Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaano Hoostago Deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Daacish uu ka dhacayay deegaanka ilaa xalay. Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka lagu dagaalamay ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 dagaal yahan ay iska dileen labada dhinac oo dagaal saacado qaatay uu ku dhexmaray deegaano hoostaga Ceelcadde. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii labada dhinac ay iclaamiyeen midba midka kale inuu dagaal ku qaadayo, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay uu sababay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac. Dhinaca kale waxyeelada dagaalka ayaa gaartay dadka shacabka ah, kadib markii labo ruux oo dhalinyaro ah meydkooda laga helay deegaanka Lahelow ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu dagaalamay. Magacyada wiilasha meydadkooda la helay waxaa lagu sheegay Cabdullahi Yuusuf Cismaan iyo Ibraahim Cabdi Diiriye waxaana marka la dilayay ay wateen mooto. Xaalada goobihii shalay ilaa xalay lagu dagaalamayay ayaa wali kacsan, waxaana dadka deegaanka ay bilaabeen inay ka baxsadaan goobaha lagu dagaalamayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Waxaa ku geeriyooday da’da 87 da Amiir Dhalaal Bin Cabdi Casis Aala-Sacuud, waa wiilkii 18aad ee aasaasaha Sacuudiga Boqor Cabdi Casis Aala-Sacuud. 1931-dii ayuu ku dhashay Dhaa’if, 1952 waxaa loo magacaabay wasiirka isgaarsiinta kadib waxaa uu qabtay wasiirka maaliyadda isaga oo sidoo kale noqday safiirka Sacuudiga ee Faransiiska. Haddaba, Amiir Dhalaal, Muxuu Sameeyey?! 1958-dii, isaga iyo 4 kale oo walaalihiisa ah waxaa ay aasaaseen dhaq-dhaqaaq ay ku dalbanayaan in boqortooyada loo sameeyo baarlamaanka iyo dastuur, iyaga oo codsaday in reer boqor ay xukunka ka fogaadaan, kadib waxaa lagala laabtay Baasaboorkii, iyada oo lala wareegay hantidiisa, waxaana loo masaafuriyey Masar. 2001-dii waxaa uu ka baxay hey’adda Beycada kadib markii Amiir Naa’if oo ah amiirka 23aad laga dhigay dhaxal-sugaha, isaga oo xukunka loogu diiday go’aanno uu horay u gaaray iyo sida uu u rabo dimoqoraadiyadda. Boqorka hadda ee Salmaan waa wiilka 25aad ee boqor Cabdi Casis, Dhalaal 18aad ah waa loo diiday inuu xukunka qabto, waxaana la xiray labo wiil uu dhalay, oo lacag xoog looga qaatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Riyaadh ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa dalka sacuudiga waxaa uga bilowday booqasho rasmi ah oo uu maalmo kujoogi doono halkaasi. Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa sidiirran u qaabilay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin, iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Xajka & Cumtrada Dr. Cabdilfataax Mashaad, Masuuliyiintan ayaa yeeyashay kulan saacado qaatay waxaana looga wada hadlay Arrimaha Xajka, iyadoo Wasiirka Awqaafta XFS laga dhageystay warbixinno kusaabsan arrimaha xajka sanadkii hore sida ay ahayd, waxyaabihii ka dhinaa iyo faa’iidooyinkii lagaaray. Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku hishiiyay in tirada dadka soomaaliyeed ee sanadka soo socda xajin doona lagu daro, Labo kun iyo Labo Boqol (2,200 ) oo xaaji, taas oo ka dhigan in tirada xujayda Soomaalida sanadkan noqota Kow iyo Toban kun iyo Shan Boqol (11,500 ) oo Qof, halka sanadkii hore ay aheyd, Sagaal kun iyo Sedex Boqol (9,300 ) oo Qof, sida uu sheegay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS. Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur ayaa sidoo kale sheegay in la isla-gartay in aad loo wanaajiyo adeegyada la siiyo soomaalida, haddey ahaan lahayd, deegaannada gaadiidka iyo cunnada intaba, iyadoo lagu ballamay in lada-dajiyo soo saarista Fiisayaasha xajka iyo adeegyada kale ee xajka. The post XFS Oo sheegtay in 2019-ka la kordhinayo Xujeyda Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Bujumbura ( Sh. M. Network )-Dowladda Burundi ayaa ka hortimid dalabkii Ururka Midowga Africa ee ku aadanaa in ay 1000 Askari oo ka tirsan Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, horaanta sanadka cusub ee 2019. Afhayeenka Milatariga Burundi Col l Floribert Biyereke ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay dowladda ugu baaqayaan in Ciidamada qoonda ahaan ku aada marka ay timaado qorshaha howlgalka Midowga Africa in ay xaq u leeyihiin qeybta ku soo aada ay Ciidamadooda ka soo saaraan Soomaaliya, halkii Ciidamada Burundi kaliya si gaar ah loo bartilmaamedsan lahaa. Khilaaf xoogan ayaa ka dhex taagan dowladda Burundi iyo sidoo kale Midawga Africa, kaas oo ka dhashay, kadib markii gudgoomiyaha Ururkaasi Muuse Maxamed lagu eedeEyay in uu taageero mucaaradka dalkaasi Burundi. War kasoo baxay Midowga Africa dhawaantani ayaa looga dalbay Burundi in ay 1000 Askari oo ka mid ah Ciidamadeda Soomaaliya ay la baxdo, ugu dambeyn 28 bisha Feberaayo ee sanadka 2019 –ka. taas oo ay haatan ay ka biyo diiday. Burundi ayaa ah dalka labaad ee Ciidamad ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas 5400 oo Askari, halka Uganda ay ka joogaan 6000 oo Askari. The post Burundi Oo ka hortimid in Soomaaliya ay kala baxdo Ciidamadeeda appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimda Online)-Dowladda Burundi ayaa si cad u sheegtay in ciidamadeeda aysan kala baxeynin gudaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya. Saraakiil u hadashay dowladda Burundi ayaa sheegay in ciidamada Burundi ee kusugan Soomaaliya ay ka baxayaan dalka marka dhamaan dalalka ciidamada ay ka joogaan Somalia ay bilaabaan in ciidamadooda ay ka saaraan Somalia. Go’aanka askarta Burundi looga saarayo Soomaaliya waxaa soo jeediyay Midowga Africa, waxaana afhayeen u hadlay dowladda Burundi uu sheegay in go’aankaasi kaliya uu saameynayo ciidamadooda Jooga Somalia. Afhayeenka ciidamada Milatariga Dalka Burundi oo lagu magacaabo Floribert Biyereke, ayaa sheegay in Burundi aysan 1,000 ka mid ah Askarteeda ka saareyn Soomaaliya Waxaana uu sheegay in Burundi kaligeed ay hal mar Kun askari ka saarto Soomaaliya aysan soconeyn. Midowga Afrika sarkaal ka tirsan oo diiday in magaciisa la sheego ayaa yiri “Ciidanka Burundi waa kuwa mushaar aad u yar ku qaata dalkooda, AMISOM ayaa u mushaar badan, sidoo kale aad uma qalabeysna, ciidanka Burundi”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ku fulisay C/qaadir Abuukar Shaacir oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Ninkan oo horay loo xukumay ayaa waxa ay Maxkamaddu sheegtay in Al Shabaab uu u qaabilsanaa in Gawaarida Qaraxyada uu dhigo melaha bartilmaamedkooda ah. Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa tilmaamay in C/qaadir Abuukar Shaacir uu ahaa shaqsigii ka dambeeyay Gaari siday qaraxyo oo la dhigay agagaarka xarunta Wasaaradda amniga gudaha ee magaalada Muqdisho Ciidamada amniga ayaa la sheegay in ninkani Bishii May ee sanadkani ay ka soo qabteen degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir. Inta baan Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku rida xubnaha ka tirsan Al Shabaab ee ay soo qabtay Ciidamada amniga Soomaaliya. The post Maxkamadda CQS Oo saaka fulisay xukun dil Toogasho ah appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan. Guddoomiyaha ayaa dhageystay talooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen,waxayna Xubnaha guddiga si wadajir ah u qireen in howlo badan ay guddiga u yaallaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto. “Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Mursal. Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux). The post Guddoomiye Mursal Oo la kulmay Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan. Guddoomiyaha ayaa dhageystay talooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen,waxayna Xubnaha guddiga si wadajir ah u qireen in howlo badan ay guddiga u yaallaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto. “Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Mursal. Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux). Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Balcad ( Sh. M. Network )-Illaa saddex ruux ayaa ku Geeriyootay, tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal Beeleed shalay gelinkii dambe ka qarxay deegaanka Buku Rarka Dhiiqaaley oo u dhexeeya deegaanada Gololey iyo Cadayga oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalkan oo xalay soo gaaray ayaa dadka dhintay waxaa ku jira Wiil yar, wuxuuna ka dhashay muran la xariira arrimo ku saabsan deegaameysi iyo aanooyin horay u soo jiray. Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa saaka ku baxay colaadaasi, si ay u kala dhexgalaan Maleeshiyaadkaasi, waxaana weli muuqata in halkaasi ay ka jirto xiisad xoogan. Deegaanada lagu dirirayo oo ah dhul Beereed baaxad leh ayaa in muddo ah waxaa ka jiray khilaaf u dhexeeyay Beelahaasi walaalaha ah ee wada daga halkaasi. The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-241218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Ibrahim M Mead Hargeisa Somaliland December 23, 2018 How Ethiopian Hegemony affect on weaker, divided Somalis. The great sucking sound coming from the South, from thie ambitious Prime Minister of Ethiopia is a cause for concern. It may be win, win proposition for all or it may be not ! The author is not sounding an alarm of “be aware” but the Somalis must understand what is going on around them before they did what Faramajo of Mogadishu did. If the Somalis do not understand right what is happening around them they will live the consequences of their missteps or mistakes forever. What is happening in the Horn is consequential thus understanding what it entails is warranted in my opinion. What is hegemony? “Hegemony is when stronger state imposes dominance on weaker state or states in which the hegemon (leader state) rules geopolitically” (From Wikipedia, the free encyclopedia) the leader state applies its interest to the subordinate states by the implied means of power, the threat of force, rather than by direct military force, and that is what is happening in the horn of Africa whereby Ethiopia is the hegemon-the leader state, and the Somalis in the Somali peninsula are the subordinate states. “Socially powerful people use their influence to convince less powerful people it is in their best interest to do what is actually in the most powerful people’s best interest”. This scheme, hegemony hastening by the new prime Minister of Ethiopia with his new found Eritrea President is applied to Somalia and Somaliland in two different ways. In the case of Somalia it is applied from top down whereby in Somaliland it is happening in a discreet, steady fashion which is “bottom-up, people to people relationship” How hegemony works Hegemon exercises leadership, either through diplomacy, coercion, or persuasion, it is actually deploying its “preponderance of power.” This is called hegemony which refers to a state’s ability to “single-handedly dominate the rules and arrangements [of] international political and economic relations. (See the activities and a new found relationships between the Gulf states and Ethiopia) We saw all these were happening in Somalia. This happened by means of “top-down relationship” Subordinate states either give “unwilling consent” or “voluntary consent” to the social logic imposed on specific issues by the strong states. Accordingly, social forces that commence within the powerful states soon spillover into weak states, and the policy implications or adaptive mechanisms that accompany them imposed upon or integrated into the political economy of these weak states. The socio-political developments produced by the dynamics of the economic system in turn generate institutions and policy changes that determine world orders (Colclough, & Manor, 1991; United Nations Research Institute for Social Development (UNRISD), 1995; Toulmin, 1992). In the relationship of the hegemon and the subordinate state or states the Subordinate states either give “unwilling consent” or “voluntary consent” to the wishes of the hegemon. That is precisely what the Ethiopian prime Minister dictated to the (weak) President of Somalia recently and the later willingly or otherwise accepted all the laundry list given to him!! Accordingly social forces that initiated by the hegmon, the powerful state, will soon spillover into the weaker Somali states. The integration of the peoples of the region proposed and initiated by the hegemon state, Prime Minister of Ethiopia proposed to Farajo, of Mogadishu, Somalia, where by Faramago of Mogadishu of Somalia abided! That is voluntary consent. The policy implications or mechanisms adapted upon or integrated into the political economy of the (Somalis) weaker states will manifest itself in the vision of greater Abyssinia dream the present prime Minister of Ethiopia is foreseeing and acting upon in haste! However peace, justice and prosperity for all Ibrahim M Mead Meadgd@gmail.com Qaran News
  12. Oraah Caan baxday ayaa ahayd “Aduunku Maa Maadeys, Dadkuna Waa matalayaan! – Dalka waxa uu ka soo baxay laba toddobaad oo xasarado iyo xasillooni darro siyaasadeed oo uu ku jiray kaddib markii ay tiro xildhibaanno ah MOOSHIN ka soo gudbiyeen Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Wuu buray mooshinkii, hase ahaatee, laba jeer oo ay saxaafadda la hadleen Xildhibaanadii Mooshinka keenay waxa ay ku sheegeen laba arrimood oo aan is qabaneyn. Markii ay mooshinka keeneen waxay yiraahdeen “Madaxweynaha waxaan Mooshinka uga keennay Qayaanno Qaran oo uu galay”, markii mooshinka ay ka laabteenna “Danta dalka ayaan u tannaasulnay” Waa wax wanaagsan in la’isu tanaasulo, waa dhabbe wacan oo ay fureen mudaneyaasha baarlamaanka ee mooshinka waday maadama aan Soomaaliya arrin ceynkaas oo kale ah looga baran. Hase ahaatee, waxaa su’aal mudan oo ay tahay in ay ka jawaabaan – Madaxweyne Qayaano Qaran galay maloo tanaasulaa? Goormaad saxan tihiin, ma markii hore ee aad soo eedeyseen Madaxweynaha mise maanta oo aad ka tanaasusheen in aad ku ciqaabtaan Madaxweynaha Qayaanada Qaran? Waxaa cajiib ah, in labada jeer ee ay xubnihii koobnaa ee Mooshinka ka keenay Madaxweynaha ee ay fariisteen ku soo saareen isla bayaan iska hor-imaanaya! Soomaali jawaab ayey idinka rabtaa! 9-kii bishan ayey tiro xildhibaanno ah mooshin ay ku sheegeen in ay saxiixeen 91 Xildhibaan ka gudbiyeen Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay ku eedeeyeen QIYAANOOYIN QARAN. Waxaa dhacay dibad baxyo ballaaran oo ay shacabka arrintaas uga gadoodeen, sidoo kale culumaa u diin, ganacsato, ururada bulshada iyo siyaasiyiinta dhexdhexaadka ah ayaa ka dhiidhiyey oo ka digay cawaaqibxumada ka dhalan karta mooshinkaas. Labada toddobaad ku dhawaad oo uu dalka fowdo siyaasadeed galay, isla xildhibaanadii mooshinka keenay ayaa sheegay in ay ka laabteen arrinkaas oo ay u tanaasuleen danta dalka!. Waxa kaliya ee ii muuqda ayaa ah in xildhibaanada markii horeba aysan daacad ahayn, oo ay madaxweynaha ku haysteen wax aan jirin oo ay soo dhoodhoobeen, haddii sidaas aysan ahaynna, qiyaanada qaran ayay qeyb ka yihiin. Xildhibaanada waxay muujiyeen wejigooda dhabta oo ah fowdo iyo dhibaateyna dalka. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, United States Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. Jowhar (Caasimada Online)-Dagaal xoogan oo bilowday gelinkii dambe ee shalay ayaa ka dhacay deegaano hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dagaalada ay socdeen saacado badan. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in deegaanka Qalimow ee duleedka dhanka Koofureed ee magaalada Jowhar uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada xooga dalka iyo maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka. Xaaladda dagaalka ayaa sii korortay kadib markii Maleeshiyaad kale oo fariisin ku lahaa duleedka deegaanka Qalimow ay ka shakiyeen rasaasta ayna u qaateen inay yihiin maleeshiyaad kale oo uu dagaal kala dhaxeeyay iyaga oo ku biiray dagaalka oo seddex geesood noqday. Inka badan shan ruux ayaa ku dhintay dagaalka ka dhacay deegaanka Qalimow, waxaana saraakiisha ciidamada xooga oo ku sii jeeday magaalada Jowhar la sheegay inay gacanta ku dhigeen rag maleeshiyaadka kamid ahaa, kuwaasi oo loo kaxeeyay magaalada Jowhar. Shakiga ugu badan ayaa ka jira wadadaasi, waxaana meel ku dhow degmada Balcad ku sugan ciidamada Al Shabaab oo inta badan wadada u gala ciidamada dowladda iyo madaxda Hirshabeelle ee mareysa wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar. Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda weli kama hadlin dagaalkaas ka dhacay duleedka tuulada Qalimow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  14. Xildhibaanno mar kale eedeyn kulul u jeediyay Farmaajo Xlidhibaannadii dhawaan soo gudbiyay soo jeedintii ka dhanka ah aheyd madaxweynaha dowladda Soomaaliya, laakiin sheegay in ay ka tanaasuleen soo jeedintoodii xil ka qaadista, ,ayaa mar kale eedeyn u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen Odawaa oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in tan iyo markii la doortay uu mashquul ku ahaa sida uu hadalka u dhigay carqaladeynta maamul gobolleedyada dalka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiin Soomaaliyeed. ‘’Madaxweynaha hadda tallada haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda uu hoggaamiyo oo ku dhaw dhaw Labo Sano waxaa uu mashquul ku ahaa weerarrada maamul gobolleedyada isaga oo ku bilaabay Cali Cabdullaahi Cosoble, wuxuu ku xejiyay Xaaf, ugu danbeyntiina Shariif Xassan Sheekh Aadan’’ ayuu yidhi xildhibaan Odawaa oo ka mid ahaa xildhibaanno dhowr ah oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho’’ Eedeymaha sidoo kale xildhibaannada ay u jeediyeen madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa weerarro lagu qaaday siyaasiyiinta, sida C/raxmaan C/shakuur, weerarkii Cabdi Qeybdiid, sidoo kalana u gacan galiyay dowladda Itoobiya Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax. Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in dowladda hadda jirtay ay soo kordhisay wax loogu yeedho sida uu hadalka u dhiggay {Gar iyo Gardaro} oo xilka looga tuuray ayuu yidhi guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari. Waxaa kaloo eedeymaha ku jirtay kala diridii Guddiga Maaliyadda oo ay xuseen xildhibaannadu in aysan dhicin mid la mid ah illaa sanadkii 2000 oo la soo dhisay dowladdii Carte in la kala diro Guddi Baarlamaani ah, oo soo bandhigay warbixin musuq maasuq iyo lacago maqan, meeshii la filayay inay jawaab ka bixiyaan ay sababtay in ay kala diraan Guddiga Maaliyadda, lana soo saaro warqado sharci darro ah. ‘’Madaxweynuhu waxaa uu magaalada Baydhabo isaga oo adeegsanaya ciidamo shisheeye uu ka soo afduubay Mukhtaar Rooboow Abuu-Masuur oo aan ognahay in uu isaga laftiisa siiyay Basaboor Diblomasi ah, una diray magaalada Baydhabo ‘’ laakiin markii uu ka waayay danihiisa si qasab ah u soo xidhay’’ ayuu yidhi Cabdiraxmaan Odawaa. Ugu danbeyntii xildhibaannada ayaa shirkooda Jaraa’id waxaa ay ku sheegeen in sababta ay mooshinka uga laabteen tahay in ay u tureen danta dalka iyo dadka, madaama uu garan waayay ayeey sheegeen madaxweynuhu in uu dalka badbaadiyo. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan sheegay in xildhibaannadii keenay soo jeedintii xil ka qaadista madaxweynaha ka tanaasuleen mooshinkii ay soo gudbiyeen, isaga oo uga mahad celiyay tanaasulka ay sameeyeen. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka toogatay ruux la sheegay inuu ahaa kuwa gawaarida qaraxyada ku xiran yihiin dhiga goobaha ay shacabka ku badan yihiin. Ruuxaasi ayaa magaciisa lagu sheegay C/qaadir Abuukar Shaacir, waxaa la sheegay inuu Al Shabaab ka tirsanaa una qaabilsanaa in gawaarida qaraxyada ku xiran yihiin uu dhigo waddooyinka iyo goobaha dadweynaha ku badan yihiin. Ninkan waxay Ciidamadda Ammaanku ku qabteen Bishii May ee Sannadkan Degmadda Xamarwayne xilli uu halkaasi dhigay Gaari Qarax ah, Sida saraakiisha ciidamada qalabka sida ay sheegeen. Sidoo kale C/qaadir Shaacir waxaa la sheegay inuu ahaa Shaqsigii dhigay Gaariga Qaraxa ah Agagaarka Wasaaradda Amniga Qaranka, kaasi oo dad badan ay ku dhinteen sanadkii lasoo dhaafay. Toogashada ayaa waxay ka dhacday Fagaaraha Dugsiga Sare Booliska, waxaana dilkaan uu nonayaa midkii ugu horeeyay oo ruux ka tirsan Al Shabaab una qaabilsan dhigida gaadiidka la toogto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Sunaami ku dhufatay goob bandhig-faneed ka socday dalka Indonesia iyo fannaankii oo isla madashii ku geeriyooday Ka daawo Halkan warkaas oo Muqaala:- Qaran News
  17. Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Somalia waxay Saakay oo Isniin ah ay Toogasho ku fulisay C/qaadir Abuukar Shaacir oo ka tirsanaa . Cabdiqaadir ayaa Alshabaab u qaabilsanaa inuu Gawaaridda Qaraxyadda ah dhigo Goobaha ay Al-Shabaab ay weerarayaan. Ciidamada amaanka ayaa ninkaan waxaa ay qabteen Bishii May ee Sannadkan waxaana ay ka qabteen Degmadda Xamarwayne xilli uu halkaasi dhigay Gaari Qarax ah. Maxkmada ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in ninkaan uu ahaa shaqsigii dhigay gaari qarax laga soo buuxiyay oo Al Shabaab ay ku weerareen xarunta wasaarada Amniga ee Muqdisho. Faah faahin dhameeytiran dib kala soco. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo saakay dil ku fulisay nin katirsanaa Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Waqti aad u yar ayaa ka harsan doorashada Madaxtooyada mamaulka Puntland, xilkaas oo ay iu tartamayaan ku dhawaad 30 musharax. Shaki kama taagna in doorashada Puntland ee sanadka soo socda tahay tii ugu xiisaha badneyd ee abid ka dhacda Maamulkaas iyo guud ahaan maamul goboleedyada Soomaaliya, marka la eego loolanka wajiyada badan ee ka jira una dhexeeya Nabad iyo Nolo, kooxaha ka soo horjeeda, Imaaraadka iyo Qadar oo kala taabacsan. Waxaa aad loogu jahwareersan yahay musharaxa ay Nabad iyo Nolol la dooneyso xilkaas balse waxaa jira siyaasiyiin dhawr ah oo la tuhmayo sida; Faarax Cali Shire, Jabiye, Asad Diyaano, Saadaq Eenow iyo ENG Camey oo aan wali shaacin musharaxnimadiisa. Dhinaca kale waxaa jiray shaki laga qabay in kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay iyaguna gaaal ka riixayaan musharax si uu lafdhuun gashay ugu noqdo Nabad iyo Nolol marka uu soo boxo. Markii hore waxaa la amainsanaa in mucaaradka uusan jirin mid gaar ah oo ay wataan balse ay dagaal kula gali doonaan dowladda haddii ay sida Koonfur Galbeed shaaciso dhookheeda, hase ahaatee, waxaa hadda Caasimada Online ay u xaqiijiyeen mas’uulin ka kala tirsan xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka iyo kooxda ol’olaha Siciid Cabdullahi Deni in uu musharaxaas yahay ninka ay awoodooda isugu geeyeen in uu soo boxo. Deni markii hore waxaa la aamisanaa in uu dowladda dhineceeda yahay balse waxaa la xaqiijiyey in uu gacan saar la leeyahay Imaaraadka oo uu dagan yahay. Xiriika ka dhexeeya Deni, Roobow iyo Axmed Madoobe Sida xafiiska Caasimadda Online ee magaalada Garowe ay xogta ku heleyso waxaa jira sil salad isku xireysay Roobow oo ahaa musharaxii ugu cad caddaa Koonfur Galbeed kahor inta aysan dowladda soo xirin oo uusan doorashada ku guulaysan Lafta-gareen, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe – hoggaamiyaha Jubbland oo ah in saddexda maamulba lagula dagaalamo Nabad iyo Nolol oo hiiliyo Mucaaradka gaar ahaan xisbiga Xassan Shiekh. Ilo wareedka u warramay Caasimadda Online ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu u sheegay madaxda xisbiga Midowga nabadda iyo Horumarka haddii ay ku guuleystaan doorashada Puntland uu u keeni doono Roobow oo ay saaxiibo yihiin, waa haddii uu ku soo baxo doorashada Koonfur Galbeed, inkastoo markii dambe la xiray Roobow.! Lama saadaalin karo wax aka soo bixi doona doorashada Puntland maadama Gaas wali ka mid yahay musharixiinta, Cumar Cabdirashiid isa soo sharixi karo iyo Camey oo dhaqaale xoog leh ka helaya Nabad iyo Nolol. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  19. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa wada kulamo lagu xalinayo qiaafka Baarlamaanka. Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa kula kulmay guddiyaa Baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiya ayaa isku dayaya in uu xaliyo qilaafkii ka dhashay kala diristii guddiga maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiyaha ayaa wali ku dhagan go aankiisa diidmada ahaa ee kala dirista guddiga maaliyada. Dhowaan ayaa xal laga gaaray qilaafkii u dhaxeeyay madaxda sare ee dalka oo ku aadanaa mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku howlan xalinta qilaafka Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  20. Dhawaan waxa ay doorasho wajiyo badan lahayd ka dhacday magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Doorashadaas waxa ay go’aamineysay mustaqbalka loollan ee saddexda kooxood ee ku hardamaya talada dalka; Nabad iyo Nolol, dowlad Gobollleedyada iyo kooxaha mucaaradka ah. Kooxahaas midba hadaf gaar ah ayey doorashada ka lahayd, hase ahaatee, maadama aysan gari laba ka wada qoslin waxaa libinta yeeshay Xukumadda talada haysa ee ‘Nabad iyo Nolol’. Ujeedkii Nabad iyo Nolol Caadiyan, Xukumadda hadafka ay doorashada Koonfur Galbeed ka lahayd waa mid cad, helidda hoggaan ay isku aragti ka yihiin mamaulka iyo mustaqbalka dalka iyo waliba doorashada soo socota ee 2021. Maamul Gobolledyada Walow dhammaantood ay ku wada jiraan, inta badan ol’iole dib u soo noqosho, hadana, Koonfur Galbeed waxa ay u ahayd cabbir “Litmus Paper” ay ku qiimeyn karaan rejadooda soo laabasho. Waxa ay kula dagaalameen dowladda si ay uga weeciyaan in ay farogaliso oo ay saameyso waxa meesha ka socday ugu yeelato si uusan u soo bixin musharixii ay wateen, yeelkeede, taas waa looga adkaaday. Kooxaha mucaaradka ah Wax badan kama aysan aragti duwaneyn hadafkii ay lahaayeen Maamul Gobolleedyada oo ay waxa ay ka ahayd “Cadawgaaga, cadawgiisa waa saaxiibkaa!” Qudhooda waxa ay wateen sida ay xogo hoose sheegayaan musharax, gaar ahaan xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumaraka ee uu hoggaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud, balse wey ku hungoobeen. Iyagu, waxa ay ka cararayeen in Nabad iyo Nolol ku dhaliso goolka kowaad ee doorashada 2021-ka. YUU SOO GAARAY KHASAARAHA UGU DARAN? Labada dambe khasaaraha isku si ayuu u sameeyey balse waxaa sii daran Maamul Gobolleedyada oo uu ka bur buray golihii Iskaashiga ee ay dhiseen. Sidoo kale, waxaa meel cidlo ah ku soo dhacay hoggaamiyeyaashii hayinka u ahaa Cabdiweli Cali Gaas oo ku soo kaarto baxay balse hadda laftiisa uu xaalku ku xun yahay. Haddii uu Gaas doorasho galayo, oo aan la hubin soo laabashadiisa, su’aasha ayaa ah halkee ayuu xaalkooda ku dambeyn doonaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Jubbaland Axmed Madboobe? Dad badan ayaa qaba, in sheekadu ku dambeyn doonto, “Ninkii Walaalkii loo xiirayoow, adna soo qoyso!” W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. In ka badan 35,000 oo qof oo aan dowladda si toos ah ugu shaqeyn ayaa la rumeysan yahay in haystaan kaararka aqoonsiga dowladda. Ugu yaraan 500 oo qof oo aan madaxtooyadda ka shaqeyn ayaa heysta kaararka madaxtooyada kuwaas oo isugu jirra la-taliyayaal, iyo shaqaale kale. Waxaan indhaheyga kusoo arkey shaqsiyaad caadi ah oo heysta kaararka madaxtooyada oo aay ugu qoran tahay waa la-taliye ra’iisal wasaaraha ee arrimaha saas iyo saas. Sidoo kale la-taliye xaafiiska madaxweynaha. Waxaa sidoo kale kaararka lagu qaataa ama lagu haystaa la-taliyayaal wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno, la-taliyayaal agaasime iyo agaasime waaxeedyo iyo wixii la mid ah. Waxaan arkey intaan Xamar joogey shaqsiyaad haysta kaararka wasaaradda gaashaandhigga, nabad sugidda iyo booliiska.. Waxaas aan sheegey oo dhan waxaa sameeya shirkad oshaqsiyaad leeyihiin oo halkii kaar ku sameeya ugu yaraan 10 dollar. Waxaa lagu sameeyaa saddex meelood oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama. Intaas oo shacab ah oo kaararkaas wata waxay soo maraan waddada Sayidka halkaas ayeyna kaga soo gudbaan baaritaanada. Dadkaas kaararkaas kaliya ayey tusaan askarta hadana baabuurtooda lama baaro! Waxaas oo qatar ah waxaa la iska rabaa in laga hortaggo, su’aashayduna waxeey tahay yaa ka hortagi kara? Amnigu waa noo wada muhiim! W/Q: Cali Yaasin
  22. Dawladda Sacuudiga ayaa 12-kii bisha 12-aad ee sanaddkan 2018 marti galisay shir ay isugu yimaadeen wasiirada Arrimaha Dibada ee wadamada kullaala bada-cas iyo gacanka cadmeed, shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii loo yagleeli lahaa isbahaysi cusub ay wada yeelanayaan wadamada gal biyoodkan wadaagga, todoba dal oo ka mida ah sagaalka wadan ee wadaagga bada cas iyo gacanka cadmeed ayaa ka qayb galay kulankaas kuwaas oo kala ah: Masar, Urdun, Suudaan, Jabuuti, Soomaaliya ,Yaman iyo wadanka martida loo ahaa ee Sucuudi Carabiya. “Tani waxa ay imanaysaa ka qayb ahaanshaha dedaalada boqortooyadu doonayso inay ku ilaaliso danaheeda iyo danaha jaarkeeda iyadoo sidaa loo yeelayo dagenaanshaha mandiqadan aan ku noolnahay iyo in la isku dayo sidii dhidibada loogu taagi lahaa wadajirka dowladaha kala duwan” sidaa waxa yidhi wasiirka arrimaha debada dalka sucuudiga mar uu sharaxayay midhaha laga filayo gaashaanbuurtan cusub. Isbahaysigan cusub ayaa ku soo beegmaya xili hirdanka awoodeed ee gobolkan ka jiraa sii xoogaysanayo. Marinkan ayaa ah mid mihiimad laxaad leh u leh ganacsiga caalamiga ah iyada la tilmaamo in ay ka gooshaan marinkan 2.5% saliidda qaydhin ee caalamka loo iib geeyo. Sanadkii la soo dhaafay China waxay dekada jabuuti ku kordhisay aag ganacsi oo ku kacay adduun lacageed oo dhan 600 Milyan, maal galintan china ayaa waxay qayb ka tahay qorshe waddo ganacsiyeed riyo ahaa oo xaqiijintiisa hada uun ay bilaabeen kaasoo ay ku magacaabaan Jaynuhu (China) Hal Wado Iyo Hal Suun (One belt one road). Arrinta ayaa ah in China ay soo celiso dariiq ganacsiyeed xadaaradihii hore ee China muhiim u ahaa kaa soo ah marin biyood isku xidhaya laga bilaabo dakada bakistaan ee gawaadir ee China ay dhisanayso la soo mariyo bada carbeed ilaa laga soo gaadho markinka Baabal-Mandab iyo bada cas kaasoo isna ku aadan qooriga Suways ee dalka masar si kadibna ay halkaa kaga xidhmaan qaarada yurub. Jabuuti waa wadan yar oo ay ku yaalaan saldhigyada milateri ee qaar ka mid ah quwadaha adduunka ugu xoogga wayni, China waxa ku soo daawanaya meesha Maraykan, Faransiis, Jabaan iyo Iiraan oo dhammaantood saldhigyo mileteri ku leh wadankan, reer galbeedka waxay u xusulo duubteen inay isbalaadhinta ganacsi iyo ta mileteri ee China-ha caqab ku noqdaan taasoo keentay in maraykan istaraatiijiyada koobaad ee loolanka dunida oo markii hore ahayd la dagaalanka waxa ay ugu yeedhaan argagixisada ku bedelaan loolanka adkaysashada hogaaminta caalamka oo ah in ay xakameeyaan awoodaha China iyo Ruush. Dhammaan quwadahan waawayni ma aha kuwo ka madhan joogitaanka gobolka marka ay ugu yartahay waxa ay ku wada joogaan xeebaha soomaaliya la dagaalanka budhcad badeedda, sidoo kale awoodaha gobolka ayaan iyaguna ka madhnayn saaxada, wixii ka dambeeyay intii isbahaysiga Sucuudigu hor kacayaa weerarka ku qaadeen kooxaha Xuutiyiinta ee dalka Yaman oo taageero ka hela Iiraan, waxa jiray hadal hayn ah in amniga wadamada carbeed yahay mid ka dayacan dhinaca koonfurta kadib markii wadamada Turki iyo Iiraan kaga gaalan gal bateen bariga Afrika taasina ay jiritaankooda khatar ku tahay. Warbaahinta Carbeed ee ku hadla af xukuumaddahooda intooda badan iyo kuwa madaxabanaaniba marka ay ka hadlayaan joogitaanka Turkiga ee soomaaliya waxay adeegsadaan erayga ‘Gumaysi’ iyo in saldhigga miletari ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho yahay khatarta ugu wayn ee ka soo food saartay dhinaca koonfureed, taasi waxay keentay in wadanka Imaaraadka Carabta oo dabcan ay ku wada socdaan Sucuudiga iyo Masar uu saldhigyo mileteri ka samaysto Jasiirada Soqodra ee dalka Yaman, magaalo xeebeedyada Yaman ee kala ah Caden, Mokalah iyo Mokah. Waxa jirta iyana in saldhigga mileteri ee ugu wayn ee Imaaraad leeyahay inuu ku yaalo wadanka Ereteriya magaalo xeebeediisa Casaba, Berbera oo ah maagaalo istaraatiijiya ayaa iyana la filayaa in Imaaraad ka hirgashado saldhig militari ka dib markii shirkad dalkaa laga leeyahay ay la wereegtay maamulidii dekada Berbera. Sidoo kale kama madhna xaaladda taagan xifiiltanka uu dhaliyay biyo xidheenka Ethiopia ka dhisanayso biyaha wabiga Niil ka dib markii dawlada Suudaan ay si mafsuud ah u soo dhawaysay mashruucan biyo xidheenka iyo in barwooqo uu u horseedi karo gobolka bariga Afrika oo Suudaan u horayso, Masar oo iyadu garab ka wayday dhammaan wadamada wadaagga biyaha niilka si mashruucan biyo xidheenka loo joojiyo ciidamo ayay u daabushay saldhigga milatari ee Imaaraatka ku leeyahay Ereteriya si ay Suudaan ugu cadaadiso inay joojiso taageerada ay u hayso hirgalinta mashuuraca biyo xidheenka, taa badalkeeda Suudaan waxay kaga jawaabtay in Qadar maamulka dekada ugu wayn dalka Suudaan la wareegto, jasiirada istaraatiijiga ah ee Sawaakin ay ku wareejiso dawlada Turkiga oo xiligii cusmaaniyiinta ay u ahayd saldhig, hawsha dib u camirida jasiirada Sawaakin waxa iyana ka mid ah in saldhig milatari Turkidu ka dhistaan halkaa. Sucuudi Carabiya badanaa marka ay doonayaan inay saamayntooda awooddooda siyaasadeed muujiyaan waxay caan ku yihiin adeegsiga hantida lacageed ee ay haystaan taas oo macnaheedu yahay inaan si quman looga baaraan dagin talaabooyinka la qaadayo ee la xidhiidha is muujinta boqortooyada natiijadeeduna noqoto in ay fashil ku dhammaadaan, waxa fashil ku dhammaaday is bahaysigii weerarka ku qaaday 25 March 2015 wadanka Yaman ee la baxay dabayshii midwoga (عاصفة الحزم)oo warbaahinta wadamada xubnaha ka ahaa hawada wareejinayeen in dagaalkan haduu ugu bato sii socon doono muddo hal sano ah. Hiyi kac Sucuudi hor boodayo oo ahaa urur isbahaysi difaac oo ka alkuman bariga dhexe laguna waday in loogu yeedho NATO-da carbeed kaas oo uu dabada ka riixayay Maraykanku ujeedada ugu wayn ee qaar ka mida wadamada carbeed u doonayeen is bahaysigana ahayd in ay kaga hortagaan isbalaadhinta Iiraan, qorshahan ayaa ugu dambayntii fashil ku dhammaaday ka dib markii lagu kala qaybsamay mabaadii’da uu u taaganyahay maxaa yeelay wadamada Qadar iyo Cumaan lama qabaan dalalkaa kale in Iiraan ay khatar ku tahay iyaga. 15 bishii diisamber 2015 ayay ahayd markii magaalada Riyaad ay isugu yimaadeen wadamo badan oo muslim ah, tiro ahaanna dhammaa 40 iyo hay’addo madax banaan oo islaamiya sida Jaamacadda Azhar iyo ururka iskaashiga islaamka, kulankaa waxa lagaga dhawaaqay inuu ka soo baxay samaynta is bahaysi balaadhan oo loo bixiyay ‘Isbahaysiga Islaamiga ah ee La Dagaalanka Argagixisada (التحالف الإسلامي العسكري لمحاربة الإرهاب) si ay uga hortagaan dhibaato la sheegay inay ku hayso argagixiso. Ururada Ikhwaanul Muslimiin, Xamaas iyo Xisbulah liiska argagixisada meelaha ugu horeeya ayay ugu jiraan dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar, halka hoyga kaliya ee ay ku nabad galaanna yahay wadamada Turkiga iyo Qadar, shabakada wadaadka Turkiga ah ee Fatxula Goolaan iyo jabhadaha kurdiyiinta ee PKK argagixiso ayay u yihiin Turkida, wadamada Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar-na waxay u arkaan inay yihiin urur dacwad diiniya wada iyo jabhad xuquuq gobonimo doon ah u dagaalamaysa. Tani waxay ka dhigantay wadamada ku heshiiyay argagixiso la dirirku in aanay isla aqoonsanaynba yaa argagixiso ah, isbahasigan inuu shaqeeyo iska daayee in si rasmi ah loo soo hadal qaado waxa ugu dambaysay maalintii la aas-aasay waana mid lagu macneeyay natiijo ka dhalatay fashilka habqanka go’aan qaadashada istiraatiijiyadeed ee dalka Sucuudiga. Yeedhmada Sucuudiga markan maaha is muujin la xidhiidha awoodda siyaasadeed oo kaliya ee waa in la ilaaliyo danaha dhaqaale ee kaga xidhan marin biyoodkan, waxa jira mashruuc dhaqaale oo baaxaddiisa leh kaasoo ay Sucuudiga kuwada jiraan wadama Masar iyo Urdun kuna kacaya adduun dhan 500 oo bilyan oo doolar lagana hirgalinayo deegaanka xeebaha bada cas iyo in magaalooyin dalxiis heerkoodu sareeyo laga dhiso wajiga hore ee xeebaha bada cas ee dhinaca Sucuudiga, kama madhna meesha isku day cusub oo Masar iyo Sucuudi ku doonayaan inay yareeyaan joogitaanka Turkiga ee mandaqadda, wasiirka arrimaha dibada ee Sucuudiga Caadil Al Jubayr mar uu ka hadlayay arrinkan ayaa waxa uu yidhi: “Mar kasta oo uu bato iskaashiga iyo wadashaqaynta dowladaha mandiqaddu waxa yaraanaya saamaynta taban ee shisheeyaha”, ku qanacsanaanta Sucuudiga wadamada qaarkood colaaddo halakeeyeen qaarna ay saldhigyo u yihiin quwado shisheeye, kuwa kalena wadamo aan carab ahayn garabkooda koobaad yihiin iyo danaha is diidan ee urur goboleedyo ay ka kala tirsanyihiin sida ka dalaka khaliijka iyo kan bariga Afrika ee IGAD, ku qanacsanaanta Sucuudigu ku samaynayo isbahaysi ciidan, dhaqaale, bulsho iyo mid siyaasadeedba oo ay wada yeeshaan dalalkani dad badan oo arrinkan daba-galay waxay ugu muuqataa in Sucuudi wali hayo wadadii hambaabirka iyo humaaggu hagayay ugu dambayntana fashilka un kusoo idlaan jirtay. Soomaaliya waxa si aan ka fiirsi lahayn loogu daray ururka Jaamacada Carabta sanadkii 1974-kii, ku biiritaankaas umadda Soomaaliyeed wax ay ka dheefeen haba yaraatee ma jirto, cidda danta ugu wayn ku qabtay waxay ahayd wadamada carabta oo xiligaa ilaa maanta u arka Soomaaliya inay tahay jabhadda difaaca koonfureed ha ugu horayso Masar oo innagu ilaashata biyaha wabiga niilka, waxtar daaye waxyeelo ayay u dhashay arrintani umadda Soomaaliyeed, waxay ku abuurtay loolan xaga aqoonsiga ah (صراع الهوية), waxa aynu noqonay dad ka carara dhalashadoodii afrikaannimo waxaanna aynu gaadhi waynay carabnimadii la inala rabay. Islaannimada iyo carabnimaduna waa laba aan micno ahaan isku mid ahayn, burburkii Soomaaliya ka dib inta badan wadamada carbeed kuwooda qaniga ahi coolaadii sokeeye ee Soomaalida door wayn ayay ku lahaayeen iyagoo kooxihii isku gowracayay wadanka marba koox maal galinayay, ururkan Jaamacadda Carabta waxa la yagleelay sanadkii 1945 waa ka hor intii aan la samayn Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Gaashaan buurta NATO, wax maanta la taaban karo oo uu umadda uu matalo u qabtayna ma jirto halka seddexdaa hay’addood ee aynu soo xusnayna yihiin kuwa dunida door weyn ku leh oo maamula. Ururka Jaamacadda Carabtu waa urur baarlamaan leh loo yaqaan baarlamaanka Jaamacadda carabta, wadamada xubnaha ka ahna qaar baan lahayn baarlamaan oo leh boqor muqadas ah oo kaliya, waa urur tusaale caalamiya u ah fashil oo dhan dhisnaantiisuna tahay wax qurux looga jeedo uun. Hadaba in maanta mar labaad is bahaysi laga yagleelo bada cas oo aynu ka mid noqonaa waa laba mid uun: In uu noqodo urur qurux ahaan u dhisan sidaa kaa Jaamacadda Carabta ee aynu soo tibaaxnay oo dhibaato uun inoo soo jiidda ay ka mid tahay dhibaatooyin aynaan lahayn oo dhexda la inoo dhigo sida middii Yaman, jiritaankiisuna aakhirka fashil ku dhamaado Iyo inuu noqdo mid inaga hor istaaga madax banaanni aynu ku kala dooranno danteenu meesha ay ku jirto, kaasoo inagu qasbi doona hadaynaan xataa qaadan u eekaanshaha nidaamka kali-talisnimada ah ee wadamada carabta ka jira, sharciyeyntiisana leeyahay wadaadka fatwada aan loo meel dayin la barbar taagan. Ku noqoshada god la mid ah kii hore la inoogu qaniinnay waxay ka dhigan tahay Timirtii horeba (jaamacada carbta), Dab loo waa (dheef laga waa). Qalinkii: Axmed Ibraahim Xasan
  23. Maanta oo kale. 20.12.1984. Xasuuqii Burco iyo Warqaddii Dilka lagu amray!! Maanta oo kale 31 sanno ka hor, waa maalintii uu dhacay Xasuuqii Magaalada Burco. Halkaas oo 43 qof oo ka mida Aqoonyahanadii iyo Ganacsatadii iyo Wax garadkii magaalada Burco, inta la soo uruuriyay , si badheedha loogu toogtay magaalada Burco. Haddaba warqada halkan idiinka muuqataa waatii lagu go,aamiyay dilkaas bahalnimada ahaa, waxaana ku yaala amaradii dilka lagu fuliyay, iyo magacyadii 43 ka qof ee la dilay. Waxaana ku saxeexan oo amarka dilka bixiyay. Ku xigeenkii xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida. Gacan ku dhiigle. Gaashaanle Yuusuf Muuse Faarax UJEEDDO:- FULIN XUKUN DIL AH KU XIGEENKA XEER-ILAALIYAHA GUUD CQS MARKUU ARKAY:- Go’aanka Maxkamada Dagaalka C.Q.S. Lam 190/84 ee 20-12-84, kaas oo lagu cayimay ciqaabta dilka ah ee lagu xukumay eedaysanaasha kala ah. 1- Dilsuge – Qaasin Qodax Jaamac 2- “ – Cabdiraxmaan X. Maxamed Siraad 3- “ – Ciise Ibraahin Ismaaciil 4- “ – Siciid Maxamed Ismaaciil (Madoobe) 5- “ – Aadan Nuur Ismaaciil (Coraaq) 6- “ – Yaasiin Axmed Warsame (Soonaani) 7- “ – Axmed Cabdi Xasan 8- “ – Cabdi Maxamed Cali (Dhagjar) 9- “ – Axmed Yuusuf Mire 10- “ – Cabdi Jaamac Xasan (Sanweyne) 11- “ – Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Comaas) 12- “ – Axmed Xasan Ismaaciil (Yunbur) 13- “ – Diiriye Cismaan Yuusuf (Laba Lugood) 14- “ – G/le Maxamed Cali Qorane 15- “ – Ex.S/A.Shukri Maxamed Samatar – (Qurmiye) 16- “ – Ismaaciil Saalax Wiriye “ 17- “ – Maxamed Samatar Axmed “ 18- “ – Saleebaan Hirad Aadan “ 19- “ – Cali Cabdi Xasan “ 20- “ – Aadan Jaamac Warsame “ 21- “ – Maxamed Maxamuud Cabdi “ 22- “ – Axmed Ismaaciil Maxamed “ 23- “ – Cali Cumar Diiriye “ 24- “ – Muuse Xasan Ibraahin “ 25- “ – Cali Giire Cabdi “ 26- “ – C/laahi Maxamed Faarax Taakuliye 27- “ – Aadan Cali Ibraahin Qurmiye 28- “ – Cabdi Maxamed Yuusuf Taakuliye 29- “ – Cabdi Xasan Jaamac “ 30- “ – Cabdilaahi Xuseen Nuur Korto 31- “ – Cali Xuseen (Inta dambe way masaxantay) 32- “ – S/Alifle Axmed (Inta dambe way masaxantay) 33- “ – Magacu wuu masaxmay 34-Dilsuge – S/Alifle Faarax (Inta dambe way masaxantay) 35- Edsane- Jaamac Cabdilaahi Saciid 36- “ – Dable Maxamed Cige Xabad 37-Edsane – Cabdi Cali Axmed 38- “ – Saciid Cismaan Geelle 39- “ – Abuukar Cabdilaahi Rooble 40- “ – Cabdilaahi Saalax Giir 41- “ – Cawil Saalax Giire 42- “ – Ibraahin Maxamed Xandulle (Ina Aar) – Maqane 43- “ – Cabdi Xuseen Dheere – Maqane In la fuliyo maanta 20/12/84 Saacadda 0700 subaxnimo laguna fuliyo goobta toogashada Burco. MARKUU ARKAY:- QOD.227 XEER MARKUU ARKAY:- QOD. 69 XEER MARKUU ARKAY:- Xeer lam 54 ee 14.8.82 WUXUU GO’AAMIYEY In go’aanka maxkamadda la fuliyo laguna fuliyo meesha iyo waqtiga ay cayintay, ayna fuliyaan koox ciidan ah oo hogaaminaayo Sarkaal ku haboon isaguna C.Q.Sida kuwaas ahaan K.D.S.iyo daraawiishta Booliiska. WUXUU KALOO GO’AAMIYEY In aasidda dadka iyo wixii kharaj ah loo xilsaaray D/Hoose ee Burco si toos ahna uu u maamulaya Guddoomiyaha Maamulka Degmada Burco. KU XIGEENKA XEER ILAALIYAHA GUUD CQS G/LE YUUSUF MUUSE FAARAX Qaran News
  24. (SLT-Burco) Abwaanada waa wayn ee Ugu caansan dhulka Soomaalida ayaa gurigiisa Burco ku booqday Abwaanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) . Jaamac Muuse Jamac oo kamid ah Dadka dhaqanka Soomaalida uruuriya ayaa qoraalkan ka diyaariyay. Galab galbaha kale iiga suntan: Dacar: “Waar yaa Hadraawi, maxaad Cabdi Qays ku ogayd?” Hadraawi: “Dee waxaan ku ogaa Cabdi Aadan Xaad, iyagu “Qays” uun bay yidhaahdeene”. Dacar: Xasan Ganeyna waa kan Hadraawi: Alla waa walaakey. Kolka Hadraawi ay saaxiibbadii gurigiisa ugu tagaan: Maxamed Aadan Dacar, Maxamuud Maxamed “Dheeg”, Cabdi Aadan Xaad “Qays”, Xasan Xaaji Cabdillaahi “Geney”, Muuse Cali Faruur, Yuusuf Cismaan Cabdille, Siciid Jaamac Xuseen; ee iyadoo la kaftamayo uu Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne” ka soo hadlo Shefield. Kolka uu Hadraawi mid kasta magaciisa oo saddexan iyo naanaysta u raaciyo ee ka qosliyo ee uu kaga qiireysiiyo dhammaantooda kolka uu yidhaahdo “Subxaanaka yaa cadiim: 11 qof oo sidaa isu waji garanayay goormaa iigu danbaysay?” Ilaahayow wanaag ugu doori booqashada inta saaxiib ee maanta soo booqatay walaalkood. Ilaahayow Hadraawi caafimaad taam ah sii oo wanaagga wajigiisa maanta ka muuqdey u siyaadi. Ilaahow boqoradda Hodan ka yeel dusheeda samaan, aakhirana wanaag ugu doori niyadwanaaggeeda iyo kartireeda. Galab galbaha iiga duwan, sawirka Xasan Ganay ee salaanta Hadraawina sawirrada iiga duwan. Soo duceeya. Source
  25. Khashoggi’s influence grows so immensely in death. His bloodshed is contributing towards new Peace Accord in Yemen. Jamal Khashoggi, UN Security Council, Yemen War, US Senators, President Trump, Stockholm Peace Accord, UK Resolution, Saudi Arabia Penned by the UK, The UN Security Council on Friday endorsed an agreement reached between the Government of Yemen and the opposition Houthi movement, at the recent UN-backed talks in Sweden. The resolution authorized the deployment of an advance team to facilitate the monitoring and implementation of the Stockholm Agreement. The ceasefire took effect in Hodeida after brawls continued for several hours following the start of the UN-brokered truce at midnight (Tuesday, 18 December), but UN envoy Martin Griffiths said the scheme appears to be effective. Reinforced by international pressure, Stockholm accord called for ceasefire and withdrawal of troops from Hodeida port city; A prisoner swap for 15,000 people; opening corridors to the besieged city of Taiz, and re-opening of Airports to ease humanitarian crises. The accord was identified as the most “crucial first step” towards ending the war. In fact, pressure from the Congress had pushed Saudis to make concessions to bless Yemeni-Yemeni peace concord. The Senate passed on 13 December a scarce bipartisan motion directing the White House to annul US support for Yemen war. The resolution utilizes an authoritative but rarely triggered proviso in a 1973 – the War Powers Act – that entitles the Congress to overrule the president. Furthermore, a twin resolution, unanimously, censured Saudi crown prince responsible of the premeditated killing of Khashoggi, a Saudi columnist for Washington Post. The motion labels a thorny reprimand on the prince and questions Trump’s canopy embrace of the prince, despite the facts. Both resolutions come on the same day that the UN-brokered truce between Yemeni warring sides wrapped up in Stockholm. The essence of the slain Jamal Khashoggi was a core of deliberations in both Washington and Stockholm to facilitate the pact. Editor-in-chief of the Time magazine exposed Khashoggi, as a “person whose influence grows so immensely in death”. It is the first time, the Time attributes someone posthumously, after recognizing Khashoggi, as the “2018 Person of the Year”. Dissect murder of Khashoggi, by a royal hit squadron, inside the Saudi consulate in Istanbul, has put the US-Saudi relationship under scrutiny. The CIA concluded that the Saudi crown prince ordered the elimination. Disclosure of the CIA report had augmented the ranks of the Congress to revolutionize US policy on the Middle East. Eventually, all the efforts by Trump to soothe aggravations by tolling an alarming bell for the U. S-Saudi strategic partnership has chopped down flat. According to a recent YouGov poll, 89% of liberal Americans and 54% of conservatives oppose continued arms sales to the Saudi-UAE alliance. The Saudi-led coalition instigated an intrusion in 2015 to reinstall the recognized government. Thus, it has launched over 18,000 air raids on Yemen and forced a blockade. Further, the allies initiated propel of penal economic measures targeting the Houthis supported by Iran. The U.N. vilifies Yemen’s crises as the “worst humanitarian catastrophe” in hundred years. It caused the death of tens of thousands. Save the Children’s ballpark shows another 85,000 children died of hunger and preventable diseases; About 10,000 persons contract cholera every week, with a total of 1.2 million cases, and millions are on the brink of starvation, according to the WHO/UNHCR. Amid this vista, Yemen’s people expose the US, UK, Saudi-led allies and Iran, as manipulation to the death, famine, and infections in their home. Since the death of Khashoggi, the world has become conscious of the calamity befalling in Yemen. Several European countries have pulled their support from the Saudi-led alliance. The European Parliament has called for an EU-wide arms embargo on Saudi Arabia. Trump views the conflict as a proxy war that must be won for reversing Iran’s professed dominance in the region. Nevertheless, international pressure, and recently passed resolutions, remain a colossal triumph for the miserable people of Yemen. A companion bill in the House of Representatives is strongly expected to pass on January when a new, Democratic-led House convenes. From commons.wikimedia.org: Jamal Khashoggi in March 2018 {MID-337656} Unfortunately, Jamal Khashoggi didn’t succeed to alter his country through the ink of his pen. However, his bloodshed is perpetually changing the region. By now, his bloodbath has galvanized the mockery about the war. And as a result, international media and public opinion turned the tide. If the world succeeds to save Yemen from the savage US-made shells falling on it, we have kept out a vast majority of vulnerable people to fall down or vanish in the worst famine of our lifetimes. Thus, let’s cheer the Security Council in averting the famine and supporting the peace process. We hope a further dream of Khashoggi will pursue to end the Gulf blockade against Qatar. And getting resolutions for the Saudi injudicious disputes with Lebanon and Canada will follow, as well. Categorically, we have to ascribe another glory to the spirit of Khashoggi. Hassan Horri hassanhorri@gmail.com Qaran News