-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sayid Cali Kuukaay oo ka mid ahaa ciyaartooydii kubbadda cagta sidoo kale soo ciyaaray kubbadda kolayga iyo kubbadda gacan ilaa heer qaran ayaa bartamihii bishan Febraayo 2018 waxa uu ku guulaystay abaal marinta Somali Youth Award 2018 ee shaqsigii ugu wanaagsan isboortiga dalka. “Sayid Cali waa uu u qalmay abaal marinta waxa uu kaalin wanaagsan ka qaatay dhiiri gelinta ciyaartooydii kala duwnaa ee matalay magaca Soomaaliya kuwaas kaalin fiican kasoo hooyay tartamadii ay ugu qeyb galeyn dalka dibadiisa”waxaa Barnaamijka Xeynaabka ciyaaraha Goobjoog TV u sheegay Macalin Daa’uud Axmed Dheere oo ah madaxa horomarinta isboortiga maamulka Gobolka Banaadir. Sayid Cali Kuukaay waxa uu abaal marinta shaqsiga isboortiga 2018 kaga guulaystay wariye Maxamed Qadar oo ka tirsan Idaacada Ciyaaraha ee Gool FM iyo Sheymaa oo iyadan ah gabar u dhaq dhaqaaqada arimaha haweenka ee xaga ciyaaritsa kubbadda cagta ahna aas aasaha Golden Girls. “Aniga oo ka faaideysanayo fursadan waxaan rabaa in aan u mahadceliyo xubhana Guddiga codeynyta abaalmarinada Somali Youth Award iyo maamulkoodaba sida ay iigu doorteen in aan noqdo shaqsiga ciyaaraha ee sannadkii tagay 2018. waxaan kaloo u mahadcelinayaa dhamaan intii ka qeyb qaadatay in aan abaalmarintaan muteesto oo ay ugu horeeyayso Hooyadey iyo dhamaan xubnaha qoyskeyga iyo saaxiibadey” waxaa sidaas bartiis facebooga kusoo qoray Sayid Cali Kuukaay ka dib markii uu hantay abaal marinta. Sanadii 2017 abaal marinta Somali Youth Award ee shaqsiga isboortiga waxaa ku guulaystay ciyaaryahan Cabdi Casiis Maxamed Catoosh oo ka tirsan kooxda kubbadda cagta Dekedda,isagoo waqtigaa u mahad celiyay dhalinyaradan u istaagay dhirii gelinta shaqsiyaadka ugu fir fircoona arimaha bulshada. Si kastaba labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa dalka kusoo badanayay ururuo dhalinyaro ah kuwaas oo abaal marino kala duwan ku gudoonsiinayay shaqsiyaadka ugu tayada wanaagsan arimaha bulshada. Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Abaal Marinta Uu Ku Guulaystay Sayid Cali Kuukaay W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysan ay dad shacab ah ku laayeen deegaanka Xaawo Cabdi ee gobolka Shabellaha Hoose, barqanimadii maanta. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey 8 qof, iyadoo lasoo weeraray xilli ay ku howlanaayeen olole nadaafadeed oo halkaasi ka socday. Dadka dhintay waxaa u badan haween, iyadoo ay jiraan warar kale oo soo baxaya sheegayaan iney jiraan dad kale oo nolosha lagu watay. Maxamed Ibraahim Barre, guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose oo u waramay Goobjoog ayaa xaqiijiyey tirada dadka halkaasi lagu dilay. Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in falkaasi ay ka dambeeyeen Al-shabaab. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Muuse-Cabaas-Cismaan-Xaawo-cabdi.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar deg deg ah oo hadda ku soo dhacay warqabadka Warbaahinta Puntland Post ee Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow haween lagu dilay duleedka Muqdisho. Falkaan dilka ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Lafoole oo u dhaxeeyo Muqdisho iyo Afgooye. Dabley hubeysan ayaa toogatay haween waday nadaafad. ,Ku dhowaad 9 haween ah ayaa geeriyooday tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen. Gudoomiyaha deegaan Lafoole Ayaan xaaji ayaa dhacdadaan u xaqiijisay Warbaahinta. Faah Faahinta dib kala soco insha allah. PUNTLAND POST, Muqdisho The post Haween lagu laayay duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada online)-Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dad shacab ah lagu laayay deegaanka Xaawa Cabdi, sida masuuliyiinta deegaanka ay sheegeen. Dadka la laayay ayaa la sheegay inay ka shaqeynayeen nadaafadda deegaanka, waxaana kooxaha hubeysan ay ku fureen rasaas, taasi oo sababtay inay dad badan ku dhintaan isla goobta. Ku dhawaad Sagaal ruux oo haween u badnaa ayaa dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay rasaas ay fureen kooxaha hubeysan, waxaana la sheegayaa in goobta ay ka baxsadeen dadka falka geystay. Masuuliyiinta deegaanka ayaa falkaasi ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Al Shabaab, waxaana dadkii dhaawacyada daran ay kasoo gaareen rasaasta loosoo qaaday magaalada Muqdisho. Ayaan Xasan Xaaji oo ah guddoomiyaha deegaanka ayaa xaqiijisay in haween badana y goobta ku dhinteen. Ma jiro faahfaahin kale oo laga helayo goobta weerarka uu ka dhacay, balse laamaha amaanka ayaa la sheegayaa inay goobta gaareen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Haween ka caraysan dilka Caa’isha Gabar da’deeda lagu sheegay 12 sano jir oo shalay lagu waayey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka maydkeeda laga helay albaabka hore ee gurigooda oo ku yaalla xaafada Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo. Caa’isha Ilyaas Aadan ayaa shalay subax la waayay mar ay adeeg u doontay suuqa waxaana tan iyo xilligaasi laga baafinayey idaacadaha maxalliga ah iyo baraha bulshada sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskii ay ka baxday. Maydkeeda oo la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu arkay calaamado muujinaya in si xun loo jir dilay sida laga soo xigtay saraakiil caafimaad oo baaritaan ku haya maydka. Gudaha magaalada Gaalkacyo waxaa haatan ka socda muddaharaadyo ay dhigayan qaar kamid ah haweenka oo ka caraysan dilka Caa’isha islamarkaana caddaalad dalbanaya. Dhinaca kale guddoomiyaha waxbarashada gobolka Mudug ee Puntland Axmed Huruuse Xaashi ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba maalinta berri ah la fasaxay xarumaha waxbarashada magaalada Gaalkacyo si loo muujiyo dareenka murugo ee uu reebay dilka gabadhaasi yar. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu bahda waxbarashada oo ay ka tirsaneyd ugu baaqay in ay isu’ soo bax ku muujiyaan muruda iyo xanuunka uu reebay dilka Caa’isha oo kamid ahayd ardayda wax ka barata dugsiga hoose/dhexe Salaama ee waqooyiga Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Gabar yar oo lagu dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
The president of Somalia’s Federal Government, Mohamed Abdullahi Farmajo held talks with several leaders from Iraq, Sweden, Italy and Denmark on the sidelines of EU-Arab League summit in Egypt’s Red Sea resort of Sharm El-Sheikh. Farmajo and the leaders discussed ways to strengthen bilateral ties through cooperation on issues of mutual benefit, according to a statement released by the office of Somali president. Denmark, Sweden and Italy are important partners in Somalia’s development. Arab and European states sought common ground on security threats and regional crises including Yemen, Syria and Libya on Sunday at their first joint summit held in Egypt. The Arab-EU Summit is timely and solidifies the existing strong relations between our two sides which are built on mutual respect and trust and, has as its foundations, a successful track record of economic and political cooperation. The Arab-EU bond of friendship is historic, but we must now further strengthen this with renewed partnerships for common progress in all areas of mutual benefit. View the full article
-
The Minister of Administrative Development, Labour and Social Affairs of Qatar, H.E Yousef bin Mohammed Al Othman Fakhro, met Sunday with Minister of Women and Human Rights Development in the Federal Republic of Somalia, Deqa Yasin Hagi, and the accompanying delegation currently visiting the country. During the meeting, they discussed aspects of joint cooperation between the two sides and means of supporting and developing them. Qatar is a key ally to Somalia’s Federal Government in helping the security sector and other development projects in the conflict-recovering country. Doha is currently constructing key roads linking Mogadishu to Afgoye and Jowhar towns in southern Somalia, a key project which costs $200 million US dollars. View the full article
-
Xalay saq dhexe ayaa diyaarado dagaal waxa ay duqeyn ka geysteen saldhigyo la sheegay in Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan. Deaagaanno u dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Hiiraan ayeey diyaaradahan duqeymaha ka fuliyeen. Sida ay sheegeen dad ku sugan gobolka Hiiraan, diyaaradahan ayaa duqeynta ka fuliyay deegaannada Oroton, Masara Jibista iyo kuwo kale. Saraakiil u hadashay ciidanka xoogga dalka waxa ay sheegeen in duqeyntan waxyeello lagu soo gaarsiiyey xubno ka mid ah Al-shabaab, balse faah faahinno kale ma aanay bixin. Diyaaradaha Maraykanka ayaa inta badan duqeymaha sidan oo kale ah waxa ay ka fuliyaan deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Khilaaf la sheegay inuu u dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka ayaa qabsaday baraha Bulshada, waxaana hadda kusoo biiray ka hadlida Khilaafka xildhibaano ka tirsan baarlamaanka. Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan madaxweynaha dalka ayaa ka hadlay arinta Khilaafka, waxaana uu sheegay inuusan jirin wax Khilaaf ah oo hadda taagan. Xidhibaanka ayaa sheegay in been abuur ay tahay hadalka ku saabsan khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareyso dalka, waxaana uu sheegay in Soomaalida ay ku dheereeyaan faafinta been abuurka. “Wax badan oo umad ahaan naga qaldamay, waxaa loo aaneeya saameynta ay bulshadeena ku leedahay faafinta beenta & xoggo aan jirin oo shacabka lagu marin habaabiyo, dacaayadu waxay noqotay awooda kaliya ee mucaaradku adeegsado. Sidaan ogahay hogaanka dalka kalsooni aan ruxmeyn baa ka dhaxeysa…” ayuu yiri Xildhibaan C/shakuur Cali Mire. Qoraalada la xiriira Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa aad looga hadal hayaa baraha Bulshada, waxaana la ogeyn xaqiiqo ahaanshaha arimahaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Boorama)-Waxa Maanta Si Rasmi Ah Magaalada Boorama Ee Xarunta Gobolka Awdal Uga Furmay Shirka 6Aad Ee Golaha Dhexe Xisbiga Kulmiye Waxaana Goob Joog Ah Madaxweynaha Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Masuuliyiin Kala Duwan Shirkan Ayaa Socon Doona Mudo Laba Cisho Ah, Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=hcVhkEdvoK0 Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobalka Maroodi-jeex ayaa waxaa ay saaka go,aan ka soo saartey Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay xabsiga dhigtey isla markaana xidhnaa Muddo 42 cisho Maxkamada ayaa saaka ku dhawaaqdey in Abwaan Cabdiraxmaan Abees ay ku weyday dhamaan eedeymaha iyo danbiyada ay xeer ilaalintu ku soo oogtey isla markaana ay dib xoriyadiisa ugu soo celisay. Xukunka Maxkamada ayaa waxaa racfaan ka qaatey Xeer ilaalinta Somaliland oo iyadu danbiga ku soo oogtey Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa shirkii 6aad ee golaha dhexe uu maanta uga furmayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Warar rasmi ah oo soo baxay ayaa shaaciyey in wasiirkii hore ee warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani uu waayay kaadhka Xubinimada golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE. Wararka ayaa sidoo kale sheegay in ex Wasiir Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani oo hore uga mid ahaa xubnaha Golihii Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo oo rajaynayay in uu shirkaasi ka qayb galo ay xaaladdu ku xumaatay kadib markii uu gabi ahaanba iska dhex waayay liiska xubnaha Golaha dhexe ee isku diyaarinaya in uu shirkaasi ka qayb galo kaasi oo si rasmi ah u waayey kaadhkii ka qayb galka shirka. Sababta ugu weyn ee ex wasiir Cadaani u waayey xubinimada golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa dadka qaar ku fasireen inay sababtay shaacintii uu sameeyey ee ku saabsanayd inuu hunguri kaga jiro hogaaminta xisbiga Kulmiye ee madaxweyne Muuse Biixi dabadii. Waxa kale oo wararku sheegayaan in ex Wasiir Cadaani uu xubinimada golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ku ahaa xilkii wasiirnimo ee uu hayey balse haatan aanu u banaanayn boos uu ka helo golaha dhexe sida uu qabo xeer u yaala xisbiga kulmiye oo sheegaya in wasiir kasta oo ka mid noqda xukuumada xisbigu uu ka mid noqonaya golaha dhexe mudada uu hayo xilka, hadii xilka laga qaadana uu si toos ah uga baxayo golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye. Ex wasiir Cadaani ayaan ilaa hada qaadin wax talaabo ah iyada oo shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye-na uu goor dhaw ka furmayo magaalada Boorama. Source
-
Jowhar (SMN) – Guddoomiyaha Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, xoghayaha gobolkaasi iyo guddoomiyaha degmada Baladweyne ayaa lagu soo warramayaa in looga yeeray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle Maxamed Cali Caadle ayaa la sheegay in uu amray xubnahaasi in ay si degdeg ah ku yimaadaan M/Jowhar ee xarunta maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wax laga weyn diin doono xiisada ka taagan Baladweyne, gaar ahaan Gargaarkii lagu musuq-maasuqay magaaladaasi. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, xilli shalay banaanbax ka dhan ah musuqaasi uu ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Ayrland)-Festifalka Caalamiga ee Warbaahinta “The Virgin Media Dublin International Film Festival” ayaa waxaa maalmahan lagu soo bandhigayey Caasimadda dalka Ayrland ee Dablin, iyadoo lagu maamusayey Maalinta Caalamiga ee Ka-hortaga Gudniinka FGM-ka oo Caalamka oo dhan laga xusay bishan Feberaayo 6-dii. Filim loogu magac daray Gabar ka timid Muqdisho, ayaa waxaa bishan Feberaayo 22-dii lagu soo bandhigayo Tuulladda Odeon Point Village. Filimkaasi waxaa qortay Ifraax Axmed oo ah gabar Soomaaliyeed oo u ololeysa Ka-hortagga Gudniinka FGM-ka,waxaana Filimka isku soo duwday Meeri Makgukayn Filimkaasi waxaa asaas looga dhigay Qiso dhab ah oo ka sheekeynayaa gabar ka timid Somalia oo lagu sameeyey Gudniinka FGM-ka, taasi oo ka soo carartay dagaalladii sokeeye ee Somalia sannadkii 2006-dii. Gabadha waxaa qaab Tahriibin ama Is-xambaar lagu geeyey dalka Ayrland, halkaasi oo ay naxdin ka qaaday baaritaanka Caafimaad oo ay kaga sheekeysay sida ay markii ay carruurta ahayd loogu sameeyey Gudniinka FGM-ka. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa niyadsami ka muujiyey kulanka dhexmari doono isaga iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un. Madaxweyne Donald Trump oo sida caadadiisa ah bartiisa Twitter-ka ku soo gubiyey arrintan, ayaa qorey; labadeenuba waxaan fileynaa in aan sii wadno horumarkii la gaadhey. Madaxweyne Donald Trump ayaa ka dib kulanki koowaad ee ay yeeshaan isaga iyo madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi bishii 6-aad ee sanadkii tagey, waxa uu dadweynaha Mareykanka u sheegay in qof walibo uu hada nabadgalyo dareemi karo, maadaama aysan waxbsi nugliyeeka Kuuriyada Waqooyi aysan jireyn. Source
-
(SLT-Sharm El-Sheikh)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka Yurub iyo kuwa Carabta, xallinta caqabadaha ay wadaagaan iyo in laga hawlgalo sidii xasilooni buuxda looga suurtagelin lahaa dalalka Carbeed ee ay amni darradu ka jirto. Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte. Source
-
(SLT-Bangladesh)-Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Bangladesh ayaa toogasho ku dilay qof looga shakiyay inuu afduubto diyaarad rakaab ah oo ku sii jeeday Dubai. Diyaaraddan oo ay laheyd shirkadda Biman Bangladesh Airlines ayaa waxaa saarnaa 148 oo rakaab ah iyo shaqaalaha diyaarada. Qofka isku dayay inuu afduubto diyaarad ayaa ku hanjabay inuu wato bastoolad, lana soo baxay, waxaana taas ay keentay howlgal ku dilaan Ciidamada Bangladesh. Ninkan ayaa da’diisa lagu qiyaasay 25 sano jir, waxaa la sheegay in dhaawac ka soo gaaray rasaasta ciidamada uu u geeriyooday. Lama oga sababta qofkan laga shakisanaa uu isku dayay inuu diyaaradda u afduubto, waxaana diyaaradda ay mar dambe oo ka duushay Bangladesh ay si nabad uga degtay magaalada Dubai. Source
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in waaberigii saaka lagu arkay mid kamid ah xaafadaha magaalada Meydka gabar yar oo muddo la raadinayay. Meydka Gabadha oo da’deeda aheyd 12 sano jir ayaa la dhigay guriga ehelka raadinayay gabadhaasi yar oo la sheegay inay ka maqneyd maalmihii ugu dambeeyay, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Waxaa magaca Gabadha lagu sheegay Caasho Ilyaas Aadan oo 12 sano jir aheyd, waxaana jirkeeda ka muuqday jirdil xoogan, sida ehelkeeda ay sheegeen. “Meydka Gabar da’yar ayaa saaka lagu arkay magaalada Gaalkacyo, waxaa la soo hor dhigay guriga ehelo ilaa xalay baafinayay, Caaisha Ilyaas Aadan oo 12 sanno jir aheyd” “Isbitaalka wayn ayaa hada la keenay meydka Gabadha oo muujinaya in si fool xun loo jir dilay, sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil caafimaad”, sidaasi waxaa sheegay wariyaha Caasimada Online ee gobolka Mudug. Dhacdadaan ayaa aad loga hadal hayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana socda baaritaanka la xiriira dadka ka dambeeya falkaasi ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka Yurub iyo kuwa Carabta, xallinta caqabadaha ay wadaagaan iyo in laga hawlgalo sidii xasilooni buuxda looga suurtagelin lahaa dalalka Carbeed ee ay amni darradu ka jirto. Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte. Madaxweynaha iyo dhiggiisa dalka Ciraaq Mudane Barham Salih ayaa kulankooda ku lafo-guray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagaxisada, sare u qaadidda ganacsiga labada dal iyo sidii deeqo waxbarasho loogu suurtagelin lahaa ardayda Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka Ciraaq kala hadlay cafinta deynta ay Dowladda Ciraaq ku leedahay Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd dhisidda iyo tayeynta hay’adaha dowladda. Madaxweyne Farmaajo oo shir-doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa kala hadlay xiriirka soojireenka ah ee labada waddan, isaga oo Dowladda Talyaaniga ka codsaday inay door weyn ka qaadato dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, tayeynta waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo farsamo. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Nigeria)-Dadka reer Nigeria ayaa weli sugaya natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday,iyadoo weli ay socoto tirinta codadka doorashado si weyn loogu baratamay. Axadddii shalay meelaha qaar dhulka fog fog ee miyiga ah waxaa ka socday codbixin daahday. Guddiga dorashadu waxey sheegeen inay meelaha qaar doorashada dib u dhigeen, rabshado laga soo sheegay owgood. Waxaa ugu daraa goobo codbin oo ku yaala qeybo ka mid ah magaalada Legos, iyo gobolada Rivers iyo Anambra, halkaas oo codbixintii ka socotay qalqal la geliyay Sabtidii. Wariyaha VOAda uga soo warmaya doorashada Peter Clottey, oo ku sugan Abuja ayaa ku soo waramaya in Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashada la filayo inay natiijooyina horudhaca ah ku dhawaaqaan maanta oo Isniin ah. Labada Madaxweynaha Talada Haya Muxamadu Buhari iyo Ninka ay sida weyn u baratamayaan ee Atiku Abubakar, ayaa ladabuda mid waliba uu sii saadaalinayaa inuu guul gaaray. Ciidamada Amaanka ayaa xaqiijiyay in 16 qof lay ku dhinteen rabshado dhacay intii ay doorashada socotay. Source
-
Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, dilkaasi oo ka dhacay degmada Mahadeey ee Gobalka Shabeelada Dhexe 26-11-2018. Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud ayaa aha wada gaari oo ku safrayay qeyba kamid ah gobalka Shabeelada dhexe, waxa uu caan ka ahaa deeganada gobalkaasi, marxuumka ayaa istaagsanaa halka loogu tala galay hubinte gaadiidka ee ah meesha laga soo galo degmada Mahadeey ee goalka Shabeelada Dhexe, ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta ayaa hubinyay gaariga iyo laba qof oo kale oo la socday balse nasiib xumo Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali ayaa ka soo toogtay meel fogaan u jirto taasi oo sababtay geerida Marxuumka. Isla maalintaas ayay ciidamada amniga ku soo wareejiyeen saldhiga Boliska Degmada Jowhar Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali oo ah eedeysanaha dilka Marxuumka loo heysto. Ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay hey’adaha dambi baarista, waxa ay sidoo kale hey’adaha ku wareejiyeen Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali xafiiska Xeer ilaalinta 22-12-aad ee sanadii tagtay, Xafiiska ayaa xilligaas codsaday in loo gudbiyo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan. Muddo kadib baaristooda ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali 12-01-aad ee sanadkan, waxaana loo ballamay fadhiga hore ee maxkamadda 9-ka Bishii 2-aad ee sanadkan. Garsoorayaasha ayaa garowsaday in aysan ku filneyn dhageysiga dacwadda fadhi qura, waxa ayna xafiiska xeer ilaalinta amreen in la soo dhameystiro cadeymaha dambi ee loo heysto eedeysanaha. Afar cisha kadib ayaa markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda, waxa ayna xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen , Qiraalka eedeysanah, Markaatiyaal gaariga la saarnaa marxuumka, Warqadda cadeynta dhimashada oo ku lifaaqan sawirka Marxuuumka iyo qoreygii lagu toogtay Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in eedeysanaha oo ku liif bartay Marxuumka maadaama aysan jirin sabab qasbeyso in uu toogto muwaadin marayay hubinta howlaha nabad-gelyada, waxa uuna weydiistay garsoorayaasha in lagu xukumo dil toogasha ah. Iyadoo dhanka kale Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku doodeen in loo fududeeyo maadaamaa qiraal uu yahay eedeysanaha oo ay bixiyaan magta marxuumka. Garsoorayaasha ayaa maalintaas soo xiray fadhiga Maxkaamdda, waxaana ku dhawaad bil kadib ay maanta go’aan kasoo saareen dhageysiga dacwadda loo heystay, Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay dil-toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Source: goobjoog.com
-
Caa’isha Ilyaas Aadan Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi saaka laga helay maydka gabar yar oo shalay lagu waayey waqooyiga Gaalkacyo. Caa’isha Ilyaas Aadan oo da’deeda lagu sheegay 12 sano ayaa shalay subax la’ waayay xilli ay adeeg u doontay suuqa waxaana tan iyo xalay laga baafinayey idaacadaha maxalliga ah iyo baraha bulshada balse saaka ayaa maydkeeda laga helay meel u dhow xaafadooda sida ay xaqiijiyeen qoyska dhalay. Maydka gabadha yar ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo waxaana jirkeeda lagu arkay calaamado muujinaya in si xun loo jirdilay sida laga soo xigtay saraakiil caafimaad oo ku sugan isbitalkaasi. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Gabar la waayay oo maydkeedii la helay iyo calaamado lagu arkay appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
