-
Content Count
212,165 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay sababta ay Safiirkeeda ugala baxday Soomaliya isla markaasna ay u amartay in midka Soomaaliya uu deg deg ugu laabto dalkiisa. Kenya ayaa Fasiraad nooc kale ah ku sheegtay sababta ay safiirkeeda ugala baxday Soomaaliya. Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau ayaa sheegay in aanay Kenya eryin Safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kaasoo saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho. Amb. Macharia ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qoray waxaa uu sixitaan ku sameeyay sida Warbaahinta uga hadashay tallaabadii Kenya ay ugu yeeratay Safiirkeeda, kuna wargelisay Safiirka Soomaaliya inuu ku laabto dalkiisa. “Uma aanan yeerin safiirkeena, mana aanan eryin safiirka Soomaaliya balse waxaan ugu wacnay wadatashiyo, waxaana waydiisannay safiirkooda inuh dowladdiisa lasoo tashaso si aan u xallino arrintan annaga oo ka duuleyna macluumaad sugan iyo xogo saxan oo labada dhinac ah”. Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOQDISHO VS LONDON United Kingdom of Great Britain waa dawlad wayn oo qarniyo soo jirtay waxay aad iyo aad u tix-galiyaan arimaha Dublumaasiyada, Dawlada kasta oo ka hortimaada siyaasadeeda Arimaha Dibada waxay kala dagaalantaa gacanta 16aad. Xukuumada Fadaraalka Somalia ee Nabad & Nolol oo labadii bilood ee u dambeeyay daan-daansi Dublumasiyadeed kula kacday Great Britain siday ku aamintay in UK u qabato shirka arimaha PATROL ka Somalia ee lagu qabtay London 7 Feb. 1- N & N miyay iloobeen caydhintii ay kula kaceen Ergaygii Qaramada Midoobay u fadhiyay Somalia ee ingiriiska ahaa Mr. Nicholas Haysom . 2- N & N miyay iloobeen daan daansigii ay kula kaceen wasiirka difaaca ingriiska Mr. Gavin Williamso markuu booqasho ku tagay Hargaysa Somaliland. Labadaa xiisadoo oo wali taagan wax-heshiis ahna wali laga gaadhin ayay N&N raali ka noqdeen shirkay Great Britain u qabanayso Patrol ka Somalia, kubad fiican intay lala soo ciyaartay ayaa kildhi madaxa loo soo galisay. Imika iyo haatan Talaabada ay Kenya qaaday maaha mid dublumaasi-yadeed ( Kenya’s undiplomatic ) Arintani waxay u muuqataa in xiisadan gacan sadexaad ku jirto. Waxaan kula talinayaa MUQDISHO inay LONDON laheshiiso NAIROBI ka hor. Tusaale waxaa iga ah Somaliland oo wali guranaysa midhihii qaladkii 1960kii ay ka galeen Great Britain, waa caydhin tii ingriis ee wakhtigaa fog iyo calankii ay soo saxeexday boqorada ingiriisku oo mudo afar cisho gudahood talyaaniga lagu wareejiyay, waa siduu ingriisku u arko hashiiskii midaynta ee dhacay 1/July/1960. 31 sano ayuu Talyaanigu ugu faanaya ingiriiska inuu kaga guulaystay cariga somalida gaar ahaan midayntii dhacday 1/July/1960 kii, ingiriisna 31 kaa sano wuxuu ka shaqay-nayay siduu ku fashilin lahaa farxadaa iyo faanka Talyaani ee hirgalay taariikhaada jor ku xusan. Ingiriisku wuxuu Talyaani ka guulaystay 18/5/1991 markii Somaliland dib loogu dhawaaqay, faan kii talyaanina halkaas ayay ku soo afjareen, ilaa hada oo ah 28 sano madaxda Somaliland wali madareen-sana qaladka wakhtigaa lagalay, halka laga haysto, iyo faranta dagaal ee gacanta 16aad ah ee wali ku furan. Alaa mahad leh . Amb Ahmed Safiina Xoghayaha xidhiidhka dawladaha carabta iyo wadamada islaamka ee xisbiga WADDANI Qaran News
-
(SLT-Washinton)-Haweeney uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u magacaabay danjiaha Mareykanka ee Qaramada Midobaay ayaa ka cudurdaaratay xilkaas sababo dhanka qoyska ah. Heather Nauert oo hadda ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bishii December ee sannadki tagay uu madaxweyne Trump u magacaabay xilka danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay si ay u badasho Nikki Haley oo xilkas iska casishay dhamaadkii sannadkii 2018-ki. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Nauert ay u diidday xilka loo magacaabay kaddib marki la ogaaday in gurigeeda ay muddo 10 sano ah ka shaqeysay haweeney si sharci darro ah ku daganeyd Mareykanka, taasoo u heyn jiray carruurta. Wargeyska The Washington Post ayaa sheegay in haweeneyda guriga uga shaqeynaysay Heather Nauert aysan bixinin muddo 10 sano ah lacagihi canshuuraha waajibka ahaa, isla markaana ay mushaharka ku qaadan jirtay lacag caddaaan ah. Nauert waxaa kale oo ay iska casishay xilka afhayeenka Waaxda aArrimaha Dibadda oo ay kasoo shaqeysay labadii sano ee lasoo dhaafay. Heather Nauert ayaa ka hor inta aysan ku biirin maamulka madaxweyne Trump waxay ay ka tirsaneyd wariyeyaasha TV-ga Fox oo ay warka ka akhrin jirtay. Source
-
Madaxweynaha dowladda Puntland oo maanta qado-sharaf Garoowe ugu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa jawaab dadban siiyay siyaasiyiinta dhaliilsan xukuumaddiisa cusub ee aan weli shaqa-bilaabin. Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahanyahay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland in ay ka midaysnaadan dhismaha dalka, ilaalinta midnimadiisa iyo difaaciisa guud iyo kiisa gaar ahaaneedba. Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrimaha siyaasadda ee lagu kala aragti duwanaan karo balse lafteeda loo baahan yahay xeerar iyo shuruuc hagta si aan cidna u dhaafin xadka lama taabtanka ah ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka Puntland. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo jawaab dadban siiyay siyaasiyiinta durba mucaaraday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska hanti-dhowrka qaranka ayaa maanta ila amar dambe xiray xafiiska maaliyadda ee hay’adda NISA, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online, kuwaas oo sidoo kale nala wadaagay sawirro. Hanti-dhowrka guud ayaa baaritaan ku billaabay xafiiskan, waxaana lagu warramayaa inay ku maqan tahay lacag malaayiin dollar, oo ah mushaharka shaqaalaha hay’adda NISA. Ilo-wareedyada warkan la wadaagay Caasimada Online ayaa sheegay in shaqaalaha iyo ciidamada NISA ay hal bil oo kaliya mushaharka qaateen tan iyo bishii October, markaasi oo uu agaasinka NISA uu si KMG ah u qabtay Fahad Yaasin, kadib markii uu is-casilay agaasimihii hore ee NISA, mana cadda sababta. Ciidamada kaliya ee mushaharkooda sida joogtada u helay tan iyo waqtigaas ee NISA, ayaa ah kuwa Gaashaan iyo Waran, kuwaas oo mushaharkooda uu bixiyo Mareykanka. Ciidamada dhar-cadda ee NISA iyo shaqaalaha kale ee hay’adda iyo ciidamada aan hoos-tagin Mareykanka ayaa waxaa ka maqan mushahar dhan 3 bilood. Inkasta oo mushaharka la bixiyey hal bil oo kaliya tan iyo October, ayaa haddana xogta aan helnay waxa ay sheegeysa in lacagtooda laga soo qaaday bankiga dhexe, taasi oo dhalisay baaritaanka hanti-dhowrka oo lagu ogaanayo sababta aan loo bixin. Waxaa sidoo kale jirta in ciidamadii hubeysnaa ee NISA ee lagu daray booliska in ayagana mushaharkooda lasoo qaadayey tan iyo waqtigaas inkasta oo hadda booliska ay hoos-tagaan, ayada oo aan la ogeyn lacagtooda halka la geeyey. NISA ayaa waxaa miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019 ay ku leedahay in ka badan 12 milyan oo dollar, waana lacagtii ugu badneyd ee ay ka hesho miisaaniyadda abid. Hanti-dhowrka ayaa amray in wax lacag ah aan laga bixin karin lana furin karin xafiiska ilaa kiiskan baaristiisa uu kasoo dhammaanayo. Waan idinla wadaagi doonnaa wixii kasoo kordha Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
4 kamid ah golaha wasiirada cusub ee Puntland, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay, wasaaradihii loo magacaabay, kadib markii shalay xildhibaannada Baarlamanku ay cod-buuxa ku ansixiyeen xukuumadda cusub. Wasiirada xilka la wareegay ayaa kala ah; wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal, wasiirka Degaanka, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, wasiirka Caafimaadka, Jaamac Faarax Xassan iyo wasiirka Arrimaha gudaha, Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad. Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland ayaa guddi ka kooban 4 xubnood u magacaabay arrimaha xil-wareejinta, waxaana dhammaan wasaaradaha lagu wargeliyay in ay la shaqeeyaan guddigaasi. “Waxaa lagu wargelinayaa, dhammaan wasaaradaha Dowladda Puntland in loo xil saaray xil-wareejinta wasiiradii hore iyo wasiirada cusub guddigaasi” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland. Guddiga loo igmaday xil-wareejinta ayaa kala ah agaasimaha madaxtooyada, xeer ilaaliyaha guud, hanti-dhowraha guud iyo xisaabiyaha guud ee dowladda Puntland. Warar hoose oo Puntland Post heshay, aya sheegaya in guddigaan loo magacaabay , si loo ilaaliyo hantida dowladda xilligan kala guurka ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo guddi gaar ah u magacaabay xil-wareejinta wasaaradaha appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Tan iyo galinkii dambe ee Sabtida, markii ay dowladda Kenya ku dhawaaqday iney Danjiraheeda Soomaaliya u yeertay, kii Soomaaliyana ka direyso Kenya, waxaa baraha xiriirka bulshada si weyn loogu hadal hayay xiriirka xumaaday ee labada waddan. Dadka ka hadlayay arrintan ayaa isugu jiray siyaasiyiin, mas’uuliyiin, aqoonyahanno wax falanqeeya iyo dadka muwaadiniinta ah ee labada dal. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa go’aanka safiir kala qaadashada ku dhawaaqday, waxayna barteeda Twitterka soo dhigtay qoraal ku aaddan tallaabadaas. Rober Alai oo ka mid ah suxufiyiinta ugu caansan Kenya ee ka faallooda arrimaha gobolka ayaa boggiisa Facebook ku soo qoray in dhulka uu ku jiro shidaalka ay Soomaaliya beecisay uuba yahay mid ka tirsan xadka dhinaca biyaha Soomaaliya. “Marka la eego khariidadda iyo xog hoose oo qota dheer, Kenya waxaa kaliya oo ay daandaansaneysaa Soomaaliya. Arrinta muranka badda waa mid adag oo aan la fahmi karin laakiin qiyaas ahaan, meelahan uu shidaalka ku jiro waxay ka tirsan yihiin Soomaaliya. Hoggaamiyeyaal hunguri weyn oo u dhashay Kenya ayaa isku dayaya iney waddanka adeegsadaan si ay u fushadaan danahooda gaarka ah”, ayuu yiri. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, tan iyo markii uu bilowday muranka u dhaxeey labada dal ee dhinaca xuduuda badda, taasoo soo jiitameysay muddo 10 sano ah. Tallaabadii shalay ay qaaday Kenya ee ay Safiirkeeda ula noqotay, kuna amartay inuu dalkeeda ka baxo Safiirkii Soomaaliya, waxaana arrintan ay keentay su’aalo kala duwan. Inkastoo dowladda Kenya ay sal uga dhigtay go’aankeeda in Soomaaliya ku soo xadgudubtay, isla markaana ay xaraashtay shidaalka ku jira dhul badeedkeeda, waxaa loo arkaa mid qar iska tuur ah oo ay ku xalaaleyneyso dhulka ay labada dal ku muransan yihiin ee ay dacwadeeda taal Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague. Haddaba halkan ka akhriso taariikhda muranka badda Kenya iyo Soomaaliya: April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac. Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya. Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya. August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya. Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodad ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad oo ku faahfaahiyo heshiiska. July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go’aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas. December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal. Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso. Soomaaliya aya ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas. Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda. Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya. Wasiirka betroolka ee Soomaaliya, Cabdirashid Maxamad Axmed, oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay in goobaha sahminta laga sameeyay ay ku jirto qeybta badweynta Hindiya ee Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransan yihiin, isagoo sheegay in Soomaaliya ay leedahay go’aanka la xiriira arrintaasi, inta ay maxkamadda cadaaladda caalamiga ee ICJ ay ka soo saareyso go’aankeeda ku aadan murankaasi. Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegtay in shirkii shidaalka Soomaaliya ee Lonodn lagu xaraashay “hantida shacabka reer Kenya,” taas oo ay sheegeen inay tahay tallaabo aan loo dulqaadan karin. Manta oo ah 17-ka bisha Febraayo, 2019-ka, Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo hadda ay jiraan shirar arrintan looga hadlayo oo ka socda madaxtooyada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Saddex kamid ah golaha wasiirada Puntland ee shalay la ansixiyay, ayaa maanta lagu dhaariyay, xarunta madaxtooyada dowladda Puntland ee magaalada Garoowe. Mas’uuliyiinta la dhaariyay, ayaa kala ah; wasiirka Dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), wasiir ku-xigeenka Caddaaladda, Maxamed Cali Faarax iyo wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha, Axmed Cabdiraxmaan Xirsi. Munaasabadda lagu dhaariyay wasiirada ,ayaa waxa goob jog ahaa madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), xubno ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada. Madaxweynaha Puntland oo hadal kooban u jeediyay mas’uuliyiinta la dhaarshay, ayaa kula dardaarmay, in sida ay ku dhaarteen ugu adeegan dalka iyo dadka, waxaana uu Alle uga rajeeyay, in uu u fududeeyo shaqada loo igmaday. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah wasiirada cusub ee Puntland oo la dhaariyay appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (SMN) – Saciid C/laahi Deni madaxweynaha Puntland ayaa maanta guddi u saaray munaasabaddda xil wareejinta golaha wasiirada maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa faray guddigan oo isugu jira hanti dhowraha qaranka, xeer-ilaaliyaha, taliyaha Booliska iyo agaasimaha madaxtooyada Puntland in ay la xisaabtamaan mas’uuliyiinta xilka ku kala wareegeysa. Sidoo kale waxa uu tilmaaamay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland in aysan ogolaan doonin in lagu takri falo hantida qaranka, waxaana uu xusay in lalala xisaabtami doono wasiiradii hore ee maamulkaasi. Shalay ayey aheyd markii baarlamaanka Puntland ay meel mariyeen golaha wasiirada maamulkaasi, si ay u guda u galaan howlaha shaqo ee loo igmaday. Xukuumadda cusub ayaa waxaa hor yaalla arrimo dhowr ah oo u baahan wax ka qabasho. The post Deni oo guddi u saaray xil wareejinta wasiirada Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dareenkooda ku aadan go’aankii ka soo baxay dowladda Kenya. Dadkan oo la hadlay Shabelle ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay mowqif adag ka istaagto warkii shalay ka soo baxay dalka Kenya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Shacabka Muqdisho Oo ka hadlay go’aankii Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – C/raxmaan C/laahi Dhubad (Daqare) oo ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda dalka ayaa sheegay in go’aanka ay dowladda Kenya ku joojisay xiriirkeedii dowladda dhexe aanay qal-qal ku keeni karin dacwadda badda ah ee ka dhaxeysa Labadan dal. Waxa uu sheegay in go’aankaasi ay maxkamadda cadaaladda gacanta ku hayso, islamarkaana wax walbo oo ay Kenya sameyso aanu arrintaasi isbedal ku imaan karin. Daqare ayaa sheegay kaliya hadda in loo baahan yahay in lasoo xiro xuduudaha dalka uu la wadaago Kenya, islamarkaana la joojiyo xitaa xiriirka dhanka ganacsiga, taasi oo keeni karta in Kenya ay dareento culeys dhan walbo ah oo keena iney xitaa ka tanaasusho doodda dhanka badda ah. “Go’aankan maxkamad ayuu horyaallaa, nidaamka maxkamadeedna hab loo kala baxo ayaa jirta, annaga wax walbo waan geynnay, Kenya taas mar-marsiyo kama dhigan karto, midda kale haddii aan annaga go’aanno xasaasi ah ka qaadanno Kenya waxaan ku tusi doonaa iyaga oo soo qeylinaya oo dhaqaalahooda hoos u dhacay, walibana ka tagi doona doodda badda” ayuu yiri Daqare. Dhanka kale, C/raxmaan Daqare ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay dhankeeda iney qaadato go’aanno geesinimo leh, islamarkaana si dhab ah u matasho shacabka. “Dowladda waxaan u doorannay iney danaha shacbiga Soomaaliyeed ilaaliso, wixii xog ogaalnimo ah oo ay inooga badan tahay wey la aamusi kartaa, dowladda rasmiga ah waa shacabka, shacabkana aragtidiisa waa ay caddahay, dowladdana waxaan ka rabnaa iney si dhab ah noo matalaan oo danaheenna ilaaliyaan” Daqare ayaa sidaasi yiri. Kenya ayaa sheegtay iney joojisay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Soomaaliya, iyadoo go’aankeedan u sababeysay shirkii London ee lagu soo bandhigayey sahanka shidaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ayaa sheegay in aanay heshiisyo cusub oo dawladda Ruushka iyo Somaliland galayaan miiska saarnayn. Waxa uu sheegay in dawladda Ruushku 1970s si balaadhan u isticmaashay Berbera laakiin, hadda aanay Somaliland gacanta ku hayn heshiisyo cusub. Bishii October ee sanadkii 2017 waxaa casuumad ay ka heleen Ruushka ku tagay danjiraha Somaliland ee Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed iyo xubno wehelinayay oo xukuumaddii Siilaanyo ka tirsana. Waxa bookhashadooda ka sii horeeyay diblamaasiyiinta Ruushka ee Jabuuti fadhiya oo Somaliland yimid, islamarkaana bookhday magaalo marseedda Berbera, kuwaas oo indho indheeyay meelaha ku raadka leh Ruushka ee Somaliland. Tan iyo bookhashada weftiga Ruushku ku yimid Somaliland 2017 waxa si weyn loo hadal hayay in dawladda Ruushku qorshaynayso in dib ugu soo noqoto Somaliland waxaana arrintan si weyn uga faallooday warbaahinta caalamiga ah iyo hay’addaha ku lugta leh falanqaynta siyaasadda caalamka. Qaybta Afka Ingiriisida ee Warbaahinta Codka Maraykanka (VOA) ayaa wasiirka Khaarajiga Somaliland waydiisay xogaha la xidhiidha in Ruushku damacsan yahay in uu Somaliland ku soo laabto waxaanu ku gaabsaday “Ma jiro wada hadal rasmi ah iyo xidhiidh rasmi ah oo aanu arrinta ka yeelanay.” Sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon. Taa bedelkeeda waxa uu wasiir Faratoon sheegay in Somaliland ku naaloonayso xidhiidh wanaagsan oo ka dhexeeya Imaaraadka iyo Somaliland. Dekedda Berbera ayay maamusha shirkadda reer Imaaraad ee DP World oo saamiga u badan leh iyada oo Itoobiya laga siiyay saami dhan 19% horraantii sanadkii hore. Heshiiska saddex geesoodka ahaa ee Itoobiya, Somaliland iyo Imaaraadka oo loo han weyna ayaa hadda u muuqda mid laydhiisu gaabisay. Waxa dhawaan hawlahooda soo gabagabeeyay urur ka shaqaynayay shuruucda iyo siyaasaddaha Somaliland ku wajahayso xidhiidhka ganacsiga ee Itoobiya maaddaama rajo weyn laga qabay dekedda Berbera hadda se aanay arrimahaasi sidii hore u firfircoonayn laakiin, xukuumadda madaxweyne Biixi waxay aamminsan tahay in xidhiidhka Hargeysa iyo Addis Ababa heer sare yahay. Cismaan Sheekh Axmed la taliyaha dhaqaalaha ee madaxweyne Muuse Biixi ayaa VOA u sheegay in xidhiidhka dhanka ganacsiga ee Somaliland iyo Itoobiya yahay mid aad u fiican “Xidhiidhka ganacsi aad buu u xooggan yahay, waxaanu faa’iido u yahay Itoobiya,” Sidaas ayuu yidhi la taliyaha dhaqaalaha waxaanu intaas ku daray in Somaliland u dhoofiso Itoobiya sanadkii alaabooyin qiimahooda lagu qiyaasay lix boqol ilaa todobo boqol oo milyan oo dollar ($600-700 Million). Dhinaca kale waxa ay wasiir Faratoon iyo la taliyaha dhaqaaluhu bishii November socdaal ku tageen Maraykanka halkaas oo ay diblamaasiyiin kula socodsiinayeen arrimaha Somaliland. Waxa uu wasiir Faratoon sheegay in ay jiraan dalal badan oo Somaliland danaynaya laakiin, Somaliland u baahan tahay taageero dhaqaale maaddaama citiraaf la’aantu caqabad ku tahay. Waxa uu dhalliilay lacagaha ay dalal badan Soomaaliya siiyaan isaga oo tilmaamay in aanay arrintaasi ka soo baxayn natiijada ay doonayaan. Dhawaan wasiirka maaliyadda Somaliland ayaa sheegay in shirkadda maamusha dekedda Berbera ay wada leeyihiin Somaliland iyo Imaaraadka oo kaliya. Waxa uu sheegay in aanay hirgelin saamiga Itoobiya “Saamiga waa run weynu ku heshiinay Itoobiya in aynu siino 5% qolada kalena (Imaaraadka) 14% laga jaro laakiin, kaasi waa nidaam socda weli shirkaddii labadeena uun baa leh inaga iyo Dubay,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad. Source
-
Qoryooley (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weeraro culus oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Weerarka koowaad oo ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolkaasi ayaa Al Shabaab waxa ay sheegeen in ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa AMISOM, kuna dhaawaceen saddex kale oo ka tirsanaa ciidamadaasi. Al Shabaab ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ay dhaawaceen guddoomiyaha Qoryooyley, ku xigeenkiisa, madaxa maaliyadda iyo taliyiha degmadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale Al Shabaab ayaa dusha u ritay masuuliyadda weerar kale oo ka dhacay degmada Baraawe ee gobolkaasi. Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha, gaar ahaan saldhig ciidanka Uganda ay ku leeyihiin magaaladaasi. Ma shaacin Al Shabaab khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo uu xigay dagaal foolka fool ah. Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyay weerarkii Qoryooley. Guddoomiye Barre ayaa sheegay in dhaawacyo fudud ay soo gaareen mas’uuliyiinyta degmadaasi, ayna soo hagaageyso xaaladdooda caafimaad. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaama in kulan gaar ah ay ka yeesheen amniga Shabeelaha Hoose, kaas oo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolkaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray sida looga hortagi karo weerarada Al Shabaab. Inta badan weeraro qorsheysan ayaa ka dhaca gobolkan oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. The post Al Shabaab Oo sheegtay weeraro ka dhacay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxkamadda ciidamada qalabka ee Puntland ayaa haatan xukun dil ah ku ridday 4 nin oo loo haysto dilka ganacsade lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash oo todobaadkii hore lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Cabdifitaax Axmed Xassan, Daahir Dalmar Saalax, Farxaan Siciid Yuusuf iyo Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa dhammaantood dil toogasho ah lagu xukumay kadib markii garsooraha maxkamaddu sheegay in lagu helay dilka ganacsade Salaad Cabdi Cukaash islamarkaana ay qiraal ka yihiin in rasaasta ku dhacday ay iyagu rideen. Raggan ayaa dilka geystay xilli ay doonayeen in ay dhac u geystaan shakhsiga ay dileen sida uu sheegay garsooraha xukumay. Garsooraha ayaa ugu dambeyntii xukmanayaasha ku wargeliyay in ay haystaan 30 cisho oo rafcaan ah. Faahfaahinta Puntlandpost The post Puntland: Rag ku eedaysan dil oo toogasho lagu xukumay appeared first on Puntland Post.