-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda eek a faaiideysanaya mashruuca tayaynta shaqaalah iyo hay’adaha dawladda ee CIP ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland. Shirka ayaa waxaa lagu lafo guray qorshaha mashruucaan ay wadaagaan qayb kamid ah hay’adaha dawladda ee sannadkaan cusub iyo waxyaabihii qabsoomay sannadkii tegey ee 2018ka iyadoo laysla qaatay in sannadkaan cusub uu noqdo mid looga faa’iideysto si ka duwan sannadihii hore. Shirka oo ay goob joog ka ahaayeen inta badan agaasimeyaasha iyo xubno kamid ah shaqaalaha hay’adaha ka faaiideysanaya mashruuca iyo xubno ka socda guddiga filinta mashruuca ee PCU ayaa lagu gorfeeyey sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira hay’adahaasi ee uu mashruucu ka taageeri karo. The post Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca CIP oo Garoowe ka qabsoomay appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku xukuntay Dable Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim oo ka tirsanaa xoogga dalka islamarkaana hore u dilay askari kale oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya. Dable Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa lagu helay in uu hore u dilay Alifle Salaad Xassan Maxamed oo isna ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliya. Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya G/sare Xassan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday eedaysanahan oo ah qisaasta Alifle Salaad Xassan Maxamed. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. PUNTLAND POST The post Maxkamadda ciidamada qalabka side ee Soomaaliya oo xukun dil ah riday appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Jigjiga)-Tan iyo markii ay isbadalladu ka dhaceen dalka Itoobiya, gaar ahaanna Dowlad Deegaanka Soomalida ee dalkaasi ayaa waxaa dalka ku soo qulqulayay qurba jog badan kuwaas oo markoodii hore dalka ka qaxay. Inkastoo dadkani ay ka qaxeen xaaladihii ka jiray gudaha, haddana qurba joogta ayaa intooda badan HIIL IYO HOOBA ku kala taageerayay dhinacyada isku hayay siyaasadda dalkaasi, gaar ahaanna xukuumaddii hore ee madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo jabhaddii hubeysneyd ee ONLF. Dadka qurba joogta ahi ee hadda soo laabtay waxaa ka mid ah Maxamed Dayib Sheekh Xusssen oo ka mid ah ururka Aqooyahanka Deegaanka oo dhawaan laga abaabulay waddanka Ingiriiska. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay heshay magacyada dadkii weeraray hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, kaasi oo Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa. Laamaha amaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen qaar kamid ah ragga weerarka geystay Baasabooradooda, islamarkaana halkaasi ay ka ogaadeen magacyada dadka weerarka geystay. Laamaha amaanka ayaa sheegay inay baaritaanka marka uu dhamaado kadib ay soo bandhigi doonaan dadka weerarka geystay magacyadooda iyo halka ay wadanka Kenya ka galeen,sida warbixinta ay ku sheegeen. Laakiin waxay sheegeen inay ogaadeen magacyada labo kamid ah dadka weerarka geystay waxaana la sheegay in midka koowaad magaciisa uu yahay Eric Kinyanjui oo 26 jir ah oo ka yimid deegaanka Ngecha ee Limuru, halka midka kalena magaciisa lagu sheegay Faaruuq oo ku dhashay Xaafada isku raranka ah ee Majengo ee magaalada Nairobi. Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa shalay sheegay inay qaban doonaan cid walbaa oo raad ku yeelata weerarkii ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo sheegay inay doonayaan inay amaan ku wada noolaadaan. “Cid kastaa oo taageertay, dhaqaalo ku taageertay, soo dhaweysay waa la qaban doonaa, mana la aqbalayo inay nagu dhex dhuuntaan”ayuu yiri Kenyatta oo ka hadlayay weerarkii ka dhacay xaafadda Westland. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka, waxaana ay sheegeen inay kaga jawaabayeen aqoonsiga madaxweynaha Mareykanka uu aqoonsaday in magaalada Qudus tahay caasimada Yahuuda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Nairobi ( Sh. M. Network):-Khasaraha dimashada ee ka dhashay weerarkii Al Shabaab ay maalin ka hor ku qaadeen Hotelka Dusitd2 ayaa la sheegay in au korortay sida ay sheegeen masuuliyin ka tirsan dowladda Kenya. Dadka kudhintay weerarkaasi ayaa la sheegay in haatandhimashadu gaarayso 21 qof waxaana lala’yahay 50 qof kale kuwaasi oo la rumaysan yahay in ay hoteelakasi ku jireen sida ay xaqiijisay hay’adda Bisha Cas ee dalka Kenya. Ciidamada Amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay xireen labo qof oo lagu eedeyay in ay ku lug lahaayeen weerarkaasi kuwaasi oo haatan gacanta ugu jira laamaha ammaanka dalka Kenya. Xarakkada Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaasi waxaana ay xuseen in weerarka ay ku qaadeen Xarunta Kenya ee Nairobi islamarkaana ay ku dileen 47 qof oo ku sugnaa halkaasi. Al Shabab ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaasi ay ku qaadeen hoteelka ku yaalla magaalada Nairobi uu ahaa mid ay uga jawaabayeen go’aankii madaxweynaha Mareynakanka Donald Trump uu caasimada is real ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Qudus ee dhulalka la heysto ee falastiin. Salaasadii aynu ka soo gudubnay ee taariikhdu ku asteysaneed 15ka January 2019 ayey ahayd markii weerar waqti badan qaatay rag hubaysan ay ku qaadeen hotel raaxo oo ku yaalla magalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. The post Khasaaraha Ka dhashay weerarkii Kenya oo sii korortay. appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Mali)-Dabley hubeysan oo watay mootooyin ayaa la sheegay inay dadkaasi ku dileen Waqooyiga dalkaasi, halkaasi oo ay ka dhacaan iska horimaad dhinaca dhulka iyo biyaha. Duqa Degmadda Menaka , Nanuut Kotiya oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in dadkaasi lagu dilay labo weerar oo lagu qaaday dhowr Tuullo oo isku dhowdhow. Dableyda weerarkaasi weli lama aqoonsanin, iyadoo dadka la dilay ka soo jeedaan Qabiilka Tuwaariq, wuxuuna weerarkaasi imaanayaa iyada oo in ka badan 40 qof oo ka tirsan qabiilkaasi lagu dilay isla Tuullooyinkaasi bishii December ee la soo dhaafay. Source
-
(SLT-Israa’iil)-Booliska isra’iil ayaa xabsiga u taxaabay garyaqaan heersare ah arrintaas oo qayb ka ah baadhitaan ku aadan eeda ah in magacaabista jagooyinka garsoorka lagu helo galmo. Garyaqaankan oo aan magaciisa la shaacin ayaa warbaahinta waxaa laga mamnuucay inay tebiyaan xog dheeraad ah oo kiiskan ku saabsan. Balse booliiska ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay magacaabista haweeney loo magacaabay inay xaakim ka noqoto maxkamad madani ah iyo iskuday in nin xaakim ah loo dalacsiiyo maxkamad degmo. Xeer ilaaliyaha guud, Avichai Mandelblit, ayaa lagu soo waramayaa in naftiisa uu ka bedbaadiyay kiiskan sababtoo ah waxa ay saaxiib yihiin eedeysanaha ugu weyn. Wasiirka cadaaladda, Ayelet Shaked, iyo gudoomiyaha Maxkammada Sare Esther Hayut, oo qayb ka ah Guddiga shaqaaleysiinyta garsoorka ayaa la filayaa inay ka hor muuqdan guddiga baaritaanka sameynaya si ay u markhaati furan. Booliska ayaa warbixin ku sheegay in waaxda booliska u qaabilsan ka hortagga musuqmaasuqa ay laba usbuuc ka hor bilaabeen baaritaan kaddib markii lagu wargeliyay shaqooyinka garsoorka. Subixii hore ee maalinti Arbacada waxaa xabsiga loo taxaabay nin garyaqaan ah halka booliiskana ay hore su’aalo u weydiiyeen labo qof oo laga shakisanyahay, labadaas qofna waxa ay kala ahayeen haweeeney garsoore ka ah maxkamadda iyo gabadh qareen ah. Booliska ayaa sidoo kale sameeyay howlgalo baaritaano ah waxayna gacanta ku dhigeen dikumeentiyo muhiim ah. Source
-
Nairobi ( Sh.M.Network):-Afhayeenka Xarakadda Al Shabaab Sheikh Cali Dheere ayaa ku tilmaamay Weerarkoodii Maaagalada Nairobi mid jawaab u ahaa Tallaabadii uu madaxweynaha Mareykanka Donald trump uu Magaaladda Qudus ugu magacaabay Caasimadda Yahuudda. Waxaana uu sheegay weerarkooda in uu ahaa mid loogu aargudayo muslimiinta Falastiin sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Al Shabaab. Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa sheegay in illaa 50 ruux ay ku dileen weerarkii lagu qaaday Hotel ku yaalla Galbeedka magaladda Nairobi kuwaas oo 17 ruux ka mid ah ay ahaayeen ajaanib kasoo jeeda dalal aysan Kenya ku jirin. Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa shaacisay in weerarkaasi ay uga geeriyoodeen 14 ruux islamarkaan ay Ciidamada Kenya goobta ku dileen dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday. The post Al Shabaab oo ka hadlay weerarkii dagaalamayaashoodu ku qaadeen Hoteel ku yaalla dalka Kenya. appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim oo ahaa dable ka tirsan ciidammada Soomaaliya ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay. Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa si jees-jees ah u dilay AUN Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed, waxa ayna dad goob joogayaal ah sheegeen in marxuumka loogu yimid gootiisa shaqada oo aheyd Ex, Kontorool Afgooye iyadoo markaatiyaasha ku dareen in Marxuumka uu horay ninkan u handadi jiray sida marar kala duwan uu ugudbiyay madaxda ka sarreysa. Intaas kadib ayay u suura gashay in uu baxsado Eedeysane Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim isagoo gaaray degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu garowsanaa inaan la soo qaban Karin uu ka dheeraday gacmaha Hey’adaha amniga ee dowladda balse ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha 28-ka bisii 10-aad sandii 2018. Ciidamada amniga ayaa ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta waxa ayna 24-ka bishii 12-aad ee sanadii tagtay dalbadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda. Maxkamadda ayaa muddeysay dhageyiga dacwadda 29-ka bishii 12-aad ee sanadii 2018, iyadoo laba cisha uun kadib loo fariistay dhageysia dacwadda. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhiga sedax markaati, sawirka Marxuumka, warqadda Dhakhtarka ee caddeyneysa dhimashada iyo qiraalka eedeysanaha. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliya Ciidamada Qalabka Side ayaa ku dooday in Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim uu ku kacay fal dil ah weliba isagoo muujinaya Isla-weynin, waxa uuna marxuumka kula mur-muray in uusan jirin sharci gacmaha qaban karo. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in ay iska bixiyaan magta marxuumka, sidoo kale waxa ay codsadeen in loo naxariisto. Maanta ayaa ugu dambey Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Ex, Alifle Bol Salaad Xasan Maxamed, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Source
-
Afmadow ( Sh.M.Network):-Wararka laga helayo deegaanka Goobeeyo oo hoostaga dagmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo xiisad dagaal oo u dhexeysa Labo Maleeshiyo Beeleed oo ku dagaalamay deegaankaasi. Dagaalkii shalay ayaa la soo warinayaa in ay ku dhinteen 6 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, iyadoo dirirtooda la sheegay in ay salka ku hayso aanooyin qabiil. Waaxaana dadka deegaanku intaas ku dareen in ay soo food saartay cabsi iyo wal wal ay ka qabaan in mar kale food is daraan dhinacyada labada maleeshiyo Beeleed ee ishorfadhiya. Ma jirto cid kala dhex gashay labadaasi maleeshiyo ee xiisadu ka dhex aloosantahay , marka laga reebo in dadallo xal doon ah haatan ay bilowdeen The post Faah Faahinno laga helayo Xiisad beeleed ka taagan duleedka degmada Afmadow. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu haatan guda galeyso sidii loo soo Afjari lahaa Khilaafka kala dhexeeyo Madax Goboleedyada. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Khilaafka haatan ka dhex aloosan dowladda iyo maamul Goboleedyada uusan dun ugu jirin shacabka oo Madaxdooda uga fadhiya wax qabad la taaban karo. Sidaas daraadeed ayuu sheegay in uu hoosta ka xariiqay sidii loo soo gaba gabeyn lahaa Khilaafkaasi islamarkaana uu doonayo in labada dhinac ku wada gorfeeyaan arrimaha ay isku maandhaafsan yihiin miiska wada hadalka. Madax Goboleedyada ayaa horay ugu dhawaaqay Golo Iskaashi ka dhan ah dowladda dhexe ee Somalia , walow qaar ka mid ah Hoggaamiyayaashii Majaraha u hayay golahaasi waji gabax kala kulmeen doorashooyin Madaxweyne oo ka dhacay deegaanadooda. The post Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay in uu soo afjarayo Khilaafka u dhexeeya DF iyo Maamul Goboleedyada. appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Al-Shabaab oo soo saartay war qoraal ah waxay sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa waxa ay ku tilmaantay “hadalka aan xikmadda ku dhisnayn” ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Al-Quds ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel. Al-Shabaab waxay kaloo sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa xadgudubka dawladda Israel ay ku hayso Muslimiinta reer Falastiin. Al-Shabaab waxay sheegtay in weerarkaas loogu magacdaray, “Al-Quds marna noqon mayso magaalo Yuhuud”. Madaxweynaha Kenya ayaa shalay sheegay in weerarkii huteelka Dusit D2 lasoo af-jaray isla markaana la dilay argagixisadii weerarka soo qaadday. Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 14 qof oo aan waxba galabsan. Source
-
Baydhabo ( Sh.M.Network):-Mudane Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash) Madaxweyne ku xigeenka Cusub ee Puntland oo shalay hadal ka jeedinayay Munaasabaddii Caleemo saarka Madaxweynha Cusub ee maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxa’ed Lafta Gareen ayaa ka dhawaajiyay in maamulka Puntland ay haatan wax Badan kaga duwanaan doonaan marka loo eego hab dhaqamada madaxdii iyaga ka horeeyay ee maharaha u hayay puntland. Mr Karaash ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland hadda ay ka jilcanthy sidiii hore ,Siyaasad ahaan ayna meel iska dhigi doonaan Siyaasaddii Qallafsaneed ee madaxdii ka horeysay taas oo ragaadisay Soomaalida inteeda kale. Waxaana uu Ku nuux nuuxsaday in ay u tafa xeedan doonaan sidii ay hormuud uga noqon lahaayeen ka shaqeynta isku duubnimada Bulsho weynta Soomaaliyeed islamarkaana meel looga soo wadajeesto Tafaraaruqa hareeyay umadda Soomaaliyeed. Hadalka Madaxweyne Ku xigeenka Puntland ayaa yimid xilli si weyn looga dhur sugayo hanaan maamulka Puntland iyo isbedelada ka hana qaadi kara halkaas kadib doorashadii hoggaanka maamulkaas ee dhawaaan ka dhacday magaalada Garoowe. Shacabka Soomaaliyeed ayaa u hamuun qaba is faham LA taaban karo oo u dhexeeya Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada hoostaga si looga Mira dhaliyo howlaha horyaala Madaxda Soomaaliyeed taas oo dalka gaheysiin karta Soo celinta Heykalkii dowladnimo ee horay u bur buray.. Ugu dambeyn Indheer garadka ayaa rumeysan in ay muuqanayso ififaalo wanaagsan taas oo timid kadib markii Masuuliyiinta sar sare ee dowladda Federaalka Gaashaanka u daruureen in ay aqbalaan damacii hungoobay ee Golihii Iskaashiga maamul Goboleedyad ay Ku doonYeen in ay Ku wiiqaan dowladda dhexe ee uu majaraha u hayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo. The post Puntland oo DF kala shaqeyneysa soo celinta Iskaashiga iyo Midnimada Somalia. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay. Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa si jees-jees ah u dilay AUN Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed, waxa ayna dad goob joogayaal ah sheegeen in marxuumka loogu yimid gootiisa shaqada oo aheyd Ex, Kontorool Afgooye iyadoo markaatiyaasha ku dareen in Marxuumka uu horay ninkan u handadi jiray sida marar kala duwan uu ugudbiyay madaxda ka sarreysa. Intaas kadib ayay u suura gashay in uu baxsado Eedeysane Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim isagoo gaaray degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu garowsanaa inaan la soo qaban Karin uu ka dheeraday gacmaha Hey’adaha amniga ee dowladda balse ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha 28-ka bisii 10-aad sandii 2018. Ciidamada amniga ayaa ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta waxa ayna 24-ka bishii 12-aad ee sanadii tagtay dalbadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda. Maxkamadda ayaa muddeysay dhageyiga dacwadda 29-ka bishii 12-aad ee sanadii 2018, iyadoo laba cisha uun kadib loo fariistay dhageysia dacwadda. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhiga sedax markaati, sawirka Marxuumka, warqadda Dhakhtarka ee caddeyneysa dhimashada iyo qiraalka eedeysanaha. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliya Ciidamada Qalabka Side ayaa ku dooday in Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim uu ku kacay fal dil ah weliba isagoo muujinaya Isla-weynin, waxa uuna marxuumka kula mur-muray in uusan jirin sharci gacmaha qaban karo. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in ay iska bixiyaan magta marxuumka, sidoo kale waxa ay codsadeen in loo naxariisto. Maanta ayaa ugu dambey Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Ex, Alifle Bol Salaad Xasan Maxamed, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka hadlayay weerarkii ay ciidamada Kenya ku gubeen xarun ay shirkada Isgaarsiinta Horumuud ku leedahay deegaanka Cali-buuley oo qiyaas ahaan 30-km dhanka galbeed kaga beegan dagmada afmadow ee gobolka Jubada Hoose. Imaamka, oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho, oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa ugu horeyn sheegay in uu murugada la qaybsanayo maamulka shirkada Horumuud Telecom. Sidoo kale Imaamka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu si kulul ucambaareeyay falkaan soo noq noqday kuna tilmaamay in uu yahay mid gar-daro qaawan ah oo cidamada Kenya ku beegsanayaan xarrumaha hormuud. Ciidamada Kenya ayaa dhowr jeer gubay xarumo Shirkadda Hormuud ay ku leedahay deegaano hoostaga gobollada Jubooyinka iyo Gedo mana jirto wax war ah oo illaa iyo hadda ka soo baxay Kenya ee ku aadan sababta ay u bartilmaamsanayaan xarrun shirkad Isgaarsiin oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed. The post Waxgarad si kulul u Cambaareeyay Weerar Ciidamada Kenya ku bur buriyeen Xarun Shirkadda Hormuud ku leedahay J.Hoose. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online)-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war kasoo saaray weerarkii Al Shabaab ay ka fuliyeen xaafadda Westland ee magaalada Nairobi kaasi oo dad badan ay ku dhinteen. Qoraal kasoo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu cambaareeyay weerarka ka dhacay hotelka ku yaala magaalada Nairobi, waxaana ay tacsi ugu direen ehelada dadka ku dhintay weerarka. Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayay ku amaaneen sida dhaqsida leh ee ay kaga jawaabeen weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotelka DUsit ee magaalada Nairobi, waxaana la bogaadiyay dadaalka ciidamada Kenya. “Xubnaha golaha ammaanka waxay carabka ku adkeynayaan in argagixisada noocee doonto ha noqoto, muuqaalkii ay doontana ha yeelatee ay weli tahay halista ugu weyn ee nabadda iyo amniga dunida ay wajahayaan” ayaa lagu yiri qoraalka. “Xubnaha golaha ammaanka waxay hoosta ka xariiqayaan in baahi loo qabo, in fuliyayaasha, agaasimayaasha iyo maali-geliyayaasha ficillada argagixiso la horkeeno caddaaladda” ayaa lagu yiri qoraalka. Xubnaha golaha ammanaka ayaa mar kale ku celiyey in ficil kasta oo argagixiso uu yahay dambi aan cudur daar lahayn, sababtuu doono ha yeeshee, cidii doonatana ha fulisee. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-170119.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Salaad ayaa weerar afka ah ku qaaday Sheikh Kenyaawi oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa oo ka ilmeeyey hadalo siyaasiyiin qaar ay sheegeen oo ahaa inuu lacag ku qaadanayo wacdinta uu beri ka sameynayo Muqdisho. Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa u qornaa sidan:- AADANAHU WAXA UU OOYAA marka dareenkiisa ay xaalad farxadeed ama murogo lasoo gudboonaato. LKN WAXAA JIRTA OOHIN KALE oo la yiraahdo OOHINTA YAXAASKA. Waa oraah caan ah oo loo adeegsado dadka oohin beenaadka sameeya. Waa meesha Soomaalidu ka dhahdo “HASHU GEELA IYADAA CUNTA IYADAANA CABAADA”! Yaxaaska waxa kaliya oo uu ilmeeyaa marka uu raq cunayo ee uu boganayo dheregtiisa. Oraahdaan ayaa igu soo dhacay markaan baraha bulshada ku arkay wadaad illinta iska tiraya, sida hadalkiisa ka muuqatayna ka jawaabayay qoraal maalintii Isniinta aan bogeyga facebookga kusoo qoray. Lkn waxaa nasiib wanaag ah warka uu beeninayo iyo midka uu ku hadlayo in ay isku mid yihiin! Wuxuu leeyahay: Siyaasiin ima keenin, umana ololaynayo. Hadana wuxuu leeyahay waxaan uga mahadcelinayaa in ay ii qabteen HOOLKA SHIRARKA SAHAL iyo GAROONKA KUBADA CAGTA EE STADIUM KOONIS isagoo hay’adihii fulinta iyo kuwii Gobolka mid mid u tirinaya! Sheekhow horta aan ku saxee anigu colna kulama ihi, cuqdadna kuuma qabo lkn waxaan kaaga turayaa cilmiga aad xanbaarsantahay in siyaasada qalafsan ee Soomaaliya kajirta ay kaa wasakheyso. Sidoo kale Hoolka Sahal iyo Garoonka Kubada Cagta ee Stadium Koonis waxaa lagu qabtaa shirarka siyaasadeed iyo xafladaha Nabad iyo Nolol marka hadii aad rabto dadka in aad wacdiso waan kugu taageerayaa ee tag Masaajidyada iyo barxadaha waaweyn ee magaalada ku yaalla sida: Abuu Hureyra (Bakaaraha), Al-Hidaaya (Huriwaa), Isbahaysiga, Marwaas iyo CEELASHA BIYAHA, halkaas ayaa boqolaal kun Soomaali ah oo aan lasoo aruurin, diintana jecel kuugu imaanayaane inshaa’allaah. Hadii aad rabto siyaasada in aad dhex boodana oo cid gooni ah aan lagugu tirina u tag dhammaan qaybaha ku kala ra’yiga duwan siyaasadda ee magaalada kula jooga. Noqona wadaad dhexdhexaad ah oo siyaasiin gooni ah aan garabka ku sidan. Qorax soo baxday sacabo laguma qarin karo. Lkn hadii warkeygu ku dhibay Sheekhow ka raali noqo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Somaliland ayaa deegaanadeeda ka saartay hay’ad uu lahaa siyaasiga Turkiga ah ee Fethullah Gulen oo lagu eedeeyay inqilaabkii fashilmay ee Turkiga ka dhacay sannadkii 2016. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, oo dhawaan safar ku yimid magaalada Hargeysa, lana kulmay Madaxweyne Biixi, ayaa dawladda Somaliland uga mahadceliyay cayrinta haya’daas oo uu magaceeda ku sheegay FETO. “Waxaanu soo dhaweynaynaa in Somaliland ay dalkeeda ka saartay Hay’adda FETO, waxaana la wareegtay Hay’adda Maarif Foundation maamulka dugsiyadii ay ururka FETO ku lahaa dalalka caalamka,” ayuu yidhi Danjire Mehmet Yilmaz. Turkiga ayaa wadaadkan iyo ururadiisa u aqoonsaday argagixiso tan iyo wixii ka dambeeyay inqilaabkii fashilmay. Safiirku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goorta ay Somaliland dalkeeda ka saartay hay’adan. Laakiin danjire Mehmet wuxuu waraaxaafadeedkan oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu, kaga hadlay in hay’adda TIKA ee iskaashiga iyo Isku-duwidda u qaabilsan Turkiga, ay qalab tiradiisu yahay 216 shay ay ugu deeqeen Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo u adeega bukaan aad u badan. Qalabka dawladda Turkigu ugu deeqday cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxa ka mid ah mishiinka lagu baadho xubnaha jidhka, mishiin lagu eego Wadnaha iyo qalab kale oo loogu talogalay in lagu nadiifiyo agabka caafimaadka. Wakaallada Wararka Turkiga ee Anadolu, waxay intaas ku dartay in Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, uu xafladii qalabkaas lagu kala gudoomayey ka caddeeyey in qalabka Turkigu ugu deeqay uu wax ka tarayo dhinaca horumarinta adeega Caafimaadka. Dhinaciisana, Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, ayaa balan-qaaday in dalkiisu sii wadayo caawimada ay siiyaan Somaliland. Dawladii hore ee Somaliland ayaa hore u diiday dalab uu Turkigu u soo gudbiyay oo ahaa inay masaafuriso hay’adda Nile Academy oo gacanta ku haysay dugsiyo waxbarasho oo kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Badanaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ma hadlo, caadiyan aad ayey bulshada Soomaaliyeed u naawilaan in uu hadlo ama uu wax ka yiraahdo dhacdooyinka aan dhammaan ee dalka ka dhaca. Bulshada iskuma jirto, qaar ayaa aad u daneeya in uu hadlo halka kuwo kale ay ugu baxdo ama bogaadinaya afgaabnida Madaxweynaha. Hase ahaatee, waxaan lagu murmin ama la’isla ogol yahay in maalinta/habeenka uu hadlo si xiiso leh la’isugu gudiyo hadaladdii uu jeediyey, farriin, ammaan, canaan iyo waxii ay noqotaba. Waxaa ugu dambeeyey hadalkii uu ka jeediyey munaasabaddii lagu soo xirayey kalfadhigii afraad ee Baarlamaanka habeenkii Isniinta ee ay salaasadu soo galeysay. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu qaab kaftan ah uga hadlay sidii uu ku yimi mooshinkii laga keenay iyo ciddii mas’uulka ka ahayd abaabulkiisa. “Qabyo ayaa ka dambeysay!” ayaa ahayd dulucda kaftankiisa – hadaba, bil kaddib muxuu Madaxweynaa uga hadlay arrintaas, muxuu daboolka uga qaaday cidda soo abaabushay? Waa su’aalo ay suurtagal tahay in la’is weydiinayo. Madaxweynaha waxaa cad in uu hal ujeedo ka lahaa diridda farriintaas! FARRIINTA Waa dhab, bulshada Soomaaliyeed marka laga reebo xildhibnaada iyo kuwa ka ag dhaw laamaha dowladda ama saxaafadda wey ku adkeyd in ay helaan xogta dhabta ah ee mooshinka iyo kuwa soo abaabulay. Taas isaga oo ka duulaya, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu si ula kac ah ama ujeedeysan bulshada si maldahan ugu sheegay in mooshinkaas uu ka dambeeyey Madaxweynihii uu talada dalka kala wareegay, hadana ah Gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka – Xasan Sheekh Maxamuud. Waa xaqiiqo, in dadka qaar fahmi kareen in mooshinka ay soo gudbiyeen xubanaha Baarlamaanka ugu jira Dhaamjadiid iyo kuwa kale ee ay ku midoobeen mucaaradidda dowladda, hadana wey adkeyd in ay liqaan in Xassan Sheekh lug ku lahaan karay ama uu ka dambeeyey mooshinkaas. Sida uu Madaxweynaha ku cadeeyey farriintiisa kaftanka ahayd, maxaa uu adeegsaday “Qabyo Ninkeeda Dhammeystira!” oo ahaa ereyadii hal ku dhigga u ahaa Xassan Sheekh Maxamuud markii uu doonayey in dib loo doorto. Walow, qabyo loo yaqaan kooxdii Xassan Sheekh oo dhan, hadana farriita Madaxweynaha macno ma sameyseen in uu bulshada u sheego wax ay dareemi karaan “Kooxda” oo dhan, balse shaqsi ay adag tahay in lagu tuhmo (Xassan) ka qeyb qaadashada muran siyaasadeedka dowladda oo inta looga adkaaday uu si sharaf leh xilkeeda u wareejiyey! Qariib ma aha in uu wax mucaaradi karo, balse waa la yaab leh dowladda oo labo sano u dhiman tahay in uu ridideedda ku lug yeesho! W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, United States Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid