Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Senotar Ilhan Omar oo ka tirsan Gollaha Kongress ka Mareykanka , lagana soo doorto Gobolka Minnesota oo ay Soomaalidu u badan tahay ,ayaa waxa ay [...] Source
  2. Gelinsoor (Caasimada Online) – War Saxaafadeed ka soo baxay maamulka degmada Gelinsoor ee Galmudug, ayaa looga hadlay dagaaladii u danbeeyay ee ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud. Qoraalka, ayaa lagu sheegay in duulaan lagu soo qaaday deegaano ay Nabad ku joogeen Beelo Somaliyeed, loona geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. War Saxaafadeedka ka soo baxay maamulka Gelinsoor, waxaa lagu sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah ay ka qeybqaateen dagaalka, iyagoo taageerayay mid kamid ah labada beel ee dagaalamayay. Waxa ay sheegeen iney gacanta ku soo dhigeen laba kamid ah Ciidamada Itoobiya ee ka soo gudbay xadka si ay dagaalka uga qeybqaataan. Halkan Ka Aqriso Qoraalka ka soo baxay maamulka Gelinsoor:
  3. (SLT-Hargeysa)-Waxaanu halkan idinku soo gudbin doona war bixin ku saabsan dhibtaada haysata darbi jiifka ku nool magaalada Hargeysa iyada oo iminka lagu jiro xilligii dhaxanta Source
  4. The Newly elected Southwest state President, Abdiaziz Hassan Mohamed has paid his first visit to Hudur town amid a humanitarian crisis in the region. Mohamed who is leading a delegation from his government has been welcomed by local authorities at the airport. Sources privy to his trip said the leader will be assessing the security and humanitarian situation of the town and its surrounding areas. He is expected to hold talks with the elders and local authorities in the town. The town has been under a siege imposed by Al-Shabaab for the last four years forcing thousands to flee from the town over food security. Somali government forces backed African Union mission in Somalia (AMISOM) seized the town in March 2014 after fierce fighting with Al-Shabaab. Meanwhile, President Mohamed is expected to visit several towns in his state including the designated capital city of the southwest state, Barawe, and Diinsoor. Mohamed, a former energy minister, was elected as the president of the state in a presidential election which took place in Baidoa on 19th of this month. The post The new president of Southwest state pays his first visit to Hudur appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Cabdiraxmaan Guuleed Cali oo ah siyaasi reer Puntland ah, ayaa maanta ah Garoowe kaga dhawaaqay in uu u sharraxanyahay xilka madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland. [...] Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee taageersan dowladda Soomaaliya oo ka hadlayay kulankii baarlamaanka ayaa soo jeediyay su’aalo loo baahan yahay in wasaaradda maaliyadda ay ka jawaabto. Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa ugu horeyn sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay xasilooni Siyaasadeed, waxaana uu sheegay in wasiir ku xigeenada ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ay qaataan 7,200 oo doolar. Isaga oo sii hadlayay wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka aysan heysan dhaqaalo badan oo ay ugu laaban karaan deegaan doorashadooda “Halkey matalaan”, balse wasiir ku xigeenada ay qaataan dhaqaalo badan. Sidoo kale wasiirka ayuu sheegay in ka lacag badan yahay wasiir ku xigeenka ayna u dheer tahay lacagta lagu dhaqaajiyo howlaha wasaaradda “Running Cost”, oo gacanta u gasha, taasi oo sababtay in dhamaan xubnaha baarlamaanka ay raadiyaan xilka wasiir ama ku xigeen. “Maxaa miisaaniyadda loogu dari waayay lacago xildhibaanada u fududeynayo dib ugu laabashada deegaanada ay matalaan, Waxaa jiro Wasiir ku xigeen qaata 7200 $ Wasiirkana wuu kasii badan yahay, nin wasiir ku xigeen oo halkaan ila fadhiya oo lacagtaas qaadanaya iyo xildhibaan weysay lacag uu deegaan doorashadiisa ugu laabto, maxay tahay deganaanshada siyaasadeed ee la raadinayo, nin walbaa wasiir ayuu raadinooyaa baarlamaankii oo dhane”ayuu yiri xildhibaanka. Hadalkiisa ayaa u muuqda mid uu ku cadeynayo kala sareynta mushaaradka xildhibaanada iyo wasiirada, taasi oo abuureyso in xildhibaan walbaa uu raadiyo xil wasiireed si uu dhaqaalo badan u helo. Arrinta labaad ee uu su’aasha ka keenay xildhibaanka ayaa ah ansixinta Mashaariicda tirada badan oo baarlamaanka ay asixiyeen balse aysan jirin ilaa iyo hadda mashruuc muuqda oo Soomaaliya laga fuliyay. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/jees.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda shaqo-galinta iyo arrimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Gaani ayaa qaawan u weerartay saxaafadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Burco) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Togdheer ayaa ka hadlay xaalada Abwaan Hadraawi . Hoos ka DAAWO. Source
  9. (SLT-Ankara) Dowladda Turkiga ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya arin la xidhiidha wadahadaladii u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Turkey Maxamed Cabdullaahi Jaamac, ayaa shaaciyay inay dhawaan dib u bilaaban doonaan wadahadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Safiirka Soomaaliya ee Turkey ayaa dalkaasi kula kulmay danjirihii hore ee Turkey u qaabilsanaa Soomaaliya Olgen Bekar, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo wadahadalada ay u jiraan. Danjiraha ayaa ka dalbaday Dowladda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilowdo wadahadalkii Somaliland, isaga oo sheegay in wadahadalka wax badan lagu dhameyn karo. Safiirka Soomaaliya ee Turkey ayaa ka jawaabay dalabka safiirkii Turkey ee Muqdisho, waxaana uu sheegay inay dhawaan dib u bilaaban doonaan wadahadalka labada dhinac. Wuxuu dhankiisa Olgan Bekar uu balan qaaday inuu door weyn ka ciyaari doono wadahadalka Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kale dalbaday in sidii Muqdisho loogu soo dhaweeyay looso dhaweeyo safiirkii isaga badalay. Source
  10. Qore: Xildhibaan Said Abdi Samatar( Surcad). Maadaama hadal heynta shacabka reer Puntland ay aad ugu badatay Dr Ali Isse oo la sheegay inuu yahay dhaqaale [...] Source
  11. Gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in ay baaritaano ku hayaan qareeno la sheegay in qaataan laaluush. Baashe Yuusuf oo ka hadlayay munaasabad lagu dhaarinayay qareeno ayaa uga digay qareenadaasi in ay musuq maasuqaan danaha dalka. “Waxaan heynaa cadeymo aad u badan kuwaas oo ku aadan dhanka Musuq maasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.” Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isbdal ku sameeyay qareenada isaga oo shaqada ka joojiyay qareeno kuwo kalena soo magacaabay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in ay baaritaano ku heeyso qareeno qaato laaluush appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulanka guud ee mudanayaasha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa maanta looga hadlay hal ajende oo ahaa Warbixinta iyo ka doodista Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,waxaana ugu horeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo kulanka shir gudoominayay uu sheegay in kalfadhigan geba-gebada maraya uu wax badan qabtay islamarkaana uu ansixiyay afar hindise sharciyeed,wuxuuna Xildhibaanada ka codsaday in Miisaaniyada ansixiyaan maadaamaa ay dalka muhiim u tahay. Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa golaha u aqriyay warbixin hour dhac ah oo ku saabsan odoroska miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka. Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay guddoomiye k-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka aragtiyadooda ka dhiibtay Warbixinta uu gudiga soo gudbiyay, iyagoo qaarkood su’aalo miisaaniyada ku saabsan weydiinayay Madaxda Wasaaradda oo kulanka joogtay. Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa. Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa uga mahad celiyay xildhibaanada golaha shacabka talooyinka ay warbixinta miisaaniyadda ku biiriyeen. Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in gudiga iyo wasaaradda ay iska kaashanayaan talooyinka xildhibaanada kulanka kan xigana miisaaniyadda cod la gelin doono. The post Golaha shacabka Oo ka dooday Miisaaniyadda 2019-ka appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlayay kulankii Baarlamaanka ee maanta ka qabsoomay xarunta Golaha shacabka ayaa ka hadlay mooshinkii laga keenay madaxweynaha iyo saameeynta uu keenay. Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in saameeynta mooshinkaasi laga dareemay gudaha dalka iyo dibadiisa xalkiisana ay qadatay waqti badan. Waxaa uu u mahad ciliyay xildhibaanadii aqbalay in ay mooshinka ka laabtaan islamarkaasina ay tanaasulaan. “Markii ay timaado arrin taabaneyso masiirka iyo maslaxada Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan wax maslaxooda ku jirto,xildhibaanadii tanaasulay iyo kuwii nagu hurdo beelay waan u mahad celineynaa,waxayna ka mid aheyd waxyaabihii la idiin doortay. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan mooshin ka soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo inkastoo markii dambe ay sheegeen in ay ka tanaasuleen markii dambe. Maanta waxaa muddo bil ah kadib furmay kulankii Baarlamaanka oo qilaafaadkaasi dartiis hakad ugu jiray. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Mursal” Mooshinkii Madaxweynaha dalka ayuu sameeyn ku yeeshy” appeared first on Puntland Post.
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas uu laamaha aminiga ku amray in si dhaw loola socdo oo la xadido dhaqdhaqaaqa siyaasi Dr Cali Ciise Cabdi oo shalay gaaray Puntland. Dr. Cali Ciise Cabdi ayaa la filayaa in uu ku biiro musharixiinta u taagan xilka madaxweyne ee Puntland. Warbixinada waxa ay intaas ku daraayaan in Cali Ciise ku adkaatay la kulanka xildhibaanada cusub, xilli uu xalay ku hoyday guriga madaxweynahihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole. Sida uu xildhibaan codsaday in aan magaciisa la xusin u sheegay Caasimada Online, waxyaabaha la faray laamaha amniga waxaa ka mid ah in Dr. Cali Ciise Cabdi si dhaw loola socdo waxyaabaha uu qabanayo, kulamada uu sameyno si ay ugu adkaato in uu sameeyo ol’olihiisa doorasho. Caasimada Online waxa ay sidoo kale heleysaa warar sheegaya in Dr. Cali Ciise u baqay naftiisa oo uu bedelay hoygii uu markii hore qorsheystay in uu dago, kaas oo ahaa guriga Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey. Dr. Cali Ciise waxa uu hadda dagay guriga Faroole oo uu ka dhigan doono saldhigiisa si uu uga badbaado shirqool iyo in lagu handado Garowe. Cali Ciise Cabdi waa siyaasi saameyn badan oo ruxay ol’oleha doorasho ee Garowe taas oo soo keentay in uu Gaas bedelo qorsheyaashiisii hore. Puntland waxa ay maanta soo saartay qoraal ay ku mamnuuceyso in madaxda dowladda Federal-ka ay ku soo galaan Garowe inta ay doorashada socoto. Dadka qoraalka lagu xusay in aysan Puntland imaan karin waxaa ka mid ah Wasiiraro, shaqaalaha Villa Somalia, shaqaalaha rayidka ah iyo dhammaan dadka ku lugta ah dowladda dhexe. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  15. Cadaado ( Sh. M. Network )-Wafdigan oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha XFS Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta ka ambabaxay M/Muqdisho, iyaga oo gaari doona deegaanada lagu dagaalamayo ee gobolka Galgaduud. Xubnaha Wafdigani oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada Gole ee BFS ayaa marka hore tagi doona M/ Cadaado oo ay ka bilaabi doonaan kulamo nabadeed. Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa dagaal Beeleedyo xoogan ay ka dhacayeen agagaarka deegaanka Kaxandhaale ee gobolkaasi. Cabdi Maxamed Sabriye wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay u jeeka socdaalkooda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-wasiirka.mp3 The post DFS Oo wafdi xal raadin ah u dirtay G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Boosaaso ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay dil ay ka geysteen gudaha M/ Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Gabar ka tirsaneyd shaqaalaha dowladda hoose ee Boosaaso, gaar ahaan waaxda Canshuuraha ee degmadaasi. Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in Toogasho ay ku dileen Marxuumadda, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi. Ammaanka Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid faraha ka sii baxayay, iyadoona ay ka dhaceen falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan. The post Kooxo hubeysan Oo dil ka geystay magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Xudur ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Madaxweyne Lafta Gareen waxaa socdaalkan ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi, iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay halkaasi. U jeedka socdaalka Madaxweynaha K/ Galbeed ayaa la sheegay in uu la xariiro u kuur galida xaaladaha ammaan iyo tan nololeed degmada Xudur ee gobolka Bakool. Waxaana uu inta uu ku sugan yahay Xudur kulamo uu la qaadan doonaa qeybaha bulshada iyo maamulka magaaladaasi. Waa socdaalkii ugu horreeyay ee Madaxweynaha cusub maamulka K/ Galbeed uu kaga ambabaxo Baydhabo, tan iyo markii lagu doortay magaaladaasi. The post Madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed Oo gaaray Xudur appeared first on Shabelle. View the full article
  18. mudane Cabidraxman Guuleed oo ku dhawaaqaya murashaxnimo 29.12.2018 Siyaasi Cabdiraxmaan Guuleed Cali ayaa Sabtida maanta ah Garoowe kaga dhawaaqay in uu u sharraxanyahay xilka madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland. Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen siyaasiyiin,aqoonyahanno,ganacsato,isimo iyo qeyba kale ee bulshada,ayaa siyaasigan ka shaaciyay in uu u tartamayo xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland ee doorashada ay haatan maalmaha kooban ka harsan yihiin. Murashaxa oo khudbad kooban jeediyay ayaa sheegay in in haddii loo doorto xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland uu si mugleh wax ka uga qaban doono hawlaha horumarinta Puntland,islamarkaana uu noqon doono adeege bulsho oo u shaqeeya shacabkiisa. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu taariikh nololeedkiisa iyo qorshihiisa siyaasadeed oo qodobaysan uu si faahfaahsan ugu soo bandhigi doono Baarlamanka hortiisa,qoraal ahaanna bulshada ula wadaagi doono. Dhinaca kale Dr Cabbaas oo aqoon durugsan u leh murashaxa ayaa ku tilmaamay tiir adag oo wax badan ka qabtay arrimaha waxbarashada Puntland oo uu sheegay in uu kaalin laxaad leh ka qaatay hannaanka waxbarasho ee Puntland ka hirgelay,isagoo in mudda ah ka shaqeynayay kobcinta iyo tayaynta waxbarashada Puntland. Garaad saleebaan Buraale oo kamid ah isimada waaweyn ee Puntland kana soo qeyb galay munaasabadda ayaa si weyn u bogaadiyay murashaxa cusub,wuxuuna sheegay in uu yahay aqoonyahan bulshadiisa garab istaagay xilliyadii adkaa,islamarkaana mudan in lagu abaal-mariyo xilkaan. Si lamid ah, Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa sheegay in murashaxa uu yahay aqoonyahan macallin ahaan u shaqeeyay oo dad badani ka aflaxeen sidoo kalena in mudda ah hay’adaha caalamiga ah kala shaqeynayay tayaynta iyo kobcinta waxbarashada Puntland,waxaana Garaadku sheegay in murashaxu ku soo beegmay wakhti loo baahanyahay,maadaama hore loogu yaqaannay kaalinta uu bulshada Puntland ugu jiro. SuldaanSiciid Maxamed Maxamuud(Irbad) oo isna hadalka qaatay ayaa sheegay in dadka miisaanka iyo magac leh ee ka soo qeyb galay munaasabaddiisa ay caddeyn u tahay maqaamka uu bulshada Puntland ka dhex joogo mudane Cabdiraxmaan Guuleed Cali;murashaxa cusub,wuxuuna u rajeeyay guul. Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin ayaa dhankiisa murashaxa cusub bogaadiyay si lamid ah isimadii hadalka uga horreeyay,isagoo si gaar ah u ammaanay doorka as’aaasiga ah ee murashax Cabdiraxmaan ka soo qaatay arrimaha waxbarashada Puntland. Dhammaan aqoonyahannadii,isimadii iyo siyaasiyiintii munaasabadda ka hadlay ayaa si midaysan u soo dhoweeyay murashaxan cusub ee u tartamayaa xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland, mudane Cabdiraxmaan Guuleed Cali. PUNTLAND POST The post Siyaasi Cabdiraxman Guuleed oo Garoowe kaga dhawaaqay murashax madaxweyne ku xigeen appeared first on Puntland Post.
  19. Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad la geeyay deegaanka Kaxandhaale ee gobolkaasi. Ciidamadani ayaa kala dhexgalay Labo Maleeshiyo oo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamay dagaalkaasi. Dagaalkii ugu dambeeyay oo dhacay shalay ayaa waxaa ku dhintay illaa 10 Ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona ay socdaan dadaallo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug. The post Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Oo la geeyay Kaxandhaale appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxmakada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa kullan lagu dhaarinayay garsooyaal uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi ka sheegay in ay jiraan qareeno qaata laaluush. Guddoomiye Baashe waxaa uu si weyn uga hadlay arrimaha musuq maasuqa, waxaana uu sheegay inay jiraan qareeno qaata laaluush, kuwaas oo dagaal lagula jiro sidii banaanka loo soo dhigi lahaa. “Waxaan heynaa cadeymo aad u badan kuwaas oo ku aadan dhanka Musuq maasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.” Gudoomiyaha Maxmakada sare eedalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa ugu dambeyntiina waxa uu u digay dadka u dacwooda shabaab oo sheegay in cadaalada ay soo taagi doonaan. Dhinaca kale, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka waxaa uu digniin u daray dadka looga guuleystay dacwadaha ay maxkamadaha dalka qaadaan kuwaas oo u taga Maleeshiyaadka Al-Shabaab si ay u cabsiiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/maxkamadaaaaa.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Taariikhda markii ay ahayd 20 -6-2017 ayay Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Somaaliya waxa ay u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay Shabaab Maxamed Aadan [...] Source
  22. Dowladda Puntland ayaa mamnuucday inta doorsshadu dhacayso in ay Puntland yimaadaan saraakiisha villa Soomaaliya sida wasiiradda. saraakiisha ciidanka iyo howlwadeeda Madaxtooyada Soomaaliya. Hadaba halakn ka [...] Source