-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweyne Farmaajo. Booqashada Madaxweyne Isaias ee Muqdisho ayaa qaadan doonta labo maalmood, sida ay sheegayaan warar laga helayo Madaxtooyada. Qoraal goor dhow la soo dhigay Barta Twitter-ka Villa Somalia ayaa lagu shaaciyay booqashada Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea ayaa ka wada hadli doona xoojinta xidhiidhka labada dal oo dhowaan dib u bilowday. Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii July booqday magaalada Asmara ee dalka Eritrea, isagoo noqday Madaxweynihii u horeeyay oo Soomaaliyeed oo booqasho ku taga Eritrea. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray inta badan waddooyinka waa weyn. Booqashada Madaxweynaha Eritrea ee Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo xiisad siyaasadeed uu galay dalka, kaddib mooshin xil ka qaadis oo laga keenay Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Xildhibaan Aadan Isaaq ayaa ka hadlay talaabadii uu xarunta Villa Uganda uga guuray guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh. Wasiirka ayaa sheegay in guuritaanka guddoomiyaha baarlamaanka ee Villa Uganda ay ka dhigan tahay in dhexdhexaad uusan ka aheyn arrimaha la isku hayo, maadaama uu u guuray goob ay maamulaan Mucaaradka sida uu hadalka u dhigay. Qoraal uu wasiirka soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:- Waa iga su’aal; Guddoomiyaha Baarlmaanka waxaa laga rabaa in uu ku sifoobo dhexdhexaadnimo oo uu u garsooro dhammaan xildhibaannada golaha shacabka, balse; 1- in uu xildhibaanno gaar ah la kulmo, 2- iyo in uu gurigooda u guuro. Waxa ay muujineysaa inuusan dhexdhexaad ahayn. Marka waxaa is weydiin mudan sidee ayuu ku doonayaa inuu golaha ku hoggaamiyo, kana arrimyo arrimaha masiiriga ah ee dalka. Mooshinka laga gudbiyay madaxweyne Farmaajo oo dano shaqsiyadeed ku saleysan ayaa wali wax xal ah laga gaarin, iyadoo guddoomiye Mursal oo taageero ka heysta xildhibaanada mooshinka gudbiyay uu ka guuray Madaxtooyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network):-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Eretria Assias Afwarki ayaa maanta ku soo wajahan Magaalada Muqdisho. Villa Somalia ayaa u diyaarisay soo dhawaan heer sare ah Madaxweynaha dowladda Eretria ee ku soo wajahan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Booqashada Madaxweynaha Eretria ee Magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah Isbedellada Madaxda wadamada Geeska Africa ka wadeen muddooyinkii dambe ee ku dhisan Iskaashiga. Waxaa la filayaa inta uu Muqdisho ku sugan yahay Madaxweyne Afwarki in kulamo uu la qaadan doono dhigiisa Somalia Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. The post Madaxweynaha Eritrea oo maanta ku soo wajahan Magaalada Muqdisho. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kadib aamusnaan maalmo dhawr ah, xukuumadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata in ay markan go’aansatay in ay ka jawaabto mooshinka kalsooni kala laabashada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ra’isulwasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xalay soo fariistay taleefishinka dowladda ee SNTV, kadibna bixiyay wareysi si toos ah u baxayay, kaas oo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu ka hadlay ay ahaayeen mooshinka. Mudane Mahdi ayaa mooshinka la keenay ku tilmaamay ‘Hal xaaraan ah’, wuxuuna intaas ku daray in aysan dhalaynin ‘nirig xalaal ah’, isaga oo taas ku fasiray in markii hore ee mooshinka la qabtayba uu ahaa mid aanan sax ahayn maadaamaa uu yiri ‘waxaa laga been abuurtay xildhibaano aanan saxiixin’. Dhanka kale wasiirka waxbarashada oo ah xubin ka tirsan golaha wasiirada, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa isna xalay dhankiisa kasoo muuqday dood ka baxaysay taleefishinka Universal, isaga oo si adag u difaacay madaxweynaha. Xildhibaanadii mooshinka keenay qaarkood oo doodda fadhiyay, ayaa iyagu ku adkaystay in mooshinka uu sax yahay. Jawaabta xukuumadda ayaa timid xilli ay u egtahay in wadahadal lagu maareyn waayay khilaafka jira kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal uu ka guurey xarunta Villa Soomaaliya oo uu degenaa. Source
-
Taliska ciidanka Booliiska K/galbeed ayaa soo saarey ammar ku aadan in magaalada Baydhabo ee gobolka Baay aan lagu qaban karin dibadbaxyo aanu maamulka war ka hayn. Korneel Mahad C/raxmaan, taliyaha ciidanka Booliiska K/galbeed ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii looga wadaqeybin lahaa sugista ammaanka magaaladaasi. Waxa uu tilmaamay in cid walbo oo aan u hoggaansamin ammarkooda ay tallaab adag ka qaadi doonaan, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ciidanka ay garab ku siiyaan sugista ammaanka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/mahad-cabdiraxmaan-Aadan-taliyaha-booliska-kgs.MP3-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlay arrimo quseeya mooshinka xildhibaanada golaha shacabka ka keeneen madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in gebi ahaan uu buray mooshinkaasi. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa carabka ku adkeeyay in xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya uu Caddeeyay in Mooshinkaasi uu buray maadaama ilaa 14 ka mid ah xildhibaanadii la sheegay in mooshinka keeneen ay dib ugu laabteen. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si weyn loo hadal hayay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu buray. The post Xukuumadda Somalia oo sheegtay in uu buray Mooshinkii ka dhanka ah Madaxweynaha JFS. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Mandhera ayaa shaley galab waxay qabteen,islamarkaana xabsiga ay u taxaabeen Ibraahin Guuleed oo ah Gudoomiyaha degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo Korneel Warfaa Sheekh Aaden Faroole oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada DF ee Gobolka Gedo, xilli Labadan mas’uul oo ka ambabaxay degmada Ceelwaaq ay ku sii jeeden dhinaca magaalada Nairobi ee dalka kenya. Sahal Macalin Aden oo ah Guddoomiye ku xigeenka xigeenka degmada Ceelwaaq ayaa Goobjoog u xaqiijiyey xarigga Labadan mas’uul, isagoo ugu baaqey mas’uuliyiinta degmada Mandhera in ay xabsiga kasii daayaan. Lama oga illaa iyo iminka sababta ka dambeysay in xabsiga ay ciidanka Kenya dhigaan Labadan mas’uul. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Ciidamada-Kenya-oo-Xabsiga-ku-xirey-Gudoomiyahii-Ceerwaaq-iyo-Sarkaal-ka-kale-oo-ka-tirsan-Ciidamada-DF-ee-Gobolka-Gedo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-131218.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa xogo dheeri ah ka bixiyay xiisadda siyaasadeed ee taagan. Xildhibaanka ayaa sheegay in xiisadda mooshinka ay qabasho laheyd kahor inta uusan gaarin halka uu hadda taagan yahay, loona baahnaa inay ka wada shaqeeyaan guddoonka baarlamaanka. Xildhibaanka ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday guurista guddoomiyaha baarlamaanka, isaga oo sheegay in arintaasi aysan wax saameyn ah laheyn, maadaama uu sheegay inuu xaq u leeyahay inuu dagi karo halkii uu doono. Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay gudbiyaan mooshin, balse loo baahnaa inta heerkaan uusan soo gaarin in qaab odaytinimo ah loo xaliyo dhibaatooyinka keenay mooshinka. “Waxaa laga rabaa guddoomiyaha kaalintii kaga aadaneyd inuu gutaa oo wuxuu ka odayeyn karo ka odayeeyo, mooshin in la qabtaa wax weyn maaha, balse waxaa fiicneyd in marka hore xiisadda xal laga gaaro”. “Mooshinka sida loola falgalay ayaa halkaan keentay, Lama maqleen haddii mooshika la qabto kadibna si xasilin loogo kala dabqaadi lahaa dadka wax kala tirsanaayo”ayuu yiri xildhibaanka. Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay Khilaafka u dhaxeeyo guddoonka baarlamaanka oo labo u kala jabay, isaga oo sheegay inay yihiin dadkii xalka looga baahnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo aanay jirin gaadiid shacab oo waddooyinkaasi isticmaalaya. Ammaanka magaalada ayaa ah mid aad loo adkeeyey, maadaama uu maanta imaanaya madaxeynaha wadanka Eritrea. Inkastoo dadka ay ku tashadeen xirista waddooyinka, hadane waxaa jira dad ka baaqan karin shaqooyinkooda maalin laha ah iyo sidoo kale ardayda Jaamacadaha, waxaana la arkayaa iyaga oo lugeynaya. Waxaa ammaanka magaalada sugaya ciidamada Booliiska iyo kuwa xoogga dalka, gaar ahaan ilaalada Villa Soomaaliya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iul wasaaraha UK Theresa May ayaa ka guuleysatay koox ka tirsan xisbigeeda Conservative-ka oo mooshin ka keenay. May waxaa ay heshay 200 cod, halka 117 ay u codeeyeen in kalsoonida lagala laabto, sidaasina ku bad-baaday. Kalsoonida ay heshay waxaa ay ka dhigantahay iney xisbiga sii hoggaamiso muddo sanad ah. Ra’isul wasaare May, waxaa ay ballanqaaday inay horay u sii wadi-doonto danaha dadka iyo waddanka, isla markaana ay dhameystiri-doonto howlaha ka bixitaanka Yurub. Mooshinka isla maalintii la qabtay, ayaa loo codeeyey, lana shaaciyey natiijada, waxaana u hoggaansamay dhamaan dhinacyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Taliska ciidamada booliska Koofur Galbeed ayaa digniin cad u diray shacabka magaalada Baydhabo ee banaanbaxyada ka sameynaya magaalada Baydhabo gudaheeda. Taliyaha Qeybta Booliska Koonfur Galbeed ee Gobolka Baay Korneel Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa si cad u sheegay inay toogan doonaan dadkii banaanbax aan lagu soo wargelin ciidamada ka sameeya magaalada Baydhabo. Taliyaha ciidamada booliska ayaa sheegay in shacabka magaalada Baydhabo looga baahan yahay inay ku wargeliyaan laamaha amaanka marka ay dhigayaan banaanbax noocuu doono ha ahaadee. Wuxuu sheegay in Ciidamada ay toogan doonaan dadka banaanbaxyada iska soo horjeeda ka sameeya magaalada Haddii aysan ku wargelin laamaha amaanka, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkiisa ayaa u muuqda mid isaga oo careysan uu jeediyay, taasi dhibaato kale u horseedi karta shacabka Baydhabo, haddii si qaldan loo fasirto hadalkaasi. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Boolis-Baydhaba.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Safar aan horay aan loo shaacin ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho ku imaanaya madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki. Ujeedka waxaa lagu sheegay inuu madaxweynaha Farmaajo kala hadlayo xiriirka labada dal iyo adkeynta iskaashiga u dhaxeeya. Labada mas’uul waxaa ay qeyb ka yihiin isbaheysi uu ku wehliyo ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Kulankan waxaa uu daba socdaa midkii Asmara 5 – 6 September 2018 iyo magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Eritrea oo maanta booqan doona Muqdisho+Inta Cisho ee uu joogi doono -Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya diyaar-garoow ballaadhan oo loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu horkacayo. Booqashada wafdiga ayaa la sheegay in ay qaadan doonto muddo Labo cisho iyaga oo kulan la qaadan doona madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Socdaalkan ayaa imanaya xili uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxda ugu sareysa dalka, gaar ahaan guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxtooyada Soomaaliya kaddib mooshin laga keenay madaxweyne Farmaajo. Lama oga in wafdiga la kulmi doonaan guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo la sheegay in uu ka guuray xarunta madaxtooyada Soomaaliya isaga oo deegaan ka dhigtay hotel aan wax badan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Muqdisho e Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Isaga oo saxaafadda la hadlayay ayuu sheegay inuu buray mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya , sida uu shaaciyay xoghayaha guud ee Baarlamaanka Mr Buux. Mahdi Guuleed, ayaa sheegay in wax sahlan aysan aheyn in xilka laga qaado madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in loo baahan yahay baaritaanka eedeymaha madaxweynaha loo jeediyay. Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu xaq u leeyahay inuu isdifaaco haddii uu sax yahay mooshinka, balse xogheynta baarlamaanka ay sheegtay inuu buray mooshinka, islamarkaana meesha aysan oolin wax uu iska difaaco. Waxaa uu sheegay in ku dhawaad ay sanad qaadan karto in xilka laga qaado Madaxweynaha, islamarkaana eedeymaha lasoo jeediyay qaarkood ay yihiin kuwo baaritaano badan qaadan kara. Sagaalkii bishaan 92 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshin xilka qaadis ah ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana taasi ka dhashay buuq badan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Xukuumadda.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sacuudiga iyo Imaaraadka oo istaadhey dagaal ka dhana Ilhan Cumar &…. Wargeyska Foreign Policy ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxa uu maanta qoray Warbixin dheer oo uu ku lafaguray Caddowtooyadda ay Sacuudiga iyo Imaaraadka u muujinayaan Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib oo ah Labada Haween ee Muslimka ee ku guuleystay inay ka mid noqdaan Kongareeska Maraykanka. Wargeyska waxa uu Maqaalkiisa hal-ku-dheg uga dhigay: Sacuudi Careebiya oo caddeysay Dgaal ka dhan Haweenka Muslimiinta ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka. Wargeyska waxa uu qoray in Warbaahinta, Aqoonyahanadda iyo Faallo-qorayaasha xidhiidhka dhow la leh Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay ku celceliyeen Eedeymaha ay u jeedinayaan Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Cabdul Al-sayid, kaasi oo ku guul-daraystay inuu Guddoomiye ka noqdo Gobalka Michigan ee dalka Maraykanka, waxayna ku eedeeyaan inay yihiin xubno qarsoon oo ka tirsan Ururka Akhwaanul-muslimiinka oo caddow ku ah Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka. Axaddii la soo dhaafay, Warbaahinta Alarabiya ee ay dowladda Sacuudiga leedahay waxay daabaceen Maqaal dheer oo ay ku sheegeen inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib qeyb ka yihiin Isbahaysi u dhexeeya Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka iyo Kooxaha Islaamiyiinta ee kontoroola ama maamula Kongareeska, waa sida ay Alarabiya qortay. Maqaalka waxa uu ku eedeeyey inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib yihiin 2 qof oo ka soo horjeeda Madaxweyne Trump, Kooxiisa Siyaasadda iyo Ficiladooda, gaar ahaan Siyaasadiisa Dibedda ee ka bilaabanaysa Cunaqabataynta Iiraan ilaa go’doominta Ururka Akhwaanul-muslimiinka iyo dhamaan Dhaqdhaqaaqyadda Islaamka Siyaasadaysan. Wargeyska Foreign Policy waxa uu Tusaale kale u soo qaatay Telefishinka MBC ee ay Dowladda Sacuudiga leedahay , kaasi oo soo qabanqaabiyey Bandhig Telefishin “A Talk Show”, kaasi oo looga hadlayey qoddobka ku xidhiidhsan Dagaalka ay Imaaraadka iyo Sacuudiga ku hayaan Labada haween ee Muslimka ah ee Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka. Weriyaha caanka ee Amir Cadiib iyo Moataz Fatah oo ah Masaari bartay Cilmiga Siyaasadda ayaana falaanqeyn ku sameeyeen Ilhaan iyo Rashida, waxayna shegeen in Guusha Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka ay wiiqayso waxa ay ugu yeedheen Guusha uu Madaxweyne Trump ka gaadhay Hawlgalka uu kula dagaalamayo Kooxaha Islaamiyiinta. Qaran News
-
Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Guriceel ee gobolka Gal-gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saaka dagaalamayaal Al Shabaab katirsan ay soo weerareen. deegaanku uu weerarka ka dhacay ayaa lagu magacaabaa dhagxyaale oo qiyaastii 50 KM u jirta degmada Guriceel. Dadka deegaankaasi ayaa sheegay in ciidamo katirsan Al-Shabaab ay saakay subixii hore halkaasi weerar ku soo qaadeen. Ciidamada Gal-Mudug oo halkaasi ku sugnaa ayaa iska caabin kala kulmay waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus. Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay. Wali Gal-Mudug faah faahin kama bixin dagaalkaasi ka dhacay deegaankaasi Dhagaxyaale. Faah Faahinta dib kala soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saakay duleedka Guriceel appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa la xiray waddooyin badan oo ku yaala magaalada Muqdisho gaar ahaan waddooyinka kasoo baxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee yimaada madaxtooyada Soomaaliya. Ciidamo badan ayaa la dhigay waddooyinka iyadoo ilaa xalay ay nadaafad ka socotay wadada Maka Al Mukarama iyo waddooyinka kale ee magaalada Muqdisho, maadaama maanta la filayo inay magaalada soo gaaraan wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Eritrea. Wafdiga madaxweynaha Eritrea waxaa kamid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalkaasi, wasiiro iyo ganacsato u dhalatay dalkaasi Eritrea, sida wararka aan ku heleyno. Wafdiga ayaa muddo labo maalin ah oo maanta ka bilaabaneyso ku sugnaan doono magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan madaxweynaha Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo uu yimaado Magaalada Muqdisho xilli horay uu Muqdisho u soo gaaray Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Eritrea. Calanka iyo Sawirka Madaxweynaha Eritrea ayaa lagu sharaxay wadooyinka Muqdisho, waxaana lagu waddaa in garoonka Muqdisho uu kusoo dhaweeyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. La soco waxii kasoo kordhaa Insha Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa soo jeediyey in guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari uu xilkiisa lumiyey, kadib markii uu ku xadgudbay qodob dastuuri ah. Xoosh Jabriil ayaa sheegay in qodobka 65-aad ee dastuurka faraciisa 3-aad uu dhigayo in guddoomiyaha baarlamanka uu ka baxo dhammaan wixii xisbi ah ee uu ka tirsan yahay inta uusan qaban xilka, islamarkaana ay shaqadiisa dhex-dhexaad noqoto. “Guddoomiye Baarlamaan ma ku milmi karo xisbi ama arrimo siyaasadeysan, waana inuu dhexdhexaad ahaan u gutaa howshiisaa sharci dajinta ah. Bal xisaabta ila fiiriya.” Ayuu yiri Xoosh Jabriil. Guddoomiyaha baarlamanka ayaa shalay ka guuray gurigiisa oo ku dhex-yaalla xarunta Villa Somalia wuxuuna degay hotel Shabeel oo ah xarunta xisbigii hore ee Daljir ee hadda ku biiray xisbiga UPD ee Xasan Sheekh uu hogaamiyo. Guddoomiyaha ayaa waxaa hadda ku hareereysan xildhibaanada Daljir iyo Damu-Jadiid ee isku noqday UPD, waxaana laga cabsi qabaa in go’aano badan oo ka dhan ah dowladda ay kasoo baxaan. Saacad un kadib markii uu shalay u guuray xaruntiisa cusub, waxa uu Mursal soo saaray warqad uu ku sheegay in mooshinka madaxweynaha uu weli taagan yahay, inkasta oo 14 xildhibaan oo ka mid ahaa 92-ka xildhibaan ay sheegeen in magacooda laga been abuurtay, taasi oo xogahayaha baarlamanka uu sheegay in mooshinka ay jebisay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Magaalada Muqdisho maanta oo khamiis ah waxaa ku soo wajahan Ra’isilwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweybaha Eritrean Isaias Afwerki . Qaban qaabo balaarab oo lagu soo dhoweeynayo labada masuul ayaa ka socoto Muqdisho. Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana saaka subixii hore la sii xiray wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. Imaanshiyaha masuuliyiinta ee Muqdishi ayaa daba socdo wada hadalo iyo kulamo hore oo dhexmaray masuuliyiinta Soomaaliya Eritera iyo Itoobiya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra isilwasaarha Itoobiya iyo Maaxweynaha Eriteria oo ku soo wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ah wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag kaga hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa sheegay in seddex arin oo mid kamid ah halis ku ah qaranimada Soomaaliya laga leeyahay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaan Goodax ayaa seddexda arin ee ka dambeysay mooshinka wuxuu ku kala sheegay inay kala yihiin:- 1 In xubnaha mooshinka wada ay doonayaan in Xubnihii Ethiopia ka joogay Somalia “Gabre” ay sii joogaan Soomaaliya 2 In Ajaaniib badan ay jaajuusiin u yihiin ayna u shaqeeyaan 3 In Koofur Galbeed iyo Jubbaland la doonayo in laga dhigo Gobol Islamic State ah Wuxuu sidoo kale seddex qeyb u kala saaray xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay xildhibaanada ay ka fiirsadaan mooshinka ay keenayaan. “Xildhibaanada mooshinka keenay seddex ayay u qeybsamaan, Qeyb Xukun ayaa ka dhuman oo ay daba ordayaan, Qeyb Si toos ah ayay ajaaniibta ugu shaqeeyaan, qeybta kalana waxii qaldanaa inay sii qaldanaadaan ayay rabaan, waxay isku wacdeen seddexdaa qeyb iyagoo ah dantooda iyo inay dadka masabitaan” ayuu yiri xildhibaanka Goodax Barre. Xiisadda mooshinka ayaa wali taagan, waxaana uu mooshinkaasi saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii hay’adaha kala duwanaa ee dalka, iyadoo madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala dageen meel ka baxsan Villa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wargeyska Foreign Policy ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxa uu maanta qoray Warbixin dheer oo uu ku lafaguray Caddowtooyadda ay Sacuudiga iyo Imaaraadka u muujinayaan Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib oo ah Labada Haween ee Muslimka ee ku guuleystay inay ka mid noqdaan Kongareeska Maraykanka. Wargeyska waxa uu Maqaalkiisa hal-ku-dheg uga dhigay: Sacuudi Careebiya oo caddeysay Dgaal ka dhan Haweenka Muslimiinta ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka. Wargeyska waxa uu qoray in Warbaahinta, Aqoonyahanadda iyo Faallo-qorayaasha xiriirka dhow la leh Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay ku celceliyeen Eedeymaha ay u jeedinayaan Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Cabdul Al-sayid, kaasi oo ku guul-daraystay inuu Guddoomiye ka noqdo Gobalka Michigan ee dalka Maraykanka, waxayna ku eedeeyaan inay yihiin xubno qarsoon oo ka tirsan Ururka Akhwaanul-muslimiinka oo caddow ku ah Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka. Axaddii la soo dhaafay, Warbaahinta Alarabiya ee ay dowladda Sacuudiga leedahay waxay daabaceen Maqaal dheer oo ay ku sheegeen inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib qeyb ka yihiin Isbahaysi u dhexeeya Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka iyo Kooxaha Islaamiyiinta ee kontoroola ama maamula Kongareeska, waa sida ay Alarabiya qortay. Maqaalka waxa uu ku eedeeyey inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib yihiin 2 qof oo ka soo horjeeda Madaxweyne Trump, Kooxiisa Siyaasadda iyo Ficiladooda, gaar ahaan Siyaasadiisa Dibedda ee ka bilaabanaysa Cunaqabataynta Iiraan ilaa go’doominta Ururka Akhwaanul-muslimiinka iyo dhamaan Dhaqdhaqaaqyadda Islaamka Siyaasadaysan. Wargeyska Foreign Policy waxa uu Tusaale kale u soo qaatay Telefishinka MBC ee ay Dowladda Sacuudiga leedahay , kaasi oo soo qabanqaabiyey Bandhig Telefishin “A Talk Show”, kaasi oo looga hadlayey qoddobka ku xiriirsan Dagaalka ay Imaaraadka iyo Sacuudiga ku hayaan Labada haween ee Muslimka ah ee Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka. Weriyaha caanka ee Amir Cadiib iyo Moataz Fatah oo ah Masaari bartay Cilmiga Siyaasadda ayaana falaanqeyn ku sameeyeen Ilhaan iyo Rashida, waxayna shegeen in Guusha Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka ay wiiqayso waxa ay ugu yeereen Guusha uu Madaxweyne Trump ka gaaray Hawlgalka uu kula dagaalamayo Kooxaha Islaamiyiinta.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo kala duwan oo looga hadlayo siyaasadda Kacsan ee Soomaaliya ayaa xalay ka dhaca Guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Kulamaddaan ayaa waxaa ka qeyb ka ahaa Senetaro ka tirsan Aqalka Sare, waxaana ay gudoomiyaha kala hadleen sidii loo afjari lahaa Xiisadda Siyaasadeed ee xilliggaan dalka taagan iyo Khilaafka Madaxda ugu sareysa dalka. Gudoomiye Mursal ayaa muuqda in uu helay fursado uusan helin Saacaddihii lasoo dhaafay ka dib markii, sida ay sheegeen xildhibaanada mucaaradka, uu xabsi ku guri ku noqday Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya uu ugu dambeyntii iska guuray shalay. Dhanka kale, xildhibaanada Wasiiradda ah ayaa kulamo la qaatay gudoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka oo wali ku sugan gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya. Gudoomiye Mursal ayaa shalay Caddeeyay in aysan waxba iska badalin Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana baarlamaanka la horgeyn doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com