Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 29-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 07/02/2019, waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasaaradaha Qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Iyo Xannaanada Xoolaha & horumarinta Kalluumaysiga oo qorshe hawleedkooda ku soo bandhigay golaha. Ugu horrayn waxa golaha wasiirada warbixin siiyey wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka oo ku dheeraaday mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda iyo kuwa qorshaysan, waxaanu wasiirku faah-faahiyey habsami u socodka hirgelinta qorshaha labaad ee horumarinta qaranka. isagoo golaha la wadaagay mashaariicda waaweyn ee laga maalgelinayo sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), EU, GIZ iyo hay’adaha kale ee caalamiga ahi ka fuliyaan dalka. Mashaariicdaas oo ahmiyad weyn siinaya siyaasadda xukuumadda ee ku salaysan wax-soo saarka, biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo waddooyinka. Sidoo kale wuxuu wasiirku xusay in sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) ay ku soo biirayaan dalal kale oo danaynaya inay qayb ka noqdaan sanduuqaasi, kuwaas oo ku qancay habka daah-furnaanta leh ee Jamhuuriyadda Somaliland u maamushay sanduuqa horumarinta Somaliland. Dhinaca kale, wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha & horumarinta Kalluumaysiga, ayaa golaha u sharraxay hawlaha shaqo iyo hiigsiga waxqabad ee wasaaradda, waxaanu tilmaamay in xoolaha iyo kalluumaysigu laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha dalka, isla markaana wasaaraddu ku hawlan tahay sidii loo horumarin lahaa. Waxaanu dul istaagay inay diyaariyeen xeerarka kala ah: Xeerka Qaranka ee Xannaanada Xoolaha. Xeerka qaranka ee Karantiinada Xoolaha. Xeerka Caanaha Iyo Siyaasadda qaranka ee Xannaanada Xoolaha Ugu danbayn garyaqaanka guud ee qaranka ayaa golaha wasiirada ka horjeediyey xeerka xafiiska garyaqaanka guud, waxaana golaha loo qaybiyey nuqullada xeerkaas. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  2. London (Caasimada Online) – Banaanbax looga soo horjeedo Shirka lagu suuqgeynaayo Shidaalka Soomaaliya ee goor dhow ka furmay Magaalada London ayaa ka socda Iridda Hore ee xarunta lagu shiraayo. Dad Soomaaliyeed oo sida ay sheegeen, kala yimid dalalka Yurub ayaa hor-taagan halka uu shirku ka socdo, waxaana ay sheegayaan in ay si weyn uga soo horjeeddaan in la beeciyo Kheyraadka Soomaaliya xilli aysan jirin dowlad xooggan. Si kastaba, dibadbaxayaahsa ayaa aad uga yar sidii la filayey. Ayada oo maalmahan ay socdeen guuxyo ku saabsan banaanbax bax xooggan oo la qorsheynayey, ayaa dadka kasoo hor muuqday hotelka ay u muuqdeen dad aad u yar, oo aan xitaa dhameyn 100 qof. Qiyaas ahaan waxay u muuqdeen 50 ilaa 70 qof, inkasta oo aan tiro rasmi ah laga hayn. Si kastaba, waxaa macquul ah in dadka ay gadaal kasoo bataan. Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda ay dadaal ku bixisay sidii loo baajin lahaa dibadbaxa ama ugu yaraan loo yareyn lahaa saameyntiisa. Shirkaan waxaa la soo bandhigi doonaa xirmooyin 50 (blocks) oo ah goobaha shidaalka ceegaaga ee Soomaaliya, kaasoo ah dhul ku teedsan 173,000 KM. Qorsha lagu suuqgeynaayo ayaa socon doona ilaa 11 July 2019-ka sidda ay sheegtay Shirkadda wadda qorshahaan. Shirkaan ayaa waxaa abaabulay xukuumada Federaalka ah, shirkada SOMOIL oo magac bedelatay iyo shirkada Spectrum oo dalka Norway laga leeyahay.
  3. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta ka hadlay xiritaanka shirka garsoorka ayaa weerar afka ku qaaday warfaafinta isaga oo ku eedeeyey in aaney ka hadlin wanaagga. Mudane Farmaajo oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri “waxaa kale oo jira Mediyaha oo hadda social meiyaha ay noogu darsameen, Media(Warbaahinta) waxna waa dhisaan, waxna waa dumiyaan, waa xaqiiqo weeye, waxaan rabaa in aan xuso kuwa ugu waaweyn, ma rabo in aan magacooda sheego, weligood waxa ay ka hadli jireen wax dhibaato ah, waxaa ay ka hadli jireen waxbaa la dilay, waxbaa la dhibaateeyey, weligood kama hadlaan waxa wanaagsan ama hal talaabo oo ay dowladdu qaatay kama hadlaan, micnaheedu waxaa ay tahay shacabka ay maalin walbo ku jiraan sidii ay u qab jabin lahaayeen ama rajada uga qaadi lahaayeen, haddii marka ay qeyb ka noqon lahaayeen dhismaha dowladda, oo ay sheegi lahaayeen waxa wanaagsan oo dowladdu qabatay, dalka dhibaatooyin badan ayaa heysta, cadaawad badan ayaa ku gaadaaman, iney gacan siiyaan inta dowladdu ka hana qaado, oo ka istaagto, markaas ay istaagto ayaa la oran karaa dumuquraadiyad loo kacay,oo dimiqoraadiyo ayaa la aaday”. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in dowladdiisu aaney ciidan iyo hey’ado dastuuri laheyn si wax looga sheego, isaga oo weriyeyaasha dibadda jooga sheegay inay lacag fiirsadaan “ laakiin dowladdu aan ciidan laheyn, oo institution iyo hey’ado aan noo disneyn, madax wax lagu dhaleeceeyo, hade waxaa weeye waa dad aan qeyb ka aheyn horumarka iyo dhismaha dalka, waxaan rajeyneynaa inshaa allah in medi-yuhu in dhismaha dowladda iyo dalkooda ka mid noqdaan, weliba kuwa gudaha ku jira ee dhalinyarada ah dadaal ayeey ka tahay, laakin kuwa dibadaha jooga culeys dhaqaale ayaa heysta, maxaa yeelay waxa ay ku jiraan deyman, marka waa in wax daran sheegaan si loo dhageysto, , uniximaayaan dalka Soomaaliyeed iyo meesha ay ka yimdeen, waxa ay mas’uuliyad ka saarantahay dantooda iyo baabuurka xunka oo ay wataan iyo guriga ay ku jiraan, mar arkaayan caruurta meel loo soo celiyo iyo mustaqbal loo sameeyo ma arkaan, waxaa ay ka hadlaan wax ay Shabaab sameysay, waxaa ay ka hadlaan wax dowladda iyo shacabka iska hor keeni kara”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ay ku midaysan yihiin shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhowaan kasoo yeeray Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolajiyada Eng Cabdi Cashuur Xasan. Hoos ka aqriso war-saxaafadeed kasoo baxay shirkadaha Bishan Feberaayo 2-­‐dii 2019 waxaa saxaafada la hadlay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolajiyada Eng Cabdi Cashuur Xasan isagoo ka hadlay arrimo la xiriira Isgaarsiinta dalka gaar ahaan Shirkadaha bixiya adeegyada Isgaarsiinta, kuna sheegay in shirkaduhu yihiin sharci darro haddii aysan is-­‐diiwaan gelin bishan Febaraayo gudaheeda, isla markaana ku goodiyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono Shirkadaha Isgaarsiinta. Haddaba Ururka USIS oo ah Urur ay ku mideysan yihiin Shirkadaha bixiya adeegyada telefoonada iyo Internet-­‐ka ee hoos ku xusan oo ka jawaabaya qodobadaas wuxuu War-­‐saxafadeedkan ku caddeynayaa: In dhamaan Xubnaha Ururka ay leeyihiin sifo jiritaan sharci iyo in ay yihiin Shirkadii Isgaarsiinta oo dalka ka soo shaqeynayay mudda aad u dheer, ay leeyhiin ruqsado adeeg bixin, ayna diyaar u yihiin nidaaminta iyo waafajinta sharciga dhamaan adeegyada ay bixiyaan si waafaqsan Sharciga Isgaarsiinta. Waxaa wax laga xumaado ah in Wasirku ku adkaysanayo diidmada sixitaanka khaladaadka go`aanadii uu qaatay, isagoo islamarkaa si bareer ah ugu qirtay warbaahinta gudaha iyo dibadda, in ay jiraan arrimo dhowr ah oo ku baalmarayo Sharciga Isgaarsiinta sida: In ay jiraan Shirkado gaar loo leeyahay -­‐sida uu Wasiirku sheegay-­‐ oo uu isagu u soo magacaabay xubno ku matala Guddiga Maamulka Hay`adda Isgaarsiinta taasi oo ah arinta muranka badan dhaliyay!! In Madaxweynaha JFS saxiixay sharci kala dhiman oo aan aheyn kii golayaasha Baarlamaanka soo ansixiyeen, taas oo shaki weyn galisay xalaal noqoshada Sharciga Isgaarsiinta Qaranka. Ururku wuxuu ka digayaa mar kale cawaaqib xumada ka dhalan doonta go`aanada la rabo in loogu daneeyo Shirkaddo gaar ah, halka kuwo kalana la rabo in suuqa looga saaro iyadoo la rabo in la meel mariyo cabirro khaldan ee qiimeynta iyo habraaca bixinta ruqsadaha iyo xuquuqa kale ee dalka. In aysan jirin cid hanjabaad iyo awood ku meel marin karta go`aano aan sharci aheyn, kana hor imaanaysa Sharuucda dalka iyo xeerarkii loo dajiyay maareynta iyo maamulka Isgaarsiinta dalka. Ururku wuxuu baaq u dirayaa Xukuumadda Somaaliyeed iyo inta u taagan danaha dalka iyo dadka in laga hortago marin habaabinta hadafkii Sharciga. –DHAMAAD—
  5. Xukumadda Muuse Biixi Oo Shakhsiyaad Ku Wareejisay Carwadii Hargeysa Xukumadda Madaxweyne Biixi ayaa ganacsato dhawr ah ku wareejisay dhismaha Carwadii Magaalada Hargeysa. Waxa dhismaha laga saaray ganacsato yaryar oo degana si ay si buuxda ugula wareegaan ganacsatada lagu wareejiyay. Dhismahan qadiimiga ah ee Carwada Hargeysa waxa ku jiray Dhakhtarkii Marxuum Ina Aw Aadan iyo qoysas kale oo danyar ah, waxaana hadda laga saaray dhammaan-ba dadkii ku jiray,kuwaasi oo faaruqiyey dhammaan-ba barxada iyo gudaha dhismaha ee ay ku jiraan,iyada oo hada ay Ganacsadayaasha lagu wareejiyey qufusheen dhismaha sida uu xogo ku helay wargeyska Waaberi oo wariyeyaal ka socda dhismaha tageen. Xogo uu wargeyska Waaberi ka helay ila wareed-yo u dhuun daloola dhismaha , ayaa sheegay in ay dhismahaa iyo barxadiisiiba Xukuumaddu ku wareejisay Ganacsadayaal iskaashato ah waxaanay arrintani imanaysa iyada oo shalay madaxweyne Biixi sheegay in ay lix bilood murmayeen ganacsade xukuumaddii hore ku wareejisay dhismaha qadiimka ah ee khayriyadii hore. Dhismahaas ayaa markii dambe xukuumaddu xoog kaga saartay ganacsadaha. Waxaana la sheegay in madxaf Qaran laga dhigayo. Wariyeyaasha Waaberi oo u kuur galay dadka laga raray dhismihii Carwada ayaa ogaaday in dadka laga raray la siiyay kharash aan buurnayn oo ay halkaasi kaga guuraan. Qaran News
  6. Dib U Milicso Dayntii Siilaanyo Kala Wareegay Rayaale Oo Ay Ka Badan Tahay Daynta Biixi Kala Wareegay Siilaanyo Xukuumaddii Kulmiye ee sanadkii 2010 talada dalka kala wareegtay xukuumaddii UDUB ayaa fagaareyaasha ka sheegi jirtay in ay qasnad madhan iyo dayn kala wareegtay xukuumaddii Daahir Rayaale laakiin, sanad kadib xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Biixi hoggaamiyo waxa si lama filaan ah uga qaraxday xaddiga daynta ay kala wareegtay xukuumaddii Kulmiye ee Axmed Siilaanyo. Waa dayn ka badan tii Siilaanyo kala wareegay Rayaale. Marka la isla akhriyo dooddii wasiirkii hore ee maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo warbixin uu wasiirkii maaliyadda ee xilka kala wareegay xukuumaddii Riyaale Eng Maxamed Xaashi Cilmi qoray 2012 waxa muuqata in aanay lacagta la isku wareejiyay ahayn dayn rasmi ah oo dawladdu qaadatay laakiin, ay u badan tahay lacago dad laga qaatay oo aan nidaamka saxda ah marin ee dawladdu wax u daynsato. Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo sanadkii 2012 difaacaya miisaaniyaddiisii oo wasiirkii xilka kala wareegay ee Cabdicasiis Samaale naqdiyay naqdiyay ayaa sheegay in xukuumaddii Rayaale aanay wax dayn ah ka tagin laakiin, ay ka tagtay lacag todobaatan milyan ah oo siyaabo kale loo lunsaday. Lacagtaas waxay ka yar tahay lacagta 80-ka Milyan ee dollar ah ee xukuumaddii Siilaanyo ku wareejisay tan Madaxweyne Biixi. Dib u milicso qoraalkii Eng Maxamed Xaashi ee 2012 “Wargeyska Jamhuuriya, Vol.19 cadadka 4951 ee Axad, 21 October 2012 ayaa qoray hadal uu ka soo xigtay Wasiirka Maaliyadda oo ahaa; ‘Miisaaniyaddu 2012 waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’ Waxa jira 10 milyan oo dollar lacag gaadhaysa oo lagu qoray deeq amma deyn. Hadday tahay deyn miisaaniyadda ma galayo, hadday deeq tahayna, waayo ma jirto deeq toos la inoo siiyaa oo hay’aduhu waxay bixiyaan iyagaa toos u maamula. Waa laga yaabaa wixii wanaag ah ee dhaca in hoggaanka dalku qaybta ugu weyn yeesho, guul-darradana la wada yeesho ilaa hoggaanka u sarreeya. Haddii aan wax ka idhaa saddexdan arrimood ee Wasiirka Maaliyaddu ka hadlay; Miisaaniyadda 2012 ee aan wasiirka ku wareejiyey waxay ahayd odoros (Estimate). Odorosku wuu noqon karaa intii la qiyaasay. Wuu ka yaraan karaa, wuuna ka badan karaa. Waxaan meesha qaban, ‘Miisaaniyaddu waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’ Kalmadda buun-buunin waxay xambaarsan tahay khalad loola kacay, mid meesha qabatana ma aha. Wasiirku dhinaca kale wuxuu qirayaa in la gaadhi karo odoraska miisaaniyadda 2012 ee $106 milyan ah, aniguna waan qabaa sidaa. Qodobka kale ee 10 milyan oo dollar miisaaniyadda way ku geli karaan deeq amma deyn. Deeqda dalka Jamhuuriyadda Somaliland lagu caawiyo waa inay ka muuqataa miisaaniyadda qaranka, deyntuna waa inay iyana ka muuqataa miisaaniyadda oo labadaba lagu qoraa, miisaaniyadiihi horena way ku jiraan. Mucaawanada la ina siiyaa waa deeq dalka soo gashay, haddii aan deyn qaadanno amma baanka ka qaadanno amma tijaarteenna aan ka qaadannee waa inay galaan miisaaniyadda. Sidii horeba loo yidhi, xilku waa meerto, balse qof walba wuxuu ku suntan yahay, wixii uu qabto iyo waqtiga uu qabto. Haddii aan wax ka taabto amma is-barbardhigo; xaaladdii aan anigu kagala waareegay wasiirkii iga horreeyey iyo xaaladdii aan ku wareejiyay, wax badan baa u dhexeeya. Waxaan qabaa in wasiir Cabdicasiis iga nasiib wanaagsanaa. XAALADDDII AAN DHAXLAY: Guddidii loo saaray ee ka koobnayd; Hantidhawrka, Golaha Wakiilada iyo Wasaaradda Maaliyadda, waxay baadhitaankii ka soo bilowday 2002 ilaa July 2010. Markay kala jareen dakhligii dhabta ahaa iyo kharashkii dhabta ahaa. Waxa dheeri soo hadhay Sl/Sh. 322.7 bilyan ($53.7 milyan). Markaa waxay guddidaasi caddeeyeen in aanay wax deyn la yidhaa jirin. Waxase jiray lacag maamulkii Rayaale lunsaday oo gaadhaysay $70,295,820 doollar iyo hanti ma-guurta ah oo la lunsaday. Waxay noqotay in aannu bixinno deyntii ay dadweynaha ka qaateen, mushaharooyinkii dhowrka bilood taagnaa ee shaqaalaha iyo ciidammada iyo raashinkii, ciidammada, cusbitaallada iyo jeelasha, nidaam dhisan oo aan la wareegayna ma jirin. Qaran News
  7. I hope this email finds you well. Abdirahman Ibrahim Adan, a poet in Somaliland, has been in detention since 12 January. He was arrested after he had recited a poem the previous day in which he called on the Somaliland government to reform its prisons and criminal justice system. The Somaliland government has increased its efforts to clampdown on dissent since the current government administration took office. The government continues to target poets, journalists, as well as anyone perceived as being opposed to it, or any person from Somaliland who could be perceived as publicly being open to unifying with the rest of Somalia. Amnesty International is calling on the Somaliland government to immediately and unconditionally release Abdirahman Ibrahim Adan from arbitrary detention and to fully respect, protect, promote and fulfil the right to freedom of expression of everyone in Somaliland. See our Urgent Action here https://www.amnesty.org/en/documents/afr52/9798/2019/en/ Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah XIldhibaanada sida weyn uga soo horjeedo siyaasadda ay dowladda Soomaaliya ku maamuleyso Soomaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ayaa magaalad London geysay musuq iyo laaluush ay u dooneyso inay ku joojiso bannaanbax looga horjeedo shirka shidaalka Soomaaliya ee maanta ka dhacay London. Xildhibaan Fiqi oo ka mida mucaaradka sida weyn uga horjeeda shirkaasi ayaa si weyn u taageeray bannaanbaxa ay qabanqaabiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool UK iyo dalalka Yurub si ay uga hor jeestaan shirkaasi, isagoo qeyb ka ahaa dadka abaabulka shirka wax ka waday. “UK waa dal xor, oo dad Soomaaliyeed oo xor ay ku nool yihiin, kooxda Villa Somalia waxaa isaga qaldamay reer UK & barakacayaashii.. ha guulaysto banaanbaxa xaraashka Batroolka Somalia ka dhanka ah, ha guulaystaan wadaniyiintu…” ayuu yiri xildhibaan Fiqi oo farriin soo dhigay baraha bulshada. Waxaa soo baxay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay London u diray xubno uu ka mid yahay nin lagu magacaabo Cali Yare oo olole u galay inuu joojiyo bannaanbaxa isagoo u maraya laaluush, waxayna arrintan qabsatay baraha bulshada. Banaabaxa ayaa lasoo sheegay in gebi ahaanba la joojiyey waxaana qaar kamid ah dadkii banaanbaxa abaabulayey lagu daray ka qeybgalayaasha Shirka Lonodon ka dhacayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. The Somali oil and gas conference hosted by Spectrum, the seismic data processing company, has kicked off in London. The controversial conference will focus on the results of seismic surveys to be presented by Somalia and the company involved, according to Somali petroleum minister, Abdirashid Mohamed Ahmed. The minister who is in London together with a delegation from Somali government has dispelled the allegations that his plans to auction oil blocks during the event. Abdirashid said Somali government would not invite bids for offshore oil blocks at the London event. The Upper House National Resource Committee says the laws have not yet been passed to allow for the sale of any oil blocks. The post Somali oil summit opens in London appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Shirka mudan badan dhaliyay ee maanta ka furmaya magaalada London ee xarunta dalka UK. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Shirkaas uu daba-joogo Shir kan ka horeeyay oo lagu qabtay dalkaasi, islamarkaana lagu soo bandhigay Cilmi baaris lagu sameeyay Shdiaalka Soomaaliya Xiligii Dowladdii Xasan Sheekh. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaas lagu soo bandhigayo warbixin ku aadan shidaalka Soomaaliya basle aysan jirin wax la iib geynayo. Wararka sheegaya in la xaraashayo shidaalka Soomaaliya uu ku sheegay in aysan xaqiiq ahayn oo ay tabiyeen Mucaaradka dowladiisa. “Ma jirto shidaal la iibinayo iyo wax la xaraashayo, Shirkaas waxa uu daba joogaa shir kan ka horeeyay oo lagu soo bandhigayo daraasad laga sameeyay Shidaalka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Warbaahinta Soomaalida iyo kuwa kale ee Caalamka ayuu weeraray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. “Warbaahinta dunida ayaa buun-buunisay warka shidaalka ku saabsan, waxaa lagu leeyahay deeyn, qaarkood Ceymis ayey ku jiraan, si ay u helaan lacag iyo dhageestiyaal oo warkooda u gadmo ayey been ka sheegayn shirkaas” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. London (Caasimadda Online) – Waxaa maanta oo Khamiis ah magaalada London ee Britain lagu qabanayaa shir lagu soo bandhigi doono maclumaad la xiriira sahmin shidaal oo laga sameeyay Soomaaliya. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa natiijada sahanka waxaa soo bandhigi doonta shirkadda Spectrum. Inkastoo shir kan lamid ah horay loogu qabtay dalka koonfur Afrika, loogana hadlay shidaalka Soomaaliya ayaa haddana waxaa arrintan walaac ka muujiyay qaar kamid ah axsaabta siyaasadda Soomaaliya oo shirkaasi ku tilmaamay mid lagu “xaraashayo” kheyraadka dalka. waxaa jira warar badan oo been abuur ah oo gudaaman shirkan London. Balse wasiirka macdanta iyo batroolka ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa BBC-da u sheegay in sahankii la sameeyay uu muujinayo in Sooomaaliya laga helay cadeymo muujinaya shidaal, shirka London na lagu soo bandhigi doono. “Tallaabada xigta ee la qaadayo (Shirka kadib) waxay tahay, in shidaal in lasoo saaro wuxuu u baahan yahay sharciyad, xeerarkii inay diyaar yihiin, waxaan barlamaanka kala shaqeeneynaa in aan dhameystirno sharcigii shidaalka ee Soomaaliya oo dib u eegis lagu sameeyay, kadib ayaan bilaabi karnaa howlihii kale, shirka waa mid shirkadaha caalamiga ah loogu sooo jeedinayo inay arkaan kheyraadka dhulkeena”. Ayuu yiri wasiirka Batroolka ee Soomaaliya. Shalay waxaa warqad qoraal ah soo saaray guddiga kheyraadka ee Aqalka Sare, taas oo lagu sheegay in shirka London uu sharci darro yahay maadaamaa xeerkii batroolka aanan weli la ansixinin. Waxa kale oo guddiga Aqalka Sare uu sheegay in qodobka 44-aad ee dastuurka uu dhigayo qeybsiga kheyraadka dalka, halkaasna ay soo galayaan dowlad goboleedyada oo aanan waxbo kala soconin shirkan. Haseyeeshee wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirishiid Maxamed Axmed oo BBC-da la hadlay ayaa u muuqda in uu ka jawaabay arrintaas “Waa jira heshiis rasmi ah oo dowladda federaalka ee Soomaaliya ay la gashay dowlad goboleedyada sannadkii hore, bishii Juun 5-teedi, kaasi oo lagu saxiixay heshiiska la haanshaha maamulka iyo wadaagga kheyraadka batroolka iyo macdanta Soomaaliya oo ay ku caddahay dhamaan ciddii maamuli laheyd, yaa iskaleh, sidee loo kala qaadanayaa, dowlad goboleedyada maxay qaadanayaan, dowladda dhexe maxay maamuleysaa, dowlad goboleedka aan waxba soo saarin muxuu heli doonaa , intaasi oo dhan iyadoon wali wax xisabaad ah soo bixin ayaa lagu heshiiyay”. Sida ku xusan bogga shirkadda Spectrum ee ay dowladda u xilsaartay baarista xogta shidaalka, shirka waxaa la filayaa in dowladda ay kusoo bandhigto sharciga iyo xeerarka lagu hagayo maalgashiga shidaalka iyo hab-raacyada. Lama oga kuwa ay yihiin xeerarka iyo hab-raacyada ay Spectrum ka hadlayso mar haddiiba sharcigii shidaalka uusan baarlamaanka federaalka ansixinin. Hogaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo war saxaafadeed uu kaga hadlayo arrintan soo saaray ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay sharci darro, warbixinta sahminita shidaalka na horay loogu soo bandhigay Koonfur Afrika, waxa hadda London lagu qabanaya na uu yahay sidii xirmooyinka shidaalka ee Soomaaliya loo “xaraashi” lahaa. “Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (Auction) ama beecinayo shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan 2-da aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’addii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya”. Ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka. Balse wasiirka macdanta iyo batroolka ee Soomaaliya Cabdirashiid ayaa BBC-da u sheegay in sahankii la sameeyay uu muujinayo in Sooomaaliya laga helay cadeymo muujinaya shidaal, shirka London na lagu soo bandhigi doono. “Tallaabada xigta ee la qaadayo (Shirka kadib) waxay tahay, in shidaal in lasoo saaro wuxuu u baahan yahay sharciyad, xeerarkii inay diyaar yihiin, waxaan barlamaanka kala shaqeeneynaa in aan dhameystirno sharcigii shidaalka ee Soomaaliya oo dib u eegis lagu sameeyay, kadib ayaan bilaabi karnaa howlihii kale, shirka waa mid shirkadaha caalamiga ah loogu sooo jeedinayo inay arkaan kheyraadka dhulkeena”. Ayuu yiri wasiirka Batroolka ee Soomaaliya. Sida ay shirka hadalheyntiisa u badantahay, ka qeybgalkiisa uma badna, xitaa kama qeybgalayaan madaxda ugu saraysa ee dowladda Federaalka, waxaase loo direy wasiirka batroolka iyo madax kale oo mas’uuliyadooda ay tahay waxyaabo kale. Sida ay sheegtay shirkadda Spectrum, waxaa lasoo bandhigayaa illaa 50 aag-shidaal laga heley xogtooda, kuwaas oo cabir ahaan dhan 173,000 km2. Hase yeeshee lama oga waxa dhacaya bandhigista kadib, shirkadaha ka qeybgalaya iyo tallaabada xigta ee ay dowladda federaalka qaadi doonto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Af-hayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Xirsi Batuun ayaa waxaa uu eedeymo adag u jeediyey xukuumadda KULMIYE, isaga oo si gaar ah uga hadley hadalo kala duwan oo ka soo baxay wasiirka maaliyadda oo ku saabsan lacag deyn ah oo xukuumaddii hore wareejisay, waxaanu ka hadlay madaxtooyadda cusub ee ay dhisanayso xukuumadda tallada haysaa iyo carruur darbijiif oo xabsi lagu xukumay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutterres ayaa bogaadiyay horumarka dhinacyada badan leh ee haatan kasoconaya Soomaaliya gaar ahaan sare u kaca dhanka dhaqaalaha. War kasoo baxay Xaafiiska Xoghaya Guud ee Jimciyada Quruumaha kadhaxeeysa ayaa lagu sheegay in ay Qaramada Midoobay ay dhiiragalinayso sidokalana ay taageereyso Isbadaladaasi ka soconaya Soomaliya . Mr Gutteress ayaa sidoo kale amaanay heshiisyada sanadkii tagay dhexmaray dalalka geeska Africa oo ay kamid yhiin Soomaaliya , Erreteria Ethiopia iyo Jabuuti kuwaa oo uu sheegay in ahayeen Talaabooyin horay loo qaaday. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay ay si dhab ah u taageeri doonaan isbadalada nabadeynta ee ka soconaya qaarada Africa,taasina ay ka tarjumeyso in Africa ay ka sii dhamaanayaan caqabadaha ugu weynaa ee sanadihii ugu danbeysay ay wajahaysay. Hadlaka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa imanaya xili todobaadkan uu boqasho kutagi doono magaalada Adisababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu kaga qeyb gali doono shirkii 32-aad ee ururka Midawga Africa. The post QM Oo Taagereysa Horumada Ka Soconaya Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-070219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Bulshada Rayidka Ah Ee Magaalada Burco Ayaa Ganafka Ku Dhufatay 80 Million Ee Dayntaa Iyo Hadalada Iskhilaaftsan Ee Dr Sacad Cali Shire. Source
  16. Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka iyo arrimaha bini’aadinimada Puntland ayaa waxay sheegtay in ay abaar adag kusoo wajahantahay Puntland. Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka dabiiciga ah ee Puntland [...] Source
  17. Jigjiga(SMN)- Xubnaha baarlamaanka maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jigjiga xasaanadda ka xayuubiyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi. Kulanka ay yeesheen baarlamaanka dowlad deegaanka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa 12 xildhibaan oo kamid ah baalramaanka maamulkaasi xasaanadda kala laabtay,waxaana lagu eedeeyay musuq maasuq iyo xad gudub ka dhan ah xuquuqda bin’aadanimada. Xildhibanada xasaanadda lagala noqday ayaa waxaa kamid ah afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer ilaaliyaha guud ee Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa laanta afka Soomaaliga ee BBC u sheegay in xildhibaanada xasaanadda laga xayuubiyay ay ha’yadaha sharciga u saamaxeyso inay la xisabtamaan. Dhamaan xildhibaanada xasaanada laga xayuubiyay ayaan ka soo qeyb gali kala fadhiga ay yeesheen baarlamaanka maamulka dowlad deegaanka Soomaalida. The post Xildhibaano KaTirsan Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo Xasaanadda Laga Xayuubiyay appeared first on Shabelle. View the full article
  18. (SLT-Jigjiga)-Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya ayaa 12 xildhibaan xasaanadda kala noqday kaddi markii ay yeesheen kulan. Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay ku tunteen xuquuqda aadanaha iyo inay geysteen falal musuq maasuq ah. Waxaana kamid ah mas’uuliyiinta xasaanadda laga qaaday afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer ilaaliyaha guud ee Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa BBC u sheegay in xildhibaanada xasaanadda laga xayuubiyay ay ha’yadaha sharciga u saamaxeyso inay la xisabtamaan. Wararka waxay sheegayaan in dhammaan xildhibaanadan aysan joogin maanta kalfadhiga baarlamaanka halka laga aaminsan yahay in qaarkood aysan dalka joogin. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Xukumadda Madaxweyne Biixi ayaa ganacsato dhawr ah ku wareejisay dhismaha Carwadii Magaalada Hargeysa. Waxa dhismaha laga saaray ganacsato yaryar oo degana si ay si buuxda ugula wareegaan ganacsatada lagu wareejiyay. Dhismahan qadiimiga ah ee Carwada Hargeysa waxa ku jiray Dhakhtarkii Marxuum Ina Aw Aadan iyo qoysas kale oo danyar ah, waxaana hadda laga saaray dhammaan-ba dadkii ku jiray,kuwaasi oo faaruqiyey dhammaan-ba barxada iyo gudaha dhismaha ee ay ku jiraan,iyada oo hada ay Ganacsadayaasha lagu wareejiyey qufusheen dhismaha sida uu xogo ku helay wargeyska Waaberi oo wariyeyaal ka socda dhismaha tageen. Xogo uu wargeyska Waaberi ka helay ila wareed-yo u dhuun daloola dhismaha , ayaa sheegay in ay dhismahaa iyo barxadiisiiba Xukuumaddu ku wareejisay Ganacsadayaal iskaashato ah waxaanay arrintani imanaysa iyada oo shalay madaxweyne Biixi sheegay in ay lix bilood murmayeen ganacsade xukuumaddii hore ku wareejisay dhismaha qadiimka ah ee khayriyadii hore. Dhismahaas ayaa markii dambe xukuumaddu xoog kaga saartay ganacsadaha. Waxaana la sheegay in madxaf Qaran laga dhigayo. Wariyeyaasha Waaberi oo u kuur galay dadka laga raray dhismihii Carwada ayaa ogaaday in dadka laga raray la siiyay kharash aan buurnayn oo ay halkaasi kaga guuraan. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay xadka Wajaale ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ku qabatay lacag dhan 1.5 milyan dollar (Hal milyan iyo badh dollar) oo dalkeeda lagala soo baxaayay. Warbaahinta FANA ee ku hadasha afka dawladda Itoobiya, ayaa xalay baahisay in ciidamada Booliska Itoobiya ay Kaantaroolka Wajaale ee dhinaca Itoobiya ku qabteen lacag dhan 1.5 milyan dollar, waxaanay idaacadu intaas ku dartay in sidoo kale dalal kale lagu qabtay dahab miisaankiisu yahay 7kg. Dadka lagu qabtay lacagtan dollarka ah iyo dahabka ayay idaacadu sheegtay in xabsiga loo taxaabay. Source