-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada booliska ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa xabsiga u taxaabey 6 weriye oo ka mid ah wariyeyaasha magaaladaasi. Weriyeyaasha ayaa la sheegay markii la xidhaayay ay muuqaal ka duubayeen bannaan-bax ay sameeyeen qaar kamid ah ardayda maqalka naafada ka ah ee magaalada Boorama. Lixdan weriye ayaa kala ah; 1- Cali Ismaaciil Aare 2- Axmed Diiriye Ciiltire 3- Mustafe Carraale 4- Jaamac Dude 5- Hoorri Axmed Hoorri 6- Maxmed Bilibili Wixii soo kordha kala halkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay kaxeysteen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Ilo ku dhow Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in xariggiisa uu ahaa qaab shirqool ah oo laga soo shaqeeyey. Ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyay in ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Baydhabo ay ka dambeeyeen falka lagu xiray Abuu Mansuur. Waxaa ay sheegeen in Mukhtaar uu ka mid ahaa musharrixiinta Koonfur Galbeed oo lagu ballamiyay Madaxtooyada maamulkaas. Inta badan Musharrixiinta madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ballamiyay C/Qaadir Shariif Sheekhunaa, oo ah ku simaha Madaxweynaha sidoo kalena ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed. Qof ka mid ah Xogheynta Abuu Mansuur ayaa sheegay in iridda madaxtooyada markii uu marayay lagala degay gaariga,kaddibna halkaas lagu jir dilay lana ka xeystay. Magaalada Baydhaba ayaa waxaa ka socda Rabshado ka dhashay Xarigga Abuu Mansuur,waxanaa sidoo kale la sheegayaa in magaalada laga maqlayo rasaas ka dhaceysa meelaha qaar. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Eritrean President Isaias Afwerki arrived on Thursday for his first-ever visit to Somalia, Eritrea’s information minister said, in another sign of rapidly changing relations in the region following Eritrea’s rapprochement with one-time foe Ethiopia. Isaias landed in Mogadishu and headed to the Somali president’s office, Reuters witnesses. Security was tight in the capital, they said. “President Isaias’s historic visit is part and parcel of the consultative Tripartite Summits of the Heads of State and Government of Eritrea, Ethiopia, and Somalia,” Yemane Meskel said on Twitter. The three countries have been mending their sometimes fraught relations since Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed took office in April. In July, Somalia and Eritrea said they planned to establish diplomatic relations as ties improved across the Horn of Africa following Eritrea’s rapprochement with Ethiopia. Past Somali administrations had accused Eritrea of supplying weapons to anti-government Islamist insurgents. Asmara has repeatedly denied this, saying the accusations were concocted by its enemy, Ethiopia. In 2007, Eritrea walked out of the East African bloc IGAD in protest as Ethiopian forces entered Somalia to fight militants. The post Eritrean president arrives in Mogadishu for first visit to Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta xabsiga Mukhtaar Roobow Cali(Abu-mansuur)oo kamid ah murashixiinta xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Lama yaqaan sababta loo xidhay murashaxa,balse arrintaan ayaa waxaa ka dhashay iska’horn imaad u dhexeeya ciidamo taabacsan roobow iyo ciidamada Ethiopia ee ku hawlgala magaca AMISOM oo ay weheliyaan kuwa dowladda Sooomaaliya. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xadhiga Roobow,waxaana haatan magaalada ka socda dagaal u dhexeeya ciidanka Ethiopia oo kaashanaya kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taageersan Mukhtaar Roobow,iyadoo la soo sheegayo khasaare in uu jiro. Faahfaahinta kala soco Puntland post The post Roobow oo la xidhay iyo dagaal ka qarxay Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh.M.Network)-Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa ku soo warramaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladd Soomaaliya ay maanta gurigiis kala baxeen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Ilo deegaanka ah ayaa ku soo warramaya in tallaabadaas kadib ay dagaallo ka bilowdeen Magaalad Baydhabo. Ma jirto wax war ah oo arrintaan ku aadan ee ay soo saareen Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Wixii ku soo kordha kala soco Radioshabelle.com. The post Ciidamo Gurigiisa kala bxay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in goor dhow ciidamada Itoobiya ay xireen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulkaasi. Roobow ayaa ku sugnaa madaxtooyada Baydhabo, waxaana la sheegay in ciidanka ay xireen iyadoo weli sababta aan la ogaan. Intaasi kadib ilaalada Sheekha ayaa markii ay ka war heleen xariggan waxay isku dayeen iney galaan gudaha madaxtooyada, hase ahaatee waxay dagaal kala kulmeen ciidanka Booliiska DFS ee dhowaan laga kaxeeyey Muqdisho iyo kuwa Itoobiya. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay iyadoo xaaladda guud ee magaaladana ay tahay mid kacsan. Waxaa la jaray isgaarsiinta magaalada, iyadoo weli xiisad ay ka jirto Baydhabo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Boosaaso Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa saaka lagu dilay nin ganacsade ah, halka dhaawac loo geystay Aabihiis. Cabdulqaadir Maxamed Xaaji Saleebaan oo kamid ahaa ganacsatada Boosaaso ayaa kooxo Baaskoolado ku hubaysan dileen, halka Aabihiis oo la joogay dhaawac ka soo gaaray weerarkaas. Kooxdii dilka iyo dhaawaca geysatay oo aan haybtooda la garan ayaa baxsaday, waxaana dhaawaca Maxamed Xaaji Saleebaan la geeyay Cisbitaalka guud ee magaalada Boosaaso. Muddooyinkii u dambeeyay waxaa magaalada Boosaaso ka dhacayay dilal loo geystay ganacsato, waxaana la sheegay in ay daba-socdeen diidmo lacago baad ah oo Daacish muddooyinkii dambe ka qaadaysay ganacsatada magaaladaas. Amniga magaalada Boosaaso ee isha dhaqaalaha Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay sii xumaanayay, iyadoo aysan jirin wax ay ka qabteen maamulka iyo laamaha amniga gobolka Bari. Kooxo ka tirsan Daacish iyo Al-shabaab oo ku dhuumaaleysta buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaat ee gobolka Bari ayaa sanadihii u dambeeyay Boosaaso ku dilay saraakiil ka tirsan dowladda, arday iyo ganacsato. PUNTLAND POST The post Dil iyo dhaawac ka dhacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Xidigaha xulka qaranka 20-jirada ayaa markii ugu horeesay ciyaaro saaxiibtinimo dalka uga baxay ku dhawaad mudo 30-sano ah waxayna ciyaartan la dheeleyn dhigooda Jabuuti. Laacib Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa kooxda qurbajoogta ee ciyaaraha saaxiibtinimo dalka u imaaday intii u dhaxaysay 17-30 October ayaa noqday xidigihii ugu horeeyay ee xulka qaranka saddexlay u dhaliya waana rikoorka wanaagsan uu sameeyay laacib Feysal oo adeerkiis Yasir Mohamed Mohamud ka mid ahaa xidigihii usoo ciyaaray xulka qaranka kubbadda cagta. “Waxa ay ii tahay sharaf iyo guul in aan markii labaad aan hogaamiyo xulka wadankayga aan soo gaarno guul muhiim inoo ah waxayna taas ka turjumaysaa dhiiri gelinta ka imaanaysa taagerayaasheena”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay layliyaha xulka 20jirada Salaad Faarax Xasan. Natiijada ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-1 oo ay guusha ku qaateyn xidigaheena waxaana ciyaartan daawanayay Wasiirka ciyaaraha dowlada #Khadiija Maxamed Diiriye,gudoomiye ku xigeynka 1aad xiriirka kubbadda cagta #Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine),gudoomiye ku xigeynka 2aad X.K.Cagta #Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed,gudoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir X Wiish Hagi Yabarow, gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti #Suleymaan Xasan Waaberi iyo mas’uuliyeen kale. Dhamaadka bishan December ayaa laga yabaa in xulka Jabuuti ay caasimada u yimaadaan ciyaar saaxiibtinimo waa arin u wanaagsan isboortiga dalka sida ay qabaan bahda ciyaaraha gudaha. Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha dalka Eritrea , Isias Afawarki iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, wasiirro, xildhibaanno, ciidamada qalabka sida iyo dadweyne badan ayaa soo dhoweeyey wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Isias Afawarki. Afawarki waxa uu salaan sharaf ka qaatey cutubyo ka mid ah ciidanka qalabka sida, iyadoo hadda loo gudbiyey qeybta gaarka ah ee garoonka Aadan Cadde. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Waxaa Goor dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho , Madaxweynaha Eretria Assias Afwarki , waxaana Garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay Mudane Madaxweyne Farmaajo iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Somalia. Wafdiga Afwarki ayaa loo soo galbiyay Villa Somalia oo kulamo ay kala qaadan doonaan Madaxda dowladda Federaalka Somalia. Ammaanka Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoona la hakiyay dhaq dhaqaaqyadii iyo isku socodka Gaadiidka wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho. The post Madaxweynaha Eritrea iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Eritrea Issias Efwerki iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa goor-dhaw soo gaaray Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Wafdiga ayaa waxaa xubnihii soo dhaweeyay ka mid ahaa; Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaabi Farmaajo, Ra’iisul wasaare ku xigeenka DF, Mahdi Guuleed iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda Somalia. Sidoo kale, Wafdiga Madaxweynaha Eritrea ayaa waxaa ka mid ah wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa, waxaana booqashadooda ay salka ku haysaa safar uu horay dalkaas ugu tagay madaxweynaha Somalia Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo. Booqashadan wafdigan oo qaadan doonta laba maalmood ayaa waxaa lagu wadaa in madaxda Somalia iyo Eritrea ay kaga hadlaan iskaashiga ugubka ah ee u dhexeeya labada waddan iyo heshiisyadii horay loogu gaaray dalka Eritrea. Waa markii ugu horreysay oo Madaxweynaha Eritrea uu soo gaaro Xamar, inkastoo Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda uu dhawr jeer Muqdisho soo gaaray, safarradaas oo la sheegay inay gogol-xaar u ahaayeen socdaalka Efwerki uu maanta ku yimid Muqdisho. Dhanka kale, Wararka ayaa waxay sheegayaan in madax kale oo Afrikaan ah ay imaan doonaan Muqdisho, ayna ku yeelan doonaan shir gaar ah, kaasoo ay kaga hadlayaan horumarka kasoo cusboonaaday dalalka Geeska Afrika ku yaalla. Haddaba, wixii warar ah ee kusoo kordha safarkan waxaad kula soconaysaan wararka soo socda ee Puntland Post haddii ALLE idmo. PUNTLAND POST The post DEG-DEG: Madaxweynaha Ertirea iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo soo Gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Iyada oo wali dad badani is waydiiyaan nuxurka qarsoon ee heshiisyada qarsoodiga ah ee dhex maray Madaxweynaha waddanka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa soo baxaya xogo hoose oo muddo huursanaa kuwaasi oo qaarkood iftiiminayaan Arrimo xasaasi ah oo si gaar ah u taabanaya qaddiyadda dhuleed iyo madax bannaani ee Somaliland. Ilo-wareedyo u dhuun daloola qaar ka mid ah heshiisyada mabda’ ahaaneed ee hore u dhex maray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya, kulamadoodii ka kala dhacay Addis Ababa iyo Muqdisho oo qaar ka mid ah Wargeyska FOORE soo gaadhay oo ay noo xaqiijiyeen diblomaasiyiin Soomaali ahi. Waxa ka mid ah qodob xasaasi ah oo Somaliland si gaar ah u taabanaya kaasi oo ah in dawladda Waddanka Itoobiya ay Farmaajo ka saxeexatay Deked ay ka hir gashato Magaalada Saylac si ay dekad ganacsi iyo fadhiisin badeed ugu noqoto waddanka Itoobiya. Xogahan oo aannu ka helnay Masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya waxa ay noo sheegeen in siro hoose oo ka fakaday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ay faafiyeen qaar ka mid ah la taliyayaashiisu ay sheegeen in qodobada qarsoodiga ah ee ku jira heshiisyo dhawr ah oo dhex maray Abiy Axmed iyo Farmaajo ay ka mid tahay damac ballaadhan oo dawladda Itoobiya ka qabto saldhigyo badeed oo dhawr ah oo ku kala yaalla wixii la isku odhan jiray Soomaaliya (Somaliland iyo Soomaaliya), taasi oo dhinaca Somaliland ay ka doonayso Magaalo xeebeedda Saylac ee Gobolka Salal. Illaa imika lama oga qaabka dawladda Itoobiya arrinkan u maaraynayso maadaama ay Somaliland xidhiidh muddo dheer ah la lahayd inkasta oo aanay marnaba u aqoonsayan dal ka madax bannaan Soomaaliya, balse waxa xogahan Foore helay xusayaan in Itoobiya laba jid u marayso damacaasi ku aaddan Dekedda Saylac oo ah in ay marka hore dawladda Soomaaliya ogolaansho uga hesho kadibna ay gorgortan hoose kala yeelato Somaliland. Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay in uu qodobo dhawr ah oo xasaasi ah kula heshiiyey Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa waxa uu heshiiska qodobkan la xidhiidha isagu uga gol leeyahay in uu ku wiiqo xidhiidhka muddoda u dhaxeeyay Somaliland iyo Itoobiya balse lama oga sida xaaladdani labada dhinac uga wada hir gali karto maadaama aanu Farmaajo wax saamayn ah ku yeelan Karin bixinta dhul aanu xukumin ama awooddiisa ku jirin marka laga tago aqoonsiga dawladdiisa ee beesha caalamka. Waxa xusid mudan in goobaha kale ee dalkaasi Soomaaliya ay dawladda Itoobiya damaca ka qabto ka mid ah xeebaha Gal-mudug waana damac istaraatiiji ah oo wakhtiga ku habboon ay doonayso ina ay dawladda Itoobiya ka midho dhaliso iyada oo ciyaaraysa siyaasad ay madaxa ugu buuxinayso Madaxda Muqdisho oo ay ugu ballan qaadday in wax kasta oo la xidhiidha arrimaha masiiriga ah ee Itoobiya ka damacsan tahay Soomaaliya ay u marayso oo kali ah dawladda Federaalka ah. Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen xogo rasmi ah oo tibaaxaya damaca Itoobiya ee Biyaha xeebaha dhulka Soomaalida iyada oo dardar galisay dhismaha ciidan badeed oo awood badan waana ta loo badinayo in qaddiyaddani dabada ku hayso. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, waxaana Muqdisho kusoo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya. Wafdiga madaxweynaha waxaa qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Eritrea, Wasiiro iyo Ganacsato dalkaasi u dhashay, kuwaasi oo kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda dalka. Markii Garoonka lagu soo dhaweeyay kadib waxaa loo galbiyay madaxtooyada Soomaaliya halkaasi oo uu Kula kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiinka kale ee dowladda Soomaaliya. Mr Afawerki ayaa si weyn u yaqaala magaalada Muqdisho, maadaama qeyb kamid ah noloshiisa uu kusoo qaatay caasimadda Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo uu yimaado Magaalada Muqdisho madaxweyne hogaaminayo dalka Eritrea, waxaana kaga horeeyay Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Eritrea. Safarkiisa ayaa ka dhigan inuu soo wanaagsanaanayo xiriirka u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Soomaaliya oo sanado badan uu mugdi ku jiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Waxaa socoto qaban qaabadii ugu dambeeyay ee soo dhaweynta madaxweynaha dowladda Eritrea oo maanta la filayo inuu yimaado magaalada Muqdisho. Imaanshaha madaxweynaha Eritrea ee Muqdisho ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu casuumaad u fidiyay madaxweynaha Eritrea Isias Afawerki. Waxaa la adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho iyadoo ciidamo badan la dhigay waddooyinka magaalada Muqdisho, islamarkaana la xiray waddooyinka ugu muhiimsan magaalada. Masuuliyiin kala duwan ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana madaxweynaha Soomaaliya la filayaa inuu garoonka kusoo dhaweeyay madaxweynaha eritrea. Eritrea ayaa qeyb ka ah dowlaha isbadalka geeska Africa hogaaminayo , waxaana safarka madaxweynaha Eritrea kadib la filayaa inay magaalada Muqdisho yimaadaan madaxda dalalka Ethiopia iy Eritrea. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ansixinta Sharciga Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah. Madaxweyanaha ayaa tilmaamay in ansixinta sharcigan ay aasaas u tahay mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah. “Waxaan uga mahadcelinayaa xildhibaannadeenna sharafta leh ee Aqalka Sare ansixinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah. Sharcigaan waxa uu saldhig u yahay xaqiijinta xuquuqda ay leeyihiin dadka naafada ah ee Soomaaliyeed”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay kaalinteeda hoggaamineed ka qaadato hirgelinta Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah iyo dardar gelinta qorsheyaasha ku qotoma xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolasha dadka naafada ah. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa todobaadkii hore ugu baaqay Golaha Aqalka Sare in ay dadejiyaan ansixinta Sharciga Dhismaha Hey’addan oo ay horey u soo gudbisay Xukuumaddu, ayna ansixiyeen Golaha Shacabka. Ugu dambeyn, Madaxweyne Faraamjo ayaa tilmaamay in falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku bartilmaamsadeen shacabka Soomaaliyeed ay kordhiyeen tirada dadka naafada ah, isagoona sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay gacanna kula dagaalamayaan cadawgaas, gacanta kalena ay ku dhisayaan dalkooda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyey Meel-marinta Sharciga Dhismaha Hay’ada Naafada appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Iyada oo wali dad badani is waydiiyaan nuxurka qarsoon ee heshiisyada qarsoodiga ah ee dhex maray Madaxweynaha waddanka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa soo baxaya xogo hoose oo muddo huursanaa kuwaasi oo qaarkood iftiiminayaan Arrimo xasaasi ah oo si gaar ah u taabanaya qaddiyadda dhuleed iyo madax bannaani ee Somaliland. Ilo-wareedyo u dhuun daloola qaar ka mid ah heshiisyada mabda’ ahaaneed ee hore u dhex maray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya, kulamadoodii ka kala dhacay Addis Ababa iyo Muqdisho oo qaar ka mid ah Wargeyska FOORE soo gaadhay oo ay noo xaqiijiyeen diblomaasiyiin Soomaali ahi. Waxa ka mid ah qodob xasaasi ah oo Somaliland si gaar ah u taabanaya kaasi oo ah in dawladda Waddanka Itoobiya ay Farmaajo ka saxeexatay Deked ay ka hir gashato Magaalada Saylac si ay dekad ganacsi iyo fadhiisin badeed ugu noqoto waddanka Itoobiya. Xogahan oo aannu ka helnay Masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya waxa ay noo sheegeen in siro hoose oo ka fakaday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ay faafiyeen qaar ka mid ah la taliyayaashiisu ay sheegeen in qodobada qarsoodiga ah ee ku jira heshiisyo dhawr ah oo dhex maray Abiy Axmed iyo Farmaajo ay ka mid tahay damac ballaadhan oo dawladda Itoobiya ka qabto saldhigyo badeed oo dhawr ah oo ku kala yaalla wixii la isku odhan jiray Soomaaliya (Somaliland iyo Soomaaliya), taasi oo dhinaca Somaliland ay ka doonayso Magaalo xeebeedda Saylac ee Gobolka Salal. Illaa imika lama oga qaabka dawladda Itoobiya arrinkan u maaraynayso maadaama ay Somaliland xidhiidh muddo dheer ah la lahayd inkasta oo aanay marnaba u aqoonsayan dal ka madax bannaan Soomaaliya, balse waxa xogahan Foore helay xusayaan in Itoobiya laba jid u marayso damacaasi ku aaddan Dekedda Saylac oo ah in ay marka hore dawladda Soomaaliya ogolaansho uga hesho kadibna ay gorgortan hoose kala yeelato Somaliland. Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay in uu qodobo dhawr ah oo xasaasi ah kula heshiiyey Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa waxa uu heshiiska qodobkan la xidhiidha isagu uga gol leeyahay in uu ku wiiqo xidhiidhka muddoda u dhaxeeyay Somaliland iyo Itoobiya balse lama oga sida xaaladdani labada dhinac uga wada hir gali karto maadaama aanu Farmaajo wax saamayn ah ku yeelan Karin bixinta dhul aanu xukumin ama awooddiisa ku jirin marka laga tago aqoonsiga dawladdiisa ee beesha caalamka. Waxa xusid mudan in goobaha kale ee dalkaasi Soomaaliya ay dawladda Itoobiya damaca ka qabto ka mid ah xeebaha Gal-mudug waana damac istaraatiiji ah oo wakhtiga ku habboon ay doonayso ina ay dawladda Itoobiya ka midho dhaliso iyada oo ciyaaraysa siyaasad ay madaxa ugu buuxinayso Madaxda Muqdisho oo ay ugu ballan qaadday in wax kasta oo la xidhiidha arrimaha masiiriga ah ee Itoobiya ka damacsan tahay Soomaaliya ay u marayso oo kali ah dawladda Federaalka ah. Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen xogo rasmi ah oo tibaaxaya damaca Itoobiya ee Biyaha xeebaha dhulka Soomaalida iyada oo dardar galisay dhismaha ciidan badeed oo awood badan waana ta loo badinayo in qaddiyaddani dabada ku hayso. Foore Source
-
Eritrean president, Isaias Afwerki will be arriving in Mogadishu today barely two months after a delegation from his country visited Somalia to deepen the bilateral relations of the two countries. Somali presidency on Thursday in a Twitter post confirmed that a high-level delegation led by president Isaias Afwerki would be arriving in Mogadishu to hold a high-level meeting with Somali leaders. The villa Somalia said the visit by President Afwerki to Somalia bears significance on bilateral relations and show how the countries are determined to advance their cooperation. “On the invitation of H.E. President Mohamed Farmaajo, H.E. Isaias Afwerki of Eritrea will pay an official state visit to Somalia today to further strengthen the historical ties between the two brotherly nations. The two head of states will have bilateral discussions on areas of mutual benefits,” reads the post. The visit of President Afwerki comes two months after a delegation led by Eritrean Foreign Minister, Osman Saleh reached Mogadishu to help improve bilateral relations between the countries. The Somalia – Eritrea thaw in relations comes after that of Ethiopia and Eritrea, which even saw about two decades of hostilities normalized. Both Eritrea and Somalia have not had diplomatic ties for nearly 15 years, in particular, because of Asmara’s alleged support for al- Shabaab. The post Eritrean president set to arrive in Mogadishu under tight security appeared first on Shabelle. View the full article
-
The Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, Hassan Ali Khairi, and his accompanying delegation arrived in Doha on Wednesday, on a visit to the country. Upon his arrival at Hamad International Airport, the Somali Prime Minister was welcomed by the Minister of Administrative Development, Labour and Social Affairs, Yousef bin Mohammed Al Othman Fakhro, and the Somali Ambassador to the State of Qatar, Abdul Razzaq Farah Ali. Prime minister Khayre held talks with Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani on ways and means to strengthen these relations to serve the interests of both countries and peoples and their shared aspirations for a bright and prosperous future. “I arrived in Doha for an official visit. I met with Qatari officials on bilateral relations and implementations of things agreed by President Farmajo and Qatari King,” said PM Khayre in a twitter post. Last year, Qatar Fund for Development (QFFD) signed a partnership agreement with the Somali government aimed at strengthening its efforts in the area of stability and economic development. The post Prime Minister of Somalia arrives in Doha appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa walaac xoogan ka muujiyay Khilaafka siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday dalka. Mudane Maxamed Cumar Dalxa ayaa hoosta ka xariiqay in midani ay hoos u dhigeyso rajadii laga qabay dib u soo kabashada dalka. Waxaana uu tibaaxay in loo baahan yahay in wax weliba miiska wadahadalka lagu dhameeyo si loo soo afjaro xasradda oogan ee keeneysa in beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed intuba ka rajo dhigaan wax ka qabashada dalka. Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in Mooshin ay ka diyaariyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo. The post Xildhibaan Dalxa oo walaac ka muujiyay Khilaafka Siyaasadeed ee ka aloosan dalka. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan degmada Mandheera ayaa xabsiga dhigay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo, sida warbixinada aan ku heleyno. Masuuliyiinta la xiray waxaa kamid ah Ibraahim Guuleed oo ah guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo iyo Korneyl Warfaa Sheikh Aadan oo kamid ah saraakiisha ciidamada ee gobolka Gedo. Labada masuul ee xabsiga la dhigay ayaa ka ambabaxay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxaana ay kusii jeedeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida wararka soo baxaya ay sheegayaan. Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Aden ayaa xaqiijiyay xeritaanka masuuliyiintaan ka tirsan maamulka gobolka Gedo, waxaana la ogeyn ujeedada dhabta ah ee ciidamada Kenya u xiraan masuuliyiinta. Gudoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in muddooyinkii ugu dambeeyay uu jiro khilaaf u dhaxeeyay ciidamada Kenya ee gobolka ku sugan iyo madaxda degmada. Kenya ayaa gobolka Gedo waxaa kaga sugan ciidamada ka tirsan AMISOM, waxaana ay amar la”aan ka fuliyaan howlaha ay doonaan, iyadoo aysan Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya wax jawaab ah ay ka bixiyaan arimahaan oo kale. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Paris)-Booliiska Faransiiska ayaa baadi-goob weyn ugu jira ninki geystay weerar ka dhacay magaalada Strasbourg habeenkii Arbacada soo galeysay. Ninkan ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa goob suuq ah, wuxuuna dilay ugu yaraan 2 qof, isagoo kadib goobtaasi iska horimaad kula galay ciidamada amniga. Cherif Chekatt oo ah 29 jir muslim ah ayaa la sheegay inuu ku dhashay magaalada Strasbourg, ninkani ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday isagoo dhaawac ah. Booliiska ayaa sheegay in ninkan uu horey uga mid ahaan jiray kooxaha burcada ah isla markaana horey marar badan loogu xiray danbiyo oo uu ka galay gudaha wadamada France, Germany iyo Switzerland. Source
-
(SLT-Washington)-Michael Cohen ayaa xukunkan lagu riday kadib markii lagu helay danbiyo la xariira inuu been u sheegay danbi-baarayaasha iyo Kongareeska dalkaasi ee baaraya kiiska xidhiidhka qarsoodiga ah ee ka dhaxeeya Madaxweynaha Donald Trump iyo Ruushka. Cohen ayaa lagu helay dhowr danbi oo ay ku jirto inuu lacag siiyey haween xiriir qarsoodi ah la lahaa Trump kahor doorashadii si aysan caqabad ugu noqon ololihii doorashada ee Trump, bixinta lacagtaasi ayaa ahayd mid si qarsoodi ah loo bixiyey lagana bixiyey lacagtii ololaha ee Trump, falkaasi oo ka horimaanaya sharuucda uu yaal Maraykanka ee lacagaha ololaha doorashooyinka. Qareenka Trump ayaa sidoo kale lagu helay danbiga uu isaguba qirtay ee ah inuu been u sheegay danbibaarayaasha FBI-da iyo waliba Guddiyada Kongareeska Maraykanka oo su’aalo ka weydiiyey xiriirka ka dhaxeeyey Trump iyo Ruushka, wuxuuna Maxkamada ka hor qirtay inuu been sheegay isagoo qariyey xiriiro toos ah oo dhexmaray Trump iyo Ruushka oo isagu wax badan ka ogaa. Xabsiga lagu xukumay Qareenka Trump ayaa ah mid walaac weynku abuureysa Donald Trump, iyadoo ay jiraan xubno kale oo kamid ahaa kooxdiisa oo uu ku jiro xisaabiyihiisii hore oo iyaguna sugaya in maxkamada xukunto. Michael Cohen oo ahaa ninkii u qaabilsanaa Trump xalinta hawlihiisa qarsoon ayaa la rumeysan yahay inuu xogbadan siin doono dabi-baarayaasha ku mashquulsan baaritaanada kala duwan ee la xiriira Trump. Source
-
(SLT-Yemen)-Wahadaladii Yemen uga socday dalka Sweden ayaa lagu wadaa in Khamiista maanta ah la soo gabagabeeyo. Dhexdhexaadiyeyaasha QM ayaa rajeynaya in horumar laga sameeyo arrimo dhowr ah. Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa ka qeyb galaya wadahadalada maanta ee magaalada Stockholm si uu labada dhinac ugu dhiiri galiyo in ay meeshii la gaaray horay looga sii socdo. Dawladda Yemen ee Sucuudigu taageero iyo kooxda Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ayaa durbaba ku heshiiyey inay maxaabiista isweydaarsadaan. Warbixinada shirka laga helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay aad ugu dhow yihiin inay ku heshiiyaan in la furo gegida dayuuradaha ee magaalada Sanca, isla markaana la bilaabo dhoofinta saliidda iyo gaaska si dalkaasi uu u helo lacagaha caddaanka ee uu aadka ugu baahan yahay. Source