Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa shalay ku qaabilay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Dowladd Talyaaniga Emanuela C. Del Re. Kulanka ayaa daba socday booqashadii dhawaan uu Madaxayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku tagay magaalada Roma, waxaana looga hadlay meel marinta heshiisyadii iskaashi ee labada dal gaareen, iyo sidii Talyaanigu Soomaaliya uga caawin lahaa ka soo kabsashada dhibaatooyinkii burburka. Emanuela Del Re ayaa bogaadisay isbedelka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee ka hir-galay Soomaaliya iyo gebi ahaan gobalka geeska Afrika, taas oo mustaqbal wanaagsan u horseedaysa shucuubta wadamada gobolka. The post Madaxweynaha JFS Oo la kulmay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaaahi Xaaji Cumar(Camey) ayaa ka laabtay dacwad uu ka gudbiyay madaxweynaha dowladda Puntland,Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas). Dacwadda ayaa ku saabsaneyd muran u dhexeeya labada mas’uul oo salka ku haya magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland,waxaana maxkamadda u gudbiyay mudane Camey oo ka ashtakoonayey in aan lagala tashan magacaabista guddigaasi. Madaxweyne Gaas ayaa 3 bishan December magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka,hase yeeshee madaxweyne ku xigeenka ayaa ka horjeestay oo isaguna guddiga kale magacaabay,inkastoo xubnihii Camey ay is-wada casileen. Murashixiinta ayaa dhankooda ku kala qeybsamay guddiyada labada dhinac,balse markii dambe waxay ku wada-qanceen guddiga uu magacaabay madaxweyne Gaas,iyadoo aan wax wada-hadal ah la gelin Dhinaca kale guddiga uu magacaabay madaxweyne Gaas ayaa shalay si rasmi ah u bilaabay shaqada,iyadoo ilaa iyo haatan aysan muqan caqabad hor taagan in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo. PUNTLAND POST The post Rasmi: Camey oo ka laabtay dacwayntii Gaas appeared first on Puntland Post.
  3. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa ka laabtay dacwad saaka loo ballansanaa oo uu shalay ka gudbiyey madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas. Cameey ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in isaga oo xeerinaya daruufaha jira uu go’aansaday in uu ka laabtay dacwadda loo ballansanaa maanta. Warqad uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa waxa uu ku sheegay in uu ka laabtay dacwadaas.isla markaana uu u tanaasulay duruufo jira aawgeed. Dacwadda ayaa la xiriirtay khilaaf ka dhashay Guddiga xallinta khilaafaadka ee uu dhawaan magacaabay Gaas,kaas oo uu Cameey ku dooday in aan lagala tashan. Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa isku khilaafay Magacaabistii Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka oo uu Madaxweyne Gaas Magacaabay,sidoo kalena Cameey uu Guddi kale ka daba magacaabay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa ka laabtay dacwadii uu ugudbiyay maxkamada sare, taasoo u dhexeysay isaga iyo madaxweyne Gaas.kuna saabsanayd magacaabida guddiga xalinta khilaafaadka. [...] Source
  5. Doorashadii 7-aad xiriirka kubadda cagta dalka ayaa si wanaagsan uga dhacday magaalada Muqdisho waxaana markale hogaaminta xiriirka loo doortay Cabdiqani Saciid Carab oo horay u ahaa gudoomiyaha doorashada waxaa Cod ku lahaa guud ahaan 25-ka koox ee kubbadda cagta iyo ururada macalimiinta,ciyaartoyda iyo garsoorka oo dhamaantooda hoos imaado Xiriirka kubbadda cagta. Waxaa madasha doorasha ku sugnaa mas’uuliyeen matalayay ha’yadda taageera horomarinta kubbadda cagta ee FIFA iyo CAF, guddoomiyaasha kooxaha,gudoomiyaasha xiriirada kubbadda cagta Maamul-Goboleedyad,Gobolka Banaadir Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay doorashadii 7-aad ee Xiriirka Soomaaliyeed. Cabdullahi Aawoow Xuseen oo u tartamayay gudoomiye ku xigeynka labaad ee X.K.Cagta ayaa ka tanaasulay,isagoo qubad uu jeediyay ku sheegay in uu mahad celinayo madaxda xiriirka kubbadda cagta da’daalka ay ka wadaan dalka isagana si hagar la’aan uu ula shaqeyndoono. Ibraahim Xuseen Roobe oo ahaa gudoomiyaha gudiga doorashada ayaa markii ay dhamaatay codeyntii gacantaaga waxa uu ku dhawaaqay qaabka ay u dhacday doorashada iyo sida loo kala helay jagooyinka. Afartii sano hore ee aan joognay xafiiska waxaan ka shaqeenay dib u dhiska garoomada,balaarinta tartamada kubbadda cagta iyo ka qeyb galka tartamadda qaarada Afrika iyo in aan wada shaqeyn fiican la yeelanay Maamul Goboleedyada sidoo kale waxaa ku guulaysanay in aan dooro wacan ka ciyaarnay xiriirada kubbadda cagta qaarada Afrika ee CAF iyo kan caalamka ee FIFA”waxaa sidaas inoo sheegay gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab. Solomon Mufuzzi oo ah madax horomarinta barnaamijyada Afrika kana socday xiriirka kubbadda cagta caalamka ee FIFA ayaa sheegay wixii ka dhacay Muqdisho ay tahay fariin wanaagsan iyagana ay kaalin weyn ka qaadandoonaan horomarinta kubbadda cagta Soomaliya si wanaagsan ay ula shaqeyndoon gudoomiye Cabdi qani, ku xigeynadiisa iyo xubanaha la doortay. Gudoomiyaha garsooryaasha qaarada Afrika ahna gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Jabuuti Suleymaan Xasan Waaberi oo isna wakiil ka ahaa xiriirka qaarada Afrika ee CAF ayaa sheegay in uu ku farax sanahay qaabka wanaagsan ay u dhacday doorashada shaqsi ahaan uu taageeridoono geedi socod wanaasan ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaaliya. Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo horay u ahaa gudoomiyaha ku xigeynka 2-aad ayaa loo doortay afarta sano ee soo socota gudoomiyaha ku xigeynka 1-aad ee X.K.Cagta waxa uu sheegay in isaga shaqsi ahaan uu la imaandoono wax qabad muuqda wuxuuna hamblayo iyo mahad celin u diray qof walbo oo isaga usoo hambalyeesay markii lagu dhawaqaay in uu yahay gudoomiyaha ku xigeynka 1-aad ee X.K.Cagta dalka. C/llahi Sheikh Nuur Axmed oo ka mid ahaa ciyaaryanahadii soo maray wadanka afartii sano ee laga soo gudbayna ahaa gudoomiyaha ku xigeynka 1-aad ayaa isna markale waxaa loo doortay gudoomiye ku xigeynka 2-aad wuxuuna sheegay in meesha iminka la joogo afarta sana ee soo socota ay wax badan iska badalidoonto kobac iyo horomarka kubadda cagta. Gudoomiyaasha xiiirada kubbadda cagta maamul-Goboleedyada oo lagu casuumay doorshadan ayaa si wadajir u sheegay in la joogo waqtigii laga dhaqaaqi lahaa Muqdisho lana horomarin lahaa magaalooyinka kale ee dalka si ay iyagana sanadaha soo aadan kooxaha ay maamulaan ay ugu qeyb qaateyn doorashayooyinka oo kale si horomarinta kubbadda cagta ay u gaarto miyi iyo magaalo. Waxaaa xubanaha Fullinta loo doortay oo la shaqeyndoona gudoomiyaha iyo ku xigeynadiisa Abuukar Isloow Xuseen,Cabdisamad Shiikh Qaasim,Yaxye Maxamed Abuukar,Cumar Maxamuud Nuur (Mugaambe) iyo Cabdulaahi Cusmaan Daami horayna waxa ay ugu soo qeyb qaateyn horomarinta isboortiga,balse bahda ciyaaraha ay ka war sugaya in ay la yimaadaan fikirado cusub iyo in ay dhageyestaan talooyinka horomarineyd ee ka imaanaya bulshada. Gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta aduunka ee FIFA Gianni Infantino ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray gudoomiyaha kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo todobaadkii hore dib loogu doortay hogaaminta xiriirka kubbadda cagta dalka. “Mudane gudoomiye ii ogolaaw in aan kuusoo diro hambalyo diirran oo ku aadan dib u doorashada laguu doortay in aad gudoomiye kasii ahaato xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya mudada 2018-2022”ayuu dhambaalkiisa hambalyada ah ku yiri gudoomiyaha xiriirka kubada cagta caalamka Infantino. “Fadlan sidoo kale iga gaarsii hambalyo saaxiibada kale ee guddiga fulinta loo doortay. Waxaan adiga iyo xubnaha lagula doortay idin rajeynayaa nasiib wacan iyo in aad ku guuleysataan howlaha idin horyaala. Waxaan kaa dhur sugayaa wada shaqeyntiina iyo in aan dhawaan kula kulmo si aan shaqsiyan mar kale kuugu hambalyeeyo”ayuu gudoommiyaha FIFA ku sheegay dhambaalka hambalyada ah ee uu soo gaarsiiyay gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab. Bahda ciyaaraha gudaha ayaa maamulka cusub ee xiriirka kubbadda cagta ka warsugaya horomaro kala gedisan oo xaga gudaha iyo dibada si dalkeena uu ula jaanqaandoono Gobolka iyo caalamka. Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan Qaabka Ay U Dhacday Doorashadii 7-aad ee X.K.Cagta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
  6. Sida ay xaqiijinayaan wararka soo gaaraaya PUNTLAND POST Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ka noqday dacwad uu u gudbiyey maxkmada sare oo uu kaga astakoonaayey guddiga xalinta khilaafaadka ee uu magacaabay Madaxweyne Cabdiwali Gaas. Dacwadan oo saaka lagu wadey inay ka furranto maxkmadda sare fadhigeeda magaaladda Garowe ayey wararku xaqiijinayaan inay baaqatay kadib markii uu Madaxweyne Ku-xigeenku la laabtay dacwadii uu u gudbiyey maxkamada sare. Warar ay helayso PUNTLAND POST ayaa sheegaaya inay arintan si hoose u galleen qaar kamida wax garadka Puntland oo ay kamid yihiin isimo soo jireen ah, lamana oga in ka laabashada dacwada ee Eng Camey ay arintani ka danbaysay. Waxaa la filayaa inay arintani soo afjarto khilaafkii ka dhashay magacaabista guddiga khilaafaadka ee ay kala magacaabeen Madaxweyne Gaas iyo Ku-xigeenkiisa Eng Camey. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka tanaasuley dacwad uu u gudbiyey maxkmada sare appeared first on Puntland Post.
  7. Maxkamadda sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta qaadeysa dacwad maamul oo u dhexeysa madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, dacwadaaas oo ka dhalatay magacaabidda guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada. Sida ku qoran qoraal ka soo baxay maxkamadda sare ee Puntland waxaa la faray qareennada labada mas’uul iney u yimaadaan dhageysiga dacwadda 11/12/2018, 9:00 AM Subaxnimo, iyada oo lagu dhageysan-doono xarunta maxkamadda sare. Sii, Akhri, Qoraalka: Source: goobjoog.com
  8. Kooxda gabdha iyo tariikhta la socdota wafdiga jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne ayaa qaliin indha fiiqis magaalada Muqdisho ugu sameeyay in ka badan 100-qof oo iskuga jir rag iyo dumar horayna waxa arinta oo kale kasoo fuliyeen Magaalada Kismaayo ee gobolka jubadda hoose. Dadkii loo sameeyay qaliinka indha fiiqista ayaa u Mahad celiyay jaaliyada soomaaliyeed Australia,iyagoo dhinac dal u diray qurbajoogta kale in iyagan ay sidan oo kale ay u caawiyaan dadka ku dhibaataysan gudaha. Dr.Cabdi Casiis Cabdiqaadir Cabdisamad oo ah hogaaminaya wafdiga taariikhiga wehlinaysa kooxda qurbajoogta Soomaaliyeed ee Melborne ayaa sharxaad ka bixisay qaabka ay u qabsoontay howsha qaliinka ay Muqdisho ka fuliyeen iyo jawaab celinta ka imaanaysa dadkii lagu fuliyay qaliinka. Qaar ka mid ah wafdiga Melbourne oo la socday kooxda taariikhta ayaa inoo sheegay in gudaha ay ka jirto baahi badan oo caafimaad ah markii ay ku laabtaan Australia ay bulshada usoo bandigidoonaan sidii loo dar daroi gelin lahaa sidii caawin lahaa muwaadiinta ku dhibtaysa guud ahaan wadanka. Tababaraha kooxda kubbadda Melbourne Cali Xuseen ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yahay markii uu la sheegtay dadkii lagu sameeyay qaalinka kuwaas oo maalmo ka hor aan qabin aragti wax ay wax ku arkaan,balse markii ay heleyn indha fiiqis ay xaladooda wax badan iska badashay arintan ay sii wadidoonaan sanadaha soo aadan. Kaliya sanadkan kooxda jaaliyeed ee Soomaaliyeed ee Mlebourne uma imaanin ciyaaro saaxiibtinimo iyo dhaxgal bulsho waxa ay ka qeyb qaateyn caawinta shacabka maagaalooyinka Muqdisho,Kismaayo iyo Baydhabo sanadaha soo aadan qorshooda waxaa ku jiraa dhamaan in ay howl cafimaadka ka sameeya dalka oo idil. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa markale ku celiyay in aysan aqoonsaneen gudiga Maaliyada ee Golahaasi ee dhawaan la kala diray. Guddoomiye Cawad ayaa ka dhawaajiyay in ay soo dhisayaan guddi Maaliyaadeed oo KMG ah, si ay u sii wadaan howlaga guddigaasi. Sidoo kale Mahad Cabdalla Cawad gudodomiye ku xigeenka labaad ee BFS ayaa sheegay in uu rajaynayo in la xaliyo khilaafka soo kala dhex galay Golaha Shacabka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cawad-1.mp3 The post Cawad “Ma aqoonsanin guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka” appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka la filayo inuu maanta la hadlay warbaahinta, sida qaar kamid ah xildhibaanadii xalay la kulmay ay shaaciyeen. Lama oga waxyaabaha uu ka hadli doono guddoomiyaha baarlamaanka, balse waxaa la filayaa inuu ka hadlo arrimaha mooshinka iyo waxyaabaha kasoo kordhay. Xiisad ayaa ka dhalatay kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka uu qabtay mooshin ay diyaariyiin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka hor yimid labadiisa ku xigeen. Xalay ayaa xildhibaanadii ugu badnaa ee gudbiyay mooshinka waxay kulan la qaateen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii sida ay sheegeen ay ka boodeen Dhagxaan lagu xiray waddada loo maro xafiiska guddoomiyaha. Xildhibaannada mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha u gudbiyay Guddoomiye Mursal ayaa sheegaya in madaxweynaha uu galay heshiisyo qatar gelinkara dalka oo aan la horgeyn golaha shacabka. La soco waxyaabaha kasoo kordha arintaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Baydhabo (Caasimada Online)-Walaac xoogan ayaa laga muujinayaa in markii afaraad ay dib u dhacdo doorashada Koofur Galbeed oo seddex jeer oo hore dib u dhac uu ku yimid. Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin dib u dhac markii Afaraad ku yimaada doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed. Doorashadaasi ayaa dib u dhacday 17 iyo 28-dii November iyo Shantii December ee sanadkaan, iyadoo haatan lagu balansan yahay inay dhacdo 19-ka Bishaan oo Siddeed maalin ay ka harsan tahay. Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayaa sidoo kale qaba walaaca dib u dhaca doorashada, iyaga oo u sababeynaya mooshinkaan cusub ee laga keenay madaxweynaha Soomaaliya. Khilaafka cusub ee golaha shacabka iyo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga baqayaa inuu saameeyo doorashada, maadaama laga mashquulayo arrimaha Koofur Galbeed laguna mashquulayo xal u helidda mooshinka. 19-ka Bishaan ayaa la filayaa inay doorashada ka dhacdo magaalada Baydhabo, haddii aan dib looga sii dhigin, waxaana wali musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha aysan la hadlin xildhibaanada dooran lahaa. Marka Mooshin uu yimaado sidaan oo kale waxaa istaaga dhaqdhaqaaqa iyo shaqooyinka hay’adaha kala duwan ee dalka, maadaama mar walbaa xalka mooshinka lagu mashquulo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Nairobi ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa ku warramaya in xalay dibadbaxyo xoogan ay ka dhaceen M/ Nairobi ee xarunta dalkaasi. Dibadbaxyada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa lagu taageerayay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Sidoo kale banaanbaxan ayaa looga soo horjeeday Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo. Dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay Waddooyinka waa weyn ee Nairobi, gaar ahaa xaafadda Islii ayaa ku qeylinayay Erayo ka dhan ah Mooshinkaasi. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xilligan aan loo baahneen Mooshin iyo khilaaf horleh. Shalay ayey aheyd markii dibadbaxyo la mid ah kuwan ay ka dhaceen qeybo ka mid ah M/ Muqdisho, kuwaas oo ay dhigeen qaar ka mid ah shacabka G/ Banaadir. Banaanbaxyadan ayaa ka dhashay, kadib markii Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. The post Dibadbax lagu taageerayo Farmaajo Oo ka dhacay Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Sidee shaqo loo helaa ama loo abuuraa W/Q Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) Q. 5’aad Dawlada iyo saammeynta ay ku leedahay shaqo la’aanta oo sii socda. Shaqo la’aantu waa dhibaatadda ugu badan ee dawladaha ka horyimaada, Xalka iyo ka hortaga ay sammeeyaan dawladuhu waxay noqdaan innay ku guuleystaan iyo innay ku fashilmaan midkood. Marka la joogo dalkeenna shaqo la’aantu waa caqabada ugu adag ee hortaalla Dawladeenna, sanadkasta waxa soo baxa arday kala duwan oo dhammeeyay Jaamacaddaha Meelaha kaliya ee ay naawilaan innay ka shaqeeyaan waa dawladda iyo Hay’adaha madaxa banaan, ilaa intii dalka la soo galay ma jirto Dedaal shaqo abuur ah oo la sameeyay marka laga reebo shaqaale si dad ban loo qaato. Dawladdu waxay saammeyn balaadhan ku leedahay shaqo abuurka dalka waxaanna looga fadhiyaa innay qorshe qaran oo saxa la sameeyo laguna guulleysto in ardayda iyo cidkasta oo shaqo la’aan ka cabbanaysa la meeleeyo taasina waxay ku xidhan tahay hoggaanka dalka iyo gollihiisa wasiiradda qaabka iyo sida ay u maareyn karaan dhibkan inta badan soo jiitamayay. Waddamadda Caalamka ee la dagaalamay shaqo la’aantu waxay sammeeyeen dedaal aan joogsi lahayn iyo daacadnimo waxaanna u suuro gashay innay soo afmeeraan shaqo la’aanta baahsan ee jirta. Dawladdu waxay sammayn kartaa innay dhalinyarada iyo ciddii shaqo doon ah ay ku sammeeyaan xog ururin iyo tirikoob saxa oo la ogyahay inta shaqaysa iyo inta aan shaqayn ee jaamacad dhamaysay, dugsi sare dhammaysay , dugsi hoose dhammaysay taasi waxay ka caawinaysaa in sanadkasta la sameeyo qorshe shaqo abuur oo kala duwan ka duulaysa xogta la hayo ! Ha moodina innaan riyoonaya haddii la dedaalo waa mid aad u fudud haddii aad dib u milicsatid waddamada horumar xaggay taagnaayeen 28 sano ka hor. Haddii la doonnayo in shaqo la’aanta baahsan hoos loo dhigo cidda kaliya ee hoos u dhigi kartaa waa dawlada oo ay ka go’naato shaqo abuur ama xal lagu yaraynayo taasina waxa la arki doonnaa marka dawladdu laftigeedu noqoto dawlad isbeddel u taagan oo markasta dedaal ugu jirta xal u raadinta shaqo la’aanta. Haddii la doonnayo in shaqo la’aanta hoos loo dhigo waa in dawladdu xoogga saarto waxsoosaarka kala duwan ee dalka sida wershadaha iyo beeraha , iyo in ay dawladu caawiso cidkasta oo iyana diyaar u ah innay wershado cusub iyo beero hir galiyaan. Jaamacadaha wax lagu barto haddii aqoontooda wax laga beddelo laguna dabaqo baahideena si dhallinta loo baro xirfado shaqo oo naftooda iyo dalkoodaba ay wax ugu qaban karaan taasi waxay hoos u dhigaysaa shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta, tallaabo kasta oo la doonnayo in shaqo la’aanta hoos loogu dhigo waxa sammayn kara dawladdeenna iyo shacabkeenna oo diyaar u ah in horumar lagu tallaabsado. “Haddii waddanka shaqo la’aantiisu badnaato waxay la mid tahay waddan aan horumar gaadhin, haddii shaqo abuurkiisu batana waxa ay la mid tahay waddan isku filnaansho gaadhay” markaa marka la doonnayo in waddankasta la ogaado horumarkiisa kaliya waxa la eegaa waa imisa heerka shaqo la’aanta ee ka jirta waddankaas? Haddii aan tusaale ku siiyo waddankeenna soomaalilaand shaqo la’aantu waxay kor u dhaaftay 78% halka aynu taagan nahay iyo xaalada waddankeenna lagu tirinayo bal iswaydii Maxaa la innagu tirin karaa? Haddaba xagga sare waxa aynu ku sheegnay saameynta iyo qaabka ay dawladu shaqo la’aanta hoos ugu dhigo karto , anigana aqoontayda gaaban iyo waayo-aragnimadayda aan talada uga dhigayo inta shaqo la’aantu hayso waxaan leeyahay shaqo la’aanta waa laga baxayaa ama adigaana iska saaraya oo shaqo abuuranaya ama adiga ayaa shaqo raadsanaya oo helaya, haddii aad doonneysid innaad shaqo heshid waxay ku jirtaa gacantaada, dedaalkaaga iyo kartidaada. Haddii aad dedaashid, haddii aad samirtid haddii aad waddooyin kala duwan u martid innaad shaqo heshid ama abuurtid maalin unbaad ku guulleysan se cidda ay ku xidhan tahay innay waddooyinkaas uu qaado waa adiga, oo Markasta Alle kaashanaya. Haddii aad doonneysid inaad shaqo abuurtid ama aad shaqo heshid markasta waxaad u baahan tahay waayo-aragnimo waayo aragnimadduna waxay ka timaadaa innaad cid u shaqaysid iyo innaad adigu shaqo abuur aad sammaysay aad ka heshid fashil iyo waayo – aragnimo. Haddaba anigu waxaan kugula talinayaa haddii aad doonneysid inaad shaqo heshid marka hore adigu shaqo doonne ama shaqo abuure noqo, diyaarna u noqo innaad shaqaysid ama laguu shaqeeyo haddii aad doonneysid inaad shaqo heshid oo aad cid u shaqaysid waxay kaaga baahan tahay innaad albaab kasta garaacdid oo aad qofkasta oo meel haysta aad shaqowaydiisatid codsi iyo CVna aad u geysatid ka dibna ku noq-noqotid haddii aad shaqo doon tahay maaha innaad shaqo ka raadisid inta aad isku reerka tihiin se waxa loo baahan yahay innaad markasta aqoontaada ku kalsoon tahay ka dibna cidkasta aad hor dhigi kartid aqoontaada iyo waayo-aragnimadaada, haddii aad aqoon leedahay tus qaabka aad horumar u gaadhsiin kartid halka aad shaqada ka rabtid kuna caddee codsigaaga. Haddii aad shaqo doon tahay markasta waxa lagaaga baahan yahay dedaal joogtaa, samir badan, adkeysi , iyo xidhiidho badan oo aad bulshada qaybaheeda kala duwan la yeelatid, taasi waxay kugu hagaysaa inaad mar un shaqo heshid. Haddii aad shaqo heshid na maxaa lagaaga baahan yahay Afar qodob Ayaan ku soo koobayaa, waan hubaa innaad mar un shaqo helaysid haddii aad tahay qof wanaagsan oo Alle ku xidhan , aqoon iyo dhaqan wanaagsan leh, ee bal haddii aad shaqo doon tahay ama aad diyaar u tahay ama aad abuuraysid isku day inaad yeelatid astaamahan hoose :- Diin: Noqo qof diin leh oo diintiisa jecel Allena raalli galiya Dhaqan: Noqo qof dhaqan iyo asluub leh haddii aad dhaqan wanaagsan leedahay waxba waayi maysid, haddii aad dhaqan wanaagsan leedahay cidkastaa waa ay ku jeclaan kana feejignoow oo jooji waxyaalaha dhaqannada xumeeya sida Qaadka, sigaarka iyo balwadaha xun xun ee indhaha dadka kugu soo jeedinaya, qaabkaaga dhis, labiskaaga qurxi, dhaqankaaga ha laga garto hadalkaaga, labiskaaga iyo aqoontaadaba ha u eekaadaan aqoonta aad leedahay. Aqoon: markasta aqoontaada aamin una beddel ficil iyo inaad meeshaad ka shaqo gashid aad wax kaga bedeshid, kor u qaad ka dibna ka faa’ideyso cidkasta oo kaa aqoon badan kuna dayo inaad gaadhi kartid oo aad waliba dhaafi kartid. Dabeecad: haddii aad dabeecad xun tahay Waa abuur Alle se waxa lagaaga baahan yahay in dabeecadaada xun kaga timaadid gurigii aad ka soo toostay waa in aad ku dhaqantid dabeecadda shaqada ee aad goobta ugu timid, haddii aad dabeecad xumaatid waxaad noqon doontaa shaqaale ka shaqeeya sanad gudihii in ka badan 10 goobood oo shaqo ah “Haddii aad dabeecad wanaagsan leedahay waxaad noqon doontaa shaqaale sanado badan ka shaqeeya hal goo oo kaliya” Haddii aad shaqaale ama loo shaqeeye noqotid waa lagama maarmaan innaad astaan ka dhigatid qodobadaas aan kor ku soo sheegay waayo markasta waxa aad la shaqaynaysaa bulsho iyo dadyaw kala duwan oo kala dabeecad ah, kala diin ah, kala aqoon ah haddii aad astaamahaas sare leedahay waa lagama maarmaan innaad meelkasta ka noqon doontid Dheeman la jeclaado oo haddii uu fasax galo wax badan la dareemo oo la is waydiiyo. Balanteennu waa noqo qof ka dhisan xag diimeed, aqooneed, dabeecadeed, qaabeed, xirfadeed, bulsheed taasi waxay kor u qaadaysaa in cidkastaa ku jeclaato kula soo xidhiidho ka diba meelo badan lagaa soo dalbado iyadoo lagu leeyahay maad noo shaqayn. Waan ogahay in shaqo la’aan baahsan idin hayso, waan ogahay inaad jeceshiin innaad shaqo abuurataan, waan ogahay innaad jeceshiin inaad dalacdaan oo aad meel sare gaadhaan, waanna sababta aad maqaalkan u akhrinaysid innaad tallo ka heshid, waan kugu hambalyaynayaa inaad akhriday maqaalkayga, waan hubaa nasiib ayaad leedahay, samir ayaad leedahay, waxaanad diyaar u tahay isbeddel , waad helaysaa shaqo , waad abuuraysaa shaqo ama waad ka dalacaysaa halka aad imika taagan tahay waayo samirkaaga iyo dedaalkaaga waxaan ka dhex arkaa wakhtiga aad siisay maqaalkan insha Allah waxaan adiga si gaara kuugu duceynayaa in Alle ku gaadhsiiyo halka aad jeceshay, u dedaal sida aad imika wakhtiga u siisay akhriska maqaalkan, wakhti u sii sida aad shaqo ku heli lahayd ama aad u abuuri lahayd iyo sidii aad u dalici lahaydba, waan ku farxay innaad ila akhriday ana waan kula jeclaaday inaan wixii aan idin dheerahay idinla wadaago waad ku mahadsan tahay Akhriskaaga wixii kale ee aad u baahatid Waxaad ii soo diri kartaa Fariin. Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) farxaanmxd@gmail.com Facebook: Rakad Mxd Sultan Article: 329 Tell: – 063-4400319 Berbera. Qaran News
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwii Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay guddoomiyaha BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulankan oo ka dhacay Guriga Guddoomiye Mursal uu ka dagan yahay Madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Mooshinka iyo sidoo kale wararka sheegaya in xabsi Guri laga dhigay. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay u suura gashay in Madaxtooyada ay galaan, iyagoo ka booday biro lagu xiray Guriga guddoomiyaha, sida uu hadalka u dhigay. “In ka badan 24 saacadood oo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal ku go’doonsanaa Gurigiisa oo ku dhexyaala Madaxtooyada Soomaaliya ayay noo suurogashay inaan u tagno kadib markii aan ka boodnay biro lagu xiray Guriga uu ka dhex deganyahay Madaxtooyada”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad. Sidoo kale saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa in Warbaahinta uu la hadlo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, kana warbixiyo xaaladda cakiran ee ku soo korortay Golahaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Xildhibaano ka tirsan BFS Oo la kulmay guddoomiye Mursal appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa bishii Labaad oo uu xilkan hayo ku guuleysto inuu mushaar siiyo 200 oo ka mid ah ciidamada Booliiska B/weyne, kuwaasi oo xuquuqdooda ka la’aa dowladda federaalka ah. Dabageed ayaa u sheegay ciidankaan in looga baahan yahay iney xoojiyaan shaqada ay shacabka u hayaan, islamarkaana kaalin ka qaataan sidii ammaan iyo kala dambeyn loo heli lahaa. Waxa uu sheegay guddoomiyaha inta maamulkiisa uu shaqeynayo iney bixin doonaan mushaarka ciidamada Booliiska, maadaama ay dowladda federaalka ilowday. Qaar ka mid ah ciidamada Booliiska ee la siiyey lacagahan ayaa sheegay in maamulkaan uu wax badan kaga bedalan yahay maamulladii hore, islamarkaana ay lacagahooda heleen xilli ay dowladda dhexe ku ilowday B/weyne. Halkaan hoose ka dhageyso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa xildhibaannada ka keenay mooshinka madaxweyne Farmaajo ugu baaqay iney ku adkeystaan mooshinkooda oo aanay ka laaban. Wuxuu sheegay in xildhibaannada looga baahan yahay iney ridaan madaxweynaha oo ay soo doorteen shaqsi wax ka bedali kara xaaladda dalka Labada sano ee soo socota. Guddoomiye Maxamed Mursal ayuu sheegay inuu noqday nin sharciga ilaaliya iyaguna ay garab taagan yihiin xildhibaannada mooshinka keenay waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/CODKA-FAYSAL-CALI-WARAABE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Hoyga guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa xalay tagey xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka keenay madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Waxay xildhibaannadan kulan la yeesheen guddoomiyaha oo ay ka wadahadleen arrimo badan oo mooshinka ku saabsan. Xubno ka mid ah xildhibaannadan la kulmay guddoomiye Mursal ayaa inoo xaqiijiyey in saacadaha soo aadan ee maanta uu guddoomiyaha la hadli doono warbaahinta, islamarkaana u faah faahin doono arrimo badan oo mooshinka ku aadan. Wuxuu sidoo kale ka hadli doonaa wararka sheegayey in loo diidey xildhibaanno iney u tagaan sidoo kalena biro lagu horjaray hoygiisa. Xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka ayaa 9-kii bishan waxay mooshin ka keeneen madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed, wuxuuna mooshinkaan yahay mid xil ka qaadis ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-111218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Maxkamada Sare ee Dawlada Puntland ayaa lagu wadaa inay saaka ka furanto dacwad dastuuriya oo u dhaxaysa Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Eng Cabdullaahi Cumar Camey, taas oo ku salaysan guddiga xalinta khilaafaadka Baarlamaanka. Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweyne Gaas uu magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka iyo xulista baarlamaanka hase ahaate uu saacado kadib guddi kale ka daba magacaabay ku-xigeenkiisa Eng Camey oo sheegay inaan lagala tashan guddiga uu madaxweynuhu magacaabay. Saaka waxaa Maxkamadda sare oo fadhigeedu yahay magaalada Garowe soo xaadiri doona qareeno u doodaaya labada dhinac. Puntland oo 20-sano jirsatay weli maleh maxkamadii dastuuriga ahayd oo shaqadan iyadu leh hase ahaate waxaa shaqadii maxkamadaas sii wada Maxkamada sare. Waa markii ugu horaysay oo ay Maxkamadda sare dhagaysato dacwad tan lamida. PUNTLAND POST The post Maxkamadda sare ee Puntland oo saaka dhageysanaysa dacwad u dhaxay Gaas iyo Camey appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka xun yihiin go’doominta lagu sameeyay guddomiyaha baarlamaanka. Xildhibaan C/Xakiin Macalin Ahmed oo kamid ahaa xildhibaanadii xalay la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay inay u dulqaadan waayeen go’doominta guddoomiyaha baarlamaanka, sidaasina ay ugu tageen. Ugu horeyn wuxuu sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka loo diiday inay la kulmaan , balse aysan jirin cid hor istaagi karta inay la kulmaan guddoomiyahooda, islamarkaana ay xoog kaga gudbeen dhagxaan lagu gooyay hoyga guddoomiyaha. Xildhibaan C/Xakiin ayaa tilmaamay inay talaabo qaadi doonaan, walow uusan sheegin talaabada ay qaadayaan nooca ay tahay iyo cidda ay ka qaadayaan, maadaama aysan jirin Talaabo ka weyn mooshinka ay gudbiyeen oo ay qaadi lahaayeen. Waxa xalay la arkayay xildhibaano badan oo la kulmay Guddoomiyaha kuwaasi oo uu kamid ahaa xildhibaankii shalay galab shaaciyay in guddoomiyaha Baarlamaanka maxbuus laga dhigay. Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa mareysa meel adag ka dib markii Xildhibaano ka tirsan Golaha ay Shacabka ay Mooshin ka keeneen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hoos ka dhageyso codkiisa. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-2-Xildhibaan.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Golaha Shacabka Xildhibaano katirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in guddoomiyaha ay u gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu qabtay mooshin ka dhan ah madaxweynaha. Xildhibaanada gudbiyay mooshinka ayaa ku doodaya in ay soo dhameystireen tiradii loo baahnaa, ayna ka war sugayaan guddoonka golaha shacabka. Dad badan ayaa haddaba isweydiinaya qaabka loo mari karo xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya. Qoddobaka 92aad ee dastuurka ku meel gaarka ee Soomaaliya ee aana wali aftida loo qaadin ayaa dhigaya in xil ka qaadista madaxweynaha ay soo jeedin karaan xildhibaanada golaha shacabka marka madaxaweynaha lagu eedeeyo khiyaano qaran, xadgudub culus oo dastuuri ah ama ku xadgudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Isla qoddobka 92aad ee dastuurka Soomaaliyaa farqadiisa 2aad ayaa sidoo kale dhigaya in hindisaha xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay golaha horkeeni karaan ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Sidoo kale isla qoddobkaasi ayaa dhigaya in Maxkamadda Destuuriga ay dhageysato eedeynta loo soo jeedinayo Madaxweynaha inay sal leedahay, waxaana haddii ay go’aamiso maxkamaddu inay eedayntu sal sharci leedahay, saddex dalool labo (2/3) ee labada aqal ee Baarlamaanka ay xilka ka qaadi karaan madaxweynaha. Haddii Madaxweynaha xilka lagaga qaado si waafaqsan faqradaha 1aad ilaa 3aad ee qodobkan, waxaa xilka madaxweyninimo la wareegaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Guddoomiyaha maxkamadda sare Jiritaanka maxakamadda destuuriga Soomaaliya oo aysan iminka ka jirin maxkamadda dastuuriga ayaa haddaba waxaa uu ismarin wa’a ka taaganyahay halka loo laabanayo iyo maxkamaddii dhageysan laheyd eedeymaha loo soo jeediyay madaxweynaha, waxaana dadka qaar ay qabaan aragti ah in mar haddii aysan jirin maxkamaddii dastuuriga ee loo laaban lahaa ay tahay in loo laabto maxkamadda sare, si ay u dhageysato eedeymaha loo soo jeediyay madaxweynaha, halka kuwa kalena ay aaminsan yihiin in golaha shacabka uu go’aan ka gaaro arrintan. Maxaa xal ah maxaase aan xal aheyn? Maxkamadda dastuuriga oo aan dalka ka jirin iyo dhinacyada siyaaasadda oo aad u kala fogaaday ayaa dadka qaar waxaa ay aaminsanyihiin in ay sii hurineyso xiisadda siyaasadeed ee haatan ka taagan Soomaaliya, arrintan na aan la dhameystri karin iyadoo meesha ay ka maqan yihiin hay’adihii dowliga ahaa. ”Hay’adihii la rabay in arrintan ay dowr ku yeeshaan oo meeshan ka maqan iyo dadkii oo siyaasad ahaan kala fogaaday, daraf saddexaad oo dhexdhexaad ahna uusan jirin, waxaa qasab noqon doonto in xeer-Soomaali loo noqdo, hoosna loo wadahadlo”. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Ibraahim Bursaliid oo ka faallooda arrimaha gobolka. Mooshinkan oo aanan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono ayaa waxaa ilaa iyo hadda aanan ka hadlin madaxtooyada Soomaaliya. Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka. Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in siyaasiyiinta uu kula kulmay magaalada Muqdisho uu kala hadlay arrimo dhowr ah, isaga oo sheegay inay ugu weyn tahay xalinta dhibaatooyinka dalka ka jira. Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta waaweyn ee uu la kulmay kaga mahadcelinayo dadaalada ay ugu jiraan dhameynta dhibaatooyinka qaarkood maanta ka taagan dalka Soomaaliya, sida uu kusoo qoray bartiisa Facebook. “Waxaa maanta igu soo booqday gurigeyga siyaasiyiin waaweyn oo reer Muqdisho ah Waxaana ka wada sheegakeysannay danta guud ee dalka iyo dadka. Waan uga mahadcelinayaa dadaallada ay ugu jiraan xal u helidda mashaakilaadka maanta taagan qaarkood”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kamid ah xubnaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, waxaana uu marar badan magaalada Muqdisho ka sheegay dhaliilaha dowladda leedahay. Waxaa haatan taagan buuq badan oo ka dhashay mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo ay u badan tahay inay arrimaha mooshinka ka wada hadleen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Sheikh C/qaadir oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa si dad ban kaga hadlay khilaafka ka taagan golaha shacabka dhexdiisa. Xildhibaanka oo ka qeyb galayay soo dhaweynta hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in laga gudbay xiligii awooda iyo xooga lagu xukumi jiray dalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dowladnimada Soomaaliya laga soo maray dhibaatooyin badan oo u baahan inaan dib loogu laaban, isaga oo ka digay in dhibkii badnaa ee laga soo gudbay inaan dib dalka loogu celin. “Ujeedada maanta aan halkaan iskuugu nimid ayaa ah inaan muujino in dalkaan uu yahay dal xor ah, dadkana wada leeyihiin, sanad ka hor dhibaato xun oo lagu weeraray C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho”. “Dalkaan qofkii xabad lagu tuuraba hadduu iska cararayo meeshaan masoo gaarneen, waxaan jeclahay inaan fariin dhab ah u dirno dadka doonayo in xabad xalka lagu gaaro, waa laga soo gudbay waxaa, waxaan ku joognaa oo aan wada leenahay dalka, Dastuurka iyo Sharciga”ayuu yiri Faarax Sheikh C/qaadir. Xildhibaan Faarax C/qaadir oo si toos ah kaga hadlin marxaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa sheegay inuu ka digayo in dalka dib loogu celiyo xiliyaddii adkaa ee laga soo gudbay. Xildhibaanada ugu badan ee mucaaradka ah ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com