Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,987
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. President Yoweri Museveni has threatened to withdraw his country’s forces from the peacekeeping mission in Somalia if the United Nations insists on reducing the number of troops on the mission. Due to declining and irregular funding, the UN Security Council, in Resolution 2372 of 2017, proposed a phased drawdown of peacekeepers in Somalia with a full pullout by 2020. The Ugandan president, who has recently become critical of the UN, said he had personally informed the Security Council that Uganda would withdraw its 6,400 contingent from Somalia if it is forced to scale down. This comes after Burundi’s Pierre Nkurunziza threatened to pull out of Amisom if the funders of the mission insist that Bujumbura recall its 1,000 soldiers. Mr Museveni, while addressing a high-level meeting of ministers in charge of refugees in the Great Lakes Region in Kampala on Thursday, said the Security Council’s move was a “total lack of seriousness” to the task of flushing Al Shabaab out. “They recommended I should reduce the number of soldiers but I will not reduce even a single one, unless I take all of them out of Somalia,” Mr Museveni said. Uganda is the largest troop-contributing country to Amisom, with more than 6,400, of the total 21,626 soldiers. The troop-contributing countries have said that this number is smaller than what is required to fully pacify Somalia and have been advocating a troop surge instead. Mr Museveni told the High Level Ministerial Meeting of Ministers in charge of Refugees in the Great Lakes region at Munyonyo in Kampala that his efforts to convince UN secretaries general Ban Ki-Moon and his successor António Guterres were rebuffed. Change of heart? “Because the numbers are small, we are only in urban centres and streets while Al Shabaab is taking over the countryside,” he said. Mr Museveni becomes the second leader of a troop contributing country to threaten a full withdrawal instead of a scale-down after Mr Nkurunziza, who believes that his country is being targeted by the EU. Burundi insists that withdrawal should be done uniformly by all troop-contributing countries. Burundi’s Defence Minister Emmanuel Ntahomvukiye said last month that his country would withdraw all its soldiers from Amisom if the AU does not reconsider an order to withdraw 1,000 troops from the Shabelle region. Burundi’s threat was triggered by an announcement by the AU that it would cut 1,000 troops by February 28, 2019, in line with the new Amisom operations blueprint known as the Concept of Operations (ConOps). Under ConOps, some operating bases are to be reconfigured and others closed as troop numbers fall. It is not yet clear whether both the UN and AU will have a change of heart in scaling down the Amisom after the threats by these two countries. But there are fears that it could give Al Shabaab an added advantage to rebuild, recruit and restructure. The insurgents have on many occasions regained control over areas that have been vacated by Amisom and it is from here that they launch attacks on the capital Mogadishu and neighbouring countries. Some analysts, however, say that the money the troop-contributing countries receive could be the reason for their resistance to the drawdown. According to President Museveni, pulling the peacekeeping force out of Somalia should be done after the host country has built a strong enough army to defend itself. The challenge here is that Mogadishu has no money to build a large army but Mr Museveni, himself a former rebel, thinks payments can wait if the government considers recruiting volunteer patriotic nationals willing to liberate their country. View the full article
  2. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Adddis Ababa ayaa sheegaya in aysan jirin cid ka badbaaday shilkii diyaaradda ee saakay halkaas ka dhacay. Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta kusii wajahan, iyada oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ay maqleen qarax aad u weyn, meeshana uu ka dhashay holac la damin la’yahay. Dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, balse weli lama hayo diiwaanka magacyada, inta lab ah iyo inta dhedeg ah, iyo waliba carruur. Diyaaradda oo ah Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay u kala gooshaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi. Dadka Dhintay ayaa waxaa ku jiro sarkaal ka tirsanaa Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Cabdishakuur Maxamed Shahaad oo ka tirsanaa Hab Maamuuska Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku geeriyooday Diyaaradda. Cabdishakuur ayaa ka imaaday Sweden, wuxuuna Transit ku ahaa dalka Itoobiya oo uu doonayey inuu kaga sii gudbo Magaalada Nairobi oo ay ku wajahneyd diyaaradda Burburtay. Wuxuu doonayey inuu Xamar kusoo laabto marka uu soo dhameysto howlo shaqo oo uu u adaayey Dalka kenya. Sida ay Xaqiijisay Itoobiya Liiska waxaa Soomaaliya kaga jiro illaa halkaan qof oo ka tirsanaa Xafiiska Ra’isul wasaaraha inkastoo ay macquul tahay inay ku jiraan Soomaali kale oo heysato dhalashada wadamo kale. Qoyska Cabdishakuur ayaa sheegay in wiilkooda uu raacay Diyaaradaas balse mar aan la xiriirnay Xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay inaysan hadda ka hadli karin dhimashada Cabdishakuur illaa ay si rasmi ah Ethiopian Airlines kaga soo bandhigeyso magacyada dadkii saarnaa Diyaaradda. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiska Wadamada dadkii Dhintay 32 Kenyans 18 Canadians 9 Ethiopians 8 Italians 8 Chinese 8 Americans 7 British 7 France 6 Egyptians 5 Holland 4 Indians 4 Slovakia. 3 Austrians 3 Swedes 3 Russians 2 Moroccans 2 Spain 2 Poland 2 Israel 1 Belgium 1 Indonesia 1 Somalia 1 Norway 1 Serbia 1 Togo 1 Mozambique 1 Rwanda 1 Sudan 1 Uganda 1 Yemen Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  3. Xoggo & Wararkii u dambeeyay ee diyaarada Ethiopian Airlines ee burburtay Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaya in aysan jirin cid ka badbaaday shilkii diyaaradda ee saakay halkaas ka dhacay. Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta kusii wajahan, iyada oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ay maqleen qarax aad u weyn, meeshana uu ka dhashay holac la damin la’yahay. Dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, balse weli lama hayo diiwaanka magacyada, inta lab ah iyo inta dhedeg ah, iyo waliba carruur. Diyaarada ayaa waxaa ku dhintay dad gaadhaya 157 ruux, oo 8 kamid ah ahaayeen shaqaalaha diyaaradda. War ka soo baxay shirkadda Eithiopian Airlines ayaa lagu xaqiijiyay in aysan jirin qof ka badbaadey shilka diyaaradeed, islamarkaana ay dhinteen dhamaan dadki saarnaa oo kasoo kala jeeda 33 dal. Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa ku dhacday meel u dhaw magaalada Bishoftu oo 60-KM u jira magaaladda Addis Ababa saacaddu markii ay ahayd 8:44 daqiiqo waqtiga Geeska Africa . Diyaaradda ayaa kasoo duushay Garoonka diyaaradaha Bole International Airport 8:38 subaxnimo, iyadoo lumisay xidhiidhka Isgaadhsiinta kahor inta aysan burburin 6 daqiiqadood kadib markii ay hawada gashay. Ra’iisul Wasaaraha Eithiopia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay shilka diyaaradeed, iyagoo tacsi u diray eheladda ay dadkooda ku dhintay musiibadda. Illaa hadda lama shaacin sababta ka dambeysa burburka diyaaradda, balse Shirkadda Eithiopian Airlines ayaa sheegtay inuu socdo baadhitaan, islamarkaana ay u dirtay goobta Koox khubarro ah. Halkan hoose riix Abiy Axmed oo…………. Office of the Prime Minister – Ethiopia‏Verified account @PMEthiopia FollowFollow @PMEthiopia More The Office of the PM, on behalf of the Government and people of Ethiopia, would like to express it’s deepest condolences to the families of those that have lost their loved ones on Ethiopian Airlines Boeing 737 on regular scheduled flight to Nairobi, Kenya this morning .Liiska Jinsiyadaha Dalalkay ka soo jeedaan dadka ku dhintay. Liiska ay daabacday sharikadda diyaaradaha ee Ethiopian airlines ayaa ahaa sida hoos ku qoran. 32 Kenyan 18 Reer Canada 9 Itoobiyaan 8 Shiinees 8 Talyaani 8 Ameerikaan 7 Faransiis 7 Ingiriis 6 Masaari 5 Jarmal ah 1 baasaboor Qaramada Midoobay watay 4 Hindi 4 Slovakia 3 Australia 3 Ruush 3 Sweden 2 Spain 2 Poland 1 Indonesia 1 Ireland 1 Rwanda 1 Sucuudiga 1 Soomaali 1 Serbia 1 Nepal 1 Nigeria 2 Morokaan 2 Israaiiliyiin 1 Biljim 1 Ugandhiis 1 Yemeni 1 Sudaniis 1 Togo 1 Muzambiik 1 Norway Qaran News
  4. Sida Puntlandi.com loo xaqiijiyay Dadka saaraa Diyaaradii saaka ku burburtay Itoobiya oo ay ku geeriyoodeen 149 qof iyo 8 shaqaalava Diyaarada ah. Dadka saaraa Diyaarada [...] Source
  5. Maarso 10 2019, Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland, ahana Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Maarso, 10, 2019 daahfuray shir looga hadlay [...] Source
  6. image.png Sida ku qoran bogga 3aad ee buugga “The last Sorcerers from Alchemy to periodic table” ee la daabacay sannadkii 2003-dii, inkasta oo ay khaldanayd aragtida ah in walxaha dunida yaallaa ay idil ahaan ka samaysan yihiin afar curiye – Dab, Biyo, Camuud iyo Hawo – haddana reer Yurub waxa ay aragtidan aaminsanaayeen in ka badan labaatan qarni iyo badh (2500 oo sannadood). Waa aragtidii ugu wakhtiga dheerayd ee iyada oo khalad ah haddana lagu sii dhegganaa, iyada oo ku dhegganaanta aragtida khaldan looga dhaadhacay gefaf ka waaweyn sida in ay Reer Yurub u hoggaamisay in ay raadiyaan “Dhagaxa Faylasuufka” iyo “Biyaha nolosha” oo labaduba ahaayeen been ay raadinteeda wakhti badan ku lumiyeen, dedaal xooganna ku khasaariyeen. Yeelko e aragtida afarta curiye waxa halkeeda lagaga dhaqaaqay qarnigii 18aad kolkii la helay qaar badan oo ka mid ah curiyayaasha aynu maanta naqaanno oo uu ugu horreeyey curiyaha Fosforos (Phosphorus). Inkasta oo curiyahan la helay qarnigii 17aad, haddana waxa uu ahaa curiyihii koowaad ee lagu helay dariiqo aqoonaysan (Experimental Procedure), xadhiggana ka jaray jidka lagu soo helay idil ahaan curiyayaasha kale oo dhan. Sidaas si la mid ah ayaa aragtiyo badan oo khaldanaa inta ay doontaba ha ku qaadato in lagu ogaado khaldanaantooda e uu Saynisku uga guuray, illaa welina kama ay dhammaan Sayniska gudihiisa aragtiyo weli khalad ah in la aaminsanaado oo iyagana mar uun salkooda la soo taaban doono. Guud ahaan sayniska waxa aan u kala jabin karnaa laba qaybood oo waaweyn, innaga oo ku salaynayna illaa xadka jiritaankiisa la hubo shayga: 1. Qayb run la taabtay ah: waa qaybta sayniska ah ee laboratory-ga lagu hubiyey jiritaankeeda sida unugga (cell), atamka, Bakteeriyada, Fayraska, iwm. Kuwani waa xaqiiqooyin uu saynisku taabtay oo aanu jiritaankoodu muran lahayn. 2. Qayb aragti ah oo aan weli la xaqiijin: qaybtan waxa ka mid ah aragtidii Daarwin ee horumarka noolaha (Evolution), aragtida nolosha iyo sida ay u bilaabmatay, aragtida qarixii weynaa iwm. Qaybtan marka xaqiiqadeeda uu Saynisku soo taabto laba midkood ayaa ay noqon doontaa; in ay rumowdo oo ay ku biirto qaybta hore ee xaqiiqooyinka sayniska ah iyo in ay beenowdo oo halkaas lagaga dhaqaaqo sida aragtidii afarta curiye ee aan kor ku soo sheegay oo kale. Sida aad arkayso, Qaraxa Weyni waxa uu ku jiraa qaybta Sayniska ah ee aragtida uun ku kooban ee aan weli la xaqiijin, khaladka koowaad ee durba soo muuqda ayaa ah in Qur’aanka oo ah kitaabka kali ah ee 100% ah run biyo-kama-dhibcaan ah lagu macneeyo shay aan weli la hubsan xaqiiqnimadiisa oo laga yaabo in uu hadhow beenoobo! Haddaba sidee ayaa uu Saynisku innoogu sheegay in uu qaraxani u dhacay? Maxaa sababay inuu dhaco? Sidee ayaa qaraxan dhiciddiisu ay u abuurtay dunidan? Bal saynisku ha innooga jawaabo, aniga oo ka soo xiganaya buugga caanka ah ee “Chemistry of the Elements” daabacaaddiisaa 2aad ee soo baxday sannadkii 2005-tii ee ay wada qoreen “N. N. Greenwood iyo A. Earnshow” bogga 1aad illaa 5aad. Nuxurkiisa aniga oo soo koobaya waxa uu yidhi buuggu: “Aragtida sida ballaadhan la iskugu raacsan yahay ee samaysanka dunida laga soo bilaabo aasaaskeedii illaa iyo maanta waa aragtida “Qaraxa weyn ee kulul”. Waxa laga soo qaaday in maatarka (the Matter) dunida yaalla oo dhani uu mar isku wada ahaa hal bu’ oo aad u culus oo aasaas u ahayd idil ahaan maatarka oo dhan (One primeval nucleus of immense dense) taasi oo cufkeedu ahaa qiyaastii 1096g/cm3, heer-kulkeeduna ahaa qiyaastii 1032K. Kulaylkaas aadka u sarreeyaa waxa uu sababay in uu qarxo maatarkii kali ahaa ee markaas jiray, waa qaraxii weynaa e, kaasi oo si siman dunida ugu qaybiyey maatarka maanta yaalla. Mar kasta oo uu wakhtigii qaraxa laga sii fogaado, waxa hoos u dhacayey heer-kulka maatarkan qarxay oo sababayey inuu qaboobo maatarkani. Markaas ayaa waxa aasaasmay afarta xoog ee dunida sameeyey – Xoogga cuf-is-jiidadka, xoogga birlab-danabeedka (electromagnetic force), xoogga awoodda badan ee bu’da (strong nuclear force) iyo xoogga itaalka yar ee bu’da (weak nuclear force) – afartan xoog oo midiba shaqo gaar ah qabtay, isu geynta shaqooyinkooda waxa ka aasaasmay bilowgii dunida maanta aynu joogno”. Intaas haddii aan buugga nuxurkiisa ku soo koobo, Saynisku waxa uu sheegay in Qaraxani dhacay 13.8 bilyan oo gu’ hortood, iyada oo uu saynisku male-awaalay in ay dunidu soo unkantay wakhtigaas. Sida kaaga muuqata, waxa jirta su’aalo badan oo aanay aragtidani ka jawaabin: Maxaa ka horreeyey Qaraxan Weyn? Halkee ayuu ka yimid maatarkan qarxay qudhiisu? Duni aanay jirin il ay tamari ka timaaddaa, halkee ayaa uu kulku ka yimid oo dabcan tamar ah? Si haddaba su’aalahan iyo boqollaal su’aalood oo kale jawaab loogu helo, waxa la sameeyey mishiin loogu magac-daray “Large Hadron Collider” oo ujeeddadiisa ugu weyni ay tahay in lagu tijaabiyo isla aragtidan Qaraxa Weyn runnimadeeda. Shabakadda Wikipedia sida lagu daabacay, mishiinkan oo noqonaya ka dunida ugu weyni waxa uu dhereran yahay 27-km, waxa laga dhisay xuduudka u dhexeeya Iswiisarlaan iyo Faransiiska, waxaana dhismihiisa ka qayb-qaatay in ka badan 10,000 oo ka mid ah saynisyahannada casrigeennan, iyo boqol waddan iyo boqollaal jaamacadood o caalamka ah. Dhismaha qalabkani waxa uu socday laga soo bilaabo 1998-kii illaa 2008-dii, iyada oo tijaabadii koowaadna la bilaabay sannadkii 2010-kii. Inkasta oo aan weli wax natiijo ah laga hayn tijaabadaas, haddana aragtida Qaraxa Weyni waa mid weli aragti uun ku kooban oo aan xaqiiq ahayn ama weli saynisku xaqiijin. Aayadda 30aad ee Suuradda Anbiyaa’ ayaa ah aayadda kali ah ee ay daliishadaan dadka ku dooda in Qur’aanka lagu sheegay Qaraxii Weynaa. Aayaddan kolka la macneeyo sida ku qoran kitaabka Ibnu Kasiir ee Tafsiirka, majallada 9aad waxa ay noqonaysaa: “Kuwa gaaloobay miyaanay arkayn in dhulka iyo cirku ay isku dhegganaan jireen oo aanu kala goynay”, qaybta hore ee aayadda waa intaas macnaheedu, waana inta loo daliishado Qaraxa Weyn. Maxaa ay ku kala duwan yihiin Aayaddani waxa ay sheegtay iyo Qaraxa weyn ee saynisku sheegay? Qur’aanku waxa uu sheegay in koonka qaybo ka mid ahi abuurnaayeen, kaliyana ay cirka iyo dhulku isku dhegganaayeen oo la kala furay, halka saynisku ka sheegay in Qaraxa Weyn hortii koonkuba aanu jirin oo kaliya xabbad maatar ah oo weyn ahaa, markii uu maatarkii qarxayna uu koonka aasaasankiisu halkaas ka bilaabmay. Waa kala duwanaanshaha koowaad, waana kala duwanaansho aad u weyn oo aan cidna ka qorsoonayn. Sida axaadiisi caddaysay kuna qoran buugga Alkamilu fi taariikh ee uu Ibnu Asiir qoray, biyaha ayaa ahaa waxyaabihii ugu horreeyey ee uu Ilaahay abuuray intii aanu dhulka iyo cirkaba abuurin. Biyuhu waxa ay ka samaysan yihiin labada curiye ee Haydarojiin iyo Ogsajiin, abuurkooduna waxa uu ka horreeyey ka hor intii aan cirka iyo dhulkaba Ilaahay abuurin oo ah in ay ka horreeyeen kala furankii cirka iyo dhulka. Halka uu saynisku sheegayo in curiyayaasha dunida yaallaaba ay samaysmeen Qaraxa Weyn kadib. Haddiiba uu kala furanka cirka iyo dhulka ay Aayaddu sheegaysaa ahaan lahaa Qaraxa Weyn ee saynisku sheego, waxa ay isku raaci lahaayeen in curiyayaashu aasaasmeen Qaraxa kadib laakiin immika halkaasna si aad ah ayey ugu kala duwan yihiin. Waana kala duwanaanshaha labaad oo aad u weyn. Saynisku waxa uu rumaysan yahay in afarta xoog ee aan kor ku soo xusay ay dunida abuureen, isaga oo mar walba diidaya in uu yidhaahdo Ilaahay ayaa dunida abuuray. Si kale, aragtida Qaraxa Weyn haddii aynu qaadanno, waxa ay dafiraysaa in Ilaahay koonkan abuuray iyada oo abuurka koonka siinaysa xoogag afar ah! Ka warran qofka yidhaahda aragti diiddan Ilaahay abuuriddiisa iyo jiritaankiisaba ayaa Qur’aanka lagu sheegay? Waa kala duwanaanshaha saddexaad, waana ka ugu weyn ee aan sinaba loo qaadan karin, sinaba aan suuragal uga dhigayn in Qur’aanka lagu sheego aragti sidan ah. Gebgabadii, Qaraxa Weyn Qur’aanka laguma sheegin, meelna kagama jiro, Aayadda loo daliishadaana waa aayad illaa xad ka duwan Qaraxa uu Saynisku sheego sida aan halkan ku caddeeyey. Qof wal oo Muslim ah oo ku khaldamay aragtidan Qaraxa Weyn oo meel khudbad kaga jeediyey in Qur’aanka lagu sheegay, ama buug ku qoray ama si kaleba u qiray ha ka toobad keeno, gefkaas waxa loogu cudur-daari karaa aqoon la’aantiisa, wixii dambe oo dhanna ha iska hubsado inta aanu Qur’aanka iyo Muqaddasaadka Islaamka la doonan. Haddii aynu Qur’aanka u afduubno Sayniska, Qur’aanku waa uu khaldamayaa oo hadba aragti aan la hubin ayaa aynu ku khasbi doonnaa in Qur’aanka lagu sheegay, hadhaw marka ay beenowdana uu weynidii Qur’aanka iyo xaqiiqanimadiisa shaki la gelin doonaa, haddii se aragtiyaha Sayniska ah lagu hubiyo Qur’aanka, Saynisku waa uu saxmi doonaa. Qore: Maxamed Sharma’arke Email: Sharmaake91@gmail.com Facebook.com/Maxamed Sharma’arke Qaran News
  7. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan DFS ayaa maanta ka qayb galay janaasada iyo aaska Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, jimcihii geeriyooday. Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka xukuumadda federaalka Soomaalya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa lagu aasay Qabuuraha Isbitaal madiina Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Marxuumka Allaha uga baryay in uu u naxariisto, ayaa caddeeyay in uu xukuumaddiisa uu ka baxay mid kamid ah wasiirradii ugu kartida badnaa isaga oo ku sifeeyay Wasiir Cabdiraxaan Xoosh in uu ahaa halyaay qaran oo ay ku wayntahay Soomaalinimada, daacad ah, howl kar ah, ka maran musuq-maasuq, shaqo badannada geliyay qabya-tirka dastuurka iyo qoriddii dastuurka KMG ee hadda lagu shaqeeyo. Marxuum Xoosh oo dhashay 1956, ayaa waxbarashadiisa heer jaamaadeedna ku qaatay dalka Canada, ayaa xubin kasoo noqday baarlamaankii 9-aad, waxa uuna sidoo kale laba jeer noqday wasiirka Arrimaha Dastuurka, isaga oo hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay August 2012-kii. Halkan hoose ka Daawo Sawirrada:- View the full article
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Garoonka diyaaradaha ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho waxaa laga soo dejiyay meydka marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta ka qayb galay janaasada iyo aaska Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, jimcihii geeriyooday. Calanka Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu dahaaray isla markiiba laga soo saarey gudaha diyaaradda. Intaasi kadib, cutubyo kamid ah ciidamada qaranka ayaa meydka siiyay salaam sharafeed kahor inta aan Salaada Janaazada lagula tukan gudaha madaarka, waxaana salaadda hoggaaminayey Sheekh Kenyaawi. Mas’uuliyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ku xigeenkiisa iyo xubno kamid ah qoyska Marxuumka ayaa ka qeybgalay Salaada. Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka xukuumadda federaalka Soomaalya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa lagu aasay Qabuuraha Isbitaal madiina. Marxuum Xoosh oo dhashay 1956, ayaa waxbarashadiisa heer jaamaadeedna ku qaatay dalka Canada, ayaa xubin kasoo noqday baarlamaankii 9-aad, waxa uuna sidoo kale laba jeer noqday wasiirka Arrimaha Dastuurka, isaga oo hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay August 2012-kii.
  9. Dhuusomareeb (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa maanta gacanta ku dhigay rag Burcad oo la sheegay in saacadihii la soo dhaafay gawaari Xamuul ah ay ka Afduubteen duleedka magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Raggan oo gaarayay illaa 4 Qof ayaa waxa ay ciidamadu ku soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen agagaaraha magaaladaasi. Qaar ka mid ah saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorshe looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca deegaanada maamulkaasi. Muddooyinkii dambe waxaa falal lidi ku ah amniga ay ku soo badanayeen qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa sheegayAllaha u naxariistee in wasiirkii Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil uu ku guuleystay inta uusan geeriyoon waxyaabo fara badan oo la xariira dhameystirka Dastuurka KMG ah ee dalka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in meel wanaagsan uu u marayay Dastuurka oo uu ku rajo weynaa in dhameystirkiisa. Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku dhintay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho. View the full article
  11. Waxaa maanta oo Axad ah magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ku kulmay xildhibaannada baarlamaanka maamulka Jubbaland. Kulankan ayaa ahaa midkii 67-aad ee Kalfadhiga Afaraad, waxaana soo xaadiray 43 mudane, iyadoo looga hadlay xeerka biyaha Jubbaland oo horey usoo meelmariyeen golaha wasiirada ee maamulkaasi. Xildhibaannada ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey xeerkan, waxaana hadda uu xeerkan u gudbay dhanka madaxweynaha Jubbaland. Source: goobjoog.com
  12. Shilalka Gaadiidka ee dalka ka dhacaa waxa ay inoola mid Noqdeen dhibaatooyinka Caadiga ah ee sida maalinlaha ah u dhaca, Shilkastoo dhaca wax cashar ah ama waayo-aragnimo ah kama qaadano, Waynu aragnaa, inta dhimatana samir iyo Iimaan baa la dhahaa inta dhaawaca ahna Dadkooda ayaa la tacaala oo ma Hellaan Dhakhtaro Bilaasha oo shilalka gaadiidka u xil saaran, ma jirto Xusuus iyo Xabaalo iyo cid si gaara loogu xusuusan karo oo lagu qoray innay shil gaadhi ku dhinteen si ay cashar innoogu noqoto maxaa yeellay waxa aynu ognahay oo aynu aragnay, Maqalnay, in Haldooro, Culimo, Abwaano, aqoonyahano, shacab, masuuliyiin dawladeed, arday, oo intuba rag iyo haweenba leh ay naftooda ku waayeen shil gaadhi, ama ay ku laxaad beelleen, oo ku hanti beelleen. Markasta oo gaadiidku bato waa markasta oo shilku bato, markaa waa in la hellaa wacyi joogtaa, Shuruucdii waddo marista oo la adkeeyay lana fuliyey, Goobo iyo Cisbitaalo ku haboon in lagu dabiibo dadka Shilalka gaadiidka ku waxyeelooba, Calaamadihii waddooyinka oo dhammeystiran, Ciidamo ku tababaran shaqadan iyo Bulsho aqbasha Shuruucda iyo Nidaamka waddo marista taasi waa xalka ugu wayn ee lagu yarayn karo shilalka gaadiidka ee joogtada u socda. In Shil dhaco waa Qadar Alle se haddana dhibkasta oo dhacda waa in cashar iyo waayo-aragnimo laga dhaxlaa, si go’aamo looga qaato shilalka Joogtadda ah. Waxa isku darsamay Darawal xumo, magaalooyinka qaarkood oo waddooyin xun, iyo Ciidamadda Nabad gelyadda oo Wakhtiyadda Qaarkood aan si saxa uga hawl galin Goobaha ku haboon, waddooyinka Qaarkood oo aan la isku waydaaran karayn, Dayac ka yimaada xagga Wadayaasha, gaadiidka oo qaarkood wakhti badan shaqeeyeen oo Burbureen iyo Calaamadaha Gaadiidka kala haga oo aad u yar ama aan Meelo badanba ka jirin. Isku soo duubboo Shilalku waa ay sii badanayaan waxaanna aynu u baahan nahay in aynu Qorshe iyo Ka hor tag adag ka yeellano haddii kale waxa aynu noqon dad intay Gawaadhi helleen kadibna ka dhaxlay Dhimasho, dhaawac, khasaare maaliyadeed iyo Dhibaato kale ee bulshaddu dareemayso. Inta Gaadiid jiro Shilna waa dhacayaa se inta gaadiid jiro waa in ka hortagiisuna jiraa oo markasta Lagu xisaabtamaa Xal u helida dhibkan. Dadkeenna aqoonta leh ee jecel innay Dhibkan ka hor tagaan si aqoomaysan waxaan ka ballanqaadayaa in aan ana ka caawiyo Cilmi baadhisyo badan oo aan ka sammeeyay oo xalkooda wata. Haddii aad darawal tahay fadlan markasta isku day Badbaadinta bulshadda oo ka fikir Sidii aad xawaare degan ugu waddi lahayd dadka ku saaraan kuna xisaabtan haddii Gaadhi ama wax iska socdaa kaa hor yimaadaan innaad gaadhigaaga maareyn kartid. Dhammaan intii Maanta shilkan wax ku noqotay Alle ha cafiyo oo caafimaad sareecanna Alle ha siiyo. Waxaanan soo jeedin lahaa in shirkadaha Gaadiidka ee socdaalada la xadido xawaaraha ay ku soconayaan inta ay safarka ku jiraan kii ka badiyana la ganaaxo Liisanka lagala noqdo. Anigu waxaan aaminsan ahay in haddii sharciyadda iyo dastuurkeenna lagaga shaqaysiino in wax badani saxmi lahaayeen oo hagaagi lahaayeen shilalka gaadiidkana Sharci adag looga sammayn lahaa haddii kii hore u baahdo wax ka beddel. Aynu wacyi galinta badino oo iskeen isku abaabulno sidii aynu uga hor tagi lahayn dhibkan. Farxaanmxd@gmail.com Berbera Facebook:- Rakad Mxd Sultan Qaran News
  13. Kampala (SMN) – Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa ku sugan uu la bixi doono, haddii Qaramada Midoobay ay ku adkeysato dhimista ciidamada AMISOM. Mr Museveni ayaa xusay in Soomaaliya ay ka joogaan 6,400 oo askari, waxaana hore golaha ammaanka ee QM uu ku wargeliyay in dhamaan ciidamadaasi uu la baxayo. Madaxweynaha Uganda ayaa hadalkaasi dhawaan ka jeediyey shir ay isagu yimaadeen wasiiro ka socday dalalka harooyooyinka waaweyn oo ka dhacay magaalada Kambala “Al Shabaab waxaa weli ay halis weyn ku yihiin ammaanka Soomaaliya,waxaana gacanta ku hayaan deegaano badan”sidaasi waxaa yiri Yuweri Museveni madaxweynaha Uganda. Museveni ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee dalalka ciidamada ay joogaan Soomaaliya uu ku goodiya in ciidamadiisa qeybta ka howlgalka AMISOM uu kala baxaya gudaha Soomaaliya. Horay ayaa waxaa hadalkan oo kale ku hanjabay madaxweynaha dalka Burundi Bayer Nkurunziza oo sheegay in ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya, kadib markii lagu amray in uu Soomaaliya ka saaro 1,000 askari oo ka tirsan ciidamadiisa. Golaha ammaanka ee QM ayaa sannadkii 2017 soo saaray qaraar gabi ahaanba Soomaaliya looga saarayo ciidamada AMISOM sannadka 2020, xilligaasoo ammaanka dalka ay la wareegayaan ciidamada Soomaaliya. View the full article
  14. Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in lagu dhex dilay Iskuulka Mujammac mid ka mid ah ardayda dhiganeysa iskuulkaasi. Ardaygan waxaa dilay arday kale oo la sheegay in shalay uu gacan ka hadal dhex maray, hase ahaatee uu maanta soo qaatay Mindi islamarkaana ku dhuftay xilli fasalka lagu jiray, ardayga la dilayna uu ku mashquulsanaa qorista duruusta. Ardayga dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Macallin, waxaana la qabtay ardagii gacan ku dhiiglaha ahaa xilli uu isku dayey inuu halkaasi ka baxsado. Macallimiinta iyo maamulka Iskuulka ayaa sheegay in arrintan ay naxdin ku noqotay maadaama aanay fileyn in fal sidaas oo kale ah ka dhici karo fasalkooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines ayaa maanta burburtay, Lix daqiiqo kadib markii ay ka kacday garoon ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Afhayeen u hadlay Ethiopian Airlines ayaa sheegay in diyaaraddan ay ku wajahneyd magaalada nairobi ee dalka Kenya, waxaana saarnaa 157 qof oo 8 ka mid ah ahaayeen shaqaalaha diyaaradda. Lama oga waxa keenay in diyaaraddan ay burburto, waxaana warbaahinta qaar ay sheegayaan in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda ay dhinteen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. The Prime Minister of Somalia, Hassan Ali Khaire is expected to pay his first visit to Kismayo, a port city in Southern Somalia in the coming few hours. Jubbaland State is in final preparation for the welcoming of the country’s PM, who is currently in Mogadishu the state funeral of the late constitution minister, Abdi Hosh Jibril. The security of Kismayo has been extremely tightened ahead of the PM’s arrival, with state troops deployed across the main streets. The relations between Jubbaland and the central government has been at a low point in the past years following a fall out over the resources sharing and other national issues. View the full article
  17. Baladweyne (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya arday barqanimadii maanta lagu dhex dilay iskuul ku yaalla xaafadda Kooshin magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Marxuumka geeriyooday oo magaciisa lagu soo koobay Cumar ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay Arday kale oo ay wada dhiganayeen iskuulka hoose dhexe iyo sare ee Mujamac Baladweyne. Dilkan oo loo adeegsaday Toorey ayaa ka dhacay gudaha Iskuulka, kadib markii ay wada murmeen labada Arday, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo. Sidoo kale waxa uu dhaawac soo gaaray Shuceyb Xasan oo ahaa Ardaygii falka dilka ah geystay, kaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka guud ee M/Baladweyne. Illaa iyo hadda ma jiro warar faah faahsan oo uu maamulka Dugsiga iyo kan degmada Baladweyne ay ka bixiyeen dhacdadaasi. Arrintan ayaa walaac iyo wal-wal xoogan ku reebtay waalidiinta, Ardayda, macalimiinta iyo maamulka Mujamac, maadaama fal dil ah uu ka dhacay Iskuulkaasi. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-10032019.mp3 View the full article
  19. Allaha unaxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho Aas qaran loogu sameeyay wasiirkii dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriill . Aaska wasiirka ayaa waxaa ka soo qayb [...] Source
  20. A joint team from the United Nations and the African Union (AU) is in Somalia to review progress made in implementing the transition plan whose key objective is the transfer of security responsibility from the AU peacekeeping mission to security forces, the AU mission said on Friday. The delegation led by Francis Okello, chief of plans and operations Unit in the AU’s Peace Operations Support Division, will evaluate steps taken by AMISOM in implementing tasks under the transition plan as mandated by the UN and AU councils. “There were some mandates issued by the two councils (UN and AU) to be undertaken by this Mission. The joint review will definitely be looking at those mandates and also focus on the Somalia Transition Plan,” Okello said in a statement issued by the AU mission. A UN Resolution authorized the reduction of uniformed AMISOM personnel by 1,000 by end of February. The resolution also mandated AMISOM to maintain a minimum of 1,040 police personnel including five formed police units. During the week-long visit, the delegation will meet with the AMISOM senior leadership, officials from the government, the UN, representatives of international partners, diplomats from AMISOM troop contributing countries and the European Union. The delegation will also hold discussions and analyze Somalia’s political and security situation as the country prepares for one-person, one-vote elections in 2020-2021 period. Vincent Pasquini, Team Leader of the UN delegates said the review would look into issues of transition planning, electoral preparations and the operating environment in Somalia. During the joint review meeting held in May 2018 Somalia reiterated its commitment to assume security responsibility as stipulated in the transition plan. It urged the review team not to judge the country by its past but by achievements so far made in stabilizing the country. View the full article
  21. A court in Kuwait has sentenced a Somali woman to four years imprisonment after she was convicted of a murder case. The woman whose name was publicly mentioned was said to have stabbed her brother to death. According to Al-Anba daily, the prosecutors submitted their evidence against the woman. The woman killed the victim in September last year after a dispute sparked between the two. The prosecution said the man was rushed to the hospital and later was declared dead upon. The defence lawyers said their client had pleaded that she did kill the victim deliberately and was in defence position during sprawl. The court declared the verdict on Saturday and the convict was offered a chance to appeal. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Diyaarad sida Meydka Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibiil ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, aas Qaran oo lagu maamuusayo marxuumka ayaa hadda ka socoto magaalada Muqdisho. Salaadda Janaasada ayaa lagula tukaday marxuumka garoonka Aadan Cadde, waxaana ka qayb galay Guddoomiya Aqalka Sare Guddoomiayaha ku-xeegnka labadaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul wasaaraha XFS,guddigii loo xilsaaray Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo kala ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka, Mas’uuliyiin kale qaar kamid ah Culumaa’diinka Soomaaliyeed, ehelada marxuumka iyo dadwayne farabadan. Waxaa maydka marxuumka lagu aasayaa qabuuraha ku yaalla dhabarka dambe Isbitaal Madiina.Marxuum C/raxmaan Xoosh wuxuu ahaa shaqsi karti badan kuna sifoobay dal jacayl,isagoo aqoontii uu bartay uga faa’ideeyay dalkiisa iyo dadkiisa. Taariikh nololleedkaMarxuum EX. Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil Marxuum Cabdiraxmaan XooshJabriil wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, 25-kii bishii Juun ee sannadkii 1956-dii Waxbarashadiisii dugsiyada hoose, dhexe iyo sareba wuxuu ku soo qaatay magaalada Jowhar ,kadibna wuxuu magaalada si uu u guto tababarkii Xalane iyo Shaqadii Qaranka,Bartamihii todobaatameeyadii wuxuu aaday dalka Boqortooyada Sacuudi Careebiya halkaasi oo uu dhowr sano ka shaqaynayay, wuxuuna uga sii gudbay dalka Kanada, Marxuum Xoosh wuxuu shahaahada heerka koowaad ee cilmiga bulshada ka qaatay Jaamacad ku taalla Kanada, kadibna wuxuu shahaadadiisa masterka ka diyaariyay Culuumta sharciga, wabarashadiisii kadib isla dalka Kanada ayuu ka bilaabay Shaqooyin la xiriira dhinaca sharciga isago can ku ahaa gacan qabashada dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi qaxootinimada ku taga. Sannadkii 2011-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay,isla sanandkaas waxaa loo magacaabay Wasiirkii Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta ee Dowladdii KMG ahayd, xilkaas waxa uu hayay ilaa sannadkii 2012-kii wuxuuna gacan libaax ka qaatay ka gudbidda Axdi Qarameedkii lagu shaqeynayay, waxaana wasaaraddii Dastuurka ee uu madaxda ka ahaa marxuum wasiir Xoosh ku guuleystay in la sameeyo Dastuurka KMG ee hadda ka shaqeeya.dalka. Marxuum Xoosh Sannadkii 2012-kii waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan Barlamaankii 9-aad ee Soomaaliya, horaantii sannadkii 2017-ka ayaa marke Ra’iisul wasaare Khayre u magacaabay wasiirka Arrimaha Dastuurka, wuxuuna labadii sanno ee la soo dhaafay Dastuurka dalka uu soo gaarsiiyey heer gabogabo ah, si mustaqbalka dhow afti dadweyne loogu qaado. 8-dii Maarso 2019-ka ayuu ku geeriyooday waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta,sabab la xiriirta ka qaybgalka arooska Gabadhiisa oo halkaasi ka dhacayay, waxaana habeennimadii Jimcaha ku soo booday xanuun deg deg ah kaasi oo isbitaalka ugu geeriyooday.isla 8-da Maarso R’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa guddi heer Qaran ah u magacaabay qabanqaabada aaska qaran ee Wasiirkii hore ee Dastuurka XFS Marxuum Cabdiraxmaan Xoosha Jabriil.(INAA LILLAAHI WA INNAA ILLEYHI RAAJUCUUN). View the full article