-
Content Count
212,125 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ku qaabilay Safiirada Dalalka Imaaraadka Carabta, Sweden, UK, Germany, Qadar, Suudaan, Masar, iyo safiirka Midowga Yurub. Kulamada uu madaxweynaha Puntland la qaatay Safiirada dalalka saxiibka dhow la ah Soomaaliya ayaa u jeedkiisu ahaa hambalyo iyo bogaadin ku aadan guushii doorashada Puntland, isbarasho guud iyo dar-dargalinta wada-shaqaynta Puntland iyo beesha caalamka,sid lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha Puntland oo ka duulaya kalsoonida uu ka haysto bisaylka siyaasadeed ee Puntland ka jira uu safiirada dowladdaha Caalamka u soo bandhigay qorshihiisa hogaamineed ee beesha caalamka, isla’markaana uu dhan walba ka tusay Safiirada in Puntland ay u jiheysatey horumarinta kaabeyaasheeda dhaqaale, mid maalgashi iyo wanaajinta xidhiidhka beesha caalamka iyo Puntland. Safiirada dalalka Imaaraadka, Sweden, UK, Germany, Qadar, Suudaan, Masar, iyo Midawga Yurub ayaa qayb ka ahaa wufuuddii caalamiga ahayd ee kasoo qayb-gashey caleema-saarka madaxda cusub ee Puntland. Ugu danbeyn, madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadnaqay Safiirada iyo diblamaasiyiinta wehelinayseyba booqashada iyo hambalyada ay ugu yimaadeen, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in uu kordhin doono wadashaqaynta Puntland iyo Beesha caalamka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo qaabilay ilaa 8 safiir oo ka socda caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Hobyo(S.M.Network):- Wafdi ballaaran oo ay hor kacaysay Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Marwo, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa Maanta gaaray Magaala Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug. Wasiir, Fowziyo Abiikar, oo ay socdaalkeeda ku wehlinayeen, xildhibaanno ka mid ah Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan maamulka Gobolka banaadir, ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Gobolka Mudug iyo Dad weyne fara badan. Wafdiga ayaa intaa ka dib u sii gudbay Degaanka Gawaan oo hoos taga Magaalada Hobyo, halkaas oo laga hirgeliyay dhawaan Isbitaal loogu tala galay Hooyada iyo Dhallaanka. Waxanay maamulka Isbitalka guddoonsiiyeen Dawo Hal Tan ah oo ay ugu deeqeen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Caafidaamka, Fowziya Abiikar Nuur. Mas’uuliyiinta ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maanta gaaray Hobyo, ayaa waxay Indha-Indheyn ku sameeyeen qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka Gawaan, waxanay halkaasi war-bixin ku aaddan baahiyahooda kaga dhageysteen shaqaalaha xarunta. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in ka Dowlad ahaan ay ku dedaali doonaan wax ka qabashada cabashada Dad weynah , waxanay sheegtay in ay waajib ku tahay in ay ka jawaabto baahiyaha ka jira Bulshada dhexdeeda. The post Wasaaradda Caafimaadka Oo Deeq Dawo Ah Gaarsiisay Gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Tan iyo markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xilka la wareegay dabayaaqadii sanadkii 2017 waxa isbedbedelayay isbahaysiga hoggaamiyeyaasha mucaaradka Somaliland iyo madaxweynaha talada haya Md Muuse Biixi. Isbahaysiga ayaa ku bilawday Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi oo is ogol, mar kale Dr Cirro iyo Faysal oo is ogol iyo ugu dambeyn Dr Cirro iyo Faysal oo fiintu dhexmiranayso sida maalmihii u dambeeyay laga arkayay hadallo weerar iyo weerar celis ah oo WADDANI iyo UCID warbaahinta isu marinayeen. Intii uu socday ololihii doorashadii madaxtooyada ee bishii November 2017 waxa la dareemayay in iskaashi ka dhexeeyo hoggaamiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo ahaa musharraxii KULMIYE. Waxa arrintaasi caddaysay dooddii musharraxiinta oo ay Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi weerar joogta ah oo isku dhan ah ku hayeen Dr Cabdiraxmaan Cirro. Waxa intaasi xigtay Eng Faysal oo hore ka xalaaleeyay natiijadii doorashada iyo Dr Cirro oo ku kaliyaystay dhalliisha hannaankii doorashadu u dhacday waxaana bilaw fiican oo iskaashi lahaa Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi. Mar kale ayay soo kala boodeen Eng Faysal iyo Madaxweyne Biixi waxaana isbahaysi u bilawday guddoomiyaha WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Eng Faysal Cali Waraabe. Eng Faysal ayaa si weyn u dhalliilay siyaasadda madaxweyne Biixi isaga oo gaadhsiiyay in shirweyne Qaran ay qaban doonan isaga iyo Cirro taas oo culays ku ahayd Madaxweyne Biixi. Eng Faysal oo tagay shir Soomaaliya loogu qabtay dalka Biljimka ayaa sidoo kale muujiyay sida xidhiidhkoodu heerkii u hooseeyay gaadhay isaga iyo madaxweyne Biixi waxaanay saxaafadda isu mariyeen dhalliilo ka dhashay isla shirkaas uu tagay Eng Faysal. Dhawaan kulamo dhexmaray Xisbiyada ayay sidoo kale si ba’an isugu weerareen sida uu sheegay guddoomiye xigeenka 2-aad ee WADDANI Mr Saleebaan Ducaale X. Jaamac. Kulan xisbiyada, madaxweyne xigeennadii hore iyo ururada bulshadu fadhiyeen ayuu Eng Faysal ku dhalliilay hoggaaminta Biixi isaga oo gaadhsiiyay in SNM shirweynaheedii marar qabsan kari wayday waxaana arrintaasi si adag oo shakhsi weerar ah uga jawaabay Madaxweyne Biixi oo dagaal u iclaamiyay Faysal una sheegay in uu iska celin doono. Hase ahaatee si lama filaan ah ayaa mar kale xidhiidhka madaxweyne Biixi iyo Eng Faysal Cali Waraabe u noqday mid togan waxaana lagu war helay KULMIYE iyo UCID oo isku dhinac ka taaggan arrimaha Doorashooyinka iyo muranka Komishanka waxaana intaasi raacay in Faysal weerar afka ah ku qaado WADDANI kuna sheego in xisbiga xafiisyo uga furan yihiin Garoowe. Eedaha noocaas ah ayaa horseeday in masuuliyiin ka kala tirsan WADDANI iyo UCID todobaadadii u dambeeyay si ba’an oo la weerarayo Dr Cirro iyo Eng Faysal ay saxaafadda isu mariyaan taas oo loo arko kala fogaanshaha xilligan ee Dr Cirro iyo Eng Faysal. Waxaanay u muuqata in niyad samaani ka dhexayso Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi. Dadka siyaasadda odorosa ayaa aamminsan in iskaashigii u horeeyay ee Dr Cirro iyo Eng Faysal ahaa tallaabo khaldan oo uu qaaday Dr Cirro maaddaama aanu hore garab uga helin markii uu dhalliilsana doorashada iyo xilliyadii ololaha. Somaliland oo inta badan lagu yaqaanay in mucaaradku iskaashado waxa laga yaaba in aanay hadda kadib sidaas noqon, islamarkaana aanu isbahaysi dhexmarin Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Eng Faysal Cali Waraabe maaddaama uu bilawgii noqday mid gabi dhaclaynaya, islamarkaana isbedbedel badan oo hadba waji keenaya ama jambi dhigaya. Source
-
Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xakameyn ku sameeyey kharashaadka dawladdiisa, waxaana sannadkii hore uu golahiisa wasiirrada u gudbiyey waraaq sheegaysa in wixii kharashaad ah ee ka badan $5000(Shan oo Dollar) aanay saxeexi karin Wasiirradiisu isla mar ahaantaana saxeexa kharashaadka caadiga ah ee ka badan $5000 saxeexeeda loo la imanaayo Madaxweynaha. Mid ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo la hadlay Wargeyska Waaberi sida oo kale na codsadey in magaciisa la qariyo, ayaa sheegay in Madaxweynahu amray in la yareeyo kharashaadka dawladda isla mar ahaantaana aanay awood u lahayn saxeexa wixii kharashaad ah ee ka badan $5000(Shan Kun oo Dollar). Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa guud ahaan laga dareemay dhimis ay ku samaysay kharashaadyo tiro badan oo ay geli jirtay Xukuumaddii hore, halka sida oo kale na ay meesha ka saartay mashaariico tiro badnaa oo lagu naas-nuujin jiray dadyoow gaar ah. Hadda ba tallaabadan uu Madaxweynahu ku xakameeyey kharashaadkii dawladda oo noqonaya Malaayiin Lacago ah ayey dad badan aad u soo dhaweeyeen balse waxa ay shaki ka muujinayaan halka uu maro dhaqaalaha tirada badan ee uu gacantiisa ku xakameeyey Madaxweynahu, waxaana dad uu la xidhiidhay Wargeysku ay ku doodayaan in Xukuumadda Madaxweyne Biixi aanay waxba ka qabanin dhibbaatooyinka sicir-bararka, shaqo la’aanta, tahriibta iyo weli ba sida oo kale hoos u dhac ay sheegeen in ay ka dareemayaan kaabeyaasha dhaqaale ee dalka. Dhinaca kale Aqooynahan Yaasiin Calase oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha ee dalka, ayaa ku doodaya in kharashaadka ay hoos u dhigtay dawladdu uu saameyn ku yeeshay guud ahaan dhaqaalahii dalka, waxaana uu sheegay in dhimista kharashaadka dawladdu ay sababayso laba arrimood oo ay ugu muhimsan yihiin hoos u dhac ku yimi wax iibsigii ama ganacsigii dalka iyo hoos u dhac kale oo isagu na ku yimi dakhligii cashuuraha ee u soo xaroon jiray dawladda. “Walaal waxa weeye kharashaadkan ay dawladdu yareynayso iyo dhaqaalahan ay xakameynaysaa waxa uu saameyn ku yeelanayaa dhaqaalaha guud ee dalka, markaa imika kharashaadka ay yareynaysaa waxa uu saameyn ku yeelanayaa safarrada dambe ee ganacsi, taasi na waxa ay dawladda lafteeda ku keenaysaa in ay yaraato cashuurtii ay ganacsiga ka helaysay oo alaabta suuqa taala haddii la iibsan waayo dee wax kale oo ninka ganacsadaha ahi uu keenayaa ma jirto, taasi na waxa ay yareynaysaa dakhligii dawladda, dakhligu marka uu yaraadana sanadkii dambe ama bishii dambe ma awoodeyso in ay dawladdu iska bixiso wixii ay geli lahayd, markaa dhaqaalahan la joojinayaa wuxuu keenayaa laba wax oo kala ah in dakhligii dawladdu yaraado iyo in dhaqaalahii iyo wax kala iibsigii suuqu uu joogsado, waana dhibbaato weyn runtii oo saameyn ku leh guud ahaan dhaqaalaha dalka.”.Ayuu yidhi Aqoonyahan Yaasiin Calase Aqoonyahan Yaasiin Calase, waxa kale oo uu intaa raaciyey in dawladdu kor u qaado kharashaadkeeda si baa uu yidhi uu dhaqaalaha dalku u galo fir-fircooni iyo in uu kor u kaco heerka wax kala iibsiga ee dalka. Madaxweyne Biixi oo bilihii la soo dhaafay si kaftan ah u sheegay in uu quful weyn sii saaray dhaqaalaha dalka isaga oo u jeeda Sacad Cali Shire oo uu wasiirkiisa maaliyadda ka dhigay ayaan haddana la arag wax mashaariic ah oo ay xukuumaddu ku qabato dhaqaalaha la xaddiday ee la rumaysan yahay in xukuumadihii hore si weyn u isticmaali jireen waxaanay su’aasha la is waydiinaya tahay halka ay qabato lacagaha madaxweynuhu xakameeyay oo aan la arag iyaga oo mashaariic loo bedelay si ay nolosha bulshada wax uga bedesho. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Ingiriiska, ayaa sheegtay inay taageerayso doorashada golaha wakiilada ee Somaliland ee mudaysan, waxaanay sheegtay in Ingiriisku horseed ka yahay farriin culus oo ay beesha caalamku dirayso oo ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan. Wasiirul dawlaha Ingiriiska u qaabilsan Afrika Harriet Baldwin, ayaa ka jawaabtay su’aal uu Baarlamaanka Ingiriiska Salaasadii ku weydiiyay xildhibaan Stephen Doughty oo taageera qaddiyadda Somaliland, taas oo nuxur ahaan ahayd taageerada uu Ingiriisku ka gaysanayo doorashada golaha wakiilada iyo in la damaanad qaadi karo in doorashadu dhacayso sannadkan 2019, Wasiir Harriet, ayaa ku jawaabtay “Dawladda Ingiriiska, weli waxa ka go’an in ay taageerto doorashada muddaysan ee Somaliland. Waxa aanu hormuud u nahay farriinta heerkeedu sarreeyo ee beesha caalamka, iyo in aanu sanduuqa xiisadaha, ammaanka iyo xasiloonida ee (CSSF), kala shaqayno sidii loo horumarin lahaa nidaamka diiwaangelinta codbixiyaha, khibradaha farsamo ee guddiga doorashooyinka qaranka iyo in dumarku ka qayb qaataan doorashooyinka.” Source
-
Kenya has intensified security patrols at the border points with Somalia to halt intrusion by al-Shabab militants responsible for a spate of attacks targeting civilians and government installations. Mohamed Birik, North Eastern regional commissioner, said that enhanced security measures including the ongoing construction of a border wall seek to prevent Somalia-based terrorist group from staging attacks inside the Kenyan soil. “We have secured our roads and international borders so that we give al-Shabab no space to operate and have no freedom to do their evil work in Kenya,” Mr Birik said. He said the government has also boasted the security of major supply roads where civilians lost their lives following planting of improvised explosive devices by militants. Al-Shabab fighters have in the past killed civilians in Kenya before slipping back to Somalia, a phenomenon blamed on the porous and extensive border. In an effort to tame attacks in Kenya, the government started constructing a security fence which is manned by Kenya Defense Forces. Kenya hopes the building of the 700 km wall on the Kenya-Somalia border from Mandera in northeast Kenya to Kiunga in the coastal area will keep out the al-Shabab elements from infiltrating the county from Somalia. Mr Birik said security personnel have intensified the hunt for suspected al-Shabab militants and their sympathizers hiding in the expansive northeastern part of the country. He revealed that Kenya police reservists have been recruited in all villages along the border with Somalia to supplement efforts by other security agencies engaged in the fight against terrorism. According to Mr Birik, the reservists who are drawn from retired security officers have been deployed to hotspots. “They will help the police in securing their respective villages while also protecting important government installations and water points,” said Mr Birik. The post Kenya tightens security at borders with Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ilaa 17 ruux lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada amaanka saakay ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee degmadaasi. Howlgaladan ayaa lagu baadi goobayay shaqsiyaad falal amni daro ah ka geystay degmada Afgooye saacadihii la soo dhaafay. 17-ka ruux ee howlgalka lagu soo qabtay ayaa lagu hayaa saldhiga booliiska degmada Afgooye,waxaana ku socda baaritaano. Howlgaladan ayaa yimid saacado kadib markii xalay gudaha degmadaasi lagu dilay mid kamid ah odayaasha dhaqanka. Sidoo kale waxaa la wareeray fariisimo ciidan iyadoo dhanka kale bom gacmeed lagu tuuray suuqa weyn ee degmada Afgooye. Laamaha amaanka ayaa shegay in ay baaritaan ugu jiraan sidii cadaalada loo horkeeni lahaa dadka ka danbeeya falalkaasi. Dadka la soo qabtay waxaa sidoo kale ku jira ganacsato suuqa laga soo qabtay oo halkaasi su’aalo lagu weydiinayo. Amniga degmada Afgooye ayaa dhawaanahan sii xumaanayay,waxaana ka dhacay weeraro iyo dilal kala duwan. The post Ku Dhawaad 20 Ruux Oo Lagu Soo Qabtay Howlgalo Laga Sameeyay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Gudida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka JSL, ayaa xisbiga talada haya ee KULMIYE u soo gudbiyay dacwad ka dhan ah oo lagu soo eedeeyay taas oo ay ka dalbadeen inay ka soo jawaabaan. Dacwadan waxa guddiga u gudbiyay Prof.Cabdi Cali Jaamac oo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ka mid ahaa, balse ka mid ahaa dhawr xubnood oo dhawaan uu xisbigu sheegay inuu ka saaray xisbigii. Qoraal kooban oo gudidan diiwaangalintu soo saartay ayaa lagu sheegay in KULMIYE laga sugaayo in ay ka soo jawaabtaan dacwada laga soo gudbiyay. Qoraalka oo ku taariikhaysan 26 January, laguna socodsiiyay guddoonka xisbiga KULMIYE, oo uu ku saxeexanyahay xoghayaha guddiga diiwaangelinta iyo ansixinta axsaabta siyaasadda Cumar Xasan Maxamed, wuxuu u dhignaa sidan “Waxa gudida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka JSL soo gaadhay dacwad ka dhan ah xisbiga Kulmiye taas oo uu dacwoode ka yahay Cabdi Cali Jaamac, dacwadaas oo aanu halkan idiinku soo lifaaqnay. Hadaba waxa laydinka sugayaa inaad dacwada ka soo jawaabtaan.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dilka Cabduqaadir Ibraahim Cabdulle oo saaka lagu toogtay dagmada Xamarweyn ee gobolka Banaadir. Labo nin oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogtay Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle, oo ahaa askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka xilli uu dhex marayey suuqa bacadlaha ee dagmada Xamarweyne. Kooxda Al-Shabaab oo dilka sheegatay ayaa shaaca ka qaaday in Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle uu ahaa gaashaanle sare, sidaas darteedna loo beegsaday. “Mujaahidiinta ayaa degmada Xamar Weyne ku khaarijiyay sarkaal ka tirsanaa dowladda oo darajadiisa ciidan ay aheyd Gaashaanlle Sare” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab. Ciidamada saldhiga dagmada Xamarwenye, ayaa durbaba goobta soo gaaray waxayna ka qaadeen goobta meedkii askarigii, ayagoona ka sameeyay baaritaan nawaaxiga goobtii toogashada ay ka dhacday kaas oo lagu baadigoobayo ragii ka danbeeyay toogashada, balse uma suurta-gelin inay gacanta ku dhigaan.. Dilalka qorsheysan ayaa si joogto ah uga dhaco magaalada Muqdisho, waxaana aad u adag in la helo dadka arrimahaasi ka dambeeya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Khartoum)-Suudaan ayaa dib u fureysaa xadka ay la wadaagto dalka Eritrea kaddib markii sanad ka hor ay xirtay xadka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Suudaan ayaa ka shakisay in xadka Eritrea looga soo gudbiyo hubka sharci darrada ah. Madaxweyne Cumar Al bashiir ayaa hadalkan sheegay xilli uu ku sugnaa magaalada Kisala oo ku taalla bariga Suudaan. “Waxaan shaaca ka qaadaya anigoo ku sugan magaaladan Kisala, in aan dib u fureyno xadka dalkeenna uu la wadaago Eritrea sababtoo ah waa walaalaheen waana dadkayaga, siyaasaddu nama kala qeybiso” ayuu yidhi Al Bashiir Source
-
(SLT- Minnesota)-Waxaa magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka lagu soo bandhigay filim cusub oo laga sameeyey qiso jacayl ah oo dhexmaraysa wiil Soomaali ah iyo Gabadh caddaan ah. Filmkan ayaa waxaa loogu magic daray First Person Plural. Qisada filimka ayaa ah mid laga eegayo xidhiidhka dhex-mari karo laba qof oo kala diin ah, gaar ahaan Muslimiinta iyo Masiixiyiinta. Sheekada ayaa waxa laga jilay xidhiidh jaceyl ah oo dhexmaray wiil uu dhalay sheekh imaam ka ah Masjid oo asalkiisu yahay Soomaali iyo gabadh uu dhalay Baadari. Toddobo ka mid jiliyaasha ayaa ah Soomaali,halka Toddobo kale ay yiihiin dad caddaan ah. Filimkan ayaa sida ay sheegeen soo saarayaashiisa waxaa looga gol leeyahay wacyigalinta isdhexgalka bulshada. Waxaa filmka sameeyay oo soo saaray Eric Tretbar. Sida filimka ka muuqata, inkasta oo dadka ay ku kala duwan yihiin diinta,dhaqanka iyo midibka ayaa haddana waxyaabaha haddana dadka filimka jilaya waxay aaminsan yihiin in bin’aadamka waxyabaha midayn kara uu kamid yahay jaceylka. Axmed Ismaaciil oo matalayay wiilka uu dhalay sheekha ayaa waxa uu sheegay in marka laga soo tago in dadka Mareykanka ku nool ay diin ahaan iyo dhaqan ahaan kala duwan yihiin, haddana ay bina’aadanimada ka siman yihiin. ” Dadka Mareykanka isugu yimid in ay u haystaan iyagu in labo duni ay ku kala nool yihiin,laakiin labo diinba ha kala haystaane dhaqan baa jira bina’aadanimo oo dadku ay wadaagaan “. Ayuu yiri Axmed. Jilaayaasha filimka First Person Plural ayaa waxay sheegeen in filimkan uu ka turjumaya jiilka cusub ee Mareykanka ku dhashay ama ku koray. Fatxiya Cabsiye oo Filimka ku matalaysa hooyo ayaa sheegtay in marka muuqaalka iyo midibka qofka laga soo tago haddana marka ay dadku wada sheekeystaan wax badan uu isbadalayo. “Waxaa jira jiil dhan oo waddankan la koray iyagoo da’ yar na yimid ama ku dhashay,had iyo jeer gurigii iyo dadkii ay la dhasheen waxaa uga badan dadka kale ee waddankan u dhashay ee noolosha ay la wadagaan” Ayay tiri Fatxiya. Sidey u arkeen dadkii daawaday Filimka Qaar ka mid ah dadkii daawaday flimkan First Person Plural ayaa waxay sheegeen in uu yahay filimka dadka isu soo dhawaynaya. Cabdi Risaaq Biixi oo ka mid ah dadka Filimka daawaday ayaa sheegay in qoysaska wax walba oo ay aaminsan yihiin iyo midikooda marka laga soo tago ay marwalbo isku mid yihiin. “Filimku wuxuu muujinayaa qoysku diintu rabo ha haysto,midibkuu doona na ha ahaado ama jinsiyaddu uu rabo ha noqdee, qoysasku in ay isku mid yihiin waliba qoyska Islamka ayaad moodaa in filimkan uu ku qurux badan yahay sida loo jilay,ayuu yiri mr Biixi Ma aha markii ugu horreysay oo dad ajnabi iyo Soomaali isugu jira ay sameeyaan filim ka hadlaya Soomaalida. Isla qaar ka mid ah jilaayaasha filimka First Person Plural ayaa waxay horey u jileen filim ka hadlayay burcad-badeeda Soomaalida Source
-
Hiiraan(S.M.Network):-Gudoomiyaha degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Maxamed Axmed Food Cade oo u waramay Idaacada Shabelle ee Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar xalay diyarado dagaal ay ka fuliyeen deegaanka Baacyar oo qiyaastii 27 KM dhinaca Koonfureed uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Gudoomiye Food Cade ayaa sheegay in bartilmaameedka weerarkaasi duqeymaha ah uu ahaa fariisimo Alshabaab ay ku leeyihiin deegaanka Baacyar ee ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamah Soomaaliya. Saacadihii la soo dhaafay ayaa qeybo kamid ah gobolka Hiiraan ayaa diyaarado dagaal oo aan la ogeen halka laga leeyahay waxay duqeymo xoogan ka fuliyeen deegaan dhaca Koonfurta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. The post Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Duqeymo Ka Dhacay Qeybo Kamid Ah G/Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Yemen)-Xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dalka Yemen ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay awood adeegsadaan si ay ugu qasbaan Xuuitiyiinta inay u hogaansamaan xabad joojinta magaalada dekedda leh ee Xudaydah. “Si loo ilaaliyo xabad joojinta iyo rajo kasta oo laga qabo hanaan siyaasadeed, QM iyo bulshada caalamka waa inay ku cadaadiyaan Xuutiyiinta inay joojiyaan xadgudubyada, ayna ku dhaqaaqaan ka bixitaanka Xudaydah, sida lagu heshiiyey” Waxaa sidaas yidhi wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash. Mucaaraadka iyo saraakiisha dowladda ayaa xabad joojinta Xudaydah gaaray bisii December. Magaalada Xudaydah oo ay mucaaradka maamulaan ayaa ah halka ugu weyn ee dalka Yemen laga geliyo cunnada iyo gargaraka bani’aadannimo ee la gaarsiinayo shacabka ku rafaadsan dalkaas. Dhammaan dhinacyada ayaa ballan-qaaday inay ciidamadooda kala baxayaan magaalada, hase yeeshee waa ay ka caga jiidayaan inay fuliyaan. Source
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-310119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho(S.M.Network):-Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dil maanta loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliyeed,dilkaasi oo ka dhacay degmada Xamarweyne gaar ahaan waaxda Hilaac. Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle,waxaana xiliga la dilayay uu ku sugnaa meel ku dhaw hooygiisa. Dilka Kadib ciidamada amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay,waxaana ay bilaabeen baaritaan ku aadan cida ka danbeysa dilka Gaashaanle sare Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle. Dhanka kale xarakada Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilka loo geystay sarkaalka ka tirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliyeed,waxaana ay sheegeen in ay fuliyeen dilkaasi xubno iyaga ka tirsan oo u qaabilsan dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho. The post Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dil Loo Geystay Sarkaal Ka Tirsanaa Milatariga Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka lagu toogtay dagmada Xamarweyn ee gobolkan Banaadir. Labo nin oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogtay askarigan oo ka tirsanaa ciimada xoogga dalka xilli uu dhex marayay suuqa bacadlaha ee dagmada Xamarweyne , marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabijiray Cabduqaadir Ibraahim Cabdulle, kooxii dilka geestay ayaa isaga isaga baxay goobtii ay askariga ku toogteen isaga baxsaday Ciidamada saldhiga dagmada Xamarwenye ayaa durbaba goobta soo gaaray waxa ka qaadeen goobta meedkii askarigii, ayagoona ka sameeyay baaritaan nawaaxiga goobtii toogashada ay ka dhacday kaas oo lagu baadigoobayo ragii ka danbeeyay toogashada, lakiin ilaa hada majiraan cid loo soo qabtay toogashada loo geestay askariga ka tirnaa ciidamada dowladda. Dilalka qorsheysan ayaa si joogto ah uga dhaco magaalada Muqdisho, waxaana aad u adag in la helo dadka arrimahaasi ka dambeeya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kulan lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya ayaa 7da Febraayo 2019 qorshaysan in lagu qabto magaalada London. Kulanka waxa ka soo qaybgelaya shirkado u tartami doona shatiga qodista shidaalka ee loo yaqaanno (Bid Rounds ama Licensing). Haddaba waxa u baahan in la isweydiiyo xaraashkani munaasab ma yahay waqtigan iyada oo ay maqan yihiin hay’adihii iyo sharciyadii hagi lahaa maamulka iyo maareynta dheefta iyo dhibka shidaalka. Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka (UPD) wuxuu la wadaagayaa ummada Soomaaliyeed gol-daloolooyinka ka muuqda xaraashkan. Bishii September 2017 waxa Golaha Wasiiraddu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Shidaalka Soomaaliyeed 2017 (Somali Petroleum Bill 2017) isagoo badalay Sharcigii Shidaalka 2008 (Somali Petroleum Law 2008). Hindise Sharciyeedkani hadda waxa uu horyaallaa Golaha Shacabka kaasoo sidoo kale u sii baahan ansixinta Aqalka Sare iyo saxiixa Madaxweynaha. Si loo dedejiyo xaraashkan, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxay isticmaalaysaa sharci Golihii ay ka tirsanayd uu ansixyey in mid kale lagu bedelo. Lama garan karo sababta loo sugi kari la’yahay inta sharciga cusub meel mar ka noqonayo. Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga ah (Shidaalka Iyo Macdanta) ee lagu saxiixay Baydhabo waxa uu dhigayaa in la sameeyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (Somali Petroleum Authority) taas oo hagi doonta wixii wada-xaajood iyo diyaarin heshiisyo shidaal ah. Iyada oo aan la sameyn hay’addan lagu heshiiyay ayay Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu qabanaysaa madal lagu xaraashayo laguna bixinayo shatiga shidaal qodista. Isla Heshiiskani waxuu tilmaamayaa in la sameeyo Shirkadda Shidaalka Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Oil Company) taas oo la shaqeynaysa shirkadaha caalamiga ah. Mar kale, iyada oo aan la sameyn hay’addan lagu heshiiyay ayay Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu heshiisyo caalami ah la galaysaa shirkado shisheeye. Heshiis Wax Soo-Saar Wadaag (Production Sharing Agreement) oo sheegaya xuquuqda iyo waajibaadka ay kala leeyihiin Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka ayaan weli Golaha Wasiiradda iyo Golaha Shacabka midkoodna la hor keenin. Heshiiskan waxa uu sheegayaa xuquuqda saxiixa heshiiska (signature bonus), awood-dhiska (capacity building), canshuuraha, sida dadka degaanka ugu faa’idayaan qodista shidaalka (local content) iwm. Heshiisyada shidaal ee la galo waxaa ku jira qodob muhiim ah oo la yiraahdo ‘xasilinta’ (stabilization clause) oo qeexa arimaha dib looga wada hadli karo iyo kuwa aan dib looga wada hadli karin marka uu heshiis dhaco. Maadama Soomaaliya aaney u dhamaystirnayn sharciyyada Bii’ada, Canshuuraha iyo Ganacsiga, waxaa adkaan doonta in heshiiska hadda la galo wax laga bedelo marka aan sameysanno sharuucda inaga dhiman. Waxa aan weli la sameyn Hay’adda Bii’ada Soomaaliyeed oo wax weyn ka taraysa in shirkadaha shidaalka aanay Soomaaliya ka dhigin meel ay adagtay in dadka iyo duurjoogtuba si caadi ah ugu noolaadaan maadaama shidaalka qodostiisa ay weheliso sun badan oo haddii aan loo samayn sharciyo lagu maareeyo iyo hay’ado haga khasaare weyn gaarsiin kara deegaanka. Soomaaliya heshiis shidaal ma gelin muddo ka badan 30 sanno, sidaa daraadeedna Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu hadda ma haysato khubaro ku filan oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh sida loo galo heshiisyo noocan oo kale ah halka shirkadaha shidaalka ee xaraashkan ka qayb galayaa ay leeyihiin khubaro ku takhasusay heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah. Waxa aan weli la dhamays-tirin dib u eegista Dastuurka oo kala xadidi doona awoodaha dawladda dhexe, maamul goboleedyada iyo dawladda hoose ee dalka, sidoo kalena waxa aan la samayn Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo ah hay’ad dastuuri ah oo jiritaankeedu muhiim u yahay hubinta hufnaanta heeshiisyada iyo in aan kharashaadka ka soo xarooda loo adeegsan dano gaar ah. Marka la eego gol-daloolooyinka (Loopholes) kor ku xusan, dedejinta ka muuqata xaraashkan waxa uu horseedi karaa in xaqqa soo saarista shidaalkeenu si dhib yar gacanta ugu galo shirkaddo dillaaliin ah oo carqalad ku noqda soo saarista shidaalkeena iskaba daa in ay iyagu soo saaraane. Sidaa daraadeed, Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarku wuxuu ku baaqayaa ka hor xaraashka shidaalka : in la dhamays-tiro sharciyada hagaaya iyo kuwa kaabaya ka faa’iideysiga soo saarista shidaalka si umadda Soomaaliyeed aanay marti uga noqon kheyraadkooda; in la dhiso hay’adaha muhiimka u ah maamulka iyo maareynta dheefta iyo dhibka shidaalka si loo hubiyo illaalinta degaanta iyo faa’iido cadaalad iyo xaqsoor ku salaysan; in la helo khubaro inaga caawisa kala hufka shirkadaha daneynaya shidaalkeena si aan meesha uga saarno dillaaliinta raba in ay ka faa’iideystaan duruufeheenna adag; in la helo garyaqaano calami ah oo inaga caawiya heshiisyada aan la geleyno shirkdaha daneynaya soo saarista kheyraadka dalkeena: In xogta iyo macluumaafka la xiriira kheyraadka dalka sida Batroolka loo soo bandhigo bulshada Soomaaliyeed si furan, oo aysan dadka Soomaaliyeed noqon kuwo shirkado ajnabi ah ka hela xogta ku saabsan khyeraadka dalkooda iyo waxa la xiriira. in shacabka Soomaaliyeed muujiyaan lana wadaagaan cidii ay khusayso u heeganaanta illaalinta kheyraadkooda dabiiciga ah. Hadaba, Xisbiga UPD wuxuu soo jeedinayaa isla markaana adkaynayaa in shirka wasaaradda Batroolku ku qabanayso magaalada London taariikh 07 Febraayo 2019, uusan oofsan shuruudihii iyo tallaabooyinkii loo baahnaa in la qaado ka hor shir noocaas ahi inta aan la qaban, sidaas darteed waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo shirkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo(S.M.Network):-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee maamulkaasi Galmudug. Madaxweyne Xaaf iyo wafidga uu hogaaminayay ayaa waxaa soo dhaweeyay duqa magaalada Gaalkacyo Xirsi Yusuf Barre iyo qeybaha kale duwan ee bulshada magaaladaasi. Kadib soo dhaweyn balaaran oo loo sameeyay madaxweynaha Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heshiis horudhac ah laga gaaray khilaafki siyaasadeed ee u dhexeeyay madaxda maaamulada iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya. Madaxweyne Xaaf iyo wafdigiisa oo ka yimid magaalada Garoowe oo uu uga soo qeyb galay caleema saarka madaxweynaha cusub Puntland ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta magaalada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. The post Madaxweynaha Galmudug Oo Gaaray Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xaaf oo ka degay Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo kamid ahaa madaxdii ka qayb gashay caleema-saarkii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha Galmududg ayaa markii uu tegay Gaalkacyo ka warbixiyay safarkiisa iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay kulamadii isdaba jooga ahaa ee madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa federaalka ku dhax-maray magaalada Garowe, wuxuuna shacabka reer Gaalkacyo u sheegay in rajo wanaagsan ay kasoo baxeen kulamadaas. Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in la isku fahmay in lawada shaqeeyo, dowladda dhexena ay ogolaatay in ay la shaqeyso dowlad goboleedyada, lana xaliyo tabashooyinka ay qabaan, isla markaana labaatanka bisha Saddexaad ee Maarso dib loogu laabto magaalada Garowe ee xarunta Puntland, si loo dhameysto wada hadalada loona xaliyo tabashooyinka jira. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo todobo cisho joogay magaalada Garowe, kulamana la qaatay dad kala duwan ayaa maanta safar cirka ah ku tegay Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Xaaf oo ka hadlay wada hadaladii Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Unidentified warplanes have launched an overnight airstrike in central Somalia on Wednesday night, local residents said. The air raid was conducted in Luuq Jeelow area, an Al-Shabaab stronghold in Hiran region targeting militants at a base. The details of the casualties remained sketchy. Fear is growing for the villagers after the airstrike by the unknown fighter jets hunting Al-Shabaab fighters in the remote area. US military has in the past carried out numerous airstrikes in Somalia targeting Al-Shabaab and ISIL-linked militants stationed in the country’s northeastern Puntland state. The post Fighter jets carry out an airstrike in central Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Armed assailants have shot dead killed a Somali military officer outside his house in Mogadishu on Thursday morning, witnesses and police said. Gen Abdulkadir Ibrahim Abdulle was gunned down in the capital’s Hamarweyne district by two men armed with pistols, who immediately escaped from the crime scene. A witness said Abdulle sustained life-threatening wounds and was rushed to a nearby hospital, where he has been pronounced dead upon arrival by the doctor. The security forces cordoned off the area and launched a manhunt, but, no arrest was made for the murder of the military serviceman. There was no immediate claim of responsibility for the assassination, which was the latest in a series of killings and car bombs in the Horn of Africa The post Somali military official shot dead in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta tagay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kadib ka qeyb galkii xafladii Caleemo Saarka madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Xaaf oo dadweyne badan kula hadlayay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Garowe uu ahaa mid Wanaagsan iyo is Afgarad kusoo dhamaaday. “Annagu qolyaha koley dirirtu nagala dhaxeysay “Dowladda” Xabad joojin ayaan gaarnay, waxyaabaha kalana hoos ayaa looga hadli doonaa”ayuu yiri madaxwyne Xaaf oo maanta tagay magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Xaaf, wuxuu sheegay in hadda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay hadda isku soo dhawaadeen oo isfaham uu dhexmaray, islamarkaana lasii wadi doono wadahadalka. Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana halkaasi ay ku yeesheen kulamo gaar gaar ah. Kulamadaasi iyo khudbado odayaasha dhaqanka ka jeediyeen magaalada Gaalkacyo ayaa wax badan badalay aragtiyadii madaxda dowadda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, waxaana xigay kulamo ay ka qeyb galaan madaxdii hore ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Qandala ay shacabka digniin ku siisay in aysan wax hub ah qaadan karin. Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Daacish ay hanjabaad u dirtay shacabka ku dhaqan tuulooyinka hoosyimaada degmada Qandala islamarkaana ay ku wargelisay in qofkii hub lagu qabto tallaabo adag laga qaadayo. Sidoo kale Daacish ayaa baaritaano ku bilowday gaadiidka ay leeyihiin dhacabku ee rakaabka iyo badeecadaha sida waxaana ay su’aalo badan weydiinayan rakaabka sida uu sheegay qof kamid ah dadka dhibaatadan la kumay oo magaciisa qariyay. Malayshiyaadka Daacish ayaa la sheegayaa in ay haatan ka cabsi qabaan in kooxo ka tirsan Al-shabaab ay ku soo dhex milmaan shacabka tuulooyinka kadibna uu ku furmo dagaal gudaha ah. Dagaallo is xig-xigay ayaa Al-shabaab iyo Daacish ku dhexmaray buuraleyda dhinaca koonfureed ka xigta degmada Qandala ee gobolka Bari kadib markii Al-shabaab duullan ku qaadday degaannadaasi. PUNTLAND POST The post Daacish oo amarro adag ku soo rogtay qeybo kamid ah gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso u qaabbilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta ee Xafiiska Xoghaya Qaramada Midoobey Marwo Rosemary A. DiCarlo. Madaxweyne farmaajo ayaa uga mahadceliyey taageerada Qaramada Midoobay ay u fidiyaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay DiCarlo ayaa sheegatay in a kaalin hoggaamineed ay ka qaadanayaan jaan goynta qaybaha muuhiimka ah ee dawladda laga caawinayo iyo in Qaramda Midoobay ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu dhaqan-geliyo. Rosemary DiCarlo, ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Rosemary A. DiCarlo appeared first on Puntland Post.