Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baardheere (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay isku hor fadhiyaan qeybo ka mid ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Xiisadan ayaa la sheegay in ay salka ku heyso muran ka dhashay lacagaha canshuuraha ee laga qaado degmadaasi. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Xaaladda magaalada Baardheere ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid kacsan, iyadoona ay ka taagneyd xiisad dhinaca maamulka ah. The post Xiisad xoogan oo ka taagan degmada Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Afgooye (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka kooxo hubeysan ay dil ka geysteen degmada Afgooye ee gobolkaasi. Dilkan ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay guddoomiyihii xuquuqul insaanka degamadaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdi Abuukar Islow. Marxuumka ayaa toogasho lagu dilay, xilli uu ku sugnaa suuqa magaalada Afgooye, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Raggii ka dambeyay dilkan ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoona markii dambe ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amniga magaaladaasi. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilkaasi, basle Al Shabaab ayaa inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya gobolka Sh/ Hoose. The post Kooxo hubeysan Oo saaka dil ka geystay degmada Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Mogadishu Clan Nabadoon C/nuur Axmed Diiriye oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in soo dhaweynayaan jawaabta ay dowladdda Soomaaliyeed ka bixisay hadalkii Kenya. Ugu horreyn Nabadoonka ayaa tilmaamay in jawaab diplomaasiyadeed ay dowladdu ka bixisay hadalkaasi. Waxaana uu hoosta ka xariiqay in ka dhaqan ahaan ay garab taagan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka codka. The post Waxgaradka Soomaaliyeed Oo soo dhaweeyay Jawaabta DFS appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Nairobi)-Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii ay dowladda Soomaaliya sii wado muranka dhinaca sohdinta badda iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeya. Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa maalinta walba u soo dhoofiya Soomaaliya 50 tan , iyadoo dowladda Kenya ay ka hesho suuqa Qaadka ee Soomaaliya 100 milyan oo Kenya shilling ah. “Kuma iibsan karno Qaad madax bannaanida dalkeenna.. Soomaliya waxay mar walba ku gooddisaa inay joojinayso Qaadka Kenya , si ay usoo jeediso dareenka dowladda” sida waxaa yidhi afhayeenka ganacsatada Qaadka Kenya, Kimithi Munjuri. Waa markii ugu horeysay oo go’aan noocan oo kale ah ay gaaraan ganacsatada Qaadka ee Kenya, iyadoo la og yahay in Soomaaliya tahay lafbarka ugu weyn marka la eego dhaqaalaha Kenya ka soo gala ka ganacsiga caleenta Cagaaran ee ‘’Qaadka’’ Dowladda Soomaaliya ma ay soo hadal qaadin marnaba in ay jareyso xidhiidhka ganacsi ee kala dhaxeeya dowladda Kenya oo kan ugu weyn yahay Qaadka si joogta ah looga soo dajiyo guud ahaanba dalka. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kka hadlay jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixisay go’aankii Kenya ay dalbeeda kaga soo saartay Safiir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo shalay Muqdisho kusoo laabtay. Xildhibaanada ayaa qaarkood waxay go’aankaasi u ku amaaneen hal qodob oo ah inuu yahay mid muujiyay biseyl diblomaasiyadeed, halka qaarkoodna ay u arkeen inuu ahaa mid jilicsan Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan xukuumadda ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid diblomaasiyadeed oo muujinaya biseyl siyaasadeed. Sidoo kale xildhibaan Warfaa ayaa sheegay inay socdaan wadahadalo labada dhinac u dhaxeeya, isaga oo sheegay in Soomaaliya aysan marnaba gogortan ka galeynin taako kamid ah dhulka Soomaaliya. Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah xubnaha dhaliilsan xukuumadda ayaa sheegay in aad u dhaliilayo go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatay hadalkii dowladda Kenya, hal sabab darteed. Waxa uu sheegay in dowladda Kenya ay ku xad gudubtay dhulka Soomaaliya, sidoo kalena ay ku dhawaaqday hadal xanaf ah oo dadka Soomaaliyeed iyo dowladda intaba taabanayay, balse dowladda looga baahnaa in jawaab kulul ay siiso, taasi oo aan dhicin. Hoos ka dhageyso codadka labada xildhibaan Codka Xildhibaan Sadiiq Warfaa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Xildhibaan-sadiiq-warfaaa.mp3Codka Xildhibaan Sakariye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Xildhibaan-sakariye-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa UK iyo waddamada kale ee Yurub ee xiriirka kala dhaxeeyo u sheegay in dib ay ugu soo laabtaan dagaalka lagula jiro kooxda isku magacaawday Khilaafada Islaamka. Trump ayaa waddamadaan ku booriyay in ay ka qeeyb qaataan dagaalkii ugu dambeeyay oo ay isku dayaan in ay meesha ka saaraan in kabadan 800 oo qof oo ka tirsan dagaalamyaasha ururka Daacish. Hadalkaan oo uu ku soo qoray bartiisa twitter-ka ayaa imanaya iyadoo xoogagga Kurdiyiinta ee uu taageero Mareykanka ay weerar culus ku qaadeen goobtii ugu dambeeysay ee ay IS ka arrimiso taas oo ku taallo soohdinta Suuriya ay Ciraaq la wadaagto. Waxaana jiro dagaalamayaal ka tirsan IS ay gacanta ku dhigeen ciidamada ay Kurdiyiinta hor kacayaan. Mr Trump ayaa maalmo ka hor sheegay in ururka Daacish ay haatan sii dhamaanayaan. Hadalkiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in Mareykanka uusan eegan Karin dagaalamayaasha IS oo ku dhex milmaya Yurub. Waxa uuna sidoo kale sheegay in la joogo xilligii dalalka kale shaqadooda ay awoodaan qabsan lahaayeen. Saraakiisha Maamulka Trump ayaa maalintii Axadda ahayd u sheegay wargeeyska Telegraph in ay ka cabsi qabaan in qaar ka mid ah dagaalamayaasha Daacish ee maxaabiista ah ay dalalka Yurub khal-khal geliyaan waa haddii aan cadaaladda la hor keenin. Madaxweyne Trump ayaa jimcihii sheegay in 24-ka saac ee socota la soo sheegi doono in IS gabi ahaanba la baabi’iyay balse waxaa waqtigaasi ka soo wareegatay 24 saac ka badan ilaa haatanna waxa war ah oo ka soo yeeray ma jiro aqalka cad ee Mareeykanka looga arrimiyo. Jiya Furat waa hogaamiyaha dagaalka lagu qaaday Baghuz oo ah goobta kaliya ee ay haystaan Daacish waxa uuna sheegayaa in IS ay isugu soo uruurtay masaafo gaareeysa 700 oo mitir. Source
  7. Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Saldhig Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay ku leeyihiin Galbeedka degmada Jalalaqsi ee dalka Soomaaliya. Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Jabuuti, iyadoo Jabuutiyaankana ay dhankooda Madaafiic kale ku jawaabeen. Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqeynta ay ku dileen shan askari Jabuutiyaan ah, halka 12 kalena ku dhaawaceen, inkastoo aanay jirin warar xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo ka sameeyay duleedka degmada Jalalaqsi oo la rumeysan yahay in madaafiicda laga soo tuuray. Dadka deegaanka Jalalaqsi ayaa sheegaya in madaafiicdii xalay ay cabsi ku abuurtay, balse ma jirto khasaare soo gaaray dadka deegaanka. Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa saldhigyo ku leh degmooyinka Jalalaqsi, Buulo Burde iyo Beledweyne oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Source
  8. (SLT-Port Elizabethe)-Kooxo budhcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Magaalada Port Elizabethe ee wadanka Koonfur Afrika waxa ay ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalkaasi. Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda lagu magacaabo New Brighton ee Magaalada Port Elizabeth ee Gobolka Eastern Cape, isla markaana rag budhcad oo hubeysan ay toogteen Muwaadinka Soomaaliyeed, xilli uu saarnaa gaadhi uu watay. Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim,waxaana uu kamid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika,iyadoo ragii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen. Inta badan Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhaca dilal kala duwan, kuwaasi oo loogu geysto Muwaadiniinta Soomaalida ah ee halkaasi ku ganacsata, waxaana Sanadkaan cusub ee 2019 gudihiisa lagu dilay dalkaasi dhowr qof oo Soomaali ah. Source
  9. (SLT-Nairobi)-Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya, Kenya ayaa ku xidhay Soomaaliya shuruud saddex qodob ka kooban si xal looga gaadho muranka diblomaasiyadeed ee dhinaca badda ee labada wadan ka dhaxeeya. Qodobka koowaad ee ay Kenya dalbaneysa ayaa ah in Soomaaliya ay ka noqoto qaybaha ka mid ah soohdinta dalkeeda ee ay Soomaaliya ku suuqgeysay 7-dii bishan magaalada, London ee dalka Ingiriiska. Shuruudda labaad ee ay Kenya ka dalbaneyso Soomaaliya ayaa ah in Soomaaliya ay ogeysiiso dhamaan shirkaddihii baayacay xidhmooyinkii dhulka shidaalka ee ay ku soo bandhigtay shirkii London in aysan Soomaaliya dhulkaasi laheyn. Iyo shruudda sadexaad ee ugu dambeysa oo ah, in Kenya ay dooneyso in wada xaajood ay labada wadan ka galaan arrinta muranka badda oo ay xal walaalnimo ka gaaraan, iyadoo aan la marin Maxakamadda caalamiga ah ee Hague ee ay hadda dacwadooda taalo. Sida ay soo xigteen warbaahinta Kenya, Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr. Macharia Kamau, ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in Soomaaliya ay fuliso sadexdaasi shardi si Kenya ay u soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada wadan ka dhaxeeyay. Xalay ayey aheyd markii dawladda Soomaaliya ay sheegtay in khariiradaha ay sheegtay dawladda Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamada caalamiga ah ee Hague. Waxay kale oo ay sheegtay dowladda Soomaaliya in mowqifkaasi uu ka turjumanayo mas’uuliyadda saaran dawladda Soomaaliya ee ay ku ilaalinayso midnimada iyo madaxbannaaniddeeda siyaaso iyo dhuleed. Somaliya ayaa intaasi ku dartay in aysan qandaraas ku bixin xidhmooyin dhuleed, qorshahana ugu jirin in ay ku bixiso wax xidhmooyin gaaska ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaareyso. Sabtidii ayuu murankan soo baxay, markii Kenya ay go’aansatay inay xiriirka diploimaasiyadeed u jarto Soomaaliya. Safiirkii Kenya ee Somaliya Lucas Tumbo,ayaa shalay dib ugu noqday Nairobi , safiirkii Soomaaliya ee kenyana, Maxamed Nuur Tarsan ayaa isna Axaddii shalay ku noqday Xamar. Source
  10. Port Elizabeth (SMN) – Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa xalay Muwaadin Soomaali ah ku dilay magaalada Port Elizabeth ee dalkaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim, iyadoona burcadii dishay ay goobta isaga baxsatay. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska iyo xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa gaaray meesha uu dilku ka dhacay. Inta badan waxaa K/ Afrika ka dhaca dhibaatooyin xoogan oo loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dakaasi. The post Muwaadin Soomaaliyeed Oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
  11. (SLT-Poland)-Raysal wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa Israa’iil ka dib markii uu qoonsaday hadal ka soo yeeray dhigiisa Israa’iil kaas oo ku saabsan xasuuqii dadka Yuhuudda ah loo gaystay ee Holocaust. Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigatay Netanyahu oo leh “Poland ayaa Jarmalka la shaqaysay” intii uu socday dagaalkii Holocaust. Markii dambe ayuuse soo saaray waraaq uu arrintaas ooga hadlayo wuxuuna sheegay in uusan ula jeedin qaranka Poland ama dadka reer Poland oo dhan. Poland ayaa u yeertay danjiriheedii Israa’iil, Axaddiina waxay sheegtay in ra’iisulwaaare Morawiecki uusan ka qayb galaynin shirka Talaadada dhacaya. Shirka oo ay Israa’iil martigalinayso waxaa ka qayb gali lahaa afar dal oo kala ah Czech Republic, Hungary, Poland iyo Slovakia. Joanna Kopcinska oo ah Afhayeenka dawladda Poland ayaa sheegay in ra’iisulwasaare Morawiecki uu la hadlay ra’iisulwasaare Netanyahu uuna sheegay in shirka uu Poland uga qaybgali doono Jacek Czaputowicz oo ah wasiirkooda arrimaha dibadda. Muxuu yidhi Netanyahu? Netanyahu oo booqasho rasmi ah ku jooga Poland ayay warbaahinta Israa’iil oo ay ka mid yihiin Haaretz iyo Jerusalem Post wax ka qoreen ra’iisulwasaaraha Khamiistii. The Jerusalem Post ayaa qoraalkeeda u adeegsatay “dalka Poland” waxaana la sheegay in ay durba wax ka badaleen. Xafiiska Netanyahu ayaa soo saaray war qoraal ah oo uu arrintaas ku kala caddaynayo “Ra’iisulwasaare Netanyahu wuxuu adeegsaday Poles mana aha dadka Poland iyo dalka Polanad.” Poland siday uga falcelisay? Morawiecki ayaa Twitterka ku soo qoray “Poland dawlad ma lahayn” markii uu Nazigu haystay Poland. Safiirka Israa’iil u fadhiya Warsaw ayay wasaaradda arrimaha dibaddu u yeertay Jimcihii. Madaxweyne Andrzej Duda ayaa sheegay in haddii uu Netanyahu yiri warkii markii hore la sheegay “in Israa’iil aysan ku haboonayn in lagu shiro”. Morawiecki ayaa Axaddii ku dhawaaqay in safarkiisii uu baaqday. Israa’iil ayaa dalbatay in ay martigaliso shirka dalalka ku midaysan Visegrad si ay u xoojiyaan calaaqaadka ay la leeyihiin Midawga Yurub. Maxay tahay taariikhda arrintan ku gadaaman? Markii uu socday dagaalkii Labaad ee Adduunka Poland waxaa qabsaday Nazi-gii iyo xulafadii Soviet-ka waxanaa la dilay in kabadan shan milyan oo Poland u dhashay, saddex milyan oo ka mid ahna waxay ahaayeen Yuhuud. Marka ay timaaddo Holocaust, dalkaas ayaa sannado badan ka soo horjeeday “in la dhoho kaamamkii geerida ee polish-ka” wuxuuna sheegay in arrintaasi ay tilmaamayso in ay gacan ku lahayd kaamamkii uu Naz-gu ka dhistay dalkooda intii uu haystay.” Bishii Feebaraayo ee sannadkii 2018 ayay Poland soo saartay sharci dambi ka dhigaya in dalka Poland ama xukuumaddiisa lagu eedeeyo in ay ku luglahaayeen dagaalkii Nazi-ga ee Holocaust. Israa’iil ayaa arrintaas ka soo horjeedsatay, madaxweyne Reuven Rivlin ayaana sannadkii hore sheegay in inkastoo dad badan oo reer Poland ah ay la dagaaleen Nazi-yiintii in haddana “Poland iyo dadka reer Poland ay gacan ku lahaayeen laynta” Yuhuuddii ku dhammaatay dagaalkii Holocaust. Poland ayaa ogolaatay in ay sharcigaas baddasho haddana ma fuliso xabsigii ilaa saddexda sano ahaa ee ay dadku arrintaas ku mutaysan lahaayeen. Source
  12. Balidoogle (SMN) – War saxaafadeed ka soo baxay howgalka Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu beeniyay in saddex sarkaal oo ka tirsan milatariga dalkaasi lagu dilay madaafiic ay Al Shabaab ku weerareen saldhigga ay ku leeyihiin deegaanka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Mareykanka ayaa tilmaamay in wax khasaare ah weerarkaasi aysan ka soo gaarin ciidamadiisa degan saldhigga Balidoogle oo qiyaastii 95 KM u jira magaalada Muqdisho. Int badan Mareykanka ayaa weeraro xaga cirka ah la beegsada Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Si kastaba ha’ahaatee Mareykanka ayaa sanadkan sare u qaaday weerarada iyo duqeymaha uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo beeniyay in Askar looga dilay Balidoogle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. (SLT-Pakistan)-Dalka Pakistan oo ay kusii yaraaneyso lacagaha qalaad, wajahayana lacag yari iyo la tacaalida dhibaatooyinka dhaqaale ee mustaqbalka, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dhaxalsugaha Sucuudi Carabiya Mahammed bin Salman. Waxaana si fudud loo fahmi karaa sababta ra’iisal wasaahara Pakistan Imran Khan uu sida degdega ah ugu baahan yahay lacago. Dhaxalsuge Maxamed Bin Salman oo loo yaqaano MBS ayaa soo gaaray Pakistan isagoo balanqaadaya lacago balaayiin ah. Pakistan ayaa noqotay halkii ugu horreysay uu booqdo safarkiisa uu ku marayo shan dal oo Aasiya ah, balse socdaalka dhaxalsugaha ee dalalka Indonesiya iyo Maleysia ayaa dib loo dhigay. Siduu qaali u yahay socdaalka dhaxalsugaha? Markii ugu dambeeysay oo xubin ka tirsan boqortooyada Sucuudiga uu booqdo dalalkan oo si weyn loo soo dhaweeyay ayaa ahayd sanadkii 2006, xiligaasi oo boqorkii Sucuudiga boqor Cabdalah bin Cabdilcasiis uu booqday labada dal ee hubka nuklerka heysta waa Hindiya iyo Paskitan. Haatan ammniga ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ra’isal wasaare Imran Khan uu sheegay inuu isagu shaqsi ahaan ka taxadari doono qaabka loo soo dhaweynayo boqortooyada Sucuudiga. Booqashada dhaxalsugahan 33 sano jirka ah ayaa imaaneysa xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda gobolka, kaddib markii Hindiya ay ku eedeysay Paskitan weerarkii ugu dhimashada badnaa tobanaan sano oo lala beegsado ciidamadeeda jooga Kashmir. Ddiyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Pakistan ayaa soo hawada sare kusoo dhaweeyay diyaaradii siday dhaxalsugaha Sucuudiga Maxamed bin Salam markii ay soo gashay hawada Pakistan. Dhaxalsugaha ayaa waxaa salaamay Mr Khan wuxuuna sidoo kale salaan sharaf ka qaatay madaxa milatariga ugu xoogga badan Pakistan iyadoo roog cas loogu fidiyay garoonka diyaaradaha milatariga loona riday 21 madfac. Ra’iisal wasaaraha Pakistan Imran Khan, ayaa u kaxeeyay dhaxalsugaha aqalka madaxtooyada halkaasi oo uusan deganeyn Mr Khan balse noqoneyso halka uu deganaanayo Maxamed Bin Salman labada maalin ee booqashada uu ku joogo dalkaasi. Boqolaal ah guryaha raaxada oo ku yaala Islamabad ayaa la rumeysan yahay in loo diyaariyay ergeyda culus ee gaareyso 1000 qof. Waxaa jiro xitaa warar sheegaya in kumanaan shimbiro ah la qabtay loona diyaariyay xaflada soo dhaweynta dhaxalsugaha Sucuudiga. Maxay Pakistan ugu baahan tahay lacagaha? Bankiga dhexe ee Pakistan ayaa waxaa ku jira $8 bilyan oo keliya oo ah lacagaha qalaad ee ku harsan waxaana waddanka dhibaato ka heystaa bixinta qarashaadka. Booqashada Dhaxalsugaha Sucuudiga ee Pakistan Tan iyo markii la dhaariyay ra’isal wasaare Imran Khan bishii Augosta wuxuu ku dadaalayay inuu kaalmo ka helo dalalka saaxiibka la ah si uu u yareeyo lacagaha Pakistan ay ka amaahaneyso Hay’adda Lacagta Aduunka IMFee shuruudaha adag ay la socdaa.. Booqashada Maxamed Bin Salmaan ayaa kusoo beegmeysa kadib markii boqorka Abu Dhabi Maxmed Bin Zayed al-Nahyan uu booqday Islamabad ayna boqortooyada Imaaraatka u yaboohday inay siinyeso 6$ bilyan si loogu taageerko kabka dhaqaalaha Pakistan. Balse maalgelinta Sucuudi Carabiya ayaa intaasi ka badan iyadoo warbaahinteed ay tebineyso in heshiisyo rasmi ah oo gaaraya $20 bilyan. Source
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Waxaa sii xumaaday xiriirka ka dhaxeeya dalkeenna (Soomaaliya) iyo Kenya iyadoo taasi ay ka dhalatay durba hadalhayn aad u ballaaran. Hadaba aqoonyahanno iyo quburo dhanka dhaqaalaha ah ayaa qaba in haddii uu sidan usii socdo khilaafkan ay ka dhalan karto saameyn dhanka dhaqaalaha ah. Inkastoo marka ganacsiga la eego ay Kenya faa’ido badan ku qabta Soomaaliya ayaa hadana aqoonyahannada dhankooda waxay sheegayaan in arrintaasi ay dad Soomaaliyeed saameyn karto. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho qaarkood oo u warammay Idaacadda Goobjoog ayaa ka hadlay Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya. Shacabkan waxay sheegeen in Kenya dhib ay ku qabi doonto go’aankii ay xiriirka ugu jartay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in dowladda iyadana loo baahan yahay in go’aan adag ay ka qaadato. Qaarkood dadkan ayaa soo jeediyey in dowladda federalka ay dalka ka mamnuucdo gabi ahaanba Khaadka, kaasi oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee dalkaasi. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii ay dowladda Soomaaliya sii wado muranka dhinaca [...] Source
  18. Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warka Subax (Isniin 18-02-2019) ee Idaacadda Goobjoog, waxaana akhrinaya wariyaheena C/salaan Cali Xuseen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/SAAKAY-IYO-GOOBJOOG-18-02-2019.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsatada Khaadka dalka Kenya ayaa ku hanjabay inay joojin doonaan Khaadka ay keenaan Soomaaliya haddii aan xal laga gaarin murun xuduud badeedka u dhaxeeya labada dowladood. Afhayeen u hadlay ganacsatada Khaadka u iib keenta Soomaaliya oo lagu magacaabo Kimathi Munjuri ayaa sheegay in madax banaanida Kenya aysan marnaba siisaneyn suuqa Khaadka ee Soomaaliya. Afhayeanka wuxuu sheegay in mar walbaa oo labada dowladood is qabtaan in Soomaaliya ay Kenya ku handado inay Khaadka joojineyso, balse taasi aysan waxba u dhimi doonin ganacsigooda. “Kuma iibsan karno Qaad madaxbanaanida dalkeenna, Soomaaliya mar waliba waxaa ay ku goodisaa Qaadka Soomaaliya si ay u soo jeediso dareenka Dowladda Kenya’ ayuu yiri mr Kimathi Munjuri . Soomaaliya waa Suuqa Qaadka kaliya ee ay hadda heysato Kenya,waxaana ay ka tahay 90%, maaddaama dalalka UK, Australia iyo kuwo kale ay Qaadka Kenya mamnuuceen kaddib markii ay ku sheegeen in uu daroogo yahay. Waxaa la sheegayaa in dhaqaalo badan oo gaaraya 400 oo Kun doolar ay maalin walbaa ka helaan Kenya Khaadka ay u iib keenaan Soomaaliya, taasi oo dhaqaalaha Soomaaliya hoos u dhigtay. Xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa cirka isku shareertay kaddib markii ay kenya la baxday danjiraheedii Soomaaliya kii Soomaaliyana soo ceyrisay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Waxaa saakay oo Isniin ah xira inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayo ciidamada dowladda federaalka oo halkaasi u diidaya gaadiidka. Ciidamo Booliis ah ayaa ku sugan waddooyinkan, sida wadada Makka Al-mukarrama iyo sidoo kale dhammaan jidadka kasoo baxa wadada wadnaha ee soo aada dhanka Makka Al-mukarrama. Inkastoo aan weli si rasmi ah loo hayn sababta loo xiray waddooyinkan, ayaa hadana waxaa la arkayaa shacabka oo lugeynaya. Dad u badan arday iyo shaqaale ayaa u sheegay Goobjoog in xirnaashiyaha waddooyinkan ay kedis ku noqotay, islamarkaana aanay fileyn in la xirayo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Dowladda Kenya ayaa waxa a soo bandhigtay Saddex qodob oo ah shuruud ay ku bahdileyso Soomaaliya, kadib jawaabtii ay dowladda federaalka siisay dowladdaasi. Qodobadan oo ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya ayaa waxa ay kala yihiin: In Soomaaliya ay ka noqoto qeybo ka mid ah sohdinta dalkeeda oo ay sheegeen in Soomaaliya ku suuqgeysay 7-dii bishan magaalada London In Soomaaliya ay ogeysiiso dhammaan shirkadihii baayacay xirmooyinkii dhulka shidaalka in aysan Soomaaliya dhulkaasi lahayn In Kenya ay rabto wadahadal Labada dal ah in lagu xalliyo muranka badda iyadoo laga leexanayo maxkamadda caalamiga ah Hadaba dowladda Kenya ayaa u muuqata mid weli ku taagan boobka ay ku hayso dulka Soomaaliyeed bad iyo bariba. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hab diblomaasiyadeed ugu jawaabtay Kenya, iyadoo hadalka dowladda saldhig u yahay in marnaba aan gor gortan laga galeyn dhulka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay saddex shardi oo ay dooneyso in lagu xaliyo muranka diblomaasiyeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Xogahayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay in Kenya ay rajeyneyso in saddexdaas shuruud laga soo baxo si dib loogu soo celiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal. Sharuuda Koowaad ayaa lagu sheegay inay tahay in Soomaaliya ay ka noqoto qeybta qariiradda Badda oo Kenya ay u aragto inay leedaha, kuwaas oo xirmooyin shidaal oo ku yaalla lagu suuq geeyay shirkii ka dhacay magaalada London. Qodobka labaad ayay Kenya ku dalbatay in dowladda ay ogeysiiso dhammaan shirkaddihii baayacay xirmooyinkii dhulka shidaalka ee ay ku soo bandhigtay shirkii London, una cadeyso in aysan Soomaaliya dhulkaasi laheyn. Qodobka Seddexaad Kenya ku sheegtay in wada xaajood ay labada wadan ka galaan arrinta muranka badda, oo ay ka gaaraan xal walaalnimo, iyada oo aan la marin maxkamadda caalamiga ah ee Hague ee ay hadda dacwadooda taalo. Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalkii xalay kasoo baxay waxaa ay ku sheegtay in marnaba aysan iib geyn xirmooyin shidaal oo ku yaalla dhul ay Kenya leedahay. Dowladda Soomaaliya waxa ay sidoo kale sheegtay in aagagga ay ku yaalaan xirmooyinka shidaal ee ay yaboohday ay waafaqsan yihiin go’aanada maxkamadda ICJ, islamarkaana aysan iib-geyn wax xirmooyin shidaal ah oo ku yaalla dhul-badeedka lagu muransan yahay. Soomaaliya waxay ay sheegtay in Kenya u xaqiijineyso inaysan qaadan doonin go’aan hal dhinac ah, oo ay dhaq-dhaqaaqyo uga sameeyneyso dhul-badeedka lagu mursan yahay ka hor inta maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee iCJ ay go’aan ka gaareyso kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Soomaaliya waxa ay sidoo kale sheegtay in Kenya ay u xaqiijineyso in marka ICJ ay gaarto go’aankeeda ay ixtiraami doonto una hoggaansami doonto. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimad@live.com
  23. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u jawaabtay dowladda Kenya, kadib markii ay sheegtay in xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa sidan u qornaa: 1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 2. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda kunsalaysnan ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab. 3. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks) ah oo la xaraashay. 4. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda. 5. Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda. 6. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya. 7. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda. Source: goobjoog.com