-
Content Count
212,135 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Cabdirashiid ayaa sheegay in arrintan loo marayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada London, halkaasi oo uu kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska, isagoona faah faahin buuxda ka siiyay shirkii arrimaha shidaalka Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay magaalada London. Cabdirashiid Maxamed Axmed wuxuu xusay in ahmiyadda shirkaasi uu ahaa in la isku waydaarsado macluumaadka baaritaanada laga sameeyey Soomaaliya ee ku aadan Shidaalka, shirkadaha arrintaasi danaynayana loo bandhigo. Ugu danbeyntii, wasiirka ayaa xusay in shirkan laga faafiyey macluumaad aan sax ahayn, balse xaqiiqdu ay tahay in dawladdu doonayso si hufan oo lagu wada kalsoonaan karo in loo maro geedi socodka shidaal baarista iyo soo saaristiisaba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha gobolka Gardafu’ ee Puntland, Maxamuud Axmed Caynab oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay waddooyin kala duwan oo maamulka gobolka gobolkaasi uu ka hir-gelinayo qaar kamid ah degmooyinka iyo tuulooyinka fog-fog ee Gardafu’. Guddoomiyaha ayaa sheegay, in shacabka iyo maamulka gobolka oo is kaashanaya ay bilaabeen, samaynta waddooyin cusub oo xiriirin doona degaannada ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee ay adag tahay in la isaga gudbo, gaar ahaanna tuulooyinka ka baxsan xeebaha oo bulshadu ay dhib kala kulanto xilliyada ay socdaalka yihiin. Caynab ayaa sheegay in haatanba ay furayaan, jid-cadde cusub oo xiriirin doona degmada Bareeda iyo tuulada Ceel-quud oo ka tirsan gobolka Gardafu’, kadib markii ay shacabku dhib kala kulmeen waddadii hore ee isku’ xiri jirtay labadaasi degaan, sida guddoomiyuhu sheegay. Waddada cusub oo dherarkeedu yahay 40km ayaa hir-gelinteedu u baahan lacag gaaraysa $30 kun oo Dollar, waxaana guddoomye Caynab tilmaamay in aysan jirin cid ka caawinaysa lacagta ku baxaysa, balse maamulka iyo bulshada gobolku ay si isku’ tashi ah ku bilaabeen. Sidoo kale wuxuu caddeeyay in aysan hadda wada-hayn lacagta ku baxaysa wadada, hase yeeshee ay dowladda cusub ee Puntland, hay’adaha caalamiga ah iyo shirkadaha ganacsiga ay ka rajeynayaan, in ay qeybtooda ka qaatan. Ugu dambeyntii, mudane Caynab ayaa u hambalyeeyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Deni,isagoo Baarlamanka ka codsaday, in ay kalsoonida siiyan. PUNTLAND POST The post Shacabka Gardafu’ oo gacmahooda waddooyin ku samaysanaya appeared first on Puntland Post.
-
UN Secretary-General António Guterres has thanked the African Member States and the African Union Commission for supporting peace operations in Africa, saying that the service and sacrifice of African peacekeepers are “at the forefront of our minds.” The UN chief’s praise for the work of Blue Helmets and other peacekeeping personnel was part of his address to Heads of State gathered at the African Union Summit in Addis Ababa, Ethiopia, on Sunday. Mr. Guterres was speaking the day after three Ethiopian peacekeepers serving in the United Mission in Abyei (UNISFA) were killed, when a military helicopter carrying troops crashed in the Mission compound whilst on a routine operation. Ten passengers were injured, and three are reportedly in critical condition. Addressing the fact that African countries provide almost half of all UN peacekeeping troops – including some two-thirds of all women peacekeepers and the majority of UN police – the UN chief went on to acknowledge the sacrifice of African soldiers in AMISOM (the African Union Mission in Somalia); the G5 joint force, which counters violent extremism and terrorism in the Sahel region of North Africa; and the Multinational Joint Task Force in the Lake Chad Basin, set up to restore security in areas of the Lake Chad Basin affected by the Boko Haram terror group. “To be fully effective,” he said, “these African peace operations require robust mandates from the Security Council and predictable, sustainable financing, including assessed contributions.” United Nations peacekeeping operations, the UN chief added, are “increasingly being called into areas where there is no peace to keep,” explaining that this is why he has repeatedly expressed support for peace enforcement and counter-terrorism operations, and launched the Action for Peacekeeping (A4P) initiative in 2018, which aims to provide UN missions with the means to be more effective, better equipped, safer and more robust. Mr. Guterres went on to impress upon his audience the “critical” role that women’s “equality, meaningful participation and leadership” have to play in ensuring lasting peace, citing the invaluable contributions made by FewWise – the African Women’s Network on Mediation – and the African Women Leaders Network, describing both groups as important initiatives for joint UN-AU collaboration. The Secretary-General said that he had been determined from his first day in office to been determined to forge ever closer ties between the United Nations and Africa, noting a significant improvement in strategic cooperation between the UN and the African Union. The two sides have recently signed frameworks on peace, security and sustainable development, a Joint Declaration on cooperation for peace support operations and the first Human Rights Dialogue, which he called an “encouraging step on a critical issue.” The post UN calls for greater support to African Union Mission in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Imtixaan ka qaadaysa Culimada Cilaajyada Dalka “Markaannu hubinno Wadaaddada aqoontooda Diineed, waxaannu wasaaradda caafimaadka kala shaqayn doonnaa xal u helidda arrimaha caafimaadka khuseeya..” Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta Aadan Cabdillaahi Cabdalla Hargeysa(WWD):- Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay imtixaan ka qaadaysa Calaajyada ka hawlgala guud ahaan dalka Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa kuwa ku yaalla oo wejiga koowaad noqon doona, si loo hubiyo goobaha aqoon diineed ahaan iyo tayo ahaanba ku habboon in dad lagu dabiibo iyo kuwa aan u qalmin. Masuuliyiinta wasaaradda oo dhawaanahan ku mashquulsanaa dardar-gelinta hawlaha shaqo ee wasaaradda iyo horumarinta adeegyada diineed ee ay Somaliland u hayaan, ayaa dhawaan bilaabaya in imtixaan laga qaado Wadaaddada ka hawlgala goobaha dabiibka diiniga ah ee Cilaajyada, kuwaas oo la hubin doono aqoontooda diimeed, si loo helo cilaajyo la sugay tayada dadka haysta. Wasaaradda diintu imtixaanka ka dib waxay wada-jir uga shaqayn doonaan wasaaradda horumarinta caafimaadka tayada goobaha cilaajyada adeegyada caafimaad ee kale ku dara dabiibkooda diiniga ah, maaddaama nolosha dad caafimaad-doon ah lagu aamminayo, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaraddu. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa sheegay ujeedka arrintan imtixaanka loo samaynayo iyo tallaabada xigi doonta, waxaanu qoraal kooban ku yidhi; “Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxay imtixaan ka qaadi doontaa, isla markaana hubin doontaa aqoontooda Diineed wadaaddada Cilaajyada ka shaqaysta.” “Arrintaas waxa lagu go’aamiyey shir ay Masuuliyiinta wasaaraddu maanta u qabatay madaxda cilaajyada magaalada Hargeysa. Sidoo kale, marka aannu hubinno aqoontooda Diineed waxaannu wasaaradda horumarinta caafimaadka kala shaqayn doonnaa xal u helidda arrimaha caafimaadka khuseeya ee cilaajyadu qabtaan.” Sidaa ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Diintu. Kulanka go’aankaas la iskula qaatay, ayaa daba-socday kulammo hore eeoo madaxda wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland la yeesheen qaar ka tirsan culimada madaxda ka ah cilaajyada hargeysa oo sidan oo kale arrintan loogala hadlay, waxaana cilaajyada oo marba marka ka dambaysa sii badanaya la aqoonsan doonaa inta shuruudaha xukuumaddu uga baahantay buuxiya. Tallaabada imtixaanka lagaga qaadayo cilaajyada, waxa ka horreeyey oo ay wasaaraddu bilawday 24-ka bishii koowaad ee sannadkan 2019-ka diiwaangelinta maddarasadaha Qur’aanka kariimka ah lagu dhigo iyo jimciyadaha ay ku midoobeen maddarasadaha qaarkood. Diiwaangelintaas oo aad loo soo dhaweeyey, ayaa noqotay markii koowaad ee intii ay Somaliland jirtay wasaaraddu ku dhiirrato ama fuliso, iyada oo hadda la diiwaangeliyey illaa saddex boqol oo maddarasadood oo Hargeysa ku yaalla, welina ay socoto diiwaangelinta, oo wejiga labaadna u gudbi doonta gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Imtixaanka ay wasaaraddu ka qaadayso wadaaddada cilaajyada, ayaa iyaduna ah mid muhiimaddeeda leh. Qaran News
-
Siddan sahlan ku garo Dajjaal-cawar markuu soo baxo,Qaybtii 2aad بِسْمِ اللهِ الرَّحْمٰنِ الرَّحِيْمِ …waayo xikmad oo dhami quraanka kariinka ah iyo axaadiistay ku dhantay. Axaadiis ku dhow labaatan ayaa ka hadlay Dajjaal-cawar Waxa ka mid ah:- (Xadiiska uu abuu hurayra soo weriyey in nabigeenii suubanaa csw inuu yidhi miyaanan idiinka war gelin Dajjaal in uu rasuul ilaahay umadiisa uga waramo, wuxuu la’aan doonaa Il, wuxuu wataa wax uu jano iyo Cadaab ka dhigaayo oo janada wuxuu ku sheego waa cadaab, waanan idiinka digayaa siduu nabi Nuux Cs uu qoomkiisii uga dhigay.) saxiixul Muslim buuga 41aad xadiiska 7014, English ref. Carabiga buuga 55aad xadiiska 7558. Waxa isna jira xadiid laga soo weriyey Cubayda ibnu as samit Ilaahay haka raali ahaadee, in uu rasuulkii Ilaahay csw yidhi wax badanbaan idiinka waramay dajjal waxaan ka baqayaa inaad fahmi weydaan, Isaga oo siduu u eegyey sifeeyey se faray hadii uu waswaas idin galo xasuusnaada ILAAHIINU MA IL LA’A E. Sinaan Abu daauud 4320 wuxuu ku jiraa buuga 39 xadiiska 30aad. Xadiiska laga weriyey anas B malik ihra in rasuulkii Ilaahay csw uu yidhi dajjal wuu il la’ahay labada indhood dhexdooda sarena Waxa ku qoran kalmada KAAFIR, suu sii hingaadiyey K-F-R Taas oo ruux kastoo Muslim ahi wuu akhriyi doona. Saxiixul Bukhaari English ref buuga 41aad xadiiska 7009,carabiga ref buuga 55aad xadiiska 7550. Runtii iyada oo aan lasoo koobi karin axaadiista digniinta iyo hogo-tusaaleynta ah ee laga soo weriyey nebigeenii csw Taas oo hadii aad fahanto xikmada iyo fariinta ay xanbaarsan yihiin kuu sahlaysa garashada dajjal beenaale, Waxa jirtay in laga weriyey Abu dharr oo yidhi waxaan weydiiyey nabiga csw inuu arkay Ilaahay? wuxuu yidhi sidee baan u arki karaa Waxa ku daahan Nuur e! (Waxa weriyey Muslin, Al iiman 261). Hadii aynu dhanka quraanka jaleecno si sahlan sidaan idiin fahansiiyo Dajjaal-cawar, Sida ku cad quraanka waakii nabi Muuse Cs ku yidhi Ilaahow iskay tus in aan ku arkaan doonayaaye, uu ilaahayna ku yidhi I arki karimayside bal buurta eeg hadii ay xageeda sii ahaato waad I arki adna ee buurtii kala daadatay…. Suurada 7aad aayada 143, sidoo kale isla suuradaa aayada 144aad Ilaahay wuxuu sheegey inuu dadka ka doortay nabi Muuse si uu fariintiisa u qaado, waxa jirtay in uu nabi Muuse Cs Ilaahay toos ula hadli jiray, waxaan uga socdaa runtii waa xikmad mug iyo miisaan leh waana qowlkii Ilaahay waana Qiso uu Ilaahay SW wax inoogu sheegaayo in la fahmaana mudan tahay runtii gebi ahaan diintaba, se hadaan ku noqdo Dajjaal sida ku cad axaadiista iyo quraankaba Ilaahay SW wax il aadame qaban karto maaha oo cidi hadii ay ifka ku arki lahayd nabiyadiisii ayaa arki lahaa nabi Muuse oo uu toos ula hadli jiray wakaa sida ku cad quraanka u sheegey inaanu arki karin sidoo kale nabigeenii muxamed ahaa csw isna Inoo sheegey in aanu Isha saarin Ilaahay (inkastoo culimada qaar yidhaahdaan habeenkii samaad loo dheelmiyey qalbiguu ka arkay Ilaahay) se hubaal Ilaahay il aadame nuurkiisa iyo haybadiisa ma eegi karto se sida ku cad diinta in maalinta qiyaame Ilaahay daaha nuurka ah iska faydayo oo la arkaayo sida dharaar aanu cirku caad lahay sida Cadceeda loo arko nabigeenii csw Inoo sheeg, se ifka inta lagu noolyey in uu Ilaahay Intuu Inoo yimaado aynu aragnaa waa habeenkii xalay ee tagay oo kitaabka quraanka ahna Ilaahay inoogumuu sheegin nabigeenuna csw xadiis inoogumuu sheegin, sidoo kale maalinta qiyaame ee dadku wada dhinto ee Ilaahay soo wada nooleeyo inuu xisaabi oo jano iyo Cadaab jiri maalintaa ayuu Ilaahay Inoo sheegey se inaka oo ifka joogna oo aan dhiman in ifka laysku cadaabaayo oo laysku janayni diinteena kuma jirto cidii waxaa keentaana waa Dajjaal-cawarkii beenaalaha ahaa, sida sahlan ee lagu garanayaa waa sidaa in aan Ilaahay aakhiro mooyee ifka lagu arkayn sidoo kale maalinta qiyaamuhuna ifka ahayn siddoo kale magacyada wac wacan ee Ilaahay lagu xuso Nin kuma jiro oo cawar kuma jiro markaa siduu nabigeenii csw sheegey Ilaahay nin maaha waliba nin cawaran maaha. Hadaba ruuxii yaqiinsan inaanu ilaahiisa la kulmeyn maalinta qiyaame mooyee oo aanu ilaahiisu nin il’la’ ahayn markuu Dijaal-cawar soo baxo KAAFIR ka wajigiisa ku qoran toos buu u arkayaa haduu wax akhriyo iyo hadaanu wax akhriyinba waana sidaa sahlan ee ah inaanu Ilaahay inta uu nin cawaran is kasoo dhigo ifka inoogu imanayn oo aanu jano iyo Cadaab inagu guray wixii waxaa keenaana waa Dijaal-cawarkii beenaalaha ahaa ee ku qosla wuxuu cadaab ku sheegaana waa janee la soco. Alle Aamin ma iisho. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
His Excellency, Paul Kagame, Outgoing Chairperson of the African Union and The President of Republic of Rwanda His Excellency, Dr. Abiy Ahmed, Prime Minister of the Democratic Federal Republic of Ethiopia Excellences Heads of State and Government His Excellency, Moussa Faki Mahamat, Chairperson of the AU Commission Distinguished Guests Ladies and Gentlemen, Allow me to express profound gratitude to President Paul Kagame for his excellent stewardship of our union during last year. I wish to also welcome H.E. Abdel Fattah El-Sisi, President of the Arab Republic of Egypt as the incoming Chairperson of the African Union, wishing him success. Let me take this opportunity to thank my brother, Prime Minister Abiy Ahmed, the Government and the People of Ethiopia for the warm hospitality accorded to me and my delegation during our stay in this beautiful and historic city of Addis Ababa. Excellencies, I am honored to join you in this occasion of the 32nd Session of the Assembly of Heads of States of the African Union under the pertinent theme of “Refugees, Returnees and Internally Displaced Persons in Africa.” This year’s theme is essential for Africa and, particularly, for Somalia. In this context, I want to thank the member states and the Commission of the African Union for championing Somali Debt Cancellations in this year Agenda. Debt cancellation can be a means towards unlocking resources for reconstruction and development, including for the provision of durable solutions for displaced Somalis. We are grateful to the African countries that host our refugees, in particular, our neighboring countries. We appreciate the spirit of African hospitality. We are also grateful to our partners who assist our national and local governments resettle returnees and IDPs at home. Mr. Chairman, there is a need to expedite the formation of the Humanitarian Agency to find solutions for refugees, to provide innovative and sustainable durable solutions for the most vulnerable in our societies. More importantly, there is the noble need to grant refugees the freedom of movement, the right to own land, to seek employment and to establish businesses, to get access to Education and Health services, and easy to obtain all the necessary permits and documents within the host countries and communities. Excellences, Even as we seek durable solutions to forced displacement in Africa, we should equally advocate for progressive refugee policies and laws across the continent. The AU has the mechanisms in place to alleviate underlying causes of displacement. The AU’s vision to Silence the Gun by 2020, which provides a roadmap for limiting conflicts will contribute to peace and security in the continent. Somalia on its part is invested in contributing towards these initiatives. Our National Development Plan specifically addresses the needs of the vulnerable groups in our society including Refugees, IDPs, and Returnees through a dedicated chapter on resilience. Over the last two years, we have worked with diverse partners in articulating our National Action Plan on durable solutions for these groups in line with regional, continental and global commitments. Mr. Chairman, Excellencies, Ladies, and Gentlemen We urge African countries to take specific initiatives to make vulnerable Africans feel at home wherever they are on our continent while we all commit to remedy the root causes of displacement in all its forms. Thank you! The post Somali president delivers speech at AU summit in Addis Ababa appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dabley hubaysan ayaa xalay xoog ku galay, kadibna dhac u gaystay Iskuul ku yaallo Degmada Dharkiinley ee Gobolkan Banaadir, sida uu xaqiijiyay Maamulaha Iskuulka dhaca loo gaystay. Iskuulka la dhacay oo lagu magacaabo Banaadir, ayaa xalay waxaa galay Shan nin oo watay laba qori oo AK47 ah & Bistoolad waxayna halkaasi ka qaateen qalab u badnaa Computaro. Maamulaha Iskuulka dhaca loo gaystay C/llaahi Sheekh C/raxmaan, ayaa Warbaahinta wuxuu u sheegay dadkii dhaca gaystay inay xir xireen Waardiyihii Iskuulka joogay, kadibna ay aruursadeen Computarada. Wuxuu sheegay Computarada ay qaateen Kooxda dhaca gaysatay inay ku jireen xogta Iskuulka & dhamaan Diiwaanka ardayda muddo 10 sano ah oo ay adag tahay in dib loo helo. “Nimanka Iskuulka dhacay Shan nin ayeey ahaayeen 2 Qori & Bistoolad ayeey wateen dhamaan Computaradii yaalay Iskuulka ayeey qaateen oo macluumaadkii ardayda ku jireen, waardiyihii Iskuulka waa ay xir xireen sidaas ayeey ku qaateen.” Ayuu yiri Maamulaha Iskuulka. Muqdisho ayaa waxaa ku sugan dabley hubaysan oo dhaca u gaysata goobaha Iskuulada ee ay ardayda joogaan & goobaha kale ee ganacsiga Magaalada gudaheeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Taliska ciidamada Booliiska ee Puntland ayaa soo saaray ammar cusub oo lagu mamnuucayo dadka tahriibka ah iyo sidoo kale kuwa wax tahriibiya. Jeneraal Muxudiin, taliyaha ciidamada Booliiska ee Puntland ayaa sheegay in lasoo xiri doono cid walbo oo la ogaado iney gacan siineyso ama ay dad tahriibinayaan. Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in Koontaroolkii uu soo gudbo gaari wada dad tahriibiyaal ah la xiri doono askarta joogta halkaasi. “Dhammaan ciidamada waxaan farayaa maanta laga bilaabo tahriib iney xaaraan tahay, sidii horeyba loo xaaraantameeyey, qofkii qaada, qofkii rara, kan doon ku qaada iyo kan gaari kusoo qaado sharcigaa lala tiigsanayaa, Koontaroolkii lasoo dhaafiyo gaadiid tahriib wada waxaan ammar ku bixinayaa in lasoo xir-xiro dhammaan dadka jooga halkaas” ayuu yiri taliyaha. Ammarkan ayaa imaanaya xilli magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku qul-quleen dad badan oo tahriibayaal ah, kuwaasi oo doonaya iney gaaraan dalka Yemen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa lagu wadaa maanta in magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyo shir madaxeedka dowladaha xubnaha ka ah ururkaasi. Shirkaan oo shalay furmay waxaa ayaa hoggaamiayaha sanadlaha ah ee ururkaasi waxaa loo doortay madaxweynaha dalka Masar, C/fitaax Al-siisi, wuxuuna xilkaasi kala wareegay dhiggiisa dalka Rwanda. Shirkan ayaa looga hadlay arrimaha ku aaddan ammaanka, qaxootiga, suuqa xorta ah ee Africa, iskaashiga guud ee dalalka Afrika iyo maalgashiga. Mar uu hadlay guddoomiyaha cusub ee Midowga Africa, ahna madaxweynaha Masar ayuu ku dheeraaday ka hadlka arrimaha amniga, isaga oo sheegay in muhiim ay tahay in dalalka Afrika laga ciribtiro argagaxisada. Madaxdii halkaasi hadalka ka jeediyey ayaa intooda badan ka hadlay qataraha Al-shabaab iyo Daacish. Waa shirkii 32-aad ee madaxda Afrika yeeshaan, iyaga oo kaga hadlay arrimaha muhiimka ah ee qaraaddan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa xalay waxa uu magacaabay wasiirada maamulkiisa, waxaana ku jira xubno caan ka ah deegaannada Puntland. Wasiirada waxaa sidoo kale ka mid ah shaqsiyaad horey uga soo shaqeeyay gobollada Puntland, sida guddoomiyahii hore ee gobolka Bari. Halkaan hoose ka akhriso: 1.Wasiiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Sheikh Xaamud 2.Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Mohamed Abdirahman Dhabancad 3.Wasiirka Amniga iyo DDRTa Cabdisamad maxamed Gallan 4.Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal 5. Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange 6. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi maxamed Xassan 7. Wasiirka Caafimaadka Dr, Jaamac Faarax Xassan 8.Wasiirka Howlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Axmed Bashiir Muuse 9.Wasiirka Dekeddaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majaajiyo. 10. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabilay) 11. Wasiirka Haweenka & Horumarinta Qoyska Aamina cisman Xaaji Jaamac 12.Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska Cali Xassan Axmed Sabareey 13.Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aden 14.Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Waraabka Ismaaciil Diiriye Gacmadiid 15.Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi 16.Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash 17.Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Jaamac Faarax Muuse 18.Wasiirka Tamarta, Macdanta & Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) Wasiir kuxigeeno dowladda Puntland. 1- Wasiir kuxigeenka Cadaaladda & Arrimaha Diinta Maxamed Cali Faarax 2- Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Cabdiweli Mire Xirsi iyo Maxamed Musadaq Maxamed 3- Wasiir kuxigeenka Amniga & DDRTA Yuusuf Maxamed Ismaaciil. 4- Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cumar Xassan Fiqi iyo Yaasiin Ibraahin Ciise. 5- Wasiir kuxigeenka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga caalamiga Yaasiin Mire Maxamuud. 6- Wasiir kuxigeenka Waxbarashada & Tacliinta Sare Mukhtaar Maxamuud Xassan Jayte 7-Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi 8-Wasiir kuxigeenka Howlaha guud & Guryeynta Maxamed Xuseen Xaashi 9-Wasiir kuxigeenka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda Yaasiin Cartan Maxamed 10- Wasiir kuxigeenka Duulista Hawada iyo Garoomada Sucaad Saalax Nuur 11- Wasiir kuxigeenka Horumarinta Qoyska & Haweenka Sahro Cabdi Xirsi 12- Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax 13- Wasiir kuxigeenka Xanaanada Xoolaha Cabdiweli Seed Cali 14- Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xassan Ciise iyo Faaisa Cali ismaaciil. 15- Wasiir kuxigeenka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Mustafa Daahir Aden 16- Wasiir kuxigeenka Kalluumeysiga & Kheyraadka badda Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud 17- Wasiir kuxigeenka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Axmed Cabdiraxmaan Xirsi 18- Wasiir kuxigeenka Tamarta, Macdanta & Biyaha Maxamed Bashiir Cabdullaahi Wasiiru dowlayaasha dowladda Puntland. 1- Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac 2- Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Maxamed Axmed Kunle 3- Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir Cismaan 4- Wasiiru dowlaha Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalah iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim 5- Wasiiru dowlaha Waxbarashada & Tacliinta Sare Cabdullaahi Xassan Roobke. 6- Wasiiru dowlaha Caafimaadka Sayid Cumar Guuleed 7- Wasiiru dowlaha Duulista Hawada & Garoomada Maxamed Xassan Kiili. 8- Wasiiru dowlaha Deegaanka, Beeraha & Waraabka Cabdirashiid Cali Geelle. 9- Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Cabdiqani Geelle Max’ed. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa bishii lasoo dhaafay sameeyay abaabulkii ugu badnaa ee ciidamada amaanka ee Jubbaland, wuxuuna kormeeray xarumo ciidan oo badan. Tan iyo markii uu sameeyay abaabulkii ugu badnaa iyo diyaar gareynta ciidamada Jubbaland ma jirto wax weerar ah oo ciidamada amaanka ay u geysteen xarumaha Al Shabaab kaga sugan yihiin deegaanada Jubbooyinka. Taa badalkeeda Al Shabaab ayaa labo jeer weeraray deegaanka Baar Sanguuni, halkaasi oo fariisin u ah ciidamada amaanka ee maamulka Jubbaland, waxaana la isweydiinayaa halkuu ku dambeeyay abaabulkii Axmed Madoobe. Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegaya in wali aysan helin amarka ay ku qaadayaan weerarada ka dhanka ah Al Shabaab, islamarkaana la sugayo amarka madaxweynaha. Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya inay dhanka ciidamada AMISOM ay caqabad ka taagan tahay, maadaama iyagana ay doonayaan inay amarka howlgalka ka helaan madaxda ay ka amar qaataan, taasina waxay rajo beel ku noqotay qorshihii Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa marar badan sheegay in dhanka dowladda Soomaaliya aysan wali ka helin kaalintii ay doonayeen, waxaana taasi uu sheegay inay caqabad ku tahay howlgalada ay la galayaan Al Shabaab. Waxaa hadda yaraaday heegankii ay ku jireen ciidamada amaanka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamadii la geeyay Afmadow iyo goobo kale ay dib ugu laabteen magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@Live.com
-
Somaliland: Waddani Party Leaders Meet With Turkish Envoy. Hargeisa,(Qaran news)-The leaders of the Somaliland Waddani Party met with Mr. Oglan Baker, the new Turkish envoy tasked with attempting to restart the stalled talks between Somaliland and Somalia pertaining to the future relationship between the two countries. The chair of Waddani, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” and other senior party leaders held a long and fruitful discussion with the Turkish envoy, Mr. Baker, regarding the future plans for Somaliland and Somalia talks, as well as, other local issues such as the forthcoming parliamentary elections, the paucity of Turkish grants to Somaliland and the continued bilateral relationship between the two countries. The Turkish envoy is expected to meet with members of the UCID, Non-governmental bodies and other civil society organizations. Qaran News
-
Somaliland: President Muse Bihi Abdi Receives Turkish Envoy
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somaliland: President Muse Bihi Abdi Receives Turkish Envoy Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland President, Muse Bihi Abdi met with the Turkish envoy, Mr. Olgan Baker to discuss the possible resumption of the stalled talks between Somaliland and Somalia. The President highlighted the continued co-operation between Somaliland and Turkey, but also stressed the need for the International Community to participate in any future talks between Somaliland and Somalia. President Muse Bihi Abdi stated the failure of the Turkish sponsored talks to bear any fruit requires the involvement of the international community for the progress of any discussions between Somaliland and Somalia on their future relationship. Both sides, Somaliland and Turkey, also discussed the imbalance between the grants facilitated by Turkey with regard to Somaliland’s share as opposed to those given to Somalia. Both sides agreed that more should be done to address the issue. Also attending the meeting were the Somaliland presidential advisers on talks with Somalia, Ambassador Hussien Ali Duale” Awil” and former Somaliland Foreign Minister, Edna Aden Ismail. The Turkish Ambassador Noyan Ali was also present at the meeting. Qaran News -
Galdodob (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay xalay kooxo maleeshiyaad ah ka fuliyeen degmada Galdodob ee gobolka Mudug. Maleeshiyaadkan ayaa weerar gaadma ah ku qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa goob lagu caweeyo oo ku taalla bartamaha degmadaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dintay hal Qof, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo dhammaan ahaa dad rayid ah. Lama oga illaa iyo hadda heybta dableyda fulisay weerarkan, iyagoona si aayar ah uga baxsaday halkaasi. Balse wararka qaar ayaa sheegaya in arrintan ay salka ku heyso arrimo la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan gobolka Mudug. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dhanka amniga Puntland oo ku aadan dhacdadaasi. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolkaasi. The post Maleeshiyaad hubeysan Oo weerar ka fuliyay Galdogob appeared first on Shabelle. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Maamulka degmada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa magaaladaasi ku gubay qamrigii ugu badnaa oo la sheegay in laga keenay dalka Ethiopia, kaasi oo la doonayay in lagu iibiyo gudaha magaalada. 68 Dhalo oo qamri ah oo maamulka Puntland ay sheegeen in laga keenay Ethiopia iyo Xashiis badan ayaa lagu gubay duleedka magaalada Boosaaso, waxaana laamaha amaanka ay sheegeen in ganacsatadii wadatay la qabtay. Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku dhigeen lacag badan oo ay lahaayeen ganacsatada dooneysay inay ka ganacsato waxyaabaha maanta dooriya. Magaalada Boosaaso ayaa la rumeysan inay ku sugan yihiin ganacsato Soomaaliyeed oo magaaladaasi u iib geeya waxyaabaha maanta dooriya, oo masuuliyiinta maamulka ay ku sheegeen inay amni darada qeyb ka yihiin. Dhawaan magaalada Boosaaso waxaa gaaray ciidamadii ugu badnaa oo la doonayo inay xaqiijiyaan amaanka magaalada Boosaaso, iyaga oo ka hor tagaya dadka amni darada ka abaabula magaalada. Waxaa dhawaan la filayaa inuu gaaro madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni isaga oo ka jawaabaya weerarkii gaadmada ahaa ee Al Shabaab ay ku dileen madaxii shirkadda P&O ee hoostagta shirkadda DP World. Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (SMN) – Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres oo khudbad dheer ka jeediyay shir madaxeedkii 32-aad ee Midowga Africa ayaa u mahad celiyay dalalka taageera howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Africa ay ka wadaan dalal ay ku jirto Soomaaliya oo dhaca qaaradda Africa. Shir uga furmay magaalada Addis Ababa dalalka xubnaha ka ah Midowga Africa ayuu xoghayaha guud ee QM ka sheegay in ay muhiim tahay xoojinta taageerada milatari ee howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya,si looga adkaado Al Shabaab. Mr Antonio Guteres ayaa sidoo kale sheegay in QM ay diyaar u tahay in howgalka Midowga Africa ee AMISOM ay ka caawiso,sidii loo yareyn lahaa qatarta argagixisada ee geeska Africa,gaar ahaan Soomaaliya. Ugu danbeyn waxa uu u sheegay madaxdii shirka ka soo qeyb gashay, haddii si dhab ah loo garab istaago howlgallada Midowga Africa ay horseedi doonto guul dalal fara badan oo qaaradda Africa ah ay ka gaaraan dhinaca amamanka iyo horumarka dhaqaalaha. The post QM Oo dalbatay in la xoojiyo taageerada AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirul-dawlihii hore ee Wasaaradda Tamarta Yuusuf Cismaan Garas ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay in dagaal dhinaca kala qaybinta ah lagu hayo Midnimadda shacabka Soomaalilaand. Yuusuf Cismaan Garas waxa uu sheegay inay jiraan Warar boranbogaandho ah oo lagu dhex faafinnaayobulshadda Soomaalilaand dhexdeedda, kuwaasoo uu sheegay in ujeedka laga leeyahay uu yahay in lagu kala qaybiyo Wada-jirka iyo Midnimadda Soomaalilaand, waxaannu ka digay in Wararkaas loo dheg-raariciyo oo lagu dacaayaddeeyo qaar ka mida Bulshadda Somaliland. “Warqaddan la wareejinayo ee la leeyahay Sirdoonka Soomaaliya ayaa Hargeysa ka hawlgala; waxa ay ka mid tahay dagaalka kala qaybinta Somaliland ee lagu burburinayo midnimada ummadda.” Ayuu yidhi Yuusuf Cismaan Garas oo Qoraalkan kooban soo dhigay deggelka uu ku leeyahay Barta Facebook. Sidoo kale, Yuusuf Cismaan Garas waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Waar haddii Somaliland wadajirta la doonayo, ha la joojiyo dacaayadaha dadka Somaliland-erska ah loogu shaanbadaynayo Soomaaliya.” Ex. Wasiir: Yusuf Garas. Source
-
Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khudbad muhiim ah ka jeediyay shir madaxeedka Midowga Afrika oo lagu qabtay magaalada Adi-ababa ee caasimadda dalka Ethiopia. Shirkan oo diirada lagu saaray Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Wuxuu ugu baaqay Madaxda Midowga Afrika inay qaadaan tallaabooyin cayiman si shucuubteenna dhibban meel kasta oo ay kaga sugan yihiin qaaradda loo dareensiiyo inay joogaan gurigoodii. Halkaan Hoose Ka Akhriso Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS:- Mudane Paul Kagame, Guddoomiyaha Wareejinaya Xilka Midowga Afrika iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda, Mudane Dr. Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya, Mudanayaal iyo Marwooyin, Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha, Mudane Moussa Faki Mahamat, Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Martida Sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwooyin Ii oggolaada inaan Madaxweyne Paul Kagame si mug leh ugaga mahadceliyo hoggaamintii heerka sarreysay ee uu sannadkii la soo dhaafay ku soo maamulay Midowgeenna. Waxaan isna soo dhawaynayaa Mudane Cabdil Fataax El-sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo ah Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, waxaana u rajaynayaa guul. Sidoo kale, aan walaalkay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Dowladda iyo shacabka Itoobiya uga mahadceliyo martisoorka diirran ee aniga iyo wafdigayga naloo fidiyay muddadii aanu ku sugnayn magaaladan taariikhiga ah ee qurxoon, Addis Ababa. Mudanayaal iyo Marwooyin, Sharaf bay ii tahay inaan qayb ka ahaado munaasabaddan kalfadhiga 32aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, iyada oo cinwaankiisu yahay “Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika.” Cinwaanka sannadkani waxa uu muhiim u yahay Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya. Waxaan doonayaa inaan Ururka Midowga Afrika iyo dalalka xubnaha ka ah uga mahadceliyo dadaalka ay geliyeen in ajendaha sannadkan lagu daro deyn cafiska Soomaaliya. Deyn cafisku waxa uu qayb ka qaadan karaa in la helo khayraadkii dib loogu dhisi lahaa, laguna horumarin lahaa dalka, iyo in xal waara loo helo barakacayaasha Soomaalida. Abaal ayaanu u haynaa dalalka Afrika ee martigeliya qaxootiga Soomaaliyeed, gaar ahaan waddamada dariska nala ah. Run ahaantii, martisoorka Afrika waa mid tixgelin mudan.Waxaanu sidoo kale u mahadcelinaynaa cid kasta oo dowladda dhexe iyo dowladda hoose ka caawisa dib u dejinta barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya. Mudane Guddoomiye, Baahi weyn ayaa loo qabaa dardargelinta dhismaha hay’ad gargaarka ka shaqaysa si xal xal waara oo casri ah loogu helo qaxootiga iyo kuwa ugu nugul shacabkeenna. Baahi weyn ayaa sidoo kale loo qabaa in qaxootiga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xaqa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo furtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, loona fududeeyo helidda dhammaan waraaqaha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalalka iyo bulshooyinka martigeliyay. Mudanayaal iyo Marwooyin, Iyada oo ay muhiim tahay in aan xal waara u raadinno barakaca Afrika, waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah inaan ka shaqeyso helidda siyaasado iyo shuruuc horusocod ah oo la xiriira qaxootiga. Midowga Afrika waxa uu leeyahay qorshayaal lagu xallin karo sababaha asaasiga ah ee keena barakaca. Hiigsiga Midowga Afrika ee ku aaddan in sannadka 2020 la dhigo qoriga kaasi oo soo bandhigaya siyaabaha lagu yarayn karo dagaallada waxa uu qayb ka qaadanayaa in qaaradda laga suurtageliyo nabad iyo amni. Soomaaliyana waxa ka go’an inay dadaal geliso gaarista hiigsigan. Qorshahayaga Horumarka Qaran waxa uu si gaar ah uga hadlayaa baahiyaha kooxaha dhibaatada u nugul ee bulshadeenna sida Qaxootiga, Barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya. Labadii sanno uu la soo dhaafay, waxaannu ka shaqaynay qoridda Qorshe Qaran oo xal waara loogu raadinayo qaxootiga iyo barakacayaasha kaasi oo waafaqsan qorshayaasha heer gobol, qaarad iyo caalamka. Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan dalalka Afrika ugu baaqaynaa inay qaadaan tallaabooyin cayiman si shucuubteenna dhibban meel kasta oo ay kaga sugan yihiin qaaradda loo dareensiiyo inay joogaan gurigoodii, iyada oo lagu dadaalayo in meesha laga saaro sababaha asaasiga ah ee keena noocyada kala duwan ee barakaca. Mahadsanidiin. The post Akhriso:-Khudbadda Madaxweynaha JFS ee shir madaxeedkii Midowga Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge oo ka mid ah Siyaasiyiinta Da’da yare, horena Xil Wasiir ku xigeen uga soo qabtay Xukuumaddii hore ee Kulmiye ayaa ka hadlay Weerarka Bahalnimadda ah ee lagu soo qaaday Wargeyska Foore. Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebookga ayaa waxa uu ku yidhi sidan “Xayiraada wargeysa Foore waa quful ka mida qufulada digtaatooriyada! Faalo warreed uu wargeys qoray oo ku saabsan madaxtooyada cusub iyo duuruufaha nololeed ee shacabka Somaliland, in Xayiraad iyo ganaax uu ku mutaysto wargeysku waa wax lala yaabo!! Anaga lehe xilligeedi lama joogo oo wax la aqbali karo maaha in aad na tidhaahdaan hal milyan iyo badh reer Somaliland ah ayaa macaluulli haysaa ee aduunkow caawimo nala soo gaadha iyo waxaanu dhisanaynaa madaxtooyo ku kacaysa lacag malayiin ah, waa laba aan is’ qabanayn!!! Waxa kale oo uu yidhi“Wadanka Pakistan Raysal Wasaaraha cusubi wuu ka guuray madaxtooyadii si uu kharashka badan ee madaxtooyada ku baxa shacabka wax loogu qabto! Adna adoo gajoonayaa ayaad doonaysaa in aad mid dhisato! Waa kala maanka aduunka!!”. Source
-
Afgooye (Caasimadda Online)- Wararka ka imaanaya degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay weerar khasaaro geystay oo lala eegtay Saldhig ciidamada Alshabaab ku leeyihiin Degmada Janaale. Weerarka oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda weerar ku qaadeen deegaanka waxaana kadib xigay duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaanka. Alshabaab ayaa baahiyay inay iska caabiyeen weerar kaga yimid ciidamada ajaaniibta ah islamarkaana ay gacanta ku hayaan degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka waxaa ka horeeyay duqeyn xagga cirka ah iyadoo kadib weerar dhanka dhulka ah lagu qaaday degmada Janaale. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in weerarka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray xubnaha Alshabaab ee kusugnaa saldhiga degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo taliska Mareykanka ee Africa kaasi oo ay kaga hadlayaan weerarka ka dhacay Janaale. Labadii Todobaad ee ugu dambeeyay waxaa kordhay weerarada xaga cirka ah ee kaga imaanayay Alshabaab dhanka Diyaaradaha Drone ee Mareykanka, Waxaana weerarkii xalay la sheegayaa inuu ahaa midkii ugu xooganaa oo ka dhaca Shabeelaha Hoose. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah . Caasimadda Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Bosaaso (SMN) -Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo ciidamo tababar ugu soo xiray magaalo xeebeedka Boosaaso ayaa kula dardaarmay in ay la yimaadan hab dhaqan lagu wajihi karo nabadgalyada magaaladaasi. Askartan ayaa looga digay in ay isticmaalaan Maan-Dooriyaha, haddii ay amarkaasi jabiyaana taliyuhu waxa uu sheegay in ay marin doonan ciqaaba adag. Sidoo kale ciidamadan oo ah kuwa Boolis ah ayaa looga digay in aysan gashan dharka shacabka, xilliyada ay ku jiraan howlaha shaqo. Awaamiirtan ayaa imaaneysa, xilli dhawaan uu madaxweyne Deni Boosaaso u diray taliyaha Booliska maamulka Puntland iyo ciidamo uu horkacayo, si ay wax uga qabtaan caqabadaha dhinaca amni ee ka jira magaladaasi. The post Puntland Oo u digtay ciidanka amniga Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-110219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Washington)-Wadahadalladii xubnaha Jamhuuriga iyo kuwa dimuqraadiga Aqalka Congress-ka Maraykanka ee loogu talagalay in looga hortago in mar kale ay hawlaha dawladdu hakadaan ayaa is fahanwaa ku soo dhammaaday. Ergooyinkan ayaa rajaynayay in ay is fahmaan Isniinta si ay Aqalka Congress-ka u siiyaan wakhti uu ku ansixiyo Jimcaha, maalintaas ayuuna ku egyahay heshiiskii bishii hore la gaaray ee lagu ansixiyay kharashaadka dawladda. Isfahan waagan waxaa xudun u ah meesha uu madaxweyne Donald Trump ka taagan yahay dhaqaalaha ku baxaya darbiga uu rabo in laga dhiso xadka Maraykanka iyo Mexico. Hawlaha Dawladda Maraykanka ayaa horay u xirmay 35 maalmood, arrintaas oo noqotay middii ugu wakhti dheerayd taariikhda dalka Maraykanka. Ismariwaagan u dambeeyay waxaa keenay markii xisbiga Dimuqradigu uu dalbaday in waaxda socdaalka iyo dhaqangalinta arrimaha canshuuraha ee loo soo gaabiyo ICE ay diiradda saarto xirxiridda dadka soo galootiga ah ee dambiyada galay badalkii ay xirxiri lahaayeen dadka dal ku galku uu ka dhacay, arrintaas oo ay sheegeen in ay xadidayso sariiraha goobaha dadka lagu hayo, sida uu ku warramay wargeyska New York Times. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Kulan madaxeedka Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika (AU)-da ayaa la filayaa in maanta lagu soo gebagebeeyo Xarunta Dhexe ee Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Furitaankii shalay ee Kulankaasi waxaa Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Al-siisii loo doortay Hoggaaminta Sannadlaha ee Ururkaasi, isagoo xilkaasi kala wareegay dhigiisa dalka Ruwanda, Paul Kigambe. Madaxda Dowladaha Afrika waxay kulankii shalay kaga wada hadleen Arrimaha Ammaanka, Qaxootiga, Suuqa Xorta ee Afrika, Maalgashiga iyo Iskaashiga Guud ee dalalka Afrika. Madaxweynaha Masar o oka hadlay Kulankaasi waxa uu tilmaamay in Argagixisadda yihiin Kansar. Isla markaana ay doonayaan inay waxyeeleeyaan Afrika iyo inay wax kasta burburiyaan, waa sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Madaxweynaha dalke Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu ku baaqay inaan Kooxaha loogu yeero Argagixisdda marnaba loo oggolaanin inay deganaansho la’aan ka abuuraan dal kasta oo ka tirsan Qaaradda Afrika, waa sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale, Shirweynaha 32-aad ee Madaxda Afrika waxay kaga hadleen sidii loo aamusin lahaa dhamaan qoryaha yaalla Qaaradda Afrika marka la gaadho sannadka 2020-ka. Hoggaamiyayaasha waxay kaloo ka hadleen Doorashadda Dimuqraadiga iyo Xil-kala wareegista nabdoon ee Qaaradda Afrika, waxayna amaaneen dalal ay ka mid yihiin Somalia, South Sudan, Ethiopia, Eritrea, Koongada Dimuqraadiga, Liibiya, iyo Afrikada Dhexe, kuwaasi oo la tilmaamay inay xusheenai nay wada-xaajood iyo nabad ku xaliyaan khilaafyada ka jira dalalkooda. Source