Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,511
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Thank you Mr. President, I arrived in Somalia on 3 October and have been well received by prominent officials of the Federal Government and of [...] Source
  2. Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika, AFRICOM, oo war-qoraal ah soo saareey ayaa wuxuu ku sheegtay inuu duqayn cusub ka fuliyay dalka Soomaaliya. AFRICOM ayaa tilmaamtay in weerarka cirka ah oo ka dhacay tuulada Dheerow Sanle ee gobolka Bay ay ku dishay 10 xubnood oo Al-Shabaab ah. Mareykanka ayaa tibaaxay in howlgalkaan oo ay fuliyeen Arbacadii shalay ahayd aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dad shacab ah. Ma jirto wax war ah oo ku aadan sheegashada Mareykanka oo kasoo baxay dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Waa duqayntii ugu horeysay oo ay dowladda Mareykanka ka geysto Soomaaliya sanadkaan cusub ee 2019. The post Mareykanka oo fahfaahiyay duqayn uu ka fuliyay Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-03012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Muqdisho)-War saxaafadeed ka soo baxay ciidamada u qaabilsan Maraykanka qaarada Afrika ee Africom ayaa sheegay in duqeyntii ugu horeysay ee sanadkan ay ka fuliyeen gobolka Bay. Duqeyntan ayay ciidamada Maraykanku sheegeen in ay ku dileen toban ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab. “Waxaan qiimeyneynaa in dad rayid ah aysan ku dhiman duqeyntan,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Africom. Duqeyntan ayay ciidamada Maraykanku fuliyeen 2dii bishan iyadoo ay ku sheegeen in duqeyntan ay ka dhacday meel ku dhow deegaan lagu magacaabo Dheerow Sanle. Duqeymaha ciidamada Maraykanka ka geysanayaan deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa korodhay sanadkii la soo dhaafay. Source
  5. Muqdisho (PP) ─ Xaflada ay xilka kula kala Wareegayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Somalia, C/fataax Maxamed Ibraahim (Geeseey) iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaas, Cabdi Aadan Hoosoow ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaradda ee Muqdisho. Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiir-u-dowlaha Xafiiska RW Somalia, C/llaahi Xaamud, wasiirro iyo xubno kale. Wasiirkii hore ee Howlaha guud, C/fataax Geesey ayaa ka hadlay hawlihii ay wasaaraddu qabtay intii uu xilka hayay oo ay ka mid yihiin heshiisyo uu la galay Hay’ado Caalami ah iyo Dowladaha saaxiibka la ah Soomaliya. Sidoo kale, Wasiirka cusub ee Wasaradda Cabdi Aadan Hoosoow ayaa isna sheegay inuu la imaan doono hufnaan cadaalad iyo hawl-karnimo dhinaca shaqada ah halkaana uu kasii wadi doono hawlaha horyaalla Wasaaradda. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somalia, Mahdi Guuleed oo u kala wareejiyay xilka Wasiirkii hore iyo Wasiirka cusub ayaa ammaanay shaqadii Wasiirkii hore ee xilkaan baneeyay kuna tilmaamay inuu ahaa mid howlkar ah, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda ayuuna ku tilmaamay inuu la imaan doono dar dar gelinta howlaha shaqo ee Wasaaradda. Ugu dambeyn, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha guud C/rataax Geesey ayaa isku casilay toddobaadyo ka hor rabshadhihii ka dhacay Baydhabo markii la xiray Roobow, isgaoo sheegay in falalkaas ay yihiin kuwo xad-gudub ku ah maamulkaas, nkastoo maalin kaddib la magacaabay wasiirka xilka la wareegay oo isla deegaankaas kasoo jeeda. PUNTLAND POST The post Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya oo Maanta Xilka la Waregay appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka Dowladda Somalia iyo shirkadda khayraadka macdanta iyo bBatroolka dalka Qatar ayaa maanta heshiis is-af-garad ah ku kala saxiixday munaasabad lagu qabtay Muqdisho Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Somalia, Inj. C/rashiid Maxamed Axmed iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo madaxa ka ah koox maal-gashadayaasha Qatar oo Muqdisho ku sugan ayaa si wada jir ah u saxiixay is-afgaradka. Sidoo kale, Wasiir C/rashiid iyo maalgashadayaasha Qadar ka socda ayaa ka wada hadlay dhinacyada wasaaaradda laga caawinayo, waxaana heshiiskan uu qayb ka yahay heshiisyo ay Qatar ku maal-gashanayso Soomaaliya. Dhanka kale, Dowladda Qatar ayaa waxay horay mashaariic kala duwan ula saxiixatay Somalia, waxaana heshiisyadaas ka mid ahaa kuwo lagu dhisayo waddooyinka isku xira Muqdisho iyo degmooyinka Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe. Ugu dambeyn, Dowladda Qatar ayaa waxay billlowday inay mshaariic kala duwan la saxiixato Dowladda Somalia tan iyo markii Dowladda Imaaraadku ay joojisay mashaariicdii ay wadday Somalia, sababo la xiriira khliaaf soo dhex-galay labada dowladood. PUNTLAND POST The post Xukuumadaha Somalia iyo Qatar oo Heshiis ku kala Saxiixday Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Telfishinka dowladda Shiinaha ayaa war laga baahiyay waxaa lagu sheegay in Dayax Gacmeed ay dowladu dirtay uu gaaray cirifka shishe ee Dayax , gaar ahaan [...] Source
  8. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa kormeeray cutubyo cusub oo ka mid noqoyana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo tababar uu uga socdo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa sheegay in laga sugayo kumannaankan dhallinyarada ah ee u istaagay dalkooda, in ay wax badan ka badelaan amniga magaalooyinka dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo waajib gaar ah uu ka saaran tahay qof kasta oo Soomaali ah. “Cadawgeennu waxa ay Muqdisho u bartilmaameed sanayaan waa maqaamka iyo maamuska ay ku leedahay caalamka, Argagixisada Alshabaab waxa ay cududdooda oo dhan isugu geeyeen sida ay u wax yeelayn lahaayeen Caasimadda shacabka Soomaaliyeed, balse taas uma suurta galeyso inta ay dalkan ku nool yihiin dhallinyaro idinkoo kale ah oo shafka u dhiganaya ilaalinta xasilloonida, nafta iyo hantida shacabkeenna.” Taliyeha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo kormeerkan ku wehelinayay Duqa Muqdisho ayaa ka warbixiyey tirada iyo tayada ciidankan loo diyaarinayo sugidda amniga Caasimadda, isagoona tilmaamay in korjoogteynta iyo ka-warqabka Maamulka Gobolka Banaadir ee Ciidankan uu cadeyn u yahay rajada iyo yididiillada lagu qabo dhallinyartan. Ugu dambeyn, Dhallinyarada uu la kulmay Guddoomiyuhu ayaa dhankooda soo bandhigay noocyada tababarka ay qaateen iyo himilladooda ku aaddan sugidda amniga Caasimadda, iyagoona Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyey booqashadan oo ka tarjumaysa sida Guddoonka Gobolku ay u garab taagen yihiin hay’adaha ammaanka. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Yariisow oo sharraxay sababta loo bar-tilmaameedsanayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay Maxkamad soo taagtay 11 qof oo ku eedeesnaa dilka wariye Jamaal Jamaal Khaashuqji , kaas oo labadii October 2018 lagu dhex [...] Source
  10. To support the Federal Government of Somalia’s continued efforts to degrade al-Shabaab, U.S. forces conducted one (1) airstrike targeting al-Shabaab militants in the vicinity of Dheerow Sanle, Somalia, on January 2, 2019. This airstrike was conducted to diminish al-Shabaab’s freedom of movement and to increase pressure on Al Shabaab militants in the area. We currently assess this airstrike killed ten (10) militants. At this time we assess no civilians were injured or killed in this airstrike. Alongside our Somali and international partners, we are committed to preventing al-Shabaab from taking advantage of safe havens from which they can build capacity and attack the people of Somalia. In particular, the group uses portions of southern and central Somalia to plot and direct terror attacks, steal humanitarian aid, extort the local populace to fund its operations, and shelter radical terrorists. U.S. Africa Command will continue to work with its partners to transfer the responsibility for long-term security in Somalia from AMISOM to the Federal Government of Somalia and its Member States, and U.S. forces will use all effective and appropriate methods to protect the Somali people, including partnered military counter-terror operations with the Federal Government of Somalia, AMISOM and Somali National Army forces. The post US military carries fresh airstrike in Somalia, kills militants appeared first on Shabelle. View the full article
  11. New York (Caasimada Online) – Kulanka golaha ammaanka QM uu ka yeelanyo arrimaha Soomaaliya ayaa goor-dhow si rasmi ah uga billowday xarunta QM ee magaalada New York. Waxaa kulanka khudbad ka jeedinaya wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dowladda Soomaaliya ay dalka ka cayrisa. Waxaa sidoo kale khudbad ka jeedinaya danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan Abuukar Baale iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Madeira, iyo xubno kale oo arrimaha Soomaaliya ay khuseyso. Toos u daawo kulanka oo hadda socda Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  12. New York (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay nuqul ka mid ah khudbadda la filayo in safiirka Soomaaliya ee QM uu goor-dhow ka jeediyo kulanka golaha ammaanka uu ka yeelanyo arrimaha Soomaaliya. Khudbadda oo inteeda badan ku saabsan horumarka ay dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Farmaajo ay samaysay, ayaa waxaa ku jira qeyb ayada oo aan la magacaabin si toos ah ugu socota ergeyga QM ee Soomaliya laga eryey Nicholas Haysom iyo beesha caalamka. Qeybtan ayaa cinwaan looga dhigay: Soomaaliya ayadaa hogaamisa taageerada caalmiga ah, ee taageerada caalamiga ah ma hogaamiso Soomaaliya. Waxaa sida cad u jeedku yahay in beesha caalamka loogu sheegay in taageerada ay siiyaan Soomaaliya uusan macnaheedu ahayn in talada dalka ayaga looga dambeeyo. Qoraalkan ayaa danjire Abuukar daahir Cusmaan Abuukar baalle uu ku leeyahay saidan: Anaga, ayaa sidaas darteed, waajib naga saaran yahay, inaan dib u aas-aaso maqaamka Soomaaliya ee caalamka iyo inaan si fir-fircoon danaha Soomaaliya ugu matalno masraxyada caalamiga. Waxa ay ku fanaan iyo ilaalinta dadka Soomaaliyeed dartood, waxaa waajib naga saaran yahay, anaga oo ah kuwa matala, inaan siino codka iyo matalaadda himilooyinkooda iyo hiigsigooda. Mudane madaxweyne [madaxweynaha golaha ammanaka] Ii ogolow inaan arrintan sii sharxo. Soomaaliya waa ay kala saartaa hay’daha aan qeybta ka nahay iyo ficillada shaqsiyaadka saameynta dhaawaca leh u gaysan kara dalkeena aan cagaha adag ku taganeyn. Waa wax aynaan aqbali karin ficillada shaqsiyeed ee ka baxsan xeerarka iyo nidaamka aynu dhammaanteen raacno, ee looga gol leeyahay in lagu abuuro jawi aad u xun oo dhaawac gaarsiin kara hormuarkii ay gaartay bulshada Soomaaliyeed, ee ay ku jirto waxyeeleynta horumarka muhiimka ah ee laga gaaray cafinta daymaha. Dowladdeena waxay Soomaaliya ku jiheeneysa mustaqbal cusub. Soomaaliya hadda kuma jirto xaalad ku meel gaar ah, hase yeeshee waa dal madax banaan leh dhamaman xuquuqaheeda iyo mudnaanteeda. Waxaan la dagaalaymaan argagixiso, maskax qabyaaladeed iyo musuq-maasuq. Waxaan ka rajeeneynaa hoggaanka QM inuu taageero istaraatiijiyaddan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  13. Ten al-Shabab militants were killed on Thursday in an airstrike of an operation jointly conducted by the United States and Somali forces in southwest Somalia, the state news agency reported. The Somali National News Agency reported that the joint forces conducted the operation against al-Shabab militants at an area about 150 km southwest of the capital Mogadishu. Al-Shabab militants did not comment on the latest operation so far. This is the first operation conducted by the joint forces this year. The post Ten Al-Shabab militants killed in southwest Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Dalinyaro mutadawiciin ah oo iskood isku xilqaantay ayaa deegaano hoose yimaada degmada Qandala ee gobolka Bari waxa ay ka hirgaliyeen Biyo Xireen ay ka cabaan [...] Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sheegay inay Hargeysa ku casuumayaan ergaygii qaramada midoobay ee ay Soomaaliya sheegaytay inay eriday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-Addis Ababa)-Qoysas lagu qiyaasay inay tiradoodu gaarayso in ka badan 400,000 oo ku barakacday gudaha Dalka Itoobiya ayaa dib ugu noqonaya goobihii ay ka kala yimmaaddeen oo u badan xadka kala qaybiya Soomaalida iyo Oromada. Dadka ugu badan ayaa waxay ka yimmaaddeen degaannada, Moyaale, Borena, Gujji, Bale, bariga iyo galbeedka aagga Hererge , sida uu Wakaaladda Wararka Itoobiya ee (Ethiopian News Agency) ENA u sheegay Madaxa Guddiga maareynta qataraha musiibooyinka ee Oromiya, Mekonnen Lenjessa. Mr, Lenjessa, ayaa sheegay in shaqaaqoyinkii ka dhacay xadka Gobollada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya aysan haatan jirin xaaladduna ay tahay mid deggen oo laysku halleyn karo. Dagaalka Gacan ka hadalka ee Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa soo billoowday December 2016-kii, kaas oo ku salaysnaa muranka xudduudaha iyo Dhul daaqsimeed, waxaana ku dhintay Kumanaan Qof, halka Milaayiin kalana ay ku bara-kaceen. Source
  17. Sida uu ku waramayo weriyaha Goobjoog News ee Somaliland, waxaa uu maanta dagaal muddo socday dhex maray ciidamada Somaliland iyo Puntland ee ku sugan deegaanka Tukaraq. Sababta dagaalka ayaa lagu sheegay ka dib markii ciidanka Somaliland gaadhi dagaal loogala goostay dhinaca Puntland. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, laakin waxaa ay ciidamada halkaasi isku hor fadhiyeen wax ka badan 6 bil. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyadda Mucaaridka Ah Iyo Xukuumadda KULMIYE Oo Dood Adag Ka Yeeshay Waxqabadka Ay Soo bandhigeen Sannadkoodii Ugu Horrreyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Dagaal koobani ayaa waxa uu maanta deeganka Tuko-raq ku dhex maray ciidammada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland oo is hor fadhiya deegaankaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa kormeeray cutubyo cusub oo ka mid noqoyana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo tababar uu uga socdo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa sheegay in laga sugayo kumannaankan dhallinyarada ah ee u istaagay dalkooda, in ay wax badan ka badelaan amniga magaalooyinka dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo waajib gaar ah uu ka saaran tahay qof kasta oo Soomaali ah. “Cadawgeennu waxa ay Muqdisho u bartilmaameed sanayaan waa maqaamka iyo maamuska ay ku leedahay caalamka, Argagixisada Al-Shabaab waxa ay cududdooda oo dhan isugu geeyeen sida ay u wax yeelayn lahaayeen Caasimadda shacabka Soomaaliyeed, balse taas uma suurta galeyso inta ay dalkan ku nool yihiin dhallinyaro idinkoo kale ah oo shafka u dhiganaya ilaalinta xasilloonida, nafta iyo hantida shacabkeenna.” Taliyeha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo kormeerkan ku wehelinayay Duqa Muqdisho ayaa ka warbixiyey tirada iyo tayada ciidankan loo diyaarinayo sugidda amniga Caasimadda, isagoona tilmaamay in korjoogteynta iyo ka-warqabka Maamulka Gobolka Banaadir ee Ciidankan uu cadeyn u yahay rajada iyo yididiillada lagu qabo dhallinyartan. Dhankooda, dhallinyarada uu la kulmay Guddoomiyuhu ayaa soo bandhigay noocyada tababarka ay qaateen iyo himilladooda ku aaddan sugidda amniga Caasimadda, iyagoona Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyey booqashadan oo ka tarjumaysa sida Guddoonka Gobolku ay u garab taagen yihiin hay’adaha ammaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa amar Xayiraad ah Saartay Hudheelka Beerta Libaaxyadda. Halkan hoose ka akhriso: Source
  22. Muddo 28 Sano Soomaaliya Dawladi Kamay Jirin, Waxaana Mudadaas Ka Jiray Madaxwaynayaal Maqaar Saara!!!, Xukuumad Maqaar Saara!!!!, Barlamaan Maqaar Saara!!!!, Ciidamo Maqaar Saara Oo Aan Lahayn Nidaamkii Iyo Kala Dambayntii Lagu Yaqaanay Milaterigii Soomaaliya 28 Sano Ka Hor!!!!!!. Soomaaliya Oo Aanay Soo Marin Madaxwaynayaal Damiir Muslim Iyo Mid Wadaniyadeed Aan Lahayn Cadoowgooda U Yaqaana Shacabwaynahooda!!!!!, Nasteexoodana U Yaqaana Cadoowga Duulaanka Ku Ah Dhulkooda Iyo Xeebahooda!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!. justify;”> Yaddoo Soomaaliya Aanay Ka Jirin Dawlad Leh Ciidamo Soomaaliyeed Oo Awood Leh Sugina Kara Amaanka 13 Gobol Ee Ay Ka Kooban Tahay Soomaaliyadda Xoriyadda Ka Qaadatay Wadanka Talyaaniga!!!!!!!!!!!!!!. Yadoo Soomaaliya Aanay Lahayn Barlamaan Awood Leh Oo Sharciga Wadanka U Yaala Ku ILaalinaya Hadba Xukuumaddii Jirta!!!!!!!!!!. Barlamaanka Soomaaliya Wuxuu Qayb Wayn Ka Yahay Xasuuqa Loo Gaysto Shacabwaynaha Soomaaliyeed, Kuwa Xasuuqa Gaysanayaa Ha Noqdaan Xukuumadda, Ha Noqdaan Ciidamadda Soomaaliya, Ha Noqdaan Hogaamiyo Kooxeedyadda, Ha Noqdaan Ururka Al-Shabaab, Ha Noqdaan Ciidamadda Amisom, Ha Noqdaan Ciidamadda Kale Ee Aan Xukuumadda Soomaaliya U Diiwaan gashanayn Ee Kala Ah Ciidamadda Kala Duwan Ee Wadamadda Carabta, Reer Galbeedka Iyo Yuhuuda U Jooga!!!!!!!!!!!. Soomaaliya Mudadaas 28 Sano Waxaa Gacanta Ku Haya Oo Dhaqaale Fara Badan Oo Lagu Qiyaaso Ugu Yaraan Ku Baxay Boqolaal Bilyan Oo Dollar, Maaliyadda Intaas Leegna Waxay Dhisi Lahayd Labaatan Wadan Oo Afrika Ku Yaala Oo Somaliland Ku Jirto!!!!!!!!. Caalamku Si Indho La’aan Ah Ayuu Ugu Kala Hiiliyaa Soomaaliya Oo Noqotay Foosto Daloosha Oo Dhaqaalaha Lagu Bixiyo 1% Aanay Ka Muuqan!!!!!, Halka Ay Caqliga Ka Shaqaysiin Lahaayeen Wadamadda Iskugu Yeedha Wadamadda Muslimka, Wadamadda Reer Galbeedka, Wadamadda Reer Bariga, Wadamadda Afrika Oo Somaliland Iyo Soomaaliya Si Siman Loogu Qaybin Lahaa Dhaqaalaha Iyo Dib U Dhiska Labadda Wadan!!!!!!!!!!!!!. Qaramadda Midoobay Iyo Wadamadda Reer Galbeedka Abaalkoodii Ayaa Helay!!!!!!, Mar Haddii Soomaaliya Ay U Gudbisay Xoghayaha Qaramadda Midoobay Warqad Ay Ku Eryayso Ergayga Qaramadda Midoobay Ee Soomaaliya U Jooga Ee La Yiraahdo Nicholas Haysom!!!!, Ergaygaas Oo Ka Hadlay Xasuuq Lagula Kacay Shacabwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Loona Gaystay Dhaawac Fara Badan!!!!, Xasuuqaas Oo Ay Gaysteen Xukumadda Federaalka, Maamulka Koonfur Galbeed Iyo Ciidamadda Itoobiya!!!!!!!!!!!!!!!! Mar Haddii Soomaaliyaddii 28 Sano Ay La Daba Taagnaayeen Dhaqaale Aad U Fara Badan, Ciidamo Shisheeye Oo Ay U Soo Direen Si Soomaaliya Ay Cagaheeda Isku Taagno Dhinaca Nabadgelyadda, Dhaqaalaha, Dib U Dhiska Wadanka, Asaaska Bulshadda, Shaqo Abuurka Wadanka, Mustaqbalkana Ay Ku Talaabsato Doorasho Wadankoo Dhan Ka Dhacda One Fote One Man!!!, Oo Qofkasta Oo Soomaaliya Ahi Uu Codkiisa Doorashadda Si Xor Iyo Xalaala Ka Dhiibto Doorashooyinka Madaxtooyadda, Barlamaanka Iyo Dawladaha Hoose!!!!!!!!!!!!. Xukuumadda Somaliland Waa Inay Ka Faaidaysato Isku Dhacyada Ay Inta Badan Isku Dhacaan Soomaaliya, Wadamadda Muslimka, Qaramadda Midoobay, Wadamadda Reer Galbeedka, Wadamadda Reer Bariga Iyo Wadamadda Afrika!!!!!!!, Xukuumadda Somaliland Waxaa Looga Baahan Yahay Siyaasad Fur Furan Oo Ay Kula Macaamilayso Wadankasta Oo Jecel In Somaliland La Aqoonsado!!!!!!, Wadankasta Oo Neceb In Somaliland Noqoto Wadan La Aqoonsado!!!!!!. ahmedsakatouri@hotmail.com Source