-
Content Count
212,135 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nabadoonnada magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa walaac ka muujinaya xaaladda ammni ee magaaladaas, kadib dood ka dhalatay maamulka degmadaasi Nabadoon Cabdi Maxamed Nuur Kuusoow oo ka mid ah wax garadka dagmada baardheere oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xaalad adag dhanka amniga ay ka jirto deegaanka ayna isku hub uruursanayaan Labo shaqsi oo isku haysta xilka guddoomiyaha magaalada. Nabadoon Kuusow ayaa soo jeediyey in laga shaqeeyo nabadda islamarkaana xaaladda la qaboojiyo. ”Maagaalada xaaladdeeda waa ay foolxun tahay waxa ayna u dhowdahay in Labo jufo oo wada dhashay ay isku dilaan, waxa ayna ka dhalatay booqashadii Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan uu ku yimid magaalada, markii muddo dhowr iyo Toban maalin uu joogay ayuu ku dhawaaqay waxaan la fileen” Nabadoonka oo hadalkiisa sii wato ayaa xusay in xaaladda kacsanaanta magaaladaasi uu mas’uul ka yahay madaxweyne ku xigeenka jubbaland, wax walbana isaga wax laga weydiin doono. ”Magaalada ayuu joogay 17 maalin isagoo cidna la tashan waxa uu magacaabay guddoomiye cusub, reerkii awal maamulka haayay ayaa ka kacdoomay, mudaharaadyo ayaa ka dhacay wayna diideen iney aqbalaan guddoomiyaha cusub xilkana ay wareejiyaan” Dadka ku dhaqan degmada Baardheere ayaa ka baqanaya in dagaal uu ka dhaco degmadaasi, welina xal rasmi ah ma muuqdo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (SMN) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa maanta golihiisa wasiirada horgeeyay xubnaha baarlamaanka maamulkaasi, si ay u siiyaan codka kalsoonida. Saciid C/laahi Deni ayaa xildhibaanada ka dalbaday in ay ansixiyaan xukuumadda cusub, si uu uguda galo ballan qaadyadii uu sameeyay, xilligii doorashada. Intaasi ka dib waxaa la guda galay hadal jeedinta wasiirada oo ka sheekeynayay taariikhdooda iyo waxa ay qaban doonaan marka la meel mariyo. Golaha wakiilada Puntland oo ka kooban 66 xubnood ayaa fadhigan waxaa soo xaadiray illaa 63 Mudane, waxayna ugu dambeyn cod-aqlabiyad leh ku ansixiyeen golaha wasiirada cusub ee dowlad goboleedka Puntland. Laga bilaabo maanta xukuumaddan oo horay loo dhaariyay ayaa guda gali doonta waajibaadka dadka iyo deegaankaba ka saaran, waxayna bulshada reer Puntland uga fadhiyaan waxqabad muuqda oo daboolaya baahiyahooda. The post Golaha wasiirada Puntland Oo goor dhow la ansixiyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxbuub Macallin oo ah xoghayaha urur goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyey baaqa Soomaaliya looga cafinayo deymaha caalamka, isaga oo sheegay in cafinta deymahaasi ay hagaajin karaan nolsoha dadka Soomaaliyeed. Qoraal uu soo saaray xoghaye Maxbuub ayuu sidoo kale ku sheegay in deynta cafinteeda ay horseed u noqon karto nabadda Soomaaliya, ammaanka, horumarka iyo xal u helista dadka barakacayaahs ah. Waxa uu sheegay in IGAD ahaan ay taageersan yihiin in Soomaaliya laga cafiyo deymaha, ayna soo dhoweynayaan arrintaasi. Dhowaan ayeey ahayd sidan oo kale markii ay u taageereen in Soomaaliya deymaha laga cafiyo madaxda dalalka Africa, kulankoodii ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa goor dhow waxa ay codka kalsoonida ah siiyeen golaha wasiirada ee dhowaan soo dhisay madaxweyne Dani. Kulanka oo ay soo xaadireen 63 xildhibaan ayaa waxaa si wadajir ah xildhibaannadu kalsoonida u siiyeen wasiiradan. C/xakiin Maxamed, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo hadlay wuxuu sheegay in wasiirada ay heleen kalsoonida, loogaa baahan yahay iney waajibkooda si cadaalad ah u gutaan. Dhanka kale, madaxweyne Dani oo isna hadlay wuxuu u mahadceliyey xildhibaannada isaga oo sheegay in waqti badan ay ku qaadatay soo xulista golahiisa wasiirada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Axmed Cabdinuur oo ka mid ah weriyayaasha ugu caansan muddada fogna ka shaqeynayey laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa maanta la shaaciyey inuu shaqada ka tagayo, maalin kadib markii sidan oo kale uu shaqada uga tagay Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq. Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho. Maaddaama ay BBC-da soo wareejineyso barnaamijyadeeda ka imaan jiray London waxaa shaqada ka tegaya inta badan shaqaalihii raadiyaha ee ka howl gali jiray xarunta London. Waxaan idin soo gudbineynaa waayihiisa weriyennimo intii uu la joogay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC iyo waxyaabihii u la soo kulmay intii uu saxaafadda ku soo jiray. Muqdisho ayuu uga soo warrami jiray iddaacada, wuxuuna ka sheekeynayaa waxyaabihii uu la kulmay intii uu ka shaqeynayay magaaladaasi. ”Waqti adag ayay ahayd, waayo magaaladu waxay u qaybsanayd waqooyi iyo koofur oo ay kala xukumayeen hoggaamiye-kooxeedyo aad isaga soo horjeeday. Dalkana sharci iyo kala dambayn kama jirin waqtigaas, BBC-duna waxay ahayd isha keliya ee laga heli karo warar Soomaaliyeed oo sax ah”. Siyaasiyiinta qaar ama taageerayaashooda ayaa hanjabaad ii soo diri jiray sida “waan ku dilaynaa” marka ay dhibsadaan warbixinta aan sii daayay, waayo waxay rabaan in warka loo dhigo sida ay iyagu jecel yihiin. Mid ka mid ah ayaa maalin igu canaantay “horta maxaad warka u baraxdaa waxa aan kuu sheegay oo keliya maad sheegtid”. Aad ayaan uga taxaddari jiray waxa aan idaacadda ka sheegayo, waxaana iska ilaalin jiray inaan xiriir dhow oo gaar ah la yeesho dhinacyada siyaasadda isku haya midkood. Waxaa kaloo dhibaato ahayd sidii wararka lagu heli lahaa iyadoo isgaarsiintii dalku burburtay markii ay dhacday dowalddii milateriga 1991-dii. Marka aad warka diyaarisana waxaa dhib ahayd sidii aad u soo diri lahayd sababtoo ah Internet iyo telefoonka gacanta ma jirin waxaa keliya oo la adeegsan jiray telefoonka guriga oo tayadiisu aanay aad u wanaagsanayn. Codadka iyo waraysiyada waxaan ka shidi jiray rikoor markaas ayaan telefoonka saari jiray si studio London loogu duubo. Wuxuu u soo wareegay xafiiska Nairobi Si dhaqso ah ayaan ugu soo caanbaxay shaqada fiican ee Muqdisho aan ka qabtay wuxuuna madaxii laanta, Maxamed Cabdullaahi ii fidiyay fursado aan ku sii horumaro sida tababarro aan London u imid iyo inaan marmar si ku-meel-gaar ah uga shaqeeyo xafiiska Nairobi oo berigaas uu joogay Allaha u naxariistee Axmed Maxamed (Taajir) oo keliya. Intii aan xafiiskaas ka shaqeynayay waxaa dhacay qaraxyadii Al-Qaacida ku qaadday safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daresalam. Keligey ayaa waqtigaas xafiiska joogay, waayo Axmed London ayuu ku maqnaa. Idaacad kasta oo baxaysa war ayaan u soo diri jiray. Kaddibna xafiiska London Markii dambena, sanadkii 2000 London ayaa shaqo laga iga siiyay, muddo sanad iyo bar ah dabadeedna waxaan qaatay fasax lacag la’aan ah. Labo sano kaddib ayaan BBC-da ku soo laabtay wixii waqtigaas ka dambeeyayna London ayaan ka shaqeynayay marna weriye madax bannaan ayaan ahaa marna shaqaale rasmi ah. Shaqada London qudheedu ma sahlanayn, waayo shaqaale yaraan ba’an ayaa na soo martay. Waxaa jirtay beri aan keligey qaban jiray shaqooyinka soo saare, tebiye, war akhriye iyo farsamayaqaan oo weliba xilli habeen ah si barnaamijka subaxii u baxo. Muddadaas dheer ee aan saxaafadda gudaha iyo tan caalamka ku soo jiray, laga soo bilaabo 1982, waxyaabaha is-beddelay waxaa ka mid ah: qaabka dadku u fekero, waagii aan warbaahinta dowladda Soomaaliya ka shaqayn jiray lama oggolayn in su’aal adag la weydiiyo madaxda sare, hase yeshee kuwa maanta jooga fursaddaas ma haystaan waayo wax adag iyo wax aan jirin intaba waa la weydiiyaa. Kaalinta haweenka ee ka qayb galka hawlaha warbaahinta ayaa iyaduna si weyn isu-beddeshay oo tiradoodu aad u korortay. BBC waa hay’ad aad u wanaagsan marka la eego qaddarinta shaqaalaheeda iyo ka go’naashaha inay dhegeystayaasheeda siiso warar run iyo dhexdhexaad ah. Axmed Cabdinur ayaa BBC-da la shaqeynaayay ku dhowaad 25sano. Xigasho: BBC Somali
-
Xildhibaannada golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay, xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. 63 mudane oo fadhiyay kulanka maanta, ayaa dhammaantood si wadar ah codka kalsoonida u siiyay, xukuumadda cusub ee la horkeenay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Golaha wasiirada cusub, oo Sabtida maanta uu madaxweynuhu horgeeyay mudanayaasha Baarlamanka, si ay kalsoonida u siiyaan, ayaa mid-mid looga dhegaystay taariikh-nololeedkiisa iyo aqoontiisa shakhsiga ah oo ay ka hor-akhriyeen golaha wakiilada. Inaasi kadib, madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka horjeediyay Baarlamanka, ayaa weydiistay in ay u ansixiyaan xukuumadda, si looga dhabeeyo ballan-qaadyadiisi ol’olaha doorashada ee Tayeyn&Tiigsi iyo qodoba cusub oo uu ku xoojiyay. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland: Baarlamanka oo ansixiyay xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
-
Warar xog-ogaal aanu goor dhawayd helnay ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ay xabsiga u taxaabtay maareeyihii hore ee madbcada qaraka Somaliland Siciid Saalax Shire iyo agaasimihii maamulka iyo lacagta ee madbacada qaranka Cabdikariin Cabdilaahi Cumar. Mas’uuliyiintan ayaa loo haystaa falal musuqmaasuq kadib markii baadhis uu hanti dhawrku sameeyey ay wararku sheegeen in lagu helay falal musuq-maasuq oo ka dhacay madbacada qaranka muddadii ay maamulkeeda gacanta ku hayeen masuuliyiintani. Arinkan weli dawladu dhinaceeda kamay hadal, waxaana la filayaa in ay soo bandhigi doonto sababta ka dambaysay xadhiga masuuliyiintan. Wararka aanu helayno ayaa waxa ay intaa ku darayaan in agaasimihii maamulka iyo lacagta ee madbacada qaranka Cabdikariin Cabdilaahi Cumar laga goobta shaqada isaga oo ku guda jira hawl maalmeedkiisa shaqo, halka maareeyihii hore ee madbcada qaraka Somaliland Siciid Saalax Shire xalay laga qabtay gurigiisa. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Xubno hore looga saaray xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa waxa ay maanta ku dhawaaqeen garab lagu magacaabay Badbaadinta Dimuqraadiyada xisbiga KULMIYE ayaa waxa eedaymo culus u jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyaga oo farriin u diray golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubaysan ayaa goor dhaw Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ahaa oo gudaha Suuqa lagu dhex dilay. Dilka ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Masjidka Shuhadaa oo ku dhex yaallo Suuqa Cabdalla Shideeyaha Bakaaraha, kadib markii laba nin oo hubaysan ay toogteen wiilkaan dhalinyarada ahaa. Dilka kadib kooxihii hubaysnaa ayaa ka baxsaday goobtii ay dilka ka gaysteen, waxaana mar kaliya Suuqa Cabdalla Shideeye ku kala cararay dhalinyaradii halkaasi ku ganacsaneysay. Lama oga ruuxa la dilay waxa uu yahay & sababta ka dambeysa dilkiisa, balse Kooxaha hubaysan ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha ku dila dadka ay u arkaan inay ka feker duwan yihiin. Al Shabaab & Daacish ayaa sidoo kale dilal kala duwan ka gaysta Magaalada gudaheeda, iyaga oo xilliyada qaar muqaal ka duuba shaqsiyaadka ay dilayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadalkii shalay ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya, oo shaacisay inay diwaan gelinayso hantida Ma Guurtadda ah ee dalkeeda oo sheegtay inay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ay faafisay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) oo uu soo saaray maanta Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta , ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), waxaanu u dhignaa sidan:- “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland wax qiime ah agteeda kama laha, hadallada afka baarkiisa ah ee Dawladda Magac u yaalka ah ee Soomaaliya ku marin habaabinayso Ummaddeeda tabaaleysan, waxana dhaqan ka noqotay inay sheegato Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madaxbannaan oo ay kala baxeen rubuc qarni ka hor. Dawladda Muqdisho ee ka dul talisa Tiknikada AMISOM, waxa la yaab noqotay inay shalay ku dhawaaqday inay diiwaan-gelinayso hantida Ma Guurtada ah ee dalkeeda oo ay sheegtay inay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland. Taasi oo ay uga dan leedahay inay iskaga dejiso culaysyada iyo cadhada shacbiga Soomaaliya kaga soo horjeesteen xaraashkii Toddobaadkii hore ay ku faasaxday Xukuumaddaasi Qaybo ka mid ah shiidaalka ku jira dalkaas qalalaasuhu hadheeyey. Iyadoo horena ay u jirtay inay hadyad u bixisay soohdin biyoodka dalkooda iyo khayraadkii ku jiray. Sidaas darteed, waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda Soomaaliya inay u soo noqoto runta ka jirta Gobolka Geeska Afrika oo ay ka waantowdo lab-la-kaca ay ku hawaysanayso inay farogeliso dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay shan madaxweyne si dimuqraadi ah oo nabdoon xilka iskugu wareejiyeen.” Source
-
Tan iyo markii dib loo doortay 15-November 2018 madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda waxaa xafiisyada shaqooyinka kala duwan kusoo biiray tiro dhalinyaro ah kuwaas oo qeyb ka ah qorshayaasha horamarinta xiriirka kubbadda cagta dalka ee sanadaha soo aadan. Gudiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa shir ay yeesheen waxa isla qaateen in DR.Yuusuf Muxyidiin oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah loo magacaabo xoghayahooda cusub,isagoo xilkan kal wareegay Xasan Maxamuud Xasan (Xasan Farey) oo xilkaas horay u soo hayay,DR Yuusuf ayaa sheegay in uu ku farax-sanyahay xilka loo magacaabay. Xasan Maxamuud Xasan (Xasan Farey) in ka badan 30-sano ayuu ka shaqeeynay horomarinta kubbadda cagta dalka,isagoo afartii sano lasoo dhaafay ahaa xog-hayahii guud ee xiriirka waxa uu sheegay inta uu joogay xafiiska xogheynta xiriirka ay soo hooyeen guula muuqda oo gudaha dalka iyo dibada wuxuuna intaa raaciyay in si dhaw uu ula shaqeyn doono Yuusuf Muxidiin oo ah xog-hayaha cusub. Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab oo goobjoog ahaa munaasabada soo dhaweynta xog-hayaha cusub ayaa tilmaamay tan iyo markii ay dib ugu soo noqdeyn xafiisyada shaqada ay fursad siiyeen dhalinyarada waxa soo baratay hadafka laga lee yahayna ay tahay in guud la horomariyo kubbadda cagta wadanka ayna ku kalsoon yihiin aqoonta iyo qibrada DR.Yuusuf Muxidiin. “Waxaan xooga saari doonaa isku xirka xiriirada kubbadda cagta maamul-Goboleedyada iyo xiriirka Soomaaliyeed si hadafyada aan lee nahay ay u gaarto bulshadeena oo badankooda jecel kubbadda cagta iminka meesha aan joogno waa meel wanaagsan ana waxaa jecelahay in aan xafiiskan ka tago taariikh weyn” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay DR Yuusuf Muxidiin oo ah xog-yahay cusub ee xiriika kubbadda cagta. Bahda ciyaaraha ayaa aad usoo dhaweeyay magaacibada xog-hayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed Yuusuf Muxiidin Axmed,iyagoo goorsii horaysay madaxda xiriirka ku bogaadiyay xulashadii guddomiyaha guddiga garsoorayaasha Xasan Aadan Yabarow Wiish waxaynta tani kalsooni siisay dhalinyaro badan. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Al-Shabab announced via their official media wing that their fighters had killed U.S. and Somali soldiers at the Baledogle Military Airbase in the Shebelle province of southern Somalia on Friday morning. The militants claimed that their bombing had killed at least three U.S. Army soldiers and 5 members of the Somali Special Forces. The Pentagon has yet to comment on this claim by Al-Shabaab. US stepped up recently the airstrikes against Al-Shabaab in Somalia since Trump came into office in early 2017. The post Al-Shabaab claims 3 US soldiers killed in base attack appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida maanta Baarlamanka horgeeyey golaha xukuumadda cusub ee uu soo dhisay 10-kii bishan Febraayo 2019, si ay helaan codka kalsoonida. Kulanka golaha wakiilada ayaa waxaa goobjoog ahaa, madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo ku-xigeenadiisa, mudanayaasha golaha Wakiillada, xubnaha wasiirada cusub ee Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa khudbad uu ka horjeediyay mudanayaasha golaha wakiillada ku weydiistay, in ay u ansixiyaan xukuumadda cusub si looga dhabeeyo ballanqaadkiisi doorashada ee ahaa Tayeyn iyo Tiigsi. Sidoo kale wuxuu khudbaddiisa ku soo daray ballan-qaadyo cusub oo ay kamid yihiin; in uu xoojin doono awoodda Puntland u leedahay, gelidda heshiisyo maalgeshi oo caalami ah iyo in uu dhaqan-gelin doono, miisaaniyad u gaar ah soo celinta, difaaca iyo horumarinta gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. “Waxaan ka codsanayaa xubnaha golaha wakiillada, inay ansixiyaan xubnaha golaha wasiirada cusub ee idin horjooga maanta, wakhtina u siisaan inay u adeegaan bulshada reer Puntland, waxaan ku kalsoonahay inaad codsigaas naga aqbali doontaan” ayuu yiri mudane Deni. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ballan-qaadyadiisa kordhiyay si loogu ansixiyo xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
-
East Africa grouping on Friday welcomed the African Union’s call for cancelling Somalia’s debt towards the pan African body’s member states. Mahboub Maalim, executive secretary of the Inter-Governmental Authority on Development, said debt cancellation would go a long way to improve lives of Somalis who have been adversely affected by three decades of unfavorable conditions in all aspects of their day-to-day life. “The Executive Secretary views debt cancellation as a means towards enhancing peace, security, development and durable solutions for displaced Somalis,” Maalim said in a statement. “Somalia’s efforts at peace consolidation are constrained by the debt burden that prevents it from accessing concessionary financing and normalizing relations with International Financial Institutions (IFIs),” he added. The International Monetary Fund (IMF) in early 2018 pledged to prioritize Somalia’s debt relief, saying every effort is being made to speed up the process. According to the IMF, Somalia’s external debt is about 5 billion U.S. dollars, but Mogadishu has not made a service or amortization payment since the onset of the civil war two decades ago, making it impossible to access loans from the IMF. Maalim expressed his unwavering support to the AU call in regards to the “IFIs that have pledged financial support, to step up their good faith efforts and accelerate the normalization of financial relations with Somalia.” He reiterated the regional bloc’s support to Somalia’s journey to peace and lasting development, and recalled that Somali people deserve a peaceful and prosperous Somalia. He concluded that a normalized Horn of African nation will be a major player towards regional integration in the sub-region. To qualify for the debt cancellation, Somalia needs to convince the IMF, which would possibly convene its board of directors to review the country’s progress. Should the IMF board give approval for the debt cancellation, Somalia would be required to hold bilateral talks with private donors on the terms of debt forgiveness. Somalia started lobbying for debt cancellation during the 32nd Ordinary Session of the Assembly of the African Union which ended in Ethiopia on Monday. The post East Africa bloc lauds AU for support to cancel Somalia debt appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Warar xog-ogaal aanu goor dhawayd helnay ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ay xabsiga u taxaabtay maareeyihii hore ee madbcada qaraka Somaliland Siciid Saalax Shire iyo agaasimihii maamulka iyo lacagta ee madbacada qaranka Cabdikariin Cabdilaahi Cumar. Mas’uuliyiintan ayaa loo haystaa falal musuqmaasuq kadib markii baadhis uu hanti dhawrku sameeyey ay wararku sheegeen in lagu helay falal musuq-maasuq oo ka dhacay madbacada qaranka muddadii ay maamulkeeda gacanta ku hayeen masuuliyiintani. Arinkan weli dawladu dhinaceeda kamay hadal, waxaana la filayaa in ay soo bandhigi doonto sababta ka dambaysay xadhiga masuuliyiintan. Wararka aanu helayno ayaa waxa ay intaa ku darayaan in agaasimihii maamulka iyo lacagta ee madbacada qaranka Cabdikariin Cabdilaahi Cumar laga goobta shaqada isaga oo ku guda jira hawl maalmeedkiisa shaqo, halka maareeyihii hore ee madbcada qaraka Somaliland Siciid Saalax Shire xalay laga qabtay gurigiisa. Source
-
The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Ahmed Isse Awad met in Stockholm with his Swedish counterpart Margot Wallström On Feb 14. The two foreign ministers held talks on ways to strengthen bilateral relations between Somalia and Sweden as well as the regional developments. Somali government is trying to revive the country’s foreign relations after decades of conflict and absence of infuelce in the intertional arena. The post Somalia’s foreign minister meets with his Swedish counterpart appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in xubno ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye ay ku dhawaaqeen garab cusub oo ka tirsan xisbigaasi. Xubnaha warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay yihiin garab cusub oo ka tirsan xisbiga Kulmiye. Xubnaha ayaa shaaciyay inay yihiin Badbaadinta Dimuqraadiyadda Xisbiga Kulmiye, waxaana shaqsiyaadka ku dhawaaqay garabka cusub ku dhawaaqay kamid ah Jaamac Shabeel, Prof: Cabdi Cali iyo Abwaan Cismaan Kujare. Sidoo kale waxaa durba soo baxday in xubnaha xisbiga xisbiga ka jawaabeen hadalka xubnahaan kasoo yeeray, waxaana ay sheegeen in horey ay kaga baxeen kamid ahaanshaha xisbiga Kulmiye. Waxaa muuqata in khilaaf cusub uusoo kala dhex halay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye oo hadda wajahaya cadaadiskii ugu badnaa ee kaga imaanaya xisbiyada kale ee mucaaradka ku ah xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Biixi. Xubnaha ku dhawaaqay Badbaadinta Dimuqraadiyadda Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in xisbiga Kumiye uu ku caan baxay musuq maasuq iyo horumarin la’aanta dadka deegaanka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Itoobiya ayaa dalka Djibouti la saxeexatay heshiis ku saabsan in Gaasta laga helay gobalka Soomaalida ee Itoobiya laga dhoofiyo dekedaha Djibouti. Djibouti iyo Itoobiya ayaa shalay ku kala saxeexday magaalada Addis Ababa heshiis dhigaya dhismaha jid isku xidhaya labada wadan oo dhererkiisu yahay 767 km. Wasiirka macdanta iyo Baatroolka ee Itoobiya Dr. Samuel Hurcato iyo Wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Djibouti Yonis Geedi, ayaa shalay heshiiskaas ku saeexay Addis Ababa, waxaanay labada Wasiir sheegeen in heshiiskani dan iyo faa’iido u yahay labada wadan. Sidoo kale waxa lagu heshiiyay in la dhiso dhuumaha shidaalka ee gaasta ka qaadaya deegaanka Soomaalida Itoobiya oo gayn doona dalka Djibouti, waxaana la bilaabayaa sannadkan, iyadoo dhismaha dhuumahan lagu dhammayn doono laba sannadood. Marka la dhammeeyo jidkan iyo dhuumahan, waxa gaasta dabiiciga ah ee Itoobiya laga dhoofin doonaa dekedaha Djibouti, iyadoo loo iib gayn doono sayladaha dunida. Somaliland ayaa bishii Oktoobar ee kal hore dawladda Itoobiya ka dalbatay in gaasta dabiiciga ah ee laga helay deegaanka Soomaalida Itoobiya laga dhoofiyo dekedda Berbera. Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa wakaaladda wararka ee Bloomberg u sheegay in Somaliland dalabkeeda ah in gaasta laga dhoofiyo dekedda Berbera u gudbisay Itoobiya, “Waa Maxay sababta saliida iyo gaasta Qaydhin ee Ogaden aan looga dhoofin Karin Berbera.” Ayuu yidhi Wasiir Jaamaca Somaliland. Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland wuxuu ku dooday in haddii gaasta laga dhoofiyo Berbera uu yaraanayo kharashka ku baxaya dhuumaha gaasta ka qaadaya gobalka Soomaalida Itoobiya ee gaynaya Berbera, “Maadaama.” Ayuu yidhi “Ay Berbera u jirto 400 km goobta gaasta iyo saliida laga soo saaray ee Itoobiya.”, waxaanu intaas raaciyay inay Djibouti goobtani u jirto 700 km. Laakiin guddoomiyaha dekedaha Djibouti Abuukar Cumar Xadi oo isna xilligaas u waramay wakaaladda wararka ee Bloomberg, ayaa sheegay inaanu xilligaas ka war hayn dalabka ay Somaliland u gudbisay Itoobiya, “Kama war hayno dalabka ay Somaliland u gudbisay Itoobiya, balse dawladda iyo shirkadda GCL ee soo saaraysa saliida iyo gaasta Itoobiya waxay wada saxeexdeen heshiiska lagu dhigayay dhuumaha, ganacsiguna had iyo jeer waa tartan.” Si kastaba ha ahaate, inkastoo aan la arag dedaal xoogan oo ay dawladda Somaliland u gashay sidii ay Itoobiya ugu qancin lahayd inay noqoto jidka ugu haboon ee laga dhoofin karo gaasta iyo saliida laaga helay gobalka Soomaalida Itoobiya, haddana waxa shalay cadaatay inay Itoobiya heshiis ku saabsan dhoofinta gaasta iyo saliida ay la gashay Djibouti. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Mid ah Siyaasiyiinta ugu miisaanka Culus Somaliland Islamarkaana mudooyinka dambe sheekooyin maldahan ku soo qaata dhacdooyinka maalinlaha ah ee dalka ka dhaca ayaa mar kale sheeko cajiib ah oo ku cibro qaadasho ah ku soo qaatay raadka xun ee ay If iyo Aakhiraba ku keento ninka Markhaati beenaalaha fura iyo Caadilka Xukunka Baadilka ah ridda. Akhri Nin Beerka, Wadnaha iyo kelyuhu istaageen, Muxuu sameeyay”. Qisooyinka inaga dhex dhaca Waxay marwalba hogatusaale u yihiin nolosheena. Sheekadan kooban een idinla wadaagayaa waa mid Ku haboon maantoo Jimce ah. Nin baa doraad iiga sheekeeyey. Nin xanuusanaya oo cisbitaalka jiifa ayaa kelyahiisii in yari shaqaynaysayoo la filayaay inay fadhiistaan, wadna xanuun xun wuu leeyahaa, beerkuna sidoo kale. Xaaladiisa caafimaad ayeey dhakhtaraddii ka dayriyeen. Ninkii ayaa kolkuu xaaladiisii arkay u yeedhay dhakhtarkii Oo ku yidhi waxaad iigu yeedhaa Ninka hebel la yidhaa Oo telefoonkiisa hebel kale weydii. Adigu dhakhtarkii wuxuu helay hebelkii uu raadinaayey ee ninka xanuusanayaa u diray. Kolkii uu la hadlay ayuu dhakharkii u sheegay in hebel Oo xanuusanayaa raadinayo, dhakhtarkana uu jiifo. Dhakhtarkii ayuu weydiiyey sida Ninka loo hayo. Dhakhtarkii Oo aan ogeyn xidhiidhka labada nin ka dhexeeya una haysta inuu ehelkii yahay ayaa ku nuuxnuuxsaday oo u sharaxay sida kelyaha, beerka, iyo wadnahaba looga hayo ninkaasi. Xaguu dhakhtarkii ka filaayey inuu naxo Oo soo cararo Oo Ninka dhakhtarka Ugu yimaado ayuu ninkii ku jawaabay; ” Maanshallah kol haddii Ilaahay ducaddii Iga aqbalay Oo intii aan ku duceystayba uu maanta u jiifo” Dhakhtarkii Oo Ilaahay fajac u keenay ayaa weydiiyey sababta ku keliftay ee uu hadalkaasi u yidhi. Ninkii ayaa ku jawaabay; ” Dhakhtaroow ninkan ku soo diray ayaa kitaab beenaale markhaati ugu furay nin kale Oo Iga qaaday guriga yaroo oon lahaa iyadoo halkii wixii aan sanado badan u shaqaysanayey ay ku qaateen caruurtaydiina ugu guri waayey. Maanta markuu ogaaday inuu dhimanayo ayuu aayar uun rabaa inaan saamaxo. Nin Dhakhtarka ahaana halkii buu ka cago jiiday isagoo labadda dhaban haysta. Odhan mayno waa sax, odhan mayno waa qalad. Laakiin waa hogatusaale in aynaan markhaati beena isu furin, cidna cid kale lugta u jiidin, xaqdarana qof Ugu sameeynin, xaqdaradana laga aamusin.Aakhiradana ha loo tudho, dadkana ruux lagu jiro Ilaahaybaa oge is dhowra weliba kuwan ummadda xaqoodii gacanta ku haya, kuwa baayacmusheriga iyo siyaasadda isu khiyaamaynaya, kuwan cadaaladda loo dhiibay, kuwan xaqdaradda qof Ugu sameynaya iyagoo hebel kale u hiilinaya, weliba waxa la yidhi haddaad adigu badbaadana dhashaada ayeey sugtaa; waar cuqubadda la gelayo halaga digtoonaado dhinac kastaba. Jimce mubaarak. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xubno hore looga saaray xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa waxa ay maanta ku dhawaaqeen garab lagu magacaabay Badbaadinta Dimuqraadiyada xisbiga KULMIYE. Xubnaha maanta ku dhawaaqay garabka Badbaadinta Dimuqraadiyada xisbiga Kulmiyeayaa waxa ay kala yihiin Guddoomiyihii golaha dhexe ee xisbul xaakimka KULMIYE, Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), Prof. Cabdi Cali Jaamac iyo Abwaan Cismaan Kujare. Toddobaadka dambe ayaa waxa la filayaa in shirka golaha dhex ee xisbiga KULMIYE uu ka qabsoomo magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Muuqaalka Warkan goor-dhaw la soco Source