Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)Gobalada Waqooyiga ee dalka Maraykanka ayaa maalmahan ku jira qabow xad dhaaf ah oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka dhulkaasi ku nool. Gobalada sida weyn qabowgan iyo barafka looga dareemay ayaa waxaa kamid ah Minnesota oo ay ku nool yihiin Soomaali badan, deegaanada qaarkood [ – 41 ] ayuu gaaray heerka qabowga. Ugu yaraan dad gaaraya 10 qof ayaa la sheegay inay u dhinteen cimiladan isbedashay, waxaana la joojiyey in badan oo kamid ah duulimaadyada kabaxa ama taga gobalada qaarkood, duulimaadyada la joojiyey dalkaasi Maraykanka ayaa la sheegay inay ka badan yihiin 6000, waxaana xiran iskuulada iyo goobaha ganacsiga. Magaalada Chicago oo kamid ah goobaha uu saameynta weyn ku yeeshay qabowgan ayaa waxaa gebi ahaan la joojiyey isu socodka gaadiidka dadweynaha. Dhinaca kale qaar kamid ah waddamada Yurub ayuu dhibaato badan ku keenay Baraf ka iyo qabowga da’ ayaa . Source
  2. Ciidamada amniga ee magaalada Gaalkacyo ayaa Xabsiga Dhexe ee magaalada Garoowe waxa ay u soo wareejiyeen dhalinyada Moobilada furata ee magaalada Gaalkacyo oo ay ciidamadu [...] Source
  3. (SLT-London)Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn in wadahadal cusub ay la galaan dalka UK, kadib markii Baarlamaanka UK codsaday in wax laga bedalo heshiiskii ay horey u wadagaareen EU-da iyo Raysalwasaaraha UK Theresa May. Midowga Yurub ayaa sheegay inaysan waxna ka bedali doonin qodobka xasaasiga ah ee la isku heysto kaasi oo la xariira qaabka loo maamuli doono xaduuda u dhaxeysa dalka Ireland iyo Waqooyiga Ireland oo kamid ah UK. Guddoomiyaha Golaha EU-da Jean-Claude Juncker ayaa sheegay in aysan dib u furi doonin gorgortanka isagoona sheegay in Midowga Yurub aysan ogeyn waxa ay doonayaan siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada UK. Wuxuu Guddoomiyaha EU-da sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in dalka UK uu bixiyo lacag ka badan $40 bilyan oo uu Midowga Yurub ku leeyahay wadanka UK xataa hadii aan lagu heshiin wadahadalka hada socda. Source
  4. (SLT-Ivory Coast) Xildhibaan hore u soo noqday wasiir ayaa xabsi lagu xukumay kadib markii lagu helay inuu barabha bulshada ku faafiyey warar been ah oo abuuri kara xasilooni darro. Xildhibaankan oo lagu magcaabo Alain Lobognanoo ayaa ka tirsanaa Baarlamanaka dalka Ivory Coast horeyna wuxuu u soo noqday wasiirkii ciyaaraha dalkaasi, iyadoo lagu xukumay hal sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $520 doolar, kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka uu ku qoray warar been abuur ah oo la sheegay inay abuui karaan rabshado. Xeer ilaaliyaha dalkaasi ayaa 9-kii bishaan Janaayo amar ku bixiyay in la xiro xildhibaankan. Waxaana xeer ilaaliyuhu uu sheegay in hadalka uu bartiisu tweterka ku qoray uu kicin karo rabshado iyo isku dhacyo bulshadeed . Affoussiata Bamba Lamine oo ah qareenka xildhibaanka oo la xiray 15 bishan ayaa sheegtay in uu doonayo uu racfaan ka qaato eedaha loo jeediyay. Waxay intaas ay ku dartay in ay iska caddahay in arintaani ay tahay kiis siyaasadeed oo ay ka dambeyaan qaar ka mid ah masuuliyiinta dalkaasi Source
  5. (SLT-London) Dawladda UK, ayaa sheegtay inay taageerayso doorashada golaha wakiilada ee Somaliland ee mudaysan, waxaanay sheegtay in UKJ horseed ka tahay farriin culus oo ay beesha caalamku dirayso oo ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan. Wasiirul dawlaha UK u qaabilsan Afrika Harriet Baldwin, ayaa ka jawaabtay su’aal uu Baarlamaanka UK Salaasadii ku weydiiyay xildhibaan Stephen Doughty oo taageera qaddiyadda Somaliland, taas oo nuxur ahaan ahayd taageerada uu UK ka gaysanayso doorashada golaha wakiilada iyo in la damaanad qaadi karo in doorashadu dhacayso sannadkan 2019. Wasiir Harriet, ayaa ku jawaabtay “Dawladda Ingiriiska, weli waxa ka go’an in ay taageerto doorashada muddaysan ee Somaliland” “Waxa aanu hormuud u nahay farriinta heerkeedu sarreeyo ee beesha caalamka, iyo in aanu sanduuqa xiisadaha, ammaanka iyo xasiloonida ee (CSSF), kala shaqayno sidii loo horumarin lahaa nidaamka diiwaangelinta codbixiyaha, khibradaha farsamo ee guddiga doorashooyinka qaranka iyo in dumarku ka qayb qaataan doorashooyinka.” Source
  6. Galkacayo (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa uu kula kulmay magaalada Galkacayo Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka. Xaaf ayaa kala hadlay dhinacyada sida ay muhiim u tahay in ay ka qayb-qaataan dadaalada lagu xoojinayo nabada iyo amaanka, isaga oo hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu door muuqato ka siinayo arrinkaasi. Dhinaca kale, Madaxwaynaha ayaa xarunta gobolka Mudug shir gaar ah kula yeeshay taliyaha Booliska Soomaaliya, Baashiir Cabdi Maxamed, kaasi oo ay kawada hadleen doorka ciidamada ee dib u soo celinta xasiloona. Labada mas’uul ayaa isla soo qaaday taageerada dowlada Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay ufidiso Booliska maamul goboleedka Galmudug, iyaga oo isla meel-dhigay qodobadii ay kawada hadleen. Sikastaba, Madaxwayne Xaaf oo la filayo inuu labada cisho ee soo aadan kusii sugnaado Galkacayo wuxuu sii wadi doonaa kulamada uu kula yeenayo magaalada dhinacyo kala gedisan oo uu kala hadli doono qodobo dhowr ah. The post Madaxwaynaha Galmudug oo kulamo kawada Galkacayo appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Maxkamada magaalada Nyeri ee dalka Kenya ayaa sii deysay saddex ruux oo looga shakiyay wax ka ogaayeen weerarkii lagu qaadey Hotel-ka DusitD2 ee magaalada Nairobi, bishii hore. Saddexda ruux oo mid kamid ah ay tahay Haweeney Soomaali ah oo magaceeda lagu sheegay Xabiibo Geedi Canshuur ayaa sii daysmadooda waxay ka dambeysay markii lagu waayay wax dambi ah. Magacyada labada qof ee kale ee dib loo siiyay xorriyadooda ayaa kala ah; Abdul Kibiringi iyo James Mwai Mwangi, kuwaasi oo Keyaan ah. Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Hoteelka DusitD2 oo ay Al-Shabaab sheegatay kaasi oo lagu dilay ku dhowaad 21 ruux, laamaha amaanka Kenya waxay soo qab-qabteen tobaneeyo dad ah oo lagu tuhmayo ku lug-lahaashiyaha duulaankaasi. Dadkaan ay maxkamada amartay in lasii daayo ayaa noqonaya kuwii ugu dambeeyay, maadaama horey xorriyadoodu loogu celiyay shaqsiyaad kale markii dambi lagu waayey, iyada oo kuwa kelana ay xabsiyada ku jiraan. The post Kenya oo sii deysay dad loo xiray weerarkii DusitD2 appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Shabeelada Hoose ) Al Shabaab ayaa deegaan ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ku gubay gaadiid xamuul ahaa oo marayay meel aan ka fogeyn degmada Afgooye. Gaadiidka oo gaaraya 7 Gaari ayaa la sheegay in lagu gubay deegaanka Doonka oo u muuqda degmada Afgooye, sida wadayaasha gaadiidka qaarkood ay warbaahinta u sheegeen. Gaadiidka la gubay ayaa waday Dhuxul, waxaana uu ka yimid degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo kusoo wajahnaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Mid kamid ah wadayaasha gaadiidka la gubay ayaa sheegay deegaanka oo aan ka fogeyn degmada Afgooye lagu gubay gaadiidka, markii gaadiidkooda la gubay kadibna inay u yimaadeen ciidamada dowladda balse aysan waxba u qaban. “Baabuur todobo ah oo Inatareeya ah ayaa lagu gubay Doonka oo Afgooye u muuqda, Al Shabaab ayaa gubay,sababta nooma sheegin, laakiin hore ayay jarista dhirka u mamnuuceen, ciidanka dowladda gaadiidka oo gubanaya ayay inoo yimaadeen waxba nooma qaban, weynaga naga laabteen”ayuu yiri ruuxa kamid ah darawalada gaadiidka. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al shabaab iyo maamulka Shabeelaha Hoose, kaasi oo ay kaga hadlayaan gaadiidka lagu gubay meel aan ka fogeyn degmada Afgooye Source
  9. (SLT -Sudan) Madaxweynaha Sudan Omar al-Bashir ayaa ku jeesjeesay mucaaradka kasoo horjeeda xukuumaddiisa oo uu ku tilmaamay in ay baraha bulshada u adeegsadeen kana soo abaabuleen dibadbaxyada kadhanka ah xukunkiisa. “Xukuumad ama madaxweyneyaal laguma baddalo WhatsApp ama Facebook. Waxaa lagu baddali karaa oo kaliya doorashooyin,” ayuu u sheegay taageerayaashiisa. Hadalkan ayuu yiri ayadoo dibadbaxyo cusub lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Khartoum. Dibadbaxyada ayaa ka dhashay gunnooyinkiii lagu kabi jiray rootiga oo la jaray bishii December hase ahaatee markii dambe waxay isu baddaleen kuwo dhaliyey caro looga soo horjeedo xukunka Mr Bashir. Xukuumadda Sudan ayaa sheegaysa in 30 qof ay ku dhinteen rabshadaha tan iyo markii qalalaasuhu uu bilowday. Kooxaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa ayaa gaarsiinaya tirada dhimashada in kabadan 40 qof. Source
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Francisco Caetano Madeira, wakiilka midowga Afrika uqaabilsan Soomaaliya ayaa ku tartarsiiyay taliyaha cusub ee AMISOM inuu dar-dargeliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Tigabu Yilma Wondimhunegn, taliyaha cusub ee howlgalka AMISOM oo xilka la wareegay shalay oo Khamiis ahayd kadib xaflada ka qabsoontay fadhigooda Muqdisho ayaa bedalay Jim Beesigye Owoyesigire. Mr Madeira oo hoosta ka xariiqay in khatarta Al-Shabaab ay wali taagan yahay looga fadhiyo hogaanka cusub ee ciidamada nabad-illaalinta inuu dar-dargeliyo sidii looga saari lahaa goobaha ay gacanta ku hayso kahor inta aysan dalka ka bixin. Ciidamada AU-da ayaa lagu wadaa inay dalka ka hayaamaan dabaqaayada sanadka 2021-ka, iyada oo wixii intaasi ka badan amaanka guud ee wadanka lagu wareejinayo ciidamada xooga Soomaliyeed. The post Taliyaha cusub ee howlgalka AMISOM oo baaq loo diray appeared first on Shabelle. View the full article
  11. (SLT-Addis-ababa) Madaxda dalalka Bariga Afrika ayaa shirweynahooda sanad la ah waxuu uga furmaya dalka Tanzaniya, waxaana halkaasi ka socoto qabanqaabadda Abaabulka Shirka. Shirkaan ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro Khilaaf ka dhex taagan qaar ka mid ah dalalka bariga Sidda Burundi iyo Rwanda. Shirka ayaa la qorsheeyay bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay balse labo mar ayaa dib loo dhigay kaddib markii dowladda Burundi ay qaadacday. Burundi ayaa dhawaan ku dhawaaqday in dalka Rwanda uu yahay cadaw, ayadoo Rwanda ay dhankeeda ka cabanayso waxay ku tilmaantay afduub, jirdil iyo tarxiil lagulo kaco muwaadiniinteeda u safraya dalka Uganda. Dalka Rwanda ayaa sidoo kale xiriir wanaagsan uusan kala dhexeynin wadanka deriska la ah ee Uganda. Dhammaan madaxweynayaasha dalalka bariga Afrika ee ka mid ka ah ururkaan ayaanan ka qeybgalaynin shirkan ka dhacaya magaalada waqooyi ee Carusha ee dalkasi Tanzania. Source
  12. Shir looga arinsanayay hor umarinta mashaariicda degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa waxaa lagu qabtay degmada waxaana shirka ka soo qayb galay maamulka degmada ,mas,uuliyiin [...] Source
  13. (SLT-Washington)War kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay badhtamaha Soomaaliya maalintii Arbacadda aheyd waxaana mareykanka uu sheegay in uu Shabaab gaarsiiyay Khasaare. Warka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya ay bartilmaameedsadeen degaanka Shabeelley oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka. 24 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi,iyadoo uu burbur soo gaaray saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen Shabaab. “Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Source
  14. Ciidanka Booliska ayaa maanta si fool xun toogasho ugu dilay nin shicib ah ninkaasi oo ku sugnaa barxada dibada ee gurigiisa oo ku yaala xaafada Qudhac dheer ee Maxamuud Haybe Ex- Giryasamo. Ma cada sababta uu askarigani u toogtay ninkaasi shicibka ah oo si buuxda gacanta Booliska ugu jiray xiligan uu dilku dhacay. Hase ahaatee dad goob joog ah ayaa sheegay in askarigani uu ninkaasi Ka soo qabtay guriisa oo uu dabadeedna ku toogtay gurigaga dibadiisa waxana ay dadkii goobjooga ahaa sheegayaan oo kale in askarigani sitay warqad qabasho ah oo maxkamadeed, is af dhaaf askarigani iyo marxuumkaasi dhex marayna uu askarigu u dadajiyay rasaas oo uu qudha Ka jaray. Ilaa hada saraakiishii ciidanka Booliska ee saxaafadana hor imanjirtay marka Booliska wax Laga sheego kama ay hadal dilkani. Marxuumka la dilay ayaa Ka soo jeeda galbeedka Burco ama bariga Hargeysa, sida ay sheegeen dadkii badnaa we goobtaasi isugu soo baxay oo ka gadooday dilkaasi arxandarada ahaa ee aan wakigeed goobtaasi hore uga dhicine. Qaran News
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Isgaarsiinta ee xukuumada Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan oo uwaramay TV-ga dowlada ayaa ka hadlay tabashooyinka ay qabaan qaar kamid ah shirkadaha Isgaarsiinta dalka. Mr Canshuur ayaa shaaciyay inay diyaar u yihiin in ay kala hadlaan shirkadaha wax kasta oo ku saabsan sharciga oo ay tabasho ka qabaan, isaga oo carabka ku dhuftay inay kalsooni buuxda ka qabaan in la xaliyo. Dhinaca kale, Wasiir Canshuur oo sii wata hadalkiisa ayaa wuxuu carabaabay in loo baahan yahay wadashaynta dhamaan shirkadahaasi si uu u dhaqan-galo sharciga Isgaarsiinta qaranka. Sharciga Isgaarsiinta qaranka ayaa labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya cod-aqlabiyad leh waxay ku meel-mariyeen sanadkii 2017-dii kadib dadaal ay xukuumada Soomaaliya ugashay in la ansixiyo Hindisa sharciyeedkaasi. The post XFS oo ka hadashay tabashada shirkadaha Isgaarsiinta appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay shir,waynihii Haweenka Caafimaadka ee aduunka oo mudo laba maalin ah ka socday Garoowe [...] Source
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-01022019.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho (Caaismada Online) – Qeybta English-ka website-ka Villa Somalia www.villasomalia.gov.so/en, ayaa lasoo dhigay sawir iyo qoraal isla socda, oo markii dambe laga saaray, kaasi laga soo min guuriyey madaxtooyada Kenya. Qoraalka iyo sawirka ayaa lagu sheegay inuu ahaa qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, balse waxa uu ahaa qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Uhuru Kenyatta oo lasoo min guuriyey, isaga oo anan hal erey laga bedelin. Dadka qaar ayaa arrintan ku macneeyey inay caddeyn u tahay in madaxweynaha uusan lahayn qorshe dhab ah, halka kuwa kalena ay sheegeen in arrintan ay ahayd un qalad ay sameeyeen qeybta warfaafinta madaxtooyada. Arrintan ayaa dhalisay caro iyo maadeys ay Soomaalida aad uga hadal hayaan baraha bulshada. Iska eeg labad qoraal ee Farmaajo iyo Kenyatta. Sawirkan hoose waa bogga rasmiga ah ee Villa Somalia. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bogga madaxtooyada www.president.go.ke ku daabacay qorshe 5 sano uu ugu magac daray “4ta waa weyn” ama “the Big Four”, kuwaas oo kala ah: Sugnaanta cuntada, guryo jaban, wax soo saar iyo daryeel caafimaad oo dadka oo dhan gaara. Sawirkan hoose, wa bogga rasmiga ah ee madaxtooyada Kenya, waa barnaamijka rasmiga ah e Kenyatta. Bogga Villa Somalia ayaa si indho la’aan ah waxaa ay u soo min-guurisay qorshe dal kale iyo madaxweyne kale iyaga oo ka dhigay inuu leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo barnaamijkiisa uu ka hor akhriyey baarlamaanka federaalka kuma jirin 4-taas, oo waxaa uu ka hadlay amniga, la-dagaalanka musuqa, soo-celinta kaabayaasha dhaqaale, dib u heshiisiinta, sarreynta sharciga, nidaamka federalism-ka iyo arrimo kale. Sidaas darteed waxaa muuqata in arrintan ay tahay mid uusan madaxwenaha waxba ka ogeyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada kula kulmay Guddigii ka soo shaqeeyay munaasibadii lagu caleemo saaray January 27, 2019. Madaxweynaha ayaa Guddiga [...] Source
  20. Qandala (Sh.M.Network) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qandala ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ku dhex maray Al-Shabaab iyo Daacish degaannada Dharaar iyo Miraale oo dhamaantooda hoostaga gobolka Bari. Taliyihii hore ee laanta sirdoonka Puntland, Cabdi Xasan Xuseen oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ka dhacay degaannadaasi uu jab xooggan kasoo gaaray Labada dhinac, kuna waayeen xubno badan. Daacish oo gacanta ku heysay degaannada lagu dagaallamay ayaa la sheegay in ay haatan ay kala wareegeen xarakada Al-Shabaab, inakasta ay weli is hor fadhiyaan labada garab. Dhawaan ayay ahayd markii ay Daacish qaadashada Hubka ka joojisay Dadka ku nool Qandala iyo degaannada hoos-yimaada, iyada oo baqdin qabta in ay ku soo dhuuntaan xubnaha taabacsan Al-Shabaab ee dagaalka kala dhaxeeya . Dagaalka u dhexeeya kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ayaa in dhowaanahanba uu ka soconayay dagaalkooda degaannada ay ku sugan yihiin, iyagoo iska dilay labada dhinac xubno muhiim ah . The post Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamay G/Bari appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya Daacish iyo Al Shabaab oo ka dhacay deegaanada Buuralayda ee gobolka Bari, kaasi oo maalmihii ugu dambeeyay dhexmarayay Al Shabaab iyo Daacish. Dagaalka ayaa salka ku haya qorshe Al Shabaab damacsan yihiin oo ah inay Daacish ka saaraan deegaanada Buuraha ah ee Bari, iyaga oo ka hor jeeda in Daacish ay yeelato awood ay Al Shabaab kula dagaalanto mustaqbalka. Dagaalka Xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanka Miraale oo qiyaastii 70 Km u jira magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana laga baqayaa in dagaalka buuraha ku faafo deegaanada kale ee Puntland. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xalay ilaa waaberigii saaka dagaal uu ka dhacay deegaanka, waxaana marar qaar hadda la sheegayaa in dagaal goosgoos ah uu ka dhacayo deegaan kale oo ku dhow Miraale. 18-kii bishii December ee sanadkii 2018, ayey ahayd markii Al-Shabaab iyo Daacish uu dagaal ku dhex-maray meel aan ka fogayn dhulkan buralayda gobolka Bari ah ee uu daagalku ka dhacay, kadib markii dagaalyahano Al-Shabaab ka mid ah ay ka tageen dhinaca buuraha Galgala oo ay fariisimo ku leeyihiin. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Al Shabaab ay doonayaan inay Daacish kala wareegaan deegaanada Buuraha oo inta badan ay labada dhinac ka dagaalamaan, waxaana jirta cabsi xoogan oo dadka deegaanka soo foodsaartay. Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamaya, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  22. Baydhabo (Caasimada Online)-Maamulka Koofur Galbeed ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaaladii ugu dambeeyay ee ka socday magaalada Baydhabo oo lagu soo dhisayo golaha wasiirada maamulka Koofur Galbeed. Maalmaha soo socdo ayaa la sheeciyay in lagu dhawaaqi doono liiska golaha wasiirada maamulka Koofur Galbeed, kadib wadatashi dheer oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa saacadihii ugu dambeeyay xarunta madaxtooyada odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanka kula yeeshay wadatashagii ugu dambeeyay. Afhayeen u hadlay madaxtooyada Koofur Galbeed oo lagu magacaabo Nuuradiin Gacmo ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayso magacaabida golaha wasiirada maamulka Koofur Galbeed. Afhayeenka ayaa sheegay in wasiirada cusub ay ka duwanaan doonaan wasiiradii hore ee maamulka Koofur Galbeed, waxayna taasi xulideeda dhalisay in wadatashi badan la geliyo xubnaha cusub ee wasiirada kamid noqonaya. Wuxuu sidoo kale Afhayeenka sheegay in wadatashiyada ay dhamaadeen, islamarkaana kaliya la sugay in la shaaciyo wasiirada Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  23. Sida caadada ah, madaxweyne walba xilliga doorashada waxaa uu la yimaadaa barnaamij siyaasadeed uu ku hago dalka, laguna xisaabtamo, taasi oo lagu daabaco baraha faafinta rasmiga ah ee dowladda. Muddadii uu joogay madaxweyne Farmaajo, waxaa dib u habeyn lagu wadey mareegta rasmiga ah ee madaxtooyada Soomaaliya(https://villasomalia.gov.so/en/), bartaas waa meel ay tahay in lagu faafiyo qorshaha siyaasadeed, waxqabadka iyo dhammaan keydka madaxtooyada Soomaaliya. Isla bartan aan ka hadleyno ee Villada ku leedahay Internet-ka ayaa waxyaabaha lagu daabacay dhowaan waxaan ka mid ah qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi ka soo koobiyeeyeen Website-ka Madaxtooyada ama State House dalka Kenya, naqshad iyo barnaamijkiiba waa la soo xaday!! Sawirkan hoose waa bogga rasmiga ah ee Villa Somalia. Barnaamijka u qoran Farmaajo waa midka Kenyatta. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bogga madaxtooyada(http://www.president.go.ke/) ku daabacay qorshe 5 sano uu ugu magac daray “4ta waa weyn” ama “the Big Four”, kuwaas oo kala ah: Sugnaanta cuntada, guryo jaban, wax soo saar iyo daryeel caafimaad oo dadka oo dhan gaara. Sawirkan hoose, wa bogga rasmiga ah ee madaxtooyada Kenya, waa barnaamijka rasmiga ah e Kenyatta Mr. Uhuru Kenyatta waxaa uu ugu talo-galay in qorshahan uu fuliyo muddo 5 sano ah, waa barnaamij uu ku galay doorasho. Bogga Villa Somalia ayaa si indho la’aan ah waxaa ay u soo min-guurisay qorshe dal kale iyo madaxweyne kale iyaga oo ka dhigay inuu leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo barnaamijkiisa uu ka hor akhriyey baarlamaanka federaalka kuma jirin 4-taas, oo waxaa uu ka hadlay amniga, la-dagaalanka musuqa, soo-celinta kaabayaasha dhaqaale, dib u heshiisiinta, sarreynta sharciga, nidaamka federalism-ka iyo arrimo kale. Waxaa intaas dheer, Sugnaanta cuntada, guryo jaban, wax soo saar iyo daryeel caafimaad oo dadka oo dhan gaara ma aha arrin ay shacabka uga fadhiyaan dowladda hadda jirto, oo amniga iyo arrimo kale ayaa uga muhiimsan. Haddaba, waxaa isweydiin mudan sababta Villa Somalia ay u soo qaadatay barnaamij dal kale, oo ay u marin habaabineyso umadda Soomaaliyeed. Dhacdadan waxaa ay abuuri kartaa su’aalo badan oo ay ka mid yihiin: Maxaa ku qasbay arrinkan mise jirtaa arrimo kale oo la soo min-guuriyey, oo nagala qariyey? Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa daah-furay shirka waaxda xal u helidda barakacayaasha Gobolka Banaadir. Kulanka oo looga hadlayay sidii xal buuxa looga gaari lahaa dhammaan dhibaatooyinka calaamadda ku ah horumarka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wakiillo ka socda Qaramada midoobay iyo hay’adaha sama-falka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo kulanka furay ayaa sheegay in 2.6 Milyan oo Soomaali ah loo aqoonsan yahay in ay barakacayaal yahay, halka Hal Milyad Dad ka badanna ay daafaha Caalamka ku yihiin Qaxooti, isagoo tilmaamay in Nus Malyuun Qofna ay ku nool yihiin Magaalada Muqdisho. Sababta ugu badan ee keenta Qaxa iyo barakaca ayuu ku tilmaamay, dagaallada sokeeye, fatahaadaha , duufaannada iyo abaaraha, kuwaas oo keena nabaad guur iyo is-beddel ku dhaca Cimmilada, Xoolahana ku qasba in ay nolol u soo raadsadaan Magaalooyinka. Mudane, Khadar, ayaa faray hay’adaha Caalamka, maamul Goboleedyada iyo wasaaradaha ay khuseyso in laga fekero sidii xal deg-deg ah loogu heli lahaa Barakacayaasha Gobolka Banaadir iyadoo Alle la kaashanaya. Wuxuu sheegay in xukuumaddu ay ahmiyad weyn siisay xal u helista barakacayaasha, taas oo qeyb ka ah Tubta siyaasadda loo dhan yahay ee arrimaha Bulshada,wuxuuna ku micneeyay in Dadka kasoo hayaamay degaannadoodii hore ay qeyb ka yihiin Bulshada inteeda kale. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka ayaa sheegay in barakacayaashu ay xaqna u leeyihiin in ay helaan ,amni, xuquuq, Nolol, Hooy iyo Hu’, wuxuuna sheegay in ay Dowladdu ay heegan u tahay sidii wax loogu qaban lahaa. The post DF oo gargaar beni’aadanimo gaarsiineysa gobolada appeared first on Shabelle. View the full article