Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,455
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland,Koofur galbeed iyo Jubbaland, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ehelada Dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii Xalay ka dhacay Muqdisho. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid C/llaahi Deni, dhiggiisa Koofur galbeed, C/casiis Xasan Maxamed iyo Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha maamulka Jubbaland, ayaa sidoo kale cambaarayn kulul dusha ugu tuuray Kooxda argagixisada Al-Shabaab ee bannaysatay daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ayaa Allah uga rajeeyay in naxariistii Janno uu ka waraabiyo Dadka goobta ku geeriyooday, waxanay sidoo kale kuwii ku dhaawacmay Alle uga rajeeyeen inuu caafiyo. Madaxda Maamul goboleedyada ayaa waxay Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay Gacmaha is qabsadaan wakhtigan adag oo ay garab istaagan Dadka uu dhibku gaaray, lana qeybsadaan xaaladda ay ku sugan yihiin, waxanay fareen Bulshada in Argagixisada lagaga adkaan karo oo keliya isku duubni iyo wadajir . Source: goobjoog.com
  2. Dadweynaha ku dhaqan magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa bilaabay dhismaha Waddada isku xirta gobolka Cayn iyo dalka Itoobiya . Shacabka ayaa si iskood [...] Source
  3. The US-Somali cop accused of fatally shooting an Australian woman outside her home had brandished his gun on a driver during a traffic stop months earlier, it has been revealed. Dashcam footage has emerged showing former Minneapolis police officer Mohamed Noor, 33, pointing his weapon at a driver after he had stopped him for allegedly not using his turn signal in May 2017. Noor has been charged with second-degree intentional murder, third-degree murder and second-degree manslaughter for allegedly gunning down life coach Justine Ruszczyk Damond, 40, after she called 911 to report a possible sexual assault behind her home in July 2017. Ms Damond, who was originally from Sydney, rushed outside in her pyjamas to meet officers when Noor opened fire. Prosecutors say the video provides evidence that Damond’s death was not a justifiable accident claiming Noor had a history of ‘unnecessarily escalating force,’ KARE11 reported. However, Noor’s defence team has argued the clip is misleading and say the gun was pointing down between the officer and the driver. Defence lawyers are now fighting to keep the video out of the trial. Court documents filed in advance of Friday’s hearing provide an indication of issues that are expected to come up. Among them, prosecutors want to use Noor’s pretrial silence against him, and they want to submit evidence from a pre-employment psychological evaluation conducted in 2015. The defence wants to keep such evidence out, and wants to sever the most serious murder charge from the other two counts. It’s not clear when Judge Kathryn Quaintance will rule. Noor’s trial begins April 1. He has not entered a formal plea, but court documents indicate he’ll plead not guilty and will claim he was defending himself and others on the night of the shooting. Noor has not spoken with investigators. His partner that night, Matthew Harrity, told investigators he was startled by a loud noise right before Ms Damond approached the driver’s-side window of their police SUV. According to the criminal complaint, Harrity, who was driving, heard a voice and a thump and caught a glimpse of a person’s head and shoulders outside his window. He then heard a sound like a lightbulb breaking, saw a flash and looked to his right to see Noor in the passenger seat with his arm extended. He looked out his window and saw Ms Damond with a gunshot wound. Prosecutors say investigators asked to arrange for a voluntary interview with Noor and that he declined through his attorney. Defence attorneys say prosecutors aren’t allowed to use that against Noor in court because he has a constitutional right not to make any self-incriminating statements. But prosecutors argue that they can use a defendant’s pre-arrest silence if the defendant was under no government-imposed compulsion to speak. ‘In sum, the defendant had a choice on whether to tell his side of the story during a voluntary interview in a non-coercive setting,’ prosecutor Amy Sweasy wrote. ‘His decision not to do so is relevant.’ Prosecutors also want to submit evidence from a pre-employment psychological evaluation, including a standardized psychological test that assesses personality traits and psychopathology. The test found that Noor was disinterested in interacting with others and, when compared with other officers, was more likely to be impatient or have difficulty confronting people. A psychiatrist concluded that overall, Noor was fit to be a police officer, saying the test results don’t carry much weight. Prosecutors say the test results are admissible as character evidence, and they matter because the jury has to decide whether Noor acted as a reasonable police officer would act. The defence says prosecutors don’t want to admit the overall psychological evaluation, which found Noor fit for duty, but instead are pointing to a test that is ‘unsupported speculation.’ Prosecutors also want to allow jurors to hear about some prior acts by Noor while he was a police officer, including an incident in which he unholstered his gun during a traffic stop just two months before Ms Damond was shot. Defense attorneys oppose this. It’s unknown whether Noor, who is Somali-American, will testify at his trial. In one of the pretrial filings, prosecutors say they want statements that Noor made to defence investigators and experts to be kept out of the trial – unless Noor testifies first. Prosecutors say they otherwise would have no way to challenge what they say are ‘textbook self-serving statements.’ Defence attorneys are also seeking to omit other evidence. And they are asking that, prior to jury selection, potential jurors be shown a video about unconscious bias, with the goal of helping jurors recognize potential biases. The state opposes this request. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa howlgal ka wada dhismayaal ku yaalla wada Maka Al Mukarama. Goobaha ay xoogaga dowlada beegsanayaan ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan dableydii soo qaaday weerarkii xalay. Saraakiisha ayaa ku adkeysanaya in ay doonayaa in ay soo afjaraan weerarkaan oo qaatay in ka badan tobban saacadood. Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa illaa iyo haatan la xaqiijiyey in ay ku geeryoodeen ku dhowaad 25 ruux. Dhaawaca ayaa la tilmaamay in uu ka badan yahay 60, kuwaasi oo lala cararay goobaha caafimaadka si loo daaweeyo. Burbur xoogan ayaa soo gaarey dhismayaasha ku yaalla meesha ay wax dhaceen oo ay ku yaaliin Hoteelo dhowr ah, sida Maka Al Mukarama iyo Hilaac UK. Kooxda Al-Shabaab oo dusha saaratay mas’uuliyada falkaan ayaa tilmaamtay in bartilmaameedkoodu uu ahaa Hoteel-ka Maka Al Mukarama. Illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowlada Soomaaliya oo ku saabsan fahfaahinta khasaaraha. View the full article
  5. (SLT-Hargaysa)Baadari reer Koonfur Afrika ah ayaa aad u dhaliilay mid kale oo uu ku eedeeyey inuu diinta “Masiixiyadda sharafta ka riday” kaas oo sheegtay inuu qof dhintay soo nooleeyey. Paseka Motsoeneng oo ku magac dheer Mboro, oo hortaagan kaniisad xidhan oo uu baadari ka yahay Alph Lukau, ayaa ku dhawaaqayey “in la ii jawaabaan halkan u imid”. Wuxuu sheegay in hadii ay run tahay in baadarigaa Alph leeyahay awood uu qof dhintay ku soo noolayn karo, inuu doonayo in ay isku raacaan xabaashii Nelson Mandela [oo soo nooleeyo]. Muuqaal dhacdadaa laga duubay oo muujinayey qof dhintay oo hadana ka soo toosaya naxashkii uu ku jiray, ayaa aad dadku ugu maadsadeen. Muuqaalkaas ayaa muujinaya Lukau oo qaylinaya oo nin naxash dhex jiifa ku leh “toos”, ka dibna uu ninkii kor u soo fadhiisanayo iyo damaashaad dadkii kaniisadda ku cibaadaysanayey ay dhigayaan. Shirkado ka shaqeeya aaska ayaa sheegay in la khiyaameeyey oo baabuurtooda loo adeegsaday si khalad ah. “Anigu halkan in aan cid la dagaalamo uma iman, waxan halkan u imid in ninka aanu Alla dartii walaalaha u nahay ii jawaabo” ayuu yidhi Motsoenegn, oo ah baadariga kaniisadda Incredible Happenings, oo ka hor dhawaaqayey kaniisadda Lukau baadariga u yahay oo ku taal meel Johannesburg u dhaw. “Hadii ay run tahay in aad nin dhintay soo noolaysay, kaalay xabaasha Mandela aan isku raacno oo aad sidaas oo kale samayside” ayuu yidhi. Hase ahaateen, Motsoeneng qudhiisa mar baa dadku ku maadsadeen uu sheegay in uu jannada tagay oo sawirro iskaga soo qaaday telefoonkiisa gacanta. Madaxweynaha Koonur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa isaguna Khamiistii doodan socota soo galay oo yidhi waa in dawladdu ka hor tagto “hogaamiyeyaasha diimeed ee waxyaabaha aan la qaadan karin fala” ee dadka khiyaamaynaya. “Ma doonayno in aanu farogelino diimaha ay dadku haystaan, laakiin waxa lagama maarmaan ah in aynu ka hadalno sida aynu wax uga qaban karno baadariyadaa beenaaleyaasha ah” ayuu yidhi Ramaphosa. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socda howlgalka ay ciidmada dowladda Soomaaliya ka wadaan dhismo ay xalay gudaha u galeen rag ka tirsan Al-Shabaab oo ku dheggan maqaaxida Hilaac UK. Xog nasoo gaartay ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay tababareen Alpha Group iminka si rasmi ah loogu wareejiyey howl-galka, si ay Shabaabka uga saaraan dhismaha ay ku jireen. Booliiska ayaa horey u sheegay inay soo geba gebeeyeen howl-galka, hase yeeshee, ilo wareedyo Alpha Group ka tirsan ayaa beeniyay sheegashadii ciidanka booliska ee ahaa in la soo gabagabeeyay weerarkii agagaarka Maka Al-Mukurama iyo dhismayaasha ku dhow dhow. Alpha Group ayaa wararku ay sheegayaan inay illaa xalay diidanaayeen inay goobta galaan, shuruudna ka dhigtay in nabad-sugidda loo beddelay booliska meesha laga saaro. Dowladda xog buuxda kama aysan bixin inta ay yihiin ragga gudaha u galay dhismaha, khasaaraha weerarka ka dhashay iyo haddii ay jiraan rag ay ka dileen kooxda gudaha ka dagaalameysa. Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen qaraxyada iyo weerarkii xigay, ayada oo 40 kale ay dhaawac yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey qaraxii iyo weerarkii arxan darada ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Puntland Post The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qarixii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. New York (SMN) – Maxamed Nuur, oo ah Soomaali Maraykan, kana mid ahaa Saraakiisha Boliiska ee Dalkaasi ayaa mar kale wajahaya Maxkamad, markii lagu eedeeyay dilka Haweeneey Australian ah Sanaddii 2017-kii. Mr Nuur oo 33 Jir ah, ayaa Bishii March ee 2018-kii la dhagaystay dacwadaha loo haysto, waxaana Maanta oo Jimca ah lagu wadaa inuu mar kale kasoo muuqdo Maxkamadda Minneapolis. Justine Damond, oo la dilay 15-kii July 2017-kii, ayaa ka timid Magaalada Sdney ee Dalka Australia, waxanay Magaalada Minneapolis kula nooleyd Nin ay xiriir wadaag ahaayeen. Maxamed Nuur, ayaa haddii lagu helo in uu si ula kac ah u toogtay Haweeneydan, waxa uu wajihi doonaa Xabsi dheer oo aan la ogeyn in uu noqon doono. View the full article
  9. Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka socda howlgalo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Gaalkacyo . Ciidamadankan soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa ka soo ambabaxay [...] Source
  10. (SLT-Muqdisho)Xaaladda magaalada Muqdisho ayaan weli deganayn kadib xalay ay ka dhaceen weeraro iskugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah kuwaas oo lala eegtay goobo ganacsi iyo hotel ku yaal bartamaha wadada maka-almukarama ee magaalada Muqdisho. Qaraxa koowaad ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan qeybha magaalada Maqaayad lagu magacaabo Hilaac UK oo ku dhegan hotelka caanka ah ee maka Almukarama waxaana jira khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo Gaaray dad ganacsiyo ku lahaa goobtaas iyo kuwa kale oo ku tamashleynayay iyo dad kale oo iyaguna ku socda oo saarnaana gaadiidka dadweynaha. Qarax kale ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogayn goobtii hore isla gelinkii hore waxaana la sheegay in uu aad u yaraa khasaaraha qaraxa dambe,waxaana jiray risaas toos ah oo ay isku adeegsanayaan ciidamada amniga iyo debleydii weerarkii fuliyay oo ka tirsanaa Alshabaab. Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in weli rasaas iyo qaraxyo ay ka dhacayaan gudaha hoteelka Hilaac UK taas oo ka dhigan in weli ay ka dhex dagaalamayaan kooxdii weerarka soo qaadday,waxaana khasaaraha ilaa iyo haatan la sheegay in uu gaarayo in ka badan 15-ruux oo dhimasha ah iyo dhaawac 50-kale in kasta oo ilaa iyo haatan uu socdo gurmadku. Source
  11. Muqdisho (SMN) – Wasiirka macdanta iyo bartoolka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dalal ay kamid yihiin Turkiga iyo Mareykanka kusoo bandhigi doonan wajiyada 2aad iyo 3aad kheyraadka dalka. Cabdirashiid Macalin Axmed ayaa intaasi ku daray in sababta ay dalka Ingiriiska ugu xusheen shirkii koowaad ay tahay in ay ku nool yihiin Jaaliyada Soomaaliyeed ee ugu badan. Sikastaba, Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay shaacisay in ay xooga saari doonto sidii bulshada Soomaaliyeed looga faa’ideyn lahaa kheyraadka dhex-ceegaaga dalkooda. View the full article
  12. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya afka Goleyaasha Dowladda Puntland iyo magaca shacab weynaha Puntland ayaa sheegey in ay la qayb [...] Source
  13. (SLT-Washington)Dawladda Maraykanka ayaa hal milyan oo doolar siinaysa ciddii war ka keenta Xamza oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacidda Usama Bin Laden. Waxaa soo muuqanaysa in Xamza Bin Laden uu noqonayo hogaammiye muhiim ah oo ka tirsan kooxaha jihaaddoonka ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda. Sannadihii dambe wuxuu soo duubayay codad iyo muuqaallo uu qolyaha taageersan uga codsanayo in ay weeraraan Maraykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka, si ay ugu aaraan dilkii aabihii. Ciidammada sida khaaska ah u tababaran ee Maraykanka ayaa Osama Bin Laden ku dilay Pakistan sannadkii 2011. Wuxuu ansixiyay weerarradii Maraykanka lagu qaaday 11 Sabteembar ee sannadkii 2001, kuwaas oo lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo ruux. Source
  14. Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay in dhismaha Golayaasha degaanka ee Degmooyinka Dalka ay muhiim u yihiin Dowladnimada ayna ka wada shaqeynayaan hey’adda ay quseyso. Sabriye, oo soo xirayay shir Saddexdii Cisho ee lasoo dhaafay ugu soconayay Magaaladan Muqdisho wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo dib u heshisiinta Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo daneeyayaasha dhismaha Golayaasha degaannka ayaa lagu Lafa guray sidii howlahaasi loo dar-dar gelin lahaa, iyadoo la marayo heerarkooda kala duwan. Shirkan oo ah kii 12aad ee noociisa ah ee ay qabato madasha Wadajir, ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka socay hey’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed iyo hey’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Caalamka ee IOM. Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug, Maxamuud Maxamed Samatar (Durraan), Wasiirka dib u heshiisiinta Hirshabeele, Cabdikariim Cali Nuur iyo Agaasimaha guud ee amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir oo ku hadlay Afka ka qeyb galayaasha shirka ayaa tilmaamay inay dhaqan galinayaan qorshaha lagu dajiyay iyo qodobada la isku raacay ee war murtiyeedkii shirka. Ugu dambeyn, shirka ayaa laga soo saaray Toban qodob oo ay isku raaceen ka qeyb galayaasha, kuwaas oo nuxurkoodu ahaa dar-dar gelinta dhismaha Golayaasha degaanka, dhaqan gelinta hannaanka dhab u heshiisiinta Qaranka, sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka barakacayaasha iyo xasilinta Dalka. View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Duhur. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-duhur-010319.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay weerarkii qaraxa ku bilaawday ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, isgaa oo sheegay in Shabaab aan wada-hadal lagala geli doonin dhigga shacabka Soomaaliyeed. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weerarkaasi ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay ka tacsiyadeynayaan dadkii ku dhintay, waxaana uu sheegay in ay xanuunka la qeyb sanayaan. Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Al-Shabaab maalin walba ay daadiyaan dhiiga Shacabka Soomaaliyeed, balse taasi aan lagala galeyn wadahadal, hayeeshee uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay diyaar u yihiin wadahadal. “Runtii dalkan Soomaali ayaa leh malaha dad kale, mala aqbalaayo in dadkeena maalin walba la iska dilo, Al-Shabaab iyo Daacish waxaana leenahay dadkiina soomaaliyeed dhinac kasoo raaca ee wadahadal qaata, laakin wadahadal idinkama galeyno inad dadkeena leysaan ayuu yiri Xasan Sheekh. Dhalinyarada weli ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab ayuu ugu baaqay inay kasoo baxaan, isla markaana ay dowladda Federaalka Soomaaliya ksoo biiraan. Weli Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ugu sareysa kama hadlin weerarkaas oo weli la soo sheegayo inay rasaas ka dhaceyso Wadada Maka-Almukarama. Dhageyso Codka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Codka-Xasan-Sheekh-Maxamuud.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa waxa uu amar ku bixiyay in ciidamada Puntland aysan hub iyo dirays lagali karin garoonada diyaaradaha ee Puntland . [...] Source
  18. Inkabadan 40 qof ayaa ku dhintay haka 50 oo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee xalay Argagixisada Al-shabaab ay labeegsadeen Hotel Maka al [...] Source
  19. The death toll from an Al Shabaab suicide car bombings at a Mogadishu hotels rose to 25 with 80 wounded, police said on Friday, as a gun battle raged at the site of the blast between fighters of the militant group and Somali troops. “So far we know 25 people mostly civilians died and 80 others injured. The militants are still fighting from inside a civilian house adjacent to the hotel… The death toll may rise,” police Major Musa Ali said. The blast hit the Maka Al-Mukarama hotel on Thursday evening. Al Shabaab claimed responsibility for the deadly car bombs in the capital. View the full article
  20. Kulmiye Xeerkii Xisbigiisa Tuur Xukuumadiisuna Dastuurkii Dalka Xoortay Xisbiga Kulmiye waa xisbi ka mida xisbiyada qaranka Somaliland waana xisbiga kaliya ee dadka mayalka u haya lagu sifeeyey kuwo aan fahansanayn qaab siyaasadeedka axsaabta badan waayo Waxa xisbiyada loo sameeyey si looga baxo qaab siyaasadeedka ku dhisan Ardaayada siddaa laajigeed waa xisbi leh xeerar iyo qodobo u dhigan Siddii xisbi se ku DHAQMA xeerar iyo qaab beeleed iyo xulufaysi ardaa, waa xisbi dadka mayalka u haya ay ku uloleeyaan kala qaybsanaan mujtamaca ay kala qoqobayaan iyo afxumo, deelqaaf iyo hadalo xanafleh oo ku lidi ah midnimada waana xisbigii Ruqsada loo siiyey Af Xumada!!. Kulmiye gudihiisa laguma dhaqmo oo lama tix geliyo shuruucda iyo qaanuunka xisbiga u dhigan, si dumuqraadiyad iyo cadaaladi ku jirto looma raaco shuruucda xisbiga u dejisan, Madaxda xisbiga iyagoo xil xisbiga u haya ayaa laysku dul magacaabaa waxaad moodaa meherad nin leeyahay oo xubnaha xisbiga Siddii ladoono ayaa laga yeelaa, muuqaalka iyo magac uyaalka waa xisbi qaran se qaabka uu u shaqeeyo waa xisbi Qabiil. Dhanka xukuumada xisbigan allow sahalka ah ee kulmiye tabta xisbigu uunan u tixgelin shuruucda ayey xukuumadiisuna sharciga iyo dastuurka u tixgelin, waayo masuul inta xil loo igmado ayaa Isaga oo aan lacasilin xilkii Cidkale loo magacaabaa oo dhacday, dhowr jeer, xukuumadii hore ee kulmiye dalkii Bay boobtay oo dayn malaayiin ah aan ciddi bixin karin ayey ka tagtay Isaga oo dalku dalalka aduunka ugu saboolsan ku jiro, xukuumadan hada joogtaana ways kaba raacaynaysaa iyadoo ku darsatay dhaqan dumis iyo dastuur xoorid, waayo Dhaqanka Soomaaliland Waxa ugu mihiinsan waa suugaanta oo suugaantii waaba laysku xidhayaa, halkii Dhaqanka dhacdo walba xumo iyo samo laga gabyi jiray caadiyan ciddii been gabaydana loogu JAWAABI jiray se xukuumad af af u weydey weeye oo cabudhin, caga-juglayn iyo xadhig miciin biday. Dastuurkii la xoor KOL hadii qodobkii uu ku taagnaa ee ahaa JIRITAANKA JAMHUURIYADA Somaliland WAA MUQADAS haddii meeshaba laga saaray socdaalkii ugu horeeyey ee madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u baxay waakii ay isku soo af garteen soona saxeexay in Somaliland maamul tahay somaliyana fadaraal tahay, KOL hadii jamhuuriyadii meesha laga saaray oo somaliland maamul noqday kamida dowlad goboleedada iyo fadaraal isku sheega xamar dastuurkii dalka waa la xooray. Waxa se aan la yaabay shacabka iyaga oo arkaaya dalkii lagu hor dhacay ee eega oo hadana dastuurkii lagu hor burburinaaya ee eegaya ee hadana indho-sarcaadka la tusaayo ee u sacabinaaya, Dekedii waa la kireeyey lacag lagama hayo garoonkii dayaarada waa la kireeyey lacag lagama hayo, biriishkii caasimadu wuu dumayaa oo lacag looma hayo, wadadii ceerigaabo ee lacagta xad-dhaafka ah loo uruuriyey wax hadal hayaba, dooxa dacar-budhuq iyo aw-barkhadle sanad walba boqolaal qof baa ku naf waaya, maal badana waa lagu waayaa biriish la’aan, sidoo kale baahiyo badan ayaa dalka ka jira oo wax qabad u baahan, se dalkii inta maamul goboleed itoobiya lagaga soo dhigay ayaa lagu madadaalinayaa wado berbera ilaa wajaale ah baanu dhisaynaa boqolaal malyuun ku kacaysa!! Waa ruwaayad. Waxa layidhi ninkaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la EEGAA! Hadaba Xaqiiq Kulmiye xeerarkii xisbigiisa tuur xukuumadiisuna dastuurkii dalka xoortay!! Ee Ilaahow u sahal jamhuuriyadan barakaysan. Ilaahaybaa mahad leh Midnimana Somaliland. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn soo gabo gabeeyay howlgal ay kula dagaalamayeen ciidamo hubeysan oo ka tirsanaa Al Shabaab. Inka badan 13 Saacadood ayay ciidamada amaanka ku qaadatay inay soo idleeyay weerarka oo xalay fiidnimadii ka bilowday magaalada Muqdisho, kaasi oo ku bilowday qarax aad u xoogan oo magaalada laga maqlay. Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ee ku howlanaa howlgalka ayaa shaaciyay in hal ruux oo ka tirsanaa Al Shabaab ay muddo ku qaadatay inay ka saaraan dhismaha dadka rayidka ay deganaayeen oo ku dhow maqaayadda Hillaac UK. Wuxuu sheegay in ruuxaasi uu muddo dagaalamayay, isaga oo bambooyin iyo rasaas ku ridayay ciidamada amaanka ee isku dayay inay gudaha dhismaha galaan. “marka aan is dhahno xabada wey istaagtay oo ragii waxba kama noolaa, waxaan maqleynaa rasaas xoogan, mararka qaarna qaraxyo, waxey nala tahay inuu jiro hal Shabaab ah oo wali nool, balse noogu ekaaday mid dhaawac ah, maadaama uu hal goob ka dhaqaaqi la’yahay” ayuu yiri Sarkaal kamid ah Ciidamada amaanka. Ciidamada amaanka, ayaa shacab farabadan ka soo badbaadiyay dhismayaasha; maka Al-Mukarama, Hilaac UK, Wardheere iyo guri ay daganyihiin qoys oo lagu magacaabo Shideeye, sidoo kale waxaa jira meydad ku hoos ira dhismayaasha dumay, kuwaas oo aan wali la gaarin. Inka badan 20 ruux ayaa ku dhimatay weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho, waxaana dhaawacyo badan la dhigay isbitaalada Erdogan iyo Madiina ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  22. Ciidamada amaaanka dowlada Soomaaliya ayaa goordhow soo afjaray weerar qaraxyo iyo dagaal toos ah oo xalay Al-Shabaab ku weerareen Maqaaxida Hilaac iyo Hoteelka Makka Al-Mukarama ee Muqdisho. Ciidamada amaanka iyo kooxda soo weerartay ayaa xalay ilaa saakay rasaas is weeydaarsanayay. Ciidamada ayaa sidoo kale soo bad baadiyay dad xalay ku go’doomay halka ay weerarada ka dhaceen. Dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay soo bandhigto qasaaraha ka dhashay weeradaasi. In ka badan 20-ruux aayaa ku geeriyootay tiro 60-ruux ku dhowna waa ay ku dhaawacntay weerarkaasi. Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaan xalay ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama ee Muqdisho. Puntland Post Muqdisho office The post Ciidamada amaanka oo soo afjaray weerarkii iyo qaraxyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Diyaarado dagaal ayaa xalay waxa ay duqeyn ka geysteen deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Al-shabaab. Sida ay goob joogayaal sheegeen, diyaaradahan ayaa duqeeyey saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen deegaannada kala ah Galxamure, Astaan iyo degaano kale. Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan, iyadoo aanay jirin wax faah faahin ah oo ay saraakiisha xoogga dalka ka bixiyeen arrintaasi. Dowladda Maraykanka ayaa xoojisay howlgallada dhanka ah cirka ah ee ay ka fulineyso deegaanno ka mid ah Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Mqudisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka waxaa u suura gashay inay gudaha u galaan mid kamid ah dhismayaasha uu saameeyay weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay Muqdisho. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada ay gudaha u galeen guriga reer SHideeye oo xalay la sheegay inay Al Shabaab gudaha u galeen kadib markii ay ku qaldeen goobta ay doonayeen inay weeraraan. Waxaa la arkay ciidamada amaanka oo dad waayeelo ah kasoo badbaadinaya guriga Reer SHideeye oo caan ka ah deegaanka, maadaama ay muddo badan deganaayeen. Gudaha guriga ay degenaayeen qoysaskan ayaa waxaa ka muuqday burbur xoogan oo ka dhashay rasaas xoog leh oo la isweydaarsaday, waxaana ku dhaawacmay 3 ka mid ah qoyska halka ilmo yarna uu ku dhintay sida ay sheegeen xubno ka tirsan dadka la soo badbaadiyey. Labo Qarax oo loo malaynayo Bamka gacanta laga tuuro ayaa guriga dhexdiisa laga maqlay ka hor inta aysan ciidamada amaanka gudaha u galin, waxaana waxyeelo ay kasoo gaartay dad ku sugnaa gudaha Guriga. Ciidamada amniga ayaa sheegay iney dileen inta badan dableydii weerarka soo qaaday balse uu jiro mid ka mid ah dableyda oo la sheegay in isagoo dhaawac ah soo ridaya rasaas iyo bambooyin.