Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,135
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladaha Jabuuti iyo Ethiopia ayaa heshiis kala saxiixday, kaasi oo ku saleysan Shidaalka laga soo saarayo deegaanka ismaamulka Soomaalida. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in heshiiskaasi uu ku kacayo dhaqaalo gaaraya 3.2 Bilyan oo doolar, waxaana uu dhigayaa in shidaalka Ethiopia kasoo saarto dhulka Ismaamulka Soomaalida laga dhoofiyo dalka Jabuuti. Heshiiska labada dowladood waxaa kale oo qeyb ka ah in dhuumaha shidaalka qaada oo ka bilaabanaya dalka Ethiopia la geeyo dalka Jabuuti si halkaasi ay uga sahlanaanto in laga dhoofiyo shidaalka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Sharikadda Shidaalka China ee Poly-GCL , ayaa fulin doonta Mashruucan iyada oo dhiseysa Warshad shidaalka ku sifeysa Dekadda Jabuuti, si halkaasi looga dhoofiyo Shidaalka. Sida ku cad heshiiskaasi dhoofinta shidaalka ayaa bilaabaneya sanadka 2021, waxaana inta ka horeysa la qorsheynayaa in laga shaqeeyo dhamaan waxyaabaha kale ee ku cad heshiiskaasi. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka Dalka Itoobiya Koang Tutlam ayaa sheegay in marka Mashruucani billowdo uu dakhliga dalkiisa kordhayo 6 ilaa 7% sanad kasta. Dalka Jabuuti waxaa heshiiskan oo shalay la saxiixay ku matalayay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Yonis Cali Guuleed, halka Itoobiya uu u saxiixay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Samuel Urkatu . Masuuliyiinta labada dowladood ayaa sheegay in heshiiskaasi uu shaqo abuur u sameyn doono kumanaan dhalinyaro shaqo la’aan ku heysato labada dowladood. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo la hadlayay warbaahinta ayaa faray ciidamada dowladda ee ku howlan sugida amniga Muqdisho in ay wanaajiyaan la dhaqanka bulshada. Wasiir Ducaale ayaa uga digay askarta in ay ku xadgudbaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir. Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay in ay xoojiyaan wada shaqeynta shacabka, si looga hortago falalka amaan dari ee ka dhaca M/Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Wasiir Ducaale Oo fariin u diray ciidanka amniga Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Jamhuuriyadda Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi,ayaa sheegay in maraabiibta ajaanibka ah ee kalluumaysatada ah in aanay marnaba Somalilabd wax faa’iido ah aanay ku qabin isla markaana ay dhib badan ku hayeen kalluumaysatadda muwaadiniinta ah iyo taranta kalluunka labadaba. Waxaa kale oo uu intaa ku daray loo baahan yahay in loo diyaar garoobo in badda nolol lagala soo boxo taasoo uu sheegay in ay ka wasaarad ahaan dhankooda diyaar u yihiin oo wixii awoodooda ah ay qabanayaan. Waxaanu caddeeyay in xukuumaddu ay baddeeda ka joojisay dhammaan maraakiibta ajaanibka ah ee ka kalluumaysn jiray oo uu caddeeyay in waxa yar ee laga qaado iyo xaddiga kalluunka ay gurtaan in ay ahaayeen wax aad u kala fog isla markaana loo baahday in Somaliland kalluunkeeda illaashato. Waxaanu wasiirku sidan ka sheegay mar uu warbixin-siinayay barnaamijka tayeynta Kalluumeysiga ee Bulsho Tv. Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Marka hore waa in aynu ogaana in Badeenu tahay meel kheyraad fara badani uu ku jiro, kheyraadkaasina waxaa ugu sii mihiimsan inta aynu ka garaneyno oo Kalluunka ah, Kalluunku marka la eego waa noole kale oo la siman xoolaheena barriga ku nool, xoolaheeni barriga ku noolna waxaad moodaa in imika abaaro isdabajoog ahi ay ku dhufteen oo ay saameyn weyn ku yeelatay dadkii iyo xoolihiiba, markaa waxaa wanaagsan in bulshadeenu ogaato in aynu barriga xoolo ku heysano xoolaha labaad ee aynu heysanaana ay yihiin kuwa Bada, haddii ay xoolaheenu joogaan iyo haddii ay tagaan labadaba waxaa inala gudboon inaynu ka faa’ideysano Baddeena,” Waxaa kale oo uu wasiir Gaafaadhi intaas raaciyay inay wadaan qorshihii ay bulshadu Badda wax kagala soo bixi laheyd waxaanu yidhi “Waxa qorshahagu yahay in loo diyaar gareeyo, in nolol lagala soo baxo bada noloshaasina wixii suuragalinlahaa ayay u baahan tahay, waxaa ay u baahan tahay gaadiid, aqoon, qalab, qaboojiyayaal ayay u baahan tahay, waddooyin iyo jidad la maro ayay u baahan tahay, waala kala leeyahay laakiin intii karaankayaga ah waxaa aanu dooneyna wixii aanu wax ka qaban karno in aanu ka qabano” Ugu danbeyn wasiirka wasaaradda xannaanadda xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysigu waxaa uu ka hadlay sababtii ay u joojiyeen maraakiibtii Kalluumeystadda aheyd ee badda Somaliland joogey ay tahay in la dhiirigaliyo Kalluumeysatadda muwaadiniinta ah waxaanu yidhi “Maraakiibta shisheeye ee Baddeena joogtay wax inagaga luma mooyaane wax aynu ka helaynay may jirin, xoolaheeni oo aynu ilaashaneynay ayay aheyd, markabka shisheeyuhuna waraabe xoolahaaga u soo dhacayay kamuu duwanayn, markaa waxaa habboon xoolaheena in aynu ilaashano, Baddiina in la nasiyo, Kalluunkiina dib ugu soo laabto goobihii uu ku dhali jiray,oo uu ammaan u helo, tarmo ayaanu u joojinay, maraakiibtaasina shanqadh faro badan ayay ku keentay Kalluunkii oo waxaa ay noqotay inuu dido, kana yaaco goobihii Kalluumeysatadeenu ay gaadhi kari jirtay, waxaa kale oo ay dhibaato ku hayeen Kalluumeysatadeena, oo ay Kalluunkii ka didiyaan oo dadkii Kalluumeysatada ahaana meel fog ay ugu tagaan, oo shidaal badana ay isticmaalaan, ninkii xeebta istaagi jirayna aanu waxba soo helin oo uu soo hungoobo, oo shabaagtii ay dhigan jireenna maraakiibtaasi ka jiidho habeenkii, taasina waxay keentay in subaxnimadii ay hungo la soo noqdaan, Kalluumeysatadeeni muwaadiniinta aheyd, wax aan badneyn ayaa laga qaadi jiray markabka laakiin lacag lagama qaadi jirin, oo toban kun oo dollar ayaa laga qaadi jiray hase ahaate waxaa uu la tagi jiray malaayiin dollar, waayo waxaa ay aheyd in Kalluunkeena sida adhigeena oo kale aynu u iibino, oo qiimaha Kalluunkaasi lacag u dhiganta ay inaga soo gasho markabkaasi Kalluunka inaga qaatay laakiin may dhici jirin, marka sababo uu markab noocaas ahi Baddeena u jooga ma jirin” Source
  4. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo saaka golaha wakiilada horkeenay, xukuumadda cusub ee uu soo dhisay, si uu u weydiisto codka kalsoonida, ayaa ka hadlay arrimo cusub oo aan ku jirin ballanqaadyadiisi hore. Madaxweynaha ayaa khudbad uu ujeediyay xildhibaannada Baarlamanka ka dalbaday, in ay xasaannadda siiyaan golaha wasiirada cusub, si loo hirgeliyo ballanqaadyadiisi uu ku galay ol’olaha doorashada ee la baxay Tayeyn&Tiigsi. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday qodoba cusub oo ay ku jiraan, in uu xoojin doono awoodda Puntland u leedahay, gelidda heshiisyo caalami ah iyo in uu miisaanad gaar ah u samayn doono, soo celinta, difaaca iyo horumarinta gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee Puntland. Mudane Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa xaqiijiyay in la dhammaystiri doono kaabayaasha dhaqaalaha ee xukuumaddiisa ka horreeyay, taasi oo ka dhigan in heshiiska dekedda Boosaaso aan waxba laga beddeli doonin, maadaama mashruuca u weyn ee lagu wareejiyay uu yahay kan dekedda Boosaaso. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay miisaanad gaar ah u samayn doonto soo celinta gobolada maqan appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Hargeysa)-Wakiilka Somaliland Ee Dalka Jarmalka ayaa marwo Faadumo Siciid uga markaati furay hadal ay dhawaan warbaahinta ka sheegtay, halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Washington)-Raysal-wasaaraha Itoobiya Md Abiy Axmed ayaa loo xulay inuu u qalmo hanashada Abaalmarinta Nabada Aduunka (Noble Peace Prize) ee sannadkan oo natiijadeeda lagu dhawaaqi doono Toddobaadka koowaad ee bisha Oktoobar 2019. Sida lagu shaaciyey qoraal Guddoomiyaha Machadka Nabada iyo Daraasaadka ee Oslo (PRIO) Mr Henrik Urdal shalay soo saaray ayaa lagu shaaciyey magacyada 5 xubnood oo Raysal-wasaare Axmed ee Itoobiya kaalinta koowaad ugu jiro ay ku shaaciyeen in laga dhexdoorto masuulka u mudan hanashada abaalmarinta sannadkan. Qoraalka Gudoomiye Urdal oo faahfaahin kooban laga bixiyey sababaha ay ugu xusheen inuu u qalmo Raysal-wasaaraha Itoobiya Md Axmed ku guulaysiga Abaalmarinta Nabada ee 2019 sannadkan ayaa lagu yidhi; “Talaabooyinkii ugu horeeyey u qaado markuu xilka qabtay Raysal-wasaare Abiy Axmed bishii April 2018, waxuu soo gebagebeeyey colaadii u dhexeysay dalka Eritrea, isla markaana la saxeexday “Heshiiskii Nabada & Saaxiibtinnimada” 9 July, 2018, dhigiisa Eritrea Md. Isaias Afwerki. Sidoo kale Md Axmed ayaa qaaday talaabo uu wadaxaajood ula bilaabay jabhado dagaalo kula jiray Itoobiya, sida jabhadii Oromada, Amxaarada, Tigray-ga & Soomaalida, heshiis nabadgelyana ugu soo laabtay dalkooda. Deaalada kale uu qaaday muddo kooban ayaa laga xusi karaa soo-afjaridii xukunkii degdega dalka saarnaa, saamaxaadii dhamaan maxaabiistii siyaasada u xidhnaa, waxaanu soo dhisay xukuumada rag iyo dumarku si simman uga dhexmuuqdeen, isla markaana Haweenka u magacaabay xilal culculus, isla markaana dhamaan qoomiyadaha dega dalku iska dhexarkaan. Dalka Itoobiya oo heerka qiimaynta kaalimo hoose kaga jiray dhinaca horumarka bulshada, ayaa qorshayaasha Md Axmed u qaadayo wax ka qabashadeeda ka mid tahay inuu horumariyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka, isla markaana iskaashiyo horumar dhaqaale & ganacsi kala yeeshay wadamada jaararka, sida jabuutio, Sudan Somaliland iyo Kenya adeegsiga dekedahooda, si horumarka Geeska Afrika, isku kaabo. Inkastoo talaabooyin dhiirigelin leh uu qaaday raysal-wasaare Md Abiy, waxa la saadaalinayaa inuu xaqiijiyo doorashooyin xor & xalaal qabsoomidooda, caqabad keliya haddaanu la iman qorshe cad oo lagu gaadhayo qabsoomida, taako ku noqon karta hanashada abaalmarinta 2019. Hanashada Md Axmed ee abaalmarinta Nabada 2019, ayaa la saadaalinayaa inuu la wadaago madaxweynaha Eritrea Md Afwerki, kaalintuu ka qaatay soo afjarida colaadii u dhexeysay Itoobiya. Xubnaha machadka PRIO shaaciyey in laga dhexdoorto shaqsiga ugu mudan ayaa magacyadoodu kala yihiin: Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Reporters without Borders The Arctic Council The International Land Coalition UNHCR and High Commissioner Filippo Grandi Source
  7. Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in duleedka degmadaasi ay howlgallo ballaaran ka wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan oo u warammay Goobjoog waxay sheegeen iney ku raad joogaan xubno ka mid ah Al-shabaab oo weerar ka geystay deegaanka Tixsiile ee Sh/hoose. Sidoo kale, saraakiishan ayaa sheegay iney howlgalkan kaga hortagayaan weeraro kaga yimaada dhanka Xarakada Al-shabaab. Weli lama sheegin cid lagu soo qabtay howlgalkan, iyadoo weli ciidamada ay baarayaan xaafadaha ku yaalla halkaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland oo maanta kulan ku leh magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa lagu wadaa in ay codka kalsoonida ah u qaadaan wasiirada cusub ee dhowaan uu soo magacaabay madaxweyne Dani. Codka ayaa noqon doona mid gacan taag ah sida uu qabo dastuurka Puntland, waxaana la filayaa in 48-da wasiir codka loo qaado. Xubno ka mid ah baarlamaanka Puntland oo u warammay Goobjoog waxay sheegeen in ay meelmarin doonaan wasiiradan si fursad loo siiyo madaxweynaha cusub ee Puntland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Toos Garowe : Kulanka Baarlamanka Puntland ee ansixinta Golaha Cusub ee Wasiirada Puntland. Slået op af SBC Somali TV i Fredag den 15. februar 2019 Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa soo saaray digniin ku aadan doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland oo dhawaan dhaceyso. Prof Gaandi ayaa sheegay in shir ka dhacay magaalada Dhoobleey lagu ansixiyay in doorasho ay ka dhacdo Jubbaland, islamarkaana waqtiga doorashada loo qorsheeyay aanan maalin lagu darin. Sidoo kale wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto doorashada madaxweynaha Jubbaland inay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, balse ay muhiim tahay in laga fogaado waxyaabaha qaar. Prof Gaandi ayaa sheegay inuu ka digayo in faragelin gudaha iyo dibadda ah lagu sameeyo doorashada madaxtinimada Jubbaland oo dhawaan ka dhaceyso magaalada Kismaayo. “Doorashada ma dhaceysaa mase ma dhaceyso waa laga soo gudbay wey dhaceysaa doorashada, balse waxaa loo baahan yahay inaan la faragelin doorashada, walaa banaan walaa inaga oo gudaha ah, anagana waa inaan faragelin banaankana waa inaan nalooga imaan, oo waxba naloo yeerin”ayuu yiri Prof Gaandi. Jubbaland ayuu sheegay inay tahay deegaanada kaliya ee sida rasmiga ah looga dhaqan geliyay nidaamka qabaliga ee 4.5, taasi oo uu sheegay in isaga uu kamid yahay dadkii ka shaqeeyay. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Prof-Gaandi-oo-ka-digay-in-la-faragaliyo-doorashadda-Jubbaland.mp4 Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta iyo dib u soo celinta Hantida Qaranka Ahna Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somalia Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in Gobollada ay ka baadi goobi doonaan Hantida Qaranka iyo goobaha danta guud kaliya aysan ahayn Koofurta Somalia balse ay qeyb ka yihiin Gobollada Waqooyi oo uu ka arrimiyo maamulka Somaliland. Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoosta ka xariiqay in shaqsiyaadka sheega in Magaalada Muqdisho kaliya u jeedka guddigooda loo aasaasay uu yahay ay tahay mid laga leeyahay dano shisheeye hayeeshee ay Bartilmaameed ka dhigan doonaan meel kasta Hantida qaranka ay taallo. Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta iyo dib u soo celinta Hantida Qaranka ayaa Carab dhaway goobaha ugu Muhiimsan ee guddigu doonayaan in gacanta dowladda ay dib ugu soo celiyaan iyo qorshahooda ku aadan in ay ugu horreyn Xog Uruurin goobahaas la xiriira sameeyaan taas oo ay u soo bandhigi doonaan Shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Guddigaan ku dhawaaqay 12-kii December ee Sanadkii aan ka soo gudbnay 2018 waxaana uu ka dhawaajiyay in guddigaan uu uga golleeyahay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen gacanta dowladda Hantida Ma guurtada ah ee Danta Guud maadaama haatan inbadan oo ka mid ah ay shaqsiyaad si gaar ahaaneed u adeegsadaan. The post Goodax Barre “S/land ayaa ku jirta meelaha aan ka baadi goobeyno hantida Qaranka” appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Afgooye (SMN) –War ka soo baxay Al Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weerar xoogan oo ay shalay ka fuliyeen saldhigga ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarkan oo ahaa mid loo adeegsaday madaafiic ayaa waxa ay Al Shabaab ay sheegeen in ay ku dileen illaa 3 askari oo Ameerikaan ah iyo 5 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Bankarafta Soomaaliya. Sidoo kale Al Shabaab ayaa intaasi ku daray in weerarkaasi ay ku dhaawaceen illaa 8 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo haddama jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda iyo taliska Mareykanka ee AFRICOM oo ku aadan weerarkaasi. Muddooyinkii dmabe ayaa waxaa gobolka Shabeelaha Hoose ka dhacay dagaallo u dhexeeyay Al Shabaab iyo ciidadmada dowladda federaalka Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo guulo ka sheegtay weerarkii Balidoogle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Stockholm (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay Magaalada Stockholm dhiggiisa Sweden Marwo Margot Wallström, isagoo la yeeshay wadahadal ku qotoma qaabka lagu xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Sweden iyo arrimaha gobolka. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Marwo Margot Wallström waxa ay tilmaameen muhiimadda ay leedahay wax wadaagga Soomaali iyo Sweden iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo. Sidoo kale labada masuul ayaa adkeeyey sii socoshada howsha wadaagga ah ee dhinacyada badan leh ee wax isdhaafsiga labada dal ah. The post Wasiir Cawad oo la kulmay dhiggiisa dalka Sweden appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Wararka ka imaanayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu xiray wakiil-wareedkii telefishinka Bulsho Tv ee gobolka Sool Cabdiraxmaan Kayse Tunkub. Maamulka gobolka Sool ee Somaliland ayaa amray in xabsiga loo taxaabo suxufigan sida ay xaqiijiyeen weriyaal ku sugan magaalada balse maamulka ayaan weli faahfaahin ka bixin xarigiisa. Tan markii madaxweyaha Somaliland loo doortay Muuse Biixi Cabdi waxaa magaalooyinka Burco iyo Hargeysa lagu xiray dad kala duwan oo ay ku jiraan suxufiyiin, abwaanno, aqoonyahanno iyo isimo. Sidoo kale magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa lagu xiraa dadka diiddan Somaliland iyo suxufiyiinta wax ka duuba. PUNTLAND POST The post Suxufi lagu xiray magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Dhamaadka Bishaan waxaa qorshaha uu yahay in dalka ay ka baxaan ciidamadii ugu horeeyay ee ka tirsan AMISOM kuwaasi oo gaaraya 1,000 askari oo ka socda dalka Burundi. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dowladda ay ciidamo geysay goobaha la qorsheynayo inay ka baxaan ciidamada ka socdo dalka Burundi ee qeybta ka ahaa howlgalka AMISOM. Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada la geeyay deegaano ka tirsan Hirshabeelle, waxaana qorshaha uu yahay inay buuxiyaan booska ay baneynayaan ciidamada AMISOM. Ciidamada dheeraadka ah ee la geeyay Hirshabeelle ayaa wararka aan heleyno waxay sheegayaan inay la shaqeyn doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee haraya, si aan loo dareemin booska ay baneynayaan ciidamada garaaya kun askari. Xogaha kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada la qorsheynayo in la geeyo saldhigyada ciidamada AMISOM ee Cadale, Raage Ceelle iyo Xaaji Cali oo ka tirsan Hirshabeelle. Taliska ugu weyn ee Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM oo ku yaalla Magaalada Jowhar ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa kulan ku lahaa saraakiil ka socota AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ciidamada la geeyay deegaanada Hirshabeelle lagu kabi doonaa ciidamo dhawaan tababar ugu soo xirmay magaalada Jowhar, waxaana xiritaanka tababarkaasi ka qeyb galay Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Golaha wasiirada cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Deni, ayaa maanta oo sabti ah la horgeynayaa Baarlamaanka dowladda Puntland, si ay ugu qaadaan codkooda kalsoonida [...] Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dalka Mareykanka loo qaaday meydadka raggii bil ka hor weerarka ka geystay Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi. Meydadka oo gaaraya lix ruux ayaa lagu waramayaa in dalka Mareykanka loogu qaaday si halkaasi baaritaano dheeri ah loogu sameeyo, sida ay sheegeen masuuliyiin u hadlay dowladda Kenya. Ilo xog ogaal ah ayaa wargeyska Nairobi News u xaqiijiyay in FBI-da Mareykanka ay dalkaasi u qaateen meydadka shan ruux oo ciidamada amaanka ay toogteen iyo ruuxa lixaad haraadigiisa maadaama ii isqariyay. Warar kale ee soo baxaya ayaa sheegaya in baaritaanka lagu sameynayo meydadka ragga weeraray hotelka DUSIT ee xaafadda Westland ay lug leeyihiin xubno ka tirsan sirdoonka maamulka Israel ee Muusaad loo yaqaan. Dhowr maalmood kaddib ayaa wakiillo ka kala socda FBI-da iyo Muusaad ay ku sugnaayeen Hotelka iyada oo adeegsanayay Kiimikooyin si ay u ururiyaan haraadiga hilbaha laga helay goobta weerarka kaddib, waxaa ay Mareykanka u qaadeen meydadka xubnaha weerarka fuliyay. Agaasimaha Laanta dambi baarista ee dalka Kenya George Kinoti ayaa dhawaan shaaciyay in khuburo caalami ah ay ka qeyb qaadanayaan baaritaanka meydadka, balse wuxuu xiligaasi sheegay in gudaha Kenya lagu sameyn doono baaritaanka. Weerarkii Hotelka Dusit D2 ee Nairobi ayaa dhacay 14kii January,waxaana la soo gaba gabeeyay 15kii Bishaas,iyada oo dowladda Kenya ay sheegtay in weerarkaas ay ku dhinteen 21 qof oo isugu jira Kenyaan iyo ajaanib u dhashay Mareykanka,UK Koofur Afrika iyo kuwo kale. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  19. Agaasimihii dekeda Bosaso, Paul Formosa, oo muddo ku dhow labo todobaad maydkiisu ku jiro talaagad kadib markii lagu dilay Bosaso afartii bishan, ayaa aas loogu [...] Source
  20. Gudoomiyaha Maxkamada sare Hantida uu ku dhistay Guryaha, xaguu ka Keenay, ka Horse Xilka Muxuu lahaa?. Gudoomiyaha Maxkamada sare Aadan Xaji Cali Axmed, ayaa Hantida u ku Helay Xilka gudoomiyenimo intii uu hayey, waxa kamid ah Guri-Veilla-fooq ah oo ku yeela duleedka galbeed ee Huteel Mansoor, Kaas oo loo dhisay qaab-ban-gala food ah, isla markaana lagu qiyaasay cadaadka Lacagta ku baxday Boqolaal kun oo Dollar. Md. Aadan Xaji Cali xilka Gudoomiyenimo ka hor, waxa uu jaggooyin kasoo Qabtay Jaamacada Hargeysa, gaar ahaan Kuuliyada Sharciga, sidoo kale waxa uu la taliye Madaxweyne u magacaabay Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo, labada xil ee dawliga ah, waxa kaloo uu Gudoomiye uu kasoo noqday Dallada Ururada aan dawliga ahayn ee Sonsof, taasoo gudoomiye Aadan Xaji Cali u noqotay furihii isagga iyo madaxtooyaddu isku barteen. Xilka Gudoomiyaha Maxkamada sare ee mudane Aadan Xaji Cali u hayo waxa loo cumaamaday 2015-kii Xiligii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, waqtigaasoo hada laga jooga afar sanaadood. Haddaba ka sekow u adeegista Sharciga xukuumadaha kala dambeeyey ee Kulmiye, waxa sida fiinta Bulshada qaybaheedu uga qayliyeen habka iyo hanaanka uu garsoorkii dalka ku hagay, Kaasoo dadka qaar ku siffeeyaan inuu u agaasimay qaabkii Hayadaha bulshada rayidka ah, halkaasoo ahayd meeshii uu kusoo indho-dilaacsaday, waxana kamid ah dhaliilaha Garsoorka uu usoo jiiday garsoore Maxkamadeed oo shir-saxaafadeed kaga hadlaya kiis uu garsoorkiisa ka garnaqay, taasoo meelka dhac ku ah xuquuqda muwaadinkii garta waayey ama se weli ay u furan tahay racfaan inuu ka qaato kiiska lagu riday. Geesta kale, dacwadaha siyaasiga ah ama la xidhiidha muran-sharci oo Siyaasi ah ee u ka garnaqay mudadii xilka hayey Aadan Xaji Cali, waxa kamid ah murankii Xisbiyada Mucaaridka ah iyo wasaarada arrimaha gudaha iyo sidoo kale khilaafka labadii garab ee Ucid. Labadan gal-dacwadeed mida hore waxay kusoo beegantay xilli uu xilka hayey bilo, runtii waxay noqotay arrin markaa aad loogu dhegtaagayey bal dhanka uu iska taagi doono, hase-yeeshee nasiib Wanaag waxa uu qaatay go’aan dhexdhexaad ah, oo runtii aan la odhan karin dhankii Dawlada ayuu u jan-jeedhay, waxanu arinkaasi sababay amaan badan oo bulshada qaybo kamid ahi u jeediyeem goaankii uu ka qaatay Gudoomiye Aadan X. Cali. Hase-ahaatee waxay talo-dhabaqday Gudoomiye Aadan-na xaalkiisi uu noqday mid lamid ah halku dhigi ahaa “.. Inaan-yahay ku qariyey-qariyey ee Gudo-xun”. Markii uu ku fashilmay inuu uga qarnaqo khilaafkii Xisbiga Ucid si Cadaalad ah. Khilaafka Xisbiga Ucid oo bulshadu Ka war-qabtay inuu ahaa mid madaxtooyadii hore dabada ka riixaysay, isla markaana loogu danaynaayey Madaxweynaha Maanta, cadalaad-daradii Kiiskaa uu kaga garnaqay Aadan Xaji Cali, Wuxuu sidaa ku xaq-waa siiyey Musharrax Jamal Cali Xuseen iyo garabkiisi, oo runtii iyaggu ahaa rajo soo celintii Xisbinimo ee Ucid. Waxa kaloo Xusid mudan Md. Aadan Xaji Cali inuu ku dhex milmay tartankii Xisbiyada Siyaasadda, isla markaana uu si toosa ula saftay Madaxweynaha hada tallada haya, dhowr jeerna safaro la galay, isagoo ah Gudoomiyihii Maxkamada sare ee Somaliland. Haddaba waa iga su’aalla sideebuu gar Cadaalad ah uga qaadi karaa laba Muwaadin midna safkiisa ahaa midna kasoo horkeeday shalay. La soco Qaran News
  21. SAHANKII KULMIYE SOW MAAHA! Waxaan maalmahan ku arkaayey website yada Somalida warar sheegay in siyaasiyiin ka soo jeedo Somaliland ay tageen dhankaa iyo Muqxisho. Hadaba waxaan ku sameeyey baadhid waxa ay ahaayeen ragan iyo waxa ay aaminsanaayeenba. Ugu horeyn la a ka mid ah waxa ay ka soo shaqeeyeen dowladdii madaxweyne Dahir riyaale oo ay ka soo qabteen xilal, ka dibna waxa ay ku biireen xisbiga talada haye ee kulmiye oo ka gaadheen ilaa heer wasiir ku xigeeno. Ilaa maantadaa meel ay xisbigii kulmiye kaga baxeen maan arag maan maqal, oo xitaa xisbigii kulmiye muu eryin oo war kamuu soo saariin erigooda sidii dhawaan cubns xisbiga uu uga saareyba. Kolkaa waxaan ka fikiray laba arin in uu mid uun xisbigii ay ka tisanaayeen ka fikiray oo kala ah (a) in uu yidhaado markaa horaba waxay ahaayeen reer hebel oo waa somaliweyn. (b) tan labaad oo ah in Isla kulmiye ay is ogaayeen oo ay u soo sahaminayaan. Waayo wasiir ku xigeenka guduhu siddii la doonayey ugama hadlin, xisbigiina iskaba dhaaf shib ay ka tidhaahdeen. Markaan dib u eegay cajaladihiu ololaha kulmiye waxaan arkay iyaga oo leh wadani waa somaliweyn, maantase miyaanay iyaga ku cadeyn oo markhaatigii la waxa arkeyn. Ugu danbeyntii wey ku cadahay ee umada runta ha u sheegaan Waayo iyagaa sharcigii badalay oo xalaal ka dhigay in qofkii doonaya uu tagi karo kana iman karo Muqxisho. Abdi Abdi madoobe2@hotmail.com Qaran News
  22. Madaxweynaha Puntland Siciid CabdullaahiDeni, ayaa xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Sabtida maanta horgeynayaa, golaha wakiilada dowladda Puntland, si ay xasaanadda u siiyaan. Mudanayaasha golaha wakiilada, ayaa wadar ahaan codka kalsoonida ugu qaadaya xukuumadda cusub, kadib markii la hor geeyo, si ay u ansixiyaan ama u diidaan. Golaha wasiirada ayaa ka kooban 48 xubnood oo isugu’ jira wasiiro, wasiiro-ku xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal, waxaana la filayaa in ay codka kalsoonida helaan, maadaama ay badanyihiin xildhibaannada taageersan. Hase yeeshee, waxaa jira mudanayaal ka tirsan Baarlamanka oo dhaliilsan, habka dheelli-tirka awood-qeybsiga beelaha ee xukuumadda cusub, kuwaaso oo diiddan in la ansixiyo. PUNTLAND POST The post Puntland: Baarlamanka oo maanta codka kalsoonida u qaadaya xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
  23. Nairobi (Caasimada Online) – Wada-hadallo u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa ka socda magaalada Nairobi, sida ay ogaatay Caasimada Online. Wada-hadalladan ayaa waxaa billowgooda ka shaqeeyay siyaasiyiinta Soomaalida Kenya, ee ay isku beesha yihiin Axmed Madoobe, kuwaas oo doonaya heshiis ay gaaraan labada dhinac ka hor doorashada madaxweyne ee la qorsheeyey inay Jubaland ka dhacdo daba yaaqada sanadkan. Kulamadan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya uga wakiil ah agaasime ku xigeenka ahna sii hayaha agaasimaha nabad-sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin. Wada-hadallada labada dhinaac, oo muddo la isku dayaye, ayaa ugu dambeyn dhaqaaqay kadib markii shir ay Garowe ku yeesheen madax goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo intii lagu guday jiray caleemo saarkii Siciid Cabdulahi Dani. Qorshaha socda ayaa ah in heshiis ay gaaraan dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ka hor inta uusan qabsomin shirka bisha March loo ballamay ee Garoowe ku dhex-maraya dowladda iyo dowlad goboleedyada. Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in dowladda oo muddo diidaneyd wada-hadallada oo uu rabay Axmed Madoobe ay soo dabacday kadib markii ay fahsilmeen dagaallo dhowr ah oo ay ku qaaday Axmed Madoobe, oo ay ka mid ahaayeen; In khilaaf laga dhex abuurto qabaa’ilka Jubaland iyo in Axmed Madoobe laga soo furo dowladda Kenya. Si gaar ah, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay, in dowladda Kenya ay diiday dalab uga yimid dowladda Soomaaliya oo ahaa inaysan taageerin Axmed Madoobe, taasi oo dowladda ku qasabtay miiska wada-hadalka. Waxaa sidoo kale meesha ka marneyn cadaadis ka yimid beesha caalamka, oo isku dayeysa in doorashada Jubaland aysan noqon tii Koonfur Galbeed oo kale, oo dhiig badan uu ku daatay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com