-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Ingiriiska, ayaa sheegtay inay taageerayso doorashada golaha wakiilada ee Somaliland ee mudaysan, waxaanay sheegtay in Ingiriisku horseed ka yahay farriin culus oo ay beesha caalamku dirayso oo ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan. Wasiirul dawlaha Ingiriiska u qaabilsan Afrika Harriet Baldwin, ayaa ka jawaabtay su’aal uu Baarlamaanka Ingiriiska Salaasadii ku weydiiyay xildhibaan Stephen Doughty oo taageera qaddiyadda Somaliland, taas oo nuxur ahaan ahayd taageerada uu Ingiriisku ka gaysanayo doorashada golaha wakiilada iyo in la damaanad qaadi karo in doorashadu dhacayso sannadkan 2019, Wasiir Harriet, ayaa ku jawaabtay “Dawladda Ingiriiska, weli waxa ka go’an in ay taageerto doorashada muddaysan ee Somaliland. Waxa aanu hormuud u nahay farriinta heerkeedu sarreeyo ee beesha caalamka, iyo in aanu sanduuqa xiisadaha, ammaanka iyo xasiloonida ee (CSSF), kala shaqayno sidii loo horumarin lahaa nidaamka diiwaangelinta codbixiyaha, khibradaha farsamo ee guddiga doorashooyinka qaranka iyo in dumarku ka qayb qaataan doorashooyinka.” Source
-
Kenya has intensified security patrols at the border points with Somalia to halt intrusion by al-Shabab militants responsible for a spate of attacks targeting civilians and government installations. Mohamed Birik, North Eastern regional commissioner, said that enhanced security measures including the ongoing construction of a border wall seek to prevent Somalia-based terrorist group from staging attacks inside the Kenyan soil. “We have secured our roads and international borders so that we give al-Shabab no space to operate and have no freedom to do their evil work in Kenya,” Mr Birik said. He said the government has also boasted the security of major supply roads where civilians lost their lives following planting of improvised explosive devices by militants. Al-Shabab fighters have in the past killed civilians in Kenya before slipping back to Somalia, a phenomenon blamed on the porous and extensive border. In an effort to tame attacks in Kenya, the government started constructing a security fence which is manned by Kenya Defense Forces. Kenya hopes the building of the 700 km wall on the Kenya-Somalia border from Mandera in northeast Kenya to Kiunga in the coastal area will keep out the al-Shabab elements from infiltrating the county from Somalia. Mr Birik said security personnel have intensified the hunt for suspected al-Shabab militants and their sympathizers hiding in the expansive northeastern part of the country. He revealed that Kenya police reservists have been recruited in all villages along the border with Somalia to supplement efforts by other security agencies engaged in the fight against terrorism. According to Mr Birik, the reservists who are drawn from retired security officers have been deployed to hotspots. “They will help the police in securing their respective villages while also protecting important government installations and water points,” said Mr Birik. The post Kenya tightens security at borders with Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ilaa 17 ruux lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada amaanka saakay ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee degmadaasi. Howlgaladan ayaa lagu baadi goobayay shaqsiyaad falal amni daro ah ka geystay degmada Afgooye saacadihii la soo dhaafay. 17-ka ruux ee howlgalka lagu soo qabtay ayaa lagu hayaa saldhiga booliiska degmada Afgooye,waxaana ku socda baaritaano. Howlgaladan ayaa yimid saacado kadib markii xalay gudaha degmadaasi lagu dilay mid kamid ah odayaasha dhaqanka. Sidoo kale waxaa la wareeray fariisimo ciidan iyadoo dhanka kale bom gacmeed lagu tuuray suuqa weyn ee degmada Afgooye. Laamaha amaanka ayaa shegay in ay baaritaan ugu jiraan sidii cadaalada loo horkeeni lahaa dadka ka danbeeya falalkaasi. Dadka la soo qabtay waxaa sidoo kale ku jira ganacsato suuqa laga soo qabtay oo halkaasi su’aalo lagu weydiinayo. Amniga degmada Afgooye ayaa dhawaanahan sii xumaanayay,waxaana ka dhacay weeraro iyo dilal kala duwan. The post Ku Dhawaad 20 Ruux Oo Lagu Soo Qabtay Howlgalo Laga Sameeyay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Gudida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka JSL, ayaa xisbiga talada haya ee KULMIYE u soo gudbiyay dacwad ka dhan ah oo lagu soo eedeeyay taas oo ay ka dalbadeen inay ka soo jawaabaan. Dacwadan waxa guddiga u gudbiyay Prof.Cabdi Cali Jaamac oo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ka mid ahaa, balse ka mid ahaa dhawr xubnood oo dhawaan uu xisbigu sheegay inuu ka saaray xisbigii. Qoraal kooban oo gudidan diiwaangalintu soo saartay ayaa lagu sheegay in KULMIYE laga sugaayo in ay ka soo jawaabtaan dacwada laga soo gudbiyay. Qoraalka oo ku taariikhaysan 26 January, laguna socodsiiyay guddoonka xisbiga KULMIYE, oo uu ku saxeexanyahay xoghayaha guddiga diiwaangelinta iyo ansixinta axsaabta siyaasadda Cumar Xasan Maxamed, wuxuu u dhignaa sidan “Waxa gudida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka JSL soo gaadhay dacwad ka dhan ah xisbiga Kulmiye taas oo uu dacwoode ka yahay Cabdi Cali Jaamac, dacwadaas oo aanu halkan idiinku soo lifaaqnay. Hadaba waxa laydinka sugayaa inaad dacwada ka soo jawaabtaan.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dilka Cabduqaadir Ibraahim Cabdulle oo saaka lagu toogtay dagmada Xamarweyn ee gobolka Banaadir. Labo nin oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogtay Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle, oo ahaa askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka xilli uu dhex marayey suuqa bacadlaha ee dagmada Xamarweyne. Kooxda Al-Shabaab oo dilka sheegatay ayaa shaaca ka qaaday in Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle uu ahaa gaashaanle sare, sidaas darteedna loo beegsaday. “Mujaahidiinta ayaa degmada Xamar Weyne ku khaarijiyay sarkaal ka tirsanaa dowladda oo darajadiisa ciidan ay aheyd Gaashaanlle Sare” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab. Ciidamada saldhiga dagmada Xamarwenye, ayaa durbaba goobta soo gaaray waxayna ka qaadeen goobta meedkii askarigii, ayagoona ka sameeyay baaritaan nawaaxiga goobtii toogashada ay ka dhacday kaas oo lagu baadigoobayo ragii ka danbeeyay toogashada, balse uma suurta-gelin inay gacanta ku dhigaan.. Dilalka qorsheysan ayaa si joogto ah uga dhaco magaalada Muqdisho, waxaana aad u adag in la helo dadka arrimahaasi ka dambeeya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Khartoum)-Suudaan ayaa dib u fureysaa xadka ay la wadaagto dalka Eritrea kaddib markii sanad ka hor ay xirtay xadka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Suudaan ayaa ka shakisay in xadka Eritrea looga soo gudbiyo hubka sharci darrada ah. Madaxweyne Cumar Al bashiir ayaa hadalkan sheegay xilli uu ku sugnaa magaalada Kisala oo ku taalla bariga Suudaan. “Waxaan shaaca ka qaadaya anigoo ku sugan magaaladan Kisala, in aan dib u fureyno xadka dalkeenna uu la wadaago Eritrea sababtoo ah waa walaalaheen waana dadkayaga, siyaasaddu nama kala qeybiso” ayuu yidhi Al Bashiir Source
-
(SLT- Minnesota)-Waxaa magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka lagu soo bandhigay filim cusub oo laga sameeyey qiso jacayl ah oo dhexmaraysa wiil Soomaali ah iyo Gabadh caddaan ah. Filmkan ayaa waxaa loogu magic daray First Person Plural. Qisada filimka ayaa ah mid laga eegayo xidhiidhka dhex-mari karo laba qof oo kala diin ah, gaar ahaan Muslimiinta iyo Masiixiyiinta. Sheekada ayaa waxa laga jilay xidhiidh jaceyl ah oo dhexmaray wiil uu dhalay sheekh imaam ka ah Masjid oo asalkiisu yahay Soomaali iyo gabadh uu dhalay Baadari. Toddobo ka mid jiliyaasha ayaa ah Soomaali,halka Toddobo kale ay yiihiin dad caddaan ah. Filimkan ayaa sida ay sheegeen soo saarayaashiisa waxaa looga gol leeyahay wacyigalinta isdhexgalka bulshada. Waxaa filmka sameeyay oo soo saaray Eric Tretbar. Sida filimka ka muuqata, inkasta oo dadka ay ku kala duwan yihiin diinta,dhaqanka iyo midibka ayaa haddana waxyaabaha haddana dadka filimka jilaya waxay aaminsan yihiin in bin’aadamka waxyabaha midayn kara uu kamid yahay jaceylka. Axmed Ismaaciil oo matalayay wiilka uu dhalay sheekha ayaa waxa uu sheegay in marka laga soo tago in dadka Mareykanka ku nool ay diin ahaan iyo dhaqan ahaan kala duwan yihiin, haddana ay bina’aadanimada ka siman yihiin. ” Dadka Mareykanka isugu yimid in ay u haystaan iyagu in labo duni ay ku kala nool yihiin,laakiin labo diinba ha kala haystaane dhaqan baa jira bina’aadanimo oo dadku ay wadaagaan “. Ayuu yiri Axmed. Jilaayaasha filimka First Person Plural ayaa waxay sheegeen in filimkan uu ka turjumaya jiilka cusub ee Mareykanka ku dhashay ama ku koray. Fatxiya Cabsiye oo Filimka ku matalaysa hooyo ayaa sheegtay in marka muuqaalka iyo midibka qofka laga soo tago haddana marka ay dadku wada sheekeystaan wax badan uu isbadalayo. “Waxaa jira jiil dhan oo waddankan la koray iyagoo da’ yar na yimid ama ku dhashay,had iyo jeer gurigii iyo dadkii ay la dhasheen waxaa uga badan dadka kale ee waddankan u dhashay ee noolosha ay la wadagaan” Ayay tiri Fatxiya. Sidey u arkeen dadkii daawaday Filimka Qaar ka mid ah dadkii daawaday flimkan First Person Plural ayaa waxay sheegeen in uu yahay filimka dadka isu soo dhawaynaya. Cabdi Risaaq Biixi oo ka mid ah dadka Filimka daawaday ayaa sheegay in qoysaska wax walba oo ay aaminsan yihiin iyo midikooda marka laga soo tago ay marwalbo isku mid yihiin. “Filimku wuxuu muujinayaa qoysku diintu rabo ha haysto,midibkuu doona na ha ahaado ama jinsiyaddu uu rabo ha noqdee, qoysasku in ay isku mid yihiin waliba qoyska Islamka ayaad moodaa in filimkan uu ku qurux badan yahay sida loo jilay,ayuu yiri mr Biixi Ma aha markii ugu horreysay oo dad ajnabi iyo Soomaali isugu jira ay sameeyaan filim ka hadlaya Soomaalida. Isla qaar ka mid ah jilaayaasha filimka First Person Plural ayaa waxay horey u jileen filim ka hadlayay burcad-badeeda Soomaalida Source
-
Hiiraan(S.M.Network):-Gudoomiyaha degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Maxamed Axmed Food Cade oo u waramay Idaacada Shabelle ee Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar xalay diyarado dagaal ay ka fuliyeen deegaanka Baacyar oo qiyaastii 27 KM dhinaca Koonfureed uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Gudoomiye Food Cade ayaa sheegay in bartilmaameedka weerarkaasi duqeymaha ah uu ahaa fariisimo Alshabaab ay ku leeyihiin deegaanka Baacyar ee ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamah Soomaaliya. Saacadihii la soo dhaafay ayaa qeybo kamid ah gobolka Hiiraan ayaa diyaarado dagaal oo aan la ogeen halka laga leeyahay waxay duqeymo xoogan ka fuliyeen deegaan dhaca Koonfurta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. The post Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Duqeymo Ka Dhacay Qeybo Kamid Ah G/Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Yemen)-Xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dalka Yemen ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay awood adeegsadaan si ay ugu qasbaan Xuuitiyiinta inay u hogaansamaan xabad joojinta magaalada dekedda leh ee Xudaydah. “Si loo ilaaliyo xabad joojinta iyo rajo kasta oo laga qabo hanaan siyaasadeed, QM iyo bulshada caalamka waa inay ku cadaadiyaan Xuutiyiinta inay joojiyaan xadgudubyada, ayna ku dhaqaaqaan ka bixitaanka Xudaydah, sida lagu heshiiyey” Waxaa sidaas yidhi wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash. Mucaaraadka iyo saraakiisha dowladda ayaa xabad joojinta Xudaydah gaaray bisii December. Magaalada Xudaydah oo ay mucaaradka maamulaan ayaa ah halka ugu weyn ee dalka Yemen laga geliyo cunnada iyo gargaraka bani’aadannimo ee la gaarsiinayo shacabka ku rafaadsan dalkaas. Dhammaan dhinacyada ayaa ballan-qaaday inay ciidamadooda kala baxayaan magaalada, hase yeeshee waa ay ka caga jiidayaan inay fuliyaan. Source
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-310119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho(S.M.Network):-Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dil maanta loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliyeed,dilkaasi oo ka dhacay degmada Xamarweyne gaar ahaan waaxda Hilaac. Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle,waxaana xiliga la dilayay uu ku sugnaa meel ku dhaw hooygiisa. Dilka Kadib ciidamada amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay,waxaana ay bilaabeen baaritaan ku aadan cida ka danbeysa dilka Gaashaanle sare Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle. Dhanka kale xarakada Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilka loo geystay sarkaalka ka tirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliyeed,waxaana ay sheegeen in ay fuliyeen dilkaasi xubno iyaga ka tirsan oo u qaabilsan dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho. The post Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dil Loo Geystay Sarkaal Ka Tirsanaa Milatariga Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka lagu toogtay dagmada Xamarweyn ee gobolkan Banaadir. Labo nin oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogtay askarigan oo ka tirsanaa ciimada xoogga dalka xilli uu dhex marayay suuqa bacadlaha ee dagmada Xamarweyne , marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabijiray Cabduqaadir Ibraahim Cabdulle, kooxii dilka geestay ayaa isaga isaga baxay goobtii ay askariga ku toogteen isaga baxsaday Ciidamada saldhiga dagmada Xamarwenye ayaa durbaba goobta soo gaaray waxa ka qaadeen goobta meedkii askarigii, ayagoona ka sameeyay baaritaan nawaaxiga goobtii toogashada ay ka dhacday kaas oo lagu baadigoobayo ragii ka danbeeyay toogashada, lakiin ilaa hada majiraan cid loo soo qabtay toogashada loo geestay askariga ka tirnaa ciidamada dowladda. Dilalka qorsheysan ayaa si joogto ah uga dhaco magaalada Muqdisho, waxaana aad u adag in la helo dadka arrimahaasi ka dambeeya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kulan lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya ayaa 7da Febraayo 2019 qorshaysan in lagu qabto magaalada London. Kulanka waxa ka soo qaybgelaya shirkado u tartami doona shatiga qodista shidaalka ee loo yaqaanno (Bid Rounds ama Licensing). Haddaba waxa u baahan in la isweydiiyo xaraashkani munaasab ma yahay waqtigan iyada oo ay maqan yihiin hay’adihii iyo sharciyadii hagi lahaa maamulka iyo maareynta dheefta iyo dhibka shidaalka. Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka (UPD) wuxuu la wadaagayaa ummada Soomaaliyeed gol-daloolooyinka ka muuqda xaraashkan. Bishii September 2017 waxa Golaha Wasiiraddu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Shidaalka Soomaaliyeed 2017 (Somali Petroleum Bill 2017) isagoo badalay Sharcigii Shidaalka 2008 (Somali Petroleum Law 2008). Hindise Sharciyeedkani hadda waxa uu horyaallaa Golaha Shacabka kaasoo sidoo kale u sii baahan ansixinta Aqalka Sare iyo saxiixa Madaxweynaha. Si loo dedejiyo xaraashkan, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxay isticmaalaysaa sharci Golihii ay ka tirsanayd uu ansixyey in mid kale lagu bedelo. Lama garan karo sababta loo sugi kari la’yahay inta sharciga cusub meel mar ka noqonayo. Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga ah (Shidaalka Iyo Macdanta) ee lagu saxiixay Baydhabo waxa uu dhigayaa in la sameeyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (Somali Petroleum Authority) taas oo hagi doonta wixii wada-xaajood iyo diyaarin heshiisyo shidaal ah. Iyada oo aan la sameyn hay’addan lagu heshiiyay ayay Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu qabanaysaa madal lagu xaraashayo laguna bixinayo shatiga shidaal qodista. Isla Heshiiskani waxuu tilmaamayaa in la sameeyo Shirkadda Shidaalka Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Oil Company) taas oo la shaqeynaysa shirkadaha caalamiga ah. Mar kale, iyada oo aan la sameyn hay’addan lagu heshiiyay ayay Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu heshiisyo caalami ah la galaysaa shirkado shisheeye. Heshiis Wax Soo-Saar Wadaag (Production Sharing Agreement) oo sheegaya xuquuqda iyo waajibaadka ay kala leeyihiin Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka ayaan weli Golaha Wasiiradda iyo Golaha Shacabka midkoodna la hor keenin. Heshiiskan waxa uu sheegayaa xuquuqda saxiixa heshiiska (signature bonus), awood-dhiska (capacity building), canshuuraha, sida dadka degaanka ugu faa’idayaan qodista shidaalka (local content) iwm. Heshiisyada shidaal ee la galo waxaa ku jira qodob muhiim ah oo la yiraahdo ‘xasilinta’ (stabilization clause) oo qeexa arimaha dib looga wada hadli karo iyo kuwa aan dib looga wada hadli karin marka uu heshiis dhaco. Maadama Soomaaliya aaney u dhamaystirnayn sharciyyada Bii’ada, Canshuuraha iyo Ganacsiga, waxaa adkaan doonta in heshiiska hadda la galo wax laga bedelo marka aan sameysanno sharuucda inaga dhiman. Waxa aan weli la sameyn Hay’adda Bii’ada Soomaaliyeed oo wax weyn ka taraysa in shirkadaha shidaalka aanay Soomaaliya ka dhigin meel ay adagtay in dadka iyo duurjoogtuba si caadi ah ugu noolaadaan maadaama shidaalka qodostiisa ay weheliso sun badan oo haddii aan loo samayn sharciyo lagu maareeyo iyo hay’ado haga khasaare weyn gaarsiin kara deegaanka. Soomaaliya heshiis shidaal ma gelin muddo ka badan 30 sanno, sidaa daraadeedna Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu hadda ma haysato khubaro ku filan oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh sida loo galo heshiisyo noocan oo kale ah halka shirkadaha shidaalka ee xaraashkan ka qayb galayaa ay leeyihiin khubaro ku takhasusay heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah. Waxa aan weli la dhamays-tirin dib u eegista Dastuurka oo kala xadidi doona awoodaha dawladda dhexe, maamul goboleedyada iyo dawladda hoose ee dalka, sidoo kalena waxa aan la samayn Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo ah hay’ad dastuuri ah oo jiritaankeedu muhiim u yahay hubinta hufnaanta heeshiisyada iyo in aan kharashaadka ka soo xarooda loo adeegsan dano gaar ah. Marka la eego gol-daloolooyinka (Loopholes) kor ku xusan, dedejinta ka muuqata xaraashkan waxa uu horseedi karaa in xaqqa soo saarista shidaalkeenu si dhib yar gacanta ugu galo shirkaddo dillaaliin ah oo carqalad ku noqda soo saarista shidaalkeena iskaba daa in ay iyagu soo saaraane. Sidaa daraadeed, Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarku wuxuu ku baaqayaa ka hor xaraashka shidaalka : in la dhamays-tiro sharciyada hagaaya iyo kuwa kaabaya ka faa’iideysiga soo saarista shidaalka si umadda Soomaaliyeed aanay marti uga noqon kheyraadkooda; in la dhiso hay’adaha muhiimka u ah maamulka iyo maareynta dheefta iyo dhibka shidaalka si loo hubiyo illaalinta degaanta iyo faa’iido cadaalad iyo xaqsoor ku salaysan; in la helo khubaro inaga caawisa kala hufka shirkadaha daneynaya shidaalkeena si aan meesha uga saarno dillaaliinta raba in ay ka faa’iideystaan duruufeheenna adag; in la helo garyaqaano calami ah oo inaga caawiya heshiisyada aan la geleyno shirkdaha daneynaya soo saarista kheyraadka dalkeena: In xogta iyo macluumaafka la xiriira kheyraadka dalka sida Batroolka loo soo bandhigo bulshada Soomaaliyeed si furan, oo aysan dadka Soomaaliyeed noqon kuwo shirkado ajnabi ah ka hela xogta ku saabsan khyeraadka dalkooda iyo waxa la xiriira. in shacabka Soomaaliyeed muujiyaan lana wadaagaan cidii ay khusayso u heeganaanta illaalinta kheyraadkooda dabiiciga ah. Hadaba, Xisbiga UPD wuxuu soo jeedinayaa isla markaana adkaynayaa in shirka wasaaradda Batroolku ku qabanayso magaalada London taariikh 07 Febraayo 2019, uusan oofsan shuruudihii iyo tallaabooyinkii loo baahnaa in la qaado ka hor shir noocaas ahi inta aan la qaban, sidaas darteed waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo shirkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo(S.M.Network):-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee maamulkaasi Galmudug. Madaxweyne Xaaf iyo wafidga uu hogaaminayay ayaa waxaa soo dhaweeyay duqa magaalada Gaalkacyo Xirsi Yusuf Barre iyo qeybaha kale duwan ee bulshada magaaladaasi. Kadib soo dhaweyn balaaran oo loo sameeyay madaxweynaha Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heshiis horudhac ah laga gaaray khilaafki siyaasadeed ee u dhexeeyay madaxda maaamulada iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya. Madaxweyne Xaaf iyo wafdigiisa oo ka yimid magaalada Garoowe oo uu uga soo qeyb galay caleema saarka madaxweynaha cusub Puntland ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta magaalada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. The post Madaxweynaha Galmudug Oo Gaaray Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xaaf oo ka degay Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo kamid ahaa madaxdii ka qayb gashay caleema-saarkii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha Galmududg ayaa markii uu tegay Gaalkacyo ka warbixiyay safarkiisa iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay kulamadii isdaba jooga ahaa ee madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa federaalka ku dhax-maray magaalada Garowe, wuxuuna shacabka reer Gaalkacyo u sheegay in rajo wanaagsan ay kasoo baxeen kulamadaas. Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in la isku fahmay in lawada shaqeeyo, dowladda dhexena ay ogolaatay in ay la shaqeyso dowlad goboleedyada, lana xaliyo tabashooyinka ay qabaan, isla markaana labaatanka bisha Saddexaad ee Maarso dib loogu laabto magaalada Garowe ee xarunta Puntland, si loo dhameysto wada hadalada loona xaliyo tabashooyinka jira. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo todobo cisho joogay magaalada Garowe, kulamana la qaatay dad kala duwan ayaa maanta safar cirka ah ku tegay Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Xaaf oo ka hadlay wada hadaladii Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Unidentified warplanes have launched an overnight airstrike in central Somalia on Wednesday night, local residents said. The air raid was conducted in Luuq Jeelow area, an Al-Shabaab stronghold in Hiran region targeting militants at a base. The details of the casualties remained sketchy. Fear is growing for the villagers after the airstrike by the unknown fighter jets hunting Al-Shabaab fighters in the remote area. US military has in the past carried out numerous airstrikes in Somalia targeting Al-Shabaab and ISIL-linked militants stationed in the country’s northeastern Puntland state. The post Fighter jets carry out an airstrike in central Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Armed assailants have shot dead killed a Somali military officer outside his house in Mogadishu on Thursday morning, witnesses and police said. Gen Abdulkadir Ibrahim Abdulle was gunned down in the capital’s Hamarweyne district by two men armed with pistols, who immediately escaped from the crime scene. A witness said Abdulle sustained life-threatening wounds and was rushed to a nearby hospital, where he has been pronounced dead upon arrival by the doctor. The security forces cordoned off the area and launched a manhunt, but, no arrest was made for the murder of the military serviceman. There was no immediate claim of responsibility for the assassination, which was the latest in a series of killings and car bombs in the Horn of Africa The post Somali military official shot dead in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta tagay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kadib ka qeyb galkii xafladii Caleemo Saarka madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Xaaf oo dadweyne badan kula hadlayay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Garowe uu ahaa mid Wanaagsan iyo is Afgarad kusoo dhamaaday. “Annagu qolyaha koley dirirtu nagala dhaxeysay “Dowladda” Xabad joojin ayaan gaarnay, waxyaabaha kalana hoos ayaa looga hadli doonaa”ayuu yiri madaxwyne Xaaf oo maanta tagay magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Xaaf, wuxuu sheegay in hadda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay hadda isku soo dhawaadeen oo isfaham uu dhexmaray, islamarkaana lasii wadi doono wadahadalka. Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana halkaasi ay ku yeesheen kulamo gaar gaar ah. Kulamadaasi iyo khudbado odayaasha dhaqanka ka jeediyeen magaalada Gaalkacyo ayaa wax badan badalay aragtiyadii madaxda dowadda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, waxaana xigay kulamo ay ka qeyb galaan madaxdii hore ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Qandala ay shacabka digniin ku siisay in aysan wax hub ah qaadan karin. Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Daacish ay hanjabaad u dirtay shacabka ku dhaqan tuulooyinka hoosyimaada degmada Qandala islamarkaana ay ku wargelisay in qofkii hub lagu qabto tallaabo adag laga qaadayo. Sidoo kale Daacish ayaa baaritaano ku bilowday gaadiidka ay leeyihiin dhacabku ee rakaabka iyo badeecadaha sida waxaana ay su’aalo badan weydiinayan rakaabka sida uu sheegay qof kamid ah dadka dhibaatadan la kumay oo magaciisa qariyay. Malayshiyaadka Daacish ayaa la sheegayaa in ay haatan ka cabsi qabaan in kooxo ka tirsan Al-shabaab ay ku soo dhex milmaan shacabka tuulooyinka kadibna uu ku furmo dagaal gudaha ah. Dagaallo is xig-xigay ayaa Al-shabaab iyo Daacish ku dhexmaray buuraleyda dhinaca koonfureed ka xigta degmada Qandala ee gobolka Bari kadib markii Al-shabaab duullan ku qaadday degaannadaasi. PUNTLAND POST The post Daacish oo amarro adag ku soo rogtay qeybo kamid ah gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso u qaabbilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta ee Xafiiska Xoghaya Qaramada Midoobey Marwo Rosemary A. DiCarlo. Madaxweyne farmaajo ayaa uga mahadceliyey taageerada Qaramada Midoobay ay u fidiyaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay DiCarlo ayaa sheegatay in a kaalin hoggaamineed ay ka qaadanayaan jaan goynta qaybaha muuhiimka ah ee dawladda laga caawinayo iyo in Qaramda Midoobay ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu dhaqan-geliyo. Rosemary DiCarlo, ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Rosemary A. DiCarlo appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso meydka ganacsade lagu dilay Muqdisho. Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay degmada Hilwaa ee Muqdisho. Dilka ganacsadahan ayaa loo adeegsaday Baangad sida jirkiisa laga dareemayay. Ganacsadahaan ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Laami waxaana uu kamid ahaa ganacsatada xoolaha nool ka ganacsada. Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray oo wada baaritaano ay ku ogaanayaan cida falkaasi ka dambeeysay. Muqdisho waxaa ka dhaca dilal arga gax leh taasi oo aan lagaran cida ka dambeeysa. PUNTLAND POST The post Faah Faahin : Ganacsade Meydkiisa laga helay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Shirka Shidaalka ee ka dhacaya magaalada London. Shirkaasi ayaa sida qorshaha uu yahay wuxuu ka dhici doonaa magaalada London 7 bisha soo socota ee Febraayo, kaasi oo looga hadli roono arrimaha shidaalka Soomaaliya. Xildhibaan Fiqi ayaa heegay in Shidaalka uu ka mid yahay Kheyraadka ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana loo baahan yahay in laga fakaro bixinta ruqsooyinka bixinta shidaalka. “Shidaalka Soomaaliya wuxuu ka mid yahay Khayraadka dadka Soomaaliyeed ay wada leeyihiin, In loo hawlgalo Suuq-gayntiisa, Heshiis la gelid shirkado kale iyo shati bixin waxaa jira tallaabooyin badan oo ka horeeya”. “Haddaba, shirka 07 Febraayo 2019 ay wasaaradda Batroolku ku qabanayso London ee lagu bixinayo shatiyada qodista shidaalka Soomaaliya, waa mid suuq madow ah oo aan haysan sharciyadii iyo hey’adihii la rabay In la dhiso ka hor inta aan la qaadin tallaabooyinkaas oo kale” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynihii hore ee gobolka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) iyo 46 qof oo kale ayay xeer ilaalinta Itoobiya ku soo oogtay eedaymo la xidhiidha isku dir bulsho iyo abuuris qalalaase. Eedaha xeer ilaalinta loo gudbiyay maxkamadda sare ee Federaalka Itoobiya waxa lagu sheegay in dadkan oo badankoodu maqan yihiin loo haysto qalalaasihii Jigjiga ka dhacay bishii Ogos ee sanadkii hore xilli ciidanka Federaalka oo isku dayay in ay qabtaan Cabdi Ilay ay ka dhalatay isu soo baxyo qalalaase abuuray. Sida warqadda eedda ku xusan waxa lagu haysta in ay maalgaliyeen, hubeeyeen, talo iyo tilmaan siiyeen dhallinyarada Heego ee nidaamkii Cabdi Ilay taageeraysay, islamarkaana kicin bulsho iyo isku horkeen qoomiyadeed ay sameeyeen taas oo khasaare ka dhashay. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa 25-kii bishan soo bandhigay baadhitaan lagu sameeyay rabshadihii Jigjiga ka bilawday Ogos, 4, 2018 oo muddo ku siman todobaad socday. Waxa uu xeer ilaaliyuhu sheegay in ay rabshadaha ku dhinteen 58 qof laguna dhaawacay 266 qof. Waxa kale oo uu sheegay in haween la kufsaday sidoo kalena dhibaatooyin ka dhaceen kiniisado halka ay jiraan kiisas aan la soo tabin. Waxa kale oo la dhacay hanti gaadhaysa 421 Milyan lacagta Itoobiya ah. 47-ka qof ee dambiyada culus lagu soo oogay waxa xidhan lix qof kuwaas oo kala ah Cabdi Maxamuud Cumar oo 27, Ogos, 2018 laga soo xidhay guri ku yaalla Addis Ababa, Raxma Maxamed Haybe wasiirkii arrimaha haweenka iyo carruurta, Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo ahaa madaxii xafiiska qurbejoogta, Farxaan Daahir oo ahaa madaxii booliska gobolka, Warsame Cabdi iyo Guuleed oo aan xil hayn. 41-ka qof ee kale ayaa waaran loo jaray iyaga oo maqan waxaana ka mid ah Cabdiraxmaan Labagole oo ahaa taliyihii Liyuu Booliska oo la rumaysan yahay in uu Turkiga ku nool yahay halka dadka qaarkood dalka gudihiisa ku dhuumaalaysanayaan. Haddii dambiyadan lagu helo muxuu noqonaya xukunku? Garyaqaan Wali Axmed Aadan oo shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda ka qaatay Jaamacadda dawliga ah ee Itoobiya kana bartay Isbarbardhigga Shuruucda dawliga iyo maamul wanaagga ayaa wargeyska Waaberi u sheegay in ay sharciga Itoobiya dambiyo culus ka yihiin arrimaha loo haysto Cabdi Iley iyo xubnaha kale. “Kiiska Cabdi Iley iyo eedaysanayaasha kaleba waxa kiiskooda gacanta ku haysa maxkamadda sare ee federaaliga ah waxaana dambigaas ku soo oogaya xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dawladda federaalka ah . Eedda ugu weyn ee ay fayl gareysteen waxay weeye kicin iyo iska hor keen bulsho,” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaan Wali. Waxa uu intaasi ku daray in marka la isla akhriyo eedaha xeer ilaalintu soo jeedisay iyo waxa xeer ciqaabeedka Itoobiya ka yidhi dambiyada noocan ah la adeegsan doono Qodobka 240 gaar ahaan farqadaha 1 (B) iyo 2. “waxa uu Qodobku sheegaya in qofka si badheedha u kiciya dagaalo madani ah, hubeeya dadka ama ku dhiiri geliya in midiba midka kale hub u qaato waxa lagu ciqaabayaa xadhig u dhexeeya toban illaa shan iyo labaatan sano. Isla qodobkan farqaddiisa (2) waxay sii raacinaysaa in haddii dambiyadaas xagga sare lagu sheegay ay keenaan khasaare ballaadhan ciqaabtu ay noqon doonto xabsi daayin ama dil,” Sidaas ayuu yidhi garyaqaan Wali oo intaasi raaciyay in sida oo kale xeerku sheegayo haddii abaabulka rabshadaha khasaare hantiyeed ka dhasho lala wareegayo hantida dambiilaha. Ugu dambeyn waxa la filaya in bilawga bisha foodda inagu soo haysta loo fadhiisan doono maxkamadaynta Cabdi Iley iyo xubnaha kale waxaanay arrintani ku soo beegsamaysa xilli xiisad siyaasadeed ka jirto Jigjiga, islamarkaana xukuumadda Mustafe Cagjar ku eedaynayso in xubno taabacsan Cabdi Iley in ay ka dambeeyaan rabshadaha iyo khilaafaadka siyaasadeed. Source
-
Israelis of Ethiopian origin block Tel Aviv highway as they protest against police violence and racism after an officer shot a young community member dead Thousands of Ethiopian Israelis took to the streets of Tel Aviv Wednesday to protest racism and police brutality days after a young community member was shot dead by an officer. Carrying signs accusing the police of “murder”, the protestors blocked main intersections in the Israeli commercial capital ahead of a march to a central protest. Yehuda Biadga, reportedly in his early 20s, was shot dead on January 18 in Bat Yam, near Tel Aviv, after rushing at a police officer holding a knife, according to eyewitnesses. His mother, Mamia Biadga, had called the police to subdue her son who reportedly suffered from a mental condition, but says officers used excessive force. “When a terrorist comes to murder, they don’t shoot him,” she said during the demonstration. “But Yehuda, who served in the army, had to be shot?” The protestors, mainly young members of the community joined by supporters from other segments of Israeli society, marched to the nearby Ayalon highway chanting against the “police state” and calling for harsh measures to be taken against violent officers. Community elders wearing traditional robes and holding colourful umbrellas herded the protestors with instructions in Amharic called through bullhorns. Police looked on from a discreet distance and there were no immediate reports of clashes or arrests. A police spokesman said the justice ministry’s internal affairs department was investigating Biadga’s death. Shahar Mula, one of the demonstration’s organisers, said Biadga’s killing was “a trigger” for the rally, noting a series of incidents since 2015, when the community held protests over its problems. “We came to protest… to convey a message that the police violence cannot continue,” he told AFP, demanding dialogue with the government over the community’s grievances. For Shiran Tasama, the demonstration was connected to a broader cause. “The racism (in Israel) is not directed only at the Ethiopian community, it’s against all the disempowered populations,” she said, calling on them to “unite”. “We’re not just protesting against the police, we’re protesting against the education ministry and all the other institutions that have abandoned the weak populations,” the 26-year-old from Hod Hasharon told AFP. Israel’s Ethiopian community now numbers around 140,000 people, including more than 50,000 born in the Jewish state. Most of them are descendants of communities cut off from the Jewish world for centuries, and were belatedly recognised as Jews by Israeli religious authorities. The community has consistently alleged institutionalised racism in recent years. Source: AFP The post ETHIOPIAN ISRAELIS PROTEST POLICE VIOLENCE AFTER KILLING appeared first on Puntland Post.
-
Theresa May’s Brexit in parliament / Courtesy Following a historic defeat of Theresa May’s Brexit deal that was put forward to parliament two weeks ago and narrowly surviving a vote of no confidence, she has been forced to go back to the drawing board and come up with a new deal before March 29th when the UK is set to leave the EU; only 57 days away now. The members of parliament have consistently failed to come up with a majority vote and fears of a hard no-deal Brexit have been looming evidently. However, May has had an unconventional win as government has agreed on a proposal for alternative options for the deal to be struck with the EU. The proposal that was put forward by Conservative Party MP Sir Graham Brady won a majority vote of 317 over 301. From this proposal it is clear the British parliament is most keen on renegotiations concerning the unpopular no-deal option off the table, as well as the Northern Irish Border. Why? Well following the UK’s departure from the EU come March, this border between Northern Ireland and Ireland will be the only physical border between the two factions; a border that is very important for trade. Normally this separation would mean there should be stops and checks at this border for goods going back and forth but this is a trade disincentive and therefore the UK is eager to have an exit deal in which this border remains as open as it is now in order to promote trade. Even in the event that such a deal does not come to realization in time, there exists what is being called a “backstop”: a legal guarantee that there will be no hard border at the North Ireland border. But critics of Teresa May’s exit deal – eventually responsible for her historic defeat in Parliament a fortnight ago – are skeptical of the details of this “backstop.” And despite all these developments, The EU has come out to say strongly that they are not open to any renegotiations, leaving May and her team between a rock and a hard place. PUNTLAND POST The post UK PARLIAMENT FINALLY GETS MAJORITY VOTE appeared first on Puntland Post.