Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,455
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Saxafi Maxamed Cali Waji ayaa waxaa uu ka Hadley xilka agaasimaha TV-ga qaranka iyo Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta oo shalay wasiirka warfaafinta Somaliland u magacaabey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Somali women leaders today called on members of the federal parliament to approve a pending electoral reform bill that would enshrine the principle of a 30 per cent gender quota in future national legislatures. “The electoral law which provides for the 30 percent quota on women representation has not been passed, and it is our hope that it is passed by both the House of the People and the Senate and the draft constitution will also be amended to reflect that,” said Asha Abdulle Siyad, the chairperson of the Somali Women’s Leadership Initiative and convener of the roundtable discussion. The forum was held under the theme “Somali women unite for inclusive politics” and drew more than 30 women representing the federal parliament, civil society, the National Independent Electoral Commission (NIEC), diaspora communities, political parties and academia. Ms. Siyad said the discussions will take stock of the progress made by Somali women to date and review the challenges still facing them as they prepare for one-person, one-vote elections scheduled to take place in 2020. The roundtable was supported by the United Nations Assistance Mission in Somalia and is one in a series of events organized by Somali women leaders ahead of the International Women’s Day celebrations that will be held on Friday, 8 March. A joint communique on the way forward will be issued at a three-day Somali Women’s Convention, which commences tomorrow in Mogadishu. The NIEC chairperson Halima Ismail Ibrahim lauded the roundtable event, noting that the discussions will help Somali women overcome the obstacles that surface during elections. “This conference is about the rights of the Somali women and coincides with the events to mark the International Women’s Day,” said Ms. Ibrahim. She added that the electoral commission will work closely with civil society to educate the public about the electoral reforms being undertaken ahead of the country’s next round of elections. Participants at the meeting discussed a variety of topics ranging from the constitutional review process and affirmative action to electoral and political party processes and barriers to women’s participation in politics. During the 2016 electoral process, female representation in the federal parliament rose from 14 per cent in the outgoing legislature to 24 per cent. However, the increase fell short of the 30 per cent quota goal, which women leaders are planning to endorse for the 2020 elections. The chairperson of the non-governmental organization Women, Education and Voicing Entrepreneurship, Asli Ismail Duale, lamented what she called the marginalization of women in decision-making processes and called for effective action to empower them. “When it comes to business and the economy of this country, the people who are supporting this country are women. Women contribute 60 per cent of the country’s economy while men contribute 40 per cent, yet ironically women are not seen anywhere in decision-making,” Ms. Duale stated. View the full article
  3. Laascaanood (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dagaalka oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxa uu u dhexeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa jabhadda SSC oo ku xoogan halkaasi. Waxaana dagaalku uu yimid, kadib markii jabhaddani ay weerar gaadma ah ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidanka Somaliland oo marayay deegaanka Gambare oo 28 KM dhinaca koonfur bari ka xiga magaalada Laascaanod ee waqooyiga Soomaaliya. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo la’isku aadeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona ciidamada milatariga Somaliland ay sii wateen socdaalkii ay ku marayeen gobolka Sool. View the full article
  4. Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Axmed Karaash ayaa gudoomiye yaasha degmooyinka Puntland waxa uu kala hadlay guulihii ay ka gaareen iyo wax yaabihii uga [...] Source
  5. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in la xalliyo tabashada ka dhex jirta Labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah. Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadal ka jeedisay shirweynaha Qaran ee Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxay sheegtay inaan loo dulqaadan karin wadashaqeyn la’aanta golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliy. Waxa ay sheegtay wasiir Khadiijo in ay jiraan sharciyo aad u muhiim ah oo loo baahan yahay in la meelmariyo qaarkoodna ay ku xayiran yihiin golaha aqalka sare. Sidoo kale, Khadiijo ayaa xustay muhiimadda ay leedahay in la xalliyo tabashada jirta. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WASIIR-KHADIIJO-DIIRIYE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirweynaha qaran ee Haweenka Soomaaliyeed, kaasi oo a soo qaban-qaabisay wasaaradda haweenka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Furitaanka shirkan waxaa ka qeybgalay xildhibaanno, wasiirro, duqa Muqdisho, xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka, wasaaradaha haweenka ee dowlad goboleedyada iyo xubno mataleysay beesha caalamka. Ulajeedka shirkan ayaa ah sidii loo abuuri lahaa isbahaysi ilaaliya xuquuqda haweenka, iyadoo xusid ay mudan tahay in shirkan la furay xilli uu jiro khilaaf ka dhaxeeya haweenka qaranka. Haweenka qaranka ayaa sameystay Labo guddoomiye, taas oo ka dhigay iney Labo garab noqdeen, waxaana shirkan ka qeybgaleyn guddoomiye Batuulo Sheekh Axmed oo shalay sheegtay in shirkan lagu burburinayo ururada ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  7. Guddoomiyaha Ururka haweenka ee gobolka Bari Maryan Maxamed Xasan Maryan Guduudo oo waraysi gaar ah maanta siisay Puntlandi.com ayaa waxa ay ka hadashay dilkii iyo [...] Source
  8. Dagaal u dhaxeeyey ciidanka Somaliland iyo sidoo kale kuwa uu hoggaaminayey Korneel Faysal Falaalug ayaa maanta ka dhacay degaanno ka tirsan gobolka Sool. Ciidamada Falaalug ayaa jidka u galay kolonyo ay la socdeen ciidanka Milatariga Somaliland xilli ay marayeen deegaanka Gambadhe oo qiyaastii 30-km u jira magaalada Laascaanood. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase ahaatee waxaa jira howlgallo ay wadaan ciidamada Somaliland. Ciidankii weeraray kuwa Somaliland ayaa dib u laabtay, xaaladuna waxa ay tahay midda deggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Koox katirsan Ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab una qaabilsanaa dilalka qorsheysan ayaa lagu soo bandhigay maanta saldhiga bartamaha ee degmada Dharkiinley. Kooxdan ayaa sheegtay in [...] Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib hawlgal Ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsanaa Shabaab. Howlgalka oo xoogiisa laga sameeyay degmada Wadajir, ayaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo Shabakad isku xiran oo ka tirsan Amniyaadka Shabaab ee dilalka ka geysata degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinleey. Ragga la soo qabtay oo saddex xubnood ah ayaa waxa ay qirteen ka mid ahaanshahooda Ururka Al Shabaab & inay gaystaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka. Shuceyb C/llaahi Xaaji oo magaciisa Afgarashada ee Shabaab ku sheegay (Axmed), ayaa u qaabilsanaa dilalka ka dhaca inta u dhaxeysa Suuqa Weyn, Isbitaalka Madiino ilaa Siliga Ameerikaanka ee degmada Wadajir. Ismaaciil Maxamed Aweys oo magaciisa Afgarashada ee Shabaab ku sheegay (Yaxye), waxa uu Shabaab u qaabilsanaa dilalka ka dhaca Wadajir iyo Dharkiinleey. Qofka u danbeeya ee Saddexaad waa Maxamed Cismaan Macalin Axmed oo magaciisa Afgarashada ee Shabaab ku sheegay (C/weli), waxa uu qirtay inuu qaabilsanaa oo kaliya kala gudbinta hubka howlgalada dilalka ah lagu fuliyo. Raggan oo Shan sano katirsanaa Shabaab, ayaa xiliga la soo qabanayay waxa ay ku howlanaayeen dil ay doonayeen iney u geystaan haweeney kamid eheyd ergooyinkii Xildhibaanada soo doortay, taasoo Qaad ku iibisa beerta Jaadka ee Degmada Hodan.
  11. Avocado waa midho aad u qaniya xagga caafimadka jidhka cunto ahaan , timo#marsi iyo maqaar maris ahaanba( saliid ama cream ahaan). Maxaa ku jira ee macdana Waxaana ku jira macdano qaaliya oo ku yar khudradaha kale sida:- vitamins B, C, E, and K. Iyo sidoo kale macdanaha potassium iyo copper. Isku dhisyada ay ka koobantahay ee kale xaga macdanaha ku jira 68 grams (g), oo avocado ah ama xabad jeexeed waa Calories 114 Dietary fiber 6 g Total sugar 0.2 g Potassium 345 milligrams (mg) Sodium 5.5 mg Magnesium 19.5 mg Vitamin A 43 micrograms (μg) Vitamin E 1.3 mg Vitamin K 14 μg Vitamin B-6 0.2 mg Monounsaturated fatty acids 6.7 g Xaga caafimaadka 1. Avocado waxay ay aad wax uga tartaa xanuunad ku dhaca wadnaha (cardiovascular disease). 2. Waxa ay avocado kaa cawinaysaa inaad rido miisaankaagu haduu culusyahay ( weight loss). 3. Waxay kaa cawinaysaa xaga indhaha oo ay aad ugu fiicantahay waayo waxa ku jira avocado maadooyinka (lutein and zeaxanthin) oo labaduba ah phytochemicals ku waa oo kaa caawinaaya inay indhaaga aragoodu sugnaado. 4. Waxay door weyn ka ciyaartaa avocado ka hor taga xanuunka cancerka 5. Waxay ay hagaajisaa khalkhalka ku dhaca dheefshiidka waxana ay la dagaalantaa calool istaaga (prevent constipation). 6.waxay la dagaalantaa cudurada soo jiitama ama soo noqnoqda marka dawadooda la qaato ( chronic diseases) 7. Waxay door aad u weyn ka ciyaartaa kor u qaadida dheeli tirka sonkorta jidhka. Lasoco qaybaha dambe….. Xuquuqda qoraalku waxay u reebantahay qoraaga W/Q Cabdi Cawiye +252634115877 Qaran News
  12. Wararka ka imaanaya degaanka Gambadhe ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada militariga Somaliland iyo jabhadda xoraynta SSC ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug. Goobjoogayaal ku sugan tuulada Gambadhe, oo qiyaastii 30km dhanka koonfur bari ka xigta magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in dagaal uu bilowday, kadib markii jabhadda SSC ay weerar jid-gal ah u dhigtay cutubyo ka tirsan militariga Somaliland oo marayay nawaaxiga Gambadhe. Ilo’wareedyo kala duwan, oo warbaahinta Puntland Post la hadashay, ayaa xaqiijiyay in uu jiro khasaare dhimasho dhaawac oo kala gaaray labada dhinac. Sidoo kale waxa la sheegaya in gaadiid iyo hub lagu kala qabsaday dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn. Wixii ka soo kordha kala soco Puntland post The post Dagaal culus oo ka dhacay degaanka Gambadhe ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  13. Magacyada 12Dhalinyaro Ah Oo Maamulka Gobolka Gabiley Kasoo Xidh Xidheen Magaalada Kalabaydh, Loona Dhaadhiciyay Jeel Madheera Bilaa Xukun! Bulshada Ku Dhaqan Magaalada Kalabaydh Oo Lafilayo In Ay Isku Soo Baxyo Kaga Dareen Celiyaan Xadhiga Iyo Tacadi Maamulka Gobolka Gabiley Kula Kaceen 12 Dhalinyaro Ah Iyo Dareenada Ku Xeeran! GABILEY() Maamulka gobolka gabiley ayaa magaalada kalabaydh kasoo xidh xidhay dhalinyaro tiro badan kuwaasi oo aanay shaacinin dambiga loo hayso iyo waxa ay ku mutaysteen iyadoo aan la marin wax maxkamada in loo soo gudbiyo jeelka magaalada madheera ee gobolka saaxil. Xadhiga 12 dhalinyaro ah oo kamida dayarta magaalada kalabaydh ayaa lasoo xidh xidhay wakhtigii madaxwaynaha Somaliland socdaalka ku tagay gobolka gabiley ugana sii gudbay Magaalo Madaxda Gobolka Awdal Ee Boorama. Arinta xadhiga dhalinyrada ayaa imanaysa kadib markii madaxwaynaha Somaliland kasoo guryo noqday safarkii uu ku tagay gabiley iyo boorama, Wararka aanu ka helayno xadhiga dhalinyarada ayaa tibaaxaya in maamulka gobolka gabiley dhalinyarada ku eedaynayaa in ay damacsanaayeen in ay ku mudo,haraadaan waftiga madaxwaynaha balse majirto ficil dhacay oo bulshadu muuqaal iyo arag midna marag kaga tahay, marka laga reebo maamulka iyo ficiladan ay kula kaceen dhalinyarada reer kalabaydh, Sidoo kale maamulka gobolka gabiley ayaa taa badalkeedii ka dhigay in dhalinyarada ay lagu soo qaaday go,aan ay sheegeen inay gaadheen gudi nabadgalyo oo aan lahaynin sharciyada ay wax ku xukumi karaan iyo jiritaankoodaba. Talaabadan ay maamulka gobolka gabiley ku xidh xidheen dhalinyarada iyo go,aanka loogu dhaadhiciyay jeelka madheera ayaa noqotay mid amakaag iyo fajac ku riday bulshada ku dhaqan magaalada kalabaydh iyo guud ahaan gobolka gabiley Dhanka kale talaabadan ay maamulka gobolka gabiley ku kaceen kana soo horjeeda sharciyada dalka iyo habdhaqanka xukuumada Somaliland, ayaa laga cabsi qabaa in ay keento kacdoono lagaga soo horjeeda xukuumada Madaxwayne Muuse biixi oo bulshada gobolka gabiley ku lahayd taageero balaadhan, Waxaana lafilayaa in ay maalmaha soo socda keento kacdoono lagaga soo horjeedo xadhiga dhalinyarada iyo tacadiga ay kula kaceen maamulka Gobolka gabiley taasi oo halis galin karta isku socodka gobolada galbeedka iyo guud ahaan abniga dalka. HALKANKA AKHRI MAGACYADA DHALINYARADA AY MAAMULKA GABILEY SUFAHA SHARCIDARADA KU XIDH XIDHEEN ISLA MARKAANA IYAGA OO AAN WAX XUKUN IHI KU DHICIN LOOGU DHAADHICIYAY JEELKA MADHEERA, 1; Mustafe Axmed Sh. Maxamed 2; Ismaciil Axmed Sh.Maxmed 3; Khadar Sicid Cabdi 4; Muxuyadiin Sicid Cabdi 5; C/laahi Cali Idiris 6; Liibaan Cabdi faarax 7; Muxuyadiin Cabdi Faarax 8; Xamse Maxmed Muuse 9; Warsame maxamed yusuf 10; Mustafe Maxamed Aaden 11; C/qaadir Maxamed Daahir 12; Axmed Aaden Cilmi. Qaran News
  14. Several Kenyan police officers are feared wounded on Sunday evening after the vehicle in which they were travelling in ran over an improvised explosive device (IED) in Garissa country near the Somali border. A local resident confirmed the incident took place between Hagardere and Amume, located on the outskirts of Garissa town, northeast of Kenya. He said the vehicle ran over the IED leading to a blast and injuries. It was badly damaged. It is believed that the explosive was set up on the road by al-Shabab militants operating in the area which is near to the Kenya-Somalia border. Al-Shabaab staged a string of attacks in Kenya, including the April 2, 2015 massacre at Garissa University that left 148 students dead and a 2013 assault on Nairobi’s Westgate shopping mall that killed 67. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen dhismaha Hotel Maka Al Mukarama Maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo burbur xoogan oo oo gaaray dhismayaasha ku yaalay hareeraha goobta ay wax ka dhaceen. Hay’adda gargaarka degdegga ah ee Aamin ambalaas ayaa shaacisay tiro-koobka dhaawacyada iyo dhimashada weerarkaas, waxaana qoraalka Hay’adda ku sheegtay in tiradaan Khasaaruhu kabadan karo, balse ay soo bandhigeen inta ay u suuragashay in magacyadooda helaan, lana geeyey Isbitaalada. Ku dhawaad 140 ruux ayay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay marka loo eego warbixinta ay soo bandhigtay Hay’adda Aamin Ambulance, waxaana kamid ah Cabdullaahi Aadan Maxamed Axmed Fardowso Cismaan Nasteexo Daahir Qadar Maxamed Siciid Cabdulqaadir Axmed Cismaan Raxmo Shiiq Siciid Shiq Cabdi Yare Siciid C.salaam Cabdiqani Cismaan Axmed C.risaaq Axmed Xaashi Deeqo Daahir Cismaan Ibraahi Da Cali Guuleed Ibraahin Cilmi Faarax Nuir Cabdikariin Xuseen Deeqo Maxamuud Najmo Aweys Cawil Aadan Abuukar Macali Cabdiqaadir Xasan Cabkariin Faarax Qeys Muxiyadiin Mustaf Ibraahin Mustaf Cali Maxamed Maxamuud Cali C.qaadir Axmed Cali C.nuur Shariif Maxmed C.qaadir Maxamed Abukar Askar Dhaqane Rooble Maxamed Maxamuud Siciid Ibraahin Maxamed Yuusuf Cabdulaahi Faarax Maxamed Cabdiraxmaan Cali Xersi Cabdinuur Cismaciil AbuukarbCalo Maxamed Maxamed Maxamuud Cali Maryan Muriidi Cismaan. Ali Ibraahin Maxamed Xuseen Maxamed Maxamuud Axmed Maxamed Jimcaale Yoonis Cabdishakuur Cali Dhaqane Rooble Xalane Xuseen Muuse Mayow Maxamed Munye Xaaji Mahdi Maxamed Axmed Abdulahi Faarax Maxamed Dalamar Siciid Najiib Xuseen Axmed Ibraahin Maxamed Yuusuf Siciid Abdirahman Adan Faadumo Cali Xersi Cabdi siyaad Maryan Cabdi Cismaan Abdirahman Dhaqane Sharmaarke Maxamed Yuusuf Macali Maxamed Xuseen Isaaq Xasan Cismaciil Maxamed Ibraahin Faadumo Xasan Yuusuf Leylon Salaad Calasow. Maxamed Xersi Iidle Xaliimo Maxamed Dhaqane Ibraahin Maxamed xuseen Cismaan Maxamed Yusuf Ciise Xqsqn amaxamed Liibaan Cabdi Siyaad Maxamed C.laahi Mustaf Maxamed Abdulahi Mire Shame Qadar Cabdi Daahir Salaad Maxamed Axmed Kulmiye Deeqow Iidle Ayuub Cabdi yare Cali Abanuir Daarushifa Abdulahi mire Cismaan Caqilo Cabdulahi Bile Maxamed Siciid Saleebaan Cismaan Cali Aadan Aadan Axmed Farax Muqtaar Shiq Cali Amaxamed Cabdinur Xuseen C.kariin Bashir Xaaji Maxamed. Maxamed C.laahi Yuusuf Maxamuud C.qaadir Nayow Abdulahi uusuf Muuse Axmed cali Maxamed Cabdirashiid aisaaq Eenow Deeqo Nur Maxamed Labis Axmed Abtidoon Deeqo Maxamed Siciid Cumar Ibraahin Maxamed Ruqiyo Bishaar C.lahi Xuseen Muuse Mayow Xuseen Jabriil Maxamuud Ruqiyo Muriidi Aweys Abuukar C.qaadir Aweys Cadulqaadir Aweys Muriidi Abuukar C.qaadir Muriidi Abuukar Cumar Aweys .Nuur Iimaan Xuseen Ceyni Maxamed Axmed shaale Cibaar Nastexo Yuusuf axasqn Xuseen Axmed Afrax imcaale maxamed Tifow Maxamed Siciid Saleebaan Cali C.laahi Bile Maxamed Tashade Xasan Maxamed Xersi Dhudi .Xabiibo C.laahi Dirir Farxaan Aadan Maxamed Maxamed Rafiiq Luibaan Cabdi Siyaad Abdirizaq C.qaadir Raage Siciid Nuur Faarax Naciimo Qaliif Salaad Kalkaal Cumar Axmed Diiriye Cabdulaahi Xuseen Cabdullaahi Maxamed Yuusuf (Dhimasho) Abdulahi Maxamed Yuusuf (Dhimasho) Abdisalan CabdibDiiriye (Dhimasho) Mohamed Shiiq Cidmaan (Dhimasho) Abdirihin Cali Cismaciil (Dhimasho) Abdisamad Gurey Saleebaan (Dhimasho) Cismaciil Aadan Cismaan (Dhimasho) Abdihakin Cali Doob (Dhimasho) Leylo Xasan Cismaan (Dhimasho) Cismaan Ibraahin Caalin (Dhimasho) Xuseen (Dhimasho) Ahmed Abuukar Cumar (Dhimasho) Maxamed Shiiq (Dhimasho) A/Casiis Axmed Abuukar Cumar (Dhimasho) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo paid a visit to some of the citizens wounded in Maka Al-Mukarama double car bomb attack last week. The Monday morning visit to Madina hospital comes as paramedics pulled out the body of an infant from the rubbles of the debris of the blasts. Madina hospital director, Doctor Mohamed Yusuf briefed the president about the medical records on the patients. The head of state talked to some of the victims at their hospital bed while wishing them quick recovery. President Farmajo thanked the medics at the main hospital for their efforts to save the lives of Somalis. The Farmajo government has earlier pledged to airlift citizens affected by the Friday attack that may need further medical attention abroad. According to the latest reports by Amin ambulance, more than 150 people were affected by the recent attack claimed by the armed group al-Shabaab. At least 25 people have been killed according to the paramedics while 130 others were wounded. View the full article
  17. The Amir of Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani and Deputy Amir Sheikh Abdullah bin Hamad Al Thani sent yesterday cables of condolences to the President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmaajo, on the victims of a car bomb explosion that took place in the capital Mogadishu, wishing the injured a speedy recovery. The Amir also condemned the explosion, stressing the State of Qatar’s firm rejection of violence and terrorism regardless of the motives and reasons. Qatari Prime Minister and Interior Minister Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani also sent a cable of condolences to the Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, Hassan Ali Khaire. View the full article
  18. Cammaan (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane; Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan, ayaa qudbad ka jeediyay Shirka 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta oo Shalay ka furmay Magaaladda Cammaan ee Dalka Jordan. Mudane; Mursal, ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Boqorka iyo Shacabka Dalka Jordan oo shirka marti geliyay iyo sidoo kale Baarlamaanka Dalkaasi, wuxuuna ku dheeraaday xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo mida bulsho ee guud ahaan dalalka carabta Oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay. Guddoomiyaha ayaa u sheegay madaxda Baarlamaanada Carabta in Soomaaliya horumaro dhinacyo badan leh ay sameysay, inta dhimanna Shacabka iyo Dowladoodda oo iskaashanaaya ay si wadajir ah u dhameystiri doonaan. Mudane; Mursal, ayaa sidoo kale qudbaddiisa kaga hadlay xaaladda Dalka Falastiin iyo dhibaatooyinka degaannadooda ka jira, wuxuuna sheegay in ay yihiin Dad xaq u leh in ay yeeshaan Dowlad xarunteedu tahay Magaaladda Qudus. Sidoo kale Wuxuu Dowladaha Carabta uga mahad celiyay dedaalka ay mar walba la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda, isagoo ku dhiirra geliyay in ay sii wadaan taageeradooda si Dowladda Soomaaliyeed ay uga mira dhaliso horumarrada kala duwan ee ay ku tallaabsatay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa qudbaddiisa kusoo gaba gabeeyay dhibaatooyinka kooxaha Argagixisada ah, wuxuuna madaxda shirka ka qeyb galeysa uu la wadaagay hagar-daamooyinka ay kooxaha nabad diidka ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qaraxyadii ugu dambeeyay ee ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho. Wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah loo wajaho ciribtirka Malleeshiyaadka Argagixisada ah, iyadoo loo wajahayo hab kasta oo lagaga hortagi karo, si Dalalka Carabta iyo kuwa Gobolka oo dhan ay u noqdaan meelo ka caaggan nabad-diidka oo aysan gabbaad ka dhigan. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa muddada uu joogo Magaaladda Cammaan ee Dalka Jordan waxa uu halkaasi kulamo kula qaadan doonnaa Madaxda Wadankaasi iyo qaar ka mid ah Waddamada Carabta. View the full article
  19. (SLT-Washington)-Xildhibaannadda ka tirsan aqalka wakiillada ee Koongareeska Mareykanka, Ilhaan Cumar ayaa cambaareysay sawir la xiriirinayay weerararkii daaraha mataanaha ee Mareykanka lagu burburiyay 9-kii bishii Sitembar ee sannadkii 2001-dii. Sawirkan muranka dhaliyay ayaa lagu dhajiyay darbiga dukaan ku yaalla xarunta baarlamaanka siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ee galbeedka Virginia. Ilhaan Cumar oo arrintan ka carootay ayaa sheegtay in “Sawirkaas muslimiinta looga soo hor jeedo ee lagula xiriiriyay argagixisada” uu dhiirri galinayo handadaad iyo qalaalse ka dhan ah iyada. Sawirka ay Ilhaan cambaareysay oo Jimcadii lagu arkay xarunta baarlamaanka Jamhuuriga ee magaalada Charleston ayey ka muuqdeen sawirka Ilhaan oo ay ka dambeeyaan daarihii mataanaha ahaa ee New York oo gubanaya, iyadoo lagu dul qoray oraah uu micnaheedu ahaa: “Waligiin ha illoobina – ayaad dhahdeen. Aniga ayaa caddeyn ah – waad illowdeen”. Jawaabta ay arrintan ka bixisay ayey ku sheegtay in sawirka noocan ah uu yahay sababta ay bartilmaameedka ugu ahayd halista. “la yaab malaha inaan ku jiro liiska dadka “la doonayo in la dilo” ee kooxaha argagixisada ee gudaha ay raadsanayaan iyo waliba in kaalinteyda shidaalka lagu qoray ‘Ilhaan hala khaarajiyo’, ayey tidhi. “Wax kaleba iska daaye, siyaasiyiinta garabka Jamhuuriga ayaa magaalooyinka caasimadaha u ah gobollada kusoo bandhigaya sawir islaam-nacayb ah oo ila xiriirinaya argagixisada, mana jirto cid cambaareyneysa”. Liiska dadka la doonayo in la dilo ee ay Ilhaan Cumar ka hadashay ayaa ku saabsan nin caddaan ah oo sida la sheegay si iskiis ah isku abaabulay. Ninkaas oo lagu magacaabo Christopher Paul Hasson yaa lagu soo warramay inuu heystay hub uuna qortay magacyada siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo uu doonayay inuu dilo, kuwaasoo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar. Siyaasiyiinta Jamhuuriga ee kasoo jeeda galbeedka Virginia ayaa sheegay in aysan taageerin hadal nacayb ah isla markaana ay qofkii sawirka meesha ku dhajiyay ka dabadeen inuu ka fujiyo. Ilhaan ayaa lagu soo doortay doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ka dhacday bishii Nofember ee sannadkii hore, waxayna noqotay mid ka mid ah labo haween ah oo muslimiin ah, oo markii ugu horreysay abid ku biiray aqalka Koongareeska. Xigasho BBC Somali Source
  20. (SLT-Nairobi)-Duuliyaha oo lagu magacaabi jirey Kabtan Mariyo Maganga iyo 4 Muwaadin oo u dhalatay dalka Maraykanka ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Diyaarad Helikoptar oo ku burburtay Deegaanka Laboola oo ku dhow Harada Turkana ee Gobalka Turkaana ee dalkaasi. Maydka Duuliyaha iyo burburka Helikopterkii uu lahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto. ayaa saaka laga helay halkii ay ku burburtay. Xildhibaan Rijard Omyonka oo qaraabo la ah Duuliyaha geeriyooday oo la hadlay Telefishinka NTV ayaa sheegay in Diyaaradda uu waday Duuliyaha laga waayey Raadaarka abaarihii 8-dii Fiidnimo ee xalay, xilli ay diyaaradda duulaysay meel ku dhow Harada Turkaana. Waxa kale oo uu xusay inuu Duuliyaha oo keliya la socday Helikoptarka uu lahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto. Dhinaca kale, Boliska Kenya ayaa sheegay inay shilkaasi ku wada geeriyoodeen Duuliyihii iyo 4 qof oo u dhalatay Maraykanka oo la socday Diyaaradaasi, mana kala cadda sababa keenya burburka Diyaaradaasi. Source
  21. (SLT-Trinindad)-Waligaa ma maqashay nin Muslim ah oo afgembi ka sameeyay dal reer Galbeed ah?, hagaag, waa dhacdo taariikhda gashay. Abuu Bakar waxa uu horey uga mid ahaan jiray ciidanka booliiska, wuxuuna ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay oo qaatay diinta Islaamka ee dalka Trinidad sannadkii 1969-kii ka dib markii wadaad Masaari ah uu booqday jasiiradda ku taala qaaradda Amerika. Abuu Bakar ayaa ka irdhoobay diinta masiixiga maadaama dadkii gumeystay dalkaas ay haysteen diintaas. Sannadkii 1970-kii wixii ka dambeeyay ayuu dhawr sanno ku qaatay dalka Liibiya, halkaas oo uu marti u ahaa hoggaamiyihii dalkaas Mucamar Al Qadaafi oo xiligaas abaabuli jiray kooxaha muslimiinta iyo sidii diinta ay ugu faafin lahaayeen daafaha adduunka. Markii uu ku laabtay dalka Trinidad, waxa uu asaasay ururkiisa Jamaacatul Islaam, kaas oo dagaal la galay kooxaha maandooriyaha, iyaga oo galay xaafado ay ciidamada ka baqi jireen in ay hawlgalo ka sameeyaan. Balse hawshii ay halkaas ka qabteen waxaa aad u dhibsaday dowladda oo u aragtay in dowlad kale laga garab dhisay. Waxa ay dowladda qorsheysay in ay burburiso kooxdan, balse kooxda Abuu Bakar ayaa go’aan ku gaaray in dowladda oo dhan ay afgambiyaan ka hor inta aysan tallaabo ka qaadin. Sannadkii 1990-kii isaga iyo 100 qof oo hubeysan ayaa xoog ku galay baarlamaanka dalkaas, waxa ay afduub ku qabsadeen Ra’isulwasaarihii, waxayna ku dhawaaqeen in ay afgembiyeen dowladda. Waa isku daygii afgembi ee kaliya ee taariikhda la ogyahay ee ka dhacay dal reer galbeed ah. Lix maalmood kadib oo lagu hareeraysnaa ayuu Abuu Bakar is dhiibay kadib markii loo fidiyay cafis iyo 2 sanno oo xabsi ah. Wixii markaas ka dambeeyay waxa uu qaaday dhabaha siyaasadda nabdoon. Dhowaan waxaa jiray welwel laga muujiyay illaa 100 qof oo dalkan u dhashay oo aaday dhanka Daacish si ay uga soo barbar dagaalamaan. “Waxaan u sheegnay jameecadeena in aysan halkaas aadin, arrimaha Daacish ku saabsan oo dhan waa kuwa micno darro ah” ayuu yiri Abuu Bakar. Balse walwelkiisa ugu badan ma ahan dagaalka Suuriya, ee waa kan ka socda waddooyinka Trinidad. Sannadkii lasoo dhaafay oo kaliya 500 qof ayaa lagu dilay halkaas arrimo la xiriira dambiyo. Dhibka ka jira dalkaas uma arkaan in uu yahay mid faqrinimada ay keentay, balse waxa ay u arkaan mid ku yimid burburka qoyska, asluub xumada iyo hab nololeedka ku dhisan dambiyada. “Dadka waxa ay rabaan halyeeyo ay ku daydaan, halkii halyeeyo looga dhigi lahaa heesaayo iyo muusig aanan micno lahayn” ayuu yiri David Mailard oo ka tirsan xisbiga Jamaacatul Islaam. Dalkan waa mid aad u qurux badan, kaas oo aragtida koowaad aad ku sirmaysid, balse waxa hoos yaala dhibaato aan lasoo koobi Karin. Source
  22. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka booqday Cisbitaalka Madiina si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarradii Al-Shabaab ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaadhay Cisbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Maxamed Yuusuf oo uga warramay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkii qaraxa ku waxyeeloobay. Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Cisbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Cisbitaalka Madiina, isaga oo arkay xaaladdooda caafimaad. Source
  23. (SLT-Lee County)-Ugu yaraan 22 ruux oo qaar ka mid ah ay carruur yihiin ayaa dhintay ka dib markii ay duufaan xoog badan ku dhufatay deegaanka Lee County ee gobolka Alabama. Jay Jones oo ka tirsan masuuliyiinta deegaankaas ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in dhibaatadu ay intaas ka sii badankarto, gurmadkii degdegga ahaa ayaa la baajiyay tan iyo waabariga ka dib markii laga baqay halista ka dhalan karta in baadigoobka la sii wado iyadoo uu dhulku mugdi yahay. Dhibaatadu waxay ka taagan tahay baaxadda burburka guryaha, ayuu u sheegay CNN. Lama oga inta ruux ee halkaas ku dhaawacantay. Masuuliyiinta ayaana gooyay jidadkii galayay. Waaxda qaran ee la socoshada cimilada ayaa sheegay in dabayshu ay saacaddii jaraysay ilaa 266km saacaddiiba. Source
  24. (SLT-Muqdisho)-Dhismayaasha ku teedsan wadada Maka Al-Mukarama ee saameeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen habeenkii Khamiista ayaa wali waxaa laga baadi goobayaa meydadka dad xilliga qaraxa uu dhacayay ku sugnaa, kuwaasoo aan dib dambe loo arag. Saraakiisha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka samata bixinta ee wali socda lagu soo saaray meydka Ilmo yar oo todobo bilood jira, kaasoo ka mid noqday dadkii lagu xasuuqay weerarka khasaaraha badan dhaliyay. Ilmaha yar oo lagu magacaabo Munasar Maxamed ayaa la noolaa Hooyadiis oo ka shaqeyneysay mid kamid ah goobaha Dumarka lagu qurxiyo (Beauty Salon) ee ku taallay mid kamid ah dhismayaasha weerarku qabsaday. Kaamirada qarsoon ee (CCTV), ayaa soo bandhigtay dhaq dhaqaaqii u danbeeyay ee Ilmaha yar, taasoo muujisay inuu ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa marka uu qaraxa dhacayay, iyadoo baadigoob dheer kadib ugu dambeyn la soo saaray, isagoo la sheegay in 7 bilood ee uu noolaa uu noloshiisii dhameyd ku soo qaatay goobta Dumar Qurxinta ah. Gabadh maamulo ka aheyd dhismaha uu wiilka yar ku geeriyooday ayaa sheegtay in marka qaraxa uu dhacayay ay dhismohooda ku sugnaayeen illaa 16 qof oo macaamiishooda ka mid ahaa, kuwaasoo xilligaasi adeeg loo qabanayay. Waxay kal oo ay sheegtay iney maqashay geerida 10 qof oo si wanaagsan ay isu garanayeen, kuwaasoo ka shaqeynayay dhismayaasha ka agdhaw halka weerarku ka dhacay. Source