Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Finland) Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa eheladii Ka Tacsi yadeeyay geerida Ciyaartoygii aha aha Goolhayaha xulka Qaranka Somaliland oo shil gaadhi Hargaysa ku geeriyooday. Dhanbaalka Tacsi da Guddoomiye Cirro oo uu soo gaadhsiiyay shabakada wararka ee Somalilandtoday ayaa u dhignayd sidan . TACSI GUDDOMIYE : إنا للة و إناإلية راجعون Guddoomiya xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, ka guddida fullinta, ka garabadda dhallinyarada, haweenka, laamaha dibadda iyo taageerayaasha xisbiga ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa-ba; Waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guddomiyaha gobolka Sanaag ee xisbiga WADDANI mudane Maxamed Jaamac Daadey oo geeri naxdin-lihi kaga timid shil gaadhi oo maanta ka haleelay inankisii marxuum Cabdirisaaq Maxamed Jaamac Daadey Alle ha u naxariistee. Dr Cirro waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka in uu Ilaahay godka u nuuriyo sida oo kalena uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iiman saadaq ahna ka siiyo. Aamiin aamiin. INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN. Waaxda warfaafinta xisbiga WADDANI. Hargeysa-Somaliland Source
  2. (SLT-Burco) Abwaanada ugu caansan gayiga Soomlidu degto, oo kala ah Cabdi Aadan Xayd (Qays) Xasan Xaji Cabdillaahi (Xasan) Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), Muuse Cali Faroor, Maxamed Aadan Dacar iyo aqoonyahano uu kamid yahay Jaamac Muuse Jaamac ayaa magaalada Burco wakhti xiiso Leh kula qaatay Abwaanka wayn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) Abwaan Hadraawi oo ay sugaan wadaag iyo saxiibi dhaw yihiin Abwaanadan ayaa xasuus dheer ay wada galeen, waxaana wajigiisa ka muuqday farxad xad dhaaf ah. Abwaan Hadraawi oo yara xanuunsaday baryihii u danbeeyay ayaa socdaalkan Saxiibadii oo Hargaysa uga yimi ay u ahayd siyaaro tariikhi ah. Somalilamdtoday/Burco/Office Contact@somalilandtoday.com Source
  3. (SLT-London) Badhasaabkii hore ee Gobolada SOOL, Awdal iyo Maroodi-Jeex Mustafe Cabdi Shiine ayaa sheegay In Siyaasiga Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geeljire) oo kamid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Somaliland Xisbiga KULMIYE ku qoonsaday aragtidiisa. Sidaana wuxuu ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga kaas oo u dhignaa sidan. “Abdilaahi Geeljire maxaa lagu galay, ma aragti ha yeelanbaa, tolow maxaa laga filaayay kol hadaanu xil xisbi iyo mid xukuumadeed oo uu aragtidiisa ka dhex sheego hadaanu hayn ma wixii kuu muuqda ha ka hadlin baa? Yaab?.” Source
  4. Waa maalintii u horreysay ee aan war ka doono golaha Wakiillada Somaliland oo markaas fadhiyadoodii u horreeyay lahaa. Qiyaastii dhawr bilood ayay xilka hayeen. Sidaan hugunka u raacayay ayaa anigoo baalla-daymoonaya galay hoolkii shirka ee mudanayaashu fadhiyada ku lahaayeen. Wuxuu ahaa dhisme qaddiim ahaa oo wakhtigaa ay fadhiyada ku qaban jireen. Marka laga soo galo albaabkii jihada koonfur-galbeed, dhinaca ugu dhaw ee bidixda waxa uu ahaa kaabaddii sare ee Shirguddoonku fadhiisan jiray. Midigta waxa kaa qabanayay taaggii (Stage) ay mudanayaashu ka hadli jireen wakhtiyada ay doodaha dhiibanayaan. Sidaan u socday baan kuraas halkaa ka soo jeeday oo saf ku jira aan fadhiistay! Waxa wakhtigaas safkaas fadhiyay laba nin. Hareeraha ayaan eegay, waxaan arkay in kuraasta kala yar sarraysa la fadhiyo. Buug yar oo aan sitay iyo qalin baan la soo baxay! Waxaan dareemay in labada nin ee dhinacyada iga fadhiyaa eegmo la-yaab i eegayaan! Mase u joojin ee qoraal baan iska bilowday! Meel qumaati toos ah oo kaabadda shirguddoonku saaran yahay hoosteeda ah waxa fadhiya oo saf ku soo jiray dhawr qof oo aanan garanayn waxay qabanayaan wakhtigaas! Nin aan goorahanba arkayay oo hadba dhinac noo dhaafayay baa ii yimi; “Ma saxafi baad tahay?” ayuu i waydiiyay isagoo doonaya inuu isqabadsiiyo da’dayda iyo mihnaddayda! “Haa” ayaan ugu jawaabay. “Xaggeed ka socotay?” ayuu ii celiyay. “Wargeyska Ogaal” ayaan ku idhi. Dabadeed inta uu garabkayga bidix gacantiisa saaray sidii uu ii yeedhayo, ayuu ii raaciyay, “Haddaba soo kac, halkani waa halkii Xildhibaannada’e, saxaafaddu halkan bay fadhiisataaye!” Markii hore waan naxay, haddana waxaan u bogay sida asluubta leh ee aan dhawaaqa lahayn ee uu wax iigu sheegay. Degdeg baan u raacay, dabadeed meel halkeer ah ayuu i fadhiisiyay kursi yaallay. Waxa fadhiyay nin aananu is-garanayn wakhtigaas, markii dambe se aannu isbaranay oo saxafi ahaa. Maalintii laga bilaabo halkaygaas waan la haystay in saxaafaddu fadhiisato! Waxaan u guntaday maalintaas laga bilaabo inaan dhismaha golaha, xildhibaannada magacyadooda oo saddexan iyo gobollada laga soo doortay, habshaqada golaha iyo wixii kale ee la xidhiidha aan barto. -Labada nin ee aan dhex fadhiistay markii dambe ee aan kala bartay waxay noqdeen Xildhibaan Aadan Tarabbi Oogle (Allahaa u naxariistee beri dambe dhintay) iyo Xildhibaan Maxamed M. Cumar-Xaashi. Ninka i saxay ee sida wacan ii soo dhaweeyay wuxuu ahaa; Siciid Jirde Haybe Jire, wuxuu ka mid ahaa hawlwadeennada Golaha Wakiillada ~ wali ma illoobo. -Ninkaannu is-agfadhiisiga ku jaarnay ee markii dambe isbaranay wuxuu ahaa Saxafi Maxamed Axmed Sagax. Aniguba shalay! #Aqoonkorodhso #Anigubashalay Source
  5. Adis Ababa, Nairobi,Xuduuda Kenya, Kismaayo iyo Muqdisho ayaa Sugida amaanka kor loo qaadey cabsi laga qabo in Al-shabaab ay soo maleegaan weeraro qorshaysan Kala guurka [...] Source
  6. Inkastoo ay lama huraan tahay in dhaqanka iyo sharafta ummadda la ilaaliyo, waxyaalo hore loo yidhi oo deelqaafa ku ah qof ama beelna aan qoraal la gelin, haddana maaaha in lagu taliyo oo ay dhaqan noqoto in buug la gubo. Inkasta oo aanan buugga akhriyin, sida aan warka ku hayo, qoraaga buugga “Soyaal” wuxuu dood cilmiyeysan ka furay taariikh hore oo qofba si u haysto. Murakana waxa keenay tusaaleyaal uu soo qaaatay oo uu ku adkeynayao doodiisa. Qoraagu ma gabyin, buuguna kuma saabsana gabayo qabiil ama hablo sharaf mudan hore loogu aflagaadeeyey, wuxuuse soo qaatay tusaalayaal xoojinaya doodiisa, taasoo shakhsi ay qoraaga is hayaan si khaldan u isticmaalay si uu u abaabaulo kacdoon ka dhan ah qoraaga ay is hayaan iyo buuggiisaba. Waa wax runtii aad looga naxo in odayaal ku taliyaan in buugga la gubo oo weliba ay soo jeediyaan inaan la qori karin buugaag ay ku jiraan gabayo hore loo toriyey oo qabaail lagu af lagaadeynayo. Shirkadaha daabacada ayay tahay ijay hubiyaan waxa buuga ku qoran inta aanay daabicin. Haddiis ay dhacday inay daabaceen buug ay dadka qaar dhibasdeen waxay ahayd in buugga la geliyo “restricted circulation” oo aan bulshada loo soo bandhigin oo meelo gaara lagu hayo, waxa dhici karta in jiilaasha soo socdaa ka fiideystaan nuxurka guud ee buugga ee aanay macno badan u samayn waxan hadda laga cabanayo ee tusaale ah. Xal maaha .noqonmayso buug la gubay, waxayse horseedi doontaa dhaqan xun oo liddi ku ah horumraka fikirka iyo dood curinta. Inkastoo aanu golaha guurtidu goaan rasmi ah kasoo saarin gubitaanka buugga ee ay talo soo jeedin ay odayaal guddi ahi soo jeediyeen, haddana soo jeedinta laftigeeda ayaa saamayn leh. Odayaashu waxay ku fiicanayd inay yidhaahdaan buugga ha laga saaro inta laga cabanayo oon ka badnayn toban sadar, qoraaguna waa inuu raali gelin siyaa ciddii ka cabatay buugga, laakiin maaha in buuga la gubo oo weliba la yidhaaho waxa loo gubay qayb ka mid ah gabay uu qof aflagaadoonayaa hablo sharaf leh kula dul kufay oo tusaale loo soo qaatay. Waxa kale oo iyana werwerkeeda leh war uu soo saaray wasiirka cusub ee waxbarsahadu oo uu ku mamnuucay furitaanka iskuulada gaarka loo leeyahay, oo runtii ahaa mishiinka wada waxbarshada dalka. Ma waxaynu galnay xilli aqoonta lala dagaalamayo. Arrintan ha laga fiirsado wasiirkana ha loo caqli celiyo. Abokor Baruud Baruda2006@gamil.com baruda2006@gmail.com Source
  7. Qarranimadii qurux lahayd, dawladnimadii haybad lahayd, maamulkii, maaliyaddii iyo manfacii dalka la wadaagi jiray iska illoow maanta jifo hoose ayaa isku haysta oo ku dagaalamaya cashuurtii ummadda. Arrimaha jiraa waxay muujinayaan hoggaamiye macaash doona iyo hurrin xoolo ururis hammigooda u weyni yahay in qarankii u gacan galay. sidaasay ahaanaysa iyo si ka daran toddobadaa inana iyaga manfaca wadaagaya oo dawladnimada dheefteeda ka dhiilo hilanaaya unta maamulkani jiro. Ummaddu sharafteeda ha ilaashato oo yaan la aqbalin hab-maamulka gurracan ee maanta jira, nidaamka jiraa wuu dumayaa siina soconmaayo, waxa laysku hayaa waa dano gaara oo ay isku baacsanayaa kudlado kooban oo isku ardaaya. Sinaan ummadeed iyo sawrac dawladnimo raadkeedi lama hayo. Kooxaysiga qolaba qolo jiidhaysayso ayaan lagaba dhamaanayn. Labada kooxod ee bannaanka isku haystay ayaa ku hirdamaaya qasriga gudihiisa. Kooxahan mustaqbal fog uma diyaarsana, waxaan ka ahayn maanta noolaada. Qaranku wuu ka qiimo badanyahay maalin quudashadii. Halgan weynbaa hor yaal dhallinyarada Somaliland. Mustaqbalka la leexsaday iyo manfaca dhanka u janjeedhaa waa kii ka dhexeeyay Laas-qoray illaa Lawyacaddo. Sidaasaa loo kala qoqobaanayaa inta danahu hagayaan dawladnimada ee aan laga fekerayn sidii loo wadaagi lahaa dawladnimada innaga dhaxaysa. W/Q MaxamedSidiiq Dhamme Source
  8. War aynu ka helnay ilo ku dhow-dhow madaxtooyada dowladda federal-ka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta uu magaallada Garowe ku soo fool leeyhayay Cali Ciise Cabdi [...] Source
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ciidamada Amniga ayaa howlgal qorsheysan ku soo qabtay Xubin ka tirsan kooxda Daacish u qaabilsanaa Tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandhada), sida uu sheegay Taliska NISA. War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan aysan jirin cid wax ku noqotay. “Howlgal aan cidi wax ku noqon ayaa ciidamada amniga 23-ka bishan, kusoo qabteen howlwadeen ISIS u qaabilsanaa soo tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandhada), waxaana la horkeeni doonaa cadaaladda”. Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la doonayeen shacabka Soomaaliyeed. The post NISA: “Waxaan qabanay xubin ka tirsan Daacish” appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday qorshe ay ku bilaabeyso diiwaan gelinta dhamaan ajaaniibta ku sugan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho. Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa booqday waaxaha xariirka dibadda, Qorsheynta, Howlaha iyo latalinta sharciga ee dowladda. Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa la kulmay madax ka tirsan Hay’adda Qaxootiga Qaranka, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira qaxootiga kusoo laabanaya dalka Soomaaliya. Dalka Soomaaliya oo ay hadda ay kusoo laabanayaan Soomaali horey dalka kaga cararay ayaa waxaa haddana ku sugan qaxooti ka yimid dalalka Yemen, Tanzania, Ethiopia iyo Syria, kuwaasi oo qaarkood si sharci ah kaga shaqeysta dalka. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo hay’adda Qaxootiga Qaranka ayaa ku heshiiyey hab-raaca diiwangelinta ajaanibta qaxootiga ku ah dalka, iyo sidoo kale hababka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Kadib markii 10-kii bishani December uu shaaciyey Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ah Garaadka guud ee Beesha Maxamed Siyaad (Ugaadh yahan) in uu [...] Source
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah: Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan. Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali). Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise. Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka. Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed. The post Madaxwayne Farmaajo oo magacaabay Garsooreyaal appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Sh. M. Network) – Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee looga hadlo qorshaha cafinta daymaha kaas oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya. Wasiirka maaliyadda ayaa ra’iisul wasaaraha uga warbixiyay guulaha laga gaaray shuruudaha dayn cafinta ee dawladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammaytirka u baahan si loo dar-dar geliyo qorshaha cafinta daymaha Soomaaliya Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada qaybta ka ah geeddi socodka ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya iyo dar-dar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo. Dowladda Federaalka ayaa dadaal xooggan gelisay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay,waxayna Hay’adaha dhanka maaliyadda ka taageera Soomaaliya ku ammaaneen daahfurnaanta iyo kobaca dhaqaalaha dalka uu sameeyay sanadihii ugu danbeeyay. The post RW Khayre Oo guddoomiyay shir muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Adis Ababa, Nairobi,Xuduuda Kenya, Kismaayo iyo Muqdisho ayaa Sugida amaanka kor loo qaadey cabsi laga qabo in Al-shabaab ay soo maleegaan weeraro qorshaysan Kala guurka [...] Source
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-241218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Maxaas ( Sh. M. Network ) – Kulankan oo ah mid saddex geesood ah ayaa waxa uu dhexeeyaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hiiraan iyo Odayaal ka kala socda Beelaha ku dagaalamaya agagaarka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Cabdi Muumin Cilmi oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle ayaa sheegay in loo baahan yahay nabad iyo xasilooni ka hirgasha degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolkaasi. Waxaana uu ugu baaqay Odayaasha labada dhinac ee matalaya Beelaha dagaalamay in ay qaataan waan waanta loo jeedinayo, si Caruurta iyo Haweenka ku dhaqan halkaasi ay u helan horumar deegaan. Sidoo kale waxa uu mas’uulkan carabka ku dhuftay, islamarkaana uu beeniyay in dagaalkan uu salka ku hayo Aanooyin Qabiil. Xaaladda ayaa maanta dagan, iyadoona mas’uuliyiin kala duwan oo ku baxay colaadaasi ay ku sugan yihiin degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. The post Kulan dhex dhexaadin ah Oo ka socda degmada Maxaas appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beele ayaa sheegay in warbixin kooban uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka siiyay horumarka Dowladda ka gaartay dib u habeynta iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda Dalka. “Sharaf ayay ii tahay inaan warbixin kooban ka siiyo Madaxweynaha Soomaaliya MD Maxamed Cabdullahi Farmaajo horumarka aan ka gaarnay dib u habeynta iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda Dalka”, ayuu yiri Wasiirka Beyle. Sidoo kale,Wasiir Beyle ayaa madaxweyne Farmaajo la wadaagay natiijada ka soo baxday kulanka Jaamacadda Carabta oo uu dhowaan kaga qeyb galay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar. “Waxaan sidoo kale la wadaagay natiijooyinkii kasoo baxay kulankii Jaamacadda Carabta ee Qaahira usbuucii tagay aan uga qeyb galay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya. The post Wasiirka Maaliyadda Oo warbixin siiyay MD Farmaajo appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho ( Sh. M. Network )- Kooxo hubeysan ayaa maanta mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ku dilay gudaha magaalada Muqdisho. Dilkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay xaafadda Haanta-Dheer degmada Dayniile ee gobolkan Banaadir. Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi waxaana uu caan ku ahaa Oongooye . Sidoo kale Marxuumka ayaa ahaa Bare wax ka dhigi jiray Jaamacadda Daaha ee magaalada Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee DFS ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa ka hadlay dilkaasi, waxaana uu Tacsi u diray Ehallada Marxuumka la dilay. Dilkani ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. The post Mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillahi Jaamac Cismaan Geeljire oo ka mid ahaa saddex mas’uul la sheegay in laga caydhiyay xisbiga KULMIYE ayaa ka hadlay aragtiisa ku aadan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeeray Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka oo ay ka socdaan howlo dib u dhis ah. Xilligii uu Ra’iisul waasraha ku guda jiray kormeerka ayaa waxaa goobta ku sugnaa shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadad Soomaaliya oo halkaasi ka waday shaqa Maalmeedkooda Is-xilqaan, taasoo qayb ka ah qorshaha ay hay’adaha Dowladda kaga qayb qaadanayaan ololaha Is-xilqaan oo uu Madaxweynaha JFS ku dhawaaqay. Ujeedka ugu weyn ee Ra’iisal wasaare Kheyre u kormeeray Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka ayaa waxay tahay inuu u kuurgalo howsha is-xilqaan iyo siday u socoto,wuxuuna warbixin ka dhageystay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure iyo Injineerada wax ka dhisaya xarunta. Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin inuu soo booqdo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya xilli ay ku guda jiraan howsha is-xilqaan ee dib loogu dayactirayo Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka,islamarkaana uu Ra’iisal wasaaraha qeyb ka noqdo barnaamijka is-xilqaan ee maanta ka socoto xarunta Tiyaatarka Qaranka. Waxaa meel wanaagsan maraya dib u dhiska iyo dayac-tirka golaha murtida iyo wacyi gelinta Qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan la billaabay. The post R/ wasaaraha XFS Oo kormeeray Tiyaatarka Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Howgal ay sameeyeen Ciidamada Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayey sheegeen in ay kusoo qabteyn sarkaal ka tirsan Daacishta Soomaaliya. NISA ayaa sheegtay in howgal gaar ah oo hori loo sii qorsheeyay in ay kusoo qabteyn sarkaalkaas oo ay sheegeen in Daacish uu u qaabilsanaa soo tashkiilinta iyo dagaalyahanno ka dhigista dhalinyarada. Waxa ay qoraalka ay kusoo baahiyeen bartooda Twiterka ku sheegeen in xubinta Daacish ay soo qabteyn 23’ka bishaan, balse ma sheegin magaciisa iyo xog intaas dheer oo ku saabsan. NISA waxa ay intaas ku dareyn in howgalkaasi aynan cidina wax ku noqon oo uu ahaa howlgal qorsheysan, balse halka ay howlgalkaasi ka fuliyeen ma aysan sheegin. “Hawlgalkan oo aan cidi wax ku noqon ayaa ciidamada amniga 23-ka bishan, ku soo qabteen howlwadeen ISIS u qaabilsanaa soo tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandada), waxaana la horkeeni doonaa cadaaladda.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Waxa aanu halkan idin ku soo gudbinaynaa warbixin ku saabsan loo ilaaliyo indhaha, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Macallin ka tirsanaa macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha Muqdisho ayaa saaka lagu toogtay agagaarka Haanta-dheer ee dagmada Dayniile. Maxamed Axmed Oongooye oo ah macalinka la toogtay waxaana la dilay kadib markii gaadhi uu watay lagu joojiyay halkaasi, waxaana dad goobjoogayaal ah tilmaameen in dhowr xabadood madaxa looga dhuftay. Dilkan ayaa waxaa geystay dhaliyaro bastoolado ku hubaysanaa, waxa ayna isaga baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen, Oon-gooye waxaa uu ifka uga tagay seddex caruura iyo mid uurka lagu sido. Macalinka ayaa ahaa wiil dhalin yara ah oo 30 ku jira ah sida ay u sheegeen qaar ka mid ah asxaabtiisa. Maxamed Axmed , waxbarashadiisa ilaa heerka dugsiga sare waxaa uu ku soo qaatay dalka Kenya, waxaa uu waddan-ka ku soo laabta sanadkii 2014-kii, waxaa uuna heerka 1aad jaamacada ka bilaabay jaamacada Horn of Africa ee magaalada Muqdisho, waxaa uuna ka baxay 2017kii, isaga oo bilaabay inuu jaamacada Horn of Africa iyo jaamacado kale uu ka bilaabay luqadda Ingiriiska, waxaa kale uuna ka tirsanaa wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta. Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Jaamac oo ka mid ahaa saddex mas’uul oo maanta xisbiga KULMIYE laga saarey ayaa waxaa uu ka Hadley sida uu u arko in xisbiga laga saaro . Prof. Cabdi Cali ayaa kashifay in la wado qorshe guDdoomiyaha ku meel gaadh-ka ah ee xisbiga KULMIYE loogu magacaabaayo Md. Axmed Cabdi Dheere oo iminka ah guddoomiye ku xigeenka Labaad, waxaana uu sheegay in la rabo in la dhaho saddexda xisbi ba Garxaajis ayaa gudoomiyayaal ka ah Sidoo kale Prof. ayaa sheegay in aanu sidaas kaga hadhin doonin in xibsiga KULMIYE laga saaro oo uu maxkamad la gali doono, Gud Axmed Cabdi Dheere-na waxaa uu ku eedeyey in isagu u baahan yahay in la anshax mariyo mar haddii uu Mobile-ku dhuftey guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Halkan hoose ka DAAWO Source