kala duwan ee mararka qaarkoodna is khilaafsan ee dalkan ay ka leeyihiin in aanuu mas’uul ka ahayn qofka Soomaaliyeed ee iska lugeynaya waddooyinka Muqdisho, jirinaaya muufo ee tiisa u meel la’ haddana aad qarxineysaan. Bal isu miisaan waxa aad ka cabaneysaan iyo dhibta aad ku haysaan shacabka Soomaaliyeed. Waad ogtihiin in qaraxyadiinna ay ku naf waayeen dad baahan oo aan qado haysan. Waan ogahay in meelaha aad ka talisaan aan shacabka aydnaan toos u gumaadin, laakiin haddana waxaan ogahaya Muqdisho iyo magaalooyin kale dhibka aad shacabka ku haysaan. Waxaad ogtahay in si kasta oo aad u qarxisaan aan shacabku magaalada ka dhammaan doonin. Waxaad ogtahay in si kasta oo aad dhallinyarada Soomaaliyeed u qarxisaan in aan Dowladdu garowsan doonin in ay xukunka idiin banneyso inyarba ha ahaatee. Waad ogtahay in ciidanka shisheeye aanuu dalkan uga baxeyn in dad Soomaaliyeed oo masaajid ku tukanaya ama waddo maraya ay dad kale oo Soomaaliyeed ay weeraraan oo ay laayaan. Waad ogtihiin in aan ciidanka shisheeye dalka ka bixi doonin haddii aad cunaqabateysaan shacabka sida ka dhacday Xuddur, Buulo Burte iyo Ceel Buur. Waad ogtahay in aan adduunka lagu faa’ideyn aakhirana aan lagu liibaaneyn in ummaddaada loo xoog weynaado oo la laayo. Ilaaheey isaga ayaa culeys kasta qaadi kara. Dadka Soomaaliyeed ee muslimka ahina wuxuu maanta u baahan yahay in loo turo, loona gargaaro. Qofkii aan karin in uu u gargaaro qofka kale ee Soomaali ah, waxaa la gudboon in uu u turo ugu yaraanna uu ka magan galo. Marka aan taas idin leeyahay khasab ma ahan in macnaheedu yahay in dowladda Soomaaliyeed ay had iyo goor wax wanaagsan u qabato shacabka ama ay baahidiisa dabooshay. Ma ahan in aan idin leeyahay ajnebiga Xalane ka shaqeysta iyo kuwa Gobollada dalka qaarkood jooga ayaa jacayl Soomaaliyeed halkan u wada yimid. Ma ahan in aan idin leeyahay taageera. Xor ayaad u tihiin in aad diiddaan. In aad diidmadiinna ku muujisaan wax kasta oo aan ahayn xabbad iyo qarax. Xor ayaad u tihiin in aad ka shaqeysaan in Soomaaliya ay amnigeeda ku filnaato oo ay ka maaranto ciidan shisheeye. Ogow Qarax kasta oo aad sameysaan waxaa uu qiil u sameynayaa joogitaanka ciidanka iyo dadka aad sheegeysaan in aad dooneysaan in aad dalka ka saartaan. Qarax kasta oo aad sameysaan wuxuu sii fogeynayaa sidii loo gaari lahaa Dal dhisan, soo saara dhaqaale ku filan lehna Madax Qaran, mid gobol iyo mid degmo oo uu shacabku toos u soo doorto lana xisaabtamo, haddii uu ku qanci waayana uu shaqada ka fariisiyo. Qarax kasta wuxuu agoon ka yeelayaa ubad Soomaaliyeed, wuxuuna kordhinayaa baahida daawo iyo midda gargaar kale oo ay Soomaaliya caalamka ka tuugto. Haddii aad Soomaali tahay, haddii aad Islaam tahay, qofka Soomaaliyeed marka hore adiga ha kaa nabad galo. Dhiiggiisa ha xalaaleysan. Adduunyada haddaad nacday isaga ha seejin. Aaakhiradaada ha ku waayin dilka aadane aanad aqoon, gef kaa gelin in aad nafta ka goyso. Marka aad nabadgeliso qofka Soomaaliga ah waxaan shaki ku jirin in wax kasta oo kale laga gaari karo xal. Ugu dambeyn, haddii aad Shabaab tahay, Soomaali tahay, Allah taqaan, ummadda Soomaaliyeed dhiiggeeda ha xalaaleysan oo ha kaa nabad gasho. Ka feker xal aan qori iyo qarax ahayn oo adiga iyo shacabka intiisa kaleba ay u aayaan. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar Source
-
(SLT-Hargaysa)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay Ammaanka xeebaha dalkeeda u dabo-fadhiisanaynin cid kale, waxaanay shaacisay in iskaashi kasta oo ay sameeyaan dalalka Gobolku aanu dhammaystirnayn haddii aanay Somaliland ku jirin. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay maanta Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo soo gaadhay Shabakada Hadhwanaagnews, Waxaana Xukuumaddu ku caddeysay mowqifkeeda la xidhiidha isbahaysiga ay ku dhawaaqeen lix dal oo ka mid ah kuwa mandaqada Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, waxaanu u qornaa sidan:- “Jamhuuriyadda Somaliland waxay tixgelinaysaa isbahaysigii ay dhowaan aasaaseen lix dal oo ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ah Aag Istaraatiiji ah iyo marin biyood caalamiya, iskaashiga waddamadaasi maaha mid dhammaystiran maadaama oo aanay Somaliland ku jirin. Somaliland waxay ku guulaystay inay ka ilaaliso dhulkeeda iyo xeebteeda Argagixisada iyo budhcad baddeeda, umana dabo-fadhiisanayso ilaalinta ammaanka xeebaheeda oo dhererkoodu yihiin 850km dal kale. Somaliland waa dal madax-bannaan oo xor ah, heshiis kasta oo ay wada galaan dalalka gobolku oo Somaliland ka dhigaya qayb ka mid ah Soomaaliya waa khalad iyo wax aanay Somaliland aqbali karin. Si kasta ha ahaatee, waxaanu sii waddaynaa iskaashi kasta oo gacan siinaya nabadgelyada iyo barwaaqada mandaqadda iyadoo aan wax loo dhimaynin xornimada dal kasta.” Source
-
(SLT-Muqdisho)Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saacadihii la soo dhaafay Al Shabaab gobolkaasi ay ku dileen Sarkaal hore uga tirsanaa oo haatan ku biiray Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya.. Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/risaaq Maxamed Cumar Dayib, waxaana la sheegay in dhawaan uu ka baxay Al Shabaab, kuna biiray kooxda Daacish. Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen Sarkaalkani oo ku sugnaa deegaanka Ceel-Cadde ee G/ Gedo,kuna dileen halkaasi. Sidoo kale Al Shabaab ayaa amray in la Toogto C/naasir Yuusuf Cabdulle Shabeel oo horay uga tirsanaa iyaga, balse dhawaan ku biiray Daacish. C/naasir Shabeel ayaa isaga iyo Dagaalyahanno uu wato waxaa la sheegay in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi. Xiisad ka dhalintay arrintan, ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay ka taagan tahay gudaha deegaankaasi. Source
-
(SLT-Pakistan)Caasimadda dalka Pakistan ee Islamabaad waxaa shalay oo Sabti ahayd ka dhacday Arrin Mucjiso, kadib, markii uu Wiil Dhallinyaro ah koray Taawar ay lahayd Shirkad Mobayl (a moble tower), wuxuuna qeylo-dheer ku sheegay inuu doonayo in laga dhigo Ra’isul-wasaaaraha dalkaasi. Telefishinka Geo News ee ugu caansan Telefishinadda dalka Pakistan ayaa soo weriyey in Wiilka dhallinyarada oo magaciisa la qariyey sheegay haddii laga dhigo Ra’isul-wasaare inuu hagaajin doono xaalladda Dhaqaalaha Pakistan, isla markaana uu 6 bilood gudaheeda ku bixin doono lacagaha daynta ee lagu leeyahay Pakistan. Wiilkaasi oo ka soo jeeda Degmadda Sargodha ayaa la sheegay inuu hdaalkaasi codsiga uu ka dul sheegay dhakadda Tawarka Mobayladda oo ku yaalla Deegaanka Bulugga ee magaalladda Islamabaad, isagoo weliba gacanta ku haystay Calanka Pakistan. Waxa kale oo uu sheegay inuu doonayo inuu la hadlo Ra’isul-wasaare Iraam Khaan ama Sarkaalka Boliska ee Degmadda Sargodha. Si kastaba ha ahaatee,Saraakiisha Badbaadada ayaa adeegsaday Wiish, si ay Boliska uga caawiyaan in Wiilka Dhallinyarada lagu qanciyo in laga soo dejiyo Tawarka uu dhakada ka koray. Wiilka dhallinyarada markii la soo dejiyey waxaa loo gudbiyey Saldhig Bolis, mana kala cadda inuu Ra’isul-wasaaraha Pakistan la kulmi doono iyo in lagu sii hayn doono Xabsiga. Source
-
(SLT-Indonesia ) Dhul gariir badda hoosteeda ku dhuftay ayaa dhibaato aad u xoogan ka geesatay Jaziirado iyo magaalooyin kuyaala dalka Indonesia , waxaana hada socda baadi goob loogu jiro dad badan oo wax ku noqday dhul gariirka. Inta la xaqiijiyay dad gaaraya 200-qof ayaa ku dhintay Tsunamiga ku dhuftay dalka Indonesia, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay boqolaal qof oo kale oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan, waxaa sidoo kale jira dad aan la heyn nolol iyo geeri. Guryo, Hoteelo iyo dhismayaal kale oo badan ayaa ku dumay dhulgariirka iyo duufaanta Tsunamniga ee ku dhuftay xeebo kuyaala dalka Indonesia, waxaana dadka ugu badan ee dhintay ay joogeen dhul xeebeed. Dhul gariirka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka Indonesia ayaa la sheegay in ay sababtay fulkaano badda hoosteeda ka qaraxday , waxaana fulkaanadaasi ka dhashay dhul gariir iyo duufaano xoogan. Source
-
(SLT-Ankara) Maalmahan waxaa dib u soo cusboonaaday erayada kulul oo ay isdhaafsanayeen madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo ra’isul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlayey Yuhuudda ayaa waxaa uu yiri “Yuhuudda Isra’il waxaa ay dadka darbeeyaan iyaga oo dhulka jiifa, rag keliya ma aha ee waa haween iyo caruur, laakin haddii aan muslimiin nahay waa naqaan sida loola dhaqmo, waa haddii ay ku dhiiran karaan inay noo babac-dhigaac, cashar ayaan u dhigi laheyn”. Ra’isul wasaaraha Israa’il Netanyahu oo hadalkaasi ka jawaabaya waxaa uu yiri “Erdogan – waa nin xoog ku heysto waqooyiga Qubrus, oo ciidamadiisa ay xasuuq u gesyteen haween iyo caruur Kurdish ah oo ku nool meel gudaha ama dibadda Turkiga ah, nin noocaas ah ma aha inuu wacdiyo Isra’il. Erdogan oo mar kale hadalkan ka jawaabayo waxaa uu leeyahay Netanyahu waxaa uu madax u yahay “dowlad argigixiso ah” Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Cavusoglu waxaa uu Netanyahu ku tilmaamay“Dilaa dhiig-yacab ah ee casrigan”. Source
-
(SLT-Baydhabo)Wararka ka imanaaya Baydhabo ayaa sheegaya In sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur ayaa shegaayo in Sheekha dhawaan lasoo deyn doono. Sheekh oo haatan xabsi uga jiro magalaad Muqdisho ay maamusho wasaarada amniga gaar ahaan hay’adda nabad sugida ayaa lasheegayaa in dhawaan lasoo deyn doono. Xogtaan ayaa ku dareyso in Sheekh haatan gor gortan kula jiro dowlada Soomaaliya laguna wado in laga xaal mariyo xabsigii ladhigay iyo waliba doorashadii Koofur Galbeed oo kamid ahaa musharixiinta ugu cad cad. Rooboow ayaa dowlada Soomaaliya kasoo xirtay magaalada Baydhabo halkaas uga qeyb gali lahaa doorasho maalmo kahor kadhacday Baydhabo oona ku guuleystay musharixii dowlada ay wadatay. Ilaha aan kasoo xiganay xogta ayaa shegaayo in Rooboow arintaas laga xaal marin doono ayadoo dowlada dhexe laga siin doono xil aan si rasmi ah loo ogeyn balse salka ku haayo amaanka. Dowlada Soomaaliya ayaa shaqsiyaad sar sare oo katirsanaa kooxda shabaab ka mid dhigtay laamaha amaanka balse weli kuma guuleysan hanashada amaanka caasim Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxay dagaal beeleed maanta ka qarxay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalka oo ka dambeeyay markii maleyshiyo beeleed ay isku qabsadeen Dhul beereed ayaa ka dhacay tuulada Bukurarka Biiqaaley. Hal qof, oo lagu sheegay inuu ahaa wiil 10-sano jir ah oo hoygiisa ay ugu tegtay xabad, ayaa ku geeryooday dagaalkaan ka dhacay degaankaasi udhaxeeya tuulooyinka Goley Daa’uud iyo Cadeyga ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Is-qab-qabsiga dhulalka ee sababay iska hor-imaadkaan Galabnimadii maanta dhacay ayaa soo jiitamayay muddo sanado ah. Dadka degaanka ayaa u sheegay idaacada Shabelle inay socoto dedaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisad ka dhalatay isku-dhacaasi. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo meesha ay wax ka dhaceen ayaa sheegaya in maleyshiyaad ay dib ugu laabteen halkii ay kasoo abaabuleen dagaalkaan maanta dhacay. Arbacadii kasoo dhaafay ayay sidaan oo kale udirireen maleyshiyaadkan, xili is-rasaasaynta dhex-martay la xaqiijiyay inay dishay hal ruux, kaasi oo la tilmaamay inuu qof kamid ah dadka degaanka uu ahaa. The post Dagaal beeleed xoogan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-23122018.-Sax.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ku simaha ahna, wasiir ku xigeenka wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland,Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa maanta kulan albaabadu u xidhanyihiin la qaatay, guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo duqa caasumadda Garowe oo maalmihii u dambeeyay khilaaf maamul ka dhexeeyay. Kulanka oo mudda saacado ah socday, ayaan warbaahinta loo soo bandhigin natiijadii ka soo baxday,hase yeeshee ilo’xog-ogaal ah oo ku dhow mas’uuliyiinta kulmay ayaa Puntland Post u sheegay, in laga shirayay xal u helista khilaafka dhanka maamulka ah ee soo kala dhex galay guddoomiyaha gobolka Nugaal,Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gu’jir) iyo duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse(Axmed Barre). Khilaafkan ayaa Sabtidii shalay si cad u soo shaac-baxay, kadib markii guddoomiyaha gobolka Nugaal uu digniin u jeediyay, duqa caasumadda,isagoo ku eedeeyay in uu wado ol’ole siyaasadeed oo ku jihaysan, taageerada dowladda Federaalka ah. Sidoo kale wuxuu uga digay in uusan qaban shirar siyaasadeed aysan ogayn maamulka gobolka Nugaal. Haddaba sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen ilo’xog-ogaal ah,waxaa kulankii maanta lagu xalliyay khilaafkii u dhexeeyay labada mas’uul ee kala ah;Gu’jir iyo Axmed Barre,waxaana dib loo soo celiyay wada-shaqeyntii maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe oo maalmahan go’neyd. “Waxaa lagu heshiiyay in si buuxda loo wada-shaqeeyo,lagana tanaasulo wixii qaladaad ah oo la kala tabanayo,waana lagu qancay oo gacmaha la is-qabsaday” sidaasi waxaa sheegay qof xogtan la socday. Wasiir ku xigeenka ahna, ku simaha wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland,Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa la sheegayaa, in uu dadaal badan ku bixiyay xal u helista khilaafka,isagoo ugu dambeyntiina ku guulaystay in uu heshiisiiyo labada mas’uul. Kulanka khilaafkan lagu dhammeeyay ayaa waxaa goobjoog ahaa, wasiir Qoob-deero,guddoomiyaha degamda Dangoroyo ee gobolka Nugaal,duqa caasumadda Garoowe iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal,sida ay xogtan sheegayso. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Maxaa ka soo kordhay khilaafkii Gu’jir iyo Axmed Barre? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanadii Mooshinka kasoo gudbiyay Madaxweyne Faramaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in fursad cusub ay siiyeen Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanadaan ayaa sheegay in hadii Mooshinkii ay la laabteyn aysan micnaheedu aheyn in uu Madaxweynaha ka saxanyahay balse iyagu ay garteyn in dalka ay u tanaasulaan, ayna isha ku heyn doonaan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee Madaxweynaha. Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo kamid ah xildhibaanada maanta shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanada Mooshinka kasoo gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ay ku saxnaayeen sooo gudbinta Mooshinkaasi balse markii dambe ay u tanaasuleen danaha Dalka sida uu sheegay. “Adiga oo dalka ugu sareeyay hadii aad garan weyday in aad dalka u turto, inagaa u turnay oo Mooshinkii la laabanay balse weli way jiraan sababaha aan usoo gudbinay Mooshinka waxaana ku siinaynaa fursad aad qaladaadka aan tabaneyno ku saxdo” ayuu shegay Xildhibaan Odawaa.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Dalalka Turkiga iyo Israel ayaa isdhaafsaday weerarro saxaafadda ah kaddib markii ay Ankara ku eedeysay Israel HAYSASHADA dhulka Falastiiniyiinta, halka Tel Aviv ay iyaduna ku eedeeysay Turkiga xasuuqa Kurdiyiinta iyo HAYSASHADA Qubrus. Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu waxa uu weeraray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan kaas oo dhallinyaro Turki ah u sheegayey “Ha laadina cadawga aad dhulka dhigtaan. Ma tihiin Yahuudda joogta Israel.” Netanyahu waxa uu ugu jawaabay Erdogan: “Haysashada Waqooyiga Qubrus kaas oo ay ciidamadiisu gummaadaan haweenka iyo carruurta Kurdiyiinta ah, kudaha iyo dibadda Turkiga”, waxaa sidaas lagu soo qoray Twitter-kiisa Sabtidii. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga oo ka jawaabaya Twitter-ka Israel ayaa Axaddii yiri: “Netanyahu waa dilaa qarsoon oo waqtigan casriga ah.” Afhayeenka Erdogan ahna la taliyihiisa Ibrahim Kalin ayaa isna jawaab adag soo bixiyey. Waxa uu yiri afhayeenka: Netenyahu –“Ha joojiyo sharci daradda uu ku haysto dhulka Falastiiniyiinta iyo caburrinta adag ee uu ku hayo dadka Falastiiniyiinta ah,” halkii uu ka baryi lahaa Erdogan in uusan runta ka hadlin.” “Weerarka Erdogan ama u adeegsiga Kurdiyiinta guulo siyaasadeed kama badbaadin doonto dhibaatooyinka ka haysta gudaha,” ayuu Kalin hadalkiisa ku daray. Bilowgii bishan waxa uu Erdogan ku misaalay xadgudubyada ay Israel ku hayso Falastiiniyiinta kuwii ay Nazi-yiinta Jarmalka ku sameyn jireen Yuhuudda. Waxa uu sheegay in Falastiiniyiinta lagu hayo cadaadis, dagaal iyo cabsi galin iyo siyaasado aan ka dhibaato yareyn tii lagu samaeeyey Yuhuudda xilligii uu socday dagaakii labaad ee aduunka.” Turkiga waxa ay xiriirka u jareen Israel 2010-kii kaddib markii ay Yuhuudda ciidamadooda Kumaandooska ah ay waraareen Markab dagaal oo ay leeyihiin Turkida oo joogay meel u dhaw Marinka Qasa iyaga oo ku dilay sagaal Turki ah. Labada dhinac waxa ay hadana danjireyaal is weydaarsadeen 2016 balse waxaa markale safiirkeeda la soo laabatay Ankara bishii Maajo kaddib markii ay Militariga Israel Marinka Qasa ku dileen dibad baxayaal Falastiiniyiin ah. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
U/M/D 004/2018 Ujeedo: Baaq. Salaadiinta, Boqorada, UgaasyadaAqoon yahanka, waxgaradka Iyo dhamaan qaybaha bulshada ee uu ka kooban yahay Ururka Midnimada Direed (UMD) waxay bayaan ka soo saareen sadexda tuulo ee kala ah 1. Gadhamaytu 2. Cundhuftu 3. Cadhaytu Saddexdaas magaalo oo ay deganyahiin Beesha Ciise oo ka mid ah beelweynta Direed, kana tirsanaa ka hor 07/09/2014 degaanka ismaamulka somalida Ethiopia gaar ahaan degmada Ma’aysu ee gobolka Siti. Sidoo kale degaanadaas oo isku halka degmo ka wada tirsanas ka hor taariikhda kor ku xusan, balse lagu kala daray sadex degmo oo ka tirsan maamulka canfarta. . Magaalada Gadhaytu oo la raaciyay degmada Amibira ee maamulka canfarta . Halka magaalada Cundhuftu laga raaciyay degmada Gawaani ee maamulka canfarta . Magaalada Cadhaytu ayaa iyadana la raaciyay degmada Mille ee maamulka canfarta Dhulkaas oo aan umada degan ee somaliyeed habayaatee wax talo ah laga waydiin wareejintiisa, balse sifo baal marsan sharciga uu ku wareejiyey maamulkii u adeegayay xukuumadii hore ee talada gacanta ku haysay Hadaba anagoo ah Madax dhaqameedkii aqoonyahankii iyo waxgaradkii Beelaha Direed Waxaanu ka codsanaynaa Xukuumada Federalka ah ee dalka Ethiopia iyo Dawlad deegaanka Somali state In umada halkaa degan lagu soo celiyo deegaankii ay ka tirsanayeen ka hor 07/09/2014 ee Somali State, maadama dhulkaa lagu daray maamulka kale iyadoo aan sife sharci ah loo marin. Sidoo kale cabashooyinka ka jira Magaalada Diridhabe, dhulka la yidhaa Marmaasan dhulkaas oo ah dhul Soomaaliyeed ka hor 2017 hoos tegi jiray degmada Shiniile. Maadama deeganka aan loo marin sife sharciga waafaqsan loo marin wareejintiisa, dadka degaankana aan afti laga qaadin, waxaanu Xukuumada Federalka Ethiopia iyo Dawlada deeganka somalida ka codsanaynaa in dhulkaasna lagu soo celiyo degmadii aay hoos tegi jireen si xal loogu helo xaalada amni daro ee ka taagan magaalada Diridhabe deegaankaasina u noqdo mid xasiloon. Wa bilaahi towfiiq Stockholm, Sweden Ibrahim Ali Adan Gudoomiyaha Ururka Midnimada Direed Ibrahimadan@gmail.com Qaran News
-
The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) on Sunday strongly condemned the deadly explosions perpetrated by al-Shabab at a military checkpoint in Mogadishu earlier Saturday. An IGAD statement has quoted the Executive Secretary of IGAD, Mahboub Maalim, as saying, “We join the resilient people and the Federal Government of Somalia in condemning this horrendous act of terror, and send our sincere condolences to the families of the victims and wish a speedy recovery to the wounded.” Describing the murder of civilians, soldiers and journalists in the blasts as distressing, the Executive Secretary said, “Their bravery and defense of libertarian values against the dark forces of extremism will be remembered for long and will continue to inspire a generation of young men and women.” “The strength and determination of the people of Somalia will eventually triumph over these heinous purveyors of evil.” IGAD has reaffirmed its continued commitment to standing with the people and government of Somali in their effort to combat terrorism through the existing regional and continental mechanisms. In a statement later Saturday, the East African bloc said it follows closely the development in Somalia and “stands ready to support the ongoing regional election process that will lead to one man one vote by 2020.” The post IGAD condemns deadly explosions in Somalia’s Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wali ma hagagain amniga magaalada Muqdisho! Arrin la yaab ku ah bulshada Soomaaliyeed maadama dowladda iminka jirta laga filayey WAX WEYN in ay ka beddesho amniga dalka iyo gaar ahaan Caasimadda. Hase, ahaatee, muddada labada sano ku dhaw ee ay jirto xukuumadda Kheyre, qaraxyado waa sidoodii, dadka ku dhimanaya kama yara kuwii hore intii uusan dalka awooddiisa hayn haddii aysanba ka badneyn. Waa arrin sax ah in amniga dalka laga sugeyn in uu sugo shaqi, xukumad ama dowladda oo dhan, balse loo baahan yahay umadda oo dhan in ay gacan ka geystaan. Hase yeeshee, waxaa meesha ku jirta in maamulka talada markaa haya ay la yimaadaan Istaraatijiyad wax ku ool ah oo ay ku kasbadaan bulshada inteeda kale. Sidee lagu sugi karaa aminga Caasimadda? Waa weydiin adag balse hadana sahlan! Waayo, waxaa jira goobo ay dowladda amnigeeda si wanaagsan u sugtay sida Madaxtooyada ama Villa Somalia, oo dowladdii Xasan Sheekh dhowr jeer la weeraray.. Villa Somalia waxa difaaceeda wax laga badalay bishii Luulyo 2019, iyada oo lagu rakibay qalabto casri ah oo fududeeyey in aan lala haweysan gudeheeda falal amni darro ah ama qaraxyo ah. Waxyaabaha lagu xiray waxaa ka mid ah biro dhulka hoostiisa la galiyey oo baara baabuurta hootooda si ay ku ogaadaan in wax lagu soo xiray iyo in kale. Sidoo kale waxaa la galiyey qabalyo casri ah oo lagu hubiyo dadka iyo gaadiidka (Advanced Security System). Hadaba, maxaa diiday in qalabkaas in la dhigo goobaha ahmiyadda weyn u leh amniga caasimadda sida baraha kontorool ee laf dhabarta ah iyo meelaha ay bulshada ku badan yihiin, si ugu yaraan loo yareeyo halisaha ka dhalan kara qaraxyada? Waa xaqiiqo, in dhaqaale badan ku kacaan qalabkaas, balse sugida amniga iyo dhaqaalaha kee muhiimsan, oo dowladdu lacagi maku yartahay? Tusaale, magaalada Baqdaad aad ayaa muddooyinkii dambe loo adkeeyey amnigeeda waxaana hoos u dhacay qaraxyadii lagu leyn jiray shacabka badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com