Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Muqdisho)-Madaxtooyadda Soomaaliya oo u Jawaabtay Booliska Kenya oo dhawaan shaaciyay in Saddex ka mid ah hubkii ay wateen Ragii weeraray Hotelka Dusit D2 Ee Nairobi ay lahaayeen ciidanka Soomaaliya, hayeeshee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay arrintaasi. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay war uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya, kaasi oo lagu sheegay in hubkii lagu fuliyey weerarkii hotelka DusitD2 uu ahaa hub ay leedahay dowladda Soomaaliya. Cabdi Saciid Maxamed Cali, oo ah la-taliyaha dhanka amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah. Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayuu Cabdi Saciid ku sheegay inaysan jirin wax caddeymo ah oo dowladda Soomaaliya lala wadaago, oo muujinaya in hubkaas uu yahay mid ay dowladda Soomaaliya leedahay. Waxa uu sidoo kale sheegay in dadkii weerarka fuliyey ay ahaayeebn Kenyan u dhashay dalkaas, oo aysan ahayn Soomaali. Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in baaritaan horudhac ah uu muujinayo in lambarka taxanaha (serial number) ee qoryaha uu la mid yahay kan ciidamada dowladda Soomaaliya. Si kastaba, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya. Dowladda kasta waxay leedahay lambar aqoonsi oo hubkeeda ku dheggan, waxaana sida Daily Nation uu daabacay, qoryihii lagu fuliyey weerarka 14 Riverside ay lahaayeen caalamadda “SO” oo ay isticmaalaa ciidamada Soomaaliya. “Weli waxaan isku dayaynaa inaan ogaano sida argagixisada ay ku heshay hubkan, balse waxaan u malaynayaa inay ku qabsadeen mid ka mid ah weerarada tirada badan ee Al-Shabaab ay ku qaaddo ciidamada dowladda Soomaaliya” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan qeybta-dambi baadhista Kenya ee DCI. Source
  2. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in wafdi ka socday Midowga Yurub laga hor istaagay inay tagaan magaalada Kismaayo. Inkastoo aan xaqiiqo rasmi ah loo heyn haddaba warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa baahisay in dowladda Soomaaliya ay wafdigaasi u diiday inay tagaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Wafdiga ayaa ka tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna doonayeen inay tagaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay doonayeen inay kula kulmaan madaxda Jubbaland. Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii amar ay soo saartay dowladda Soomaaliya laguna wargeliyay inaysan wafdigaasi amar la’aan tagi karin magaalada Kismaayo ee gobolka jubbada Hoose. Waxaa muuqata in wali uu taagan yahay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo loo malaynayo inuu salka ku hayo in wafdiga loo diido magaalada Kismaayo. Ma jiro wax war ah oo kasoo dhanka maamulka Jubbaland oo looga hadlayo arinta ku aadan in wafdiga loo diiday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladaha hadda uu dalka marayo iyo waxyaabaha loo baahan yahay in xooga la saaro. Xasan Sheikh Maxamuud, isaga oo ka hadlay Sooyaalka Soomaaliya 100 kii sano ee lasoo dhaafay ayuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in qaanuunka iyo sharciga gacan adag lagu qabto. Taasi badalkeeda ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay gacan adag ku qabato shaqsiyaadka mucaaradka ah ee kasoo horjeedo aragti ahaan. Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale sheegay in haddii la adkeeyo Sharciyada iyo qaanuunka dalka ay wax badan hagagayaan balse haddii shaqsiyaad la weeraro inay ka dhalan karto culeesaad kale. “Dadka qaar ayaa dhahaya, dowlad xoogan badan oo gacan dadka ku qabata ayaa loo baahan yahay, waa qalad taasi Dalkan waxa uu u baahan yahay Qaanuunka iyo Shuruucda oo la adkeeyo ee uma baahno Shaqsiyaad Dalka Gacanta ku qabta”ayuu yiri Xasan Sheikh. “Beelihii meel degen ayaa lagu xad gudbayaa, shaqsiyaadkii ayaa lagu xad gudbayaa, sidaa dalkaan kuma hagaagayo ee wuxuu dalka u baahan yahay in sharciga la adkeeyo”ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheikh. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kamid ah xubnaha sida weyn u mucaaradsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ku eedeeyaa dowladda Soomaaliya inay si ka duwan siduu dadka ula dhaqmi jiray inay ula dhaqanto shaqsiyaadka mucaaradka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Jigjiga ( Sh. M. Network )-Golaha wasiirada xukuumadda Itoobiya ayaa maanta kulan ka yeelanaya xaaladda siyaasadeed ee ka jirta ismaamulka Soomaalida ee dalkaasi. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xiisada siyaasadeed ee haatan ka aloolsan magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Xiisada ayaa salka ku heysa arrimo la xariira maamulka , taas oo la sheegay in ay dhexeyso wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar. Labada mas’uul ayaa isku qabtay in maamulka haatan jira lagu soo daro xubno la shaqeyn jiray Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, taas oo uu ka biyo diiday Cagjar. Xukuumadda federaalka Itoobiya ayaa wada qorshe looga hortagayo xiisadaasi, iyadoona shalay labo jeer M/ Addis Ababa ugu yeertay Madaxweyanaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, si su’aalo looga weydiiyo arrimahaasi. The post Xukuumadda Itoobiya Oo kulan ka yeelaneysa xaaladda Jigiga appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Hoggaamiyaha Ford Kenya Moses Wetang’ula ayaa ku celiyey dalabkiisa ahaa in ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya ay dib ugu laabtaan dalkooda. Hadalkan waxaa uu ka jeediyey mar uu la hadlayey saxaafadda isaga oo sheegay in Kenya ay u gashay Soomaaliya soo celinta xasiloonida iyo inay sameyso goob caagan taasi oo ay diideen dowladda iyo beesha calamka. Senatorka Bungoma, oo horayna u soo ahaa wasiirka arrimaha dibadda markii ay ciidamadooda soo galayeen Soomaaliya ayaa yiri“ Soomaaliya waxaa ay Kenya u aragtaa gumeyste, sidaasi darteed arrimahaasi waxaa ay u baahanyihiin qaabab kale oo xaliyo amniga gobolka” Wetang’ula waxaa uu sidoo kale cabiray cabsidiisa ku aadan in weerarada uu ugu yeeray argigixisada ay sii bataan isaga oo intaasi raaciyey in dhibaatada ay tahay in kooxda weerarka geysatay ay yihiin dhalinyaro Kenyaan ah oo la marin habaaiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Jigjiga)-Golaha wasiirrada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wadaa saaka inay isugu yimaadaan xarunta madaxtooyada, iyadoo magaalada Jigjiga laga soo sheegayo degganaansho la`aan siyaasadeed, kaddib markii madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar shalay labo jeer looga yeeray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Mustafe markii uu Jigjiga ku soo laabtay ayuu la shiray golihiisa wasiirrada Dowlad Deegaanka. Madaxweynaha ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxaa soo food saaray caqabado badan oo ay ka mid yihiin arrinta isku dhaca qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaa sidoo kale caqabadaha uu wajahay ka mid ahaa sidii caddaaladd loogu heli lahaa dhibbanayaasha la sheegay inay tacaddiyo kala kulmeen maamulkii hore. Madaxweyne Mustafa ayaa waxaa xilka madaxtinnimada dowlad deegaanka loo doortay 22-kii August sanadkii 2018-kii. Khilaafka haatan la sheegayo inuu soo kala dhex galay dowladda Federaalka ee Itoobiya iyo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ee uu hoggaamiyo Mustafe Cagjar ayaa ah mid ay dad badan walaac ka muujiyeen. Wixii kasoo baxa shirkaasi halkan ayaan idiin kuugu soo gudbin doonaa. Source
  7. (SLT-Ankara)-Wakaalada Wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa sheegtay inay Ciiddanka Ammaanka qaadeen Hawlgal Guud oo lagu soo qabtay ugu yaraan 178 Tahriibayaal shisheeye ah. Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in hawlgalkaasi laga sameeyey Goballo ku yaalla W/galbeed ee dalkaasi, iyadoo lagu soo qabtay Tahriibayaal si sifo aan sharci ahayn ku soo galay ama kaga sii baxayey dalkaasi. Hawlgalka ay Ciiddanka Turkiga ka sameeyeen Gobalka Edirne waxay ku soo qabteen 49 Muhaajiriin ka soo kala jeeday Somali, Pakistan iyo Afganistan, kuwaasi oo la socday gaadhi lagu tahriibinayey. Ciiddanka waxay gaarigaasi ku joojiyeen waddo u dhexeysa Degmooyinka ENES iyo UZUNKOPORU. Waxaa kaloo Hawlgalkaasi lagu qabtay 4 qof oo Mukhalasiin ah oo tahriibinaysay Muhaajiriintaasi. Hawlgalka Guud ee laga sameeyey guud ahaan dalka Turkiga ayaa la sheegay in lagu soo qabtay ugu yaraan 178 Muhaajiriin ka soo kala jeeday dalalka Somalia, Syria, Pakistan, Bangaladesh iyo kuwo kale. Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga waxay sheegeen inay sannadkii hore gacanta ku dhigeen in ka badan 265,000 oo Tahriibayaal sharci-darro ah ku soo galay dalkaasi ama kuwo doonayey inay u sii tahriibaan dalka Giriigga iyo dalalka kale ee Europe. Source
  8. (SLT-New York)-Saddex nin iyo wiil yar oo laga soo qabtay magaalada New York ayaa la xidhay waxaan lagu eedeeyay inay qorsheynayeen inay weerar bambaano ku qaadaan Muslimiinta. Booliiska ayaa ku eedeeyay raggaasi inay haysteen hub. Qorshahan ayaa lagu ogaaday baaritaan kale oo halkaasi laga sameynayay. Afarta qof ee la xidhay ayaa looga shakiyay laguna eedeeyay in ay qorshaynayeen weerar ay ku qadaaan dadka muslimimnta ee ku nool Islamberg oo ku taalla agagaarka magaalada New York. Baarayaasha ayaa waxay baadhitaan ku sameeyeen dhowr goobood oo lala xidhiidhiyay in laga soo maleegayay shirqoolkan halkaasi oo laga soo helay bambaanooyiin nooca guriyaha lagu sameeyo. Hubka la helay waxaa ka mid ah 3 bambaano oo ah nooca guriya lagu sameeyo. Patrick Phelan,oo ka tirsan waaxda booliiska ee Greece ayaa sheegay in howlgalka sidoo kale lagu soo qabtay rasaas. Golaha ay ku bahoobeen muslimiinta Mareykanka ayaa waxa ay ugu baaqeen laamaha ammaanka in kiiska shaqsiyaadkan uu noqdo mid heer fedaraal ah. Dhanka kale Waaxda duulimaadyada ee fedaraalka ayaa waxay sheegeen in la joojiyay duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Newark ka dib markii diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn ee dronis-ka lagu arkay garoon yar oo halkasi ku dhaw. Duuliye waday diyaarad meel u dhaw garoonka ayaa u sheegay waaxda diyaaradaha haga in mid ka mid ah diyaaradahaasi daroonis-ka ay diyaaradiisa u so jirsatay 10 mitir. Garoonka Newark ayaa ah mid ka mid ah garoomada u adeega magaalada New York iyo nawaaxigeeda. Howlihii garoonka ayaa dib u soo cusboonaaday ka dib 90 daqiiqo oo hakad la galiyay. Source
  9. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Munaasabad ballaaran oo lagu soo geba gebeynayay wejigii koowaad ee dib u heshiisiinta K/Galbeed iyo taageeridda maamulka cusub ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo. Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxmed Mursal Sheekh C/raxmaan,C/weli Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka,madaxweyne Laftagareen,wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. XIldhibaanadii,wasiiradii iyo odayaashii dhaqanka oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantoodi muujiyay in ahmiyad ay leedahay midnimada shacabka Koonfur Galbeed,Ugu horeyn Xildhibaan Malaaq Aadan Ibraahim Dhaayow iyo wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Muhiim ay tahay midnimada dadka Reer koonfur Galbeed. C/casiis Maxamed Xasan(LaftaGareen) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed ayaa sheegay in qof walba oo ah oo Reer koonfur Galbeed uu heli doono adeegyada bulshada ee uu xaqa u leeyahay,isagoo ka codsaday bulshada in ay la shaqeeyaan maamulkiisa. Sidoo kale waxaa halkaasi hadal ka jeediyay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in horumarka iyo maamul wanaaga koonfur Galbeed ay ku xirantahay wada shaqeynta shacabka iyo maamulka koonfur Galbeed,wuxuuna ku booriyay maamulka iyo bulshada deegaanada Koonfur Galbeed in ay wadashaqeeyaan. Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uga mahad celiyay dadaalada dib u heshiisiinta ah ee uu wado isagoo la dardaarmay bulshada koonfur Galbeed,wuxuu guddoomiye Mursal uu sheegay in shacabka looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan maamulka si looga gudbo dhibaato kasta horumarna loo gaaro. The post Wejigii 1-aad Ee dib u hesiisiinta K/Galbeed Oo la soo geba gebeeyey appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-230119-1.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle loogu yeeray kulan deg deg ah oo ay ku yeelanayaan magaalada Jowhar. Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa badankood ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana adag inay ku nagaadaan magaalada Jowhar oo ah caasimada maamulka Hirshabeelle, sida wararka aan ku heleyno. Xildhibaanada ayaa kulan deg deg ah ka yeelanaya seddex arimood oo ay ugu horeyso khilaafka kala dhaxeeya guddoomiyaha baarlamaanka oo la doonayo in la xaliyo, maadaama xildhibaano badan ay kasoo muuqdeen wasaaradaha isku shaandheynta lagu sameeyay. Arinta Labaad ayaa ah inaysan qaadan wax mushaaraad ah bilihii ugu dambeeyay, taasi oo keentay in xildhibaanada ay ka caroodaan guddoomiyaha Baarlamaanka oo xiriir toos ah la leh ra’iisul wasaaraha dalka. Arinta seddexaad ayaa ah in la joojiyay dhismihii xarunta baarlamaanka Hirshabeelle, kadib markii Al shabaab ay u hanjabeen darawalada gaadiidkii ka shaqeynayay dhismaha xarumaha maamulka Hirshabeelle. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaano badan oo wasaarado aanan helin ay careysan yihiin halka kuwii helayna ay ka careysan yihiin in loo magacaabay wasaarado aysan ku qanacsaneyn. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Shirkadda WhatsApp ayaa ka xadideysa dhammaan macaameesheeda inay halkii fariin dadka la wadaagaan in ka badan shan jeer. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallo lagula tacaalayo wararka been-abuurka ah ee lagu baahiyo WhatsApp-ka iyo bogagga kale ee la xiriira oo ay leedahay shirkadda Facebook. Facebook ayaa arrintan ka hirgalisay dalka Hinidya lix bilood ka hor. Tallaabadan ayaa la qaaday ka dib markii ay waddankaas ka dhaceen dhowr fal oo dadweynaha ay ku dileen shakhsiyaad, waxaana soo baxay warar sheegayay in ay falalkaas ka dhasheen warar been abuur ah oo lagu faafiyay WatsApp-ka. Illaa iyo haatan, dadka isticmaaala adeeggan ee ku sugan waddamada kale ayaa isu gudbin karay fariimaha ilaa 20 jeer. Sharciyadan cusub ee ay soo kordhisay shirkada WhatsApp ayaa looga dhawaaqay xaflad ka dhacday caasimadda Jakarta ee dalka Indonesia. Dalka Indonesia ayaa waxaa ka qabsoomaya bisha April ee soo socota doorashooyinka guud. Shirkada WhatsAp ayaa u sheegtay BBC-da in go’aankan ay qaadatay kaddib markii “si taxadar leh” ay u qiimeysay natiijooyinka baaritaan ay ka waday dalkaasi muddo sannad barkiis ah. “Xadiditaankan ayaa si xooggan hoos ugu dhigay fariimaha la isu diri jiray guud ahaan caalaamka,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay WhatsApp. “Arrintaan ayaa qeyb ka qaadan doonta in WhatsApp uu xoogga saaro fariimaha gaarka ah. Waxaan sii wadi doona dhageysiga jawaabaha aan ka heleyno dadka isticmaalo ee macaamiisheenna ah, muddo ka dibna waxaan raadin doona qaabab cusub oo wax looga qabanayo guud ahaan isticmaalka adeeggan”. Saameynta uu ku yeelan karo ganacsatada Ganacsatadda Soomaalida ayaa ka mid ah macaamiisha sida weyn u isticmaala adeegga WhatsApp-ka. Cabdirashid Cismaan oo ku sugan magaalada Nairobi, waa ganacsade iibiya gawaarida, waxa uuna u isticmaala WhatsApp-ka inuu dadka ugu diro sawirada gawaarida uu hayo. Sidoo kale Cabdirashid Cismaan, Shirkadaha iibiya gawarida ayaa usoo dira sawiro, isagana dad badan ayuuna lasii wadaagi jiray. “In shan fariin oo kaliya shirkada WhatsApp ay kusoo koobto fariimaha aan la wadaago macaamiisheyda waa arrin adag”, Ayuu yiri Cabdirashid Cismaan. “Waxaan ka baqayaa in culeys badan uu lasoo darso ganacsigeyga maadaama aan inta badan diro fariimo aad u tiro badan”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Fariimaha degdega ah Ku dhawaad 256 qof ayaa iska diiwaangelin kara guruub kasta oo WhatsApp ah. Marka, la sheekeysanayo, hal qof oo keliya ayaa haatan fariima la gudbiyo lasii wadaagi kara ilaa 1,280 oo ka mid ah dadka guruubka si ka duwan 5,120 oo qof oo uu horey u awoodey inuu fariinta u diro. hase ahaatee wali ma jirto si loo joojin karo dadka fariimaha helaya in ay u sii diraan fariimahaasi in ka badan shan mar oo kale. Xaddiditaankan ayaa imaana xilli adeegyada shirkadaha WhatsApp iyo Facebook la baarayo dowrka ay ka qaataan baahinta wararka beenabuurka ah ee baraha bulshada la iskula wadaago. Toddobaadkii lasoo dhaafay, shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay xirtay shan boqol oo bogag iyo koontiyo isugu jiray oo si sharcidarro ah uga qeyb qaadanayay faafinta wararka beenabuurka ah ee gudaha dalalka bartamaha Yurub, Ukrain iyo dalal kale oo ku yaallo bariga Yurub. Waxay sidoo kale ku dhawaaqday Facebook inay shaqaaleysiisay koox xaqiiqo raadin ah oo fadhigoodu yahay Britain si sharciga saxda ah ee Facebook loo waafajiyo wax walba oo baraha bulshada galaya. Sikastaba ha ahaatee, adeegsiga xogaha xafidan ee WhatsApp ayaa ka dhigan in fariimaha shirkaddan ay aqrisan karaan oo keliya dadka loo diro iyo kuwa ay gaaraan fariimuhu, taasi oo xadideysa awoodda shirkadda ee ah inay ogaato wararka been abuurka ah. Balse dhammaadka sanadkii lasoo dhaafay, warbaahinta Indian Press ayaa qortay in dowladdu ay ka fakareysay inay isbeddel ku sameyso sharcigan kaasi oo ku qasbaya Facebook iyo WhatsAp in lagula xisaabtamo waxyaabaha “sharcidarada ah” ee la baahiyo. Tallaabadan ayaana haddii la hirgaliyo waxay caqabad ku noqoneysa xuquuqdeeda gaarka ah ee xafidnaanta xogaha khaaska ah. Source
  13. (SLT-Moscow)-Maxkamad ku taalla dalka Ruushka ayaa diiday in dammaanad lagu sii daayo nin u dhashay dalkaan Mareykanka oo loo heysto inuu falal basaasnimo ah ka waday Ruushka. Paul Whelan, oo ahaa askari u soo shaqeeyay ciidanka badda ee Mareykanka, ayaa Talaadadi shalay kasoo muuqday maxkamad ku taalla magaalada Moscow si uu abiil uga qaato xarigiisa. Garsoorihii Maxkamadda ayaa amray in Whelan xabsiga lagu sii hayo ilaa dhamaadka bisha February. Haddii lagu helo eedaha loo soo jeediyay oo ah inuu ahaa jaajuus, waxaa dhici karta in lagu xakumo 20 sano oo xabsi ah. David Whelan oo mataan la ah Paul, ayaa bayaan uu soo saaray kaddib dhageysiga maxkamadda ku sheegay, in wali ay dowladda Ruushka ka la’yihiin faah-faahin ku saabsan sababta ay ugu maleeyaan in Paul uu yahay basaasb. Wuxuu sheegay in qoyskiisa ay ka walwalsanyihiin caafimaadkiisa iyo inuu naftiisa ku difaaco luqadda Ingiriiska muddada uu xiranyahay. Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ay in diblamaasiyiinta ay si dhaw ula socdaan kiiska Whelan, sidoo kalana ay dhageysigii maxkamadda ka qeybgaleen wakiillo matalayay safaaradda Mareykanka ee Moscow. Source
  14. (SLT-Cardiff)-Diyaarad yar oo uu saarnaa ciyaaryahan u dhashay dalka Argentine Emiliano Sala kuna soo jeeday magaalada Cardiff ayaa la waayay iyadoo maraysay jasiiradaha Channel. Sala ayaa waxaa soo iibsatay kooxda Cardiff City oo ka ciyaarta horyaalka Premier League iyadoo lacag gaadheysa £15m ka siisay kooxda ka dhisan dalka Faransiiska ee Nantes. Ciyaaryahankan oo 28 jir ah ayaa ka soo raacay Piper Malibu waxaana diyaaradiisii ay hawada ka baxday xalay iyadoo dul mareysay Alderney oo kamid ah Channel Islands Booliska raadinayay halka ay ku dambeysay diyaarada ayaa sheegay in laga quustay diyaaradaas ayna joojiyeen baaritaanka. Boqolaal taageerayaasha kooxda uu u ciyaari jirey ee Nantes ayaa bilaabay inay isugu soo ururaan garoonka kooxda iyagoo raadinaya wararka ugu dambeeya ee laacibkii hore ugu ciyaarayay kooxda Nantes. Emiliano Sala ayaa ku dhashay Santa Fe ee dalka Argentina balse waxa uu ku soo shaac baxay dalka Faransiiska. Ciyaaryahankan ayaa ka mid ahaa shanta laacib ugu goolal dhalinta badan horyaalka Ligue 1 ee dalka Faransiiska xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 11 gool. Source
  15. Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa ka aragti dhiibtay muddo kordhintii dhowaan loo sameeyey golaha wakiilada. Intooda badan waxa ay sheegeen in aanay raali ka ahayn arrintaasi oo ay kasoo horjeedaan, waxaana ay ku taliyeen in golaha Guurtida qudhooda wax laga bedalo. Dadka qaar ayaa qaba in arrintan ay tahay un mid lagu doonayo in lagu sii joogo taasina aanay dan u ahayn Somaliland waa sida ay hadalka u dhigeenne. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CODADKA-SHACABKA-HARGEYSA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Washington)-Xidhnaashaha qeybo ka mid ah Hey’adaha Dowladada Federaalka Mareykanka ayaa galay bishii labaad, xilli wili uu taaganyahay ismari-waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Trump iyo hogaamiyaasha xisbiga dimoqraadiga. Madaxweyne Donald Trump ayaa ku adkeysanaya dalabkiisa ah in la siiyo lacag ka badan 5 bilyan oo dollar oo uu rabo inuu derbi uga dhiso xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico, laakin mudanayaasha xisbiga dimoqraadiga oo hadda leh aqlabiyadda Aqalka Wakiilada ayaa diiday arrintaasi. Qoraal uu talaadadi shalay soo dhigay bartiisa twitterka ayuu Trump ku sheegay in darbi la’aantii uusan Mareykanka waligiis yeelan doonin amaan qaran. Wuxuu kaloo intaasi raaciyay in haddii darbi xoog leh ama gidaar ka sameysan bir laga dhiso xadka ay hoos u dhici doonaan danbiyada la xiriira daroogada, taasoo buu yiri ay ogyihiin dimoqraadiyiintu balse ay rabaan in ay ciyaaraan dheel siyaasadeed. Dhanka kalana, hogaamiyaha aqlabiyadda Golaha Senetka Mitch McConnell, oo ah xildhibaan Jamhuuri ah oo senetka kasoo galo gobolka Kentucky, ayaa sheegay in senetka ay Khamiista cod u qaadi doonaan qorshaha madaxweyne Trump ee xadka iyo qorshe ay dimoqraadiga soo gudbiyeen oo ah in dowlada miisaaniyad loo helo ilaa bisha siddeedda Febraayo. Source
  17. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Injineer C/raxmaan Yariisow ayaa u digey dad uu sheegay in weli ay ka madax adeegayaan iney isaga guuraan dhulalka danta guud ah oo ay si sharci darro ah ku dhisteen. Wuxuu sheegay in maamulkiisa uu ka go’an yahay in lasoo celiyo dhammaan dhulalka danta guud ah, ayna aqbali doonin in lasii deganaado. Yariisow ayaa sheegay in laga saari doono cid walba oo degta dhulalka danta guud ah wax walbo oo ay sheegaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/GUDOOMIYAHA-GOBALKA-BANADIR-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Aqoonyahan Maxamed Axmed Maxamuud oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya aanay waxbo u qaban shacabka ay matalaan. Waxa uu sheegay in xildhibaannada looga baahnaa markii ay fasax galaan in ay deegaannadooda ku laabtaan, islamarkaana soo eegaan waxa ka jira halkaasi, ama ugu yaraan ay dadkooda wax u qabtaan. Aqoonyahan Maxamed ayaa sheegay in la yaab ay tahay marka xildhibaannada fasaxa galaan badankooda ay dib ugu laabtaan Hoteello uu sheegay in magaalada Muqdisho ka deggan yihiin. Nidaamka lagu soo xulo ee xildhibaannada ayuu sheegay inuu yahay midka dhibka ku haya umadda Soomaaliyeed, loona baahan yahay in doorasho xalaal ah oo shacabka ka qeybqaataan la galo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Aqoonyahan-Maxamed-Axmed-Maxamuud-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada Soomaaliyeed iney ka shaqeeyaan aayaha dalka, islamarkaana yihiin kuwa dalka berry xukumi lahaa. Waxa uu sheegay in maskaxda dhallinyarada ay tahay mid nadiif ah, islamarkaana dalka ku hoggaamin kara meel wanaagsan. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u sheegay dhallinyarada in haddii aqoontooda iyo maskaxdooda nadiifka ah uga faa’ideeyaan dalka ay wax badan qaban karaan. Dhanka kale, madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalkan uu soo maray marxalado kala duwan welina dalka u baahan yahay in wax badan loo qabto. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Xasan-Sheekh-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa soo xirey wejiga Koowaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha K/galbeed, kaasi oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Shirkaan ayaa si gaar ah diirada loogu saaray in beelaha wada dega K/galbeed ay si wadajir ah uga shaqeeyeen Nabadda iyo in wixii horay u dhacay la iska cafiyo. Maxamed Mursal Gudoomiyaha Barlamanka soomaliya oo shirkaas soo xiray ayaa uga mahad celiyay beelaha heshiiyay si nabad ay uga shaqeeyeen. Waxa uu guddoomiye Mursal sheegay in wejiyada kale ee dib u heshiisiintana rajeynayaan in beelo kale ku heshiiyaan. Sidoo kale, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ku booriyey beesha caalamka iyo cid walbo oo taageerta K/galbeed iney xoojiyaan taageeradooda, maadaama hadda K/galbeed ay ka bilaabatay dib u heshiisiin. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Gudoomiyaha-Baarlamaanka-dal-MURSAL-CAAWA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay war uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya, kaasi oo lagu sheegay in hubkii lagu fuliyey weerarkii hotelka DusitD2 uu ahaa hub ay leedahay dowladda Soomaaliya. Cabdi Saciid Maxamed Cali, oo ah la-taliyaha dhanka amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah. Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayuu Cabdi Saciid ku sheegay inaysan jirin wax caddeymo ah oo dowladda Soomaaliya lala wadaago, oo muujinaya in hubkaas uu yahay mid ay dowladda Soomaaliya leedahay. Waxa uu sidoo kale sheegay in dadkii weerarka fuliyey ay ahaayeebn Kenyan u dhashay dalkaas, oo aysan ahayn Soomaali. Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in baaritaan horudhac ah uu muujinayo in lambarka taxanaha (serial number) ee qoryaha uu la mid yahay kan ciidamada dowladda Soomaaliya. Si kastaba, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya. Dowladda kasta waxay leedahay lambar aqoonsi oo hubkeeda ku dheggan, waxaana sida Daily Nation uu daabacay, qoryihii lagu fuliyey weerarka 14 Riverside ay lahaayeen caalamadda “SO” oo ay isticmaalaa ciidamada Soomaaliya. “Weli waxaan isku dayaynaa inaan ogaano sida argagixisada ay ku heshay hubkan, balse waxaan u malaynayaa inay ku qabsadeen mid ka mid ah weerarada tirada badan ee Al-Shabaab ay ku qaaddo ciidamada dowladda Soomaaliya” ayuu yiri sarkaal ka tirsan qeybta-dambi baarista Kenya ee DCI. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Siad Barre Maalintu Gaaloobay Dhacdo waa odey ka Sheekee Qore: Dr. Saeed Sheikh Mohamed Siyaad Barre xukun kiisii, waxa aan laba qof ku murmikarin oo miyarkooda qabaa inuu ahaa macangag, dab iyo naar ah oo dadka tudhaale u lahayn; diinta iyo dhaqanku waxay xagiisa ka ahaayeen bar kuma taal. Inta amaantaa waa dad kooban oo qabyaaladi ka hadlinayso ama dano gaar ah kulaha. Dhacdadii ugu xumayd, ugu naxdinta iyo yaab ka badnayd waxay ahayd maalinta uu Gl. Maxamed Siad Barre u meel mariyey xeerka qoyska ee uu Alle iyo diintiisaba kaga go’ay ee uu gaalnimo cad meel isu taagay. Dhacdadaasi waxay ahayd maalintu Xeerka Qayska oo uu ku badalay xeerkii shareecada Islaamka ee muslim oo dhami waligood ku dhaqmi jireen. Xeerka si kidis ah ayuu Siad Barre u meel mariyey January 11, 1975 iyado aan laga fiirsan, culimadana wax laga weydiin, dhibta ka iman kartana la adorosin, wax qadarin ahna la siin dadka 100% muslimka ah ee xeerku khuseeyo iyo dhibta ka dhalan karta. Ujeedada qodha ee Siad Barre kalaha waxay ahayd inuu madaxdii Midawga Soofiyati, ee uu midiidinka u ahaa, iska dhaadhiciyo inuu shuuci dhaba yahay. Waxaanu se ogeyn in Midowga Soofiyati uu xukumi jirey malaayiin muslim ah oo diintooda aanu marnaba si toos ah u faragalin jirin. Xeerka qoysku wuxuu si toos ah uga horyimi Quraanka iyo Sunaha Rasuulka Calayhi Salaatu Wa Salaam. Qodobada ugu muhim Sanaa waa: Habka meherka Islaamka wax laga badaly; Dalaaqda oo aan dhici Karin iyadoo maxkamadi aqbasho mooyee; Afadu haday diido in saygeeda ay kala tagaan, waxa waajib ah in reerku wada joogo; Nin kuu haduu ku celceliyo: waan ku furay iya doo maqlaysa; inaan waxba laga soo qaadayn. Dhaxal ka inay raga iya dumarku isku qoriyihiin xaalad kastoo jirta. Xeerku wuxuu xalaaleey inay lamaane meher isu hayne inay xaaraan ku wada joogaan. Xeerka waxa markiiba ku gacan saydhay culimo badan oo waqtigaa ku sugnaa Mogdisho. Shan cisho markay ka soo wareegtay, (maalin Jimca ah, January 16, 1975) ayaa Masjidka Cabdil Qadir, markii salada jimcaha la tukaday, ayey culimadu bilaabeen inay dadka u bayaamiyaan sida uu xeerka qoysku uga soo horjeedo diinta Islaamka. Dad kii salaada u yimi ayaa ku nagaaday masjidka oo qofba ka muu bixin. Jaar kii masjidka ayaa debeda isugu soo baxay iyaguna; dad kaloo badanina way ku soo biireen si ay culimada taageero ugu muujiyaan. Wacdigu wuxu soconaayey saladii Jimce ila saladii casar (1:00– 3:30). Culimada meesha ka hadashay iyo kuwii masjida joogayba waxay ahaayeen culimadii waa wayneed ee caanka ahaa sida laga soo xigtay Sheekh Maxamed Garyare oo waqtigaa masjidka ku sugnaa. Culimadu waxay aad uga hadleen sida xeerku siduu diinta iyo shareecada Islaamka uga soo horjeedo, iyagoo isbarber dhigaya Quraanka iyo Sunuhu waxay faraayaan muslinka, iyo xeerku fariinta uu xambaar sanyey iyo sida aaney isula jaan qaadi karin Xeer Qaysaka iyo Diinta Islaamku. Culimadu waxay ku nuux nuux sadeen dadkana ugu baaqeen inay diidaan xeerka oo aaney marnaba ku dhaqmin kuna dheeradaan inay ka soo horjeestaan; waxaaney uga digeen dadka cadho Alle inay ku dhacdo hadii ay xeerkaa ogalaadaan. Dhinaca kalana waxay fariimo adag oo xaq ah u direen Siyaad Barre iyo maamul kiisii. Waxany ku booriyeen in xeerka in sidu u dhan yey daaqada laga tuuro. Siyaad Barre oo jaahil ka ahaa dhan diineed, dhan siyaasadeed, iyo dhan bulsho waxa uu ka qaaday baaqiii culimada cadho iyo kibir. Wuxu iska dhaadhiciyey inay culimadu liddi ku yihiin maamulkiisa isagoo marka horeba sas ka qabay cid kasto diin ka hadasha. Amar degdega ayuu ku bixiyey in la soo qabto culimada iyo dadka masjidka joogayba. Salaaddii casar ayey boqolaal ciidanka nabad-gelyda ah oo aad u hubaysan hareereeyeen masjidkii. Waxay qab-qabteen dad badan oo meesha ku sugna, iyagoo bar tilmaamaysanaya culimadii ugu magaca wayneed ee bir-ma-geedada ahaa. Markiiba Maxkamada Badbaadada Qaranka oo magac u yaal ahayd ( Siyaad Barre ayaa wax walba ahaaye ) ayaa loo gudbiyey. Waxa lala tiigsaday Xeerka 54 ee ciqaabta kuna saabsaana (diinta oo loo adeegsado burburinta qaranka). Xeerku wuxuu ka mid aha xeerar badan oo ciqaab ah mar qudha Siyaad Barre soo saaray oo isgu jirey “dil, xabsi, iyo bahdalaad si qof kii kalmad yidhaa ba afka loo jabiyo. Xeerarkaa aduun yadu waxy u aqoonsatay inay yihiin qaar kasoo horjeeda xuquuda qofka ee aduun yadu isla ogoshay. Culimadii waxa lagu xukumay: 10 Sheekh dil toogasho ah; 6 Sheekh 30 sano oo xadhig ah; 20 Sheekh 17 sano oo xadhig ah. Maalinta Bishu ahayd January 23, 1975 ayaa dil toogasha ah lagu fuliyey 10 Sheikh oo aan dembi gelin. Culimadu Alle ha u naxriistee iyagoo ilkaha cadaynaaya oo aad ugu faraxsan in Alle u aqbalay inay iyagoo shuhada xaga Alle u dheelmadaan, oo naacawda janadu usoo ureyso, carabkana ku haya aayadaha busharada ee Suurada Aal Cimraan ayey naftii midwalba ka baxday. وَلَا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَمْوَاتًا ۚ بَلْ أَحْيَاءٌ عِندَ رَبِّهِمْ يُرْزَقُونَ)169( فَرِحِينَ بِمَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ وَيَسْتَبْشِرُونَ بِالَّذِينَ لَمْ يَلْحَقُوا بِهِم مِّنْ خَلْفِهِمْ أَلَّا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ )170 ((۞ يَسْتَبْشِرُونَ بِنِعْمَةٍ مِّنَ اللَّهِ وَفَضْلٍ وَأَنَّ اللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ الْمُؤْمِنِينَ )171 Waxa yaable inaan dawladahaa carbeed ee muslimka ahi inaanay xataa cambarayn falkaa Culimada lagula kacay. Kaba siidarane Siyaad Barre magac iyo maamuus ayabuu ku helay dhiigii culimada, hub iyo caawimo badana waa la siiyey, waanaa loo sed kordhiyey. Culimada 10 ka ah ee shahiiday waxay ahaayeen: 1.Cali Hasan Warsame Cali Jamac Hirsi Adan cali Hirsi Sheekh Axmed Imaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Hasan Iise Iley Maxamed Siyaad Xirsi Sheekh Muse Yuusuf Saleebaan Jaamac Maxamed Yasiin Clmi Cawl. Siyaad Barre dhibta faraha badan ee shacabka uu ugaystey, ee ay ugu mudnayd shariicada Islaamka ee uu faraha lagaly, iyo dilka culimada lagula kacay ,waxba ka muu soo qaadin. Waabuu ka sii daray oo wuxuu damcay in culimadu qasab ugu oleleeyaan Xeerka Qayska, isna waafajiyaan xeerka iyo shareecada Alle. Sheekh Maxamed Macalin ee caalimka wayn ahaa Alle ha u naxariistee, ayaa tafsiirka Quraanka ka akhriya xiligaa masjidka Cabdil Qadir. Amar ka Iaahay waxa isku soo beegmay xeerkii Qayska oo olelihiisii socdo, iyo casharka uu Sheekh maarinaayey oo ahaa Surata Nisa’a, ayaadaha dhaxalka khuseeya. Madax ka tirsanaa Goleha Saree e Kacaanka iyo sabaaniyadii Siyaad Barre ayaa u tegey Sheekha si ay ugu khasbaan inuu badalo macnaha aayadaha Suurta Nisa’a ee uu ayaantaa uu ayaamahaa bilaabaayey fasilaadooda. Isla markaana waxay u sheegeen inuu u dadka u sheego in Xeerka Qayska ee Siyaad Barre malmaluuqay mid waafaqsan Quraan ka iyo Sunaha. Sheekh waxa loogu hanjabay in haduu amarkaa sidiisa u fulinwaayo in sidii culimadii hore loo galay si la mida isagana loo geli doono. Sheekh Maxamed macalin arrinkaa umuu jixinjixin; cabsigelin iyo caga juglaynina waxaba ka may badalin. Tafsiir kii aayada dhaxal ka (waatan hoosta ku qorane), sidii Alle yidhi ayuu u mariyey. يُوصِيكُمُ اللَّهُ فِي أَوْلَادِكُمْ ۖ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الْأُنثَيَيْنِ ۚ فَإِن كُنَّ نِسَاءً فَوْقَ اثْنَتَيْنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَ ۖ وَإِن كَانَتْ وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ ۚ وَلِأَبَوَيْهِ لِكُلِّ وَاحِدٍ مِّنْهُمَا السُّدُسُ مِمَّا تَرَكَ إِن كَانَ لَهُ وَلَدٌ ۚ فَإِن لَّمْ يَكُن لَّهُ وَلَدٌ وَوَرِثَهُ أَبَوَاهُ فَلِأُمِّهِ الثُّلُثُ ۚ فَإِن كَانَ لَهُ إِخْوَةٌ فَلِأُمِّهِ السُّدُسُ ۚ مِن بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصِي بِهَا أَوْ دَيْنٍ ۗ آبَاؤُكُمْ وَأَبْنَاؤُكُمْ لَا تَدْرُونَ أَيُّهُمْ أَقْرَبُ لَكُمْ نَفْعًا ۚ فَرِيضَةً مِّنَ اللَّهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا (11) Taasi waxay keentay in Sheekh Maxamed Maclin isla habeen kiiba la xidho. Mudo dheer ayuu Siyaad Barre u xidhnaa isagoon waxba galabsan. Dhacdadaasi waxay ahayd mid curad ah oo hore iyo dibtoona u soo marin dadka af soomaliga ku hadla, gobol kay doonaan ha joogaane. Xukumadiihii reer yurub ee gobolada Somaliyeed kala xukumaayey, iyo Boqortooyadii Abassiniyaa (Ethiopia) mid koodna fal kaa soo kale ah dadka Somaliyeed ee muslimka ah kulamay kicin. Waa markii ugu horeysay ee carada Somaaliyeed gaar ahaan Jamhuuriydii Somaliyeed dad lagu ciqaabo diintooda awgeed (religious persecution). Xeerka Qayska ee Siyaad Barre malmaluuqay, iyo ayaadaha Quraanka ee uu sida badheedhka ah uga horyimid, iyo falal kii uu raaciyey ee foosha xumaa, waxay daka Somaliayeed u cadeeyeen meel ay joogaanba culimaduna isku raacday, inuu Siyaad Barre gaaloobey oo Alle iyo Nibigiisiiba ka go’ay. Meel uu ku toobad keeneyna anigu maan maqlin, manaan akhriyin, cidina iimay sheegin. Xeerkii Qoyska intaan ka war hayo maamulkii Siyaad Barre kama noqon. Haduu toobad la’aan ku dhintay gaalnimo ayuu ku dhintay oo in loo duceeyaa ma banaana. Waxan ugu baaqayaa Culimada Soomaaliyeed meel ay joogaanba in Jimcahan fooda inaguu soo haya dhacdadaa aad loo xuso loona aqoonsado malinta January 23 maalinta Shuhadada Diinta oo sanad walba la xuso si loogu cibro qaato. Waa maalin xanuun badan, oo xusuus mudan, oo wax ku qaadasho iyo ku daysho le. Waa waajib diiniyaa oo distoorku ogolyey inay shacab ku diintooda ilaa shadaan, culimaduna hormood ka noqdaan, dad kuna ku taageeraan. Ugu dambaystii, waxan Madax Weynaha Somaliland Mudane Muse Biixi Cabdi inuu qodobada Distoorka ee cadilan uu taabo geliyo, gaar ahaan Qodobka 115 ee ku saabsan Gudida Ulimada oo aad loguo baahan yahay si ay u bayaamiyaan shuruucda dalka lagu maamulayaa inay Shareecada waafaq santay iyo inkale. Wa Bilaahi tawfiiq. Qaran News
  23. Nairobi (Caasimada Online) – Weriye hore oo ka hawlgaliyey jiray mid ka mid ah raadiyeyaasha Kenya ayaa halis ku jira kaddib markii uu dalbaday in si deg deg ah loo musaafuriyo siyaasiyiinta Soomaalida Kenya oo uu ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay kahor tagga weerarada badan ee argagixisada ee dalkaas ka dhaca. Qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa, ayuu David Harison Oluoch oo ahaa wariye ka tirsan Raadiyaha Citizen, ku sheegay in hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Aaadan Barre Ducaale, Abuukaate Cabdinaasir Cabdullahi, Senotor-ka Gaarisa Yusuf Xaaji in laga eryo dalkaas. “Si loo dhammeeyo argagixisada Kenya, dhammaan Soomaalida oo ay ku jiraan Cabdinaasir Cabdullahi, Yuusuf Xaaji, Aamina Maxamed iyo Aadan Ducaale waa in laga eryo Kenya oo ay ku laabtaan dhulkooda hooyo, Soomaaliya si ay uga gacan uga geystaan horumarinta dalkaas dagaalada halakeeyeen,” ayuu qoray. Isaga oo muujinaya aragtidiisa, Oluoch waxa uu weydiin ka keenay in aan wali Ducaale aysan hay’ada ammaanka aysan kula xisaabtamin weerarkii Jaamacadda Gaarisa kaddib ballan qaadkiisii ahaa in uu magacaabi doono maalgaliyeyaasha argagixisada dalkaas. “Muddo kahor kaddib weerarkii argagixiso ee Jaamacadda Gaarisa, Ducaale waxa uu ballan qaaday in uu magacaabi doono maalgaliyeyaashii weerarka. Sidee ku dhacday in hay’adaha ammaanka ee dowladda aysan wali u dabagalin arrintaas? Dowladda waa in ay joojisaa in ay shaqooyinka sar sare ee dalka siiyo dad noqon kara argagixiso,” ayuu hadalkiisa ku daray. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com