Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyey mooshinka ka dhanka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Qoraal ay soo saareen, oo arrintan ku saabsan waxaa uu u qornaa: Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed waxay walaac adag ka muujinayaan Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka oo sii cakirmeysa, kana soo dareysay bilihii la soo dhaafay. Goluhu wuxuu si taxdar badan uga dooday qodobada Dastuuriga ah ee lagu soo eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya. Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa go’aankan Dastuuriga ah ee Golaha Baarlamanka Soomaaliyeed uga gilgisheen siyaasadda guracan ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmajo, taas oo sababtay khal khal gelin siyaasadeed ee ku aadan Dowlad Goboleedyada curdanka ah iyo kuwo kaleba. Waxaa si bareer iyo ula kac ah hogaanka dalku uga leexday la dagaalankii argagixisada taas oo sababtay in Shabaab iyo Daacish (ISIL) ay shacabka iyo ganacsatada ku soo roogaan lacago baad ah, taas oo cidii ka hortimaadana si bareer ah toogasho loola beegsado. Goluhu wuxuu uga baaqayaa Baarlamanka Soomaaliyeed iyo Aqalka Sare oo ka Wakiil ah Dowlad Goboleedyada in ay gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah ayagoo u maraya sifo waafaqsan Dastuurka Dalka. Goluhu wuxuu ku baaqayaa in danta gaarka ah laga hormariyo ilaalinta danta guud, ayadoo si toos ah loo abaarayo xal u helidda siyaasadda murugsan iyo hogaanka weecday ee loo han weynaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Hal qof ayaa inta la xaqiijiyay ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay rasaas ay xalay is-weydaarsadeen dabley weerartay taliska qeybta Booliiska Somaliland ee magaalada Laascaanood iyo ilaaladii saldhigaasi. . Qofka dhintay oo la sheegay in uu ka tirsanaa dableyda weerarka qaadday ayaa markii hore dhaawac culus soo gaaray,wuxuuna geeriyooday saacado kadib sida ay sheegeen goobjoogayaal. Sidoo kale qofka dhaawacmay ayaa la sheegayaa in uu ahaa askari ka tirsan ilaalada saldhiga Booliiska ee magaalada Laascaanood. Dableyda weerarka qaaday oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa goobta isaga baxsaday PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay weerar xalay ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  3. Gaalkacyo (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay muddo isbuucyo ah kadib baahiyay magacyada labo kamid ah dadkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay wadaadka C/Welli Cilmi Yare. Qoraal lagu baahiyay baraha lagu faafiyo wararka Al Shabaab ayaa la sheegay in weerarkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo uu ku jiray dadkii ka dambeeyay nin lagu magacaabo Cumar Cabdullahi Ciise oo 40 jir ahaa, kana soo jeeday Beesha Daarood. Ruuxa labaad ayaa Al Shabaab waxay magaciisa ku sheegay in la dhihi jiray Maxamed Sh.Nuur Maxamed oo ka soo jeeday Beesha Raxanweyn, waxaana uu kamid ahaa dadkii ugu horeeyay ee xarunta galay. Dadka ku dhintay weerarkaasi oo gaarayay 20 ruux waxaa kujiray wadaadkii xerta ku hayay koofurta Magaalada Gaalkacyo, walow Al Shabaab aysan shaacin magacyada ragga kale ee weerarka ka dambeeyay. Al Shabaab ayaa horey u baahiyay magacyada, Qabiilada iyo codadka dadka ay sheegaan inay ka dambeeyaan weerarada abaabulan ee lagu qaado magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka. Ciidamada Galmudug ayaa horey maalintii weerarka dhacay shaaciyay inay qabteen mid kamid ah raggii weerarka ka dambeeyay isaga oo dhaawac ah. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
  4. Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharrax u taagan Xilka Madaxweynaha dowladda Puntland 8-da Janaayo 2019 ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Boqolaal ka mid ah Bulshada Magaalada Gaalkacyo ayaa soo dhaweeyey waxa ayna sheegeen in Musharax Deni yahay Shaqsi mudan in uu Hoggaamiyo Puntland. Nabadoon Xuseen Maxamuud oo ka mid ahaa waxgaradkii ka hadlay soo dhaweynta Musharrax Deni ayaa sheegay”…Qoraxda waxaan u taaganahay, oo saacado badan sugeenay waxa ay tahay in aan helno Madaxweynihii naga saari lahaa dhibka aan ku jirno, Taageero ayaa kuu nahay, waxaad mudantahay in aad xilkaas ku guuleysato”…. Musharrax Siciid Deni ayaa u mahadceliyey dhammaan dadka ka qeybgalay soo dhaweyntiisa waxa uu sheegay in Magaalada Gaalkacyo ka soo qabtay howlo badan….”Gaalkacyo Imaatankeeda wax igu cusub ma ahan, Xilli hadda amaankeeda ka xunyahay ayaa ka soo shaqeeyey, 1993-dii markii uu Cabdullaahi Yuusuf Gaalkacyo ka sameeyey Nabadeynta waxaa ahaa Dadkii ugu horeeyey ee Gaalkacyo ka abuuray Ganacsi kana Furay Goobo waxbarasho, Xilligaas dadka joogay ciidan ayaa u badnaa waxa ay aheyd 1994-tii”……. Musharrax Deni ayaa Sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee qeybta ka ahaa horumarka iyo Ammaanka Gaalkacyo…..”Aniga waxaa ka mid ahaa dadkii Gaalkacyo wax u qabtay Abaal ayaa ku leeyahay, Abaalkaas in aad ii gudaan ayaa rabaa oo markale aan idin qabto wax ka fiican, Cabdiweli Gaas waa idinkaga fiicanahay, Waad Ogtihiin meesha uu ka yimid, Aniga diyaar ayaa u ahay Xoojinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Waxaa kaalin ka qaadanayaa Dhismaha iyo Horumarinta Dekedda Garacad”….. Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ballan qaaday in uu wax ka qabanayo Nabadeynta iyo Walaaltinimada Gobolka Mudug….”Waxaa idin ballan qaadayaa Nabadda iyo Walaaltinimada Gobolka Mudug in aan waqti badan galiyo Habeen iyo Maalina u soo jeedno, Horumarka Gaalkacyo, Mudug iyo Puntland ninkii loo tilmaamayey ma ahi, wax badan ayaa ka ogahay Hadaan Guuleysto wax badan ayaa ka qabanayaa”….. Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan waqti badan qaatay waxa uu la yeeshay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan faarax, waxa ay kawada hadleen guud ahaa xaaladaha Puntland iyo Doorashada Xilka Madaxweynaha Dowladda Puntland oo la filayo in ay dhacdo 8-da Janaayo 2019. Musharrax Siciid Deni ayaa Islaanka ugu Mahadceliyey Dadaalada iyo Nabadeynta uu wado. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Musharrax Siciid Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah shaqsiyaad xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa ka hadlay mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Siyaasi Cali Maxamuud Faarax “Seeko” oo xildhibaan horey usoo noqday ayaa sheegay in xiligan aysan haboobeyn mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, maadaama jiraan shaqooyin kale oo horyaala dowladda. Wuxuu Siyaasiga ku eedeeyay xildhibaanada gudbiyay mooshinka inay leeyihiin dano gaar ahaaneed, waxaana uu cadeeyay inay dhamaantood wada doonayaan inay wasiiro noqdaan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xiligaan mooshinka la keenay ay direyso fariin aan wanaagsaneyn, maadaama dagaalka Al Shabaab iyo diyaarinta qorshaha doorashooyinka ay socdaan. “Ma aaminsani xildhibaano madaxweyne ridi kara inay mooshinkaan keeneen, waxaan isleeyahay waxay direysaa Fariin aad u xun oo xiligaan aan ku habooneyn, maadaama xiligan dowladda howlo badan ku mashquulsan tahay” “Mooshinkaan Wuxuu salka ku hayaa dano gaar ah, waxaan arkayay xildhibaano badan oo haween iyo rag ah oo mooshinka gudbiyay, xildhibaan walbaa wuxuu rabaa inuu wasiir noqdo”ayuu yiri Cali Seeko. Siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwan mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online)- Bulshada Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haya mooshinka ka dhanka Madaxweyne Farmaajo ee uu qabtay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal. Dadka falaanqeeya siyaasadda ayaa intooda badan waxa ay soo bandhigeen sadex sababood oo ka danbeeya mooshinkan. 1-Dowlado shisheeye oo u ciil cunay dowladda Nabad iyo Nolol, iyadoona mooshinkan uu yimid kaddib 24 saac markii Guddoomiyaha Baarlamaanku uu shirar albaabadu u xiran yihiin la kala qaatay Safiirada Sucuudiga iyo UK ee ku sugan Muqidsho. Sucuudiga ayaan la dhacsanayn siyaasada arrimaha dibadda Soomaaliya ee u janjeerta Qatar iyo Turkiga, halka Safiirka Ingiriiska uu ka shaqeynayey sidii shirkado dalkiisa ah loogu wareejin lahaa baaritaanka shidaalka Soomaaliya, arrinkas oo ay dowladdu ka madax adeygtay maadama shirkadaha ingiriiska ay saami aad u hooseeya ku doonayaan qodista shidaalka Soomaaliya. 2-Mooshinkan waa farriin iyo hanjabaad shisheeye oo loo diray Madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa, kaddib markii ay ka dhaga adeygtay qorshaha lagu doonayo in Mukhtaar Roobow uu qabto xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed, arrinkan oo ay ka soo horjeesteen Farmaajo iyo Khayre, iyadoona dowladda Ingiriisku ay ku adkaysatay musharaxnimadiisa, lana aaminsan yahay in lacagta uu isku sharaxay ay bixinayaan dalalka Imaaraatka iyo Sucuudiga. 3-Wasiiradii hore ee uu casilay Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre bilihii la soo dhaafay ayaa hor boodaya mooshinka sida ka muuqata sawirada kulanka lala qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka, arrinkaas oo muujinaya in uu jiro isbahaysi u dhexeeya xildhibaanadii mucaaradka ah iyo kuwo xilal doon ah, waxaana macquul ah in tirada xildhibaanada moshinka keenay ay aad u yaraadaan haddii la meeleeyo, kaddib makii ay Villa Somalia bilowdo dadaalo dab damis ah oo lagu soo afmeerayo mooshinkan. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo magacyadooda lagu lifaaqay mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in saxiixyadooda laga been abuurtay. Xildhibannadan oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa iska fogeeyay magacyadooda oo lagu xusay mooshinka, waxayna sheegeen in ay sharci la tiigsan doonaan dadkii ka dambeeyay arrintan. XIldhibaan Sheekh Shaacir iyo Xildhibaan Huddo oo kamid ahaa XIldhibaannada laga been abuurtay ayaa intaas ku daray in maanta dalka uusan u baahnayn carqalad iyo qad, loona baahanyahay in shacab iyo dowladba in gacmaha la is qabsado. Mooshinka laga keenay Madaxweynaha oo sii jiitamayay muddooyin bilo ah ayaa sii xoogeystay maanta keddib markii Guddoomiyaha Barlamaanka uu ku biiray dadka ka biya diidan siyaasadda Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaa 92 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay gudbiyey mooshin xil ka-qaadis oo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Mooshinka ayaa madaxweynaha ku eedeeyey “inuu ku kacay qiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka, sidoo kalena heshiisyo iyo is-afgarad qarsoodi ah lasoo galay dowlado shisheeye oo sheegay in ay la saxiixdeen Soomaaliya heshiisyo lagula wareejinayo dekadaha Soomaaliya” Si kastaba Caasimada Online ayaa ogaatay in dhammaan eedeymahaas aysan ahayn waxa dhabta ah ee madaxweynaha lagu haysto islamarkaana ay tahay arrin ka baxsan kana weyn gacanta Soomaalida. Sida aan xogta ku heleyno, mooshinka ayaa waxaa ka dambeeya, abaabulkiisana leh, islamarkaana qarashka ku baxaya dhiibaya xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Xildhibaano ka tirsan baarlamanka ayaa maalmahan ka shaqeynayey mooshinka, waxaana jira xiriir laga dhex-waday guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka. Tuhunka weyn ayaa soo baxay sabtidii, markii guddoomiyaha baarlamanka uu Muqdisho kula kulmay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Mohamed Khayaat. Sidoo kale la-taliyaha guddoomiyaha baarlamanka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhowaan la kulmay xubno ka tirsan sirdoonka dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa sidoo kale jirta in mooshinka uu yahay mid aan cusbeyn, oo intiisa badan la diyaariyey dabayaaqadii sanadii tagtay markaas oo uu fashilmay, balse dib ayaa loo cusbooneysiiyey. Inta badan qodobada mooshinka loo cuskadaya sida arrinta Qalbi-Dhagax iyo ku xagudubka dastuurka waa kuwa hore loo qoray, waxaana lagu daray oo kaliya qodobo dhowr oo cusub, oo xaaladda daagan lagu dabaqay, ayada oo taariikhdana laga beddelay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Hal caqabad oo aan lagu gudbi karin ayaa hor-istaagtay qorshe laga damacsanaa guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal, ka hor inta uusan aqbalin mooshin ka dhan ah madaxweynaha. Kulamo ay yeesheen madaxda dowladda iyo labada ku xigeen ee guddoomiyaha baarlamanka, ka hor inta aan la shaacin mooshinka madaxweynaha, ayaa looga hadlay sidii laga yeeli lahaa go’aankii uu Mursal kusoo celiyey guddiga maaliyadda baarlamanka, oo xukuumadda ay caqabad u aragto. Guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Cabdi Weli Muudey ayaa sii jeediyey inuu soo saaro qoraal uu kaga soo horjeesanayo Mursal, kadibna xildhibaanada taageersan xukuumadda ay billaabaan dagaal ugu dambeyn keeni kara in Mursal kursiga laga tuuro. Si kastaba, kadib wada-hadal dheer, waxaa la go’aamiyey in dagaal lagu qaado Mursal ay dhaawac xooggan gaarsiin karto sumcadda dowladda iyo aragtida ay ka qabto beesha caalamka, sababo la xiriira in dowladda horeyn ay u tuuray Jawaari. “Haddii Mursal la tuuro, waxaa caalamka uu arkayaa xukuumad dooneysay inaan lala xisaabtamin oo ay isku noqota sharci-dejin iyo sharci-fulin” ayuu yiri xildhibaan xog-ogaal u ahaa kulanka oo ku dhow Muudey. Waxaa sidoo kale la is-tusay in tallaabo ay qaaddo xukuumadda ay muujin karto in eedeymaha musuq-maasuq ay yihiin kuwa sax ah, taasina ay hogaamin karto in deeqaha caalamka laga gooyo dowladda, gaar ahaan kuwa Mareykanka, Yurub iyo Banka Adduunka. Ayada oo xaal uu marayo halkaas ayaa mooshinka madaxweynaha waxaa aqbaly Mursal, waxayna hadda u muuqataa inaan dagaal laga fursan doonin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Dabley hubaysan ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday taliska qeybta Booliiska Somaliland ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,sida ay sheegeen goobjoogayaal. Dableyda ayaa qoryaha Baasuukaha iyo Kuwa AK47 ku weeraray taliska,waxaana halkaas in mudda ka socotay rasaas ay is’weydaarsanayan kooxdii weerarka qaadday iyo ciidamada amniga ee saldhigaasi joogay,sida ay Puntland Post u sheegeen dad kala duwan oo ku sugan magaalada Laascaanood. Weli wax faahfaahin ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarka,waxaana goobta isaga baxsaday dableydii weerarka qaadday oo aan haybtooda la aqoonsan. Dhinaca kale waxaa isla xalay bartamaha magaalada Laascaanood lagu rasaaseeyay mid kamid ah suxufiyiinta gobolka Sool oo lagu magacaabo Mukhtaar Cabdi Jaamac. Suxufiga ayaa sheegay in koox bastoolado ku hubaysan ay soo weerareen,islamarkaana rasaas huwiyeen baabuurkiisa,balse aysan wax dhib ah ka soo gaarin,kadib markii uu baabuurka kala cararay meesha. PUNTLAND POST The post Weerar xalay ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa muuqata inay siyaasadda ku kala durkeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Macalin Axmed Ismaaciil Samatar, oo ay halgan siyaasadeed oo xoogan u soo wada galeen in Madaxweyne Biixi iyo xisbigiisa KULMIYE, ku guulaystaan doorashadii kal hore dalka ka dhacday. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa toddobaadkan qormo uu ku qoray shabakadda wararka ee Somaliland Chronicle, wuxuu ku duray hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku eedeeyay inuu ka leexday waxyaabihii uu xisbiga KULMIYE ku ololeeyay doorashadii madaxtooyada ee 2017. Madaxweyne Biixi iyo Macalin Samatar, waxa saaxiibtinimadooda siyaasadeed hore loogu qeexay xumbo deg deg u gudhi doonta, iyadoo laga shidaal qaadanayo sida deg-dega ah ee ay isugu milmeen siyaasad ahaan iyagoon aqoon sal balaadhan hore isugu lahayn. Axmed Ismaaciil Samatar, waxa lagu tilmaamaa nin calool xaadhan oo aan qarsan dareenka uu qabo iyo aragtidiisa siyaasadeed, waxaana sidoo kale lagu tilmaamaa nin fudud oo si aan hubsiimo lahayn u dhex gala badweynta siyaasadda, una jeediya cidda aanu hoggaamintooda la dhacsanayn eeddo siyaasadeed oo aanu ka fiirsan. Inkastoo uu yahay macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga jaamacadaha dalka Maraykanka ee horumaray, haddana waxa ay dad badani u arkaan inaanu la haysan wacyiga siyaasadda gudaha ee Somaliland. Madaxweyne Biixi, ayay isna saaxiibadii ku tilmaamaan hoggaamiye aan iloobin ninka ay maalin uun siyaasad isku seegaan amaba si uun uga horyimaada jidka uu u marayo damaciisa hoggaamineed. Wuxuu caan ku yahay isna inaanu qarsan Karin dareenka uu shakhsi ama koox siyaasadeed ka aaminsanyahay. Inkastoo uu Madaxweyne Biixi yahay nin furfuran oo kaftan iyo dood badan, haddana saaxiibadii waxa ay ku sheegaan inaanu jeclayn cidda hoggaamintiisa ama aragtiisa siyaasadeed ka hortimaada. Tusaalena waxa loo soo qaadan karaa sida uu uga takhalusay saaxiibkiisii mudada dheer ee Jaamac Shabeel oo eeddo kala duwan oo uu xukuumadiisa u jeediyay ku waayay xilkii xisbiga KULMIYE. Inkastoo uu Professor Samatar leeyahay miisaan siyasadeed oo culus, haddana waxa suurtogal ah in Professor Axmed Ismaaciil Samatar, mari doono halkii uu maray Jaamac-Shabeel, oo ay qormadan uu ku dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Biixi sabab u noqon doonto inuu lumo isfahamkii siyaasadeed ee isaga iyo Madaxweyne Biixi. Si kastaba ha ahaate , waxa uu ifaafalaheedu muuqdaa hirdan siyaasadeed oo u bilaabmi doona Madaxweyne Muuse Biixi iyo Macalin Axmed Ismaaciil Samatar, waana kuwan qodobada uu Samatar ku eedeeyay Madaxweyne Biixi. Madaxweyne Biixi weli ma’ uu fulin aragtidii la isku ogaa soo ee jiidatay inta badan ee dadka u codeeyey, taas oo mid ka mid ahi ay ku dhisnayd in la sameeyo caddaalad ballaadhan, sinnaan jinsi iyo isir, iyo xilgudasho aad u heersarraysa, arrimahaas oo ah kuwii loo ballan qaaday dalka. Dhismaha golihiisa wasiirradu waxa uu burinayaa ballanqaadkii ololaha ee soo noqnoqday oo ahaa in uu soo magacaabi doono haween iyo rag ah dadka aqoontoodu sarrrayso ah. Waxaa intaas dheer, in uu ka baxay wixii la isku ogaa oo ahaa in xukuumadda la soo dhisayaa ay ugu badnaan ku xadaysnaato Labaatan wasaaradood. Runtii, Biixi waxa uu si degdeg ah dib ugu gurtay hannaankii guunka ahaa ee ceebaysnaa, ee ahaa in la buunbuuniyo magacaabista, (32 Wasiir iyo wasiir ku xigeen), iyo isu dheellitirnaan la’aantii caddaanka ahayd ee bulshada, taas oo illaa u eexanaysay beesha dhexe. (22 iyo 10 iyo gabadh keliya oo wasiir buuxa ah). Marka la eego calool xumadii weynayd ee ku xeernayd arrinta u xaqsoorka, waxa ay u muuqataa in ay munaasab tahay in aynu dib u eegno aragtidii uu qabay, Michael Ignetieff (Waa siyaasi hore iyo qoraa u dhashay Kanada) “Wada noolaanshiyaha isirka kala duwan, meel kastaba ha ku noolaado ee waxa uu k uxidhan yahayisu dheellitirnaanta awoodaha. Isirrada laga tirada badan yahayna, waxa ay nabad kula noolaan karaan isirka tirada badan, inta ay kuwa tirada badani, aanay badnaantaas u isticmaalayn in ay hay’adaha dawladda ka dhigtaan qalab u daneeya isirka. Xukuumadda Biixi waxa ay ku sii socotaa, jidkii bilaa xikmadda ahaa, qorshe xumidii, shaqaale liidashadii, iyo hannaankii sida bakhaylnimada ah loo maalgelinayey ee arrimaha dibadda. Taas oo ah xanuunka hayey xidhiidhka ay Somaliland dunida la samaynaysay tan iyo markii ay dib u dhalatay, 27 sano ka hor. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  12. Ciidanka Shabaab badankiis waa dhallinyaro Soomaaliyeed. Waa dhallinyaro uu gabay Qarankoodu. Waa dhallinyaro ku dhashay ama ku barbaaray iyada oo uu maqan yahay Qaran suga amnigooda. Waayay Dowlad siisa adeeg waxbarasho iyo mid caafimaad. Aan helin Hey’ado u abuura fursado shaqo. Aan arag adeeg garsoor oo cidda ku xad gudubta uu isaga qaban karo. Waa dhallinyaro loo diiday nidaam u suurta geliya in ay codkooda ku cabbiraan doorasho degaan iyo mid Qaran oo hadba qofka ama xibsiga ay doonayaan ay ku taageeraan. Waa dhallinyaro uu Qaran burburka nagu dhacay u diiday nabad iyo nololba. Intaas oo dhan waxay noqotay in iyaga loo daayo in ay is dabbaraan. Waxay ka mid yihiin malaayiinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee dacdarreysan. Qaarkood waxay ka qeyb galeen dagaallada noocyada kala duwan ee dalka ka dhacay. Qaar kale waxay noqdeen burcad badeed. In badan ay iyaga oo qax ah ayay badaha isku qaadeeen kuwaas oo qaar badani ay ku naf weyeen. Qaarkood ay xeryo qaxooti oo aad u nolol adag ay ku qaateen tobannaan sano. Qaar badan lagu soo dhoweeyay xabsiyo dalal shisheeye. Intooda dadaashay ee Ilaaheey u suurta geliyay in ay xaalad adag ay wax ku bartaan, in yar oo nasiib leh ayaa shaqo heshay. Inta kale ayaga oo shahaaddo Jaamacadeed ama laba haysta ayay ku shaqo la’ yihiin dalka gudihiisa. Waxaas oo dhan waxaa sabab u ah Qaran burburka dalka ka dhacay. Kaas oo aanay wax mas’uuliyad ah ku lahayn dhallinyarada maanta joogtaa. Meesha Bannaan Buuxi Kaalintii ay gabtay Dowladda Soomaaliya oo hawada ka maqnayd ugu yaraan toban sano, waxaa u loollamay in ay buuxiyaan kooxo kala duwan. Qaarkood waa wadaaddo ay qaarkood isku dayeen in ay wax ka qabtaan baahida waxbarashada. Qaar kalena sugidda amniga iyo garsoorka. Waxaa iskaashaday wadaaddo ay qaarkood qabaan afkaar aad u durugsan iyo kooxo ajnebi ah oo dalalkooda dembiyo ka soo galay oo gabbaad iyo markii dambe saldhig ka dhigtay dalkeenna. Kooxda dambe sababta ay dalkeenna u xusheen waxay ahayd in ay ka faa’iideystaan maqnaashaha awood Dowladeed oo ka hor istaagta. Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo arka caddaalad darrada ku haysata dalkooda gudihiisa ee Soomaali ama ajnebi u gaystay, maqla caddaalad darrada ku dhacaysa muslimiin ku sugan degaanno kale oo caalamka ah, waxaa loo jeedsiiyay in sida keliya ee caddaalad ay ku heli karaan ay tahay qori caaraddiis. Waxaa la tusay in ay sidaas guul ku gaari karaan. Haddii lacalla ay militeri ahaan ku guuleysan waayaanna aakhiro Allah ku abaal marin doono Jannada. Dhallinyrada ku jira howlgalka noocaas ah, waxaa ku goobtay amni darro joogta ah iyo caddaalad darro la deristay. Cidda keliya oo wax u sheegtaana waxay ku akhrineysaa afkaar xag jir ah, midka keliya oo wax siiyaana wuxuu siinayaa tababbar sida qof ama wadar-qof loo dilo iyo aaladdii lagu dili lahaa. Waxaas oo dhan waxaa u sabab ah in Qaranku uu gabay mas’uuliyaddii ka saarnayd ubadkiisa ee xagga sugidda amniga, barbaarinta iyo ka ilaalinta in niman caalamka la doondoonayaa ay u helaan in ay u noqdaan macallimiin lagu daydo. Caddaalad-darro Bulsho Waxaa colaadda Shabaab sii soofeeyay caddaalad-darrada bulsho ee Soomaalida dhexdeeda ah ee lidka ku ah diinta Islaamka iyo ilbaxnimada casriga ah sida dadka lagu takooro dhalashadooda iyo dulmiga saami qeybsiga siyaasadeed ee qabaa’ilka qaarkii lagu hayo. Dulmigaas oo mar kastaba ka jiray dalka Soomaaliya wuxuu ugu sii darnaa tobankii sano ee xigay burburka Dowladda. Doodda Shabaab waxaa iyaguna qiil u doonay falal xad gudub ku ah xuquuqda aadanaha oo ay ciidammo ajnebi ah ama wakiilladoodu ay ka geysteen dalka Soomaaliya gudihiisa xilliyo kala duwan. Dowladdii ay fashilaaddeeda iyo maqnaashaheedu eeddaas geysteen, marka ay hadda soo naaxdo, ee ay billowdo in ay isku daydo in ay amniga sugto caddaaladna raadiso, sax ma tahay in ay isla dhallinyaradii at gabtay ay ku tilmaanto dembiilayaal? Weliba dembiilayaa ay tahay in la laayo ama la soo qabqabto si mid-mid loogu toogto? Marka dhallinyarada noocaas ah la wajahayo, maxaa Qaranka la gudboon? Wadahadal, Qarax-joojin iyo Is-af-garad Waxay iigu muuqataa intii dhallinyarada Soomaaliyeed ee Shabaab ku jira laga horgeyn lahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo ciidan ah, oo markaa ay dhallinyarada Soomaaliyeed isku dhammaan lahayd, in ay waajib tahay in laga fekero in la helo hab loo kala badbaadin karo dhallinyarada. Waxaan ognahay in isu geyn dhallinyarada Soomaaliyeed ay ahaan karto cudud Soomaaliyeed, ayada oo isla markaasna la xaqiijinayo in khatarta Shabaab laga badbaado amaba dhammaanteed la soo afjaro. Waan ogahay oo waa wax sahlan in afka laga sheego, xaqiijintuse ma sahlana. Laakiin waa ayo qofka u haysta in Qaran burburka nagu dhacay xal loo helo in ay tahay howl sahlan? Xalku kuma imaanayo in annaga oo aan si cad uga doodin, aragna sida ay xal u keeni karto aan soo minguurinno siyaasadda dalal kale ay Shabaab kula dhaqmaan. Shabaab badankeed waa Soomaali. Cidda uga badan ee ay dilaan waa Soomaali. Cidda ay nabad iyo horumar ka hortaagan yihiin waa Soomaali. Waxaa waajib nagu ah in aan helno hab aan ku qanacsan nahay in aan wakhtiga ugu yar ku gaari karno in aan dhibkooda ka gudubno, iyagana inta ugu badan aan ku badbaadin karno maaddaama ay mas’uuliyadi naga saaran tahay oo ay yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu Qaranku gabay. Aragtideydu waxay tahay in si dhab ah looga shaqeeyo in Shabaab lala galo wadahadal ujeeddadiisu ay tahay in lagu soo xero geliyo intooda Soomaalida ah. Waan ogahay in ay Dowladda hadda jirta iyo Dowlado ka horreeyay ay ku baaqeen in Shabaabkii isa soo dhiiba la cafin doono. Laakiin waa kala laba in idaacadaha laga sheego in Shabaabkii isa soo dhiiba la cafinayo iyo in si dhab ah looga shaqeeyo in dhallinyarada Shabaab ku jirta la helo waalidkood iyo walaalkood, la helo “Shiyuukhdii” wax bartay, in la helo saaxiibbadood. In intaas oo dhan lala kaashado in ay badbaadiyaan naftooda iyo tan walaalahooda Soomaaliyeed. In marka lagu qanciyo in ay soo laabtaan, haddana si tifatiran loogu sheego sida ay u soo laaban karaan iyo meesha ay ku laabanayaan. In loo diyaariyo barnaamijyo u abuuraya fursado. Intaa wixii ka dambeeya in ay helaan xuquuqda muwaaddin kasta uu leeyahay ee datruurku uu u oggolaanayo. In Madaxda al Shabaab ee Soomaalida ah lala furo wadahadal si qoto dheer oo miisaaman looga fekeray, ujeeddaduna ay tahay in marka hore la gaaro xabbad iyo qarax-joojin marka xigtana lagu gaaro is afgarasho si loo kala badbaado loogana wada qeyb qaato dib-u-dhiska dalka. Dulucda qoraalkeygu waa in aan xakameyno carada ay nagu khasbayaan wiilasha isku dhex qarxinaya shacabka dhexdiisa ee leynaya dad ehelkooda ah oo aan waxba galabsan welibana aanay aqoon. Waa in aan fahamnaa una xanuunsannaa midka isqarxinaya laftiisa ee naftiisu ay xabbadda la qiimaha noqotay. Waa in aan ka fekernaa in aan isaga badbaadinno, si ay bulshaduna uga badbaaddo. Tallaabo wax ay tarto mooyee aan waxba dhimenyn oo laga billaabi karo waxay tahay in marka hore ay Dowladdu joojiso toogashada dhallinyarada Soomaaliyeed ee Shabaab ka tirsan ee xabsiyada ku jira. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. (SLT-Muqdisho) Shir jaraa’id oo uu guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka Cabdiweli Ibraahim Muudey ku qabtay Madaxtooyada ayuu ku sheegay in uusan guddoomiyaha baarlamaanka qaban karin Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya. Warkan ka soo baxay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa yimid kadib markii kulan ay caawa ku yeesheen Madaxtooyada xildhibaano badan oo taageersan Madaxweyne Farmaajo kuwaasoo u badnaa xildhibaano ku jira golaha wasiirada dowlada federalka. Guddoomiye ku xigeenka ayaa ku macneeyay sababta aan laga keeni karin mooshin Madaxweynaha in aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah. Sidoo kale shirka jaraa’id ayaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federalka Mahad Cabdalla Cawad isagoo sidoo kale ku tilmaamay mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo inuu yahay mid aan sharci ahayn. Guddoomiye ku xigeennada Baarlamanka waxay sheegeen in Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo uu yahay sharci darro wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaadana uu qaadi doono guddoomiye Mursal, iyaguna aysan wax shaqo ah ku lahayn dhibaatada uu dalka u horseedo. Labada Guddoomiye ku xigeen ayaa ku dooday inaan la qaban karin mooshin madaxweyne inta laga dhisayo Maxkamadda Dastuuriga ah. “Maadaama aysan jirin Maxkamad dastuuri ah Guddoomiye Mursal isagaa yaqaana halkii uu la aadi lahaa mooshinka uu qabtay, waana uga dignay arrintaas inta uusan qaban” ayuu yidhi Mahad Cabdalla Cawad gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka. Xaalada dalka ayaa waxa ay hadda gashay qalalaase siyaasadeed oo aan la hubin halka uu ku dambeyn doono. Source
  14. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhow oo caawa ah wariyaasha kula hadlay xarunta Villa Hargeysa ee uu baarlamaanka guddiyadiisa ay ku shaqeeyaan ayaa sheegay in laga been abuurtay islamarkaasina aanay saxiixin mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaan Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed iyo Xildhibaanad Guda Axmed Cali ayaa sheegay in ay tahay wax kama jiraan in ay saxiixeen mooshinka madaxweyne Farmaajo laga keenay. Labadaasi Xildhibaan ayaa waxa ay sheegeen in ay maxkmad la tiigsan doonaan cid kasta oo ku been abuurtay islamarkaasina magacyadooda ku been sheegay. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin maanta ka soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hoos ka Dhageeyso Codadka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Xildhibaano-Laga-been-Abuurtay-Cod-Sax-ah_.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaano” waa nalaga been abuurtay mana saxiixin Mooshinka Madaxweyne Farmaajo” appeared first on Puntland Post.
  15. Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ayaa goordhow muujiyay fikirkooda la xariira mooshinkii ay ka soo gudbiyeen xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo. Golaha iskaashiga ayaa shir ay ku yeesheen Taleefonka waxa ay kaga hadleen Mooshinkaasi laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Golaha ayaa taageeray mooshinkaasi iyaga oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay hogaaminta dalka Soomaaliya. Hoos ka Aqriso warqada ay soo saareen oo noqol kamid ah PP soo gaartay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post AKHRISO: Golaha iskaashiga oo taageeray Mooshinka Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  16. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa caawa laga dareemayaa abaabulo balaaran oo ku aadan dibad baxyo lagu wado in ay bari ka dhacaan magaalada Muqdisho. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa abaabulaya dibad baxyo balaaran oo looga soo horjeedo mooshinkii ay soo gudbiyeen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Dibad baxayaasha ayaa socod ku mari doono qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho iyaga oo ugu dambeeyn isugu tagi doono xarunta ciyaaraha ee Studio Koonis Degmada Cabdicasiis ee Muqdisho. Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dibad baxyadaasi ka qeeybgalaan islamarkaasina ka hadlaan sida ay u arkaan mooshinka laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Dowlada Soomaaliya ayaa mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dibad baxyo looga soo horjeedo Mooshinka Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ka dhacaya appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-09122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho ( Sh.M.Network):- Kadib Shir jaraa’id oo uu guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka Soomaaliyeed Cabdiweli Ibraahim Muudey ku qabtay Magaakada Muqdisho ayuu ku sheegay in uusan guddoomiyaha baarlamaanka qaban karin Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya. Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa Madasha uu shirka jara’id ku qabtay oo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa waxaa ku sugnaa xildhibaano badan oo taageersan Madaxweyne Farmaajo. Guddoomiye ku xigeenka ayaa ku macneeyay sababta aan laga keeni karin mooshin Madaxweynaha in aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah. Dhinaciisa shirka jaraa’id ayaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federalka Mahad Cabdalla Cawad isagoo sidoo kale ku tilmaamay mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo inuu yahay mid aan sharci ahayn. Waxaana Guddoomiye ku xigeenadu hoosta ka xariiqeen in Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo uu yahay sharci darro wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaadana uu qaadi doono guddoomiye Mursal islamarkaana iyagu aysan ku raacsaneen. The post Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo sharci darro ku tilmaamay Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Balan Dumar oo Kadda Loob Raga ka danbey Hee ba la yidhi ? Waa tii Dameeri Dhaan-raacdaydu dhami ku haddaqayaan Isbedel-ba socod iyo waxa la mid ah ee . Waa kana isbedelkii aad sheegaysen kii ka danbeyey isaguna is bedelka kale weeyan ah ee Soo dhaweeya . Maanta iyo Itoobiya ,Degaanka Oromiya . Ahmed Abiya Itoobiya . Ismaaciil Cumar Guele DJabuuti . Cumar Al-Bashir Sudan. Ma markale Ayuu Axmed Abiya Itoobiya ku dhaqaaqo isbedel kale ? Sidee ayey kula tahay Adiga? waa inta ku doodaysa Itoobiya Isbedel ka dhacay iyo waa uu ku socdaa in kasto xaladaheed hoose maalin walib dhibaato iyo mudahaarad aan kala go,oo lahayn ka jiro waa ta ileen soomalida inta aan wax ka bararan degini ku xoog xoogsanyaan inta kor ku xusey ee. Waxa ii cad Itoobiya in ay geed-dheer iyo mid gaaban u koreyso Danteeda gaar ahaaneed qof caqli leh waa fahmi kara wadanka guunka laakiin hiin-raac waa u sacab tumaya . Filo Berrina Kenya Tanzsani Ugand oo iyaganna gaar loo la faqaayo. Waxan Xasuustay Heestu qaadi jiray Mohamed Axmed Kuluc odhan jirtay Ha ku daalin jeedal hadad jamato Geed adag aanad ahayn wax ku jara jibin mayso gacantu. Qofku haduu waxa uu idhisa ku arko uun uu waxa ku Cabirro waa sidii odhaadii hore loo yidhi ee ahayd ” indho ku gaaradle ” sideed ba indho-ku garaad lah waxab umma kordhaan waayo wax uu arko uun ayuu wax ku qaadanaya oo kaliya . Dadka aaminsan in isbedel itoobiya ka dhaca oo xaga nadamka Dawlada ahi uu bedel karro geedka Afrika oo dhan Ummadaha ku Nool iyo Nadamaakood, Dawaldeed iyo siyaasadeed, Dhaqaale waa kuwo ah indho ku gaaradle ee aan ahayn caqli , Aqoon ku garaadle iyo xigmad maalba. Hadii Shimbir meel ka duusho cabirkooda gaarasho , fahan, aqooned aragti ba, waxa weeye ,all duushay shimbirtu laakiin ma fahmi karayaan waa duuli jirtay waana debcigeeda iyo habka ay u socoto inteed badan kunna gaadho meel fog iyo meel dhowba . Waxa kuwo inta maanta ka dhiganaya af-macaansaneydi Itoobiya ayaa isbedel ku dhawaaqday balse aan iyagu u iswediin karrin Adigu maxa kaga shan iyo toban ah ?Itoobiya iyo isbedelkeed adigu maxaad ugu debecsanan weyday dantaad ee aad Danta Dadka kale u jeceshay rixinteeda aanad waxba ku lahayn inaad ka sheekaysi mooyane. Sidda iga baxday Soomalida sideedba danteeda waa ka daalan tahay balse ta Danta Dadka kale waa jeceshay inay ku mashquusho wakhti iyo juhdi badana geeliso u muraaqeedkeed waxan waxba ugu jirin ugunna jilayn. Gabbo-gabadii Waxa laga haya AU Naxariisto Abwaan Suldaan Timcad : Midigtaad waxay xoogsatay ba ka maydha gaajada,e . Markad aanad lahayn looma kuulo maanka waligay. Mogaabada Hashada ka Roon May-dhanaan kale, e . Alle Ha innaga dhigo kuwo Dantooda ku foogana waxa kabuhu inagag I’dlaadeen iftiiminta ta Danta dadka kale ee. Abokor Mohamud . abokorm@hotmail.co.uk Bolton United Kingdom. Waa Billahi Towfiiq Qaran News
  20. Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka soo horjeeystay mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Ibraahim Muudeey iyo gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad ayaa sheegay in uu sharci daro yahay mooshinkaasi. Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanka ay u sheegeen in xiligaan aan loo baahneyn mooshin islamarkaasina loo baahanyahay in mooshinkaasi laga fiirsado. Waxa ay sheegeen in gudoomiyaha uu ka biyo diiday taladoodii islamarkaasina uu go’aan si iskiis ah uu u gaaray oo uusan matalin gudoonka Baarlamaanka. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka soo gudbiyay gudoomiyaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulamo iska soo horjeedo ayaa caawa ka socdo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay leeyihiin Xildhibaano iyo masuuliyiin dowlada katirsan. Hoos ka Dhageeyso Codadka Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Muudeey-iyo-Cawad-Sax-ah-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo ka horyimid Mooshinka madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Weli Ibraahim Mudueey iyo Mahad Cawad ayaa kasoo horjeestay mooshinkii laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Labadan mas’uul oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa, ayaa sheegay in sharci darro ay tahay in guddoomiyaha uu aqbalo mooshikan. Muudey iyo Cawad ayaa sheegay in madaxweynaha aan laga keeni karin mooshin sababtuna ay tahay inaysan jirin maxkamaddii dastuuriga ahayd ee go’aanka ka gaari lahayd in sharci ahaanshaha mooshinka. “Waxaa muuqata in Mursal uu ku deg degay aqbalaadda mooshinkan, waxaana muuqata in uu xanaaqsanaa, mana naqaan waxa uu ka xanaaqsanaa, waxaan leenahay xanaaqa kasoo noqo” ayuu yiri Muudeey. Mahad Cawad ayaa isna sheegay in Mursal ay u sheegeen in mooshikan uu yahay sharci-darro, oo uusan aqbalin, balse uu ka diiday kuna adkeystay aqbalaadda mooshinka. Waxa ay sheegeen in dhibaatadii iyo qalalaasihii ka dhashaa arrintan uu mas’uuliyadeeda qaadi doono guddoomiye Mursal, maadaama uu qaatay go’aan jahwareer gelinaya dalka. Hoos ka daawo shirka jaraa’id Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Saacado ka hor guddoomiyaha baarlamaanka uu qabtay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa hadda socda shir xasaasi ah oo lagu gudbinayo mooshin weerar celis ah. Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka socda shir deg deg ah ay leeyihiin xildhibanada taageersan madaxweynaha kuwaas oo la filayo inay gudbiyaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan. Xildhibaanadan ayaa ah badankood ah wasiiro, wasiir ku xigeenno iyo wasiiro dowlayaal ka tirsan xukuumadda Kheyre. Lama garanayo ilaa iyo xiligan tirada xildhibaanada mooshinka ka keenaya guddoomiye Mursal, waxaase arrintan ka shaqeynaya guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey iyo Mahad Cawad. Mooshinka ayaa la filayaa inuu aqbalo Muudeey. Sidoo kale, Muudeey iyo Cawad ayaa la filayaa inay goordhow qabtaan shir jaraa’id oo ku sheegi doonaan in mooshinka madaxweynaha iyo tallaabada Mursal ay yihiin sharci-darro. Xiisadda siyaasadeed ayaa kacsan, iyadoo aan la ogeyn sida xaalka uu noqon doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Baydhabo (Sh.M.Network) – Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo xubnaha Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed waxay go’aan kaga gaareen xil-haynta ku simaha Madaxwaynaha. Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, afhayeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo xilka haya tan iyo markii uu is-casilay Shariif Xasan Aadan ayaa murashaxiin waxay su’aal geliyeen sharciyadiisa. Guddiga ayaa cadeeyay in Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Koonfur Galbeed uu xilka sii hayn doono inta laga soo dooranayo Madaxwaynah cusub doorashada loo balansan yahay inay dhacdo 19-ka bishaan. Lama ogga hadii Guddiga awood usiinayo go’aanka ay qaateen Dastuurka xili Murashaxiinta oo sheegay in xil haynta Maye oo ku ekeed 8-dii bishaan aanan la saadaalin karin mowqifka ay ka qaadan karaan go’aanka Guddiga. The post Guddiga doorashada KG oo ka hadlay xil haynta ku simaha Madaxwaynaha appeared first on Shabelle. View the full article