-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Denmark)-Dowladda Denmark waxay ku dhaawaaqday inay xoog u adeegsan doonaan sidii loo soo masaafurin lahaa Qaxootiga Soomaalida ee aan xaqa u lahayn inay sii joogaan dalkaasi. Inkastoo uu Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Lars Løkke Rasmussen sheegay inuu jeclaan lahaa inay si iskooda dib ugu laabtaan dalkooda hooyo. Hoggaamiyaha Denmark, Laris Lokke Ramussenm waxa uu ammaanay Xaalladda Soomaaliya, kadib, markii uu Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo isku arkeen Shirkii Carabta iyo EU-da ee dhawaan lagu qabtay magaalladda Sharma-sehekh ee dalka Masar Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta dalka Denmark waxay shaki xoogan ka muujiyeen suurto-galnimadda Dib-u-celinta Khasabka ee Qaxootiga Soomaalida ku nool dalkaasi, balse, Ra’isul-wasaaraha Denmark waxa uu tilmaamay inuu jiro Heshiis Qarsoodi oo Toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Denmark. Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Socdaalka ka ah dalka Denmark, Inger Støjberg waxay bishii December ee sannadkii hore ugu baaqday Qaxootiga Soomaalida inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo, kana qeyb galaan Dib-u-dhiska Somalia. Denmark ma aha dalka kaliye ee ku hawlan inaysan qaabilin Qaxooti cusub, iyadoo kuwii horena dib ugu celinaya dalalkooda. Sannadkii hore, Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Maatiyo Salfiini waxa uu go’aansaday, inuu diirada saaro masaafuruinta Qaxootiga ku qulqulayo dalkiisa. Source
-
(SLT-Mali)-Hoggaamiyaha kooxaha jihaad doonka ah ee dalka Mali ayaa dib ugasoo muuqday muuqaal uu soo duubay, dhowr bilood kadib markii masuuliyiinta dalkaasi ay sheegeen in la dilay. Geerida Amadou Koufa ayaa si ballaaran loo tebiyey, kadib markii bishii November ay ciidamo Faransiis ahi weerar gaadmo ah ku qaadeen. Muuqaalka, oo Mr Koufa uu ku jees jeesayo wararka la xiriira geeridiisa, ayaa waxaa xaqiijiyey koox wax korjoogtaysa oo fadhigeedu yahay Maraykanka. Ciidamada Faransiiska ayaa gudaha u galay dalka Mali sanadkii 2013, kuwaas oo gadaal u riixay kooxo jihaad doon ah oo dhul ballaaran oo dalkaas kamid ah qabsaday. Si kastaba ha ahaatee, mindidiintaas ayaa ah wali ah khatar muuqata. Qaybo kamid ah dalkaas ayaa wali ka maqan gacanta dawladda. Weerarkii November kadib, afhayeenka ciidamada dalka Mali iyo Wasiirka difaaca Faransiiska ayaa xaqiijiyey geerida Mr Koufa, oo ah sarkaal sare oo xubin ka ah kooxda ugu xoogga badan jihaad doonka ee JNIM. Hataan ayaa waxaa dalka Mali oo dhan qabsaday muuqaal muujinaya Amadou Koufa, oo xiran cimaamad cad, oo ku jees jeesaya ciidmada Faransiiska iyo kuwa Mali. Afhayeen u hadlay ciidamada Faransiiska ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay ku hawllan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen waxa ka run ah muuqaalkaas. Mr Koufa ayaa lagu tilmaamay in uu yahay sarkaal sare oo xubin ka ah kooxda Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), taas oo weerarro joogta ah ku qaadday dalka Mali iyo dalka ay dariska yihiin ee Burkina Faso. Faransiiska, oo horay usoo gumaystay dalka Mali, ayaa waxaa dalkaas ka jooga kumanaan kamid ah ciidamadiisa si ay uga hortagaan kooxaha fallaagada ah. Source
-
(SLT-Khartoum)-Hoggaamiyaha Xisbiga ugu weyn Mucaaradka ee dalka Suudaan, Saadaq Al-mahdi ayaa ugu baaqay Madaxweyne Al-bashiir inuu xilka ka dego, iyo inuu Mucaaradka la soofadhiisto, si heshiis looga gaadho Faahfaahinta Xilliga Kal-guurka ee lagu soo gebagebeynayo Xiisadaha ka taagan Suudaan. Saadaq Al-mahdi waxa kale oo uu ku baaqay in la qaado Xukunka Degdegga, Alana sii daayo dhammaan Siyaasiyiinta xidhan. Baaqan ayaa yimid, kaadib toddobaadyo ay Dibadbaxyo lagaga soo horjeedo Madaxweyne Albashiir ka socdaan dalkaasi, iyadoo uu Madaxweynuhu Xukun Degdeg ah ku soo rogay dalkaasi. Source
-
Wararka saakay oo Axad ah naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo ka wadaan ciidamada Booliiska ee dowladda federaalka Soomaaliya. Howlgalkan ayaa si gaar ah waxa uu uga socdaa xaafadda Howlwadaag ee magaalada B/weyne, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen falal amni darri. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa ka gaabsaday iney faah faahiyaan haddii ay jiraan dad lagu soo qabtay howlgalka. Meelaha qaar waxaa loo diidayaa isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoo xaaladda guud ee magaaladana tahay mid deggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan NISA iyo sidoo kale kuwa Danab oo xalay la wareegay madaxtooyada degmada Cadaado ee Galgaduud. Agaasimaha Madaxtooyada galmudug Maxamed Cabdi Aadan oo warbaahinta kula hadlay Galmudug wuxuu sheegay iney ka xun yihiin arrintaasi una arkaan ku xad-gudub ay waddo dowladda federaalka ah. Wuxuu sheegay in madaxtooyada ay amnigeeda hayeen ciidamada daraawiishta Galmudug, hase ahaatee laga qabsaday, wuxuuna sheegay in halkaasi ay yaalaan Dukumiintiyo aad u muhiim ah oo ay ku shaqeynayeen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-Galmudug.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa digniin u diray golaha wasiirada maamulka Koofur Galbeed ee dhawaan xilkooda la wareegay. Wasiirada maamulka Koofur Galbeed ayuu sheegay inuu ka sugayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo gudbiyaan waxqabadka 100-ka maalin ee soo socda, isaga oo sheegay in la iskula xisaabtami doono. Wasiirada ayuu uga digay inay soo qortaan waxyaabo aysan qaban karin, maadaama sida uu sheegay loo baahan yahay wasiir walbaa qorshaha uu soo gudbiyo inuu ku dhaqan geliyo 100 maalin kadib. “Waxyaabo aadan qaban karin ha iisoo qoran Wasiir walbaa waxaa laga doonayaa inuu soo qoro waxa uu qaban karo 100 maalin kadib, haddii aad soo qoroto waddo ayaan dhisayaa, Isbitaalo ayaan furayaa oo aad sameyn weyso ogow taasi lagaama aqbalayo”. “Waxaa ka wanaagsan inaad dhahdo 100 maalin kadib caagaan ayaan halkaan ka qaadayaa oo halkaa aan geynayaa, laakiin waxaadan awoodin haddii aad soo qorato ogow lama aqbalayo”ayuu yiri madaxweyne Lafta Gareen. Wuxuu kula dardaarmay golaha wasiirada inay si dhow u wada shaqeeyaan, maadaama howlo badan ay hortaalo maamulkiisa, isagoo shacabka ka codsaday inay dhankooda kaalintooda qaataan. Deegaano badan oo ka tirsan Koofur Galbeed waxaa ku sugan Al Shabaab, waana caqabada koowaad ee hortaala Lafta Gareen. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin Dalka Jordan ayaa xalay ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Guddoomiyaasha Midowga baarlamaanada Carabta kaasoo hor u dhac u ah Shirka 29-aad ee midowga Baarlamaanada Carabta oo ka furmi Caasimada Cammaan oo ah Magaala madaxda Dalka Jordan. Kulanka ayaa Madaxda Midowga Baarlamaanada Carabta waxa ay marka hore iska wareysteen xaaladaha Dalalka Guddoomiye walba uu matalo gaar ahaan howlaha baarlamaanada iyo qaabka ay u shaqeeyaan. waxyaabaha Kulanka aad loogaga hadlay waxaa ka mid ah in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaanada Carabta iyo shacabka Dalalka Carabta,Sidoo kale waxyaabaha aadka diirada loo saaray si gaar ahna ay ka qeyb galayaasha Kulanka uga hadleen ayaa ahaa Arinta qadiyada Falastiin iyo sidoo kale Ajendayaasha shirka weyn ee Midowga Baarlamaanada Carabta ee IPU,waxaana Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS uu qudbad ka jeedin doonaa shirkaasi oo saacadaha soo socda ka furmi doona Magaaladda Cammaan ee Caasimada Dalka Jordan. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka jeediyay khudbad kulanka 46,aad ee Golaha Wasiirrada Wadamada xubnaha ka ah Ururka Islaamka oo Jimcihii ka furmay Caasimadda Imaaraatka Carabta ee Abu Dhabi. Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay had iyo jeer abaal u heyso Ururka Iskaashiga Islaamka sababo ku aaddan taageerrada iyo isgarabtaagga uu muddo dheer u muujinayay, si gaar ahaaneed qarannimada Soomaaliya, madax banaanidiisa iyo bedqabka dhulkiisa. Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa markii ugu horreysay kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ku qabsaday Magaalada Muqdisho 27 Oktoobar, 2018. Ururka waxa kale oo wax ka bedel ku sameeyay xafiiskiisa bani’aadannimo ee Soomaaliya oo loo rogay mid diblomaasiyadeed oo dhammeystiran, iyadoo la tixgelinayo guusha ay gaartay Soomaaliya. Soomaaliya waxa ay martigelin doontaa inta u dhexeysa 29-30 April ee sanadkan Shir maan-hadal ah oo la xiriira la dagaalanka argagaxisada oo ka dhici doona Muqdisho, oo qaban-qaabadeedu leeyahay Ururka Iskaashiga Islaamka. Waxa uu ka codsaday wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka inay taageeraan deyn cafinta Soomaaliya si dhaqsiya loola falgalo sida ay wax u xaliyeen Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika, si degdeg loogu dhiso Soomaaliya, lana dhammeeyo jiritaanka argagaxisada iyo shaqa la’aanta dhalinyarada, waxa uu ugu baaqay in si deeqsinimo ah uga qeybqaataan Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka. Source: goobjoog.com
-
Balcad (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa lagu soo warramayaa in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka Xawaadley oo hoostaga degmada Balcad ee gobolkaaasi. Xiisadan oo ah mid xoogan ayaa waxa ay dhexeysaa labo beeleed oo wada daga deegaankaasi. Dhaq dhaqaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa haatan socda, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Colaadan oo muddo fog soo jiitameysay ayaa waxa ay salka ku haysaa arrimo la xariira dhul beereed, balse waxaa dib u soo cubooneysay dil shalay ka dhacay Xawaadley. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona maleeshiyaadka labada dhinac ay wadaan abaabulo xoogan. View the full article
-
Cadaado (SMN) – Xaaladda magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Galmudug ayaa saaka dagan, kadib markii xalay ay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida maamulkaasi. Guddoomiye ku xigeenka Cadaado Nuur Yarow Xeyle (Shaarba Cade) oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa beeniyay in dagaal uu ka dhacay degmadaasi. Waxaana uu tilmaamay in odayaasha dhaqanka iyo maamulku ay ku qanciyeen maleeshiyaad ku sugnaa xarunta madaxtooyada in ay ka baxaan, laguna guuleystay, kadibna ay la wareegeen ciidamada nabad sugida maamulka Galmudug. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/wareesi-gudoomiye-kuxugeynka-caado-nuur-yarow-xeele-shaarba-cade.mp3 View the full article
-
Cammaan (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin Dalka Jordan ayaa xalay ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Guddoomiyaasha Midowga baarlamaanada Carabta kaasoo hor u dhac u ah Shirka 29-aad ee midowga Baarlamaanada Carabta oo ka furmi Caasimada Cammaan oo ah Magaala madaxda Dalka Jordan. Kulanka ayaa Madaxda Midowga Baarlamaanada Carabta waxa ay marka hore iska wareysteen xaaladaha Dalalka Guddoomiye walba uu matalo gaar ahaan howlaha baarlamaanada iyo qaabka ay u shaqeeyaan. waxyaabaha Kulanka aad loogaga hadlay waxaa ka mid ah in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaanada Carabta iyo shacabka Dalalka Carabta,Sidoo kale waxyaabaha aadka diirada loo saaray si gaar ahna ay ka qeyb galayaasha Kulanka uga hadleen ayaa ahaa Arinta qadiyada Falastiin iyo sidoo kale Ajendayaasha shirka weyn ee Midowga Baarlamaanada Carabta ee IPU,waxaana Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS uu qudbad ka jeedin doonaa shirkaasi oo saacadaha soo socda ka furmi doona Magaaladda Cammaan ee Caasimada Dalka Jordan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-03032019.mp3 View the full article
-
Cadaado (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qorshaha ciidamada NISA iyo DANAB qeybta 21 aad ay ula wareegeen madaxtooyada magaalada Cadaado. Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Galmudug kuna kala sugan Cadaado iyo Dhuusomareeb ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay ujeedada ka dambeysa in ciidamadaasi la wareegaan madaxtooyada magaalada Cadaado. Maxamed Cabdi Aadan oo ah agaasimaha madaxtooyada Galmudug garabka kusugnaa magaalada Cadaado ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka dambeyso qorshaha ciidamada ay kula wareegeen amaanka madaxtooyada. “Waxaa nasiib daro ah in ciidamada DANAB iyo NISA ay weerar ku qaadeen xaruntii Madaxtooyada, halkaasi oo ay joogeen ciidamo daraawiish ah iyo kuwa ilaalin jiray amaanka, ciidamada DANAB oo Gaalkacyo jooga ayaa weerarka soo qaaday”. “Dowladda waxaa ku nasiib daro ah inay ku fashilantay amniga Muqdisho inay sii qalqal geliso amniga maamul goboleedyada, waxaan uga digeynaa in ciidamada la wareegay madaxtooyada ay wax u dhimin agabka madaxtooyada yaalay”ayuu yiri Maxamed Cabdi. Cumar Maxmed Guureeye oo kamid ah masuuliyiinta Galmudug ee ku sugan Dhuusomareeb ayaa dhankiisa sheegay in ciidamo ay xogtooda hayaan ay la wareegeen madaxtooyada magaalada Cadaado. “Ciidamo horey u joogay ayaa laga wareejiyay amaanka madaxtooyada, waxaana lagu wareejiyay ciidamada NISA qeybta Galmudug,anagaa dooranay in ciidamada NISA ee Galmudug la wareegaan amaanka madaxtooyada”ayuu yiri Mr Guureeye. Xogo Caasimada Online heleyso ayaa sheegaya in ujeedada ciidamada loogu wareejiyay madaxtooyada Cadaado ay tahay gogol xaarka doorasho dhawaan la filayo inay ka dhacdo magaalada Cadaado. Caasimada Online Xafiiska Mqudisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Shariif Roobow oo ah khabiir dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ay qaadaneyso wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay Korneel Shariif in dowladda federaalka looga baahan yahay iney la timaado siyaasad amni oo ka duwan midda hadda ay wax ku hagto. Sidoo kale, Roobow ayaa ugu baaqay wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow Ducaale in uu xilkaasi iska casilo, islamarkaana warqaddiisa ruqsada u geeyo ra’iisul wasaare Kheyre. Wasiir Ducaale ayaa ka mid ah wasiirada ugu dhow madaxweynahan Soomaaliya, waxaana dadka qaar ay u arkaan inuu yahay lama taabtaan, aan cidna aysan la hadli karin. Si kastaba, Korneel Roobow ayaa sheegay in qaraxyadu ay sii badanayaan, oo ay joogto noqdeen, sidaas darteedna xubnaha mas’uulka ah amniga ay qirtaan fashilkooda oo ay xilka u dhiibaan ka shaqo wanaagsan. Halkaan hoose ka dhageyso Roobow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/SHARIIF-ROOBOW.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Copenhagen (Caasimada Online) – Dowladda Denmark ayaa ku dhaawaaqday inay xoog u adeegsan doonaan sidii loo soo masaafurin lahaa qaxootiga Soomaalida ee aan xaqa u lahayn inay sii joogaan dalkaasi, kadib markii madaxweyne Farmaajo uu u sheegay inuu jeclaan lahaa in Soomaalida ay dalkooda kusoo laabtaan. Si kastaba, Ra’isul wasaaraha dalkaasi, Lars Løkke Rasmussen ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inay si iskooda dib ugu laabtaan dalkooda hooyo. Ra’iisul wasaare Lars Løkke Rasmussen waxa uu ammaanay xaaladda Somalia, kadib, markii uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo isku arkeen shirkii Carabta iyo Midowga Yurub ee dhawaan lagu qabtay magaalladda Sharma-sehekh ee dalka Masar Waxa uu tilmaamay inuu Madaxweyne Farmaajo sheegay inay faa’ido fiican noqon lahayd, isla markaana uu taageerayo inay dadka Soomaalida dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, si ay uga qeyb galaan dib-u-dhiska dalka Hooyo. Lars Løkke Rasmussen waxa kale oo uu sheegay inay Somalia la leeyihiin iskaashi wanaagsan, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Dowladiisa khasab ku celin doonto Soomaalida aan sharciga lahayn, haddii laga maarmi waayo arrintaasi, waa sida uu hadalka u dhigay. Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta dalka Denmark waxay shaki xoogan ka muujiyeen suurto-galnimadda Dib-u-celinta Khasabka ee Qaxootiga Soomaalida ku nool dalkaasi, balse, Ra’isul wasaaraha Denmark waxa uu tilmaamay inuu jiro Heshiis Qarsoodi oo Toos ah oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo Denmark. Mar sii horreysay, Dowladda Federalka waxay ku gacan sayrtay aragtida ku aadan in dadka Soomaalida ee ku nool dalka Denmark dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo. Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Socdaalka ka ah dalka Denmark, Inger Støjberg waxay bishii December ee sannadkii hore ugu baaqday Qaxootiga Soomaalida inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo, kana qeyb galaan Dib-u-dhiska Somalia. Denmark ma aha dalka kaliye ee ku hawlan inaysan qaabilin Qaxooti cusub, iyadoo kuwii horena dib ugu celinaya dalalkooda hooyo. Sannadkii hore, Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Maatiyo Salfiini waxa uu go’aansaday, inuu diirada saaro masaafuruinta Qaxootiga ku qulqulayo dalkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa Casuumaad u fidiyay Mas’uuliyiin Sar sare oo ka tirsan maamulka Somaliland, kuwaasoo shalay galab u dhoofay dalka Jabuuti. Wafdiggaan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, waxaana ay kulan la yeelan doonaan Madaxda ugu sarysa dalka Jabuuti. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Geelle uu kala hadli doona Mas’uuliyiinta xisbiga tallada haya in ay aqbalaan in dib loo bilaabo Wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan tagay dalka Jabuuti, waxaana uu ka codsaday in uu garwadeen ka noqdo Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu yaqaanaa in uu dadaal badan ku bixiyo Wadahadaladda Umadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiinta ugu sareyso maamulka Hotel Maka Al Mukarama ayaa ka hadlay khasaarihii kasoo gaaray weerarkii Al Shabaab habeenkii Jimcaha ku qaadeen Hotelo ku yaala wadada Maka Al Mukrama. Gureey Xaaji oo ah mulkiilaha Hotel Maka Al Mukarama ayaa sheegay in khasaaro xoogan uu soo gaaray dhismaha Hotelka, oo ay degenaayeen Masuuliyiin kala duwan, isaga oo sheegay in khasaaraha nafeed uu ka yaraa kuwii hore. Wuxuu sheegay in khasaaraha ugu badan uu gaaray qolasha xigay dhanka uu weerarka ka dhacay, wuxuuna cadeeyay ineysan niyad jibin doonin weerarada Al Shabaab ay la eegtaan hotelkiisa. Gureey Xaaji, ayaa sheegay in markii Shanaad ay tahay oo weerar uu kala kulmayo Al Shabaab, islamarkaana uu dhisayo markale hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay inuu wali qiimeynayo khasaaraha maaliyadeed ee kasoo gaaray weerarka ka dhacay Wadada, isaga oo sheegay in weerarkaan uu ka khasaaro badan yahay kuwii hore, maadaama deriskiisa uu saameeyay qaraxa oo xooganaa. “Khasaaro badan ayaa jira Qiimeyn ayaan wadnaa, waan dhiseynaa markale kama carareyno wadanka”ayuu yiri Gureey Xaaji. Hoos ka dhageyso codkiisa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Gurey-Xaaji-oo-ah-milkiilaha-Hotel-Maka-almukaramah-oo-ka-hadlay-khasaaraha-k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaraxyada khasaaraha badan, dilalka daa’imka, waa mid daashaday dadyowga ku dhaqan magaalada Muqdisho. Urugo iyo uurkutaallo ayey la noolyihiin. Ciil iyo carro bay cunaha is hayaan. Hadday hadlaan waa dil, haddii ay aamusaanna la deyn maayo. Waxayna is weydiinayaan, “ goormaa Muqdisho dhibaatadan ka dhamaaneysaa”?! Iyadoo ay jiraan waxyaabo badan oo sabab u ah amni darrada, balse ii ogowlow inan kula wadaago Saddex waxyaabood oo si uun la iskaga indha-tirayo saameyntooda. 1 – Xilalka oo loo xusho cid aan ehelkeeda aheyn Sideedaba, aduunyada howl weliba waxey leedahay cid gaar ah oo Ilaahey takhasuskeeda siiyay, haddii la waayana waxaa adag qabashada howshaas ama ka guul gaarideeda. Howsha amaanka ma ahan howl sahlan, waxay u baahantahay dad aqoon iyo aqool u leh sida loo waajaho, sido kale leh qibrad ku filan xasaradaha markaas taagan oo lagu daray daacadnimo. Kasoo horjeedka taas, haddii amaanka loo wakiisho cid aanba meel laga maro aqoon u laheyn , asii lagu soo xushay xigto iyo xaal kale, waxaad sugtaaba waa fashil ku yimaada howshaas. Maxaa yeelay shaqsiga wuxuu wax ka qaban karaa kaliya waxa uu aqoonteeda ama qibradeeda leeyahay. Waqtigan la joogana magaalada Muqdisho waxay u baahantahay inay amaankeeda wakiil uga noqoto cid leh aqoonteeda iyo qibradeeda kuwaasoo ka madax banaan caburin cid kale kaga timaada. 2 – Isla Xisaabtan la’aan Isla xisaabtanku waa waxa keliya ee shaqsiga bini-aadamka ah uu howshiisa si sax uga soo bixi karo, haddii taasi meesha laga waayana, waxaa is ka yar cid howsheeda xil adag iska saarta. Haddii isla xisaabtan jiro, fal kasta oo dhaca, waxaa ka danbeeya baaritaan dhab ah oon afka aheyn, kaasoo lagu ogaanayo halka ay dhibaatada ka timid. Bal qiyaas inta qarax dhacday, iyo inta naf uu galaaftay, weli ma jirto cid loo xukmiyay amaba xilkeeda ku weysay. Isla xisaabtan hadduu jira waxaa yaraanaya musuqa ka dhex jira ciidamada amaanka dhexdooda. Sarkaal iyo askari kasta wuxuu ka taxadirayaa howsha loo igmaday. 3 – Xukun Fulin la’aan Xabsiyada magaalada muqdisho waxaa ka buuxa, gacan ku dhiigyaal aan tiro laheyn, xukunkoodu ahaa in tiirka la geeyo, nasiib darro taas ma dhicin, sabata aysan u fulina ma ahan mid aad jawaabteeda iga sugeyso. Tiro maleh darowalada kaxeeya mootooyinka Bajaajta ee lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaan shacabka loo sheegaa in lasoo qabtay askarigii dilka geystay, nasiib darro xukunkiisu ma dhaafo xabsiga, in lasii daayayna labadeenaba war uma heyno. Waxaana halkii kasii socda dilalkii ay geysan jireen qaar ka mid askarta dowladda. Yaanan ka reebine, waxaa iyagana xabsiga buux dhaafiyay Kuwo iyagoo wax qarxinaya iyo qaar dilal fulinaya oo lasoo qabtay, iyagana xabsiga ayey ku jiraan; welina wixii ay mudnaayeen ma marin. Bal malee, Haddii amaanka loo dhiibo cid ehel u ah, aqoon iyo qibrad u leh taasoo daacadnimo lagu daray, hubaal is bedel amni ayaa jiri lahaa, sido kale, cid kasta haddii mas’uuliyadeeda si dhab loogala xisaabtamo, waxaa yaraan lahaa shaqsi howshiisa dayaca amaba musuqmaasuqa. Si la mid ah, kuwa daalimiinta ah haddii xukunka ay mudanyihiin lala tiigsan lahaa waxaa joogsan lahaa gaboodfallada iyo dhiigga shacabka oo si fudud lagu daadinayo, waxaana jiri laheyd cabsi laga qabo xukunka caddaalada. Qof weliba intuu dayacuu dabkiisa soo gaaraa W/Q Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Waxaa dhammaan culimmada arrimaha bulshadu isku raaceen in horumarka bulshada, xasilloonida siyaasadda iyo guud ahaan qummaati u socodka bulshadu uu si toos ah ugu xiran yahay heerka musuqmaasuqa ee dal. Dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ah waxay ku kala duwan yihiin heerka xakamaynta musuqmaasuqa,lagamana yaabo in bulsho saboolnimo iyo rafaad ka baxdo iyadoon musuqmaasuqa xakamayn. Dalalka Ayslaand(Iceland) iyo Singapore oo ah laba dal oo aan lahayn khayraad badan oo dabiici ah waxay xagga nolosha iyo hodantinnimada dunida uga jiraan meesha ugu sarraysa, sababtuna waa musuqmaasuqa oo ay la dagaallameen ilaa heer ciribtir ku dhow. Dhinaca kale dalalka Afrika waxaa halakeeyey musuqmaasuq inkastoo ay kheyraadka dabiiciga ah hodan ka yihiin. Dalkeennu meesha uu kaga jiro qiimaynta musuqmaasuqu waa wax laga yaxyaxo,waana tan keentay inaynnu qaxooti kuwada noqonno gude iyo dibedba. Qofkii Soomaali ah oo ay dani ka hayso dalkiisa iyo dadkiisa oo ka gubanaya dhibaatada ina haysata waa inuu mawqif cad ka qaataa musuqmaasuqa. Waxaa laga yaabaa in la is weydiiyo maxaa qofka caadiga ahi arrintan ka qaban karaa.Waa suaal meesha ku jirta, laakiin waxaa mudan inaan la illaawin in madaxdu ay dadka ka dhasheen. Haddii bulshadu u aragto musuqmaasuqa wax xun oo la mid ah tuugnimada iyo falalka kasii daran, waxaa hubaal ah in musuqmaasuqu yaraan lahaa,qofka musuqmaasuqa samaynayaana la dhuuman lahaa.Bulshadeenna, nasiib xumo waa lagu faanaa boobka iyo wax isdaba marinta,taasoo keentay inaan lala dhuuman waayo dadka ayaa aqbalay. Musuqmaasuqa maamulka waxaa ugu waaweyn. 1. Xatooyada hantida loo dhan yahay oo qof masuul ahi boobo. 2. Laaluushka oo lagu xiro adeegyada bulshada, ama lagu kasbado waxaan qofku xaq u lahayn. 3. Eexda oo qabyaaladdu hoos timaaddo. Dhibaatada musuqmaasuqu waa ka daran tahay dagaallada iyo aafooyinka dabiiciga ahba, mana jiro dhibaato bulsho ku faafta oo ka darani. Musuqmaasuqu wuxuu horseedayaa inaan wax u qabsoomin dalka, akhlaaqda dadka oo gebi ahaanba xumaata, waxbarashada iyo aqoonta oo aan qiime lahayn iyo isnaceyb bulshada dhex gala. Dhinaca kale haddii bulsho ku guulaysato inay xakamayso musuqmaasuqa waxaa miraha loo arkayaa si dhaqso leh oo u eg mucjiso. Haddii mid ka mid ah dawlad goboleedyada dalku arrintan xoog saarto waxaa hubaal ah in muddo gaaban uu gobolkaasi ku noqonayo kan ugu fiican dalka. Waxaa kordhaya nabadda, maalgashiga iyo dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha oo si degdega u kobcaya, dadkuna shaqo ayey helayaan dawladduna canshuur. Dadku canshuurta bixinteeda dhib u arki mayaan markay ogyihiin in iyaga wax loogu qabanayo. Dalalka adduunka ugu musuqmaasuqa badani waa muslimiin,taasina waa mid khasbaysa in la isweyddiiyo sababta iyo meesha wax iska daba marsan yihiin. Islaamku waa diidayaa khayaano iyo wax isdabamaris, boob iyo dulmi. Quraankuna dawladnimada laba shardi buu siiyey oo ah wadatashi iyo caddaalad. Wadatashiga(Shuuraa) waxaa la dhexgeliyey salaadda iyo sakada taasoo tusinaysa waajibnimadiisa(Alshuuraa 38). Intaa wixii ka badan iyo sida wadatashiga loo agaasimayo dadka ayaa loo daayey maadaama islaamku yahay diin loogu talagalay dadkoo dhan meelkasta iyo waqti kasta. Markii nebigu(NNK) dhintay waxaa talada la wareegay Abuubakar Alsiddiiq oo dood badan ka dib la isku raacay inuu noqdo hoggaamiye. Wacyiga siyaasadeed ee markaa jirey iyo xaaladda dhaqan-dhaqaale ee bulshadii carbeed waqtigaa waxay doorashadaasi ahayd mid hufan, doorashadii labadii khaliif ee ku xigeyna khilaaf badani kama dhalan. Laakiin in hoggaamiyuhu awood buuxda yeesho, siduu doonana u maamulo dhaqaalaha iyo magacaabidda guddoomiye goboleedyada iyo jagooyinka kaleba waxay ahayd waxaan is weydiin lahayn. Dunida deriska la ahayd dhammantood waxaa xukumay boqorro aan hadal lagusoo celin. Awooddaasi xad dhaafka ah waxay ahayd tay muslimiintu ku garaadsadeen. Afartii khaliif ee hore waxa jirey Alle ka cabsi iyo dareen in hantida dadku wada leeyahay, markiise Umawiyiintu xukunka la wareegtay waxay u arkayeen inay tahay hanti iyagu leeyihiin,dadka kula muransanina inay ka kacsadaan bay rabeen ee ma dhaliilsanayn maaraynta Umawiyiinta. Cabbaasiyiintu raadkii Umawiyiinta ayey mareen haddaysan ka darraynba. Boqorkii cabbaasiga ahaa ee labaad Abuu Jacfar Almansuur waxaa laga weriyey inuu dadka maalin carrafo ugu khudbeeyey hadal uu ka mid ahaa; “War dadow waxaan ahay suldaankii Alle dhulkiisa,waxaan idinku maamuli tawfiiqdiisa iyo toosintiisa. Kayd-hayehiisa baan ahay, waxaanan wax ku qaybin dooniddiisa, waxaanan ku bixin idankiisa. Quful buu iiga dhigay,hadduu rabo wuu I furi, hadduu rabana waa i xiri…”. Hadalku meeshuu u dhacayaa waa in qofkii ka horyimaada xukunkiisa uu Alle ka horyimid, wuxuu sameeyana Alle sameeyey! Qolo kasta oo diin xukun ku raadsataana sidaas bay Alle isaga hormarin. Dhammaadkii waqtigii Umawiyiinta iyo bilowgii Cabbaasiyiinta waxaa bilowday xilliga la diiwaan geliyey fiqiga mad-habadaha, la uruuriyey axaadiista, xeerarka fiqigana la dhidbay. Culimmadu way ogeyd inaysan ka hadli karin xukunka kii naftiisa nacay mooyee. Heshiis aan qornayn buu noqday in culimmadu waxay rabaan oo kale ka doodaan laakiin aysan siyaasadda faragelin. Marar badan fatwooyinka madaxdu rabto ayaa shaar diineed loo gelin jiray. Axaadiis nebiga(NNK) afka loogu tiray oo qabiil ama qoys xukunka siiyey, qolo kalena u diiday, ama dardaaran inaan madaxda laga hor imaan wax kastoo ay sameeyaanna waa la weriyey. Taasaa keentay in weysada laga qoray kutub waaweyn oo badan,laakiin siyaasadda aan fiqiga lagu darin. Wahaabiyadu(Salafiyadu) markay ka hadlayso dawlad islaami ah waxay ka hadlaysaa mid u eg tii Cabbaasiyiinta iyo Umawiyiinta oo uu nin siduu doono ka yeelo dalkoo idil. Shardiga keliya ay ku xirayaan waa in la fuliyo xuduudda sida iyagu u arkaan in ay sax tahay, iyaguna xukunka qabtaan maadaama aysan cid kale muslim u aqoonsaneyn.Taasina waa musuqmaasuq shaar diineed loo gelyey, sida Almansuur. Taariikhdu horay bay usocotaa ee gadaal uma socoto,waana sunnada Alle ku abuuray dunida. Dawladihii Cabbaasiyiintu waa ka liiteen kuwa ugu xun ee maanta jira,in haddana la hiigsado iyadoo weliba diin laga dhigayo waa doqonnimo iyo diin la,aan wada socda. Sababaha keenay in muslimiintu ugu musuqmaasuq badan yihiin dunida waxay u badan tahay sababtaas ah in culimmadii ugu waaweyneyd ee mad-habaduhu sida Shaafici iyo raggii waqtigiisii ay aqbaleen madax musuqmaasuqa, culimmada islaamkuna intooda badani ma garan in adduunku is beddelay, intooda badanina ma laha aqoon dhaafsan fiqiga la xafidsiiyey. Sidaa awgeed waa dhif inaad maqasho wadaad dhaleecaynaya boobka xoolaha masaakiinta oo agoon badani ku jirto. Ma jiro haba yaraatee xoolo ka xun oo la boobo kuwa dadka ka dhexeeya diin ahaan,mana jiro dambi ka dhibaato badan musuqmaasuqa guud ahaan. Wahaabiyada hubaysan waxay kaloo meesha ka saartay in lala xisaabtamo madaxda dalalka muslimiinta ah waayo cadaadiska dadka iyo boobka hantida waxay sabab uga dhigayaan la dagaallan argagixiso, waana dhab in hanti badan la geliyo la dagaallankooda. Dawladahaas musuqmaasuqa ahi dhanka kale dan bay u yihiin wahaabiyada waayo waxay wahaabiyadu dadka kusoo jiitaan xumaanta madaxdaas. Labada qolo waa isu baahan yihiin oo mid kastaa kan kale kama maarmo. Haddii wahaabiyadu dagaalka joojiyaan madaxda muslimiinta waa lagusoo jeedsan. Haddii madax fiican la helana wahaabiyadu heli meyso waxay dhallinyarada ku duufsato. Gaashaanbuurtaas habaaran ayaa dalalkii muslimiinta ka dhigay meel laga qaxo ama silic loogu noolaado. Dalkeenna 30kii sano ee uu ahaa dal is-haysta waxaa musuqmaasuqu ugu yaraa sannadadii u dhexeeyey 1970-1975, waana waqtiga waxa ugu badani u qabsoomeen dalka. Dhismaha jidadka,tiyaatarrada, dekedaha, qoriddii Afka, tababarkii bareyaasha dugsiyada hoose, dhexe, sare, tallaalkii carruurta, habayntii jaamacadaha iyo mac-hadyada sare , badbaadintii dadkii abaaruhu naafeeyeen 1974kii iyo waxyaabo kale oo badan. Haddaynnu rabno inaynnu dhibaatada ka baxno, dunidana wax la qaybsanno waa inaynnu dhammaan la dagaallannaa musuqmaasuqa. Waa inaynnu ku taageernaa madaxda cudurkan kasoo horjeedda af iyo addin, dhaleeco iyo ceebaynna kala hortagnaa qof kasta oo aynnu ku tuhunno. Musuqmaasuqu waa cudurka inaka hortaagan inaynnu noqonno dad isku filan oo dunida sharaf ku leh, madaxda keliyihina wax kama qaban karto. Dagaal la mid ah kii gobannimo doonka waa in lagu qaadaa waayo waa gumeysi qarsoon oo foolxun. Wa Billaahi Tawfiiq W.Q: Cabdiraxmaan Cilmi Xaashi Email: Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
By: PETER KAGWANJA for Daily Nation On February 19, 2019, the Africa Policy Institute convened a meeting of academic and policy experts on the Somali crisis. Framing the debate was a new book, The Roots of the Somali Crisis: An Insider’s Memoir (2018) by Colonel Ahmed Omar Jess, a key figure in Siad Barre’s military Junta and the civil war. Debate was also informed by two new volumes: Making Sense of Somali History (vol. 1 & 2) by Dr Abdurahman Baadiyow, a Somali Islamic scholar and Chair of the Board of Trustees of Mogadishu University who was also a speaker during the forum. Conceptually, the story of Somalia and the larger Horn of Africa is a tale or two rival ideologies. It is a story of a region trapped in militarism, the belief in a strong military as the basis of state power to aggressively defend and expand national interests. It is also a tale of transition from ‘old Somalia’ characterised by militarism to ‘new Somalia’ aspired by the quest for democracy and development as the face of the new Horn. NATIONALISM As a philosophy, militarism reflects the Hobbesian state where “life is solitary, poor, nasty, and brutish and short”. Militarism in the Horn of Africa, as elsewhere, inspired expansionist and irredentist agendas. Militarism may have long roots in what the Kenyan scholar, Ali Mazrui, described as the “warrior tradition” in modern Africa. Paradoxically, anti-colonial nationalist resistance by historic figures such as Sayid Abdullah Hassan (also known to the West as the ‘Mad Mullah’) in Somalia or Dedan Kimathi in Kenya rendered a moral tinge to militarism. After independence in 1960, anti-colonial nationalism morphed into pan-Somali nationalism. As Omar Jess rightly observed, “Pan-nationalism was not a subject of discussion then. You were supposed to accept it without question.” SHIFTA WAR Propelled by militarism, old Somalia diverted resources meant for development and state building to funding irredentism to ‘liberate’ the remaining Somali regions in Kenya, Ethiopia and Djibouti as part of its pan-Somali nationalist agenda. This put Somalia at great odds with all its neighbours, sparking the Shifta War with Kenya (1963-1967) and the Ogaden War with Ethiopia (1977-8). The Ogaden War dismantled Somalia’s military machine, setting the stage for revolt in the army that eventually plunged the country into a civil war, state collapse and anarchy. The return of the Somali state after 2012 has given legs to the idea of ‘new Somalia’. Based on the ideology of progressivism, the new Somalia is riding the crest of liberal advocacy for reforms to entrench democracy, development and improve society. As a philosophy, progressivism envisions a Lockean state where life is peaceful, productive and prosperous. ECONOMY In Somalia, decline of militarism and the soaring fortunes of progressivism have kindled hope for ‘democratic peace’ in the Horn of Africa based on the theory that democracies seldom go to war with each other. Driving the ‘new Somalia’ reformist agenda is a small elite returning home from Somalia’s sprawling diaspora in America, Europe, Oceania and Africa. Somalia’s modernisers are transforming their country into a new business destination in East Africa. By 2018, Somalia was hosting over 50,000 Kenyans working in various sectors of its economy. Despite the reforms, ‘new Somalia’ is still trapped in the politics of interregnum, where the old militaristic order is dying but a new progressive dispensation has refused to be born. The federal member states and the Federal Government are locked in fierce tension which has impeded the development of a strong state. PEACE The federal member states have resisted efforts by the Federal Government to enforce its constitutional authority over them and jealously guarded their degree of autonomy over regional affairs, the right to maintain their own police and security forces while seeking more resources and greater role in foreign affairs. However, a wind of change sweeping over the Horn of Africa region is giving new impetus to shift from militarism to progressivism. The election of Dr Abiy Ahmed Ali as Prime Minister on April 2, 2018 set off a reformist dynamic in Ethiopia. Changes in Ethiopia have led to a surprise peace and cooperation deal with Eritrea on July 7, 2018, ending nearly three decades of stalemate. The meeting unfolded against the backdrop of the ongoing diplomatic row between Kenya and Somalia over their disputed maritime border in the Indian Ocean. DIPLOMACY Like Somalia and Ethiopia, the Mau Mau war of liberation in the 1950s had set Kenya on the path to militarism. But the military defeat of the nationalist fighters undermined popular appeal to militarism. Today, Kenya is a special regional power in Eastern Africa, touted as “the Switzerland of Africa” because of hosting refuges, business people and the power elite of its neighbours and providing support to peace processes. The ongoing diplomatic row between Kenya and Somalia over a protracted maritime territorial dispute reveals that the Horn of Africa is still vulnerable to militarism, which is itself alive and well. Somalia’s response was surprisingly calm and composed, portraying a ‘new Somalia’ that seems willing to be at peace with its neighbours. The expert meeting identified dismantling militarism and progressing towards democracy in the Horn of Africa as the main challenge of the 21st century. RESOLUTION Kenya and Somalia should use quiet diplomacy rather than megaphone diplomacy, and utilise the framework provided by the Joint Commission of Cooperation to addressing disputes between them. They need to continue the partnership, demilitarise the region and defeat Al-Shabaab terrorism by fostering a conducive business investment, grow the economy and create jobs for the youth, thus draining the swamps of radicalisation. Peter Kagwanja is former Government Adviser and currently Chief Executive of Africa Policy Institute (API). This article is based on the Report of the Policy Forum on: Beyond The Somali Crisis: Echoes from the Past, Lessons for the Future, February 19, 2019.