Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,174
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. 1) Ma jiro Xisbi Mucaarad ah oo aan ka tirsanahay ama aan taageero, mana jirto cid aan ku taageerayo wax dhib u ah Dalkeeyga. 2) Shirka London ma ahan dhul lagaa qaadanayo ama laguugu heysto milkiyadiisa sida Dacwada Kenya nagala dhexeeyo, waa Deegaan milkiyadiisa laguu ogol yahay, laakin Nacfigiisa laguugu heeysato. 3) In Shidaal la soo saaro waa muhim, su’aasha ayaa ah. waa maxaay Deg degtu?, Maxaase waqtigaan loogu beegay?. 4) Ma dhameeystirno sharcigii shidaalka iyo Heyadihii shaqada ku lahaa. Somali Procurement Agency, Internal oil regulations, income tax act, Land act, Environmental Management act, Resource sharing agreement, Revenue sharing agreement, Petrol Bill, looma dirin Shirka Dadkii bartay Sharciyada Caalamiga ah ee Shidaalka iyo Dhaqaala yaqaanadii qiimeeyn lahaa isbedelka. Sharciga Shidaalka lama horgeeyn Baarlamaanada, Somali land weli si sharci ah ugama go’in Dalka. Xaq ayey wax uga leedahay Shidaalka illaa hadda, lagalamana tashan, Goballadu hab qeybsigii ma dhameystirin, laakin hadda waxaa lagu qanciyay in ey ka aamusaan, dibba haka qeyliyaane, wakiil rasmi ahna uma joogaan. 5) Marxaladii Geology-gu waa dhamaatay, hadda wax lama baarayo, waa laga soo gudbay heerkaa, waan aqaan ragga Geologystayaasha ah ee loo diray London qaar ka mid ah, Cilmiga Geology-gana aad ugu fiican.kana mid ah wafdiga, Laakin hadda doorkoodii waa laga soo gudbay, Data base kii Shidaalka waa la hayaa. Hadda maxaan u baahanahay? Culuumta kale, waxaan aqaan dhaliyaro ku soo takhasusay, petrol management, petrol law, oo Gudaha Dalka iyo Dibadaba joogo. (Markii aad qof u direeysid heer laga soo gudbay, waa sida adiga oo dhakhtarka Xanuunada Caruurta u diro dad waayeel ah, dhakhtar waa yahay laakin shaqadiisii ma ahan). 6) Ma jiraa waddan Crisis ku jiro oo heshiis petrol lala galay? Somaliya kama jirto degenaan Siyaasadeed, iyo Nabadgalyo la isku haleeyn karo. Cudurka Siyaasadeed ayaa u baahan in la xaliyo. Ma Jirto Dowlad “Shacabku” soo doortay oo si rasmi ah u meteli karto. Kama hadleyno Aqoonsi iyo xiriir caalami ayaa nala siiyay, isma laha Labadu. Waxa laga hadlayana waa heshiis Ballaayiin Dollar ah iyo muddo gaari karto 100 Sanno in lagaa Saxiixo la rabo, Heshiisyadii Dowladihii Somalida ee dagaalada ka horeeyay ayaa 30 sanno ahaa, qaarkood. Ogoowna: Boqortoyadii Turkigu markii ey Laciifka aheyd waxaa laga saxiixay in 100 Sanno eyna Shidaal Soo saaran Karin, wanaa lagu fuliyay,100kii Sanno waxa ey Dhanaanne Sannadka 2023. 7) Halka laga hadlayo waa Badweyn “ off shore- over 200 m. miles”, Shirkadaha halkaa wax ka qodi karo waa xaddidan yihiin, kharjkuna waa badan yahay, Shirkadaha waaweyne kama soo qayb galayaan Shirka London, waxaa ka soo qayb galaya Shirkado yar yar ama Shirkado mar dhaw la sameeyay, 90% Shirkadaha awooda u leh in ey halkaa Shidaal ka soo saaraan ma imaanayaan Shirka Londan. 8 ) Fiiri proposal-ka Shirka waxa ka qayb galayaasha marti qaaday Shirkada Spectrum, waa dhaqaala doon ee ma ahan Shirkad iyadu awoodo in ey halkaa Shidaal ka soo saarto, waxa ey helayaan % iyo dhowr Block oo la siiyo oo ka mid ah 206 da block. Waxa ey rabtaa in ey hesho shirkado offer keeda aqbalayo. 9) Is weeydii spectrum iyada ayaa bixinee, kharajka Shirka, iyada ayaa marti qaaday Dowlada Somalia iyo Shirkadaha Shidaal, iyadaa maalgashatay Shirka, iyadaa Data Base-ka sameeysatay, intaa oo dhan maxeey u smeynee? in ey dakhli hesho ee ma ahan ixsaan adiga laguu sameeynayo. 10) Spectrum Dan kama leh in Shirkadaha wax ka gadanayo ey Shidaal soo saaraan iyo in ey sii gataan Data-da ama ey si kale u isticmaalaan, iyada DATO ayaa beec u ah. 11) Shirkadaha imaanayo waa kuwa rabo in ey dib u sii iibiyaan bacdamaa iyagu eyna awood u leheeyn in ey soo saaraan Shidaal, waa iska heeysanaayaan documentiga 20 Sanno, 30 Sanno, inta ey ku heleyaan sicirka ey rabaan oo ah kharajkii uga baxay, sahamintii, laaluush iyo dulsaar muddadii ey sugayeen. Adigana waa kugu cuna qabateey karaan, ileey sooma saari kartid illaa iyaga laga gato, cid kalena ma siin kartid Adigu. Waxaaba laga yaaba in Xaalad xasilooni daro ey kuu abuuraan, ilaa sicirka ey rabaan ey Suuqa ka helayaan. 12) Dowladu waxa ey leedahay, Data ayaan tuseeynaa ka qeybgalayaasha ee ma iibineyno, haddii Sharkadu ey tiraa waan iibsaneynaa maxey leedahay Dowladu?. Yaa tusaya Datada ma Annaga mise Spectrum, iyagaa Data maalgashaday ee Somalidu ma maal gashan go’aanka iibintana malihin. 13) Fiiri OFFERKA. Contract Bonus iyo bit ayaa ku qoran. Haddii lagado all zones Dowladu waxa ey ka helee qiyaas illaa 200-300 million, waxa la rabaa in Lacagta la helo ka hor inta aan la sameeyn heyadihii Somalida ee ku shaqada lahaa Transparence-ga, Anti- corruption-ka, Gudigii iibka Qaran,Iwm, hadda ma jirto cid kula xisaabtami karto. Lacgtaa maxaa loo isticmaali karaa ????. Talo: Haddii marba buuq ka yimid, waxaa ila haboon in arrintaa la joojiyo, waddadii saxda aheydna la soo mar. ( waa yaab, weli ma maqal, ilma dhicis ah, oo Hooyadii fool lagu khasbayo, iyada oo aan foolu heeyna dhinac laga qalayo, mar uun ilmaha dhiciska ah banaanka keen isaga oo meyd ah, nolol kama rabee. Ma fahmin). FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay, London ma joogo, Shirkado Shidaalna weligeey uma shaqeeyn, waana khaldami karaa ee wixii ka khaldan ka sax Qoraalka . Qore: Yahya Amir
  2. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Md. Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa waxaa uu ka hadley lacag deyn ah oo xukuumadda madaxweyne madaxweyne Siilanyo la sheegay inay ku wareejisay xukuumadda hadda tallada haysa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Gashaanle sare Caydiid Axmed nuur iyo ciidan uu hogaaminayo kana tirsanaa Ciidanka Maamulka Somaliland ayaa isu soo dhiibay Puntland. Maamulka Gobolka karkaar Iyo kan degmada [...] Source
  4. Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi ka socda xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka oo uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa goor dhow gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wafdiga ayaa casuumaad ka helay bulshada ku dhaqan Baladweyne ayaa waxaa qeyb ka ah xubno ka tiran golaha fulinta ee xisbiga, qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ugu jira xisbiga UPD iyo mas’uuliyiin kale. Qaar ka mid ah waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa ka qeyb qaatay soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Wararka ayaa sheegaya in socdaalka uu qeyb ka yahay ololaha madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya inuu xaliyo wixii dhex-maray isaga iyo beelaha dega gobolka. Labada dhinac ayaad isugu qabtay dhismihii maamulka HirShabelle, oo dowladdii Xasan Sheekh ay dhistay, waxaana Xasan uu rumeysan yahay in taageero uu ka helo beelaha gobolka oo abti u ah ay muhiim u tahay in dib loo soo doorto.
  5. An IED explosion was reported to have killed two senior Somali military officials killed in Dhanaane village, south of Mogadishu on Tuesday. The explosion left the deputy Commander of Sector 12th April of SNA Col Abdisalam Sheikh Aden and Col Abdirahman Jimale Muse, head of the finances of the 1st battalion head. Al-Shabaab has claimed responsibility for the attack, which comes barely two months after two other top SNA officers killed in a roadside blast in the same area. The militants continue to target the Somali army and AU troops with IEDs when travelling in the main roads linking Mogadishu to Lower Shabelle region, south of Somalia. The post IED explosion kills two military officials killed in outside Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa war-saxaafadeed ka kooban afar qodob kasoo saaray shirka shidaalka Soomaaliya ee London ka furmaya 7-da bisha Febraayo. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka oo dhmaeystiran. Warsaxaafadeed Xisbiga Wadajir wuxuu walaac xoogan ka muujinayaa kulan ay soo abaabuleen xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkada (Spectrum) oo 07 Febraayo 2019 lagu qabanayo magaalada London, kaa soo lagu beecinayo xirmooyin 50 (Blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah oo ku teetsan dhul ku fadhiya 173,000 km. Xaraashka (Auction) xirmooyinka shidaalka ayaa la qabanayaa iyadoon hal qodob laga taabagelin heshiiskii ay 05 Juun 2018 magaalada Baydhabo ku gaareen Dawlada dhexe iyo dawlad Goboleedyada. Heshiiska Lahaanshaha maamulka iyo wadaaga dakhliga khayraadka dabiiciga ah ee dalka (Shidaalka iyo Macdanta) ayaa dhigaya: 1) – In sharciga Shidaalka iyo Macdanta laga ansixiyo 2-da aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Xukuumadu ma ansixin sharcigaa. 2) – In la dhiso Golaha Khayraadka Dalka oo ah Golaha ugu sarreeya ee lagu lafa guro Arrimaha khayraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed. 3) – In la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Batroolka. Xukuumadu ma dhisin hay’adaas. 4) – In la dhiso Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed (Somali National Oil Company-SONOGRAM) oo ah shirkad ay yeelanayso Dawlada Soomaaliya oo masuul ka noqonaysa sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saarida iyo suuq gaynta, rasumaalka iyo wadaaga saamiyada shirkada, taasoo lagu qeexayo sharci gaar ah. Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (Auction) ama beecinayo shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan 2-da aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’addii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya. Xukuumadu waxay soo saartay qoraal ay ku sheegayso ujeedka shirka uu yahay xog wadaag, laakiin waxaan tuhun ka qabnaa qoraalka shirkada (Spectrum) ee cadaynaya in ujeedku yahay iibinta xirmooyin shidaal, maadaama uu shirkii soo bandhigida xogta shidaalka Soomalaiya horay loogu qabtay wadanka Koonfurta Afrika. Waxaan xukuumada ugu baaqaynaa in ay shirkaas joojiso. Hawlaha sidaan xasaasiga u ah waxay u baahan yihiin wadatashi iyo aragti midaysan oo xooggaga siyaasadeed isla meel dhigaan. Ma aha hawl ay xukuumadu kaligeed go’aansan karto, maadaama ay waxa miiska saarani ay yihiin hanti Qaran. Haddaba, waxaan uga digaynaa shirkadaha loogu yeeray shirka in ay ku kadsoomaan iibsiga xirmooyinka (Blocks) shidaal ee ay xukuumada soo bandhigayso. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ka soo qaybgalaan mudaaharaad ka looga soo horjeedo iibinta xirmooyinka shidaalka Soomaaliya si ay u ilaashadaan khayraadka dalkooda, kagana hortagaan xaraashka shidaalka iyo Macdanta dhulkooda. Dhammaad
  7. Xisbiga Wadajir oo ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ka mid noqday xisbiyada ka horyimid shirka xaraashka bolookyada shidaalka ee ka dhacaya London 7-bada bishan. Qoraal ka soo baxay xisbiga waxaa lagu sheegay in shuruucda loo baahnaa aan la dhameystirin iyo iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan 2-da aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’addii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya. Halkan Ka Akhriso, Qoraalka Xisbiga Wadajir: Xisbiga Wadajir wuxuu walaac xoogan ka muujinayaa kulan ay soo abaabuleen xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkada (Spectrum) oo 07 Febraayo 2019 lagu qabanayo magaalada London, kaa soo lagu beecinayo xirmooyin 50 (Blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah oo ku teetsan dhul ku fadhiya 173,000 km. Xaraashka (Auction) xirmooyinka shidaalka ayaa la qabanayaa iyadoon hal qodob laga taabagelin heshiiskii ay 05 Juun 2018 magaalada Baydhabo ku gaareen Dawlada dhexe iyo dawlad Goboleedyada. Heshiiska Lahaanshaha maamulka iyo wadaaga dakhliga khayraadka dabiiciga ah ee dalka (Shidaalka iyo Macdanta) ayaa dhigaya: 1) In sharciga Shidaalka iyo Macdanta laga ansixiyo 2-da aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Xukuumadu ma ansixin sharcigaa. 2) In la dhiso Golaha Khayraadka Dalka oo ah Golaha ugu sarreeya ee lagu lafa guro Arrimaha khayraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed. 3) In la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Batroolka. Xukuumadu ma dhisin hay’adaas. 4) In la dhiso Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed (Somali National Oil CompanySONOGRAM) oo ah shirkad ay yeelanayso Dawlada Soomaaliya oo masuul ka noqonaysa sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saarida iyo suuq gaynta, rasumaalka iyo wadaaga saamiyada shirkada, taasoo lagu qeexayo sharci gaar ah. Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (Auction) ama beecinayo shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan 2-da aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’addii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya. Xukuumadu waxay soo saartay qoraal ay ku sheegayso ujeedka shirka uu yahay xog wadaag, laakiin waxaan tuhun ka qabnaa qoraalka shirkada (Spectrum) ee cadaynaya in ujeedku yahay iibinta xirmooyin shidaal, maadaama uu shirkii soo bandhigida xogta shidaalka Soomalaiya horay loogu qabtay wadanka Koonfurta Afrika. Waxaan xukuumada ugu baaqaynaa in ay shirkaas joojiso. Hawlaha sidaan xasaasiga u ah waxay u baahan yihiin wadatashi iyo aragti midaysan oo xooggaga siyaasadeed isla meel dhigaan. Ma aha hawl ay xukuumadu kaligeed go’aansan karto, maadaama ay waxa miiska saarani ay yihiin hanti Qaran. Haddaba, waxaan uga digaynaa shirkadaha loogu yeeray shirka in ay ku kadsoomaan iibsiga xirmooyinka (Blocks) shidaal ee ay xukuumada soo bandhigayso. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ka soo qaybgalaan mudaaharaad ka looga soo horjeedo iibinta xirmooyinka shidaalka Soomaaliya si ay u ilaashadaan khayraadka dalkooda, kagana hortagaan xaraashka shidaalka iyo Macdanta dhulkooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa albaabada ka xirtay dadka doonaya inay la kulmaan ayada oo la hakiyay qaabilaadda dadka ku booqanaya xafiiskiisa. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ayaa lagu amray Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland dhaqan gelinta wareegtada. Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha laguma sheegin waqtiga ay qaadaneyso hakinta qaabilaadda Madaxweynaha waxaana lagu soo koobay ilaa amar dambe. Wareegtadan waxaa ku saxiixan Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maamulka Puntland, C/Naasir Biix Soofe.
  9. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa la filayaa in caawa uu jeediyo khudbadiisa labaad ee qaranka, isaga oo la hadli doono xubno badan oo ku cusub aqalka congress-ka, oo ay ku jiraan haween iyo kuwa kasoo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay. Waxaa Trump gadaal fariisan doonta afhayeenka Aqalka Wakiilada, Nancy Pelosi oo dagaal siyaasadeed la gashay Trump markii ay isku khilaafeen miisaaniyadda dowladda, taasi oo dhalisay in bil iyo bar ku dhow ay hakad galaan howlihii dowladda. Khudbaddan ayaa dib uga dhacday waqtigeeda oo ahaa 29-ka Janaayo, kadib markii Pelosi ay ka hor-istaagtay Trump inuu jeedo ilaa howlaha dowladda dib looga billaabayo. Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad, Trump ayaa ka hadli doona mowqifkiisa arrimaha socdaalka iyo amniga xuduudda, ilaalinta shaqaalaha Mareykanka, xiriirka ganacsi ee Shiinaha iyo hoos u dhigista qiimaha daryeelka caafimaadka. Sarkaalka ayaa sheegay in khudbadda ay noqon doonto mid “mideyn iyo rajo wanaag” ku dhisan. Source
  10. Balcad (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan maanta uu ka dhacay degmada Balcad ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa salka ku haya xiisad u dhexeysa guddoomiyaha Balcad iyo xoghayaha maamulka oo garab ka helaya taliyaha nabad sugida degmadaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, iyadoona ay fashilmeen kulamo lagu dhex dhexaadinayaya labada dhinac. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa halkaasi Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xiisad xoogan ay ka taagneyd M/Balcad, taas oo sababtay in ay dagaalamaan ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. The post Dagaal xoogan oo markale ka dhacay degmada Balcad appeared first on Shabelle. View the full article
  11. (SLT-Hargaysa) Aqoonyahan Jamaal CALI Xuseen oo kamid ah dadka khibrada shaqo iyo mida aqoon ahaanba ku xeel dheer dhaqaalaha ayaa si kooban uga Hadlay daynta Xukuumadda Muuse Sheegtay inay ka dhaxleen Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo. Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook-ga dhigay ayuu ku yidhi . “Waxa laba jira laba nooc oo tuuganimadda ah, mid si toos ah ayuu u xadaa wixii markaa yaalla. Hadaba waxa jira tuug nooc kale ah oo isagu intaanu waxba xadin dadka ka sii dhaadhiciya inay lacagtaasi maqan tahay. Hadaba nooca danbe ayaa khatar ah. Waxba garan maynee si Alle u daa.”. Sidaa waxa yidhi Jamaal CALI Xuseen Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ahaa afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay sida uu u arko xilkaas oo maanta loo magacaabay garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Col. Aadan Axmed Rufle oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ciidanka Kenya inay wadaan dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay ku doonayaan iney mar kale ku burburiyaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuuud ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Aadan Rufle ayaa tilmaamay inay heleen xog ku aadan qorshe ciidamada Kenya ay ku burburinayaan xarumo hor leh oo ay leedahay shirkaddaasi. “Maleeshiyaad lagu soo tababaray gudaha Kenya gaar ahaan dhulka Soomaalida ee NFD ayaa la keenay bilowgii bishii January degaanada Dhoobley iyo Afmadow, kuwo Wajeer laga soo soo wareejiyeyna waxay hadda ku sugan yihiin degmada Ceelwaaq Kenya, waxay qorsheynayaan sida aan xogta ku heleyno iney jaraan xarunta Hormuud ee isku xirta Ceelwaaq iyo B/xaawo oo isku jira 180-km, si loo barakiciyo dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool, dhaqaale ahaan maadaama ay ku tiirsan yihiin Isgaarsiinta” ayuu yiri Col Rufle oo xusay in ciidamada Kenya ay horey u burburiyeen xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud taasoo uu buu yiri curyaamisay dhaqaalaha kumanaan Soomaali ah oo isticmaali jiray lacagaha telefanada lagu shubto. Waxaa uu sheegay in qorshaha ciidamada Kenya ku burburinayaan xarumaha shirkadda Hormuud ee jubooyinka iyo Gedo uu qeyb ka yahay dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka gobolada jubooyinka iyo Gedo ee ku nool meelaha u dhow xadka. “Ciidamada Kenya waxay mar walba duulaan ku ahaayeen nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed, sida burburinta shirkadaha Isgaaasiinta. xawaaladaha, leynta xoolaha nool oo marna ay dayuuraddo ku duqeeyaan marna rasaas ku furaan, jarida dhirta iyo dhoofinta dhuxusha iyo weliba dhibaatooyin kale oo aan la soo koobi karin” ayuu yiri sarkaalkan. Col. Rufle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe lagu soo dhoweeyo laguna qaabilo Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji, wilkiisa oo sarkaal ah iyo Cali Bilow Qorane oo ka tirsan masuuliyiinta gobolka W/bari Kenya, kuwaasoo uu sheegay iney masuul ka yihiin dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gedo iyo Jubooyinka. Waxaa uu ugu dambeyn ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka war heyso, kana hortagto dhibaatooyinka cusub ee ciidamada Kenya la damacsan yihiin xarumaha Hormuud, kalana xisaabtanto dowlada Kenya dhibaatooyinkii ay horey u geysteen.
  14. Muqdisho ( SMN) – Waxaa si habsami leh u soconaya barnaamijka Isxilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud,iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan dhamaan shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya,waxaana la kordhiayay waqtida shaqada. Saacadaha Shaqada Barnaamijka Isxilqaan ayaa la badiyay, iyadoona la soo galayo subixii hore, lagana baxayo gelinka dambe,si loo dardargeliyo howlaha ballaaran ee dhismaha xarumaha danta guud,kadib amar ka soo baxay xafiiska raiisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre. Ololahan oo haatan lagu dhisayo xarunta tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si aad ah uga qeyb qaadanaya qeybaha kala duwan ee bulsahada, si dib loogu soo celiyo sharaftii iyo maamuuskii ay laheyd Soomaaiya. Barnaamijka Isxilqaan oo muhiim u ah dalka iyo dadka ayaa waxaa kol hore ku dhawaaqay madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. The post Khayre Oo kordhiyay saacadaha Ololaha Isxilqaan appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Ankara (SMN) – War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa si kulul loogu cambeereeyay weerarkii qaraxa ahaa ee shalay ka dhacay M/Muqdisho. Xukuumadda Ankara ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay weerarkaasi, iyadoo ku tilmaamtay in uu ahaa mid baahalnimo ah. Qoraalka wasaaradda ayaa lagu yiri “waxaan si xoogan u cambaarayneynaa qaraxaasi, waxaana Tacsi u diraynaa shacabka iyo dowladdda Soomaaliyeed. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliaydda qaraxan oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 Qof, halka ay ku dhaawacmen tiro intaasi ka badan. Source:- Anadolu Agency The post Turkiga Oo cambaareeyay qaraxii Xamar Weyne appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni Dowladda Puntland ayaa hakisay, in lala kulmo madaxweynaha cusub, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Qoraal ka soo baxay xafiiska agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland, Cabdinaasir Biixi Soofe oo lagu socod-siiyay dhammaan golayaasha dowladda, ayaa lagu sheegay in la hakiyay, ballamihii iyo qaabilaadii madaxweynaha ilaa iyo amar dambe. Go’aankan ayaa sida qoraalka ku xusan loo qaatay duruufo jira awgood, balse faahfaahin lagama bixin arrimaha keenay,duruufaha haysta madaxweynaha. Dhinaca kale, wararka laga helayo madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in mudane Deni uu diyaarsaday golihiisa xukuumadda cusub, islamarkaana ku dhawaaqi doono maalmaha u dambeeya todobaadkan. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland: madaxweynaha cusub oo hakiyay in lala kulmo appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha guddida ilaalinta hantida iyo dabagalka musuqmaasuqa ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa markii u horaysay shalay shaaca ka qaaday in xukuumadda Madaxweyne Biixi la daala-dhacayso lacag dayn ah oo 80 Milyan oo doollar ah taas oo ay ku wareejisay xukuumaddii Axmed Siilaanyo hase ahaatee wasiirkii maaliyadda ee Siilaanyo Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ku dooday in aanay jirin lacag dayn ah oo ay xukuumaddii hore ee Kulmiye ku wareejisay Xukuumadda Madaxweyne Biixi. Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ayaa markii ay xilka la kala wareegayeen wada jir u sheegay in aanay jirin wax deyn ah oo ay la kala wareegeen, balse maalintii shalay ayay guddidu xog waraysi la yeelatay wasiirka maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, islamarkaana ay sheegtay in wasiirku siiyay xogta xaddiga daynta ee ay kala wareegeen xukuumaddii hore. “Wax-yaabo badan oo mad-madow ku jiray ayaanu isla iftiiminay islana garanay wasiirka iyo kooxdiisa la socda intaba. Waxa ka mid ah in Xukuumadda maanta joogta deyn dhan $80 Milyan oo dollar ay kala wareegtay Xukuumaddii hore oo la inoo sheegay siyaasiyan markii laga wada hadlaayey xil wareejintii in aan wax deyn ah oo lagaga tegay ama Xukuumaddii hore ka tagtay aanay jirin, deyntaana ay la ildaran tahay ama ay Xukuumadda culays badan ay ku hayso bixin-teedu.”Ayuu yidhi Xildhibaan Buuba oo wasiir Sacad barbar taagna wasiirka laftiisuna waxa uu sheegay in ay mar kasta jirto dayn dawladuhu isku wareejiyaan. Dhanka kalene Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay isna in wasiirkii xilka uga horeeyey ee Maaliyadda uu ku wareejiyey deyntaa, isagoo tilmaamay in aanay wax cusub ahayn deyntu lagu leeyahay Xukuumadda KULMIYE . “Deynta Xukuumadda lagu leeyahay wax cusub maaha dowlad aan deyn gelina ma jirto, maalintii aan la wareegayey xilka waxay kamid ahayd deyntu wixii la igu wareejay ee xil wareejinta ka mid ahayd .” Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu Dr Sacad Cali Shire. Haddaba Wasiirkii hore ee maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa telefishanka Horn Cable u sheegtay in aanay jirin dayn ay wareejiyeen, inkasta oo laga yaabo in waxyaabo yar oo hadhaayow ahi jirin karaan kuwaasna aanay dhawr malyan ba gaadhi karin. Waxay sheegtay in daynta dawladdu tahay mid hantiileyaasha shacabka ah laga qaato oo u dhexeysa wasaaradda maaliyadda iyo bangiga taasna aanay jirin “Dayn waxa laga qaadan kara qof shacab ah, qofka shacabka ah ee milaayiinta laga qaadanayo ee jooga anigu kama tagin mana ogi, waxa dayn loo qaata marka wasaaradda maaliyaddu dayn codsato ee daynta qaadato ee xisaabiyuhu ogyahay ee dabeedna akoonka 11 lagu shubo dabeedna halka lagala baxayo,” Sidaas ayay tidhi Marwo Samsam. “Lacagta ay dawladdu ka tagta waxa weeye lacag u dhexeysa maaliyadda iyo baanka waa wax yaryar oo afar milyan shan milyan aan dhaafin wax shicib leeyahay bishii December wixii ay shidaal ina siiyeen ama raashinka ciidanka haddii ay waxyaabaha wax ka soo baxaan aniga diyaar u ah in aan ka jawaabo, wuu jooga xisaabiyihii ila shaqaynayay, wuu jooga agaasimihii maamulka, lacagta dawladda dadku waxay moodayaan lacag meel iska taalla oo la qaadanayo akoown 11 foojar bay kaga baxda lacagtu laakiin, haddii qof shacab ah warqad iska sito oo yidhaa lacag baan dawladda ku leeyahay dee in la hubsado oo dadka la waydiiyo oo wasiirku maaha qofka shaqada maalinlaha ah haya ee dadkii hayay way fadhiyaan; agaasimihii wuu jooga, xisaabiyihii wuu jooga, baanka dadkii joogay way joogan marka waxaasi maba aha wax la isku waale waa la waraysan kara,” Sidaas ayay tidhi Samsam. Samsam waxay sheegtay in ay la hadashay Dr Sacad islamarkaana uu u sheegay in aanay afkiisa ka soo bixin lacagta daynta ah laakiin, wasiir Sacad ma beenin arrintan markii xildhibaan Buubaa oo barbarkiisa taaggan sheegayay sidoo kalena arrintan saxaafadda kama beenin. Maxay Tahay Daynta La Isku Tuurtuurayo? Xukuumaddii Siilaanyo ayaa fagaareyaasha ka sheegi jirtay in ay xukuumaddii ka horaysay ee Daahir Rayaale ka dhaxashay lacag dayn ah iyo khasnad madhan laakiin, maxay tahay lacagta xaddigan leh ee xukuumaddaha Kulmiye isku tuurtuurayaan? Sida ay sheegtay Samsam Cabdi Aadan waxay dawladdu lacag ka amaahata ganacsatada ama shakhsiyaad lacag haysta. Maxamuud Cabdi Jaamac guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ka dareen celinayay lacagtan daynta ayaa ka sheekeeyay ganacsade uu ogaa in uu xukuumadda lacag ku leeyahay laakiin, xafladdii xil wareejinta ee Biixi iyo Siilaanyo aan wax dayn ahba la isku wareejin. “Nin Ganacsade ah baan ku idhi maalintii xil wareejinta labada Madaxweyne wax Dayn ah lama wareejin adigu na waa adigii lahaa lacag badan baan ku leeyahee maxaa dhacay? Wuxuu iigu jawaabay xukuumaddaha sida aan Daymahayaga uga qaadano waanu naqaanaaye ha noo biqin!!!. Maalintaas jawaabtaas kumaan qancin, wallow uu iiga sheekeeyey qiso ahayd Daymo ay ku lahaayeen UDUB sidii ay Maxamed Xaashi Cilmi oo wasiir ahaa wakhtigii Siilaanyo uga qaadeen.Kulmiye haddii ay isku xil qariyeen Dayntaas, waxa ka sii daran xil qarsiimooyinka kale ee laga galay Qarankan kala badh dadkiisii la leeyahay Macaluul bay qarka u saaran yihiin,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha SOLJA qoraal Facebook ku qoray. Hay’adda Center For Policy analysis(CPA) oo fadhigeedu yahay Hargeysa ayaa bishii July ee sanadkii hore sheegtay in lacagtii doorashada kaga baxday xisbiyadu ay ku qiyaaseen 54 Milyan oo doollar laakiin, may sheegin sida ay xisbiyadu lacagtan u kala isticmaaleen. Dr Cabdiraxmaan Cirro guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo bishii October taageerayaashiisa kula hadlayay London ayaa isaga oo tixraacaya warbixintan wuxuu sheegay in xisbigiisu lacag yar isticmaalay una arko in lacagtan badankeeda uu KULMIYE isticmaalay. Dadka siyaasadda odorosa ayaa u arka in lacagta ay isku tuurtuurayaan maamulka madaxweyne Biixi iyo nidaamkii Md Axmed Siilaanyo ay tahay lacagtii xukuumaddii hore kaga bixisay ololaha doorashada Mr Biixi taas oo aanay labada dhinac si toos ah isugu saari karin farta laakiin, la isugu xil qariyay sidii ka dhacday xafladdii xilwareejinta oo dadku filayeen in daynta la sheegi doono laakiin, dhinacyadu bilaa dayn xilka ku kala tirsadeen. Haddii ay jirtay lacagta xaddigaasi leeg ee daynta ah oo hadda culays ku haysa xukuumadda madaxweyne Biixi waxa la eegaya in ay xukuumaddu u sibir saarto sida ay ku timid haddii aanay ahayn mid ololaha lagu galay oo la xisaabiyay madaxweyne Biixi taas oo madaxweynaha ku adag in uu ka galgasho. Source
  18. Bosaso (Puntlandi) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa safarkiisa ugu horeeya ku tagidoona magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland, halkaas oo la ciir ciiraysa [...] Source
  19. Duqa Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad Duqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, Yaasiin Cabdisamad Cumar ayaa ku amray dhammaan goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo xarumaha kale ee magaalada, in Af-soomaaliga ay u isticmaalan xayeysiinta boorarkooda. Qoraal wargelin ah ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha, ayaa lagu amray goobaha kala duwan ee ganacsiga, waxbarashada iyo xarumaha kaleba, in Af-soomaaliga lagu daro tabbeelayaasha xayeysiinta xarumaha iyo cinwaanadooda. “Si looga hor-tago in uu dabar-go’ afkeenna hooyo ee Soomaaliga, waxaa lagu wargalinayaa dhammaan ganacsatada, goobaha waxbarashada iyo cid kasta oo albaab u furanyahay, in af-soomaaliga lagu daro tabbeelayaasha xayaysiinta ee goobtu leedahay, lana siiyo muhiimada kowaad ee cinwaanka goobta” ayaa lagu yiri qoraalka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Duqa Gaalkacyo oo amray in boorarka xayeysiinta Af-Soomaali lagu qoro appeared first on Puntland Post.
  20. Warar aanu ka helay deegaanka Badhan ayaa waxa ay sheegayaan in taliyihii ciidammada booliska Somaliland deegaanka Badhan Caydiid Axmednuur uu ka goostay ciidammada Somaliland. Taliye Caydiid Axmednuur ayaa waxa la sheegay in uu talaabaday dhanka Maamulka gobolleedka Puntland oo uu u goostay. Warar aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in taliyuhu uu watay gaadiid tikniko ah iyo ciidamo aan badnay, walow aanaan si rasmi ah u xaqiijin tirada gaadiidka iyo ciidammada uu wato. Maamulka Puntland ayaa waxa uu faro-galin ka wado deegaano ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag iyada oo aan wali xukuumadda Somaliland aanay jawaan waafi ah ka bixinta talaabooyinkaasi. Source
  21. Marka (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda barqanimadii maanta lagula eegtay waddada xeebta ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo uu hoggaaminayay abaandulaha ciidanka 12 April, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Jaziira iyo Dhanaane ee gobolkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaasi iyadoona uu ku dhintay abaandulihii 12-ka April gaashaanle sare C/salaan Aadan Kurjoy, waxaana sidoo kale ku dhawaacay taliyihii deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxan. Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyo la eegta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/ Hoose The post Ciidamo ka tirsan kuwa DF Oo qarax lagula eegtay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Marka (Caasimada Online) –Waxaa maanta degaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay laba korneyl oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaliya. Labada korneyl, ayaa ayaa kala ahaa korneyl Cabdisalaan Sheekh Aaden oo ahaa abandulaha qaybta 12-ka Abril iyo Korneyl Cabdiraxmaan Jimcaale Muuse Kurjow oo ahaa madaxa maamulka lacagta Guutada 1-aad. Cabdi Salaan ayaa xilkan ka beddelay Jeneraal Jamaame oo isaguna qarax miino ku dhintay lixdii December ee sanadkii la soo dhaafay ee 2018. Jeneraal Jamaame waxaa weerarkaas kula dhintay Jeneraal Cumar Dheere oo ahaa taliyaha guutada 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Gaashaanlle sare Cabdi Salaan Aadan Kurjow ayaa xilkan loo magacaabay 26-kii Bishii December 20 maalmood kaddib geerida abaanduulahii uu isaga beddelay ee Jeneraal Jamaame lagu magacaabayay. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilkan, inkasta oo loo badinayo kooxda Al-Shabaab oo gobolka ku xooggan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu xalay kulan xaasaasi ah la qaatay wasiirka maaliyada, Sacad Cali Shire waxana uu Ka codsaday in uu beeniyo in wax dayn ah ay lala wareegeen xukumadii hore ee Siilaanyo, waxana Dr Sacad aad loogu canaantay arintaasi Ka baxday. Dhanka kalena waxa jirta xubno mihiim ah oo ku dhow dhow madaxweynaha oo iyagu talo ku bixiyay in aan arintaasi aan la beenin taasi oo ay sheegeen in ay sii abuuri doonto buuq hor leh hadii uu wasiir Sacad uu saxaafada la hadlo Hadaba hadii uu Sacad Cali Shire uu saxaafada la hadlo oo arintani uu dhabarka u saaro xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa, oo sida Madaxtooyada laga soo abaabulay uu warbaahinta la hor yimaado dafiraad iyo hadal aan isaga Ka soo bixin, waxa ay arintani noqon doontaa fadeexadna kale. Source
  24. Tan iyo markii la caleemo saaray madaxweyne Deni, ayuu xafiiskiisa ku qaabilaayay dadweynaha Puntland, kuwaas oo uu ka dhegaysanayay talooyin. Qoraal ka soo baxay agaasimaha [...] Source