Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar Afka ah ku qaaday Xildhibaannada Haweenka Muslimiinta ah soo galootiga ah ee ku jira Aqalka Hoose ee dalka Mareykanka, isagoo si gaar ah u abaaray gabadha gobolka Minnesota ku matasha aqalka Congress­ka Mareykanka. Hadal uu ka jeediyay shir looga hadlayay siyaasadda ayuu ku sheegay iney jiraan Xildhibaano neceb mareykanka, iyadoo marka uu hadalkiisa intaasi ka sii dhamaanayay ay ku dhawaaqeen magaca Ilhaan Cumar qaar kamid ah dadkii goobta fadhiyay. “waxaan ku heynaa aqalka hoose ee dalkan Xildhibaanno soo galooti ah,kuwaas oo neceb Mareykanka” ayuu yidhi madaxweyne Trump, iyadoo hadalkiisa aad looga hadal hayo baraha Bulshada. Madaxweynaha Mareykanka ayaa u muuqdo mid doonaya inuu dib u soo cusbooneysiiyo dagaalka afka ah ee kala dhaxeeya Ilhaan Cumar, isagoo dib u soo kiciyay dood ku saabsan loolanka u dhaxeeya isaga iyo Xildhibaannada ku jira Aqalka hoose ee ka socda Xisbiga Dimuqraadiga ah. Aqalka a Congress­ka Mareykanka waxaa dhawaan ku soo biray Ilhaan iyo Rashida Tlaib oo ah Gabdhaha uu heysto Trump ee ka soo jeeda Soomaaliya iyo Falastiin, iyagoo u taagan ka hortagida Siyaasada Trump waxeyna aad u cambaareeyaan siyaasadihiisa muslim naceybka ku dhisan. Xiisada Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa banaanka u soo baxday bishii hore, xiligaas oo uu ugu baaqay iney iska casisho xubinimada Aqalka Hoose, iyadoo ku tilmaantay Trump inuu yahay shaqsi noloshiisa oo dhan lagu yaqaano naceybka Muslimiinta iyo dadka qaxootiga. Mareykanka ayaa waxaa si indha la’aan ah uu u taageeraa Israel, waxaana Trump uu u aqoonsaday Magaaladda barakeysan ee Qudus bishii December ee 2017 inay tahay caasimadda Yahuudda, taasoo dunida si kala duwan uga falcelisay. Source
  2. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-03032019.mp3 View the full article
  3. Madaxtooyada dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa war ka soo baxay looga hadlay xiisada ka dhalatay ciidammada ka tirsan NISA ee xalay la wareegay xarunta madaxtooyada Galmudug ee [...] Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ilaalada ka ah Madaxtooyada ayaa Xalay iyo Saakay lagu arkay iyagoo baaritaano wada Xaafado kamid ah magaalada Muqdisho kadib markii Shalay la duqeeyay Xafiisyo ku yaala Villa Somalia. Ciidamadaan ayaa Xalay howlgalka ka sameeyay Xaafado ku yaala dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana ka tirsan degmada Wardhiigley ee Gobalka Banaadir, waxaana la sheegay in ay galeen dhowr guri oo halkaasi ku yaalo. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Ciidamada guryihii ay galeen, guri kamid ah ay ka soo qabteen qaar kamid ah qoyskii daganaa waxaana lagu tuhunsan yahay in ay hoobiyaashii lagu weeraray Villa Somalia. Sidoo kale Ciidamada loogu tala-galay ilaalada Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha ayaa saakay aroortii hore howlgal ka fuliyay Xaafado kamid ah degmada Deyniile ee Gobalka Banaadir. Baaritaanka ay saakay sameeyeen Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ayaa la sheegay in uu daba-joogo howlgalkii xalay iyo duqeyntii shalay ee lagu garaacay Madaxtooyada Soomaaliya. Lama sheegin ilaa hada howgalkii saakay wax dad ah oo lagu soo qabtay. Dad badan ayaa is weydiinayaa sababta ay Ciidadamada Ilaalada Madaxweynaha u sameeyeen baaritaankaan iyadoo ay joogaan Ciidamada kale ee loogu tala-galay baaritaanka arimahaan oo kale. Arintaan ayaa muujineysa in amaanka magaalada Muqdisho uu marayo meel aad u liidato ayna dhici karaan qatarro kale oo dhinaca amniga ah. Dad badan ayaa ka walaacsan amnigooda waxayna dowladda ka dalbadeen in ay ka shaqeyso nabad-galyada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Cantar oo ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxa uu sheegay in aanu siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur ka mid ahayn xisbiga WADDANI, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Aadan Sunne oo muddo ku dhow laba sanno ku jira jeelka Hargeysa, ayaa saaka la geeyay cisbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa. Ehellada sheekha ayaa sheegay in caloosha dhaawac kasoo gaadhey markii ay qabanayeen ciidamada RRU-da, oo uu gurigiisa kasoo xidhay. Shalay ayay ahayd markii warbaahin ay ka mid tahay Somalilandtoday ay baahiyeen warka xaaladda caafimaad ee Sheekh Aadan Sunne oo ay baraha bulshadu soo galisay gabadh uu dhalay Sheekhu. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland, Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, ayaa xilkii ka qaadey Maareeyihii TVga Qaranka Somaliland, Muuse Faarax Jaambiir, isagoo xilkaasi u magacaabey Weriye Maxamed Cali Weji. Halkan hoose ka akhriso: Source
  8. War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in Duullaan Xalay ay Dowladd Federaalku Ku Qabsatay Xaruntii Madaxtooyada ee Cadaado. “Ma aha in taag-darri loo qaato Dulqaadka iyo u turidda Dowladda Galmudug. Galmudug marna gorgortan kama galeyso amnigeeda iyo wadajirka deegannadeeda. Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Galmdug meel kasta oo ay joogaan in ay nagu gacan-siiyaan difaaca deegaankooda iyo midnimada dowladdooda” Ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxaan ugu baaqaynaa Beesha Caalamka in ay hubiyaan in aan taageerada ay Soomaaliya siiyaan loo adeegsan burburinta iyo colaad hurinta Soomaalida dhexdheeda” Ayaa ugu danbeyn la sii raaciyay warsaxaafadeedkan. Puntland Post The post Gal-Mudug “Dowlada Soomaaliya ayaa weerar nagu soo qaaday” appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-XIldhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Cadaado. Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ay leedahay abaabulka waxyaabaha ka dhacaya magaalada Cadaado, isaga oo weeraray taliye ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin. Qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa u qornaa Sidan:- Waa tallaabo kale oo qaldan oo damaca indhaha la’ ee Villa Somalia uu garwadeen ka yahay In xaruntii madaxtooyada Cadaado lagu qabsado ciidamada NISA iyo XDS ee qeybta 21-aad. Waxayna tani ka marqaati kacaysaa In Madaxweyne Farmaajo kursigii Villa Somalia uu ku filnaan waayey oo kuraastii dawlad goboleedyada uu hunguri ka galay ayadoo uu hanan la’yahay oo uu ku fashilmay amniga MUQDISHO. Ciidamada Fahad Yaasiin ee NISA ee horey u qabsaday Baydhabo, dad badanna ku laayey, Uma malaynayo In qorshahaasi uu suurtagal ka noqon karo GALMUDUG. Ciidamada magaca qaranka wata waxaan ugu baaqaynaa In ay hawlaha siyaasadda ka baxaan, haddii ay dhul-qabsanayaan waxaa jira Dhul ballaaran oo gacanta Alshabaab ku jira, laakin aan laga aqbalayn In xarumo maamul qabsashadooda ay Guul nooga dhigaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Maxamed, wiil magaciisa lagu soo gaabiyey, oo aad muuqaalkiisa Kaamerada qarsoon ka aragtaan, ayaa noqday todobaadkan dhibbanihii ugu dambeeyey tacadiyo joogto ah oo ay ciidamada Masaarida ku hayaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Qaahira, ee dalka Masar. Sida uu sheegayo dhibanaha iyo xataa Soomaalida la joogtay, waxaa ay rag booliis ah ka qabteen Xayi Caashir, Madiinat Al-nasri ee Qaahira, Bustoolad ayaa lagu qabtay, waana la garaacay, si xoog ah ayaana lagu waday, kadibna waxaa laga soo qaatay Lacag gaareysa A 46000 Geniga Masar iyo kaarkii aqoonsiga, baasaboorkii, mobilkii iyo jaakad. Kadibna dhul magaalada ka baxsan oo Saxaro ah ayaa lagu tuuray. Saacado kadib, Maxamed waxaa uu saldhigga Madiinat Al-nasri geeyey film muujinaya jir-dilka ay u geysteen raggii booliiska ahaa, markii hore waxaa ay iska dhigeen dad wax ka qabanaya arrintan, maadaama ay aqoonsadeen ciidamada waxyeellada geystay, laakin markii si gaar ah isu wareysteen, waxaa ay dhammaan la soo baxeen weji kale, waxaa ay dhaheen been ayaad sheegeysaan, iyaga oo ugu hanjabay Maxamed inuu meesha isaga tago, haddii kale daroogo lagu nabi-doonno. Ciidamada intaas kuma ekaane, waxaa ay u wadeen gurigiisa, iyaga oo is leh lacag ayaa taalo si xunna way u fatasheen, ugu dambeyntii waxaa ya dhaheen “bax, dacwana ma geyn kartid saldhig ama meel kale”. Dhacdadan ma aha markii ugu horeysay, ee ay la kulmaan ardeyda iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee dalka Masar, gaar ahaan kuwa ku nool Madiinat Al-Nasri, Ciidamadu waxaa ay caadeysteen mar walbo in dadka Soomaaliyeed dhibaateeyaan, kulana kacaan dhac, jir-dil iyo beegsi gaar ah, waxaa ay xalaaleysteen xoolahooda. Ciidamada Masaarida ayaa si joogta u yimaada xaafadda xayi caashir, iyaga oo dhac, jir-dil iyo hanjabaad joogta ah ku haya jaaliyadda Soomaalida ee halkaasi ku nool, waxaa ay sidoo kale xoog ku qaataan lacago loogu talo-galay ijaar-ka guryaha, lacagta waxbarashada, biil-ka, ganacsi iyo mashaariic ay jaaliyaddu ku maal-gelineyso dalka Masar. Isla bishan, dhibbane kale oo magaciisa ku soo koobay Cabdullahi ayaa sheegay“ Aniga oo jooga Xayi Caashir, waa ii timid 2 nin oo askar ah, sharciga ayey i weydiiyeen, waan tusay, kadib xoog ayey igu wadeen, meel duur ah ayey geysteen, waana i jir dileen, kadibna waxaa ay iga qaateen lacag $3,000 kun ka badan, waxaa kaloo ay iga qaateen Mobilka iyo cardkii aqoonsiga”. Mar aan weydiinay inuu saldhigga tagay, waxa uu ku jawaabay “Dawco waan gudbiyey, isbitaal tag ayey i dhaheen, waxaas dhan waan sameeyey, laakin haddii aan tago niyaabada rajo fiican kama qabo, waayo kuwoo iga horeeyey ayaa lacag laga qaatay 30,000 oo geni waxna lagama qaban”. “Nin Soomaali ah ayaa isana laga qaatay $600, mid kale oo gaari watay, waa la istaajiyey, oo waxaa laga qaatay 70,000 oo geni iyo $1,000, markaas ka hor lacago badan ayey dhaceen oo qaarkood maxkamad yaalo kiiskooda, dhacu waa joogto”, sidaasi waxaa sheegay qof kale oo Jaaliyadda Soomaalida ee Masar ka tirsan. Jaaliyadda Soomaalida ee Masar waxaa ay sheegeen in dhibkaas dartiis ay qaar ka mid ah u guureen dalka Turkiga, in badanna ay hadda ku fakerayaan sidii ay hantidooda ula bixi lahaayeen. Soomaalida deggan Masar waxaa u badan ardey iyo qaar kale oo ganacsato ah, waa dad ka cararay dagaallo, oo nabad raadiyey, ma aha dambiilayaal, waxaa ayna shacabka Masar ula dhaqmaan si wacan, oo ixtiraam iyo walaaltinnimo ah. Jaaliyadda Soomaalida ee Masar waxaa ay fahmi la’yihiin sababta loo beegsanayo xoolahooda, waxaa ay sidoo kale si gaar ah uga cabanayaan saldhigga Madiinat Al-Nasri, Qeybta 1aad oo marar badan wax ka qaban waayey cabashadooda,. Ugu dambeyntii, Jaaliyadda waxaa ay codsi u dirayaan maamulka madaxweyne Cabdifitaax Al-sisi, iyaga rajo ka qabo in dowladdiisa ay soo farageliso xaaladda iyo dhibaatadan joogtada ah, waxaa ay sidoo kale dowladda Soomaaliyeed iyo safaaradda Soomaaliya ee Qaahira ka dalbanayaan inay ka hadlaan dhibaatada lagu haayo Soomaalida Masar, si loo gaaro xal waara. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isaga oo kusii jeeday magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qeyb galaya shir Muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed iyo haweenka. Shirkaasi ka dhacaya magaalada Geneva waxaa looga hadlayaa shaqo la’aanta dhalinyarada iyo haweenka, waxaana Kheyre laga filayaa inuu shirkaasi la tago heerka shaqo la’aan ee dhalinyarada Soomaaliyeed iyo qorshaha xukuumadiisa. Inta uu joogo magaalada Geneva, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadal ka jeedinayaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka oo ka dhacaya isla magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa heysta shaqo la’aan badan, waxaana xukuumadda marar badan ay shaqo abuur u sameysay dhalinyarada degmooyinka Gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khaye, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u amba baxay baxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Geneva uga qeyb gelaya kulamo looga hadlayo arrinmaha shaqo la’aanta dhallinyarada iyo haweenka. Inta uu joogo Geneva, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadal ka jeedinayaa kulanka Golaha xuquuqul. Sidoo kale Ra’isilwasaare Kheyre ayaa la kulmi doono jaaliyada Soomaalida ee ku sugan Switzerland . Puntland Post The post Ra’isilwasaare Kheyre oo u amba baxay Geneva appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho ( SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khaye, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho gaaban ugu baxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Geneva uga qeyb gelaya kulamo looga hadlayo arrinmaha shaqo la’aanta dhallinyarada iyo haweenka. Inta uu joogo Geneva, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadal ka jeedinayaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka. View the full article
  14. The speaker of Somalia’s parliament Mursal Abdirahman is in Jordan for the 29th Conference of the Arab Inter-Parliamentary Union (APU). The meeting kicked off on Sunday in Amman, under the theme “Jerusalem is the Eternal Capital of the State of Palestine” and with the participation of the heads of 16 Arab parliaments and representatives of other parliaments. The conference represents an opportunity to restore the cohesion of Arab parliamentary action and unite their stances in a way that enables coordination and mobilisation in the mobilization the nation’s central issues, on top of which is the Palestinian cause. The speaker expressed hope that the conference would strengthen Arab parliamentary cooperation to overcome the challenges facing Arab countries. Somalia has been beset by a two-decade-long conflict that besieged the country from the world due to lack of an effective functioning government in place. View the full article
  15. The US Federal authorities are looking into reports that a hateful message targeting U.S. Rep. Ilhan Omar was scrawled onto a bathroom stall at a Twin Cities gas station. The message, written in black marker in the men’s room, read: “Assassinate Ilhan Omar.” It came to the attention of customer Brian Raines, who had stopped by his local Holiday gas station in Rogers on Feb. 22. Raines, a father of two children and a U.S. Navy veteran, said he asked the manager why he hadn’t covered up the message. Raines said the manager seemed annoyed by the question, rolled his eyes, and responded that he was waiting for the corporate office to send out a painter. “I said, ‘You didn’t think about covering it up yourself?’ ” Raines recalled. “You don’t need a painter to come out on a Saturday to do the right thing.” Raines said he walked back to his truck, still bothered by what he experienced. So he pulled up a picture he took of the message and posted it to his Instagram page, predicting — correctly — he would be trolled by people accusing him of making it up. The post didn’t gain much traction until Omar tweeted it Friday afternoon. Raines said more people need to come forward and shed light about hateful, racist or anti-Islamic rhetoric they hear in their communities. “If we don’t take a stand and we don’t put our name to this stuff, and we don’t stand up and be principled, this stuff is just going to continue to flourish,” Raines said. “I don’t want a bunch of white nationalists with tiki torches marching down my street. This kind of stuff just has to stop.” Raines said he has never met the Democratic congresswoman, who last fall became the first Somali-American elected to Congress. He suspects whoever wrote the message is targeting her because she’s Muslim, black and a refugee. Raines said even if people disagree with Omar’s politics, attacking her with such venomous speech is not acceptable. “In this country, we just don’t call for the assassination of legally and duly elected officials,” Raines said. On Saturday, Kevin Smith, a spokesperson with the FBI’s Minneapolis division, said the bureau was aware of the Instagram post and was looking into it along with other agencies. Raines said no one from law enforcement, nor from Holiday’s corporate offices, has contacted him. Raines revisited the Holiday men’s room Friday night and said the writing is now concealed with a smear of white paint and some black duct tape. A man who answered the phone Saturday at the store declined to comment to MPR News. Earlier this week, Omar was targeted in an anti-Muslim display at the state capitol in West Virginia. The state Republican Party’s display included a poster falsely linking Omar to the 9/11 attacks. Omar tweeted about both incidents Friday. She’s also been in the spotlight this week for again offending Jewish leaders after she made comments about Israel that some are calling anti-Semitic. Critics say she rehashed old stereotypes questioning the patriotism of Jewish American when she spoke at a forum Wednesday night in Washington D.C. with Rep. Rashida Tlaib of Michigan. View the full article
  16. Taariikhdu markay ahayd 28/02/2019 xiisad aan u lahaa oo aan u dhigaayay (arday jaamacadeed) mid ka mid ah (jaamacadaha) Hargeysa ayaanu dood ka galnay nidaamka guud ee bulsheed ee dalkeena, taasoo toos noogu biyo shubtay in aanu ka hadalno ciidamada siiba booliska. Fasalkaasi aan xiisada u dhigaayay waxay doodiisu xiiso gaar ah iigu yeelatay maadaama ardayda dhiganaysay ay isugu jireen da’o kala duwan laga bilaabo 22 jir ilaa 50 jir, taasoo ay xitaa ku jiraan kuwo ka mid ahaa jabhadii SNM, halka shaqooyinkooda hadda ay ku filiqsan tahay qaybaha kala duwan ee bulshada, taasina ay aragti kala duwanaasho weyn siinayso doodda. Doodaayadu waxay socotay ugu yaraan laba saacadood, taasoo ahayd su’aalo is-weydaarsi iyo inuu dacal walba soo bandhigo caddaymo uu ku xoojinaayo aragtidiisa, in kastoo xiisadaha aan dhigo aan mar walba ardayda ku dhiirigaliyo inay doodaan, isla markaana aan isla qodobkan hore uga doodnay fasalo kale oo ka horreeyey, laakiin arrinta igu kaliftay in aan qormadan ka diyaariyo doodaasi wakhtigan waxay tahay laba sababood dartood: Wacyi bulsheed oo soo kobcaaya maalmahan dambe oo soo fahmaaya xaqiiqada booliska, taasoo aan jecelahay in aan kaalin ka qaato kobcintiisa, iyadoo ay suuragal ahaan lahayd in haddii hal sano ka hor aan soo bandhigi lahaa aragtidan in aan ku keliyeysan lahaa. in aan awdo doodo-jaban oo caqliga khilaafsan oo lagu wiiqi karo fahanka waaqaca dhabta ah ee booliska oo ah inay yihiin dambiilayaal doonaaya inay noqdaan dambiilayaal sharfan. Aniga mawqifkaygu wuu caddaa oo waa ka sawirka ka muuqda, taasoo aan ku xusay si faah-faahsan buugga aan qoray ee magaciisu yahay (Xor Ma Tahay?) kaasoo ah in Booliska Somaliland yahay dambiilayaasha bulshada, isla markaana ay xoog iyo muquunin ku kasbadeen shaqadooda, bulshaduna ay cabsi darteed arrintaasi uga yeeshay, iyadoo ay dooddayda ka dhalanayso in aanay suuragalba ahayn in ciidamada booliska Somaliland laga filo inay sharci ilaaliyaan ama inay ku dhaqmaan. La Soco Qaybta 2aad…. F.G: iibso buugga (Xor Ma Tahay?) si aad qaab cilmiyaysan u fahantid nuxurkan, ka eeg faah-faahinta badhinkan (https://mxamdi.files.wordpress.com/2019/02/koobidda-buugga-xor-ma-tahay-ilaahay-keliya-addoon-u-noqoxamdi.pdf?fbclid=IwAR3f0RK_msafjNWqqJjN7BfduwWEOg_gJV4NLfszisBU77CB_nL4lwyKrW Fiiro Gaar Ah: Shabakadda Somalilandtoday marnaba masuul kama aha Ra’yiga Qoraha Sharafta leh waxaanay aragtidu ku kooban tahay Qoraaga maqaalka. Source
  17. Somalia’s northeastern regional state of Puntland has vowed a death penalty for everyone who commits rape in the region. A court in Nugal region of Puntland State sentenced five young men to death, officials said on Saturday. The young men were accused of gang-raping a woman in Galkayo, the regional capital of Mudug region in central Somalia. In a ruling on Saturday morning from the Magistrate Court in Nugal region said the five young men were convicted of the rape case. Four rapists fled to Qardho town while the fifth one was arrested in Galkayo as he tried to flee authorities. However, this verdict is not connected to the rape and killing of the 12-year old Aisha Ilyas allegedly raped, tortured and killed the previous week in Galkayo city Puntland. Four men were las arrested in Galkayo, Puntland in connection with the rape and killing of 12-year old girl on Sunday. The men were arrested on Tuesday afternoon by local authorities as the net is cast wide to nab the remaining three suspects. 12-year Aisha Ilyas was raped, brutally tortured and killed on Sunday by seven men. Her mutilated body was later dumped at her parents’ home. Residents said they were shocked by the incident. The regional head of Mudug, Abdulkadir Hussein Nur Dirir has confirmed the arrest saying that “the suspects if convicted, would be shot in public.” “If the court finds them guilty, we would shoot them in public at the full glare of all so as to serve as a warning to any man contemplating such an ugly move,” Abdulkadir described. He also warned about solving the matter by local traditional way known as Maslaha. Maslaha, is a system of resolving disputes in the Somali community. A group of elderly men gathers to find alternative dispute resolution in cases where the criminal justice system is deemed an open option. It’s a widely celebrated system, particularly in other contexts.However, it has been widely castigated when it comes to solving cases of sexual violence against women. Women dismiss the “Maslaha” as a council of men who decide for women’s concerns stating that no woman sits when verdicts are pronounced. View the full article
  18. (SLT-Jigjiga)-Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa Waxa uu dhalliilay shirka beelaha Dir ku qabsadeen magaalada Addis Ababa waxaanu dadka ka qayb galay ku eedeeyay kuwo dalalka jaarka ah ka yimid, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ahna guddoomiyaha xisbiga UPD ayaa shaaciyay nooca dowladnimada Soomaaliya ay u raadinayaan. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladnimada ay raadinayaan ay tahay mid umadda Soomaaliyeed u horseeda inay ka saarto cabsida iyo walwalka ay qabaan ee dhanka amaanka. Sidoo kale wuxuu sheegay inay raadinayaan mid ka fakarta Shacabka Soomaaliyeed oo la daala dhacaya dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira dalka. ” Dowladnimada aan raadineyno ma ahan mid dadka dhibta, ma ahan mid dadka Caburisa,ma ahan mid dadka noloshooda Ciriiri galisa Ilaaheey idinkiisna Waan keeneynaa”ayuu yiri Xasan Sheikh. “Waxaan dooneynaa dowladnimo sharaf iyo karaamo iyo xoriyad noo keenta, oo cabsida naga yareysa, waxaan dooneynaa dowlad aan dadka dhibin, waxaan dooneynaa dowladnimo dadka danahooda ka fakarta, waana keeneynaa Insha allah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hayay talada dalka muddo afar sano ah, waxaana uu ahaa madaxweynihii ka horeeyay Farmaajo oo si nabad ah xilka ku wareejiyay markii laga guuleystay kadib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa waxaa ay saaka ka anba baxeen magaalada Hargeysa. Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Darar Weyne gaar ahaan iskuulka Tababatada ciidammada oo ay ku jiraan dhalinyarro dhawaan xukuumadu u xareysay Barnaamijka shaqo qaran. Madaxweynaha ayaa ka qeyb-gali doona munaasibad dhalinyartaas loogu furaayo barnaamijka shaqo qaran. Warar hoose aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in dhallinyarro hore ugu guulaystay barnaamijka ay markii la geeyay deegaanka Dararweyne ay dib ugu soo laabteen guryahooda, taas oo aan ujeedada la garanay balse waxa ay sheegayaan wararka in wixii dhalinyaraddaasi loo sheegay iyo waxa ay meesha kala kulmeen ay kala duwanaayeen. Source
  21. Gaalkacyo (SMN) – Xafiiska xeer ilaalinta guud ee maamulka Puntland ayaa shaaciyay in xukun dil ah ay ciqaabtiisu ay noqon doonto qofkii geysta fal Kufsi ah. Maxamed Xareed Faarax xeer ilaaliye ku xigeenka maamulkaasi ayaa tilmaamay tallaabadan in ay soo afmeereyso tacadiyada ka dhanka ah haweenka. Dhanka kale waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug xalay ka dhacay kulan looga hadlayay amniga magaaladaasi. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan Puntland, saraakiisha ciidanka amniga maamulkaasi iyo waxgarad, iyadoona diirada lagu saaray, sidii wax looga qaban lahaa amniga gobolka Mudug. Wasiirka arimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Axmed Cabdiraxmaan Dhaban Cad ayaa odayaasha dhaqanka ka codsaday in aysan ka daba imaan dadka dambiyada ku eedeysan ee ay soo qabtaan laaamaha amniga. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida dilal qorsheysan iyo dhibaatooyin kale. View the full article
  22. (SLT-Gabiley)-laba Dumar ah iyo rag la sheegay inay Meheradaha dharka lagu tolo ee dawaarka ah ku lahaayeen Gabiley ayaa xabsiga Gabiley loogu guray sababo la sheegay inay xidheen dhar midabka Calanka Soomaaliya ee Buluugga ah u eg. Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Mustafe Sayid ayaa dhalinyartaasi ku booqday Xabsiga Gabiley, waxaana uu sheegay “labada hablood waan soo waraystay Maadaama oo aan ahay Gudoomiyaha Gudida Nabadgalyadda Golaha Deegaanka, diracyaddii lagu xidhayna waan soo arkay, Waa Dirac Buluug ah, oo Xiddigo Badani ku yaalaan, Calankii Soomaaliya maaha, Waa Dirac Buluugga ah oo illaa dhawr iyo labaatan Xidigood ku yaalaan, labadaasi Hablood Diricaasi ayay siteen oo Jabuuti looga soo diray, dirawaalihii tolayayna way u geeyeen, inankii dawaarlaha ahaa si xun ayaa loo garaacay, dil adagna waa loo gaystay, waanu xidhan yahay”. Arintan ayaa ku beegnayd wakhtigii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Safar ku marayay Goboladda Galbeedka Somaliland ee Gabiley iyo Awdal, Waana Todobaadkii hore uun, balse Shalay ayuunbay arintani soo shaacbaxday oo uu Xidhibaankanina ka hadlay. Daawo Xildhibaanka Oo Arintaasi Ka Hadlaya. Source
  23. (SLT-Laascaanood)-Amar lagu mamnuucayo calaamadinta iyo dhismaha dhulka ayaa si wadajir ah ay u soo saareen maamulka dawladda Hoose ee Degmada Laascaanood iyo Ciidammada Booliiska ee Gobolka Sool. Shir-jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Maamulka Dawladda Hoose iyo Boolisku ayay ku sheegeen in ciddii talaabo dhul aanay fasax u haysan qaadda ay la kulmi doonaan ciqaab. Maayarka Degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Xasan ayaa shacabka uga digay inay isku dayaan inay qaataan dhul aanay sharci u haysanin “Ciddii madaraq ku dhufata dhul aanay fasax u haysan tallaabo ayaan ka qaadaynaa, waxaana ay mutaysanayaan ganaax iyo xadhigba, ciddii dacwad qabtaana waa in ay dawladda hoose la xidhiidhaan iyagoon tallaabo qaadin” ayuu yidhi, Maayarku Sidoo kale, Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool ayaa isna sheegay in ay badatay dhibaatada isqabsiga dhulku “Sidaa darteed inaanu tallaabo ka qaadno dadka ku mamay dhulka waata ta keentay inaanu go’aan ka qaadano..” ayuu yidhi, Taliyaha Ciidammada Booliiska ee Gobolka Sool. Geesta kale, Taliyaha Booliska ee Gobolka Sool wuxuu waxba kama jiraan ku sheegay Warar sheegaya in Carruur lagu xaday magaalada Laascaanood, waxaanu sheegay in baadhitaan ay sameeyeen ka dib, xaqiiqsadeen in aanay jirin Carruur ka maqan Waalidiintooda oo Magaalada laga xaday. Ugu dambayn, Go’ aanka laga soo saaray Murannada Dhulka ayaa ah mid aad loogu baahnaa, maaddaama oo bilihii u dambeeyay ay Magaalada Laascaanood ka dhaceen rabshado salka ku haya muran dhul, kuwaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Source
  24. (SLT-Hargeysa)-12 Dhallinyaro ah oo loo haysto inay sameeyeen Mudaharaad Cabasho ah ayaa loo soo dhaadhiciyay Jeelka dhexe ee Hargeysa, ka dib markii Khamiistii Toddobaadkii hore laga soo qaaday Magaalada Gabiley. Dhalinyaradan ayaa laba ka mid ah waxaa la xidhay 22 kii bishii dhamaatay, ka dib markii ay dareenkooda ka dhiibteen su’aalo laga weydiiyay cisbitaalka magaalada Kalabaydh oo daryeelkiisa caafimaad laga deyriyey, halka toban dhallinyaro ah oo u badan Ehelka labada hore ee la xidhay na laga daba-geeyay oo la xidhay, iyadoo lagu eedeeyay inay waqti habeennimo ah mudaharaadeen. Mid ka mid ah waalidiinta dhalinyarada la xidhay oo saxaafadda la hadlay, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xadhigga Wiilashooda oo uu sheegay in si gaar ah loo bartilmaamedsaday. “In cid la xidhaa dhib maaha, laakiin, Dhowr arrimoodba waan la yaabnay, kow innamada hore ee la xidhxidhay haddaad eegto hadalkooda wax qof lagu xidho ma ay odhan. Waanad daawan kartaan Youtube-ka ayay ku jiraan waxay yidhaahdeen Wasaaradda caafimaadka waxqabadkeedu ma badna, Cisbitaalka Kalabaydhna wuxuu u baahan yahay shaqaale oo xataa dawooyin yar oo ay dhawaan keentay wasaaraddu cid bukaanka noo siisaa ma joogto. Markaa sababta marka koowaad ba loo xidhxidhay waanu la yaabay,” sidaas ayuu yidhi. Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaa kale oo aanu la yaabnay in dadkii cabashada la weydiiyay ee shacabka ahaa Macalin Khadar Siciid Muxumed iyo Mustafe Axmed Sheekh Maxamed oo kali ah loo bartilmaameedsaday ee Mandheera loogu diray, kii duubay hadii ay danbi tahay cabashadu iyo kuwii weheliyayna loo sii daayay. Ta kale, ee aan la yaabnay waxaa weeye nooca xukunka oo la yidhi waxaad wadeen kicin dadweyne ee lama odhan hadalkiinu been buu ahaa.” Waalidkan oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, ”Ta kale, waxaan la yaabnay toban kale oo dhallinyaro ah oo laba ka mid ah ay walaalo yihiin labada hore ee xidhanaa ayaa laga daba geeyay oo la yidhi waa dadkii aad kiciseen oo habeennimo ayay mudaharaadeen iyaddoo aan la cadayn oo xaafadahooda uun laga soo ururiyay inta magacyadooda la qorqoray markaa waxaanu is nidhi ma waxay u jeedaan, waxaa la isku xidhayaa Gobolkii Gabiley waad mudaharaadi gaadheen. Ta kale, waxaa la yidhi bil ayaa la idinku xukumay Haddana Gabilay waa laga soo dhaadhiciyay oo bishii kala badh baabay xidhan yihiine waxaa lagala doonayo Mandheera ee Jeelka Hargeysana loogu sii dhixiyay iyana waan ka yaabnay, waxaan u aragnaa in Maayarka Gabiley, Taliyaha booliska iyo Badhasaabku ay kicinayaan dadka.” Dhinaca kale, xildhibaan Mustafe Sayid Abokor oo ah guddomiyaha guddiga Nabadgelyada ee Golaha Deegaanka Gabiley, ayaa ka hadlay xadhigga dhalinyarada oo dareenkooda ku soo bandhigay bannaan-bax salmi ah oo ay kaga cabanayeen adeegga caafimaad ee cusbitaalka magaalada Kalabeydh. Xildhibaanku waxa uu masuuliyadda xadhigga dhalinyarada ku eedeeyey Maayarka magaalada gabiley. “Waxa Kalabeydh ka dhacay amar-ku taaglayn shacabka loo geystay. Dadka la xidh-xidhay waxay ka cowdeen cusbitaalka oo dayacan iyo baahida ka jirta. Waxa lagu eedaynayaa oo la leeyahay waxay ku mudaharaadayeen madaxweynaha, warkaasna waxba kama jiraan. Mudaharaadka la sheegayana cidiba ma ogeyn ee xadhiga dhalinyarada ayuunbaa lagu warhelay,” sidaas ayuu yidhi xildhibaanku. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Haddaan ka warramo sida wax u dhaceen, markii hore waxa la xidhay laba macalin, markii dambe oo xilli habeenimo ahna dadkii magaalada ayaa guryahooda loo daatay oo la soo xidhay oo Hargeysa oo daadhiyey, halkaasna waxa looga sii gudbinayaa Mandheera.” Xildhibaanku waxa uu ugu baaqay madaxweynaha Somaliland inuu soo faro-gelayo arrintan oo uu ku tilmaamay mid ku kooban Maayarka Degmada Gabiley oo uu ku eedeeyey inuu manjaro-habaabiyey cabashada daryeel la’aan caafimaad oo la sheegay inay ka jirto Cusbitaalka magaalada Kala-beydh. Source