Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,511
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa sheegay inuu ka xun yahay go’aanka dowladda Soomaaliya ay shaaca uga qaaday in wakiilkiisii Soomaaliya Nicholas Haysom aan dalka laga rabin (persona non grata) Gutteres ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu kalsooni buuxdo ku qabo Mr. Hasyom, oo uu ku tilmaamay nin khibrad leh oo goobaha adeegga dadweynaha ee caalamka aad looga xushmeeyo, kuwaasi oo uu kasoo qabtay xilal kala duwan. Waxa uu sheegay in xeerka persona non grata uusan qaban shaqaalaha QM. Waxa uu yiri “Sida ku cad xeerka 1961 ee Vienna, kuna saabsan xiriirada diblomaasiyeed, waxaa persona non grata isku adeegsan kara laba waddan, sidaas darteed QM ma ahan waddan” Waxa uu intaas ku daray “sidaas oo jirta, haddana waxaa xoghayaha guud ee QM ahaan iga go’an xaqiijinta baahiyada dadka Soomaalida, oo ah shaqada hormuudka u ah xafiiska QM ee Soomaaliya. UNSOM waxay u baahan tahay inay sii waddo shaqadeeda taageeridda Soomaalida” “Sidaas darteed waxaan soo magacaabayaa wakiilka cusub oo madax ka noqon doona xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri. Xoghayaha guud ee QM ayaa sheegay inay ka go’an tahay caawimaadda dadka Soomaaliya, iyo dadaallada ay ku gaarayaan nabad, xasilooni iyo baraare. Caasimada Online Xafiiska New York caasimada@live.com
  2. Only negotiations in good faith and Willingness to compromise can solve the political standoff between the parties. Somaliland political Parties and the president have had their first round of negotiations in early 2018, but ended with no progress; when the President and his party refused the written accusations against the NEC, presented by WADDANI Party. Another several talks between the parties were held but all ended with failures and political standoff. This one year period political standoff delayed the election preparatory action points and proceedings scheduled to cover within the period remaining from the election scheduled date; putting off the coming election to a later time; as the National Election Commission (NEC) officially released a declaration that they can’t conduct the election dated on 19th March 2019 because of six factors as they said. The corner stone of this political standoff is the removal of these National Electoral Commissioners from the office or their dismissal. NEC is an official executive body that can be dissolved, dismissed or fired in accordance with the process indicated in the elections related regulations of the country. Such case begins when a political party submits a written report accusing the NEC with intentional irregularities, frauds, partiality or allied with other party/parties within an election they conducted; or they are not independent from the government interventions. And these accusations should be supported with sure, true and available evidences. The party who accused the NEC managed the case in accordance with the above procedure through the legal process. The legal and fraud experts of WADDANI Party put together every piece of information and evidence that would culminate accusations into a sensible serious gross irregularities and widespread fraud that occurred in most of the presidential election polling stations; such as ballot-box stuffing with illegal votes, mix-matched tally sheets, stolen ballot papers in connivance with local NEC officials, Voter intimidation, oppressive actions against the poll watchers who represent WADDANI party. But the ruling party declined to accept that accusation and rejected their removal, which is supporting evidence to the accusation. The representatives of the three political Parties, the ruling Party– Kulmiye and the two opposition parties– WADDANI and UCID recently participated in a meeting with the President and agreed to start again and resume the talks in a bid to break the barrier between the ruling and opposition parties. As we know they started to resume the talks; but again today 02/01/019 the two sides agreed to disagree, still remaining far apart on the case of the removal of the current electoral Commission, and the reform proposed by the opposition parties on the way of selecting the new NEC members. We know that to enter in to a locked house, you first unlock the door and go inside. We know each party will draft its main points of the talks; but we want the working groups that represent the parties for the talks to consider which point can match up to be the key to unlock the house they are mandated to furnish. In another words, the key to go forward to solve the other election related issues and the condition of a mutual understanding between the parties is first to agree together with the electoral commission members removal from office; or to agree this electoral commission members be dissolved or fired. An accusation against the National Electoral Commission brought by one of the three competing parties should be considered as a national political issue; which is not to be undermined. If the three parties succeed to agree together that this Electoral Commission accused with partiality and lack of neutrality be removed; and new NEC members be selected to manage the coming elections; any other obstacle or difficulty can be easily solved. But if the parties will not be able to agree the removal of the NEC members and how to revamp the new National Electoral Commission (NEC); any talks resumed between the parties will end up with failures. And if this political dispute goes further, it is losing another much unbearable time that can hinder and delay the elections to occur even the new agreed within 2019 time frame; and we are afraid that it can cause the country go deep in to more political crisis. in order to save our country’s developing democratization, KULMIYE and UCID Parties must have to understand that it is impossible and will be impossible forever, that the accused NEC members can conduct an election for the party who accused them; and if tried to do so, WADDANI Party has the option to boycott any voter registration and any election coordinated by the accused NEC members; and this means that there will be no election to occur in the near future. Moreover, if one of the three parties declares to boycott the election because of this very easy to solve issue; means the concerned leaders specially the president put the country in a political uncertainty, leading Somaliland back in to a situation that no elections can be held in the future. And if this happens it will unwillingly damage the prestige of our country which rests first of all on its democratic power transfer process; that the international community felt a widespread respect and admiration for our country on the basis of its achievements to conduct one-man-one-vote elections for all its levels of power transfer. It is an unnecessary stubbornness and difficult decision, to put the country in to a state of political confusion & turmoil, great commotion, democracy stagnation, peace & stability disturbance; simply because for the sake of 7 NEC members accused with irregularities and fraud of an election they conducted. Every national political party has the right to accuse the NEC members in accordance with the procedure of the electoral regulations; if they maintain an election with deliberate irregularities and fraud. As we know, Somaliland solved in the past the same case when Kulmiye party who is rejecting now proposed the removal of the NEC of that time and the other parties accepted the proposal. We had already solved many harder political issues, what we need is good political will. The history of Somaliland has shown that only through negotiations in a good faith and willingness to compromise is what a solution will be found. Bihi’s government should respect the compromises that its achievements saved Somaliland many times. An accused Electoral Commission deserves to be removed; and only the acceptance of this truth will resolve the deadlock. Adam Ali Younis Email: aayonis@hotmail.com Qaran News
  3. Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho danjirayaasha dalalka ku bahoobay urur-goboleedka IGAD ee ka hawlgala Somalia. Kulankan ayaa intii uu socday wuxuu wasiir Axmed Cawad ka warbixiyay horumarradii ugu dambeeyay ee Somalia ay ku tallaabsato, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dhaqaallaha iyo bulshada. Wasiirku wuxuu sheegay in Xukuumadda Federaalka Somalia ay xoojinayso dadaalka ay ugu jirto xaqiijinta nabadda iyo is-fahamka, isagoo dalalka IGAD ku bogaadiyay sida ay u garab-taagan yihiin Somalia oo ah xushmad is dhaafsi si loo dhowro amnigeeda, deganaanshaheeda iyo madax banaanideeda qaran. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadd Somalia ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay garab-is-taagga dadaalka xukuumadda Somalia ee ay kaga *****nayso rabitaanka shacabka, isagoo ku nuux-nuuxsaday inay Somalia marnaba aqbali doonin in madax-banaanideeda lagu xad-gudbo. Isagoo sii hadlaya ayuu wasiirku tilmaamay in ergeyga gaarka ahaa ee QM, Nicholas Haysom uu yahay shakhsi aan Somalia laga rabin, kana shaqayn karin. Taasoo ay ugu wacan tahay buu yiri hab dhaqankiisa ku xad-gudbay madax-banaanida dalka iyo sidoo kale qawaaniinta caalamiga iyo xeerarka dublamaasiyadeed sida ku cad Cahdiga Vienna ee xiriirrada Diblomaasiyadeed. Ug u dambeyn, Wasiirku wuxuu sheegay in talalabadii ay qaaday Somalia ay ahayd mid lagama maarmaan ah oo looga hor-tagayo xad-gudubyada aan loo meel dayin ee uu ku kacay dajire Haysom. PUNTLAND POST The post Wakiillada Dalalka IGAD ee Somalia oo Wasiir Cawad kala hadlay Eryiddii Danjirhii Haysom appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Danjirayaasha wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ee ka howlaga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaaso oo uu kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin cayrinta danjire Nicholas Haysom. Intii kulanku socday, Wasiir Cawad waxa uu kaga hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dhaqaallaha iyo bulshada. Waxa uu sheegay in Xukuumadda Federaalka ay xoojinayso dadaalkeeda lagu xaqiijinayo nabadda iyo is fahamka, isagoo ku bogaadiyay wadamada IGAD sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya oo ah xushmad is dhaafsi si loo dhowro amnigeeda, deganaanshaheeda iyo madax banaanideeda qaran. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay garab istaagga dadaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ay kaga *****nayso rabitaanka shacabka, isagoo ku nuux nuuxsaday in Soomaaliya marnaba aqbali doonin in xadgudub lagula dhaqaaqo madax banaanideeda iyo qarannimadeeda. Waxa uu tilmaamay in Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom uu yahay “Shakhsi aan waddanka laga rabin, kana shaqayn karin” taasi oo ay ugu wacan tahay hab dhaqankiisa ku xadgudbay madax banaanida dalka iyo sidoo kale qawaaniinta caalamiga iyo xeerarka diblomaasiyadeed, sida ku cad Cahdiga Vienna ee Xiriirrada Diblomaasiyadeed, iyadoo taasi laga ambaqaadayo waxa ay Soomaaliya qaaday dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee xad u yeelaya in lagu xadgudbo madax banaanideeda.
  5. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta hambalyo u direy gudoonka golaha wakiilada Dowladda Puntland oo maanta lagu doortay Caasumada Dowladda Puntland [...] Source
  6. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa hambalyeeyay guddoonka cusub ee maanta loo doortay Golaha wakiilada Puntland. Madaxweynaha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta la doortay ay yihiin rag ku habboon in ay hoggaamiyaan Baarlamanka,islamarkaana ay khibrad iyo aqoon u leeyihiin shaqada loo igmaday. Dr Gaas ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in guddoonka la doortay ay Golaha ku maamulan,midnimo,wadajir iyo caddaalad. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo u hambalyeeyay Guddoonka cusub ee Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
  7. Baydhabo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa dowladda dhexe ee ku eedeeyay in ay Mas’uul ka tahay dhibaatadii ka dhacday Magaalada Baydhabo. Waxa ay sheegeen in doorashadii ka dhacday Baydhabo ay aheyd mid hareersan Sharciga, islamarkaana la diiday rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed. Xildhibaanada waxa ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay diiday in ay kala hadasho dhibaatadii Ciidanka Itoobiya ay ka geysateen Magaalada Baydhabo, islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabo markii ay wadatashiyo la yeeshaan Shacabka Koonfur Galbeed. Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo ka mid ahaa Xildhibaanada tagay Baydhabo ayaa xusay in dowladda Farmaajo dastuurka dalka ay baalmartay, xataa aysan diin ahaan u fiirin xuquuqda Shacabka Baydhabo lagu xasuuqay. Hoos ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/geesey.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  8. (SLT-Washington)Golaha Qaramada Midoobay ayaa weli ku adkeysanaysa in uu danjire Nicholas Haysom yahay wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Soomaaliya,iyadoo dowlada Soomaaliyana ay diidan tahay wakiilnimadiisa. Afhayeen u hadlay UN-ka oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay Nicholas Haysom uu weli yahay ergeygooda Soomaaliya, isaga oo sidaasi ahna uu ka hadlay golaha ammaanka, wuxuu intaas raaciyey in aaney warqad ka helin dowladda Soomaaliya, ayna raadinayaan faah-faahin. Arrintan ayaa timid saacado kadib markii uu Nicholas Haysom ka hor hadlay golaha ammaanka, isaga oo aan soo hadal-qaadin go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee ku aadan inuu dalka ka baxo. Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa sheegay Goluhu uu u baahan yahay cadeymo buuxa balse weli uu Haysom haysto taageerada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. Haysom waxaa khudbadiisa golaha ammaanka ku jirtay in faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso dowlad goboleedyada ay wiiqi karto doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo midda guud ee 2020-ka. Qudbada uu shalay ka jeediyay Golaha Ammaanka Danjire Nicholas Haysom ayaa ahayd mid hore loo sii qorsheeyay kahor inta uusan bilaaban khilaafka u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo danjire Haysom. Source
  9. Sawirku waa Gudooiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdixakiin Dhoobodaareed Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa hada u socda shir albaabadu u xiran yihiin kasoo lagusoo xulayo [...] Source
  10. Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland ayaa loo doortay Ismaaciil maxamed Warsame oo helay 45 cod, waxaana si rasmi ah usoo gabagabowday doorashadii guddoonka [...] Source
  11. Abuukaate Ismaciil maxamed Warsame ayaa ku guulaystay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada dowladda Puntland,isagoo wareegii labaad helay 45-cod. Labadii murashax ee wareegan kula tartamayay ayaa kala helay,Siciid Macallin daahir 14-cod iyo Cabdiraxman Diiriye Carab oo helay7-cod. Guddoonka cusub ee Baarlamanka Puntland ayaa dhammaan waxa ku soo baxay wejiyo cusub oo kala ah;Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo),Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaciil maxamed Warsame. PUNTLAND POST The post Abukaate Ismaaciil oo loo doortay ku gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  12. Garowe (Sh.M.Network) – Baarlamaanka Puntland ayaa maanta doortay gudoomiye ku xigeenkooda labaad. Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa noqday ku xigeenka labaad ee Afhayeenka Gollaha Wakiilada dowlad goboleedkaan. Xildhibaankaan ayaa guusha ku hantiyay wareegga labaad, isaga oo helay 45 cod oo kamid ah 66 mudane codka bixisay. Warsame ayaa kaga guuleystay tartanka wareega labaad labo Musharax oo kala ahaa – Cabdiramaan Diiriye Carab, oo helay 7 cod iyo Saciid Maxamed Daahir oo 14 mudane ay ucodeysay. Sikastaba, waxaa halkaasi kusoo gabagabowday doorashii gudoonka Baarlamaanka cusub ee Puntland – Gudoomiye waxaa noqday Cabdixakiim Dhoobo, ku xigeenka koowaad Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan. The post Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka PL oo la doortay appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Puntland’s parliament elected Abdihakim Mohamed Ahmed, also known as Dhoobo-daarood as speaker on Friday. Dhoobo-daarood secured 43 votes while his rival received 23 votes during the second round of the voting held at parliament hall in Garowe, Puntland capital, Interim speaker, Hussien Yasin Hajji announced. Dhoobo-daarood has been in parliament since 2014, he ran for the speaker in two previous parliament elections, but he failed. The new parliament speaker will form an electoral commission that will organize the presidential election, scheduled on January 8. More than 25 candidates including the incumbent president are running for Puntland’s next President. The post Puntland assembly elects new speaker appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Puntland ayaa loo doortay xildhibaan Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan, kadib markii uu wareegii labaad helay 38-cod. Xildhibaan Cabdixamiid Sheikh Cabdisalaan Ciise oo wareega labaad kula tartamayay ayaa isna helay 14-cod,hase yeeshee wuxuu ka tanaasulay in uu u gudbo wareega saddexaad. Guddoomiyaha Golaha wakiiladaPuntland, Cabdixakiin Dhoobo oo shaaciyay natiijada ayaa ku dhawaaqay, in Cabdicaasii ku guulaystay guddoomiye ku xigeenka 1aad,maadaama uu wareega saddexaad ka tanaasulay Cabdixamiid SH. Cabdisalaan oo la tartamayey. Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee loo doortay Baarlamanka Puntland ayaa waxaa ku soo baxay wejiyo cusub oo kala ah;Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhobo) iyo Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan. PUNTLAND POST The post Cabdicasiis Cabdullaahi oo ku guulaystay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  15. Garbahaareey (Sh.M.Network) – Shacab careysan oo ay horkacayaan masuuliyiinta dagmada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa la wareegay hoy uu dagmadaasi ka daganaa madaxweyne ku xigeenka l1aad ee maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo shalay halkaasi gaaray isaga iyo wafdi uu hogaaminayo. Dibad-baxyada oo shalay bilawday ayaa looga soo horjeeda maamulka Jubaland, sida wararka aan ku helnay. Lama ogga hadii uu jiro khasaaro naf iyo maal oo mudaahraadyaddaan ka dhashay. Dhanka kale, hoyga dibadbaxayaasha ay la wareegeen ayaa la sheegay in la boobay, lagana qaatay agabyadii yaalay sidoo kalana ay dab qabadsiiyeen. Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdiga la socda ayaa sidoo kale wararku waxa ay intaasi raacinayaan in loola cararay saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin duleedka dagmada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Gudoomiye ku xigeenka 1aad amniga iyo siyaasada dagmada, Ismaan Nuux Xaaji oo la hadlay idaacadda Shabeelle oo faafaahin ka bixiyay rabshadihii maanta ilaa iyo shalay ka socday Garbahaareey ayaa tibaaxay in xaaladdu haatan degan tahay. The post Guriga madaxwayne ku xigeenka Jubbaland oo “la boobay” appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Guddoomiyaha Aqalka sare ee Dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa u hambalyeeyay C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland. Mudane, Cabdi Xaashi, ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna Alle uga baryay inuu xilkiisa ku dhammaysto wanaag, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu dumi lahaa Dadka uu matalo. C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa helay codad gaaraya 43, halka murashixii la tartamayay ee Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed uu helay 23 Cod, waxaana imminka socda doorashada ku xigeennadiisa. Waxaa isna guddoomiye ku-xigeenka 1aad loo doortay Cabdi Casis Cabdullahi Cusmaan, oo kaas wareegga 2aad helay 38 cod halka Cabdixakim oo la tartamayey uu helay 14, ninka dambe waxaa uu ka tanaasulay inuu tartamo wareegga 3aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. New York (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay QM oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay Nicholas Haysom uu weli yahay ergeygooda Soomaaliya, isaga oo sidaasi ahna uu ka hadlay golaha ammaanka, wuxuu intaas raaciyey in aaney warqad ka helin dowladda Soomaaliya, ayna raadinayaan faah-faahin. Arrintan ayaa timid saacado kadib markii uu Nicholas Haysom ka hor hadlay golaha ammaanka, isaga oo aan soo hadal-qaadin go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee ku aadan inuu dalka ka baxo. Haysom waxaa khudbadiisa golaha ammaanka ku jirtay in faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso dowlad goboleedyada ay wiiqi karto doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo midda guud ee 2020-ka. “Eedeynta la xiriirta faragelinta dowladda federaalka ah iyo qalalaasihii dhashay soo xiristii hal murashax, ku-xigeenkii hore ee Al-shabaab waxaa ay haleysay hannaankii, taasina kama bixineyso saadaalin fiican natiijada doorashada dowlad goboleedyada iyo midda 2020-ka”, waxaa sidaa yiri Haysom. Dhinaca kale, Safiirka Soomaaliya ee UN-ka Abuukar Cusmaan oo ka hor hadlay golaha ammaanka ayaa sheegay in UN-ka iyo cidda wakiilka ka ah ay waajib ka saaran tahay inay ixtiraamaan shaqadooda, oo aaney faro-gelin arrimaha gudaha, isla markaana Soomaalida loo daayo inay aayahooda ka tashtaan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  18. Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya,Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee Golaha wakiilada Puntland,Cabdikariin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed). Mudane Xaashi ayaa guul u rajeeyay guddoomiyaha cusub, waxaana uu Alle uga durraantay inuu xilka u fududeeyo,isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo midnimada iyo wadajirka uu matelo. Si lamid ah, guddoomiyaha Golaha shacabka Federaalka,Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa hambalyo u diray mudane Cabdixakiin Dhoobo,guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland. Cabdixakiin Dhoob oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa wareegii labaad helay 43-cod,halka Cabdi Jamaal Cismaan oo la tartamayna helay 23 cod. PUNTLAND POST The post Guddoonka labada Aqalka ee DFS oo hambalyo u diray guddoomiye Dhoobo appeared first on Puntland Post.
  19. Waxaa kulan isku yieedhay qaybo kamid ah Warbaahinta Wasiir Hinda Gaandi kulankaasi oo aanu cadayn ujeedadiisu ayaa lagu sheegay in uu ahaa kulan ay wasiirku ku lab xaadhanayay warbaahinta oo ay hore uh jeedisay dhaleecayn iyo hadalo qadafa. Hadaba Wasiir Hinda Gaandi oo Maalmahanba Fadhi Iyo Joogba Xamililahayd ayaa Saaka Waxay Xafiiskeeda iskugu Yeedhay Kulan Hanaankii Abaabul ahaa mid Khiyaamo oo Suxufiyiintii Ka Qayb Galay intooda Badan markii loo yeedhaayay Loogu Dhigay Waji kale balse Markii Wariyeyaashu yimaadeen Xafiiska Noqday Kulan Wasiiradu ugu Magac Dartay Islaab Xaadhasho iyo Raali Galin ay Saxafada Madaxabanaan ka Raali Galinayso Hadalkii ay Warbaahinta Milgaheeda ku Weerartay . Geesta kale Suxufiyiinta Goobta Xafiiska loogu Yeedhay ayaa badankoodu ahaa kuwo aan Xog Buuxda ka haynin Kulanka Wasiirka Maadaama markii loo yeedhaayay aan loo sii sheegin xogta loogu Yeedhay . Isku Soo wada duuboo Wasiir Hinda Gaandi wasiirka arimaha Bulshada Somaliland ayaa u muuqata Mid xaaladeedu Hada marayso Odhaahdii ahayd FALAADHI GILGILASHO KAAGAMA GOdo, Kulankana wuxuu Noqonayaa mid markale Sii Iftiiminaaya Halkay Wasiirka arimaha Bulshada Somaliland Hinda Gaandi ka taagan tahay Warbaahinta Dalka Somaliland iyo inay Sii wado Weerarkeedii Qaawanaa . Source
  20. Garowe (Sh.M.Network) – Xildhibaanada Gollaha Wakiilada maamul goboleedka Puntland ayaa doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad. Mudanayasha ayaa ucodeeyay Cabdcasiis Cabdullaahi Cusmaan inuu noqdo ku xigeenka koowaad ee Afhayeenkooda, markii uu helay 38 cod. Cabdicasiis oo guusha ku helay wareega labaad ayaa kaga badiyay Musharaxii kusoo dhowaa, kaasi oo ahaa Cabdixamiid Cabdi Ciise oo uruur-saday 14 cod. Doorashada gudoomiye ku xigeenka labaad ayaa haatan socota. Doorashooyinkaan axay horudhac uyihiin midda Madaxwaynaha oo loo balamay 8-da bishaan Janaayo 2019. The post Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka P/land oo la doortay appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Faysal cali_waraabow ama waxadnoqotaa Nin mucaarada Oo xukuumada Muuse iyo Xisbiga kulmiye ku mucaarada Oo ku hamiyaaya inuu maruun Somaliland madaxweyne kanoqdo, Ama waxadnoqotaa Nin mucaarada Oo mucaaradadiisu kujahaysantay Xisbiga Waddani Oo kaliya Oo qorshihiisa iyo yoolkiisu yahay inuumarkasta xisbiga waddani adhaxda kajabiyo Oo Aan ujeedo kale iyo hamikaletoona lahayn. Beesha Garxajisna waxanleeyay waardee ama isqabta ama wakhtiga hanagaluminina. xasankaruur55@gmail.com W/Q: Xasan Karuur. Source
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Cabdixakiin Maxamed Axmed oo lagu naanayso (Dhoobo-dareed) wuxuu sannadkii 1968-dii ku dhashay miyiga degmada xiingalool ee gobolka Sanaag,wuxuu dugsiga hoose,dhexe iyo sare ka dhigtay degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Wuxuu ka soo shaqeeyay shirkadda Isgaarsiinta Golis ee degaannada Puntland,wuxuuna siyaasadda kaga soo biiray Golaha degaanka magaalada Boosaaso,isagoo sannadkii 2009 ku kamid noqday Golaha wakiilada Puntland. Mudda 10 sano ah ayuu soo fadhiyay Golaha wakiilada,isagoo Laba jeer oo hore u tartamay xilka guddoomiyaha Baarlamanka Puntland,hase yeeshee aan ku guulaysan. Markii saddexaad ayuu maanta u tartamay guddoomiyaha G. Wakiilada Puntland,isagoo wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday Cabdijamaal Cismaan,kadib markii uu helay 43-cod,halka Cabdijamaal ka helay 23-cod. Khudbad uu Baarlamanka ka horjeediyay doorashadiisa ka hor, ayuu ku sheegay in uu Baarlamanka ku hoggaamin doono ilaalinta sharciga, la-xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo ka shaqeynta danaha umadda Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba. Sidoo kale wuxuu ballanqaaday in uu ku shaqeyn doono siyaasad furfuran oo wada-tashi ku dhisan,uuna dhegaysan doono talooyinka kala duwan ee xildhibaannada Golaha wakiilada. Cabdixakiin Dhoobo dadka yaqaan waxay ku tilmaaman nin dabeecad wacan, wadaad ah oo ka agdhow culimada si fiicana wax uga bartay axkaamta iyo Fiqiga Diinta Islaamka oo sida la sheegay uu inta badan ka marsaday masaajidda. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com