Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Loolan u dhaxeeya wasiirka arrimaha dibeddda Soomaaliya iyo wasiiru dowlaha ayaa ka dhex socda xarunta wasaaradda, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online. Loolankan u dhaxeeya Axmed Ciise Cawad iyo Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, ayaa salka ku haya magacaabista shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibedda iyo diblomaasiyiinta Soomaaliya ee ka howl-galaya safaaradaha Soomaaliya ee dunida. Wasiirka arrimaha dibedda, Axmed Ciise Cawad ayaa la sheegay inuu ka carrooday xilal dhowr ah oo shaqaalaha wasaaradda ah iyo diblomaasiyiin sida qunsul iyo xigahayayaal safaaradeed oo Khayr uu magacaabay, isaga oo aan la socodsiin wasiirka. Cawad ayaa kadib soo saaray warqad ay heshay Caasimada Online oo ku saxiixan 3-da Febraayo, oo uu ku amrayo inaan la magacaabin karin xil ama la qorin karin shaqaale, islamarkaana awooddaas uu isaga kaliya leeyahay. Warqadda Cawad ayaa loo diray wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo guddiga rayidka ah ee shaqaalaha, waxaana la ogeysiiyey wasiiru dowlaha iyo safaaradaha Soomaaliya ee caalamka. Xog kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in arrintan aysan ka marneyn xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Cawad ayaad aad ugu dhow madaxweynaha, halka Khayr uu ku xiran yahay ra’iisul wasaare Kheyre. Hoos ka arag warqadda kasoo baxday Cawad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga oo wareysi gaar ah siiyay Horseed media ayaa sheegay in khilaafka diblomaasiyadeed ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya ay keeneen siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo uu sida uu sheegay horey u galay heshiiyo qarsoodi ah oo ay dowladda kenya loogu saxiixay qeybo kamid ah badda Soomaaliya. Siyaasiga aya sdoo kale sheegay in ay jiraan arimo siyaasadeed oo uu salka ku haya khilaafka dibomaasiyadeed sida siyaasadda arimaha dibadda ee ay garwadeenka ka tahay Dowlada federaalka isagoona sheegay in Kenya ay u cuntami weyday barnaamijka siyaasadda arimaha dibadda ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya. Mar wax laga weydiiyay hadii ay jiraan qorshayaal kale oo Kenya ka damacsan tahay xiisadda diblomaasiyadda ee ay kicisay ayuu sheegay siyaasi Daahir Ciiro in hubanti ah tahay in dalalka geeska Afrika oo ay Kenya ku jirto aysan diyaar u ahayn Soomaaliya oo lasoo baxda kheyraadkeeda inkastoo uu dhaliilay hanaanka siyaasadda arimaha dibadda ee dowlada Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn siyaasi Daahir Cabduqaadir Ciiro ayaa sheegay in xalka kaliya ee lagu wajahi karo arimahan nooca oo kale ah uu yahay qorshe cad oo ay yeelato dowladda Federaalka ayna ku garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay kiiska dacwadda ee ah yeela Maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ. Si kastaba ha ahaatee waxaa weli taagan xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyadoo aysan jiran wadahadal lagusoo afjjarayo xiisaddan soo kala dhex gashay dowladahan deriska ah. Wareysiga Siyaasi Daahir CIIRO https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Wareysi-Daahir-Ciiro.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid xildhibaanada baarlamaanka ee mucaaradka ah ayaa ka hadlay safarka madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagay magaalada Addis Ababa,Safar kaasi oo dhaliyay hadal heyn badan oo dhanka Baraha bulshada ah. Xildhibaanka ayaa sheegay inay muuqato inay dib usoo laabaneyso safaradii madaxda maamul goboleedyada looga yeeriyeeri jiray magaalada Adis Ababa isaga oo sheegay inay muuqato in dib ay u furmayaan albabaabadii horey loo xiray. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku sheegay in madaxda dalka looga baahan yahay inay la heshiiyaan madaxda maamul goboleedyada maadaama aan la isku haleyn karin Ethiopia. “Kanaalkii xiristiisa uu odogu noogu faanay dhowr bilood ka hor sow ma moodid in uu si weyn u furmay?mise furayaashii ayaa odoga laga jeep-tuugay? waxaan maqlayaa in saddex dawlad goboleed madaxdooda lagu casuumay Adis Ababa, oo qaarkood ay dhowaan u socdaalayaan!! Kanaalka la xiray waa kii jabhadda gobonimo-doonka ah ee ONLF, furayaashii iyo qaar ka mid ah halgamaayaasheedii oo garbaduubanna Villa Soomaaliya ayaa wareejisay! Itoobiya iskuma hubtide, dadkaada la heshii ayaan leenahay Oday Farmaajo, kanaalkana adigu iska soo xir, intaan Biyaha ka soo butaacayaa aadan ku hafan”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. London (Caasimada Online) – Wiil uu dhalay Muwaadin Somali-British oo muddo 20-sanno ah shaqaale ka ahaa Safaaradda Dowladda Qatar ayaa doonayaa in qoyskiisa lagu taageero Dhaqaale, si ay u sii wadaan Dacwadda ka dhanka ah Safaaradda Qatar. Wiilka Aabihiisa oo lagu magacaabo Maxamuud Axmed oo 73-jir ah waxa Safaaradda Qatar ee u shaqeynayey muddo 20-sano laga ruqseeyey sannadkii 2015-kii. Maxamuud Axmed oo ah Muwaadin British ah waxa uu ku eedeeyey in Madaxii Waaxda Daaweynta ee Safaaradda Qatar ee xilligaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Al-Ansaari, kaasi oo uu sheegay inuu isaga ugu yeeri jirey Dameeryahow iyo Eeyahow iyo inuu ugu yaraan 2 jeer soo weeraray. Dacwadda Dhibanahaasi ayaa la sheegay inay Maxkamaduhu ka gaabsadee, sababo la xiriira Xasaanadda Diplomaasiyiinta iyo Shuruucda Xiriirka Caalamka awgiis. Dhibane Maxamuud Axmed oo in ka badan ku noolaa dalka Britain ayaa sheegay in bishii August ee sannadkii 2013-kii uu Diplomaasiga ka tirsan Safaaradda Qatar ugu yeeray Dameer, Eey iyo Addoonkii Madoobaa, isla markaana markii uu Aflagaadaaasi ka dacwoodayna laga ruqseeyey Safaaradda Qatar ee uu shaqaalaha ka ahaa. Warbaahinta dalka Britain iyo Caalamka ayaa qoray in Qoyska Maxamuud Axmed ay weli sugayaan haddii Maxkamad ku taalla gudaha dalka Britain qaadi doonaan Kisikaasi. Ugu dambeyntii, Sarkaalka ka tirsan Safaaradda Qatar ee magaalladda London ee lagu magacaabo C/llaahi Al-ansaari oo lala xiriiray waxa uu ku gaabsaday inuu beeninayo Eedeyntaasi. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  5. Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariirin ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaasi. Ciidamada Al Shabaab ayaa weeraray bar ilaalineed (Control) ku yaala dhanka Galbeed ee degmada Balcad, halkaasi oo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku sugnaayeen, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balcad ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid Al Shabaab, waxaana ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan khasaaraha ka dhashay weerarka oo xalay dhacay. Dadka deegaanka degmada Balcad ayaa sheegaya in maalmihii ugu dambeeyay la hadal hayay weerarka Al Shabaab ay qorsheynayeen inay ku qaadaan degmada Balcad, waxaana soo wajahay cabsi kale kadib weerarkii xalay. Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Balcad iyo Al-Shabaab si rasmi ah ugama hadlin dagaalkaas,hayeeshee degmada Balcad ayaa dhowr jeer waxaa weerar kusoo qaaday Al-Shabaab,iyada oo Bartamihii Sanadkii tegay ee 2018 mar la wareegay wallow markii dambe isaga baxeen. Al Shabaab ayaanan sidoo kale wali ka hadal weerarka ay ku qaadeen galbeedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in askar badan ay waxyeelo kasoo gaartay weerarka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Afgooye (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Baladul amiin ee duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ajaaniib ah iyo kuwa dowladda ay weerareen deegaankaasi. Ciidamada Kumaandooska dowladda ayaa la sheegay inay labo diyaaradood ay ku tageen deegaanka, iyaga kadib weerar dhanka dhulka ay ku qaaday saldhigyada ciidamada Al Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi. Saraakiil ka tirsan ciidamada DANAB ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid qorsheysan ay qeyb ka ahaayeen ciidamo ajaaniib ah, waxaana lala eegtay saldhiga ciidamada Al Shabaab ee deegaanka Baladul amiin. Lama shaacin ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarka qorsheysan oo ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Cadaanka ah, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarka xalay uu ahaa mid xoogan. Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya deegaanka ayaa sheegaya in weerarka kadib duqeyn ay ka dhacday deegaanka, waxaana la maqlayay dhawaqa duqeynta lala eegtay Al Shabaab. Al Shabaab wali kama aysan hadlin weerarkan, waxaana adag in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka dhulka ah iyo duqeynta ka dhacay duleedka degmada Afgooye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Onlkine) – Ciidanka dalka Burundi ee ku jira Howlgalka AMISOM ayaa maanta oo ah 21-ka Febraayo billaabaya in qeyb ka mid ah ay ka baxaan Soomaaliya. Cidamada Burundi ee ka howlgala Soomaaliya waxaa ay tiradoodu gaareysaa 5,432 Askari, waxaana ay ka midyihiin howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya. Ciidamada Burundi ee ku geeriyooday howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa tiradooda lagu sheegay 800 ilaa 1,000 Askari sida ka muuqata lacagta magdhowga ah ee Midowga Afrika uu siiyo Waddadama askarta uga dhintaan Soomaaliya. Wargeyska New Vision ee ka soo baxa Dalka Uganda ayaa sheegay in ciidamada Burundi ee ku geeriyooday Soomaaliya ay tiradoodu tahay 800 ilaa 1,000 Askari, waxaana uu is bar bardhig ku sameeyay lacagta Magdhowga ah ee ay Burundi ka heshay Midowga Afrika,taas oo gaareysa $18 Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Ciidamada Burundi ee ku jira Howlgalka AMISOM ayaa 1,000 Askari oo ka mid ah waxaa ay berri billaabayaan in ay ka baxaan Soomaaliya,waxaana ay daabuliddooda soconeysaa ilaa 26ka Bishan. Magacyada Askarta baxeysa ayey Burundi u gudbisay Midowga Afrika,waxaana sida qorshuhu yahay Ciidanka Burundi qeybta baxeysaa loo qabtay in ay Soomaaliya uga baxaan 28ka Bishan iyada oo la doonayo in labo maalmood ka hor waqtigaas ay isaga baxaan Soomaaliya. Ciidamada ka socda Dalka Burundi waxaa ay ka howlgalaan Gobolka Shabeellaha dhexe oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle. Ciidanka Burundi waxaa ay Soomaaliya qeybtii ugu horreysay soo caga dhigatay Bishii November ee sanadkii 2007dii,waxaana ka soo horreeyay kaliya dalka Uganda oo ay ciidankiisa ku jira AMISOM soo galeen Soomaaliya Bishii March 2007dii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Warqado been abuur ah, sawirro lasoo farsameeyay iyo muuqaalo lasoo jarjaray, kuwaasoo aan sal iyo raad toona laheyn waxaad maalin walba ugu imaaneysaa baraha bulshada, gaar ahaan Facebook. Qaar ka daba taga beentaas iyo kuwo ku kadsooma ayey dadki wada noqdeen. Waxaanse is weydiiyay, dadka howshaan qabanaya, miyaanay diin iyo damiir celiya laheyn? Inta badan, adduunka dadka howlaha been abuurka sameeya, waa kuwo dhaqaalo ka sameeya amaba sidaas lagu shaqaaleysiiyay, laakin midkan Soomaaliga ah isagoon haba yaraatee wax faa’ido ah ugu jirin ayuu amin iyo enerjiba ayaan walbaku bixinayaa. Waxaa maalmahan leysla dhexmarayay baraha bulshada sawir madaxweyne Farmaajo oo hab maamuus sare loogu soo dhaweeyay magaalada Bujanbura ee dalka Burundi, isagoo matalaya qaranka Soomaaliyeed. Bedelkii la bogaadin lahaa laguna faani lahaa, diin iyo damiir kuwo aan u nisbeyn karin baa sawirka madaxweynaha intay farsameeyeen sifo xun ku sheegeen, si kale, waxay madaxweynaha u muuq ekeysiiyeen inuu u rukuucayo ciidamada gaarka ee qaabilsanaa soo dhaweyntiisa. Bal Dameeroo geeso leh intee laga geli lahaa. ”Dadka sidaa yeelaya, oo awood intaa ka badan lahaan lahaa, bal maxay sameyn lahaayeen?” ayaan is weydiiyay. Been iyo run kala raad la’e, mahadi ha gaartee, taageerayaaasha Nabad iyo Nolol oo aalaaba geed dheer iyo mid gaabanba u fuula, inay fashiliyaan fowda kasta, oo lala damco muumuuska iyo maqaamka dowladnimada ayaa dadaalkooda ka dhigay hal bacaad lagu lisay. Madaxda dowladda waa ASTAANTA qaranka soomaaliyeed, waxayna metelaan shacabka. In la ceebeeyaa oo lagu been abuurtaa waxay ka dhigantahay inaad qaranka iyo dowladnimada ceebeysay. Iyagu berri wey tagayaan, laakin qaranka iyo dowladnimada baaqi ayey ahaan doonnaan. Waxaa jiri kara arrimo badan oo lagu naqdin karo madaxda dowladda xagga siyaasadda, laakin maxay micno ah ayey sameyneysaa in shaqsiyadooda lagu been abuurto, tiiyoo ay dheertahay in madaxda meel kasta ay tagaan metelaan magaca qaranka Soomaaliya. Ma filayo waxaan ka aheyn carro Ilaahey iyo cadaab aakhiro in laga dhaxlayo. Ugu danbeyn, qolooyinka howlahaas caadeystay waxaan leeyahay, bil saddex reerkana way kaa kaxeysaa reer kalena kuma geyso, si kale kuma garatide, ficilka iyo fiirooyinka ceynkaas ah adduunyana waxba idnkama tarto aakhirana cadaab mooyee. Ilaaheyna wuxuu Qur’aanka inoogu caddeeyay, kuwa been abuurka sameeeya inay qiyaamaha CADAAB dulleeya la kulmi doonaan. Waxaa kaloo ayaan darro ah, afka iyo addinka aad maanta madaxda ku aflagaadeyneysaan in berri la arko idinkoo ku amaanaya. W/Q Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Eithiopian Prime Minister Dr Abiy Ahmed received at his office today the President of the Somaliland Administration Muse Bihi Abdi and his delegation. The two parties discussed and agreed on a number of key points including strengthening their people-to-people relations; ensuring the wellbeing of Ethiopians in Somaliland and working in unison on matters of peace and security. President Muse Bihi Abdi acknowledged the strides being made by Prime Minister Dr Abiy towards regional integration and accepted the Prime Minister’s call to further strengthen the close working relationship between the Somaliland Administration and Federal Government of Somalia. Relatedly, agreements have been made to undertake one-to-one and bilateral discussions in the future. In concluding their discussions, the two parties also discussed on ports utilization and other economic ties, according to Office of the Prime Minister. President Muse Bihi Abdi arrived in Addis Ababa today. Upon arrival at the Addis Ababa Bole International Airport, he was received by Ahmed Shide, Minister of Finance and Hirut Zemene, State Minister of Foreign Affairs. The post PM Abiy Holds Talks With President Of Somaliland Administration appeared first on Shabelle. View the full article
  10. DFS WAY BOGAADINEYSAA WADA SHAQEYN DHAW OO AY LA YEELATO MAAMULKA SOOMAALILAND Faafin Degdeg Ah Feb 20, 2019 Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan. Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar. DHAMMAAD Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya E-mail: media@presidency.gov.so Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/ Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/ Twitter: @TheVillaSomalia Qaran News
  11. Abiy iyo Muuse Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay kulan ay Addis Ababa ku yeesheen Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Qoraalka oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa u qornaa sidan. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan. Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay kulan ay yeesheen Abiy iyo Muuse Biixi appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay bogaadineyso go’aanka uu Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Biixi Cabdi uu ku aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib wada-hadal galabta ay magaalada Addis-Ababa ku yeesheen madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed kadib wada-hadalladaas ayaa lagu yiri “Muuse Biixi, waxa uu aqbalay baaqa ra’iisul wasaaraha ee ah in lasii xoojiiyo xiriirka wada-shaqeyna ee Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mid taas la xiriirta, waxaa lagu heshiiyey in la qabto wada-hadallo fool ka fool ah mustaqbalka” War-saxaafadeed caawa kasoo baxay Villa Somalia ayaa u qornaa sidan: – Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan. Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. (SLT-London) Wiil uu dhalay Muwaadin Somali-British oo muddo 20-sanno ah shaqaale ka ahaa Safaaradda Dowladda Qatar ayaa doonayaa in qoyskiisa lagu taageero Dhaqaale, si ay u sii wadaan Dacwadda ka dhanka ah Safaaradda Qatar. Wiilka Aabihiisa oo lagu magacaabo Maxamuud Axmed oo 79-jir ah waxa Safaaradda Qatar ee u shaqeynayey muddo 20-sano laga ruqseeyey sannadkii 2015-kii. Maxamuud Axmed oo ah Muwaadin British ah waxa uu ku eedeeyey in Madaxii Waaxda Daaweynta ee Safaaradda Qatar ee xilligaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Al-ansaari, kaasi oo uu sheegay inuu isaga ugu yeeri jirey Dameeryahow iyo Eeyahow iyo inuu ugu yaraan 2 jeer soo weeraray. Dacwadda Dhibanahaasi ayaa la sheegay inay Maxkamaduhu ka gaabsadee, sababo la xiriira Xasaanadda Diplomaasiyiinta iyo Shuruucda Xiriirka Caalamka awgiis. Dhibane Maxamuud Axmed oo in ka badan ku noolaa dalka Britain ayaa sheegay in bishii August ee sannadkii 2013-kii uu Diplomaasiga ka tirsan Safaaradda Qatar ugu yeeray Dameer, Eey iyo Addoonkii Madoobaa, isla markaana markii uu Aflagaadaaasi ka dacwoodayna laga ruqseeyey Safaaradda Qatar ee uu shaqaalaha ka ahaa. Warbaahinta dalka Britain iyo Caalamka ayaa qoray in Qoyska Maxamuud Axmed ay weli sugayaan haddii Maxkamad ku taalla gudaha dalka Britain qaadi doonaan Kisikaasi. Ugu dambeyntii, Sarkaalka ka tirsan Safaaradda Qatar ee magaalladda London ee lagu magacaabo C/llaahi Al-ansaari oo lala xiriiray waxa uu ku gaabsaday inuu beeninayo Eedeyntaasi. Source
  15. Addis Ababa (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Madaxwaynaha Somaliland, Muus Biixi Cabdi, oo halkaasi booqday. Kulanka labada mas’uul oo diirada lagu saarey arrimo badan ayaa waxaa qayb ka ahaa wasiiro ka kala socda labada dhinac. Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed, waxay isla meel-dhigeen xoojinta cilaaqaadkooda iyo ka shaqeynta amniga iyo nabada. War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Muuse Biixi uu ogolaaday in uu xoojiyo wadasheyn dhow oo uu la yeesho dowlada dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale, Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in laga shaqeeyo in dib loo bilaabo wadahadalada DFS iyo Somaliland oo hakad ku jira. Ugu dambeyntii, bayaanka ayaa lagu cadeeyay in ay isku afgarteen in ay yeesheen Ethiopia iyo Somaliland xiriir dhinaca isticaalka dekadaha iyo dhaqaalaha ah. The post Ethiopia oo isku soo dhaweyneysa DF iyo Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article
  16. waa qoraal kooban oo aan ururinay oo ku saabsan bulshada isla markaan anfacaya bulshada Ku dadaal inaad wanaaga dadka wada gaadhsiiso,Laakiin ha sugin in adiga kusoowada gaadhsiiyaan wanaag kasta doono. Walaalkaa ehelahaan isagaa dad kuu xiga Isfaham ahaanse Cidna kaamoxigo. Qaladka Bulsho ahaan sixidda aad saxayso waxaa ugu horeeya intaaad adigu kuleedahay qaladkaas. Quruxda wajiga iyo jidhku way baaba’aan, Quruxda Caqliguse Ma baaba’do. 14pt; line- 21.466665267944336px;”>Run lagu kala guurayo, Been lagu wada Daganaado ayaa mararka qaarkood dhaanta. Ceebaha dadka Qari intaad awoodo laakiin ceebtaadu yay kaa qarsoomin adiga. Caqliga wanaagsani jidhkasta wuu wanaajiyaa. Gacankasta oo laguu soo fidiyo waxaad kuqiimaysaa ,laaba-shadeedada dambe iyo waxay kaala noqoto. Duruufuhu muuqaalkaaga way bed-bedali karaan Balse haday mabda’aaga bed-bedalaan waaceeb iyo nusqaan. Dad badan oowadajir ah sifudud ayaa loo kaladiri karaa laakiinse, Dad badan oon wadajririn Si fudud laysuguma keeni karo. Ha u xoogaysan sidaad cid uga adkaan lahayd balse u xoogayso sidiiaan lagaaga adkaan lahyn. la soco inshl Em: Rashaad055@hotmail.com 063-4475540 Source
  17. Wasaaradda Arimaha gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta dowladda Puntland ayaa ku amartay Xisbiyada Siyaasadeed in ay hakiyaan dhamaan wixii shaqo ah ee ay ka hayaan gudaha Puntland. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu wargeliyay xisbiyada in aysan wax shaqo ah ka qaban karin gudaha Puntland inta laga dhameystirayo dhammaan siyaasadihii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa geedd-socodka dimuqraadiyeynta ee doorashooyinka dalka. Amarkan ayaa ku soo beegmay maalmo yar kadib markii Puntland albaabada u laabtay xarun cusub oo xisbiga Wadajir uu ka furtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Dhinaca kale warar madax-bannaan ayaa sheegaya in go’aankan uusan ku koobneyn shuruucda xisbiyada siyaasadda balse lagu daboolayo arrimo la xiriira ka hortagga in loollanka xisbiyada mucaaradka ah iyo Villa Somalia uu saameyn ku yeesho xiriirka Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Puntland oo laga joojiyay xisbiyada Siyaasadeed appeared first on Puntland Post.
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa soo saaray go’aan ka dhan ah howl-gallada xisbiyada siyaasadda dalka ee heer federaal ee deegaanada Puntland. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa lagu amray Xisbiyada Siyaasadeed in ay hakiyaan dhamaan wixii shaqo ah ee gudaha dowladda Puntland. Puntland waxa ay sheegtay in xisbiyada aysan ka howl-gali karin Puntland inta laga dhameystirayo dhamaan siyaasadihii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa geedi socodka dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka. Amarkan ayaa yimid maalmo un kadib marki Puntland ay xirtay xafiis uu xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku lahaa mnagaalada Garoowe. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Puntland Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  19. DEG DEG, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa ku amartay Xisbiyada Siyaasadeed in ay hakiyaan dhamaan wixii shaqo ah ee gudaha Dowladda [...] Source
  20. Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Loogusoo dhaweeyey Adis ababa sidii Madaxweyne Dowlad Madaxbanaan isla markaasna waa markii u horaysay ee Madaxweyne Soomaaliæand loo [...] Source
  21. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha hay’addaha madaxa banaan [...] Source
  22. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayey oo Booqasho ku joogay Burundi iyo Jabuuti ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa dalka Burundi waxuu kulan uu la qaatay Madaxweynaha Burundi, isaggoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay siddii la isaga kaashan lahaa dagaal lagu jiro Kooxda Alshabaab, maadaama Burundi dalka Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa caasimada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyaggoo kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka. Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka baaqday scodaal la filayay in uu maanta ku tago magaalada Adis-Ababa, si halkaasi oo ay ku kulmayeen madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, iyad oo waxyaabaha baajiyay qeyb ay ka tahay caqabado soo baxay. Caqabadaha soo baxay durba waxaa kamid ah cidda yeelaneysa doorka dhex dhexaadinta iyo heerka kulanka labada dhinac, waxa la filayaa in labada Madaxweyne ee Muuse Biixi iyo Farmaajo ay kulmi doonaan marka uu Madaxweyne Farmaajo ka soo laabto shir ka dhacaya dalka Masar. Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa waxa xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed. Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha dawladda federal-ka Itoobiya, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo badan oo khuseeya danaha labada dal oo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka iyo is-kaashiga labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya, Amniga iyo nabadgelyada, siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee waddamada geeska Afrika. Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah, kaas oo salka ku haya deris-wanaag, xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeed oo guun ah. Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, ayaa waxa ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu iyo madaxa xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya, dhinaca Somaliland-na waxa madaxweynaha wehelinayey wasiirrada wasaaraha arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), waxana kulankaasi kusoo dhammaaday guul iyo is af-garad buuxa. Source