Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka aroortii hore ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamada K/ Galbeed, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab. Waxaana la sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Goof Gaduud Buurey ee gobolkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Al Shabaab ay u suura gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaankaasi. Warar Al Shabaab ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay dagaal kula wareegeen guud ahaan deegaanka Goof Gaduud Buurey oo qiyaas ahaan 30 KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Al Shabaab ayaa sidoo kale intaasi raaciyay in ay dagaalkaasi ay ku dileen illaa 10 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Koonfur Galbeed, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Saraakiisha Ciidanka mamaulka K/ Galbeed oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo la wareegay deegaan ka tirsan G/ Baay appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Garoowe ( Sh. M. Network )-Guddiga amniga doorashada Puntland ayaa maanta soo saaray go’aan ay deegaanada maamulkaasi ka mamnuucayaan shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya. War ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in inta ay ka dhaceyso doorashada Puntland aysan deegaanada maamulkaasi tagi karin xubno ka socda dowladda Soomaaliya. Halkan hoose ka Akhriso:- The post P/land Oo deegaanadeeda ka mamnuucday madaxda DFS appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Soomaaliya C/salaan Yuusuf Guuleed oo ka qaybagalaya dooda BBCda laanteeda Afka Soomaaliga ah ayaa ku dhaliilay dowladda Farmaajo dayaca amniga [...] Source
  4. At least eight soldiers have been in Al-Shabaab dawn attack on a military base in Gofgadud Burey village in Bay region. Heavily Al-Shabaab fighters have reportedly attacked the military base manned by Somali army prompting fierce fighting between the sides. Reports say the crash caused heavy casualties on both sides as fighting lasted for almost an hour. According to sources who to spoke to Halbeeg News, the fighting claimed lives of eight soldiers including a commander identified as Hassan Isak Mohamed Indhagaduud. Mr. Hassan was the commander of the 43rd unit of the 60th Division of Somali National Army based in the area. In a statement posted on the group’s affiliate media, Al-Shabaab claimed the responsibility of the attack saying its fighters ran over the base. Al-Shabaab claimed to have killed over ten soldiers and seized huge cache of weapons but Somali army dismissed the claims. The military officials who declined to give details of the attack and the subsequent fighting denied the claims of Al-Shabab that they ran over the base adding that Somali soldiers repelled the attack and are still in control of the area. The attack comes amid Somali forces backed African Union mission in Somalia (AMISOM) have vowed to intensify the operations against Al-Shabaab fighters in South and central. The post Al-Shabaab briefly seizes town outside Baidoa city appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Garsoorayaashan ladhaariyey waxaa soo magacaabay dhawaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” waxaana ay kamid noqonayaan Gorsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Dalka. Munaasabadda dhaarinta waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed,Wasiirka Cadaaladda Mudane, Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamdda Racfaanka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ,Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Shaqaalaha kala duwan ee Garsoorka dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Garsoorayaashan ay qeyb weyn ka qaadanayaan dib u soo celinta dalka Dowlad nimadiisii. “Waxaan rajeynayaa in aad kaalin weyn ka qaadataan dib u soo celinta dowladnimadii dalkan taas oo in muddo ah maqneyd, hadda waxaan heynaa shaqo aad u adag waxaana rajeynaa in aad isbedel wanaagsan nagu soo kordhisaan.” Guddoomiye Baashe waxaa uu si weyn uga hadlay arrimaha musuq maasuqa, waxaana uu sheegay inay jiraan qareeno qaata laaluush, kuwaas oo dagaal lagula jiro sidii banaanka loo soo dhigi lahaa. “Waxaan heynaa cadeymo aad u badan kuwaas oo ku aadan dhanka Musuq maasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka waxaa uu digniin u daray dadka looga guuleystay dacwadaha ay Maxkamadaha dalka qaadaan kuwaas oo u taga Al Shabaab si ay u cabsiiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. “hadda waxaa xiran 3 qof waxaa ay wateen cadeymo been ah waxaana looga guuleystay Maxkmadda, balse waxaa ay u tageen cowga dalka iyaga oo doonaya inay cabsiiyaan qofka kale ee dacwada kala dhaxeyso, sidaas waxaa sheegay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhankiisa waxa uu tilmaamay Garsoorka dalka uu isbedel weyn ka muuqdo taas oo in halkaas laga siiwado ku dhiiri galinayaan Madaxda Maxkamadaha kala duwan ee dalka. The post Guddoomiye Baashe “Waxaan heynaa cadeymo Musuq ah” appeared first on Shabelle. View the full article
  6. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Baar Siciid oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa waxa ay si adag uga hortimid odoroska miisaaniyadda sannadka 2019ka oo maanta la ansixiyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-29122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo maanta ka hadlay aqalka markii ugu horreysay tan iyo khilaafkii siyaasadeed ee dalka, ayaa sheegay in khilaafkii dhacay laga qaadanayo cashar, oo looga nabad-geli-doono inta ka dhiman xil heyntooda. Mursal waxaa uu sheegay in sharci badan ay qabyo yihiin “Waxyaabaha sababay dood sharciyeed oo ay ka mid tahay qabyo-nnimada dastuurka, xeer-hoosaadka oo aan dib u eegis lagu sameyn tan 2013-kii, hey’adihii dastuurka iyo fasiraadda dastuurka oo qabyo ah, qaarna aysan dhisneyn, go’aanada aan qaadanay waxaa hubaal ah inaysan noqon mid garab ka qoslisa, marka la raadinayo xal siyaasadeed, mar walbo waxaa lama huraan ah in la isku miisaamo, oo la qanciyo aragtiga kala duwan”. Waxaa uu sidoo kale ka hadlay xalka khilaafka“Xildhibaannadii tanaasulay iyo kuwii iskood isku xilqaamay ee lagu hurdada beelay, waxaan leenahay dadaalkiina waan idiinka mahadcelineynaa, mas’uuliyad idiin saaran ayey aheyd in umadda Soomaaliyeed wixii la idiin soo doortay u qabataan, sidaasi oo kale waxaa jiray siyaasiyiin iyo culimaa’udiin xikmad nala garab joogay”. Maxamed Mursal waxaa uu qirtay in shaqo badan hakad u gashay muranka “Kalfadhigan aad ee golaha shacabka, waxaa uu ahaa mid la eegayo ismariwaaga na dhex-galay hakad-geliyay habsami u socodka howlihii baarlamaanka”. Dhinaca kale, guddoomiye Mursal waxaa uu ku dooday in kalfadhigan ay qabteen shaqo ka badan 3dii kalfadhi ee ka horeysay “ Kalfadhiga waxaa uu ahaa mid ka soo wax saar badan marka la isugu geeyo 3dii kalfadhi ee ka horeysay, 3dii kalfadhi ee hore waxaa la ansixiyey 3 sharci, kalfadhigan waxaa la ansixiyey 4 sharci oo kala ah: Dhismaha hey’adda naafada, mihnadlayaasha caafimaadka, xuquuqda siyaasiyiinta iyo kabidda miisaanidda 2018-ka” Ugu dambeyntii, waxaa uu guddoomiye Mursal sheegay in 7 sharci oo kale ay mareen akhriska heerarkii kala duwan, isaga oo intaasi raaciyey in guul-darro ahaan laheyd in 31-ka bishan la gaaro iyada oo golaha xiran yahay, lana xalin khilaafka guddiga maaliyadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada golaha wakiillada ee baarlamaanka Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay odoroska miisaaniyadda sannadka 2019ka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa hadal ka jeediyay xaflad ay wasaaradda warfaafintu ku qabatay Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Garoowe)-Wasaaradda Amniga maamulka Puntland ayaa soo saartay amaro ku aadan sugida amniga inta lagu guda jiro doorashada, iyadoo ka mamnuucday deegaanadeeda inay soo galaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu sheegay in laga mamnuucday inta doorashada dhaceyso inay Puntland soo galaan Shaqaalaha dowladda Federaalka sida Wasiirada, Agaasimayaasha, Saraakiisha ciidanka iyo howlwadaneeda Madaxtooyada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in garoomada diyaaradaha iyo baraha Koontaroolada aanay soo geli karin lacago kaash ah oo sharci darro ah, haddii ay soo gashana lala wareegi doono. Waxaa kaloo la faraha Shirkadaha Diyaaradaha imaanaya Puntland inay soo gudbiyana liiska dadka ay sidaan, inta aysan ka soo duulin garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Amarkan ayaa u muuqda mid Puntland kaga hortageyso in dowladda Federaalka goobjoog ka noqoto doorashada ka dhaceysa 8-da bishan magaalada Garowe, waxaana doorashada Puntland ku loolamaya labaatameeyo Musharax. Source
  12. (SLT-Paris)-Iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa dunida aad looga sii baranayo aadna looga sii horumarayo dhinaca caafimaadka iyo is qurxinta gaar ahaan qalliinada la isuku qurxiyo ayay hore haweenku inta badan u gali jireen qalliino ay isku qurxinayaan qaab kasta iyo daawo kasta haloo mare balse waxa muddooyinkan dambe isa soo taraya xogo tibaaxaya in raggu noqdeen kuwo sidoo kale aad ugu soo badanaya dhinaca qalliinada is qurxinta ah ee meelo badan oo jidhkooda ka mid ah ay isku qurxiyaan. Akhristow haddii aad hore dhawr jeer u maqashay in Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi uu dhawr jeer qalliino wajiga iyo sanka ah isku sameeyey hadda waxa soo shaac baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha dhallinyarada ah ee dhawaan dalkaasi Faransiiska taladiisa ku guulaystay ee Emmanuel Macron uu miciinsaday qalliin uu ku sameyey jidhkiiisa. Madaxweynaha Dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa dhaqaale aad u badan ku bixiyay sida la sheegay qurxinta jidhkiisa, waxaana arrintan si weyn u hadal haya Warbaahinta dalka Faransiiska oo siyaabo kala duwan uga hadlay. Waxaana markii ugu horreeyey si weyn arrinkan u soo dhaac saaray wargeys caan ah oo dalkaasi ka soo baxa kaasi oo daahfaahin ka bixiyay qalliinka is qurxineed ee uu ku kacay Madaxweyne Macron. Emmanuel Macron oo ah nin dhallinyaro ah ayaa bishii May ee sanadkan 2017 waxa uu qurxinta jidhkiisa ku kharash gareeyay lacag dhan 26,000 oo yuuro, waxaana dhaqaalahan ina badan qaadanayay dad u qaabilsan Madaxwenaha dhinaca qurxinta kuwaasi oo ah dhakhaatiirta ku takhasustay waxa loo yaqaanno qalliinka is qurxinta (Plastic Surgery) . Wargayska Le Point oo ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer saxaafadda Faransiiska ee ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa qoray in lacag aad u badan ku baxdo Qurxina Madaxwenaha Faransiiska gaar ahaan qurxina jidhkiisa iyo waliba wajiga, waxaana qurxinta u xil saaran dad ku xeel dheer dhinaca qurxinta kuwaasi oo uu si gaar ah ula xidhiidho. War kasoo baxay Aqalka Madaxtooyada dalka Faransiiska ayaa lagu sheegay in ay jiraan kharashaad ku baxa qurxinta Madaxweynaha balse aanay dhameyn tirada lacagta la sheegay, wakaalada France Info ayaa ku warantay in lacagta hadda ku baxda qurxinta Macron ay wax badan ka yartahay tii ku bixi jirtay Madaxdii ka horraysay. Arrinkaasina yahay mid muddoba ku soo noqnoqonayay warbaahinta Faransiiska iyada oo la sheegay in madaxdii ka horraysay ninkanina ay isku samayn jireen qalliimo is qurxin ah. Nin gacan yare u ah Madaxwenaha Faransiiska ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo yareyn lahaa kharashka badan ee ku baxa qurxinta Madaxweynaha dalka Faransiiska ah oo nin dhalinyaro ah kana mid ah Madaxda ugu da’da yar caalamka. Source
  13. Dowladda Puntland oo deeganadeeda ka mamnuucday in ay soo galaan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya, inta ay socoto doorashooyinka Puntland. Wasaaradda amniga dowladda Puntland ayaa sidoo [...] Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasaarada warfaafinta ee Somaliland ayaa la sheegay inay mushaharkii ka joojisay Cismaan Cabdilaahi Cilmi ( Heersare) oo wasaaradaas ugu shaqaynaayay farsamayaqaan baahinta tilifishanka ah, kadib markii uu safarkii uu madaxweynuu ugu baxay gobalada bariga ee dalka uu jilay qaab socodka madaxweynaha. Jilitaanka socodka madaxweynaha oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, ayaa la sheegay inuu sababay in Cismaan gudida anshaxmarinta ee wasaarada warfaafintu ay u yeedho isla markaasna ay wax ka waydiiso sababta uu ugu jeeday jilitaanka socodka madaxweyne Muuse Biixi. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Waddani ayaa go’aanka ay wasaaradu ku joojisay mushaharka farsamoyaqaankan waxay ku tilmaameen talaabo cabudhin ah. Waxaanay sheegeen in Muwaadinkani mushaharkiisii uu xaqa u lahaa ku waayay qaab socodka Madaxweynaha ee uu jilay. Farsamoyaqaan Heersare, ayaa bishan ku war helay in mushaharkiisii laga joojiyay, iyadoon la siin wax wargelin ah oo ku saabsab sababta uu mushaharkiisa ku waayay. Laakiin wuxuu Cismaan sii wataa shaqadiisii, mana jiro wax go’aan ah oo ay guddiga anshax ee waraysatay soo saartay. Masuuliyiin ka tirsan guddigan oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin. Source
  15. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo maanta ka hadlay aqalka ayaa sheegay in khilaafkii dhacay laga qaadanayo cashar, oo looga nabad-geli-doono inta ka dhiman xil heyntooda. Mursal waxaa uu sheegay in sharci badan ay qabyo yihiin“Waxyaabaha sababay dood sharciyeed oo ay ka mid tahay qabyo-nnimada dastuurka, xeer-hoosaadka oo aan dib u eegis lagu sameyn tan 2013-kii, hey’adihii dastuurka iyo fasiraadda dastuurka oo qabyo ah, qaarna aysan dhisneyn, go’aanada aan qaadanay waxaa hubaal ah inaysan noqon mid garab ka qoslisa, marka la raadinayo xal siyaasadeed, mar walbo waxaa lama huraan ah in la isku miisaamo, oo la qanciyo aragtiga kala duwan”. Waxaa uu sidoo kale ka hadlay xalka khilaafka“Xildhibaannadii tanaasulay iyo kuwii iskood isku xilqaamay ee lagu hurdada beelay, waxaan leenahay dadaalkiina waan idiinka mahadcelineynaa, mas’uuliyad idiin saaran ayey aheyd in umadda Soomaaliyeed wixii la idiin soo doortay u qabataan, sidaasi oo kale waxaa jiray siyaasiyiin iyo culimaa’udiin xikmad nala garab joogay”. Maxamed Mursal waxaa uu qirtay in shaqo badan hakad u gashay muranka “Kalfadhigan aad ee golaha shacabka, waxaa uu ahaa mid la eegayo ismariwaaga na dhex-galay hakad-geliyay habsami u socodka howlihii baarlamaanka”. Dhinaca kale, guddoomiye Mursal waxaa uu ku dooday in kalfadhigan ay qabteen shaqo ka badan 3dii kalfadhi ee ka horeysay “ Kalfadhiga waxaa uu ahaa mid ka soo wax saar badan marka la isugu geeyo 3dii kalfadhi ee ka horeysay, 3dii kalfadhi ee hore waxaa la ansixiyey 3 sharci, kalfadhigan waxaa la ansixiyey 4 sharci oo kala ah: Dhismaha hey’adda naafada, mihnadlayaasha caafimaadka, xuquuqda siyaasiyiinta iyo kabidda miisaanidda 2018-ka” Ugu dambeyntii, waxaa uu guddoomiye Mursal sheegay in 7 sharci oo kale ay mareen akhriska heerarkii kala duwan, isaga oo intaasi raaciyey in guul-darro ahaan laheyd in 31-ka bishan la gaaro iyada oo golaha xiran yahay, lana xalin khilaafka guddiga maaliyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Hay’adaha Caalamiga ah (International NGO’s) iyo kuwa Qaramada Midoobay (UN Agencies) ee hawl-galkoodu ku wajahnaa wixii la isku odhan jiray Soomaaliya (Somaliland iyo Soomaaliya) ayaa u muuqdo kuwo ugu dambayn xaqiijinaya dalabkii dawladda Soomaaliya ugu baaqday in ay xarumahooda Magaalada Nairobi u soo raraan Magaalada Muqdisho waxaana ugu dambeeyey Hay’adda Caalamiga ah ee Care International oo shalay ugu dambayn xafiiskeedii Hawl-galka Soomaaliya (Somali Mission) u rartay Magaalada Muqdisho. Hay’addan ayaa noqonaysa tii saddexaad ee sannadkan oo aan dhammaan xarumahoodii u soo rara Magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya waxaana hore ugu soo guuray magaaladaasi Hay’adaha Qaramada Midoobay ee UNICEF iyo IOM. Inkasta oo doodo badani ka taagnaayeen xaaladda amni, kuwa siyaasadeed iyo duruufaha dalkaasi Soomaaliya ugu dambayn dawladda beesha caalamku taageerto ee Villa Somalia ayaa u muuqata kuwo maalinba maalinta ka dambaysa xaqiijinaya arrimo badan oo ay muddo soo wadeen oo ay ka mid yihiin in hay’adihii caalamiga ahaa ee fadhigoodu ahaa dalka Kenya ay xarumahooda ka dhigtaan Magaalada Muqdisho taasi oo dhabar jab weyn ku noqon doonta Somaliland oo muddo 28 sannadood ah ka madax bannaan dalkaasi Soomaaliya hay’aduhuna nidaam gaar ah ula tacaamuli jireen si kasta oo ay deeqaha ay soo urursadaan ugu soo qaadaan Magaca Soomaaliya. Hay’adda Caalamiga ah ee CARE International ayaa noqonaysa Hay’addii saddexaad oo dorraad Khamiistii u soo guurtay Magaalada Muqdisho ka dib Amar ka soo baxay dowladda dalkaasi Soomaaliya. Magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah looga furay xafiiska Hay’adda Care International ee Soomaaliya, waxaana xadhigga ka jaray Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo madaxda Hay’adaasi. Hay’addan ayaa xaruntoodu ahayd Nayroobi oo dalka Kenya ah. Waxa ay ku soo guurtay sida ay masuulinyiintoodu sheegeen amarkii dawladda dalkaasi ka soo saartay in hay’adaha gargaarka Soomaalida ka shaqeeyaa u soo guuraan Muqdisho sannadka cusub ee 2019 bilawgiisa iyaga oo ugu hanjabay hay’addii soo guuri wayda in aanay ka shaqayn Karin Soomaaliya. Hay’adda Care International waxay ka mid ahayd muddo dheer hay’adaha ugu wax-qabadka roon ee ka shaqeeya Arrimaha Biyaha, Waxbarashada, caafimaadka, tababarada macalimiinta, bulshada Rayidka iyo horumarinta saxaafadda waxaanay ka hawl gali jireen dhammaanba Deegaamada Soomaalida. Hay’addii ay dhammaanba hay’adahaasi fuliyaan awaamiirtan xukuumadda Soomaaliya oo ay Muqdisho xarumahooda ka dhigtaan waxa ay saamayn weyn ku yeelan doontaa Somaliland, waxaanay dalka iman doonaan iyaga oo fulinaya siyaasadda wasaaradda qorshaynta ee dalkaasi Soomaaliya oo wada shaqaynta ay la leeyihiin ku salayn doona in Somaliland qayb ka tahay Soomaaliya. Dawladda Somaliland ayaan wax qorshe ah ka lahayn xaaladdan iyo kuwo badan oo la mid ah oo maamulka dalkaasi Soomaaliya kaga libin qaadanayo Somaliland. Source
  17. Turkigu wuxuu ka mid ahaa boqortooyooyinkii u horeeyey ee Soo Xukumay Dalka Somaliland waqtigii Dowladii Cusmaaniyada. Waxaanu Raadkii Dowladii Cusmaaniyadu si weyn uga Muuqdaa dhamaan Dalka Somaliland khaas ahaan Dhulka Xeebaha ku Teedsan. Arintaasi oo muujineysa in Taariikh facweyni ay ka dhaxaysay Somaliland iyo Turkiga. Waxaase lama filaan Noqotay ka dib markii Turkigu si weyn isugu balaadhiyey Geeska Africa khaas ahaan Somalia oo uu ka sameeyey Qaacidada Milatary ee ugu weyn Ee uu Dalalka Dibada ku leeyahay, isla markaana si Hagar La’aan ah uu u dhisay Somalia, Isagoo Somaliland u quudhi waayey in Xataa Sakada uu Somalia ku dhiso in uu Somaliland oo ah Dal boqolkiiba boqol Muslim ah in uu wax uga Qoondeeyo dhaqaalaha faraha badan ee uu ku bixiyo Somalida. Asagoo Xataa Tahli kari waayey in Uu Dabaqabateeyo Raadkii Xadaaradii Faca weyneyd ee Boqortooyadii hore ee Turkiga oo iminka sii Dabai go’aysa. Arrintani waxay Daaha ka rogeysaa sida foosha xun ee Turkigu ugu kala Eeexday Somaliland iyo Somalia, dhinaca Horumarka iyo Siyaasadeed. Hadaba la yaab ma ah in Turkigu iska fogeeyo Somaliland haduu u arkay in aanay Somaliland uga fulaynin Siyaasada Turkigu ka leeyahay Badda Cas iyo Gacanka Carbeed oo Hirdan adag oo Siyaasadeed iyo Milatari uga dhaxeeyo Wadamada Khaliijka oo ay Somaliland Gacan Saar leeyihiin iyo Dowlada Turkiga. Waxaase la yaab leh in Turkiga oo ku Guuldareystay in uu Sakada uu bixiyo uu ugu Cadaalad falo Somalia iyo Somaliland, in uu hadana maanta isu soo sharaxo in uu ka Garnaqo arinta Masiiriga ah ee ka dhaxaysa labada Dal ee Somaliland iyo Somalia , Ayadoo waliba Umadda Reer Somaliland ogsoon yihiin Mudadii dheereyd ee uu Turkigu Gacanta ku Hayley arrintan, in uu si xun u shirqoolay Somaliland Indhaha Dunidana ka qariyey oo God dheer la galay Qadiyada Somaliland. Isla Markaana fulin kari waayey go’aankii kali ahaa ee mudadaa dheereyd ka soo baxa wada hadaladii uu hormuudka ka ahaa Turkigu ee ku saabsanaa arintii Maamulka Hawada oo Somalia markii Dambena ay ku Gacan saydhay Heshiiskii laga gaadhay arintaasi . Muumin laba Jeer God lagama wada Qaniino. Alla Mahad leh Ali Mahamed Waranade Sent from my iPhone Qaran News
  18. (SLT-Dubai)-Wargeyska The National ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa shalay baahiyay qormo dheer oo uu kaga hadlay doorka Imaaraadka Carabta ee dalalka gobalka Geeska Afrika. Warbixinta ayuu wargeysku si shilis ugaga hadlay doorka uu Imaaraadka Carabtu kaga jiro nabadaynta gobalka Geeska Afrika iyo weliba horumarkiisa, waxaana warbixinta qayb ka ah maalgashiga ay shirkadda DP world ka samaynayso dekedda Berbera iyo saldhiga UAE ee Berbera. Warbixinta oo uu wargeyska Geeska Afrika soo turjumay, ayaa waxay u dhignayd sidan “Markii shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai ee aduunka oo dhan maamusha dekedaha ay heshiis kula gashay Djibouti inay maamusho terminaalka konteenarada ee Dooraaleh sanadkii 2008, shirkado aad u yar ayaa maanka ku hayay inay maal gashadaan dalka yar ee ku yaal Geeska Afrika oo maanta hoy u ah saldhigyo ciidan oo ay ku leeyihiin Shiinaha, Maraykanka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Jabaaniiska. Waxaay ifa-faale u ahayd waa cusub oo u beryay siyaasadda arimaha debedda ee Imaaraadka Carabta oo ay geyaysiisay inuu muhiimad dhab ah ka yeesho Geeska Afrika oo dhaca Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo marin muhiim u ah maraakiibta caalamiga ah. Afarta dal ee ka kooban – Somaliya, Jibuuti, Eretriya iyo dalka xoogga badan balse aan badda lahayn ee Itoobiya- ayaa markaa ka ah ilaalo ganacsiga caalamiga ah. Muddo toban sanadood ah, dekeduhu waxaay qaabaynayeen is-bahaysiyada siyaasadeed iyo dhaqaale ee Geeska. Gobolka, oo mar ahaa ka ugu amaanka xun Afrika, xudunna u ahaa colaado hubaysan, waxaa u buuxsamay sanad la yaab leh oo nabad dhisid ah oo ku bilaabmay magacaabista Abiy Axmed loo magacaabay Raysal Wasaaraha Itoobiya bishii Abril, markaa joogintaanka Imaaraadka Carabtu wuxuu u muuqdaa inuu faa’iido soo celinayo. DP World hadda gacanta kuma hayso Dooraaleh. Bishii Feberwari dawladda Jibuuti waxaay keligeed dib ula wareegtay dekedii, taas oo kicisay dirir adag oo maxkamad la isku food saaray. Shirkadda dekedaha maamusha ee Dubai waxaay wacad ku martay inay isku gaynayso dhamaan wixii ay awooddo ee sharci u ogol yahay, welina murankii wuu sii xoogaysanayaa. Balse joogintaanka Geeska ee DP World kuma koobna Jibuuti oo keliya. Shirkaddu waxaay maamushaa dekedda istiraajiyad ahaan muhiimka ah ee Berbera oo ka tirsan Somaliland ta goosatay, taas oo ay rajaynayso inay noqon doonto albaab wayn oo laga galo ganacsiga bariga iyo badhtamaha Afrika. Meel ka sii durugsan halkaas, DP World waxay ka dhisaysaa Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo xarumo balaadhan oo saad (logistics). Sidoo kele, Imaaraadku wuxuu heshiis dhinaca beeraha ah la galay Uganda halka uu mid amniga ah la galay Eritriya. Sanadkan, Abu Dhabi waxaay u balan qaaday 11 bilyan oo Dirhan (2.99 Bilyan oo Doolar) dawladda Abiy Axmed. Sidoo kale Imaaraadku wuxuu dhex-dhexaadiyay heshiis guul ah oo dhexmaray Abiy iyo dhigiisa Eritriya, Isaias Afwerki, taas oo lagu dhameeyey dagaal 20 jir ah oo ka dhex jiray labada dal, tan oo kicisay mawjad nabadayn ah oo Geeska dhex qaady. Waxaay ahayd diyaarad Imaaraadku leeyahay tii gaysay weftiga Eritriya magaaladda Addis Ababa si ay wada hadalka uga qayb qaataan. Warbixin ay soo saartay Kooxda Xiisadaha Caalamiga ah bishii November waxaay ahayd mid amaan ah. Waxay sheegtay: “Imaaraadka iyo Sucuudigu waxay gaysteen taageero muhiim ah oo diblomaasiyadeed iyo maaliyadeed si looga gacan siiyo Eritriya iyo Itoobiya inay qaadaan talaabooyinka kowaad si ay dib ugu wada xidhiidhaan tan oo faa’iido u noqon karta xasiloonida guud ee Geeska.’ Caqligu wuxuu ina siinayaa maalgashiga maantu, berri ayuu faa’iido dhalaa. Itoobiya oo shacabkeedu yahay boqol milyan oo da’yar oo hal abuur ganacsi leh, waxaay durba qaaday dib u curasho dhaqaale oo uu hogaaminayo Abiy. Addis Ababa waxaay ku leedahay 19% saami ah dekedda Berbera, halka maalgelinta DP World ee $100 ka milyan ee dhaqalaha marinka isku xidha Berbera iyo magaalada Wajaale ee Itoobiya ay ay marag u tahay saamaynta Imaaraadku ku leeyahay dhaqaalaha gobolka. Maalgelinta balaadhan ee Geeska Afrika lagu sameeyey waxay wadataa halganka loogu jiro sidii loo ilaalin lahaa. Tan iyo sanadkii 2014, Imaaraadka Carabtu wuxuu lacag gelinayay Ciidanka Puntland ee Ilaalinta Badda kaas oo qabtay shaqo badan oo lagula tacaalayo budh-cad badeedka oo ay mar Somaliya isku magac ahaayeen. Si la mid ah, Imaaraadku wuxuu maamulaa saldhig ciidan oo ku yaal Assab, Eritriya, dhaqsona wuxuu mid la mid ah ka furi doonaa Somaliland, meel ku dhow dekedda Berbera ee ay maamusho DP World. Kadib markii jabhadda Xuutiyiintu ay afgenbiyeen madaxwaynihi Yeman Mansur Hadi oo ay qabsadeen caasimaddi Sanca, Imaaraadku wuxuu ku biiray is-bahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo si loo soo celiyo dalwadda la afgenbiyay. Iyada oo joogta Geeska Afrika oo 25 kiiloomitir keliya u jira marinka Mab al Mandeb, Imaaraadku wuxuu awood u yeeshay inuu qaabeeyo xidhiidhkiisa istiraajiyadeed iyo kaabayaal ee uu la leeyahay gobolka. Maanta ciidamada Imaaraadku waxaay joogaan saldhigiisa ku yaal Ereteriya halka ciidamada amniga gobolka ee uu taageero Imaaraadku ay ilaalinayaan badda xilli lagu jiro isku dayo Xuutiyiintu doonayaan inay bar-tilmaameedsadaan maraakiibta. Haseyeeshee, Abu Dhabi kuma aha keli xoojinta saamaynta lagu leeyahay gobolka, taas oo raad ku yeelanaysa wadamada gobolka ku yaal ee aadka u nugul. Faro gelin la mid ah oo ka timi wadamo kale sida Qadar iyo Turkiga ayaa sanadka dhex talaabiyay Somaliya xiisadda ka socota Gacanka [Carbeed]. Dawladda dhexe oo aan awood u lahayn inay gacan ka siiso goboladeeda badan halganka ka dhanka ah Al Shabaab, ayaa keentay in goboladeedii maalgelin iyo taageero ka raadsadeen debedda. Halka Imaaraadku uu maanta la leeyahay xidhiidh adag gobolka is-maamula ee Puntland iyo Somaliland, xidhiidhka ka dhexeeya Abu Dhabi iyo Muqdishu wuu xumaaday. Bilawgii bishii Abril, ciidamada Somaliya waxaay qabsadeen diyaaraad Imaaraadku leeyahay oo joogtay gegida diyaaradaha ee Muqdisho oo wada lacag dhan 35 milay Dirhan oo loo waday Ciidanka Puntland ee Ilaalinta Badda. Maalmo yar kadib, Qadar waxay saraakiisha maamulka gobolka Muqdisho ku wareejisay 30 bas iyo 2 wiish, taas oo sii shidaalisay eedaha ah in dawladda Somaliya laga maamulo Qadar iyo Turkiga oo is-bahaysi la leh, kuna leh caasimadda Somaliya saldhiga ciidan oo aad u wayn. “Taasi arin iska timi ma ahayn,” waxa sidaas u sheegay The National xiligaas Rashiid Cabdi, agaasimaha barnmaajika Geeska Afrika ee Kooxda Xiisadaha Caalamiga ah.” Source
  19. Wasiirkii hore ee arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay isbedelada gobalka Geeska Afrika ka socda ee uu waddo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Dr. Maxamed Biixi Yoonis, oo Djibouti ugu waramay weriye Cali-seenyo oo ka tirsan Saab TV, waxa uu ka hadlay shir uu Djibouti kaga qayb galay oo uu machadka Heritage qabtay, waxaanu ugu horayn yidhi “Fursada aanu helnay dadkayaga maanta halkan Isugu yimi waxaanu aad iyo aad u falanqaynay maxaa inooga soo bixi kara hadaynu nahay dadka afsoomaaliga ku hadla, waxaan qabaa hadaan nahay dadka Afsoomaaliga ku hadla gaar ahaan Somaliland iyo Jabuuti iyo Somaliyaba waxa alle ku maansheeyay bado, waxaana dadka inoo imanaaya ay u imanayaan muhiimada ay leedahay bogcada alle inagu beeray taas oo ay u arkaan dantooda ama xag dhaqaale ama dhan nabadgalyo ama horumar iyo khayraadka dalkeena yaala oo ay duruufaha badan ee ku xeeran Iiraan ama Shiinaha iyo Midowga Yurub iyo guud ganacsiga caalamka guud ahaan Maraakiibta ganacsiga oo halkan mara iyo dagaalada ka socda Yaman iyo wax lamid ah inay u arkeen in maanta inay u arkeen bogcadani inay tahay mid aad iyo aad u muhiim ah. Inaga laftigeenana ay inala gudboontahay in waxii aynu ka faaidaysan karno ee ah danteena iyo dhaqaalaheena, laakiin waxaad la socotaa in dadkii shirkan isugu yimi ay la socdaan in Somaliland iyo Somaliya laf dhabar wax alle iyo waxa ka dhacaaya Geeska Afrika iyo dhibaatada ka dhex taagan labada dal iyo nabadgalyo darada ka jirta Xamar in aan wax badan inoo suurto galayn. Arinkan laga hadlaayo ee la leeyahay is kaashiga ganacisga waa mid fiican cid diidaysaa ma jirto hasa yeeshee sida ay maanta Soomaali tahay wakhti dheer ayay ku qaadanaysaa, wadamadan aynu jeerka nahay ee Itoobiya iyo Eratariya wakhti dheer ayay ku qaadanaysaa waa iska laab la kac, waana dano aanay siyaasadi ka madhnayn, waxaan aaminsanahay in Somaliland iyo Somaliya aan arintooda la xalin in aanay wax badan ka qabsoomayn Geeska Afrika. Waxa jira heshiisyo uu raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya la galay Eratariya iyo Somaliya, ma u hirgalayaan haddii uu jiro khilaafkii Jabuuti iyo Eratariya? Waxaan qabaa saddexdan wadan ee isku tagay haddii ay taladoodu tahay saddexdeena ayaa wax wada qabsanayna waxbadan oo ka soo baxayaa in aanay jirin ayaa aniga ii muuqata, Jabuutina waa dad Soomaaliyeed waa dadkeenii oo waa kuwo waxtar badan u gaystay gaar ahaan Soomaaliya, walina aanay dhamaan nabadayntii Eratariya iyo Jabuuti oo xuduudo laysku hayo, haddii Somaliland iyo Jabuuti talada lagu dari waayo wax ka soconayaa runtii ma jirto, waxay noqonaysaa warqad qalin lagu saxeexay, shuruucdoodii ma dajisna oo wadano isku dheeli tiran maaha oo maanta wax wada gali kara. Imika Somaliland iyo Itoobiya haddii aynu ka soo qaadno waynu leenahay ganacsi laakiin maaha mid isku dheeli tiran inta badan inaga ayaa qaadkoodu inoo yimaadaa 700 oo malyuun oo doolar ayaa lagu tilmaamaa inay sanadkii Itoobiya inooga tagto, waxa ka yimaada sibidh iyo qudrad,maanta wax aan sheegi karno oo xageena ka tagaa ma jirto dabcana Somaliland waa rin u yaala in dib laysu eego oo aynu ku dadaalno sidii laysugu dheeli tiri lahaa, Jabuuti waa kadinka ugu weyn ee Itoobiya isticmaasho, waana laga yaabaa hadii ay heshiiyeen Eratariya in ay Itoobiya badaha Eratariya isticmaali karto iyaga laftigooduna ay u arkaan in aanay beedkooda meel kaliya ku wada ridin meelo badan wax ka qabsadaan, waanad arkaysaa inay Berbera laftigeeda ay doonayaan inay wax ka qabsadaan oo ay saami ku darsadeen, ilaa imika Jabuuti ayay isticmaalayaan mudaanay jiraysaa,markaas Somaliland iyo Jabuutiba aad iyo aad ayay Itoobiya ugu baahantahay, Somaliland waxaan aaminsanahay inay tahay dal aan indhaa laga qarsan karin. Waxa ugu weyn ee shirkii ka soo baxay ee inaga iyo Somaliyaba guusha inoo ah in dadkii isugu yimi ee shanta gobal ay arkeen in Somaliland ay tahay muhiim, wada hadalada Somaliland iyo Somaliyana laysku afgartay in dhaso loo bilaabo oo laysku wada raaco,madaxweyne Ismaacil Cumar Geelana waxaanu leenahay inaad arinkaas gacan ka siisyo. Barigii hore wada hadalada Somaliya ayaa dooni jirtay Siilaanyo ka hor ,maanta dhinicii kale ayay noqotay oo Somaliland ayaa doonaysa maxaa isbadalay? Waligayo waanu jeclayn in wada hadal lagu dhameeyo, waanad ogtahay aduunka dadka xurgufi ka dhaxayso ama doonaya inay kala tagaan ama wada joogaan wada hadal ayay ku dhameeyaan,waad la socotaa anigu waxana ahaa wasiirkii hogaaminayay wada hadalada waxaanu u arkaynay in aanay dhanka Xamar ka run ahayn,run ahaantiina wax waaweyn oo midho dhal ah kamay soo bixin. Somaliya hadaanay doonayna wada hadalo wax aanu u riixnaa ma jirto laakiin waxaanu aaminsanahay in ay wax iskaga kaaya xidhan yihiin oo wada hadalada aynu ku wada gaadhi karno xal. Intii uu raysal wasaaraha cusubi Itoobiya yimi maxaa iska badalay xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya? Dadka qaar waxay u fasirayaan in Abiy Axmed uu doonayo in dawlada Somaliya midnimadeeda la ilaalinaayo laakiin anigu ma qabo aduunkuna waa dano Itoobiyana dan weyn ayay ku qabtaa Somaliland kaadhadh badan oo ay ciyaari kartaa way jiraan, Somaliland way ku dadaalaysaa cilaaqaad wanaagsan horena cilaaqaad wanaagsan ayaanu la lahayn dawlada Itoobiya imikana aanu la leenahay, waxaan qabaa in goor ay noqotaba ay Somaliland iyo Itoobiya ay isku iman doonaan oo ay ka wada hadli doonana danaha ka dhaxeeya waad ogtahay oo dekedii ayay xiisaynayaan oo lacag badan oo Somaliland ka timaadaana waxay tagtaa Itoobiya, waxaan filayaa inay danteeda eegayso oo aanay Somaliland ahayn wadan sidaas lagu ilaabi karo. Doorashooyinkan dib u dhacay siyaasiyan maxay ku keeni kartaa Somaliland? Somaliland waxay ku caano maashay oo lagu yaqaanay inay doorasho samayso,doorashooyinka aynu samaynayna waxay inoo keeneen karaamo iyo sharaf waxa nasiib daro ah in baarlamaankeenii uu maanta maraayo dhawr iyo toban sanadood caqabado badan oo maanta haystaana way jiraan ama saami qaybsi ama komishanka dabcan dib u dhac kasta oo inagu yimaadaa waa uu ina wiiqayaa, waa in dhakhso loo qabto doorashooyinka oo casharkaas aynu caalamka tusnay in aynaan lumin arinkuna noqon mindi mindi ku taag ee xal la raadiyo waara oo ka dhaxeeya dawlada iyo asxaabta. Source Geeska Africa Qaran News
  20. Garowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa soo saaray qoraal digniin ah oo ka kooban 7 qodob oo kan ugu weyn uu yahay in wasiiradda xukuumada Soomaaliya aysan tagi karin Puntland. War-Saxaafadeed ay Guddiga amniga soo saareen ayaa inta badan looga hadlay dhinaca Amniga, waxaana qodobada ku jira in Madaxda Dowladda iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka aysan deegaanada Puntland tegi karin inta lagu guda jiro doorashooyinka. C/Welli Gaas ayaa walaac xoogan ka qabo in dowladda Soomaaliya ay dhaqaalo badan ku bixiso Doorashada dhawaan ka dhaceysa magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. A charity rescue vessel carrying 311 mainly African migrants plucked off Libya docked in Spain on Friday, ending a traumatic journey which saw them spend Christmas at sea and several European nations denied the ship entry. The migrants cheered and applauded as the vessel docked in the port of Crinavis near the southern city of Algeciras. Proactive Open Arms, the Spanish charity which runs the Open Arms vessel carrying the migrants, feted the arrival with a “Mission accomplished” tweet. The migrants come from 19 different countries, including Somalia, Syria and the Ivory Coast. More than a third of them, 139, are minors. By early afternoon all of the migrants had disembarked from the boat and received clothes and food, as well as medical tests if required, from Red Cross officials. Women and children left the boat first. “They are in good health in general,” said Inigo Vila, who is in charge of emergencies for the Red Cross in Spain. Police will identify the migrants before moving them to shelters. The migrants were rescued on December 21 from three vessels but were denied entry by Italy and Malta. Libya, France, and Tunisia did not respond to Proactive Open Arms’ requests for permission to dock, Madrid said. On Saturday, a newborn baby and his mother were helicoptered from the boat to Malta, while 14-year-old suffering from a serious skin infection was taken to the Italian island of Lampedusa. ‘Lives in danger’ Photos and videos posted by the charity showed the rest of the rescued migrants celebrating Christmas at sea listening to music and singing. Some children wore red Santa hats as they huddled together on the small ship. “We are talking about lives in danger, of people who need help. And it is really deplorable to have to travel for eight days at sea to take them to a safe port when international rules say to go to the nearest safe port,” said Proactiva Open Arms founder Oscar Camps. Proactiva Open Arms operates in the sea between Libya and southern Europe, coming to the aid of migrants who get into difficulties during the crossing from northern Africa. This was the first time since August that Spain has allowed a charity rescue ship to dock and unload migrants in the country. The Open Arms resumed its Mediterranean patrols off the Libyan coast in late November, along with two other boats run by migrant aid groups. It suspended its missions in August, accusing governments — and hardline Italian Interior Minister Matteo Salvini by name — of “criminalizing” migrant rescue charities. Salvini has denied the groups access to Italy’s ports, accusing them of acting as a “taxi service” for migrants. Malta too has been increasingly unwilling to host rescue vessels. “Your rhetoric and your message will, like everything in this life, end,” Camps told Salvini on Twitter earlier. “But you should know that in a few decades your descendants will be ashamed of what you do and say.” Another ship still stranded The UN Refugee Agency meanwhile said Friday it was “concerned” for 32 migrants rescued by German NGO Sea Watch off the coast of Libya on December 22 and called for “their timely disembarkation at a nearby safe port”. Sea Watch’s ship was on Friday also looking for a boat carrying around 75 migrants which the Italian coastguard said was in distress off Libya, but has so far failed to find it, a spokeswoman from the charity said. The Libyan coastguard refuses to speak to Sea Watch and it was not clear if the migrants have already been rescued or if it was a false alarm, she added. More than 1,300 migrants have perished trying to reach Italy or Malta since the beginning of the year, according to the International Organization for Migration. That makes this stretch of the Mediterranean the most deadly for migrants attempting to cross to Europe. Spain meanwhile has become Europe’s main entry point for migrants this year, overtaking Greece and Italy. More than 56,000 migrants have arrived in Spain by sea this year, and 769 have died trying, according to the IOM. The post Boat with 311 migrants docks in Spain appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Maamulka Puntland ayaa goor dhow sheegay in deegaannada maamulkaasi laga mamnuucay mas’uuliyiinta dowladda federaalka sida wasiirada, agaasimayaasha, saraakiisha ciidamada iyo howlwadeennada Villa Soomaaliya inta ay socoto doorashada Puntland iyo isku diyaarinteeda. Go’aankan waxaa kaloo ku jira in mudada doorashada aan Puntland lasoo gelin karin lacag kaash ah, islamarkaana lacagtii la qabto lala wareegi doono. Qodobada hoos ka akhriso: 1 – in cid aan aheyn askari shaqo ku jira aysan hub la dhexmari karin caasimada Puntland mudada doorashadu socoto. 2 – inta doorashada Puntland ay dhacayso waxaa la mamnuucay iney soo galaan shaqalaha DFS Sida Wasiirada, Agaasimayaasha,Saraakiisha Ciidamada iyo howl wadeenada Madaxtoyada Soomaaliya. 3 – inaan la soo galin karin lacago kaash ah dhammaan Garoomada Diyaaradaha iyo baraha kale ee kontoroolada laga soo gal Puntland, lacag kasta oo sharci daro ku soo gashana waa lala wareegayaa 4 – in diyaaradaha imanaya Puntland ay soo gudbiyaan liiska rakaabka ay wadaan ka hor inta aysan ka soo Degin Garoomada Puntland. 5 – si loo sugo amaanka xiliga Doorashada in la baari doono cid kasta oo soo gasha xaduudaha Puntland 6 inaan wax agab Ciidan oo sharci darro ah lala soo gali karin Puntland. 7 inaan lagu qaban karin Garowe shirar siyaasadeed oo maamulka gobolka Nugaal usan ogeyn. Goobjoog News Source: goobjoog.com