Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Afgooye (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay fal dil ah. Dilka ayaa loo geystay labo kamid ah askarta ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan, iyo qof shacab ahaa, oo la sheegay inay Dumar ahayd. Askarta ayaa xiliga la dilayay ku sugnaa Suuqa Khudaarta ee degmada Afgooye, waxaa ku mashquulsanaayeen qaadista Canshuurta. Dableydii falka ka dambeysay ayaa meesha ay wax ka dhaceen isaga baxsatay wax-yar kadib markii ay toogashada geysteen. Laamaha amniga ee dowlada Soomaaliya oo meesha ay wax ka dhaceen soo gaarey ayaa qaaday howlgalo baaris ah. Ma cadda hadii ay jiraan shaqsiyaad lagu soo qabtay howlgaladaasi xili aaney jirin illaa iyo haatan cid dhabarka saaratay mas’uuliyada dilalkani. The post Askar ka tirsan ciidanka DFS oo lagu toogtay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Dadkan reer soomaaliya ee maanta laga fadhiyi la’yahay ee meel walba la taagan soomaali weyn baanu doonaynnaa iyo Somaalilaan yaanay naga tagin, waxay ahaayeen dadkuu ugu necbaa ama ugu yaraan aan dank a lahayn in shanti soomaaliyeen meel iskugu yimaaddaan. Fikradda soomaali weyn waxa markii u horraysay 1948kii ka dhawaajiyay wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska ee wakhtigaasi oo la odhan jiray Ernest Bevein. Bevin ayaa shirkii qaramada midoobay ee isla sannadkaa ka soo jeediyey talo ah in loo ogolaado dawladda Ingiriiska inay dhulka ay degan yihiin Soomaalidu uu hoos yimaado gumeysigii Ingiriiska, maadaama oo ay gacanta ku hayaan afar qaybood oo Soomaali degto. Wakhtigan wuxuu Ingiriisku gacanta ku hayey Soomaaliya oo uu ka qabsaday Talyaaniga, Soomaalida Kiiniya, Soomaalida Itoobiya iyo Soomaalilaan oo hal meel laga maamulo. Arrintaasi uu soo jeediyey wasiirku waxa markiiba ganafka ku dhuftay dawladdii Midowga Soofiyadka, oo Igiriiska ku eedeesayey in uu ballaadhsanayo dalalka uu gumeysto. Dabadeed Qaramada Midoobay ayaa oggolaatay in guddi ka kooban afar dawladood ay tagaan Muqdisho, si ay u soo ogaadaan waxa ay dadka Soomaalidu rabaan. Kulannadii Ay Guddidu La Yeeshay Soomaalida Guddigii ay soo direen Qaramada Midoobay ayaa u ambabaxay dhinacaa iyo magaalada Muqdisho , waana fursaddii ugu fiicnayd ee soo marta dadka af-soomaaliga ku hadla ee deggan geeska afrika. Weftigii ayaa ka degay Muqdisho, waxaana loo diyaariyey inay la kulmaan weftiyo ka kala socda meelaha ay Soomaalidu degto, sida Soomaaliya, Soomaalilaan iyo Soomaalida Itoobiya, balse waxa weftiyada laga reebay Soomaalilaan iyo Soomaalida Kiiniya. Xubnaha weftiga Soomaalilaan ka socday waxa ay ahaayeen, Ismaaciil Naxar, Dubbde Cali-yare, Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye, Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye iyo Suldaan Maxamed Suldaan Faarax. Weftigii Soomaalilaan ka socday waxa markiiba u muuqatay in aanay siyaasyiinta Soomaaliya dan ka lahayn fikirka Soomaaliweyn. Cabdilaahi Ciise iyo xisbigii SYL ayaa kulan la yeeshay weftigii qiimaynt Soomaaliweyn, waxa aanay u sheegeen inay doonayaan in dawladnimadooda la siiyo sida Liibiya. Weftigii ka socday Soomaalida Itoobiya oo uu hogaaminaayey Maqtal Aw Daahir waxa ay weftiga u sheegeen inay doonayaan inay ku sii hoos jiraan Boqor Xayle Salaase xukunkiisa. Weftigii ka socday xisbigii Digil iyo Midhifle oo uu hogaaminaayey Cabdiqaadir Soobe waxa ay weftigii u sheegeen inay doonayaan in maamul gaar ah la siiyo, oo Soomaalida kale aanay waxba la qaybsan. Weftigii ka socday Qaramada Midoobay ee ka koobnaa afarta dawladood ayaa dib ugu laabtay magaalada NEW YORK, iyaga oo ku qancay in Soomaaliya iyo Soomaalida Itoobiya aanay haba yaratee doonayn ama aanay dan ka lahayn Soomaaliweyn. Wixii intaasi ka dambeeyey Ingiriisku wuxuu qaaday tallaabooyin uu kaga hor imanaayo danaha Soomaalida Geeska Afrika. Sidoo kale dawladaha reer Galbeedku may oggolayn damaca Soomaaliweyn, iyaga oo ka cabsi qabay inay xasillooni-darro ku abuuri karto geeska Afrika. Tallaabooyinka Ingiriisku uu kaga horyimid danaha Soomaalida waxa ka mid ahaa markii uu wareejiyey dhulkii” HAWD and RESERVE AREA” una gacan geliyey Boqor Xayle Salaase, dhinaca Soomaalida Kiiniya wuxuu ka qaaday afti, waxa aanay u codeeyeen inay 80% raacaan Soomaali, balse wuxuu raaciyey Kiiniya. Siyaasiyiinta Soomaaliya may aaminsanayn fikirka Soomaaliweyn, balse riyada Soomaaliweyn waxa ay ka dhiman weyday dhinaca abwaanada iyo dadweynaha kale. Waxa sidoo kale fikirka Soomaaliweyn aaminsanaa shacabka ku nool Soomaalilaan iyo Soomaalida ku nool Kiiniya. Siduu Soomaalilaan ku soo galay dareenka Soomaaliweyn? Sida uu madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal laga hayo dabaysha soomali weyn waxa somaali laan keenay oo u sabab ahaa laba muwaaddin: Marxuum Ismaaciil Naxar iyo Marxuum Cumar Maxamed Cabdiraxamaan(Cumar dheere). Ismaaciil naxar waxa uu ahaa nin ganacsade ah oo somalilaan u dhashay balse ganacsiyo waaweyn ku lahaa Somaaliya, waxaanay shuraako ahaayeen marxuum Ina Uun laaye oo ahaa ganacsade reer Xamar ah iyaga oo wada lahaa shirkad gaadiid waqtigii dalwadda Ingiriisku ay wada xukumi jirtay dalalka geeska afrika kadib dagaalkii labaad iyaga oo gaadkiidkoodu u kala gooshi jiray dhulkaas weyn. Ismaaciil naxar waxa uu u guuray Xamar markii la kala jaray mustacmaraddii boqortooyada midowday(UK) ee geeska Afrika, waxaana soo baxay hadal hays ah “ Hargeysaay Ina Naxar ba kaa socoy!” waxa uu dib u soo noqday markii xornimaa Soomaaliya soo dhawaatay, isaga oo u ololaynaya soomali weyn waayo maslaxaddiisa ayaa uu ka dhex arkay iyo in ganacsigiisu sii kobco Cumar Maxamed Cabdiraxmaan (Cumar dheere), isagu waxa uu ahaa macallin afka carabiga ku gabya oo raad weyn ku lahaa dadka wax bartay, wakhtigaas oo afka carabiga aad loo jeclaana waa la xiisayn jiray gabayadiisa iyo heesaha Soodaaniga ah. Wakhtigaa waxa Somaliland ka jiray saddex Xisbi oo kala ahaa NUF(National United front), SNL( Somali National League) iyo USP( United Somali Party) oo ku tartamayay ololaha soomaali weyn. Sannadkii 1964kii ayaa Cumar dheere, oo ka soo jeeday kililka shanaad ee Itoobiya laga doortay Hargeysa xisbi la odhan jiray oo uu ka mid noqday Baarmaankii Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu yidhi: ‘labada nin markay noo yimaaddeen ayaa Jibbadan Soomaali-weyn dadkii gashay oo ay na jiidhay’. C/raxmaan Hayaan. cbdrxmngeni@gmail.com Tixraac. Danjire Xuseen Cali Ducaale” Cawil”…….Raad-Raac Taariikh Soomaaliyeed(2016). “Maxamed Siciid Gees” Dharaaro Xuusuustood. Source
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Odayaasha Dhaqanka Iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan ayaa baaq nabadeed kasoo saarey dagaalada dib uga qarxay degaano hoos-yimaada gobolada Galgaduud iyo Hiiraan. Dagaalada oo khasaarooyin sababay una udhaxeeya Beelo walaalo ah ayaa ka kala taagan tuulada Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud iyo degaano hoos-yimaada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan, Cabdinuur Axmed Maxamed [Diiriye], oo uwaraamay idaacada Shabelle, ayaa ku baaqay in dagaaladda si deg deg loo joojiyo. Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay udirto degaanadaasi wafdi ukala dab-qaada Beelahaasi ay dirirto dhextaalo. Odayaasha Soomaaliyeed ayuu Afhayeenka daboolka ka qaaday inay aad uga xun yihiin inuu si macno darro ah ku daato Dhiig Soomaaliyeed. Baaqa kasoo yeeray Odayaasha Dhaqanka Iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan ayaa imaanaya iyadda aanan wali xal laga gaarin waxyaabaha dhaliyay dagaalada oo ah Dhul-daaqsimeed ay isku haystaan. The post Waxgarad baaq kasoo saarey dagaalada Gaglgaduud iyo Hiiran appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Hargaysa) Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu Iftiiminayaa inaanu ka qayb galayn shirka Qaran ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ku dhawaaqday inay u qabanayso Warbaahinta Somaliland 29-30-ka bishan December oo ku beegan Sabtida iyo Axada toddobaadkan soo socda. Ururka SOLJA, isagoo metelaya Saxaafadda Somaliland waxa uu u arkaa shirkaasi inaanu ka turjumayn ujeeddada ay wasaaraddu ugu magac dartay maadaama sida ka muuqata Jadwalka shirkaasi uu yahay uun mid wasaaraddu ugu yeedhinayso ka soo qayb galayaasha wax ay soo qorshaysay ee aan fursad loo siinaynin Daneeyayaasha Saxaafadda inay aragtidooda ka dhiibtaan shirka. Ururka SOLJA, waxa uu arkaa inaanu shirkani xal keenayn inta Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu ku dirqiyayo inay yeelaan saxaafadda Somaliland waxa uu doonayo ee aanu tixgalinayn xuquuqda Dastuuriga ah. Ururka SOLJA waxa uu soo jeedinayaa shirkan inay ka horeeyaan Qorshayaal farabadan oo kaga maqan saxaafadda dhinaca Xukuumadda, kuwaas oo u baahan inay Xukuumaddu fuliso. Sidaas daraadeed; Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu usoo jeedinayaa Madaxweynaha Qaranka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uu wax ka qabto Cabashada iyo duruufaha Saxaafadda Somaliland haysta ee aanay Wasaaradda Warfaafintu waxba ka qaban karayn. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) Source
  5. (SLT-London)Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelintu waxa muuqata in aanu xogogaal u ahayn warbaahinta madaxabannaan iyo waayaheeda. Waayo ma aanu barbardhigeen wadhato suuqa wax ku iibisa oo kharashka joogtada ah ee ka baxaa ka yar yahay kharashka ka baxa TV marka la eego waxsoosaarka labada meheradood iyo kharashyada baxa. TV-yadu waxa ay bixiyaan lacago badan oo joogto ah oo mararka qaarkood xilliyada qaar kabitaan u baahda sida: Airtime qaali ah (satellite) Kiro guri oo aan sahlanayn Laydh, biyo iyo internet Lacag shaqaale oo ah (mushahaaro ama khidmad) Qalab si joogta ah dayactir ugu baahan Shiidaal iyo stationary joogto ah iwm Sidaas oo ay tahay ilaha kharashku ka soo galaa ma badna. Xayaysiis aan badnayn, la iskuna hallayn karin Wararka oo qaar lacag yar laga qaado Barnaaminyo aan badnayn oo maalgelin hela iwm. Marka aan kaashado waayo-aragnimadayda muddo aan ka soo shaqeeyey TV madaxbannaan, sida ay isku bixiyaan waa “feedh iyo harraati”. Waxa kale oo jirta in dhaqaalaha waddanku hoos u dhac weyn sameeyey muddooyinkii dambe, sicir-bararkiina uu halkiisii yahay. Taasi waxa ay keentay kalsooni-darro soo foodsaartay dhaqdhaqaaqii suuqa iyo wareeggii lacagta markii dadkii wax iibsanayey yaraadeen. Marka ay sidaas tahay, waa hubaal in aanay TV-yadu qaadi karin cashuuro xaf-dhaaf ah oo lagu soo rogo. Ma lihi yaan cashuur laga qaadin, hase yeeshee waa in cashuurta laga qaadayaa aanay ku keenin culays geyeysiiya in TV badani xidhmaan. Warbaahinta madaxabannaani uma baahna ka takhalus dadban, wax se ay u baahan tahay xeerar dhiqi kara iyo tayayn waxsoosaar. Fiiro Gaar ah: ogow iminkaba uma shaqeeyo warbaahinta madaxabannaan iyo ta aan madaxabannaanaynba’e. Source
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa soo dhaweysay isbedal uu Taliyaha ciidanka xooga dalka sameeyay. Maxamed Xasan Daahir, oo kamid ah ciidamada xooga ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku tilmaamay isbedalka mid muhiim u ah gulufka Al-Shabaab. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay inay sii dar-dargelin doonan dagaalka ka dhanka ah ee Al-Shabaab ee guud ahaan dalka ka socda. Dhinaca kale, Maxamed Xasan Daahir ayaa ka hadlay howlgalo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Waxa uu sheegay in howlgaladaasi ay guulo la taaban karo ay ka gaareen ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Shalay ayey ahayd markii digreeto kasoo baxda xafiiska Taliyaha ciidamada xooga dalka, Jenaraal Indha-qarshe, uu isku shaadhayn ku sameeyay qaybaha kala duwan ee milatariga dalka. Hoos ka akhriso wareegtadda The post Isbedal lagu sameeyay ciidanka xooga oo lasoo dhaweeyay appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-28122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Digteero ka soo baxday Taliyaha ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa isbadal loogu sameeyay Taliska ciidamada Milatariga Soomaaliya. General Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe ayaa isbadal ku sameeyay talisyada kala duwan ee hogaamisa ciidmada. Isbadalkaan ayaa lagu sheegay in uu yahay mid la doonayo in dalka looga saaro Al-Shabaab. Ciidamada Milatariga ayaa isku diyaarinaya howlgal culus oo lagu qaado Al-Shabaab. Hoos ka Aqriso. Xasan Maxamed Samatar Cowke. Puntand Post Muqdisho The post Isbadal lagu sameeyay taliska ciidamada Milatariga Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  9. Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha Maamulka Punland ayaa sameeyay qorshe cajiib ah oo uu kaga hortagi karo in dhaqaalo la geeyo magaalooyinka Puntland, isaga oo cabsida ugu badan ka qabo dowladda Soomaaliya. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu sameeyay qorshe uu ciidamo cusub ku dhigayo dhamaan magaalooyinka leh garoomada diyaaradaha, isaga oo og in dhaqaalaha badan aan dhulka la marsiin karin. Ciidamada ugu badan ayaa la geeyay magaalada Boosaaso oo uu ku yaalo garoon diyaaradeed caalami ah oo laga hergeliyay magaalada, waxaana la doonayaa inay ka hortagaan in lacag cadaan ah laga soo dajiyo garoonka, kadibna dhulka la marsiiyo. Ciidamada ayaa hadda la geeyay garoomada diyaaradaha ee Boosaaso iyo Garowe, waxaana ciidamada ugu badan ay joogaan magaalada Boosaaso, iyadoo dadka lagu qanciyay inay amaanka xaqiijin doonaan. Siddeeda bisha soo socoto ee Janaayo ayaa la qorsheynayaa inay dhacdo doorashada madaxweynaha Puntland, waxaana hadda muuqan saameyn dowladda Soomaaliya ay ku leedahay arimaha doorashooyinka, walow mar walbaa wax isbadali karaan. Bilowga bisha soo socota waxaa dhici doona doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, waxaana xigi doona doorashada madaxweynaha Puntland oo inka badan 20 musharax ay u taagan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ahaa xoghiyihii hore ee guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya, oo dhowaan laga saaray, ayaa qoraal uu soo dhigay facebook faah-faahin uga bixiyey sida xukuumadda Kheyre ay ugu guuleysatay inay gacanta ku dhigto guddiga. Akhriso qoraalka Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur BISMILAAH, Waxaan rabaa in aan halkaan kula wadaago Shacabka Soomaaliyeed si kooban arimaha la xariira Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka sida:- 1. Shaqada Guddiga 2. Khilaafka la sheegay ee ka dhex jiray guddiga 3. Sharciyadda guddonka guddiga iyo habraaca gudoonka guddiga lagu bedeli karo 4. Sida dhabta ah ee ay wax dheceen iyo waxa ka dhalan kara 5. Aragtiydada gaarka ah Shaqada Guddiga: Guddiga maaliayada shaqadiisu si kooban waa diyaarinta iyo horkeenida golaha shacabka shuruucda la xariirta arimaha maaliyada, Korjoogtaynta iyo la xisaabtanka maaliyadeed ee hay’adaha dowlada. Khilaafka la sheegay: Khilaafku waxaa uu ahaa mid ay xukuumadu abuurtay ee marna majirin wax khliaaf ah oo si dabiici ah ugu dhex jiray, sababaha ay xukuumadu guddiga khilaafka uga dhax abuurtana waxaa ay ahayd in ay baabi’iso jiritaanka guddiga maadaama aysan diyaar u ahayn isla xisaabtan. Sharciyadda guddonka guddiga iyo haraaca gudoonka guddiga lagu bedeli karo waa sida tan: Sida ku cad qodobka 58aad, farqadiisa 4aad, 5aad iyo 6aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka, gudoonka gudiyada waxa uu xilka ku wayn karaa: 1. Istiqaalo qoraal ah. 2. Haddii uu dhinto. 3. Haddii ay ku timaado xil gudasho la’aan joogto ah ama uu si joogto ah uga maqnaado kulammada gudiga. 4. Guddiguna waxaa uu arrinkaas ku wargalinayaa guddoomiyaha Golaha si ay u doortaan gudoon cusub. Hadaba waxaa xaqiiqa ah sababaha sare ku xusan in aan midna dhicin. Sida ay wax u dhaceen iyo waxa ka dhalan kara: Muda sanad ka hor ah ayey xukuumada bilowday in ay dhibsato guddiga maaliyadda sababa la xariira arimaha isla xisaabtanka iyo qabashada doodadaha dhagaysiga dadweynaha ee miisaaniyadda iyo shuruucda la xariirta maaliyada, waxaa ay marar kala duwan shirar gaar gaar ah naga dalbadeen balse marna ma aqbalin in nalaga weeciyo shaqadi aan u dhaaranay wakiilkana uga ahayn golaha shacabka, waxaa ay xukuumadu juhdi badan ku bixisay in guddiga shaqadiisa la car qaladeeyo ugu danbayna waxaa ay xukuumadu iska hor keentay khilaafna ka dhax abuurtay guddiga 24 Nov. 2018, sidoo kale xukuumadu waxaa ay ku qancisay labada gud. k/xigeen in ay sifo sharci dara ah kula diraan guddiga balse guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ka hor yimid kuna timaamay sharci daro kala diristaas Hadaba maxaa kusoo xigay, Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisulwasaaraha dalka waxaaay sheegeen in laba motion laga keenay oo kala ah xil kaqaadis iyo isla xisaabtan waxyna sheegeen in midki xil ka qaadista ay noqdeen xildhibaanadi keenay balse kan labaad oo ah isla xisaabtanka xalkiisu waa in guddiga maaliyadda lakala diro ( SHARCI AMA SHARCI DARO, GAR AMA GAR DARO), halku dhegyadaas waxaa iigu horaysay xilligu Gud. Jawaari lagu soo duulay maalmahaan danbane waxaan ku maqlayay in loo adeegsado Dowlad gobaleedyada balse hada waxayba soo gaartay guddi hoosaadyadi golaha shacabka, waxaana igu maqaala ah in dood dheer kadib ayada oo lawada qirayo in ay sharci dara tahay la’isku raacay in qaab qoraaleed aan qaanuunka waafaqsanayn wax looga bedelay guddiga, guddomiyuhna sidaas xal mooday si loo furo golaha. Maxaa ka dhallan kara: waxaa adkaan doonta in golaha shacabku usii shaqeeyo si madax banana, waxaana xigi doonta in uu dhaco xad gudub dastuuri ah iyo dhammaan shuruucda kale dalka, waxaan jiri doonin isla xisaabtan haba yaraatee, hadii aan la dhowrin kala madax banaanida hay’ahada dowlada iyo shuruucda dalka waxaa dhumi doonta kalsoonida shacabka waxaana mugdi galaya rajada dowladnimo ee sida adag lagu soo yagleelay. Aragtidayda gaarka ah: Go’aanka marka aad qaadanayso waxaa lagu saleeyaa laba uun mid XAL ama XUL, Xulku waa kan kuugu fiican ee aad dooran lahayd ama saxda ah, xalkuna waa sida aad u aragto danta guud balse ay dhici karto in aadan jeclayn ama aadan ku qanacsanayn, hadaba waxaan u sheegayaa umada Soomaaliyeed aniga oo u arka xal in aan ka tanaasulay xilki iyo xubinimadi guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka si waafaqsan xeer hoosaadka golaha shacabka qodobkiisa 58aad, inkasta oo aan aaminsahay in aan xal waara lagu gaari Karin marna dastuurka iyo shuruucda dalka oo aan loo hogaansamin balse marna anigu sabab uma noqonayo in maalin qura hay’adaha dowlada howlahoodu hakad galaan. Shcabkana waxaan xasuusinayaa in aanan ka tagin kana tanaasulin shaqadi aan u dhaartay oo ay ka mid tahay ilaalinta hantida shacabka waxaana mar walba la wadaagi doonaa warbixino kusalaynsan xaqiiqda watana cadayma waafi ah, waxaan u heli doonaa fursad fiican waxaana si furan shacabka ula kulmi doonaa maalin walba oo TALAADA ah hadii alle idmo.
  11. (SLT-Washington) Marwadii koobaad ee hore ee waddanka Mareykanka Michelle Obama ayaa waxa ay soo afjartay 17 sanadood oo ay Hillary Clinton aheyd haweeneyda loogu qadarinta badan yahay waddankaasi. Mrs Clinton, oo horay ugu tartantay madaxtinimada Mareykanka, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalkaasi iyo marwadii hore, ayaa kaalinta saddexaad hoos ugu dhacday codbixinta Gallup ee sanadkiiba mar la qabto, iyadoo kaalinta labaad ay soo gashay haweeneyda TV-ga wararka ka baahisa ee Oprah Winfrey. Boqoradda Ingiriiska ayaa markii 50-aad waxa ay soo gashay 10-ka qof ee ugu sarreeya codbixinta sida ay Gallup sheegtay. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sanadkii 11-aad ee xiriir ah waxa uu noqday ninka loogu qadarinta badan yahay. Madaxweyne Donald Trump ayaa markii afraad oo xiriir ah waxa uu soo galay kaalinta labaad. Codbixinta ayaa waxaa la qabanayay sanadwalba tan iyo 1946 markii laga reebo 1976. 1,025 qof ayaa la waydiiyay inay magacaabaan ninka iyo haweeneyda dunidan ku nool ee ay qadarinta weyn u hayaan. Haweeneyda loogu qadarinta badan yahay Michelle Obama – 15% Oprah Winfrey – 5% Hillary Clinton – 4% Melania Trump – 4% Queen Elizabeth II – 2% Ninka loogu qadarinta badan yahay Barack Obama – 19% Donald Trump – 13% George W Bush – 2% Pope Francis – 2% Bill Gates 1% Mrs Clinton, oo horay u soo noqotay senator xisbiga Dimuqraadiga ah iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka 2016-kiina u tartantay Aqalka Cad ayaa kaalinta koobaad ka gashay codbixintan 22 jeer oo ay ku jiraan 17 sanadood oo xiriir ah. Walow Oprah Winfrey aanay weligeed gelin kaalita koobaad haddana waxa ay kaalinta labaad soo gashay 14 jeer. Haddii Mr Obama uu kaalinta koobaad soo galo sanadka soo socda waxa uu la siman doonaa madaxweynihii hore Dwight Eisenhower kaas oo biladda ninka loogu qadarinta badan yahay ku guulaystay 12 jeer, Gallup ayaa sidaasi sheegtay. Mr Trump ayaa ilaa iyo haatan ah mid ka mid ah labada madaxweyne ee aanan biladdan ku guulaystay iyagoo xilka haya, madaxweynaha kale ayaa ahaa Gerald Ford. Gallup ayaa waxa ay sheegtay in codbixintan la qaaday intii u dhaxaysay 3-12 bisha Diseembar. Source
  12. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal markale dib kaga bilowday deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo la geeyay ciidamo laga kaxeeyay Dhuusomareeb iyo Cadaado. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka oo aad u xoogan uu dib kaga bilowday deegaan ku dhow Kaxandhaale, halkaasi oo ay ku dagaalamayaan beelihii labadii maalin ee ugu dambeysay ku dagaalamay xuduuda Somalia iyo Ethiopia. Khasaaraha ayaanan la ogaan karin, iyadoo ciidamada laga kaxeeyay Dhuusomareeb iyo Cadaado qaarkood la sheegay inaysan wali gaarin deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud. Odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ayaa sheegaya inay doonayaan in dagaalka la joojiyo, balse ay jiraan dad sii hurinaya xiisadda colaadeed ee labada beelood u dhaxeysa. Labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa xaalad dagnaasho laga dareemayay halka uu dagaalka uu ka socdo kadib markii dagaalka uu iskiisa u istaagay iyadoona dagaalka u dambeyay uu geystay khasaaro isku jiro dhimasho iyo dhaawac . La soco Wararka dagaalka la xiriira. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
  13. (SLT-Toronto) Fanaankii caanka aha ee Kooshin Yare ayaa kugeeriyooday Dalka Canada . Alle hawnaxariiste Kooshin ayaa kamid aha Fananiintii sagashanaadkii siwayn Fanka uga shiday Dalka Canada. Wuxuu tumijiray Kabanka. Bahda Somalilandtoday waxay Tacsi u diraysa eheladii uu ka baxay Fanaan Kooshin iyo shacabka Soomaalida . Source
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-28122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu geeyay magaalada Ciidamadii ugu badnaa, kadib dilal badan oo bartamaha magaalada ka dhacay. Dilalkaasi ayaa waxaa masuuliyadooda sheegtay kooxaha Daacish iyo Al Shabaab, waxaana ciidamada la geeyay baraha laga ilaaliyo amaanka magaalada Boosaaso gaar ahaan bar Ilaalineedka Koofureed ee magaalada. Ciidamada oo wata gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay inay difaacyo ka sameysteen duleedka magaalada, waxaana jirta baqdin laga qabo in ciidamada Daacish ay weeraro ka geystaan Boosaaso. Sidoo kale wararka kale ayaa sheegaya in ciidamada loogu tala galay in ay ka hor tagaaan falal amni daro ee ka dhaca magaalada Boosaaso inta gudo jiro doorashada Puntland ay sugi doonaan amaanka magaalada. Guddiga amniga Boosaaso ayaa maalmo ka hor shaaciyay inay adkeyn doonaan amaanka waddooyinka gala magaalada Boosaaso, inta ay socoto doorashada Puntland, waxaana qorshahan uu qeyb ka yahay xaqiijinta amaanka. Musharixiin badan ayaa hada waxaaay ku sugan deegaano ka tirsan Puntland, waxaana bilowga sanadka 2019 lagu wadaa in ay dhacdo doorashada madaxtinimada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
  16. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa isbeddal ku sameeyay Saraakiisha Talisyada qeybaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobollada Dalka Soomaaliya. General Daahir Aadan Cilmi, ayaa S/guuto Tawane Axmed Maxamed, u Magacaabay Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka. Abbaanduulaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa loo Magacaabay ,G/sare , C/salaam Aaden Axmed. Waxaa sidoo kale wareegtada kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilalka looga qaaday Taliyeyaasha qeybaha 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 60-aad, qeybta 21-aad iyo qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Wareegtadan ayaa sidoo kale waxaa lagu Magacabay Taliyeyaasha qeybaha 27-aad 60-aad, 21-aad iyo 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Halkan ka aqriso wareegtada kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo dhammaystiran:- Source: goobjoog.com
  17. Jowhar (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Al Shabaab iyo kooxda Macaawiisleey oo ka dhacay deegaan hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Muluq ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay. Kooxda Macaawiisleey ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay deegaanka, waxaana xubno u hadlay ay sheegeen inay dileen saraakiil ka tirsan Al Shabaab. Axmed Dhageey Xuurshow oo kamid ah saraakiisha hogaamineyso Macaawiisleey ayaa sheegay in dagaalka ay Al Shabaab kaga dileen siddeed dagaalame, waxaana uu sheegay inay hub ka furteen. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Al Shabaab oo marka hore deegaanka qabsaday ay gubeen guryo, islamarkaana ay horey u qafaasheen dad ku sugnaa magaalada. Xaalad adag ayaa ka jirta deegaanka Ceel Muluq ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana jirta xiisad colaadeed oo labada dhinac u dhaxeysa. Caasimada Online Xafiiska Sh/Dhexe Caasimada@live.com
  18. Gedo (Sh.M.Networ) – Wararka laga helayo degaanka Ceel Cade ee gobolka Gedo ayaa kusoo waramaya in Al-Shabaab ay halkaasi ku xirtay ku dhowaad 10 qof. Shaqsiyaadka xabsi la dhigay waxaa kamid ah Macalin Cabdi, kaasi oo horey uga mid ahaan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Illo xog ogaal ah ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in xariga 10 ruux oo dhalinyaro ubadan iyo Macalin Cabdi ay salka ku hayso tuhun ku aadan inay wax ka ogaayeen weeraro dhowaan lagu beegsaday kooxda. Xariga dadkaan ayaa kusoo aadaya iyada oo dhowaan ay xarakada Al-Shabaab ay beenisay inay qayb kamid ah gobolka ay ku dagaalantay kooxda Daacish. The post Kooxda Al-Shabaab oo dad ku xirtay gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Xog uruurin cusub oo ay qaadey Gallup, Michelle Obama ayaa noqotay haweeneyda loogu qadarin badanyahay Mareykanka iyada meesha ka saartay Hillary Clinton oo aheyd 17-kii sano lasoo dhaafay, 2-aad waa Oprah Winfrey halka Clinton ay 3-aad gashay. Melania Trump ayaa gashay 4aad, halka boqoradda Ingiriiska Elizabeth, Angela Merkel, Ruth Bader Ginsburg, Ellen DeGeneres, Nikki Haley iyo Malala Yousafzai ay ka mid noqdeen 10-ka ugu horeeya. Dhanka ragga, Madaxweynihii hore Barack Obama ayaa noqday ruuxa loogu qadarin iyo jecelyahay Mareykanka, waa sanadkii 11-aad uu kaalintaas ku jiro, Donald Trump oo ah madaxweynaha waa 2-aad. Tan iyo 1946-dii, Gallup waxaa ay dadka ka qaataa xog uruurin, iyada oo la weydiiyo” magacaw qof ninka ama haweneyda aad ugu qadarin badantahay caalamka”? Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. SOMALILAND IYO SOMALIA SODDON SANO KALA LULAN MAAYAANE GARAADKA HALA TUUJIYO OO XAL HALA KEENO LAGU KALA BAXO. ================================= Somalida gaar ahaan Somaliland iyo Somalia waxa isku dilay oo halkaa kala geeyay saw maamulka dawladnimo iyo wax isku darsigii maaha iyo jacaylkii midnimo doonka? !!! Jawaabtu aniga haa bay ila tahay sababta oo ah somali diin iskuma haysato dhaqan iskuma haysato ganacsi iskuma haysato qabaail iskuma haysato oo intaasiba waa ay ka dhexeeyaan ilaa maanta, waxii la isaga murgana nidaam lagu kala baxo ayeynu lahayn oo waxwalba lagu maareeyo , ee waxa aynu isku haysanaa siyaasad iyo dawladnimo iyo maamul , waana tii dadka kala dishay taasi. Oo waxii ka dhashay wax wada lahaanshihii iyo jacaylkii shantii soomaaliyeed ee la isla doonayey waa raad muuqda oo tilmaamaya in aan marnaba dib la isku aaminayn marka aad eegto dhaxalkii midnimada iyo dhacdooyinkii raadadkoogu qoyan yihiin. Hadii aad aaminsan tahay in reero la isku haystona la iskuma haysto oo hadaad geela reer hebel qaado in geelaaga la qaadayo waad ogtahay, hadii aad dad ka laysana in dadkaaga la laynayo waad og tahay oo dawladnimo horteed baa lagu kala hagaagi jiray taasi, laakiin dhibku waa dawladnimada iyo waxa la wada lahaa iyo waxii ka soo baxay. Ee inta caqliga laga shaqeysiiyo hadii aanay suuragalayn in shantii somaliyeed dawlad kaliya wada yeeshaan, waxa haboon in qolo waliba halkeeda iimaansato somalinimaduna kuma xidhna dalal iyo dawlado ee waa isir oo wax doorsoomaya maaha. Somalidu yaanay isku mashquuline aduunyadu waa tartan e , tartankaa haka qayb galaan oo ha dedaalaan meelkasta oo ay joogaan, hadii kale marba cid uun bay daba dhilif u ahaan doonaan aan jeclayn oo danahooga wadin. Farmaajo inta uu hoos cararayo Abby Ahmed iyo Afawerki waxa u dhaantay in uu talaabo wanaagsan oo Somaliland iyo Somalia sidii ay sifo sharciya ugu kala bixi lahaayeen ka shaqeeyo, taasi baa ka faaiido badan noocan maanta la yahay ee Somalia na aasan tahay Somaliland aanay u ogoleyn in ay dal madax banaan noqoto. Umada waa loo sharixi karaa in ay faaiido iyo wanaag leedahay Somaliland iyo Somalia oo laba qaran noqdaa oo walaalo ah , somalinimada iyo wax isku ahaantana sharaf iyo qiime mooyaane marnaba lagama yaabo in la qoomameeyo. Muhiimadu waa in caqligu shaqeeyo oo la saadaalin karo sidee xalka u dhow ee ugu dhib yar ee la iskuna garabsan karaa goobtan aynu joognana hore uga dhaqaaqi karnaa inta aynu isku muuqano ee aynaan waxba isku ogoleyn aduunyaduna way socotaa magac daradeedana waxa leh marba intii sebenka la joogo nool. Waxa aan ku talin lahaa in aynaan halkan sii fadhiyin mustaqbalka dhow ee la helo xal waara oo lagu wada niyadsan yahay, qolada madaxda ah ee reer somalia ee leh isbadelka geeska ayaanu ka qayb galaynaa , halkee ay maamulaan ee ay heshiis dawlado kale kula galayaan horta ? !!! Muhamed Dhimbiil Qaran News
  21. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde], ayaa baaq culus udiray siyaasiyiinta mucaaradka ah. Nuur Cadde ayaa ku tartarsiiyay siyaasiyiintaasi inaanu caqabad ku noqon dowladnimada Soomaaliya oo uu xusay inay lasoo maray halgan badan. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu ka dalbaday inay kala shaqeeyaan dowladda dhexe sidii ay dalka ugaarsiin lahayd horumar iyo barwaaqo. Hoos ka dhageyso codka Nuur Cadde http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/DD.mp3 The post Nuur Cadde oo baaq udiray siyaasiyiinta mucaaradka appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Cadaado (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa tagay magaalada Cadaado, halkaasi oo masuuliyiin Galmudug ka tirsan ay kusoo dhaweeyeen. Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Cadaado ayuu sheegay in seddex ujeedo oo uu tagay magaalada Cadaado, isaga oo sheegay in ujeedooyinkaasi uu gaari doono maalmaha uu ku sugan yahay magaalada Cadaado. Tan Koowaad wuxuu ku sheegay in maadaama uu kasoo jeedo deegaanka baarlamaankana ku matalo inuu dib ula kulmo waxgaradka iyo dadka deegaanka sii ay kaga wada hadlaan waxyaabaha ay wadajir u qaban karaan. Tan Labaad wuxuu ku sheegay inay tahay inuu furo Mashaariic laga hergeliyay magaalada Cadaado, kuwaasi oo qaarkood uu sheegay inuu isaga geeyay magaalada Cadaado. Arinta Seddexaad oo muhiim ah ayuu ku sheegay inay tahay xalinta arrimaha khilaafaadka madaxda Galmudug ee keenay in labo magaalo lagu kala shiro, waxaana uu sheegay in maalmaha u joogo magaalada inuu arimahaasi ka shaqeyn doono. Safarkiisa Cadaado ayaa yimid saacado uun kadib markii uu la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  23. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo badan ay kala dhex galeen maleeshiyaadkii ku dagaalamayay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud. Saraakiil ciidan oo ku sugan Galgaduud ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay ciidamo kala dhex dhigaan maleeshiyaadka labadii maalin ee ugu dambeeyay ku dagaalamayay deegaanka. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada gaaray Kaxandhaale laga kaxeeyay magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Cadaado, waxaana geeyay halkaasi saraakiil labada dhinac kasoo jeeda. Dagaalkii ugu dambeeyay ee maleeshiyaadka ku dhexmaray Kaxandhaale waxay isaga dileen ku dhawaad 20 ruux iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen. Deegaanka lagu dagaalamay oo ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo noq noqday dagaal beeleedyada, waxaana la sheegay in lagu muransan yahay dhul dhaaqsimeed. Dadka kasoo jeeda dhinacyada dagaalamaya ayaa u muuqda kuwo u tashaday inaan dhiig dambe ku daadan Kaxandhaale oo marar badan maleeshiyaadka ay ku dagaalamaayeen. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com