-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis cusub +Nuxurka heshiisku wuxu daaran yahay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa dalka sacuudiga waxaa uga bilowday booqasho rasmi ah oo uu maalmo kujoogi doono halkaasi. Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa sidiirran u qaabilay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin, iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Xajka & Cumtrada Dr. Cabdilfataax Mashaad. Masuuliyiintan ayaa yeeyashay kulan saacado qaatay waxaana looga wada hadlay Arrimaha Xajka, iyadoo Wasiirka Awqaafta XFS laga dhageystay warbixinno kusaabsan arrimaha xajka sanadkii hore sida ay ahayd, waxyaabihii ka dhinaa iyo faa’iidooyinkii lagaaray. Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku hishiiyay in tirada dadka soomaaliyeed ee sanadka soo socda xajin doona lagu daro, Labo kun iyo Labo Boqol (2,200 ) oo xaaji, taas oo ka dhigan in tirada xujayda Soomaalida sanadkan noqota Kow iyo Toban kun iyo Shan Boqol (11,500 ) oo Qof, halka sanadkii hore ay aheyd, Sagaal kun iyo Sedex Boqol (9,300 ) oo Qof, sida uu sheegay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS. Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur ayaa sidoo kale sheegay in la isla-gartay in aad loo wanaajiyo adeegyada la siiyo soomaalida, haddey ahaan lahayd, deegaannada gaadiidka iyo cunnada intaba, iyadoo lagu ballamay in lada-dajiyo soo saarista Fiisayaasha xajka iyo adeegyada kale ee xajka. Qaran News
-
Ra’isilwasaaraha Xuukumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Murtida iyo madadaalada ee Muqdisho. Xasan Cali Kheyre ayaa kormeerkiisa ugu guurgalayay qaabka ay u socoto dhismaha iskaa wax u qabsada lagu dhisayo ee Tiyaatarka . Ra’isilwasaaraha ayaa bogaadiyay howlaha qaran ee halkaasi ka socdo isaga oo ku baaqay in la sii labo jibaaro. Qaraxyo qasaare geeystay ayaa dhowaan lagu weeraray meel aan ka fogeeyn xarunta tiyaatarka Muqdisho oo dad badan ay ku dhinteen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’isilwasaare Kheyre oo Booqday Tiyaatarka appeared first on Puntland Post.
-
MAAHA IN BUUG LA GUBO Inkastoo ay lama huraan tahay in dhaqanka iyo sharafta ummadda la ilaaliyo, waxyaalo hore loo yidhi oo deelqaafa ku ah qof ama beelna aan qoraal la gelin, haddana maaaha in lagu taliyo oo ay dhaqan noqoto in buug la gubo. Inkasta oo aanan buugga akhriyin, sida aan warka ku hayo, qoraaga buugga “Soyaal” wuxuu dood cilmiyeysan ka furay taariikh hore oo qofba si u haysto. Murakana waxa keenay tusaaleyaal uu soo qaaatay oo uu ku adkeynayao doodiisa. Qoraagu ma gabyin, buuguna kuma saabsana gabayo qabiil ama hablo sharaf mudan hore loogu aflagaadeeyey, wuxuuse soo qaatay tusaalayaal xoojinaya doodiisa, taasoo shakhsi ay qoraaga is hayaan si khaldan u isticmaalay si uu u abaabaulo kacdoon ka dhan ah qoraaga ay is hayaan iyo buuggiisaba. Waa wax runtii aad looga naxo in odayaal ku taliyaan in buugga la gubo oo weliba ay soo jeediyaan inaan la qori karin buugaag ay ku jiraan gabayo hore loo toriyey oo qabaail lagu af lagaadeynayo. Shirkadaha daabacada ayay tahay ijay hubiyaan waxa buuga ku qoran inta aanay daabicin. Haddiis ay dhacday inay daabaceen buug ay dadka qaar dhibasdeen waxay ahayd in buugga la geliyo “restricted circulation” oo aan bulshada loo soo bandhigin oo meelo gaara lagu hayo, waxa dhici karta in jiilaasha soo socdaa ka fiideystaan nuxurka guud ee buugga ee aanay macno badan u samayn waxan hadda laga cabanayo ee tusaaleha ah. Xal maaha .noqonmayso buug la gubay, waxayse horseedi doontaa dhaqan xun oo liddi ku ah horumraka fikirka iyo dood curinta. Inkastoo aanu golaha guurtidu goaan rasmi ah kasoo saarin gubitaanka buugga ee ay talo soo jeedin ay odayaal guddi ahi soo jeediyeen, haddana soo jeedinta laftigeeda ayaa saamayn leh. Odayaashu waxay ku fiicanayd inay yidhaahdaan buugga ha laga saaro inta laga cabanayo oon ka badnayn toban sadar, qoraaguna waa inuu raali gelin siyaa ciddii ka cabatay buugga, laakiin maaha in buuga la gubo oo weliba la yidhaaho waxa loo gubay qayb ka mid ah gabay uu qof aflagaadoonayaa hablo sharaf leh kula dul kufay oo tusaale loo soo qaatay. Waxa kale oo iyana werwerkeeda leh war uu soo saaray wasiirka cusub ee waxbarsahadu oo uu ku mamnuucay furitaanka iskuulada gaarka loo leeyahay, oo runtii ahaa mishiinka wada waxbarshada dalka. Ma waxaynu galnay xilli aqoonta lala dagaalamayo. Arrintan ha laga fiirsado wasiirkana ha loo caqli celiyo. Abokor Baruud Baruda2006@gamil.com Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa dalka sacuudiga waxaa uga bilowday booqasho rasmi ah oo uu maalmo kujoogi doono halkaasi. Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa sidiirran u qaabilay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin, iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Xajka & Cumtrada Dr. Cabdilfataax Mashaad. Masuuliyiintan ayaa yeeyashay kulan saacado qaatay waxaana looga wada hadlay Arrimaha Xajka, iyadoo Wasiirka Awqaafta XFS laga dhageystay warbixinno kusaabsan arrimaha xajka sanadkii hore sida ay ahayd, waxyaabihii ka dhinaa iyo faa’iidooyinkii lagaaray. Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku hishiiyay in tirada dadka soomaaliyeed ee sanadka soo socda xajin doona lagu daro, Labo kun iyo Labo Boqol (2,200 ) oo xaaji, taas oo ka dhigan in tirada xujayda Soomaalida sanadkan noqota Kow iyo Toban kun iyo Shan Boqol (11,500 ) oo Qof, halka sanadkii hore ay aheyd, Sagaal kun iyo Sedex Boqol (9,300 ) oo Qof, sida uu sheegay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS. Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur ayaa sidoo kale sheegay in la isla-gartay in aad loo wanaajiyo adeegyada la siiyo soomaalida, haddey ahaan lahayd, deegaannada gaadiidka iyo cunnada intaba, iyadoo lagu ballamay in lada-dajiyo soo saarista Fiisayaasha xajka iyo adeegyada kale ee xajka. Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
-
(SLT-Manchester)Maamulka kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay qoddob laga qariyay saxaafada kubadda cagta la galeen tababaraha KMG ah ee Ole Gunnar Solskjaer kahor intii aysan si rasmi ah ugu bedelin tababarihii shaqada laga caydhiyay ee Jose Mourinho. Solskjaer ayaan filanayn bilaw ka fiican midkii uu xalay ku helay dalka Wales kaddib markii uu kursiga keydka kasoo daawaday xiddigaha kooxdiisa oo natiijo 1-5 ah dhulka ku jiidaya Cardiff City oo ay booqdeen. Goolal ka kala yimid Marcus Rashford, Ander Herrera iyo Anthony Martial ayaa siiyay hoggaan 1-3 ah qaybtii hore kahor labadii gool ee Jesse Lingard, United ayaa siddeed dhibcood kusoo koobtay farqiga dhibcaha booska afraad ee horyaalka iyaga oo ka faa’idaystay guuldaradii Chelsea soo gaadhay. Haddaba, Iyadoo uu suuqii kala iibsiga ee bisha January fooda inagu soo hayo, Waxa hore loo filayay in Ole Gunnar uu heli doono caawin dhaqaale balse dhacdadaas ayaa ah mid aan dhici doonin. Wargeyska The Mirror ayaa ku warramaya in tababaraha reer Norway uusan wax kharash ah ku bixin doonin suuqa January maadaama qoddobka hore loola gaadhay uu dhigayay inuu ku shaqeeyo safka kooxda ku sugan ee 500 Milyan ku fadhiya. Araartan ayaa ah mid maamulka Red Devils ay 45 jirkan la gaadheen kahor intii uusan bedelka u noqon Mourinho oo salaasadii la iska fasaxay. Iyadoo ay haatan ka shaqaynayaa arrimaha tababare cusub oo rasmi ah, Maamulka ayaa doonaya inay dhigtaan lacagtooda oo ay la sugaan tababaraha xiga ee rasmi ah. Dhinaca kale maamulka ayaa qaba in safka haatan ee kooxdu uu yahay mid tamar badan leh balse Mourinho uu ahaa midka aan garanayn sida wanaagsan ee looga faa’idaysto. Source
-
(SLT-Muqdisho)Warar hoose aya asheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan gaar ah Madaxtooyada Soomaaliya kula yeeshay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Puntland. Kulankan uu codsaday Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay Doorashada dhawaan la qorsheynayo inay ka dhacdo Puntland taasoo dhowr Musharixiin ay ku hardamayaan Xilka Madaxweynaha xiga ee Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa codsaday in la shaqeeyo sidii ay Doorashada ugu dhici laheyd Hab Cadaalad oo muran iyo isqabqabsi uusan ka imaan isagoo ugu baaqay Xildhibaanada Siyaasiyiinta inay la socdaan arrimaha doorashada. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Puntland ku amaanay Nabad gelyada iyo Horumada ay ku talaabsatay isagoo sheegay in Dimuqraadiyad lagu yaqaano Dowlad Gobaleedka Puntland sidaa darteedna ay Doorashada u dhicidoonto si Habsami leh oo aan Muran ku jirin. Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanadaPuntland ee ku jira Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u sheegay Madaxweynaha in wanaagsan ay ku socdaan wax waliba, isla markaana ay si gaara ula socdaan meelaha wax kala marayaan, iyagoo wada tashiyo joogta ah la yeesha Waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale kaga digay Masuuliyiintan inay faragalin ku yeeshaan Doorashada maadaama Dowlada Federaalka ay matalaan isla markaana ay jiraan tuhuno ah inay wadato Musharixiin qaar. Source
-
Burundi has opposed calls by the African Union (AU) to scale back its troops in Somalia serving as part of the African peacekeeping mission. Instead, Burundi has thrown back a counter offer instead of asking the AU to task other African nations with withdrawing a proportionate number of soldiers. This has set up new battle lines between the east African nation and the African Union who already have tense relations. Burundi army spokesman Colonel Floribert Biyereke on Sunday said that the military would ask the government to argue for a proportionate number of troops be withdrawn from each AU member country, rather than solely Burundian soldiers. The AU has called on Burundi to ease its hard-line stance on dissent and talk with its exiled opposition. Burundi is the second biggest contributor to the 21,500 strong peacekeeping force with 5,400 soldiers, behind Uganda with 6,200 but ahead of Djibouti, Kenya, and Ethiopia. The African Union is gradually scaling back its Amisom force as Somalia’s nascent armed forces are trained and deployed to replace them. Amisom was first deployed in 2007 to support Somalia’s fragile internationally-backed government and fight Al-Shabaab jihadists blamed for scores of bloody attacks. A key consequence of an eventual troop drawdown is financial. Participation in Amisom is a valuable source of hard currency, and the scale back is likely to have a big impact on Burundi, every quarter, the AU pays it around $18 million. That represents a major source of foreign currency for Burundi, which has seen funding from the European Union suspended over human rights issues. Burundi soldiers also earn much less once they return from serving with Amisom, and an AU official who asked not to be named said they were poorly equipped, and thus logical candidates for the first phase of departures. The post Burundi opposes AU calls to withdraw troops in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
The mastermind of militant car bombs that killed 26 people and injured nearly 40 others in Mogadishu in 2017 was executed in Somalia on Monday, the prosecutor of the military court said. Abdulle Bule said al Shabaab member Abdikadir Abukar was convicted of being behind a hotel bombing that killed 10, one near the ministry of the sport that killed nine, and a car bomb near an Italian restaurant in the capital that killed seven. Al Shabaab wants to overthrow the weak, U.N.-backed Somali government and impose strict Islamic law. It has steadily been losing territory since African Union peacekeepers arrived a decade ago, but still carries out frequent bombings in the capital. At least 13 people were killed and 17 wounded in a car bomb attack claimed by the al Qaeda-linked group close to the president’s residence in Mogadishu on Saturday. The post Somali military court executes Al Shabaab bomber appeared first on Shabelle. View the full article
-
Why ICAO Should Not Trust Farmajo Regime in Mogadishu International Civil Aviation Organization (ICAO), UN agency specialized in aviation, must know that Somalia has no formal government that controls or functions across its territory in last thirty years. It is unfortunate that the regime in Mogadishu is not on the right path to recovery until now. The government institutions including the airports don’t function according to international standards. On 12th Dec 2018, the UK government submitted report to the UN Security Council over the corruption and lack of discipline in the Somalia Army, including high-ranking officers linked to Al-Shabab. The report highlighted that Al-Shabab, Al-Qaeda linked terrorist group in Somalia, purchase arms and ammunition from the army including sophisticated weapons. The African Union Forces (AMISOM) and Turkish Forces, along with international community, are equipping and training the Somalia Army, however, many of these arms and trainings are ending up with Shabab. There are many well-trained officers joining Al-Shabab. The report recommended that salaries of the Somalia Army to be increased or paid regularly to reduce the need of ‘Weapon-For-Money’ which is allowing Al-Shabab to purchase directly from the army officers, or in many occasions through middlemen. Al-Shabab is winning the sympathy and support of the civilians in Mogadishu, where many residents of Mogadishu seek justice in the courts run by Al-Shabab due to corruption on government institutions. Chairman of Banadir Appeal Court Judge\ Abshir Omar Abdullahi announced that the government arrested two citizens who pursued justice in Al-Shabab courts. The government courts in Mogadishu are corrupted, because always the richer wins the case, and government does not control in many areas to execute the court decision. In other hand, Al-Shabab courts are not corrupted and no one can oversee or reject the decision of the court regardless of where the citizen lives in Somalia. Al-Shabab openly organize public speeches and Zakat distribution concerts at Bakara Market of Mogadishu. The government remains helpless over the group’s public appearing. Oct 2018, the most senior figures of Al-Shabab participated in Zakar distribution at Bakara Market, where every poor citizen got $200 as financial support from the group. Zakat was collected from the businesses including the rich in Mogadishu. Al-Shabab penetrated in every government sector including the presidential palace a.k.a Villa Somalia. The group have extensive presence at ADEN ABDULLE Airport, which allowed them to bomb DAALLO airline. The surveillance camera showed that many security officers at the airport allowed the bomb to enter the aircraft. Al-Shaban assassinates any government officer who opposes their agenda, as they killed Eisa Bayle, a high-ranking officer at the airport. Today, the Somalians are not allowed to have access to the sensitive areas of AMISOM and US Army bases, in addition to diplomatic mission offices because Al-Shabab uses Somalians to infiltrate. Somalia’s Intelligence agency (NISA) is another hub for Al-Shabab operations, where the information of bombings is kept secret and released after incident. Reports showed that NISA was fully aware of ZOBA building bombing that killed 500 innocent people in the heart of Mogadishu. Al-Shabab ask recruits to join the Somalia like the case of soldier Ismail Abu Bakr who was former Somalia Army Officer. Bakr joined the intelligence services wing of Al-Shabab called ‘Amniyat’, and currently member of the Somalia Army where he operates at Wanlaweyn Area. He is one of the thousand officers who are members of Al-Shabab but working for the government. Despite the poor security, ADEN ABDULLE Airport has safety standards that is very little to accommodate international airlines. The firefighting system proved to be below international standards after last year’s fire took many hours to control. The fire loss value is unclear until today. The civilian employees, and military helped to put out the fire with their bare hands. The international community particularly the western countries and Turkey are working tirelessly to ensure effective government in Mogadishu, in addition to African forces who are battling the Al-Shabab. We can say the world is working hard to help the regime but very little is materializing on the ground due to incompetency and corruption. Even though the security in Somalia is very fragile including airport, corruption, incompetent staff and poor aviation standards at ADEN ABDULLE Airport, in addition to ability of Al-Shabab to fire rockets to the airport. Knowing all the above facts and sensitive airspace, there are reports saying the ICAO is transferring the control of the airspace of the Republic of Somaliland and Federal Republic of Somalia to Mogadishu administration. If ICAO attempts to transfer the airspace control to Farmajo regime, such act is direct violation to the international aviation safety and agreement between Somaliland and Somalia in Turkey. Al-Shabab and other terrorists groups in Mogadishu could easily breach the ADEN ABDULLE airport security. By\ Abdulaziz Al-Mutairi Email: az.almutairi@yahoo.com Qaran News
-
Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu soo gabagabeeyey shirka golaha amniga ee maamulkaasi, kaasi oo arrimo dhowr ah looga hadlay. Madaxweynaha Jubbaland ayaa shir guddoominayey kulankaan, waxaana ka qeybgalay saraakiisha ciidamada Jubbaland, Xoogga dalka iyo sidoo kale AMISOM. Waxyaabaha la isku soo hadal qaaday waxaa ka mid ah sidii loo dar-dargelin lahaa howlgallada lagula dagaallamayo Al-shabaab iyo xaqiijinta ammaanka meelaha laga saaro Al-shabaab. Wasiirka Cadaaladda Jubbaland, Maxamed Yuusuf Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in is faham uu shirkaasi kusoo dhammaaday. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Jubbaland.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taariikhdu Markay ahayd 30/11/2017, Maxkamada Dar’1aad Ciidamada Qalabka Sida waxay markii saddexaad u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed 41 jir ah ina Shoobto Shaacir ku dhashay Xamar, kaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ku soo eedeeyey in uu ka tirsanaa Al-shabaab, una qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada, isagoo sahmin jiray goobaha ay kooxdu rabaan in ay ka fuliyaan qaraxyada, sidoo kalena baabuurta laga soo buuxiyay qaraxyada gayn jiray goobtii uu soo sahmiyay si loogu qarxiyo, waxaana ka mid ahaa goobihii la qarxiyay ee uu soo sahmiyay:- 1. Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017, Qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 10 ruux, kuna dhaawacmeen 17ruux oo kale. 2. Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, wuxuu geeyay Baabuur Saaruf ah oo ay ka buuxaan walxaha qarxa Maqaayad kasoo horjeeda Wazaarada sportiga agagaarka xaruntii wasaarada Amniga, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen 9 ruux, kuna dhaawacmeen 10 ruux oo kale. 3. Sidoo kale wuxuu soo sahmiyay Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 7 Ruux kuna dhaawacmeen 11Ruux oo kale. 4. , taariikhdu markay ahayd 15/5/2017., ciidamadu amnigu waxay ku qabteen C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed isagoo wado gaarigii qaraxa ahaa ee ku qarxay Degmada X/wayne gaar ahaan EX. Eenaayo. Taariikhdu ahayd 06/12/2017 Dembiile Shabaab C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah . Maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/12/2018 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa. Dhammaad Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Labadii sano ee uu talada hayey ku mashquulsanaa arrimo badan. Waxa uu sheegay in waxyaabaha uu sameeyey ka mid ahayd burburinta maamul goboleedyada, weerarada siyaasiyiin dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen C/raxmaan C/shakuur, Cabdi Qeybdiid iyo mas’uuliyiin kale. Sidoo kale waxa uu sheegay Xildhibaan Odowaa in wax walbo oo laga soo gudbiyey madaxweynaha ay ahaayeen sharci. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/XILDHIBAAN-ODAWAAAAA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu ka dhacay deegaanka Gololey oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Waxa ay beelahan isku haystaan sida la sheegay dhul beereed halkaasi ku yaalla, waxaana inta uu dagaalka socday la xaqiijiyey iney ku dhinteen Saddex qof, iyadoo dhaawacana intaasi ka badan yahay. Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog, in hadda xaaladda ay tahay mid deggan, hase ahaatee shacabkii ayaa bilaabay iney halkaasi isaga barakacaan. Ma jirto cid kala dhex gashay maleeshiyaadkan dagaallamay, iyadoo xilli walbana la filan karo dagaallo dib u bilowda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WAR-JOWHAR-XAALDA-DEEGAANKA-BUKURAAR-EE-HOOSTAGTA-BALCAD-OO-DEGAN-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Windhoek)- Sanduuqa Daryeelka Ugaadha (CCF) ayaa shaaca ka qaaday in iskaashiyo caalami ah oo dhexmaray Hay’addo Yurub iyo Afrika ah lagu taageeri doona dedaalada Somaliland ee daryeelidda duurjoogta. Qoraal ka soo baxay xafiiska CCF oo shalay lagu baahiyey mareegta Africa Geographic ayaa lagu sheegay in iskaashi dhexmaray Vétérinaires Sans Frontières, ee dalka Czech (VSF-cz), USAMV Cluj-Napoca ee Romania, Jaamacada Hargeysa, hay’adda Heritage Somaliland iyo CCF, kaasi oo bilaabmay November 1, 2018. Deraasaada hay’addaha ayey qeyb ka ahaan doonaan waxbarasho jaamacadaha Somaliland, qeybahooda caafimaadka xoolaha loogu kordhinayo qaababka loo daaweeyo loona daryeelo duurjoogta. “Waxaanu bilaabi doonna aqoon lagu barto caafimaadka duurjoogta, iyo sida loo daryeelo kuwa sii dabar-go’aya,” ayuu sheegay Prof. Dr. Andrei Daniel Mihalca. USAMV iyo VSF-cz ayaa sidoo kale keeni doona mutadawaciin ku takhasusay daryeelka duurjoogta, si ay u taageeraan xarunta daryeelka Duurjoogta Somaliland, oo wakhtigan lagu hayo noocyo duurjoog kala duwan oo la qabtay dad tahriibinayey. “Somaliland wakhtigan ma joogaan dhakhaatiir caafimaadka duurjoogta, keliya waxaan haynaa qof xanaaneeya duurjoogta la soo qabto,” ayey tidhi Dr. Laurie Marker, Guddoomiyaha CCF. Arday shan sannadood baranayey cilmiga duurjoogta, oo tababar loogu diray dalka Jordan. CCF oo lagu aasaasay dalka Namibia sannadkii 1990, isla markaana ah urur samofal oo u halgama daryeelka duurjoogta caalamka, ayey wada shaqeyn ka dhexeysay Somaliland illaa sannadkii 2011-kii. Source
-
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, C/xakiin Claahi Camey ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyaan xubno ka mid ah Al-shabaab oo ciidamada maamulkaasi ku qabteen deegaanno ka mid ah Puntland. Camey ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku qabteen ku dhowaad 100 ka mid ah Al-shabaab, qaarkoodna loo soo qaaday magaalada Muqdisho. Ku dhowaad 30 qof ayuu sheegay in qaab dhaqan celin ah loogu soo qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale kuwo dilala ku xukuman ay ku jiraan Xabsiyada. Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Al-shabaab lasoo qabtay 2016 misane ku xukuman dil ay weli xabsiyada ku jiraan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/MADAXWEYNE-KUXIGEENKA-PUNTLAND.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidammada booliska Somaliland ayaa albaada u laabay lana wareegay hutelka Almis oo ku yaalla magaalada Hargeysa. Huteelkan la xidhay ayaa waxa uu ku yaalla xaruntii Khayriyada ee magaalada Hargeysa waxaanu hore ugu wareejisay dawladda hoose ee Hargeysa. Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale xabsiga loo taxaabay mulkiilihii hudheelka oo lagu magacaabi jiray Xaaji Xuseen Ibraahim. Warar dheeraad ah oo helayno ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ayaa waraaqo digniin ah u keentay mulkiilaha Hudheel taasi lagu amrayo in uu ka baxo hudheelka oo uu baneeyo. Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa Xaaji Xuseen Ibraahim ku wareejisay guriga khayriyada wakhtigii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo. Illa hadda wax war kamay soo saarin xukuumadda Somaliland iyo ciidammada boolisku. Source
-
Maxamed Axmed Xasan (Mandeela)-waxa uu 30 sano ku noolaa dalka Egland,isagoo bare ka ahaa iskuulka lagu barto kubbadda cagta iyo sidoo kale jir dhiska Muqdisho ayuu iminka kusoo laabtay si uu caawiyo dhalinyarada jecel mihnada kubbadda cagta ee ku dheela wadooyinka halista ee Muqdisho. Maxamed Cabdulle Maxamed 1970 ayuu ka mid ahaa kooxdii kubbadda cagta Batroolka waxa uu usoo daawasho tagay dhalinyarada ku ciyaaraysay garoonkan oo ku yaala degmada hodan oo uu madeella ku ciyaarsiinayay waxa uu Goobjoog u sheegay dadka wax ku bartay qurbaha ee xirfaadda leh looga baahan yahay in ay kaalin ka qaataan caawinta iyo garab istaagida dhalinyarada jecel ciyaaraha ee ay duuruuftu hala keesay. Mandeela waxa uu aaminsanyahay hadii ii soo wado arimahan in mustaqbalka uu saaridoono xirfadlayaad aad u wanaagsan kuwaas kaalin wacan ka qaadan guulaha xulka qaranka dalka. Ciyaartooyda nasiibka u helay in uu gacanta ku dhigo Macalin Mandeela ayaa inoo sheegay in ay wax badan ka barteyn loona baahanyahay dadka soo bartay cilmika isboortiga ay u faa’ideeyeen dhalinyarada gudaha oo aad ugu baahan in la siiyo tababaro si xirfadoodu u wanaagsanaato. Cadullahi Gacal Axmed waxa uu ka mid yahay dadka ku nool dalka Britain dhawaan ayuu isna kusoo laabtay caasimada waxa uu ka hadlayaa qiimaha uu ku fadhiyo qof Mandeela oo kale ah oo wadanka u yimid horumarka cayaaraha isaga oo aqoon wanaagsana u leh Macalin Maxamed Axmed Mandeela. Tababare Mandeela waxa qabaa aragti ah hadii dadka wax ku bartay qurbaha ay ku soo laabtaan dalka ay muuqanaysa rajo wanaagsan iyo in dhinac kasto horomar laga ka gaario karo mustabaqalka dhaw. Sanadii u danbeeyay waxaa wadanka kusoo badanayay macalimiin Soomaaliyeed oo soo bartay xirfada ciyaaraha,iyagoo casharo iyo dhirii gelin siinyay ciyaartooyda kubbadda cagta,Kolayga iyo qeybaha kala gedisan ciyaaraha waxaana arintan soo dhaweeyay wasaarada ciyaaraha dowlada iyo xiriirada dalka ka jira. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Macalin Mandeela Dhiiri Gelinta Uu U Sameeyay Da’yarta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo booqasho ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir iyo Wasiir ku-xigeenka Xajka. Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay arrimaha xajka iyo sidii loogu kordhin lahaa dadka Soomaaliyeed tirada sannad kasta soo xajisa. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in sannadkan la kordhiyo tirada dadka Soomaaliyeed ee xujeyda ah, laguna daro 2,200 (Labo kun iyo Labo Boqol oo xujey ah). Tirada Xujeyda Soomaalida ee sanadkan xajin doonta ayaa ka dhigan 11,500 (Kow iyo Toban kun iyo Shan Boqol oo Xujey) halka sanadkii hore ay aheyd, Sagaal kun iyo Sedex Boqol (9,300 ), waxaana la filayaa in la dedejiyo soo saarista dal ku galka ama Viisaha Xajka. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Nuur ayaa sheegay in la isla gartay sidii loo wanaajin lahaa adeegyada la siiyo Xujeyda Soomaalida, sida deegaanada la dejiyo, gaadiidka, iyo cunnada la siiyo. Source
-
(SLT-Khartoum)-Booliska dalka Suudaan ayaa qiiqa dadka ka ilmeysiiyo u adeegsaday in ay ku kala eryaan dad dhigayay dibadbaxyo rabshada wata oo ka dhan ah dowladda, rabshadahaasi oo ku faafay inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi. Boqolaal qof oo dibadbaxyo dhigaya ayaa shalay oo Axad ahayd xiray waddo weyn oo gasha garoon kuwa kubadda cagta ah, ka hor inta aysan isku dhicin dadkaasi iyo ciidamada booliska ee ka hortagga rabshadaha. Siyaasiinta mucaaradka ayaa sheegaya in 22 qof ay dhinteen tan iyo markii ay muddaharaadyadu billowdeen maalintii arbacada ahayd ee la soo dhaafay, balse saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in tiradu ay intaasi aad uga yar tahay. Dibadbaxyada ayaa ka dhashay sara-kac ku yimid qiimaha rootiga iyo shidaalka. Muddadii sanadka ahayd ee la soo dhaafay, waxaa sii sara kacayay qiimaha badeecooyinka qaar ee dalkaasi Suudaan, waxaana heerka sicir bararku uu gaaray ku dhawaad 70%, halka lacagta dalkaasi uu ku yimid qiimo dhac aad u weyn. Lacagta ayaa gabaabsi noqotay maagaalooyinka eec sida caasimadda Khartuum . Koox dhakhaatiir ah ayaa sidoo kale sheegay in laga billaabo maanta oo Isniin ah ay shaqo joojin billaabayaan, si ay cadaadiska ugu kordhiyaan madaxweyne Cumar Al-Bashiir. Xaaladdii ugu dambeeyay? Rabshadihii dhacay shalay oo Axad ahayd ayaa ka dhashay dad ka soo baxayay garoon lagu cayaaro kubadda cagta oo ku yaal magaalada Khartuum. Dadkani ayaa xiray waddooyinka, waxa ayna ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah dowladda balse booliska ka hortagga rabshadaha ayaa markii dambe sunta dadka ka ilmeysiiso ku kala eryay. Mar sii horreysay, ayaa muuqaallo la soo dhigay baraha xiriirka bulshadu waxa ay muujinayeen dibadbaxyo ka socdo meelo badan oo ka tirsan dalkaasi. Golaha dhexe ee dhakhaatiirta reer Suudaan ayaa sheegay in dhakhaatiiroodu ay arkeen dad dibadbaxayaal ah oo qaba dhaawacyo rasaas oo la keenay isbitaalada, waxa ayna intaasi ku dareen in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacba. Maalintii Sabtida ahayd ayaa mas’uuliyiinta dalkaasi Suudaan waxa ay xabsiga dhigeen 14 hoggaamiye oo ka tirsan isbahaysiga mucaaradka, waxaana sida uu sheegay afhayeenka isbahaysigaasi dadka la xiray ka mid ah hoggaamiyaha isbahaysigaasi Faaruuq Abuu Ciisa oo 85 jir ah. “Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah loo sii daayo dadkaasi. Xarigooda ayaa ah isku day ay dowladdu ku dooneyso in ay kaga hortagto dibadbaxyada,” ayuu yiri afhayeenka isbahaysigaasi mucaaradka Sadiiq Yuusuf. Mucaaradku maxay leeyihiin? Sadiiq Al-Mahdi oo ah hoggaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaasi ee Umma ayaa cambaareeyay “caburinta shacabka dalkaasi” waxa uuna sheegay in dibadbaxyadani ay ka dhasheen xaaladda sii xumaaneysa ee dalkaasi. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowladda Madaxweyne Cumar Al-Bashiir in ay ogolaato in si nabad ah ay xukunka u wareejiso, haddii kale buu yiri ay wajihi doonto kacdoon shacab. Sadiiq Al-Mahdi oo muddo laba jeer ah ra’iisalwasaare ka soo noqday dalkaasi ayaa Arbacadii la soo dhaafay ku soo laabtay dalkiisa oo uu muddo ku dhawaad sanad ah uga maqnaa musaafuris. Dowladdii Sadiiq Al-Mahdi ayaa ahayd tii ugu dambeysay ee dimuquraadi ah oo la soo doorto ka hor inta uusan Al-Bashiir inqilaab milatari xukunka kula wareegin sanadkii 1989. Madaxweyne Al-Bashiir ayaa lagu eedeeyaa in uu xasuuq ka geystay gobolka Daarfuur ee galbeedka dalkaasi Suudaan, waxaana waraaqdii lagu soo xiri lahaa u jartay maxkamadda caalamiga ahi ee dambiyada dagaalka. Sidee ayay dibadbaxyadu ku billowdeen? Dibadbaxyada dalkaasi Suudaan ayaa ka billowday magaalada Cadhbara ee ku taal bariga dalkaasi, halkaa oo dad dibadbaxyo dhigaya ay gubeen xafiisyada xisbiga madaxweyne Al-Bashiir ee Al-Mu’tamar Al-Wadhani. Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in meelaha qaar la arkayay ciidamada milatariga oo u muuqda in ay la safteen dadka shacabka ah ee dibadbaxyada dhigayay. Feysal Xasan Ibraahim oo ah la taliyaha madaxweynaha aya sheegay in laba ka mid ah dadkii lagu dilay Al-Qadhaarif ay ahaayeen ciidamo ka tirsan milatariga oo xirnaa dharka dadka rayidka ahi. Waxa uu sheegay in dibadabxyadaasi ay hagayeen kooxo abaabulan balse ma uusan caddeyn cidda ay yihiin. Dibadbaxyada ayaa ku baahay magaalooyinka Khartuum iyo Omdurmaan iyo sidoo kale magaalooyin kale. Maalintii Sabtida ahayd ayaa wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa dad goobjoogeyaal ahi waxa ay sheegtay in boolisku ay qeyb ka mid ah magaalada Khartuum ku garaaceen dad ku baaqayay in madaxweyne Al-Bashiir uu dhaco. Deegaanka El Rahad ee ku yaal koonfur-galbeed Khartuum, xafiiska xisbiga haya talada dalkaasi ee Al-Mu’tamar Al-Wadhani iyo xafiisyada kale ee maamulka ayaa dab la qabadsiiyay, waxaana dadka dibadbaxyada dhigaya oo ku dhawaaqaya “ma ogolin gaajadu” sunta dadka ka ilmeysiiso ku kala eryay ciidamada booliska, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ahi. Maxaa keenay dhibaatada dhaqaale ee Suudaan? Mareykanka ayaa sanadkii 1990-kii waxa uu madaxweyne Al-Bashiir ku eedeeyay in uu maal-galiyo argagixisada, waxaana markiiba dalakasi Suudaan lagu soo rogay xayiraad ganacsi. Sanadkii 2011-kii, Suudaanta Koonfureed ayaa ka go’day Suudaan inteeda kale, waxaana arrintaasi ka dhashay in saddex meelood meel khayraadka dalkaasi uu qaniga ku ahaa uu maro dhinaca Suudaanta Koonfureed. Dhanka kale, colaadda ka taagan gobolka galbeedka ku yaal ee Daarfuur ayaa 2,000,000 oo qof ku khasabtay in ay ka qaxaan guryahooda, waxaana sidoo kale ku dhintay in ka badan 200,000 oo qof. Cunaqabatayntii uu Mareykanka saaray Suudaan ayaa la qaaday sanadkii 2017-dii, laakiin wax weyn oo horumar ah lagama gaarin dhaqaalaha dalkaasi. Source
-
(SLT-Burundi)-Dowladda Burundi ayaa ka soo horjeesatay qorshaha Midowga Afrika ee ku aadan in la dhimo Ciidammada ka jooga Soomaaliya bisha February ee sanadka 2019. Afhayeenka Ciidamada Burundi Col. Floribert Biyereke ayaa sheegay in aanay suura gal aheyn in 1,000 oo ka mid ah Ciidamadooda ka saaraan Soomaaliya sanadka 2019. Waxaa uu sheegay in wada xaajood ka geli doonaan sidii si isku mid ah dalalka qeybta ka ah howlgalka AMISOM looga saari lahaa ciidamada ka jooga Soomaaliya, halkii Midowga Afrika si gaar ah u beegsan laheyd Ciidanka Burundi. Qeyla-dhaanta ka soo yeeray dowladda Burundi ayaa ka dambeysay, markii Midowga Afrika uu ku dhawaaqay in la dhimayo illaa 1,000 askari oo ka socda Burundi ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dib loogu celinayo dalkooda. Burundi ayaa ah dalka labaad ee ugu badan Ciidamada AMISOM ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, waxaana ciidanka ka jooga Soomaaliya ay gaarayaan illaa 5,400 askari. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa tacsi u direy Boqorka Dowladda Sacuudiga Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, isagoo uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Amiir Talaal Bin C/casiis oo 87-jir ahaa. Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu geeriyooday Amiir Talaal Bin C/casiis oo ahaa Aabaha Maalqabeenka weyn ee Sacuudiga, Al-waliid Bin Talaala, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Sacuudiga sannadihi 1950-aadkii ilaa 60-aadkii, wuxuuna soo noqday Wasiirkii Isgaarsiinta iyo Maaliyadda ee dalkaasi. Sidoo kale, Madaxda ka tacsiyadeeysay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis ayaa waxaa ka mid ah Ku-xigeenka Ra’iisal wasaaraha ahna Wasiirka Difaaca dalka Kuwait Sheikh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah. Sheekh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah ayaa Alle uga baryay amiirka geeriyooday inuu u naxariisto,samir iyo imaanna Alle ka siiyo qoyska boqortooyada iyo shacabka Sucuudiga. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga mid kamid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho. Macalinta la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Oongooye, kaasi oo kamid ahaa macalimiinta Jaamacadda DAHA ee magaalada Muqdisho, waxaana baxsaday kooxaha dilka geystay. Wararka ayaa sheegaya in macalinta lagu dilay agagaarka Haanta Dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana lagu hor dilay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Haanta dheer. Wararka qaar ayaa sheegaya in Macalinta uu la shaqeynayay wasaaradda Diinta iyo Awqaafka ee xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa xaqiijiyay in dilka ninkaan, waxaana uu tacsi u diray Ehelkii uu ka geeriyooday. Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa xaqiijiyay in dilka ninkaan, waxaana uu tacsi u diray Ehelkii uu ka geeriyooday. Lasoco waxii kasoo kordhaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com