Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-080119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Doorashada madaxtinimada Puntland ayaa saaka oo Talaado ah ka socota xarunta Baarlamanka Puntland ee magaalada Garoowe. Doorashada ayaa waxaa ku loollamaya 21 murashax madaxweyn iyo 11 murashax madaxweyne ku xigeen,waxaana codaynayaa 66-da mudane ee uu ka koobanyahay Baarlamanka Puntland. Amniga caasimadda ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo ciidamada kala duwan ee Puntland ay ku sugan yihiin dhammaan waddooyinka magaalada,waxaana la xannibay isu’ socodka gaadiidka soo galaya am aka baxaya magaalada ilaa laga gaarayo 4:00pm ee Galabta. PUNTLAND POST The post Toos u daawo: Doorashada madaxtinimada Puntland oo ka socota Garoowe appeared first on Puntland Post.
  3. Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa bixiyay xog dheeri ah oo ku saabsan sababta ay u tageen magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaaciyay in maalmihii ugu dambeeyay ay wadeen abaabulka dagaalka Al Shabaab looga saari lahaa degmada Bu’aale oo caasimad u ah maamulkiisa. Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in la dhameystiray dhamaan ciidamadii iyo qorshihii AL Shabaab looga saari lahaa deegaanada maamulka Jubbaland oo hadda ay ku sugan yihiin. Ujeedada ugu weyn ee ay ciidamada ugu badan u geeyeen degmada Afmadow ayuu ku sheegay inay tahay inay dhabarka ka weeraraan Al Shabaabka ku sugan degmada Bu’aale. “Waan ku hamineynay inaan nimaado Afmadow, ujeedada aan halkaan u nimid waxay tahay inaan dhabarka ka weerarno Degmada Bu’aale oo cadowga ay heystaan, dhawaan ayaan rajeynaynaa inaan ka saarno”ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe. Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday abaabulka ciidamada maamulkaasi si ay Al Shabaab kaga saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  4. Waddamada Itoobiya iyo Eriteriya oo maanta si rasmi ah isugu furay xudduudohooda+Sawirro Hoggaamiyeyaasha dalalka Itoobiya iyo Eriteriya ayaa maanta si rasmi ah waxa ay u wada fureen xuduuda labadaasi dal ka wadaagaan ee daagaanada Oumajir iyo Humera ee waqooyiga dalkaasi. Labada hoggaamiye ee Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki ayaa waxaa munaasabadooda xad-furidda ku weliyay saraakiil sar-sare oo labada dowladood ka socda. Arrintan ayaa timid kadib dadaallo wadahadal oo si xowli ah u dhexmarayay labadan dal kaas oo uu hoggaaminteeda lahaa ra`iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed. Qaran News
  5. London (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga UK, Gavin Williamson, ayaa tiray qoraal uu soo dhigay twitter-ka oo uu Somaliland ugu yeeray dal, wuxuuna soo dhigay qoraal kale. Wasiirka oo axaddii booqday magaalada Hargeysa ayaa maanta bartiisa twitter-ka soo dhigay Isniintii qoraal uu ku yiri “Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, si aan ugala hadlo xoojinta xiriirka labadeena waddan. Waxaan sidoo kale fursad u yeeshay inaan arko shaqada qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka wadaan Somaliland” Si kastaba saddex saac kadib wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sameeyey is-beddel wuxuuna ka saaray meeshii uu ku yiri labadeena waddan. Qoraalka cusub ee wasiirka ayaa u dhignaa sidan “Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Waxaan sidoo kale fursad u yeeshay inaan arko shaqada qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka wadaan Somaliland”, waxaana uu ka rebay intan “si aan ugala hadlo xoojinta xiriirka labadeena waddan” Qoraalka markii hore abuuray tuhun ku saabsan in UK ay Somaliland dal ahaan u aqoonsatay, ayaa waxaa hadda muuqata inuu ahaa qalad xagga faham la’aanta xaaladda taagan ah. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  6. War-weyn:Qiimihii ugu sareeyay ee codadka xildhibaanada Puntland+ Murashaxa ugu lacagta badan Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada madaxtinimada maamulka Puntland ay warbaahintu ka heleyso magaalada Garowe ayaa sheegaya in loolankii ugu adkaa uu caawa ka dhacay hoteelada ay degan yihiin xildhibaanada dooran doona subaxnimadaan madaxweynaha shanta sano ee soo socota maamuli doona Puntland. Loolanka murashaxiinta ayaa loo adeegsanayaa dhaqaale iyo sumcad, waxaana suuqa kala xod-xodashada uu gaadhay heerkii ugu sareeyay, waxaana halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa heerka suuqa muraxashiinta iyo xildhibaanada kala gaadheen. Murashaxa Maxamud Khaliif Jabiye ayaa suuqa xildhibaanada la wareegay caawa, wuxuuna beecii ugu sareeyay halkii cod uu gaadhsiiyay 100,000 oo dollar, taasoo keentay in xildhibaano badan ay u jabaan dhankiisa. Waxaa rikoodh cusub dhigay oo haddii sumcad lagu dooranayo madaxweynaha Puntland waxaa kusoo bixi doona Cali Ciise Cabdi oo soo xidhay albaabada masuqmaasuqa iyo laaluush wax ku doorashada, isagoo xildhibaanadii ugu danbeeyay u sheegay in isagoo 70 sano jir ah mudo 30 sano ah uu la dagaalamayay faqriga, iyo masuq maasuqa, isagoona yidhi “Maanta ma horseedayo mustaqbalkeyga iyo aakhiradeyda inaan laaluush bixiyo, si aan ummad dhan hoggaamiye ugu noqdo”. Marka laga soo tago murashaxa ugu lacagta badan waxaa isna soo labeeya murashax Faarax Cali Shire oo suuqa soo geliyay lacag dhan 50 ilaa 80 inta u dhaxaysa murashaxii. Murashax Asad Cismaan Diyaano, ayaa isna suuqa soo sadaxeeya, waxaanuu xildhibaankiiba uu ku dirqiyayaa lacag u dhaxaysa 40 ilaa 60 kun dollar, isagoo adeegsanaaya siyaasiyiin magac ku leh Puntland.. Murashaxa ugu cad-cadaa ee Saciid Dani oo maalmihii lasoo dhaafay suuqa haystay ayaa xildhibaanada kasoo kala dareereen caawa, kadib markii uu xildhibaanada u balan qaaday midkiiba 40 kun, kana dalbaday inay u dhaartaan, hase ahaatee waxay door dibeen inay ka qulqulaan. C/weli Gaas ayaa isna xildhibaano badan ay u jabeen, markii uu bilaabay inuu 40 xildhibaan shir la qaatay, miiskana uu soo saaray 30 kun dollar, hase ahaatee xildhibaanada ayaa u arka in dhaqaalahaasi ay yihiin hantidii shacabka hadeysan u coddeyna aysan godob laheyn. Cabdi Faarax Juxaa oo wasiirka arrimaha gudaha kasoo noqday dowladda federaalka Somalia ayaa saameyn aad u weyn laheyn, maadaama dhaqaale ahaan uu aad u liito. Dhanka kale, tiro xildhibaano ah oo muran ku jiro tiradooda ayaa lagu soo waramayaa inay guri isku uruursadeen, kuwaasi oo sheegay inaysan wax lacag ah qaadan doonin, codkoodana ay siin doonaan cida ay is yidhaahdaan way ugu haboon tahay wadanka, dhibka jirase waxay tahay tiradooda si rasmi ah looma yaqaan. Si rasmi ah looma saadaalin karo shaqsiga hannan doono xilka madaxweynenimo ee Puntland oo murashaxiinta juhdi kala duwan ay ku bixinayaan, waxaase la ogaan doonaa xaqiiqda 12-duhurnimo ee maanta ama wixii ka danbeeya. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ee mucaaradka ku ah xukuumadda ayaa ka hadlay ishor istaagii lagu sameeyay C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku sheegay in xiligan aan la joojin waqtigii awooda ciidan loo adeegsan jiray caburinta siyaasiyiinta. Qoraalka Xildhibaanka ayaa u qornaa Sidan:- Soomaaliya waa soo dhaaftay xiligii lagu maamuli jiray caburin, cagojugleyn iyo cudud ciidan ee dalkaan dib u dhac iyo burbur kale ha u horseedinina! SIMINAAR SIYAASADEED oo waxa ugu badan ee kasoo bixi kara ay yihiin in dadka kasoo qayb galay ay isku sheegaan wax umaddu wada ogtahay oo ah ”marxalada maanta dalkeenu marayo iyo marin habaabinta ku dhacday majaraha siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo kooxdiisu higsanayaan” in waxaas oo awood ciidan ah la iskugu geeyo si loo baajiyo waxay daliil cad u tahay MUSTAQBALKA MADOW ee dalkeena kusoo foolka leh. Waxaa kale oo nasiib daro aad u weyn ah in ciidamadii qaranka ee u xilsaarnaa difaacida dalka, ilaalinta shuruucda dalka iyo dhowrista sharafta iyo karaamada muwaadinka Soomaaliyeed loo adeegsado caburin, cagojugleyn iyo dilal siyaasadeed. Arintaani waxay wadada u sii xaaraysaa in aan dalkaan doorasho laga qaban doonin 2020 ee la doonayo in xoog ciidan iyo xukun marooqsigii Baydhabo oo kale lagu haysto! Horay ayaa Soomaali uga dhiidhisay caburin, cagojugleyn iyo cudud ciidan oo wax lagu maamulo. Waxayna na dhaxalsiiyay dhimasho, dhaawac, barakac, burbur hantiyadeed, qabyaalad iyo qabqable ma naxariiste ah, qowlaysato shaar diimeed inta noo soo xirta dadka shacabka ah qarax ku gumaada iyo quwado shisheeye oo masiirkeena ku amar ku taagleeya! Waxaan kula talinayaa Madaxweynaha iyo kooxdiisa sidaan xukun aad ku nagaataan kuma imaanayo ee dalkaan dib u dhac iyo burbur kale ha u horseedinina! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa fariin dardaaran ah u diray xildhibaanada baarlamaanka Puntland. Xildhibaan Fiqi ayaa ugu baaqay xildhibaanada Puntland inay ka faa’ideystaan waqtiga yar ee u haray, waxaana uu kula dardaarmay inay shacabka Puntaland usoo dooraan ruux kala yaqaana deegaanka. Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaanada Puntland looga baahan yahay inay shacabka deegaanadooda usoo xulaan ruux aan taageerin dowladda Soomaaliya “Qowsaar u aheyn qole kale”ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. “Xildhibaanada Puntland waqtiga yar ee u haray, waxay heystaan fursad ay deegaankooda iyo Soomaaliba ugu doori karaan hogaamiye aqoon & khibrad leh, dadka iyo deegaanka yaqaana, qolo kalena aan qawsaar u ahayn! Tawfiiqda In ilaahay idin waafujiyo ayaan idinkugu ducaynaynaa.”ayuu yiri xildhibaan Fiqi. Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa saacado kadib galaya doorashada madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana u taagan xilka madaxweynaha maamulkaasi inka badan 20 musharax. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Maanta oo ah 8-da Janaayo, Puntland waxaa u dhammeystirmaya doorashadii u soo bilaabatay dhawr bilood kahor. Eebe haku dhammeeyee, waxa ay u egtahay in doorasho nabdoon ka dhici doonto halkaas, sidii awalba loogu bartay. Hase ahaatee, bulshada Soomaaliyeed waxa ay is weydiinayaan, maxay dowladda u faragalin weysay Puntland maadama ay sidaas ku sameysay Koonfur Galbeed? Su’aashaas waxaa looga jawaabi karaa qodobada soo socda marka la’isla eego- 1- Puntland 20 sano ayey jirtaa – Koonfur Galbeed 4 sano 2 –Puntland haykal dowladnimo oo dhammeystiran ayaa ka jira – Koonfur Galbeed xataa Madaxweyne ku xigeen ma lahayn 3 –Xuduuda Puntlad waxaa gacanta ku haya maamulkeeda –Koonfur Galbeed waxaa Baydhabo oo ay joogto ku haya Amisom Qodobadaas iyo kuwo kale oo badan waxa ay si fudud kuugu muujin doonaan in marka horeba labada maamul aan la’is barbardhigi Karin. Arrinta Labaad – Dowladda waxaa hubaal ah in ay hal ajande ka wada leedahay dhammaan maamulada. Doorashadii ugu horreeysay tan iyo markii ay isku dheceen maamulada waxa uu ku soo aaday Koonfur Galbeed, dowladda waxa ay u martay xeelad awood sheegasho weyna ku fushatay ujeedkeedii. Puntland ayaa ku soo xigtay – iyada xoog suurtagal u noqon meyso laba qodob dartood; 1 – Iyada oo ka soo kabatay fowdo siyaasadeed oo heer mooshin Madaxweyne gaartay iiyo dhacdadii Michael Haysom ma isku furi karto dagaal kale oo muuqda, 2 – Awoodda Puntland u leedahay in ay iska caabiso. Qodobadaas oo jira, dowladda waxa ay raacday waddo kale oo uga halis yar oo waxa ay adeegsaneysaa DHAQAALE xoog leh iyo wakiilo Garowe u fadhiya oo aan la dareemeen . Jubbaland ayaa iyana ku xigta -! Walow aysan caddeyn qaabka ay u wajihi doonto, hadana waxaa hubaal ah in ay faraglin doonto . Galmudug iyo waxaa raaci doona Hirshabeelle, iyaguna kama badalnaan doonaa kuwii hore. Hadaba, waxaan qoraaljeyga ku soo koobanayaa in dowladda ay hal hadaf ka wada leedahay dhammaan maamulada balse ay qabaab kala duwan (Different Approaches) u mareyso si ay siyaasaddeeda uga fushato. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Nin laalush qaatay ha ka sugin, inuu isagoo qof madax-bannaan ah codeeyo! Waa BEEEeeeN! Ma aha qaacida jirta! Guddoomiyaha cusub Cabdi-Xakiim Max’ed Axmed (DHoobo Daareed) inta aan oghay labo xilli oo hore ayuu u soo tartamay xilka loo doortay, taasi macnaheeda waxaa weeye inuu geliyay dadaal dheeri ah oo uu ku mintiday siduu mar u noqon lahaa Guddoomiyaha golaha shacabka Puntland, waxaana laysa weydiin karaa muxuu ku arkay?!…laakiin taas waxaan jawaabteeda kaga qancay sida ay isku raaceen dadka isaga yaqaan intooda badan inuusan ahayn nin looga baqayo inuu khatar geliyo Puntland, isla markaasna muddadii dheereyd ee uu ku soo jiray golaha shacabka Puntland uu ahaa nin ku caan baxay dhaqan iyo anshax wanaagsan, waxaana in badan oo dadkaas ah ay isku raaceen inuu ka saari karo Puntland habacsanaanta soo jiitantay ee xag dhaqan, siyaasadeed, dhaqaale, uu maamulka hadda xilkiisu dhammaday uga tegay , siiba musuqmaasuqa qaawan ee 5tii sano ee u dambaysay dhaqanka u noqday golahii shacabka ee Puntland. Waxa ugu horeeya ee DHoobo-Daareed iyo golaha u hoggaaminayo laga sugayo waxay tahay si ay u ilaaliyaan ku dhaqanka iyo jirtaanka dastuurka iyo habka federalism-ka ah ee ummaddu ku heshiisay inay soo doortaan ninka ay ka filayaan ama ay ka arkeen dhaqankiisa iyo taariikhdiisa wax-qabasho inuu u hoggaansamayo qawaaniinta maamulka u hoggaaminayo iyo dalka Soomaaliyeed, isla mar ahaantaasna aan ka shaqaynayn ama gacan ku siinayn dadka la dagaalamaya xeerarka iyo waxyaabaha ay ummaddu ku heshiisay, ee qorshayniya inay dumiyaan maamul goboleeddada iyo nidaamka federal-ka ah ee dadka Soomaaliyeed ay ku soo heshiiyeen…waxaa kaloo looga fadhiyaa, xil-dhibaannada inay ku shaqeeyaan dareen!… Oo waxa ku meeran dhaqso ay urin karaan, u maqli karaan, una arki karaan, iayadoo wali aysan dad-weynaha soo cabana ma qaylo ka imaan…iyo caqli markiiba garta wax la dareemay, iyo kaskii ay go’aan degdeg ah uga qaadan lahaayeen dhibta ay dareemeen iyadoo aan qaynuunka la baal marayn!… Waxaa iyadana rajo weyn laga muujiyay in xil-dhibaannada cusub oo tiro ku dhowaad 50 xubnood, oo ka mid ah 66ka xubnood ay yihiin dhallin-yaro ay ka dhab tahay inay dib u soo celiyaan ilaalinta dhaqanka suuban ee ummadda (Diinta Islaamka) iyo xeerarka ay ummaddu ku heshiisay. Waxaa sidoo kale soo baxaya in xubno badan oo ka mid ah xil-dhibaannada cusub ay rumaysanyihiin in madax-weynaha ay soo dooranayaan iyo xukuumadda imaanaysa iyo golaha shacabka isla xisaabtankooda uu ku dhisanyahay hannaanka wanaagsan ee dowladnimmada, taasina ay tahay midda dowladnimmada iyo maamulka Puntland shantii sano ee la soo dhaafay waysay. Waxaa sidoo kale ay xil-dhibaannada cusub ee Puntland ku soo beegmeen xilli adag oo dowladda dhexe ee federal-ka ay duulaan qaawan ay ku soo qaaday maamul-goboleeddada, taasoo sida muuqata salka ku haysa sababo qarsoon oo la xiriira heshiisyada qarsoon ee ay wada gaareen Abiy Axmed Cali iyo Max’ed Cabdullaahi Farmaajo waana sababta qasabta in ciidammada Itoobiya ay si bareer ah maalin cad shacabkii reer Koonfur-Galbeed ugu laayeen magaallada Baydhabo si loo soo doorto Lafta-Gareen! Xil-DHibaannadii hore gefkii ay ka galeen dastuurka (Ummadda) wax ma ka qaban doonaan?!… SHaqooyinka ugu adag ee hor yaala DHoobo-Daareed iyo golaha uu guddoominayo waxay tahay inay doorashada beritoo dhacaysaa indho furan kula socdaan, inay tartanka ka reebaan cid kasta oo murashaxiinta ka mid ah oo lagu cadeeyo inay laaluush bixinaysay! Laakiin hawsha xooggeeda iyo culayska u weyn ee xil-dhibaannada dooranay madax-weynaha Puntland saaran wuxuu yahay inay ka digtoonaadaan oo ay ka feejignaadaan qof kasta oo ay ku tuhmayaan inuu khatar ku yahay jiritaanka iyo maamul-goboleeddada kale! Waxaana si gaar ah fart loogu fiiqi karaa Dr. Cali Ciise Cabdi, oo isaga aan wali cadayn inuu bedelay mowqifkiisii colaaddii uu uga soo hor jeeday Puntland, isla markaasna dad badan oo la socday dhaqdhaqaaqiisa ay sheegayaan in Dr. Cali Ciise uusan wali waxba ka bedelin taas laakiin hadda uu qorshihiisu yahay inuu gudaha u soo galo kana faa’idaysto colaadda u dhexeysa Puntland (Maamul-Goboleeddada) iyo dowladda dhexe ee federal-ka, wuxuuna Farmaajo iyo KHeyre ugu jiraa kaalintii uu Cabdi-Caziiz Lafta-Gareen u joogay doorashadii ka dhacday Koonfur-Galbeed. DHanka kale, waxaa hor yaala DHoobo-Daareed iyo xil-dhibaannada cusub inay dib u fiirin ku sameeyaan heshiisyada qarsoodiga ah ee lala galay shirkadaha iyo dalalka shisheeyaha ah, gaar ahaan kii dekedda Boosaaso ee lala galay DP, shirkadda Midowga Immaaradaha Carabta, isla markaasna ah gacanta ka dambeysa heshiisyada qarsoodiga ah ee Farmaajo iyo Abiy Axmed, waxaana looga baahanyahay inay ku dhiirradaan oo si cad sugnaanshaha lahaanshaha dekedda Boosaaso ee Soomaaliya, iyo waliba inaysan ahayn hanta uu lagula heshiin karo ama laga iibsan karo madax-weyne, ama waziir! Ama qof gaar!…maxaa qarsoon?!! Waa inay dadka Soomaaliyeed u cadeeyaan… Ee ma aha in sidii laga soo maray xil-dhibaannadii hore oo iyagoo wali malabsanaya….iyagoo wali haabhaabanay… iyagoo wali qofkii soo ag maraba qooraansanaya…! “ Waziiradaan xilkoodii bay gudan waayeen…Astaghfurullaah!…sidaas kama wadin waa waziiro fiican, oo waliba si fiican u soo shanlaystay! Maya waxaan ka wadaa…” Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Puntland Axmed Cali Xaashi… “ Ceebi yeey wax yeeshaa?!…Ihi! ixi! Hahahah!…Ceeb waa laba af maroojis!…” Xil-DHibaannadii hore ee Puntland. Doorashada beri, waa xil aad u weyn, waana xilka mar kasta lagu eedeeyo in xil-dhibaannadu ay dadkooda ku dulmiyeen, dadkooda ay codkooda wakiilka ka yihiin iyagoo aan u dhiiban, hadday tahay madax-weyne dowladeed, iyo hadday tahay mid maamul-goboleed!…Beri codkiina waxaad ku go’aaminaysaan qayb weyn oo ka mid ah aayaha ummadda, dalka, iyo waliba si gaar ah ilmahaaga iyo faca dambe!…Ha ku fududaan waa go’aan weyn oo aadan hubin inuu mar kale gacanaatada ku soo laabanayo! Hanka laydin qabo iyo waxa laydinka fili karo beri bay kala caddaan!…Waxaanse hubaa mujtamac quus gaaray shantii sano ee la soo dhaafay rajadii u soo bidhaantay inaad tihiin!…Xil-DHibaannada Cusub ee Puntland wax weyn baa laga filayaa! W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  11. Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada madaxtinimada maamulka Puntland ay Caasimadda Online ka heleyso magaalada Garowe ayaa sheegaya in loolankii ugu adkaa uu caawa ka dhacay hoteelada ay degan yihiin xildhibaanada dooran doona subaxnimadaan madaxweynaha shanta sano ee soo socota maamuli doona Puntland. Loolanka murashaxiinta ayaa loo adeegsanayaa dhaqaala iyo sumcad, waxaana suuqa kala xod-xodashada uu gaaray heerkii ugu sareeyay, waxaana halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa heerka suuqa muraxashiinta iyo xildhibaanada kala gaareen. Murashaxa Maxamud Khaliif Jabiye ayaa suuqa xildhibaanada la wareegay caawa, wuxuuna beecii ugu sareeyay halkii cod uu gaarsiiyay 100,000 oo dollar, taasoo keentay in xildhibaano badan ay u jabaan dhankiisa. Waxaa rikoor cusub dhigay oo haddii sumcad iyo masuq maasuq la dagaalan lagu dooranayo madaxweynaha Puntland waxaa kusoo bixi doona Cali Ciise Cabdi oo soo xiray albaabada masuqmaasuqa iyo laaluush wax ku doorashada, isagoona xildhibaanadii ugu danbeeyay u sheegay in isagoo 70 sano jir ah mudo 30 sano ah uu la dagaalamayay faqriga, iyo masuq maasuqa, isagoona yiri “Maanta ma horseedayo mustaqbalkeyga iyo aakhiradeyda inaan laaluush bixiyo, si aan ummad dhan hoggaamiye ugu noqdo”. Marka laga soo tag murashaxa ugu lacagta badan waxaa isna soo labeeya murashax Faarax Cali Shire oo suuqa soo geliyay lacag dhan 50 ilaa 80 inta u dhaxaysa murashaxii. Murashax Asad Cismaan Diyaano, ayaa isna suuqa soo sadaxeeyo, waxaana xildhibaankiiba uu ku kasbanayaa lacag u dhaxaysa 40 ilaa 60 kun dollar, isagoona adeegsanaaya siyaasiyiin magac ku leh Puntland.. Murashaxa ugu cad-cadaa ee Saciid Dani oo maalmihii lasoo dhaafay suuqa haystay ayaa xildhibaanada kasoo kala dareereen caawa, kadib markii uu xildhibaanada u balan qaaday midkiiba 40 kun, kana dalbaday inay u dhaartaan, hase ahaatee waxay door dibeen inay ka qulqulaan. C/weli Gaas ayaa isna xildhibaano badan ay u jabeen, markii uu bilaabay inuu 40 xildhibaan shir la qaatay, miiskana uu soo saaray 30 kun dollar, hase ahaatee xildhibaanada ayaa u arka in dhaqaalahaasi ay yihiin hantidii shacabka hadeysan u coddeyna aysan godob laheyn. Cabdi Faarax Juxaa oo wasiirka arrimaha gudaha kasoo noqday dowladda federaalka ayaa saameyn aad u weyn laheyn, maadaama dhaqaale ahaan aad u liido. Dhanka kale, tiro xildhibaano ah oo muran ku jiro tiradooda ayaa lagu soo waramayaa inay guri isku aruursadeen, kuwaasi oo sheegay inaysn wax lacag ah qaadan doonin, codkoodana ay siin doonaan cida ay is yiraahdaan way ugu haboon tahay wadanka, dhibka jirase waxay tahay tiradooda si rasmi ah loom yaqaan. Si rasmi ah looma saadaalin karo shaqsiga hannan doono xilka madaxweynenimo ee Puntland oo murashaxiinta juhdi kala duwan ay ku bixinayaan, waxaase la ogaan doonaa xaqiiqda 12-duhurnimo ee tallaadada ama wixii ka danbeeya. Cali Muxiyadddiin Aruurinta Xogta Xafiiska Caasimada London
  12. ,, Kaftanka maanta, ma iska habar magaadlaynaa ,,. Waatanoo Beeshii West Burco Clan mucaaridnimaddii garan wayday , xisbiyadii loo tiranayayna ku hakan wayday, cabasho iyo tv iska dayn wayday ,cadho iyo buuq joojin wayday , hadana iridaha madaxtooyada ka maqnaan wayday . sidaa markay tahay , waar ilmaadeerayaal , ma iska habar magaadlaynaayoo , Odaygan Muuse intaynu dhabta ku qabano siddii Cigaal aynu 1997 ula soo wareegnay ,Markuu haakah yidhaahdo Ina Cabdi dheere ma kula itaalaa , ilayn waatanoo Madaxtooyadii la inaga kari waaye . Source
  13. hamaan hayaddah dalkeena somaliland, waa kuwo, howshoodu qarran gabey, waxaan idiin heeynaa cadeeymo buuxa oo muuqda. Haddaan ku bilaabo misaaniyada qarranka soo goosha ,ama aan ka falaano misnayadaha galla hayada , wassarada maaliyada iyo madaxtooyada waad yaabeeysaan waxa lacag meeshaas galla ee aan waxba lagu qaban. Waxaa jira in missaaniyada ,wasarada maaliayda somaliland ,ay tahey lacgta ku baxda { $220 MILLION USA DOLLER}. waxaaso oo lacagi meel aay qabato lama garanyo. DHanka kale waxaan doonayaa inaan idin sheegno, inney madaxtooyada somaliland iyadana aay tahey m isanayada ku baxda{ $ 15MILLION USA DOLER}. Waxaas oo lacga ee madaxtooyada somaliland galla, waxaa qaata madaxweynaha iyo famligiisa. SHaqalaha madaxtooyada ka shaqeeya iyaga wax yer oo mushaaro ah uunbaa la siiyaa. Taasina waata keentey inuu muuse biixi sacad cali shire uu ka dhigto wasiirka maliyada , waana si aay dalka u dhacaan waxaa la soo gaadhey xiligii dalka lakala boobayey, dadkeena soomaliland ee dalkii jooga wallahi waa kuwo hurda, oo qabyaalad iyo nin jacleeysi aay la hadhey, silica ugu badanina iyaguu ku dhacaa. waxaa qorey fuaad m,qawdhan. arimaha bulshada london facebook fuaad qawdhan 00447383135563 mr_qawdhan@hotmail.co.uk Source
  14. Puntland waxa ka dhacaysa Doorasho u muuqata inay ka duwan tahay kuwii hore, waayo waagii hore tartanku wuxuu dhexmari jirey oo qudha dadka ku dhaqan deegaanada Qardho, garoowe iyo Kaalkacyo, haddase waxa bedelay oo culays ku soo kordhiyey Dr:Cali Ciise oo ka soo jeedda gobolka Sool. Labaatan musharax waa isku beel, halka hal musharax beel qudha tahay, taasina waxay fursad u tahay Cali Ciise oo ay badhitaarayso dawladda dhexe ee Soomaaliya oo iyadu siyaasad ka wadata. Wakhtigii hore musharaxa ay taageeraan xildhibaaanada ka soo jeeda Sool iyo Badhan ayaa guulaysan jirey, hadde xaaladu sidii hore way ka adagtay, oo musharax walba marka xildhibaanka reerkiisu u codeeyo waxa xaga wareega labaad u gudbaya hadba beesha saamiga xildhibaanada ku leeyihiin badato ama dhaqaale badan galiya. Musharaxiinta madaxweynenimo waxay badankooddu yihiin wasiiradii wakhtigii Madaxweyne Faroole, waagasi waxay ahayd wakhtigii ugu dhaqaalaha badnayd Puntland, waayo waxa jiray budhcad badeed iyo la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha ugu badana waagaasi bay heleen musharaxiintan hadda ugu awoodda badan, wayna haystaan dhaqaale ay ku kasban karaan xildhibaanadda. Sidoo kale, dhamaan musharaxiintu waxay ku midaysan yihiin sidii ay meesha uga saari lahaayeen cabdiwali Gaas, inkastoo dadka yaqaan Cabdiwali Gaas ku tilmaamaan nin bakhayl ah oo aan lacag bixin, hadaysa waxay u muuqataa inuu qasnada dawladda furo oo uu xildhibaanadda ku iibsado, waana dariiqa kaliya ee u banaan ee uu wax ku kasban karo. Caqabadaha haysta Gaas waxa kamid ah, waxa si weyn uga soo horjeedda madaxweyne Faroole oo wadda olole ka dhan ah Gaas, taas oo uu meesha kaga saari karo maadaama oo uu ka khibrad badan yahay kana siyaasisan yahay Gaas. Caqabada kale ee haysta waxa weeyi dadkiisu ma taageersana inuu soo noqdo waayo wax badan kama qaban baahiyaha dadka, waana wakhtigii ugu adkaa ee ay maraan oo gaadhay in askarta iyo shaqaalaha kalaba loo waayo mushahar la siiyo, waxa kale oo uu dagaal adag kula jiraa dawlada dhexe ee Soomaaliya oo isaga khatar ku haysta, sidaa darteed, fursadda uu ku soo bixi karaa way adag tahay. Musharixiinta kale ee tartamaya qaar wasiiro soo maray iyo qaar shirkado ganacsi ka shaqayn jirey oo qaarkood ururada islaamiga ah ka mid ah ayey iskugu jiraaan, in badan oo ka mid ahi waxay hore ugu guuldaraysteen tartamo hore oo madaxtinimadda puntland ah oo qaarkood markii saddexaad sharaxan yihiin, waana suurogal in sida gudoomiyaha cusub ee Baarlaamaanka oo isna saddex goor oo hore xilkan isku taagay oo maanta ku guulaystay inay iyaguna ku guulaystaan iyo in sidii lagu yiqiinay ay ku hadhaan labaduba waa suurogal. 21 musharax waxa ugu cadcad shan musharax, kuwaas oo kala ah madaxweynaha hadda 1. Cabdli Gaas, 2. musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo mar musharax madaxweyne ka noqday dawladda fadaraalka Soomaaliya balse aan guulaysan, siyaasadana ka gaadhay xildhibaan iyo wasiir. Cali Caaji Warsame oo 2014-kii musharax ka ahaa Puntland, inkastoo markii dambe codadkiisii ugu deeqay Cabdiwali oo ay isku deegaan yihiin, waa nin ganacsade ah oo maamule ka ahaa shirkada Isgaadhsiinta Golis laguna tiriyo inuu ku jira ururada islaamiga ah ee Islaax, waxaana isaga lagu tilmaamaa in taageero ka helaya dawladda dhexe ee Soomaaliya. Musharax Cali Ciise Cabdi waa nin aqoonyahan xaga dhaqaalaha ah waxaana lagu bartay markii ugu horeysay maamulkii uu Khaatumo ee ay wada sameeyeen isaga iyo Cali KHaliif, waxaanu dagaal ka dhexeeyey Puntland, waxaanu si kadis ah maalmo ka hor ugu dhowaaqay inuu musharax yahay, waa in oday ah oo dhaqaalana wata suuragal tahayna inuu wareega ugu dambaysa soo gaadho mar hadii uu deegaankiisa kaligii ka sharaxan yahay. Maxamuud Khaliif Jabiye waa nin ganacsade ah oo qurbo joogna ah, siyaasada caan kuma aanu ahayn, balse waa nin lacagtiisa u huraya inuu galiyo sidii uu ku soo bixi lahaa. W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar Source
  15. (SLT-Garoowe) Iyadoo Maalinta bari ah ay Baarlamaanka Maamul Goboleedka Dalkaasi Soomaliya dooranayaan Madaxweyne ayaa caawa suuqa kala iibsiga Xildhibaanada 66-ka wuxuu suuqoodu gaadhay halkii u saraysay. Codka halkii Xildhibaan ayaa caawa Garoowe ka maraayaa 190,000$ . Waa lacag aad u badan Boqol iyo sagaashan kun oo Doollae. Cidda lacagta ku soo baxda iyo siday doorashadu u dhacdo kala soco Insha allah Shabakada wararka ee Somalilandtoday.com Source
  16. (SLT-Qahira)Madaxwaynaha Masar Cabdulfatax Al-Sisi ayaa xarigga ka jaray kaniisada ugu wayn ee laga dhiso bariga dhexe oo laga dhisay magaalada Qaahira. Sisi oo isku tilmaama inuu yahay nin ka difaaca Masiixiyiinta kooxaha xagjirka ah ayaa u sheegay dadkii isugu yimid furitaanka Kaniisadan in hal mar la wada furo masaajidka Al-Fatax Al-Aliim iyo kaniisadan ay tahay fariin nabadeed. Ammaanka xafladda lagu furayay Kaniisadan cusub ayaa aad loo xoojiyey, iyadoo la xiray dhamaan waddooyinka soo gala oo ciidamo ku hubeysan gaadiid gaashaaman. “Waxaa nahay hal waxaana sii ahaan doonnaa kuwa wadajira,” ayuu yiri Sisi markii uu xarigga ka jarayay kaniisadda cusub oo markiiba qaadi karta 8 kun oo qof. Hirgalinta kaniisadan ayaa ku soo beegmaysa maalin ka dib markii qarax lala beegsaday meel u dhaw kaniisad ay leeyihiin dadka heysta diinta masiixiga dalkaas ee Qibdhiyiinta loo yaqaano. Qibdiyiinta ayaa dalka Masar ka ah 10% isla markana dadka reer Masar aqlabiyadooda waa Muslimiin. Source
  17. Caasimada puntland ee Garowe waxaa Caawa aadloo adkeeyey amaankeeda, iyadoo goobaha deegaanada ay degan yihiin Musharixiintu ay umuuqdaan kuwa aan nalka laga daminayn oo aan [...] Source
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar__Qubanaha-Wararka-070119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. One of the biggest changes in the migratory dynamic over the course of 2018 was an increase in the arrival of migrant boats to Malta, with these having stopped completely since 2015 and 2016, the representative in Malta for the United Nations Refugee Agency Kahin Ismail said in an interview with The Malta Independent. Ismail said that this influx in boat arrivals is probably the biggest change seen this year, and noted the MV Lifeline case from last summer along with cases involving other NGO boats and recent rescues carried out by the Armed Forces of Malta as examples of this influx. Over the holiday period the AFM rescued 249 migrants in distress, whilst a further 49 migrants remain, at the time of writing, stranded outside Maltese shores onboard two NGO vessels: the Sea-Watch 3 operated by Sea-Watch and the Professor Albrecht Penck operated by Sea-Eye. Fabrizio Ellul, also from UNHCR, explains that this is in fact something of an abnormal influx of migrants considering the period of the year, but one has to consider things in a wider perspective before drawing conclusions over whether it could be indicative of an influx which could be reflected over the course of the upcoming year. However, Ellul said, one must always be prepared for any eventuality as while it’s difficult to predict increases or decreases, the likelihood is that such boat arrivals would continue. The post Increase in migrant boat arrivals to Malta biggest change to migratory dynamic in 2018 – UNHCR appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Su’aalo badan ayaa ka dhashay sababta dowladda si muuqata, ugu faragalin weysay doorashada ka socota Puntland. Waa weydiimo sax ah marka la fiiriyo sida ay dowladda u waajahday Koonfur Galbeed iyo sida ay ula dhaqmeyso maamulka Galmudug. Sidee lagu ogaan karaa ama bulshada inteeda badan ku dareemi kartaa doorka dowladda ee doorashada Puntland mar haddii xukumaddii laga mamnuucay tegitaanka Garowe? Go’aankan ee uu qaatay Gaas ayey dad badani u muuqatay in la’isweydiiyo su’aasha kore balse waxaa xaqiiq ah in Cabdiweli Gaas uusan horjoogsan faragalinta doorashada Puntland ee ay waliba ku dooneyso in ay isaga xididada ugu siibto. Waxaa tusaale lagu qaci karo ah, wali ma cadda shaqsiga dowladda dooneyso in uu uga soo boxo doorashada, maalin walba qof hor leh ayaa laga shakiyaa! Waa hubaal la oga! Taas oo ay jirto, dowladda waxa ay sicir barar ku riday tirada musharixiinta u taagan xilalka Madaxweyne iyo ku xigeen oo waxaa berri loolami doona 32! Gaas ma oga meesha laga xigo, musharax walba hore ayuu u soo qaatay jiscinkiisa, ama isagu ha wato ama haka helo Nabad iyo Nolol! Garowe waxaa ku sugan Faroole oo aan la tusin Gaas, uga awood badan magaalada! Kuma dhaco in uu is hortaago haddii uu BILYAN DOOR maalin cad ku qeybiyo barxadda Garowe! Tan kale, go’aanka uu Wasiirada ugu diiday Garowe waxa uu soo baxay xilli uu gaaray musharaxa ugu maqcuulsan ee looga shakin karo dowladda – Dr. Cali Ciise Cabdi! Ogow, waa suurtagal in musharaxan isaga loogu been guuray oo ay rag kale xilli hore adeegteen! Dhammaan qodobadaas waxa ay kuu caddeyayaan in Cabdiweli Gaas is hortaagin faragalinta dowladda dhexe, awoodna u lahayn balse uu laadkiisii ugu dambeeyey darbo ku dhufta! Yacni cidna wax yeelin in ay isaga uun magac xumo u soo jiiday mooyee! W/Q: Xuseen Muuse Guuleed Nairobi, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. UK Defence Secretary, Gavin Williamson’s twitter post on his recent visit to Somaliland, shows a fellow among friends. Mr. Williamson who had a chance to meet Somaliland’s President Muse Bihi Abdi, Defense Minister, Army Commander and other officials, even had time to sample the cuisine at the Officer’s Mess in Hargeisa! Qaran News
  22. Hargeisa,(Qaran news)- United Kingdom Defence Secretary Gavin Williamson paid a visit to Somaliland to discuss areas of mutual interest between the two parties. Mr. Williamson was met with the usual protocol and paid a courtesy call to Somaliland President Muse Bihi Abdi. The meeting which took place at the presidency lasted for several hours and was by all accounts mutually beneficial to both the United Kingdom and Somaliland. As we are all aware, Somaliland and the United Kingdom share historic ties dating back at least two centuries. When Somaliland gained independence on the 26th of June, it was against the advice of the then protectorate power to form a non-negotiated union with Italian Somaliland. The desire for a “Greater Somalia” consisting of Somaliland, Somalia, Djibouti, the Northern Frontier district of Kenya and the Hawd and Ogaden region of Ethiopia was the driving force behind the hasty decision to form the union. The new entity, the Somali Republic is now defunct and Somaliland restored its independence on the 18th of May, 1991. The fall out from the union is well documented and but it is a reminder of the past. Suffice to say, Somaliland and its people paid a heavy price during the thirty year union and even a, if it is at all possible, bigger price to withdraw. The destruction of Hargeisa and Burao, the use of mercenaries to bomb the cities and its population, the land mines buried everywhere, and the exodus to Hawd region are all undisputed facts. In fact, the whole of Somalia paid a heavy price during the union, and especially, during the late death throes of the Barre regime. So, it comes as no surprise, that the recent events in Baidoa, Somalia, the arrest and slaughter of protesting civilians, which has led to the expulsion of the UN Representative for Somalia and Somaliland, Mr. Nicholas Haysom, for having the “temerity” to offer constructive criticism and demand an explanation for these deplorable actions, were committed under the “leadership” of Siyad Barre’s distant nephew, Mr. Farmajo, the head of the federal entity in Mogadishu. I suppose it is true, the apple does not fall too far from the tree. After billions of dollars, thousands of staff, countless hours of toil and all the support imaginable to help the people of Somalia, the United Nations finally received its answer, their eminent representative was banished unceremoniously, and their compound was mortared!. We have often said, Somaliland is Africa’s best kept secret. We have different way of doing things. We use dialogue, discussion and consensus to reach our goals. We welcome constructive criticism from both at home and abroad. Defense Secretary Williamson’s visit to Somaliland could be seen by some as a pointed reminder to the weak federal entity in Mogadishu, that the world is more than happy to do business with Somaliland on a de-jure basis. Somaliland is already engaged by the international community on a de-facto status, but, if the need be, all options are available. As the UK prepares to exit the European Union, it is beginning to broaden its horizon, vis-a-vis future military relations with other nations. Secretary Williamson, who even had time to have lunch at the Officer’s Mess at Army Headquarters in Hargeisa, is more than welcome to see Somaliland as a future partner. Qaran News