Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Nairobi)-Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi kulan ku yeeshaan madaxweynayaasha dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, waxaana kulankaa goob joog ka ahaan doona raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed. Labada madaxweyne ayaa la filayaa in kulankooda ay iskula soo qaadaan khilaafka soo kala dhaxgalay ee la xiriira muran badda, kaddib markii dowladda Kenya ay sheegtay in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jirtay Soomaaliya. Uhuru Kenyatta ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo isla shalay magaalada Addis Ababa sidoo kale kula shiray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay wadajir ugu kicitimeen magaalada Nairobi. Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin. Source
  2. (SLT- Birmingham)-Waalidiin xanaaqasan ayaa ka joojiyay carruurtooda in ay u diraan iskuulka Parkfield community ee magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska,talaabadan ayaa ka danbeysay kadib markii Dawlada ingiriiska ay soo rogtay in laga dhaqan galiyo iskuulada waddankaasi barashada arrimo la xiriira galmada dadka isku jinsiga ah, qofkuna dooran karo lab iyo dhedig qofka uu noqonayo lammaanihiisa. ‘Dadka dhigta iskuulkan in ka badan boqolkiiba shagaashan waa Muslim,iskuulkan wuxuu wax ku yahay waa ardeyda,qorshahan waxaa wata qolyahan u ololeeya xuquuda kuwa u ololeeya galmada dadka isku jinsiga ah,waxayna ku dacwoonayaan waxaan ka cararaynaa in nala faquuqo,dadkii muslimiinta ahaa waxyaabo aysan aqoon ayay noqdeen,dacwooyin ayay ka sameeyeen oo baarlamaanka loo diray walina waxba lagama qaban” sidaas waxaa u sheegay BBC-da Mohamed Adan oo dagan magaalada Birmingham. Ardayda iskuulkan laga saaray ayaa kor u dhaafaya 600, waxaana wali socota dacwadda u dhaxaysa maamulka iyo waalidiinta ardayda. Carruurta iskuulkan laga joojiyay da’aadoodu waxay u dhaxaysaa 4 ilaa 11 jir, wali waxaa socda mudaharaadyo joogta ah oo ay sameynayaan waalidiinta ardayda dhalay kuwaas oo dalbanaya xaquuqda ay u leeyihiin in la dhagaysto rabitaankooda iyo ka carruurtooda oo ah in laga joojiyo dhaqangalinta sharcigan iskuulada ay dhigtaan. Maxamed Aadan ayaa sidoo kale sheegay ”Arrinkani walaac xoogan ayuu ku dhaliyay waalidiinta Soomaaliyeed joogitaankooda dalkan,carruurtu iskuul la’aan ma joogi karaan guryaha looma diri karo iskuulo lagu baranayo dhaqankan nagu cusub ,wadatashi ayaa u socda sidii loo wajihi lahaa arrinkan iyo sidii loola falgalilahaa arintan”. Waalidiinta ardayda ayaa ku dooday in ay tahay in lagala tashado manhajka iskuulka lagu soo kordhinayo maadaamaa uu saameyn weyn ku yeelan karo carruurtooda. Waxyaabaha kale ee manhajka lagu kordhiyay ayaa waxaa ka mid ah barashada arrimaha la xiriira diimaha kala duwan iyo bulshooyinka kala isirka ah sidii ay u wada noolaan lahaayeen, balse waa qodobka ku saabsan xiriirada dadka kan buuqa weyn dhaliyay. Magaalada Birmingham waxaa ku nool muslimiin kabadan illaa 200 oo kun,kuwaas oo si wayn uga soo horjeeda dhaqan galinta sharuurcdan cusub ee lidka ku ah diintooda iyo dhaqanka dadka muslimka ah. Xildhibaanka laga soo doorto deegaankaas Liam Byrne ayaa sheegay in uu ka codsaday xoghayaha waxbarashada Ingiriiska in uu la kulmo waalidiinta, kadibna dhagaysto cabashadooda. Marka la gaaro sannadka 2020-ka, dalka Ingiriiska wuxuu qorshaha yahay in la dhaqangaliyo manhaj ay ku jiraan arrimaha ay waalidiintan ka cabanayaan ee iskuulka uu si iskiis ah usoo jeediyay in la dhaqangaliyo. Source
  3. Dr Cali Saciid Maxamuud Kulane oo aad ula socda xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo guud ahaan geeska Africa ayaan wax ka weydiinnay waxa laga filan karo xilligan kulanka la filayo in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen madaxda dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay Dr Cali Saciid in kulankaasi loo badinayo iney isku fahmaan Soomaaliya iyo Kenya, maadaama uu maalmahan dambe xumaa xiriirka Diblomaasiyaseed ee Labada dal. Waxa uu sheegay in ay ahayd madaxda Kenya iyo Soomaaliya in ay ku kulmaan dal kale, balse safarka uu madaxweyne Farmaajo ku tagay Nairobi ay muujineyso niyad sami dhanka Soomaaliya ah, marka loo eego wixii ay fashay Kenya. Dr Cali Saciid ayaa rajo ka muujiyey in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku guuleysto isku keenista Soomaaliya iyo Kenya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREYSI-Dr-Cali-Saciid-Maxamuud-Kulane.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Caasho Cabdulle ayaa dooneysa in dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya, kadib markii sanadkii 2008 ay afduubatay diyaarad rakaab ah oo mareysay hawada New Zealand. Haweeneydaan ayaa la sheegay inay xiligaasi isku dayday inay mindi ku afduubato diyaarad kasoo dhaqaaqday magaalada Blenheim kuna sii jeeday magaalada Christchurch ee dalkaasi. Caasho Cabdulle ayaa dhameysatay xukun sagaal sano ah oo lagu xukumay, kaasi oo u dhamaaday sanadkii 2017, waxaana labadii sano ee ugu dambeeyay lagu sii hayay xabsiga dalka New Zealand. Dhaqaatiirta dhinaca dhimirka ah ayaa ku taliyay in Caasha markii ay dhameysatay xabsigeeda lagu sii hayo meelo gaar ah oo cilmu nafsi ahaan loogu daryeelo, maadaama la sheegay inay dhibaato badan la kulantay, loona malaynayo inay sidaasi diyaaradda u afduubatay. Waxaa ay hadda dooneysaa in dib loogu soo celiyo dalkeeda Soomaaliya,waxaana ay tiri “ma doonayo inaan sii joogo New Zealand,waxaan doonayaa halka ay joogaan qoyskeyga, halkaas ayaan amaan ku helayaa”. Ma jiro wax jawaab ah oo dowladda New Zealand kasoo baxay iyo wax jawaab ah oo maxkamadda ay soo saartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa caawa soo gaaray magaalada Nairobi, halkaasi lagu wado in looga xaajoodo xiisadda diblomaasi ee salka ku haysa xuduudda badda ee ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya. Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in laga wadahadli doono sidii dib loogu soo celin lahaa, loona xoojin lahaa xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal. Waxa uu intaa ku daran in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin. Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya ka sokow in laga hadlayo xiriirka diblomaasiyadeed waxaa wehliya arrinta muranka badda ee labada dal u dhaxeyso, iyadoo Kenya ay dooneyso in arrinta Badda wada hadal laga galo. Dadka odorasa arrimaha Soomaaliya ayaa dhaliilay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dego Kenya, iyadoo horay u eriday Safiirka Soomaaliya, isla markaana Kenya oo ka mas’uul aheyd xiriirka xumaaday uu dalkeeda ugu tago, waxaa taa bedelkeed siyaasiyiinta tilmaameen in wada hadalada uu ka dhaco dal saddexaad. Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa labada ayaa meel xun gaartay, kadib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaal xuduud badeedka lagu mursan yahay. Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii London ka dhacay 7-dii Febraayo lagu soo bandhigay xog sahmin oo keliya isla markaana aanay xaraashin ceelal shidaal lagu tuhunsan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Nairobi (Caasimadda Online) – Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo cilmiga Juqraafiga ka dhiga Jaamacadda Minnesota ee dalka ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay inaanay u muuqan in Soomaaliya ay wax gorgortan ah ka geli doonto arinta badda. “Anigu waxaan isleeyahay arinta ceynkaas ah suuragal u noqon mayso madaxweynaha Soomaaliya, waayo dadka Soomaaliyeed oo dhan waxay ogyihiin xaqoodu meesha uu yaallo, gorgortanna kama geli karaan arinta ceynkaas ah,” ayuu yiri professorka. Kenya ayaa la rumaysan yahay inay doonayso in arinta muranka xuduud badeedka lagu xalliyo qaab hoose, halka Soomaaliyana ay ku adkeysanayso in laga warsugo go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee loo gudbiyay kiiskan. Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in haddii ay dhacdo in Soomaaliya ay gorgortan ka gasho kiiska yaalla maxkamadda, ay taasi noqon doonto “shil weyn oo siyaasadeed oo soo gaari doona wadanka Soomaaliya.” Weli Soomaaliya iyo Kenya ayaan dib isugu celin safiiraddii u kala fadhiyay caasimadahooda, waxaana la tilmaamayaa in arintaasi ay ku xiran tahay horumarka laga gaaro kulanka Arbaca dhici doona. Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa labada ayaa meel xun gaartay, kadib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaal xuduud badeedka lagu mursan yahay. Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii London ka dhacay 7-dii Febraayo lagu soo bandhigay xog sahmin oo keliya isla markaana aanay xaraashin ceelal shidaal lagu tuhunsan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Nairobi (Caasimadda Online) – Shirar hordhac ah ayaa ilaa xalay ka dhacayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed. Waxaa maanta la filayaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku kulmaan madaxda dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia, kulankaasi oo looga hadlayo sidii loo dhameyn lahaa xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Somalia iyo Kenya. Dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa kusii wada jeedo waxyaabaha kasoo bixi doono Kulanka seddex geesoodka ah ee ka dhacayo Magaalada Nairobi. Prof. Axmed Macalin Nuur oo ah Macalin dhanka Siyaasadda ah ayaa qabo in Madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay inuu qaato go’aan ay ku wada qancaan Shacabka Soomaaliyeed. “ Madaxweyne Farmaajo waxaa looga fadhiyaa inuu qaato go’aan ka farxiyo Shacabka Soomaaliyeed, waa inuusan ka tanaasulin mowqifka dowladda ee ah inaan gorgorton laga gelin Badda Soomaaliya” ayuu yiri Prof. Axmed oo la hadlayey Caasimadda Online. Wuxuu sheegay inaysan marnaba macquul aheyn inuu Madaxweyne Farmaajo aqbalo in la joojiyo Dacwadda Badda Soomaaliya ee taalo Maxkamadda Adduunka. “ Waa inuusan Farmaajo aqbalin in dacwadda Badda Soomaaliya lagu xaliyo qaab Gobol ah, sababtoo ah taas waxay keeni doontaa inay meesha ka baxdo dacwadda hor taalo Maxkamadda Adduunka oo ay u badan tahay inay ku guuleysato Soomaaliya maadaama waxa la isku heysto ay iyada leedahay” ayuu sii raaciyey. Madaxweyne Farmaajo iyo Uhura ayaa Maanta kulan ku yeelan doono Magaalada Nairobi waxaana dhagaha loo taagayaa waxyaabaha kasoo bixi doono kulankaas oo uu gar wadeyn ka yahay Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayA weerar khasaaro geystay oo xalay ka dhacay degmada Yaaqashiid ee gobolka Banaadir. Weerarkan oo loo adeegsaday Bam-Gacmeed ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday ciidamo ku sugnaa waaxda Horseed ee degmadaasi. Hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay weerarkan, taas oo la sheegay in ay aheyd Haweeney ganacsato ah oo ku sugneyd halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-xasanwali.mp3 View the full article
  9. Hamburg (SMN) – Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Jarmalka ayaa dabayaaqada bishan March lagu qaban doonaa magaalada Hamburg ee dalkaasi,waxaana looga hadli doonaa horumarinta tamarta dalal ay ku jirto Soomaaliya. Shirkaasi oo socon doonaa muddo laba maalmood ah ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa sidii maalgalin caalami ah loogu sameyn lahaa tamarta dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay oo ku yaalla Africa,iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka dowladda Jarmalka iyo shirkadaha wax ku soo saara tamarta ee Africa. Waxaa ka qeyb gali doona shirkan wasiirada tamarta iyo biyaha dalalka South Africa, Angola, Morocco, Ghana, Sierra Leone, South Sudan, Nigeria, Equatorial Guinea, Gambia, Burkina Faso iyo Somalia. Sidoo kale waxaa shirkani ka dhici doona dalka Jarmalka ka qeyb galaya ha’yado caalami ah oo doonaya in ay maal gashi ku sameeyaan tamarta iyo kheyraadka dalal badan oo shirkaasi ka qeyb galaya. View the full article
  10. Nairobi (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan gaar ah oo ay xalay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmd, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay ku yeesheen magaalada Nairobo ee caasimadda dalka Kenya. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa u jeedadiisu ay aheyd in madaxda Soomaaliya iyo Kenya ay ka wada hadlaan xiisada u dhexeysa labada dal. Lama oga illaa iyo hadda waxyaabaha ay isla meel dhigeen madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uhuru Kenyatta. Sidoo kale lama saadaalin karo,sida ay wax noqon karaan ama meesha ku biyo shubanayaan kulamadan oo uu gar wadeen ka yahay R/wasaare Abiy Axmed. Khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo shaac baxay, kadib markii dowladda Kenya ay ka hortimid shirka shidaalka Soomaaliya ee dhawaan lagu qabtay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-06032019.mp3 View the full article
  12. Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ka dhaco kulan Saddex geesood ah, kaasi oo u dhaxeeya madaxda dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo sidoo kale Itoobiya. Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi kadib markii ay ka baxeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Kulanka maanta ay yeelanayaan madaxdan ayaa waxyaabaha looga hadlayo waxaa ugu horreeyo sidii loo xallin lahaa khilaaka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa doonaya in uu dhammeeyo khilaafka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana laga wadahadlo waxa jira. Kenya oo dareentay in xilligan ay ku guul-darreysatay dacwadda dhanka badda ah ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Soomaaliya, taasi oo hadalhayn badan dhalisay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Shirar hordhac ah ayaa ilaa xalay ka dhacayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed. Waxaa maanta la filayaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku kulmaan madaxda dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia, kulankaasi oo looga hadlayo sidii loo dhameyn lahaa xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Somalia iyo Kenya. Amb C/raxmaan Nuur Diinaari oo noqday safiirka Somalia ee Sudan ayaa ka hadlay waxyaabaha laga fileysan karo shirka maanta ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo ah mid seddex geesood ah. Amb Diinaari, ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid muujinaya isku soo dhawaansho dalalka Kenya iyo Somalia oo xurguf siyaasadeed ay ka dhaceysay, isaga oo sheegay in dalalka Ethiopia iyo Eritrea ay ka shaqeynayaan arimahan. “Waxay ku xiran tahay Kenya inay qiimeyso waxyaabihii ay sameysay lagana arko in Kenya ay qaaday talaabo Diblumaasiyadeed oo qalad ah, sababtoo ah iyadoo safarkeeda u yeeran karta ayay ku dartay hadalo adag, sida inay cunuqatabeyn kusoo rogeysa Somalia, iyo arimo kale”. “Arintaan waxaa wada dalalka Ethiopia iyo Eritrea oo hadda doonaya in dalalka Kenya iyo Sudan lagu soo daro isbadalka Geeska, Arinta Baddana sida wasiiru dowlaha Sheegay waa lama taabtaan, haddii Kenya ay qaadato qaladaadkeeda guul ayaa laga fileysan karaa shirka.”ayuu yiri Amb Diinaari. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Kenya marka ay garwaaqsato qaladaadkii diblumaasiyadeed ee ay gashay in isbadal weyn laga fileysan karo guud ahaan goboka Geeska Africa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Dawlada Somalia baahisay Jawaabta qoraalkii ugu dambeeyey ee Kenya ka soo baxay +wuxu daaran yahay+Shaki safarka Farmaajo & Abiy ee Nairobi Dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay jawaab ay ka bixisay hadalkii ay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma ay Nairobi sheegtay 21-kii Febraayo. Qoraal ku taariikhaysan 25-ka Febraayo, oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, ayay dowladda Soomaaliya ku diiday qaabka ay Monica Juma u dhigtay ‘muranka badda’ ee ka dhex oogan labada dal. Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inaysan marnaba iib geyn islamarkaana iib geyn doonin xidhmooyin shidaal oo ku yaalla dhul-badeedka lagu murunsan yahay. Soomaaliya ayaa Kenya u sheegtay in ku qanacsan tahay kuna adkeysaneyso in muranka badda ee labada dal lagu dhammeeyo go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, islamarkaana Kenya ay taas aqbasho. Waxa ay sidoo kale ku baaqday in labada dalba ay ka fogaadaan ficillo hal dhinac ah oo kasii dari kara xiisadda. Baahinta qoraalkan ee caawa ayaa u muuqata tallaabo ay dowladda Soomaaliya ku dejineyso shacabka ka walaacsan safarka madaxweyne Farmaajo ee Nairobi iyo in kiiska badda ee maxkamadda laga laabto, laguna dhameeyo wada-hadal. Halkan ka akhri Qoraaalka Rasmiga ah:- Qaran News
  15. 2016, wuxuu ahaa sannadkii ugu dambeeyay ee muddo xileedkiisa. Sanadkii ka horeeyay wuxuu Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ICJ la tiigsaday Kenya si ay go’aan uga gaarto sheegashada Kenya ee badda. Wuxuu ahaa go’aan ay illaa iyo hadda Kenya ka galgalanayso. Sept 5, 2016, wuxuu wasiirkiisa Gaadiidka iyo Duulista Cali Jangeli sheegay in qaadkii Kenya ka imaan jiray la joojiyay xilli shirkii ugu horeeyay ee IGAD ee ka dhaca Soomaaliya loo ballansanaa maalmo gudahood. Go’aanka dowladda ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo booqasho uu guddoomiyaha gobolka qaadka ugu badan dhoofiya Peter Munya uu ku tagay Hargeysa iyo war meel ka dhac ah oo uu sheegay. Uhuru in kasta oo uu ka tabanayay jug maamulkii Xasan Sheekh uu dalkiisa u geystay, haddana shirkii IGAD ee ka dhacayay Muqdisho September 10, 2016 wuu soo xaadiray. Waxaa ka sii cajiibsanayd markii loo diray soo dhoweyntiisa wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Cali Jangali, oo aan protocol ahaan kaalintaas lahayn, balse waxaa lagu gaarsiinayay farriin ah in qofkii qaadka mamnuucay uu haddana soo dhoweynayo. Qaladaad way ka dhaceen laakiin madaxweyne Xasan Sheekh casharo culus ayuu Kenya u dhigi jiray. Ma laha Kenya waxay ka mid ahayd howlaha qabyada ahaa ee uu dhamaystiri lahaa! Sidii uu ku waday ha loo dhamaystiro haddii aan laga sii qurxin karin. W/Q: Hassan Adam Hossow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Guddoomiyihii Shirkadda Liisamada Somaliland Oo Caddaalad Darro Dalka Uga Cararay Kuna Biiray Jabhadda Caarre Qandaraaslihii Mashruuca Liisammada Wadista Gaadiidka Somaliland ee Heshiiska kula jiray xukuumadda Somaliland oo mudooyinkii ugu dambeeyay cabashooyin tiro badan warbaahinta u marinaayay labadii xukuumadood ee kala dambeeyay iyada oo uu muwadankan magaciisu yahay Sakariye Nuur Cabdillahi ayaa hore u sheegay in uu adeegii shaqo ee uu Dawlada Heshiiska kula jiray uu Wasiirka Wasaarada Gaadiidku si badheedh ah uga barbar samaysatay Madbacad sharci daro ah oo uu leeyahay wiil uu adeer u yahay iyada oo xukuumadu hore u shaacisay in mashruucan lagu wareejin doono Gacanta Dawlada (Madbacada Qaranka). Sakariye Nuur Cabdilahi ayaa Xuduudda Somaliland ka talaabay isaga oo rartay dhamaan Agabkii Mashruuca Liisamada uu ku daabici jiray isla markaasna la galay dhinacaa iyo maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland. Ilo-wareedyo u dhuun daloola arrintan oo shakabadda wargeyska FOORE helay waxa ay tibaaxayaan in Sakariye Nuur Cabdulaahi oo ahaa Guddoomiyihii shirkaddaasi oo wakhtigan ku sugan Magaalada Qardho ee Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland uu dalka cadho kaga baxay isaga oo xukuumadihii kala dambeeyay Siilaanyo & Muuse Biixi ka tirsanaya caddaalad darro ay kula kaceen iyaga oo dhinaca kalena sheegay in qandaraaskii ay xukuumaddii hore ku siisay adeegga soo saaridda liisamada ay dawlada Muuse Biixi shirkad kale oo gaar ah oo beeshiisu leedahay Xubno u dhawdhaw si gaar ah ula socda xaaladdan oo wargeyska Foore u warramay waxa ay sheegeen in wakhtigan Sakariye ku sugan yahay Magaalada Qardho isaga oo walaac weyn ka qaba xaaaladda ku dhacday shirkadooda aadna uga cabanaya xukuumadda Muuse Biixi. “Mishiinadii iyo dhammaan qalabkii ay shirkaddani ku hawl galaysay waxa ay ula guureen dhinacaa iyo magaalada Garoowe kadib markii cid kale loo xidhay adeeggii ay hore qandaraaska ugu heleen ee loo siiyay, taasi oo keentay in ay meelo kale ugu adeeg doontaan kadib markii ay dalkooda ka waayeen xuquuqdii ay lahaayeen ee lagu sameeyey caddaalad darro” hatana la filayo in uu isku dhiibo Jabhada Caare Cadaalad u dirirka ah ee fadhiisinkeedu yahay Qardho sidaa waxa wargeyska u sheegay masuul shirkadda ka tirsan. Qaran News
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa jawaab ka bixisay kulankii shalay magaalada Addi Ababa ay ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed. Kadib kulankaas ayaa qoraal kasoo baxay Abiy Ahmed, waxa uu ku sheegay in afar qodob oo uu Farmaajo kala hadlay uu qodob ka mid ah ahaa xaqiijinta xiriirka maamulka Somaliland, si loo taageero nabadda gobolka. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay “Dawlada Jumhuuriyada Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay dawlad kaalin muhiim u ah kaga jirta arimaha gobolka gaar ahaan dhinacyada nabad galyada iyo horumarka dhaqaalaha ee gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba.” Waxaa sidoo kale, qoraalka lagu sheegay in Farmaajo “uu aqbalay in aanu soo faro galin xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo Ethiopia. Marka laga reebo qoraalada Abiy Ahmed iyo kan Somaliland, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo ku saabsan waxa Farmaajo iyo Abiy ay iska yiraahdeen arrinta Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Bilooyinkii la soo dhaafay ee December, January iyo February ayaa la sheegay in aysan wax lacag ah qaadan qaar kamid ah Warbaahinta magaalada Muqdisho ee laa-luushka laga siin jiray Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya. Xogta aan helnay ayaa sheegaysaa in Dowladda Soomaaliya aysan bixin lacagtaas oo ay qaadan jireen Idaacado iyo TV-yo ku yaala magaalada Muqdisho kadib markii la sheegay in ay dhaqaalo xumi soo wajahday Dowladda Soomaaliya. Idaacadaha iyo TV-yada ugu afka dheer magaalada Muqdisho ayaa bishii la siin jiray lacag u dhaxeysa 1,000$ ilaa 3,000$ waxa ayna lacagtaasi ku difaaci jireen Madaxtooyada Soomaaliya. Warbaahinta lacagtaan qaata ayaa waxaa mamnuuc ka ahaa baahinta wararka wax u dhimaya Maamulka Villa Somalia. Mid kamid ah maamulada Warbaahinta lacagtaan qaadan jiray ee aan helin bilooyinkaan ayaa Caasimad Online u sheegay in aysan ogeyn sababta aysan u helin lacagta, balse ay qiyaasayaan in uu jiro culeesyo dhaqaalo oo ay wajaheyso Dowladda Soomaaliya. Lacagtaan oo markii hore Warbaahinta loo siin jiray horumaris ayaa la sheegay in ay gaab wayn gashay markii agaasime cusub ay yeelatay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana lacagta laga dhigay gadaal ka dhiib oo bilooyinka qaar aan lagu tashan. Idaacadaha iyo Telefshinada Magaalada Muqdisho ee lacagta la siin jiray balse bilooyinkaan aan qaadan ayaa maalmahaan bilaabay warar looga soo horjeedo Xukuumadda, waana sababta uu u batay isku dhaca wariyaasha iyo Ciidamada Booliiska Soomaaliya. Dhinaca kale, taageerayaasha Dowladda ee baraha bulshada ayaa sidoo kale qaadanin lacgtii ay qaadan jireen oo u dhaxeysa 100$ ilaa 300$ mudo ku dhow 4 bil. Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay looga adkaa baraha bulshada ee Internet-ka. Taageerayaasha mucaaradka ayaa todobaadyadaan ku xooganaa Internet-ka waxayna arintaasi ay dhaawac wayn ku tahay Dowladda Soomaaliya. Lama oga sababta arintaan ka dambeysa waxaa jira warar is qilaafsan oo sheegaya in ay arintaan sababtay dhaqaalo Xumi Xukuumadda heysata iyo warar kale oo sheegayaa in ay lacagta joojisay Haweeneyda agaasimaha ka ah Villa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Soomaaliya waxay mareysaa meeshi ugu xumeyd ee wadan gaaro xagga amniga. Dhibaatada heysata ummadda waxaa ugu daran in la soo hubeeyay niman aad moodo in looogu tala galay inay umadda laayaan wax naxariis ahna aysan u falin. Maanta oo Isniin ah waxaa ciidamada hubeysan ee magaalada dhex socda waxay dileen in ka badan seddax qof oon wax dembi ah geysan. Dembileyaashii dadkaas dilay waa xur meeshey doonaan maraaya cid wax u qabsatayna aysan jirin. Arrinta ugu xun ee Muqdisho ka dhacda waa inay ciidamadu sidi ay doonaan u toogtaan dhallinyarada wada Bajaajada oo sidi tisxiga loo laayo. Askarta dembiga gashana looma qabto dhiiga ay gardarrada ku daadiyaan…waxaad moodaa in darawalada Bajaajta uu dhiigoodu xalaal yahay. Dalka Talyaaniga wuxuu soo maray marxalad aad u xun oo ay heysten niman lagu magacaabo “Brigata Rossa” laga soo billaabo 1969 – 1980 ooy gaareen heer ay af-duubaan Raiisul wasaare can ahaa Aldo Moro oo mar la daalay meydkiisi laga helay baabuur meel yaala dabaiis (porta bagaglio) la so gelshay. Xilligaas waxaa la soo rogay in ciidamadi “Crabinieri” hubka laga dhigay lagana mamnuucay inay hub ku sitaan magaalooyinka ilaa loo adkeysan waayay dhibaatada ku dheceysay ciidasmaddas oo cid waliba ay ku qeylisay in hubkoodi dib looogu soo celiyo si ay u daafacaan naftooda iyo tan dadweynaha. Ciidamada dariiqyada taagan weligood lama kulmin Shabaab waxayna laayaan dadweynaha masaakiinta ah. Ilaa iyo haddana ma dhicin lamana arag hal askari oo loo qabtay dil uu geystay ama Maxkamad la soo taagay…waxaa la yiraahdaa askariga dilka geystay waa baxsaday warkiis damabana lama maqlo!!!. Si umadaan looga badbaadiyo DIALKA MICO-DARRADA AH OO KU SOO BATAY DALKA, SIIBA XAMAR, WAA IN CIIDAMADA HUBKA LAGA DHIGAA KUWI DILKA GEYSTAYNA LA SOO QABTO LANA MARSIIYO MUDANKOODA. WAA HADDII AY CADAALAD JIRTO. HOWSHAAS WAXAA LAGA RABAA INUU FULIYO JENERAL CABDULLAAHI BARIISE OO MAR KASTA U CUDUR-DAARA CIIDAMADA DADKA LAAYA. Wixi aan ku gefay ha la ii cafiyo, wixi khalad ku jirana ka saxa adinkoo mahadsan. W/Q: Axmad Calasow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Badanaaba xukuumadaha adduunka ka dhisan, waxaa hoggaamiya oo maamula, xisbigii hela codadka ugu badan doorashadii dalkaa dhacda. Xisbiyada gudahooda waxa ay qabtaan doorasho waxa ayna iska soo dhex saaraan qofkii ay u arkaan in uu bulshadooda ka gadmayo, xisbigoodana guul u soo hoynayo. Xisbiyada waxa u degsan mabaadi’ iyo caqiido xubnihiisu isku wada raacsanyahay. Mabda’a iyo caqiidadaa ayaa xubno iyo rag xisbi kuwada jira ka dhiga saaxiibo khaas ah oo il kaliya wax ku arka dheg kaliyana wax ku maqla. Ragga siyaasadu mataanaysay tusaale waxa u soo qaadan karnaa, madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo saaxiibkii Dimitri Medvedev, labadaa nin oo hada dhowr iyo toban sanno hoggaaminaya dalkaas dhowr jeer ayay xafiisyada is dhaafsadeen oo midba midka kale xafiiska u baneeyay. Saaxiibtinimada iyo wada shaqaynta labadaa nin ka dhexaysa, waxa ay dalka Ruushka ka badbaadisay in uu ku hoobto oo ku kala firdhado qalalaasihii iyo jahawareerkii ka dhashay burburkii Midowgii Sofiyeeti ee uu Ruushku hoggaamiyaha ka ahaa, waxa ayna dalkaa u horseedeen deganaansho siyaasadeed iyo kobac dhaqaale. Wadanka Turkiga, madaxweynihii hore Cabdalla Gul iyo kan hada talada haya Reccep Tayyip Erdogan, labaduba waa ardaydii ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga Najmudiin Arbakaan, waxa ayna xubna ka ahaayeen xisbigiii uu hoggaamin jiray Arbakaan ee dalkaa laga mamnuucay. Markii la mamnuucyay xisbigoodii, xubnihiisiina xayiraad lagu soo rogay, waxa ay asaaseen xisbiga hada ka taliya dalkaa. Erdogan mar walba Gul waxa uu ugu yeeri jiray”walaalkay”. Markii xisbigooda ku guulaystay doorashadii 2002-dii, Erdogan ma qabin karin wax xil ah, waxana saarnaa xayiraad maxakamadi saartay. Isbadal lagu sameeyay dastuurkaa maadaama ay iyagu kuraasta baarlamaanka badidood ku guulaysteen, Erdogan waa laga qaaday xayiraadii, xafiiskii ra’iisul wasaarahana waxa u baneeyay walaalkii Cabdalla Gul. Isbedala dhowr ah oo ka dhacay dalkaa iyo xisbigoodii oo noqday xisbiga wadanka uga awooda badan, waxa uu suurtowday in ay la wareegaan xafiiska madaxweynaha. Gul-na waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee ka tirsan xisbi u janjeera xaga diinta ee xilkaa qabta tan iyo intii ay aasaasantay jamhuuriyada Turkiga. Xisbigooda waxa uu Turkiga ka sameeyay isbedal siyaasadeed, oo la dhihi karo Afgambi siyaasadeed, waxa uu awoodii ka xayuubiyay jeneraaladii xoogaa badnaa ee siyaasada dalkaa gacanta ugu jirtay, sidoo kale waxa gaaarsiiyeen horumar dhaqaale. Soomaaliya oo siyaasadu ku dhisantay hab beeleed iyo xubna qaybsi ayaa waxa dhacda ninkii madaxweyne loo soo doorto in uu ku wareero qofkii uu ra’iisul u magacaabi lahaa, sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa isagana ku wareera sidii uu heli lahaa xubnihii ka mid noqon lahaa xukuumadiisa. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waa ra’iisul wasaarihii ugu cimriga dheeraa, burburkii kadib, maalmo ka hor ayuu dhamaystay laba sanno oo uu xafiiska joogay. Kheyre oo filanaya in ay usoo baxdo qorraxda, sannadii seddexaad ee xafiiska ugu dhalata, ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya isaga iyo Farmaajo in uu khilaaf u dhaxeeyo, sannadka cusub ee u bilowdayna xafiiska ku dhex sagootin doonin. Khilaafka ayaa la leeyahay waxa uu salka ku hayaa, Kheyre oo uu galay damac ah in uu isu soo sharaxo jagada madaxweynaha, Farmaajo oo isagana quud daraynaya mar kale in uu xafiiska kusoo laabto booska ka riixdo. Farmaajo iyo Kheyre isku xisbi ma ahan saaxiibtinimo horana kama aysan dhexayn, rag shaqo doon ah oo dani kulmisay ayay ahaayeen. Waxaase isweydiin leh Farmaajo iyo Kheyre wada shaqaaynta iyo isfahamka ay labadii sanno ee lasoo dhaafay muujiyeen, maku sii wada joogin doonaan, caado iyo dhaqan siyaasadeed oo cusub ma bilaabi doonaan? Farmaajo talaabo aan weli dalkeena looga baran maqaadi doonaa oo xafiiska Kheyre ma u banayn doonaa? Kheyre damaca ma iska dayn doonaa oo Farmaajo fursad ma usiin doonaa in marklae lasoo doorto? Dalkeena oo sida inoo muuqata rag horay usoo wada shaqeeyay iyo qaar hada weli wada shaqeeya ninba dhinac u ordaayo, xisbi ugooniyana samaystay, Farmaajo iyo Kheyre in xafiisyada is-weydaarsadaan waa arrin aan marnaba la filayn. Ugu yaraan waxa aan ka filan karno waa iyaga oo muddada xiligooda ka dhiman wada dhamaysta, doorashada la filayana xal xisbi kusoo gala, midaa oo iyada qudheeda la dhihi karo waa bisayl siyaasadeed, oo wadanka u horseedi kara deganaansho siyaasadeed iyo in la helo xisbiyo ku dhisan mabda’a iyo caqiido ee aan ku dhisnayn dano shaqsiyadeed iyo mid beeleed. W/Q: Cabdirisaaq Xuseen Dhiiloow dhiilow008@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Dabaal-degii Ajax Kooxda Real Madrid oo saddexdii sano ee u dambeysay difaacanaysay koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga ayaa caawa si fool xun uga hartay. Real Madridrid oo garoonkeeda Santiago Bernabeu lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka Champions League-ga kula ciyaaraysay kooxda reer Holland ee Ajax ayaa la kulantay guuldaro fadeexad ah, kadib markii 4-1 loogu a wood sheegtay. Kooxda Ajax oo marti ahayd ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u soo jiitay indhaha mucaashaqiinta kubbada cagta adduunka, halka taageerayaasha Real Madrid ay ka soo hartay dhabano qabsi iyo jahwareer. Goolasha afarta ah ee Ajax ay ku gaartay guusha taariikhiga ah waxaa mid hal gool u kala dhaliyay daqiidaqii 7-aad Hakim Ziyech, dahiiqadii 18-aad David Neres, daqiiqadii 62-aad Dusan Tadic iyo daqiiqadii 72-aad Schöne Lasse, halka Real Madrid uu gobolka qura u dhaliyay daqiiqadii 70-aad Marco Asensio. Ajax ayaa wadarta goolasha labada kulan ku badisay 5-3, maadaama kulankii hore Real Madrid ku soo badisay 2-1, sidaasna waxay ugu gudubtay wareega siddeed dhammaadka tartanka Champions League-ga, halka Real Madrid oo sagaalkii sano ee dambeeyay tartankan soo gaaraysay siddeed dhammaadka ay maca salaamaysay. Murugadii Real Madrid Real Madrid ayaa lix maalmood gudahood ku maca salaamaysay saddexdii tartan ee ay ku jiray, 27 February iyo 2 March waxay guuldarooyin kala kulantay Barcelona kulamadii Copa Del Rey iyo La Liga, halka caawa ay musiibo kala kulantay Ajax. Sabab Real Madrid ay xili xiyaareedkan u wajahayso guuldarooyinka ayaa la aaminsan yahay in ay tahay ka tagi taankii tababarihii hore ee taariikhda dhigay Zinedine Zidane iyo Cristiano Ronaldo oo ahaa ciyaartoy aad looga cabsado. Dhinaca kale kooxda reer Ingiriis ee Tottenham ayaa u soo gudubtay wareega ee siddeed dhamaadka tartanka Champions League-ga, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay kooxda reer Jarmal ee Dortmund kulankii lugtii labaad, waxayna wadarta labada kulan noqdeen 4-0. Harry Kane ayaa daqiiqadii 49-aad u dhaliyay goolka kooxdiisa Tottenham. PUNTLAND POST The post Real Madrid oo jab kala kulantay koobka kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
  22. The rapid political changes in the region could bring risks to Somaliland rather than cooperation opportunities. Preview quotes from the content: “Somaliland should keep close observations over the multi- dimensional pressures aimed at it” “Somaliland should pursue a foreign policy which is preemptive rather than being reactive” “Somaliland should steer developments by taking initiatives rather than merely watching the political changes in the region unfold” ” The peaceful and constructive policy of Somaliland to its neighbors is now ever sought after and more needed” Somaliland should not accept any envisaged policy not ensuring its sovereignty and fundamental statehood rights Somaliland needs its neighbors and its neighbors need it; a same level needs with each other working together on peace & stability and to better the lives of the people of their countries. In real terms, development and progress can be achieved in a lasting peace and stability environment. Somaliland aware of this fact placed this formula at the very center of its foreign policy visions. This approach is a natural reflection and continuation of the “Peace at Home, peace with neighbors, Peace in the Region” policy laid down by our Great Leader Mohamed Ibrahim Egal. Besides, it is a natural consequence of a Contemporary responsibility and a humanistic foreign policy vision. The peace and stability in Somaliland is founded on its early traditions based on negotiations under the tree; and takes its strength from Somaliland’s characteristics of being a democratic state governed by the rule of law Furthermore, the most important characteristic of Somaliland foreign policy was being a visionary one. Security for all, political dialogue, economic interdependence and cultural harmony are the building blocks of this vision. Somaliland aspired eventually to reach a stage where all countries in the region live in a state of welfare and carry the integration among them to the most advanced level by creating a zone of peace and stability, starting from her neighbors. Somaliland while resolutely pursuing this policy should never put realism aside and does not forget that “zero problems” approach represents an objective and an ideal. We can understand that a web of relations free from problems does not exist anywhere in the world, due to the very nature of international relations. Somaliland implementing her foreign policy of no problem with neighbors; it should be aware there are some intricate and deep problems that cannot be solved quickly in between the countries of the region; no matter how much they are willing to do so. It is not quite possible to envisage that all problems in our region which have deep-rooted history can be solved in a short period of time. Besides, Somaliland believes the need to take constructive steps in order to settle such problems and to exert active efforts in this direction. That is why Somaliland sees the ongoing efforts that the leaders of the three countries (Ethiopia, Eretria and Somalia) are acting as a political move towards peace and stability among these countries and the region. Somaliland has covered great distance in this direction up until now, and already succeeded to eliminate all the problems from her relations with neighbors in the region namely Ethiopia and Djibouti to a remarkable level; at least to exempt Somalia. It has also developed her relations and cooperation with some other African countries, some Arab countries and some EU member countries; with an increasing momentum based on deepening mutual cooperation, sincere dialogue and balanced understanding. In this context, the discourse of “zero problem with neighbors” which was a slogan summarizing Somaliland’s expectations from the neighboring countries, with regards to her relations; and was receiving some positive and rewarding outcomes and responses from her immediate vicinity, that is to say from her neighbors. But nowadays, those previous rewarding outcomes are changing in to negative attitude, restrictions and political pressures. Aforementioned developments in bilateral relations with neighbors and the policy of “zero problems” adopted by Somaliland shows clearly how sincere and determined she is on the way to peace and stability. But this political mode coming from some neighbors is telling us something hidden in their new goals. Because of this suspicion, Somaliland should have in mind that such rapid political developments and changes occurring in the region particularly in the neighbors could bring risks rather than cooperation opportunities. Therefore Somaliland should keep close observations over the multi-dimensional pressures aimed at it and the responsibilities emanating from them. And if compelled it should pursue a foreign policy which is pre-emptive rather than being reactive; and steer developments by taking initiatives rather than merely watching them unfold and determine a stance accordingly. That is because it’s anchoring peace, stability and security on firm foundations in such traditional based environment is now becoming ever more afraid to be threatened. One of the rare common denominators of many countries, which have significant agreements and deep-rooted relations between them, is their confidence with each other to keep that friendly relations being sustainable. Somaliland foreign policy should be conducted in the center of geography (in the Horn where these political changes are occurring in the most intensive way). Somaliland’s efforts geared towards launching the Horn stability and Cooperation Platform and creating an environment of respect and trust in the region are clear signs of its peace loving approach. But as changes insignificant to Somaliland are engulfing the region; it is thus incumbent on Somaliland to assume more responsibilities in preserving its statehood interests. Furthermore, Somaliland tried a lot to solve the fundamental problems with Somalia, and strives hard to find a solution for its vision that Somaliland and Somalia states living side by side and develop their relations in accordance with the “zero problems” approach policy; but the later is always in an unrealistic vision to bring back the unification that vanished before 27 years. Unfortunately, our relations with Somalia have entered into a new phase due to the relentless military attacks from punt land to Somaliland within its own territory. This is not due to a failure or inconsistency of Somaliland’s zero problems approach, but the approach of Somalia’s current regime, which through its actions, made it impossible to Continue good neighborly relations. As a matter of fact, Somaliland is ready to open dialogue process with Somalia; in order to develop relations through significant mechanisms such as confidence-building measures, cooperation level meetings; that can lead high level talks on Somaliland’s statehood issue. Somaliland upholds the aim of exerting active efforts to solve problems in line with a logical approach through peaceful means. Somaliland is of the view that if a positive atmosphere and bilateral relations prevail between the two countries; it will further facilitate the solution of that dominant problem in the future. If some steps are taken in this direction, even if the problem is not solved immediately, favorable conditions for its eventual solution can finally be created. Despite these major efforts, developing relations with Somalia seems like a weak link in Somaliland’s endeavors towards fostering relations with neighbors. Furthermore, Somaliland does not lose faith in the fact that this normalization process can be lasting and sustainable if concrete steps are taken for a comprehensive peace between the two countries. Such two neighboring brother states dialogue, with the advantage of close and special ties between our peoples will consolidate the ground for Somaliland–Somalia problem solving initiatives. Somaliland needs its neighbors and its neighbors need it; a same level needs with each other working together on peace & stability and to better the lives of the people of their countries. But Somaliland would not accept any envisaged political stand that would not ensure the fundamental rights of Somaliland’s sovereignty as a separate state from Somalia irrespective of who the believer is. On the other hand, Somaliland should become conscious of the crucial importance of preserving the political and economic stability and territorial integrity of its country. It should pursue a policy with a view to secure its borders through peaceful means; and if it becomes enviable through military might. According to Somaliland’s constitutional foreign policy vision, its sovereignty as an independent state is not negotiable. Our policy vis-à-vis with Ethiopia, Djibouti and other EGAD countries should support the shaping of the future of our country in line with the legitimate aspirations of its people and maintenance of its Sovereignty. That is each of these governments including Somaliland should have a full right and power and be respected to govern over its territory independently, without any interference from the others. Somaliland needs its neighbors and its neighbors need it; a same level needs with each other working together on peace & stability, to better the lives of the people of our countries; and to develop the social services, the economic growth, the commercial interdependence, and the political interactions of our respective countries. However, Somaliland should know that this objective bears a much deeper meaning for her that goes beyond settling problems with each of its neighbors. With this understanding, Somaliland should not accept if its good relations with the neighbors are redirected by her neighbors in to uncertainty and not giving the importance it deserves; trying to take advantage over its status as an unrecognized state. Somaliland carried out intense endeavors in bilateral fora, becoming a beacon of peace in the Horn with successive democratization processes, so that it can establish its own political unity and territorial integrity and integrate fully with the international community without any help from neighbors. If political hegemony exists in this region Somaliland should know that it has its share. Accordingly Somaliland should be against any political theory indorsed by its neighbors diminishing its sovereignty and designating theirs with supreme authority. Why the level reached by Somaliland in the field of peace building and democracy should broaden her foreign policy outreach and increase her power of impact in this domain and in this region; while the neighbors are giving their dearly considerations to Somalia which is in the mid of daily terrorist acts ? Somaliland should show that its peaceful and constructive policy aimed to its neighbors is now ever sought after and more needed in the region with high quality Adam Ali Younis E-mail – aayonis@hotmail.com Qaran News