Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ethiopian Air Force says it killed 35 al-shabab militants this past week, according to a report by state media – Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC) today. Report from the Ethiopian Defense Force sent to EBC says the Air Force conducted Air strike in al-Shabab military positions 75 kilometers west of Baidoa, Somalia. Ethiopian military helicopters carried out a 45 minutes strike on January 24 in the areas mentioned above. Abdu Usman, operation head of the militant group, and Abdu Salman, grenade operation head, are reportedly killed in the strike. The Ethiopian Defense Force also claimed that Four Vehicles and several weapons are destroyed in the strike. Ethiopia ordered a retaliatory military offensive early last week after Ethiopian peacekeeping convoy was ambushed killing scores of Ethiopian soldiers. The convoy was attacked when it was travelling from Buurhakaba to Baidoa. During the time, al-shabab claimed that it killed over fifty Ethiopian soldiers. The post Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Boqoradda Ingiriiska ayaa Mr. Ben Fender Obe u soo magacawday safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, waxaa uu badalayaa Mr. David Concar. Mr. Ben Fender Obe ayaa soo shaqo geli-doona February 2019, Concar ayaa sidoo kale loo badalay shaqo kale. Benjamin James Fedner waxaa uu ka soo shaqeeyey meelo badan waxaa ka mid ahaa: 2016-2019: waxaa uu joogay The Foreign and Commonwealth Office (FCO) isaga oo madax ka ahaa qeybta siyaasadda amniga. 2015-2016: Tahran, Ku-xigeenka howl-galka Safaaradda 2005: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), madaxa qeybta Iran. 2014-2015: Freetown, Waxaa uu ku-xigeen u ahaa koox UK ay u dirtay ka jawaabista Ebola 2012-2014: Kabul, Qunsul 2008-2011: Paris, Xogheyaha 1aad 2007-2008: Waxaa la soo shaqeeyey wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska 2003-2007: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), Madaxa, waaxda Iran. 1999-2003: Ku-xigeen, kadibna xogheyaha 1aad(siyaasadda). 1997-1999: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), Tababarka Luqadda Shiinaha. 1996-1997: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), waxaa uu ka tirsanaa kooxda arrimaha Falastiin. Carabta/Israel. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Dawlada UK oo safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya Dowladda UK ayaa beddeshay safiirkii dalkaas u fadhiyey dalka Soomaaliya, ayada oo lasoo magacaabay safiir cusub, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha dibeda iyo barwaaqo sooranka UK. Ben Fender, oo magaciisa buuxa uu yahay Benjamin James Fender, ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya, isaga oo beddeli doona David Concar. Mr Concar ayaa la sheegay in loo magacaabi doono shaqo kale oo diblomaasiyeed, oo aan la shaacin. Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay boqortooyada UK, Fender ayaa xilka safiirka Soomaaliya, waxa uu si rasmi ah ula wareegi doonaa kowda Bisha Febraayo ee soo socota. Magacaabistan ayaa imaneysa, xilli ay xiisad xooggan ka dhaxeyso Somalia iyo UK, islamarkaana xidhiidhka labada dal uu joogo meel aad u hooseysa. Xiisaddan ayaa ka dhalatay xadhigii Roobow iyo caydhintii Soomaaliya ay ku sameysay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku caydhisay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa sababay in UK ay joojiso safar la qorsheeyey in wasiirka difaaca dalkaas Gavin Williamson uu ku tago magaalada Muqdisho Qaran News
  4. Xildhibaan Foosiya ayaa Mawqifkay ka taagan tahay Qadiyada Hadalka Madaxweynaha Yugaanda ee sida weyn looga qayliyey ku soo bandhigtay Barteeda Face-book-ga oo u dhigan sidatan:- Qaran News
  5. 5 waxyaabood oo sax ka dhigaya hadalkii Museveni uu ka sheegay Soomaaliya Waxaan arkay Soomaali badan oo ka xajiimooday hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha uganda museveni, laakiin runtii anigi hadalkaas wuxuu iila muuqday mid dhiiro galin ah oo ubaahan inaan cashir kabarano. Dowladii kacaanka ee uu hogaaminayay (AUN) Mohamed siyaad bare kadib, soomaliya mayeelan dowlad oo waxa ay aheed waddan uu burbur ku yimid dowladnimadiisa. Marka aan sidaas leeyahay waxaan ulajeedaa in soomaliya ay dhumisay dhamaan sifaadkii looga baahnaa dal leh dowlad. Wadanka markuu leeyahay dowlad waxaa laga rabaa inuu buuxiyo sifaadkaan hoos ku xusan; Wadankaas waa inuu awood uleeyahay inuu difaaco madax banaanidiisa dhuleed, waa inuu awood uleeyahay inuu cadawga ka difaaco xuduudihiisa, waa inuu leeyahay ciidan qaran oo difaaci karo shacabkiisa, waa inuu yahay mid siin karo shacabkiisa adeegi ay ubaahnaayeen hadeey ahaan laheed caafimaad, waxbarasho iyo etc. waa inuu yahay mid awood uleh uruurinta canshuurta dalka oo idil. intaas iyo in kabadan ayaa laga rabaa dowlad. Hadaba waxaa isweydiin mudan dowladda somaliya maleedahay sifaadkaas aan kor kusoo xusay. Jawaabtu waa maya,sidaan ognahay soomaliya maleh ciidan qaran oo difaaci karo xuduudaha dalka, oo waxaan aragnaa in maalin walbo ay ciidamada dowladdaha dariska ah ay iska soo talaabaan xuduudaheena,waxaan aragnaa in ciidamada kenya ay shacab masaakiin ah duqaymo kulaayaan gobolka gedo,mana jirto dowlad ka hadasho dhibaatada lagu hayo dadkaas,waxaan aragnaa in ciidamo shisheeya ay ilaaliyaan madaxdeena,waxaan aragnaa in meelihi ugu miihiimsanaa dalka uu shisheeya maamulo,waxaan aragnaa in mushaarka ciidankeena ay dalal shisheeya bixiyaan. Markaan xaqiiqda usoo noqono oo aan katagno caadifada iyo laablakaca beenta ah waxaa noo muuqdo in soomaliya aysan waxbo faraha kuheyn, in soomaliya ay tahay dal fashilmay oo ay fashiliyeen dadkiisa. marka maxaa nala gudboon hadaan soomali nahay, waxaa nala gudboon inaan xaqiiqda wajahno, inaan garano in dowladnimadu tahay waxa kaliya ee aan kusoo ceshan karno sharafkeeni umadeed. Qof walbo oo ay lixjeclo kahayso dalkiisa,rabana inuu arko soomaliya oo leh dowlad xoogan; waxaa laga rabaa inuu qayb kanoqdo dhismaha wadankiisa,waxaa laga rabaa inuu bixiyo canshuuraadki looga baahnaa si dowladdu uhesho ila dhaqaale,waxaa laga rabaa inuu kamid noqdo ciidanka dalka,waxaa laga rabaa inuu abuuro fikir ganacsi oo dalka iyo dadkaba faa’ido uleh,waxaa laga rabaa inuu yahay qof naftiisa hormariyay,waxna bartay dadka kalana waxbaray,waxaa laga rabaa inuu dalkiisa daacad ugu shaqeeyo, musuq maasuqana kafogaado,waxaa laga rabaa inuu noqdo qof si mas’uuliyad ay kudheehantahay udoorto hogaanki dalka lagu aamini lahaa.Hadii dad badan sidaan ufakiraan ficilna kudaraan,waxaan yeelan doona wadan dhisan oo leh dowlad xoogan. DALKAADA WAX KU BİİRİ HADAAD JECESHAHAY. W/Q. Abdikarim Abdullah Email: waweyneyare@gmail.com Qaran News
  6. (SLT-Hargeysa)-Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ayaa sheegay inay Gacanta ku soo dhigeen koox caadaystay inay xadaan Gaadiidka dadweynaha, ka dib hawl-gallo badan oo uu xusay inay ka sameeyeen Magaalada Hargeysa. Badhasaabku wuxuu sheegay in Dadka Baabuurta xadi jiray ee ay qab-qabteen inay ku jiraan kuwii samayn jiray furayaasha Gaadiidka la xado lagu kaxaysto, sidaasi darteedna dhawaan la hor-geynayo Maxkamadaha si xukun loogu rido. Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Arrinta Gaadiidka la xado waa arrin aad moodayso inay soo noqnoqotay sannadkii dhammaaday 2018, runtii daba-gal badan ayaanu ku samaynay waanu ku guulaysanay Annaga oo kaashanayna Ciidammada Booliiska, waxaanuna u soo xidhnay 9 Qof, markii aanu qaar qabanay ayay qaar kale sii sheegeen, waxaana ku jira kuwii samayn jiray Furayaasha Baabuurta lagu xado, intii aanu gacanta ku dhignay Kooxahaas hoos bay u dhacday arrintii (Baabuurtii la xadayey)..” Badhasaabku wuxuu tilmaamay in maaddaama oo Caasimadda Hargeysa ay ballaadhan tahay sii socon karaan Xadista Gaadiidku “Caasimadda Hargeysa way ballaadhan tahay oo Kiisaskaasi way jirayaan oo way dhacayaan, laakiin waxa jiray kooxo isku xidhan oo Shabakado ahaa oo Barnaamijkan ka shaqayn jiray, laakiin waanu ku guulaysanay oo hadda Booliiska ayaa Gacanta ku haya, dhawaana Sharciga ayaa la hor keeni doonaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu sheegay in Ciidammada Booliisku xidheen Nin u dhashay Dalka Pakistaan, kaasi oo ku eedaysan inuu Baraha Bulshada ku faafiyey Sawirro ay ku jiraan Hablo reer Somaliland ah “Waddankeena waxa jooga Dad badan oo Ajaanib ah, Waayo? waxa jira Waddamo badan oo aynu deris nahay, sida Yemen oo Qoxooti badan uu Dalkeena ka joogo, Itoobiya oo aynu deris nahay Dad badan ayaa inagala jooga, Dad badan oo Ajaanib ah oo Ganacsi u yimid ama Hay’ado u shaqeeyaana way joogaan Somaliland, markaa in la ilaaliyo dhaqankeena iyo Diinteenu waa waajib uu Qaranku u igman yahay, sidaa darteed waxaanu Gacanta ku dhignay oo hadda xidhan Nin Pakistaani ah oo Baraha Bulshada soo dhigay Sawirrada Gabdho qaarna ajaanib yihiin, qaarna ay Waddankeena u dhasheen.” Badhasaabku wuxuu sheegay in Ciidammada Booliiska oo Ninkaa daba-gal badan ku sameeyay ay ku qabteen Magaalada Berbera “Markii aanu daba-gal badan ku samaynay waxay Ciidanku ku soo qabteen Berbera, waanu xidhan yahay, markaa Cid kasta oo dhaqan xun oo Diinteena, dhaqankeena iyo Karaamadeena Meel kaga dhacaysa samaysana waxaanu diyaar u nahay inaanu Sharciga hor-geyno..”ayuu yidhi, Badhasaabka oo u warramay Telefiishanka Somnews Tv oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay. Ugu dambayn, Badhasaabku ma caddaynin in sawirrada baahintooda lagu haysto Ninku ahaayeen Sawirro aan anshax ahayn wanaagsanayn, sida in Habluhu aanay asturnayn oo kale, halka uu Sawirrada ka helay iyo hablaha Sawirradooda uu baahiyey inay Booliiska u soo cawdeen. Source
  7. (SLT-London)-Dowladda boqortooyada Ingiriiska ayaa waxa maanta safiir cusub usoo magacowday dalalka Somaliland Soomaaliya. Safiirka cusub ee UK u fadhin doonaa Somaliland iyo Soomaaliya ayaa loo magacaabay Ben Fender, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xafiiska arrimaha dibedda dalkaas. Fender ayaa waxa uu xilka kala wareegi doonaa David Concar, marka la gaadho bisha Febraayo ee soo socota. Concar ayaa la sheegay in xil kale oo diblomaasiyeed uu u wareegi doono, inkasta oo aan shaaca laga qaadin. Ben Fender ayaa ka hor xilkan ahaa madaxa siyaasadda amniga ee xafiiska arrimaha dibedda UK, wuxuuna hore usoo noqday ku xigeenka howlgalka UK ee dalka Iran. Source
  8. (SLT-Saylac)-Colaad U Dhaxaysa Laba Beelood Oo Laga Qabsi Qabo Inay Ka Qarax Degmada Saylac, Mid ka mid ah beelaha deegaanka farriin u dirtay xukuumadda iyo madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa beddeshay safiirkii dalkaas u fadhiyey dalka Soomaaliya, ayada oo lasoo magacaabay safiir cusub, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha dibedda iyo barwaaqo sooranka UK. Ben Fender, oo magaciisa buuxa uu yahay Benjamin James Fender, ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya, isaga oo beddeli doona David Concar. Mr Concar ayaa la sheegay in loo magacaabi doono shaqo kale oo diblomaasiyeed, oo aan la shaacin. Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay boqortooyada UK, Fender ayaa xilka safiirka Soomaaliya, waxa uu si rasmi ah ula wareegi doonaa kowda Bisha Febraayo ee soo socota. Magacaabistan ayaa imaneysa, xilli ay xiisad xooggan ka dhaxeyso Somalia iyo UK, islamarkaana xiriirka labada dal uu joogo meel aad u hooseysa. Xiisaddan ayaa ka dhalatay xarigii Roobow iyo cayrintii Soomaaliya ay ku sameysay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa sababay in UK ay joojiso safar la qorsheeyey in wasiirka difaaca dalkaas Gavin Williamson uu ku tago magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  10. Nairobi ( Sh. M. Network )-Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay xireen 12 Qof oo lala xarIirinayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen deegaano dhaca xadka Soomaaliya. Taliyaha Booliksa Kenya Joseph Boinet ayaa sheegay in dadka ay qabteen uu ka mid yahay muwaadin Soomaaliyeed oo heysta dhashadda dalka New Zealand, kaas oo lagu magacaabo Sulub Warfaa sidoo kalena watay baasaboor kale oo uu magaciisu ka dhigtay Ramadaan Yuusuf. Mr Boinet ayaa intaasi ku daray in dadka ay xireen sidoo kale uu ka mid yahay muwaadin watay baasaboorka Ethiopia, kaas oo lagu magaacaabo Saqaawudiin Cabdullahi Maxamed. Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada Kenya ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ay ka wadaan xadka labada dala ee Soomaaliya iyo Kenya. The post Kenya Oo qabatay Rag lala xariirinayo Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Baraawe ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya Sh/ Hoose ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayO magaalada Baraawe ee gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxa u dhexeysaa maamulka Baraawe iyo qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. Guddoomiyaha degmada Baraawe C/fitaax Maxamed Nuur oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in arrintani ay saameyn ku yeelatay howlihii maamulka ee degmadaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Odayaashan oo horkacaya Ciidamo Milatari ah ay joojiyeen canshuurihii laga qaadi jiray Ganacsatada, sidoo kalena ay hakad galiyeen dhismihii ka socday Garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/co.mp3 The post Xaalad kacsanaan ah Oo laga dareemayo M/Baraawe appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Addis Ababa ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Ethiopia ayaa lagu sheegay in Ciidamadeeda cirku ay duqeyn ku dileen xubno ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Sida ay daabacday wakaaladda dowladda EBC illaa iyo 35 Dagaalyahan ayey sheegtay Ethiopia in duqeyntani ay ku dishay, taas oo ay ka fuliyeen 24-kii bishan meel 75 Km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Sidoo kale wasaaradda Difaaca ee Ethiopia ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ku dishay xubno sare sare oo ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaasi oo ay magacyadooda ku kala sheegeen Abdu Usman iyo Abdu Salmaan. Wasaaradda difaaca ayaa intaasi ku dartay in duqeytan ay sidoo kale ku burburiyeen Gaari iyo Hub ay lahaayeen Al Shabaab. Dhawaan ayey aheyd markii Al Shabaab weerar khasaare geystay ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia oo marayay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee K/ Soomaaliya. The post Ethiopia Oo duqeyn ku dishay 35 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  13. (SLT-Jigjiga)-Wasiirka wasaaradda shaqo-galinta iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa waxa ay kulan la qaadatay Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar. Qoraal lagu baahiyay barta facebook wasaaradda lagu yidhi: Madaxwaynaha ismaamulka Dawlad deeganka Soomalida Itoobiya Mustafe cagjar ayaa soo dhawayn diiran u sameeyey wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland. Wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa uga mahadnaqday madaxwaynaha soo dhawaynta uu u sameeyey, waxaanay ku bogaadisay hanaankiisa maamul iyo dhabaha wanaagsan ee u Ku hagayo ummadiisa. Dhanka kale Wasiir Hinda waxay aad ugu dheeratay xidhiidhka qotoda Dheer ee ka dhexeeya ismaamulka Soomalida Itoobiya iyo Somaliland shacab ahaan iyo maamul ahaanba. Ugu dambayntii Wasiir Hinda ayaa waxa ugu ducaysay madaxwaynaha in illaahay xilka u fudaydiyo kuna garab galo. Source
  14. Xeebaha dalka Jabuuti waxaa ka socda baadigoob xoogan oo loogu jiro dad Tahriibayaal ah oo dooni ay kula dagtay biyaha . Laba doonyood oo [...] Source
  15. A New Zealand national is among 12 people who were arrested near the Kenyan- Somalia border in the latest crackdown on terror suspects. Inspector General of Police, Joseph Boinnet said the New Zealander Sulub Warfaa, 36 was arrested with the two passports bearing different names. The other passport had the name Ramadhan Yusuf. Another suspect Sakawawedin Abdullahi Mohammed, 33, was arrested with an Ethiopian passport. “The two were heading to Garissa from Dajabula in a white Toyota Hilux Double Cabin,” Mr Boinnet said. The other ten suspects were arrested during an operation at the Dadaab Refugee Camp in Garissa County. Police officers have intensified their crack down on terror suspects and their aides since the Dusit D2 terror attack that left 21 people dead and several others injured. The post Al-Shabaab suspects arrested on Kenya-Somalia border appeared first on Shabelle. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhintay labo doonyood oo ku qalibmay xeebaha dalka Jabuuti, sida ay sheegtay laanta Qaramada Midoobey u qaabilsan muhaajiriinta. Qof kamid ah dadka kasoo badbaaday badda ayaa sheegay in 130 qof ay saarnaayeen doomaha, waxaa hadda socotaa howlaha samatabixinta ee lagu raadinayo dadka maqan. Dalka Jabuuti ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay noqday marin ay sii kasii tallaabaan muhaajiriinta ku wajahan kacanka Cadmeed. Source
  17. Cape Town ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay duleedka magaalada Cape Town ee caasimadda dalkaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Muxudiin, kaas oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaalida ee k u dhaqan dalka K/ Africa. Dilkan ayaa yimid kadib markii Burcad u dhashay dalkaasi ay weerareen Gaari uu watay Muwaadinkaasi oo ay doonayeen in ay dhacaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in lagy dhex dilay ganacsadahani Gaarigii uu watay oo ahaa nuuca raaxada . Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay goobta uu dilku ka dhacay. Tan iyo markii lagu guda galay sanadkan 2019-ka waxaa kordhay dilalka loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika. The post Muwaadin Soomaaliyeed Oo lagu dilay dalka K/ Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-300119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Xaalada magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Itoobya ayaa dagan maanta kadib markii xalay ay ka dhaceen dagaal udhaxeeyay qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida . Iska horimaadkii [...] Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha ciyaaraha ee xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis ayaa waxaa uu eedeymo kulul u jeediyey wasaaradda ciyaaraha Somaliland isaga oo ku sifeeyey in wasaaradaasi ay shaqadii qaranka ay u haysay ay si weyn ugu fashilantey, waxaanu ka hadlay tartan caalami ah oo la sheegay in lagu qabanayo Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. (SLT-Muqdisho)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadam ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka digtay in lagu degdego tallaabo ay dowladdu ka qaado dowladaha iyo hey’adaha taageera Soomaaliya. Fowziya Yuusuf ayaa sheegtay in Uganda ay dhiig badan u daadisay Soomaaliya, illaa iyo hadda garab taagan tahay, sidaas darteedna canaanta Madaxweyne Museveni aan loo arkin colaad. “Waxaa nasiib darro ah in markale lagu degdego tallaabo laga Qaado hay’adaha ama dawladaha u heellan, taakuladeenna iyo ilaalinta nadgelyadeenna, Uganda waxay inoo daadisay dhiig badan ilaa haddaan way inna garab taagan tahay. Ma aha in canaanteeda colaad loo arko”ayay tidhi Fowziya Yuusuf Xaaji Aadam. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ku tilmaamay hadalka Madaxweyne Museveni inuu ahaa qof iska hadlay, isla markaana Soomaaliya ka jirto dowlad la aqoonsan yahay, waxaana uu xusay ka dowlad ahaan jawaab hoose oo diblomaasiyadeed u diri doonaan. Source