-
Content Count
213,166 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gedo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Gedo. Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Garinley iyo Fax-faxdhuun ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid markii Al-Shabaab ay weerartay kolanyo ay la socdeen ciidamada dalka Kenya. Al-Shabaab ayaa shaacisay in dulaankaasi ay ku dishay 3 kamid ah askarta Kenya, sida ay ku baahisay baraheeda Internet-ka. Ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay taliska ciidamada Kenya ama xukuumada Nairobi oo ay uga jawaabeyso sheegashada Shabaab. View the full article
-
بسم الله الرحمن الرحيم و الصلاة و السلام علي رسول الله و علي اله و صحبه و سلم و بعد: اللهم ولي أمورنا خيارنا و لا تولي أمورنا شرارنا. اللهم أجعل بلدنا هدا بلدا امنا مطمئنا رخاءا و سائر بلاد المسلمين أمين يا رب العالمين. SOMALIALND HA NOOLAATO. MUDANE MADAXWEYNE MUJAAHID MUSE OO MARAG FURAY. “BULSHADA GALBEED WAA KA WACANTAHAY BULSHADA BARI” ISAGA OO KU SALEEYAY MARKHAATIGIISA ARRIMAHAN: IN BULSHADA GALBEED KA DEGANTAHAY BULSHADA BARIGA IN BULSHADA GALBEED KA AMNI BADAN TAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA IN BULSHADA GALBEED KA ILBAXSANTAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA IN BULSHADA GALBEED KA AQOON BADANTAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA IN BULSHADA GALBEED KA JAAMICADA BADANTAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA. Khudbadaa madaxweynuhu waxay I xusuusisay laba dumar oo miidhiyaha dood isu faan ah isu mariyay: Gabadha hore: ( OO KUILMIYE AHAAHN U FAANAYSAY) oo Gebilaybay ka hadlaysay oo ku faantay inay ka sarreeyaan bulshada bariga waxaanay martay intaa madaxweynuhu maanta maray oo : Gabadha labaad: (OO WADDANI AHAAN U FAANAYSAY) Ayaa Hargeisa ka jawaabtay oo ayana ku faantay in hadday dood tahay , iyo hadday dagaal tahay iyo dhaqan tahayba ay ka sarrayso Galbeed . mid waliba labada dumara taariikhbay ku salasay una cuskatay faankeeda. KOL SE HADDII MADAXWYNIHII JSL GABADHII GALBEED U MARKHAATI FURAY WAA ARRIN KU CUSUB AF MADAXWEYNE. GABAY IYO CAANAAN MUWAAADIN U SOO JEEDIYO XUKUUMADDISA: Bulshada qaranka Somalilaand waa u xor u yihiin inay hadlaan marka ay toosinayaan dawladdii ay gacmahooda ku samaysteen. Bulshadu waxay xaq u leeyihiin inay canaantaan oo toosiyaan marka ay u muuqato wadeeco Makarfoonada xisbiyada qaranku iyo wergeysyaduba waa cudka bulshadu wax ku toosisaa. Waxaa ugu muhimsan khudbadaha masaajidada ee kala qeexaya xaqa iyo baadilaka iyo cidhib-xumaanta ka dhalankarta CADAALAD DARRADA HOGAAMIYE SI BADHEEDHA UGU KACO. Bulshaweynta ayaa ka sarraysa Xukuumaddii ay doorteen. Waa in xukuumaddu ka waantowdaa inay qof muwaadin ah hadal ku xidho. Bulshadu siday u dareentay markhaatigii madaxweynaha: in Bulshada Galbeed ka wacantahay Bulshada Beri : WAA HADALADII MAQYALKA MANA AHAYN HADAL MADAXWEYNE. BULSHADA SOOMAAALILAND OO KOL KEEDA HOREBA ULA BOOCA ISUGU TUKUBAYSAY AYAA MADAXWEYNIHINA DHAN RAACAY: waxay la mid tahay maahmaahdii carbeed : زت الطينه بله “oo la mid ah dhooqadiibaad sii dhooqaysay” Amniga qaranka sidee bulshadu u argtaa? AMNIGA IYO DIFAACA QARANKU WAA MASUULIYADDA MUWAADINKA.WAXAA SE XUKUUMADDA KU WA JIB AH IN AMNIGU SARE U SOCDO. OO XALINTA JAABHADAHA UNKAMAAYA IYO WASIIRADAN MARKA LA ERYO XAMAR U SHAQODOONTA XAALKOODA LA SUGO. Xidhiidhka caalamigu sidee bulshadu u aragtaa? ALBAAB KELIYA OO INOO FURANI MA JIRO. WAXAA KA FIICAN JSL OO GUDAHA ISKA ICTIRAAFTA OO WAX SOO SAARKEEDU SIDAN KA ROONAADO DHAQAALE AHAAN IYO SIYAASAD AHAANBA. Heshiiskii UAE ee saldhiga iyo maamulka dekadda iyo kala hadalka madaxda qaranka side bulshadu u aragtaa? WAA HESHIIS GOBLAMAY OON MUGDI KA BIXIN. MADAXWEYNAHA QARANKU WUXUU SHEEGAY IN SALDHIGA LA KIREEYAY HALKA WASIIRKA MAALIYADUNA SHEEGAY INAAN KIRO LAGA QAADIN SALDHIGA OO MADAAR IYO WADDO LA SAMEEYO HESHIISKU AHAA. XUKUUMADDA MAXAA U DIIDAY: INAY UAE WEDIISATO : INAY KA AMAAHATO AMA KIRADA LOO QADDIMO LACAG KU FILAN IN BIYAHA 6DA GOBOL JSL EE BADDA GALA LA FADHIISIYO SI XOOLIHII MADHAY U SOO NOQDAAN. INAY UAE BAANAN WADDANKA KA FURATAAN IAY KA CAAWISO DIB U HABAYNTA BANKIGA DHEXE EE IYO Komishanka doorashooyinka oo dhacaya 29.11.2019, doorashda golaha wakiilada oo u muddaysan 12.12.2019 iyo komishan cusub oo aan la magaacaabin sidee bulshadu u aragta. WAXAY U JOOGAANBA MA JIRTO. Wax soo saar laanata iyo sicir bararka aan circa ka soo degin sidee bulshadu u aragta. WAA CUDUR AAN DAWADIISA XUKUUMADANI U JEEDIN. Danaha baayacmushtari ee Somalailand iyo Ethiopia ka dhaxeeya siday bulshadu u aragtaa? SABABTA UGU WEYN EE SICIR BARARKA ABUURAA WAA QAADKA IYO KHUDRADAHA AYNNU DOLLAR KAGA IIBSANNO ETOOBIYA INAGA OO AYANAAN WAXBA KA IIBIN ETOOBIYA. WAXA WAJAALE ETOOBIYA KAGA IINBSATO BIRKA INAGA WUXUU INAGU HAYAA DHITA UGU WEYN EE SABABTA SICIR BARARKA. Maxa deyn lagu leeyahay qaranka? Ma deyn qarsoon baa jirta? HADDAY QARSOONTAHAY IYO HADDAY QEEXANTAHAYBA INAAN QARANKU DEYN LA’AYN AYAA CAD. Sinaanta iyo caddaaladda dawladda manta somlailand ka talisa sidee bulshaddu u aragtaa? SALUUGGII BULSHADU KA QABATAY SINAANTA IYO CADAALAD DARRADA MAANTA AYAY CADDAATAY IN DADKU INAAN BULSHADU SINNAYN MARKII UU YIDHI “ GALBEED IYO BARI WAA KALA WANAAGSANYIHIIN” Mudane Madaxweyne Mujaahid Muse ma wuxuu u jihaaday uu kursiga qaranka ugu fadhiistay inuu markhaatigan Galbeed u furo oo uu fulinteedana ku hawlgalo.??? Madaxweynuhu miyuu ilaabay amarka eebe: *و ادا قلتم فأعدلوا و لو كان دا قربي و بعهد الله أوفوا دالكم و صا كم به لعلكم تدكرون* *و هو الدي جعلكم خلائف ألأرض و رفع بعضكم فوق بعض درجات ليبلوكم فيما اتاكم ان ربك سريع العقاب و انه لغفور الرحيم* و بالله التوفيق (Xil)Hussein Ismail Yusuf Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Djibouti ee Soomaaliya, Aadan Xasan Aden. Khayre iyo Danjire Aadan ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga. Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka ah ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda Djibouti sidii ay u garab istaageen Soomaaliya oo ay uga qayb qaateen dib-u-dhiska hay’adaha dawladeed ee dalka. Danjire Aadan ayaa sheegay in shacabka iyo dawladda Djibouti ay waajib ku tahay is garab taagga iyo taageerada shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed. Labada dawladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa waxaa ka dhexeeya xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinno, is qadarin iyo is-garab istaag. View the full article
-
(SLT-Wajaale)-Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa goor-dhawayd soo gaadhay magaalo xuduudeeda Wajaale. Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa hadda waxana loo soo galbiyay dhinaca magaalada Hargeysa oo uu caawa u hayo doono. Maalinta beri ah ayy Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ka qayb-galaya dhagax dhigga Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale ” Berbera Corridor”, taasi oo la filayo in uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi dhagax dhigi doono. Dhan kale waxa magaalada Hargeysa ku sugan wafti kale oo ka socda dawladda Imaaraadka Carabta kuwaas oo u yimid inay ka dhagax dhigga Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale ” Berbera Corridor” Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka wasaaradda hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa waftigan ku soo dhaweeyay magaalada Wajaale. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-27022019.mp3 View the full article
-
(SLT-Doha)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar dalka Qatar ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah, Halkan hoose ka DAAWO arrimaha ay ka wada-hadleen Source
-
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Arrinmaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland, Cawil Shiikh Xaamid Maxamed, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guy Griffin Madax ugu Saraysa UNSOM ee Puntland. Kulanka wasiirka iyo madaxda UNSOM ayaa looga hadlay, arrrimaha ay kamid yihiin; taageeridda UNSOM ee wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta &Dhaqancelinta Puntland iyo xoojinta xiriirka UNSOM iyo wasaaradda. Madaxda UNSOM ayaa kulanka ka ballan qaaday, in ay Puntland ka taageeri doonaan; xoojinta awoodda Police-ka,xabsiyada, arrimaha xuquuqul insaanka iyo caddaallada. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta, isagoo ka duulaya ballan-qaadkii madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni ee ahaa, taabba-gelinta nidaam Garsoor iyo caddaalad buuxda,waxaa ka go’an in uu ka shaqeeyo, xoojinta Garsoorka Cadaaladda, Arrimaha diinta iyo dhaqan celinta, kuwaasoo ah Shaqadda Wasaaradda(Mandate of the Ministry). DHAMMAAD The post Wasiirka Caddaaadda Puntland oo qaabilay madaxa UNSOM ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Doha (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa jawaab soo dhoweyn ah ka bixisay warbixintii kasoo baxday hay’adda hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee sheegtay in dhaqaalah Soomaaliya uu kobac fiican ka muuqdo saadaasha 2019-ka. Warbixinta IMF ay soo saartay Hay’adda waxaa ay ku sheegtay in dakhliga gudaha Soomaaliya uu kordhay islamarkaana sanadkan 2019 la filayo in uu gaaro 3.5%. Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia, Cabdinuur Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter ku yiri “Dowladdan uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo waxay ballan-qaaday inay is-beddel wanaagsan ku sameyso dhaqaalaha Soomaaliya. Maanta IMF waxay xaqiijiysay in dadaalladeena ay hogaamiyeen kobac la saadaalinayo inuu yahay 3.5% oo dhaqaalaha dalka uu sameynayo” IMF, waxaa ay sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2018, uu kororka dhaqaalaha ahaa 3.1% marka loo eego sanadkanna ay muuqato rajo wanaagsan. Warbixinta IMF,waxaa ay intaas ku dartay in sanadkii 2018 dakhliga gudaha dalka ka soo xarooday uu gaaray $161 Milyan oo doollar, taas oo ka dhigay 31% sare u kaca dakhliga gudaha marka la bar bar dhigo sanadkii ka horreeyay ee 2017. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The Amir of Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani discussed with President of Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo the strong bilateral relations between both countries and ways to boost and develop them in various fields. During the talks held today at the Amiri Diwan, the developments in Somalia were reviewed and the Amir directed to support the Somali government budget for 2019 with QR 73 million. The discussions covered a number of regional and international issues of common interest. The discussions were attended by a number of ministers. From the Somali side, the discussions were attended by members of the official delegation accompanying the President. View the full article
-
We are shocked by the death of 12-year-old Aisha Ilyes Aden who has been brutally murdered after being kidnapped, raped and tortured in northern Galkayo. As the UN agency leading globally the charge to end violence against women and girls, UNFPA condemns this hideous act of gender-based violence. Gender-based violence is a grave violation of individual women’s and girls’ rights; the rape and subsequent murder of Aisha is a terrible example of that. Moreover, the impunity enjoyed by perpetrators, and the fear generated by their actions, have an effect on all women and girls. The violence reflects and reinforces the discrimination against women and girls, perpetuating a vicious cycle that is detrimental to their development and progress. UNFPA stands with Aisha’s family and fully supports the authorities, communities, and activists fighting against gender-based violence and for women’s human rights in Somalia. UNFPA calls for a speedy investigation into Aisha’s murder and for the enforcement of the Sexual Offenses Law, which criminalizes all sexual offenses in the Puntland State of Somalia. There simply is no place for violence against girls and women in the world today and in the future, we are striving to create where every girl in Somalia grows up able to experience her inherent dignity, human rights, and equality. Today and every day, let’s stand up for the human rights, safety and dignity of every woman and girl everywhere. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul u beenisay war ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, ah in uu askar fara badan ku dilay duqeymo ka dhacay gobolka Hiiraan. AFRICOM ayaa isniintii sheegay in 24-kii bishan ay duqeyn ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen meel 23 mile u jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayna ku dileen 35 ka mid ah maleeshiyada kooxda Al-Shabaab. Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan lala helay koox mintidiin ah oo Shabaab ka tirsan xilli ay isaga gudbiyeen laba deegaan oo baadiye ah oo ku yaalla gobolka Hiiraan. Al-Shabaab ayaa sheegtay in sheegashooyinka Mareykanka ay yihiin kuwa la doonayo “In Mareykanka uu ku duugo duqeymaha uu ku hayo dadka Soomaaliyeed” Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta taageerta Shabaab ayaa wax lagu maadeysto ku tilmaamay sheegashooyinka Mareykanka ee ku aadan duqeymaha Hiiraan. Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqeymaha Hiiraan aanan wax khasaare ah lagu gaarsiin ciidankeeda marka laga reebo duqeyntii dambe oo lagu beegsaday gaari booyad ah oo ay leeyihiin ciidamada Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay kooxda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guleid Ahmed Jama @GuleidJ The auditor General, the Accountant General and the deputy attorney general attending the ruling party, Kulmiye, Central Council meeting at Boorama is evidence of the politicization and partisan of institutions legally required to remain impartial and nonpartisan. 10:38 AM · Feb 26, 2019 · Twitter for iPhone 22 Retweets 58 Likes Abdirahman M. Dirye @mrdirye · 23h Replying to @GuleidJ It is not politicization but clanization of the judiciary and legal enforcements openly! Lets call spade by spade Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Khabiir Michael Rubin oo ah xeel-dheere Maraykan ah ayaa Dawladda Dalkiisa ku guubaabiyey inay wax la qabato Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah meelaha ugu nabdoon Afrika isla markaana ay ka qabsoomeen doorashooyin lagu tartamay. Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) ayaa maanta soo xigatay warbixin dheer oo Michael Rubin kaga faallooday muhiimadda ay Somaliland u yeellan karto Maraykanka, taasi oo lagu daabacay Shabakadda American Enterprise Institute. Michael Rubin wuxuu qormadiisa ciwaan uga dhigay: “Siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Afrika Iskama Dhego-tiri karto Somaliland”waxaanu sheegay inay Somaliland si weyn uga duwan tahay Soomaaliya , isla markaana ay qabsoomeen doorashooyin lagu tartamay, dawladnimo shaqeynaysa. Aqoonyahan Michael Rubin wuxuu tilmaamay inay la-dagaalanka Argagixisadda iyo dagaalka ka socda Yeman uu kor u qaadayo istaraatajiyadda iyo muhiimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo uu intaas ku daray in Somaliland ay Miisaaniyaddeeda saddex meeloodoow meel geliso dhinaca Ammaanka ay hubka fudud soo iibsadaan, si ay ilaaliyaan ammaanka xeebta Somaliland oo dhererkeedu yahay 460 Mayl, waxaanu xusay inay ka hortagaan hubka sida sharci darrada ah uga imanaya dalka Yeman, waxaanu isweydiiyey sababta Xafiiska Arrimaha Dibadda Maraykanku ay xafiis ugu yeelan weyday Somaliland. Michael Rubin wuxuu sidoo kale ka hadlay tacab khasaarka Maraykanku ka joogo Soomaaliya oo uu dhaqaale badan iyo cuddud millatari la garab istaagay, waxaanu ku sifeeyey Dawladda Farmaajo mid maqaar-saar ah oo xukunkeedu aanu gaadhin masaafo aan fogeyn qasriga madaxtooyadda. Waxa kale oo uu ku dooday aqoonyahan Michael Rubin in deeqaha la siiyo Soomaaliya ay sii hurinayso colaada iyo kooxaha xagjirka ah ee ku beermay dalkaas oo lagu qiimeeyey waddanka ugu musuqmaasuqa badan adduunka. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Jubaland, ayaa jawaab ka bixiyey dhacdadii maanta ka dhacday garoonka Kismaayo ee shacabka magaalada loogu diiday inay soo dhoweeyaan. Ciidamada Jubbaland ayaa maanta kala eryey, isla markaana ay jirdil u geysteen Dad Shacab ah iyo Wariyeyaal ka qeyb qaadan lahaa soo dhaweynta Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig. Dadka Shacabka ah iyo Wariyeyaasha ayaa ku sugnaa banaanka hore ee Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo, iyaga oo doonayay inay soo dhaweeyaan Xildhibaanka. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Jubbaland ay dadka Shacabka ah u diideen inay galaan garoonka, waxaana sidoo kale jirta in mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland xataa loo diiday gelida Garoonka oo ay banaanka ka joogan. Xidig ayaa qoraalkan soo dhigay bartiisa facebook:- “Bismilaah, Ilaahay ayaa mahad iska leh Waxaan si Nabad ah ku soo gaaray Garoonka dayuradaha ee Kismayo: Mahad gaar ah waxaan u celinayaa Shacabka ree Jubaland ee maanta u diyaar garoobay soo dhaweyntayda balse laga hor istaagay waxaan markale ugu baaqayaa inay is dejiyaan una hogaansamaan heyadaha Amniga: Waan hubaa inay tahay maalin taariikhi ah oo shacab Caleemo Qoyan wata laga hor istaago soo dhaweynta Murashaxooda Madaxweynaha Jubaland 2019: Waxaan idin balan qaadayaa inaan idiin Abaalgudi doono hadii rabi aqbalo: Abaalkiina 1aad Waxaan ka dhigayaa inaan Garoonka diyaaradaha ee kismayo lug kaga soo baxayo oo aana wax gaadiid ah soo raacaynin lugna ku imaan doono magaalada Kismayo intay rabto ha igu qaadatee hadii hadii rabi idmo: Waxaan bogaadinayaa ciidamada Amniga ee Jubaland oo si ixtiraam badan ula dhaqmay shacabka anigoo huba inaysan raali ka ahayn Sida shacabka loola dhaqmay balse fuliyay Amarkii lasiiyay: Markale Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasheyda Gudaha iyo dibada inay u hogaansamaan tilmaamaha heyadaha Amniga kuna ekaadaan goobahooda: Amaana Alaah: Og: shacabka Jubbaland Og: Salaadiinta Jubaland Og: Maamulka Jubaland Og: Dowlada Federaalka Og: Urur Goboleedka IGAD Og: Amisom sector 2 Og: International Community Mahadsanidiin: Hon: Abdirashid Mohamed Xidig Murashaxa Madaxweynaha ee Shacabka Jubbaland 2019: Kismayo Airport
-
(SLT-Hanoi)-Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa kulan madaxeedkoodii labaad ka furay magaalada Hanoi ee dalka Vietnam, ayada oo Trump uu sheegay inuusan ka laaban doonin dalabka Mareykanka ee ah in Korea-da Waqooyi ay baabi’iso hubkeeda Nuclear-ka. Kim iyo Trump ayaa is gacanq aaday, ayaga oo dhoola caddeynaya oo hor-taagan raxan calamada labada waddan ah, kuna sugan hotelka Metropole ee magaalada Hanoi ee caasimadda dalka Vietnam. Trump ayaa weriyayaasha u sheegay inuu rumeysan yahay in wada-hadallada ay noqon doonaan kuwa miro-dhala, islamarkaana Mareykanka uu ku adkeysanayo in Korea-da Waqooyi ay dhigto hubka Nuclear-ka. “Waxaan sameynay horumar wanaagsan, waxaan u malaynayaa horumarkan ugu weyn waa xiriirkeena, xaqiiqdii waa mid wanaagsan” Mar waxa laga weydiiyey inuu si rasmi ah u shaacin doono dhammaadka Dagaalka Korea, Trump waxa uu ku jawaabay “waan arki doonnaa” Kim ayaa isna sheegay in isaga iyo Trump ay ka gudbeen caqabado dhowr ah, si loo qabto kulanka ka dhacaya Hanoi, islamarkaana ay muujiyeen dul-qaad badan tan iyo markii uu kulankii koowaad ka dhacay dalka Singapore, sanadkii tegay. Intaas kadib labada hoggaamiyo ayaa gudaha galay wada-hadallo socon doonaa illaa khamiista oo albaabada ay u xiran yihiin, lana mid ah kuwii Singapore. Ka hor kulanka, Trump ayaa sheegay in Korae-da Waqooyi ay leedahay yididiilo wanaagsan, islamarkaana isaga iyo Kim ay doonayaan inay sameeyaan wax weyn. Inkasta oo ilaa iyo hadda horumar yar un laga sameeyey hadafka Trump ee ah inuu hubka Nuclear ka dhigo Korea-da Waqooyi, haddana madaxweynaha Mareykanka ayaa u muquda inuu isku halleynayo xiriirka shaqsiga ah ee kala dhaxeeya hoggaamiyaha da’da yar ee Korea-da Waqooyi, iyo yaboohyo dhaqaale, kadib colaad 70 sano u dhaxeysay labada waddan. “Vietnam waa dal horumar wanaagsan sameynaya, Korea-da Waqooyina waxay noqon doontaa sidoo kale, si deg deg ah, haddii ay hubka Nuclear iska dhigto” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka kadib markii uu ka degay magaalada Hanoi. “Yididiillada waa mid wanaagsan, waxaa jirta fursad weyn oo horey aan taariikhda loogu arag, oo uu haysto saaxiibkey Kim Jong Un, dhowaan ayaan ogaan doonnaa” ayuu yidhi madaxweynaha Mareykanka. “Waxa uu doonayaa inuu wax weyn sameeyo” ayuu sii raaciyey. Source
-
Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Amiirka ay Qatar ay ila garteen laba arrin oo muhiim ah Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah: 1 – In Qatar ay dardargeliso mashaariicda horumarineed ee ay ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha. 2 – In Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed. Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa dhinaca kale lagu lafo-guray siyaabihii ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
-
Dooxa (SMN) – Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha. Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa lagu lafo-guray siyaabihii ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Labada dhinac ayaa waxay sidoo kale isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha. Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa lagu lafo-guray siyaabihii ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Labada dhinac ayaa waxay sidoo kale isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed. DHAMMAAD Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Amiirka Dalka Qadar appeared first on Puntland Post.