-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mudanayaal ka tirsan xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay heshiisyadii iyo is-afgaradkii uu madaxweyne Farmaajo la galay dawladaha Itoobiya iyo Ereteriya. Tirada xildhibaanadan gudbiyay mooshinka ayaa dhan 10-xildhibaan waxaana ay sheegeen in ay walaac ka qabaan Heshiisyada is afagarad ee uu madaxweyne Farmaajo la galay dowladaha Shisheeye. Waxa ay sidoo kale tilmaameen in si deg deg ah loogu baahan yahay heshiisyadadaasi in ay dood ka yeeshaan xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya. Heshiisyada iyo is-afgaradyada uu galay madaxweyne Farmaajo waxaa qeyb ka ah kuwo uu la galay dowladaha Ethiopia,Ertrea iyo Kenya waxaana warqadda mooshinka xildhibaanada ku xusnaa is-afgarad iyo heshiisyo uu la galay Farmaajo dowladaha Ethiopia iyo Eritrea. Farmaajo, ayaa dhawaan wuxuu eeddo u jeediyay siyaasiyiin aanu magacaabin oo uu sheegay inay ka soo horjeedaan heshiisyada uu la galay Itoobiya iyo Ereteriya. Geeska Qaran News
-
Kismaayo (Caasimadda Online)-Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maalmahaan ku sugan magaalada Kismaayo ayaa kulan la qaatay labada golle ee maamulka Jubbaland. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ku amaanay hogaanka maamulka Jubbaland sida ay amaan la isku haleyn kara kaga dhigeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo xarun KMG ah u ah maamulka Jubbaland. Wuxuu sheegay in mudada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo inuu dareemay kala dambeyn iyo amaan la isku haleyn karo oo ka jira magaalada Kismaayo, isaga oo ugu baaqay inay sii adkeeyaan amaanka magaalada. “Waxaan ku faraxsannahay nabad-galyada taalla Kismaayo, waa mid la isku haleyn karo, waana ku amaanayaa dadkii ka shaqeeyay, shirkii halkaan ka dhacay wixii kasoo baxay wuxuu inaan ogaanno bal maxaa jira oo tabashadu tahay oo dowlad goboleedyadu ay tabanayaan oo jira” ayuu yiri guddoomiyaha aqalka sare. Ciidamada Jubbaland ayuu sheegay inay doorweyn ka ciyaareen xaqiijinta amaanka magaalada Kismaayo, isaga oo sheegay in loo baahan yahay inay sii adkeeyaan amaanka Kismaayo. Cabdi Xaashi ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo wuxuu kulamo la qaatay madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenkiisa, labada golle ee Jubbaland iyo ururada bulshada rayidka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Genel Energy plc (LON:GENL) Ratings Coverage In total 3 analysts cover Genel Energy PLC (LON:GENL). “Buy” rating has 3, “Sell” are 0, while 0 are “Hold”. (LON:GENL) has 100% bullish analysts. 5 are the (LON:GENL)’s ratings reports on Dec 7, 2018 according to StockzIntelligence Inc. On Tuesday, November 20 JP Morgan maintained Genel Energy plc (LON:GENL) with “Overweight” rating. On Thursday, July 12 the stock of Genel Energy plc (LON:GENL) earned “Overweight” rating by JP Morgan. The company rating was maintained by JP Morgan on Wednesday, August 8. On Wednesday, August 8 the stock has “Outperform” rating by RBC Capital Markets. On Friday, June 22 the firm earned “Add” rating by Numis Securities. Listed here are Genel Energy plc (LON:GENL) PTs and latest ratings. 20/11/2018 Broker: JP Morgan Rating: Overweight Old Target: GBX 287.00 New Target: GBX 290.00 Maintain 08/08/2018 Broker: RBC Capital Markets Rating: Outperform Old Target: GBX 115.00 New Target: GBX 320.00 Upgrade 08/08/2018 Broker: JP Morgan Rating: Overweight Old Target: GBX 287.00 Maintain 12/07/2018 Broker: JP Morgan Rating: Overweight Old Target: GBX 150.00 New Target: GBX 287.00 Reiteration 22/06/2018 Broker: Numis Securities Rating: Add Old Target: GBX 290.00 Downgrade The stock increased 6.71% or GBX 11.8 during the last trading session, reaching GBX 187.6.Genel Energy plc has 1.17 million shares volume, 25.47% up from normal. GENL is and has moved 0.00% since December 7, 2017. The stock underperformed the S&P500 by 15.62%. Genel Energy plc engages in the oil and gas exploration and production activities.The company has 523.86 million GBP market cap. The firm holds interests in the Taq Taq, Tawke, Miran, Bina Bawi, Peshkabir, and Chia Surkh assets in the Kurdistan Region of Iraq, as well as exploration assets in Somaliland and Morocco.The P/E ratio is 1.72. As of December 31, 2016, it had proven and probable working interest reserves of 161 million barrels of oil equivalent. Another two news for Genel Energy plc (LON:GENL) were recently released by: Ibtimes.com on November 08, 2013 with title “Somaliland: The Oil Minister In The Breakaway Region Of Basket Case Somalia Says East Africa Is The New Middle East – International Business Times”. The other Mining.com‘s article was titled “Former BP boss is Glencore Xstrata’s new chairman – MINING.com” and released on May 08, 2014. Qaran News
-
The Jubbaland state of Somalia is satisfied with mediation efforts to end the political standoff between state administrations and federal government, first Deputy Presiden thas confirmed. Mohamud Sayid Adan was speaking during a meeting with a delegation of the upper house members in Kismayo late on Friday. “We welcome efforts by our respectful upper house representatives to end the conflict between the government institutions,” Sayid said. He added that Jubbaland administration is ready to find long-lasting solutions on the difference with Mogadishu. The speaker of the upper house of the people Abdi Hashi Abdullahi who is leading conflict resolution committee has also praised the state leaders for their commitment in the mediation process. Selected senior Somali upper house members dubbed conflict resolution committee is leading mediation efforts to end the stalemate between Villa Somalia and federal state leaders. Led by their chair President of Puntland, Abdiweli Ali Gas, the inter-state cooperation council announced the suspension of cooperation with the federal government during a meeting in the port city of Kismayo on August. The post Jubbaland hails Senate efforts to end political crisis in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in khilaaf uu soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka Galmudug iyo madaxa xukuumadda. Khilaafka u dhaxeeya Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheikh Maxamed Shaakir Cali ayaa ku saleysan doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug oo la doonayay in lagu qabto magaalada Dhuusomareeb. Wararka ayaa sheegaya in madaxa Xukuumadda oo ka hor yimid in doorashada madaxweyne ku xigeenka Galmudug lagu qabto Dhuusomareeb haddii aan la dooraneyn madaxweyne ku xigeen Ahlu sunna taageersan. Xaaf ayaa dhankiisa wata madaxweyne ku xigeen la dhacsan siyaasadiisa, waana tan keentay in khilaafkaan cusub uu soo kala dhex galo madaxda maamulka Galmudug ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuusamareeb. Khilaafkooda ayaa soo jiitamayay tan iyo markii madaxweyne ku xigeenka Galmudug xilka ay ka qaadeen xildhibaanada ku sugan magaalada Dhuusomareeb, balse wuxuu xoogeystay markii la gaaray xiliga doorashada. Khamiistii lasoo dhaafay ayaa qorshaha uu ahaa in doorashada madaxweyne ku xigeenka lagu qabto magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud. Madaxweyne Xaaf ayaa dadaal dheer ku bixinaaya in uu Ahlu-suna uu ku qanciyo in shaqsiga uu wato uu madaxweyne ku xigeen u noqdo balse ahlu-suna ayaa ka biyo diidan rabitaanka Xaaf. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in door muuqda ay ka qaadan karaan wadahadalla Soomaaliya iyo Somaliland. Nabadoon Xasan Hilowle Cismaan ( Xasan Kacaan ) oo ka ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo uu warramay Shabelle ayaa xusay in Odayaasha Dhaqanka ee K/ Soomaaliya ay si weyn uga qeyb qaadan karaan xalinta tabashada ay qabto Somaliland. Xasan Kacaan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in dadaallada ay wado ay kala kaashato Waxgaradka Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cod-1-cabdiqani.mp3 The post Nabadoon Xasan Kacaan “Odayaasha Dhaqanku door weyn ayey ka qaadan karaan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia gaaray madaxweynayaasha dalalka Sudan iyo Jabuuti, kadib casuumad ay ka heleen ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Axmed Cali. Ujeedada socdaalka labada madaxweyne ay u tageen magaalada Addis Ababa ayaa ah inay ka qeyb galaan xarig ka jarista garoon loo dhisay qaab casri ah oo laga hergeliyay magaalada Jima ee gobolka Oromia ee dalka Ethiopia. Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay in labada masuul ay ka qeyb gali doonaan munaasabadaasi ka dhacaysa magaalada Jima ee dalka Ethiopia. Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa waday isbeddel gudaha iyo dibadda ah oo dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha la xiriiray, waxaana la filayaa in labada masuul uu kala hadli ka mid ahaanshaha isbadalka geeska. Dadka falanqeeya siyaasadda geeska Afrika ayaa u arkayay Isbaheysigan oo ay ka maqanyihiin Jabuuti iyo Sudan in uu gaabis yahay sidaas darteedna waxaa ay u badantahay in Abiy uu kala hadlo labada masuul ka qeyb ahaanshaha isbadalka socdo. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Dubai (Caasimada Online)-Hogaamiyaha dibad Jooga ah ee Fatax ahna lataliyaha dhaxal sugaha Imaaraatka Carabta Maxamed Dahlaan, ayaa shaaciyay waqtiga uu dhaxal sugaha Sacuudiga uu xilka dalkaasi heyn doono. Maxamed Bin Salmaan, ayuu sheegay in xukunka Sacuudiga uu heyn doono 50 sano oo soo socota, sida uu sheegay lataliyaha dhaxal sugaha Imaaraatka Carabta. Maxamed Dahlaan, ayaa hadalkaan jeediyay kadib wareysi uu siiyay Al Carabiya TV, waxaana uu yiri “Warar xan ah ayay baahiyeen Warbaahinta Qatar iyo Turkey kuwaasi oo lagu carqaladeynayo Masar iyo Sacuudiga”. “Maxamed Bin Salmaan wuxuu awooda Sacuudiga iyo xukunka heyn doonaa 50 sano oo soo socoto, ilaa in faragelin rabaani ah ku timaado mooyee”ayuu yiri Maxamed Dahlaan. Wareysiga lala yeeshay Maxamed Dahlaan ayaa la baahiyay iyadoo ay jiraan mowjado cambaareyn ah oo ku aadan dhaxal sugaha Sacuudiga, taasi oo la xiriirta Dilka Wariye Jamaal Kashoqji oo dhacay 2 October ee sanadkaan. Waxaana Warbixino sirdoon oo soo baxayay ay shaaciyeen in Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu isaga lahaa amarka lagu dilay wariyaha oo ka dhex dhacay Qunsuliyadda ay ku leeyihiin dalka Istanbul. Dahlaan, wuxuu beeniyay in kooxo hubeysan ay si toos ah u weerareen isaga, sabab la xiriirta in dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu booqday lanna kulmay Todobaad ka hor. Wargeyska Yeni Safak ee dalka Turkey, ayaa isaga oo soo xiganaayo ilo xog ogaal ah uu u dhashay dalalka Sacuudiga iyo Falastiin wuxuu sheegay in Maxamed Bin Salmaan iyo Boqorka Imaaraatka ay ka dalbadeen Maxamed Dahlaan inuu qaato masuuliyadda dilka wariye Jamaal Kashoqji islamarkaana uu iska dhigi ruuxii qorsheeyay kadibna amray dilka wariyaha, si loo difaaci Bin Salmaan, laakiin wuu iska diiday. Maxamed Dahlaan ayaa fadhigiisu wuxuu yahay magaalada Dubai tan iyo 2011 xiligaasi oo ururka Fatax ay ceriyeen sabab la xiriirta inuu dhaawacayo amaanka qaranka Falastiin, isaga oo sameynaya faa’iido xad dhaaf ah. Caasimada Online Xafiiska DUBAI Caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyay magaaada Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga fuliyay xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi. Ku dhaawaad 25 Qof oo u badnaa Dhalinyaro ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo qab qabtay howlgalladaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Xiriiro aan la sameynay saraakiisha hoggaamineysay howlgalladaasi ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan baaritaanadaasi. Balse waxa ay sheegeen in ay shaacin doonaa natiijada marka uu soo gabagaboobaan howlgalladaasi. Maalmihii la soo dhaafay Galmudug ayaa xoojineysa ammaanka Dhuusomareeb, si looga hortago falal ammaan dari oo ka dhaca gudaha magaaladaasi. The post Ciidamada Galmudug Oo howgallo ka sameeyay Dhuusomareeb appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in uu aqbalay wada hadalo iyo kulamo uu la yeesho dowlada dhexe ee Soomaaliya. Arintaasi ayaa ka dambeysay, kadib markii ay Kismaayo gaareen wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha aqalka sare ee Baaralamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in Jubbaland ay aqbashay wada hadalo ay la yeelato dowlada Dhexe ee Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in ay fashilmeen dadaalo hore oo la doonayay in ay kula hadlaan dowlada, hayeeshee dadaalkaan uu wado aqalka sare ay taaageerayaan in uu miro dhalana ay sugayaaan. Wali waxaa magaalada Kismaayo ku sugan wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo halkaasi u tagay xalinta khilaafaadka u dhaxeeyo dowlada dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada. PUNTLAND POST The post Jubbaland oo aqbashay wada hadal ay la gasho dowlada dhexe appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi C/laahi Oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda sare ee maamulka Jubbaland. Kulamadan oo ahaa kuwa ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa diirada lagu saaray, sidii xal loogu heli lahaa khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamuud Sayida Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulamadaasi. Waxaana uu sheegay in Jubbaland ay soo dhaweyneyso dadaallada uu wadoGolaha Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Jaamc-1-.mp3 The post J/land Oo soo dhaweysay dadaallada Golaha Aqalka Sare appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-081218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/laahi ayaa sheegay in nabad la isku haleyn karo ay taallo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugan yihiin isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo Labadii cisho ee lasoo dhaafay. Jubbaland ayuu ku amaanay dedaalka ay ku bixisey amniga magaalada Kismaayo, isaga oo dhanka kale sheegay in Kismaayo u joogaan ogaanshiyaha tabashada Jubbaland. “Waxaan ku faraxsannahay nabad-galyada taallada Kismaayo, shirkii halkaan ka dhacay wixii kasoo baxay waxaan goosannay inaan ogaanno bal maxaa jira oo tabashadu tahay oo dowlad goboleedyadu ay tabanayaan oo jira” ayuu yiri guddoomiyaha. Jubbaland ayaa ka mid ahayd dowlad goboleedyadii horey u sheegay iney hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Cabdi-Xaashi.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hay’d lagu magacaabo Act Alliance una doodda xuquuqda arrimaha bini;aadannimada ayaa ka digtey abaar mar kale ku dhufato Soomaaliya. Waxa ay hay’adda sheegtay in xilligan Soomaaliya ay u baahan tahay gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah, haddii aan la helinna xilli walbo la filan karo abaar. Act ayaa sheegtay in roobabkii ka da’ay Soomaaliya ahayn kuwo ku filan dadka xoolo dhaqata iyo beeraleyda ah, sidaasi darteedna sidii dhacday sanado horeba abaar la filan karo. Hay’adaha gurmadka ayeey ugu baaqday iney Labo jibbaaraan gurmadka ay geeyaan Soomaaliya si looga hortago qataraha imaan kara. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa lagu soo gabagabeeyay shirara loga hadlayay dhisidda goleyaasha deegaanka ee gobolkaasi. Shirka oo shan maalin socday ayaa looga hadlay qodobo badan oo muhiim ah islamarkana wax ka badali kara nidaamkii hore ee wax loo soo magacaabi jiray, iyadoo hadda guddoomiye waliba uu soo dooran doono golaha deegaanka halka uu ku nool yahay. Maxamed Cali Caadle, wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in muhiimadda shirarkan ahaa kuwo lagu doonayey in lagu barto dhismaha goleyaasha deegaanka. Wuxuu sheegay wasiirka in sanadka 2019-ka dhismaha golaha deegaanka laga hirgelin doono magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WARKA-JOWHAR-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in dalka maanta uu marayo xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto. Xaaladda uu maanta dalka ku jiro ayuu sheegay inaanay fahmi karin cid socoto ku timid (dibad joog) balse ay fahmi karto cid walbo oo joogtey dalkan mudadii burburka ka jiray. Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in cid walbo oo Soomaaliyeed uu waajib ka saaran yahay in dalkan ay wax ka qabato xaaladiisa. Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in loo midoobo dib u dhiska Soomaaliya iyo ka shaqeynta nabadda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Axmed-MadoobeFmta-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamed Kheyre oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in gobolka Hiiraan uu waxyaabo badan kaga duwan yahay gobolka Shabeelaha Dhexe, taasina ay caqabad kunoqon doonto maamulka Hirshabeelle. Gobolka Hiiraan ayuu sheegay in maalin kastaa laga soo xareeyo dhaqaalo ka badan 10 kun oo doolar, oo canshuur ahaan looga soo ururiyo magaalooyinka waaweyn ee gobolka, balse si qaldan loo isticmaalo. Xildhibaanka oo ka hadlayay Barnaamij ka baxayay Mid kamid ah TV-yada Soomaalida, ayaa sheegay in Dhaqaalaha Gobolka Hiiraan ay ku dhacaan gacanta Shaqsiyaad si qaldan u adeegsado lacagtaasi oo ka badan 15 kun oo Doolar. “Lacagta Hiiraan kasoo xarooto maalintii waa 15,000 kun oo doolar, waxay ku dhacdaa gacan qaldan, sida Shabeelaha Dhexe masoo marto hanaanka saxda ee wasaaradda Maaliyadda, Hiiraan wuu ka duwan yahay Shabeelaha Dhexe, Ciidanka jooga meelaha canshuurta lagu qaado iyo shaqsiyaadka maamulka ah ayay gacantooda gashaa lacagtaasi”ayuu yiri xildhibaanka. Wuxuu sidoo kale sheegay arinta labaad ee Hiiraan uu kaga duwan yahay Shabeelaha Dhexe inay tahay isbadalka badan ee dhanka maamulka, waxaana u sabab ah sida uu sheegay awooda ciidan iyo midda beeleed ee shaqsiyaadka loo magacaabayo maamulkaasi. Xildhibaanka wuxuu sheegay in ruux kasta oo la magacaabayo laga fiiriyo hubka iyo ciidanka uu heysto, waxaana wali ku dambeeya Qabiilka iyo isku awood sheegashada, sida uu hadalka u dhigay. Labadaasi qodob ayaa ka dhigeysa Hiiraan mid ka duwan Shabeelaha Dhexe oo aan kamid aheyn maamul ahaan, maadaama wasaaradda maaliyadda aysan awood u laheyn hanaanka Maaliyadda inay marsiiso dhaqaalaha kasoo xaroodo. Sidoo kale waxaa cad in dhaqaalaha Hiiraan ka yimaado ay ku laabtaan Shacabka Hiiraan, balse kan Shabeelaha Dhexe ka yimaadana uu ku dhaco qasnada maamulka islamarkaana la wada qeybsado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in si habsami leh u socdaan kulamada u dhaxeeya dowlad goboleedka Jubbaland iyo sidoo kale xubnaha uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi C/laahi. Shalay oo Jimco ahayd waxaa kulmay wafdiga aqalka sare iyo sidoo kale, Labada gole ee dowlad goboleedka Jubbbaland, waxaana looga hadlay arrimaha la xiriira tabashada Jubbaland ee dowladda federaalka ah. Mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa halkaasi ka sheegay waxyaabo badan oo ay ka tabanayaan dowladda dhexe, loona baahan yahay in la xalliyo tabashadaasi. Guddoomiye Xaashi ayaa la kulmi doona maanta mas’uuliyiin kale oo Jubbaland ah, wuxuuna guddoomiyaha doonayaan in la xalliyo waxay tabaneyso Jubbaland. Jubbaland ayaa ka mid ahayd dowlad goboleedyadii horey u shaaciyey iney hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Saddex goor ayaa dib loo dhigay doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ay u muuqata in mar afaraad sidoo kale la hakin doono. Dib u dhaca doorashada ayaa loo sababeynayaa in xukuumadda federaalka ay garwaaqsatay in Roobow uu yahay ninka ugu cad-cad doorashada una badan tahay inuu ku guuleysto, haddii si caddaalad ah loo tartamo, sida uu sheegay Rashiid Cabdi oo ah agaasimaha mashruuca Geeska Afrika, ee ururka xalinta xasaradaha caalamiga ah ee ICG. Qorshaha dowladda federaalka ayaa ah in saddex hab ay uga hortagto Roobow. Tan koowaad ayaa ah in xaalad deganaansho la’aan laga abuuro Baydhaba, tan labaad Soomaalida iyo dalalka gobolkaba lagu beero cabsi ka dhan ah Roobow oo ah inuu yahay nin halis ah, iyo tan saddexaad oo ah caqabado dhinaca sharciga ah la hor dhigo. Qodobka ugu dambeeya ayaa muhiim ah sababtoo ah Roobow ma uusan marin barnaamijka lagu baaro hogaamiyayaasha kasoo goosa Al-Shabaab ee lagu dhaqan celiyo. Tani waa mid Roobow loo adeegsan karo. Cabsida ku aadan Roobow ayaa hadda lagu baahinayaa Bariga Afrika. Ethiopia waa dalka sida aadka ah u diidan Roobow, halka Kenya aysan weli go’aan ka gaarin. Sida Rashiid Cabdi uu sheegay damaca lagu hor-istaagayo Roobow wax ay doontaba ha qaadatee waa mid aan laga fiirsan. Inkasta oo Salafinimada Roobow ay tahay dhibaato, haddana xubno badan oo dowladda ka tirsan ayaa sidaas oo kale ah. Ayada oo mintidiinta Soomaaliya ay inta badan si been ah u muujiyaan in dalka ay ku loolamayaan Islaamiyiinta iyo Calmaaniyiinta ayaa xanibaad lagu sameeyo Roobow waxay tusmeyn doonta in mar kale maamul islaami ah la diiday, taasi oo abuuri doonto xagjiriin cusub. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Shirkii maal-gashiga Somaliland ee dowladda Hargeysa ay 30-kii November ku qabatay hotel-ka shan xiddiglaha ee Fairmont The Norfolk hotel ee magaalada Naiorbi, ayey guul-darro siyaasadeed iyo niyadjab kala noqotay. Shirkan ayaa Somaliland ay si aad ah u weyneysay, waxaana madaxweyne Muuse Biixi uu u diray afar wasiir oo heer sare ah, oo kala ah: arrimaha dibedda, qorsheynta dhaqaalaha, gacansiga iyo macdanta. Si kastaba, wasiirka gacansiga Kenya Peter Munya, madaxweyne ku xigeenka William Ruto, iyo laba xldhibaan oo kale oo Kenyan ah ayaa diiday casuumad ay Somaliland u fidisay. Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in mas’uuliyiinta Kenya ay dideen shirka ayaga oo ka baqaya in iskudhac diblomaasiyeed uu dhex-maro dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, oo hadda Kenya ay aad isugu dhow yihiin. Diidmada mas’uuliyiinta Kenya ee shirka, ayaa waxaa kasii daray, markii dhammaan diblomaasiyiinta fadhiya Nairobi ay ku gacan seereen inay shirka tagaan. Waxaa sidoo kale meesha ka marneyn in khibrad la’aanta diblomaasiyadda caalamiga ah ee Somaliland ay xaaladda kasii dartay. Somaliland oo ka hor shirkan si aad ah u buunbuunisay ayaa markii shirka uu dhacay ka gaabsatay inay weyneyso ayada oo inta badan dowladda aysanba soo hadal qaadin, warbaahinta gudahana aysan ku bixin waqti badan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa billowday in si shaacan iyo si qarsoodi ahba ay disho xubno badan oo kooxda ka mid ah, sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah oo nasoo gaaraya. Duqeymaha Mareykanka uu kooxdan la beegsanayo oo bilihii dhowaa aad u kordhay ayaa la rumeysan yahay in kooxda ay ku qasbeen in dhex-deeda iska shakiso, sababtoo ah inta badan duqeymaha ayaa ahaa kuwa xubno ka tirsan kooxda lala helay. Xubnaha duqeymaha lala beegsaday balse ka bad-baaday ayaa waxaa ka mid ah afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab oo bishii September lagu beegsaday deegaanka Saakow. Duqeymahan oo boqolaal maleeshiyo kooxda looga dilay ayaa la rumeysan yahay in lagu fuliyo xogta xubno ku dhex-jira kooxda oo la shaqeeya sirdoonka Mareykanka iyo Britain. Ayada oo taas laga duulayo, ayaa Al-Shabaab waxa ay billowday howl-gal looga magac-daray “ka hor-tagga jaajuusiinta”, oo hogaamiyaha kooxda Axmed Diiriye uu ku beegsanayo xubno ka tirsan kooxda. Weerarada Mareykanka ayaa wiiqay awooddii ay kooxda ay isku abaabuli lahayd kuna qorsheyn lahayd qaraxyada ay la beegsato goobaha dowladda iyo dadweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com