Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kal walba amin taan oo kale, odayaasha dhaqanka ee beelaha reer Puntland waxay soo saaraan lixdan iyo lix xildhibaan. Kuwaas oo la waydiisto inay ka soo dhex xulaan koox musharaxiina ninkii haggaamin lahaa Puntland shanta sano ee soo socota. In kasta oo labaatankii sano oo u dambaysay musharax walba oo guulaystaayi looga fadhiyey in nidaamka wax qaybsiga beelaha uu dadka meel uun ugaga dal-doorsho, haddana mid walba oo ka midihi dhamaadka xukunkiisa ayaa shacabku ka helayey fariinmo isku mida oo ku saabsan inaan xilligaan laga gudbi karin nidaamka beelaha. Sidaas daraadeed dib loogu noqon doono sanadkaana. Eedda ayaa inta badan dusha looga tuuro bulshada caalamka oo lagu eedeeyo in ay ka gaabiyeen door koodii. Tani maahan wax iska dhaca, ee waa mid ku talagal loo sameeyo. Maxaa yeeley waa qaabka ugu fudud ee ay aaminsan yihiin inay dib ugu soo noqon karaan. Iyaga oo haddana og in kuwii ka horeeyay aanay shaxdaani u shaqayn. DOORASHO DHALAN ROGAN In kasta oo doorashadii 2014kii ay ahayd doorashadii ugu horaysay ee si cad oo aan caad saarnayn cododka loogu kala gadanayey, haddana waxaad moodaa in taasi ay noqonayso wax aan mudnayn in la sheego. Kolka loo eego sida ay iminka wax u socdaan. Waa markii ugu horaysay, ee miisaanka doorashada Puntland aan saldhig looga dhigin qiyam iyo qaddiyad toona. Laakiin taas baddal keeda lacag lagu qotomiyey. Sidoo kalena waa markii ugu horaysay, ee hanti shisheeye ama sokeeye, ay dhici karto in lagu kala gato codka xildhibaanka. Dhanka kalana waa markii ugu horaysay, ee sicir barar xad-dhaaf ahi uu ku dhaco kursiga xildhibaanka codkiisa beecinaya. Siday doontaba ha ahaatee. Amaba qaabkii la doonaba wax ha loo baxshee, waxaa jira go’aan qaadasho cod-bixineed oo ay soomaalidu ku dhaqmaysey lixdankii sano ee la soo dhaafay. Taas oo ah ka xiisa dhaca ay ka xiiso dhacdo madaxda kolkaas xilka u haysa. Sabab aan illaa iminka, ogaalkey cidina aanay daraasad ku samayn. SOOMAALIDU LABA GOOR QOF MA DOORATO. Si la mida madaxwayne walba oo soomaaliya oo difaacanaya kursigiisa, ayaa madaxwayne Gaasna uu ku mashquulsan yahay xagsashada xilka uu hayo, isaga oo u maraya xirfad walba iyo xeelad walba. Taageera yaasha madaxwaynuhu waxa ay kuu sheegayaan inuu madaxwaynuhu haysto xajmi lacaga oo uu xildhibaano ku filan ku gadan karo iyo inuu ku guulaystey in badan oo saaxiibadiisa inuu ku soo daro golaha cusub. Sidoo kale waxay kuu sheegayaan jiritaanka balan qaadyo uu ka haysto beelo goboladooda ay mashaariic waa wayni ka socoto. Laakiin caqabadda ugu wayn ee madaxwayne Gaas hortaagan ayaa ah, taariikh aan gayiga soomaaliyeed horay uga dhicin. Aynna adagtahay inuu isagu iminka bilaabo. Waa yaabe! soomaalidu waligeed hoggaamiye labo goor ma dooran. Laga soo bilaabo 1956 oo ahayd markii ugu horaysey ee soomaalidu hoggaan siyaasadeed doorato (daakhiliyadii Cabdullaahi Ciise) illaa imminka hoggaanka soomaalidu waxa uu ahaa one term president (Madaxweyne hal xilli). Ma jiro qof ay labo goor doorteen. Cabdulaahi Ciisi, Adan Cabdulle, Cabdirashiid, Cabdiqaasim, Cabdullahi Yusuf (oo laba goora Puntland iyo Fadaraal) , Shariif Ahmed, Hassan Shekh, Cigaal, Rayaale, Cadde Muse, Faroole, Siilaanyo iyo Shariif Hassan. Intuba waxay ahaayeen haggaamo hal term ah. Raggaan waxaa ka mid ahaa kuwo ay soomaalidu qaddarin wayn u haysay, sida Adan Cabdulle. Kuwo lacag badan u isticmaalay xagsashada kursiga, sida Hassan Shekh iyo Shariif Ahmed. Iyo kuwo geed-adayg u dhashay, sida Cabdullaahi Yusuf. Dhammaan tood waxaa reebay dhaqan-soomaali aanay cidina si fudud uga tillaabsan karin. Oo ah inaysan soomaalidu ninna labo goor dooran. Marka laga reebo Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad iyo Cadde Muse, hal wax oo aan ka baranay doorashooyinkii hore, ayaa ah. In madaxwaynaha kursiga difaacanayaa uu kaalinta koobaad ka galo cod bixinta wareegga hore iyo kan xiga. Laakiin hadba musharraxa isaga ku xigaayi uu noqdo madaxwaynaha la doorto. Kolka uu ka faa’iidaysto dhaqan-soomaaligii ka xiisa dhaca ee aynu horay u soo sheegnay. XARGO GEEL MA WADA XAJAAN In badan oo ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxwayna nimada Puntland ayaan orodku dhab ka ahayn. Kuwa badan oo kalana laguma aamini karo masiirka ummadda. Arigtidayda waxaa jira dhawr musharax oo ay dhici karto inay fursad ka helaan xarig- jiid kaan, haddii la helo xildhibaano wuxuun xeerinaya. Waxaana ugu horeeya labadii wasiir ee hore ee wasaaradda waxbarashada oo runtii labaduba ah rag horay loo tijaabiyey. Shaqadii ay ka soo qabteen wasaaraddii ay isaga dambeeyeen na uu shacabku mahadiyey. Waxaa kale oo ay si mug leh labaduba u fahansan yihiin waxa ay Puntland u jirto, sharciyadda ay ku dhisantahay iyo cidda ay wax kala dhaxeeyaan. Wasiirkii hore ee maaliyadda, Farax Cali Shire ayaa isna leh saddex sano oo record wanaagsana, kuna saabsan maamulka maaliyadeeda. Gaar ahaan bixinta mushaaraadka. In kasta oo siyaasadda maaliyaddu ahayd qayb ka mida aragtidii madaxwaynihii xilligaas talada hayey, haddana qaabkii uu wasiirku u maamulay muddadaas magac ayay u tahay. Waxaa isna jira nin dhalin yaraa oo gadaal uga soo biiray baratanka, dad badanina ay la dhaceen. Waa Asad Cismaan Diyaano. Asad waxa uu ka yimid hay’adda ugu wax qabadka iyo disciplinka fiican ciidammada Puntland. Dhismaha hay’addaaas na qayb wayn ayuu ka qaatay sida la iisheegay. Laakiin, marka laga tago yaraanta da’ diisa, Asad ma lahan waayo aragnimo siyaasadeed oo lagu maamulo dal noocan oo kalaa. Waxaase laga yaabaa waaya aragnimadiisa amni inay fursad siiso. Arin kale oo muhiima oo aan ka baranay labadii doorasho-fadaraal ee ugu dambaysey ayaa ah, in goolka koobaad ee xildhibaanka soomaaliyeed uu yahay dhaqaalo urursi. Kan labaadna uu yahay xulista ninka wanaagsan. Haddaba haddii raggaan, amase cid kale oo amaano, akhlaaq iyo waaya-ragnimo wax loogu dhiiban karo lihi, midkood ku guulaysto kaalinta labaad, xildhibaanka reer Puntland abaal wayn ayuu u galay dadka reer Puntland. Maxaa yeelay ku guulaysiga kaalinta labaad waxay soo dadajinayaa shaqaynta dhaqan-soomaaligii aan kor ku soo xusnay. GUNNAANAD Waxa ugu horreeye ee kuu soo baxaya marka aad doorashadaan barbar dhigto labadii doorasho ee ka horeeyey ayaa ah inay ka xamaas iyo xasarad yartahay. Marka laga reebo khilaafkii madaxda sare, oo ahaa arin uguba. Cabsida laga qabo in amaanku faraha ka baxo, ama ay doorashadu xasilooni daro siyaasadeed keento ayaa aad u yar. Arintaan fasiraado fara badan ayaa laga bixin karaa, laakiin aniga waxa ay iila muuqataa inay tahay jawi ka dhashay dhaqan-siyaasadeedka hoggaanka iminka jira. kaas oo aan ahayn nooca loo yaqaaan machiavellian oo ah madaxda wax maquunisa damaacigana ah. Si kastaba ha ahaatee, siddeeda January Puntland waxa ay yeelan doontaa hoggaan cusub. Su’aasha muhiimkaase waxaa weeye, soomaalidu ma dhaqan koodii hore ayay ku sii dhegenaan doonaan oo Gaas one term president ayuu noqon doonaa? Mise mooggaan lacagta madaxwaynaha wax difaacanaya ayaa taariikh cusub oo aysan horay u qorin dhigi doonta? Ogow, kolka aan ku leeyahay lacag, maahan wax ku kooban madaxwaynaha kolkaas xilka haya kaligiis. Musharaxiinta kaalinta labaadi laftigoodu meesha lacag ayay ku yimaadaan. Waxaase u hiilliya dhaqan-soomaaligii aynu soo xusnay ee labo goor wax ma dooradka ahaa. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi The post PUNTLAND: DHANKEE U DHACAYAAN DABAYLAHA DOORASHADU? appeared first on Puntland Post.
  2. Baydhabo (PP) ─ Maamulka Koonfur-galbeed ayaa caawa si taxaddar leh uga hadlay xarigga Mukhtaar Roobow Cali oo ka mid ahaa musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha maamulkaas, kaasoo ay maanta Baydhabo ku xigeen ciidammo Itoobiyaan ah Wasiirka Warfaafinta Koonfur-galbeed, Xasan Cabdi Maxamed [Ugaas Xasan] oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in xarigga Roobow uusan maamulkoodu wax lug ah ku lahayn, amarka xariggiisana uu ka yimid dhanka Dowladda Dhexe ee Somalia. Ugaas Xasan ayaa sheegay in xaaladda Baydhabo ay caawa daggan-tahay isla markaana aanay xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay rabshidii maanta ka dhacay Baydhabo, kuwaasoo uu sheegay inay ka dhasheen qabashadii Mukhtaar Roobow. “Xaaladda Baydhabo caawa waa daggan tahay, khasaare ayaa dhashay balse si dhab ah uma hubno inta ay le’eg tahay. Xarigga Abuu-Mansuurna innagu wax shuqul ah kuma lihin, waxaase xiratay Dowladda Somalia oo markii horeba ay heshiis wada-taleen,” ayuu yiri Ugaas Xasan. Balse, Wararka hoose ee laga helayo Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in shaqaaqadii maanta ka dhacday magaaladaas ay ku geeriyoodeen tiro 10-qof ka badan, ayna ku dhaawacmeen labaatameeyo kale. Rabshadaha ayaa billowday markii Mukhtaar Roobow la xiray, waxaana markiiba uu iska hor-irmaad muddo socdday dhexmaray ilaaladii gaarka ahaa ee Mukhtaar Roobow iyo cidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa halkii lagu xiray oo ahayd madaxtooyada Koonfur-galbeed. Wasiirka Warfaafinta Koonfur-galbeed, Ugaas Xasan ayaa ku cel-celiyay inaysan lug ku lahayn qabashada Roobow, isagoo sheegay inuu ka mid ahaa musharraxiinta hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed Somaila, iyaguna aysan wax dood ah ka qabin inuu isku sharraxo doorashada. “Qabashada Abuu-mansuur wax lug ah kuma aanan lahayn, waana arrin u dhexeysa Dowladda Federaalka ah iyo Sheekha oo wadahadallo ay muddo u socdeen, innaguna wax lug ah kuma lahayn xarigga Abuu-Mansuur. Waayo muddo ayuu Baydhabo joogay mana aanan qaban, marka arrintaas waa mid u taalla dowladda dhexe,” ayuu wasiirku ku daray hadlkiisa. Ugu dambeyn, Xaaladda Baydhbao ayaa daggan, iyadoo Mukhtaar Roobow haatan lagu hayo xarunta nabad-sugidda Somalia ee Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay dowladda Somalia ka qaadan doonto arrinta Mukhtaar Roobow oo horay u soo noqday ku xigeenka hoggaanka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Koonfur-galbeed oo si Taxaddar leh uga hadashay xariggii Mukhtaar Roobow appeared first on Puntland Post.
  3. arka hore Nabad iyo Naruuro ayaan idiin rajaynayaa dhamaan Umadda islaamka, mar labaadkana waxii Afsoomaali ku hadla. Akhristeyaal Saaxiiboyaal, Waxaan halkan idinkula wadaagi doonaa Qoraal Taxane ah, Oo iskugu jira Iftiimin iyo Xogsiinba, Maaha inaan u hadlaayo dan shakhsi oo aniga ii gaar ah. Maaha dhaleecayn qof nacayb iyo Shakhsi weerar. Ugama jeedo qoraal kaygan Raadsasho anfac iyo aduun oo Uma sii maraayo meel aan waxka doonaayo, balse ujeedka aan iskugu hawlay ee igu Ijbaaray waxaa weeyaan. In mudo ahba waxaa SOCIAL MEDIA-YAHA kusoo baxaayey qoraalo iyo Sawiro ay inala wadaagayeen dad fara badan Oo joogaa meelo kala disan sida gobolada Somaliland, iyo dalka debadiisaba, qoraaladaas Xogahaasi dhamaantood waxay daaranaayeen oo ay iskaga mid ahaayeen ujeedooyinka ay ka hadlayeen, Waxay ahaayeen HAMBALYOOYIN, BOGAADIN IYO BUUNBUUNIN qayral caadiya oo loo Tabinaayey qof amaba Masuul aan mudnayn aniga aragtidayda gaar ka ah. Waayo Hadaad maqashid masuul umadda adeege u ah oo waajibaadkiisa maalinlaha ah gudanaaya, oo lagu amaanaayo waxay u dhigan tahay laba mid uun. 1- in dadkan amaanayaa aanay aqoon u lahayn waxan ay ku amaanayaan Masuulkan oo aanay aqoonba waxaa ay qofkan shaqadiisu tahay. 2- iyo in ay tahay Barnaamij uu isagu abaabulkiisa leeyahay oo ah waxaa aynu u naqaano “IIDHEHDA” taas oo loola jeedo ama loola dan leeyahay, Yool Habaabin iyo Buunbuunin si Dadka waxma garatada ah loogu mashquuliyo, waxaan dani ugu jirin. Haddaba waxba yaanan idinku badin sharaxaada mawduucayga oo aan toos u abbaaro ula jeedkkaygee, Waxaan rabaa inaan waxooga iftiimin ah idinkala wadaago Arin ku saabsan Magaalada Xeebeeda Berbera iyo Maayarka Magaaladaas Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan (CIDIN). Magaalada berbera waa Magaalo aad u facweyn oo Taariikh badana leh oo aynaan halkan kusoo koobi karin, Balse Arintaas kagaba hadli maynee. Waxaan Mawduucan si qoto dheer ugaga hadli doonaa Mustaqbal Xumaanta iyo Nasiib dara soo wajahday Magaaladii berbera ee Somaliland u ahayd KINSIGA dahabka ah ee dhaqaalaheena laf dhabarta u ahayd. Akhriste ii ogolow inaad wakhti kooban ii raacdid Magaaladii berbera, ogow tagi mayno dalxiis iyo Tamashleyn ee waxaan doonayaa inaad Ila soo aragtid, Xaalka magaaladu ku sugan tahay hada, iyo inaan waliba kaaga sheekeeyo siday Berberi ahayd shan sano uun ka hor. Aan kaga bilaabee markaad maraysid XABAALO TUMAALOOD tuulada loo yaqaan oo Magaalada Galbeedkeeda dhacda masaafo gaadhaysa 25KM. Waxaad u galaysaa Dhul seesan oo oo lamiga ku teedsan, Seeskastaa waxaa ka kooban yahay Cabir dhan 100m oo dherer ah iyo 100m oo kale oo balac ah. Waxaad is odhanaysaa tolow meeshan ma beer ayaa laga dhigayaa, Waayo Dee maaha meel guri laga dhisan karo oo magaaladii waxay u jirtaa 25KM, waa guriga magaalada ugu soo xiga. Haddaad tahay qof ka yimid dhinaca Burco ama Sheekhna waxaad Seeska ugu soo galaysaa Tuulada loo yaqaano TUULO XAYAWAAN oo Koonfur kaga beegan berbera masaafo dhan 35KM. Waa sidii uun Sees aanay ishaadu dhinaciisa kale arkayn iyo Calaamad aad u aqoon sanaysid in dhulkani yahay arlo dad qayb sadeen oo mulkiyeen Lkn aanad garan karin waxaa loo isticmaalaayo. Hada wali magaalo kuuma dhawa oo meelna 25km ayaa xigta meelna 30KM ku dhawaad. Ila soco Akhriste, Oo waxii aad aragtid ama kaa yaabiya ama aad iswaydiisid, hadhaw markaynu berbera gaadhno iwaydii hada wax badan baa kuu hadhaye. Waxaad taqaanay marka magaalo intaas loo jiro ama laga baxo inaad aragtid laba mid uun. 1- dhul beeralay ah oo aan laga aqoon Sees ama jagooyin. 2- iyo Dhul Xoolo daaqeen ah oo Meesiyada lagu foofiyo oo la kala lahayn. Balse Berberi la mid maaha ee hala yaabin. Waxba hays waydiin Haddaad maqli jirtay Dhulka waxii magaalada ka baxsan 15KM, waxaa maamusha Wasaaradda Hawlaha guud, Berberi waxay haysataa sed bursigaas dheeraadka ah ee. Hays waydiin anigana hay Su’aalin goorta iyo xiliga uu dhulkani magaalo noqonaayo oo Berberi soo gaadhayso, waayo dee aniguba garan maayo, Jawaabta oo kuma dhaamo. Haddaad maqli jirtay dawlada hoose waxay dorshaysaa oo qaybisaa kolba Bagcada ku haboon inay magaalawdo, oo ay deegaamaysaa Tanna aad aragtay fadlan Hays mashquulin, Berbera waxaa lagu kala gatay Qiimo jabane. Hadda waxaynu soo gaadhnay berbera, waxaad joogtaa Halkay labada wado ku kulmaan SIIRO-GA. Haddaba Berbera aan kaaga sheekeeyo, immika waad I fahmaysaa, waayo 25KM iyo 30KM ayaynu Seesas Iyo Calaamado soo dhaafaynay, Waan garanayaa Su’aalaha kusoo haraatiyaaya ee I dhagayso, anniga si aad Sawirada Maskaxda kuugu jira aad ugu heshid Jawaabo aad ku fahanto. Aan Berbera kaaga bilaabo siday ahaan jirtay iyo siday tahay…. Lasoco qaybaha dambe…. isp.ahmed1@yahoo.com Source
  4. Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay tallaabo ku habboon ka qaadayso malayshiyaadka argagixisada ah ee amni-darrada ku haya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada Puntland ee Khamiista maanta ah ayaa lagu sheegay in dowladdu ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqa malayshiyaadka dhagar-qabayaasha ah ee dhibaatada ku haya shacabka degmada Boosaaso,islamarkaana tallaabo ku habboon laga qaadayo kooxaha nabad-diidka ah. Dhinaca kale dowladda Puntland ayaa si buuxda u bogaadisay heshiiskii taariikhiga ahaa ee lagu dhameeyay colaaddii u dhexaysay beelaha walaalaha ee ku dagaallamay degaanka Dhummay ee koonfurta gobolka Sool,kuwaasoo dhowaan lagu heshiisiiyay magaalada Jigjiga ee DDSI. Golaha xukuumadda Puntland ayaa u mahad-celiyay dowlad-degaanka Soomaalida iyo dhammaan isimadii ka hawlgalay nabadeynta beelaha walaalaha,waxaana xukuumaddu sheegtay in ay fulinayso kaalinta heshiiskan uga aaddan. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay tallaabo ku habboon ka qaadayso amniga Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Hargeysa)-Marka la eego xaaladaha siyaasadeed ee gobalka Geeska Afrika, waxa ay dad badani qabaan inay Somaliland baahi weyn u qabto qorshe siyaasadeed khaaraji oo culus oo lagu waajaho amuuraha gobalka ka taagan. Waxa dadka xidhiidhka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda aqoonta u lihi arkayaan in isbedelada xawaaraha ku socda ee gobalka uu ku soo kordhiyay Raysalwasaaraha Itoobiya ay saamayn ku yeelanayaan Somaliland iyo siyaasadeeda arrimaha dibadda. Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland soo maray oo uu ugu dambeeyo Madaxweyne Biixi oo talada Somaliland maanta hayaa, wuxuu mid waliba samaystay rag iyo haween gadhwadeen ka noqda siyaasadooda arrimaha dibadda oo ay u dabo fadhiistaan. Marxuum Cigaal Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa waxa raggii Wasiirada arrimaha dibadda uu u magacaabay waxa ka mid ahaa Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), oo caan ku ahaa albaabo badan oo uu u furay Somaliland mudadii uu xilka hayay. Intii uu Marxuum Fagadhe ahaa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa dalalkii uu safarka ku tagay ee uu Marxuum Cigaal madaxweynahooda waraaq ugu dhiibay ka mid ahaa dalka Ereteriya. Mudadii uu Marxuum Fagadhe hoggaaminayay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, waxa aasaasmay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Cabdixamiid Garaad Cabdiqani ayuu sidoo kale Marxuum Cigaal u magacaabay wasiirka arrimaha dibada Somaliland markii Soomaaliya dawladda loogu dhisay Djibouti oo uu madaxweyne ka noqday Cabdiqaasim Salaad Xasan. Sidoo kale Dr. Maxamed Siciid Gees ayuu haddana u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda oo xilkaas hayay tan iyo Markii uu Marxuum Cigaal Geeriyooday. Dr. Maxamed Siciid Gees waxa la aaminsanyahay inuu wasaaradda kaga tagay qoraalo badan oo Somaliland ku saabsan iyo qorshe uu u sameeyay xidhiidhka Somaliland ee arrimaha dibadda. Gees wuxuu sidoo kale dhisay xidhiidka Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah. Dr. Gees wuxuu ahaa gacanyarihii Marxuum Cigaal ee kobcsiyay siyaasadda arrimaha dibadda Smaliland. Marxuum Cigaal, wuxuu wasiirada arrimaha dibadda u magacaabay saddex masuul oo kala ahaa Fagadhe, Cabdixamiid iyo Gees. Rayaale Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, intii uu ahaa Madaxweynaha Somaliland waxa uu markii u horaysay wasiirka arrimaha dibadda u magacaabay Marwo Edna Aden Ismaaciil oo caan ku ah difaaca qaddiyadda Somaliland. Marwo Edna waxa ay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland ku soo kordhisay horumar, waxaanay gobalka Geeska Afrika ka ahayd haweenayda keliya ee hoggaaminaysa siyaasad arrimo dibadeed. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayuu markii dambe Madaxweyne Rayaale u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda. Wasiir Ducaale, wuxuu caan ku ahaa xidhiidho badan oo qaaradda Afrika iyo dalka Maraykanka ah oo uu Somaliland u soo xidhay. Waxa Wasiir Ducaale lagu xasuustaa dedaalkii uu u galay aqoonsi raadiska qaddiyadda Somaliland iyo sidii uu kor ugu qaaday wejiga Somaliland ee arrimaha dibadda. Wuxuu olole xoogan ku qaaday dalalka Afrika, waxaanay Somaliland gaadhay in qaddiyadeeda lagaga hadlo shirarka wasiirada dibadda ee Afrika. Mudadii uu ahaa wasiirka arrimaha dibadda waxa uu Midowga Afrika u soo diray Somaliland wefti xaqiiqo raadis ah oo markii dambe Midowga Afrika u gudbiyay xaqiiqadii ay ku arkeen Somaliland, iyagoo ku baaqay in la aqoonsado qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Daahir Rayaale, waxa kale oo xukuumadiisii ku jiray khubaro kale oo aqoon durugsan u leh arrimaha dibadda iyo diblomaasiyadda sida Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil). Sidaas daraadeed wuxuu Madaxweyne Rayaale haystay dhawr garab oo uu ku duuli jiray marka laga hadlayo siyaasadda arrimaha dibadda. Daahir Rayaale Kaahin, mudadii uu ahaa Madaxweynaha Somaliland wuxuu wasiirka arrimaha dibadda u magacaabay laba xubnood oo kala ahaa Edna Aden Ismaaciil iyo Cabdillaahi Maxamed Ducaale. Siilaanyo Madaxweyne Siilaanyo, markii uu talada qabtay wuxuu siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland madax uga dhigay Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo ahaa xoghayihii arrimaha dibadda ee xisbiga KULMIYE. Dr. Maxamed wuxuu ibo furay wada hadaladii siyaasadeed ee u horeeyay ee dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya iyagoo si toos ah uga wada hadlaya mustaqbalkooda siyaasadeed, caalamkuna dhex joogo. Wuxuu hirgeliyay in deeq bixiyayaasha reer galbeedku aasaasaan in mucaawinada Somaliland loo soo mariyo dariiq gaar ah, waana mashruuca (Special arrangement) ee ay dawladda Soomaaliya dhawaan dunida ka codsatay in la joojiyo, waxaana la aaminsanyahay inuu xidhiidh dhow la samaystay dawladda Ingiriiska, iyadoo uu mudadii uu ahaa wasiirka khaarajiga Siilaanyo la kulmay Raysalwasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron. Dr. Maxamed Biixi Yoonis, ayuu Axmed-siilaanyo markii dambe u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda, waxaanu Maxamed Biixi Yoonis oo dunida ku lahaa saaxiibo badan oo diblomaasiyadeed, lagu xasuustaa doorkii uu ka ciyaaray wada hadaladii u dambeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhexmaray Djibouti oo laga soo saaray qodobo hiil u ahaa Somaliland. Dr. Biixi oo ahaa aftahan wuxuu saaxiibo badan ku lahaa dalalka bariga Afrika, waxaanay saaxiibadaasi u fududayn jireen kulamo badan oo uu la qaatay madax badan. Hase yeeshee Wasiir Biixi Yoonis ayaa iska casilay xukuumadii Axmed Siilaanyo, waxaana markaas uu Siilaanyo wasiirka arrimaha dibadda u magacaabay Dr. Sacad Cali Shire oo intii uu wasiirka ahaa door muhiim ka ciyaaray arrimaha DP world iyo saldhiga ay UAE ka dhisanayso magaalada Berbera. Axmed Siilaanyo, waxa markaas mudadii uu hayay talada Somaliland uu wasaaradda arrimaha dibadda u magacaabay 3 Wasiir. Madaxweyne Biixi Sannadkan uu Madaxweyne Biixi hayay talada wuxuu marayaa wasiirkii labaad ee arrimaha dibadda. Wuxuu xilka hoggaaminta siyaasadda arrimaha dibadda u magacaabay markii uu talada qabtay Dr. Sacad Cali Shire. Wasiir Sacad, ayaa intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ilaa wakhtigii Siilaanyo waxa istaagay wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya. Sacad Cali Shire oo caan ku ah inuu nadiif ka yahay arrimaha musuqmaasuqa, wuxuu mudadii uu ahaa Wasiirka khaarajiga ee Madaxweyne Biixi warbaahin caalami ah ku qoray maqaalo ka hadlaya qadiyadda Somaliland. Laakiin shacabka iyo siyaasiyiinta ayaa muddooyinkii dambe aad u dhaliili jiray Wasiir Sacad, waxaanu ku soo beegmay wakhti adag oo ay gobalka Geeska Afrika ku soo kordheen isbedelo badan. Bishii hore ayuu laakiin Madaxweyne Biixi wuxuu wasiirka arrimaha dibadda u magacaabay Yaasiin Xaaji Faratoon oo hadda socdaal shaqo ku jooga dalka Maraykanka. Wasiir Faratoon oo uu rayul caamku aad uga horyimid marka la eego khibradiisa iyo awooda uu u leeyahay siyaasadda arrimaha dibadda, wuxuu la wareegay siyaasad khaaraji oo culayskeeda leh.. Gunaanad Si kasta ha ahaate Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, sannadkan uu hayay talada Somaliland wuxuu ku beegmay iyadoo ay gobalka ku soo kordheen siyaasado cusubi oo aan ka jirin markii ay talada hayeen madaxweynayaashii ka horeeyay. Waxa heshiiyay Itoobiya iyo Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya, oo samaystay dallad guud oo saamayn ku leh guud ahaan gobalka Geeska Afrika. Waxa markaas Madaxweyne Biixi looga baahanyahay inuu alifo siyaasad khaaraji oo waajahda isbedelada gobalka, sahan cusubna u baadi-goobta qaranka, waxaana la eegi doonaa halka uu u foofiyo siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland iyo sida uu uga dabaasho dabaylaha gobalka ka socda. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xariga maanta loo geystay Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ahaa musharax u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed. Qoraal kasoo baxay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa waxay si cad u sheegay inay ka xun yihiin xariga loo geystay Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa musharixiintii ugu horeysay ee is diiwaan geliyay. Ka sokow inay cambaareeyeen xariga waxay sheegeen inay Midowga Africa u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah doorka ciidamadooda ka jooga Baydhabo ay ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow. Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inay Muqdisho u keentay Mukhtaar Roobow labo arin. Hoos ka daawo qoraalka Xildhibaanada Baarlamaanka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal maanta ka dhacay magaalada Baydhabo kadib markii halkaas lagu xiray Musharrax Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ka dhashay xariga Abu Mansuur ay ku dhinteen sideed ruux, 10 kalana ay dhaawacyo soo gaareen. Khasaaraha nafeed ayaa yimid kaddib marki ay isku dhaceen ilaalada Mukhtaar Rooboow iyo taageerayaashiisa oo dhinac ah iyo ciidamada Itoobiyaanka ah ee ilaaliya xarunta madaxtooyada Baydhabo. Wararka ayaa sheegaya in wali laga maqlayo gudaha Baydhabo dhawaqa rasaas teel teel ah, sidoo kalana xaaladda magaalada ay tahay mid kacsan. Magaalada Baydhabo waxaa aad u buux dhaafiyey ciidamo la sheegay in Roobow ay taageersan yihiin, waxayna taasi keentay in ciidamada Itoobiya ay banaanka usoo saaraan Taangiyo, welibana bartamaha magaalada ay difaacyo ka xirtaan. Shacabka ayaa bilaabay iney aadaan meel walbo oo ay kaga gamban karaan rasaasta, mana jirto waan waan socota. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Ol’ole ballaaran oo qashinka loooga nadiifinayo xaafadaha magaalada iyo xeryaha bara-kacayaasha ee ku xeeran, ayaa laga bilaabay caasumadda dowladda Puntland ee Garoowe. Ol’olaha oo mudda saddex maalmood ah soconaya ayaa waxaa maal-gelinaya mashruuca SHF(Somali humanitarian Fund),waxaana fulinaysa hay’adda World Vision oo kaashanaysa dowladda hoose ee degmada Garoowe. Ol’olahan ayaa ku jihaysan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda degaanka, si bulshada looga badbaadiyo dhibaatada caafimaad ee ka dhalata qashinka iyo wasakhda,islamarkaana loo helo degaan nadiif ah oo lagu noolaan karo. Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada dowladda hoose ee degmada Garoowe,Cabdirashiid Ciise Wayaale(Dabayla-qore) oo halkaasi saxaafadda kula hadlay, ayaa bulshada ku dhaqan caasumadda iyo nawaaxigeeda ugu baaqay in laga wada-shaqeeyo ilaalinta nadaafadda iyo bilicda degaanka. Sidoo kale Cabdirashiid Axmed Cilmi iyo Sacdiyo Xuseen Xassan oo ka socday hay’adda World Vision oo fulinaysay ol’olahan, ayaa si wadajir ah u sheegay in looga golleeyahay suulinta qashinka iyo ilaalinta nadaafadda degaanka ee as’aaska u ah caafimaadka bulshada. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Garoowe: Ol’ole ballaaran oo lagu nadiifinayo caasumadda iyo nawaaxigeeda appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Brusseels)-Xildhibaan James Carver oo ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub isla markaana laga soo doortay gobolka West Midlands ee UK ayaa hadlay taageerada uu la garab taagan yahay Somaliland. James Carver wuxuu Magaalada Brusseels ee dalka Biljam ku soo dhaweeyey weftigii uu Hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici). Siday werisay Wakaallada Wararka ee SOLNA, Xildhibaanka oo muddo dheer taageere u ahaa dedaalka aqoonsi raadinta Somaliland, ayaa shabakadiisa ku baahiyey inay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici ka wada hadleen caqabadaha haysta dimuqraadiyada Somaliland. Waxaanu intaas ku daray in farriintiisu ahayd sidii doorashada baarlamaanka Somaliland u hirgeli laheyd. Xildhibaan James Carver, wuxuu intaas raaciyey in Somaliland halbowle u tahay ammaanka Gobolka Geeska Afrika, sidaas darteedna ay sii wadayaan sidii ay taageero ugu raadin lahaayeen dedaalka Somaliland ee ku wajahan la dagaalka xagjirnimada. Source
  10. Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka doorashada iyaga oo go’aamiyey in doorashada madaxtinnimada dhaceyso 19-ka December 2018. Arrintan waxaa ay imaaneysaa kadib markii la xiray Mukhtaar Roobow oo ka tirsanaa murashaxiinta ugu cad-cad doorashada. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka walaacsaneyd musharaxnimada Mukhtaar Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, taasi oo u muuqata hadda inay meesha ka baxday kadib markii ay gacanta kusoo dhigeen Roobow. Taageereyaasha Roobow iyo qaar ka mid ah fallanqeeyeyaasha siyaasadda waxa ay qabaan in dowladda ay wal wal ka qabtay taageeradiisa ku xoogeysaneysa qabiilka Raxanweyn oo hogaamin karta in uu uga guuleysto doorashada. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka guddiga doorashada.
  11. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa si kulul uga hadlay xarigii loo geeystay Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in la iskala xisaabtami doono dhibaatadii ka dhacday Baydhabo iyo xarigii Musharaxa madaxweynaha Koonfur Galbeed Muqtaar Rooboow. “Waan kula xisabtameynaa cidii laheyd qaladkii ka dhacay Baydhabo,laakin waxaan ku baaqayaa in xaalada Magalada Baydhabo la dejiyo oo dagaal kale uusan ka dhicin.” ayuu yiri gudoomiyaha. Ciidamada dowlada Itoobiya ayaa xiray maanta Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ugu dambeeyntii la keenay Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiyaha Baarlamaanka oo si kulul uga hadlay xiritaankii Muqtaar Rooboow appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa waxaa uu ka Hadley muddo kordhinta uu gudoomiyaha guurtida Somaliland sheegay in loo sameyn doono golleyaasha wakiillada iyo deegaanka. Maxamed Xaashi waxaa uu sheegay in Gudoomiye Saleeban aanu jirin gole sharci ah oo u guddoomiye u yahay kadib markii ay wada dhinteen badanka xildhibaanadii la soo xulay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray jadwalka doorashada maamulkaasi Koonfur Galbeed. Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in maalinta Arbacada ah oo ku Beegan 19-Decembar ay dhici doonta doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi. Soo bandhigida Jadwalka doorashada ayaa ku soo beegmeeysa xili maanta la xiray musharaxa madaxweynaha Koonfur Galbeed Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Guddiga doorashooyinka K/Galeed oo soo saaray xiliga ay dhaceeyso doorashada appeared first on Puntland Post.
  14. Guddiga doorashada maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka doorashada iyaga oo go’aamiyey in doorashada madaxtinnimada dhaceyso 19-ka December 2018. Arrintan waxaa ay imaaneysaa kadib markii la xiray Mukhtaar Roobow oo ka tirsanaa murashaxiinta ugu cad-cad doorashada. Roobow oo Muqdisho la keenay ayaa dowladda federaalka ah isku dhiibay August sanadkii hore, waxaana xusid mudan in October 4, 2018 markii ay Baydhabo tagayey isaga oo murashax ah ay horay u galbiyeen ciidamada ka tirsan dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Madaxweyne , Isaias Afwerki oo maanta Heshiis DAHSOON ka Saxiixaya Farmaajo. Waxaa wax lala yaabo ah Imaanshiyaha Madaxweynaha Ereteriya ee Muqdisho ee waqtigan Xaadirka ah oo Dalku ku jiro qalalaase Siyaasadeed iyo mid Dastuuri ah, oo ay kala fadhiyaan Madaxdii iyo Hay’adihii Sharciga ahaa ee Dalka taladiisu ka go’aysay. Madaxweyne Isaias Afawerki waxaa looga bartay colaad oogista Somalida dhexdooda isagoo ku Caan baxay in uu Hubka isugu dhiibo Dadka Somaliyeed ee walaalaha ah. Maanta waxaa Muuqato in uu ka saxeexayo FARMAAJO , oo Saaran SARIIRTII Mooshinka Xil ka Qaadista, Heshiis Halis ah oo Dahsoon, oo khatar u Horseedaya Somalia. Ali Mahamed Waranade Qaran News
  16. Dooxa ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa magaalada Dooxa kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani. Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo dhiggiisa Qatar, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah. Ra’iisul wasaaraha Qatar ahna wasiirka arrimaha gudaha, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani, ayaa kulanka ka sheegay in ay ka go’antahay adkayna xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Qatar waxa uu ka qayb gelayaa shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo ay kasoo qayb gelayaan madax ka socota wadammo kala duwan. The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Dhiggiisa Qatar appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Qoraalkaas ayaa u qornaa sida: Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo tixraacaysa War-saxaafadeedyadii hore uga soo baxay bishii October 04,dii 2018ka iyo 12ka December 2018ka, ee ku salaysnaa in aan muwaadin Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin shuruudihii ku xirnaa iyo heshiisyadii lala galay dowladda si looga qaado dhamaan cuna qabatayntii saarnayd. Shuruudahaas oo ay ka mid ahaayeen; In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed. In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah. Wasaaradda Amnigu iyadoo gudanaysa waajibaadeekda dastuuriga ah, waxay dadaal dheer u gashay sidii Roobow Loogu qancin lahaa in uu dib uga fiirsado talaabooyinka uu kaga hor imaanayo dhamaan shuruudihii lala galay ee ku salaysnaa xasiloonada, kala dambaynta iyo nidaamka dowladnimada. Nasiib darro, wuxuu billaabay inuu soo geliyo hub iyo dagaalyahanno magaalada Baydhabo, wuxuuna abaabulayey ciidan uu ugu talo galay handadaad iyo khalkhalgelin ka dhan ah amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada baydhabo, taas oo muujinaysa in aanu Mukhtaar Rooboow marnaba ka tanaasulin fikirkiisii xag-jirnimada ahaa diyaarna u yayahay in uu mar kale dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed. Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Roobow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho ( Sh. M. Network )-War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay Xarigga Sheekh Muqtaar Roobow Cali. War-saxafadeedka ayaa u qornaa sida tan:- Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo tixraacaysa War-saxaafadeedyadii hore uga soo baxay bishii October 04,dii 2018ka iyo 12ka December 2018ka, ee ku salaysnaa in aan muwaadin Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin shuruudihii ku xirnaa iyo heshiisyadii lala galay dowladda si looga qaado dhamaan cuna qabatayntii saarnayd. Shuruudahaas oo ay ka mid ahaayeen; In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed. In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah. Wasaaradda Amnigu iyadoo gudanaysa waajibaadeekda dastuuriga ah, waxay dadaal dheer u gashay sidii Roobow Loogu qancin lahaa in uu dib uga fiirsado talaabooyinka uu kaga hor imaanayo dhamaan shuruudihii lala galay ee ku salaysnaa xasiloonada, kala dambaynta iyo nidaamka dowladnimada. Nasiib darro, wuxuu billaabay inuu soo geliyo hub iyo dagaalyahanno magaalada Baydhabo, wuxuuna abaabulayey ciidan uu ugu talo galay handadaad iyo khalkhalgelin ka dhan ah amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada baydhabo, taas oo muujinaysa in aanu Mukhtaar Rooboow marnaba ka tanaasulin fikirkiisii xag-jirnimada ahaa diyaarna u yayahay in uu mar kale dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed. Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Roobow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow. The post XFS Oo war ka soo saartay Xarigga Muqtaar Roobow appeared first on Shabelle. View the full article
  19. High tension is reported in Baidoa, the interim capital of southwest state after Ethiopian troops in the town allegedly arrested former Al-Shabaab deputy leader, Mukhtar Robow Abu Mansur. Abu Mansour was said to have been detained on Thursday morning though it is not immediately clear the reason behind his detention. Sources close to the former Alshabaab leader who is also among state presidential candidates running for the elections slated for 19th of this month said he was tortured before the arrest. Communication lines are cut off as sounds of gunfire and violent demonstration is reportedly staged by residents to demanding for his release. Robow was flown from Baidoa to Somalia’s capital, Mogadishu. The post Tension in Baidoa as Ethiopian troops arrest Presidential candidate appeared first on Shabelle. View the full article
  20. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee xukuumadda Soomaaliya oo looga hadlay Xarigga Muqtaar Roobow oo soo gaaray Warbaahinta Qaranka ayaa u [...] Source
  21. Dowlada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xariga Sh Muqtaar Rooboow Cali Mansuur. War ka soo baxay wasaara Amniga ayaa arintaasi looga hadlay. Hoos ka aqriso qoraalka ay soi saartay wasaarda Amniga. Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo tixraacaysa War-saxaafadeedyadii hore uga soo baxay bishii October 04,dii 2018ka iyo 12ka December 2018ka, ee ku salaysnaa in aan muwaadin Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin shuruudihii ku xirnaa iyo heshiisyadii lala galay dowladda si looga qaado dhamaan cuna qabatayntii saarnayd. Shuruudahaas oo ay ka mid ahaayeen; In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed. In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah. Wasaaradda Amnigu iyadoo gudanaysa waajibaadeekda dastuuriga ah, waxay dadaal dheer u gashay sidii Roobow Loogu qancin lahaa in uu dib uga fiirsado talaabooyinka uu kaga hor imaanayo dhamaan shuruudihii lala galay ee ku salaysnaa xasiloonada, kala dambaynta iyo nidaamka dowladnimada. Nasiib darro, wuxuu billaabay inuu soo geliyo hub iyo dagaalyahanno magaalada Baydhabo, wuxuuna abaabulayey ciidan uu ugu talo galay handadaad iyo khalkhalgelin ka dhan ah amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada baydhabo, taas oo muujinaysa in aanu Mukhtaar Rooboow marnaba ka tanaasulin fikirkiisii xag-jirnimada ahaa diyaarna u yayahay in uu mar kale dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed. Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Roobow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay xariga Abuu Mansuur appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (PP) ─ Diyaarad qaas ah oo wadday Mukhtaar Roobow Cali oo loo yaqaan [Abu-Mansur] oo maanta lagu xiray magaalada Baydhabo ayaa kasoo dagtay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Abu-Mansur ay wadeen ciidammo Somali ah oo ay wehliyayeen kuwa Itoobiya, iyadoo aan la ogeyn halka loo qaaday kaddib markii laga bixiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa barqonimadii maanta ka qabtay Sheekh Abu-Mansuur madaxtooyada Baydhabo, halkaasoo dhamaan musharraxiinta looga yeeray, kaddibna laga reebtay. Illaa hadda hay’adaha amniga Dowladda Somalia iyo kuwa Koonfur-galbeed kama aysan hadlin sababta ka dambeysa xariga wadaadkan oo sanadkii hore isku soo dhiibay Dowladda Somalia, kaddib markii uu kasoo goostay Kooxda Al-shabaab. Sheekh Roobow ayaa wuxuu ka mid ahaa musharraxiinta xilka madaxnimo ee maamulka Koonfur-galbeed oo lagu wado inuu toddobaadka soo socda ka dhacdo Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed. Roobow ayaa waxaa la guddoonsiiyay shahaadaha tartanka doorashada ka dhacaysa Baydhabo, balse Dowladda Somalia ayaa la sheegay inay cadaadis ku haysay tan iyo markii uu xilka isku taagay, cadaadiskaas oo ahaa inuu ka tanaasulo doorashada maamulkan. Xarigga Sheekh Abu-Mansur ayaa ka rabshado ka qarxiyay Baydhabo, iyadoo waddooyinka waaweyn ee magaaladaas lagu arkayo ciidammo aad u hubeysan, meelaha qaarkoodna ay ka dhacayso rasaas goos-goos ah. Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Koonfur-galbeed ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo xarigga loo geystay Abu-mansur, waxaana sidoo kale hay’adaha amniga ee Muqdisho ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan keenista wadaadkan iyo halka lagu hayo. PUNTLAND POST The post Ciidammo gaar ah oo Mukhtaar Roobow Cali keenay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo ahaa musharax u taagnaa xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Roobow la xiray kadib markii uu jebiyey laba qodob oo horey lagula heshiiyey, kuwaas oo kala ahaa:- In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed. In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah. Dowladda ayaa sidoo kale ku eedeysay Roobow “Inuu billaabay inuu soo geliyo hub iyo dagaalyahanno magaalada Baydhabo, wuxuuna abaabulayey ciidan uu ugu talo galay handadaad iyo khalkhalgelin ka dhan ah amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada baydhabo, taas oo muujinaysa in aanu Mukhtaar Rooboow marnaba ka tanaasulin fikirkiisii xag-jirnimada ahaa diyaarna u yayahay in uu mar kale dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed” Wasaaradda ayaa tiri “Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Roobow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Garissa ( Sh. M. Network )-Dowladda Kenya ayaa Ciidamo hor leh oo gaaraya illaa iyo 690 Askari oo ka mid ah Ciidankeeda Keydka u soo daad gureysay Xadka Soomaaliya. Taliyaha Ciidamada Booliska magaalada Garissa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Joshua Chepchieng ayaa sheegay in Ciidamadani loo kala qeybin daoono deegaanada halista ugu jira weerarada Al Shabaab. Waxaana uu intaasi ku daray in ay u howlgali doonan sidii ay Al Shabaab uga saari lahaayeen meelaha ay ku sugan yihiin ee dhaca xadka labada dal. Al Shabab hurdo la’ aan ayey ku rideen Ciidamadeena ku sugan xadka, si aan nabad u helno waa inaan xoojinaa ammaanka. ayuu Mr Joshua taliyaha Booliska Garissa. Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli Kenya looga dabaldagayo 55 sano guuradii ka soo wareegtay markii ay Xornimada ka qaatay dalka Ingiriiska. The post Kenya Oo Ciidamo soo dhoobtay Xadka Somalia appeared first on Shabelle. View the full article