-
Content Count
212,155 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jalalaqsi ( Sh. M. Network )-Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay weerar xoogan ay ku qaadeen saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in dhowr jiho looga qaaday saldhig Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiiin duleedka degmadaasi. Warar Al Shabaab ay ku baahiyeen bogagooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in khasaaro lixaad leh weerarkaasi ay ku gaarsiyeen Ciidamadaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka taliska AMISOM oo ku aadan weerarkaasi. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro la bartilmaameedsada saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo weeraray Saldhig ku yaalla Jalalaqsi appeared first on Shabelle. View the full article
-
London (Caasimada Online) – Hay’adda Transparency International, ayaa soo saartay warbixinteeda sanad laha ah ee looga hadlo waxyeellada musuqa. Sanadkan waxaa ay Hay’adda sahan ku sameysay 180 dal oo Caalamka oo dhan ku yaalla, waxaana loo kala saaray kuwa uu naafeeyay musuqa iyo kuwo ka guuleystay. Dalalka ka guuleystay waxaa safka hore ka galay Denmark, iyo New Zealand, kuwaas oo keensaday dhibco gaaraya 88 iyo 87 oo ka mid ah 100-ka dhibcood ee qiimeynta, sida ay u kala horreeyaan. Dhinaca Waddamada uu la degay musuqa ee uu hoos u dhigay Dimuqraadiyadda waxaa hoggaaminaya Soomaaliya, Syria iyo Koofurta Suudaan, waxaana ay keensadeen dhibco gaaraya 10, 13, iyo 13, sida ay u kala horreeyaan. Si kastaba, Somalia ayaa hal dhibic kor uga soo kacday sanadkii 2017, markaasi oo boqolka dhibcood ay ka heshay kaliya sagaal, halka qiimeynta sanadkii 2018, ay heshay 10 dhibcood. Warbixinta waxaa kale oo lagu muujiyay in Gobolka ugu musuqa badan Caalamka uu yahay waddamada ka hooseeya saxaraha Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana ay tiradoodu gaareysaa 32 dal. Falanqeynta iyo abla ableynta Jaantuska ay soo bandhigtay Hay’adda Transparency International, ayaa muujinaya in 90% uu musuqa saameeyay Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-290119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ugu yaraan labo Qof ayaa ku dhimatay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib qarax loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay nawaaxiga Wasaaradda Batroolka, Ex Baarlamaan ee magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasaddda maamulka gobola Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed Tuulax. Guddoomiye Tuulax ayaa sheegay in Gaariga qarxay goor hore la soo dhigay meesha ay wax ka dhaceen, islamarkaana dadka wax ku noqday ay yihiin shacab ka agdhawaa halkaasi. Ma jirto illaa iyo iminka cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, balse Al Shabaab ayaa qaraxyo nuucaan oo kale ah horay uga fuliyay magaalada Muqdisho. Sidoo kale lama oga bartilmaameedka weerarkan, walow meesha ay wax ka dhaceen ay tahay goob istaraatiiji ah oo ay u dhow yihiin xarumo wasaaradeed oo ay ka mid tahay wasaaradda Batroolka xukuumadda Soomaaliya. Waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa sanadka cusub ee 2019, marka loo eego qaraxyo ubadnaa kuwa lagu xiray Gaadiid ay wateen shaqsiyaad ka tirsan shaqaalaha dowladda Soomaaliya, waxaana qaraxyadan ay dhacayaan, xilli isgoysyada Muqdisho iyo baraha koontarool la soo buux dhaafiyay Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano ku sameeya Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa raaxda ee gaarka loo leeyahay. The post Faah faahin:-Qarax xoogan Oo ka dhacay M/Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
At least two people are reported to have been killed and five others wounded in a car bomb explosion in Mogadishu, the Somali capital on Tuesday morning. Mohamed Abdullahi Tuulah, the deputy Mogadishu mayor on the security and political affairs confirmed the casualties to the reporters, saying the incident is under probe. No group has claimed responsibility for the blast which occurred outside a petrol station in near Daljirka Dahson monument in downtown Mogadishu. Al Shabaab has in the past carried out such attacks in the capital as part of its fight against Somali government and the African Union forces [AMISOM] in the country. The post Two dead, five wounded in car bomb blast in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaana lala eegtay bar ay ku sugnaayeen ciidamada amniga Weerarkaan [...] Source
-
Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in gaarigan uu ku ag qarxay meel ku dhow wasaaradda Batroolka, waxaana ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, iyadoo halkaasi laga qaadayo dadka ay waxyeellada soo gaartay. Weli lama hayo faah faahin intaan ka badan oo qaraxan ku saabsan, waxaana halkaasi gaaray ciidamo badan oo dowladda federaalka ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Aqoonyahanno iyo axsaab siyaasadeed oo ka hadlay waxa uu ka dhiganyahay warkii Yoweri Museveni ee ahaa in Soomaaliya ay ku jirto dalalka aanan laheyn maamul iyo dowladnimo dhab ah ayaa intooda badan sheegay inuu ku saxnaa balse qaarkood ayaa intaasi ku daray in laga fiicnaa hadalkiisa dambe oo tusineysa qiimo dhac iyo in dalalka uu ka xishoodo aaney ku jirin Soomaaliya. Axmed Cumar Gaagaale oo ah guddoomiyaha xisbiga xuriyadda Soomaaliyeed oo arrintan aan ka wareysaney ayaa yiri “Yoweri Museveni, waa madaxweyne khabiir ah, waxaa uu arkay in shaqada dowladnimada Soomaaliya aaney u socon sidii la rabay, calaamooyin dowladnimo aaney jirin”. Gaagaale oo sii-hadlaya ayaa waxaa intaasi raaciyey “Xumaan ma aha hadalka madaxweyne Yoweri Museveni, waxaan u arkaa guubaabo, wax laga caroodo ma aha”. Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame, oo isna ka hadlay waxa uu ka dhiganyahay hadalka Yoweri Museveni ayaa yiri “Waa saxan yahay hadalka Museveni, dalkan ciidamadiisa waqti badan ayey joogaan, halgan ayuu u galay inuu dhiso Soomaaliya, ciidamada ugu badan ee jooga isaga ayaa leh, difaaca dalkana u dhinteen, xilligan waxaa ay rabeen abaal sheegad, ninkan madax walbo ayuu la sheekeystay, laakin hadda meeshan inay maran tahay ayuu arkay. Uganda haddii aaney joogteen dowladnimadan yar maba jirteen, intii la dhihi lahaa lacag ayey qaataan ha laga shaqeeqo siyaasad ay ciidamada shisheeye ku baxaan, oo hala dhiso ciidamo qaran”. Waxaa sidoo kale jiray aqoonyahan la hadlay Goobjoog News oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso iyaga oo sidoo kale difaacay hadalka Yoweri Museveni, kuna dooday in aanu aheyn shakhsi Soomaaliya xummaan la rabo marka la fiiriyo shirarka uu qabtay, ciidamada uu u soo diray, oo AMISOM lagu dul dhisay, isaga oo ahaa hoggaamiye Afikaan kii ugu horeeyey ee Muqdisho yimaada iyo arrimo kale. Mid ka mid ah aqoonyahankaas ayaa sheegay inuu Yoweri Museveni qalad ku galay markuu dhahay dalal kale waxaan uga tagayaa sababo diblomaasiyadda awgeed, taasi oo muujineysa inuusan Soomaaliya ka xishoon. Dhammaan inta la hadashay Goobjoog News waxaa ay qabaan in la gaaray xilligii hurdada laga kici lahaa, la dhisi lahaa ciidamo qaran oo hanta amniga, lagana shaqeeyo siyaasad amni iyo inay ciidamada shisheeya ka baxaan Soomaaliya. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo isniintii ka hadlayey shir ku saabsanaa garsoorka dalkiisa ayaa yiri ‘Dalal badan oo waxaa jira aaney ka jirin dowladnimo, waa iska jiraan ee ma laha maamul dhulka ka wada taliya, Soomaaliya ayaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa. Kuwoo badan ayaa jira laakin ma sheegayo sababo diblomaasiyadda awgeed”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka daahsoon ee magaalada Muqdisho. Dad goobjogaayaal ah ayaa soo wariyay in Qaraxa uu ka dhashay Gaari dhex yaalay Kaalin shidaal oo ku taalla halkaasi. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhasay qaraxaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay kuwaas oo gabi ahaan xiray wadooyinka soo gala halkaasi. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. The post Qarax Gaaari Oo goor dhow ka dhacay magaalada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha ee boqortooyada Sucuudiga Injineer Cabdaraxmaan Al-Fadli ayaa xaqiijiyey in aanay boqortooyada Sucuudigu aqbali doonin cadaadis uu sheegay in dalkiisa lagu saarayo xayiraad ka qaadista xoolaha Soomaalida ee loo dhoofin jiray, haddii aan la buuxin shuruudda caafimaad ee ay wasaaraddu ka rabto. Wasiir Al-Fadli oo cadaadiskan ku sheegay mid aan meeshii ku habboonayd oolin, ayaa sheegay in hay’adaha ku shaqada leh ee Soomaalida laga rabo in ay ka soo baxaan shuruudaha caafimaadka xoolaha iyo kuwa dhinaca maxjarrada ah ee ay wasaaraddu hore uga dalbatay. Waxa aanu wasiirku mar kale ku celiyey in weli xayiraaddii xoolaha Soomaalidu ay dhaqan gal tahay oo aan la qaadin. Isaga oo sababtana ku sheegay ilaalinta badqabka muwaadiniinta iyo dadka kale ee ku nool boqortooyada iyo sida oo kale dadka xajka u yimaadda guriga Alle ee xaramka. Wargeyska Al-madiina oo ka soo baxa boqortooyada Sucuudiga ayaa qoray in wasiirku uu hadalkan sheegay mar uu Axaddii 27 ka jeenaweri la kulmay tiro ka mid ah maalgashadeyaasha beeraha iyo xoolaha ee degmada Makah Al-Mukarama. Wasiirka ayaa kulankan ka sheegay in Soomaalidu ay ku fashilantay in ay ka soo baxdo shuruudda uu Sucuudigu ku xidhay, si uu u aqbalo xoolaha ay u dhoofiyaan, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Muddooyinkii aynu soo dhaafnay waxa aanu la kulannay tiro ka mid ah wasiirrada Soomaalida, waxa aanu ku heshiinnay in ay buuxiyaan shuruudaha dhinaca maxjarrada ah ee laga rabo, si aanu xayiraadda uga qaadno xoolaha ay soo dhoofiyaan, laakiin waxa aan ka xumahay, in aanay illaa imika ka soo bixin shuruuddaas.” Wasiirku waxa uu intaas ku daray in wasaaraddiisu ay bilowday in ay dalal kale ka soo dhoofsato xoolaha, si loo daboolo hilib yaraata ka dhalan karta xoolaha Soomaalida ee la joojiyey. Geeska Qaran News
-
The newly elected president of Puntland, Said Abdullahi Deni has called on the country’s Federal and regional leaders to work the unity of Somalia after meeting in Garowe city. Deni, who was elected on 8th January said Monday that his region will host a reconciliation conference to resolve the difference between the central government and Federal states. Speaking at a press conference at Puntland president palace on Monday, Deni said the summit will bring together the Federal and regional leaders in mid-March in Garowe. The meeting will be held at the request of Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo. The post Puntland president calls on leaders to work the country’s unity appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo maanta ku qarxay afaafka hore Kaalin Shidaal oo ku taalla agagaarka Xaruntii hore ee Baarlamaanka. Laba Qof ayaa ku geeriyootay shan kalana way ku dhaawacantay Qaraxaasi sidda uu warbaahinta u sheegay Gudoomiye ku xigeenka dhanka Ammaanka gobolka Banaadir. Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in ay waddaan baaritaano iyo howlgallo, islamarkaana qaraxaasi uu ahaa mid si hoose goobta loo soo galiyay. Gaariga qarxay ayaa yaalay goobta gaadiidka la dhigto ee Kaalinta, waxaana qaraxa gaariga uu saameeyay goobta Kaalinta Shidaalka oo dab uu qabsaday. Lama oga cidda meesha dhigtay gaarigaasi kadibna ka tagtay iyo cid si rasmi ah loola beegsaday qaraxaas, inkastoo Booliska oo meesha tagay ay wadaan baaritaan. Hoos ka dhageyso Tuulax https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/tuulax.mp3 Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Buuraha dhaadheer anigoo kolba mid dusha uga baxaaya, ayaa markii danbe . cagtii ila siibatay oo aan buurtii dhinaca kale uga dhacay. Waxaan dusha kaga dhacay Cariish, oo dhaawac badani ima soo gaadhin . Waxaan arkay dad badan oo isdaba lugaynaaya oo aad moo did in ay INDHO LA,YIHIIN , sida ay isu daba socdan. Waan la hadlay, laakiin iimay jawabin , ismanay taagin. Kadibna waxaan weydiiyey in ay i arkayaan iyo in kale iyo in ay indho la’ yihiin ? Waxay i waydiiyeen : waxay indhuhu yihiin ? iyo waxa ay tahay indho la@aantu ? iyo waa maxay aragu ? iyo waa maxay waxyaabahan uu ka hadlayaa ee aanay weligood maqlin ? Waxa uu su.aalay : miyaanay Buurahaa dhaadheer iyo Cirkan iyo Dhirtan iyo Dhulkan aanay arkayn Waxay su:aal dib ugu celiyeen isagii iyo waxa uu sheegayaa ee uu ka hadlayaa . waxa ay yihiin ? Waxa uu ka ogaaday in ay weligood sidan ahaayeen oo sidan ku dhasheen iyaga iyo Waalidkoodba iyo Awoowooyinkoodba . oo Cudurkan uu sheegaayo aanay weligood maqlin. ( Dadkanu muddoo 11 oday laga joogo , sidan ayey ahaayeen oo isku dhaleen , markii uu cudur indhaha ka dhacay , ee ay indho beeleen , oo ay muddo Boqolaal sano ah ay sidan ahaayeen ). Kadib waxay u sheegeen , haddii uu doonaayo in uu la noolaado , in uu CUDURKAN indhaha la yidhiihdo iyo ARAGA in uu iska daweeyo ,oo la mid noqdo . Haddii kale uu aanu la noolaan karayn , oo aanu ka mid noqon doonin oo ay weliba diyaar u yihiin in ay ka daweeyaan Cuduradan uu qabo ee uu sheegaayo ee isaga ku kooban . Haddii kale , uu ka dhex baxo oo meeshii uu ka yimi ku noqdo. Talo ayaa la soo gudbanaatay iyo in uu kala doorto In indhaha laga tuuro oo laga soo saaro , oo cudurkan aragtida la yidhaahdo laga daweeyo oo uu sidooda oo kale noqdo. iyo in uu iskaga tago , oo uu meeshii uu ka yimi ku noqdo. Hadaba dhawaan waxaan soo booqday , Tuulo dadkeedu ay wada INDH LA’ YIIN , oo igu yidhi Haddii aad doonayso in aad nala noolaato , oo ad naga mid noqoto ( waa inaanu kaa daweynaa cudurkan aad qabto ee la yidhaahdo ARAGA iyo INDHAHA oo aanu kaa soo saarnaa oo aad sidayada noqotaa . Haddii kal aad naga tagtaa. Waxaan markaa doortay in aanan la noolaan oo aana ka mid noqon , oo aan indhaheyga iyo aragayna aan heystaa. Hadaba bal , maxaad fahantay Cali Maxamed Biixi caliwwelli@hotmail.co.uk Subject: FW: DALKII AMA TUULADII INDHOOLAYAASHA Show quoted text Qaran News
-
Xiriirka kubbadda cagta dalka Eritrea ayaa xaqiijiyey inay oggolaadeen casuumaad kaga timid xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta tasoo oo ku aadan laaciibiin ka socota Eritrea ay booqasho iyo ciyaaro saaxiibtinimo u yimaadaan caasimada Muqdisho bisha Febraaryo. 13-December 2018-xidigaha xulka qaranka dalkeena ee 20-jirada ayaa ku dhawaad 30-sano ka dib wadanka Jabuuti u aaday kulan ciyaareed saaxiibtinimo waxaana xirfadlayaasha 20-jirada Soomaaliya ay kualnkaas ku adkeen 4-1 laacib,Feysal Axmed Xassan oo ka mid ahaa koox qurbajoog oo caasimada Muqdisho u imaaday is-dhaxgal bulsho iyo ciyaaro saaxiibtinimo ayaa xulka 20-jirada u dhaliyay saddexlay,isagoo noqday xidigihii ugu horeeyay ee xulka qaranka Soomaaliya u dhaliyay,waxaana arintaas bogaadiyay tababarayaasha iyo ciyaartooyda ku nool qurbaha oo iyagana fursad ka raadinaya u ciyaarida xulka qaranka Soomaaliya . 29-July 2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya wuxuuna wada hadallo la yeeshay dhiggiisa Mudane Isaias Afwerki kuwaas oo ku qotomay dib u soo nooleynta xiriirka labada dal, xasilloonida gobolka iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo nabadgelyada. Ciyaartooyda,tababarayaasha iyo wafuuda hogaaminaysaa ay la filayaa in ay Muqdisho soo gaaraan horaanta bisha Febraayo,iyagoo kulamada saaxiibtinimo ciyaaridoona inta u dhaxaysa 14-17-sida laga soo xigtay xiriirka kubbadda cagta wadanka Eritrea. 13-December 2018-Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa isna booqasho ku soo gaaray magaalada Muqdisho qoraal kasoo baxay madaxtooyda ayaa lagu yiri “Booqashada waxa aya salka ku haysa abuuridda hannaan iskaashi iyo mid diblumaasiyadeed oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Eretria, iyo dardargelinta qorsheyaasha wadajirka ah ee ku aaddan amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Buruburkii Dowladdii Dhexe ee dowlaada Somalia ka dib xulka ee Eretria ayaa noqona kii ugu horeeyay oo caasimada u yimaada ciyaaro saaxiibtinimo waxayna arinta bundhig u tahay in wadanka ay yimaadaan xulal kale oo ka socda dalka Bariga iyo Bartamaha Afrika. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Kenyan police have said they arrested 17 suspected al-Shabaab recruits. The police said the suspects were arrested at their hideout in Samburu county in Rift Valley province. Kenyan authorities added that the suspected al Shabaab recruits were being prepared to be transported to Somalia. Area police chief John Kemboi said the 17 were hiding in the holding centre, a two-room house near Samburu market. They are 2 female and 15 male aged between 18-27 years. “Our informers tipped us, and we raided the house,” Kemboi told the local newspaper. The youth confessed to having been promised jobs with huge salaries. Identification documents show that they come from Tana River, Kilifi, Nakuru, Baringo and Kisii counties. Officers from the Kenya Anti-Terror Police Unit based in Mombasa are continuing with interrogations at a police station in Kwale. They will be arraigned in Kwale court on Tuesday. The post Kenya says its troops arrested 17 al-Shabaab recruits appeared first on Shabelle. View the full article
-
Suspected Al-Shabab assailants have hurled a grenade at a security checkpoint in northern Jowhar, the regional capital of Middle Shabelle on Monday night. There was no immediate claim of responsibility for the overnight bomb attack, however, the local security officials pointed the finger of the blame at Al Shabaab militant group. The exact casualty figures of the attack remain unclear. In a separate incident, Puntland state forces stationed in the Gulf of Aden port city of Bosaso last night, according to an eyewitness, who spoke to Radio Shabelle by phone. The incident took place at Biyo Kulul village in Bosaso with no reports of casualties. The regional troops rounded up several suspects in connection with the attack which came hours after a battle between Al-Shabab and ISIL-linked militants broke out in Bari region. The post Two grenade attacks reported in HirShabelle and Puntland states appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni oo isniintii ka hadlaayey shirka garsoorayaasha sanadlaha ee Dalka Uganda oo ka dhacaayey caasimada Kampala, ayaa tusaale usoo qaatay inay Soomaaliya kamid tahay Dalal aysan Dawladi ka jirin. ” Waa maxay Dawlad?, Dawladu waa ka duwan tahay Wadan, way ka duwan tahay qaran, Wadanku waa dhulka aad awoodiisa leedahay, qarana waa dadka asal ahaan kasoo jeeda” “Dawlad waxaa loola jeedaa awood abaabulan oo dalka ka jirta. Sidaa darteed waxaad haysan kartaa wadan aan dowlad lahayn. Waxaan doonayaa in aan ida siiyo tusaalooyin meel uu ka jiro waddan laakiin aan Dawlad lahayn” “Ma jirto awood abaabulan oo ka taliya dhulkaas, Soomaaliya ayaa ah tusaale wanaagsan oo kamida, waxaa jira wadamo kale oo tira badan oo tusaale ah (laakiin) sababo diblomaasiyadeed awgeed ma rabo inaan sheegno.” ayuu yiri Madaxweyne Museveni. Sidee Dadka Soomaaliyeed uga falceliyeen arintan Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si adag uga falceliyey hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Wadanka Uganda, waxayna sheegeen iyagoo qoraalo kusoo bandhigay baraha bulshada inuu Madaxweyne Museveni u gefey Dawladnimada Soomaaliya ayna tahay inuu hadalkaas raali gelin buuxda ka bixiyo. Heshiiskii nabada Muqdisho(Mogadishu peace Accord 1972) Hadii aan dib u eegno 1972, hogaamiyihii hore ee Uganda Ida Amin Dada ayaa bilaabay inuu madaafiic ku garaaco qaybo kamida wadanka Tanzania, sidoo kale Dawlada Tanzania ayaa isu diyaarisay inay dullaan adag oo aargoosasho ah ku qaado wadankaas, ururkii midnimada Africa oo farageliyey arintan ayaa ku guul-daraystay inuu wax ka qabto. Heshiiskii loo yaqaaney heshiiskii nabada Muqdisho(Mogadishu peace Accord) ayaa 5-tii October, 1972 ay labadaas wadan ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho, waxaana heshiiska fududeeyey xukuumadii uu hogaaminiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, heshiiskaas ayaana dalalkaas ka bad-baadiyey dagaal ba’an oo dhimasho iyo burbur weyn geysan lahaa. Hehiiskaas waxaa kamid ahaa afar qodob oo waaweyn, kuwaas oo kala ahaa:- 1. In la joojiyo dhamaan dhaq-dhaaqyada ciidan ee ay isaga soo horjeedaan labada dhinac, lana kala qaado dhamaan ciidamada hubaysan ugu dambayn 19-ka October, 1972, iyadoo la kala geynaayo masaafo aan ka yarayn 10-kiilomitir inta ay isu jiraan xuduudaha labada Dal. 2. in la joojiyo dacaayadaha hurinta collaadaha ee ka baxa warbaahinada labada Dawladood sida telefishinada, idacaadaha iyo wakaaladaha wararka. 3. in la joojiyo in ciidamada labada dal ka hawlgalaan xuduudaha u dhexeeya wadamadan, si looga hartago isku dhacyo iyo in collaadu dib usoo cusboonaato. 4. Ugu dambayntii siideynta muwaadiniinta ama hantida, haddii ay jiraan, ee ay kala qabsadeen labadda Dawladood intii ay dagaaladu socdeen. PUNTLAND POST The post Maxaad ka og-tahay heshiiskii Muqdisho ee ay collaada kaga bad-baadeen Uganda iyo Tanzania 1972? appeared first on Puntland Post.
-
Garowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan(Lafta Gareen) ayaa magaalada Garoowe Xarunta maamulka Puntland kulan kula yeeshey bulshada deegaanada Koonfur Galbeed ee ku dhaqan magaaladaasi. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa lakulmay haweenka,dhalinyarada iyo waxgaradka,isagoo ka xog wareysanayay xaaladda dhabta ah oo ay ku sugan yihiin iyo habka is dhexgalka bulsho. Qaar kamid ah buslhadii uu la kulmay madaxweynaha ayaa watbixin ka siiyay xaaladooda,iyagoo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin wadanoolaashiyaha bulshada deegaanadaasi Puntland. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa fariin u jeediyay bulshadii uu la kulmay,wuxuuna ku booriyay in ay horumarka ka shaqeeyaan. “Ka qeybqaata horumarka,sameeya ganacsiga,dhulka dhista,gabdhah aguursada,waa dhulkiina dhulka,wixii dhimana xagga matalaada ah waad heleysiine”. ayuu ku dhiiroge geliyay madaxweyne Lafta Gareen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kamid ahaa wafuudii magaalada Garowe uga qeybgashey caleema saarkii madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni. The post Lafta Gareen Oo Garowe kula kulmay bulshada deegaanada K/Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article