-
Content Count
212,155 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghyaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumairnta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa ka hadlay sida Maamulka Somaliland looga qaybgelinayo qorshaha qaranka ee ay Wasaaraddu waddo. Waxa uu sheegay Cabdulqaadir in looga talogelinayo sida Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka sare looga siiyay Xubnaha. Arrimaha Somaliland ayuu tilmaamay in ay u marayaan waxyaabaha ay ugu baahan yihiin Xubnaha ku matala Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xoghayaha Joogtada Wasaradda Qorsheynta ayaa meesha ka saaray in shirka qorsheynta uu leeyahay waji siyaasadeed, balse waxa uu xusay in uu ka tarjumayo Baahida shacabka. Qorshaha Horumarinta Dalka ayuu sal ugu dhigay Shirarkooda oo ku saabsan shan tiir oo kala ah: Siyaasada loo dhanyahay, Amniga, Dhaqalaha, Arrimaha bulsha deegaanka iyo mareynta kheyraadka dalka. Isbadalka Wasiirada iyo Xukuumadaha ku yimaado waxa uu sheegay Xoghayaha Wasaaradda Qorsheynta in aan saameyn ku yeelan doono, lagana sii wadi karo marba meeshii uu marayay sida uu hadalka u dhigay. Wajiga 1-aad ee shirka 9-aad ee Qorsheynta Qaranka waxaa shalay diiradda lagu saaray kaalinta Ganacsatada iyo Rugta Ganacsiga ay leeyihiin ugana qaybqaadan karaan,iyada oo ra’yi ururin lagu sameeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
“Duugowyey xiisihii Indhuhuna is daydaye!” Muusihii shalayto furfurnaa markii uu kursiga heliddiisa u hamuunsanaa ee uu faraska cad u fuushanaa ee dhegeysiga badnaa, wax isla gorfaynta iyo isla rogrogga u hayal samaa, waxa uu u muuqday gar-ma-qaate dhega la’ oo aan garowshiinyo bixin.Wixii talo lagu rusheeyey xafiiskiisu waxa ay noqdeen hal bacaad lagu lisay oo waxba kagama soo naasa-caddaan. Tabashadii hore ee bulshadu cirka ayay isku sii shareertay.Midnimadii iyo wadajirkii ummadda oo ahaa mudnaanta koowaad iyo qodobka koowaad ee qorshaha hawl-galka ballanqaadyadii lagu dagaal galay xilligii ololaha doorashada ayaa sii xumaaday oo sagxadda sii qaniiney. Madaxtooyadii muraayadda ummadda u ahayd, iska daa in lagu soo hirto oo bulshadu iska wada dhex arato’e, waxa ay boqol jeer hoos uga sii degtey heerkii hore. Barbaar isku degaan u badan ayaa ka dhigtay miidaan ay ku wada laacdamaan. Somaliland waxa ay u muuqataa in ay baallaha ka soo rifmayso. Sool iyo Sanaag Bari waa ay ka sii fogaadeen halkii ay Somaliland ka taagnaayeen xilligii doorashada iyo ka hor. Heshiisyadii hawsha badan iyo tacabka badani galeen ee Somaliland iyo Khaatumo wada gaadheen waxa ay xukuumadda Muuse ku tuurtay teneg xashiishka ama qashin qubka. Prof Cali Khaliif Galaydh iyo raggiisii in badan oo ka mid ahi Somaliland waa ay ka sibiq dhaqaaqeen oo qofba jaahiisii uga suudalay.Reer Sool waa ay ka sii irdhoobayaan Somaliland.Taleex oo ka mid ahayd meelihii doorashadu ka dhacday maanta waa si kale xaalkeedu.Sanaag Bari waa ay sii siqaysaa.Badhan waxa laga dhisayaa qasriga barlamaanka maamul goboleed Soomaaliyeed ee Puntland. Awdal waxa ay la ciirciiraysaa tabashooyin raagey oo aan weli wax-ka-qabashadooda la xallin.Isku day caato ah waa la dhaqaajiyey intii Muuse joogey, weli se natiijo lagama gaadhin oo qabyo waa halkeedii. Dhinaca kale marka la eego, Somaliland waxa ay u muuqataa in dhexdiina uu xar kaga dhashay oo ka sii gelayo.Beelo waaweyn oo kuwa dhexda ka mid ahi oo miisaan lehi waxa ay tirsanayaan tabasho weyn oo ka dhalatay sidii xukuumadda loo dhisay.Cidi weli ugama garaabin tabashadooda, in la daweeyo ha joogto’e. Kalsoonidii bulshada dhexdeedu waxa ay ku taagan tahay miiq dun ah oo dhuuban, gebi dheerina ka hooseeyo, meelaha qaarna waa ba ay luntay. Haybaddii iyo dabkii dawladnimo waa uu sii gabaarayaa oo indhaha ayuu isku sii qabsanayaa. Dhaqaale burbur, sicir barar, maceeshad xumo iyo busaarad ayaa guri walba inta ugu badan bulshada albaabbada ku garaacaya.Meherado badan ayaa bil kasta xidhma.Qaar badan ayaa dirqi ku sii furan oo ruxmaya.Wareeggii lacagta ayaa waddanka ku yaraaday. Maalgelintii maxalliga ahayd iyo wax kala iibsigii ayaa iyana yaraaday markii ay luntay kalsoonidii macaamiishu ku qabeen suuqa lacagta iyo ganacsiga. Shaqo la’aantii ayaa xaaladdaas la sii jaanqaadaysa oo karkaarrada jabsatay.Dhallinyaro badan hiyi kac dhuyaalnimo ayaa ku dhashay, qaar kalena in ay Muqdisho u sunsumaan oo shaqo tagaan ayay ku dhaqaaqeen. Dad badan oo faraha wax ugu jireen ama maalqabeenno ahaa waxa ay qoysaskoodii dejiyeen Turkiga. Bulshada intii badnayd kufaa-kicii nololeed ayaa ku sii cuslaanaya oo welwel iyo walbahaar ayaa u raacaya busaaradda iyo maceeshad xumaanta ku haysata nolol-maalmeedkoodii afka iyo gacanta ku sinnaa. Adeegyadii kale ee bulshadu sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iwm waa ay sii darsanayaan oo xukuumaddani halkii ay ugu timi ee liidatey wax badan kama ay sii kicinnin, wax ka sii dhaca mooyaane. Amnigii muwaaddinku meelo badan ma sugna.Carjuuq dheh iyo ra’yi uu soo bandhigay ayuu xabsi ku geli karaa, rumaanna loogu hayn karaa muddo dheer. Xukuumadda wax dhalliil iyo toosin ah looma soo bandhigi karo. Ciddii is tidhaa wax dhalliila waa la xidhayaa, haddii la gaadhi waayana kooxo abaabulan oo shilimo loo qaybiyey ama qabyaalad loo liqimay ayaa lagu saarayaa. Waxa laga saarayaa nasabadda iyo Somalilandnimada, waxana lagu shaambadaynayaa waa xil-doon, waa uu dudayaa, waa qaran-dumis oo waa la jaal waxa ay ugu yeedhaan “cadowga Somaliland”, mashruuc buu sitaa oo waa biidhi-qaate iwm. Waxyaalahaas waxa lagu doonayaa in lagu qariyo, laguna marin habaabiyo dhalliisha dhabta ah ee dhiirran ee tooska ah ee xukuumadda la doonayo in lagu baraarujinayo si ay isu saxdo. Haddii dhalliisha dhabta ah la dhabqiyo oo la qariyana waxa dhalata dhalliil dhalanteed ah. Xidhiidhkii dibedda oo awelba iska liitey ayaa isna ciidda madaxa sii geliyey sidii gorayada. Isbeddelada gobolka ka socda ayaa horseed ka ah isirro wax ka beddeli kara xaaladda gobolka. “Buur ahow ama buur ku tiirsanow” ayaa la yidhi. Buur na noqon weyney, buurna ku tiirsan kari weyney. Isbebelka Itoobiya waxa uu gufeeyey daldaloolladii aynu Addis Ababa ka geli jirney, meel kalena diyaar inoo ahayn.Dhinacana waa “ha fadhido farow” oo haddii muraayadda guduhu xitaa kuu nadiif ahaan lahayd werwerka xidhiidhka dibeddu wuu yaraan lahaa, waayo haddii aqalka gudihiisu aanu kuu bed qabin dibeddiisu waa maaf oo waxba kuma tarto. Gunaanad: Tayo darraanta xukuumadda la dhisay iyo dhinac ka rarnaanteeda la sixi waayey ee laga dhega adaygay iyo isu joojin la’aanta markii awoodda la taabay, daaqad ka tuurista barnaamijkii siyaasadda ee doorashada lagu galay iyo tuurista qorshihii hawl-qabadyada iyo ka midho-dhalintooda, tallaabooyinka kelitalisnimo ee car juuq dheh iyo xabsiga la miciinsanayo, himilo abuuritaan la’aanta xukuumadda iyo rejada sii dhimanaysa ee bulshada, sii lumitaanka midnimadii, wadajirkii iyo kalsoonidii bulshada dhexdeeda iyo tii dawladnimada lagu qabi lahaa oo boodh iyo habaas sii fuulayo, noloshada bulshada ee sii adkaanaysa ee aan waxba laga qabanayn iyo sida foosha xun ee aanu hoggaanka waddanku danta iyo muraadka uga lahayn in waxyaalahaas lagala hadlo, si burbur looga hortago, dhaawacana loo yareeyo, ayaa ka mid ah in aan taageeradii kala noqdo xukuumadda Muuse Biixi Cabdigii aan shalayto taageersanaa markii uu kursiga u roorayey, maantana aan ka mid noqdo dadka dhalliila maamulkiisa tayada liita ee dhinaca ka raran. Muuse waa la og yahay inuu dhaxlay dhibaatooyin ka qaro weyn in sannad iyo ka badan lagu hagaajin karo, waxa se lagu haystaa waxa uu ka baydhay tubtii inta badani ku qanci kari lahayd ee caqabaadka tirada badan lagu waajihi lahaa, waxana uu baydhay waddo qardajeex ah oo in ay wax uga sii darto mooyaane aan wax lagu tanaadi karo laga quuddarrayn karin. “Duqii Markus waa kaas Waddadii dayacan koray!” Haddii aanu ka jooginna, “jidka aaran dubatadu Ku dambayso weeyaan!” Sannad iyo googo’ waa muddo dheer oo himilo ummadeed lagu abuuri kari lahaa. Dadka rejo la gelin kari lahaa. La jihayn kari lahaa, wax-qabadyana la tusi kari lahaa. Xukuumadaha cusubi waxa labada sannadood ee hore ay qabtaan ayay dadka ka iibiyaan oo ay masruuftaan hadhow, gees biciidna kulaylkaa lagu gooyaayoo waa inta dadku kuu heellan yihiin, mucaaridkuna ku hubsanayo, haddii se aad fadhiid noqoto sida imminka oo kale waxa hubaal ah in dadkii ku taageeray wixii damiirkoodu nool yahay, si ay u kala horreeyaanba, tacab khasaar u arkayaan taageeradoodii, kaana hor imanayaan si ay kuu baraarujiyaan, kuuna saxaan. Waa ayaan-darro, in 28 sannadood ka dib werwer badani ka oogan yahay jiritaankii Somaliland oo meesha lagu socdo iyo meesha laga yimi qiimaynteeda la isku maandhaafsan yahay oo qaarkeenna qaadayaan ‘badhbadhaadhnay’, qaar kalena ‘adhaxdaynu ka sii jabaynaa’, qaarna labadaas u dhexeeyaan, qaarna iska suudalaanba inta ay quusteen! Somaaliland waxa ay weli taagan tahay Is goysyo halis badan! Somaliland xaggay ku socotaa?Waa su’aasl u baahan in lagaga jawaab celiyo daraaso salballaadhan oo qiimayneed oo waxgarad wada gorfeeyo. Marka aad og tahay xanuunka ku haya cayntiisa waxa aad ogaatey qayb ka mid ah xalkiisii. Xilal la doono oo loo dudo ama dhuuni loo hamuumo oo caloosha lagu gufeeyo maanta oo kale waa barkumataal, wax se mudnaanta koowaad leh in la badbaadiyo wixii xilkuna maamuus ku yeelan lahaa, dhuuniguna milgo ku lahaan lahaa. “Dib maxaa idiin celinayoo hore idiin diidey Maruun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaaya!” Iga dhan! Maxamed Baashe Xaaji Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
-
XUKUUMADA WAXA AY KA QAADAN KARTAA KAALINTA UGU WAYN ISDHEXGALKA DADKA REER SOMALILAND SI LOOGA BAXO SAAMEYNTA QABIILKA OO QARANKUNA U SHAQEEYO. Somaliland waa dal curdin ah oo jira 27sano oo bilo dhiman, waxa aafo ba’an ku haysa qabyaalada ama awoodaha qabaailka oo si qaldan loo adeegsaday oo wiiqaysa maamulkii dawladnimo iyo kala dambayntii maamul. Waxaana aad moodaa in ay marba marka ka dambaysa soo noolaanayso oo wax caadiyaba laga dhigtey in xayndaabkii dawladnimo la iskala baxo oo si qabiil iyo kooxaysi loo xuub siibtay oo umadii warbaahinta isaga jawaabayso qabaail. Haddaba hawlaha bulshadu way kala leedahay in xumaanta la suuliyaana waa diiniyan, dawladu kaalin muhiima ayey ku leedahay suulinta qabyaalada iyo kala qoqobka bulshada reer Somaliland, kaalintaasi oo ah mid wacyi galin iyo mid ficil muuqda ah. Marka aan leeyahay ficil muuqda waxa aan uga jeedaa dawladnimo umadu hadhsanaysaa in ay ahaato mid nadiif ah oo cadaalad dadka u sameysa bulshaduna ay ka hesho adeegyo isku mid ah, iyo isku miisaamida xilalka gobolada iyo degmooyinka dalka. Waxa soo raaca qodob muhiima ah oo dawladnimada iyo dalkaba qiimo u yeella oo ah in dawladu shaqaaleheegu noqdaan qaar gobolkasta ka soo shaqeyn kara oo la isku wada badelo shaqaalaha, isku duwayaasha iyo gudoomiyayaasha degmooyinka aan goleyaal deegaan lahayn. Xukuumadii hore waxa ay ku dhiiratay in badhasaabada gobolada dalka is dhex galiso oo badhasaab kasta la geeyo gobolka uu ka soo jeedo maaha e gobol kale si maamulka dawladnimo qiimo u yeesho mansabyada qarankuna u shaqeeyaan oo aan masuulka loo arag qolo, isaguna si kalsooni leh u guto waajibaadkiisa shaqo. Waxa in badan soo shaqeynayey oo dalkuba halkaa ku soo gaadhay waxa ay ahaayeen ciidamada qaranka oo iyaga ilaa maalintii la bilaabay uu is dhex galkooda iyo hawlahooga shaqo yahay in uu askarigu gobolkasta ka shaqeeyo oo loo diro, iyaga oo waliba dhaqaalohoogu yar yahay ayey qaranka qiimo u yeeleen. Haddaba xukuumada maanta talada haysa iyo madaxda hay’adaha kale ee qaranka waxa aan u soo jeedin lahaa in shaqaalaha qaranka, isu duwayaasha iyo gudoomiyayaasha degmooyinka aan goleyaasha deegaanka laheyn iyo dhamaan hay’adaha qaranka iyo laamohooga ay isku wada badesho oo qofwaliba ka shaqeeyo gobolkii/Degmadii uu ka soo jeeday maahee Gobol/Degmo kale, arintaasi hal caqabad uun baa ka hor iman karta oo ah dhaqaalaha uu qofku ku noolaanayo. Halkaa caqabad na waala dabooli karaa oo dhaqaalaha hadii la galiyo dadka qaranka u shaqeynaya shaqaale iyo ciidanba qarankeenu wuxuu noqon doonaa mid la jaan qaada sida dawladaha aduunku u shaqeeyaan, shaqaalaha iyo ciidamada qaranku leeyahay na haybadii, maamuuskii iyo mudnaantii ay bulshada kale dheeraayeen loo sameeyo. Marka intaa la sameeyo waa hubaal in aan qofna meel yeelanayn uu laabta ku garaacdo umaduna waxay heli doontaa adeegyo shaqo oo siman oo aan abtirsiin iyo reer hebel midna aheyn ee ay dadku dawladnimada aaminaan oo ay ku kalsoonaadaan. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil Qaran News
-
Kenya has recalled its ambassador in Mogadishu and ordered Somali envoy out of the country over alleged auctioning of oil and gas blocks in Kenya’s maritime territorial area that borders Somalia. The auction took place in London, United Kingdom, last week, Foreign Affairs PS Macharia Kamau said Saturday. Lieutenant-General (Rtd) Lucas Tumbo was summoned back to Nairobi for urgent consultations. ‘ACT OF AGGRESSION’ “This unparalleled affront and illegal grab at the resources of Kenya will not go unanswered and is tantamount to an act of aggression against the people of Kenya and their resources. “This outrageous and provocative auction deserves and will be met with a unanimous and resounding rejection by all Kenyans as well as all people of goodwill who believe in the maintenance of international law and order and the peaceful and legal resolution of disputes,” the PS Kamau said. Kenya’s sea boundary dispute with Somalia has been simmering for years. In 2014, Somalia sued Kenya at the International Court of Justice asking for a proper determination of the sea border between the two countries. The case is still pending. ICJ judges allowed the case to go to full hearing despite Kenya opposition. Nairobi wanted alternative dispute resolution. “By carelessly ignoring the internationally acceptable norms of boundary dispute resolution and or political and diplomatic disagreements, the Government of the Federal Republic of Somalia has once again demonstrated that it has yet to attain and embrace the political maturity and diplomatic stance of a normal, well adjusted, and properly functioning modern government,” PS Kamau said. BORDER LINE The area in contest is about 100,000 square kilometres, forming a triangle east of the Kenyan coast. Somalia, which lies to the north of Kenya, wants the maritime border to continue along the line of the land border, to the southeast. Kenya however wants the sea border to go in a straight line east, giving it more sea territory. In 2009, Kenya and Somalia had reached an MoU and deposited it at the UN. It proclaimed that the sea border should run eastwards. The post Kenya recalls ambassador to Somalia, orders Somali envoy out appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya. Waxaa soo shaac baxay sawir muujinaya safiirka Soomaaliya, Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo loo gacan gelinayo qoraalkii looga eryey daalka Kenya. Tarsan ayaa looga yeeray xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, halkaasi oo uu kula kulmay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau oo u gacan geliyey go’aanka Kenya. Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau. Macharia Kamau ayaa Tarsan u sharxay go’aanka Kenya oo muddo laga soo shaqeynayey, kadib markii Kenya ay ku guul-darreysatay dadaallo dhowr ah oo ay u gashay inay dowladda Soomaaliya joojisay shirkii London. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI DALKU BADBAADO AYUU KAAGA BAAHANYAHAY SI KALSOONIDII SHACABKU USOO NOQOTO Wadan ama Umad marka ladhisayo ama la hagayo waxay ubaahantahay inay hesho dad ay ka go,antahay masuuliyad iyo hawlkarnimo una daacad ah shacabka iyo bulshada ay masuuliyada u hayaan iyagoo dejinaya hanaanka iyo siyaasada xukunka iyo midaynta dadka iyo kashaqaynta danta guud ee bulshadooda ay metalayaan. Hadaba waxa ay Somaliland u gacan gashay dad aan lahayn ideologyad ay ku xaqiijiyaan horumarka wadankooda maqlayna siyaasad ama xil oo aan lahayn ama aan fahan sanayn waxa ay siyaasadu tahay oo aan lahayn damiir wadaniyadeed taas qofka hadii laga waayana wixii uu gacanta ku dhigo waxa uu uga faa,iidaystaa dano shaqsiyadeed(private interest) waana ta Somaliland maanta gaadhsiisay iyadoo khayraad badeed iyo mid dhuleed haysata inay shacabkeedu ku noolaadaan dakhli kayar celcelis ahaan maalintii hal dollar ama wax kayar Waxaynu ognahay inuu wadanku leeyahay saddexdii laamood ee dawladnimo balse maaha heeyado is miisaama ama is qabta sida uu dhigayo sharciga( check and balance) waana waxa sababay in dekedii iyo khayraadkii wadanka iyo umada aayaha u ahaa indho la,aan iyo danaysi koox gaara lagu qaato iyadoo laga faa,iidaysanayo shacabka wadanka oo lakala qaybiyey qolo qolona lagu ooday iyo in iska aamustay markii loo joojin waayey. Xaaladaha wadanka ka jira ee burburka ku keenaya waxa kaloo kamida Sarayn la,aanta sharciga wadanka oo dadkii wadanka loo dooraty aanu qaban Xoriyadii hadalka ee dastuurka s/land shacabkiisa u damaanad qaaday oo lagu cabudhinayo gaar ahaan bahdii saxaafada oo tiirka afraad ee dawladnimada ahaa abwaanadii indheer garadkii iyadoo maanta dalka inbadan oo wariyayaal ahi ay dibada uga baxeen kadib xadhig iyo tacadiyo loo geystay awgeed sida coldoon/terra iyo rag lamida Waxa hoos udhac wayni ku yimi siyaasadii arrimaha dibada s/land inagoo og in wakiilo wadamo badan inoo fadhiyey aanay shaqo qaban amaba ay xidhmeen iyadoo miisaaniyad badan oo umada wax loogu qaban lahaa ku baxdo Waxa luntay mid nimadii umada waxaana loo fadhiistay reer reer Xukumada oo ay ka luntay miisaankii iyo hanaankii xilalka wadanka lagu miisaami lahaa iyadoo wadanka hanaankiisa maamul ay ku urureen koox gaara taasna ay lumisay kalsoonidii shacabka ay u hayeen xukumada kulmiye Sixir bararka naafeeyey umadii danyarta ahayd iydoo inbadan aynu ognahay inaan dabka aanay shidan Gebegebadii waxaan talo ugu soo jeedin lahaa madaxweyne biixi qodobadan hoos ku qoran Inuu xukumadiisa iyo waaxdiisa fulinta umagacaabo aqoon yahano dersi kara xaalada wadanka dhaqaajina kara siyaasadaha horumarineed dibna u daraasadayn kara wixii xukumad ahaan hore u khaldamay Inuu wadanka hanaankiisa siyaasadeed furfuro fadhiga ka kaco uu kashaqaysiiyo siyaasada arrimaha dibada/iyo ta gudaha labadaba In ay kaa muuqato cadaalad daradii iyo dulmigii shalay aad kasoo dagaalantaytay shalay wixii laga dagaalamay waxay ahayd dawlad dhinac ka rarnayd iyo tacadiyo hadii aan taa waxba aanad ka qabana wadankan jahwareer iyo kacdoon ayay keenaysaa Xaalada wadanka inaad indhaha iyo dhagaha u furato dhagaysato rabitaanka shacabkaaga kana jawaabto waxa ay shacabku rabaan Inaad soo celiso sharcigii iyo kala danbayntii wadanka lana jaan qaado siyaasada gobolka iyo isbedelada mandaqada aynu ku nool nahay kusoo kordhay Wabillaahi Tawfiiq Abdulkadir Farlow Xaashi Title: Falanqeeye arimaha siyaasada. E-mail. Xaashi74@gmail.com Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa xiriirka u jartay Soomaaliya, ayada oo u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhex dillaacday labada dal. Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau. Balse dhul-badeedka ay Kenya ay sheegayneyso ayaa xaqiiqda ah dhul-badeedka Soomaaliya, balse Kenya waxay ka faa’iideysatay heshiiskii muranka badan dhaliyey ee ay Soomaaliya la gashay sanadii 2009. Heshiiskaas waxaa diiday baarlamaankii KMG ahaa iyo sidoo kale QM. Haddaba waa kee dhul badeedka ay Kenya sheeganeyso. Hoos ka aqriso. Dawladda Kenya ayaa Arbaco (May 6, 2009) waxay Qarammada Midoobay (QM) u gudbisay akhbaarta rasmiga ah ee cabbirka xuduudaha badaha ee ay doonayso in loo sharciyeeyo, cabbirkaas oo wata khariidado. Sida ku cad qoraalka rasmiga ah ee Kenya gudbisatay, waxay ku andacootay in baddeedu ay soo dhex gasho gudaha badda Soomaaliya. Si ay arrintaas ugu qurxiso Afgobaadi iyo jaha wareein, waxay sheegtay in sidoo kale badda Kenya ay isdul saaran yihiin badda Tanzania, laakiin ayey tiri, Kenya iyo Tanzania waxay xadka badda ka heshiisyeen July 1976. Waxaa qoraalku ku adkeeyey: Kenya iyo Tanzania waxay heshiis ku ahaayeen xadka baddooda laga soo bilaabo 1976. Kenya oo sii wadatay qoraalkeeda waxay si qeexan u sheegatay: “Labada dal (Soomaaliya iyo Kenya) waxay kala saxiixdeen Qoraal is-afgarad (Memorundum of Understanding “MOU”) markay taariikhdu ahayd 7dii April 2009 kaas oo u ogolaanaya, ayey tiri, dal kasta diidmo la’aan (no-objection) uu xogta la xiriirta cabbirka xadka baddiisa wixii ka shisheeya qalfoofka badda u gudbisan karo Guddiga Xadaynta Badaha ee Qarammada Midoobay. Waxay meel kale oo Kenya ay qoraalkeeda ku sheegtay in xadka badda aagga ganacsiga ee la kordhinayo fogaan xeebta ka durugsan 350 mayl badeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya in uu marayo xarriiq ama khad aan laga heshiin. Cabbirka rasmiga ah ee Kenya u gudbisay Qarammada Midoobay waxa u calaamadsan in xadka baddeed ku beegtay loolka iyo dhigta (1°39’34.25″S, 47°20’38.46″E ), taas oo ay ku doonayaan in loogu kordhiyo aagga ganacsiga meel xeebta u jirta ilaa 648km. Bartaas oo si aan gabbasho lahayn gudaha ugu jirta dhul-badeedka Soomaaliyeed baaxad aad u weyn. Haddii, marka la raaco xeerka badaha adduun bartaasi waxay ku beegnaan lahayd loolka iyo dhigta (4°54’13″S, 46°24’55″E). Taas macnaheedu waa, haddii taasi u hirgasho Kenya, waxaa dadka Soomaaliyeed halkaas ku waayi doonaan dhul-badeed baaxaddiisu ka weyntahay 116,000 km2. Sida Kenya shaacisay xogteeda rasmiga ah ee Qalfoofka Qaaradda Baddeeda (Continental Shelf) waxaa kucad cabirkan aan soo aragnay in Kenya ay badda Soomaaliya ka goosatay(116,000km2) – waa cabbir aad u wayn oo aad loola yaabo, qofkastana uu is leeyahay macquul ma’ahan. Arintaasi waxay ku cadahay xogta rasmiga ah ee Qarammada Midoobay maanta shaacisay. Waxaa laga yaabaa in akhristuhu ku wareero akhbaartaan horay u siidaynay ee sheegaysay in Kenya cabiratay (38,000km2). Xogahaan oo dhan ma’ahan kuwo isdiidan ee waa xog laga soo xigtay dowlada Kenya Qoraalada rasmiga ah ee kasoo baxa (mid hordhac ah, iyo mid rasmi ah). Qoraalkii cilmi baarista waxaa kamid ahaa in Kenya ay gudbisatay March 10, 2009 xog hordhac ah oo Badda Soomaaliya ay gashay (38,000 sq.km) xogtaasna uu ku saxiixnaa Madaxwaynaha Dalka Kenya ee hada Mwai Kibaki , sidaas waxay ku qornaynd waraaqdii Mwai Kibaki ku saxiixnaa ee aan soo aragnay. Sidoo kale qoraalkaas waxaa lasocday in cilmi baaristu sheegtay qoraalka rasmiga ah ee Dowlada Kenya markay soo gudbisato ayaa la ogaanayaa cabirka kama danbaysta ah ee Kenya ay badda Soomaaliya ka cabbiranayso. Cabirkii Kama danbaynta ah ama qoraalkii rasmiga ahaa wuxuu cadeeyey in Kenya ay badda Soomaaliya ka goosatay dhul-badeed ah (116,000km2) – Arrintaas waxaa lagu soo koobi karaa oraahda ah : 38,000sq.km waxay ahayd tijaabo hordhac ah, 116,000sq.km waa rasmiga ay Kenya doonayso in loo sharciyeeyo. Kenya waxay ku andacootay in baddeedu ay soo dhex gasho badda Soomaaliya. Si ay arrintaas u qurxisna waxay tiri, sidoo kale badda Kenya waxay isdul fuulaan badda Tanzania, laakiin ayey tiri, Kenya iyo Tanzania waxay xadka badda ka heshiisyeen markii ay xog is dhaafsadeen 17 December 1975 iyo 9 July 1976. Sidaas daraadeena Kenya iyo Tanzania waxay heshiis ku ahaayeen xadka baddooda laga soo bilaabo 1976. Kenya ayaa doodeeda ku dhisaysa in baddeeda iyo badda Soomaaliya isa soo dhexgalaan, taasna waxay ula jeedaa siday horay meelo kale ugu sheegtay in marka laga hadlayo aaga la kordhinayo ee Qalfoofka Qaaradda ay labadda dal cabirkoodu isku meel ku dhacayo, taasna waxaa keenay Kenya oo cabirkeeda usoo qaloocisay dhinaca bari, halkii laga rabay in cabirkeedu maro Koonfur Bari. Sidoo kale Kenya doodeeda waxay ku dhisaysaa in kordhinta aaga ganacsiga ee cusub uu marayo xuduud aan laga heshiin, aag lagu muran sanyahay. Hadda su’aashu waxay tahay goormaa labada dal u dhexeeyey dhul-badeed lagu muransanyahay ama goormaa Soomaaliya iyo Kenya xuduuda baddeeda isa soo galaysay, maxayse kordhintii hore ee aaga ganacsiga 10kiiDecember 1982 markii laga dhigayey (200nm) Murankan ujiri waayey ama xuduudu isu soo gali waysay? Su’aalahan iyo kuwa kelaba gadaal ayaan ka faah faahin doonaa, ee marka hore aan milicsano heshiiskan yaa Kenya ka caawiyey ama yaa ka qayb qaatay?. Hoos ka ag qariiradda ay Kenya gudbisatayXuquuqda qoraalkan waxaa leh oo horey u daabacay SomaliTalk,
-
Muqdisho (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibada dowlada Kenya ayaa loogu yeeray safiirka dalkaasi u fadhiya Soomaaliya, Lucas Tumbo. Dowlada Kenya ayaa sheegtay in safiirka u fadhiya Soomaaliya ay wax ka waydiineyso shirkii London ee dowlada Somalia ay ku soo bandhigtay kheyraadka shidaalka ee ku jira badda Soomaaliya. Wasiirka arimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau, ayaa xusay in Soomaaliya ay dunida u bandhigtay shidaal ku jira qeyb kamid ah dhul badeedka ay isku heystaan labada dal. Mr Kamau ayaa intaasi ku daray in shirkii London ee lagu soo bandhigay shidaalka Soomaaliya, uu saameyn ku yeelan karo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood. Illaa iyo haatan ma jiro wax jawaab ah oo ay DFS ka bixisay go’aanka kasoo baxay xukuumada Nairobi. The post Kenya oo u yeertay safiirkeeda u jooga Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa xiriirka u jartay Soomaaliya, ayada oo u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhex dillaacday labada dal. Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau. Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lieutenant-General (Rtd) Lucas Tumbo ayaa loo sheegay inuu deg deg ugu soo laabto Nairobi, si arrimahan loogala hadlo. “Xadgudubkan xooggan ee boobka sharci-darrada ah ee kheyraadka Kenya ma noqon doono mid aan laga jawaabin, wuxuuna la macno yahay daan-daansi lagu sameeyey dadka Kenya iyo kheyraadkooda” Ayuu yiri Macharia Kamau. “Xaraashkan naxdinta iyo daan-daansiga leh, wuxuu mudan yahay oo uu la kulmi doonaa diidmada isku duuban ee dadka Kenya oo dhan iyo sidoo kale dadka aaminsan joogteynta xeerarka iyo kala dambeynta caalamiga ah, iyo in xal sharciyeed oo nabad ah laga gaaro murankan” ayuu yiri. Kenya ma aysan shaacin dhulka ay sheeganeyso ee dowladda Soomaaliya ay shidaalkiisa xaraashka gelisay. Si kastaba, waxay u muuqataa in arrintan ay la xiriirto dhul-badeedka muranka uu ka taagan yahay ee Soomaaliya, oo horey ay Kenya ay u sheegatay ayada oo uu ku doodeysa heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee 2009. Heshiiskaasi oo uu diiday baarlamankii KMG ahaa, ayaa waxaa saxiixay Craxmaan Cabdishakuurm, oo xilligaas ahaa wasiirkii qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Kiiskaaski ayaa waxa uu hadda yaallaa maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, ayada oo la sugayo go’aanka kama dambeysta ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Nairobi (PP) ─ Xukuumadda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inay si tix-gelin la’aan ah ay u beecisay xuduud badeedda ay la leedahay, si looga baaro shidaal. Dowladda Kenya ayaa u yeeratay safiirkeeda u jooga Magaalada Muqdisho, Jen. Lust Tumbo, iyadoo sidoo kale ku amartay safiirka Soomaaliya ee Nairobi ku sugan, Maxamuud Axmed Tarsan inuu dalkiisa dib ugu laabto, tan iyo inta laga xallinayo xiisadda taagan. Hadalkan ayaa waxaa ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya iyadoo ku sheegtay qoraal ay soo saartay in Dowladda Soomaaliya ay si bareer ah ugu xad-gudubtay xuduud baddeeda labada dalka u dhexeysa, taasoo ay horay labada waddan dacwadeeda ugu gudbiyeen maxkamadda caalamiga ah ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands. “Xukuumadda Soomaaliya waxay muujisay inaysan ka go’nayn inay ixtiraamto soohdimaha ay la leeyihiin dalalka dariska la ah, isla markaan ay si ba’an oo aan ka fiirsi lahayn u beecisay khayraad ku jira bad aysan lahayn,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya. Sidoo kale, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya, Macharia Kamau ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan inay dib uga laabato qorshaha ay ku doonayso inay shidaalka uga baarato goobaha lagu muransan yahay. Horraantii bishan Feberaayo, ayaa magaalada London ee dalka Kenya waxaa ka dhacay shir lagu beecinayay shidaalka ku jira Soomaaliya, kaasoo si weyn loo mucaaraday inkastoo Dowladdu ay sheegtay in shirkaas uu ahaa mid lagu beec-geynayay shidaalka Soomaaliua ku jira si loo helo shirado soo saara. Dhanka kale, Dowladda Kenya ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay Soomaaliya kaga sugan yihiin kumannaanka ciidamada ah ee ka tirsan AMISOM, kuwaas oo dagaal kula jira Al-shabaab oo sannado badan isku dayaysay inay xukunka ka tuurto Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu caalmku taageersan yahay. Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo yeeray Xukuumadda Nairobi ee xiriirka loogu jaray iyo amarka lagu soo rogay danjiraha Soomaaliya ee Kenya. PUNTLAND POST The post Kenya oo xiriirka u jartay Soomaaliya, una yeeratay Safiirkeedii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
KENYA RECALLS its ambassador to Somalia, orders Somali envoy back to his country; GoK says Somalia auctioned oil and gas blocks in its territory. Source [...] Source
-
Siciid Mire Xaydar magaalada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayuu ku dashay bilawga sannadkii 1951 , halkaasi ayuuna ku qaatay waxbarashada asaasiga ah oo u badnayd barashada diinta islaamka oo qoyskiisana dadka deegaanku ay ku tixgelin jireen. Siciid isaga oo 16 sano jir ah waxa haleelay jacayl ba’an oo ay markhaati ka noqdeen dadkii deegaanku, waxaanu jacaylkaasi saameyn ku yeeshay noloshiisii oo dhan sida inuu joojiyey waxbarashadii , isla markaana uu kaligii iska wareego. Ilaa afar sanno markii uu la noolaa jacaylkaasi oo aanu gacantana ku haynin gabadhii uu jeclaaday , wuxuu yimi Muqdisho waxaanu sannadkii 1971 ka qaybgalay tartankii heesaha ee lagu qaban jiray Golaha Murtida iyo Madadaalada Muqdisho isaga oo ujeedkiisa koowaad yahay inuu inuu jacaylka ka ciil-baxo. Siciid markii uu horreysay ee uu ka heeso dadweynaha hortooda aad ayaa loogu sacbiyey ka dib markii codkiisii gariirku ku badnaa uu ku qaaday hees uu isagu lahaa erayada iyo laxankaba kana waramaysa waayihiisa Jacayl taasi oo magaceedu ahaa “Ishaaro”. Ilaa saddex mar ayaa laga codsaday inuu ku celiyo, waxaana barnaamijka habeenkaas hagayey Saxafiga Axmed Cali Askar oo xilligan ogaalkayga ku noolaa dalka Ingiriiska. Ka dibna habeen kale ayuu hadana Siciid ku soo laabtay golihii kana qaaday isla heestii. Siciid Mire Xaydar wuu ku guuldarraysay inuu hantiyo gabadhii uu jeclaa , waxaanu ku biiray kooxdii Heegan ee booliska Soomaaliyeed , waxa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dadkii mudada kooban ku soo caanbaxay ee fankooda la bartay ka dib markii uu qaaday labada heesood ee “Dhabta miyaan ku saaraa” oo ay la qaaday Kinsi Xaaji Aadan Xuseen . erayadana uu lahaa Cabdi Bashiir Maxamed Indhabuur , oo ahaa abwaanka koowaad ee kooxda Heegan , laxankana isaga (Siciid) iyo Indhobuur ayaa iska kaashaday iyo heesta kale ee Warmoog oo Indhabuur alifay laxankana Siciid iyo Abwaanku ay wada guuleen . Sidoo kale isla xilligaasi wuxuu qaaday heesta Qiiro oo ahayd Waddani bulshada uga digaysa qabyaaladda inay ku dhaqmaan , waxaana laga joojiyey heestaasi Idaacaddaha Raadyaw Hargeysa iyo Muqdisho , iyada oo loo fahmay inay inay lid ku tahay dowladda Kacaanka ee talinaysay . Heesta Qiiro waxa erayada iyo laxankaba allifay Salaad Diirshe oo ahaa hal-abuure sidoo kalena heesaa ah kana tirsanaa kooxda Heegan , waana abwaankii sameeyey heestii saamaynta badan yeelatay ee “ Ceeshaantii Mas iyo Good” ee dagaalkii Xabashida iyo Soomaalida 1977 ka hadlaysay. Siciid Mire sidoo kale wuxuu qaadi jiray Qasiidooyin dhawr ah oo ay kala laheeyeen Cabdi Bashiir iyo Abwaan Sugaal Cabdille Cumar sida Qasiidada “ Subxaana Yaa Qafaaru”. Siciid ka dib markii ay kooxdii Heegan ka soo laabatay Deegaanka Dhagaxbuur oo la geeyey intuu dagaalku socday , lana yimi Xamar ayuu kooxda ka tagay sanandkii 1978, sidoo kalena wuxuu guud ahaan ka tagay fanka inkasta oo uu u olalayn jiray in fanka loo adeegsado waddaniyada iyo dal jacaylka . Intii kooxda Heegan ay ku sugnayd deegaanka Dhagaxbuur ee dagaalkuna socday waxaan la hilmaami Karin in laga dilay kooxda asaasihii u horreeyey ee Heegan Maxamuud Axmed Cali “Dabagooye “ kaasi uu dilay nin xabashi ahaa balse af Soomaaliga yaqaanay oo maalin dhan ku dhexjiray kooxda ilaa uu habeenkeedii uu dilay Abwaan Dabagooye . Siciid intii ay socdeen dagaaladii sokeeye wuxuu ku noolaa Muqdisho , waxaanu u badnaa tafsiiridda Quraanka oo uu yaraantiisii bartay sidoo kalena xifdiyey . Muddo uu xanuusanayey ka dib wuxuu geeriyooday bishii Julaay 2010 iyada oo markaasi la qorshaynayey in dibadda loogu qaado caafimadin. Alle ha Janneeyo Siciid Mire Xaydar Source
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirada maaliyadda iyo xanaanada xoolaha ayaa maanta dalka Sacuudiga ugu u ambabaxay casuumaad rasmi ah. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka warbixiyay qorshaha safarka ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Sacuudiga ay kala hadli doonaan arrimaha deyn Cafinta, kabka dhaqaalaheenna, Dhoofinta Xoolaheenna iyo sidii acmaasha Xajka loogu fududeyn lahaa mawaadiniinta Soomaaliyeed. Tubta horumarinta dhaqaalaha oo kamid ah afarta tubood ee lagu saleeyay shaqooyinka dawladda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn ee sannadkaan la doonayo in lagu fuliyo waxaa qayb ka ah arrinta cafinta daynta lagu leeyahay dalka. The post Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo socdaalay Sacuudiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday lacag dhan 74 milyan oo dollar oo cusub oo lagu taageerayo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Mareykanka waxay ku faraxsan tahay inay taageerto dadka iyo dowladda Soomaaliya ayaga oo raadinaya inay abuuraan mustaqbal wanaagsan, oo ay ku jirto horumar dhaqaale iyo shaqo abuuris.” Ayada oo taas laga duulayo, ayaa dowladda Mareykanka waxay sheegtay in 74 milyan oo dollar ay ku maal-gelineyso barnaamij shaqo abuur iyo dhaqaale kobcin ah. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa toddobaadkan booqday shirkado Soomaaliyeed iyo maalkiilayaal ka faa’iidaysanaya taageerada Mareykanka ee lagu bixinayo barnaamijka USAID GEEL. “Dowladda Mareykanka waa ay soo laabatay, waxayna ku faraxsan tahay inay inay taageero dhaqdhaqaaqyada shaqo abuurista Soomaaliya” ayuu yiri. “Waxaan ku faraxsannahay inaan maqalno in Soomaaliya ay u furan tahay ganacsi ayada oo loo marayao barnaamijka USAID GEEL” Shirkadaha Soomaalida ee la sheegay inay horey uga faa’iideysteen si guul ahna uga miro-dhaliyeen taageerada Mareykanka ee barnaamijka USAID GEEL, waxaa ka mid ah Habo Tuna Canning Factory, Horn Gardens, MicroDahab, Somfresh, Irmaan Dairy, Beder, iyo Sommilk. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Puntland parliament has passed the newly appointed cabinet on Saturday. The assembly gave the new cabinet that is composed of 18 ministers, 18 deputy ministers and nine state ministers the green light after a debate. Out of 63 members who attend the session, only two members abstained against the motion to approve the newly appointed cabinets. Puntland leader, Saed Abdullahi Deni who addressed the session pledged his new cabinet would work towards the realizations of the promises made during his campaign. The regional leader who was elected on 8th January has also pledged to host reconciliation meeting for the federal government and state leaders to solve the political impasse that derails the country’s development. The post Puntland’s council of ministers approved by parliament appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobolka Banaadir, ayaa digniin culus u diray dadka baraha bulshada u cadaalad doonta, Iyadoo kiisaskooda ay gacanta ku hayaan maxkamadaha garsoorka. Abshir Cumar C/llaahi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo uu dhinac fadhiyay Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay in cidii arintaasi lagu helo Ciqaab lagu soo oogi doono, si wax looga weydiiyo sababta uu ka lahaa in Sumcad dil uu ku sameeyo hay’adaha Garsoorka dalka. Dadka baraha Bulshada soo dhigo Kiisaskooda ay geeyeen Garsoorka, ayuu tilmaamay in meel la iska dhigi doono Ga dacwadeedkooda, maadaama ay ku kaceen fal wax u dhimaya sumcada Garsoorka. Si kastaba, todobaadyadii u danbeeyay ayaa waxaa baraha Bulshada qabsaday Kiisas la xiriira in dad sheegtay iney wax cadaalad ah ka heli waayeen Hoggaanka Garsoorka dalka kiisaskooda si fudu loogu xaliyay markii ay ku soo bandhigeen baraha bulshada gaar ahaa Facebook. Halkan ka dhageyso codka gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Codka-Maxkamada-Racfaanka.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com