Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Islamabad (Caasimada Online) – Pakistan ayaa sheegtay in ciidamadadeed ay maanta soo rideen laba diyaarad dagaal oo India ay leedahay, kuwaas oo soo galay xuduudeeda dhulka lagu muransan yahay ee Kashmir. Major General Asif Ghafoor oo ka tirsan ciidamada Pakistan ayaa sheegay in sidoo kale la qabtay mid ka mid ah duuliyayaashii diyaradaha kadib markii diyaaraddiisa ay kusoo dhacday qeybta Pakistan ay maamusho ee Kashmir. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay India oo ku saabsan sheegashada Pakistan inkasta oo warbaahinta India ay ilo-wareedyo militari kasoo xigteen in wax duuliye ah uusan ka maqneyn India. Hadalka kasoo baxa Pakistan ayaa imanaya ayada oo India ay sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay ka hor-tageen saddex diyaarad oo Pakistan ay leedahay oo kusoo xadgudbay xuduudeeda Kashmir, dibna ay u celiyeen. Dhacdadan ayaa timid saacado kadib markii Pakistan ay sheegtay in afar qof lagu dilay hoobiyeyaal ay ciidamada India kusoo tureen xadka milatari ee labada dhinac. India ayaa talaadadii sheegtay inay duqeysay xiro ay kooxda mintidiinta Kashmir ee Jaish-e-Mohammad ay ku leedahay gudaha dalka Pakistan. Kooxdan ayaa dhowaan sheegatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin baabuur ahaa oo laba toddobaad ka hor lala beegsaday ciidamada sida milatariga u tababaran ee qeybta Kashmir ee India, kaasi oo lagu dilay 40 askari. Dhacdooyinkan ayaa dagaal qarka u saaraya labada dal ee Nuclear-ka ku hubeysan ee India iyo Pakistan. VOA
  2. Dadka loo diiday soo dhaweynta Warar ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland ayaa sheegaya in dad shacab ah loo diiidayn in Garoonka diyaarada ku soo ku weeyaan Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig. Ciidamada Jubbaland ayaa kala eryey dad shacab ah oo ku sugnaa banaanka hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kuwaas oo ka qeyb qaadan lahaa soo dhaweynta Xildhibaan Xidig, oo la sheegay in uu u sharaxan yahay Madaxweynaha Jubbaland. Masuuliyiinta Jubbaland ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin sababta, Xildhibaan Xidig oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya loogu diiday soo dhaweynta. Arrinta ayaa ku soo aadaysa iyadoo xalay Guddiga amniga Jubbaland soo saareen amaro ka dhan ah musharixiinta, kuwaas oo ay kamid ahaayeen inaysan musharaxiiintu sameysan karin ilaalo u gaar ah,isla markaana amnigooda uu damaanad qaadayo maamulka Jubbaland. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qorshuhu yahay in doorasho madaxtinimo ka dhacdo bisha Agoosto ee sanadkan 2019. PUNTLAND POST The post Kismaayo: shacab loo diiday in ay soo dhaweeyaan Xildhibaan Xidig appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) –Taliska ciidamada AMISOM ayaa shaaciyay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ay amaanka kala wareegi karaan ciidamada AMISOM ee kusugan Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007. Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho una dhaxeeyay taliska AMISOM iyo wasiirka amniga xukuumadda ayaa lagu shaaciyay in ciidamada AMISOM ay muddo ka shaqeynayeen Soomaaliya 12kii sano ee lasoo dhaafay haddana ay wadaan diyaar garowga sidii dalka ay kaga bixi lahaayeen. Taliyaha AMISOM ahna wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madiera ayaa shaaciyay in ciidamada meletariga Soomaaliya ay gaarayaan 20,000 oo askari islamarkaana ay amaanka la wareegi karaan. Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay dhankiisa inuu ka mahad celinayo ciidamada AMISOM dadaalka ay ka wadaan Soomaaliya. Ciidamada Dowladda ayuu sheegay in loo tababaro sidii ay amaanka kala wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM isaga oo sheegay in hadda tababar ay heleen ciidamada Dowladda Soomaaliy. Taliska AMISOM ayaa sheegay in ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada ay gaarayaan inka badan 20 kun oo meletari isaga oo ku daray maleeshiyaad beeleedyada la dagaalamaya Alshabaab. Wuxuu sheegay in dhamaan ciidamadaasi ay diyaar u yihiin inay la wareegaan amaanka dalka. Caasimadda online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Dooxa (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa maanta lagu wadaa inuu Kulan gaar ah la yeesho Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta. Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac. View the full article
  5. Baydhabo (SMN) – Xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa goor dhow meel-mariyay golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Illaa 124 Mudane ayaa soo xaadiray Fadhigan, iyadoona uu goobjoog ahaa Madaxweynaha K/ Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen. Xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xukuumadda cusub, waxaa u codeeyay 123 Mudane, halka uu diiday 1 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay guddoonka baarlamaanka. Intaasi kadib golaha wasiirada cusub ayaa la dhaariyay, si ay ugada galaan howlaha shaqo ee loo igmaday. Ugu dambeyn madaxweyne Lafta-Garen oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa uga mahadceliyay baarlamaanka meel-marinta golihiisa wasiirada. View the full article
  6. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa agab isboorti iyo daawo gaar siiyay Xarunta Barbaarinta Caruurta Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. Taliyaha xarunta Barbaarinta Caruurta Cali Xirsi Bare Cali gaab ayaa maamulka Gobolka Banaadir uga mahad celiyay sida ay u garab taaganyihiin caruurtaan agoonta ah waxa uuna ka codsaday in ay mar walbo garab tagnaadaan si loo horomariyo mustaqbalka caruurtan. “Hadii aanu nahay maamulka isboortiga Gobolka Banaadir waxa aan diyaar u nahay in horomarino xirfadlayaasha halka ku sugan sababtoo ah waxaa laga yaabaa in ay ku jiraan ciyaartooy badan oo matali kara xulka qaranka dalka”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish. Dowladda waxa ay waqti ku bixisay gacan ku haynta iyo bar baarinta xarunta barbaarinta Caruurta ee booliska waxaana markii aad booqato aad kuu soo jiidanaya qaabka wanaagsan ee loo dayac tiray. Cali Xirsi Bare (Cali Gaab) oo ah taliyaha xarunta barbaarinta caruurta booliska mar uu la hadlay Goobjoog bishii Janaayo 2019 waxa uu qeexay in ay tartamo kala duwan ay u qabtaan caruurta waxaana xarunta loogu diyaariyay garoomada kubbadda cagta iyo kubbadda kolayga. Caruurta ku sugan Xarunta waxaa lagu barbaariyaa casharrada la xiriira wadaniyadda badanaa waxaa ay qaataan Casharro kala duwan oo ay ugu weyntahay in ay noqdaan jiil ku soo hano qaado gacan dowladeed si qarannimada dalka ay ugu noqdaan difaac. Basmo Caamir Shakeeti oo ah guddoomiye ku xigeynka arimaha bulshada iyo wacyi galinta maamulka Gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadashay waxa ay sheegtay iyada oo wakiil ka ah maamulka Gobolka ay diyaar u yihiin garab istaagida iyo ka war qabida xaalada caruurta agoonta ciidanka boolsika. Si kastaba Xarunta Agoonta ciidamada Booliska ayaa la dhisay 05-May 2018 iyada iminka lagu xanaaneeyo caruurtii ay ka geeriyoodeen Ciidanka Booliska. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  7. Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ayaa la sheegay in ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, ayna ku dileen dagaalyahano iyo saraaki ka tirsan Al-shabaab Howlgalka ayaa laga fuliyay deegaanada Orantan, Masaaro Jabis, Dhiri Maadle, Miir cado, Garxamud, Wab Galeey iyo Afar Irdood oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan halkaasi oo la sheegay in ay saldhigyo ku lahayeen Al-shabaab Saldhigyadii Al-shabaab ayaa lagu burburiyay howlgalka sida ay inoo sheegeen saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka Taliyaha guutada 5Aad qeybta 27Aad ee ciidanka Xoogga Dalka G/sare Faarax ayaa sheegay in howlgalo laga fuliyay deegaano hoostaga gobolka Hiiraan lagu burburiyay saldhigyo Al-shabaab Kornel Faarax Kooshin waxa uu sheegay in howlgalka Al-shabaab looga dilay ku dhawaad 40 dagaalame iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab Ugu dambeynti Taliyaha ayaa sheegay in Al-shabaab howlgalka looga gubay 3 gadiid oo ah kuwa dagaalka. PUNTLAND POST The post DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay 40 dagaalame oo Al-shabaab ah appeared first on Puntland Post.
  8. Maxkamada sare ee Puntland ayaa maanta shaacisay inay dil wajahayaan dadkii dilay islamarkaana kufsaday Caa’isha Ilyaan Aadan oo ahayd gabadh 12 jir ah oo ku [...] Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Suldaan deegaan ahaan ka soo jeeda gobollada galbeedka Somaliland ayaa waxa uu si cad u sheegay in Somaliland ay ka quusatay aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho beesha caalamka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Pakistan)-Dowladda Pakistan ayaa shaacisay inay soo ridday Labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka Hindiya, kadib markii ay soo galeen hawada dalkaasi. Gen. Asif Ghafoor oo ah afhayeen u hadlay ciidanka Pakistan ayaa sheegay in diyaaradahan ay soo galeen hawada Kashmir, dhanka ay Pakistan maamusho. Sidoo kale, Afhayeenkan ayaa sheegay in ay diyaaradahan mid ka mid ah ay kusoo dhacday gudaha dalkooda, halka midda kale ay ku dhacday dhanka Hindiya. Gen. Asif Ghafoor ayaa xaqiijiyey iney nolosha ku hayaan duuliye ka tirsan dalka Hindaya. Dowladda Hindiya ayaa shalay shaacisay iney duqeysay xarumo ay lahaayeen kooxda Jesh Mohamed oo sheegtay qaraxyo lagu laayay askar ka tirsan dalkaasi. Xiisadda u dhaxeysa Pakistan iyo Hindiya ayaa noqotay mid cirka isku sii shareertay, iyadoo xaaladda Labadan dal ay meel adag mareyso. Source
  11. Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay waqooyiga M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dilka koowaad ayaa waxaa loo geystay wiil 12 jir ahaa oo lagu magacaabi jiray Xaaji C/rashiid Faarax, kaas oo uu dilkiisu ka dhacay xaafadda Israac ee magaaladaasi. Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay wiilkaasi yar, kuwaas oo la sheegayay in ay doonayeen in ay ka qaataan Mobile uu watay sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ah. Sidoo kale waxaa xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu dilay nin ka mid ahaa dadka deegaanka. Dabley hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ay ku fureen ninkaasi oo uu dhaawac ka soo gaaray, balse markii dambe ku geeriyooday isbitaalka. Dhacdooyinkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii la soo dhaafay falal ammaan dari ay ka dhacayeen degmada Gaalkacyo, gaar ahaan qeybta maamulka Puntland. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Shirka Wadajir ee Hannaanka Qaran ee Dowladdaha Hoose oo ay ka Qeyb galayaan Wasiirada Arimaha Gudaha iyo dib u heshiista Dowlad goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad galay. Shirka waxaaa diirada lagu saarayaa dhismaha golayaasha deegaanka, Dhab u heshiisiinta iyo xal u helida dhibaatada barakacayaasha. Wasiirka Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye oo shirka ka hadlay waxuu sheegay iny ka wada hadlayaan madaxda heer Qaran iyo heer dowld Goboleed sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha meesha ugu muhiimsa ee xal ka imaanayana ay tahay ilaa heer degmo la sameeyo qorsho isku xiran oo shirkaan ay qeyb ka tahay. Shirka Madasha waxaa kale oo qeyb ka ah xubna ka socda hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka kuwaas oo warbixinno ka bixinaya marxalada barakacayaasha. Shirkaan ayaa lagu wadaa in la soo xiro maalinka berrita ah lagana soo saaro qorshaha saddexda bil ee soo aadan ee xasilinta, dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka iyo dhab u heshiinta heer Qaran ilaa heer gobol. View the full article
  13. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland uu magacaabay guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland, kaasi oo aan wali la shaacin. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu xilkaasi u dhiibay ruux la aamisan yahay in ku adkaaneyso inuu dhex dhexaad ka dhaceyso, maadaama uu keensaday madaxweyne Axmed Madoobe. Waxaa Muuqata in durba uu bilaabay Axmed Madoobe inuu abaabulo sidii markale uu xilka Jubbaland markii seddexaad dib ugu soo laaban lahaa, isaga oo keenay guddoomiye isaga taageersan. Sidoo kale wuxuu bilaabay inuu cadaadiyo musharixiinta ku sugan magaalada Kismaayo oo la rumeysan inuu Axmed Madoobe awood ku heysto marka la eego dhanka ciidamada iyo fulinta amarada uu soo saaro. Axmed Madoobe ma wanaagsana xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya waxaana jira howlo badan oo qabyo u ah, taasi oo caqabad ku noqon doonto sii socoshada howlahaa haddii aanan markale lasoo dooran. Wuxuu taageero ka heystaa dowladda Kenya oo la rumeysan yahay inay ku ilaashato danaha ay ka leedahay deegaanada Jubbaland, waxaana la sheegaa in khilaafkii dhawaan soo if baxay ee Kenya iyo Somalia in isaga madaxii uu ku yimid. Waa Madaxweynaha ugu waqtiga dheer madaxda maamul goboleedyada wuxuuna xilkaasi hayaa tan iyo sanadkii 2013. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Dowladda Pakistan ayaa shaacisay in ay soo ridday Labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka India, kadib markii ay soo galeen hawada dalkaasi. Gen. Asif Ghafoor oo ah afhayeen u hadlay ciidanka Pakistan ayaa sheegay in diyaaradahan ay soo galeen hawada Kashmir, dhanka ay Pakistan maamusho. Sidoo kale, Afhayeenkan ayaa sheegay in ay diyaaradahan mid ka mid ah ay kusoo dhacday gudaha dalkooda, halka midda kale ay ku dhacday dhanka India. Gen. Asif Ghafoor ayaa xaqiijiyey iney nolosha ku hayaan duuliye ka tirsan dalka India. Dowladda India ayaa shalay shaacisay iney duqeysay xarumo ay lahaayeen kooxda Jesh Mohamed oo sheegtay qaraxyo lagu laayay askar ka tirsan dalkaasi. Xiisadda u dhaxeysa Pakistan iyo India ayaa noqotay mid cirka isku sii shareertay, iyadoo xaaladda Labadan dal ay meel adag mareyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay taageerida horumarka dhalinyarada Somaliland, gaar ahaan dhinaca waxbarashada. Khudbad uu Wakiilka xafiiska UK ku leedahay Somaliland Mr. Stuart Brown ka jeediyey shirweynahii dhalinyarada Somaliland ee dhawaan lagu qabtay magaalada Hargeysa wuxuu ku sheegay in iyadoo ay hore dawladda Britain u taageeri jirtay waxbarashadda Somaliland in hadana ay imika sii xoojinayso. “Xukuumada Ingiriisku waxay taageero ka gaysataa dhinaca waxbarashada goboladda Sool iyo Sanaag, oo loo soo mariyo sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF). Annagoo si dhaw ula shaqayna wasaaradda waxbarashada Somaliland, una fududayna helitaanka fursado waxbarasho dhalinyarada la’aanteed taageeradan aan fursado waxbarasho u suurtowdeen”ayuu yidhi Mr. Brown. Mr. Brown, ayaa sidoo kale shaaciyay inuu bisha dambe xafiiskiisu bilaabayo imtixaan loo gelayo deeqo waxbarasho oo jaamacadaha UK bilaabi doonaan. Waxaanu yidhi, “Sidoo kale, xukuumada Ingiriisku sannad walba waxay qabataa fursado deeqo waxbarasho lagu siinayo ardayda Somaliland. Waxaanan rejaynayaa in aan bisha dambe imtixaan ka qaadno ardayda nasiibka u yeelata deeqahaa waxbarasho. Waxaanan u rejaynayaa nasiib wanaagsan dhamaan inta ka qayb qaadan doonta imtixaanka”. Source
  16. Guddiga amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray amarro ku aaddan doorashooyinka dhowaan la filayo iney ka dhacaan Jubbaland. Qoraal kasoo baxay gudiga ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbaland uu damaanad qaadayo ammaanka guud ee musharraxiinta maamulkaasi. Waxaa loo diiday musharraxiinta in ay sameystaan ilaalo gaar ah si aanu amniga qalqal u gelin, sidoo kalena musharraxiinta aan ku sugneyn gudaha deegaannada Jubbaland waxaa laga dalbaday iney soo wargeliyaan maamulka si amnigooda loo sugo. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa ka hadlay dab qabsaday galabta Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Waxaanu tilmaamay in dabkaasi la xakameeyey. “Galabta waxa dab ka dilaacay Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta,dabkaasi wax dhibaato ah oo nafeed kama dhalan, waxa markiiba u soo gurmaday Ciidanka Dabdamiska oo bakhtiiyey,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta oo caawa ay shir jaraa’id wada jir u qabteen Wasiirka Arrimaha Gudaha. Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo waxa uu tilmaamay in aanay waxba jirin war sheegayey in Idaacadda Radio Hargeysa iyo Wasaaradda Warfaafintu gubatay. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in dabka ka kacay Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta loo xil-saaray baadhitaankeeda Ciidanka Booliska iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye. Source
  18. Dilal qorsheysan ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Gaalkacyo dhanka Puntland iyo sidoo kale magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Nin bistoolad ku hubeyan ayaa gaari rakaab ah oo uu saarnaa waxa uu ku dhex dilay askari ka tirsan ciidanka Puntland, kaasi oo la sheegay in lagu magacaabi jiray Shuceyb Cismaan, waxaana goobta isaga baxsaday ninkii dilka geystay. Dhanka kale, nin watey bistoolad ayaa Gaalkacyo ku toogtay C/rashiid Faarax oo 12 sano jir ahaa, xalay xilli uu ku sugnaa banaanka kore ee gurigiisa. Ninkii wax dilay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidfamada ammaanka oo howlgallo sameeyey. Deegaannada Puntland waxaa maalmahan dambe kusoo badanayey falalka amni darri, waxaana magaalooyin dhow ah ka dhacay dilal qorsheysan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. “Horumarinta Aqoonta Waxbarasho iyo Gargaarida Shacabkeenu waa muhiimadayada koowaad…” Safiir Ayaan Maxamuud Cashuur. London- (Somalilandtoday) Safiir Ayaan Maxamuud Cashuur ayaa shaaca ka qaaday in shan dhakhar oo ka socda cusbitaalada guud ee magaalooyinka Ceerigaabo, Laascaanood, Burco, Berbera & Boorama dhowaan socdaal aqoon-korodhsi ku tegi doonaan dalka Taiwan. Qoraal safiir Ayaan M Cashuur ku baahisay barteeda Facebook oo lagu sheegay in dhakhaatiirtaasi tababaro ku soo qaadan doonaan Cusbitaalada ugu wanaagsan dalka ayaa u dhignaa sidan: “La-taliyaha Ganacsiga xafiiska JSL ee dalka Ingiriiska Maxamuud Warsame Boos & Annigu waxaan casuumad ku qaabilnay wakiilo ka socday Xafiiska Taiwan ee UK,isla markaana uga mahadcelinay saaxiibtinnimada, taageeradooda, qeyb ka tahay deeqaha waxbarasho ee dhakhaatiirta Somaliland. Qoraalka ayaa la raaciyey, “Waxaan ku faraxsan nahay in shan dhakhtar oo ka kala socda Cusbitaalada guud ee magaalooyinka Ceerigaabo, Laascaanood, Burco, Berbera & Boorama ayaa dhowaan u socdaali doona tababar ay ku soo qaadanayaan cusbitaaalda ugu wanaagsan ee dalka Taiwan. Waxa sidoo kale ku xigi doona deeq waxbarasho dhamaystiran oo laba dhakhtar ku biiri doonaan, deeqaha Dr Musa Xassan & kuwa kale ku joogaan. Horumarinta aqoonta waxbarasho iyo gargaarida shacabkeenu waa muhiimadayada koowaad.” Dedaaladan Safiir Ayaan & hawlwadeenada xafiiska Somaliland ee dalka Ingiriiska u qaadeen kordhinta aqoonta dhakhaatiirta Somaliland iyo xidhiidhada dhow ee dhexmaray dhigooda dalka Taiwan ayaa la saadaalinayaa inuu wax badan ku kordhin doono horumarka dalka & dadka Somaliland. Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Saameyn aan wanaagsaneyn ayaa ka dhalatay Khilaafkii mudada dheer u dhaxeeyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxdii hore ee dowlad goboleeydada qaar, kaasi oo ka bilowday Khilaafkii dalalka Carabta. Kadib Markii madaxdii ugu badneyd ee Soomaalida ay markale isku arkeen 26 Janaayo xafladii Caleemo saarka madaxweynaha Puntland, waxaa muuqatay isku soo dhawaansho iyo iscafin ay ku dhawaaqeen madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo. Ka hor bisha Maarso oo lagu balamay in gogol lagu yeelanayo magaalada Garowe waxaa muuqata inay soo baxayaan hadal xanaf leh oo warbaahinta ay mariyeen madaxda seddexda maamul ee aan xiriir wanaagsan uusan kala dhaxeyn dowladda. Maamulada Jubbaland, Galmudug iyo Puntland ayaanan si wanaagsan saaxiib ula noqon madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana markale madaxda maamuladaasi ay jeediyeen hadalo ay ku muujinayeen tabashooyin ay ka qabaan dowladda. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan sheegay in Beesha caalamka ay si gaar ah kaga dalbanayaan inay helaan taageero dhanka amaanka ah, maadaama sida uu sheegay dowladda Soomaaliya aysan gaarsiin hubka iyo qalabka dhanka amaanka ee loogu dhiibo dowladda. Wuxuu si cad isla maalintaasi u sheegay in Puntland ay isku filan tahay oo ay ka tashaneyso dowladda, maadaama ay la dagaalamayaan Al Shabaab iyo Kooxda Daacish oo iyagana isku haya buuraha Puntland. Hadalkaasi wuxuu ahaa midkiisii ugu horeeyay uu jeediyo tan iyo markii xilka loo doortay bishii Janaayo siddeedii, maadaama uu toos u muujiyay sida uusan ula dhacsaneyn durba dowladda. Dhankiisa madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf madaxweynaha Galmudug ayaa ka sheegay magaalada Gaalkacyo in dowladda Soomaaliya wali ay hurineyso colaadaha gobolka, wuxuuna hadalkaasi ahaa mid uu jeediyay kadib kasoo laabashadii magaalada Garowe oo is cafin lagu wada balamay. Axmed Madoobe waxaa hadda hortaala doorashada madaxtinimada Jubbaland, waxaana dhawaan Kismaayo lagu weeraray Musharax doonaya inuu la tartamo Axmed Madoobe Mr Seeraar oo afhayeen Jubbaland ka ahaa, waxaana uu Aamisan yahay in dhanka dowladda uu ka socdo. Marka la eego hadalada xanafta leh iyo talaabooyinka maamuladaasi ay qaadeen waxaa la isweydiin karaa miyuu markale soo laaban karaa khilaafkii dowladda iyo maamul goboleedyada ka hor shirka bisha March ka dhacaya magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in golaha cusub ee wasiirada maamulka K/galbeed hortagaan baarlaaanka maamulkaasi. Madaxweyne C/casiis Laftaga Gareen ayaa baarlamaanka ka codsan doona iney codkooda siiyaan wasiirada si ay waajibaadkooda u gutaan. Codeynta ayaa ah mid gacan taag ah, iyadoo haddii ay wasiirada K/galbeed maanta gudbaan ay hortaallo shaqooyin aad u adag. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Gaadiid xamuul ah oo aad u badan ayaa lagu soo waramayaa in xilligan ay ku xayiran yihiin inta u dhaxeysa B/weyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan. Darawallada gaadiidkan oo la hadlay warbaahinta waxa ay sheegeen in maamulka gobolka Hiiraan uu kusoo rogay lacag badan, iyaguna aanay awoodin bixinta lacagtaasi. Waxa ay sheegeen in waddooyinka burbursan aan loogu dhisin qarashaadkii horey looga qaaday, haatanna la saaray culeys aad u badan. Culeys weyn ayaa na saaran, lacagtaan ma ahan mid aan bixin karno, inaan safarkeenna sii wadanna waa uu inoo diiday maamulka gobolka Hiiraan Dhanka kale, maamulka gobolka Hiiraan weli kama aanu hadal arrintan, iyadoo mas’uuliyiintan arrintan qaabilsan ay ka gaabsadeen ka hadlista waxa jira. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waalidiinta, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed farxaan Maxamed oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu ahayd 26/02/2019, Magaalada Hargeysa. Wiilka geeriyooday oo ka soo rawaxay mid ka mida dugsiyada gaarka loo leeyahay ayey geeridiisa sababtay baskii siday ardayda oo shil ku galay gudaha magaalada Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu farayaa wasaaradda waxbarashada, maamulayaasha dugsiyada, ciidanka nabadgelyada waddooyinka, wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo cid kasta oo ku shaqo leh sharciga waddo marista, qarankana uga masuulka ah inay tallaabo ka qaadaan wadayaasha baabuurta gaar ahaan basaska qaada ardayda dugsiyada oo ay ka muuqato sida soo noq-noqota masuuliyad daro balaadhani, inay mariyaan sharciga wado marista, si looga hortago shilalkaasi oo kale. Madaxweynuhu waxa uu qoyska qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ardaygaasi uga baryayaa inuu ka siiyo samir iyo iimaan saadiqa. Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  24. (SLT-Boosaaso)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay Askari ka tirsanaa Ciidamada maamul gobolleedka Puntland ku dilay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Dad deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in dilkan uu ka dhacay badhtamaha Boosaaso gaar ahaan halka loo yaqaano Gaaca, isla markaana kooxo hubeysan oo watay Bastoolado ay toogteen Askariga xili halkaas uu ku sugnaa. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Askariga la dilay lagu magacaabi jiray Shucayb Cismaan Caluula,waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday ragii ka dambeeyay falkaasi oo la sheegay in ay wateen Mooto laba lugaaleey ah. Source
  25. (SLT-Hanoi)-Kulan maanta loo ballansan yahay ayaa fariinta uu Madaxweynaha Maryakanka D. Trump uu u dirayo hogaamiyaha dalka K. Woqooyi Kim Jong Un ayaa ah mid cad oo fudud. Waa ka tanaasul hubka nuclearka ah, adigana waxa kuu imanaya maal badan oo sida daadkii kuu soo gala. Hase yeeshee, su’aasha xanafta leh ayaa ah: run ahaan arrintaasi ma waxa Kim Jong Un doonayaa? Labada hogaamiye ayaa markii labadaad kulmaya. Magaalada Hanoi ee xarunta dalka Vietnam oo ah goobta uu shirku ka dhacayo waxaa la is leeyahay Kim Jong Un ha arko sida ay barwaaqo u noqotay, iyada oo dalkaasi ay horay cadaawad uga dhaxaysay dalka Maryakanka, si isaguna uu dalkiisa ugu furo maalgashiga dibadda dibadda iyo ganacsiga uu dalalka kale la leeyahay. Wararka shirka labada hogaamiye ayaa faafhaahintiisa aan idaacahayaga maalmaha idiinku soo gudbin doonaa Source