-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Soo dhoweyntii Asad loogu sameeyay barxadd Garoowe Musharaxa madaxweynaha Puntland Mudane Asad Cismaan Cabdullaahi oo socdaalka uu ugu magac daray Difaac iyo dowladnimo ku maraya goboladda Puntland ayaa maanta si ballaaran loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafti uu hoggaaminayay Caasimadda Puntland ee Garoowe. Kumaanaan kun oo Dadweynaha Garoowe ayaa isugu soo baxay banaanka magaaladda iyagoo sitay sawirada musharaxa, waxayna ku dhawaaqayeen heeso iyo halkudhigyo ay ku taageerayaan musharaxa madaxweyne Asad Cismaan Cabdullaahi Musharax Asad oo Khudbad kooban ka jeediyay Barxada caasimada Garowe Waxaa uu uga mahadceliyay shacabka Caasimada Garoowe sida ballaaran ee ay ugu soo dhaweeyeen banaanka iyo gudaha magaalada “ Reer Garoowe waa la idiinku yaqaanay soo dhaweynta qiimaha leh iyo dowlad jacaylka, aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin, aad baan u faraxsanahay idiinma abaal gudi karo laakiin ilaahay baa idiin abaal gudi” ayuu yiri Musharax Asad Cismaan Xilligii kululaa ee musharuxu ku soo beegmay magaalada Garoowe ma noqon mid shacabka ka hakisa qabashada isu soo bixidii ugu waynaa ee abid soo mara barxadda magaalada Garoowe oo dadwaynahu soo buux dhaafiyeen taasoo sababtay in ka soo qaybgalayaashii maqli kari waayeen khudbaddii uu musharraxa madaxwayne goobtaas ka jeedinayay. Waxaase la yaab lahayd in dadwaynaha qaar ka mid ah u sii raaceen hoygiisa ilaa markii dambe uu kula hadlay hoyga uu ka degi laha magaalada, halkaas oo uu ugu mahad celiyay shacabka magaalada Garoowe taageerada ballaadhan ee ay u muujiyeen. Musharax Asad oo subaxnimadii hore ee saaka ka soo ruqaansaday magaalada Qardho wuxuu soo maray tuulooyinka qaar oo uu salaan iyo gacan qaad la dhex maray taageerayaasha ku teedsanaa wadada dheer ee laamiga ah ka hor inta uu san gaarin degmada Dangoroyo, halkaasi oo khudbad gaaban uu u jeediyay dad waynihii sida wayn ugu soo baxay soo dhowayntiisa. Musharax Asad Cismaan Cabdullaahi oo 1-dii bishan December 2018 kaga dhawaaqay Magaalada Bosaso inuu u tartamayo xilka madaxweynaha Puntland ayaa socdaal ku soo maray degmooyinka Baran, Ufayn, Carmo,Waaciye, Dhahar, Qardho iyo magaalooyin kale oo ku teedsan wadada laamiga PUNTLAND POST The post Musharax Asad Cismaan Oo Garoowe Lagu Soo Dhaweeyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday kulan muhiim ah oo ku saabsanaa la dagaalanka musuq-maasuqa oo maanta ka dhacay Muqdisho. Maanta waxay ku aaddanayd 9 ka December oo ah maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa, waxaana Xarunta Xalane lagu qabtay shir weyn oo loogu tala galay in madaxda dowladda federaalka ah iyo safiirada beesha caalamka ay ka soo wada qaybgalaan. Xubnaha shirka lagu casuumay ayaa waxaa ka mid ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo la filayey inuu hoggaaminayo wafdiga dowladda Soomaaliya ee kulanka maanta, halka beesha caalamkana ay ka imanayeen safiirada Maraykanka, Britain iyo Midowga Yurub, Midowga Afrkia iyo Qaranada midoobay. Si kastaba, Khayre ayaa ka baaqday kulankaas xilli guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya ay xukuumadda ku eedeeyeen inay sameysay musuq maasuq lagu lunsaday lacag dhan 42 milyan oo dollar. Si kastaba xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in baaqashada kulanka aysan wax xiriir ah la lahayn warbixinta guddiga maaliyadda. Waxay ay sheegeen in Kheyre u baaqday inuu ka qeyb galo kulanka uu maanta madaxweynaha Soomaaliya ku saxiixayo sharciga la-dagaalanka musuq maasuqa. Hoos ka arag caddeymo ku saabsan in Kheyre uu ka baaqday kulanka.
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax khasaare geystay, kaasi oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhow deegaanka Garasbaaley. Gaari ay la socdeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qarax miino waxaa lagula eegtay halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintey Saddex qof oo ay ka mid yihiin askar ka tirsan DFS, iyadoo Labo kale ay ku dhaawacmeen. Ciidamada dowladda ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, iyaga oo sameeyey howlgallo aan weli wax faah faahin ah laga bixin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta bixiyey amar cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Al-shabaab. Daahir Aadan Cilmo oo ah taliyaha ciidanka xoogga dalka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in aanay wax naxariis ah u sameyn doonin Al-shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in aysan xabsi geyn doonin Al-shabaabka ay kusoo qabtaan howlgallada, islamarkaana ay meeshiisa ku toogan doonaan. Wuxuu tilmaamay in fursado badan ay siiyeen dhallinyarada ka midka ah Al-shabaab hase ahaatee maanta wixii ka dambeeya ay toogan doonaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Taliye.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada DFS ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow lagu dilay xaafadda Black Sea ee magaalada Muqdisho. Dabley hubeysan ayaa la sheegay in ay Toogteen askartaasi, kadibna ay ka qaateen Qoryihii ay wateen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano xoogan ka bilaabay halkaasi. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aaan dilka askartaasi, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkooda. Muddooyinki dambe Al Shabaab ayaa kordhiyay dilalka ka dhanka ah askarta dowladda ee ku sugan gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. The post Askar ka tirsanaa Ciidamada DFS Oo lagu dilay xaafadda Black Sea appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mandera ( Sh. M. Network )-Inta la xaqiijiyay saddex ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacantay qarax Miino oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, sida sheegeen saraakiisha dhinaca ammaanka ee dalkaasi. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa haleelay Baabuur ay la socdeen dad Ganacsato ah oo u kala gooshay gobollada Xeebta iyo Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Madaxa ammaanka magaalada Xeebeedka Lamu Joseph Kanyiri ayaa xusay in dadka ay dhaawacyada soo gaareen la geeyay isbitaalka, si la daweeyo Waxaana uu intaasi ku daray in halka uu ka dhacay qaraxa Miino ay gaareen Ciidamo ka tirsan Booliska, si ay u xaqiijiyaan ammaaanka. Booliska Kenya ayaa weerarkaasi khasaaraha geystay ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen rag ka tirsan Al Shabaab oo weeraro ka fuliya gudaha dalkaasi Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay ay Keymaha Boni ee xadka Kenya iyo Soomaaliya ka baadigoobayaan Haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga oo dhawaan ay Afduubteen kooxo hubeysan Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay wadaan dadaallo xoogan oo ay ku doonayaan in ay ku soo furtaan Gabadha la Afduubtay oo ka shaqeyneysay dhinaca arrimaha gargaarka. The post Qarax khasaare geystay Oo ka dhacay dalka Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa maanta dil ka geystay agagaarka isgoyska Ex Koontaroo Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay shaqsi ka mid ah dadka deegaanka, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdi Ismaan Afrax. Sidoo kal waxaa Rasaasta lagu furay Marxuumkaasi ku dhaawacantay Qof Dumar ah oo ku sugneyd halkaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Dhinaca kale Al Shabab ayaa sheegtay masuuliyada dalkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay weerar qorsheysan ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa waaxda Canshuuraha ee dowladda Soomaaliya. Illaa iyo hadda wax war ah kama soo saarin saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya dilkaasi. Balse dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal amaan dari oo todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Muqdisho. The post Koox hubeysan Oo dil ka geysatay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaa maanta dhagax dhig lagu sammeeyey madxafka qaranka oo ka mid ah goobaha danta guud ee dib loogu dhisayo Barnaamijka isxilqaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhagax-dhigay, waxaa kale oo goobjoog ka ahaa wasiirka boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan, wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow. Madaxweynahe Farmaajo ayaa tilmaamay sida loogu baahanyahay in dalka lagu dhiso is-xilqaan, oo aan la sugin gacan shisheeye, isaga oo booriyey inuu barnaamijka sii socdo, laguna dhiso goobo badan. Guddoomiyaha guddiga dhismaha madxafka qaranka ahna wasiirka boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshe dib-u-dhiska Madxafka Qaranka lagu dhammaystirayo Juune sanadka soo socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somali security forces killed six al-Shabab militants during a joint security operation in Basra, southern Somalia, on Saturday night. “A security operation carried out by the security forces in the Basra area killed six al-Shabab members, and the head of the group was arrested,” the National Intelligence and Security Agency said in a statement. The security agency said the militant group was planning to launch an attack in Mogadishu and its environs. The move came as Somalia and African Union peacekeeping troops intensify their onslaught against the al-Qaeda affiliated group in the south and central Somalia. The post Six Al-Shabaab militants killed in SNA operation in Lower Shabelle region appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dilkii ganacsade si weyn loo yaqaan maanta loogu gaystay gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho, ayada oo sheegtay sababta ay u dileen. Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabo Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane), ayaa kooxaha hubeysan ee dilay waxay ugu tageen gurigiisa oo ku yaala Ex. Koontarool Afgooye, sida ehelkiisa ay xaqiijiyeen. Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda dilkan, ayaa ku doodday in Cabdi Biifane uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta waaxda Canshuuraha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, sidaasna loo beegsaday. Al-Shabaab waxa ay sheegtay in sarkaalka la dilay uu caan ka ahaa degmooyinka Dayniile iyo Hodon, isagoo ganacsatada ka qaadi jiray lacagaha Canshuurta eek u dhaca qasnadda dowladda. Kooxihii dilay Cabdi Baafane ayaa waxay qaateen Gaari Prado ah oo uu watay, waxaana rasaasta ku dhaawacmay Gabar u dhalay oo albaabka taagneyd. Ehelka Cabdi Biifane ayaa sheegay inuu ka ganacsan jiray dajinta noocyada kala duwan ee gaadiidka, mana jirto cid caddeyn karta inuu u shaqeynayey dowladda federaalka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jowhar ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xiisad dagaal ay ka taagan tahay agagaarka magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxa ay u dhexeysaa laba Maleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan deegaanada Maandheere iyo Kongo ee gobolka Sh/ Dhexe. Dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa laga dareemayaa deegaanadaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo madax banaan. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi. Wadahallo iyo dadaallo looga hortagayay xiisadaasi ayaa fashilmay, taas oo sababtay in colaadu ay dib u soo laabato Labada Beeleed ayaa isku haya arrimo la xariira dhul daaqsimeed ku yaalla deegaanada Maandheere iyo Kongo ee gobolkaasi. Muddooyinkii dambe xiisada aheyd mid dagan, inkasto aysan jirin illaa iyo hadda wax xal ah oo laga gaaray colaadaasi. The post Xiisad dagaal Oo ka taagan duleedka M/ Jowhar appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargaysa) Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta dhagax-dhigayay dhisme cusub oo loo dhisayo cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa yidhi: . “Si cisbitaalka guud loo aamino; ”Waa in aan madaxda dibadda loola cararin markay bukoodaan. Maanta laga bilaabo wasiirka iyo agaasimaha xanuunsada waa in cusbitaalka la keena”. Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen kadib qarax ka dhacay meel u dhow Koontaroolka Siinka dheere ee duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.. Dadka dhintay ayaa lagu kala sheegay afar askari, wadihii gaariga iyo qof shacab ah. Qarax ayaa ka dhacay Isbaaradii hore ee Shabeelle. Gaariga qarxay ayaa lagu sheegay in uu ahaa qooqan ka baxday Muqdisho, kuna sii jeedday dhinaca degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Qof ka mid ah Goobjoogayaasha degaanka ayaa sheegay Idaacadda Mustaqbal in qaraxa uu ahaa Miino la kacday gaariga oo ay wateen ciidamada. Qaraxan ayaa ku soo aadaya iyada oo saaka Ex-Koontarool Afgooye lagu dilay Ganacsade, dilkaasi oo ay sheegatay Al-shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan waxayna ku warrameen in in 5 askari ay ku dishay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Taliyaha ciidamada Milatariga Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ay bilaabeen weeraro ay ku qaadaan Al-Shabaab. Indha Qarshe ayaa ciidamada dowlada ku amray in ay toogtaan oo aanay xabsiga u taxabin saraakiisha iyo askarta Al-shabaab. Taliyaha ciidamada ayaa sheegay in ay naxariistii ka dhamaatay hadda wixii ka dambeeyana howlgalo lagu baacsanayo Al-shabaab ay bilaabayaan. Waxaa uu sheegay in ay ka xunyihiin ay toogtaan dhalinyarada uu sheegay in Al-shabaab marin habaabiyeen hayeeshee hadda ay dantu ku kaliftay isaga oo sheegay in Al-shabaab sii wadaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan. Dowlada Soomaaliya ayaa isku diyaarineeysa weeraro saf balaaran ah oo ay ku qaadayaan fariisimaha Al-shabaab ay kaga suganyihiin ee gobolada dalka Soomaaliya. Hoos ka dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Indha-Qarshe.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Indha Qarshe “Naxariisti wey naga dhamaatay Shabaab waa in ay Dareemaan Xanuunka Geerida.” appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Mathew Offord oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska, ayaa dawladda dalkiisa ugu baaqay inay horseed ka noqoto aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Xildhibaan Mathew, wuxuu dawladda dalkiisa u soo jeediyay inay Qaramada Midoobay u gudbiso dalab ay ku weydiisanayso aqoonsiga Somaliland, “Waxaan jecelahay in dawladda Ingirisku ay horseed ka noqoto si ay Qaramada Midoobay Somaliland ugu aqoonsato dal madaxbanaan oo xuquuqdiisa leh.” Ayuu yidhi Xildhibaan Mathew, waxaanu intaas raaciyay “Waana inay sidoo kale xubnaha kale ee Baarlamaanka u sharaxdaa inay fursad weyn u tahay Ingiriiska, ka dib ka bixitaankii Midowga Yurub inay xidhiidho la samaysato dalalka Bariga Afrika, waana dal weyn oo leh mustaqbal wanaagsan.” Xildhibaanku, wuxuu sheegay in maalgashiga DP world ee dekedda Berbera uu fursad u yahay Somaliland iyo sidoo kale gobalka Geeska Afrika oo dhan, waxaanu sidoo kale sheegay in horumar dhaqaale oo Somaliland ka hirgalaa uu faa’iido iyo fursad u leeyahay shirkadaha Ingiriiska iyo qurbe joogta Somaliland ee degen dalkaas Ingiriiska. Laakiin xukuumadaha kala dambeeyay ee dalka Ingiriiska ayaa aqoonsiga qadiyada Somaliland waxa ay ku riixaan inay horseed ka noqdaan dalalka gobalka Geeska Afrika iyo wada hadal ay qaddiyadan heshiis kaga gaadhaan Soomaalida dhexdeedu. Geeska Qaran News
-
Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhagax dhigay maanta xarunta madxafka qaranka ee Muqdisho. Xaruntaan ayaa loogu talagalay in ay dib markale loogu shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo ay hareertiisa taaganyihiin wasiiro Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale ayaa dhagax dhigay xarunta madxafka qaranka. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa baaq u jeediyay umada Soomaaliyeed isaga oo ugu baaqay in ay dhismo iyo dayactir ku sameeyaan goobaha danta guud. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kal hore xariga ka jaray olole uu ugu magacdaray is xilqaan oo dayactir loogu sameeynayo xarumaha danta guud ee dagaaladii ku bur buray. Hoos ka Daawo Daawo Sawirada Hoos ka Dhageeyso Warbixin Wariyaha PP ee Muqdisho. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/War-Cowke-PP-Madaxweyne-Farmaajo-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay xarunta madxafka qaranka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho )Koox hubeysan ayaa Saakay waxaa ay Ganacsade ku dileen isgooska Ex-koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho. Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Ganacsade soo dejiya Gawaadhida, waxaana lagu Magacaabi jiray Cabdi Cismaan Afrax (Cabdi Biifane) Dadka Deegaanka ayaa Saxaafadda u Sheegay in koox ku hubeysan bistoolad ay Ganacsadaha uga tageen hoygiisa oo ku yaalla meel u dhow Isgooska Ex-koontorool Afgooye , iyagoona kadib rasaas badan ku riday, waxaana la sheegaya inuu Goobtii lagu toogtay uu ku dhintay. Sidoo kale Warar kale ayaa sheeagaya in kooxda hubeysan ay rasaas ku fureen Gabadh uu dhalay Ninka la dilay, taas oo iyana dhaawaca Gabadha la geeyay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho. Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, iyadoo halka uu dilka ka dhacay ay gaadheen ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya. Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliska Soomaaliya. Source
-
Mudooyinkii u dambeeyay waxaa bulshada somaliland u dheg taagaysay Doorashadii isku sidkanayd ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Degaanka qabsoomideeda. Maanta oo ay taariikhdu tahay 28/11/2019 ayaa komiishanku ku dhawaaqay inanay dhacaynin ama qabsoomaynin wakhtigii u cayimnaa doorasha kaas oo ahaa 29/03/2018. Sidaa daraadeed Qormooyinkii taxanaha ahaa ee ITUS OO ITAABSII aan ku soo qaato, isla markaana si qoto dheer oo waafi ah aan uga hadlo, wixii su’aalo ahna aan u celiyo halka ay giraantu ka rogmi la’dahay. Gudoomiyaha Komishanka Dorashooyinka Eng Cabdiqadir Iman Warsame isagoo ka hadlaya caqabadaha ay keenay in doorashadii baaqato, Waxa uu hadalkiisii u dhignaa sidan ” Markii komishanka Doorashooyinku diyaariyay dhamaan qorsho hawleedyadii u yaalay ama horyaalay waxaa ka hor yimid caqabado, caqabadahaas oo isugu jira kuwo sharci, kuwo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaalaba oo kala ahaa 1. Saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada taas oo ilaa hada aan la gaadhin xal iyo heeshiis midnaba. 2. Xeerarkii Diwaan gelinta Cod bixiyayaasha iyo dooraahooyinka oo udub dhexaad u ah qabsoomida doorashada golaha wakiilada iyo Degaanka ee isku sidkanaa oo ilaa hada aan la ansixin. 3. Diwaan galinta codbixiyayaasha oo laf dhabar u ah qabsoomida doorasho sharciguna dhigayo in doorasho kasta ka hor la sameeyo ama la qabto oo aan qabsoomin. 4. Xisbiga wadani oo ku dhawaaqay bishii March/ 2018 kii in uu joojiyay dhamaan wada shaqayntii ka dhexaysay isaga iyo komishanka doorashooyinka qaranka taas oo caqabad ku noqotay shaqadii komishanka. 5. Wada xaajoodkii u dhaxeeyay asxaabta qaranka oo iyaguna ilaa hada wax xal ah ama is fahan ah aan laga gaadhin. 6. Miisaaniyadii lagu galayay Doorashada isku sidkan ee inagu soo socota oo iyaduna aan wali dhamays tirnayn ama aanaanu wada haynin. Caqabadaasi waxay suurto gal ka dhigi waayeen in komishanka doorashootinka qaranku shaqadii qabsado”. Lixda qodob ee caqabada ku noqday xilligii dorashadu qabsoomi lahayd aan saafo, saarana miisaankii nuxurka hadalka mid walbana aynu sii furfurno si aynu u taabano xaqiiqda. Qodobka 1aad: Saami qaybsiga Kuraasta Golaha wakiilada. Allow aqoon la’aan ha nagu cadaabin, eexna ha nagag tegin, waxaan uga socdaa maanta ama wakhti xaadirkan may ahayn in dood, yooyootan iyo muran ay gasho saami qaybsiga kuraasta golaha wakiiladu, waxay ahayd in horeba loo sii diyaariyo laguna saleeyo gobalada dalka, isla markaana loogu yeedho (Xeerka Saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee gobalada). Way dhici wayday ileen Biyo daatay à waa la qanan jiraye, imikaba Golaha wakiiladu ha diyaariyaan … in kastoo Gudoomiyaha golaha wakiiladu uu hore u yidhi ” Golahayaga ma khusayso diyaarinta saamiga kuraasta golaha wakiiladu, waa hawl u taala saddexda xisbi qaran”. Xaqiiqdii marka aan runta lala gabanaynin xildhibaan kasta oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiiladu waxa uu ka soo baxay asxaabta qaranka iyo gobal. Hadii layska indho tirayana maan sheegin. Qodobka 2aad: xeerka diwaan gelinta iyo Doorashooyinka golaha wakiilada iyo golayaasha degaanka ee aan la ansixin. Waxa ay komishanka qaranku madaxweynaha u gudbiyeen markii ay kaabis iyo wax ka badal ku sameeyeen Bishii April/2018, madaxweynuhuna waxa uu u sii gudbiyay golaha wakiilada si ay u ansixiyaan oo uu dhaqan gal u noqdo, mudada ka hadhsanayd waxay noqonaysaa 10 bilood iyo 28 caano maal maalintii doorashadu qabsoomi lahayd. Walee waa hubaal in hawl aan daacad laga ahayn ansixmaynin, waxaanan qabaa in odayaashaasi ay jeclaysteen sii fadhiga mudo dhaafka ah ee cago cagaynaya ama gaadhaya 13 Gu. Dal ba’aw yaa ku leh. Qodobka 3aad: Diwaan gelinta codbixiyayaasha oo aan qabsoomin: Yaab, Amakaak, Fajac iyo dhabano hays weynaa. Aan u kala saaro labba amuurood midi waa xeerkii ay ku qabsoomi lahayd oo qaydhin isla markaana ay diideen in ay bisleeyaan golaha wakiiladu. Mida kalena waa dhaqaalihii lagu qaban lahaa diwaan gelinta. 20/10/2018 qudbadii uu jeediyay Madaxweynuhu waxaa ka mid ahaa in April/2018 ay ku wareejiyeen komishanka doorashooyinka xadi lacageed oo dhan labba milyan oo dollar ($2,000,000) lacagtaas oo ka mid ahayd afartii milyan ee dolar ($4,000,000) ee xukumad ahaan kaga soo hagaagay dhaqaalihii ku baxayay Doorashada gaar ahaan diwaan gelinta codbixiyayaasha, labba milyan ee dolar ($2,000,000) ee hadhsana ay diyaar ka tahay kuna wareejinayaan. Qodobka 4aad: Xisbiga wadani oo kalsoonidii kala noqday Komishanka: Aan soo qaato baydad ka mid ah maansadii abwaan gaariye alleh ha u naxariistee. Nin wax diiday oon garan. Wax kaluu ku doorsado. Wuxuu doonayaan jirin. Maamulka komishanka doorashooyinka waxaa uu ku joogaa sifo sharci ah dastuurka qaranku raali ka yahay, waxay leeyihiin mudo xileed bilow iyo dhamaad leh, maalinta ay mudadaasi buuxsan tana waxaa hubaal ah in hadii ay sii fadhiyaan sharci daro noqonayso,ilaasifo sharciya dib loogu doortao ama Xubno cusubi badalaan. sidaa daraadeed xisbiga wadani waxaa la gudbooninay dhawraan Dastuurka iyo xeer xoosaadyadiisa waa hadii ay doonayaan in ay doorasho qabsoonto. Hadii kale maan sheegin! Qodobka 5aad: wada xaajoodkii u dhaxeeyay asxaabta qaranka oo ilaa hada wax xal ah gaadhin: Haynu wada hadalno waa aynu heeshiino, lakiin ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis. Dastuurka qaranka iyo xeer hoosaadyadiisu waa kala hagaha asxaabta qaranka, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo saddexda tiir ee dawladu ka kooban tahay waa ( sharci dajinta, Fulinta iyo maxkamada) Waxaa laga wada dharagsanaa darafyadii ay kala is taageen asxaabta qaranku, waxaa kaaf iyo kala dheeri noqday in axsaabta xisbiyo ka mid ahi ku dhawaaqeen inay qabanayaan shir beeleed. Ka daroo dibi dhal waa mawduux ka sii mug iyo miisaan weyn wixii laysku maan dhaafsanaa. Halkaa dhaafi maayo waxaanan u daynayaa bulahada somaliland intii wax garad ah si ay u faaqidaan una falanqeeyaan. Qodobka 6aad: miisaniyadii lagu galaayay doorashada isku sidkan oo aan wada gaadhin koomishanka qaranka: Doorashadu waxay ku qabsoomaysaa xadi dhaqaale oo dhan lix iyo toban milyan oo dolar ($16,000,000), xukumada waxaa ku aadanaa xadi dhan afar milyan oo dolar ($4,000,000), Qaadhaanbixiyayaashana waxaa ku aadanaa labba iyo toban milyan oo dolar ($12,000,000) Intii xukumada waa la hayaa laakiin inta dhiman waa intii laga sugayay qaadhaan bixiyayaasha Qoladaasina waxay ogaadeen oo ay arkeen inaynu isku khilaafsanahay oo aynaan doonayninba doorasho qabsoonto. GaboGebo: Asbaabtaa kaliftay in Doorashada Golaha wakiilada iyo golaha degaanku ee qabsoomi lahayd 29/03/2018 ay dib uga dhacdo Ma jidaynayaa Dastuurka qarana iyo xeer hoosaadyadiisu? Qore: Cabdixakiim Maxamed Cabdi (samokaab) samokaabtech@gmail.com Source
-
Marka hore waxa aan qiranyaa in aanan ahayn siyaasi. Marka labaadna in aanan aad u akhriyin xeerarka xisbiyada iyo dastuurka dalka midna. Anigoo ka duulaya inta garadkaygu i siiyayay iyo inta aan ka bowsaday dalalka ku dhaqma dimuraadiyadda aynu dooranay, waxa ii muuqatay in aynu isku khaladno Hogaamiya Xisbi iyo Murashax Jago Mdaxweynenimo. Haddii aan tusaale usoo qaato waddanka maraykanka ee aynu ka canjillo dimuraadiyadda, hoggaamiyeyaasha xisbiyadu waa dad xubno ka ah goleyaasha lasoo doortatay (majoirty leader or minority leader). Marka tartan yimaado ayaa xisbi waliba keena murashaxiisa, ama ka soo qaato golyaasha la doortay ama meel kale e. Marka doorashadu dhammato, tartamyaashhii xisbiyadii shuqul danbe kuma yeeshaan talda xisbiga. Tusaale ahaan, Donald Trump iyo Hillary Cilinton midkoodna ma aha hogaamiyaha xibiyada manta midana waa madaxweyne dalkoo dhan matala midina waa muwaadinad caadiya. Sidoo kale, miyaanay haboonayn in hoggamiyeyasha xisbiyadeenu noqdaan xubno ka mid ah xildhibaanda dadku soo doorteen. Waxa aay ila tahay in raggii tartamay ee kala calaf qaaday ay faraha kala baxaan talada xisbiyada (ama ha nodo madaxweyne ama raggii la tartamay). Marka doorashada danbe soo dhawaato ayuu mar kale xisbi waliba soo dooranayaa murashaxiisa. Waxa aad moodaa in ay xisbadu u habaysan yihiin sidii jabhadaha oo weli gole dhexe, gole fulneed, guddoomiye aanay cidi dooranini awooda boobeen. Waa shacabku ay dhegeystaan dadkii ay soo doorteen oo qudha. Waxa ummadii jaha wareeriyay dad maalin walba meel ka dhawaqaya oo cidna matalin. Xubnaha goleyaasha baarlamanku ha gartaan shaqadooda ha u hadlaan iyagu dadweynihii soo doortay ama ha dhaliilaan ama ha taageeraan xukuumadda e. Wadamada kale sida Canada, Britain iyo Australia hoggamiyaasha xisbiyadaa ayaa ku tartama jagada Ra’iisal wasaaraha. Kuwa waayana waa la beddelaa ama mar labaad ba la soo celiyaa. Haddii khalad ku jiro fikradaydan, waa la I sixi karaa. Dr. Aden Ismail Adisimail52@yahoo.ca Source
-
Waa Markii igu horeysey ee aan Qoro maqaal ka hadlaya Qabiil ka mida Qabiilada Somaliya balse Macalinkeygii Culuunta Sayniska ayaa ee sheegay in Cilmigu halkuu kula galoba aan ka doontid oo aanad kaga hadhin markaa la yaab yaaney idinku noqon in aan curiskan ugu yeedho Damaca Dhul Balaadhsiga Majeerteeniya Iyo Moganaanta In Badan! Sidaa Awgeed waxaa lagama maarmaar ah in aynu is dul taagno ujeedada maqaalkeygan oo aan rabo in aan diirada ku saaro arimo badan oo u baahan in aynu u dhug yeelano oo kow ka tahay boqorka Majeerteen oo maalin dhawid ku dhawaaqay codsi ku saabsan in dawlada gobolka Puntland degmada Taleex u magacowdo Gobol iyo arimo badan oo xidhiidh la leh siyaasada Majeerteeniya ee ku wajahan Dhulka Somalidi guud ahaan .Sida aan ka soo dheegtey :From Wikipedia, the free encyclopedia Waxaa lagu sheegay taariikhdan: Suldanadda Majeerteen (Af-Carabi: Af-Taliyaani: Sultanato della Migiurtinia, Af-Ingiriis: Majeerteen Sultanate), sidoo kale loo yaqaanay Majeerteeniya iyo Migiurtinia, waxay ahayd boqortooyo Soomaaliyeed taasi oo u talin jirtey deegaano badan oo ka mid ah waqooyibari iyo koonfurbari wadanka maanta loo yaqaano Soomaaliya. Saladanadani waxay ka mid ahayd kuwa ugu awooda badan badhtamaha Soomaaliya, waxaana hormuud u ahaa Boqor Cusmaan Maxamuud.[1 Saldana Majeerteeniya waxaa la aasaasey qiyas ahaan meelahaa Qarnigii 18 aad Waxaana Aasaasey Qoyska majeerteen ee ka mida Somalida,waxase boodhka ka tumey qarnigii 19 aad Boqor Osman Mahamuud sida taariikh yahanada qaarkood qoraan. Taariikhda laguma soo koobi karo maqaal mudo yar la qoro balse waa mid laga qori karo buugag fara badan sidaa darteed qofkii raba in uu taariikhda majeerteeniya sii dhex galo waxa uu ku sameyn karaa baadhitaan guud balse waxaa aan jecelahay in aan maqaalkeygan ku kobo aragtidayda dhulbalaadhsiga majeerteeniya iyo Siyaasada ka dambeysa. Majeerteeniya Siyaasiintoodu waxay door weyn ku lahaayeen Sameyna ku yeesheen guud ahaanba amaanka,dhaqaalaha,siyaasada,Juquraafiyada Somaliya, laga soo bilaabo wakhtiyadii hore ilaa maantana Saameyn weyn bey ku leeyihiin guud ahaan Siyaasada Somaliya.Burburkii Somaliya Ka dhacayna kaalinta ugu weyn bay ku lahaayeen,dib u qaabeynta Juqraafiyada somaliya iyo Siyaasada federalka Somaliya iyaga ayaa hormood ka ah.Qalalaase badan oo ka jira gudaha Somaliyana waxay ka yihiin dabka lagu shido waxaa aan sidaa u lee yahay arimo badan oo jira oo aan u muuqan Karin dadka caadiga ah balse qof kasta oo caadi ahiba garan karo marka la tilmaamo waxay yihiin.Waxaa aan ka xusi karnaa kuwan:- 1- Siyaasada Abuuritaankii Dawlad Goboleedka Puntland 2- Qaab dhismeedka Dawlada Federalka Somaliya iyo Fikirka Federalismka 3- Dhul balaadhsiga Siyaasadeed ee dhinaca Juquraafiyada : a) Jubaland b) Sool iyo Sanaag oo lagu qodbo Dawlad goboleedka Puntland. 4- Muruanka Juqraafiyadeed ee Gaal kacayo (labada Dawlad Goboleed) Qodobadaasi waa kuwa aanu ku qaadaa dhigi doono qoraalkayga dambe. La soco qaybaha dambe hadii Alle(swt) ogolaado……….. M J Farah hogaanka.org rashiid64@outlook.com Source
-
– Tixo iyo tiraab badan wuxuu dhaaxa curiyo, tuducyada wuxuu meeriyo, hadal tusmeeyo, suugaan tubteedii wuxuu jid bixiyo, waxaa u timid geeridii rabbi, Alle ha u naxarsto walaalkeen, Abwaankeenii buunigi Fanka iyo Maada Cabdixakiin Cabdilahi Jibriil oo loo garan ogaaa Abwaan Qiiq. Waxa aan wax ka xusi ilaha gaaxday duruus wax ku ool ah oo manfac af iyo aqoon ba inoo leh. Nal ka dhamay halganka murtida, maada, fanka iyo tacliinta. bulshada inteeda sugaanta iyo nuxurkeeda u dhuundalooshaa waxa ay in badan dhagahooda ku dhugtaan murtida, miida, mucda, maada, iyo duruusta suugaanta iyo quruxda fanka jaadad keeda kala duwan ee ay soo gudbiyaan hal-abuurka iyo hobolladu Abwaan Qiiq waxa uu safka hore kaga jiray raaca suugaan-yahanka wakhtigan Soomaalidu ku dhaadato murtidiisa uu gaaxanayay. -sanadkii 1973-kii ayuu Cabdixakin Cabdilahi Jibril ‘Qiiq’ ku dhashay Degmada Xero-geel oo ka tirsan Gobolka Faafan, Ismaamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Degmada Xero-geel ayuu ku indho-dilaacsaday, ku kacaamay oo uu ka fuulay jaranjarada hawsha raacatada xoolaha. halkaas ayuu quraanka, qalinka iyo tacliinta macalin iskugu qabtay. Abwaan Qiiq waxaa hayn kari wayday noloshii baadiyaha, noloshii deegaankaasi si degdega ayuu uga wareegay. haddiiba uu kabaha ka soo idlaystay miyigii waxa uu ku horeeyay Magaaladda Aw-bare. wax yar hadii uu joogayna baabuur buu ka raacay ilaa Borama qabtay. waxa uu dugsiga hoose/dhexe ka galay Dugsiga Sheekh Cali Jawhar, Borama. kulliyadii macalinimaDa ee Jaamicadiii Lafoole (Muqdisho) ayuu galay, halkaas oo uu shahaadada macalinimo ka qaatay. Cabdixakiin Qiiq waxa uu ahaa murtimeere alifa suugaan duxa leh, waxa uu ahaa macalin ardayda waxbara, waxa uu ahaaa jilaa ruwaayadaha jila, waxa uu ahaa xaq u dirir u adima xaqa, waxa uu ahaa shakhsi mayal adag oo u gunti xidhay ka *****nta hanka iyo hiigsiga qofnimo iyo dadnimo. – Sanadkii 1995-kii ayuu toos fanka cagaha u galiyay. markii ay qabtii dhacday ee golihii murtida iyo madadaalada dhildhilaha oo saaray, Abwaan Qiiq axa uu ka mid ahaaa raggi dabkii fanka iyo masraxa ahaa ee Muqdisho ka baxayay, intay dhimbiil ka qaateen Jigjiga geeyay halkaasna ka siraaday. Waxa uuna ahaa buunigii koxda Ilays Band iyo aasaasaaha Hoboladda Anshax Band iy Liyuu Band. Dabuubta Abwaanadu kala culus, dararta maanso iyo heeso duur xul ah, Gafi maayo hadaan idhaa waxa uu ahaa Buuniga Abwaanadda wakhtigan. – Abwaan Qiiq waxsoosaarkiisa raasimga ah waxa uu la kowsaday burburkii dawladihii kacaanka (Somaliya) iyo Dhergigii (Itoobiya). Wuxuu curiyay maansooyin dhaadheer oo mawaadiic tiro badan uu midba mar uu mayracanaayo. Abwaanka, Sugaantiisu waxa ay u kala rogan tahay dhamaan qaybaha nolosha Aadamaha iyo dabeecadaha uu Alle Wayne dunida guud dhigay. isaga oo fanka fasiraya sheegayana sida uu hal-abuurka iyo hobolku u godlado mutida waxa uu yidhi fanku male dumaaliyo, qabiil dacal dacaysga !!!! kuma dararo hoboku, dirqio dacaydoo la jiiteee!!!!!! – Run ahaantii badwaynta baaca gunta dheer ee murtimeere Cabdixakiin Qiiq tiriyay waa abwaan waxsoosaarkiisu suugaaneed qaro balaadhan yahay hadday noqoto tiro ahaan, baaxad ahaan, nuxur ahaan iyo muuq wayni ahaan ba. suugaan summad iyo sawrac gaar ah leh, ayaa lagu xasuustaa, sillan sugantu waa baadi sooca koowaad ee aad kolkaaba ka dhex helayso tixaiisa maqashii duleeedada faras meel la daaqdaaa dirkii xiin finiinyo darmaan bay ismoodaaa!!!!!!!! – Guud ahaan Fanku ujeedooyinka uu gudbiyo markasta waxa xukuma waayaha nolosha ee bulshada la nooshahay iyo ka dab-qaadashada dhacdooyinka hadba nolosha ku cusub. Wakhtigii Xukuumadii Cabdi Maxamuud Cumar Madaxwaynaha deegaanka ahaa ayaa waxa uu tacadiyo iyo gabood falo arxan daro ah kula kacay shacabkii isaga {Cabdi Ilay} oo dhagta dhiiga u daray dhamaan wixii mucaarid ku ahaa. Qiiq waxa uu ka dhiidhiyay xukunkii guracnaa ee Cabdi ilay waxa uu kala hor yimid diidmo qayaxan iyo in uu si kulul u mucaarido rijiimkii Cabdi. Abwaan qiiq waxa uu ahaa raggii ugu hor bilaabay kacaanka Dulmi-diid ee hadda guulaystay, Rabbi kuma simin in uu ka sii mid ahaad guulaystayaashaas. – Sideedaba suugaantu waa jidka ugu toosan ee ummad wax loogu sheegi karo. hubka ridada dheer ee suugaantu waxa ay ahayd gantaalaha dhaadheer ee aan kala joogsiga lahayn ee uu ku ganayay Cabdi Ilay. Suugaantii dulmidiidka ahaa ee uu alifi jiray ee uu bartiisa Facebook-ga ku soo baahini jiray waxa ay kentay in shacabkii baraarugo. kacaankii uu horkacayaasha u ahaa ugu dambayn waxa uu isugu biyo shubtay in la rido xukunkii Cabdi Maxamuud Cumar, xabsina loo taxaabo………….. – Cabixakiin Qiiq waxa uu alifay heeso badan oo shacbiyad iyo taageero badan helay sida heestii hore ee Astaanta Calanka Deegaanka, Heesta “Baradii cilmigee bariga afrikaay” ee ay qaado Farduusa VIP, Heesta “Daruur Subax Hoortay” ee uu Mursal Muuse Codkiisa libidhsan ku qaado, Heesta “Xasilooni” ee ay Nimco Dareen Riiq la’aanta ku qaado iyo hees kale oo badan……………. Abwaan Qiiq nin caynkaasa buu ahaa, illaahay naxariistuu Janni ha ka waraabiyo, halkaa ha inoogu joogto waa inoo qaybo ka mida suugaantiisa W/Q Bashir Maxamed Bashir Borama, Awdal 08 DEC 2018 bashiirmaxamed653@gmail.com Source